
Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Darwish-land/ SSC State of Somalia Declared In Taleh While Awdal State President Visited Mogadishu Transforming Somalia Into Federalism awdalstate.com/ This week people in Sool, Sanaag and Cayn in the North Somalia came together inside and outside Somalia to decided the best for their residences in this region. An elders, youths, local politicians, women, respected Garads and cultural leaders all came together for on issue that was declaring their own administration under Somalia Federal System. The gathering hasn’t finished yet that attracted Somali media as well as Somalis around the world. Taleh town has historical views and Somalia as a whole as early as Sajid Mahamed Abdul Hasan in 1900 after he resisted an outside occupation. Although Sajid Maxamed Abdulle didn’t won the war against an outsiders, his leadership had given the world and the occupiers second thought that occupying other people country wasn’t an easy task. Now the same city which hold the historical Somali national movements also declared an autonomic Somali region where Somalis in this region currently working out the name of the region. Although they didn’t pick the name, Somali medias are saying the name can be either Darwish-land or Darwish-State of Somalia. The location of this Somali administration would be established between the two Somali regional Putland and Somaliland. This isn’t the only Somali regional state seeking an autonomy to self govern under broader Somalia Federalism but it’s parts of already others regions either working or on the way for self-determinations. Awdalstate of Somali, Somaliland, SSC now becoming Dar-wish State of Somalia, Gal-mudug State, Azania and many more. Having so many states in Somalia to secure their regions will easily make Somalia a Federal States. This will eliminate world organizations to have any other way if they want to stabilize Somalia other than smaller local administrations to govern themselves while Somali Federal Authority will deal an outside world. Besides Taleh decision, Awdalstate spreading like wildfire and won over it’s citizen abroad and inside Awdal where the man they elected taken Awdal interest out of the closet. When people listened his short but powerful speech in Adan Ade International Airport during his visitation in Mogadishu, his words are the real voices from Awdals. We are here in Mogadishu to work with Somali Federal Government as well as anyone or region that want Somalia to be stabilized nation. Mr. Rashid Nur Hirsi, Awdalstate president continued, we want people in Awdal to govern themselves and work with Somali Federal to make Somalia better. Depending how people interpreted the latest developments in N.Somalia, it can be helpful tips for both Somali nationals and few Somalis who want to tear Somalia a parts for their own good. For example, SNM should learn a lesson here what they couldn’t gained in peace and false clan democracy can’t get for war or scaring others for displacements. Any hostile act from all groups must be stop by Somalis and United Nations. In the meantime, SNM can dropped the dead-end idea of their “somaliland” chasing wild dream of nowhere for the last 20 years. They must realized what they called “somaliland” now limited to SNM region that consisted of Tog-dher, Berbera and Hargisa. The money they collecting from world organizations can be used to build roads, schools and creating jobs for their people while abandoning arming civilians against civilians, neighbors against neighbors because Somalis are tired wars. Or SNM can continues playing same tactics( Dhul-Maguuro Dad-kaa-Guura) Lands don’t moved, people do. This idea of land don’t moved but people do is what let to such a Seemaal crimes where people murdered at midnight while the criminals got away. It’s also dengarously promuting ethnic cleansing;therefore, snm has to understand people in Sanaag, Sool and Awdal regions can’t be moved out off their areas by another Somalis. Peace to all Somalis Axmad M.
-
January 12 , 2012: People of Laas Caanood are Ready to Welcome their New SSC Autonomous Regional State, SSC Leadership, SSC Intellectuals, G6/G15, SSC Delegates, SSC Traditional Leaders (Issimo+ Cuqaal), and every peace loving Somali. September 2011: People of Laas Caanood Welcoming G15 & SSC Khaatumo II Confrence
-
Thank You Brother Khadar, our SSC People adopted historic decisions to meet the challenges. Insha Allah Guul iyo Gobanimo SSC iyo Somalia Today SSC People are more confident and more united than ever alhamdulilaah, and they are hoping to overcome the crisis united. Insha Allah, Las Anod and other towns will be liberated soon by the new SSC State and Army. Laas Caanood People are at forefront of SSC Unionist Movement, and Laas Caanood Leaders are leading SSC Khaatumo Conference. SSC SPRING REVOLUTION 2012
-
Beelaha Puntland oo Taageeray ShirWeynaha Khaatumo II Bayaan Taageero Shirka Khaatumo Beesha Gobolka Bari Cali Salebaan Soo Sareen Byaan :Taageero Shirweynaha Khaatumo Ee Beelweynta Dhulbahnte Hadaanu Nahay Aqoonyahanka ,Waxgaradka ,Iyo Dhalinyarada Beesha Cali Saleebaan Waxaanu Halkan Ku Cadaynayaa Inaanu Si Buuxda U Taageersanahay Qabsoomida Shirka Loogu Magacdaray Khaatumo kaasi ay Beesha kaga tashaneyso I Hourumarinta Degaanadooda Halkan kadaawo sawirada oo dhamaystiran Ugu Dambayn: Beelaha cali salebaan waxay cadynayaan in ay Hiil iyo hooba la garab istagayaan walaalhooda Dhulbahnte ee shirka uga socda Magaalda Taleex Puntland. MAGACYADA DADKA KU SAXIIXAN BAAQAAN: 1 Boqor Cumar Ismaaciil Sanwayne 2 Suldaan Bashiir Muuse Koonte 3 Suladaan C/Laahi Saalax Jeenicad 4 Caaqil Qaxiye Maxmud Ciise 5 Caqil Maxmed Yusuf Khuurshe 6 Caaqil Cumar Yuusuf Dheere 7 Caaqil C/Rixmaan Cabdi Samad 8 Caaqil Maxmud Cabdala Waaberi 9 Caaqil Khaliif Maxamed Maxamuud 10 Caaqil Maxamuud Xasan Cumar 11 Nabadoon Muuse Xaaji Faarax 12 Nabadoon Maxamud Maxamed Cali 13 Nabadoon Abshir Idiris 14 Nabadoon Siciid Xasan Cumar 15 Nabadoon Shuxle Yasin Ismaciil 16 Nabadoon Maxamuud Saalax 17 Nabadoon Cabdi Budul Guhaad 18 Nabadoon Maxamuud Maxamed Cali 19 Nabadoon Abshir Yassin Dalmar 20 Nabadoon Sire Maxamed Jama 21 Nabadoon Maxamed Cartan Gurxan 22 Nabadoon Farax Xassan Cadoosh 23 Nabadoon Maxamud Siciid Caynab (Been Been) 24 Nabadoon Maxamed Yusuf Diratoore 25 Nabadoon Salaad Siciid yusuf 26 Nabadoon Cawil Maxamed Waceys 27 Caaqil Siciid Xuseen Cali 28 Sheikh Maxamuud Ismaaciil 29 Sheikh Maxamed Laylon 30 Sheikh Ibrahim Siciid 31 Sheikh c/rahman aw ciise 32 Sheikh Liibaan Mashruuc 33 Sheikh wacays Maxamud Cali wacays 34 Sheikh Adam Xusseen 35 Sheikh Yusuf Heeryo 36 Sheikh Liibaan Mashruuc 37 Sheikh Bashir Shekh Maxamud Fay 38 Sheikh Ibraahim Siciid 39 Sheikh Mubaarik Muuse Conte 40 Ganacsade Liibaan Maxamad Yuusuf (L/Dhere) 41 Ganacsade Maxamud Siciid yusuf Carab 42 Ganacsade Siciid Xussen Diriye 43 Gnacsade C/Risaq Axmed Jama (Neberi) 44 Ganacsade Xassan Cumar Siciid (Beder) 45 Ganacsade Axmed Siciid Suul-cayn 46 Ganacsade Xassan Aw Yusuf Dhega-cade 47 Ismaciil Siciid Xusseen (Kutuba-wayne) 48 Ganacsade Ismaaciil Kutub 49 Ganacsade C/Laahi Xirsi Cali (Hogato) 50 Ganacsade Fariid Xuseen Cali (Hogato) 51 Ganacsade Axmed Cali Jamac (Afbalaar) 52 Ganacsade Bashiir Ibraahim Xaaji Faarax 53 Ganacsade Raage Cali Hogato 54 Ganacsade C/Laahi Cali Hogato 55 Ganacsade Shine Xaaji Faarax 56 Ganacsade Ciid Xasan Jaamac 57 Ganacsade Faysal Maxamud Ibrahim 58 Ganacsade Abshir Gaash 59 Ganacsade Yasin Maxamed Maxamuud 60 Ganacsade Cismaan Siciid Cumar 61 Prof Maxamed Yuusuf Jaamac Afbalar 62 Prof Maxamed Siciid Aw Cali 63 Prof Ayaanle Maxamuud Af Balaar 64 Prof Yusuf Maxamed Caweys (Dhado) 65 Prof: Maxamud Musse Jama Sheikh Ciid 66 Prof: Maxamed Siciid Maxamed Caseyr 67 Prof Maxamed Ismaaciil Maxamed) Siibad 68 Prof Cabdiraxman farax Cali 69 Prof Maxamed Yusuf Colow 70 Prof Farax Maxamed Colow 71 Prof Digool 72 Prof Faysal Siciid Dheere 73 Eng Siciid Macalin Maxamed 74 Eng Maxamed C/Raxman Maxamed 75 Eng Muse Xasan Maxamed 76 Eng: C/Qadir Casayr Hogato 77 Eng Cabdi-karim Siciid Muumin 78 Eng Siciid Macalim Maxamed (Naaim) 79 Eng Axmed Cisman Sax 80 Eng Kaarshe Shire 81 Dr Maxamud Yusur 82 Dr Farax Xaaji Siciid 83 Dr : Ismacil farax yusuf (Dacam) 84 Dr: Maxamud Maxamed Qaxiye (Kanu) 85 Dr: Ahmed Yusuf Gallan 86 Dr: Ali Nuur Axmed 87 Dr: Barkhad cartan Gurxan 88 Dr: Maxamed Cusman Maxamed (Lambo) 89 Dr Axmed Siciid Qalombi 90 Dr C/Samad Maxamud Siciid 91 Dr C/Salaam Maxamud Siciid 92 Dr Faysal Jibriil 93 Dr Maxamed Cali Wabari 94 Dr Subeyr Maxamuud Jaamac 95 Dr Maxamed Ismaciil Maxamed Caways 96 Dr: Ahmed Hiirad 97 Dr Jamac Barako 98 Dr: Ismaciil Siciid Cali 99 Dr Cumar Maxamed Khuurshe 100 Dr: C/qadir Bashir Sheikh Maxamud 101 Dr Yassin Qaxiye Ciise 102 Dr: Burhan Mire Qaxiye 103 Dr: Abshir Siciid Farax 104 Drs: Sundus Sh Maxamed Layloon 105 Drs Idil Maxamud Jamac Afbalaar 106 Drs Fartuun Cali Farax 107 Drs Xaawa Maxamud Xassan 108 Drs Naciima Siciid Xassan 109 Drs Sucaad Siciid Maxamed 110 Drs Nawaal Siciid M Cassayr 111 Drs Layla Siciid Muse 112 Drs Fadumo Musse Gelle (Faroole) 113 Drs Roda Maxamed Khuurshe 114 Drs Intizar Awil Maxamed (Dhedo) ________________________________________________________________________________ Beesha Gobolka Mudug ee Cumar Maxamuud (**********) Oo Taageertay Shirka Khaatumo2 Walaallayaal marka hore naga guddooma salaan qaaliya oo idin kaga timi Walaalihiin Cumar Maxamuud, annagoo aad iyo aad ugu faraxsan shirkiina aad kaga tashanaysaan Aayaha ***********. Waxaanu idiin rajaynaynaa in Alle Shirkiina ka dhigo kii Walaalahayo, kaga baxaan dhibaatooyinka faraha badan ee idin soo wajahay. Annagoo ku kalsoon, Eebe idankii, inaad asiibi doontaan XALKA maanta laydin ka sugayo. Waxaannu si adag u aaminsan nahay inaan MASIIRKA Beesha Dhulabahante , aanu Gorgortan gali Karin iyadoo cid waliba ay xaq u leedahay inay ka Tashato Aayaheeda. Waxaanu sidoo kale aaminsan nahay inaan cidina idin ka hor istaagi Karin inaad raadisaan halka ay ku jidho Danta Beeshu iyadoo aan cidna lagu xurmaynayn, raali galinayn, lagalana tashanayn. Waxaannu cambaaraynaynna cid kastoo isku dayda inay khal khal galiso Shirka Khaatumo2 iyadoo ka dhex eegaysa danaheeda gaarka ah. Sidoo kale. Waxaannu uga digaynnaa beelaha kale inaanay marna isku dayin inay Majara habaabiso Shirkiinna Qaaliga noo ah, annagoo hubna inaanay waxba uga suurta galayn. Baqdin weyn ayaa dadyow badano oo idin jecel ka muujinayeen in Shirku dhacayo iyo in kale. War maxaa xigi ayaa la lahaa, haddii Khaatumo 2 dhici weydo! Allihii idiin suurta galiyay ayaannu ku MAHDINAYNAA. Waxaa xaqiiq ah inaan laydin kugu abaal gudin saad ugu dadaasheen in Magaca Mandiqaddani kor noqdo, iyadoo la’aantiin aynan marna curteen Maamullada hareeraha idinka xigaa. Waa ayaan darro dhacday, waana ka xun nahay sida ay wax noqdeen. Ugu danbayn waxaannu idiin caddaynaynnaa inaanu diyaar u nahay inaan Taageerno go’aan kasta oo *********** ku midaysan yahay ama waxgaradkiisu u Guddoonsho, waayo dantayada ayaa ku jirta inaad XAL heshaan. (waana naga daacad ), u hadli mayno, cidaan Beeshayada ahayn. Hadday taariikhda gashay in *********** Shan Jamhuuriyadood ( oo Sayid Muxamad) ugu horreeyay ay soo dhiseen, Puntland-na ugu dambaysay WAANNU HUBNAA INAAD KU FILAN TIHIIN AAYAHA *********** MEEL KASTBA KU FUREE, OO DANTIINNU KOW KA TAHAY. ALLAHA IDIN GUULEEYO IDIINNA GARGAARO. 2012 ku waa Sannadkii Guusha Beesha *********** Alle idankii. Walaalihiin Aqoonyanka, Wax Garadka, Saraakiisha, iyo Siyaasiyiinta Beesha CUMAR MAXAMUUD. Nabadoon Abdirahman Hussein Said Nabadoon Osmaan Dhiito Nabadoon Abdi Dirie Guyo Nabadoon Mohamud Elmi Nabadoon Ciiro Mohamed Omar Nabadoon Yaasiin Abdisamad Omar Nabadoon Abdirahman Bihi Nabadoon Jama Farah Egal Nabadoon Ali Ahmed Jahaf Nabadoon Abdulahi Tahlil Barre Nabadoon Abshir Hashi Botan Sheikh Abdirahman Salad Diirshe Dr.Mohamed Ali Yusuf Farah Abdi Warsame Elmi Ali Guuleed Dr.Bashiir Ali Bihi Abdisalan Farah Hoolif Dahir Abdulqadir Farah Abdirashid Ali Hashi Dhuubane Dr.Mohamud Salad Aden Eng Yusuf Ali Herzi Eng Abdulqadir Mohamud Mohamed Gen.Abdulahi Ali Mire Gen.Abdirazaq Sheikh Osman zakarye@gmail.com
-
Walaalaha Awdal State oo Taageeray Shirka SSC Khaatumo I I Awdal Online & Awdal State " SHIRKA KHAATUMO TALEEX ee Beelaha SSC waa Guul usoo hoyatay SSC, AWDAL STATE iyo Dhaman INTA JECEL MIDNIMDA iyo QARANIMDA UMADDA SOOMALIYEED. " http://awdalstate.com/?p=8141 shirka taleex oo in badan la sugayey lana saadalinayey aya ka furmay magalada tariikhiga ah ee Taleex bishan Dec 25 keedii.Waxa uu shirku dabasocda shirki Khaatumo 2 oo hore uga dhacay London kaasoo ku baaqay in shir weyne isugu yimaaden beelahas SSC oo lagu qabto dhulka ay beesahu degto.Tabaabulsho dheer oo la galay ka dib waxa nasiib wanaag noqotay in shirkii qabsoomo sidii logu talagalay iyadoo dhaman ay ka so qayb galeen bulshadii SSC wufuud ka kala socda oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo gudihiisa intaba.xubnaha dibadda ka yimid waxa ugu caansan Siyaasiga ruug cadaga ah Cali khalif Galayr iyo aqoonyahano kale oo magac ku leh bulshada SSC .Waxa kalo ka mid ah madaxdhaqmeedyo sida garaaddo caan ku ah bulshada iyo waxgarad, culimo ,cuqaal ,haween iyo dhalinyaro ka kala socday qaybaha bulshada.Waxa kalo madasha an si buuxda uga so qayb galay madax iyo saraakil ka tirsan ururka SSC. Shirku waxa uu ku furmay jawi aad u qurux badan iyadoo la rajaynayo inay ka soo baxan go,aano tarriiikhda gala isla markana bulshadan SSC ka sabata bixiya hagardaamooyinka iyo dulmiga ku habsaday bulshadan 20 kii sano ee u dambnaysay ee uu burburay qarankii Somaliyeed. Shirka tariikhiga ee TALEEX waxa isha ku haya dhamaan umadda Somaliyeed ee jecel midnimada iyo inan qarankii somaliyeed ee buburay markale dhidibada u taagno iyadoo la ogyahay in bulshada SSC ay hormood u ahaayeen Halganki dheeraa ee Daraawiishata ee uu hogaaminyey Geesiyigii Weyna Sayid Mohamed Cabdille Xasan bilowgi qarnigii hore marki gumaystuhu carigeena cagaha soo dhigay.Xarunta TALEEX ee shirku ka furmay waa xaruntii halgankii Darawiishta ee gumaysigii Ingiriisku ku weerayay Diyaarahadaha 1920 marki ugu horaysay tariikhda Afrika ka dib marki uu jabankari waayey halganki Darawiihsta oo socday muddo 20 sano ah 1900-1921. Waxa kalo shirka si qoto dheer ula socda dhaman bulshada iyo beelaha dega goboolada woqooyi iyagoo runtii ku kala aragti duwan guusha iyo go,aanada shirku qadan doono dhamadkiisa. Hadii an Tussalean idiinku soo qaado bulshada AWADAL STATE ee ku dhaqan gobolada galbeedku waxay shirka u rajaynayaan GUUL iyo MIDNIMO Tarriikhda gala sidi hore u dhacday. HALKA BEESHA DHEXE Maamulkeeda Hargaysa uu ku dadalayo inuu shirka inuu fashilyo intii awoodiisa ah .Qoraalo hordhac oo ku saabsan shirka TALEEX ayaa muujinaya WAR WAR IYO WALAAC aan abid soo marin Maamulka Hargaysa 20 kii sano ee udambaysay.Taso si cad u sheegaysa in awooddi ay adeegsanjiren ay farahooda ka baxday waa xukumadda Ethopia. Qoraalkan oo ku soo baxay saaka warbahinta Hargaysa ayaa ka hadlayaa guuldarooyinka soo wajahay HARGAYSA ee ku sabsan shirka TALEEX. Beelaha Mogadishu iyo Koonfirta Somalia Oo Si Weyn U Taageertay Shirka Khaatumo IYo Go-aankii Dhaxal Galka Lahaa Ee Shalay Ku Dhawaaqeen Ergadii, Soona Dhoweeyey Maamul-Goboleedka Cusub ee Gobolada SSC http://allbanaadir.com/news.php?readmore=2028 Ku:-Saxaafada Madaxa Banaan Dhammaan Waxgaradka,Ugaasyada,Culumaa,udiinka Haweenka & Dhalinyarada Beesha Maxamud Hiraab (Duduble) ayaa si aan kala harlahayn u taageeray Shirka Khaatumo2 ee kasoconaya Magaalada Taleex. Waxayna beeshu u aragtaa shirkaas mid ay uga gudbayaan dadka dega degaanada SSC.dhibaatooyinka ay kala kulmeen Maamulada Haybta Kudhisan ee kajira Magaalooyinka Hargaysa & Garoowe. Sanadadii ugu danbeeyey dadka dega Gobolada SSC.waxay ku jireen kadeed siyaasaded oo dhinac walba ah. Hadaba Beelweyna Maxamud Hiraab iyo Beelaha dega goboladaas aan soo sheeganay waxaa kadhaxeeya xiriir dhaqan iyo mid dhalashaba. Sidoo kale Ganacsatada Beesha Duduble ayaa dhankooda sheegay inay kaqabqaadan doonaan sooryeynta ergada taleex si ay u muujiyaan taageeradooda walalnimo. Maahin markii ugu horeysay ee labadan beelood iskaashi dhexmaro, waxgaradka beesha maxamud hiraab ayaa sidoo kale ku booriyey beelaha SSC inay si wadajir ah wax uga soosaaraan shirka ayna ka gudbaan kala taageerida maamulada ciriiriga geliyey siyaasiyan iyo ijtimaaciyanba(bulsho ahaanba). Ugu danbayntiina waxay beelweyntu kusoo gebagebaysay qoraalkeeda taageerada ah in la dhowro midnimada. ummadda soomaliyeed, lagana shaqeeyo sidii bulshada loogu dhiirigelin lahaa inay waxtarka midnimada iyo wadajirka. Loona iloobi lahaa wixii horey u dhacay si loo gaaro waayo cusub oo horumar leh. Khaatumo2 guul ayaan u rajaynaynaa iyo is afgarad Suldaan Ali Abdulahi Hassan shacbaan5@hotmail.com +46734896543 Västerås Sweden Xafiiska Warbahainta Allbanaadir.com Muqdisho Somalia 'Allbanaadir@live.com
-
A_Khadar;773448 wrote: Hogaamiyaha SSC Dr Saleebaan Ciise Axmed Kaar ( Xagaltoosiye) ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida Geesinimadda leh ee Ergooyinka shirka Khaatumo2 u gaadheen go’aanka miro dhalka ah, waxana uu Dr Xaglatoosiye ka war bixiyey ujeedadii ku kaliftay in uu Siyaasi noqdo Hogaamiyaha SSC waxa uu sheegay in xilkii ay hayeen ku wareejinayaan cidkasta amase Maamulkasta oo geedkan hoostiisa laga xulo isla markaasna uu la shaqayn doono, Audio of Xaglo Great speech by the SSC Leader Sulieman Xaglatoosiye, excellent Masha Allah Hogaamiyaha SSC oo Cadeeyey In uu Xilka Ku Wareejinayo Cidii Ergooyinka SSC Ay Taladda u Igmadaan
-
Libaax-Sankataabte;773418 wrote: Thanks for the update. All that was required was unity and focus in the Khaatumo II grand conference. The people of SSC have succeeded in shaping their future. Moving forward is not an option. It is a requirement. There is no other alternative in my opinion. You are welcome Libaax, SSC People have achieved a historic unity and historic success. True, there is no turning back, for the SSC Spring Revolution. I wish for SSC, Puntland, Awdal, Maakhir, Gedo, Galmudug, Northwest, Hiiraan, Azania, and all regions of Somalia, everlasting Peace and Prosperity, and development. Insha Allah, waxaan Allah ka rajeenayaa in dhamaan Gobolada Dalkeena Somalia ku waaraan Nabad, Barwaaqo, Midnimo, Hurumar, amiin, amiin.
-
A_Khadar;773422 wrote: Liibaan Thanks so much for updating. Please keep this thread dedicated to KH2.. This the sum up for today's All parties attended the conference - All isims, SSC side, the 345 reps, and all other committees (g6, g30). Today’s agenda was to inclusively support the new admin. Then all parties spoke and supported unconditionally. Saying that we no longer part of any other admin neither p/l or s/l but ssc is it's own admin free from other admin of its sides. This is was historic achievement for SSC people. Tomorrow Friday, unlike previous Fridays, the conference will continue and now it's time to layout the blueprint of the new admin. Things are moving to right direction.. Allahu Akbar.. You are most welcome Brother Khadar, I agree 100%, This is was historic achievement for SSC people. Hambalyo Dhamaan SSC iyo Somalida Midnimada Jecel. Insha Allah Guul iyo Gobanimo SSC iyo Somalia
-
Faisal Waraabe "Maantana Waalaahi inaanaynu SSC iska Celin Karin, Ee Maanta Somaliland Way Qaawantahay " Halkan Ka Dhageyso http://sunatimes.com/playaudio.php?id=509 Siyaasiga ka soo Jeeda Gobaladda Somaliland ee Faysal Cali Waraabe ayaa ku Tilmaamay Maamulka Somaliland inuu yahay mid Bur-Bur qarka u saaran kadib Markii ku yimaaden Fashilo Baddan oo dhanka Siyaasadda Iyo Khilaafaad ah, Faysal Cali waraabe oo sharaxaya Xaalka Maamulka Somaliland uu maraya ayaa Yiri " Itoobiya iskadaayee Xataa SSC iskama celin Karno. Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo uu u soo dhamaaday Shirka Xisbigaas ayaa Haddaladiisa laga dareemayay kuwa Liita. Faysal Waraabe " Waad Ogtihiin Maanta dhibaatada lagu jiro nolosheenu siday tahay, waad ogtihiin in Dalku Bur-bur ku dhaw yahay oo Taleex Shir Maamul-Goboleed Lagaga Dhawaaqaya ka socdo oo la Doonayo in SomaliWeyn Laynagu Daro, Dhexdeediina Maamul-Goboleed Laga Sameeyey, waad ogtihiin Maalintii Siyaad Bare aynu la dagaalamaynay inay noloshu sidan ka fiicnayd, maantana Waalaahi inaanaynu SSC iska Celin Karin” Saciid Sulub (Udub), ugu horayn arintaasi ka hadlayna ayaa yidhi “Dalkii wuu soo uruuray Taleex shirbaa ka socda waxaana laga taagay calankii buluuga ahaa dawladuna way daaawanaysaa ilaa markii la soo qaban qaabinayay" __________________________________________ Qarannews Mushahaaraadkii Shaqaalaha snm/somaliland oo Bishani La Geeyay Deegaanka SSC iyo Baanka Dhexe oo Haawanaya Mushaharaadkii shaqaalaha Dawlada Somaliland ayaa gabi ahaanba aan iyagu bishani qaadan iyadoo bisha Janauryna ay tahay 10 taasi oo markii ay shaqaale badani dalbadeen mushaharkoodii ay wasaradahoodii siiyeen loogu jawaabay in baanka dhexe aanay xiligani wax lacag ahi ku sugnayn lacagtii soo xerootayna loo qaaday dhanka deegaanka Buuhoodle oo xukuumadu had aka wada diwaangalinta ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo deegaanka laga abuuri taasi oo xiligani ay hormood ka yihiin qaar ka tirsan maleeshiyada Nabad diidka ee S.S.C oo dhwaan u soo maleegay xukuumada Siilanyo Filim taxane ah oo ay ku doonayaan lacag Malaayiin Dollar ah taasi oo ah hantida Umada Somaliland. Waxaana Dhawrkii Maalmood ee ugu danmbeeyayba Deegaanka Widh-widh oo hoos yimaada Gobolka Buuhoodle ku sii qulqulayay gaadiidka iyo saraakiisha sirdoonka xukuumada siilanyo ee siday lacagtaasi taasi oo wajigeedii koowaadba uu maalintii shalay ahayd gaadhay gudaha Buuhoodle. Dhinaca kalena Wasiirka Maaliayada Somaliland Eng Maxamed Xaashi ayaa isaguna dhinaciisa Niyad Jab weyn ka Muujiyay arintani lagu faaruqiyay Baanka Dhexe isla markaana qarka u saran inuu iska casilo xilkani iyadoo la sheegay in madaxweynaha uu gudbiyay waraaq ku aadan inuu ilaaliyo wixii uu ugu dhaartay Bulshada Somaliland oo ahayd cadalaada iyo wax isdaba marin la’aan. Ugu Danbayntiina Arintani ayaa Ku Soo Beegmaysa xili xukuumadu Kuu Guulaysan Weyday inay hor istagao go’aamada Khatarta ku ah Qarinimada iyo Jiritaanka Somaliland ee Ka Soo Socota shirweynaha Khaatumo ee ka socda Magaalada Taleex. Ugu Danbayntiina Wejigani Cusub ee Faruuqinta Baanka Dhexe iyo Ku khamaarista Hantida Umada ayaa iyadu xiligani dhalinkarta Dufaano Shaqo joojin ah oo ka bilaabma dalka kaasi oo kala fogaynkara dawlada iyo Dadkeeda. Maxamed Axmed Cali Burco
-
Somalilandfuture.com: Madaxweyne Siilaanyo oo Isugu Yeedhay Baarlamaanka, Xaalada Cirka Isku Sii Shareeraysa Iyo Ciidamadda oo Heegan la Galiyay. Xaalada Sii Cakirmaysa ee Lagu Mijo Xaabinayo Somaliland ee Shirka Taleex ee Beelaha SSC Kaga Dhawaaqeen Maamul-Goboleedka Cusub ee SSC Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la sheegay in shalay isugu yeedhay Shirguddoonada labada Gole Baarlamaan isla markaana uu ka codsaday inay Xildhibaanada labada Gole fadhi isugu yeedhaan maalinta sabtida ah si go’aan looga qaato xaalada sii cakirmaysa ee lagu mijo xaabinayo Somaliland ee Shirka Taleex ee Beelaha *********** kaga dhawaaqeen Maamul Goboleedka. Ilaa hada ma cada Madaxweyne Siilaanyo go’aanka uu la hor tagi doono Fadhiga la sheegay inuu iskugu yeedhay labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland hase yeeshee waxay xaaladu u egtahay in lagu dhaqan gelin doono sidii talaabo Milatari loogu waajihi lahaa arrintan maadaama markii hore Xukuumaddu dhayalsatay wax ka qabashadeeda imikana ay marayso meel khatar ku ah Sumcadii Somaliland lahayd. Waxaanay wararju sheegayaan in Heegan la galiyay Ciidamadda si aanay kooxda shirkaa wadaa fursad ay isku sii balaadhiso u helin. Xukuumadda Somaliland ayaa shalay joojisay Mushahar ay siiso Ciidan Beeleed ay Taleex ku qaramaysay kuwaas oo la sheegay inay ilaaliyaan shirka Taleex ee lagaga soo horjeedo Somaliland balse sida warar danbe oo aanu helnay sheegeen way u fasaxday markii danbe Dhinaca kalena waxa meelo badan oo ka mid ah Deegaanada Sool ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerao Shirka Taleex kuwaasoo khasaare dad lagu dhaawacay ka dhashay sida wararku xalay sheegayeena Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladda Buuhoodle ayaa shalay sameeyay dibad-bax ay ku taageerayaan go’aanka laga soo saaray shirka Khaatumo 2 ee degmada Taleex ee gobolka Sool uga socda beelaha ***********.Dibad-baxan oo ahaa mid Somaliland ka dhan ah ayaa waxa dadwaynaha kala hadlay Odayaal reer Buuhoodle ah oo taageersan maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Khaatumo 2, iyagga oo dadku ku qaylinayeen kalmado ka dhan Somaliland, isla-markaana ugu sacabo tumayaan inay samaystaan maamul u gaar ah. Dadkan oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Buuhoodle ee maamul goboleedka Puntland u jooga halkaasi Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, ayaa baaq u diray ciidamadda ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ee ku jira ciidamada Puntland inay ka soo baxaan oo ay hoos tagaan shirka Khaatumo. Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, waxa kale oo uu halkaasi kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Puntland, isaga oo tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato maamulka la sheegay in la yagleelayo. Dhinaca kale, odayaal la sheegay inay ka soo kicitimeen dhinaca Magaaladda Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland oo ka soo horjeeda maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Taleex ayaa la sheegay inay abaabul ka dhan ah shirkaasi isla-markaana Somaliland dan u ah ka bilaabeen Magaaladda Laascaanood, iyagga oo kulan la yeeshay badhasaabka gobolka Sool Maxamed Jeeni-yare. Raggan oo la sheegay inay awal ka soo horjeedeen Somaliland ayaa abaabulaya dad si ay u baajiyaan go’aamada la filan karo inay shirka Taleex ka soo baxaan, raggan oo ay ka mid yihiin Axmed Geelle, Nuux Yaasiin iyo kuwo kale ayaa la sheegay inay badhasaabka ka dalbadeen inuu ka taageero hawsha ay wadaan. Dhinaca kalena waxa xalay magaaladda Laascaanood ka dhacay isu soo bax balaadhan oo lagu taageerayo shirka Taleex waxaanay ciidanka Booliisku isku dayeen inay kala diraan balse markii danbe waxay u adeegsadeen tacshiirad taasoo sababtay in xaaladu cirka isku sii shareerto oo ciidamada dib looga qaaday. Si kasta ha ahaatee tan iyo intii uu shirkani bilaabmay waa soo baxaya Tuhuno badan oo shaki galiyay dadweynaha kuwaasoo ilaa hada kala saari la’ mawqifka Xukuumadda ee shirkaasi oo markii horena Saamayn ku lahayd qaban qaabadiisa ilaa hadana qaadi kari la’ talaabo lagu qanci karo oo wa lagaga qabanayo haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid Ciidan toona. Maaliyaddu ku xanibtay ahaa mid lagu deg degay oo aan laga fiirsan khatarta ka iman karta haddii ay tahay Ganacsi iyo mid Dublamaasiyadeed labadaba __________________________________________________________ http://www.ishasomaliland.com Madaxweyne Siilaanyo Oo Ay Hogaamintii Dalku Ku Soo Oodantay Sanad Gudihii Siilaanyo, ayaa waxa soo waajahday xaalad siyaasadeed oo adag ka dib markii degmada Taleex ee gobalka Sool lagaga dhawaaqay maamul goboleed ka dhan ah Somailland oo ay samaysteen beelaha SSC Maamul goboleedkan ayaa dadka siyaasadda falanqeeyaa waxa ay tilmaamayaan inuu Somaliland ku noqon doono caqabad hor leh oo soo waajahday islamarkaana abuuri doona dhibaato ka badan dagaalkii ay maleeshiyaadka nabad diidka ah ee SSC ku hayeen qaranimada Somaliland. Maamul goboleedka lagaga dhawaaqay degmada Taleex ayaa ahaa mid ay bulshadu in badan ka sii digaysay dhibaatada uu abuuri karo, laakiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaan dheg jalaq u siin digniinihii mucaaradka iyo baaqyadii shacabka jecel qaranimadooda, waxaanay xukuumadda Somaliland ku fashilantay inay jid siyaasadeed, mid amni amaba mid sirdoon kaga hortago shirkaasi inuu qabsoomo, waxaana la aaminsanyahay in xubno badan oo ka mid ah ragga shirka ka qayb galay ay ka soo degeen garoonada diyaaradeed ee Somaliland iyadoo kuwo kale oo uu ka mid yahay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo iyaguna ka soo degay dalalka jaarku ay si fudud ku soo galeen xuduudka Somaliland oo ay xukuumadu ku faanto inuu suganyahay. Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii uu xilka ku wareejiyay Madaxweyne Siilaanyo oo doorashadii kaga guulaystay, wuxuu halkaas ka jeediyay khudbad ay dadka badankiisu imika dib u milicsadeen, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Axmed nasiib wanaag ayay u tahay maanta dal dhisan oo nabad ah oo wada jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan inuu maanta la wareegayo.” Hadalkaas Daahir Rayaale Kaahin waxa ka dhadhamayay in waxa ugu weyn ee uu ku faanayo sideedii sanandood ee uu xilka hayay ay tahay ilaalinta midnimada iyo wada jirka shacabka reer Somaliland, marka xaqiiqda la dul istaagana ma jirto guul ka weyn oo uu kuba faani lahaa. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo sanand iyo badh hayay talada qaranka Somaliland ayaa hadda u muuqda inuu furfur ku imanayo qaranka Somaliland, mar haddii gudaha Somaliland lagaga dhawaaqay maamul goboleedka aaminsan fikirka Somaliweyn. Lama garan karo doodda uu Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabi karo dareenka shacabka xilka ugu dhiibtay cod aqlabiyad leh oo la odhan karo haddii ay arrimahan sii ogaan lahaayeen malaa codkooda way hubsan lahaayeen. Marakse laga tago doodda uu Madaxweynuhu isku difaaci lahaa, waxa cad oo aanay cidina dood ka keeni Karin inay qaranimadii Somaliland halis ku jirto. Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer soo ahaa hoggaamiye mucaarad ah, waxa keliya ee uu u cuskan jiray cambaarayntii uu Daahir Rayaale u jeedin jiray waxay ahayd inuu Mr. Rayaale ku hawlanyahay kala fogayn beelaha Somaliland iyo weliba inuu dalka la degay musuqmasuq aafeeyay. Laakiin labadan qodob iyo kuwo kale oo tiro badaniba waxa ay la soo gudboonaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Si kastaba ha ahaate laba qodob ayaa Madaxweyne Siilaanyo la gudboon kuwaas oo kala ah inuu muddo gaaban gudaheed isbedel gun iyo baar ah ku sameeyo siyaasadihiisa iyo itijaaha ay xukuumadiisu ku socoto iyo inuu umadda dooratay dib ugu celiyo amaanadii ay u dhiibteen mar haddii uu wadi kari waayay. Wixiise labadaas qodob ka baxsan natiijadooda ayaa la arki doonaa. ishasomaliland/Hargeysa ______________________________________________________________________ Ramaasnews (Somaliland) Taliska Ciidamada Qaranka Oo Ciidan Laxaadle Saaka Hargeysa Uga Diray Dhanka Gobolka Sool Oo Dhaqdhaqaaqyo Somaliland Diid Ahi Ka Socdaan Iyo Shirkii Taleex Oo Saaka Dib U Furmay. Hargeysa (Ramaas) Jan 12,2012 – Taliska ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ciidamo faro badan u diray gobolka Sool ee beelaha *********** ka wadaan dhaqdhaqaaqyada ay kaga soo horjeedaan Somaliland. Ciidamadan dawlada Somaliland u dirtay oo badankooda subaxnimadii hore ee maanta ka baxday Magaaladda Hargeysa ayaa la sheegay inay gobolka Sool u tagayaan inay xoojiyaan ciidamada qaranka ee hore ugu sugnaa jiida hore ee gobolkaas. Dadwaynaha reer Hargeysa ayaa saaka daawanayey in ka badan 10 beebee iyo gaadiidka lagu qado ciidamada lugta oo ka baxaya Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo aad u qalabeysnaa isla-markaana sitay hubka noocyadiisa kala duwan. Dhanka kale, sansaan colaadeed ayaa ilaa xalay ka taagnayd gobolka Sool, iyadda oo ciidamada booliska ee Magaaladda Laascaanood ay xalay isku dhaceen dadwaynaha halkaasi dagan oo damcay inay inay sameeyaan dibad-bax ay ku taageerayaan maamulka laga iclaamiyey shirka Taleex. Dhanka kale, shirkii Khaatumo 2 ee degmada Taleex ee gobolka Sool oo shalay baaqday ayaa maanta dib uga bilaabmay halkaasi, iyadda oo ciidamada sugaya amaanka shirkaasi ee ka soo kala jeeda beelaha *********** ay xidheen odey Magaciisu yahay Maxamuud Cadami oo ka soo horjeedsaday go’aanka shirkaasi ka soo baxay. Ramaasnews Desk _____________________________________________________________________________
-
SSC SPRING Laascaanood Oo Ilaa Xalay iyo Maanta Kacsan, Kacdoon Shacbi Oo Halkaasi Ka Qarxay iyo Dad lagu Xasuuqay !!! http://sscnews.com Waxaa xalay fiidnimaadii ka bilowday magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool dabaaldeg xoogaan oo loogu dabaal degayo maamulka cusub ee deegaanda sool sanaag iyo cayn. dadwaynaha oo ku jira xaalada dabaal dega ayaa waxaa carqaladeeyey ciidamada maamulka Hargeisa kuwaasi oo isku dayey inay joojiyaan dabaaldegaasi. intaaas kadin ayaa waxaa arinkaasi ka gadooday shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool kuwaasi oo bilaabay inay sameeyaan banaan bax ay ku taageerayaan qodobada shirka iyagoo sidoo kalana aad u cambaareeyay cabudhinta uu ku hayo maamulka SNM ee kusoo duulay Deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. Ciidama Maamulka SNM ayaa xalay waxaa gashay cabsi aad usaraysa markii ay dadka umaarawaayeena waxay dantu ku kaliftay ina sameeyaan dib ugurasho ayna faaruqiyaan gudaha magaalada Laascaanood. Dabaaldegyada ayaa si habsami ah xalay oo dhan uga soconayey wadada laamiga ah ee magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool iyadoo sidii ay usoconayeen lagu adimay salaadii Subax. Saaka barqadii ayaa waxaa weerar rogaal celina kusooqaaday dadka shacabka ciidamada Maamulka SNM kuwaasi oo si bini aadanimada ka baxsan Hubka noocayadiisa kala gedisan ufuray suuqyada magaalada laascaanood iyo weliba xaafada koonfureed magaalada halkasi oo ay dhaawacyo kala gedisan soo gaadhsiiyeen dadka shacabka ah. Waxaa hada xaaladiisa caafimaad laga dayrinayaa Aadan Geele Yare oo dhaawac culisi kasoo gaadhay lugaha markii lagu dhuftay qori dhishiika ah waxaana hada lagu dabiibayaa cisbitaalka manhal ee magaalda Laascaanoood. xaalda magaalada ayaa kacsan hada iyadoo rasaas goosgoosana laga maqlayo qaybo badan oo kamida xaafadaha kala gedisan ee magaalda laascaanood waxaana wararku sheegaan inuu ha’kad kujiro isusocodka gaadiidka magaalada iyo weliba ganacsigu. Tikinoko tirabeeshay ayaa lagu daadiyey gudaha magaalada iyagoo xasuuq ba’ana ugaystay dadka shacabka ah. Ssc News Online ________________________________________________________________________________________ Maleeshiyaakii SNM/ Somalidiid-land oo Xasuuqayay Shacabkii Reer Lascanood Waxaa hada ka socoda Mudahaaraad balaadhan Gudaha magaalada lascanood siiba Xaafada waa weyne Hotal Royal iyo Masaajidaka Al-Hudaa , waxaana hada Baroonka lala dhacayaa shacabkii Mudahaaradaya waxaan dhulka la dhigay u dhacay oo ay baxad boroonka ku dhacay oday aad u weyn oo mudahaadka ku jiray oo naftu uun ku sii jiray oo loola cararay dhinaca cusbitaalka guud ee magaalada Lascanood. Guudahaan magaalada lascanood ayaa saaka soo galay Tikniko aad u tiro badan oo ay wataan Beesha ***** iyo daba dhifyada sandareerada qaata ee uu ka mid yahay inna cabaashe oo maalin dhawayd Yagoori laga soo dhacaydhsaday. ______________________________________________________________________________ Xasuuq, Jidhdil iyo Cabudhin Lagula Kacay Shacabka Reer Laascaanood! Horafadhi.com Laascaanood- Waxaa xalay fiidnimaadii ka bilowday magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool dabaaldeg xoogaan oo loogu dabaal degayo maamulka cusub ee deegaanda sool sanaag iyo cayn. dadwaynaha oo ku jira xaalada dabaal dega ayaa waxaa carqaladeeyey ciidamada maamulka Hargeisa kuwaasi oo isku dayey inay joojiyaan dabaaldegaasi. intaaas kadin ayaa waxaa arinkaasi ka gadooday shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool kuwaasi oo bilaabay inay sameeyaan banaan bax ay ku taageerayaan qodobada shirka iyagoo sidoo kalana aad u cambaareeyay cabudhinta uu ku hayo maamulka SNM ee kusoo duulay Deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. Ciidama Maamulka SNM ayaa xalay waxaa gashay cabsi aad usaraysa markii ay dadka umaarawaayeena waxay dantu ku kaliftay ina sameeyaan dib ugurasho ayna faaruqiyaan gudaha magaalada Laascaanood. Dabaaldegyada ayaa si habsami ah xalay oo dhan uga soconayey wadada laamiga ah ee magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool iyadoo sidii ay usoconayeen lagu adimay salaadii Subax. Saaka barqadii ayaa waxaa weerar rogaal celina kusooqaaday dadka shacabka ciidamada Maamulka SNM kuwaasi oo si bini aadanimada ka baxsan Hubka noocayadiisa kala gedisan ufuray suuqyada magaalada laascaanood iyo weliba xaafada koonfureed magaalada halkasi oo ay dhaawacyo kala gedisan soo gaadhsiiyeen dadka shacabka ah. Waxaa hada xaaladiisa caafimaad laga dayrinayaa Aadan Geele Yare oo dhaawac culisi kasoo gaadhay lugaha markii lagu dhuftay qori dhishiika ah waxaana hada lagu dabiibayaa cisbitaalka manhal ee magaalda Laascaanoood. xaalda magaalada ayaa kacsan hada iyadoo rasaas goosgoosana laga maqlayo qaybo badan oo kamida xaafadaha kala gedisan ee magaalda laascaanood waxaana wararku sheegaan inuu ha’kad kujiro isusocodka gaadiidka magaalada iyo weliba ganacsigu. Tikinoko tirabeeshay ayaa lagu daadiyey gudaha magaalada iyagoo xasuuq ba’ana ugaystay dadka shacabka ah halka qaarkalana laga buuxshey jeelasha ay dadka ku qashaan maamulka SNM ee kuyaala Magaalada Laascaanood. Horufadhi News Desk
-
Ciidamada SSC ee Qaranka Somalia oo Heeganka Ugu Sareeya La Galiyey Thursday, 12 January 2012 00:50 Ciidamada kala duwan ee medeniga ah ee ku kala sugan xeryaha kala duwan ee ku yaal magaaladda Buuhoodle ayaa xalay la geliyey heegaan kadib markii maamulka Soomaalidiidka ah ee ka taliya magaaladda Hargeysa laga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan. Ciidamada ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa dhamaantood loo dhameeyey saanadoodii dagaal , iyadda oo xeradda ugu weyn magaaladan oo ay ku suganyahaiin madaafiicadda goobta lagu kala daray guutooyinka ciidanka ee loo kala jeheeyey aagaga kala duwan ee ay hore uga dagaal geli jireen. Magaalada ayaa waxaa kale oo xalay, ilaa maalintii shalay gelinkii danbe ku soo qulqulayey ciidamadda inta badan ka yimaada dhanka Hawdka marka dhiilooyin noocan oo kale ah laga sheego gudaha magaalada Buuhoodle. Ciidamada kala duwan ee ku sugana magaaladan ayaa sidaa lagu soo waramayo ku sugnaan doona abaabulkan ciidan ama heegankan inta maamul goboleedka lagaga dhawaaqay gobolada SSC laga dhamays tirayo. Waxaa kale oo sida wararku cadaynayaan iyanna heegan culus la geliyey ciidamada hoos taga Ismaamulka Soomaalida ee dhanka xuuudka kaga sugan magaalada Buuhoodle. Xaaladu si kastaba ha ahaatee waxaa waxaa maanta ciidamada medenigga ah ee Buuhoodle si toos ah uga suganyanhiin goobahii hore dagaaladu ku dhex mareen maamulka Soomaalidiidka ah ee ay ka mid ahaayeen magaalooyinka Hagoogane, Maygaagle iyo goobtii ugu cuslayd ee Kalshaale oo la dhigay ciidan aad u culus. Magaalada Taleex: Ciidamada SSC ee Qaranka Somalia Oo Xabsiga Dhigay Maxamuud Cadami Lasanod Online. Thursday, January 12, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Waxaa kanatroolka magaalada Taleex lagu qabtay Maxamuud Cadami oo kasoo kicitmay dhanka magaalada laascaanood. Cadami oo isagu ahaa dadka aad ugu ololeeya maamulka Faroole ayaa maalmahan isaga iyo rag kale shirar la galeen maamulka Somaliland. Ciidamada SSC ee gacanta ku haya nabadgelyada magaalada Taleex ayaa qabtay ninkan iyo gaadhi u watay oo la sheegay in laga helay hub iyo lacag. Cadami oo ahaa ashkhaasta yar ee xooga u mucaaraday shirweynaha beesha SSC ee Khaatumo2 ee ka socda magaalada taleex ayaa waxaan la ogeyn waxaa u kasoo doonay Taleex. Weli waxaa socda waraysi iyo baadhitaan ay wadaan ciidamada amaannku.. Copyright © 2011 Lasanod.com
-
SSC SPRING 2012 Shacabka SSC oo Si Buuxda u Midoobay, Debaal Degyo Maanta Ka Biloowday Laas Caanood, Buhoodle, Taleex, Boocame, Widhwidh, Kalabaydh, Dharkeyngeenyo, Xudun, Yaqoori. Somaliland oo is Hubaynaysa oo Rabta Inay Kusoo Qaado Deeganada SSC Siilaanyo oo Ka Dalbaday Shirgudoonada Labada Gole ee Somaliland in Maalinta Sabtida Lagu Dhawaaqo Dagaal Lagaga Hortagayo Shirweynaha SSC Khaatumo II wajigii saddexaad ee shir waynaha khaatumo ayaa saaka loo dareeray waxaana saaka u dhammaan guud ahaan ergooyinkii lagu casuumay shirka , isimada SSC , siyaasiyiin aqoon yahano ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada laascaanood , bahda caafimaadka gobolka sool , haween dhalin yaro iyo cid kasta oo ku sugnayd taleex . intaasi ka dib waxaa bilaabatay in lagu do galo ajandihii shirka waxaana isimadii SSC mid mid u sheegeen inay si buuxda u taageersan yihiin in beesha *********** ay samaysato maamul u gaar ah waxaana halkaasi ku sugnaa 14 ka isim ee beesha dhul bahante kuwaas oo si aan kala hadh lahayn u taageeray in laga baxo kala daadsanaanta iyo midnimo la aanta la hadhay beesha sidoo kalana la qaato go aan ka ah in sameeyo maamul u gaar ah beesha SSC . talaabada maanta ay qaadeen isimada SSC ayaa noqonaysa mid taariikhi ah sidoo kalana wax wayn ka badali doonta siyaasada guud ee deegaanada SSC . Damaashaad iyo Debaal Degyo Waawayn oo Ka Socda Dhanaab Magaalooyinka SSC inta badan magaalooyinka SSC ayaa waxaa ilaa markii lagu dhawaaqay in maamul u gaar ah loo samaynayo SSC waxaa ka biloowday damaashaad iyo debaal degyo waawayn kuwaas oo lagu soo dhawaynayo dhalashada maamulka cusub oo wali aan lagu dhawaaqin magaciisa , astaantiisa iyo waliba qaab dhismeedkiisa . magaalooyinka buuhoodle, taleex , boocame, dharkayn geenyo ,widh widh iyo laascaanood ayaa waxaa si isku mid ah uga socda dabaal degyo iyo soo dhawayn . XAALADA MAGAALADA LAASCAANOOD OO QASAN. magaalada laascaanood ayaa xalay ilaa maanta waxaa kasocda banaan baxyo rabshado watta kuwaas oo ay dhigayaan dadka magaalada laascaanood . banaan baxan ayaa biloowday ka dib markii xalay inta badan shacabka magaaladaasi ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada iyagoo ku dhawaaqaya erayo ay ku taageerayaan shirka khaatumo iyo go aamada kasoo baxay . dibad baxayaasha ayaa ku fiday guud ahaan magaalada waxaana markaasi kadib magaalada la soo buuxdhaafiyay ciidamo ka tirsan maamulka soomaaliland kuwaas oo rasaas ku furay dadkii isu soo baxay si ay u kala eryaan hasayeeshee dad waynaha oo aad ubadnaa aadna u xamaasadaysnaa dartood may dhicin in sufudud loo kala dareersho . rabshadihii xalay ayaa saaka mar kale kusoo laabtay magaalada waxaana saaka dad badan loo taxaabay xabsiga halka inta naloo xaqiijiyay na uu ku dhaawac may hal qof oo rayid ah kaasoo oo ay haleeshay rasaas aan loo aabe yeelin oo lagu asqeeyay shacabka magaalada laascaanood . Somaliland oo Dagaal Soo Qaadasa warar hoose oo ay noo xaqiijiyeen dad looga qaateen ah oo kusugan magaalada hargaysa ayaa sheegay in madaxwaynaha soomaaliland uu habeenkii xalay war galiyay shirgudoonada labada gole ee soomaaliland islamarkaana ka codsaday in maalinta sabtida ah la shiro warku wuxuu intaas ku darayaa in madax wayne siilaanyo iyo wasiiradiisu isla qaateen go aan ah in xaalad meletari lagu wajaho magaalooyinka taleex iyo buuhoodle kaas oo ah mooshin la doonayo in laga ansixiyo labada gole ee soomaaliland . dhammaan siyaasiyiinta, asxaabta siyaasada, cushaada iyo shacabka soomaaliland ayaa dabada ka riixaya xukuumada siilaanyo inay qaado talaabo meletari oo lagaga hortagayo in shirka taleex uu kasoo baxo wax lid ku ah gooni isu taaga soomaaliland . magaalada buuhoodle ayaan xalay lagu kala seexan taasoo uu ka jiray dhaq dhaqaaq colaadeed , boqolaal dadwayne ah ayaa dhoobnaa wadooyinka , waxaana wadooyinka magaalada si xawli ah ku marayay baabuur yeedhinaysa hoonka iyo waliba sameecado ay ka baxayaan heeso dhiiri galin ah . waxaana magaalada ka baxay ciidamo aad u haysan kuwaas oo la geeyay wadooyinka loo fili karo in laga soo weerari karo magaalada xiisada iyo dareenka ka cusub dhulka SSC ayaa dhalin kara dagaal si ka dis ah uga qarxa gobolka haddii aan maamulka soomaaliland ka fiirsan dagaalka ay u durbaan tumanayso wixii kusoo kordha warar kan kala soco
-
Siilaanyo oo Isugu Yeedhay Baarlamaanka Sabtida, Si uu Dagaal Loogu Dhawaaqo Laga Soo Horjeedu Gobolada SSC, Xaalada oo Cirka Isku Sii Shareeraysa iyo Ciidamadda oo Heegan La Galiyay Waaheen.com Masuuliyiin Puntland ka tirsan oo iclaamiyay Ciidamadda Puntland inay Taageeraan shirka iyo Laascaanood oo Rasaastu hadh-beeshay Buuhoodle (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la sheegay in shalay isugu yeedhay Shirguddoonada labada Gole Baarlamaan isla markaana uu ka codsaday inay Xildhibaanada labada Gole fadhi isugu yeedhaan maalinta sabtida ah si go’aan looga qaato xaalada sii cakirmaysa ee lagu mijo xaabinayo Somaliland ee Shirka Taleex ee Beelaha *********** kaga dhawaaqeen Maamul Goboleedka. Ilaa hada ma cada Madaxweyne Siilaanyo go’aanka uu la hor tagi doono Fadhiga la sheegay inuu iskugu yeedhay labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland hase yeeshee waxay xaaladu u egtahay in lagu dhaqan gelin doono sidii talaabo Milatari loogu waajihi lahaa arrintan maadaama markii hore Xukuumaddu dhayalsatay wax ka qabashadeeda imikana ay marayso meel khatar ku ah Sumcadii Somaliland lahayd. Waxaanay wararju sheegayaan in Heegan la galiyay Ciidamadda si aanay kooxda shirkaa wadaa fursad ay isku sii balaadhiso u helin. Xukuumadda Somaliland ayaa shalay joojisay Mushahar ay siiso Ciidan Beeleed ay Taleex ku qaramaysay kuwaas oo la sheegay inay ilaaliyaan shirka Taleex ee lagaga soo horjeedo Somaliland balse sida warar danbe oo aanu helnay sheegeen way u fasaxday markii danbe Dhinaca kalena waxa meelo badan oo ka mid ah Deegaanada Sool ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerao Shirka Taleex kuwaasoo khasaare dad lagu dhaawacay ka dhashay sida wararku xalay sheegayeena Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladda Buuhoodle ayaa shalay sameeyay dibad-bax ay ku taageerayaan go’aanka laga soo saaray shirka Khaatumo 2 ee degmada Taleex ee gobolka Sool uga socda beelaha ***********.Dibad-baxan oo ahaa mid Somaliland ka dhan ah ayaa waxa dadwaynaha kala hadlay Odayaal reer Buuhoodle ah oo taageersan maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Khaatumo 2, iyagga oo dadku ku qaylinayeen kalmado ka dhan Somaliland, isla-markaana ugu sacabo tumayaan inay samaystaan maamul u gaar ah. Dadkan oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Buuhoodle ee maamul goboleedka Puntland u jooga halkaasi Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, ayaa baaq u diray ciidamadda ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ee ku jira ciidamada Puntland inay ka soo baxaan oo ay hoos tagaan shirka Khaatumo. Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, waxa kale oo uu halkaasi kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Puntland, isaga oo tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato maamulka la sheegay in la yagleelayo. Dhinaca kale, odayaal la sheegay inay ka soo kicitimeen dhinaca Magaaladda Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland oo ka soo horjeeda maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Taleex ayaa la sheegay inay abaabul ka dhan ah shirkaasi isla-markaana Somaliland dan u ah ka bilaabeen Magaaladda Laascaanood, iyagga oo kulan la yeeshay badhasaabka gobolka Sool Maxamed Jeeni-yare. Raggan oo la sheegay inay awal ka soo horjeedeen Somaliland ayaa abaabulaya dad si ay u baajiyaan go’aamada la filan karo inay shirka Taleex ka soo baxaan, raggan oo ay ka mid yihiin Axmed Geelle, Nuux Yaasiin iyo kuwo kale ayaa la sheegay inay badhasaabka ka dalbadeen inuu ka taageero hawsha ay wadaan. Dhinaca kalena waxa xalay magaaladda Laascaanood ka dhacay isu soo bax balaadhan oo lagu taageerayo shirka Taleex waxaanay ciidanka Booliisku isku dayeen inay kala diraan balse markii danbe waxay u adeegsadeen tacshiirad taasoo sababtay in xaaladu cirka isku sii shareerto oo ciidamada dib looga qaaday. Si kasta ha ahaatee tan iyo intii uu shirkani bilaabmay waa soo baxaya Tuhuno badan oo shaki galiyay dadweynaha kuwaasoo ilaa hada kala saari la’ mawqifka Xukuumadda ee shirkaasi oo markii horena Saamayn ku lahayd qaban qaabadiisa ilaa hadana qaadi kari la’ talaabo lagu qanci karo oo wa lagaga qabanayo haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid Ciidan toona. Maaliyaddu ku xanibtay ahaa mid lagu deg degay oo aan laga fiirsan khatarta ka iman karta haddii ay tahay Ganacsi iyo mid Dublamaasiyadeed labadaba
-
SSC SPRING 2012
-
SSC SPRING 2012
-
SSC SPRING
-
SSC SPRING Thursday, January 12, 2012 Prof Cali Khaliif Galaydh oo Ka Mid ah Maamulka Sare ee Jaamacada Nugaal ee Laascaanood, Iyo Jaamacada Nugaal oo oo Shahaadooyin Bixisay Madaxdhaqameedka oo Muujiyey Midnimo iyo Farxad ka Muuqata Geedka Khaatumo (Sawiro Aaad Qurux Badan). Jaamacada Nugaal University of Laascaanood, ayaa maanta farxadii iyo Rayn rayntii ka soconay magaalada Taleex, ku gudoonsiisay Shaadooyin sharaf Jaaliaydaha SSC qaar ka mid ah iyo Saxaafada SSC. Shahaadooyinka ayaa waxaa la gudoosiiyey Jaaliyadda SSC ee MN, oo ay u gudoomeen Jaamac Hassan Khaliif iyo xubno kale, sidoo kale waxaa shahaadooyi n la siiyey Saaxibada jaamacada Nugaal ee Adis ababa waxaana la gudoonsiiyey Dr: Ali Isse Abdi iyo Eng: Maxamed Buraale Faarax, Saxaafada SSC na waxaa u gudoomay ama la gudoonsiiyey Tifatiraha Shabbakada Horufadhi.com Suleiman Xaashi Dheere, halka jaaliyadda Nayroobina la gudoonsiiyey Maxamed Xassan Xaaji. Dhamaan Mas’uuliyiintan waxaa gudoonsiinayey Shahaadada Pro: Ali Khaliif Galaydh iyo Askariye faarax Salaax oo ka mid ah maamulka sare ee Jaamacada Nugaal ee Laascaanood. Dhamaan dadkan Shahaadooyinka dadka la gudoosiiyey ayaa isugu jira qaar waxbarashada ardeyda ka qayb qaata iyo qaar xaga saxaafada ka casuuma. Garaadada SSC dhexdooda waxaa ka muuqdey midnimo. farxad iyo weliba Rayn rayn, waxaana dhamaan deegaanada SSC ka soconaya dabaaldegyo iyo farxado waa weyn.
-
JANUARY 12, 2012: Shirweynihii SSC Khaatumo II ee Magaalada Taleex Ayaa Maanta loo Fadhiyaa Waxaana Xaadir ku ahaa Dhamaan G6/G15, Dhamaan Hogaanka SSC, Dhamaan Ergooyinka Shacabka SSC (345), Dhamaan Madaxdhaqameedka SSC, Dhamaan Cuqaasha SSC, Xildhibaaada TFG Federaalka ah ee ugu jira SSC, Haweenka SSC, Daniyarada SSC, Culumo, Aqooyahan, Waxgarad, iyo Marti-Sharaf Badan. Horafadhi.com Thursday, January 12th, 2012 | Posted by xaashi Shirweynihii Khaatumo Taleex ayaa maanta loo fadhiyaa waxaana xaadir ku ahaa dhamaan Madaxdhaqameedka SSC iyo Cuqaasha . Waxaa hada si habsami leh uga soconaya magaalada Taleex ee taarikhiga ah shirweynihii SSC, shirka maanta oo khamiis ah waxaa xaadir ku ah Isimadda SSC, Cuqaasha SSC, G6ka SSC, Hogaanka SSC, Xildhibaaada Federaalka ah ee ugu jira SSC, iyo boqolaal qof oo marti sharaf ah. Maanat waxaa lagu wadaa in la ansixiyo oo Isimmadu ay qalinka ku duugi doonaan go’aankii ergada ee ahaa maamul goboleedka madaxa banaan ee SSC. Waxaa hada si toos ah u socda qudbadihii Cuqaasha ayadoo uu hada hadlay Cheif caaqil Abdullaahi Maxamed DHeeg oo sheegay in ay ansixyeen waxii ay go’aansadeen 345 ergay ee isugu jirey Aqoonyahanka, haweenka iyo wx garadka SSC. Sidoo kale waxaa madashada fadhiya ardeyda jaamacada Nugaal University iyo Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf. Waxaa xaadir ku ah warbaahinta kala duduwa, waxaa sidoo kale jooga boqolaal ka tirsa dadweynaha Deeganada SSC , marti sharaf iyo weliba haweeen fara badan. Thursday, January 12th, 2012 | Posted by xaashi Shirweynihii Khaatumo Taleex ayaa maanta loo fadhiyaa waxaana xaadir ku ahaa dhamaan Madaxdhaqameedka SSC iyo Cuqaasha . Waxaa hada si habsami leh uga soconaya magaalada Taleex ee taarikhiga ah shirweynihii SSC, shirka maanta oo khamiis ah waxaa xaadir ku ah Isimadda SSC, Cuqaasha SSC, G6ka SSC, Hogaanka SSC, Xildhibaaada Federaalka ah ee ugu jira SSC, iyo boqolaal qof oo marti sharaf ah. Maanat waxaa lagu wadaa in la ansixiyo oo Isimmadu ay qalinka ku duugi doonaan go’aankii ergada ee ahaa maamul goboleedka madaxa banaan ee SSC. Waxaa hada si toos ah u socda qudbadihii Cuqaasha ayadoo uu hada hadlay Cheif caaqil Abdullaahi Maxamed DHeeg oo sheegay in ay ansixyeen waxii ay go’aansadeen 345 ergay ee isugu jirey Aqoonyahanka, haweenka iyo wx garadka SSC. Sidoo kale waxaa madashada fadhiya ardeyda jaamacada Nugaal University iyo Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf. Waxaa xaadir ku ah warbaahinta kala duduwa, waxaa sidoo kale jooga boqolaal ka tirsa dadweynaha Deeganada SSC , marti sharaf iyo weliba haweeen fara badan. Wararkeena danbe isha ku hay, Insha Allaahu. Horufadhi News Desk. ____________________________________________________ ShirWeynihii SSC Khaatumo2 oo Maalinkii Sideedaad Furmay+ Sawiro Live:shirka Khaatumo2 oo Maalinkii Sideedaad furmay+sawiro+dhagaysoo Shirka Khaatumo2 ayaa wajigiisi sideedaad maanta si rasmi ah uga furmay Geedka Barta Khaatmo2 waxana shirkan ka soo qayb galay Isimadda, Hoganka SSC, Xildhibaano Fedraalka ah, G6 iyo wax garad fara badan waxa shirkan lagu taageerayaa go’aankii Ergooyinku soo gaadheen ee aha in ay Deegaanadda SSC loo sameeyo Maamul u gaar ah waxana wajiyadda shacabka ka muuqata farxad iyo waliba hambalyo a shacabka moodid in ay guul gaadheen taas oo ah in shacab helayan nidaam iyo kala danbayn waxaana go’aamadan taageeray dhamanba qaybaha kala duwan ee bulshadda SSC sida Isimadda, Cuqaasha, Haweenka iyo Dhalinyaradda kuwaas oo madasha ka hadlaya waxana iminka hadlay Cuqaasha SSC ee madasha fadhidda iyo Gudoomiye ku xigeenka haweenka Qaranka Soomaaliyeed ___________________________________________________________________________________ Isimadda iyo Cuqaasha Deeganadda SSC oo Si wada Jir ah Iskugu Raacay in Maamul Cusub Loo Dhiso Goboladda SSC Boocame.com Waxa Maanta Si rasmi ah mar kale La iskugu Tagey Hoolka Shirka ee Bardaha Khaatumo Waxaana ka Soo qayb Galay Dadwayne aad faro badan waxaana Hoolka ka soo xaadiray dadwayne aad u faro badan oo kamid ah Shacabka beelwaynta SSC iyo Dhamaanba Isimadda Deeganadda SSC,waxaan Maanta madasha Shirka markii u horaysey Shirka Soo xaadiray Garaadkii Dhigay Go’gosha Shirka Khaatumo2 Garaad Saleebaan Garaad maxamed,waxa uuna Garaadku si aad ah usoo dhaweeyey Shirka Wada tashiga Beelaha SSC iyo Maamulka Cusub ee Ergooyinka Shirku isku raaceen, Geesta Kale Garaadka ayaa Markii uu madasha Shirka Soo galay ay dhamaanba Dadkii Joogay Fadhiga Ka keceen isagoo garaadku Qudbadii Ugu Horaysey ee garaadada *********** soo jediyan ka soo jeediyey isla markaana Mawqifkiisa ku aadan shirka kaga hadlay waxa uuna sheegay in uu si wayn usoo dhawaynayo go’aanka ay qaateen Ergooyinka Shirka Khaatumo2 ee ahaa in Beesha *********** Loo Yagleelo maamul Cusub oo u gaar ah isla markaana ay beeshani kalsoonideedii kalal laabatay maamuladda Hareeraha Ka xiga ee Puntland iyo Somaliland. Waxaa Geestooda yaguna madasha ka hadlay Isimo badan oo ay kamid ahaayeen Garaad jaamac Garaad Ismaaciil,Garaad Saleebaan buraale,Suldaan Siciid, Garad maxamuud Cismaan Mashqare, Boqor C/laahi, Garaad C/laahi Garaad Soofe,Garaad Abshir Saalax iyo Dhamaan ISimada Deeganada SSC waxaana madasha Shirka Soo gaba Gabeeyey Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac Waxa uuna Soo Dhaweeyey Hadalka kasoo yeedhay Ismimada SSC ee ahaa in ay ku qanacsanyihiin in isimadda SSC ay Ansixiyaan Go’aanka ah in Deeganadda SSC ay ku midoobaan Maamul Cusub waxa uuna Garaadku Si cad hoosta uga Xariiqay in Beelwaynta *********** ay kalsoonidoodii kala Laabteen Maamulada hareeraha Ka xiga. Isku Soo wada duubo waxaa Ay Xafladani ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaana haatan siwayn usoo dhaweeyey Dhamaanba Shacabka Deeganadda Ssc waxaana Xafladan ka hadlay qaar kamid ah Xubnaha baarlamanka Dowlada Somalia waxa ayna sheegeen in ay WIxii hada Ka danbeeya Xildhibaanadda Goboladda SSC laga SOo dooran Doono Maamulka haatan Laga Yagleelayo Xaruunta taarikhiga ah ee taleex. waxaa hatan taleex si wayn ugu soo qulqulaya shacabka deeganadda ssc kuwaasi oo kasoo kala imaanaya Daafaha Caalamka iyo Gudaha Goboladda SSC, waxaa sidoo kale jira Banaan baxyo Taageero ah oo ka dhacaya Guud ahaanba Magaalooyinka iyo Tuulooyinka Deeganadda SSC taasi oo ay si Buuxda ugu taageerayaan Maamulka Cusub ee loo Dhisayo Shacabka Deeganada SSC. ______________________________________________________________ January 12, 2012: ShirWeynihii SSC Khaatumo2 Oo Saaka Ka Socda Madasha Shirka-(Live)- LasAnod.com [/b] Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saaka dib u bilowday shirkii Khaatumo2 ee ka socday magaalada Taleex. Shirkan saaka waxaa kasoo qaybgalay Madaxdhaqameedak , Cuqaasha iyo xildhibaanada deegaanka SSC ugu jira Dawladda dhexe ee Somalia oo saak soo gaadhay madasha. Waxaa saaka ka hadalay shirka dhamaan Madaxdhaqameedka beelahah oo shirka ka dhex cadeeyey inay qaateen go'aankii ergooyinka ee in laga sameeyo degaanka maamulka gaarka ah. Waxaa sidoo hadlay cuqaal ku hadashay afka cuqaasha oo cadeeyeey inay taageersanyihiin go'aankii kasoo baxay ergooyinka shirka Khaatumo2 ee ahaa in la aasaaso maamul goboleed u gaara deegaanka SSC. Ugu danbayntii waxaa iyana shirka kahadlay madaxda hogaanka SSC oo sheegay inay taageereen go'aankii ergooyinku u codeeyeen in la asaaso maamul goboleedka. Saaka waxaa madasha shirka khaatumo 2 ka muuqata jawi qurux badan iyo midnimo. Copyright © 2011 Lasanod.com
-
War Deg deg – Dhamaan Isimada & Cuqaasha SSC oo si Buuxda u Taageeray Maamul-Goboleedka Cusub ee Gobolada SSC shirkii maanta ka socday magaalada taleex ee usocday isimada iyo cuqaasha beelwaynta SSC ayaa waxay sibuuxda u taageen in deegaanada sool sanaag iyo cayn ay yeeshaan maamulka ka madax banaan maamulada hareeraha kaas oo kamid ahaa qodobadii dhawaan laga soo saaray shirwaynaha khaatumo2. ___________________________________________________________________________________ War Deg deg ah Isimada iyo Cuqaasha SSC oo Cod Buuxda ku Ansiyey Maamul-Goboleedka SSC loo Samaynayo Wararka hada naga soo gaadhay Magaalada Taleex ayaa ku soo Waramaya in Saaka Shir Balaadhan oo ka dhacay Geedka uu ka socdo Shirwaynaha Beesha *********** ka soconayo Isimada Ku dhawaaqeen in Maamul Loo sameeyo Goboladaasi Warku Waxa uu intaasi ku darayaa in Guud ahaanba Shacabwaynaha Goboladaasi oo Isimadu ugu horeeyaan Maanta Cod Buuxda ku ansixigeen Go,aankaasi Madaxbanaanida Gobolada SSC. Waana Waa Cusub oo Saaka u bariyey Gobolada SSC Waxayna tani imaanaysaa Xilli Guud ahaanba Gobolada SSC ay ka socdaa Madaashaaydyo. Xafiiska ___________________________________________________________________________________ Garaadada iyo Cuqaasha SSC oo Qalinka ku Duugay Maamul-Goboleedka Cusub ee SSC Garaadada SSC ee madasha fadhiyey maanta oo guud ahaantood dhamaa ayaa waxay qalinka ku duugeen codeyntii iyo go’aaankii hore ee fadhiyey, qodbadaha oo lagu bilaabay mid mid ayaa waxaa ugu soo horkacay Garaad Saleebaan garaad Maxamed ayaa sheegay inuu tageersan yahay shirweynaha iyo maamul goboleedkaba”’Adeer taageeray oo raacay oo saxeexay ayuu yidhi Garaad Saleebaan G Maxamed”. Garaad Jaamac Garaad Ali waa taageeray, Garaad Saleebaan waa taageer,Garaad Jaamac Garaad ismaaciil Garaad Abdullaahi Garaad Soofe waa taageeray, Garaad Abshir waa teegaray , Garaad Mashqarre waa taageeray, Ugaas Abdullaahi Ciise waa taageeray, Boqor Abdullaahi Ahmed Ali waa taageeray, Garaad Abdulsalaan Garaad Saleebaan Buraale, waa taageray, waa taageeray Suldaan Siciid,Ugaas Faarax dheere waa taageray. Dhamaan isimadaasi waa saxexeen maamulka SSC, dhawaan deheho codadkii oo idil iyo Sawiro. _____________________________________________________________________________________ Dhamaan Madaxdhaqameedka, Issimada iyo Cuqaasha SSC Oo Kalsooni Buuxda Siiyey Maamul-Goboleedka Cusub ee Gobolada SSC Lasanod Online. Thursday, January 12, 2012 Taleex,(lasanod Online)- Dhamaan madaxdhaqameedka SSC ayaa saaka mid mid uga hadlay madasha shirka Khaatumo2. Iyagoo kalsooni buuxda siiyey maamulka cusub ee gobollada SSC. Waxay kulligood madasha kaga dhawaaqeen inay taageersanyihiin in maamul gaara oo ka loo daba fadhiisto danaha deegaanka SSC la sameeyo. Isimada SSC oo uu ugu hor hadlay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxay sheegeen inay maanta la talo yihiin shacabkooda, si buuxdana u barbar taagnayihiin maamulka cusub ee laga yegleelayo gobollada SSC. Dadwqeynihii iyo ergooyinkii fadhiyey madadsah shirka Khaatumo2 ayaa go'aankan Isiamda kusoo doweeyey sacab aan kala go lahayn iyo erayo ay ka mid yihiin " GUUL.. GUUL" Maanta waxay noqtay maalin gashay taarikhda gobollada SSC kadib markay si midnimo leh u wada qaateen maamulka cusub ee SSC. ___________________________________________________________________________________ Isimadii SSC oo Ansixiyey Maamulka ee Gobolada SSC Thursday, January 12, 2012 Xargaga.net Waxaanu taageersanahay go,anada ka soo baxay ergooyinka shirka oo ah in Beelaha SSC ay samaystaan Maamul u gaar ah oo madax banaan. Halkan ka dhegeyso dhamaan khudbadihii Madax dhaqameedka *********** Shirkii Khaatumo ayaa go’aamiyey ka noqosho hiishayadii lala galay Puntland iyo Somaliland sanadihii la soo dhaafay. Waxaa maanta oo bisha Jan.12, 2012 dib u furmey shirweynihii Khaatumo2 (Malintiisi sideedaad). Fadhigaas oo Shirweynaha loo soo bandhigay Taloonyinkii wax ku oolka ahaa ee Ergadu Khatumo2 oo ka koobneyd 345xubnood. Talooyinkaas, kadib Markey Ismada Sool Sanaag& Ceyn (SSC) derseen kana baraan degeen, ayay si wada jir ah u ansixiyeen oo ku duceeyeen Golihi Shir-weynaha Khaatumo2. Waxayna Go’aamiyeen ka noqoshoda wax allale wixi heshiis ahaa ee Gobalada Sool Sanaag & Ceyn ay la galeen Maamulada Somaliland iyo Puntland. XOL ____________________________________________________________________________________ Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo Si Weyn oo Adag u Taageeray Maamul-Gobaleedka Cusub ee SSC +Sawiro+Dhagaysi ALLSSC.COM Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud ayaa soo gaadhay madasha shirka waxana Garaadka si weyn loogu soo dhaweeyey madasha iyada oo dhamaan dadkii madasha shirka joogay ay u wada kaceen oo sacab iyo mashxarad loogu soo dhaweeyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxa uu si cad u taageeray go’aankii ergooyinka ee ahaa in la sameeyo Maamull *********** lee yahay, waxana uu sheegay Garaadku in uusan marnaba iidadayn taladda iyo in *********** wax noqdo waxana uu Garaad Saleebaan sheegay in u taageersan yahay 100% in u *********** Maamul uu lee yahay samaysto oo uusan Puntland u xidhnayn. Halkan Ka Dhageyso: http://allssc.com/?p=20467 ________________________________________________________________________________ RealTaleex.com Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo Madasha Shirka Ka Khudbadeeyey Taageerayna Maamul-Goboleedka Cusub ee Gobolada SSC Isku Raaceen January 12, 2012 waxaa maalintii 8aad galay shirkii wada tashiga beelaha ssc ee khaatumo 2 waxaana shirkan maanta kasoo qayb galay dhamaan ergooyinkii shirka marti sharaf iyo hogaanka ssc,sidoo kale waxaa goobta shirka fadhiya dhamaan isimadda deeganadda ssc,waxaa isna maanta markii ugu horeysey hoolka shirka soo gaadhay garaad saleebaan garad maxamed. waxaa haatan xaflada ka soconaya qodbadihii kala duwanaa e ay soo jeedinayeen Cuqaasha iyo wax garadka ssc waxaa haatan madasha ka hadlaya garaad saleebaan garaad maxamed, waxa uuna sheegay garaadku in aanu diidanayn in beesha *********** shirto Isla markaana maamul ku dhawaaqdo waxa uuna sheegay in garaadku uu ahaawaa sida uu sheegaye nin markasta ku adkaysta in beesha *********** tashado cadowgana iska dul qaado. wax uu garaadku sheegay b=in beelwaynta ssc ay tahay beel aan cidnia qabsan karin hayeeshee ay beesha haysato tao xumo iyo kala tafaraaruq waxa uuna sheegay in garaadku uu diyaar u yahay in uu isagu xabada u horaysa ee xoraynta ssc uu qayb ka yahay. waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku dhinto xoraynta ssc,waxa uuna sheegay in garaadki uu taageersanyahay in uu taageersanyahay maamulka cusub ee ssc ku dhawaaqay qaybna ka yahay in uu taageerayo wax kasta oo beesha *********** midooobaso. waxa uuna sheegay ka maqnaanshaha shirk ee hore in uu ahaa mid uu sugayey inta shirku isku dabo dhcayo ee aanu u maqnayn arimo kale hadana uu diyaar uyahay midnimada beesha ***********. goor dhow la soco qudabada oo maqal iyo muuqaal ah saacadaha soo socda hadii alle idmo _______________________________________________________________________________________ RealTaleex.com Garaad Saleban Shirka Khaatumo 2 Si Wayn Buu Uga Duwanyahay Shirarkii Hore ee Gobalada SSC, Maamul-Goboleedka Cusub ee SSC Waan Taageersanahay January 12, 2012 Garaad saleebaan garaad maxamed ayaa qudbad dheer kasoo jeediyey Shirka Khaatumo2 waxa uuna garaadku shegay in uu si cad u taageersanyahay go’aanka ay isla qaateen Dhamaan Ergooyinka iyo gudiga shirka khaatumo ee ahaa midowga iyo dhismaha maamulka cusub ee shirka khaatumo 2 lagaga dhawaaqay, waxa uuna garaadku sheegay in shirka khaatumo 2 uu yahay mid si wayn uga duwan shirarkii hore ee beeshu qabsan jirtay,waxa uuna sheegay in uu si buuxda u taageersanyahay shirka khaatumo2. waxaa kale oo garaadku ka hadlay sababaha keena in Isimada SSC intooda badani tagaan Caasimada Maamulka Puntaland ee Garowe waxa uuuna ku tilmaamay in jaaliyadaha Beelaha ssc ka gaabiyeen xaquuqdii Isimadda ssc waxa uuna hada garaadku sheegay in uu ku faraxsanyahay in Shacabka ssc ay u taliyaan Aqoonyahanadda SSC uuna ku faraxsanyahay Taladda iyo Go’aanka la isku raacay. Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Soo Dhoweyntii Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
-
Dr. Ali Essa Abdi is the Managing Director of Horn Economic & Social Policy Institute (HEPSI) http://www.hespi.org Dr. Ali Issa Abdi (American) has MBA in International Finance and PhD in Economics. Dr. Abdi worked as Senior Economist and Manager at the International Monetary Fund for nearly three decades. Most recent assignments at the IMF were as an Advisor in the African region, and Senior Resident Representative in Tanzania (2001-04) and in Ethiopia (1998-2001). Other professional experience includes work as an economist with Citibank and the Central Bank of Somalia; and lecturer in economics at several universities in the United States. Dr. Abdi provided macroeconomic policy advice to more than 30 countries in Africa, Middle East and the Western Hemisphere, during his distinguished career at the IMF. He participated in the formulation of economic and social policy reforms in many countries in Africa, including Ghana and Nigeria (in the West); Eritrea, Ethiopia, Tanzania, and Uganda (in the East), and Mauritius, Mozambique and Zimbabwe (in the South). Dr. Abdi led staff teams that conducted annual consultations and program negotiations with, and provided technical assistance to member countries of the IMF for many years. Dr. Abdi’s many publications include a book on commercial banks and economic development in Eastern Africa, and articles on economic development and monetary systems, as well as reforms and transformation in low income countries. " frameborder="0" allowfullscreen> He wrote this book I am currently reading :up: _________________________________________________ Dr. Ali Khalif Galaydh Ali Khalif Galaydh was the Prime Minister of Somalia from October 8, 2000 to October 28, 2001. Galaydh has extensive experience in public policy, diplomacy, public administration and business. He has taught these subjects at public universities in the United States. Galaydh was born in Las Anod in 1941. Between 1982 and 1987 Galaydh was a fellow at the Weatherhead Center for International Affairs and a fellow for Middle Eastern Studies at Harvard University. ___________________________ Mohammed Burale Farah, The Chairman of HESPI is also a part of the Khatuumo G6, You can see him in the pictures above. Mr. Mohammed Burale Farah holds M. Sc in Water Resources (Irrigation and Drainage Engineering). He also completed several post-graduate studies in agriculture, water resources development planning and on-farm water resources management from USA Universities of Washington, Utah and Colorado. He is the current Chairman of the Executive Board of HESPI and a Senior Associate. He has an M.Sc. Water Resources (Irrigation & Drainage Engineering). From 1968 to present, Mr. Farah has been engaged in both professional and high level managerial tasks in the fields of Management, policy planning, and development of agriculture, rural and water resources/irrigation in Somalia and countries in the Middle East, Africa and Asia. Mr. Farah joined the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) in 1982 and his assignments at the FAO were: FAO Country Representative in Pakistan (2007-09) and in Sierra Leone (2002-06); in Iraq FAO North Iraq Coordinator (1997-2002); in Yemen FAO Project Manager (1990-94); in Sierra Leone FAO Project Manager (1985-90); and Saudi Arabia as FAO Irrigation Expert (1982-85). Other professional and management experiences include work in Somalia as Senior Technical Advisor to the Minister of Agriculture and Chairman of the National Water Resources Development Committee (1980-82); General Manager of the Somali-Libyan Agricultural Development Company (1975-80) and Director of the Irrigation Department Ministry of Agriculture (1968-75).
-
From SSC People Everywhere: Thank You So Much 2 Dr. Ali, ( Dr. Ali Essa Abdi & Dr. Ali Khaliif Galaydh, and all members of G6/G15. They United SSC People, Masha Allah ____________________
-
War Degdeg Ah – Mudaharaad Balaadhan oo Caawa Ka Soconaya Magaalada Laascaanood! shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa waxay si baaxadleh caawa usoo ban dhigeen Shucuurtooda ku aadan qodabadii kasoo baxay shirwaynaha khaatumo2. dadwaynaha ku dhaqan magaalada laascaanood ayaa si aan kala hadhalahay utaageeray qodobadii kasoo baxay shirkaasi waxayna socod kusoo mareen wadada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Laascaanood intii uu soconayey dabaaldegani ayaa waxaa shacabkii halkaasi dareenkooda ku muujinayey weerar wax shinimo ah kusoo qaaday ciidamada SNM ee kusoo duulay deegaanada Ssc. intaas kadib ayaa waxay bilaabeen inay dadkii shacabka ahaa ay cabudhiyan iyagoo ugaystey Jidh dil aad u daran halka qaarkala oo aad ubadana lagu daabulay jeelashii horay ay ugu bakhtiyayeen qaarka kamida shacabka ssc kuwaasi oo wax lagu haystaa ay san jirin. Maamulka SNM ee uu horjoogaha ka yahay Dhiig yacab ****-aanyo ayaa isagu markasta cabudhin iyo falal waxshinimo ah kula kaca shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool. wararka ayaa waxay sheegayaan in shacabka oo aad ugadooday ay iskacaabin xoogan kala hortageen ciidamada Maamulka SNM ilaa ay ku kalifeen inay dib ugu laabtaan Godadka ay dadka ku qashaan ee kuyaala duleedka magaalada . Dabaal deg xoogan ayaa kasocanaya gudaha magaalda laascaanood iyadoo ay xidhantahaya wada dhexmarta magaaladaasi isku soo wada xooriyoo waxaa si xawliya halmar umuujiyey rabitaankooda dhamaan shacabka deegaanada sool, sanaag iyo cayn. Horufadhi.com _______________________________ Banaanbax balaadhan ayaa waxaa sixawliya uga soconayaa magalada laascanood ee xarunta g/sool habeenimadani caawa ah Banaanbax balaadhan ayaa waxaa sixawliya uga soconayaa magalada laascanood ee xarunta g/sool habeenimadani caawa ah wararka naga soo gaaraya magaalada laascanod ayaa waxaa ay sheegayaan in uu banaanbax balaadhan si xawliya uga soconayo,. magaalada laascanod waxaana ay shacabka magaaladasi isugu soo baxeen suuqa wayn ee magaaladasi waxaana ay dadkaasi wataan calanka soomaaliya iyo calanamo ay ku qorantahay ssc waxaana ay ku taageerayaan go.aamada hordhaca ah ee shirka khaatumo2 ee shalay ka soo baxay magalada taleex. waxayna dadkani ku dhawaaqayaan ssc hanoolaato soomaaliya hanoolato waanu ku faraxsanahay go.aamada shirka khaatumo2 hadaanu nahay shabacka magalada laascaanood intaasi ka dib waxaa soo galay suuqa ciidamada s/land ee xooga ku jooga magaaladasi waxayna isku dayeen inay dadka kala caydhiyaan ka dibna waxaa halkaa ka dhacay qalalaase dhagax tuur iyo taayiro gub. ciidamada magaalada lagu soo daayiyay ayaa waxay ridayaan rasaas laakiin ilaayo hada lama oga qasaaraha dhabta ee caawa ka dhashay dibad baxani ka soconaya magaalada goobjoogayasha ayaa waxaa ay ii xaqiijiyeen xaaladu meel xun marayso ciidamaduna isku dayayaan inay shacabka cabudhiyaan waxaana wadada wayn ee magalada ka baxaya taayiro badan oo lagubay. dibad baxan ayaa waxaa uu daba socdaa dibadbaxyo ka dhacay magaalada taleex iyo buuhoodle maanta iyo shalayba waxaana dhamaan dadka deeganada ssc ay ku midooben inay yeeshaan maamul goboleed madax banaan oo hoostaga DKM soomaaliya. wixii warar ee ka soo kordha kala soco wararkayaga danbe ________________________________ War Deg Deg ah: Mudaharaad Xoogan oo Ka socda Magaalada Laascaanood. Shacab aad u tirabadan oo caraysan ayaa caawa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, dadkani banaanbaxa dhigaya ayaa markii hore ujeedkoodu ahaa inay taageeraan shirka Khaatumo2 & go’aamadii shalay laga soosaaray hase ahaatee isusoo baxa ayaa markii danbe isu bedeley mudaharaad rabshado wata kadib markii maleeshiyaadka jabhadda Somalida neceb midnimadda (SNM) ay isku dayeen inay kala caydhiyaan dadka shucuurtooda muujinayey. Dadweynaha oo aad u caraysnaa ayaa iska caabin xoog leh kala hortegey maleeshiyaadkaasi wararku waxay sheegayaan shacabka xaqa ku dirirayey ay rasaas ku rideen maleeshiyaadka SNM waxaana la tilmaamayaa inuu dhaawac soo gaarey mid kamid ah askarta SNM. Lama oga wax in khasaare soogaarey dadka shacabka ah balse ciidamada Somalidiidka ayaa ku arooray goobaha fariinka ay kuleeyihiin ee magaalada Laascaanood, halka dadka shacabka ah ay ciyaar dhaqameed ka tumanayaan badhtamaha wadada laamiga ah ee dhex marta magaaladaasi Laascaanood.
-
Wariye UniversalTV oo Galabta lagu Xiray Magaalada Laascaanood Laascaanood (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ciidamada maamulka taabacsan Somaliland ee ku sugan magaalada ay xabsiga u taxaabeen wariye ka tirsan telefishanka Universal. Wariyaha la xiray ayaa lagu magacaabaa Cabdiqani Xasan Faarax “Gadari” oo ahaa wariyihii Universal ee Laascaanood. Waxaana lala xiray illaa afar dhalinyaro reer Laascaanood ah oo xilligaasi ay wada joogeen. Sida wararku sheegayaan ciidamo daacad u ah gudoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Somaliland ayaa wariyaha iyo afarta dhalinyarada ah ka qabtay xafiiska Universal ee magaalada Laascaanood xilli ay dhalinyaradaasi telefishankau gudbinayeen hambalyo ay u diri lahaayeen shirka “Khaatumo 2″ ee ka socda magaalada Taleex kaasoo Somaliland ay diidan tahay. Mid ka mid ah wariyaasha ku suganLaascaanood ayaa sheegay in uu jiray amar uu dhowaan soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade kaasoo ahaa in aan warbaahinta laga siideyn karin taageerada shirka “Khaatumo 2″. Wariye Gadari ayaa la sheegayaa in illaa haatan uu ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood. Mana jiraan cid ka tirsan maamulka Somaliland oo ka hadashay xarigan. Xarigan ayaa noqonaya kii labaad oo wariyaal loogu geysto Laascaanood isla toddobaad gudahiis iyadoo usbuucii hore sidoo kale ciidamada Somaliland ay xireen labo wariye oo ka tirsan telefishanada Horncable iyo Universal. RBC Radio ________________________ Wariye u shaqeynayey Universal TV oo Laascaanood lagu xiray Laascaanood:HN: Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaaladda Laascaanood waxaa halkaasi galabta xarig loogu geystay wariye u shaqeeynayey telefishanka Universal TV kaa oo ugu warami jiray magaalada laascaanood. Wariyaha la xiray ayaa lagu magacaabaa C/Qanid Xasan Afrax oo loo yaqaano “Gadari” waxaana la soo sheegay in ciidamo taabacsan maamulka Somaliland ee ku sugan Laascaanood ay xabsi dhigeen. Wararka ayaa tilmaamaya in wariyahaasi iyo afar dhallinyaro ah ay ciidamada ka kaxeysteen xafiiska telefishinka Universal TV ee magaalada Laascaanoo xiliggaasi oo la sheegay in xafiiskaasi uu telefishinka Hambalyo ugu duubayey afar dhallinyaro ah oo doonayey inay hambalyo u diraan shirkii Taleex ka soconayey, waxaana wararka ay tibaaxayaan in wariye Gadari iyo afartaasi dhallinyaro ciidamada ay xabsi u taxaabeen. Wararka ayaa intaa ku daray in xarigaani uu yimaaday kadib markii wasiirka warfaafinta ee maamulka Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade uu soo saaray amar la siinayey saxaafadda oo ahaa inaan laga sii deyn karin taagerada shirka Khartuum2, waxaana la xariirinayaa xariga wariyaha inuu qeyb ka jebiyey amarkaasi. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland ee ku aadan xariga loo geystay wariyahaasi ka tirsan telefishinka Universal TV. Xariggaan ayaa noqonaya kii labaad ee ciidamada Somaliland ay u geystaan bahda saxaafadda waxaana isbuucii la soo dhaafay magaalada Laascaanood lagu xiray sedex wariye oo labo ay shaqeyneysay Horn Caple halka midka kalena uu u shaqeynayey telefishinka Universal TV. _________________________________ Wasiiro kusheeg ka tirsan Jabhada SNM oo gaadhay Laascaanood iyo qorsheyaasha ka socda shirka shalay ka furmay degmada Taleex Laascaanood 06, January 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo shir lagu lafogurayo qorsheyaal dawladda lid ku ahina uu shalay ka furmay degmada Taleex ee gobolkaas. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, weftiga xukuumaddu u dirtay Laascaanood oo kala ah; wasiirada Ganacsiga Mr. Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa qorshaha ay dawladdu kaga hortegayso shirka Taleex oo shalay si rasmi ah u furmay, kaasoo ay hore digniin uga soosaartay. Ilaa hadda ma cadda qaabka ay xukuumaddu ku waajahayso qorsheyaal lid ku ah oo ka mid ah ajandeyaasha shirka Taleex oo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin ka soo horjeeda qaranimada Somaliland, kuwaasoo uu ku jiro Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh. Shirka ka furmay degmada Taleex, waxa ku kulmaya beesha gobolka Sool, iyadoo ajandeyaashiisana ay ku jirto sidii maamul-gobolleed loogu samayn lahaa degaamada ***********. Dhinaca kale, shirka Taleex waxa uu si rasmi ah u furmay Khamiistii shalay, iyadoo Jimcihii maantana la hakiyay. Hase yeeshee, shirkaas oo dhawr boqol oo ergay ka qaybgaleen, waxa sida qorshuhu yahay la sii ambaqaadi doonaa Sabtida beri. _____________________________________________________________________ Ciidamada Jabhada SNM Oo Maanta Lagu Soo Daabulayo Magaalada Laascaanood! Waxaa dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemaya wadada isku xidha magaalada laascaanood iyo burco halkaasi oo uu kasoconayo isu habar wacasho uu wado maalulka SNM ee kusoo duulay Deegaanada Sool sanaag iyo cayn Ciidamadan huwanta ah ayaa waxay isu diyaarinayaan sida aanu wararka ku helayno dagaal faraha laga gubto oo ay ku qaadaan sahacabwaynha deegaanada Sool Sanaag iyo cayn Sidoo kale waxaa ciidamo horleh ayaa maanta soo gaadhay furimaha ay kuleeyiin duleedka magaalada laascaanood halka qaar kalana lasheegay inay xalay ugudbeen tuulada Gambadha. Maamulka SNM oo isagu markasta kasoo horjeeda Horumarka iyo maslaxada deegaanada SSC ayaaa isagu si aada ay dhabarjab ugutahay maamulka Soomaliyeed ee Lagaga Dhawaaqay Degamada taariikhiga ah ee Taleex, kaas oo lagu tilmaamay inuu yahay iftiin iyo guul usoo hoyatay dhamaan shacabwaynaha Soomaaiyeed. Warbaahinta ku hadhasha afka maamulka SNM ayaa iyadu si isdaba jooga ugubaaqaysay duulaan lagu qaaado shirwaynaha beesha *********** uga soconaya magaalada taariikhiga ah ee Taleex. iyadoo uu xalayna TV Beeleedka Horn Cable uu soo bandhigay dad kamida Basaasiinta Maamulka SNM oo uu ku sheegay inay yihiib shacab muujinaya aragtidooda ku aadan shirwaynaha khaatumo2, kuwaas oo ay ku dheehnay cadhada iyo nacaybka ay uqabaan inay Jiritaan Beelwaynta ***********. Waxaana layaab leh markii ay qaar kamida xubnaha katirsan Maamulka SNM ee Uu horjoogaha uyahay ****-aanyo ay maqleen *********** ayaa tashanaya Uu cadho daraadeed intuu dhiigu ku kacay ay ku geeriyeen wada jaarka ah. isku soo wada duuboo dhaqdhaaqan ayaa waxa uu iminayaa xili dhawaan qaarkamida Horjoogayaasha Maamulka SNM ay kubaaqeen dagaal ay ku qaadayaan magaalada uu kasocdo Shirwaynaha Khaatumo2 ee Taleex. Horufadhi.com ___________________ Ciidamada jabhada SNM oo kusoo qulqulaya Magaalada Laas Caanood Warar caawa ka soo baxaya xarunta dhexe ee taliska Guud ee Jabhada SNM ayaa isu diyaarinaya dagaal faraha laga gubto oo ka dhaca gobolka Sool. Mid ka mid ah Ciidamada SNM oo u waramayay Warbaahinta WidhWidh Online ayaa u sheegay in laga keenay Magaalada Burco isaga oo maharadiisa ka soo tagay Waxana hadalkiis ka mid ahaa “anigu waxaan ahay Ciidamada iska shaqaysta balse aan tagin xerooyinka ciidamada laakiin marka la iibaahdo telephone ayaa la ii soo diraa markaas ayaa soo xaadiraa si aan meesha la iidirayo aan u aado, aniga oo kaliya ma ihi ee waanu badanahay oo magaalo kasta waa ka jiraan Dhinaca kale warar lagu kasoon yahay ayaa sheegay inay Ciidamada ku hareGuud ahaan Gobolka Sool ay qodanayaan DhuJfayso aad u dhaadheer oo aan horay aysan u qodan si hadii uu dagaal u billowdo ay ugu dagaalmaan magaalada lascanood. Maamulka SNM ee hada maamula Magaalada Lascanood ayaa isu diyaarinaya dagaal aad u culus oo uu la galo dadka deegaanka si uu ugu qasbo in maamulka Somaliland uu gobolka ka taliyo hadii kalana uun dagaal kaga baxo. Isha ka soo baxaysa Maamulka Hargaysa ayaa ah in waxii Khaatumo ka soo baxa inay ka xigaan dagaal uun oo aysan marnaba aqbali karaynin maamul kale oo ka soo horjeeda ka ay dhisteen beesha Isaaqo oo qudha. _________________________
-
Magaalada Taariikhiga Ah ee Taleex oo Foolaneysa Maamul-Goboleed Cusub oo lagu Magacaabo Darwiish State of Somalia 08 Janaury 2011 Todobaadkaan wuxuu dareenka bulshada ku hadasha afka Somaliga iyo kan beesha Caalamka ku foogan yahay Magaaladda Taariikhda weyn ee Taleex oo la filayo in looga dhawaaqo Maamul Goboleed Salbalaaran kaas oo warar hordhaca sheegayaan in loogu wanqali doono DARWIISH STATE OF SOMALIA. Shirweynaha Taleex oo ay iskugu tageen boqolaal ay kala hogaaminayaan hogaamiyeyaasha qeybaha beesha Dhulbahanta ayaa loogu magacdaray KHATUMO2 . Inkastoo Shirweynaha ay joogaan dhamaan Garaadadii beesha *********** iyo Hogaamiyaha SSC Saleebaan Xagla toosiye hadana waxaa xusid mudan inay Taleex foolaneyso maamul Salbalaaran taas oo dad badan u daliishadeen Siyaasiyiinta waaweyn ee Tahriibka u maray ka qeybgalka shirweynaha sida Cali Khaliif Galeydh iyo Cabdi Kariim Jamac. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mohamed Duur ayaa ku xabeebsaday qeeyla dhaan uu ku sheegayo in Somaliland tilaabo ka qaadi doonto Shirweynaha Taleex hasse yeeshee waxay hanjabaadiisa u muuqataa SAMBUUS AFUR DHAAFAY. Garaadka Guud ee hogaamiyeyaasha dhaqanka beesha *********** Garaad Jamac Garaad Cali oo ka hadlayay furitaanka Shirweynaha Khatumo 2 ayaa yiri “ Anagoo awood leh waxay nagu tahay Liidnaan inaan deb qolo kala shidatay dugaal bidno,waa inaan deb na dhaxan tiro shidanaa,oo halkaan taleex uga dhawaaqnaa maamul beesha *********** u gaara” Dhamaan ergada ka qeybgaleysa Shirweynaha Khatumo2 waxaa jeebabka u suran kaarar lagu hardhay Calanka Somalia taas oo ka dhigan in wixii la sugaaba tahay maamul xambaarsan qadiyada Somaliweyn. Beesha *********** oo hore loogu yaqiin kala qeybsanaan siyaasadeed iyo u nuglaanshaha sandareero ay ka qaataan Maamulada Somaliland iyo Puntland hada waxaa lagu amaani karaa inay guud ahaan taabacsan yihiin Shirweynaha Khatumo2 iyo natiijadii ka soo baxda. Hanjabaada Xukumadda Siilaanyo ee la xiriirta inay weerarayaan Taleex waxaa lagu tilmaami karaa mid ku siman afka baarkiisa hasse yeeshee hadii ay ka dhabeeyaan hanjabaadooda waxay natiijadu noqon kartaa guuldaro maadama uu dagaalka daqiiqad gudaheed isu bedeli karo mid u dhaxeeya ***** iyo ***********. Taleex waa Magaalo ku caana Gobanimo u dirirka waxayna Xarun u ahayd Xoogagii Daraawiishta ee allaha u naxariistee Sayid Mohamed Abdulle Hassan. Sayid Mohamed Abdulle Hassan iyo Ciidamadii uu horkacayay ee Daraawiishta waxay talis Melleteri ku lahaayeen Taleex 1895 ilaa 1921. Taleex waxaa ku yaal dhismayaal taariikhiya oo Xoogagii Daraawiishta dhiseen . Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh oo xiganayay ninkii iska lahaan jiray Maqaayadii Taleex ee Muqdisho ayaa yiri “ Waxaan Xasuustaa allaha u naxariistee Cabdi Kooreeya Jamac oo lahaa Maqaayadii Taleex Muqdisho wuxuu ahaa nin Mucaaradnimo iskaga dhashay,inta uu shafka dhulka ku dhifto ayuu oran jiray WARHOOY DHULBAHANTOOW MAGAALADA ISKAGA BAXA HADII KALE WALAAHI SUDAN BAAD KA SOO WAREEGI DOONTAAN” Cali Khaliif oo qoslaya ayaa yiri “Walahi Cabdi anagaa u marqaati kacayna oo waxaan ku siganay inaan Sudan ka soo wareegno” Cali Khaliif wuxuu hadalkiisa ula jeeday tahriibkii uu ku galay Taleex,isagoo Wardheer ilaa Taleex ku safray gaari. Shirweynaha Taleex Maamulka ka soo bixi doona ee DARWIISH STATE OF SOMALIA waa mid mudo dheer laga shaqeeyay wuxuuna shirkii KHATUMO1 ka dhacay Magaaladda London ee dalka Ingiriiska. *********** oo jeegaan siyaasadeed la leh ********** waxaa dagaal xoogan kula jira Isaaqa iyo ******taanka oo labaduba doonaya inaysan noqon maamul ka madaxbanaan. Hadii Dhulbahanataha sameeystaan maamul madaxbanaan waa hubaal in Gadabuursigana si wadajira u garab istaagayaan Awdal State maadama ay leeyihiin madaxbanaani la mida tan ***********. waagacusub.com