Liibaan

Nomads
  • Content Count

    4,722
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Liibaan

  1. Universal TV Oo Laga Mamnuucay Puntland Bosaaso,(lasanod Online)- Wakiilada Telefishinada Universal iyo Horn cable ayaa laga mamnuucay inay ka howlgalaan degaanada gobollada W/Bari ee Puntland.. iyadoo duqa magaalada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje Faarax uu warbaahinta u akhriyay wareegto lagu mamnuucayo inay labadaas Telefishan ka howlgalaan halkaas, waxaana wareegtada lagu caddeeyay qodobo ku saabsan sababaha keenay hawl joojinta lagu soo rogay. Qoraalka ka soo baxay dawladda Puntland oo ku socday magacyada labada wakiil ee Telefishanada Universal iyo Horn Cable, waxaa kale oo wareegtada maamulka Puntland lagu socodsiiyay Maxkamadda sare, maamulada labada Telefishan iyo qaybaha ciidamada ammaanka iyo guud ahaan golayaasha Dawladda Puntland inaysan u ogolaan labada Telefishan shirarka ka dhacaya degaanada Puntland. Arrimaha lagu eedeeyay labadaasi Telefishan ee lagu muujiyay wareegtadaasi waxaa ka mid ahaa: - inay caadeysteen xadgudubyo ay wax ugu dhimayaan hawlaha warfaafinta iyo sharciyada Saxaafadda, falal ka horjeeda horumarka Puntland, wax u dhimid ganacsiga magaalada Boosaaso iyagoo ka faafiyay warar khalad ah oo been abuur ah. "Sidaasi daraadeed maamulka Puntland wuxuu go'aaminayaa inaysan labada Telefishan ka shaqeyn karin degaanada maamulkaasi ka taliyo" ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday Dawlad goboleedka Puntland oo sidoo kale golayaasha iyo xarumaha dawladda lagu wargeliyay inay fuliyaan awaamiirtaasi. Dhinaca kale wareegtada lagu mamnuucayo telefishanada Universal iyo Horn Cable ayaa ku soo beegmeysa xilli 48-saacadood in ka badan kasoo wareegtay markii xabsiga laga sii daayay Agaasimihii Idaacadda Horseedmedia, C/fataax oo lagu sii daayay cafis Madaxweyne.
  2. US President Obama Sends Eid Greetings to The President of Somalia Sheikh Sharif Dear Mr. President: The American people join Michelle and me in extending best wishes to you and the people of Somalia as you celebrate Eid al-Adha. It is my hope that people everywhere will embrace the spirit of devotion and sacrifice that the Eid al-Adha embodies and continue their efforts to achieve peace and goodwill among all humankind in a compassionate and selfless manner. May you and the people of Somalia enjoy many blessings in the coming year. Sincerely, Barack Obama ---- US President Obama Sends Eid Message To His Somali Counterpart Sheikh Sharif By Shafi’i Mohyaddin Abokar Mogadishu: On the eve of the Muslims Eid Al Ad-ha, the president of the United States of America Barack Obama on Friday sent a congratulatory message to his Somali counterpart Sheik Sharif Sheik Ahmed to wish him a good Eid festival. An emailed press statement from the office of Somali President said Friday that the kind message from Obama shows the great cooperation between both countries and how the United States is interested in reintroducing peace into the war-torn horn of African country. “The American people join Michele and me in extending best wishes to you and all Somali people as you are celebrating the Eid Al Ad-ha” the United States president said in his message to Somali leader which was distributed to the media through Somali presidential information office on Friday. “It is my hope that people every where will embrace the sprit of devotion and sacrifice that the Eid Al Ad-ha embodies and continue their efforts to achieve peace and goodwill among all human kind in compassionate and selfless manner” President Obama said in his congratulatory message. “May you and the people of Somalia enjoy many blessings in the years to come” Obama added in his statement. President Obama's Message to Somali president comes as Muslims around the world are due to celebrate the Eid Al-Ad-ha on the next Tuesday.
  3. US President Obama Sends Eid Greetings to The President of Somalia Sheikh Sharif Dear Mr. President: The American people join Michelle and me in extending best wishes to you and the people of Somalia as you celebrate Eid al-Adha. It is my hope that people everywhere will embrace the spirit of devotion and sacrifice that the Eid al-Adha embodies and continue their efforts to achieve peace and goodwill among all humankind in a compassionate and selfless manner. May you and the people of Somalia enjoy many blessings in the coming year. Sincerely, Barack Obama ---- US President Obama Sends Eid Message To His Somali Counterpart Sheikh Sharif By Shafi’i Mohyaddin Abokar Mogadishu: On the eve of the Muslims Eid Al Ad-ha, the president of the United States of America Barack Obama on Friday sent a congratulatory message to his Somali counterpart Sheik Sharif Sheik Ahmed to wish him a good Eid festival. An emailed press statement from the office of Somali President said Friday that the kind message from Obama shows the great cooperation between both countries and how the United States is interested in reintroducing peace into the war-torn horn of African country. “The American people join Michele and me in extending best wishes to you and all Somali people as you are celebrating the Eid Al Ad-ha” the United States president said in his message to Somali leader which was distributed to the media through Somali presidential information office on Friday. “It is my hope that people every where will embrace the sprit of devotion and sacrifice that the Eid Al Ad-ha embodies and continue their efforts to achieve peace and goodwill among all human kind in compassionate and selfless manner” President Obama said in his congratulatory message. “May you and the people of Somalia enjoy many blessings in the years to come” Obama added in his statement. President Obama's Message to Somali president comes as Muslims around the world are due to celebrate the Eid Al-Ad-ha on the next Tuesday.
  4. http://www.qarannews.com Ismaaciil Buubaa oo Ka Hadlay Qorshe Lagu Xoojinayo Midnimada Gobalada Somalia "..Danta Somaliland waxay ku jirtaa inay ummadda Somaliyeed ka mid noqdaan oo weliba Hargeysi noqoto Magaalo-madaxda dalka ama Madaxwaynaha Soomaaliyeed yahay mid ka soo Jeedan Somaliland diyaar baa loo yahay.." "..Saaxiibkay Muuse Biixi Waxaan leeyahay malaha Weli Dagaalkii Maryo-aloolka iyo Fedaraalka ayaan si Fiican uga soo Bixin.." "..Aad iyo aad baan u soo Dhoweynayaa (Safarka Cismaan Kaluun ku tegay Hargeysa), anniga Laftigaygu waan ku Socdaa.." Md. Ismaaciil Hurre Buubaa Hargeysa(Yool)-Siyaasiga weyn ee Caanka ah Md. Ismaaciil Hurre Buubaa, kana mida Xubnaha u dhashay Somaliland, balse aaminsan fikirka Somali-weyn, ayaa gef iyo meel-ka-dhaca ku tilmaamay in Cismaan Jaamac Cali (Kalluun) uu cafis u qaato Hargeysa, isla markaana ku eedeeyay dadka fikirkaa qaba inay yahiin qaar soo faqaya waxyaabo laga soo gudbay. Md. Buubaa oo u waramayay Telefeeshinka HCBTV, ayaa ka waramay arimo badan oo Somaliland ku saabsan, kuwaasoo ay kamid yihiin safarkii Madaxwayne Siilaayo kutagay dalka Jabuuti, heshiiskii ka dhacay deegaanka Widh-Widh, fikirkiisa ku aadan in kooxaha Somaliya shirloogu qabato Gudaha Somaliland iyo in uu ku talo jiro safar uu ku tago Somaliland. Ugu horayn Md. Ismaaciil, waxa uu ka waramay qadiyada ku saabsan madax-banaanida Somaliland iyo sida ay beesha caalamka uga heli karto, isagoo arintaa ka warmayana, waxa uu yidhi: " In lixdankii sidii lay sugu la ahaado iyo inla kala tago waa arin dadka Soomaliyeed u taala, Somaliland Ictiraaf keedu kuma xidhna cid dibadeed ee waa mid iyadu ay gacanteeda ku haysato, waa mid intay Soomaali isugu yeedho ku qancin karto in dantoodu sidaa ku jito, markaa maaha Ictiraaku in dabada laga raadiyo..." Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu Md. Buubaa yidhi: "..Runtii dalka Jabuuti waa dal walaalaheen ah oo jaarkeena ah oo maanta dhisan markaa wax yaabaha lagama maar-maanka ah in ay u faa'iidayso Somaliland iyo Soomaalida kaleba waa lagama maar-maan in laga radiyo. Sidaas darteed, anniga waxay ila ahayd Somaliland in ay iyadu ku haboonayd siyaasadeeda oo qeexan inay u bandhito Soomaali iyo Carab-ba inay ka soo baxdo, waxa Dunida la ysku qiimeeyaa waa diblomaasiyda markaa waxa looga baahan yahay Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Dibada inay la yimaadan siyaasad qeexan oo Carab u cuntami karta oo cid walba u cuntami karta..." Sidoo kale, waxa uu Md. Ismaaciil Hurre Buubaa ka hadlay socdaalka uu Somaliland ku joogo siyaasiga ay isku fikirka yihiin ee Cismaan Kalluun, kaasoo uu sheegay in aan xaq loogu lahayn in la weydiiyo cafis uu ku yimaado Soamliland, isla markaana haddii ay jirto cid aragtidaa qabtaa, waxa uu xusay inay yihiin dad doonaya inay dib u soo faqaan dhacdooyin hore oo laga gudbay. "...Aad iyo aad baan u soo dhoweynayaa (Safarka Cismaan Kaluun ku tegay Hargeysa), anniga laftigaygu waan ku socdaa, laakiin hadal dadka qaarkood ka dhawaajiyeen oo ah Cismaan Jaamac muxuu fasax u qaadan waayay, waxa ay ilatahay arin aan meesha qaban. Saaxiibkay Muuse Biixi waxaan leeyahay malaha wali dagaalkii maryo aloolka iyo Fedaraalka ayaan si fiican uga soo bixin, xaq buu u leeyahay inuu tago (Hargeysa Cismaan Kaluun), anniguna xaq baan u leeyahay in aan tago (Somaliland), waxa weeyaan siyaasiyan fikir waad yeelan kartaa, laakiin danta ummada markay noqoto ama taariikh ahaan ama halgan ahaan cid ummadayada nooga wanaagsanyd may jirin, HAA danta Somaliland inay ku jirto in ummadda Somaliyeed ka mid noqdaan oo waliba hoggaamiyaan oo jaanisbaa jira ummadda Soomaliyeed diyaar u wada tahay haddii la doonayo in Hargeysi noqoto Magaalo Madaxda Somaliya diyaar loo yahay, haddii Madaxwaynaha Soomaaliyeed yahay mid ka soo jeedan Somaliland diyaar loo yahay oo haddii shalay Somaliland la duudsiyey maanta laga soo wada noqday, anniga (Ismaaciil Buubaa) waxay il atahay jaanis aad iyo aad u weyn baa jira.." ayuu yidhi Md. Buubaa. Waxa kaloo, Md. Buubaa uu carabka ku dhiftay caga-jugleynta iyo cabudhinta Xukuumada cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafadda madaxabannaan, taasoo uu ku tilmaamay iany tahya mid dumin karta Xukuumada haddii ay ku sii socoto, waxaanu yidhi: "...Walaahi annigu talada aan arintaa uga soo jeedin lahaa Xukuumada cusub waxa weeyaan Saxaafada ninkii cabudhiyaa isagaa is cabudhiyey, haddii la dhibaateeyo Saxaafaddana dawladaas dhibaatadeeda ayaa bilaabamaysa markaa waxaan odhan lahaa haddii ay jirto waa in si weyn wax looga qabtaa. Saxaafadda xorta ahna waxaan odhan lahaa waxa jirta masuuliyada Saxaafadda xorta ah looga baahan yahay oo ay wixii jira ummada u soo bandhigto, waayo wadanka horuumarkiisa qiyaaasta laga qaadanayaa waxay tahay Saxaafadda, fikradaha kala duwan ee wadanka gudihiisa jirta iyadoo si ummada dhisaysa loo wada jeedinayo ay noqoto in Saxaafadda xorta ahi soo bandhigto.." Md. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka hadlayey hindisihiisa ku aadan inuu damacsan yahay inuu tago Somaliland, waxa uu sheegay inuu ku talo jiro inuu tago Hargeysa, isla markaana aanay jirin wax ka hortaagan oo u diiday inuu tago Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayna waxa uu yidhi: "..Su'aashaa dhawr jeer baa la iweydiiyey HAA waan tegayaa Somaliland, waxaanan tegi doonaa waqtiga hawlaha aan wadaa ii dhamaadaan, iyadoo ay sidaa tahay anniga waxay ila tahya inay meel ka dhaca inay tahay in Cismaan Jaamac la yidhaahdo cafis soo weydiiso, garan mayo cafiska iyo dadkani waxa ay ka hadlayaan, laakiin waxaad moodaa in dadka qaarkii arrimo la soo dhaafay inay ka guuxayaan, kuwaasi-na way dhammaadeen qof Somaliland u dhashay ee imanaya fikirkiisa siyaasadeed xor buu u yahay Somaliland-na cidi igama xigto, cid aan uga baahanay inaan fasax uga qaataa in aan Hargeysa tagana ma jirto.." Ugu danbayntii Md. Buubaa waxa uu aad ugu boogaadiyey Xukuumada cusub gogosha nabadeed ee ay u fidisay dadka ku dhaqan deegaanada bariga, gaar ahaan heshiiskii ka dhacay Widh-widh oo uu ku tilmaamay mid waxtar weyn u leh Somaliland jiritaankeeda. Yool
  5. Casuumad loo fidiyo Cismaan Jaamac Kaluun ha la weydiiyo Saciid Sulub somalidiasporanews.com Waxa todobaadkan booqasho ku tegay Somaliland siyaasiga Cismaan Jaamac Kaluun oo qaba fikirka siyasadeed ee Somaliweyn,kaas oo lidi ku ah qadiyada gooni isu taaga ee mudada labaatanka sanadooda looga dhaqmayay Somaliland. Cismaan Jaamac ayaanay markani aheyn markii u horeeysay ee uu tago Hargeysa,sanadii 2004tii ayaa sidan oo kale loogu baraarugay kiyoo booqanaya Somalilind,in yar ka dibna waxa soo baxday in wasiirkii hore Hawlaha guud ee Somaliland Saciid Sulub uu u u ololeeyay tegida jaamac Kaluun ee Hargeysa. Cismaan Kaluun ayaa xiligaa ka duulay Muqdisho oo uu reysul wasaare ku-xigeena ka ahaa dawladii Carta,Cismaan Kaluun ayaa xiligaa khilaaf ba`ani u dheexeeyay saxiibkiis Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad,isla markaana Cismaan tiraba dhawr jeer aqalka uu Xamar ka deganaa loogu dhacay lagana gurtay hanti wixii yiilay. Cismaan Jaamac ayaa xiligaa Hargeysa booqanayay ku gudo jiray wax uu ugu yeeray “tabliiq”siyaasiya,waxaanu si hoose ergo ugu ururinayay shirkii Nairobi ee ay lagu soo dhisay dawladii madaxweynaha loogu doortay Cabdilaahi Yusuf. Saciid Sulub ayaase waji gebax kala kulmay cafiska uu uga dalbay Cismaan Jaamac madaxweyne Daahir Rayaale oo uu ku qanciyay in Kaluun ka tanaasulay fikirkiisii Somaliweyn ka dib markii Kaluun ku noqdey magaalada London uuna wareysi siiyay Yuusuf Garaad,wareysigaas oo uu ku sheegay in aanu haba yaraatee ka tanaasulin fikirkiisii Somaliweyn uuna Hargeysa u tegay si dib loogu eego khaladaadkii dhaliyay gooni isu taaga Somaliland. Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Saciid Sulub ayaa isna dhankiisa saxaafada u sheegay in Cismaan Jaamac ka baxay balantii uu ku helay cafiska. Cismaan Jaamac ayaa ay xiligaasi soo baxdey in uu cafiskiisii siistay fursad wareysi oo uu ka helo iddaacada BBCda si markaa uu cadeeyo in uu daneynayo jagada madaxtinimo ee Soomaaliya. Sida lala wada socdana waxa Cismaan Jaamac ku guul dareystay in uu shirkii Nairobi ka helo taageero ka badan labaatan xildhibaan markuu isku sharaxay Madaxweynaha Soomaaliya. Xisbiyada siyaasada iyo dadka u kuur gala siyaasada ayaa jaha waree ku soo dhaweeyay booqashadan u danbeysay ee Cismaan Kaluun kutegay Somaliland,xukuumada ayaa qudheeda ku kala qeybsan booqashadan. Xukuumada Somaliland ayaase ilaaiminka aan ka hadal imaaatinka siyaasigan,waxaana soo baxaya in iminka xukuumadu wado talaabooyin ay ugu qancinayaan Cismaan Kaluun in uu dalaka iskiis uga baxo dhawaan,waxaase xaqiiqo ah in Cismaan Kaluun aanu ka tanaasulin fikirkiisa. Suaashuse waxa ay tahay ma la joogaa xiligii Somaliland ay u fasixi laheyd siyaasiyiinta halkaa ka soo jeeda in dadkooda la dhex joogaan afkaarta Somaliweynimo,oo runtii iminka aan wax dhibaato ah oo muuqda an ku heynin qadiyada gooni isutaaga. Waxa si weyn loola socdaa in siyaasiyiin fara badan oo qaba fikir la mida kan Kaluun oo hadana ka dhexmuuqda siyaasada Somaliland oo xittaa hogaamiyay qaar ka mid ah goleyaasha dalaka,hadana wax caqabad ah oo ay ku hayeen qadiyada aaney jirin. Hadii Cismaan Kaluun culeys lagu saaro in uu Somaliland ka baxo waxa ay caqabad ku noqoneysaa siyaasiyiinta kale ee caanka ku ahaa ka soo horjeedka gooni isu taaga Somaliland in ay dhulkooda booqdaan,siyaasiyiinta la tuhunsan yahay in ay damacsan yihiin in ay Somaliland booqdaan waxa ka mid ah Jaamac Maxamed Qaalib,Ismaciil Buubaa,iyo Axmed Ismail Samatar.
  6. “Ismaaciil Buubaa, Jaamac Yare Iyo Cismaan Kaluun” Ku Soo Dhawaada Dalkiine Hooyo Hargeysa Soomaaliya Harowo.com Waxaan dadweyneha Sl ka codsanayaa inaay ku dedaalan siday usoo dhaweeyn lahayeen una ducayn lahayeen in siyaasiinta reer Slna miisanka culusa kuleh maslaxa siyaasada Somaliya iyo addunka intiisa kaleba. Hadaba, nasiib darro mudoo dheer kasoo horjeeda nabadgelyada horumarka’ dimoqraadiyada dadkoda iyo dalkooda hoyo isla markaasna A,amiinsan fikrada Somaliweyn ama (Federalism) raggaas oo aanan magaacyadooda halkan kusoo koobi karin una badan isku beel ayaan darro. Waxaa ila habboon in nimankaas reer Sl ee Xamar kasoo barakacay imika markaay jagoyiin iyo nabadgelyada toona ka wayeen nabsigii aay galeen dadkooda iyo dalkoodna soo qabtay dannina usoo run sheegtay hadaba in laga yeesho dood qaran oo arrintaas dib loo eego. Anigu waxaan shakhsiyaan ku talin lahaa in loo fidiyo cafis kow marka labaad inaay ka tanasuulan fikrada khaldan aay wadtaan una horseeday magaac xumo iyo dad isga horkeen. Dabcan wa siyaasiinta wada ruug cadaya. Ali Biime
  7. Allah baanu ka baryanaa inuu u gargaaro shacabka soomaaliyeed, dhibaatadana ka dulgaadu, ugana badalo raxamaadkiisa, roob iyo barwaaqo amiin
  8. Puntland Calaacalka ha joojiso, The fact that Omar Abdirashid Ali Sharmarke resigned doesn't mean the end of the world
  9. New Somalia Prime Minister Unveils Smaller Cabinet, Cutting 21 'Bloated' Positions, Gov't Says By The Associated Press NAIROBI, Kenya — Somalia's prime minister has unveiled a new, slimmed-down Cabinet of 18 ministers, a big drop from the 39 ministers the former prime minister had. Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed named the new Cabinet Friday. Abdullahi — a Somali-American who has taught at a community college in New York state — was named prime minister last month. Abdullahi says the Somali people and the international community were waiting for a credible and competent Cabinet. Only two ministers from the previous administration remain. Somalia has not had an effective government since 1991. The internationally backed Mogadishu government has not made much progress to end violence in the country.
  10. Dowladan waa shaqeyneysaa, qarankeenii Somalia waa noqonayaa Insha Allah Excellent Job PM Farmaajo
  11. Taleexi, Siyaasiinta iyo taageerayaashooda uun baa laga hadlayaa, shacabka soomaaliyeed waa hal ummad , ul iyo dirkeed, dakeenu sina uma kala maarmaan, dadka rayid ka danbi malalha. Waana runta shacabka soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo wada dhashay, dhamaantood ( SSC, Awdal, Woqooyi Galbeed, Soomaali Galbeed, Galmudug, Puntland, Hiiraan, Banaadir, Shabelle, Bay&Bakool, Juba, Djibouti iyo NFD)
  12. Originally posted by Kamaavi: total disintegration of the fake Ethiopia into pieces sooner than latter. Very good, you are right 100%, Ethiopia is fake entity, its a matter of time before Melez dictatorship Collapses like soviet union and yugoslavia
  13. Qarankii Soomaliyeed baa soo noqonaya Very good, Our government needs its own media to directly communicate with Somali citizens
  14. Waa dhacdo aad iyo aad u fool xun, Allah ha u nariistu marxuumka Waxaanu Allah ka baryaanaa inuu dadka Muslimiinta ah ka qabtu dhalintan shabaab la baxay ee diintu ku cusub tahay, khalad weyn bey ka fahmeen diintii Qofku hadii uu danbi galo, waa in maxkamad la geeyaa, maxkamad la hor keenaa, mudo socota, xukunkana waa inay ridaan dad ku takhasusay sharciga islaamka ama mid kale Lakiin in muwaadin in meel fagaara ah lagu gowraco ayadaaba ah danbi weyn Soomaalia waxey ka hor muslintay wadamada carabta iyo kuwa muslimiinta intooda badan
  15. Thank You for sharing the article, Insha Allah waa guuleysanyaan Xoogaga Xoriyad doonka ee ONLF Guul iyo Gobanimo Halganka Soomali Galbeed
  16. Nina, Waa runtaa meel kasta oo ee somali ku kuwada hadlaso, qeyladooda ayee lasoo dhex galayaan Somalidiidku waxa ee na lee yihiin Soomaali ma rabno, hadana waa nadaba ordayaan oo naga ma hadhayaan Dalkeena Somalia ayee isku dhadhajiyaan , mana rabaan inay soomaali wax la qabsadaan Bal aduu meel u raac...
  17. Waftigan ayaa lagu wadaa inay kala xaajoodaan Madaxda Soomaaliya arimaha guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan mandaqada SSC, waxaana hogaanka SSC uu horey u cadeeyey inuu ka tirsan yahay taageersan yahayna dawladda KMG ah iyo hanaanka dawladnimo ee Soomaaliya ka hanaqaaday, waxaana lagu wadaa inay heshiisyo dhaxal ngal ah soo wada gaadhaan labada dhinac.
  18. Originally posted by NinaNC: No Xaaji, dibada means OUTSIDE, dibada wadanka = outside of the country. Soomaligii ayaa idinka lumey xataa. Waa mucjiso aduun. p.s. SL lagama hadlinba, this is a Somali affair, kindly keep out. Well said Nina, tell them we talking about Somalia, it doesn't concern Somalidiid Hada afsoomaaligeena waa ka lumay somalidiidkii, cajiib
  19. Nina kan waxba fahmimaayo, haa ku daalin Inuu Somalidiidka meel kasoo galiyo uun buu rabaa, JB waa attention seeker, ana waa ikan weeye sheekadiisu, ana waa ikan First, SSC Leadership are going to Capital City Mogadishu seeking advice and coordinating with Federal Somali government before their foreign trip Therefore SSC leadership are going to visit several countries (Kenya, Ethoipia, Djibouti, and Qatar) VIA Mogadishu as transit point
  20. Originally posted by oba hiloowlow: lol qandalawi anaga somalidiid ma nihin Waa runtaa waa fool xun in shacabka Soomalii loo kala sooc sooco reer hebal iyo reer habel
  21. Originally posted by oba hiloowlow: Inshallah guul ayaa la gaara midnimo wax ka fiican majirtee together we will defeat our enamy and re establish peace through whole somalia!! inshallah Amiin, Amiin, Amiin, Masha Allah Great Duca, Yes, we can do it, when we pull together, we can move mountains United we stand, divided we fall, God Bless Somalia
  22. Oba hiloowlow, Insha Allah khayr bey noqonasaa, shacabka Soomaalida ah dhibaatada waa ka baxayaan, hala duceeyo inuu Allah asgaa qadir inuu midnimo iyo nabad nasiiyo Maamulka Somaalidiidka ah, Soomaali oo dhan ayuu la dagaalamya maaha koonfir oo kaliya, Somaalidiiidku waxa uu rabaa inuu shacabka SSC kasaaro dhulkooda,kumaa kun jeelasha ka buuxiyeen, Soomali diidku waxaa uu wadaa boob, dhac, dil, tuuganimo, iyo dhibaato ee ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Woqooyi, Koonfir, iyo Galbeed
  23. The only person that will be banned is the foolish amxaaar, no doubt It's a matter of time before you are banned from this forum, so enjoy your last few posts What would you like for the Last Supper/ Special Meal before you leave Somalia Online more information
  24. foolish amxaar leave Somalia online, or you will be banned from this forum The struggle of Western Somalia is a holy Cause, and ONLF Freedom fighters are doing great job masha Allah All somali people are proud of ONLF Victories, because its Somali victory against Ethiopia's colonial aggression
  25. Warning: Mr. Xabashi (Passerby) leave Somalia Online ASAP, or you will be banned This is a Somali forums for Somali people, no room for Habashi who hate somali people