Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Dhageyso Somaalidiidkii oo calaacal iyo oohin isku darsay CADOWGII SSC OO SHUBAN KU DHACAY MAQAAL:- Kadib markuu dhowaan gaadhay Muqdishu wafdigii SSC ee uu horkacayay mundane Sulaymaan Xaglotoosiye uuna ka mid ahaa haybadle Garaad Jaamac Garaad Cali.. ayuu Jaahwareer iyo dhakofaar ku dhacay cadowgii shacabka SSC. Waxaa shir jaraaid Muqdishu ku qabtay niman wasiiro ka ahaa dawladihii ku meelgaadhka ahaa ee tan hadda la dhisay ka horeeyey oo asal ahaan ka soojeeda maamulka jabhadda SNM iyo maamulka waqooyi bari ee Faroole, Nimankaasii iyagoo aad u cadhaysan bay afka furteen oo soo mantageen ama soo hunqaaceen wixii calooshooda ka buuxay oo ahaa sun iyo xiqdi iyo xasad iyo cadaawad iyo nacayb daran oo ay u hayeen shacabka SSC. Waxay soo daayeen been abuurasho qaawan oo ay uga jeedeen inay dhibaato ugu abuuraan kuna wasakheeyaan magaca SSC ee nadiifta ah. Waxay dhaheen SSC waxay ka tirsantahay SHABAAB. Shacabka SSC kama tirsana wadaadadaas hubaysan ee dadkii nafta u keenay, mana dhici karto inay ka mid noqdaan ama wax la qabsadaan hadda iyo goor danbe midna. Islamaarkaa ma iman karaan dhulka SSC leedahay kana taliso. Caalamkuna xaqiiqada waa ogyahay lamana khaldi karo. SSC dib bay u soo noolaatay, wayna hanaqaaday waxayna cagta saartay jidkii midnimada iyo xornimada, dibna u noqon mayso. Cid is-hortaagi kartakana ma jirto, wayna guulaysanaysaa dhowaan in shaa Allaah cadowgu ha rabo ama yuusan rabin, ha fado ama yuusan fadin. Cadowga SSC yuusan isdaalin oo karamo seegin. Hirkan ama mawjaddan wayn ama daadkan laxaadka wayn ee soo rogmaday yuusan idin qaadan ee ka carara intay goori goor tahay. Reer SSC haddaad tihiin qurbajoog ama dalkii joog waad aragtaan in ladiin tashay oo ay isugu kiintageen labada maamul ee hareeraha idinka xigaa iyo kuwaa taageera. Markaa waxaa waajib ah in heerka halganka kor loo qaado, taakulo aan kala go’ lahayn iyo gacan la siiyo SSC da gudaha joogta. SSC ha noolaato oo ha jirto oo ha is-raacdo. Maxamed Cali Daad ---- Faroole iyo Soomaalidiidka Xaalkoodii Wuxuu ku Dhammaaday Cali Geelii Ba’ay Waynu ka dheregsanahay catawgii Faroole iyo wuxuu ku sheegay war-saxaafadeed iyo isagoo gebagabadii ku qoomamooday: “ Ilaahay hortii waxaan ahay Cali Geelii Ba’ay…” Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye, bal dayaay wadaadkii sii wakaa dabayshadaye… Cali-Dhuux Adan Cali-ga kale ee isna geelii ba’ay waa Soomaalidiidka. Imaatinkii Hoggaanka SSC Xamar waxay daaha ka rogtay labo wajiilayntii qaar ka mid ah wakiillo shaadhka beenta ah huwan oo ka soo jeeda gobollada woqooyi galbeed. Halkan hoose waxaynu si kooban ugu iftiiminaynaa wixii shakhsiyaadkaas shaatiga beenta ah sitaa ay kaga hadleen shir jaraa’id oo ay shalay Xamar ku qabteen. Qaran dumiskii u hormaray hadalka iyo qaran dumiskii kadaba hadlay wuxuu nuxurka hadalkoodu ahaa in: * madaxda SSC aanay la xaajoon Karin madaxda dawladda Soomaaliyeed * in aanu jirin maamulka SSC * In SSC tahay Al-Shabaab * In aan dawladdu xidhiidh la samayn Karin * in aan hub, rasaas, iyo lacag la siin Karin * In daba-******yada la socda soomaaliddidku ka taliyaan Sool, Sanaag, iyo Cayn * Iyo in SSC u hoggaansato maamulka Soomaalidiidka ah ee dalka kala goyn raba. Labadan qaran dumiye waxay digniin cad u soo jeediyeen madaxweynaha iyo ra;iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya inay faraha kala baxaan gudashada xilkooda qarameed oo ah ilaalinta midnimada Soomaaliya, oggolaadaanna in dalka la kala jaro. Qaran dumiskan hadalladooda ayaa si cad isu burinaya. Waxay leeyihiin waxaanu taageersanahay midnimada iyo federaalka, waxayna ka soo horjeedaan SSC oo mabda’aas ku shaqaynaysa isla markaana daafacaysa. Waxay u doodayaan una dagaallamayaan yaan la is hortaagin maamulka soomaalidiidka ah ee dalka kala jaraya, in la aqoonsadona geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay. Maamulka Somaliland la baxay ee ay qabiil ahaanta ku difaacayaan waa kan burburinaya dawladda federaalka ay sheeganayaan inay ka mid yihiin, waxayna madaxda sare ee qaranka ugu goodiyayaan in aan la soo faro gelin gardarrada, dhaca, boobka, iyo cadaadiska gooni-u-goosatada Hargeysa ka waddo dhulyawga SSC. Hadalladii maadda lahaa ee ya ka siidaayeen warbaahinta waxaa kale oo ka mid ahaa: “Qabiil aragnay waxba tari-waa qabiil, Soomaali uunbaa u dhimanayee… nin aan waxba noqon Karin uunbaa qabiilka dabada saara qofka Soomaliyeed maanta waa ka ugu ihaanaysan adduunyada guudkeeda, sharafna ma leh qofka somaliga ahi, had iyo jeer Dadka fidnada wadaa baal bay cararaan ma ogtahay, Dadku dad walaalo ah weeye soomaalidu waa family, laakiin in yar baa fidnada bilawda oo shidda, ma aha in qori dab leh la qaado meel nabad ahna lagu gubo....!!” Haddaba su'aashu waxay: yaa qabiil ahaan gooni ugu baxay, yaa qabiil dabada saaray, yaa ka masuul ah sharaf darrada shacabka Soomaaliyeed, yaa fidnada bilaabay oo wada, yaa baal cararaya kana baqaya inuusan waxba noqon Karin oo Soomaali inuu wax la qaybsado ka baqaya, qori dablena la wareegaya? Intaas oo dhan jawaabteedu Waa SNM iyo maamulka gooni goosadka ah. Waxaa laba jeer afku ka xaday waxa uurkooda ku jira dadkuna wada ogyahay. Qaran dumiyaha hor hadlay ayaa mar isagoo hadalka wata yidh: “dadka nala deggan waqooyiga…,” taasoo uu ula jeedo in waqooyiga iyagu iska leeyihiin, dadka kalena la deggan yahay. Qaran burburiyaha ka daba hadlay ayaa isna mar ku cataabay: “Laba maamul baa waqooyiga ka jira, labada midna ma nihin bay yidhaahdeen, xaggay ku socdaan. Annagu waxaanu leenahay waar kii aad walaalnimada iyo wax wada haysateen arrinkaa waa ka cudur daaranayaa(???)” Mar kalena waxay leeyihiin iyagoo riyo maalmeed ku jira: “Somaliland waa hal ‘State’ oo lama taabtaan ah, ee qoladani (SSC) waa inay Hargeysa ka degaan..." Macnaheeduna yahay haddii xataa Soomaali is-raacayso, xadkii Ingiriis ka tegey ee lixdankii la baabi’iyey ayaa la soo noolaynayaa, waxaana lagala xisaabtamayaa SNM. Tanii waxay kuu caddaynaysaa inaan labadan nin fahamsanayn dhibaatada iyo waxa ka dhexeeya Soomaalida iyo xalka ku habboon. Waxaa xusid mudan in la sheego cidda ku digata dhibaatada Xamar ka jirta ee muddo dheer rabta inay ka faa’iiddo. Soomaalidiidka waxaa ka go’an inaan Xamar degin si gooni-goosadku u helaan dal madax bannaan oo la aqoonsan yahay. Ma qarsoona in Soomaalida reer koonfurta ah ee u qaxday waqooyiga lagu hayo ihaano iyo dullayn joogto ah, iyadoo beesha caalamka uu maamulkaasi ku cadaadinayo in loo aqoonsado qaxooti. Arrintaas oo laba ujeeddo ay ka leeyihiin. Tan hore, waa inay lacag ku helaan; tan labaadna inay ku helaan aqoonsi caalami ah. Waxay isku maaweelinayaan haddii qaxooti dadkaas koonfurta ka yimid loo aqoonsado, waa waqooyiga oo loo aqoonsaday dal gaara ah. SSC kama rabto dawladda federaalka hub, rasaas, iyo dhaqaale. Balse dawladda federaalka ah ayay waajib qaran ku tahay inay difaacdo meel kasta oo ka tirsan ciidda Jamhuuriyadda Soomaaliya isna hortaagto ujeedada gurracan ee wax-magaratada in ka badan 20 sannadood qoriga dabka leh la wareegaysa, doonaysana in dalka qurub-qurub loo jarjaro. Waxay sheegteen in yihiin mudanayaal ka tirsan nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya. Haddii ay sidaasi dhab ka tahay waxaa nimankan warbaahinta ka hadlay laga doonayaa inay diidaan oo ka qayliyaan hubka, rasaasta, iyo lacagta ku qulqulaya Hargeysa ee lagu abuurayo fidnada, colaadda beelaha walaalaha ah, iyo kala go’a dalka. In ay ka hadlaan oo cambaareeyaan gooni-isu-taagga ay rabaan maamulayaasha Hargeysa. In ay runta u sheegaan dadweynaha ku nool woqooyi-galbeed in wadajir iyo Soomaalinimo wax lagu raadiyo. Madaxda siyaasadda iyo tan dhaqanka SSC ee hadda ku sugan Muqdishu iyo guud ahaanba shacabka Sool, Sanaag, iyo Cayn waxay ku baaqayaan in xabbadda iyo dagaallada Muqdisho iyo koonfurta la joojiyo, xasilloonidii iyo nabaddii la soo celiyo, maamulka dawladnimo ee Soomaaliyeedna ka shaqeeyo nabadda, caddaaladda, iyo horumarka. Sidoo kale SSC waxay mar kale ku baaqaysaa in beelaha waqooyi galbeed kala baxaan malayshiyadooda deegaanada SSC, ayna ilaaliyaan nabadda iyo deris wanaagga. Intaas marka la helo ayay fududaan kartaa wax wada qabsiga iyo wada noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed. Waxaannu leenahay Cali Geelii ba’ay caqligu ha u kordho… Buhodle.net

Originally posted by Xaji_Xunjuf: sawdigi hada laha dhulku wa dhul somali somaliduna wa isku mid dhul na ma kala laha maxa keeney dhulkaaga xoreyso taasi waxay cadeyneysa gaashaamo anigaad iisisay inan anigu leeyahay baad ka dhigtay miyanad odhan wa dhulkeeeni , dhulka somaali Somalidu waa dad walaala, dhulka Somaliyeed waa lawada leeyahay maaha in la kala xigsadu Qolada somaalidiidka ah ee qabyalaada wada ee rabta maamulk qabiil ah oo ayga u gaar ah, waxaanu u sheeganaa inay colaada iyo dagaalka ee ka wadaan SSC joojiyaan kana waan toobaan. Gaashamo iyo Dhulka Soomaaliyeed ee xabashidu heysatu ayaa u baahan in la xoreeyo Waa caqlixumo in Somalidiidku, dagaal ku soo qaadaan SSC ayaga oo leh Shacabka SSC baan dhulkooda ka qaadananaa, Gaashaamo u ogalaadaan xabashidu inay guumeysato Maahmaah soomaaliyeed Geel jire geela waa wada jira hadana waa kala jiraa
-
Originally posted by AYOUB: Waar shacabka Somaaliyeed Somalia oo keliya ma deggana ee waxay deggaan Djibouti, Somaliland, NFD, Kilil5 iyo Somalia. Midnimada Soomaali oo dhan waa muqadas, dhamaan dhulka soomaaliyeed waa la isku keenayaa soo dhan yahay, taako lagama tagayo. Marka hore waa in la adkeeyo midnimada dhulka hada ka tirsan Jamhuuriyada Somalia laga soo bilaabo Loo yacadde ilaa Kismaayo, marka labaadna waa in la doonaa Somalia intii kale sida Galbeedka Somalia, Dijibouti iyo NFD Originally posted by AYOUB: Inaad oggolaatid calanka amxaarada Buuhoodle dhinac laga taago; kadibna ka tawxiidka is-hortaagti caqli maaha. Waxaagii waa ulajeedo ee meelna ku gaadhi meysid Aduu Gaashaamo, iyo dhulka xabashi heysato xoreeyaan maad xoreysid, mise waad ogashahay guumeesiga xabashida Cida ogal Calanka amxaarada waa la ogyahay, waa snm somalidiidka Markii horaba Xabashida ayaa soo abuurtay jabhada qabyaalada ku dhisan sida snm somalidiidka Caqli xumada Somalidiidka inta ee dagaal kusoo qadayaan LaascaanoOD IYO Buhoodle mee Gaashaamo, iyo dhulka xabashi heysato xoreeyaan Somalidiidku 20 ayee qeylinayeen meelna waa gaari waayeen, waa kuwaa somalia online dhex wareegaya
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: ^^ he was part of the SNM aad habeen iyo maalin aad ka calaacashid loool. Xaji Xun J, Riyaal waxaa uu ka mid ahaa Kacaankii Somalia, walina cuqdadii aad qaaday kama aad bugsan, Maalin kastana waxaa ka cabaadasaan, wax NSS iyo Riyaale 20 sano ka hor ee sameeyeen. Your president the NSS officer Riyaale was a senior Siyaad spy when Buubaa was member member of snm clan faction Buubaa is NOT anymore part of snm -Somalidiid ka, 20 years ago he was young and inexprienced, but today he is old and wise
-
Secessionists are useless Ismaciil Buubaa is good man who wants his country Somalia United
-
Labo Wasiir ayaa kasoo jeeda Woqooyi Galbeed Tiangle Axamed Cabdullaahi Oomaar Ra’isul-Wasaare ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed C/raxmaan Abaade Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka badda, cirka iyo Dhulka
-
Soomaalidiidka waa laga safeynayaa dhamaan dhulka Somalia taa ogow, Waa duni aakhiro zaman ah, shaydaan kasta oo munaafaq ah calan tawxiida ayuu la ordayaa sida Shabaab, snm-somalidiida, alqaida, xibul islam etc Shacabka Soomaaliyeed waa rabaa midnimo Somalia ha joogo Borame, Burco, Ceergaabo, Laascaanood, Boosaaso, Baladweyn,Baydhabo, Mogadishu, Marka , iyo Kismaayo Insha Allah Somalia waa hagaagasaa
-
Dhageyso:WARBAAHINTA MAGAALADA MUQDISHO OO WARYSI LA YEELATAY Wafdiga SSC ee Hogaanka SSC XagloToosiye iyo Garaad Jaamac
-
Hogaanka ugu Sareeyo SSC iyo Isimada oo Casuumaad ka Helay Dowlada Fadaraalka KMG Somaliya Saleban Esse Ahmed (Xaglo-Toosiye) hogaamiyaha hogaanka mideynta iyo badbaadinta gobolada ssc iyo weftigii uu hogaaminayey oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho.. Wafdigaan oo ka socday deegaanada ay ka taliyaan maamulka SSC ( sool sanaang iyo ceyn ) ayaa kulamo gooni gooni ah waxay la leeyihiin Mudanayasha barlamanka dowlada fadaralka KMG somaliya iyo dhildhibaanada ay dowlada ku leeyihiin . Wafdigaan ayaa ka kooban Garad Jamac Garaad Cali Garaad Jamac oo ah madaxa wafdiga ,madaxweynaha maamulka Sol Sanaag iyo ceyn saleebaan Axmed Ciise ( xaglo Toosiye ) iyo mas’uuliyiin kale . Wafidaga ayaa warbixin siiyey bahda saxaafada iyaga oo sheegay in uu safarkoodu ku aadanaa sidii dhinacyada dowlada iyo maamulka ssc isaga kaashan lahaayeen dhinacyada siyasada iyo dhaqaalaha Hogaamiyaha maamulka SSC Saleban Esse Ahmed (Xaglo-Toosiye) hogaamiyaha hogaanka mideynta iyo badbaadinta gobolada ssc ayaa intaa ku daray in ay kala hadlayaan xaalada ka taagan deegaana maamulka ssc sidii ay wax uga qaban laheyd baahida ka jirta dowlada fadaraalka KMG somaliyeed ,isaga oo sheegay in ay dowlada ka dalbadeen imaanshiyaha magaalada Muqdisho lagana aqbalay si ay wax uga yiraahdaan arimaha mandiqada . Dhanka kale Garad Jamac Garaad Cali Garaad Jamac oo isne saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ssc dantoodu tahay ayaa saxafada u shegay in ay doonayaa in wadahalo ay la sameeyaan odoyasha dhaqanka ee somaliyeed sidii laga yeeli lahaa arimaha murugada leh ee heysata dadka reer koofureedka ah . Wuxuu shegay in ay u yimadeen sidii loo adkeyn lahaa midnimada dadkaa iyo dalkaan madaxduna ay yeeshaan wada shqeyn iyoxiriri joogto ah iyo in ay arkaan umadda somaliyeed eek u nool caasimada Muqdisho. Garaadka ayaa sheegay in ay reer ssc aad uga xun yihiin colaada heysata reer Muqdisho oo uu ku tilamaay madaxii umaadda . Garad Jamac Garaad Cali Garaad Jamac “Hadiiaysan Muqdisho hagaagin oo aan nabad laga helin oo dadka joogaa nabad ku wada noolaan lagama yaabo intii kaleee somalida aheyd in ay hagaagto ,iyada oo uu madxu xanuunsanayo in jirka kale uu caafimaad helo oo uu nabad ku seexdo nabadna kusoo tooso “ Waxaan dooneynaa in aan gacmaha u hoorsano barino oo aan dhahno xabadahala joojiyo ,si qaranimadii dunta ee somaliyeed dib loogu yagleelo,in wadahal,heshiis iyo nabadga lagu soo dabaablo waxyaabaha lagu kala fikirduwan yahay Waa markii uguhoreysay ee wafdi noocan oo kale ah magaadala Muqdisho ka soo gaaraan gobolada Sol sanaag iyo ceyn oo magaalo madaxdoodu tahay Buuhoodle Muuse Maxamuud Jiisow somalisan39@hotmail.com Muqdisho Bakaaro Somalia 00252-1-5576666 00252-50-907666
-
Maya, waxaa aad u faro badan kuwa kasoo jeeda Woqooyi Galbeed Triangle ee taageera Midnimada Somalia iyo Dowlada TFG snm-Somalidiidka baa siyaasada u badashay reer vs reer, oo raba dowlad qabiil, diidayana dowlad qaran
-
There is reason why those from NorthWest Triangle in Mogadishu started crying, when they realized Sheikh Sharif and TFG welcomed warmly SSC Delegation. Thanks to the Federal Somali Government, all expenses of SSC officials are paid the private chartered plane, hotels etc
-
Sheeko ayaa heysaan Reer Woqooyi Galbeed waa ka buuxaan Mogadishu, Markaa kuwa badan oo kasoo jeeda Woqooyi Galbeed Triangle baa jira oo taageersan Midnimada Somalia, kana soo horjeeda in dalka la kala gooyo
-
Maxaa Hadaa la Oyayaan Adeeradaa Jooga Mogadishu oo ka Qeylasiinaya Wasiiro Kasoo Jeeda Woqooyi Galbeed oo hada Xilkii laga Qaaday ayaa Cabaad iyo Oohin Ka Bilaabay Mogadishu
-
Waftihii Hogaanka SSC oo Lakulmay Madaxda Sarsare ee Somalia(Daawo sawiro) Waftigii ka socotay SSC ee uu horkaycyey Garad Jamac Garad cali ayna ka mid ahaayeen Hogaamiyaha SSC iyo qaar ka tirsan Madaxdda Haayadaha Hogaanka SSC ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha iyo waftigan waxaa ku wa heliyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo xildhibaano DFKM ah kana soo jeeda SSC Waftigan ayaa madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed uga warbixinaysay xaaladda uu Gobaladda SSC iyada oo dulucda shirkuna uu ahaa sidii Maamulka SSC u heli lahaa taageeradda DFKM-ka ahi iyo dadka ku dhaqan mandaqadan caawimooyinka ay xaqa u leeyihii iyada Hogaanka SSC uu taagero hagar la’aan ah u ahayo Dawladda Shiikh Shariif Madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa la sheegay in uu balan qaaday in uu taageero hagar la’aan ahi uu siin doono Hogaanka SSC isla markaasna rabitaanka Shacabka SSC uu aqoonsan yahay hogaanka ay soo samaynteena uu tixgalinteeda siinayo, waxana Madaxweynuhu sheegay in wixii horay looga gaabiyey aan dib looga gaabin doonin oo Hogaanka SSC uu noqonayo garabka ugu weyn ee Dawladdiisa kulankaas markii uu soo gabo gaboobay ayaa waxaa la hadlay Saxaafadda Hogaamiyaha SSC isaga oo ku sugan xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa sheegay inay madaxweynaha kawada hadleen xaalada ka taagan Gobolada Sool,sanaag iyo Cayn islamrkaana tilmaamay in ay doonayaan in dowlada FKMG ah ee soomaaliya gaadho deegaanada sool,sanaag iyo cayn si loo helo ayuu yiri midnimada umada soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay muqadas tahay Mud ,xagla toosiye ayaa *****lka ka qaaday in madaxeweynaha iyo wafdiga Gobolada SSC ay oo kulankoodu qaatay mudo saacado ah uu sheegay inay kaloo ka wada hadleen madaxweynaha sidii loo heli lahaa midnimo soomaaliyeed oo uu sheegay inay taariikhda baal dahab ah kaga jiraan gobolada SSC sida ay ugu taagan yihiin midnimada dalka iyo dadka . Hogaamiyaha SSC saleebaan xagla toosiye ayaa gebgebadii saxaafada u sheegay inay guud ahaan isku afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen madaxweynaha dowlada FKMG ah ee soomaaliya . Si kastaba ha ahaatee wafdigan ka socda gobolada sool ,sanaag iyo Cayn oo soo gaaray magaalada muqdisho maalin ka hor ayaa si weyn looga dareemay magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo ay garoonka aadan cade airport ay kusoo dhoweeyeen khamiistii reysalwasaaraha dowlada FKMG ah ee soomaaliya maxamed ca/laahi farmaajo iyo raxan xildhibaano ah oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya iyadoo durba ay soo baxayaan ifafaale ku aadan kulamada ay la qaateen masuulkii ugu sareeye dowlada FKMG ah madaxweyne sh,shariif sh,axmed waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulamo la qaadan doonaan Raysulwasaare Farmaajo, Golaha Wasiiradda ka dibna u dhoofi doona dalka Kenya
-
Hogaanka SSC oo Taageerey Golaha Wasiirada uu Prime Minister Farmaajo Magacaabey Hogaanka SSC ayaa wuxuu shir jaraa,id uu ku qabtey caasimadda Somalia Muqdisho uu ku sheegay in Hogaanka SSC iyo shacabka SSC ay si buuxda u taagersan yihiin dowladda uu dhawaan soo magacaabey R/wasaare Farmaajo. Prime Minister Farmaajo ayaa wuxuu shalay ku dhawaaqey golahiisa wasiiradda oo ka kooban 18 wasiir, taas oo ka dhigeysay dowladii ugu tirada yareyd ee dhawaanahan lagu dhawaaqo iyadoo lagu soo xulay karti iyo aqoon. Dowladan ayaa waxaa hor yaala caqabaddo badan oo ah xagga amaanka, Caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta iyo Midnimadda umadda Somaliyeed oo muddo ku dhow 20 sanno ku jirtey burbur iyo dagaalo sameeyey qof walba oo Somali ah. Dowladdan cusub ayaa la hor keeni doonaaa dhawaan golaha baarlamaanka si loo ansixiyo. Dhageyso: Hogaanka ssc oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho
-
Waftigii ka socotay SSC ee uu horkaycyey Hogaamiyaha ugu weyn ee dhaqanka Garad Jamac Garad cali ayna ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Siyaasadeed ee SSC iyo qaar ka tirsan Madaxdda Haayadaha Hogaanka SSC ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed kulankaas oo ka dhacay xarunta Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha iyo waftigan waxaa ku wa heliyey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo xildhibaano DFKM ah kana soo jeeda SSC Waftigan ayaa madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed uga warbixinaysay xaaladda uu Gobaladda SSC iyada oo dulucda shirkuna uu ahaa sidii Maamulka SSC u heli lahaa taageeradda DFKM-ka ahi iyo dadka ku dhaqan mandaqadan caawimooyinka ay xaqa u leeyihii iyada Hogaanka SSC uu taagero hagar la’aan ah u ahayo Dawladda Shiikh Shariif Madaxweynaha Soomaaliyeed ayaa la sheegay in uu balan qaaday in uu taageero hagar la’aan ahi uu siin doono Hogaanka SSC isla markaasna rabitaanka Shacabka SSC uu aqoonsan yahay hogaanka ay soo samaynteena uu tixgalinteeda siinayo, waxana Madaxweynuhu sheegay in wixii horay looga gaabiyey aan dib looga gaabin doonin oo Hogaanka SSC uu noqonayo garabka ugu weyn ee Dawladdiisa kulankaas markii uu soo gabo gaboobay ayaa waxaa la hadlay Saxaafadda Hogaamiyaha SSC isaga oo ku sugan xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa sheegay inay madaxweynaha kawada hadleen xaalada ka taagan Gobolada Sool,sanaag iyo Cayn islamrkaana tilmaamay in ay doonayaan in dowlada FKMG ah ee soomaaliya gaadho deegaanada sool,sanaag iyo cayn si loo helo ayuu yiri midnimada umada soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay muqadas tahay Mud ,xagla toosiye ayaa *****lka ka qaaday in madaxeweynaha iyo wafdiga Gobolada SSC ay oo kulankoodu qaatay mudo saacado ah uu sheegay inay kaloo ka wada hadleen madaxweynaha sidii loo heli lahaa midnimo soomaaliyeed oo uu sheegay inay taariikhda baal dahab ah kaga jiraan gobolada SSC sida ay ugu taagan yihiin midnimada dalka iyo dadka . Hogaamiyaha SSC saleebaan xagla toosiye ayaa gebgebadii saxaafada u sheegay inay guud ahaan isku afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen madaxweynaha dowlada FKMG ah ee soomaaliya . Si kastaba ha ahaatee wafdigan ka socda gobolada sool ,sanaag iyo Cayn oo soo gaaray magaalada muqdisho maalin ka hor ayaa si weyn looga dareemay magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo ay garoonka aadan cade airport ay kusoo dhoweeyeen khamiistii reysalwasaaraha dowlada FKMG ah ee soomaaliya maxamed ca/laahi farmaajo iyo raxan xildhibaano ah oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya iyadoo durba ay soo baxayaan ifafaale ku aadan kulamada ay la qaateen masuulkii ugu sareeye dowlada FKMG ah madaxweyne sh,shariif sh,axmed waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulamo la qaadan doonaan Raysulwasaare Farmaajo, Golaha Wasiiradda ka dibna u dhoofi doona dalka Kenya allssc.com
-
Oday Axmed Cabdi Xaabsade oo dalkiisii iyo dadkiisii dib ugu soo noqday si rasmi ahna uga mid ah SSC Waraysi ay shabakadda wararka ee SSCradio.com la yeelatay maanta Cali Cilmi warsame oo ku magac dheer Cali-Maraykan ayaa sheegay in oday Axmed Cabdi Xaabsade ka soo baxay maamulka SNM ee ka taliyaha Hargaysa imminkana uu ku sugan yahay degmada qoriley oo ka tirsan gobolka Sool. Cali Cilmi warsame wuxuu kale oo waraysigiisa ku sheegay in shacabka SSC ay qaateen mowqifka siyaasadeed ee Hogaanka SSC , mudane Axmed Cabdi Xaabsadena uu yahay Oday SSC. Buhodle.net
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: war iska daa niyo wanu u bahanahay dad na neceb eh Cuqdada iska saar Xaji Xun juf, maxaad sidii dhoo.cil yar ugu dhaqantaa, cid ku neceb majirtu, cid ku jecal na majirtu Soomaali Maxamed kaama naqaan, markaa dadkaaga dhinac ka raac, waxbana haa xanaaqin hana is fogeyn Dalkaaga Somalia aamin, Dadkaaga Somalidana ah wax la qabso,
-
Faalo:Xod Xodashada Jabuuti+Shakiga Xag-jirnimo+Xiritaanka Safaarada Itoobia ee Hargeysa=Guusha Ismail Cumar Waxa intii ka danbeeyay xil la wareegidii xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo soo baxayay shaki soo kala dhexgalay dawlada Itoobia iyo Somaliland kaas oo salka ku haya dhawr sababood oo ay u weyn tahay xubno uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay jagooyin muhiima oo xukuumadiisa tiir dhexaad u ah. Intaa waxa weheliya in dawladaha Itoobia,Jabuuti iyo Masar ay siyaasiyan dagaalkii u dhexeeyay ay u soo rareen Somaliland,waxa iminka muuqda miisaan aaney hore dawlada Jabuuti ugu leheyn siyaasada Somaliland,kaas oo ka dhashay ka dib markii dawlada Itoobia ay isku dayday in ay kor u qaado isticmaalkeeda dekeda Berbera si ay halkaa uga dhoofsato shidaal dhawaan dalkeeda laga soo saari doono,sida lagu xusay warbixin ay dhawaan daabacday Barta Internetka ee Oil Price.com. Dawlada Jabuuti oo kaashaneysa dalka Masar ayaa waxa ay is tustey in sida keliya ee dib loogu mideyn karo Somalia in ay tahay in marka hore la kala dilo dawladaha Somaliland iyo Itoobia taas oo Masar ay is tustay in ay tahay sida keliya ee ay u sii ahaan karto awooda keliya ee Mandaqada ka jirta. Wasiirka arrimaha dibada ee Masar Axmed Abu Geyd ayaa shirkii Africa ee dhawaan ka dhacay Kampala ka cadeeyay sida ay dawladiisa uga go`an tahay dib u mideynta Jamhuuriyadii Somalia dhiig kasta oo ku daata. Dawlada Jabuuti sida ay u xejisan karto suuqeedda Dekedeed waa iyada oo xeebta Somaliyeed ay ahaato mid ka caagan degenaansho,Berbera oo laga dhoofiyo shidaal Itoobia ay leedahay waxa ay ka dhigan tahay tartan ganacsi oo geeska uga furma. Dawlada Itoobia ayaa iminka ilo wareedyo Hargeysa ku sugan noo xaqiijiyeen in Safaaradeedii ilbaabada loo laabay,safiirkiina uuba Adis ku noqdey ka dib markii todobaadyadii la soo dhaafay Madaxweyne Siilaanyo dheg jalaq u siin waayay cabashooyin ka soo yeerayay xukuumada Itoobia. Dawlada Itoobia ayaa walaac ka muujisay xubno ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,jebhada SSC iyo dawlada Jabuuti oo kobcineysa fikir Somaliweyn oo hoy looga sameeyo Hargeysa. Jawaaabtii madaxweyne Siilaanyo ee cabashooyinkaasi waxa ay noqdeen in uu faro gelin u arko ka hadalka xukuumadiisa,jabhada SSC oo meleeshiyadeeda la qarameeyo,ciidamada Somaliland oo dib loo doo raro iyo safarka u horeeya ee madaxweynaha oo uu Jabuuti ku tago. Xeeldheereyaal badan oo hore u soo jeediyay in xisbiga Kulmiye uu damac siyaasadeed ee madaxdiisa uu u nugleeyay siyaasiyiin sal fudeyd siyaasadeed dartii ay isa seejiyeen dad badan,taas oo kol walba jawaabta Kulmiyena ay aheyd dalka anaga cid nooga lexajeclo badani ma jirto. Waxa dad badani is weydiin karaan bacdamaa xubnaha tuhunka xag-jirnimo lala beegsanayo ay ahaayeen qaar hore uga tirsanaa Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadiniga Somaliyeed(SNM) ee xiriirka dhaw la lahaa dalka Itoobia waxa iminka isbdelay,waxa jirtay in Siyaasiyiinta tuhunku galay ee hore uga tirsanaa ururkii Qaran ay hore u shaaciyeen diidmadooda ku wejehneyd faro gelintii Itoobia ee Dalka Somalia xiligii Maxkamadaha isla markaana lagu shaabadeeya in ay lahaayeen fikirkii salaadiin Somaliland ahi ku sheegeen in ay isku xukumayaan shareecada Islamka. Waxaan iyana cadeyn in Itoobia dhibsatey hadalo ka soo yeeray Wasiirada arrimaha Guddaha iyo Maaliyada oo u muuqdey qaar muujinaya in la gaarey xiligii wax laga qaban lahaa qoxootiga sharci daroda ku jooga Somaliland iyo Ganacsi labada wadan u wada cuntama oo la abuuro. Dawlada Jabuuti oo dhawr jeer hore u mijo xaabisay dedaalo uu damacsanaa in uu hirgeliyo Madaxweynihii hore ee Cigaal ayaa iminka u muuqata in hagardaamadii u weyneyd ay la damacsan tahay Jamhuuriyada ictiraaf doonka ah ee Somaliland,qorshuhu waa in marka hore Somaliland laga soo xiro dhabaha qura ee siyaasiyan 20ka sano u furnaa ee Itoobia,taas oo Somaliland si tos ah u hoos geyneysa Jabuuti,dhabahana u xaareysa dib u Midawga Somalia. Jabuuti ayaa waxa arrinkan Gacan weyn ka siiyay Ganacsato xiriir soke la leh oo gacan weyna ka geeystey guushii doorasho ee xisbiga Kulmiye,isla markaana fududeeyay ka mid noqoshada xukuumada Somaliland ee xubnaha shakiga xagjirnimo laga muujiyay. Dawlada Itoobia ayaa kadib markii ay u soo baxdey in xukuumadii UDUB aaney ku soo bexeyn doorashooyinka ayay dib u soo celisay cilaaqaadkeedii dekedeed ee Jabuuti,sidoo kale cabsida Somaliweyn qabata Somaliland taladeedana waxa ay ku keentay in jabhadahii ka soo hor jeedey ay qaarna cagta mariso qaarna la heshiiso. Isku soo wada duuboo isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay Somaliland waxa la filayay in uu noqonayo mid dardar geliya siina anba qaada dedaaladii iyo talaabooyinkii waqtiga faraha badan qaatay ee lagu soo caano maalay 20kii sano ee u danbeeyay,waxaase iminka dhici karta in ay laalanto guushii ugu weyneyd ee ay Somaliland gaartey mudadaas taas oo ah cilaaqaadka iy lawadagto Itoobia.
-
Walaal, You are right JigJiga & Western Somalia will be liberated very soon Insha Allah Allah baanu ka baryanaa inuu dhulkeena Galbeedka Somalia noo xoreeyo si dhakhsa ah, si Soomaali oo dhan uga nabad galaan Xabashida, waayo inta xabashidu heysatu Gobolka Galbeedka Somalia oo ah wadnihii/qalbigii Somalia, Somalia inteeda kale nabad ma helaso, Melez ito Xabashidiisa kama dhex baxaso arrimaha Somalia Markaa Allah waxaanu ka baryaana inuu dhulkeena Galbeedka Somalia oo xor ah natuso, aamiin, aamiin, aamin
-
Great Video, JigJiga is a booming city Masha Allah Thank You for sharing Zackow
-
Puntland oo shaqo ka dhigatay inay Somalidiidka ku dayato