
Liibaan
Nomads-
Content Count
4,722 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Liibaan
-
Sawirka Todobaadka:Maamulka SNM ee Siilaanyo Iyo Faroole oo Kulan Qarsoodi Ah Yeeshay Source: Qabiilnews .com (Somalidiid website) Sawirkani waxa ka dhex muuqda Wasiirka Cadaalada Somaliland Ismaciil Muumin Aare iyo Wasiirka Kaluumaysiga ee maamul goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage iyo xubno ay kala wateen labadaasi wasiir oo ku kulmay todobaadkii hore dalka Danmark, kadib markii si isku mid ah loogu marti qaaday dalkaasi iyaga oo isku mansab ah kana kala socda laba gobol oo ka mid ah Somaliya, taasi oo ayna dawlada Denmark wax aqoonsi ah siinin Somaliland. Waa markii u horaysay ee wasiir ka tirsan xukumada Somaliland uu kulan wada shaqayneed la qaato, madaxda dalka Somaliya taasi oo had iyo gooraale ay xukumadihii hore ee Somaliland ay diidi jireen in ay wada jir ula qaataan wasiirada dalkii la odhan jiray Somaliya ee lagala laabtay xornimadii 1960'kii Sida ay doontaba ha ahaatee waxa soo ifbaxaysa, in xukumada cusubi ay ku milmayso Somaliweyn oo aad iyo aad loogu xaman jiray, ka hor intii ayna ku guulaysan xukunka, sidoo kale xukumada Jabuuti oo ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland ayaa, xukumada cusub ay aad isugu soo dhawaadeen taasi oo muujinaysa in aan Jabuuti ka tanaasulin mawqifkeedii ee ay xukumada cusubi muujinayso dabacsanaan xoogan. Hadaba sawirkani waa kii noociisa ah ee masuul ka tirsan Somaliland uu ku dhex milmo masuuliyiin ka tirsan Puntland Somaliya oo iyagu ka soo hor jeeda gooni isu taaga Somaliland.
-
Originally posted by NinaNC: ^JB did you already forget the Buhoodle video you posted this week on SOL? kkkk... take gobolada doonaya iney calankiina surtaan and ka socda meesha, no ones cares, but dhul Soomaliyeed ha ka soo raadsanina hunguri(gaajo lee u dhimaneysiin). Intaas haddaad garan laheydeen maanta waa la idin aqoonsan lahaa... ku dayo Djibouti ceeb ma ahan.. kkkk. Well Said Nina, Walaal wax u sheeg dadkan, la tali, u caqli celi Amaan iyo nabad siiya ku dhe Shacabka Soomaaliyeed ee jaarkiin ah
-
People of SSC particularly people of Widhwidh are staunch supporters of Somaliweyn/United Somalia, and they are against the one-clan secessionist project. All Soamli people from every region of Somalia who believe Somalinimo, midnimo/unity, Sinaan/ equality, and Justice/Cadaalad are most welcome in SSC regoin. But Somalidiid are NOT welcome in SSC region People of Widhwidh led by Garaad Abshir requested snm clan militia to leave Widhwidh and all SSC regions
-
FASHILKA KU GADAAMAN WADA HADALADII WIDHWIDH Source: Hadhwanaag (Somalidiid website) Saturday, November 06, 2010 Maamulka Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu hore ugu dhawaaqay inuu wada hadalo la geli doono kooxaha Somaliland-diidka ah ee la magac baxay SSC, kooxahaas oo ku ballan qaaday in ay Somaliland cudud ciidan wax kaga qaban doonaan ama kuburburin doonaan. Haddaba, maamulkan cusub ee Somaliland ayaa markii xilka uu la wareegayba waxa uu u diray aagga Widhwidh Salaadiin ka soo jeeda bariga Burco kuwaas oo loo diray hawl qaranku lahaa balse aan ahayn hawl qoys ama qabiil leeyahay midna. Sida caadiga ah ama qaalibka ah waxa madax iyo hogaan dhaqameedka loo dirtaa wixii khuseeya reeraha ama beelaha. Haseyeeshee, tan uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay waa xaajo ugub ah oo ah in Salaadiini ka taliso masiirka ummada iyo ta ciidanka qarankan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Weliba waxa wax weyn ah oo laga xishoodo in Salaadiintaasi uu hawlaha qaranka sida qarsoodiga ah ugu igmaday ay yihiin Salaadiin la heyb ah, taas oo aan hore uga dhicin dalka Somaliland. Arrintaas iyada ihi waxa ay Somaliland-diidka u noqotay guul taas oo ay u arkeen in qadiyaddii meesha taalay ee khilaafku ka jirayba ay ka dhigeen mid u dhexaysa la laba beelood. Fashilka iyo guul darrada la soo deristay maamulka Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha kooxdan SSC la baxday, waxa ka marag kacaya hadalada Garaad Abshir ee uu ku cadeeyay in shacabka Widhwidh yihiin reer Puntland, Somalilandna ka dhexeyso darisnimo wanaag. Hadaba, su’aasha u baahan in la isweydiiyaa waxa ay tahay goorma ayaa lagala gorgortami jiray xaduudaha iyo qadiyadda madaxbanaanidda Somaliland Kooxo Xag Jir ah? Annigu garanmaayo in ay hore arrintaasi u dhacday, balse waxa jawaabteeda laga sugi doonaa Xukuumadda talda dalaka heysa hadda. Waxa kale oo jirtay in madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiyeba ay in badan ku celcelin jireen in UDUB iyo Daahir Rayaale aanay daacad ka ahayn in Jamhuuriyadda Somaliland hesho Ictiraaf caalami ah. Haddaba, waxa isweydiin lihi waxa ay tahay Madaxweyne Siilaanyo ma sidan ayuu ictiraaf ku Keenayaa? Maamulkan maanta jira waxa ku gadaaman madmadow badan xagga siyaasaddiisa arrimaha debedda. Waxa kale oo shaki badani ku jiraa aragtidiisa ku aadan sugidda xuduudaha somaliland iyo weliba gaadhsiinta maamulka ee dalka oo dhan iyada oo aan cidna loo daba fadhiisan hawshaas iyada ah. Su’aasha kale ee mudan in la isweydiiyo qaabka loo dhigay wada hadalka kooxda SSC ma yahay mid laga gaadhi karo guulo muuqda ama mid midho dhala? Beelaha somaliland degaa waxa ay shirkii beelaha ee Burco1991 si buuxda u taageereen oo isku raaceen in ay Somaliland noqoto dal gooni ah oo leh xuduudihii uu gumeysigu kaga tagay 1960. Ma garan waxa wada hadalkan cusubi ee iminka daaran yahay iyo waxa ay ka wado xukuumadda cusubi in ay Somaliland ku celiso halkii ay maraysay 1991-kii!!! Ibrahim Duale Suleiman
-
Soo Dhawaynta Djibouti ee Madaxweyne Siilaanyo Imisa Ujeedo Ayaa Ku Hoos Duugan? Waxaa inbadan hore loo odhan jiray waqtigiii madaxweynihii hore ee somaliland boqan jiray dawlada aynu jaarka nahay ee djibouti wuxu u tagay dano gaara ee umu tagin danta somaliland iyo qaranka uu gadhwadenka ka yahay. Hadaba maanta oo uu madaxweynaha somaliland mudane Siilaanyo uu booqasho ku tagay wadanka aan jaarka nahay ee djibouti iyo shacab aan walalaha nahay isago imikana wali ku sugan booqashadan oo ah tii ugu horaysay ee intii xilka loo dhaariyey uu ku baxo madaxweynaha somaliland mudane siilaanyo. Hadaba, waxay calaamatul su’aal saarantahay safarkani muxu daaran yahay, ma somaliland ictiraaf loogu raadinaya mise wa mid gaara oo ujeedooyin hoose ku qarsooyinbaa? War jiraaba cakaara ayuu iman doona lakin waxa is waydiin leh djibout somaliland ictiraaf ma u horseedi karta caalamka madaama ay yihiin dawlad aad loogu soo joogsan karo xaga caalamka madaama ay yihin dad somaliya oo dawlad gaara leh xaaalada gobalk geeskana cid walba uga xogagalsanyihin madama an jar is xal og nahay somaliland na ayba isku dadyihin iyo isku deegaaan yihiin. Sido kale waxaynu wada ogsoonay hore looga quustay djibouti inay somaliland wax kala qabato xaga ictiraaf raadinta, iyagoo aad u aaminsan mabda’a ah somaliwayn ay iyagu wax kasta ka hor mariyaan. Xikmad Somaliyeed aya tirahda “ciridkaan arko ilko kama soo jeedan”, umalayn maayo djibouti inanay somaliland ictiraaf la rabin ninkii caqli lihi wuu ogyay. Hadaba, waxaan hore u ogayn waqtigii ay dhamaatay doorashooyinkii madaxtooyada ee Somaliland inay wasiiro djibouti usoo dirtay somaliland u hambalyeya dorashada shacabka iyo waliba xisbigii guushu raacday, waa kulmiye iyo madaxwaynihi marka la doortay iyo madaxwayne ku xigenkiisa. Hadaba, waxa is waydin leh soo dhawaynta intan leeg ee ay dawlada djibouti soo dhawaysay madaxweynaha somaliland oo ah wax lagu diirsado oo waliba qofkasto reer somaliland soo dhaweeyey in sidan oo kale loo so dhaweeyey madaxweyne matalaya jamhuuriyada somaliland iyadoo ujeedada shacabku tahay ictiraaf doon ee aanay ahayn ujeedo kale madaama baaahida ugu wayn ee dowlada somaliland qabtay. Labaatankii sano ee ugu danbeyey uu ahaa ictiraaf hadaba sida dadka qaar aaminsanyihin mala odhan kara booqashadan waxa kuhoos duugan ujeedooyinkale oo ay ka mid yihin mahadnaq uu madaxweynaha somaliland uga mahadnaqayo gacan uu ka helay dowlada djibouti waqtigii lagu gudo jiray ololihii doorashada madaxtooyada somaliland. Isago waliba madaxweynaha somaliland isla markii uu ku gulaystay kurisigaba uu saxeexay shirkada isgadhsinta cable ka bada hoos mara oo laga laha djibouti somaliland u noqon donto branch djibouti hoostaga iyo ujeedooyin kale oo ay djibouti doonayso inay somaliland ka saxeexato hawlo badan oo qarson Ugu danbayntii waxaan aad ugu mahadnaqaya dowlada djibouti iyo shacabka iyo madaxweynahaba soo dhawaynti madaxweynaha somaliland ay soo dhaweeyen haday ka tahay daacad iyo bilaa ujeedo kale wayo shacabka reer djibouti iyo rer somaliland wa walalo iskana xiga somalida inteeeda kale. Somaliland waxay aad usoo dhawaynaysa waxkastoo ay djibouti nagala qabato xaga ictiraafka anagoo ugu hambayn doona siday kolba nogu caano lisaan. wabilaahi towfiiq f/gaara kani wa fikirkayga gaarka ah madaama uu qofkasta leeyahay fikirkiisa gaarka maha mid uu ila qabo xisbigan ka tirsanay. Abdiqani Salaf
-
Calaacalka Somalidiidka Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo saxaafadda la hadlyay bishii March sannadkii 2007 ayaa yidhi; “Jaarkaaga ma dooran kartid ee waxaad dooran kartaa sidaad jaarkaaga ula noolaanayso”. Sida xaqiiqdu tahay xukuumadda Jabuuti waxay maanta leedahay waayo-aragnimo ku filan oo fahamsiin karta in aanay guul ku gaadhi karin siyaasadda qallafsan ee cadaawaddu ku jirtay ee ay Somaliland kula dhaqmayeen sannadihii tirada badnaa ee la soo dhaafay, waxa markaas daruuri ah inay Jabuuti yiqiinsato oo si aan caaddifad ku jirin u eegto xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ee ah in Somaliland tahay qaran jira oo ku taagan rukumo culus, cid waxyeeli karta oo burburin karta qarannimadeedana aanay jirin. Waxa kaloo muhiim ah in Jabuuti garawsato dareenka iyo rabitaanka reer Somaliland ee ku aaddan madaxbannaaninada qarankooda oo aan cid ka liicin karta ama ka leexin kartaa jirin, isla markaana Somaliland tahay qaran koraya oo si xawli ah u socda oo ah xaqiiq jirta, duniduna ay garawsatay kaalinta muhiimka ah ee ay Somaliland kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo dunidaba. Haddaba, waxa la gudboon xukuumadda Jabuuti ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu soo afjaro siyaasadda cadawnimada ku dhisan ee dalkiisu kula dhaqmayey shacbiga iyo xukuumadda Somaliland, kuna beddelo siyaasad caafimaad qabta oo ku dhisan walaalnimo iyo deris-wanaag, isla markaana xukuumadda Jabuuti u hawlgasho sixitaanka qaladaadka taariikhiga ah ee ay ka galeen ummadda reer Somaliland. Ugu dambayn, shacbiga reer Somaliland waxa uu ka rajaynayaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukuumadda Jabuuti inay horseed ka noqdaan aqoonsiga iyo ololaha ictiraaf-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ah ta kaliya ee dib usoo noolayn karta walaaltinimadii taariikhiga ahayd ee ka dheaysay reer Jabuuti iyo reer Somaliland, iyadoo aan rajaynayo in maamuuska soo dhawaynta ah ee reer Jabuuti ay u sameeyeen Madaxweynaha Somaliland uu dhabada u xaadhi doono xidhiidh wanaagsan oo walaaltinimo oo si talantaali ah ugu adeega masaaliixda sare ee labada dal. Kaysar Cabdillaahi Maxamed
-
Wasiirka Arimaha Dibeda oo Safarkii Siilaanyo Ka Dhigay “Kuuma Yeedhine Aduunbaa Yimid Aadamaha ilaahay abuurtay way kala maskax,waayo aragnimo iyo aqoon roon yihiin. Bal aan tusaale usoo qaato Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada ee JSL mudane C/laahi Maxamed Ducaal (ina dhoola yare). Iyadoo faanka waxa la yidhaa naga xaaraan yahay hadaanu nahay UDUB…FAANKU WAA WAXA HALKAA KULMIYE DHIGEE, hadana maanta waxaan ku faanayaa kartidii iyo aqoontii iyo qabyaalad la’aantii madaxdii qaranka ee dawladii Daahir Rayaale oon ku bilaabay Wasiirka aan xusay. Wasiir C/laahi Maxamed Ducaale waxa uu ahaa nin saaxiibo aad u fara badan ku leh caalamka, waxa uu ahaa nin, intii aan wasaaradan arimaha gudaha xilkeeda loo magacaabin, ka shaqeeyay wasaarado kale. Wuxuu ahaa nin ilaa xiligii madaxweyne siilanyo ahaa gudoomiyaha SNM la soo shaqeeyay, hadana ilaahay haw naxariistee Maxamed X Ibraahin Cigaal u gacan qabtay sida ilmihiisii oo kale ka dib markuu aqoonsaday Raganimadiisa iyo Fahankiisa, isagoo wax badan ka korodhsaday wakhtigii xukumadii Cigaal, isagoo wakhtigan si fiican u dhugtay ged-gedoonka iyo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed. Intanba waxa u dheer, waa ninka la tashan jiray Wasiir Cawil si uu usii dhuuxo nuxurka ama sida loo calafsado waayo- aragnimo ku jirta qof kale taasoo ah aqoon korodhsi uu ka raadinayay Ambassador Cawil oo masuul qaran oo waxbadan usoo joogay, oo ah nin adiirkii ah isku xisbina ay ahaayeen. xiligan u dambeeyay ee uu la shaqaynayay xukumadii UDUB ee dhawaan ka degtay hogaanka dalka, wuxuu wasiirkani muujiyay waxyaabo aan la xaqiri karin shaqbiguna ka maragkacayo. Waxa ka mid ah,isagoo mudo wiig (7DAYS) ka yar kusoo qalqaaliyay in Ethiopia iyo Djabouti ay iyagu ku horeeyaan, siday ahaan jirtay, martiqaadkana iyagu u fidiyaan madaxweyne Daahir R Kaahin. Tiibaa dhacday, dabadeed waxa warbaahinta labadan Dal (Ethiopia iyo Jabouti) iyo ta somalilandba ku soo baxay in Madaxweyne Rayaale marti qaad rasmi ah ka helay dalalkan waxaanay ahayd wax la wada akhristay. Muwaadin dib u jaleec oo is barbar dhig safarkan hada Madaxweyne Siilaanyo ku baxay sida liidnimada ah ee loo agaasimay! Jabouti may odhan anagaa si officially ah kuu marti qaadnay, warbaahinta jabouti may qorin, teenuna may sheegin martiqaad uu ka helay Jabouti! Maxaa sababay arintan!!!? Safarkan Murkacday waxaan u nisbaynayaa Wasiirkan Arimaha Dibada ee xukumada madaxweyne siilanyo oon u bixiyay Mr.Jet-li (Chinese Movie Actor). Shacbigu hayga raali noqdo, Kulmiyaa noo bilaabay in laysu bixiyo naanayso. Wasiirkani waa nin fresh ah. Ma aha nin xitaa ku-xigeen 5 cisho ka ahaa wasaarad intii ay Somaliland jirtay. Hadaynaan indhaa is riday, khibradu waa haybad laysku ixtiraamo dunida oo dhan. Wasaaradan arimaha dibaduna uma baahna in la keeno nin aan maskax furnayn oon la soo shaqayn Odayaal Ruug-Cadaaya sida saaxiibkay C/laahi Maxamed Ducaale. Hadaba waxaan ugu magacdaray safarkan xukumada kulmiye ee Jabouti: KUUMA YEEDHINE ADUUNBAA YIMI. S CALAYKUM. F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal. SANWAA CUMAR YARE
-
Siilaanyo oo ku Boogaadiyey Geelaha Jabuuti Qabashada Shirarka Soomaali-weyn ee Lagu Minjo-xaabinayo Somaliland! Madaxweyne Siilaanyo oo ka Maagey inuu Afka soo Mariyo Somaliland, isla markaana Caddeeyey Siyaasadiisa u Jan-jeedha dalalka Carabta ee itoobiya Neceb Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, ayaa markii u horeysay tan iyo intii ka danbeysay markii uu la wareegay hoggaanka talada dalka, waxa uu si weyn ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti shirarka dib-u-heshiisiinta ee uu u qabtay kooxaha ku hirdamaya Koonfurta Soomaaliya. Hadalkan oo Madaxwayne Siilaanyo ka sheegay kulan sharafeed ay labada Madaxwayne ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Jabuuti, kulankasoo ay labada Madaxwayne ku weheliyeen masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Xukuumadaha Dalalka Somaliland iyo Jabuuti. “Hawlahaii aadka qabatay ama isku dayday inaad isu keento mishaakilka ka taagan Soomaliya dhibaatooyinkeeda wax ka qabato shirarka u qabanaysay xuluul badana ka raadinaysay. Taasina waa mid aad ku mutahysatay sharaf iyo qiimo wayn kuu soo jiiday Dunidda iyo Mandaqadda ayanu ku noolnahay.” Ayuu yidhi Madaxwayne Siilaanyo. Haddaba inkastoo ay tahay waajib saaran Qofkastoo Soomali ah deegaanka uu doono ha joogee inuu ka damqado colaadda iyo dagaalada ku habsaday Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Magaaladda Muqdisho iyo nawaaxigeeda, haddana marka dhinaca kale laga eego shirarka dib-u-heshiisiinta iyo dedaalada kale ee Madaxwayne Siilaanyo ku ammaanay Jabuuti, may ahayn kuwo Xukuumadda Jabuuti sigaara ugu qabatay dhinacyadda isku haya Koonfurta Soomaaliya oo keliya. Balse sida bulshadda Somaliland yar iyo wayn-ba ka war qabaan waxay shirarkaasi ahaayeen kuwo uu Madaxwaynaha Jabuuti ku baabinayey qadiyada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland, si uu ujeedooyinkiisaa u meel-marsadana waxa uu marar badan isku deyay inuu Somaliland ku qanciyo inay soo ka qayb galaan shirarka Kooxha Soomaaliya. Haseyeeshee mar kastoo ay arintaasi u suurtogeli weydo-na waxa uu dedaal iyo maal faro badan ku bixin jirey sidii uu u heli lahaa shaqsiyaad metela Somaliland oo iyagu madasha shirku ka dhacayo ka soo xaadira si uu Caalamka u tuso sawir been ah oo ka turjumaya Somaliland. Siddii dhacday shirkii Carta iyo midkii kale ee lagu soo doortay Sheekh Shariif oo isagu hadda sheegtay inuu yahay Madaxwaynaha Somaliya. Sidoo kale, khudbaddii koobanayd ee Madaxwayne Siilaanyo kulankaa ka jeediyay oo runtii aanu mar keliya ku xusin Somaliland, waxa uu si cad ugu soo bandhigay siyaasadiisa ujan-jeedha dhinaca Dalalka Carabta, oo iyagu sida aynu ka war qabno nacayb wayni ka dhexeeyo dalka aynu dariska nahay ee itoobiya, hadaladaasina waxay ahaayeen sidan: “Waxaanu Madaxweyne annaguna maanta marti kaaga nahay inaad nagu gacan qabato dalalka aanu Walaalaha nahay oo xidhiidh fiican aad leedihiin ee Carbeed iyo [urur-goboleedka] IGAD iyo Afrika inteedaba doorka aad ku leedahay inaad qadiyadayada nagala gacan qaban doontaan.” Ayuu Md. Siilaanyo ku oo ururiyey hadalkiisa. Si kastaba ha ahaatee, hadaladan iyo dareenadan muuqaalada badan ee durba ka soo yeedhaya hoggaanka Kub-ku-siigaalaha ah ee hadda uun ku fadhiistay Kursiga laga hago dalka, ayaa waxaan shaki ku jirin inay yihiin kuwo xaasaasiyad hor leh ku abuuraya bulshada daacnimada badan ee Somaliland, oo iyagu markii hore-ba tuhuno faro badan ka qabey Xukuumada cusub ee Madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo. Shacabka oo isla markaana ay muddooyinkan danbe oo dhan dhegahooda ku soo dhacayeen weedho iyo hadalo xambaarsan ifafaalayaal muujinaya qorsheyaal dib loogu soo noolaynayo midnimadii wixii la siku odhan jirey Jamhuuriyada Soomaaliyeed oo markii hore ka koobnayd Somaliland iyo Gobolkii Koonfureed ee Soomaalidii uu Talyaanigu gumaysan jirey, isku soo wada duuboo waxa jawaabaha arimahan aanu u dhaafaynaa dadweynaha Somaliland.
-
Safarka Wefdiga, Suul-dhabaalihii Geelle iyo Sogor-dihii Soo Dhoweynta Somalidiid website (Harowo.com) Haddaan soo Dhoweynta Xeeladi ku Jirin, Maxay Jabuuti uga Maagtay Calanka Somalidiidka iyo Heesta Calanka Somalidiidka Madaxwaynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geele oo ay weheliso Marwadiisa Khadra Maxamud Xayd, ayaa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay Madaarka Jabuuti Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaayo iyo wefti uu hoggaaminayo oo iyagu booqasho laba Maalmood ah shalay ku tegay Jamhuuriyadda Jabuuti. Safarka Madaxwaynaha oo ah kii ugu horeeyay uu dalka dibedda ugaga baxo tan iyo intii ka danbeysay markii uu xilka la wareegay 27-kii July, ayaa waxa ku weheliyeen Wasiirka Khaarajiga, Ganacsiga, Ciyaaraha, Chief of Cabinet-ka, Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Marwada Madaxwaynaha Wasiirka, Afhayeenka Madaxtooyada iyo xubno kale oo sida la sheegay ah Xoghayahisii gaarka ee Axmed Siilaayo xiligii doorashada, kaasoo hadda wefdiga ugu metelaya safarkan inuu yahay Chief of Protocol. Soo dhawayntan oo ah tii ugu horaysay nooceeda ee Madaxwaynaha Jabuuti uu u sameeyo Madaxwayne ka socda Somaliland, waxaanay u dhacday sidan: Madaxwayne Geele oo ay gadaashiisa socoto Marwadiisu, kuna dul talaabsanaya rooga cas ee lagu yaqaan in loo goglo madaarka uu kasoo dagayo Madaxwayne dal ama shaqsi Magac wayn ku leh dalkaas ama caalamka intiisa kale, islamarkaana dhoola-cadaynaya, ayaa shalay ku qaabilay Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayay. Talaabadan ugubka ah oo aan hore looga baran Madaxwaynaha Jabuuti,mid dareeno iyo argatiyo kala duwan ay ka bixiyeen dadwaynaha reer Somaliland Aragtiyaha ay dadka qaarkood ka bixinayeen arintan, ayaa ah kuwo muujinayay dareemo xambaarsan yididiilo iyo farxad ay ka qabaan in Somaliland Aqoonsi Caalamka ka hesho. Sidoo kalena, siyaasiyiin iyo xeel-dheerayaal ku takhasusay sida uu u shaqeeyo hanaanka dawliga ah oo Wargeyska “Yool” siyaasiyan bal waxa ay ku micnaynay lahayeen soo dhawytii Madaxwaynaha dalka Jabuuti u sameeyay waftigii uu hogaaminayay Madaxwahaynaha Somaliland. Axmed Siilaanyo, ku masaalay soo dhowaynataa iyo shax-shaxda Madaxwayne Geele mid aan ka dhicin musasalka ah ee laga sidaayo shaashadaha Tv-yada Wadamada Carabta, musal-saladaasoo ay sheegeen in laga in laga alifo marka la samaynayo sheekooyin Indho-sarcaad qurux badan, balse aan horay iyo dib toona u dhicin. Iyagoo xubnahaasi tilamaamaya meelaha ay iska shabahaan soo dhawaynta Md. Geele u sameeyay waftigii Madaxwayne Siilaayo iyo filimadaasi, waxa ay hoosta ka xariiqeen in soo dhawayntu ahayd mid ka aradan dhammaan haybadii lagu yiqiin soo dhawaynta marka Madaxwayne dal uu booqdo wadan kale. Arimahaasoo ay kow ka tahay, iyadoo soo dhoweyntu ahayd mid aanay ka muuqan astaamaha Somaliland caanka ku tahay sida soo ban-dhigis la’aanta Calanka Jamahuuriyadda Somaliland oo xataa intii labada Madaxwayne wada socdeen aan ka muuqan goobihii ay marayeen. Waxa kaloo, xeel-dheerayaashu carabka ku dhufteen tumis la’aanta heesta astaanta u ah Calanka Jamahuuriyadda Soamaliland, taasoo ay xuseen sida nidaamka soo dhawaynta dawliga ahi dhigayo in salaam qaran lagu siiyo labada M adaxwayne inta aanay ka tagin goobta soo dhaowayntu ka dhacaysay. Sidaa darteedna wax qiimo ah aanu samaynay Roog-cas oo laguu goglaa, maadaama Madaxwaynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal mar uu soo dhoweynayey Marxuun Suldaan Ciise Suldaan Xirsi Qani uu u goglay Gog Cas, isla markaana uu salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka. Haddaba, waxaa Wargeysku xubnaha su’aalay waa maxay siyaasigan ujeeda Madaxwaynaha Jabuuti Md. Geele uu xiligan ka leeyahay in talaabadan ku dhaqaaqo, iyadoo arintaa tafaasil ka bixinayayna waxa ay ka dhawaajiyeen dhaqdhaqqa xoogan ee ay wadaan kooxo mucaarid ku ah hoggaanka Madaxwayne Geele, kuwaasoo uu ka mid yahay Ninka sida wayn u diidan Madaxweynaha Jabuuti ee Md. Boore oo xiliyda qaarkood aan la kala dhex fadhiisan jirin, balse hadda Geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu uga takhalusi lahaa nidaamka uu madaxda ka yahay Md. Ismaacil Cumar Geele nidaamkaasoo mudooyinkan danbe fadhiisan ka dhigatay dalka Eeleteriya, labada dal oo mudooyinaka danbe uu muran dhul u dhexeeyay, kaasoo mar sababay in dagaal ku dhexmaro Ciidamdooda Labada dal Xuduuda u dhaxaysa. Haddaba, iyadoo arimahaa iyo qaar kaleba jiraan, waxay aqoonyahanadu sheegeen in Madaxwayne Geele uu hadda u baahan yahay taageero inuu ka helo Somaliland, taageeradaasoo waliba ah mid isugu jirta xog siyaasadeed iyo mid mulatari labada, maadaama Xukuumada Asmari ay u suuro gashay inay xeebaha Galbeed ee Somaliland kasoo dejiso maleeshsiyo ka tisan Jabhadda ONLF, kuwaasoo doonayay in ay hawlgalo mulatari ka fuliyaan gudaha Dalka Itoobiya. Si kastaba ha, ahaatee waxay arintani kala cadaan doontaa sannadaha soo socda in soo dhoweynta Madaxweyne Geelle Xeeladi ku jirtay iyo inayn ahayd mid daacadnimo uu ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa booqashada ugu tegay.
-
Xaabsade also shutdown his infamous private website Af-Nugaal Xaabsade's meeting with senior SSC officials, and the fact that Xaabsade shutdown Afnugaal clearly means Xaabsade is angry with snm and leaving Somalidiid-land
-
Waxaa maalmahanba ku sugnaa Magaalada Qorilay Axmed Cabdi Xaabsade oo isagu kamid ahaa Raga kasoo jeeda deeganada SSC kanamid ahaa maamulka soomaliland hadaba waxaan laxiriirnay, Cali Maraykan oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Maamulka SSC oo isagu jooga Magaalada Qorilay nooga warbixiyay socdaalkiisa Ayaa waxaa uu noosheegay in uusan in muda ah ba wax xil ah kahayn Xaabsade maamulka soomaliland uuna hada iskaga yimi, hadana yahay nin SSC ah Beeshuna ay shirtay Garaadkuna halkaa uu kula shiray Xaabsade dhamaaan beeshuna ay qaadatay mabda ssc, xaabsade uu yahay oday ssc ah horayna uu uhaa hadaba SSCRadio kadhagayso waraysigaasi Xamse Xasan Geelle, Buuhoodle, SSC Somaliya Boocame Online
-
Shirkii Widhwidh oo Fashil ku Dhamaaday ( TV Somalilandeurope.net) Guddigii Turxaanbixinta Sool oo soo guryo noqotay iyadoo muran xoogani ka taaganyahay natiijadii Shirkii Widhwidh “Waxaa looga hadlay [shirka Widhwidh sidii Ciidamada halkan jooga ee Somaliland looga qaadi lahaa” Garaad Abshir Saalax Hargeysa (TVSLE) Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Turxaanbixinbta beesha Sool ayaa shalay ku soo guryo noqday magaalo madaxda Hargeysa, kadib markii ay soo dhammaysteen booqasho natiijadeedu muran iyo ismaandhaaf badan dhalisay. Wefdigan oo muddo dhawr maalmood ah booqasho ugu maqnaa degaanka Widhwidh ayaa waxay ka koobnaayeen xubno ka kala socda 8 xubnood oo ka tirsan xukuumadda xubin ka socota Golaha Wakiilada iyo xubin ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxayna kala ahaayeen: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Gabboose, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cadami, Wasiirka Wasaaradda Boosaha & Isgaadhsiinta Mudane Cabdirisaaq Ibraaim Cataash, La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Aw Daahir, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga Somaliland Mudane Fu’aad Aadan Cadde, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Soofe iyo Mudane Maxamed Kaahin oo ka socda Xisbiga Kulmiye. Guddiga waxaa ujeedada safarkooda lagu tilmaamay inay ahayd gogol wadahadal oo lagula heshiinayo ardaa ka tirsan Beesha Sool oo degaankaa Widhwidh sadhig u yahay. Ardaagan oo uu horjooge u yahay Garaad Abshir Saalax Gadhweyne ayay guddigu hore u shaacisay in ay la gashay heshiis dhawr qodob ka kooban oo lagu turxaansaary xidhiidhka Ardaaga Widhwidh iyo Xukuumadda, islamarkaana la isla gartay “fidinta iyo daadejinta maamulka Somaliland ee degaankaas”. Haseyeeshee, waxaa filanwaa iyo af-kala-qaad ku noqday xukuumadda iyo shacabka Somalilandba markii maalinimadii Khamiista Garaadkii ay Guddigu sheegatay inay heshiiska la gashay kaga dhawaaqay Idaacadda BBC laanteeda Af-Soomaaliga in “Beeshiisu tahay Puntland”. Siduu isla waraysigaasi ku sheegay Garaad Abshir Saalax qaabka shirkii Widhwidh wuxuu ahaa mid mabda’ ahaan ah madaxdhaqameed ka socda degaan Puntland ah iyo wefdi Somaliland ah oo wadahadal nabadeed dhexmaray. Waxaase dhabarjabka ku dhacay dhaqdhaqaaqii guddigan sii weyneeeyey iyadoo isla maalintii shirka Widhwidh soo dhammaday loo magacaabay Taliye-Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Sarkaalka magaciisu yahay Cabdillaahi Saalax Gadhweyne oo loo yaqaano ‘Nadalo’, ahna Garaad Abshir walaalkii sidoo kalena ahaa dalyaqaankii wefdiga ka kexeeyey Hargeysa. Warar aanu ka helney ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay waxay tibaaxeen in sarkaalkan loo magacaabay Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland uu ahaa xubinta ugu muhiimsan ardaagaas ee wefdiga ku wehelisey socdkii ay ugu ambabaxeen Widhwidh isagoo sidaas ku helay xog badan oo qarsoodi u ahayd guddiga iyo xukuumadda. Dadka odorosa siyaasaddu waxay tilmaamayaan in guuldarrada ay la kowsatey guddigani ay khatar gelin karto geeddi socodka turxaanbixintii Beesha Sool ee uu Madaxweyne Siilaanyo Ballanqaaday. Waxay taas sabab uga dhigayaan dhawr qodob oo ka muuqda hawlgalkan koowaad ee guddiga oo kala ah: 1. Guddigu waxay sheegteen heshiis inay la galeen nin madaxdhaqameed ah oo ku indho cad in beeshia iyo degaanka Widhwidhba ka tirsanyihiin ‘Puntland’. Tan, waxaa loo arkaa inay xadgudub iyo aflagaadoba ku tahay Qabyaalada Somalidiid land (Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland) ayna tahay Dembi laga galay ‘dhammaanshaha dhul’ ee xuduudda dalkeena. 2. Guddigu waxay Garaadkaas la saxeexdeen heshiis u eg mid ay wada galeen laba wefdi oo ka kala socda laba dawladood oo kala dal ah. Taasi waxay sii ayidaysaa doodad iyo sheegashada Garaad Abshir. Tusaale ahaan, xogta tilmaamaysa ‘warka milateri ee sirta ah’ ee Garaad Abshir sheegtay inuu yahay qodob lagu heshiiyey oo ah in ‘Ciidanka Qaranka Somaliland dib looga soo qaado aagga Widhwidh’ waxay taasi caddaynaysaa tixgelin la’aan guddigu u muujisey halyeeyadii Ciidanka Qaranka ee u shahiiday hanashada xuduudaha dalka, waxayna horseedi karaysaa in ardaayada kale ee Beesha Sool iyo Bariga Sanaagba codsadaan in sidoo kale loo yeelo. 3. Hadallada Garaad Abshir ku caddaystay shirka ka dib inaanu aaminsanayn Somaliland iyo magacaabista ninkii gadhwadeenka u ahaa safarkii guddigu waxay muujinayaan khibrad yaraanta iyo hubsiino la’aanta Guddiga. 4. Ka maqnaanshaha Golaha Guurtida ee saaxadda turxaanbixintu waxay iftiiminaysaa dheelliga iyo miisaan la’aanta lagu dhisay unugyada guddigan taasoo sabab u noqon karta xeelad xumida sahayatay heshiiskeedii koowaad. Waxaynuna ognahay in hawlaha nabadayntu yihiin xil iyo waajibaad dastuuri ah oo ay gaar u leeyihiin Goalah Guurtidu. Lama garan ilaa hadda sababta loola garab maray?!
-
Heshiiskii fashilmay ee salaadiinta bariga burco iyo SSC (oodweynenews.com) Hargeysa (OWN)- Madaxweynihii hore riyaale waxaa lagala wareegay dal nabad iyo haykal dawladeed oo dhisan.markii talada dalka uu la wareegay madaxweyne silaanyo waxaa soo baxay habacsanaan weyn muddo yar dabadeed waxaa si lama filaan u soo shaac baxdey shirar hoose oo madaxtooyada iyo salaadiinta beesha bariga burco qaar ka mid ahi yeesheen maxsuulkeediina ku soo arooray heshiis lala galo xoogaga somlilandiidka ah ee SCC (kooxda xagla toosiye). heshiishka SSC iyo salaadiinta nuxurkiisu wuxuu ahaa in dib loo soo raro ciidamada Somaliland ee deggan jiidda hore ee widhwidh .taasi waxay la yaab iyo yaxyax ku noqotey shacbiweynaha reer Somaliland gudo iyo debedba.waxaana tushuush geli gaadhey jiritaanka qarankeenan yar ee curdinka ah.dib u soo rarida ciidanka widhwidh iyo heshiiskaniba wuxuu meel ka dhac ku yahay karaamada iyo milgaha dawladnimadeena haddii si kale loo dhigana waxaaba la odhan karaa waa khiyaamo qaran. muwaadin Miyey tahay ama banan tahay in salaadiini ka taliso ama maamusho siyaasada , mustaqbalka iyo difaaca dalka intaba. Salaadiintu Inay jabhaddo iyo falaago iyo weliba xukumaddo kale heshiisyo la saxeexdaan qaanuunka soomaaliland ma ogol yahay iyadoo dawladi jirto?, waxaa la yidhi wixii la arki jiray waxooda laga akhristaa waxaan la arkii jirina min subxaanala alleyle waa arrin ugub ah oo aan ina soo marin 20kii sanadood ee aan madaxbanaanideena la soo noqonay laakiin 1ookii maalmood ee xukumada silaanyo talada haysay dhacday.salaadiin ciidanka difaaca kaga jira jiidaha hore go,aaminaysa in la soo oo raro dawlad la,aan dheh!. waana mid ka mid ah gefafka xukumadu silaanyo ka gashay dalka iyo dadkaba muddadii 100 maalmood ee ay xilka haysay. Xukumadan madaxweyne silaanyo ayaana sabab u ahayd inay salaadiintu maroorsadeen taladii iyo awoodii qaranka somaalidu waxay tidhaahdaa geelow geed walba cunoo maalintaad ciin daaqdaa lagu yaaba waxaa salaadiinta loo yaabaa markay odaydan guurtida ee shaqadooduba tahay nabad iyo heshiisin siyaasad ku dhisan xilkooda xawishaan. Xilligii ololaha doorashada silaanyo wuxuu ballanqaadey inuu xushmaynayo xeerarka iyo distoorka ummadu dhigatey,dalkana taladiisu aanay noqonayn mid ka go,da hal qof ama koox, balse uu noqdo mid hayadihiisa sharcigu (fulinta ,sharci dejinta ,garsoorka) hagayaan. 100-kii maalmood ee xukumada silaanyo haysey talada dalka waxaa isku milmay salaadiinta iyo fulintu !.alleyle waxaan maqli jiray foodsaar baa daba saar loo rogaye tanba tiiyoo kale ah. mudane madaxweyne ballanqaadyadaas distoorigee kugu baaqdey weli waa lagaga fadhiyaa! Gunaanadkii salaadiinta waxaan kula dardaarmayaa somalidu waxay tidhaahdaa hawl lagaa xigo iyo hadal lagaa xigo midna lama hororsado ee heshiiyada siyaasiga ah fulintaa leh! (golaha xukumadda),nabadgelyadana guurtidaa leh! Idinkuna tan hoose ee reerahaad leedihiin (maggaha) siyaasaddana cid kale ayaanu u dooranay, madaxweynowna reer keliya madax ha u noqon oo salaadiintaada hoos hawla faqin codka reeraha oo dhan baad kursiga ku fadhidaaye.reeraha dhex u noqo ilaahow cadaalada waafaji! Guddigii nabadgelyada ee aan xukumaddii hore kalsoonida kaga qaadnay oo in la ansixiyo qarka u saaran Xilligii xukumaddii Udub Xisbiyada mucaaridka Ucid iyo xisbiga kulmiyeba waxay muddo dheer sida fiinta uga qaylin jireen gudiga nabadgelyada iyo weliba inay yihiin qayru distoori amaba xaaran, jiritaankooduna qaanuunka dalka aanu waafaqsanayn . sidaas darteed madaxweyne silaanyo waxa uu ballanqaadey marka uu ku guulaysto talada dalka inuu tirtiri doono gudigan aan meelna ka soo gelin qaanuunka dalka,ee dadka iska xidhxidha ,ee iska xukuma . waxaan maqli jiray magaalo kheerkaa u cay adna ha deyn waxaan muhmal ku jirin in xukumadda silaanyo sharciyad u raadinayso guddi nabadgelyo oo gudoomiye u yahay silaanyo,xoghayana ka yahay jiifkiisu lana filaayo waajibaadkoodu inuu noqdo kay fulin jirreen gudigii nabadgelyada ee uu madaxda ka ahaan jiray madaxweynihii hore daahir riyaale. Baabi,inta gudigani waa mid ka mid ah ballanqaadyadii silaanyo ololaha doorashada ku galay oo uu ku soo baxay,dadweyne badanina codka ku siiyeen. Haddaba haddii gudigani kii uun yahay arrintani waxay muujinaysaa fashil ku yimi xukumada silaanyo ,waana qayru distoori . ballanqaadyadii ololaha haddaan la fulina waxa iska noqonaysaa qiiro iyo jibo aan wax macno ah samaynayn.waxay kaloo arrintani ka horimaysaa hadafkii iyo himilooyinkii aan higsanaynyay ee ahaa in isbedel wax ku ool ahi dalka ka dhaco,ogow xukumadana waa ku waajib inay fuliso barnaamijyadii loogu codeeyay.tana faashil kale dheh!!. La soco Eng maxamed jaamac axmed (maskax) Gudoomiye-ku-xigeenka warfaafintga ee KULMIYE
-
Somalidiid Websites Admit that Widhwidh Meeting between Garaad Abshir & Somalidiid Militia was failure FASHILKA KU GADAAMAN WADA HADALADII WIDHWIDH ( Odweyne News) Ibrahim Duale Suleiman, somaliland44@hotmail.com Maamulka Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu hore ugu dhawaaqay inuu wada hadalo la geli doono kooxaha Somaliland-diidka ah ee la magac baxay SSC, kooxahaas oo ku ballan qaaday in ay Somaliland cudud ciidan wax kaga qaban doonaan ama kuburburin doonaan. Haddaba, maamulkan cusub ee Somaliland ayaa markii xilka uu la wareegayba waxa uu u diray aagga Widhwidh Salaadiin ka soo jeeda bariga Burco kuwaas oo loo diray hawl qaranku lahaa balse aan ahayn hawl qoys ama qabiil leeyahay midna. Sida caadiga ah ama qaalibka ah waxa madax iyo hogaan dhaqameedka loo dirtaa wixii khuseeya reeraha ama beelaha. Haseyeeshee, tan uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay waa xaajo ugub ah oo ah in Salaadiini ka taliso masiirka ummada iyo ta ciidanka qarankan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Weliba waxa wax weyn ah oo laga xishoodo in Salaadiintaasi uu hawlaha qaranka sida qarsoodiga ah ugu igmaday ay yihiin Salaadiin la heyb ah, taas oo aan hore uga dhicin dalka Somaliland. Arrintaas iyada ihi waxa ay Somaliland-diidka u noqotay guul taas oo ay u arkeen in qadiyaddii meesha taalay ee khilaafku ka jirayba ay ka dhigeen mid u dhexaysa la laba beelood. Fashilka iyo guul darrada la soo deristay maamulka Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha kooxdan SSC la baxday, waxa ka marag kacaya hadalada Garaad Abshir ee uu ku cadeeyay in shacabka Widhwidh yihiin reer Puntland, Somalilandna ka dhexeyso darisnimo wanaag. Hadaba, su’aasha u baahan in la isweydiiyaa waxa ay tahay goorma ayaa lagala gorgortami jiray xaduudaha iyo qadiyadda madaxbanaanidda Somaliland Kooxo Xag Jir ah? Annigu garanmaayo in ay hore arrintaasi u dhacday, balse waxa jawaabteeda laga sugi doonaa Xukuumadda talda dalaka heysa hadda. Waxa kale oo jirtay in madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiyeba ay in badan ku celcelin jireen in UDUB iyo Daahir Rayaale aanay daacad ka ahayn in Jamhuuriyadda Somaliland hesho Ictiraaf caalami ah. Haddaba, waxa isweydiin lihi waxa ay tahay Madaxweyne Siilaanyo ma sidan ayuu ictiraaf ku Keenayaa? Maamulkan maanta jira waxa ku gadaaman madmadow badan xagga siyaasaddiisa arrimaha debedda. Waxa kale oo shaki badani ku jiraa aragtidiisa ku aadan sugidda xuduudaha somaliland iyo weliba gaadhsiinta maamulka ee dalka oo dhan iyada oo aan cidna loo daba fadhiisan hawshaas iyada ah. Su’aasha kale ee mudan in la isweydiiyo qaabka loo dhigay wada hadalka kooxda SSC ma yahay mid laga gaadhi karo guulo muuqda ama mid midho dhala? Beelaha somaliland degaa waxa ay shirkii beelaha ee Burco1991 si buuxda u taageereen oo isku raaceen in ay Somaliland noqoto dal gooni ah oo leh xuduudihii uu gumeysigu kaga tagay 1960. Ma garan waxa wada hadalkan cusubi ee iminka daaran yahay iyo waxa ay ka wado xukuumadda cusubi in ay Somaliland ku celiso halkii ay maraysay 1991-kii!!! Ibrahim Duale Suleiman somaliland44@hotmail.com London
-
Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010] Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010] Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010] Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010] Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010] Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010] Buuhoodle, SSC - Somalia
-
Most somalidiid clannish liars in SOL are ignorant and macangag, they should accept the reality, Somalidiid is unwelcome in SSC region, 99.99% of SSC people including Widhwidh support United Somalia, and they don’t want Somalidiid militia in their region The Widhwidh meeting between Somalidiid Malitia and Garaad Abshir ended in being a total fiasco, nothing seems to be working out for Warlard Siilaanyo and his Somalidiid clan militia in SSC regions. as the outcome of Widhwidh meeting is the affirmation of Garaad Abshir "I WILL Always BE PUNTLANDER" Currently Somalidiid clannish liars telling their typical lies, they said Garaad Abshir will support Somali-diidland, but the Garaad didn’t like their lies and he is angry now , Garaad Abshir spoken himself and declared in Widhwidh "I WILL Always BE PUNTLANDER" The vast majority of SSC Army in Widhwidh are from Wighwidh area, and led by Senior SSC Official Keyse Cabdi Yusuf – a proud son Widhwidh, most of the SSC Military operations was carried out by SSC army based in Widhwidh. Thanks to Keyse Cabdi Yusuf and his Widhwidh boys, SSC Army carried out numerous successful Military operation in Widhwidh,Las Anod, Gumeys, Yagoori, etc Thousands of SSC Army were from Widhwidh before Mustafa Galaal joined SSC Army, and today still thousands of SSC Army are from Widhwidh, Mustafa Galaal and few militia men (around 25) will not make difference. “ Garaad Abshir wuxuu ka mid ahaa raggii Somaliland madaxbanaanideedii shirweynahii Burco ugu dhaartay iyo kii Booramaba, kana mid noqday xildhibaanada baaralmaanka Somaliland" Cabdi Xuseen Yuusuf Cabdi Xuseen is big liar, he is telling false information like how most Somalidiid clannish liars are telling lies presently about Garaad Abshir’s participation in Widhwidh Meeting. No surprise that Cabdi Xuseen Yuusuf is lying about the Garaad, because Somalidiid they lie about every meeting, the last one is Widhwidh Meeting between Garaad Abshir and Somalidiid militia.
-
Somalidiid failed in Widhwidh, The outcome of Widhwidh meeting between Garaad Abshir and Somalidiid is "I WILL Always BE PUNTLANDER"
-
By Rageh Omaar: In my own country, Somalia, where al-Qaida-affiliated groups have dictated how the World Food Programme delivers emergency food By Rageh Omaar: As a Somali, looking at what happened in my country during the US-led humanitarian intervention in 1992 and what is happening today, what I find unacceptable is that a humanitarian operation can be elevated to the status of being above criticism.
-
Shirkii Garaad Abshir Iyo SNM-ta Oo Fashil Kusoo Dhammaaday Widhwidh:-Shirkii u dhexeeyey Garaadka beesha Guuleed Garaad Iyo wasiirro ka socda maamulka Jabhadda SNM, oo uu hoggaaminayey Horgal Baashe Maxamed Cadde, oo ku magacaaban Guddoomiye ku xigeenka Wakiillada maamulkaasi, ayaa ku soo xidhmay Natiijo la’aan. Waxaana la sheegay in dhammaan codsiyadii uu soo jeediyey Garaad Abshir aysan jirin wax laga aqbalay, marka laga reebo in la yidhi waxaa la idin siinayaa 2 qof magtood, labadaas qof ayaa lagu sheegay labo dumar ah, oo lagu dilay deegaanka Balli-hadhac, halkaasoo beebbee ay wateen maleeshiyaadka beesha Sacad Yoonis, ee ***** ka soo jeeday ay marsiiyeen 23/May 2010kii. Sida uu BBC-da u sheegay Garaad Abshir wuxuu sheegay in ay waajib tahay in wax lala qaybsado maamulka Hargaysa, waxaana hadalka uga dambeeyey Horgal Baashe Maxamed Cadde, oo sheegay in waxyaalaha ay ku heshiiyeen ay ugu muhiimsan tahay. 1: Maamulka lagu baahiyo deegaanada Beeshu degto ama Degmada Widhwidhba. 2: Beesha Guuleed Garaad ay nabadda kala shaqayso ciidamada iyo maamulka degmada ee Somaliland. 3: In magdhaw laga siiyo labadaas qof, oo uu horgal Baashe ku tilmaamay kuwo aan hubaysnayn. Waxaana aan marnaba la soo hadal qaadin qaadistii Ciidamada, ee lagu maaweeliyey shacab fara badan iyo dadka wax magaratada ah. Garaadka ayaa mar la waydiiyey bal in Ciidamada laga qaadayo iyo inkale ayuu sheegay in arrintaasi ay tahay mid sir ah, waxaana hadalkiisa laga dhadhansanyey inuu waji-gabax kala soo kulmay gogashii uu dhigay deegaankiisa la haysto. Horgalladii iyo Wasiirradii beesha ***** ayaa la sheegay inay shalay galab halkaas ka soo carraabeen, isla markaana ay xalay ku hoydeen magaalada la haysto ee Laascaanood. Waxaana muuqata in waji-gabaxa la soo gudboonaaday Garaad Abshir inay ka turjumayso sharaf darrada iyo Quudhsiga guud ahaan Beesha *********** u yaalla maamulka SNM. Kuwaasoo sida warar xog ogaal ahi xaqiijinayaan u sheegay in ciidamadu yihiin ciidamo dawladeed oo Dhul qabsaday, macquula aysan ahayn inay dhulkeey qabsadeen dib uga baxaan. Waxaana la sheegay in Sarkaalka ciidamada bari waxa loogu yeedho haystaa uu ka sheegay shirkaas in ay sannadkani inta uusan dhammaan soo afjarayaan deeganada *********** dego ee gacantooda ka maqan. Intii ay booqashadan Horgalladu ka socotey Widhwidh ayeysan jirin wax tallaabo ah, oo Hoggaanka SSC ka qaadeen, taasoo ayaduna muujinaysa fadhiidnimada la soo deristay Hoggaankaas, oo ay la hadheen madaxdii u sarraysey. Wuxuuna Horgal Baashe ku nuux-nuuxsaday in Beesha Guuleed Garaad ay qaadatay, doorna bidday inay maamulka la shaqeeyaan, deegaankoodana laga ilaaliyo waxii liddi ku ah nabad gelyada maleeshiyaadka SNM ee jooga, asagoo marwalba afkiisa ka ilaalinayey wax muujinaya qaadista la sheegayn in la qaadayo Maleeshiyaadka beesha ***** ee Widhwidh haysata. Isku soo wada duuboo, arrintan ayaa waxay tahay mid markale shacabka SSC xasuusinaysa colaadda dhidibada adag ee uu maamulka Beesha *****, oo u dawladeenaya ay u hayaan, ayagoo ku adeeganaya Horgallo deegaanka ka soo jeeda, oo damiirkoodii mar hore gatay. Jidbaale.com
-
Shirkii Garaad Abshir Iyo SNM-ta Oo Fashil Kusoo Dhammaaday Widhwidh:-Shirkii u dhexeeyey Garaadka beesha Guuleed Garaad Iyo wasiirro ka socda maamulka Jabhadda SNM, oo uu hoggaaminayey Horgal Baashe Maxamed Cadde, oo ku magacaaban Guddoomiye ku xigeenka Wakiillada maamulkaasi, ayaa ku soo xidhmay Natiijo la’aan. Waxaana la sheegay in dhammaan codsiyadii uu soo jeediyey Garaad Abshir aysan jirin wax laga aqbalay, marka laga reebo in la yidhi waxaa la idin siinayaa 2 qof magtood, labadaas qof ayaa lagu sheegay labo dumar ah, oo lagu dilay deegaanka Balli-hadhac, halkaasoo beebbee ay wateen maleeshiyaadka beesha Sacad Yoonis, ee ***** ka soo jeeday ay marsiiyeen 23/May 2010kii. Sida uu BBC-da u sheegay Garaad Abshir wuxuu sheegay in ay waajib tahay in wax lala qaybsado maamulka Hargaysa, waxaana hadalka uga dambeeyey Horgal Baashe Maxamed Cadde, oo sheegay in waxyaalaha ay ku heshiiyeen ay ugu muhiimsan tahay. 1: Maamulka lagu baahiyo deegaanada Beeshu degto ama Degmada Widhwidhba. 2: Beesha Guuleed Garaad ay nabadda kala shaqayso ciidamada iyo maamulka degmada ee Somaliland. 3: In magdhaw laga siiyo labadaas qof, oo uu horgal Baashe ku tilmaamay kuwo aan hubaysnayn. Waxaana aan marnaba la soo hadal qaadin qaadistii Ciidamada, ee lagu maaweeliyey shacab fara badan iyo dadka wax magaratada ah. Garaadka ayaa mar la waydiiyey bal in Ciidamada laga qaadayo iyo inkale ayuu sheegay in arrintaasi ay tahay mid sir ah, waxaana hadalkiisa laga dhadhansanyey inuu waji-gabax kala soo kulmay gogashii uu dhigay deegaankiisa la haysto. Horgalladii iyo Wasiirradii beesha ***** ayaa la sheegay inay shalay galab halkaas ka soo carraabeen, isla markaana ay xalay ku hoydeen magaalada la haysto ee Laascaanood. Waxaana muuqata in waji-gabaxa la soo gudboonaaday Garaad Abshir inay ka turjumayso sharaf darrada iyo Quudhsiga guud ahaan Beesha *********** u yaalla maamulka SNM. Kuwaasoo sida warar xog ogaal ahi xaqiijinayaan u sheegay in ciidamadu yihiin ciidamo dawladeed oo Dhul qabsaday, macquula aysan ahayn inay dhulkeey qabsadeen dib uga baxaan. Waxaana la sheegay in Sarkaalka ciidamada bari waxa loogu yeedho haystaa uu ka sheegay shirkaas in ay sannadkani inta uusan dhammaan soo afjarayaan deeganada *********** dego ee gacantooda ka maqan. Intii ay booqashadan Horgalladu ka socotey Widhwidh ayeysan jirin wax tallaabo ah, oo Hoggaanka SSC ka qaadeen, taasoo ayaduna muujinaysa fadhiidnimada la soo deristay Hoggaankaas, oo ay la hadheen madaxdii u sarraysey. Wuxuuna Horgal Baashe ku nuux-nuuxsaday in Beesha Guuleed Garaad ay qaadatay, doorna bidday inay maamulka la shaqeeyaan, deegaankoodana laga ilaaliyo waxii liddi ku ah nabad gelyada maleeshiyaadka SNM ee jooga, asagoo marwalba afkiisa ka ilaalinayey wax muujinaya qaadista la sheegayn in la qaadayo Maleeshiyaadka beesha ***** ee Widhwidh haysata. Isku soo wada duuboo, arrintan ayaa waxay tahay mid markale shacabka SSC xasuusinaysa colaadda dhidibada adag ee uu maamulka Beesha *****, oo u dawladeenaya ay u hayaan, ayagoo ku adeeganaya Horgallo deegaanka ka soo jeeda, oo damiirkoodii mar hore gatay. Jidbaale.com
-
HORSEED: Shir Weynihii Gobalada SSC 2009 Nairobi, Kenya Qodobadii Muhiimka ahaa ee Shirka Kasoo Baxay 1.In la mideeyo beelaha degan Sool,Sanaag,iyo Cayn. 2.In beeshu ay qayb ka tahay Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ayna diyaarna u tahay doonista midnimo Soomaaliyeed. 3.In beeshu ay dib u xoreyso Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyadoo kaashanayso Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland. 4.In Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland ay ku guul daraysatay wax ka qabashada Gobolada maqan iyo qodobo kale oo salka ku haya.