MR ORGILAQE

Nomads
  • Content Count

    1,316
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by MR ORGILAQE

  1. Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Su'aalo laga Waydiiyay Dagaalkii Ka Dhacay Aricadeeye Garoowe (AllPuntland)- Waxaa shalay Xarunta Madaxtooyada DGSPL ku qabtay Shir Jaraa’id Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta DGSPL Md. C/risaaq Yaasin C/lle (Geesood), kaasoo uu kaga xog waramayay Kormeerkii Hawleed ee uu Maalinimadii Sabtida ku tagay Jiida Hore ee Dagaalka ka socdo ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Wasiirka ayaa sheegay inuu Halkaasi kula kulmay Saraakiisha sar sare ee Ciidamada, Masuuliyiinta Gobolka Sool, Odayada, qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaasoo uu ka dhegeystay warbixinno ku saabsan Xaaladda Dagaal iyo waxyeelada Ciidanka soo gaadhay, waxaa kale oo uu soo indha indheeyey Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Jiidda Hore ee dagaalka. Wasiirka ayaa sheegay dhamaan masuuliyiintii iyo dadkii uu kula kulmay meelihii uu tagay inay dhamaantood u muujinayeen inay ka xun yihiin dagaalkaan iyo gardarada maalin walba lagu soo qaadayo dhulkooda, waxayna kulan kasta ay dadku noo sheegayeen ayuu yiri inay ka go’an tahay difaaca dalkooda ayna u dulqaadan doonin gardarro lagu soo hunguriyeeyo dhulkooda. Wasiirka oo markii uu dhameeyey Warbixintii ay ka weydiiyeen suxufiyiintu su’aalo dhawr ah ayuu uga jawaabay. Waxayna u dheceen su’aalihii sidan:- Su’aal :- Md Wasiir waxaa jira in dagaalka lagu soo qabtay Maxaabiis marka side ula dhaqmaysaan Maxaabiistaas aad soo qabateen? Jawaab:- Maxaabiista aannu qabanay waa 23, waxaanna Aaminsanahay dad walaalahaya ah oo la soo khalday inay yihiin waxaanuna ula dhaqmaynaa sida ugu wanaagsan ee loola dhaqmo Maxaabiista, iyo sida ugu fiican ee loo daaweeyo ama wax loogu qabto. Su’aal:- Md. Wasiir ma jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamka DGSPL? Jawaab:- Haddii kol meel dagaal ka dhoco khasaare waa imaanayaa, khasaarana waa jiraa dad baa dhintay, kuwaa dhaawacmay, laakiin wax qayma ah ee ay noo leedahay ma jiro, xagga iyo xagaba waxa ku dhintayba waa dad walaalahaya ah ee soomaaliyeed, mana ku faanayno kuwa xagga ku dhintay sida aan uga xunahay kuwayaga ayaanu uga xunahay. Su’aal:- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliland waxa uu sheegay inay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac boqolaal gaaraysa inay idiin geysteen marka arrintaas idinku maxaad ku beeninaysaan? Jawaab:- Soomaalidu waxay tiraahdaa “Haruubkaa tabin†ninkii maanta ciidankiisu jabay ama ciidankiisu ama baaba’ay isagaa ciil iyo caro qaba, annagu koley waxyaalahaan ku muujin karno waxaa ka mid ah in Taliyihii Aaggooda oo dhan dhintay, in saddex taliye guuto ahi ka dhimatay, in ciidan faro badan maydkoodii mesha daadsan yahay, waxaana weeye waa iska midi midi ku taag waa hadal Afrikaan in la yiraahdo boqolaal baan dilnay iyo magaciisii baan dilnay, hadee ishaa Macalina, Masuuliyiintaa Macalina, ninkii ugu sareeyey Ciidankooda ayaa dhintay, guutooyinkii soo weeraray ee saddexda ahaa saddexdii Taliye guuto waa ka dhinteen, meel walba dhaawac iyo mayd baa ka daadsan, aad baana uga xunahay dadka walaalahaya ah oo dhintay, ama dhaawacmay kuna faani mayno, dadka dhintay xagga iyo xaggana masuuliyaddaas iyagaa qaadaya, caalamkana waa u sheegaynaa. Su’aal:- Sida uu sheegay Wasiirka Soomaaliland waxa uu yiri Dagaalku weli ma dhamaan waa soconayaa, marka idinka maxaa idiin qorshaysan ka Dawlad Goboleed ahaan? Jawaab:- Waa Nasiib darro; Nasiib Darro weeye; in maamulka Soomaaliland ay leeyihiin weli weerar baanu nahay, annagu weerar ma nihin laakiin waxaa noo qorshaysan inaanu is difaacno, hadday na soo weeraraana dee koley Jawaabteeday helayaan, annaguna difaac baanu nahay, haday manta na soo weeraraan iyo haddii ay berri na soo weeraraan iyo haddii ay maalin kale na soo weeraraanba, waxaanuna maamulka Soomaaliland u sheegaynaa “warhooy nina nin gurigii ma xukumo, Soomaaliyana shan qaybood bay u qaybsantay qayb ka midaanu nahay Laascaanood qayb baanu wada nahay isir baanu isku raacnay shirarkii lagu qabtay Carta iyo Imbieghatiba, annagaa isla dhalanay, annagaa dhulka leh, annagaa mid wada ah, annagu Boorame weerar kuma nihin oo Burco weerar kuma nihin, gurigayagii weeye waxa weerarka lagu yahay, mar walbana waxay yiraahdaan waa nala soo weeraray, ma xishoonayaan, hadee waxyaalah beenta ah in laga xishoodaa wanaagsan, hadee diyaar baanu u nahay inaanu is difaacno. Su’aal:- Waxaa kale oo jira sidii shalay nalooku sheegay furinta in ciidan badani iyo hubba uu ka soo goostay Ciidanka Soomaaliland, side la idiinku xaqiijiyay inuu ciidankaasu jiro? Jawaab:- ciidankaasi ciidan qarsoon maaha; ciidan 80 nin iyo saddex tikniko ah iyo gaari xamuul u saaran yahay ayaa ka soo goostay oo awal dad la khalday ahaa, oo u dhashay dhammaantood gobolka Sool, ciidankaasuna annaguu xagayaga yahay, ciidan qarsoona maaha, ciidan laga been sheegi karana maahan, ciidan la khalday bay ahaayeen, haatanna ogaaday runta, oo ogaaday in dhulkooda iyo guryohooda weerar lagu yahay. Su’aal:- sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa in maxaabiistii ay qabteen ciidanka Soomaaliland ay qaar ka mid ah laayeen oo ay ku jiraan rag saraakiila ah oo ay ka mid yihiin Axmed Raan, marka idinku Tallaabada aad ka qadaysaan Maxaabiistan aad gacanta ku haysaan maxay tahay? Jawaan:- Taa waa ka Jawaabay; Annaga Maxaabiista layn mayno, ilaahayna naguma jirabin, nin maxbuus ah oo walaalkaya ah oo aan dagaal ku qabanay inaan dilno, mana dilayno, sida ugu wanaagsan baan ula dhaqmaynaa, waa nasoo gaartay inay maxaabiis laayeen, adduunkana waxaan u sheegaynaa inay waxaasi yihiin wax aad u xun, nin maxbuus ah oo la dilay, umadda walaalaha ah oo wada dhalatay oo shacabka ahna in colaytan iyo dhibaato intaas le’eg la kala dhex dhigo waa wax aad u xun, dadka Puntland waxay aad uga xumaayeen oo aad iyo aad uga urageysnayeen Gabadha yarta ah ee Hargeysa lagu haysto oo madaxweyne ku xigeenku hayo, oo ma taqaanaa si xun loola dhaqmay, oo la jirdilay oo la fara xumeeyey, marka haddii la yiraahdo maxaabiistiina waa la laynayaa dee annagu waxaan leenahay shacabka yaan la isku dirin, oo yaan ummadda…….dadka walaalaha ah oo ganacsigu ka dhexeeyo oo is dhexmara oo wada joogaoo qaraabada ah oo xididka ah yacni colaytan intaas le’eg yaan la dhex dhigin, caalamkana waxaan ogeysiinaynaa ina arrintaasi ay tahay arrin mamnuuc ah oo ku xun in maxaabiista la laayo, annagu 23 nin baanu qabanay, 23-kana bisha cas baanu tusaynaa caalamkaan tusaynaa, niman weriyayaal ah oo hadda nala jooga oo ka socda Caalamkaan tusaynaa si wanaagsanna waan ula dhaqmaynaa. Su’aal:- ugu dambaytii maxaad ugu baaqaysaa umadda reer Puntland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa kuwaasoo idinkala socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta? Jawaan:- Waxaan ugu baaqaynaa; waxa lagu yahay weerarka waa guryeheenii deegaankeenii iyo shacabkeenii, marka waanuna is difaacaynaa, haddee wixii aad ka qayb qaadan kartaan af iyo addinba waa inaad u diyaargarowdaan, wabillaahi Tawfiiq. Warintii: Faarax Yusuf Nuur (Faarax KK) Garoowe, Puntland, Soomaaliya -------------------------------------------------------------------------------- Shir ka dhacay Xarunta Gobolka Nugaal Garoowe (AllPuntland)- Waxaa Shalay ka dhacay Xarunta Gobolka Nugaal shir ballaaran oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Gobolka Nugaal, kuwa degmada, Odayaasha, Nabadoonada, qaybaha Bulshada kaasoo looga hadlayay Xaaladda Dagaal ee ka jirta Gobolka Sool. Ugu horreyntii waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Nugaal Md. C/qaadir Cuuke (Bicir), waxaana uu ka hadlay sida ay uga xun yihiin Shacabka Gobol Nugaal Gardarada Ciidanka Riyaale ee weerarka ku ah Dhulkooda iyo dadkooda, waxaana uu sheegay in inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Walaalohooda Gobolka Sool ayna marnaba ku daawanayn Gardarrada Riyaale. Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland C/lle Sare Nuur-salaad Muuse oo war bixin dheer oo ku saabsan Xaaladda Dagaal ee ka aloosan Gobolka Sool u soo jeediyay masuuliyiintii iyo dadweynihii halkaasi isugu yimi. Taliyuhu waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay Maalinimadii Jimcaha ay Ciidamada Puntland ku gacan sareeyeen cadawgiina la jabiyay, waxa uu si faahfaahsan ugu kala dhigay Dagaalkaas iyo sidii uu u dhacay iyo weliba sida ay guushu ku raacday Ciidamadii Puntland, waxaana uu sheegay in ay hadda ciidanka Cadowgu siweyn isugu diyaarinayaan inay soo roigaal celiyaan weeraro kale, waxaana sidaa qirtay Masuuliyiin sar sare ee ka tirsan Taliska Riyaale, Waxaana sida la sheegay ay ku soo gurayaan Jiida dagaalka Ciidamo iyo hub. Sidaa awgeed waxa uu taliyaha Ciidanka Boolisku G/lle Sare Nuur Salaad ku dhiiri geliyay inay waajib tahay Difaaca Dalka loogana qayb qaato sida ugu dhaqsaha badan.aanna loo kala harin, rag iyo dumarba. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Nabadoon Caydiid soo dhaqsade oo sheegay inay sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Gobolku Bicir ay ka gobol ahaan Maamul odayo iyo Shacabba ay ka go’an tahay difaaca dalka kuwaasoo ay ku can bexeen, hadana ay diyaar u yihiin sidii loo difaaci lahaa Gobolka Sool, waxaana uu sheegay in ay aaminsan yihiin labada Gobol inay isku mid yihiin. Faarax Yusuf Nuur (Faarax KK) Garoowe, Puntland, Soomaaliya -------------------------------------------------------------------------------- Guumiyaha Baarlamaanka Puntland oo la Dhaarshay Garoowe (AllPuntland)- Fadhigii Shalay ee Golaha wakiilada DGSPL ayaa maanta lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha wakiilada DGSPL Md. Cismaan Dalmar Yuusuf, oo lagu doortay Fadhigii shalay ee Golaha. Cismaan Ayaa la doortay ka dib markii Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada ay kala noqdeen Kalsoonidii Guddoomiyenimada iyo xubinimadii Golahaba, ka dib markii lix ka mid ahaa Mudanaasha Goluhu ay u soo jeediyeen Dhaliilo 7-qodob ka kooban goluhuna ka dooday. Dhaartii Cismaan Dalmar Yuusuf ayaa waxaa dhaariyay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee DGSPL. Dhaartii ka dib ayuu Guddoomiyaha cusubi waxa uu halkaa ka jeediyay Hadallo kooban kuwaasoo uu ku sheegay in ay sharci ahaan ahayd inuu manta Furmo kalfadhigii 12-aad ee Golaha Wakiilada, laakiin uu u baaqday Kooramka Mudanayaasha oo aan dhamayn, waxaana ictiqaadsanahay ayuu ri inuu inoo furan yahay kalfadhigii 12-aad ee Golaha, waxaana uu ka codsaday mudanayaasha inay soo xaadiraan shaqada. Waxa intaasi ka dib ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Md. Cali Saxar Guuleed, oo shegay in isbadalkaani ku yimi si loo sameeyo isbadal shaqo oo ka horumarsan kii hore sidaa daraadeedna Mudanayaasha iyaga oo ka tarjumaya Magacooda Mudanenimo iyo kan Gole Wakiil ahaan ay dadka iyo dalka Hawsha ay uiga aadan yihiin u gutaan si hawlkarnimo ah, shaqadana la geliyo dar dar cusub. Mudane Cali Saxar waxa kale oo uu mudanayaasha u sheegay in mudanihii aan soo xaadirin shaqada laga jari doono Gunadooda, laguna dayactiri doono Xarunta Golaha Wakiilada. Si kastaba ha ahaatee fadhigii saaka mudanayaashii ka soo qayb galay ayaa niyadoodu dhisnayd waxayna u muuqdeen kuwo ku faraxsan Guddoomiyaha cusub ee ay u doorteen inuu xilka u hayo mudada labada bilood ah ee harsan. Faarax Yusuf Nuur (Faarax KK) Garoowe, Puntland, Soomaaliya This is Better I am glad there is some sense of Somaliness around
  2. Koox Suxufiiyiin Caalami Ah Oo Booqasho Ku Timi Jiida Hore Ee Dagaalka Waxa Kale oo Ay La Kulmeen Maxaabiista Laga Qabtay Malayshiyada Isaaqa Laascaanood(Radiolascaanod.com) Isniin 01/11/04:-Koox Suxufiyiin ah Oo Ka Socday wargeysyo Caalami ah oo ka soo baxa wadamada Belgium,Holland iyo Switzerland ayaa waxa ay booqdeen jiida hore ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta Puntland iyaga oo halkaasi kula kulmay saraakiisha Ciidamada. Suxufiyiintan caalamiga ah ayaa looga xogwaramay xad-gudubka ay ku talaabsanayaan beelaha Isaaqu iyaga oo dhulkii ay deegaanka u lahaayeen ka soo talaabay gudaha dhulka Puntland ugu jira 150km. Waxa kale oo suxufiyiintan caalamiga ah la tusay sida wanaagsan ee loola dhaqmay maxaabiista ciidamada Malayshiyada Isaaqa oo si haboon loo xaq dhawray, iyaga oo la kulmay maxaabiista dhaawaca ah ee lagu daweynayo Cisbitaalka Laascaanood ,waraysi la yeeshay oo weydiiyeyna sida loola dhaqmay Siciid maxmed Garre oo ka mid ah Dhaawaca lagu daweynayo Cisbitaalaka ayaa waxa uu suxufiyiintaas u sheegay in si haboon loola dhaqmay, isla markaana xaaladiisu ay fiiican tahay. Suxufiyiintan ayaa looga xogwaramay sida waxashnimada ah ee ay u beelaha Isaaqu ula dhaqmeen maxaabiistii laga qabtay ciidamada Daraawiishta iyaga oo ku toogtay jeelka dhexdiisa sida Col.Axmed Raan iyo Col .C/laahi Gadhabay , waxaana la tusay sidii xurmo darada ahayd ee ay Isaaqu maydadkii saraashii ka shahiiday Ciidama Daraawiishta ee ay qaateen ay ugu soo bandhigeen warbaahinta Taas oo argagax ku noqotay suxufiyiintii caalamiga ahayd ka diba markii ay indhahooda ku arkeen falalka waxashnimada ah ee ay ku talaabsanayaan Isaaqu. Suxufiyiinta ajnabiga aha ayaa ku amaanay ciidamada Daraawiishtu sida fiican ee ay ula dhaqmeen maxaabiista , halka ay ku tilmaameen faldanbiyeed maydadka ay isaaqu soo bandhigeen ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah Suxufiyiinta ayaa markii ay dhamaysteen hawlihii ay u yimaadeen dib ugu noqday Mahaalada Garoowe iyaga oo hore halkaasi loogu tusay Maxaabiista ku jita jeelka Garoowe, oo iyaga ay soo booqdeen hay’ada Bisha Cas. Suxufiyiinta Oo fadhigoodu yahay Nairobi ayaa la filayaa in ay dib ugu noqdaan dhawaan marka ay dhamaystaan xogaha ay u socdeen. Radiolascaanod.com Laascaanood Puntland Somaliya AND NOW THE WORLD WILL KNOW THE TRUTH
  3. Every warlord who is defeated tends to pick a ghost enemy that doesnt exist.Abdulqasim used to pick Ethiopia now Riyaale after staring a war and gotten beaten says OLF.Please give us a break.In fact what is absolutely facctual is that Somaliland only fought against *********** and lost now the entire Puntland Might is descending upon the borders of Somaliland let us see what happens
  4. Anyone seen the pic. of the two kids dressed up and made to look like a couple?.Very funny isnt it!Also the picture of the valley,what a sight it is in sanaag puntland and of course the beaches.Yaaa hooo
  5. As for us, what are you talking about? We are Somalis, kicked us out ku lahaa Ku lahaa is that another word in the Prisons dictionary my dear Rahima i never could find it in the Oxford dictionary! Does it have anything to do with those Hats that have things dangling from them?.Or is it another species in the reptilia family?.You do know you have a duty to report to Her Majesty's Government regarding new species and to the British Meuseum for cataloging!
  6. Nationalist please find a link for Qandala.com/picture below http://www.qandala.com/modules/myalbum/photo.php?mode=flat&order=1&item_id=5
  7. http://www.qandala.com/modules/myalbum/photo.php?mode=flat&order=1&item_id=5 the above link will take you to qandala website where you should see some awsome poictures and some funny ones!
  8. OOOOOH the colony's again.I say how are the prisons down there now that we kicked you out of Great Britain.I do recall going there to play a friendly with rif raffs in the prisons over there and despite their awful and dispicable behaviour we still beat them, Stiff upper lip and all!
  9. Hear hear Rahima!! do tell this confused man about the history of the founding fathers of Puntland and the legendary Darwish Forces!and where it's origins lie who they were and whom they represented!
  10. Hear hear Rahima!! do tell this confused man about the history of the founding fathers of Puntland and the legendary Darwish Forces!and where it's origins lie who they were and whom they represented!
  11. I remember passing at this rock mountain back in 1989 on my way to Gedo region and through there to the border of Kenya Bula Xaawo.I must say i had a whiff of Nostalgia at the good old days when I saw this picture of the mountain.You should see the other side of it is is even more breathtaking than this side!.This mountain is if my memory serves me right just at the X control of Baidoa and to it's right a mile away was a military base.Along this route to Gedo you'll find extraordinary gorges and large open grasslands with the largest Camels anywhere in the world.Vast numbers of goats and the unique black faced sheep that is Somali sheep not to mention huge numbers of those extraordinarilly large Camels could be seen across the vast open plains dotted with the very charismatic Acacia trees.This was a memorable trip for me and I thank you very much my brother who posted this.We seem to be concentrating on our negativities a lot and never on the good things going for us.And we do have a lot i will post some more pictures of Somalia soon.Thank you once again
  12. Neither side deserves to use that word in this battle. I don't see a particular group facing annihilation. This is another pathetic attempt by the Puntland propaganda machine to equate itself with the legendary heritage of modern day Somaliland and its founding fathers. Lander you keep forgeting the Darwish who are the legendary fighters that reigned in the british which helped the somalis as a whole are not from modern day Somaliland but are instead from the tribes that live in Puntland.Modern day Somaliland who's tribes come under the umbrella of SNM never took part in that war they sat it out so please do not claim a history that does not belong to you!!!
  13. Neither side deserves to use that word in this battle. I don't see a particular group facing annihilation. This is another pathetic attempt by the Puntland propaganda machine to equate itself with the legendary heritage of modern day Somaliland and its founding fathers. Lander you keep forgeting the Darwish who are the legendary fighters that reigned in the british which helped the somalis as a whole are not from modern day Somaliland but are instead from the tribes that live in Puntland.Modern day Somaliland who's tribes come under the umbrella of SNM never took part in that war they sat it out so please do not claim a history that does not belong to you!!!
  14. Mohamed Abdi Hashi will be the Man behind the Fall of Puntland State AND Riyaale in that case will be the fall of Somaliland.As for the chap who said that somaliland is a state and therefore will win citing that Lascanood is somaliland.Well bro Lascanood is Somalia and Somalia has been there long before a bunch of colonialist came over putting down this line that neither the people of the region nor the somali's as a whole recognised.If you think that it is greatness for a bunch of foreigners to come to your land and dictate to you some fancy division that they dreamed while sipping the God forsaken Alhocol then I worry for you as you no longer seem to posses the Pride that is SOMALI
  15. I wonder if this is what we will be discussing in days to come Laascaano:-Dagaal aad u kharaar ayaa saaka barqadii ka bilowday agagaarka Adhicadeeye halkaas oo labada Ciidan ee maamulada Soomaliland iyo Puntland ay fooda isku dareen iyagoo isdhaafsanaya hubabka madaafiicda culculus. Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu socday saacado badan oo labada ciidanba ay soo gaareen dhimasho ayaa dhaawac. Ciidanka Daraawiishta ee M/Goboleedka puntland ayaa ayaamahanba heegan kaga jiray agagaarka tuulada adhicadeeye,kadib markii laga warhelay in Maamulka Riyaale ay qaban qaabinayaan dagaal ay wax ku yeelaynayaa dadka degaanka Puntland. Dagaalkan ayaa istaagay Galinkii danbe abaarihii 04:00 galabnimo ee saacada afrikada Bari.Dagaalkan ayey ciidamada M/Goboleedka Puntland ay ku soo hooyeen guul aad u balaaran kadib markay gacanta ku dhigeen Ciidamo taabacsan maamulka Soomaaliland oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 35 askari oo ay ku jiraan taliyashii ciidamadan. Ciidamada Daraawiishta M/Goboleedka puntland ayaa hataan dib ugu soo laabtay Fariisamahii ay horay ugu lahaayeen aagagaarka Adhi-cadeeye. Sarkaal sare oo katirsan maamulka Puntland ayaa isna u cadeeyey Puntlandpost in askar aad u farabadan lagaga laayey Maamulka Riyaale Kaahin in kastoo aysan weli soo gaarin tirada Rasmiga ah ee laga laayey,ayse ogyahiin tirada rasmiga ah ee nolosha lagu qabtay oo uu ku sheegay 35 askari,Wuxuuna sarkaalku sii raaciyey hadalkiisa in lagaga gubay isla goobtaas ilaa 5 gaari oo isugu jira kuwa xanbaarsan Hubabka waayey ee madaafiicda . Dagaalkan maanta qarxay ayaa ahaa dagaal ay waayahanba ka gaabsanayeen maamulka puntland halka ay ku cadcadaayeen maamulka Riyaale ayse u arkayeen dadka qaarkiis inuu dagaalkani yahay Dagaal siyaasadeed ee aan laga laheyn dano saas u sii fog. Dagaalkan ayaa maanta bidhaamiyey weji colaadeed oo uu maamulka riyaale uu ku raadinayo inuu ku kala fogeeyo dadka walaalaha ee dariswadaaga ku noolaa waqtiyadii la soo dhaafay. Axmed A/salaan Puntlandpost,Garoowe,Soomaaliya
  16. Maybe this was more tasteful.I apologise Laascaano:-Dagaal aad u kharaar ayaa saaka barqadii ka bilowday agagaarka Adhicadeeye halkaas oo labada Ciidan ee maamulada Soomaliland iyo Puntland ay fooda isku dareen iyagoo isdhaafsanaya hubabka madaafiicda culculus. Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa inuu socday saacado badan oo labada ciidanba ay soo gaareen dhimasho ayaa dhaawac. Ciidanka Daraawiishta ee M/Goboleedka puntland ayaa ayaamahanba heegan kaga jiray agagaarka tuulada adhicadeeye,kadib markii laga warhelay in Maamulka Riyaale ay qaban qaabinayaan dagaal ay wax ku yeelaynayaa dadka degaanka Puntland. Dagaalkan ayaa istaagay Galinkii danbe abaarihii 04:00 galabnimo ee saacada afrikada Bari.Dagaalkan ayey ciidamada M/Goboleedka Puntland ay ku soo hooyeen guul aad u balaaran kadib markay gacanta ku dhigeen Ciidamo taabacsan maamulka Soomaaliland oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 35 askari oo ay ku jiraan taliyashii ciidamadan. Ciidamada Daraawiishta M/Goboleedka puntland ayaa hataan dib ugu soo laabtay Fariisamahii ay horay ugu lahaayeen aagagaarka Adhi-cadeeye. Sarkaal sare oo katirsan maamulka Puntland ayaa isna u cadeeyey Puntlandpost in askar aad u farabadan lagaga laayey Maamulka Riyaale Kaahin in kastoo aysan weli soo gaarin tirada Rasmiga ah ee laga laayey,ayse ogyahiin tirada rasmiga ah ee nolosha lagu qabtay oo uu ku sheegay 35 askari,Wuxuuna sarkaalku sii raaciyey hadalkiisa in lagaga gubay isla goobtaas ilaa 5 gaari oo isugu jira kuwa xanbaarsan Hubabka waayey ee madaafiicda . Dagaalkan maanta qarxay ayaa ahaa dagaal ay waayahanba ka gaabsanayeen maamulka puntland halka ay ku cadcadaayeen maamulka Riyaale ayse u arkayeen dadka qaarkiis inuu dagaalkani yahay Dagaal siyaasadeed ee aan laga laheyn dano saas u sii fog. Dagaalkan ayaa maanta bidhaamiyey weji colaadeed oo uu maamulka riyaale uu ku raadinayo inuu ku kala fogeeyo dadka walaalaha ee dariswadaaga ku noolaa waqtiyadii la soo dhaafay. Axmed A/salaan Puntlandpost,Garoowe,Soomaaliya
  17. No i pasted that article because there was confusion as to who was invading whom!I was not enjoying reading the crap that was there.I am actually quite angry with what is happening especially as i had high hopes only this month when we elected the new government.This was the last thing i was expecting!!!
  18. Well if you want to spare the lives of fella Somalis that is where it comes down to. But we can also manage other ways if that doesn't materialise. Well if you believe that you can force a people who neiter share clan loyalties with you nor political ideology especially if that ideology means further disintegration of The Republic of somali well bring it on let's see where that get's you.Puntland has 19000 Darwish soldiers heavily armed and twice that number in terms of police who are equally armed not to mention the local tribal malitias who can muster another 20 or 30 thousand more if need be.There is also the expertise of war that Puntland posses as it has the largest number of lerned experienced military officers of all ranks from the former somali army.This will be a disaster for both sides and whoever wins will have a very hollow victory indeed :mad: :mad: :mad: :mad:
  19. This is the a simple and very clear message by the warmongers in somaliland.They have seen the new president clearly making his stand saying without any doubt that there is no way Somaliland will be attacked by the rest of somalia.so in order for their sick minds to be recognised as a state they instead attacked Puntland and the rest of somalia for that matter.They obviously enjoy war as i do not see any reason to attack when they are not wanted by the people of that region.When will they realsie that you cant force people to believe in your ideology?.
  20. Odayaasha Guurtida Gobolka Sool Oo Qoraal ka Soo Saaray Xaalada Colaadeed Ee Ka Taagan Jiida Hore Laascaanood-29.October.2004 Odayaasha Guurtida Gobolka Sool ayaa bayaan ka soo saaray xaalada murugsan ee ka taagan Jiida hore ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Daraawiishta iyo Malayshiyada ka amar qaadata Riyaale , qoraalkan oo ku socday dawlada ku meelgaadhka ah , Bulshada Caalamka Iyo Jaaliyadaha Dibada ayaa lagu sheegay in loo soo jeestay sidii wax looga qaban lahaa Gardarada Ciidamada Beelaha Isaaqa waa sida bayaanka ku qorane,ka dib markii ay shir arrintaasi ku saabsan la yeesheen mas'uuliyiinta Gobolka. Bayaanka odayaasha oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha gudiga Maxmed Xasan Daahir ayaa u qornaa sidatan:- DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA Date :27/10/04 Ref :G/G/G/sool w64 Ku dawlada ku meel gaadhka ah ee soomaaliya = rugtooda = Ku baarlamaanka ku meel gaadhka ah ee soomaaliya = rugtooda == Ku ururka midawga afrika = rugtooda = Ku jaamacadda carabta = rugtooda = Ku jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa = rugtooda = Ku golaha ammaanka = rugtooda = Ku Golaha Badbaada SSH iYo Jaaliyada Dibada =Rugtooda= Ujeedo ogeysiin. Waxaan ogeysiinaynaa dawlada ku meel gaadhka ah iyo baarlamaanka ku meel gaadhka ah ee soomaaliya iyo beesha caalamkaba ogeysiinaynaa , haddii aanu nahay dadweynaha degan Sool Sanaag iyo Cayn in ay weerar nagu hayeen in muddo ah reerka isku magacaabay soomaali land oo Hargeysa iyo Burco ku eg ilaa ay ka soo dul fadhiisteen magaalada Laascaanood . Intaana aanu dhawraynay derisnimada iyo walaaltinimada naga dhaxaysa una diray baaqyo iyo abhis fara badan oo ay iska dhaga tireen wax alaale wixii naga dhaxeeyey oo derisnimo ah , taasna ay ka dhalatay in in ay dhul fara badan ku qabsadeen , taasoo kicisay dadwaynaha ku dhaqnaa degaanadaas ayna udiyaar garoobeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen cadowga ku soo duulay lana go’aansaday in ay wajahaan weerarkaas iyo colaadaas cusub ee soo waajahday , weerarkaas oo aan lahayn wax sabab ah oo aan ka ahayn dhul balaadhsi iuo qabsi cusub, iyadoo soomaaliya dawlad cusub oo caalamku aqoonsaday loo dhisay ayaa dadweynaha iyo maamulku go’aansadeen in ay iska difaacaan cadawga soo qabsaday deegaanadoodii oo in muddo ah aanu dhawraynay bal in ay wax is bedelaan, taasina aanay waxba iska bedelin. Sidaa darteed dadweynaha reer sool iyo maamulkooduba waxay diyaar uyihiin in ay ku jihaadaan naf iyo maalba aanay ka saaraan cadawga deegaanadooda, dibna loogu cesho meelahii ay ka yimaadeen, taasna wixii ka dhasha waxaa qaadi doona beesha iss SNM. Dadweynaha goboladan waxaana usheegaynaa in ay ku jihaadaan naf iyo maalba, difaacdaana sharaftooda, jaaliyada reer Sool, Sanaag, iyo Cayn waxaanu ka codsanaynaa in ay ka soo qayb galaan jihaadkaa balaadhan ee dalkooda lagu soo duulay. Mahadsanidin, Golaha guurtida gobolka sool Maxmed Xasan daahir Asad Cadaani Ibraahim SBC Laascaanood. ... Why is somaliland trying to force the people of Sool,Sanaag who are obviously not in agreement with them in their quest of Sucession?.
  21. what a wonderful piece you wrote here.I totally agree send the grans over with their canes and teach this faddy daddies a lesson!
  22. Hi guys since we now seem to have elected a new government what do we think the most important infracstructure needed to be kickstarted are in order of importance and furthermore how do you think we can achieve that without of course bringing into the picture any foreign aid.My aim is to see whether we can be self reliant and make it on our own.This way at least we can claim with pride that we did it on our own.another side effect is that the government will be forced to live of our taxes and we will be in control of them rather the other way round.
  23. Shacabka reer Hargaysa iyo Maamulka yaan la isku khaldin Hussein Maxamed Huubsireed -------------------------------------------------------------------------------- Bismilaahi raxmaani raxiim, Dhamaan shacabka Somaliyeed waan idin salaamay meel aad joogtaanba, waxaa Somali meel ay joogtaba ay afka ku hayaan ama ay layaaban yihiin dhacdada cajiibka ah ama naxdinta leh ee ka dhacday Hargaysa arinkeeduna wali socdo, Dhacdadaas oo ah tan ku dhacday Samsam Axmed ducaale oo ah ilma yar oo waliba dumara oo aan waxba galabsan. siyaasadna aan shaqa ku lahayn, In lagula kaco faraxumayn Jir dil iyo xabsi iyo ciqaab iyadoo loo aanaynayo in ay ka soo jeedo Goboladaa Puntlland , hadaba su'aasha meesha ku jirtaa 'waxa ay tahay , dhaqamada ay kula dhaqmayaan maatada aan ka soo jeedin Hargaysa Ciidamda Somaliland xagee bay ka keeneen mase la qabaan shacabka reer Somaliland ficiladoodaas. Wwaxay tahay jawaabtu shacabka reer somaliland waa shacab somaaliyeed oo kala kulmay cadaadis iyo faraxumayn badan Dawladii rajiimkii Alaha u naxariistee waa siyaadbaree. Raga hada xukuumada Hogaaminayana waa ku wii Siyaad bare Basaasiinta u ahaa ama dadka cadaadiska ku samayn jiray, shaqadadoodii ay u qaban jireen siyaad bare ayay ku dhaqmayaan. Shacabka Somaliland iyagaa dhiban oo Cabursan oo saxaafad iyo meel kale toona aan fikradooda ka dhiiban karin gacan ku gabadana ah, Hargaysa waxay ahayd meel lagu tilmaami jiray nabad lagu hirto oo xaqiiq dhaanta meela badan oo somaliya ka mida laakiin hada waxaa cad in aysan ka duwanayn Ciraaq, ama dhul aan nabad ahayn sharaftuna ka fogtahay, mar hadii laga waayay Qof caqli leh oo ka dhiidhiya faraxumada iyo dhaqan xumada, diintii ay ka f******** bini aadnimadii ay ka f********, waxaana aan filayaa somali inteeda kale cadaawad in ay ku beerayaan ,mustaqbalka Maamulka Hargaysana uu ku danbayndoono meel lagu tilmaamo in ay ku nool yihiin ******** sharciyaysan. Wabilaahi tawfiiq, Hussein Maxamed Huubsireed mohamoud_hussein@yahoo.co.uk
  24. Ilaalinta cadaaladda iyo dhawrista sharafta iyo xuquuqda bai’aadanimo ee qofku waa aasaaska nolosha mujtmacyada, waxaanay ka mid yihiin xilalka ugu waaweyn ee dawladi dhabarka u ridato. Hadaba waxaa ayaan darro ah in dad magac dawladeed ku socdaa ay ku kacaan tacadiyo dhan ka ah xuquuqda iyo sharafta qof aan waxba galabsan.. Waxaan shaki lahayn in qof kasta oo maqla sheekada iyo waxyaabaha naxdinta leh ee lagula kacay gabadha 17 jir ah ee Samsam Axmed Ducaale uu aad uga xumaanayo haddii ay in uun ku dambayso damiir iyo garasho dadnimo. Maxay galabsatay ee cunugtan mustaqbalkeedii, gabadhnimadeedii iyo sharafteedii loo baabiiyay? Maxaa waalidkeedii iyo ehelkeedii walwalka,dhibka iyo walaaca intaa leeg loogu beeray?Maxaa wayaabaha uu Eebbe xarimay loogula kacay gabadhan yar ee muslimadda ah?Samsam maxaa loo silciyay? Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan waa wax yaabaha horyaala ee la rabo inay jawaab waafi ah ka bixiyaan maamulka Riyaale oo uu kow ka yahay madax weyne ku xigeenka oo isagu ah ninka masuulka ka ah dhibaatada iyo xadgudubyada loo geystay gabadhan. Ma’ ahan wax Soomaalida ku cusub in qof loo ciqaabo oo dambi looga dhigo qabiilkiisa ama meesha uu ka yimid, waana halka hallaagu inooga yimid ee dawladnimadeenii ku burburtay. Waxaan shaki lahayn in dambiga keliya ee gabadhani gashay uu yahay iyadoo ka timid deegaanada Puntland inay ku khaldantay oo is hortaagtay iridka guriga madax weyne ku xigeenka Somaliland iyadoo rabtay guriga abtigeed oo xukuumadda Somaliland ka tirsan, waxaana hubanti ah in haddii ay gabadhani meel kale ka soo jeedi lahayd ayna arintu sidan u dhacdeen. Hadaba xadhiga gabadhan oodhacay bishii august ee aynu soo dhaafnay ayaa hadda saxaafadda Soomaalidu siiba bogagga internetka si aada u hadal hayaan sida foosha xun ee laga yaqyaqsoodo ee ay ciidamada Booliska iyo kuwa dambi baadhista ee maamulka Hargeysa ula dhaqmeen gabadhaas. Arinta gabadhan ayaa dadka badankiisu ku soo baraarugay ka dib markii rag ka tirsan ururada xuquuqda bai’aadamka u dooda oo gabadhaas arinteeda darteed loo xidhxidhay warkooda laga sii daayay idaacadda laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. Xidhitaanka dadkan ayaa ahayd arin uu maamulka Riyaale ku cabudhinayay sheekada gabadhan taasoo si fiican inoo xusuusinaysa hab dhaqankii taliskii digtaatooriga ahaa ee Maxamed Siyaad oo xukuumadda Riyaale si aada uga shidaal qaadato. Hadaba gabadhan oo sida la sheegayo ay falal jidh dil iyo kufsi isugu jira u geysteen ciidamada Booliska ayaa arinteedu ay soo jiidatay indhaha dadka xuquuqda aadanaha u dooda ee ku sugan magaalada Hargeysa kuwaas oo dadaal weyn ugu jira sidii gabadhaas yar arinteeda wax uga qaban lahaayeen. Gabadhan oo lagu soo eedeeyey inay maleegayasay shirqool lagu dilayo Madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa dadka xogogaalka u ahi ku tilmaameen eeddaas wax lagu qoslo oo aan sal iyo raad toona lahayn. Haweenay ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland oo ku sugan magaalada Hargeysa oo aan la xidhiidhay ayaa ii xaqiijisay in dad badan oo ay ka xustay Raaqiya Oomaar ay dadaal ugu jiraan sidii ay ariantan wax uga qaban lahaayeen. Waxay haweenaydaasi intaa ku datay in haddii waxa ay gabadhani sheeganayso ay dhab noqdaan oo la xaqiijiyo in haweenka reer Hargeysa oo dhammi ay dibadda u soo bixi doonaan kana mudaharaadi doonaan oo aanay dhayalsanayn. Booliska Somaliland ayaa ah kuwo loo adeegsado cabudhinta shacbiga, iyadoo had iyo jeerna lagu eedeeyaan inuu leeyahay hab dhaqan aan waxba ka duwanayn midka ********ta oo sharci xidha iyo wax xakmeeya aanu midna jirin, taasi oo ay ka markhaati tahay xad gudubyadii ay kula kaceen muwaaadiniin Somaliland iyo Soomaalida kaleba ka tirsan sanadihii ugu dambeeyay. Waxay u egtahay in askartani ay kalsooni buuxda ka haystaan madaxdooda maxaa yeelay haddii kale sidan umaanay dhaqmeen, sidaas darted dhaqan xumidani waa mid xidhiidhsan min hoos ilaa kor, taasi ayaana u sabab ah in dadkii loo xidhxidhay arinta Samsam qaarkood codsadaan is casilaada taliyaha Booliska Somaliland. Waxaa iyana wax lala yaabo ah sida ay arintan uga gaabsatay oo indhaha uga qarsadeen saxaafadda xorta ah ee Somaliland iyo idaacadda BBC-du oo dad badani wariyaha Hargeysa uga soo warama ku eedeeyeen inuu isagu arintan cabudhiy. Waxaan shaki ku jirin in haddii aanu maamulka Somaliland arintan si dhakhso ah wax uga qaban ay u soo jiidi doonto sumcad xumo iyo dhaleecayn uga timaadda inta u heelan daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda bani’aadamka. Ugu dambaystii waxaa hambalyo, bogaadin iyo taageero mudan dadka ku hawlan iskana xilqaamay wax ka qabashada arinta Samsam oo ay ugu horeeyaan ururada xuquuqda bani’aadamka u dooda ee Somaliland .
  25. i disagree with this argument.I took the test the details are below : IQTest.com Reply-To : support@iqtest2.com Sent : 07 July 2004 09:49:16 Subject : Your IQ Test Results | | | Inbox Thank you for recently taking the IQ Test, your score was: 139 If you wish to purchase your Complete Personal Intelligence Profile, you can do so by going to this address: http://www.iqtest2.com/view/iqtest/options/040707/10891937564173 You may return to this address anytime to view your score. Click on the link and use your web browser to bookmark this page's location. Our test usually gets within 5 points of the professional tests--a remarkable feat for a 13 minute test. Our test gives you a quick and fast measurement of your abilities, and that can indicate directions for you to take. Average: 85 - 115 Above average: 116 - 125 Gifted Borderline Genius: 126 - 135 Highly gifted and appearing to be a Genius to most others: 136 - 145 Genius: 146 - 165 High Genius: 166 - 180 Highest Genius: 181 - 200 Beyond being measurable Genius: Over 200 Please go here for an explanation of what an IQ Score is and how it can be used to compare one's abilities to that of others: http://www.iqtest2.com/scoreexplain.html Please go here for an explanation of our Complete Personal Intelligence Profile: http://www.iqtest2.com/profileexplain.html Please go here for an explanation on how a response to a problem can be analyzed in terms of various types of intelligence being used: http://www.iqtest2.com/profileexplain2.html Please go here for a history of the development of this test: http://www.iqtest2.com/historytest.html Finally, we hope you appreciate that we seldom write to you unless something important has happened on the site, but if these few times are not welcomed, please go to the following location, and we'll take you off of our mailing lists. http://www.iqtest2.com/view/iqtest/remove?email=mahmoudmm@hotmail.com Finally, stay tuned for our new test. It's coming out soon, and you'll be amazed at the new format. We'll write when it's available. Best Regards, IQTest.com Staff http://www.iqtest2.com/