-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa isimada Soomaaliyeed ee lagu yaqaanay nabadda iyo waddaniyad. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaaska. Wuxuu Alle uga baryay marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii muhiimka ahaa ee uu Marxuumku ku lahaa bulshada dhexdeeda, isaga oo xusay in uu ka tagay dhaxal suuban oo ku saleysan nabad, talo iyo wanaag. Tukashada Salaadda Janaasada waxaa Madaxweynaha kala qeyb-galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka. Madaxda ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay uga tiiraanyeysan yihiin geerida Marxuumka, iyaga oo Alle ka baryay in uu naxariistii janno siiyo, isla markaana xasuustiisa wanaagsani ay ku sii nagaan doonto quluubta dadka Soomaaliyeed. Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax ayaa kaalin weyn kasoo qaatay nabadeynta iyo shirarkii dib-u-heshiisiinta ee lagu yagleelay dhismaha dawladihii ku meel gaarka ahaa. Wuxuu kaloo lafdhabar ka ahaa dhismaha dawladda Galmudug, isagoo had iyo jeer u taagnaa dadaallada nabadeynta.
-
Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta gabi ahaanba ay xiran yihiin dhammaan ganacsiyada ku yaalay magaalada, kaddib markii dad caraysan ay sameeyeen bannaanbax ballaaran. Dibadbaxa ayaa ka dhashay fal dil ah oo loo geystay wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali. Sida ay dadka deegaanka sheegeen, dilka wiilka waxaa geystay askari ka tirsan ciidanka dowlad-goboleedka Jubbaland. Dadka mudaharaadayay ayaa dalbanaya in cadaalad loo helo Cabdiraxmaan, waxayna si adag uga codsadeen maamulka iyo hay’adaha ammaanka in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha falkan naxdinta leh. Goob-joogayaal ku sugnaa halka falka uu ka dhacay ayaa sheegay in askarigii dilka geystay uu u baxsaday dhinaca xerada ciidamada Jubbaland oo ku taalla bannaanka magaalada Beledxaawo. Illaa iyo hadda, maamulka degmada Beledxaawo iyo laamaha ammaanka ma aysan soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan dilka wiilka yar iyo xiisadda ka dhalatay. Shacabka Beledxaawo ayaa muujinaya caro xooggan, waxayna xireen ganacsigooda iyaga oo ku muujinaya sida ay uga xun yihiin falka dhacay, kana dalbanaya in cadaalad deg-deg ah loo helo marxuumka.
-
Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa xaqiijisay in nibiri weyn uu ka soo caaryey xeebta Wareegsan oo ka tirsan degmada Bareeda ee gobolka Raas Casayr (Bari). Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayay ku xaqiijisay warkan, waxaana ay sheegtay in ay bilaabi doonto baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadaas, si loo helo xog sugan gacan ka geysan karta fahamka isbeddellada degaanka iyo saameynta ay ku leeyihiin noolaha dabiiciga ah. “Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland waxay xaqiijineysaa in nibiri weyn uu ku soo caaryey xeebta Wareegsame ee degmada Bareeda, Iyadoo la tixraacayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta noolaha badda iyo deegaanka guud ahaan, Wasaaraddu waxay bilaabeysaa baaritaan rasmi ah si loo ogaado sababaha keenay in nibirigan uu ku soo caaryo xeebta.” “Baaritaankan ayaa diiradda saari doona in la xaqiijiyo haddii ay jiraan arrimo la xiriira isbeddelka cimilada, xaaladda biyaha badda, ama xanuunada ku dhacaya xayawaanada bada. Kooxo khubaro ah oo ka tirsan Wasaaradda ayaa sameynaya qiimeyn iyo xog-ururin horudhac ah. Ujeeddadu waa in si cilmi ah loo baaro dhacdadan si loo helo xog sugan oo gacan ka geysan karta fahamka isbeddellada deegaanka iyo saameynta ay ku leeyihiin noolaha dabiiciga ah” ayay wasaaraddu sheegtay. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo warsaxaafadeed ka soo saartay nibiri ku soo caaryey xeebaha gobolka Raas Casayr appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u sagootisay xujaydii ugu horraysay ee sanadkan u ambabaxaysa gudashada waajibaadka Xajka. Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sannadkan nasiibka u yeeshay in ay gutaan waajibaadka Acmaasha Xajka. Xujeyda maanta la sagootiyay oo tiradoodu tahay 431 ruux ayaa ah wejigii ugu horreeyay ee sanadkan, waxaana qorshuhu yahay in wejiyo kale oo xujey ah ay dalka ka dhoofaan maalmaha soo socda. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa xaqiijisay in la diyaariyay qorshe dhammeystiran oo lagu fududeynayo socdaalka, caafimaadka, iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin xujeyda inta ay ku sugan yihiin dhulka barakeysan. Waxa kale oo wasaaraddu ku boorrisay xujeyda in ay muujiyaan dulqaad, isfaham iyo sabir inta lagu guda jiro acmaasha xajka. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Lix qof oo ka tirsan hal qoys ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday hoygooda oo ku yaalla magaalada Mandheera. Weerarka oo lagu sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil, ayaa daba socday colaad dhawaan ka dhacday dhulka miyiga ah ee ay wada deggan yihiin labo reer oo ku nool magaalada Mandheera, gobolka Waqooyi Bari Kenya. Cabdullaahi Macallin Xasan, oo walaal la ah ninka qoyskiisa la laayay, ayaa sheegay in xasuuq ba’an loo geystay qoyskii walaalkiis, wuxuuna xaqiijiyay in marka laga yimaado dadka dhintay, dhaawacu gaarayo ilaa afar qof oo kale. “Dadku reer guuraa bay ahaayeen, waxayna haysteen geel iyo ari, masaakiin ayey ahaayeen,” ayuu yiri Cabdullaahi, oo sheegay in qoyska la laayay ay ahaayeen dad xoolo-dhaqato ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in dhacdadan ay ka horreysay mid kale oo nin lagu dilay, labada dhacdo ayaana la rumeysan yahay in ay xiriir la leeyihiin aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagnaa dhulka miyiga ah ee Mandheera. Wuxuu intaas ku daray in dableydii weerarka fulisay ay ku baxsadeen mootooyin, islamarkaana aan weli la ogaan halka ay ku sugan yihiin. Allaha u naxariistee, lixda marxuum ayaa si wadajir ah hal meel loogu aasay, iyadoo dadka dhaawacmayna lagu dabiibayo isbitaallada Mandheera.
-
Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in biriq xooggan oo ku dhacday bartamaha magaalada ay sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale. Dhacdadan ayaa si weyn uga nixisay bulshada deegaanka, iyadoo lala xiriirinayo roobab xooggan oo halkaas ka da’ay. Biriqda ayaa dhacday xilli roob mahiigaan ah uu si isdaba joog ah uga da’ayay magaalada iyo deegaannada ku dhow dhow. Roobkaas ayaa socday muddo ku dhow todobo saacadood, isagoo sababay xaalado biyo-fadhis ah iyo khataro kale oo la xiriira cimilada. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, haweeney kamid ah dadka ku nool magaalada ayaa ku geeriyootay biriqda, halka laba ruux oo kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Labada dhaawac ah ayaa haatan lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee ku yaalla degmada Caabudwaaq. Roobka xoogan ee da’ay ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay isku socodka magaalada iyo deegaanka ku hareeraysan. Waddooyinka waaweyn ee soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada ayaa biyo fariistay, taas oo hakad gelisay dhaq-dhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga. Roobabkan xooggan ee ka da’ay Caabudwaaq ayaa kusoo beegmaya xilli roobabka guga ay si rasmi ah uga curteen qaybo badan oo ka mid ah dalka. Roobabka ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo lagu qabowsaday, maadaama cimiladu ay muddooyinkii u dambeeyay aad u kululaatay. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in roobabka socda ay sii kordhiyaan dhibaatooyinka la xiriira daadadka, biriqda iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhasha roobabka mahiigaanka ah. Mas’uuliyiinta degmada ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, balse waxaa socda gurmad la xiriira dhaawacyada iyo qiimeynta saameynta guud ee roobka.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo cusub oo ka dabacsan tii hore, taas oo la xiriirta joogitaanka dadka ajaanibta ah ee aan haysan oggolaansho sharci ah, kuwaas oo u badan muwaadiniinta Itoobiya. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa amartay in dhammaan dadka ajnabiga ah ee ku sugan deegaanadeeda, si gaar ah kuwa sharci darrada ku jooga, ay isdiiwaan-geliyaan si loogu oggolaado deganaansho KMG ah. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in dadka ajaanibta ah laga rabo in ay muddo kooban gudaheeda iska diiwaan-geliyaan laamaha socdaalka ee Somaliland. Mudadaas ayaa loo asteeyay in ay bilaabato 6-da May 2025, kuna egtahay 26-ka May 2025. Dawladdu waxay sheegtay in qofkii fuliyo amarkan la siin doono oggolaansho ku meel gaadh ah oo ay ku sii joogaan gudaha dalka. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dadka isdiiwaangeliya laga qaadi doono cashuur, isla markaana looga baahan yahay in ay qoraal codsi ah u gudbiyaan laamaha socdaalka. Qoraalkaas ayaa noqon doona mid lagu caddeeyo ujeeddada joogitaankooda iyo shuruudaha looga baahan yahay si ay sharci ugu helaan deganaansho rasmi ah mustaqbalka. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in ajaanibka doonaya in uu dalka ka baxo inta lagu jiro muddada isdiiwaan-gelinta uu xor u yahay in uu baxo, balse looga baahan yahay in uu bixitaankiisa si rasmi ah uga diiwaangeliyo xuduudaha uu ka gudbayo. Tallaabadan ayaa qayb ka ah habraaca cusub ee maamulka socdaalka. Xukuumaddu waxay si cad u sheegtay in qof kasta oo ajaanib ah oo aan isdiiwaangelin waqtiga loo qabtay, lala tiigsan doono tallaabo sharci ah, iyadoo ciidamada ammaanku awood u yeelan doonaan in ay fuliyaan amarada la xiriira arrintan. Waxa laga digay in laga fogaado ku xadgudubka xeerarka socdaalka. Amarkan cusub ayaa daba socda digniin hore oo ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo saartay 29-kii Abriil, taas oo lagu faray in ajaanibta sharci darrada ku joogta Somaliland ay dalka uga baxaan muddo saddex cisho gudahood ah. Si kastaba ha ahaatee, amarka cusub ayaa u muuqda mid dabacsan oo u oggolaanaya dadkaasi fursad ay ku sharciyeeyaan joogitaankooda. Wararka ayaa tilmaamaya in isbeddelkan uu yimid kadib kulamo la yeeshay Wakiilka Dowladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Teshome Shunde Hamito, kaas oo arrimaha socdaalka kala hadlay Madaxweynaha Somaliland. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Danjire Hamito uu codsaday in la fududeeyo amaradii hore, maadaama dadka ugu badan ee saameynaya yihiin Itoobiyaan halkaas ku sugan, kuwaas oo intooda badani ka shaqeeya adeegyada hoose ee dalka.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Abdisalam Abdi Ali, chaired a virtual meeting Thursday with Somali ambassadors, permanent representatives, and consuls general to enhance diplomatic coordination and strengthen international engagement. Source: Hiiraan Online
-
Fish from Kenyan ponds can now access the European market after the government reached an agreement with the European Union, the deputy director of fisheries in Siaya, David Mboya has said. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga Amniga Gobolka Nugaal oo go’aanno soo saaray ayaa go’aamiyay in aan caasimadda Garoowe lagu dhex qaadan karin wax hub ah islamarkaana lala shaqeeyo Ciidanka Booliska oo hawlgal amni ka bilaabay magaalada. Sidoo kale, Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile oo ka hadlay fulinta go’aannadii ka soo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa sheegay in uu bilowday hawlgal lagu xaqiijinayo Sugidda Ammniga Caasimadda Garoowe. “Qoryahakan magaalada Iska walhanaya, wixii khamri cabbaya iyo wixii si xun u fekeraya in dhammaan la qabqabto waa shaqadii awal aan lahayn, guddiga nabadgelyada gobolka ayaana shiray si amniga magaalada loo adkeeyo, waxaana fulinaynaa qodobadii ka soo baxay Shirkaasi.” Haddii shaqo la qabanayo waxyaalaa iska dhacdhacaya oo meel aysan shaqo ka socon ayaan waxba ka dhicin, sidaas daraadeed waxaan ugu baaqayaa shacab weynaha gobolka Nugaal hawlgalku waa joogto, waa inaad ciidanka si habsami ah ula shaqaysaan” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Fardafuul. Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ugu baaqay Mas’uuliyiinta dowladda iyo taliyaasha rugaha in ay ilaaliyaan ciidankooda ooo aysan u ogolaan in ay hubka ula soo baxaan magaalada xilliyada aysan ku jirin shaqooyinka laysla ogyahay, isagoo intaas ku daray in ay qabanayaan sharcigana marin doonaan ciddii ka dhega adaygta awaamiirtaasi. PUNTLAND POST The post Booliska Gobolka Nugaal oo faahfaahin ka bixiyay hawlgal amni oo ka bilowday Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Ankara – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda sii xumaaneysa ee u dhexeysa dalalka Pakistan iyo Hindiya, taasoo haatan isu beddeshay gacan ka hadal ay dad badani ku dhinteen. Madaxweynuhu wuxuu yiri: “Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay in xiisadda ka dhex aloosan Pakistan iyo Hindiya ay isu beddeshay isku dhac gantaallo ah oo ay ku dhinteen dad badan oo aan waxba galabsan. Ilaahay ha u naxariisto walaalaheenii naftooda ku waayey weerarradaas. Mar kale waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Pakistan.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu shalay khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Mudane Shahbaz Sharif, si ay uga wada hadlaan xaaladda taagan iyo sidii loo yareyn lahaa xiisadda. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray: “Waxaan si weyn u qadarinaynaa soo jeedinta Pakistan ee ah in la sameeyo baaritaan caalami ah oo lagu ogaanayo wixii sababay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Jammu Kashmir.” Ugu dambeyn, Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Turkigu dadaal kasta u galayo sidii loo dejin lahaa xiisadda iyo sidii loo furi lahaa waddooyin wada-hadal ah ka hor inta aysan arrimuhu u gudbin marxalad aan laga noqon karin. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Ministry of Defense on Wednesday received a new shipment of U.S.-supplied military equipment to support the Somali National Army (SNA), particularly its elite Danab commando unit, in ongoing operations against the al-Qaeda-linked militant group al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa wada diiwaangelinta dadweynaha codbixiyaasha ka noqan doona doorasho qof iyo cod ah oo dowladda ay horay u sheegtay inay bartamaha sanadkan iyo midka soo socda billowgii dalka ka dhici doonto, ayadoo leh heerar kale duwan oo midba xilligiisa la qaban doono. Sida qorshuhu yahay doorashada ugu horraysa ee bartamaha sanadkan dhici doonta ayaa ah doorashada goleyaasha deegaanka, ka dibna waxaa xige doona doorashada wakiillada iyo madaxda dowlad goboleedyada, iyo midda Baarlamaanka iyo madaxweynaha Federaalka oo 2026-ka qabsoomi doona. In sida loogu tala-galay ay doorashada qofka iyo codka ahi u dhici doonto doodo badan ayaa ka taagan, waxaana ka soo horjeeda madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiinta mucaaradka, sidoo kalena duruufo adag ayaa ku gadaaman, balse waxaa la rumaysanyahay in qorshahani uusan wada guul darraysan doonan. Haddaba hannaanka doorashada ee qofka iyo codka ah Soomaaliya waxaa ugu dambeysay ugu yaraan 50 sano ka hor, inkastoo Soomaaliland ay dhawr ka dhacday, waana habka ugu wanaagsan ee dowlaha casriga ah madaxdooda loo doorto. Haddaba waxaan dib u milicsanaynaa Sooyaalka hannaanka doorashada dunida iyo noocyadeeda. Doorashadu waa hannaan siyaasadeed oo lagu doorto hoggaamiyeyaasha ama wakiillada dadweynaha, iyadoo cod la siinayo musharrixiinta tartamaya, waana mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee dimuqraadiyadda. 1. Noocyada Doorashada: Hannaanka doorashooyinka wuxuu kala duwan yahay dal ilaa dal, laakiin guud ahaan waxaa jira dhowr nooc oo waaweyn: • Doorasho toos ah (Direct election): Dadweynuhu si toos ah ayay u doortaan qofka qabanaya jagada (tusaale: Madaxweynaha Maraykanka iwm). • Doorasho dadban (Indirect election): Dadka waxay doortaan wakiillo, wakiilladuna waxay doortaan hoggaamiye (tusaale: Baarlamaanka UK wuxuu doortaa Ra’iisul Wasaaraha dalka). • Hannaanka codbixinta badan (Plurality/majority systems): Qofka helay codka ugu badan ama ka badan 50% ayaa guuleysta oo si toos ah hoggaamiyaha dalka u noqda, waxaana dalalka hannaankan ku dhaqma kamid ah Australia. • Jaan-goynta codadka (Proportional representation): Kuraasta baarlamaanka ayaa lagu qaybiyaa si waafaqsan saamiga codadka xisbiyada, xisbiga ugu codadka badan ayaa Xukuumadda soo dhisa sida Ingiriiska. 2. Taariikhda Doorashooyinka: • Giriiggii hore (Ancient Greece): Athens waxay ahayd meesha ugu horreysa ee laga hirgeliyo hannaan doorasho oo dadweyne (qarnigii 5aad ee BC), inkasta oo dadka la oggol yahay inay codeeyaan ay aad u koobnaayeen. • Roomaankii hore (Ancient Rome): Waxaa jiray doorashooyin dadban oo u dhexeeya kooxo bulshada ka tirsan. • Qarnigii 17aad – 18aad: Doorashooyin casri ah ayaa ka bilowday Yurub, gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska, iyadoo laga gudbayay boqortooyooyin xoog leh loona guurayay dimuqraadiyado matalaad leh. • Qarnigii 19aad – 20aad: Dalal badan ayaa bilaabay doorashooyin dadweyne kadib kacdoonnadii iyo halgankii xuquuqda codbixinta, sida haweenka oo xaqa codka helay. 3. Doorashooyinka Casriga ah Maanta, in ka badan 150 dal ayaa qabta doorashooyin si joogto ah, inkasta oo tayo iyo xorriyad ay ku kala duwan yihiin, waxaana jira hay’ado caalami ah sida UNDP iyo International IDEA oo kormeera hanaanka doorashooyinka si loo hubiyo hufnaanta iyo cadaaladda. Source: goobjoog.com
-
Magaalada Jakarta – Danjire Feysal Ahmed, oo ah wakiilka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kamid noqday siddeed Safiir oo warqadahooda aqoonsiga laga guddoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 8 May 2025, munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Merdeka ee caasimadda dalka Indonesia. Madaxweynaha cusub ee Indonesia, Mudane Prabowo Subianto, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirennimo Danjire Feysal Ahmed, isagoo muujiyay sida dowladdiisu ugu faraxsan tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya. Danjire Feysal ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Indonesia soo dhaweynta diirran iyo fursadda uu u helay inuu matalo dalka Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida uu uga go’an yahay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha horumarinta dhaqaalaha. Source: goobjoog.com
-
Khadar Ugaas Cabdi Agaasimaha guud ee Bankiga Puntland, Khadar Ugaas Cabdi ayaa sheegay in ay dhanka maalgelinta ka caawinayaan Haweenka iyo dhalinyarada Puntland ee la yimaada hal-abuur ganacsi oo waxtarleh, si ay shaqa abuur u samaystaan. Isagoo faahfaahin ka bixinayay hannaanka loo marayo maalgelinta Haweenka iyo dhalinyarada keensada hindise ganacsi uu waxtar leh, si ay shaqa abuur u samaystaan ayuu sheegay in Bankiga dowladda Puntland uu lacago deyn ah ku caawinayo ciddii la timaadda hal-abuur noocaasi ah. “Waxaan rabnaa in aan awood siino Haweenka iyo dhalinyarada la yimaada hal-abuur ganacsi oo waxtar leh, si ay shaqa abuur u samaystaan, waxaan rabnaa in aan ku maalgelinno fikirkooda hal-abuurka ganacsi, waxaana siin doonaa lacago deyn ah oo ay ku maalgashadaan gabacsigooda, waxaan sidoo kale siin doonaa tababaro iyo la-talin joogtaa sida ugu fiican ee ay uga faa’idaystaan barnaamijkaasi” ayuu yiri Khadar Ugaas. Agaasime Khadar Ugaas ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu tallaabadaasi u qaaday, si loo helo hal-abuur ganacsi oo horseeda shaqa-abuur, islamarkaana loo yareeyo Saboolnimada iyo Tahriibta dhalinyarada Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo maalgelinaysa hal-abuurka ganacsi ee Haweenka iyo dhalinyarada appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta oo khilaaf xooggana kala dhexeeyo Xukuumadda militariga Suudaan ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn maamulka hadda ka jira dalkaas ee uu hoggaamiyo Janeraal Cabdifitaax Al-Burhaani Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn go’aanka maamulka fadbigiisu yahay magaalada Port Sudan, iyadoo intaas ku dartay in maamulkan uusan matalin dowladda sharciga ah ee Suudaan iyo shacabkeeda. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in hadalka kasoo baxay golaha ammaanka iyo gaashaandhigga Suudaan uusan saameyn ku yeelan doonin xiriirka u dhexeeya Imaaraadka iyo Suudaan iyo shucuubta walaalaha ah ee labada dal. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan war saxaafadeed uu soo saaray golaha militariga Suudaan lagu sheegay in dalkaasi uu xariirka diblomaasiyadeed u jaray Imaaraadka Carabta, islamarkaana u aqoonsaday dowlad cadow ah oo xasuuq iyo dhibaato ka geysatay Suudaan. Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa sidoo kale maalmo ka hor diiday inay qaado dacwad ay u gudbisay Suudaan oo ka dhan ahayd dowladda Imaaraadka oo lagu eedeeyay inay taageerto fallaagada RSF ee dalkaas colaadda ka wada. Source: goobjoog.com
-
Garowe (PP News Desk) — In 2018, before winning the presidential elections of Puntland in 2019, President Said Abdullahi Deni delivered a speech launching his candidacy. “Public confidence in the administration is declining. People have lost hope in service delivery. There is no clear policy in place to support vulnerable segments of society. Capital flight is another major problem,” said Deni. President Deni’s 2018 speech in which he criticised his predecessor President Abdiweli M. Ali. Earlier this week, Puntland’s Deputy Minister of Information, Yacqub Mohamed Abdalla, stated: “Capital flight in Puntland is evident through the sale of properties, with the proceeds being reinvested abroad.” The Vice President of Puntland Ilyaas Lugator also expressed similar concerns. “There has been a sharp decline in donor aid. In Puntland, we must learn to rely on ourselves.” Daud Bisinle, the Planning Minister of Puntland, urged businesses in Puntland to consider donating the charitable contributions known as Zakat to the government of Puntland State. These bleak assessments of Puntland’s political and economic condition come in the wake of a recent speech by President Said Abdullahi Deni on the political situation in Somalia. “Puntland will organise a conference to save Somalia,” President Deni declared in Bosaso, where he is currently overseeing counter-terrorism operations against ISIS. His remarks coincided with a meeting of the National Consultative Council in Mogadishu. Critics have accused President Deni of misusing limited government resources on political grandstanding. Recently, the Puntland Political Forum, an opposition group, urged President Deni to convene a conference to revisit the 1998 Charter upon which Puntland was founded. “We congratulate Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo administration for being granted federal member state status by the Federal Government of Somalia. Now is the time to hold a grand conference for the next stage of state-building in Puntland State of Somalia,” the Forum wrote in a press release. Puntland was the first Somali federal member state to recognise the SSC-Khatumo (SSCK) administration, proclaimed in Laascaanood on 6 February 2023, the day secessionist forces of Somaliland administration attacked the administrative capital of Sool. SSCK leader Abdulkadir Aw Ali is participating in the National Consultative Council summit in Mogadishu, which Puntland has officially boycotted. © Puntland Post, 2025 The post Capital Flight and Donor Aid Cuts Raise Alarms in Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa go’aanno ka soo saaray Shirkii uga socday Muqdisho oo Caawa u soo xirmay. Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka ayay ku sheegeen in ay isla qaateen in ay lagama maarmaan tahay in laga wada qayb-qaato la dagaalanka argagixisada lana garab istaago ciidamada qaranka, islamarkaana waxay adkeeyeen in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka taas oo aas-aas u ah hanaanka dawaladnimo ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegeen in ay isku raaceen in maamul-goboleedyadu ay gudiga doorashada kala shaqeeyaan dardargelinta iyo baahinta diiwaangalinta dadwaynaha si loo hirgaliyo doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana ay ugu baaqeen dhammaan kooxaha daneeya siyaasadda iney diiwaan gashadaan ururro siyaasadeed matala afkaartooda. Dhinacyada ayaa sidoo kale isku raacay in wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ay keento talo iyo soo jeedin xaalada Maamul Goboleedka Jubaland si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka, si loo helo nidaam dawlad Goboleed oo sharci ah. Dhinaca kale, waxay sheegeen in la aqoonsaday in SSC-Khaatumo ay tahay xubin ka mid ah dowladaha xubinta ka ah DFS, laguna soo dhammaystiro shirweynaha loo ballansan yahay iyada oo la raacayo dastuurka dalka, waxayna ku baaqeen in Wasaaradda Gudaha Soomaaliya iyo SSC-Khaatumo iska kaashadaan qabashada shirweynaha iyo dhammaystirka SSC-Khaatumo. Halkaan ka akhriso Warmurtiyeedka PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo go’aamisay in Jubaland laga dhiso Dowlad Goboleed cusub oo ka madax-bannaan Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.