-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal kulul ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta dhallinyarada 15-ka May, isagoo si cad uga digay in dalka dib loogu celiyo doorasho dadban. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in xal waara uu yahay doorashada qof iyo cod ah, taasoo uu sheegay in ay tahay waddada kaliya ee lagu gaari karo cadaalad iyo deganaansho siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa yiri: “Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey, kuwii soo xushay kama faa’iidin. Bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo.” Hadalkan ayaa imaanaya xilli siyaasadda dalka ay mar kale wajahayso dood adag oo la xiriirta habka doorasho ee sanadaha soo socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in nidaamkii hore ee doorashada dadban uu ahaa mid sababay khilaaf, kalsooni-darro iyo cabasho ka dhalatay qaabka loo xulay xildhibaannada. Isagoo la hadlayay dhallinyarada, ayuu sidoo kale xusay in da’yartu ay yihiin hormuudka isbeddelka, islamarkaana ay yihiin kuwa laga rabo in ay taageeraan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee salka ku haya codka shacabka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Mareykanka ayaa digniin culus oo heerkeedu yahay “Level 4: Ha u safrin” ka soo saartay xaaladda amni ee Soomaaliya, iyada oo si cad ugu digtay muwaadiniinteeda in aysan u safrin dalkaasi sababo la xiriira khataro badan oo amni iyo caafimaad ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in go’aankan cusub lagu saleynayo khataraha sii kordhaya ee la xiriira: denbiyada hubeysan, weerarada argagixisada, colaadaha gudaha, afduubyada, budhcad-badeeda, caafimaad-darrada, iyo sidoo kale adeeg la’aanta howlaha qunsuliyadeed ee joogtada ah. Bayaan kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay: “Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ka howlgala gudaha Soomaaliya waxaa si buuxda looga mamnuucay in ay ka baxaan aagga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo safaaradda Mareykanku ku taallo.” Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in xaaladda caafimaad ee dalka ay tahay mid liidata, iyadoo la’aanta adeegyada caafimaad, gar-gaarka degdegga ah iyo daryeelka bukaannada ay qayb ka tahay sababaha keenay in muwaadiniinta Mareykanka laga waaniyo socdaalka. Source: goobjoog.com
-
15-ka may waxay kamid tahay maalmaha qaran ee dowladnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya qeymaha weyn ku leh, waxaana maalintan si gaar ah loo xusaa ururkii SYL oo ahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo sanadkii 1943-dii dhexda u xirtay halgan gobonimo doon ah oo ay sharafta dadkooda iyo dalkooda ku xoojinayaan. SYL oo markii hore ahaa 13 dhallinyaro ah, markii dambe wuxuu noqday xisbi weyn oo doorashooyinkii dalka ka dhacay dhawr mar ku guuleystay xilligii dowlaha Rayidka, balse xubnihii ururkaas aasaasay intoodii badnaa way dhinteen inkastoo dhaxalkoodii uu weli noolyahay. Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose, asagoo ka sheekeeyay sidii ay ururka ku sameeyeen iyo mabaadi’dii ay ka duulayeen. Haddaba maxaan ka naqannaa Taariikhda SYL ? Dhallinyaro Kala Fikir ah: Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura. Dalka Sidee Buu Ahaa: Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha. Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho. Dastuurkii SYL: Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: -In Soomaaliwayn la isu raadiyo, -Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado. -In dadka wax la baro. Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa: -Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye -Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen -Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL Geesiyaddii SYL: Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe . Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL,waxaana xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada . October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani: Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii. SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad: SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay. Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer. SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura. 82 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta. W/D: C/casiis Gurbiye Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
U.S. Department of State SealTravel.State.GovU.S. DEPARTMENT of STATE — BUREAU of CONSULAR AFFAIRS Travel.State.Gov > Travel Advisories > Somalia Travel Advisory Share this page: Somalia Travel Advisory Travel Advisory May 14, 2025Somalia – Level 4: Do Not Travel OKHUTC Updated with changes to security information. Do not travel to Somalia due to crime, terrorism, civil unrest, health, kidnapping, piracy, and lack of availability of routine consular services. Country Summary Due to security risks, U.S. government employees working in Somalia are prohibited from traveling outside the Mogadishu International Airport complex where the U.S. Embassy is located. The U.S. Embassy in Mogadishu maintains normal staffing. Crime Violent crime is common throughout Somalia, including kidnapping and murder. Illegal roadblocks are widespread. Terrorism Terrorists continue to plot kidnappings, bombings, and other attacks in Somalia. They may attack with little or no warning and target: Airports Seaports Government buildings Hotels and restaurants Shopping areas Public places that attract large crowds and tourists Government, military, and other convoys Attack methods can include car bombs, suicide bombers, individual attackers, and rocket fire. Some areas, like the Somaliland region, have seen less terrorist activity. However, violence and explosive attacks can happen anywhere in Somalia, at any time. Civil Unrest Protests and demonstrations occur throughout Somalia. They can sometimes turn violent. Check local media for breaking events. Be prepared to adjust your plans. Keep travel documents up to date and easily accessible. Have evacuation plans that do not rely on U.S. government assistance. Health Medical facilities in Somalia have limited capacity. They are often absent in rural areas. The health care system lacks sufficient pharmaceuticals, medical supplies, and medical professionals. Hospitals do not meet U.S. standards. Bring enough supply of over the counter and prescription medicines, along with copies of their prescriptions, including the generic name for the medicines. Piracy Pirates are active in the waters off the Horn of Africa, specifically off the coast of Puntland. Kidnapping Violent crime, including kidnapping, is common throughout Somalia. Illegal roadblocks are widespread. Lack of availability of consular services The U.S. government has extremely limited ability to help U.S. citizens in Somalia. There is no permanent consular officer in Somalia, not even the Somaliland region. If a traveler’s passport is lost, stolen, expires, or if they become destitute, the U.S. government may not be able to help. Other issues Some schools and other facilities act as “rehabilitation” centers. These facilities exist throughout Somalia with little or no licensing and oversight. Reports of physical abuse are common. People also report being held against their will in these facilities. There are frequent reports of U.S. citizens who have their passports taken by family members, leaving them unable to leave Somalia. This often occurs when U.S. citizens travel to Somalia to visit family or attend an event. Some adult U.S. citizens cannot leave the international airport because they need explicit consent from their family. Due to risks to civil aviation from extremist and military activity, the Federal Aviation Administration has issued a Special Federal Aviation Regulation that bans certain U.S. flights within or near Somalia. For more information, U.S. citizens should consult the Federal Aviation Administration’s Prohibitions, Restrictions, and Notices. Read the Country Information Page for additional information on travel to Somalia. If you decide to travel to Somalia: Review your personal security plan and visit our page on Travel to High-Risk Areas. Make a plan to exit Somalia rapidly if the situation gets worse. Identify multiple options for leaving Somalia and know the entry requirements for U.S. citizens in to neighboring countries. Avoid sailing near the coast of Somalia and review the Live Piracy Report published by the International Maritime Bureau. Draft a will and designate appropriate insurance beneficiaries and/or power of attorney. Discuss a plan with loved ones regarding care/custody of children, pets, property, belongings, non-liquid assets (collections, artwork, etc.), funeral wishes, etc. Share important documents, login information, and points of contact with loved ones so that they can manage your affairs if you are unable to return as planned to the United States. Find a suggested list of such documents here. Make your own personal security plan with your employer or host organization (if you are traveling on business) or consider consulting with a professional security organization. Develop a communication plan with family and/or your employer or host organization (if you are traveling on business), so that they can monitor your safety and location as you travel through high-risk areas. This plan should specify whom you would contact first, and how that person should share the information. Identify key sources of possible assistance for you and your family in case of emergency, such as your employer (if traveling on business), and local friends/family as well as friends/family outside Somalia. Appoint one family member to be the point of contact with hostage-takers and media. Appoint a family member to be the contact for the U.S. and host country government agencies, and members of Congress if you are taken hostage or detained. Discuss a proof of life protocol with your loved ones, so that if you are taken hostage, your loved ones can know specific questions (and answers) to ask the hostage-takers to be sure that you are alive (and to rule out a scam). Leave DNA samples with your medical provider in case it is necessary for your family to access them. Erase any sensitive photos, comments, or other materials from your social media pages, cameras, laptops, and other electronic devices. These could be considered controversial or provocative by local groups. Do not bring your sentimental belongings to Somalia. Enroll your trip in the State Department’s Smart Traveler Enrollment Program (STEP). Review the Country Security Report for Somalia. Prepare a backup plan for emergency situations. Review the Traveler’s Checklist. Update vaccinations to include all up-to-date standard vaccinations, plus Cholera, Hepatitis A, Hepatitis B, rabies, and a Polio booster. All visitors should take Malaria prophylaxis. Somalia is high risk for Malaria. Visit the CDC page for the latest Travel Health Information related Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay dhallinyarada Soomaaliyeed kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta. Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka. Sidoo kale wuxuu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL. Dhinaca kale, Madaxwaynaha ayaa iyada oo lagu gudajiro munaasabadda xuska Maalinka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, waxa uu dhagax-dhigay dhismaha cusub ee ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS. Dhagax-dhigga waxaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdishu, Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, Maxamed Cabdulqaadir Cali.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, kadib dhismaha xisbigiisa Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP). Ugu horreyn Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu muujiyay xilkasnimio darro wayn, isla markaana uu ku fashilmay hoggaaminta dalka. Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay in dalka uu galay xaalad halis ah, isla markaana madaxweynaha uu qaaday dhabihii kalitalisnimada, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh ayay Jubaland ku tilmaamtay mid liddi ku ah dastuurka, ayna dhaawacweyso midnimada dalka. Maamulka Axmed Madoobe ayaa intaasi kusii daray in la maroorsaday awooddii baarlamaanka, isla markaana ay fadhiid noqdeen xildhibaannada labada gole. “Waxaa si cad loo baalmaray doorkii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, oo markii la maroorsaday dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo korjoogtaynta Xukuumadda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubaland. Waxaa kale oo ay Jubbaland ku baaqday in la qabto shir deg-deg ah oo wadatashi ah, iyada oo ka dalbatay saamileyda siyaasadda iyo bulshada rayidka inay u istaagaan badbaadinta dalka. “Dowladda Jubbaland waxay ugu baaqeysaa dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in loo istaago bad-baadinta dowladnimada curdunka ah ee aan haysano” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Jubaland. Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay beesha caalamka oo ay ugu baaqday in ay qaado tallaabo deg-deg ah, si wax looga qabto xaaladda murugsan ee Soomaaliya.
-
Ilaa 29 qof oo loo haysto eedaymo kala duwan ayaa Garoowe mudda dheer ugu xiran si baalmarsan xeerarka iyo dastuurka Puntland tan oo xaqiijinaysa hadal uu horay u sheegay wasiirka Caddaaladda Puntland. Wasiir Maxamed Cabdiwahaab oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan Caddaaladda oo 28 December 2024 lagu qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay in saldhigyada Booliska ay sannado badan isaga jiraan dad la iska xirtay, aan wax caddaalada helin, taasi oo ka baxsan xaquuqda insaanka. Haddaba, Puntland Post ayaa heshay magacyada ilaa 29 qof oo sannado lagu hilmaamay xabsiga Garoowe, kuwaasi oo aan weli helin fursad maxkamadeed oo caddaalad ku dhisan, si ka baxsan xeerarka iy dastuurka Puntland, taasi oo fadeexad ku ah waaxda danbi-baarista C.I.D Garoowe iyo hay’adaha Garsoorka. Qoysaskooda iyo sharci-yaqaanno madaxbannaan ayaa ku eedeeyay hay’adaha garsoorka iyo kuwa amniga ee Puntland in ay dayaceen waajibaadkooda sharciga ah ee ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta. “Waxaan ogaanay in dadkaasi lagu hayo hab xad-gudub ku ah dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayaa laga soo xigtay qareen u dooda xuquuqda maxaabiista oo intaasi raaciyay “Waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo eegaa kiiskooda, maxkamadaha awoodda ulehna ay kiiskooda furaan.” Hoos ka akhriso 29ka qof magacyadooda PUNTLAND POST The post Puntland: ku dhawaad 30 qof oo sannado badan ku xiran xabsiyada magaalada Garoowe maxkamad la’aan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shalay soo saartay digniin safar heerka ugu sarreeya (Heer 4) oo ka dhan ah Soomaaliya, iyada oo sheegtay khataro isa soo taraya oo ay ka mid yihiin dambiyada hubeysan, argagixisada, qalalaasaha siyaasadeed, halista caafimaad, afduubka, burcad-badeedda, iyo adeegyada qunsuliyadeed ee aadka u xaddidan. Digniinta oo ay cusbooneysiiyay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka 14-kii May waxay muujineysaa in dambiyada rabshadaha wata — oo ay ku jiraan afduubka iyo dilalka — ay si baahsan uga dhacaan guud ahaan Soomaaliya, iyadoo jidadka waaweyn laga helayo koontaroollo sharci-darro ah. “Kooxaha argagixisada ayaa weli qorsheynaya weerarro ku wajahan garoomada diyaaradaha, dekedaha, dhismayaasha dowladda, hoteellada, makhaayadaha, goobaha ganacsiga, iyo meelaha dadku ku badan yahay, iyagoo adeegsanaya weerarro qaraxyo ah, weerarro ismiidaamin ah, rasaas toos ah, iyo gantaallo,” ayey tiri digniinta. Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu koobay gudaha xerada garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo ay ku taallo safaaradda Mareykanka. Inkastoo safaaraddu ay si caadi ah u shaqeyso, awoodda ay dowladda Mareykanku ugu caawiso muwaadiniinteeda gaarka ah gudaha Soomaaliya waa mid aad u xaddidan sababo la xiriira xaaladda amni, ayey tiri waaxda arrimaha dibedda. Inkastoo deegaanno sida Somaliland ay mararka qaar ay ka jiraan xaalado ka deggan dhanka argagixisada, digniintu waxay caddeyneysaa in rabshado iyo weerarro ay ka dhici karaan meel kasta Soomaaliya waqti kasta. Muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagu dhiirrigeliyey inay si dhow ula socdaan warbaahinta maxalliga ah, cusbooneysiiyaan dukumentiyadooda safarka, isla markaana diyaar u ahaadaan qorshayaal degdeg ah oo aan ku tiirsaneyn gargaarka dowladda Mareykanka. Wasaaraddu waxay sidoo kale ka digtay caqabadaha caafimaad ee Soomaaliya. Xarumo caafimaad oo tayo liidata iyo adeegyo caafimaad oo aad u kooban, ayey tiri, in ay ka jiraan Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn. “Safrayaashu waa in ay wataan dawooyin ku filan, la socdaan tallaalka lagama maarmaanka ah — oo ay ku jiraan kuwa jadeecada, jadeecada cagaaran, cudurka xiiqda, cudurka shuban biyoodka, cudurka rabies-ka, iyo qaadashada daawooyinka kahortagga duumada,” ayey tiri “Burcad-badeeddu wali waa halis weyn xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Puntland, halka afduubkuna uu si baahsan u faafay guud ahaan dalka. Waxaa sidoo kale jira warbixino isdaba joog ah oo sheegaya in muwaadiniinta Mareykanka lagu hayo xarumo loogu yeero “xarumaha dhaqan-celinta” oo aan la daadejin, ama in xigtadooda ay ka qaataan baasaboorrada, taasoo ka hor istaagaysa inay dib ugu laabtaan dalka.” Iyadoo loo marayo khataraha ka imaanaya hawlaha kooxaha xagjirka ah, Hay’adda Duulista Hawada Mareykanka (FAA) waxay mamnuucday qaar ka mid ah duulimaadyada Mareykanka ee ku socda ama dul mara hawada Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay si xoog leh ugu boorisay dadka safar u qorsheynaya Soomaaliya inay qaataan taxadarrro dhammaystiran, oo ay ku jiraan samaynta wasiyadda, magacaabidda wakiil sharciyeed, la wadaagista dukumentiyada muhiimka ah qoysaska, ka diiwaangelinta safarkooda barnaamijka STEP (Smart Traveler Enrollment Program), iyo diyaarinta qorsheyaal amni iyo isgaarsiin oo dhameystiran ka hor safarka. Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga heli karaa Bogga Xogta Dalka Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Click here.
-
Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayay ku sheegtay in ay aaminsan tahay in wixii ka dhacay magaalada Muqdisho uu muujinayo xilkasnimo-darrada maamulka Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dalku uu ku jiro halis amni oo xooggan, haddana uu isku diyaarinayo xukun kalitalis ah iyo xisbi la mid ah kii kacaanka, oo aan tabar badan lahayn. “Tallaabadaas oo lid ku ah Dastuurka lagu heshiiyey ee heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah JFS, waxay dhaawacaysaa midnimada dalka iyo abaabulka loogu jiro sidii shacabka Soomaaliyeed oo midaysan ay uga hortagi lahaayeen soo rogaal-celinta kooxaha Khawaarijta ah, oo ah halis weyn oo dalkeennu wajahayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland. “Dowladda Jubaland waxay ugu baaqaysaa dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in loo istaago badbaadinta dowladnimada curdanka ah ee aan haysanno, taas oo haddii aan maanta wax laga qaban, god dheer ku ridaysa rajada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada nabadeed ee dalkeenna” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka. DowladdaJubaland ayaa ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya in aysan jirin maanta maalin ay shacabka Soomaaliyeed uga baahi badan yihiin garab istaag dhab ah, isla markaana aan lagu daawan kooxda Xasan Sheekh Maxamuud iyo jihada ay dalka ku wadaan oo aan ahayn dhabihii saxda ahaa. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ku baaqay in deg deg loo badbaadiyo Soomaaliya oo siday sheegtay ku sii dhacaysa god dheer appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah madaxdii hore ee Soomaaliya iyo hoggaamiyayaal xisbi oo miisaan leh ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka taagan, si gaar ahna tan Jubaland. Siyaasiyiintaan ayaa walaac ballaaran ka muujiyay jihada uu dalku u socdo iyo sida ay u arkaan in madaxweynuhu uga weecday doorkii laga sugayay. Madaxdaasi waxay shaaciyeen in gabi ahaanba ay dhimatay Madashii Wadatashiga Qaran, oo ahayd goobtii isku keenta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Dhanka kalena, siyaasiyiintaan ayaa ka digay fidno iyo dagaallo hor leh oo laga hurinayo deegaanada maamulka Jubbaland, xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso inay weerar ku qaaddo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Jawaabta degdegga ah ee Jubbaland ayaa daba socota go’aan culus oo ay maamulkan kasoo saareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, waxayna soo jeediyeen in si sharci ah loo wajaho xaaladda maamulkaas oo meel xun gaartay, si loo soo afjaro. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xaaladda Jubaland u xil-saaray inay ka soo talo-bixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo la faray inay keento xal rasmi ah, si loo helo dowlad-goboleed sharci ah. “Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad-goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad-goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas. Horey, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdifitaax Mukhtaar, oo qoraal soo saaray ayaa wax aan socon karin ku tilmaamay qodobada laga soo saaray shirkaas, isagoo tilmaamay in madaxda hal xisbi oo kaliya ay yeesheen shirka, sida uu hadalka u dhigay. “Waan socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda hal xisbi shir-kooda, mana quseeyo Dowladda Jubbaland,” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ka dhex-qarxay labada dhinac, isla markaana dhaliyay saameyn xooggan oo gudaha dalka ah. Si kastaba, arrinta ayaa u muuqata in weli dawladda dhexe aanay ka tanaasulin mowqifkeeda ku aadan Jubbaland, iyada oo dooneyso in meesha laga saaro Axmed Madoobe, waxaase la ogeyn qaabka ay u wajihi doonto, maadaama dagaalkii hore lagu fashilmay.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka digay dhibaatada ay leedahay in kooxaysi ku salaysan dan gaar ah laga doorbido wadajirka iyo danta guud ee Soomaaliya, lana geliyo dalka xaalad halis ah oo dhaawacaysa midnimada iyo xasilloonida. Madaxweyne hore Farmaajo, waxaa uu Maxadaxwene Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu si ula kac ah ugu tuntay dastuurka JFS ee lagu doortay, gaar ahaan qodobada 87aad, qodobka 50aad, qodobka 92aad iyo qodobka 65aad oo si cad u qeexaya waajibaadka ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran ee go’aammada masiiriga ah, hannaanka federaaleynta dalka iyo waajibaadka Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aan xubin ka noqon karin xisbi iyo urur siyaasadeed. Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu ka dhabeeyo ballantii Shirka Wadatashiga Qaran ee laga sugayey, talada ballaariyo, kuna hoggaamiyo dalka midnimo iyo wadajir, una soo laabto sharciyadda iyo siyaasad loo dhan yahay oo dalka looga gudbin karo xaaladda uu ku jiro. “Si gaar ah, waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ah ee khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin laalidda dastuurka lagu doortay, ka shaqeynta shuruuc iyo guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn iyo burburinta Madasha Wadatashiga Qaran, arrinkaas oo abuuray darafyo siyaasadeed oo laga baaqsan karay.” “Madaxwweyne Xasan Sheekh waa in uu raadiyo dowlad-goboleedyada ka maqan shirarka Madasha Wadatashiga Qaranka, si loo xaqiijiyo talo loo dhan yahay, doorashada heer dowlad gooboleedna uu u fasaxo Madaxda Dowlad-goboleedyada muddo-dhaafka ah ee uu hortaagan yahay” ayuu waraaxaafadeedkiisa ku yiri Madaxweyne hore Farmaajo. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu laalay dastuurkii iyo shuruucdii dalka si uu doorasho hal dhinac ah u qabsado appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa maanta oo ah 15-ka May 2025 u buuxsantay saddex sano oo muddo xileedkiisa kamid ah, waxayna dib u doorashadiisu ahayd maanta oo kale 15-kii May ee sanadkii 2022-kii, xilligaas oo uu ka guuleystay madaxweynihii xilligaasi joogay Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Warbixin soo koobeysa waxqabadka madaxweynaha saddex sano kadib oo ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhigay 10 qodob oo uu wax ka qabtay Xasan Sheekh. Sida lagu sheegay qoraalka wuxuu madaxweynaha ku guuleystay xoreynta deegaanno muhiim ah iyo xasilintooda, kadib guluf ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Waxaa kale oo lagu xusay dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale qalabeynta ciidamada cirka ee Xoogag dalka Soomaaliyeed, maadaama dowaddu ay soo iibsatay diyaarado dagaal oo cusub. Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku faantay inay bilowday soo saarista khayraadka dabiiciga ah, maadaama haatan lagu howlan yahay soo saarista shidaalka. Waxaa kale oo warbixinta lagu xusay in madaxweynuhu wax ka qabtay dhammeystirka qodobo kamid ah dastuurka dalka iyo daah-furnaanta doorashada dadweynaha, inkastoo uu weli ka taagan yahay muran xooggan iyo dood culus oo ay qabaan xubnaha mucaaradka dalka. Sidoo kale waxa waxqabadka lagu soo qaaday guulaha ay dowladda federaalka ku tallaabsatay, sida qaadista cunaqabateynta hubka, dhammeystirka deyn cafinta dalka, ku guuleysiga kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika Hoos ka akhriso 10 qodob oo lagu soo koobay waxqabadka madaxweynaha ee saddex sano kadib:- 1-Xoreynta iyo xasilinta dalka 2-bilowga soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee dalka 3-Dhammeystirka cutubyo ka tirsan dastuurka federaalka 4-Daahfurka hanaanka doorashooyinka dadweynaha 5-Qaadista cunaqabateynta hubka 6-Dhammeystirka deyn cafinta dalka 7-Xoojinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo ku guuleysiga kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. 8-Ku biirista urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika 9-Dib u dhiska ciidamada iyo qalabeynta ciidamada Cirka ee Xoogga dalka 10-Hormarinta tayada waxbarashada dalka iyo kordhinta macalimiinta qaranka.
-
Maanta oo ah 15-ka may waxaa seddaxda sano laga joogaa xilli la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sanadkii 2022-kii, waxaana dib u milicsan doonnaa wixii waxyaabihii u qabsoomey iyo ballanqaadyadii waxa ka hirgalay. Doorashadii madaxweyne Xasan Shiikh ee 15-kii may 2022 waxay dhacday xilli adag oo dalku uu samata-bixin u baahnaa, madaxweynaha oo kamid ahaa musharaxiintii goortaas ugu cad cadaana wuxuu ballanqaaday inuu wax ka qabanayo qodob dhawr ah oo dhammaantood xilligaas dalka ahmiyad weyn u lahaa. Qodobadaas ayaa kala ahaa amniga oo isugu jira la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, dib u dhiska ciidamada qalabka sida, iyo sugidda amniga magaalooyinka iyo xuduudaha dalka. Sidoo kale ballanqaadka Madaxweynaha waxaa ku jiray wax ka qabashada dhammaystirka dastuurka, la dagaallanka musuqa, ilaalinta midnimada iyo dowlad wanaagga, hormarinta dhaqaalaha, dib u eegista siyaasadda arrimaha dibedda, Soo celinta Sumcadda Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga ah, Dhismaha Hay’adaha Dowliga ah, hormarinta adeegyada bulshada iyo arrimo kale. Maxaa qabsoomey? 1. Amniga iyo La-dagaalanka Argagixisada Madaxweynaha ayaa mudnaanta koowaad siiyay la-dagaalanka Al-Shabaab, waxayna ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo si weyn loo abaabulay kooxda Al-Shabaab ka saareen deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Galgaduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug, iyo Jubbooyinka. Inkastoo magaalooyinka qaar ay kooxdu dib u qabsatay haddana magaalooyinka waaweyn ee lagu guulaystay in gacanta Alshabaab laga saaro waxaa kamid ahaa Xarardheere, Ceeldheer, Ceelbuur, Aadan Yabaal, Masaga-waa, Alkowsar, Masaajid Cali Gaduud, iyo meelo kale. Deegaanadaas oo muddo dheer ay Alshabaab gacanta ku haysay waxaa ka saaraya ciidan Soomaaliyeed oo aan wax caawimaad ah ka helayn ATMIS iyo shisheeye kale midna, markii laga reebo duqeymo kooban oo dhinaca cirka ah, waxaana suurta-gashay in la furo isku socadka Muqdisho ilaa Gaalkacyo oo isku jira in ka badan 750 KM. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya in ka badan 30 sano ka dib waxaa sanadkii 2023-kii laga qaaday cunaqateyntii hubka, waxaana ciidanka xoogga dalka u suurtagashay inay helaan saanad ciidan oo isugu jirta diyaarado iyo gaadiidka gaashaaman, balse weli dood ayaa ka taagan in dowladdu ay si dhab ah uga faa’iidaysatay fursadda qaadista cunaqateynta. 2. Horumarinta Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ololaha ku galay halku dhegga ah”Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah“, taasoo xuddun u noqotay siyaasad dib-u-heshiisiinta, balse 3 sano ka dib inkastoo ay jireen kulamo joogta ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed haddana Puntland, Jubbaland, iyo saamiley kale oo muhiim ah ayaa tabasho darteed uga furtay xariirka dowladda. 3. Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Seddaxdii sanoo la soo dhaafay Dowladda Federaalku waxay kor u qaaday dakhliga gudaha, iyadoo canshuuraha laga qaado dekadaha iyo shirkadaha la kordhiyay, sidoo kalena la soo rogay canshuuraha iibka ee VAT-ka loo yaqaanno, deymihii dalka lagu lahaana dunidu way ka cafisay, ka dib wada-shaqayn feecan oo ay Xukuumadda iyo tii ka horreysayba la yeesheen hay’adda IMF iyo bank-ga adduunka. 4) Dhammaystirka dastuurka Dhammaystirka dastuurka waxay 10-kii sanoo la soo dhaafay noqata mid kamida leyliga ugu culus ee Xukuumad walba horyaalla, waxaana 3-dii sanoo la soo dhaafay dowladda ay dib u eegis ku samaysay 4 cutub oo kamid ah dastuurka, balse Dhinacyo kamid ah saamileyda siyaasadda ayaa si weyn u diiday hab-raaca loo maray tillaabadaas. 5. Siyaasadda Dibadda iyo Sumcadda Soomaaliya Taniyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu safarro dibadeed ku tagay dalal badan, si uu u xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed, gaar ahaan: Turkiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Kenya, Itoobiya, Eritrea, iyo Maraykanka, waxayna Soomaaliya qeyb ka noqatay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyo ururro kale oo heer gobol iyo heer caalamiba isugu jira. 6. Waxbarashada, Caafimaadka iyo Adeegyada Bulshada Waxaa kordhay tirada dugsiyada dowladdu maamusho, waxayna dowladdu shaqo-gelisay in ka badan 6 kun oo bareyaal cusub ah, dhinaca caafimaadkana waxaa la qaaday tillaabooyin waaweyn oo wax ka badelay tayada adeegyada caafimaadka dalka. Caqabadaha Jira Inkasta oo horumar laga gaaray dhawr jiho, haddana, Al-Shabaab wali waxay khatar ku tahay amniga dalka waxay isku dayaysaa inay dib u qabsato deegaannada qaar, khilaaf siyaasadda ee dowladda iyo maamullada qaar gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland waa mid xal u baahan, musuqmaasuqu waa bar madow oo weli Soomaaliya ku taal, sidoo kalena faragelinta dibedda iyo ka maarmidda ciidamada shisheeye weli waxba kama qabsoomin. Gabagabo Saddexdii sano ee la soo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu muujiyay dadaal xooggan oo ku wajahan amniga, dib-u-heshiisiinta, iyo xiriirka dibadda, guulo waaweyn ayuuna xaqiijiyay, balse weli duruufo xilligii uu xaafiiska yimid taagnaa ayaa wax ka qabasho u baahan. Source: goobjoog.com
-
Dowlad goboleedka Jubaland oo war saxaafadeed ka soo saartay xaaladda dalka iyo xisbigii dhowaan ay magaalada Muqdisho uga dhawaaqeen madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno isugu jira siyaasiyiin iyo madax dowlad goboleed ayaa sheegtay in tillaabaasi ay astaan u tahay xukun keligii talisnimo, ayadoo Xisbiga caddaaladda iyo Wadajirka ku sifeysay inuu la midyahay kii kacaanka. Jubbaland ayaa intaas ku dartay in tillaabadaasi ay lid ku tahay Dastuurka lagu heshiiyey ee heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah JFS, islamarkaana ay dhaawacayso midnimada dalka iyo abaabulka loogu jiro sidii shacabka Soomaaliyeed oo midaysan ay uga hortagi lahaayeen soo rogaal-celinta kooxaha argagixisada ah. Sida War saxaafadeedka lagu xusay maamulka Jubbaland ayaa sheegay in si cad loo baalmaray kaalintii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, oo lagala wareegay dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo kor-joogtaynta Xukuumadda. Ugu dambeyn DGJ ayaa dhammaan saamileyda siyaasadda iyo bulsho weyn Soomaaliyeed ugu baaqday in loo istaago samata-bixinta dalka, iyo badbaadinta dowladnimada curdanka ah oo ay sheegeen inay god ku sii dhacayso. War saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan ku xegeennadiisa iyo golihiisa wasiirada, madaxda afar maamul oo Khaatumo ay ku jirto, hoggaanka gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiin kale oo isugu jira Xildhibaanno muxaafid ah iyo saamiley kale ay Xisbi cusub uga dhawaaqeen magaalada Muqdisho. Source: goobjoog.com
-
Mareykanka ayaa shaaciyay inuu dowladda Turkiga ka iibinayo gantaallada AIM-120C-8 oo uu dalkaasi soo saaro, islamarkaana ku kacaya in ka badan 225 milyan oo dollar Mareykanka ah. Hay’adda iskaashiga amniga ee Maraykanka ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay oggolaatay suurta-galnimada in Ankara laga iibiyo gantaallada riddada dhexe ee AIM-120C-8. AIM-120C-8 waa nooc ka mid ah gantaallada casriga ah ee AMRAAM oo ay soo saarto shirkadda Raytheon, waxaana isticmaala ciidamada cirka ee Maraykanka iyo dalal badan oo xulafo la ah Washington. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, oo kaashnaya Qaybta Baarista Dembiyada (CID)ee Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay EEDAYSANE Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir, kuna dhashay kuna nool magaalada Garoowe, laguna eedeeyay inuu kufsi u geystay labo gabdhood oo danyar ah. Falka kufsiga ayaa dhacay habeenkii 11-ka May 2025, abaare 4:00 habeenimo, agagaarka xaafadda Booray ee magaalada Garoowe. Labada gabdhood ee dhibbanayaasha ah ayaa laga helay bannaanka xaafaddaas iyadoo lagu xadgudbay, waxaana markiiba bilaabmay baaritaanno ay fuliyeen Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da Gobolka Nugaal. EEDAYSANE Sharmaake Xuseen Yuusuf, ina Ubax Cismaan Jaaji, ayaa lagu qabtay howlgal qorshaysan oo ka dhacay agagaarka dawladda hoose ee Garoowe, isagoo la socday gaarigii lagu tuhunsanaa in falku lagu fuliyay. Waxaa sidoo kale la qabtay labo gaari oo la tuhunsan yahay inuu qayb ka ahaa falkaas isla markaasna uu adeegsaday. EEDAYSANE Sharmaake ayaa haatan lagu hayo saldhigga Galbeed ee magaalada Garoowe, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan si loo helo dhammaan xogaha sharciga u baahan. Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareyneysaa falalka arxan darrada ah ee lagu beegsado carruurta iyo dadka nugul, waxayna caddeyneysaa in eedaysanayaashu ay wajihi doonaan caddaalada iyadoo loo marayo nidaamka garsoorka ee dalka. PUNTLAND POST The post Booliska Gobolka Nugaal oo qabtay nin ku eedaysan kufsi ka dhacay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Fadhigii 20-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Fadhigan ayaa ahaa mid si weyn loogaga arrinsaday Xuska iyo Weynaynta 18-ka May oo ah Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL, gudaha dalka iyo daafaha caalamkaba. Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada waxa hoosta laga xarriiqay in 18-ka May ay ku suntan tahay Maalinta Dareen-wadareedka Midnimo iyo Wadajirka Shacabka qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba. Ajendaha Fadhigii 20-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL qodobada maanta mudnaanta lahaa waxa ka mid ahaa: 𝟏) 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Golaha Wasiirrada JSL waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan. 𝟐. 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha warbixin guud ka siiyey xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha guud ahaan, gaar ahaan ururinta cashuuraha GST. Wasiirku waxa uu sheegay in koboca Dakhliga Qaranku uu yahay mid isa soo taraya, maalinba maalinta ka dambaysa. 𝟑) 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡, 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐞𝐞𝐥-𝐀𝐟𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Mudane Maxamed Yuusuf Cali (oo ka mid ahaa Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka JSL) ayaa Golaha Wasiirrada JSL warbixin waafiya ka siiyey marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen saddex arrimood ee kala ahaa: Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, Nabadaynta Ceel-Afweyn iyo Diwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada; arrimahan oo run ahaantii ahaa kuwo Qaranka JSL u lahaa muhimmad gaar ah. Wasiirku waxa uu sheegay in ay jireen caqabado door ah oo ka horyimid, hawlahaasina ay ahaayeen kuwo u baahnaa ku dhac iyo geesinnimo. Wasiirku waxa uu sheegay, gargaarka Allah SWT ka sokow, in Madaxweynaha JSL uu ahaa ka mar walba la garab taagnaa go’aan adag iyo wax kasta oo ay hawlahaasi ku hirgeleyaanba. 𝟒) 𝐗𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐝𝐞𝐞𝐜𝐚𝐝𝐚: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey xanuunka Jadeecada oo ka dillaacay qaar ka mid ah Gobollada dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay juhdi iyo dedaal badanba gelinayaan sidii xanuunka Jadeecada loo xakamayn lahaa. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay bilaabayso wacyigelinta bulshada iyo dar-dar gelinta tallaalka carruurta ay da’doodu ka yar tahay 5 sannadood. 𝟓) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚 Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Mudane Saciid Maxamuud Buraale ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warramay safar shaqo oo isaga iyo team-kiisu ay ku tageen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Dubai, kadib casuumad rasmi ah oo ay u fidisay Shirkadda Caalamiga ah ee Maamulka Dekedaha DP World. Wasiirku waxa uu sheegay in uu halkaa ku soo arkay arrimo cashar iyo waayo-aragnimo laga baran karo oo la xidhiidha qaabka uu dal u horumari karo. 𝟔) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐮 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟏𝟖-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐲: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha siiyey warbixin la xidhiidha hab-sami-u-socodka u diyaargarowga Xuska Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay hab-raacyada iyo hab-maamuuska sannadkan loo qorsheeyey Xuska Maalinta Qaran. Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan Wasaaradda Waxbarashadu ay door muhiim ah ku leedahay u diyaargarowga 18-ka May, iyaga oo ardayda Dugsiyada dalka si weyn ugu baraarujiyey Xuska 18-ka May. 𝟕) 𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥-𝐝𝐚𝐚𝐝𝐞𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚: Golaha Wasiirrada JSL waxa ay mar kale Fadhigii 20-aad kaga doodeen Nidaamka Maamul-daadejinta Dawliga ah (decentralization) ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka, gaar ahaan: 1) Maamul-daadejin Siyaasadeed; 2) Maamul-daadejin xagga Maamulka ah; iyo 3) Maamul-daadejin Miisaaniyadeed. Dooddii Golaha Wasiirradu waxa ay dhammaantood hoosta ka xarriiqeen in Maamul-daadejintu ay awoodaynayso go’aan-qaadashada heer deegaan, isla markaana ay xoojinayso isla-xisaabtanka iyo kor-joogtaynta bixinta adeegyada bulshada ku habboon. Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa doodii Golaha Wasiirrada fadhiyadii 19-aad iyo 20-aad, waxa uu Golaha faray in arrinta Maamul-daadejinta loo baahan yahay in loo saaro Guddi ka kooban Golaha Wasiirrada iyo khubaro aqoon u leh mawduucan, iyadoo lagu salaynayo tilmaamaha Dastuurka Qaranka. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Nairobi, Kenya – A high-level delegation from Somaliland’s Ministry of Environment and Climate Change, in partnership with Action Aid, recently concluded a productive knowledge exchange visit to Kenya. Led by Mr. Adan Ahmed Hassan, Director of the Climate Change and Environmental Protection Department, the delegation received an official welcome from Somaliland Embassy representatives in Nairobi. The visit’s highlight was a strategic engagement with the University of Nairobi, where delegates met with the Climate Change Institute Director and faculty deans. The productive discussions yielded agreements on: – Advanced degree programs (Master’s and PhD) and vocational training – Collaborative environmental and climate change research initiatives The delegation’s itinerary included an extensive tour of Kenya’s National Environment Management Authority (NEMA), where they: – Met with senior leadership including the Deputy Director-General – Examined operational frameworks across departments – Established a five-point cooperation agreement covering: 1. Capacity building for environmental professionals 2. Development of ecological standards 3. Modern environmental management systems 4. Climate impact assessment protocols 5. Joint scientific research programs The visit culminated at Nairobi’s renowned Arboretum and National Herbarium, where experts demonstrated cutting-edge plant conservation techniques. This engagement resulted in a landmark agreement to synchronize nursery operations between Somaliland’s environmental ministry and Kenya’s premier botanical institution. This exchange marks a significant step in regional environmental cooperation, positioning both nations for stronger climate resilience through shared expertise and institutional partnerships Somaliland sun Qaran News
-
Qaran News
-
Madax hore iyo siyaasiyiin mucaarid ah oo maanta soo saaray Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin ayaa ku baaqay 5 qodob oo ay tahay in deg deg loogu dhawaaqo, si dowladnimada Soomaaliya looga badbaadiyo burbur iyo kala tag. Warmurtiyeedka ka soo baxay qaar kamid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ayay ku caddeeyeen in ay gebi ahaanba burburtay Madashii Wada-tashiga Qaran, islamarkaana madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u dhaqaaqay jidkii mudda kororsiga ee horseedi lahaa abuurista qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. “Ku talinaynaa in degdeg loo guda-galo wadatashi siyaasadeed oo ay isugu yimaadaan xoogagga siyaasadeed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si dalka looga samatabixiyo kalitalisnimo lagu burburinayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa, nidaamkii federaalka iyo awood qaybsigii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa xasilloonnida dalka, loona abuuro cudud midaysan oo looga hortagayo kooxaha argagexisada.” “Waxaan Kaga digaynaa in Madaxweynahu ka waan-toobo fidno abuurka uu ugu durbaan tumanayo maamulka Jubbaland, joojiyana xorriyad ka qaadista iyo afduubka siyaasadeed ee uu u adeegsanayo hantida qaranka iyo xilalka dowladda” ayay ku sheegeen warmurtiyeedkooda midaysan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee baaqan soo saaray. Waxay sidoo kale Ugu baaqeen madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeele iyo Koofur-Galbeed oo muddo xileedkeedu dhamaaday in ay shacabkooda xurmeeyaan, qabtaanna doorasho dastuurka waafaqsan, kana waantoobaan in ay Madaxweynaha ku garabsiyaan burburinta nidaamka Federaalka, si uusan dalku u burburin. PUNTLAND POST The post Mucaaridka Soomaliya oo ku dhawaaqay 5 qodob oo dalka looga badbaadinayo burbur iyo kala tag appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Faallo PP) — Sanadkii 2015 ka hor dhammaadkii muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh waxay dowladdii federaalku samaysay hab Doorasho Dadban oo Kobocsan (enhanced indirect election). Ujeeddadu waxay ahayd in loo ekeysiiyo doorasho leh sharciyad la mid ah tan doorasho qof iyo cod. Madaxweyne Xasan Sheekh kuma guuleysanin inuu doorasho noocaas ah hirgeliyo. Puntland waxay ku dooday in 2016 in Doorasho Qof iyo Cod loo baahan yahay. Cadaadis siyaasadeed kaddib Puntland waxay oggolaatay doorasho dadban. 5 bilood ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku darsaday muddo xileedkiisa. Waxay ahayd 5 bilood oo dowladdu ka badbaadday isqabqabsigii hareeyey dowladii Madaxweyne Farmaajo markuu labo sano ku darsaday muddo xileedkiisa. 14 bilood oo muran siyaasadeed uu socday ayuu Madaxweyne Farmaajo xilka sii hayay markii uu muddo xileedkiisii dhammaaday 17/2/2021. Sanad baa ka haray muddo xileedka dowladda Xasan Sheekh oo hadda isku dayaysa inay qabato Doorasho Qof iyo Cod aan la isku raacsanayn oo xisbiyo ku salaysan. Taliska Damuljadiid wax badan ayuu ka bartay muddo xileedkii kowaad iyo muddo-xileedkii Madaxweyne Farmaajo. Ujeeddada ugu weyn ee dowladda xilka haysa waa inay hesho ugu yaraan hal sano oo muddo kordhin ah oo ka dhalanaysa ka maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland ka maqan yihiin Madasha Wadatashiga Qaranka. Waddada kale oo muddo kordhinta loo marayo waa Xisbiga Cadaallada iyo Wadajir oo shalay Muqdisho laga daahfuray. Damuljadiid waa koox isku soo cusbooneysiinaysa awoodda maamullada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Soomaaliya doorasho dadban ayay ku noqonaysaa. Labada arrimmood hor yaalla Jubaland iyo Puntland waa (1) Dastuurka oo wax laga beddelay (Jubaland way oggoshay laakiin Puntland baa diiddan) iyo (2) metelaadda xildhibaannada iyo senatarrada labada aqal ku metela Somaliland (Puntland way diiddan tahay in Somaliland oo dal inay tahay sheeganaysa ay metelaad ku soo yeelato labada aqal, laakiin Jubaland ilaa hadda dood kama qabto in Somaliland ku sii lahaato Muqdisho metelaad federaal. Kala duwanaanshaha aragtiyeed ee Jubaland iyo Puntland waa u faa’iido dowladda muddo xileedkeedu dhammaan doono 15/5/2026. © Puntland Post, 2025 The post Dowladda Federaalka oo Muddo Kororsi “Muran La’aan Ah” Doonaysa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaalada Riyadh ee caasimadda Sucuudiga kula kulmay hoggaamiyaha Suuriya Axmed Sharac, ka dib markii dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan uu ka shaqeeyay is aragga labada dhinac. Kulanka ayaa ku soo beegmaya saacado yar ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay inuu dalka Suuriya ka qaaday cunaqateyntii muddada dheer saarnayd, waxayna warbaahintu warinaysaa inuu Trump Xukuumadda Dimishiq ka dalbaday inay ku biirto Barnaamijka Abraham accord ee lagu caadiyaynayo xariirka maamulka Israa’iil iyo dalalka Carabta. Sidoo kale war ay qortay wakaaladda Reuters ayaa sheegaya inuu Trump uu Axmed Sharac ka dalbaday inuu dalka Suuriya ka musaafiriyo madaxda dhaqdhaqaaqyada wax iska caabinta falastiiniyiinta oo uu ku tilmaamay kooxo argagixiso ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowaan magaalada Dimishiq lagu xiray laba hoggaamiye oo ka tirsan masuuliyiinta ururka Xamaas iyo xoogagga Saraya Al-Qudus, kuwaas oo markii dembe la sii daayay. Source: goobjoog.com