-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhimashaddii ka dhalatay Weerarkii Gariga Xamuulka ah loo isticmaalay ee Muqdisho ka dhacay 14 kii October ayaa gaartay 512 Qof, sida ay Daabaceen Qaarka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah oo soo xiganaya Guddigii Baarayay Musuubadda. Tiradda Dhimashadda ayey Doladda Soomaaliya ku shegtay markii Hore 358 taasi oo ahayd Tiradii ugu badneeyd ee Mar qur ah ku dhimatay Hal weerar, Taariiqda Soomaliya. Majirto Cid si rasmi ah u sheegatay Weerarkii 14 kii October hase ahaatee Masuuliyiinta Dowladda ayaa ku eedeeyay in ay fuliyeen Xarakadda Al-shabaab oo Weerarro ismiidaamin ah ku qaada Xarumaha Dowladda iyo Goobaha ay Dadku k badanyihiin. VOA Africa ayaa Daabacday in Warbixinta Gudiga ay dowladdu Heli doonto Todobaadkaan, Hase ahaate ilaa iyo hadda Majiro War rasmi ah oo ay Warbaahinta siiyeen Guddiga loo Xilsaaray Baarista muusiibadii Soobe. Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ay Weerarkii Soobe uga jawaabeeyso Guluf ay ku qaadeeyso Al-shabaab, inkastoo aysan Dowladdu wali si rasmi ah u bilabin Gulufkii ay Balanqqaaday, Hadana Taliska mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa Qaaday Duqaymo Adag oo uu la beegsaday Saldhigyo ay Al-shabaab ku leyihiin Koofurta Soomaaliya, Sidoo kale Mareeykanka aya Weerarkii Soobe ka dib wuxuu markii u horeeysay Duqaymo la beegsaday Daacishta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub oo kusoo korortay Qaraxii Soobe iyo tiro koobka dhimashada oo meel sare gaartay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe 02 December 2017 si diiran loogu soo dhoweyey magaalada Muqodisho. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Ujeedka safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ahaa ka qayb galka shirka amniga heer qaran oo malinimada berito 03 December 2017 ka furmidoona magaalada Muqdisho ee caadimadda Soomaaliya, waxaana uu socondoonaa shirkaasi muddo labo maalmooda, sidoo kale Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka qayb gelidoona shir ay muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka kaas oo dhammaandoona isna 05 December 2017. Shirka Amniga qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisha ka furmidoona ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimaha kala ah Amniga, nabdgelyada dalka, xasilinta dalka iyo wanaajinta geedi socodka dawladnimadda Soomaaliya, waxaana kasoo qayb gelidoona dhammaan Madaxda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meel kastay joogaanba inay illaashadaan nabadda, xasiloonida iyo horumarka ay ku naloonayaan. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. The post Madaxweynaha Puntland Iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Dalka Jabuuti Goordhow waxaa heshiis horudhac ah ku gaaray maamulada Galmudug iyo Ahlusunna. Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta labada dhinac Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob, waxaana lagu waddaa in si rasmi ah loo shaaciyo todobaadkaan Gudihiisa. Laba dhinac ayaa imaan doona Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmi doonaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya kadibna waxaa lagu dhawaaqi doono Heshiiska. Labada dhinac ayaa wada hadal uga socday muddo 8 cisho ah dalka Jabuuti, waxaana wada hadaladan garwadeen ka ahaa Urur Goboleedka IGAD. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiskan. Waxaa saxiixa heshiiskan goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Ahlusuna, Galmudug, dowladda Federaalka iyo IGAD. Ahlusuna iyo Galmudug ayaa isu soo dhowaansho ka muujiyay khilaafaad horay u ragaadiyay labada dhinac, waxaana haatan isku raaceen inay ku midoobaan maamul mid ah. The post Sawiro: Galmudug iyo Ahlusuna oo heshiis horudhac kala saxiixday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii November ee 2017 uu dilal kala duwan ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo lala eegtay Saraakiil, Askar, Odayaal iyo dad shacab ah. Dilalka ugu badan ee bisha November 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa badi lala eegtay Askar ka tirsan dowlada Federaalka. Dilalka noo diiwaan gashan ayaa gaaraya 11 dil, oo dhacay wakhtiyo kala gadisan sida xiliyada subixii. Dilalka dhacay ayaa ahaa kuwo madax-jabis ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Federaalka. Hadaba Dilalka dhacay ee noo diiwaan gashan ayaa dhacay xiliyada kala ah: 1-November 4, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Degmada Hodan, gaar ahaan xaafada Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sargaal ka tirsan Booliska oo lagu magacaabi jiray Maxamed Dheere. 2-November 9, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda ku dilay Agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka magaalada Muqdisho. 3-November 9, 2017, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa qof shacab ah ku dilay afafka hore Jagbuuntiga laga galo Garoonka Aadan Cadde ee ku dhow isgooyska lamber afar, waxa uuna shaqsigaasi watay gaari uu doonaayay inuu la’aado dhanka Garoonka. 4-November 12, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen Nin Oday ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Jaciir kana tirsanaa Ergadii Maamulka Hirshabeelle ku soo doortay Xildhibaanada. 5-November 13, 2017, Askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa agagaarka Xarunta degmada Kaaran ee gobolkaan Banaadir ku dilay Oday da’ ahaa xili uu kusii jeeday Salaad subax. 6-November 13, 2017, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Nageyle ee Degmada Kaaraan ku dilay Nin Magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Cadaawe (Maxamed Dheere). 7-November 22, 2017, Ilaalada Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa agagaarka Isgooyska Sayidka ku dilay Alle ha u naxariistii Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug. 8-November 23, 2017, Askari ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada DFS ayaa si bareer cad ah waxa uu degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ugu toogtay nin dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj. 9-November 26, 2017, Labo ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa lagu dilay Isgoyska Sanco ee Degmada Kaaraan, waxaana dilkaasi geystay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee xasilinta lagu Magacaabo. 10- November 30, 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolada ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Nabadsugida Qaranka ‘’NISA’’ xili uu ku sugnaa agagaarka wadada General Daa’uud, qaybteeda Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir. 11- November 30, 2017, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA xili uu ku sugnaa xaafadda 1da Maajo ee Degmada Waaberi. Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha November ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa kala soctaa tirade dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii November ee 2017? (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo kaa shanaysa Hay’adda ARC International ayaa biyo xireen cusub ka dhagax dhigtay Deegaanka Falaryaale oo katirsan Gobolka Sool, biyo xireenkan ayaa ah mid casri ah islamarkaasna la jaanqaadaya kawa laga dhiso dunida horumartay waxaana ay tani qayb ka tahay Siyaasada wasaarada Deegaanka Puntland ee ku aadan ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo la dagaalanka Biyo-yarida. Biyo xireenkan laga dhagax dhigay Deegaanka Falaryaale ayaa ah kii ugu horeeyey oo laga samaynayo deegaankaas iyadoo bulshada deegaankaasu ay dhib wayn ku qabeen biyo Yarida, waxaana la rajaynayaa in biyo xireeenkan cusub uu qabto in kabadan 10 Milyan oo Litir oo biyo ah halkii waqti-roobaadba taas oo ka dhigaysa inay ka faa’iidaysan karaan Boqol Qoys. Eng, Cabdiweli Yussuf Aden oo ah Injineerka wasaarada Deegaanka oo ka hadlay biyo xireenka laga dhisayo deegaanka Falaryaale ayaa biyo Xireenka Falar-yaale ka koobnaan doono qaybo kaladuwan islamarkaasna loo qoodi doono Hoos loona balaarin doono dhinacyada iyadoo Bac lagu xiriri doono, Sidoo kale Injineerku wuxuu sheegey in Biyo Xireenadka lagu wareejin doono Silig si loo ilaaliyo nadaafada Biyaha iyo Haamo biyaha Kaydiya. Saalax Cabdirashiid Maxamed oo madax ka ah hay’adda ARC International qaybteeda Puntland ayaa sheegey in ay wasaarada Deegaanka iyo Hay’adiisu mudo ku mashquulsanaayeen sidii Biyo Xireen loogu samayn lahaa deegaanka Falaryaale isagoo sheegey in mashaariic kale ay ka fulin doonaan deegaanka. Gudoomiyaha gobolka Sool ee DPL iyo bulshada deegaanka Falar-yaale oo Iyana kaqaybgalay dhagax dhiga biyo xireenkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin shaqada laga qabanayo deegaankooda waxaana ay hay’adaha kale ee dawlada iyo kuwa caalamiga ahba u sheegeen in deegaanaada gobolka Sool lagu soo dhawaynayo islamarkaasna ay waxqabad kan lamid ah ka rajaynayaan. Puntandi.com
-
Muqdisho (PP) ─ Sida laga soo xigtay guddi baaritaanno dheeraad ah ku sameeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 14-kii Oktoobar 2017-ka lagu jiro ka dhacay isgoyska Zope ee Muqdisho ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay gaarayso 512-qof. Tirada dhimashada Qaraxaas ayaa horay loo sheegay inay ahayd 358-qof oo u badan ganacsato isgoyskaas ganacsiyo kala duwan ku haystay, laakiinse tira-koobkan cusub ayaa meesha ka saaraya tiradii hore. Weerarkan ayaanay jirin weli koox si rasmi ah u sheegatay inay mas’uul ka ahayd, balse waxaa lagu eedeeyay Kooxda Al-shabaab oo dagaallo joogto ah kula jirta dowladda Soomaaliya ee uu caalamku taageero. “Tirada guud ee shacabkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii Zope ee aanu diiwaan-gelinay ayaa waxay gaaraysaa 869-qof, dadkaas ayaa 512 qof oo ka mid ah ay ku geeriyoodeen, halka 295-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 70-qof ayaana weli lagu la’yahay,” ayay guddigan ku sheegeen war-bixin ay soo saareen Sabtidii shalay. Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa loo saaray inay baaritaanno dheeri ah ku sameeyaan weerarkii argagaxiso ee 14-kii Oktoobar ka dhacay isgoys aad u mashquul badan oo lagu magacaabo Zope, waxayna kusoo beegeen toddobaadkan shaacinta warbixintooda kama dambeysta ah. Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa horay u sheegtay in baaritaanno ay ku sameysay weerarkaas ay ku waxyeeloobeen; 689-qof, balse guddigaan ayaa meesha ka saaray shakiyo badan oo jiray, kaasoo ahaa in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay. Kooxda Al-shabaab oo qaraxan lagu eedeeyay, balse aan ka hadlin ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii dagaal kula jirtay Dowladda Somalia, iyadoo tan iyo xilligaas isku dayaysay inay xukunka ka tuurto, balse aan ku guuleysan. Ugu dambeyn, weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska KM-5 ee Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii xukunka laga tuurtay dowladda millateriga ahayd 1991-kii. PUNTLAND POST The post Dadkii ku Geeriyooday Weerarkii Zoope oo tiradoodu ay gaartay in ka badan 500 oo Ruux appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shahaadooyinkooda aqoonsiga diiwaangelinta maanta siiyay 8 xisbi siyaasadeed, iyadoo munaasabad arrintan ku aadan ay ka socoto mid kamid ah hoteellada magaalada Muqdisho. Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa waxay soo buuxiyeen shuruudihii la hordhigay. Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Qadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. 48 sano kadib ayaa dalka waxaa laga hirgelinayaa nidaamka xisbiyada badan, oo la doonayo in sanadka 2020 ay doorashooyinka Soomaaliya nidaamkaasi u gudbaan. Halkaan hoose ka arag sawirada: Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa xalay Kormeer ku tagay Saldhigyo ciidan oo ku yaalla Magaalada Baydhabo. Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinaayay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ciidan. Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni. Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed. Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Nuuradiin.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Roobow Abuu Mansuur oo hal arrin darteed u booqday saldhigyada Ciidamada ee Magaalada Baydhabo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Nuur Baaruud Gurax oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo bandhigayay waxqabadka Xukuumaddiisa ka sheegay in loo baahanyahay in laga hortago Xildhibaannada Mooshinka wada. Sheekh Baaruud ayaa sheegay Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow la mid ah Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago. “Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin,ilaa ay ka bakhtiyaan” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada. Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo. Mar hore ayuu sidan oo kale Sheekh Nuur soo jeediyay in Xildhibaannada mooshinka ka waday Xukuumadda Kheyre loogu galo guryahooda islamarkaana la iska dhiciyo. Arrintaas waxaa ka carooday XIldhibaannada qaar,waxaana Golaha shacabka la hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaas ah waxaana uu Xildhibaannada ka hor sheegay in hadalka Sheekh Baaruud uu iyaga gef ku yahay loona baahanyahay in haddii Xildhiabaannada wax gaaraan isaga wax laga weydiiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sh.Nuur Baaruud: “Xildhibaannada Mooshinka wada cunaha halla qabto, laaluushna yaan la siin” appeared first on Caasimada Online.
-
Balcad (Caasimadda Online) – Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Gaari Cabdi Bille ah oo ay Saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Wadada loo galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey oo u dhow tuulada Isgoys ee duleedka degmada Balcad. Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in gaariga Cabdi Bilaha ah oo ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday Jowhar lagu dhuftay Qoraga loo yaqaano baasukaha isla markaana haatan uu gubanayo. Gaadiidka dagaal oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bilaha ayaa la sheegay in lagu dhiftay baasuuke, waxaa la sheegayaa in gaariga uu ku gubanayo goobta lagu weeraray oo lagu magacaabo Haan-Sheekh. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu dhex maray ciidamada Milateriga iyo dagaalamayaasha Shabaab ee jidka galay. Weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas lama oga waxaana haatan ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda oo Gurmad halkaasi ku tegay iyo Al-Shabaab oo Wadada u galay halka loo yaqaano Kiliga Faarax Gololeey oo u dhow tuulada Isgoys. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dagaalkaas ka dhashay,waxana hadda Gudaha degmada Balcad laga maqlayaa jugta Culus ee dagaalka la isku adeegsanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dagaal ka socda duleedka Balcad kadib Ciidamo wadada loo galay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Hay’adaha amniga Dowladda Soomaliya ay isku soo dhibeen 54 dagaalyahan kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho. Islow oo hadal ka jeediyay kulan lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in ragga isa soo dhiibay ay ka Tirsanaayeen Ciidamadda Al-shabaab islamarkaana ay haatan ku jiraan gacanta Dowladda Soomaliya. “Kadib qaraxii Zoobe waxaa Dowladda Soomaliya isku soo dhiibay 54-dagaalyahan oo ka tirsanaa Ciidamadda Al-shabaab, sidoo kale Ciidamadda Dowladda Soomaliya waxa ay gacanta ku dhigeen 63-dagaalyahan oo ka Tirsanaa Shabaab, Sidoo kale hay’adaha amniga ayaa gacanta ku dhigay nin iska soo dhigay gabar oo soo xirtay dharka haweenka, waxaan u mahadcelinayaa Ciidamadda amniga oo har iyo habeen usoo jeeda sugida amniga Magaaldda Muqdisho”, ayuu yiri Wasiir Islow Ducaale. Hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo lagu xaqiijinayay amniga Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya,kadib qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe. Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Wasiirka-amniga.mp3PUNTLAND POST The post Islow:-“63-Shabaab ahaa ayaa La Qabtay Kadib Qaraxii Isgoyka Zoobe” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay dhibaatooyinka ay dhinacyada mucaaradka ku hayaan dowlada Federaalka ah ee Somalia. Wasiir Khadiijo, ayaa sheegtay inay jiraan mucaarad badan oo doonaaya inay carqalad galiyaan dowlada oo ay sheegtay inaan la heleynin mid dhaanta marka loo eego nabada iyo nidaamka ay ka dhalisay Somalia. Waxa ay Khadiijo sheegtay in mucaaradka hadda jira ay yihiin kuwo keliya doonaaya inay cuuryaamiyaan rajada ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan dowladnimada, waxa ayna tilmaantay in ujeedkooda uu yahay inay arbushaan xasiloonida ka jirta dalka iyagoo adeegsanaaya waxyaabo aan salka ku heyn xaqiiqda. Khadiijo, waxa ay cadeysay in mucaaradka ugu badan ee dowlada ay iminka yihiin kuwo ku kala sugan dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Mucaaradka ayay sheegtay inay aaminsan yihiin in kuraas ay ka waayen dowlada hadda jirta, balse taasi ay tilmaameyso daciifnimo heysta kuwa xilalka ku raadinaaya inay mucaaradaan dowlad ay ku hoos noolyihiin malaayiin shacab ah. Waxa ay sheegtay in kuwa badan oo mucaarad ah ay lacago ku soo qaataan sida dowladda loo dumin lahaa isla markaana horay u hagar daameyn jiray dowladihii dalka soo maray. ‘’Kuwa mucaaradka ah waxa ay horay usoo dhabar jabiyeen dowladihii hore, waxaanba tusaale usoo qaadankaraa xitaa inay igu cadaadiyeen inaan iscasilo’’ Sidoo kale, waxa ay soo hadalqaaday wararka sheegaya in Mooshin laga wado Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna tilmaantay inay ka tabaabushteen Mooshin iyo wixii lamid ah, isla markaana ay dowladu tahay mid isku xiran oo aan lagu ridi Karin Mooshin. Haddalka Wasiir Khadiijo ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia dhexda kaga jirto caqabado Siyaasadeed oo mar waliba saameyn ku yeelankara haddii aan loo helin xal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiir ka tirsan XFS oo shaaciyay halka ay ku kala noolyihiin Shaqsiyaadka Mucaaradka ku ah DFS (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
The spotlight is expected to temporarily swing from politics as the government focuses on two events regarding the International Criminal Court and the country’s maritime border dispute with Somalia at the International Court of Justice. From Monday, the Assembly of State Parties — the management oversight and legislative agency of the ICC — will be meeting at the UN headquarters in New York for the 16th session, which will end on December 14. As the session opens, two events will be of focus to Africa and Kenya in particular. ASSETS In the provisional work plan of the ASP, cooperation with ICC has been listed as an item for discussion on December 11. It is understood that the referral of Kenya to the ASP by ICC could come up at that point. In September 2016, trial judges Kuniko Ozaki, Robert Fremr and Geoffrey Henderson found Kenya to have breached the Rome Statute in the case of President Uhuru Kenyatta by failing to produce information requested by Ms Fatou Bensouda, the prosecutor. Failure to reveal Mr Kenyatta’s bank accounts, assets, ownership of companies and financial transactions in the lead-up to the 2007 elections and early 2008 was cited by Ms Bensouda as one of the reasons the crimes against humanity case flopped. “Noting that the case against Mr Kenyatta has already been terminated and considering the relevance of the materials sought in the prosecutor’s request to current or future investigations, Trial Chamber V considered a referral to the ASP appropriate for the purpose of fostering cooperation more broadly,” the court said. The subject of cooperation could also be interesting for other African countries, which have in the past accused ICC of targeting their leaders. NEW JUDGES Along with cooperation, the ASP will be electing six new judges to replace among others, Kenya’s Joyce Aluoch and Botswana’s Sanji Mmasenono Monageng. Both would have served their nine-year non-renewable terms on March 10, 2018. Since the positions are rotational, neither Kenya nor Botswana has candidates. African countries that have candidates are Benin, Ghana, Uganda and Lesotho. The election of judges will take place on December 5 and 6 while cooperation will be discussed at the plenary on December 11. Meanwhile, Kenya also has a date with the UN’s principal judicial organ, the ICJ, in the dispute between Nairobi and Somalia. After ruling on February 2 that it had jurisdiction to adjudicate the dispute between Somalia and Kenya concerning maritime delimitation in the Indian Ocean and that Somalia’s application was admissible, ICJ fixed December 18 as the time-limit for the filing of the counter-memorial of Kenya in the case. The counter memorial should have at least three parts namely statement of relevant facts, statement of law and submissions, and will be Kenya’s official response to the maritime dispute case filed by Somalia. “Kenya’s counter-memorial will be filed on or before December 18,” Attorney-General Githu Muigai told the Sunday Nation, adding that the response would be a “bulky document”. Somalia’s memorial, which is in four volumes, was filed on July 13, 2015. It sought the maritime boundary redrawn to extend diagonally to the south at Kiunga into the sea, and not eastwards as it is. “The court is asked to determine, on the basis of international law, the complete course of the boundary dividing the maritime areas appertaining to Somalia and to Kenya in the Indian Ocean, including the continental shelf beyond 200 nautical miles. Somalia also requests the court to determine the precise geographical co-ordinates of the single maritime boundary in the ocean,” Somalia said. If granted, Somalia’s prayers could also affect Kenya’s sea border with Tanzania. Source: – Daily Nation The post Spotlight shifts to ICC referral and Somalia border case appeared first on Caasimada Online.
-
Pakistan Navy Ship (PNS) ZULFIQAR while on counter-piracy deployment, patrolling in the Gulf of Aden, rendered assistance to a stranded dhow/boat of Somalia. During voyage at sea, the dhow became non-operational due to malfunctioning of her propulsion system. The dhow had been waiting for rescue for many days and was left with no edibles and drinking water. PNS ZULFIQAR provided required assistance and conducted towing operation for 16 hours in rough sea conditions. Eventually, the dhow was handed over to the Somalian authorities Besides safeguarding maritime interests of Pakistan, Pakistan Navy has always been at the forefront with international community to conduct humanitarian assistance and disaster relief operations. This is the 2nd rescue operation by PNS during last couple of weeks. Source: – Pakistan Today The post Pakistan Navy provides assistance to Somalian cargo ship appeared first on Caasimada Online.
-
Hawk-eyed guards at Mandera prison on September 14 spotted a man squeezing through a small opening at the perimeter wall then moved swiftly and arrested him. Two months later, after rigorous interrogation and an intense legal process, the court in the north eastern town established that he was an Al-Shabaab spy sent to survey the local police station, prison and military camp ahead of an impending terrorist attack. Abdirahman Abdi Takow was jailed for 30 years by the court on Wednesday last week. BIGGER PLOT Abdirahaman Abdi Takow who was on November 29, 2017 jailed for 30 years by a Mandera court after he was found guilty of sneaking into the Mandera GK Prison with the aim of spying for Al-Shabaab terror group. PHOTO | COURTESY In court, Takow remained defiant and refused to divulge the bigger plot by Al-Shabaab forcing Kenyan security agencies to be on high alert to protect citizens from the Somali-based terrorist organisation, a partner of Al-Qaeda. The terrorist, who travelled from Mogadishu for the espionage mission three days prior to his arrest, also refused to reveal the identity of an accomplice who outran the prison guards and disappeared into thickets while he was arrested. Mr Hussein Osman Mursal, a prison officer, was on the watchtower when he spotted two men moving close to the stone wall that secured the penal institution. One of the men squeezed through a small opening which had been drilled by masons contracted to carry out repairs at the facility while the other stayed outside, apparently to keep watch. The accomplice ran across a field in an adjacent school, disappeared in thickets and is still at large. Mr Mursal gave his account in court. PRISON CAMP Takow, upon arrest, claimed he was at the correctional facility to report that he had been conned Sh30,000 and needed help from authorities, a claim that the court quashed. “I find the evidence is not denied, rebutted or contravened in any manner. The same is overwhelming against the accused who has not given any reason why he came all the way from Mogadishu and entered the prison camp,” said Mandera senior resident magistrate Peter Areri. In court, Mt Mursal said: “I was at the watch tower when I saw the accused person enter the prison through an opening that construction workers were using while working on the perimeter wall.” He was the first prosecution witness. The prison officer also told the court that the accomplice escaped. “The second person who kept peeping in took off while I walked in his direction. He ran through Mandera DEB Primary School compound,” he said. Prison authorities handed over Takow to Anti-Terrorrist Police Unit (ATPU) after he failed to explain his presence in the facility. AL-SHABAAB CAPITAL A special interrogation team was formed and comprised ATPU, Directorate of Criminal Investigation (DCI) and the Directorate of Military Intelligence. It established that Takow was born in Mogadishu 22 years ago and worked as a mechanic at Yarshit, the current capital of Al-Shabaab in war-torn Somalia. The detectives also tracked his way from there to Kenya. He came through Bulahawa, a town near the Kenya – Somalia border that at the time was controlled by Somalia National Army, an ally of Kenya Defence Forces in Somalia. “He came to Bulahawa a few days before Somalia National Army camp at Bulahawa was overrun early morning of September 11, 2017,” according to a second witness in court. An anti-terror police officer told the court that the interrogation team concluded that the accused was an Shabaab spy sent to gather information on Prison, Police Stations and the Military Camp in Mandera town. Sunday Nation did not to name the ATPU officer due to the sensitivity of his duties and also because he is stationed in an area prone to attacks against government officials have taken place in recent past. The officer, as witness two, said in court: “A multi-agency interrogation team concluded that the accused was an Amniyat dispatched to Mandera to gather information.” Amniyat is Al-Shabaab’s intelligence wing. ATTACK The officer further told the court that the terrorist also planned attacks at county offices and the county referral hospital. Witness two also connected the foiled Al-Shabaab plan to another attack in Somalia. Three days before the arrest, Shabaab overran an Somali National Army camp in Bulahawa, not far from the border. “After a successful attack by Al-Shabaab on Somali National Army camp at Bulahawa on September 11, we received intelligence that their intelligence group members were in Mandera before the accused was arrested,” he said. In court, the officer said the accused spent the night in Bulahawa before crossing into Mandera. After crossing over, in the morning of September 14, the terrorist was spotted at Mandera Police Station before he was later apprehended at the prison. Takow was among groups of people who had converged at the station to escort relatives who were travelling. It is commonplace for travellers to be screened at the station since terrorists from Somalia pose as passengers travelling to Nairobi and other parts of Kenya. SENDS SPIES Magistrate Peter Areri wondered why the terrorist did not report the alleged conning of Sh30,000 to police when he was at the police station, but later sneaked into the prison which is kilometres way. Amniyat sends spies to gather information ahead of an attack. “We had intelligence that a Shabaab spy had been dispatched to Mandera immediately after the attack at Bulahawa. He was to collect information on police stations, military camp, prison, county offices and county referral hospital,” the ATPU officer said in court. In Bulahawa, 15 Somali National army soldiers and scores of civilians were killed and many others injured. “That attack was to clear the way for the planned attack on our side and this accused was to report back immediately for action within a week’s time,” the witness told the court. Several Mandera locals shown a picture of the accused denied knowing him but an elderly man identified the accused from the photograph as a descendant of interior Somalia from his physique. On defence at the law court, the accused maintained that he did not know Al-Shabaab. “I am not one of those people and I don’t associate with those people. I am a refugee,” said Takow in defence. But Mr Areri while sentencing him, said Takow did not deny evidence given in court. The magistrate said the fact that the accused had been at the police station and then went to the prison camp leads to a conclusion that he was surveying the camps for an intended terrorism attack. “He was collecting information to facilitate the terrorist attacks. I find him guilty as charged and sentence the accused to 30 years imprisonment,” ruled Mr Areri. Source:Daily Nation The post How lethal Al-Shabaab spy was caught appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlayay Munaasabad Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu ku soo bandhigayay waxqabadka Xukumadiisa ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adaha amaanka ay gacanta ku dhigeen al-Shabaab farabadan. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in al-Shabaabkaasi gacanta lagu dhigay wixii ka danbeeyay Qaraxii cuslaa ee ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Wasiirka waxa uu tilmaamay in markii laga soot ago al-Shabaabka gacanta lagu dhigay ay jiraan kuwo kale oo iskooda isugu soo dhiibay Hay’adaha amaanka si ay u helaan magangalyo. Wuxuu sheegay in 54 maleeshiyo ka tirsanaa Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Hay’adaha amaanka tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dhacay Qaraxii musiibadda ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho 14-kii Bishii October ee la soo dhaafay. Waxa uu sidoo kale Wasiirku tilmaamay in 63 kamida Al-shabaab lagu qabtay howlgalo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degmooyin ka tirsan Gobollada Dalka. Sidoo kale, waxa uu carab dhabay inay jiraan wadahadalo kale oo lagu doonaayo in lagu soo xiro galiyo Alshabaab kale, waxa uuna cod dheer ku sheegay in mowqifka dowlada uu yahay in tixgalin lasiiyo Al-shabaabka isa soo dhiibay. Haddalka Wasiir Islow ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay soo buux dhaafiyeen Al-shabaab farabadan oo kasoo baxsaday duqeymaha ka socda Gobolka Shabellaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Amniga oo shaaciyay tirada Al-shabaabkii isku soo dhiibay DF Qaraxii Zoobe kadib (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlaayo xaaladda adag oo ay dhex maquureyso Somalia. Qorshaha shirka ayaa ah inuu ka dhaco xarunta weyn ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana ka qeybgali doona qaar kamid ah wakiilada ka howlgala Somalia. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doona amniga Muqdisho, waxaana qeyb ka noqon doona Madaxda ugu sareysa Qaranka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo qaarkood iminka soo gaaray Muqdisho. Shirka ayaa waxaa khudbado ku leh dhinacyada DFS u matali doona iyo Wakiilada lagu marti galiyay, waxaana bogaadiyay Madaxda Midowga Afrika. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in shirkan laga soo saari doono go’aamo dhanka amaanka ah oo ay isla gaari doonaan Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulada ka jira dalka, kuwaa oo ku saleysnaan doona kuwo xal loogu raadinaayo magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxaa diirada lagu saari doonaa shirka adag ee la filaayo inuu ka furmo Xarunta Xalane ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Sida uu qorshaya yahay, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadli doono amniga guud ee Qaranka. Shirkan waxaa yeelanaya golaha amniga qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne Maxamd C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana looga hadli doonaa dardargelinta howlaha amniga guud ee Soomaaliya. November 5, 2017 shirkii magaalada Muqdisho ugu soo dhammaaday golaha amniga ayaa la isku raacay in maanta oo ah 03/12/2017 magaalada Muqdisho lagu qabto shirkan. Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka qeybgali doona shirkaan, iyadoo qaarkood ay magaalada Muqdisho soo gaareen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ku labisnaa dharka Haweenka xili eeryada lagu qabtay uu ka socday howlgal. Ninkaani oo da’diisa lagu sheegay 20 ilaa 30 Jir ayaa waxaa la sheegay inuu damacsanaa in magaalada Muqdisho uu ka geysto falal amni darro. Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaale’’, ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay wargalin ka heleen dad shacab ah oo ka dhawaa goobta waxa uuna tilmaamay in shaqsigaasi oo watay Indha sharer iyo xijaab la horgeyn doono sharciga. Wasiir Ducaale, waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay gaareen heer ay ku dhex noolaan waayen bulshada, balse ay uga dabatagi doonaan goob waliba oo ay kaga dhuumaaleystaan magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay la shaqeeyan Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka si magaalada looga saaro waxa uu ugu yeeray argagixisada. Dhinaca kale, Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu qabsaday Ra’isul wasaare Kheyre, taa oo loogu dabaal-dagaayay waxqabadka Xukuumadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muqdisho oo lagu qabtay ruux ku labisnaa dharka Haweenka oo ku howlanaa damcsanaa qorsho halis ku ah amniga (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo dhowaan gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay wuxuu kormeer ku tagay xarumo ciidan oo ku yaalla magaaladaasi. Roobow ayaa kormeeray saldhiyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa K/galbeed ka degan yihiin Baydhabo iyo duleedkeeda. Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ulajeedka Roobow u joogo Baydhabo tahay sidii kaliya ugu kuurgeli lahaa xaaladda amni. Sidoo kale wuxuu sheegay Afhayeenka in markii uu Roobow soo dhameeyo howlaha uu u joogo Baydhabo kadib ay saxaafadda si wadajir ah ula hadli doonaan isaga iyo madaxda K/galbeed. Sheekh Roobow ayaa mar kamid ahaa saraakiisha ugu sarreysa ee Al-shabaab, balse dhowaan ayuu dowladda isku soo dhiibay kadib markii uu sheegay in Fikirka Al-shabaab yahay mid qaldan. Goobjoog News Source
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adda USAID ay la saxiixan doonto dhowaan heshiiska mashaariic ku baxaysa lacag dhan $300 Milyan. Wasiirka wasaaradda Qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in heshiiskan la saxiixi doono maalmaha soo socda. Waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay noqon doonto middii ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib dalka gudahiisa lagu saxiixo. Sidoo kale, wasiir Jamaal ayaa sheegay in tani ay siin doonto awoodda in go’aan ay dowladda ka gaarto mashaariicda, sidey u fulayaan iyo meelaha ay ka fulayaan. Halkaan hoose ka dhageyso: http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/Wasiirka-Qorsheynta-Jamaal-Maxamed-Xasan.mp3Goobjoog News Source
-
Wasiirka amniga Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa sheegay in dowladda ay isku soo dhiibeen 54 kamid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab qaraxii Zoobe kadib, sidoo kalena ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen 63 kale. Waxa uu sheegay wasiirka in mudadii uu xilkaasi hayey ay waxbadan isbedaleen, islamarkaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen wax ka qabashada amniga guud ee magaalada Muqdisho. Wasiir Islow ayaa sheegay in Muqdisho ay ka yareeyeen hubkii badnaa ee lagu dhex qaadanayey iyo sidoo kale ciidamada badan ee sugayey amniga mas’uuliyiinta. Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay Wasiirka amniga iney kaalin wanaagsan ka qaataan sugista amniga magaalada Muqdisho. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/Wasiirka-Amniga-Maxamed-Abuukar-Isloow-Ducaale.mp3Goobjoog News Source
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mudadii ay jirtay xukuumaddiisa ay qabatay howlo badan oo aad u muhiim ah. Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha sheegay in markii ugu horreysay dalka uu yeelan doono guddi madaxbanaan oo la dagaallama Musuqa, xaqna u yeelan doona iney soo xeraan cid walbo oo qiyaameysa hantida qaranka. Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u gudbiyeen Hindise sharciyeedyo muhiim ah, islamarkaana qaarkood la meelmariyey. Mar uu ka hadlay Ra’iisul wasaaraha arrimaha amniga ayuu sheegay in markii ugu horreysay magaalada Muyqdisho amnigeeda lagu sugo awood, maskax iyo dhaqaale Soomaaliyeed. Waxa uu Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayey miisaaniyadda 2018 ayuu sheegay iney ka duwan tahay kuwii hore ee la gudbin jiray, ayna ku jirto in la kordhiyey lacagtii amniga ayna qoondeeyaan lacag looga shaqeeyo sirdoonka dalka oo kaliya. Dhanka horumarinta bulshada ayuu sheegay in miisaaniyadda lagu daray dhaqaale lagu dhisayo Iskuullo iyo waxbarasho kuwaasi oo laga soo qaaday shacabka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Ra’iisul wasaare kheyre http://goobjoog.com/wp-content/uploads/2017/12/Raisul-Wasaare-Kheyre.mp3Goobjoog News Source
-
Xoghaya guud ee ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit ayaa sheegay in haddii uu mareykanka uu ku adkeysto Qudus in loo magacaabo caasimadda Isra’iil ama loo guuriyo safaaraddiisa Tel Aviv ku taalo in arrinkaasi ay ka dhalan doonto sii xoojineyso xagjirnimada bariga dhexe. Ahmed Aboul Gheit oo war-saxaafadeed ku baahiyey barta ay Internetka ay ku leedahay ururka Jaamacadda Carabta ayaa yiri “ waxaan si cad u leenahay dhaqamadaan oo kale ma ahan kuwo marmarsiyo ah… Mana u adeegayaan xasiloonida iyo nabadgalyada balse waxay sii dhiiro galinayaan xadgudubyada iyo xagjrnimada waxayna dani ugu jirtaa hal dhinac oo kaliya waana Israa’iil oo ka soo horjeeda nabadgalyada”. Ahmed Aboul Gheit waxaa uu tilmaamay in la sameeyo xiriir ka dhaxeeya Falasttin iyo dowladaha Carbeed si looga hortago horumar kasta oo laga sameeyo arrintaani. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in magaalda Qudus uu u aqoonsan doono caasimadda Isra’iil taasi oo ah ballamihii uu qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada. Source
-
By M.A. Egge The President-elected H.E. Musa Bihi Abdi described the late Abdirizak Mohammed Iyaale as being a philanthropist and a people’s man in an long eulogy he gave at the state burial of just fallen chairman of the political parties registration and verification committee. The newly elected Head of State gave a long biography of the late Abdirizak whom he described as a friend, neighbor and fellow SNM revolutionary struggle veteran. He said that the deceased was a businessman who gave alms and handouts to the needy. Noting he was privy to the late Abdirizak’s fight against ailment, he described him as a religiously learned man and a person who liked researching works of notable educationist like the late icon Musa Galan. Generally pointing out various goodness of the late man the President-elect prayed to God to rest the departed soul in eternal peace and for his family, friends and relatives to have stronger faith in the trying moment of the passing away of the late Abdirizak Mohammed. The state burial was attended by, apart from family members, relatives and friends, several high ranking party officials, senior government officials and politicians