Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ANKARA–Djibouti’s President Ismail Omar Guelleh will pay a two-day official visit to Turkey starting on Tuesday, Turkish Presidency announced on Monday. In a statement, Presidential Press Office said, Guelleh will arrive in the capital Ankara on Dec.19, on invitation of Turkish President Recep Tayyip Erdogan. His visit came two years after Erdogan’s visit to Djibouti. The two presidents will discuss political, economic, commercial, military and cultural relations between their countries, the statement said. Cooperation opportunities, as part of Turkey’s Africa Partnership Strategy, and current regional issues concerning the two countries will also be discussed in the meeting, it added. In 2005, Turkey’s official outreach to Africa gained new momentum when, Erdogan, then prime minister, declared 2005 the Year of Africa, and Turkey was accorded observer status by the African Union. AA
  2. Somali security forces have detained a former minister on Sunday night after a violent clash with his bodyguards, the security ministry said on Monday. Abdirahman Abdishakur, the former Minister of Planning was arrested at his home. He is accused of treason. Abdishakur reportedly defied the arrest warrant, forcing security forces to raid his home and clash with his bodyguards. The Internal Security Ministry confirmed that he was detained in the raid during a news conference on Monday, but declined to confirm reports of five of Abdishakur’s bodyguards were killed during the overnight raid on his home. Abdiaziz Ali Hildiban, the ministry’s spokesperson confirming the apprehension of Abdishakur said the security forces sent to arrest the politician met resistance from his guards prompting clashes. “At around 11 am our security officials, who had a lawful order (for arrest) reached the residential house of Abdirahman Abdishakur. But the citizens at the house did not abide by the instructions to search the house. Abdirahman Abdishakur who was the wanted person was at that time inside the house. He clearly defied the order and eventually, his guards started firing at the officials and that led the sides to engaged clashes,” said Hildhiban, adding, “The soldiers succeeded capturing him safely and confiscated equipment with them that will help us in our investigation according to the law. The security department executed their work in line with the constitution and no one is above the law.” Members of Abdishakur’s Wadajir party report that he sustained injuries on his hand in the brief clash. The Attorney General, Ahmed Ali Dahir, said that Abdishakur’s house is a meeting place for “those who want to bring down the government”. Hours before his arrest, Abdishakur took to Twitter to protest what he called an “unconstitutional war on Somali MPs and Parliament.” “In post-civil war, we’ve agreed 2 key pillars: Federalism & democratic constitution. The federal structure has came under attack few days ago by Somali govt. Today, the Attorney General has launched unconstitutional war on Somali MPs & parliament. We’re facing a critical time.” A few days earlier, upon hearing the Attorney General’s call to Somali parliament to strip impunity from two lawmakers, Abdishakur posted a message on his facebook. “Let lawmakers be strangled, let their immunity be removed: This is a hopeless attack which portrays despair.” Abdishakur is not a member of parliament and thus does not enjoy political immunity. The raid drew condemnation from other politicians. “What the government is doing is against Islam and healthy politics,” lawmaker Mahad Salad told Reuters. “We condemn the government’s immoral act. We also order for the release of the ex-minister.” Dozens of protesters also took to the streets. Many of them describing a “witch hunt” with tribal undertones. Abdirahman Abdishakur has been active in politics for the last decade. He was the Deputy Chairman of the Alliance for the Re-liberation Somalia in 2007 and was a negotiator during the Djibouti Talks. Most recently, he stood in the February election won by President Mohamed Abdullahi Farmajo. He was the Minister of National Planning and International Cooperation from 2009-2011. He signed the ill-famed Memorandum of Understanding (MoU) with Kenya that stated that the border would run east along the line of latitude. The decision – one which he described as “amicable” to the Daily Nation – all but determined the fate of 100,000 square kilometres of ocean, and as much as six potential oil blocks. Somalia won a decision from the International Court of Justice in February to have its case heard in a full hearing. The arrest comes on the heels of the Attorney General’s decision to prosecute two sitting MPs, Abdinasir Shuriye and Hassan Moalim Mohamed, for treason. It is alleged that the two MPs were conspiring to bring an impeachment motion against the President with funding from foreign government(s). However, the Attorney General must first seek to strip the two MPs of their immunity, a move that can only be approved by the Parliament. HOL The post Former minister detained in night raid, bodyguards clashed with security forces appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar kala duwan ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa weerarkii lagu qaaday Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan dowlada FS. Weerarka ayaa ahaa mid uu amarkiisu lahaa Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia, waxa uuna ujeedka Weerarka lagu sheegay in lagu fashilinaayay qorsho ay isla wadeen C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka Somalia. Mid kamida Saraakiisha ka howlgasha Wasaarada Amniga oo sababo amni uga gaabsaday adeegsiga magaciisa ayaa caasimada Online u xaqiijiyay in howlgalka uusan aheyn mid beegsi ah, balse la doonaayay in lagu soo qabto shaqsiyaad taargeed ahaa oo uu kamid ahaa Siyaasiga Xiran. Waxa uu Sarkaalkan sheegay in bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa dhaqaale ku jiray Hooyga C/raxmaan C/shakuur oo loo adeegsan lahaa Mooshino, iyadoo halkaa lagu dajiyay qorsho ah in dib loo furo Kalfadhiga BFS si lacagtaasi loogu fuliyo Mooshinka. Sarkaalkan waxa uu intaa ku daray in Hooyga C/raxmaan C/shakuur lagu qabtay lacago sharci daro ah oo loo adeegsan lahaa Mooshinka, isla markaana lasiin lahaa Xildhibaanada ku dhow dhowaa Siyaasiga, sida aan xogta ku helnay. Waxa uu xaqiiijiyay in magaalada Muqdisho ay ku jiraan warar aan sax aheyn oo muujinaaya in howlgalka lagu soo qabtay lacago malaayiin dollar, balse lacagta lagu qabtay Hooyga ay aheyd 18 Milyan oo dollarka Mareykanka ah. Sidoo kale, waxa uu sheegay in lacagtaas laga soo qaaday dowlada Imaaraadka Carabta, isla markaana gacan ay ku laheyd dowlada Sacuudiga. Dhinaca kale, Wasaarada amniga ayaa ku goodisay in wadada uu maray C/raxmaan C/shakuur ay mari doonaan shaqsiyaad kale oo qeyb ka ah falka lagu xiray Siyaasiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Maxaa ka jira in Hooyga C/raxmaan C/shakuur laga soo saaray boorsooyin lacaga (Cadadka) appeared first on Caasimada Online.
  4. Waxaa mar qura ka bilowday Caasimada Puntland damaashaad iyo dib bax xamaasadeysan, oo aad isleedahay ismaba oga dadka dabaaldegaya sababtoo ah horey looma arkin dareenka galabta ka jirey Garowe ka dib guushii xulka Puntland ciyaartii dhexmartey Gobolka Banaadir. Fagaaraha ay caanka ku tahay Garowe waxaa isugu soo baxay dadweyne fara-badan waxaana ka socday ilaa galabta dabaaldeg balaaran, halka gadiid farabadan ay yaacayeen jidadka magaalada dhexmara. Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa halkaan kusoo gudbinaysa dareenka dadweynaha Puntland ee galabka ka dib ciyaartii ay kaga adkaadeen xulka Puntland Kooxda Gobolka Banaadir. DAAWO. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Garowe oo u istaagtey guushii xulka Puntland uga adkaatay Banaadir appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday wasaaradda gaashaandhigga Somalia, halkaasoo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Somalia, isla markaana ka hadlay dhaqaalihii Mareykanku uu ka jaray ciidamada xoogga dalka Somalia. Khudbad uu maanta ka jeediyay Wasaaradda Difaaca ayuu kaga jawaabay go’aanka Mareykanka uu ku hakiyay dhaqaalaha, wuxuuna caddeeyay inay Dowladda Somalia ku dadaalayso inaysan hakad-gelin hawlaha socda, isla markaana aysan arrintaas saameyn ku yeelan ciidamada xoogga dalka. “Dowladu wax Alle iyo wixii awooddeeda ah waa inaan isugu keeno sidii aan kusii wadi lahayn hawlaheenna, haddii ay noqoto Mushaar ama Saadka,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray in Waqtigiisa inta badan uu siin doono ciidamada. Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu u badan doono wasaaradda gaashaandhigga, isla markaana uu ciidamada kala tashan doono sidii looga qayb-qaadan lahaa dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Al-shabaab. “Anigu wixii hadda ka dambeeya halkan ayaan u badnaan doonaa, waxaana ka tashan doonaa sidii aan u dar-dar-gelin lahan dagaalka nagu soo wajahan ee aan doonayno inaan la galno kooxda dhibaatada wada,” ayuu Farmaajo ku yiri hadalka uu u jeediyay saraakiisha. Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa Talooyin kala duwan ka dhageysay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka, waxaana hadalkiisan uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan Mareykanka uu sheegay in musuq-maasuq awgii uu u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada xoogga dalka Somalia. DAAWO; MUUQAALKA KHUDBADDII MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA EE MAANTA; PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Lacagtii Mareykanku ka gooyay Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno katirsan golaha Wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Flippo Grandi oo uu wehelinayo Wakiilka Hey’ada ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Masuuliyiin kale. Kulankan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah waxaa diirada lagu saaray warbixinadii ugu danbeeyay iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadkii dhawaan kasoo laabtay xerada Qoxootiga Dhadhaab iyo sidii loo dardar galin lahaa soo celinta kuwa wali maqan. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in hawlaha socda ay guulaystaan balse mar walba uu jiro walaac ay dadku ka qabaan waxa uu mustaqbalku noqonayo marka ay Soomaaliya dib ugu soo laabtan. Dhamaan dhinacyada shaqadan wada ayuu ku booriyay in loo midoobo sidii looga dhabayn lahaa balamahii la qaaday ee la xiriira sidii dadka dib ugu soo noqonaya Soomaaliya loo garab istaagi lahaa. Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhibaatada dhinaca amniga ah ay wax badan xadidayso oo laga yaabo in hadii dhulka la xorayn lahaa ay noloshu is furfuri lahayd. Dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay xooga saran dib u xoraynta dalka oo uu sheegay ka Jubbaland ahaan in ay diyaar u yihiin. “Dadka soo noqonaya anagaa u baahan Aqoontooda waayo aragnimadooda iyo cududooda maadama ay inta ugu badan dhalinyaro yihiin “ ayuu yiri Madaxweynahu. Ugu dambeyn, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in haddii aan la helin jiho sax ah oo dadkaas loo hago ay macquul tahay in looga faa’iidaysto wadooyin kale oo khaldan taasna ay kawada shaqaynayaan DF Somalia ah sidii looga hortagi lahaa oo dhalinyarada mustaqbal wanaagsan loogu abuuri lahaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kula kulmay Madaxa Hay’adda UNHCR Flippo Grandi appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan Militariga isla markaasna ku abtirsado Beesha Habargidir ay la wareegeen gacan ku heynta Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho. Sida aan xogta ku helnay Ciidamadaan ayaa wato ilaa afar gaari oo kuwa dagaalka ah, waxaana lasoo sheegayaa inay Isgoyska Tarabuunka isaga carareen ciidamadii Xasilinta ee halkaas gawaarida ku baari jiray. Lama soo sheegin wax xabad ah oo halkaas ka dhacday, balse waxaa la xaqiijiyey in Ciidamadaas oo gadoodsan ay la wareegeen Isgoyska Tarabuunka. Wararka ayaa intaas ku darayo inay ciidamadaas ka xanaaqsan yihiin xarigii lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u dhashay Beeshaas. Magaalada Muqdisho waxaa ilaa saaka ka socdo kulamo xasaasi ah oo u dhaxeyo Xildhibaanada iyo Odayaasha Beesha Habargidir, waxaana la filayaa inay kulamadaas caawa kusoo biiraan wasiiro ka tirsan dowladda oo beeshaas kasoo jeedo. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidama Habargidir ka tirsan oo la wareegay Isgoyska Tarabuunka iyo ciidamadii Xasilinta oo … appeared first on Caasimada Online.
  8. Xulka kubada cagta Puntland ayaa guul muhiim ah ka gaaray kooxda Banaadir, waxayna ugud been Finaalaha tartankaan. Ciyaar xiiso badan ayaa xulka Puntland wuxuu ugu awood sheegtay xulka Banaadir, waxayna Puntland galabtay muujisay sida weli u tahay horyaalka Soomaaliya iyo hooyada kubada cagta Soomaaliya. Ciyaaryahan Yacquub Cismaan ayaa u dhaliyay hal gool ah oo ay xulka ku badiyeen. Dhammaan degaanada Puntland ayaa waxaa ka bilowday debaal degyo waaweyn oo lagusoo dhoweynayo guusha xulka kubada cagta Puntland. Puntland ayaa sugidoonta Koonfur galbeed iyo Jubbaland midka berito usoo gudba Final. Puntlandi.com
  9. Warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya ay heleen Amar cad oo loo siiyey awood in ay soo qaataan nolol ama dhimisho Shaqsiyaad la aaminsan yahay iney mucaarad ku yihiin Xukuumada. Macada cida amarkaan bixisay laakiin iyana Ciidanka NISA ayaa amarkaan oo kale Shalay lasiiyey, kuwasoo durba waday talaabo dhiig ku daatay oo lagusoo xiray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhowr jeer dhaliilay Siyaasada Xukuumada. Xaalada Muqdisho ayaa ah maantamid aad u kacsan iyadoo qaybo badan oo kamid ah Xafiisyada Dowlada aan saaka loosoo shaqo trin. Goobaha lagu Qaxweysto ayaa aad loo hadal hayaa amatada kasoo baxaya Madaxtooyada iyo hanjabaadyo ay saxaafada soo marinayaan Masuuliyiin Xukuumada ka tirsan, kuwasoo weeraro afka ah ku qaadaya mucaaradka Xukuumada. Puntlandi Muqdisho
  10. Addis Ababa (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga Qaranka dalkiisa ayaa sheegay inuu ka tacsiyeynayo Dadka Soomaali ah oo lagu laayay xero boolis oo ku taalla gobolka Oromia ee dalka Itoobiya. Inkastoo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uusan sheegin tirada Soomaalida ah ee lagu laayay xeradaas, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan inay kor u dhaafayaan illaa boqol qof, waxaana dilkan uu ka dhacay gobolka Jirro ee Ismaamulka Oromada Itoobiya. “Anigu ma hayo tirada dhimatay, balse waxaa xaqiijinayaa in dhibaato aad u weyn ay ka dhacday halkaas,” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Hailemariam oo dhacadan ku tilmaamay dil wadareed ka dhan ah shacab Soomaalida ah ee ku sugnaa goobatas. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa falka lagu dilay Soomaalidan ku tilmaamay dambi ay geysteen kooxo uu ugu yeeray dambiilayaal, wuxuuna ku daray hadalkiisa inaysan sharciga ka baxsan doonin. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray Arrintan si ay u soo baaraan, kaddibna lagu qaadayo ciddii ay ku cadaato wuxuu sharciga ka qabo kuwa geysta fal-dambiyeed noocan oo kale ah. Dhanka kale, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan sida ay dhibaatadu u dhacday, In kastoo weli cabsi badani ay ka dhex-jirto labada Qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada kuwada nool dalka Itoobiya. Gobolkii ay dhibaatadu ka dhacday ayaa la geeyay ciidammo aad u badan; kuwaasoo la sheegay inay la tacaali doonaan hakinta rabshado kale oo ka dhaca Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya. Ugu dambeyn, Dawlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, ayaa dhankooda ku eedeysay Ismaamulka Oromiya- Itoobiya dhimashada ugu yaraan 60-qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay Dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay Dalkiisa appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Dastuurka Dowladda Soomaaliya Cabdi Xoosh Jabriil ayaa si rasmi ah uga hor imaaday go’aankii uu Wasiirka Amniga Muqdisho kaga mamnuucay shirar aysan ka warqabin dowladda dhexe. Wasiir Xoosh Jabriil oo qoraal soo dhigay Bartiisa facebook ayaa yiri ” Waxaan hadda daawanyey Shir jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka Amniga Islow, taasoo uu ku yiri ” Macquul uma ahan koox gaar ah inay qabsato kulan iyadoo aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliyda sida u qabo Dastuurka Soomaaliya, hagaag, Arrintaas waa qalad, Dastuurka Soomaaliya wuxuu ogolaanayaa Xoriyadda Muwaadinka, iyo inay kulamo qabsan karaan Muwaadiniinta sida ku cad qodobada 16 iyo 20 ee Dastuurka Soomaaliya” ayuu yiri Xoosh oo war English ah kusoo qoray bartiisa Facebook. hadalkaan ayaa si cad uga hor imaanayo amarkii Maanta kasoo baxay Wasiirka Amniga Gudaha Islow oo sheegay in wixii hadda ka dambeeyo aan la qaban karin kulamo aan lagu soo war gelin dowladda soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso qodobada uu Xoosh soo xigtay Akhriso Hadalkii Wasiirka Amniga “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga, sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa in mar walbo hay’adaha amniga u dhego nuglaadaan ayna ku dhaqaaqaan awaamiirta ay soo gudbiyeen xeer ilaaliyaha ama shuruuicda, sidoo kale waxaan rabnaa in halkaan ka cadeynno in goobaha mar kasta lagu shiro in iyadoo fasax haysan aan la sameyn karin, waxaan rabnaa in mar walbo oo la shirayo in fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa iney kaalin ka qaataan amniga, nabadeynta, kana fogaadaan fal kasto oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, muwaadin walba waxaa waajib ku ah in danta guud uu kahormariyo danta gaarka ah” ayuu yiri wasiir Maxamed Abukar Islow Ducaale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Dastuurka oo ka hor yimid go’aankii Shirarka looga mamnuucay Muqdisho (Akhriso Qodobada uu daliishanayo) appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa qalad ku tilmaamay in la diido bannaabax iyo shirar, hadalka wasiirka, waxaa uu ka hor imaanayaa war uu saxaafadda u sheegay saacado ka hor wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga, sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa in mar walbo hay’adaha amniga u dhego nuglaadaan ayna ku dhaqaaqaan awaamiirta ay soo gudbiyeen xeer ilaaliyaha ama shuruuicda, sidoo kale waxaan rabnaa in halkaan ka cadeynno in goobaha mar kasta lagu shiro in iyadoo fasax haysan aan la sameyn karin, waxaan rabnaa in mar walbo oo la shirayo in fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa iney kaalin ka qaataan amniga, nabadeynta, kana fogaadaan fal kasto oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, muwaadin walba waxaa waajib ku ah in danta guud uu kahormariyo danta gaarka ah” ayuu yiri wasiir Maxamed Abukar Islow Ducaale. Hadaba, wasiirka wasiirka arrimaha dastuurka Soomaaliya Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxaa uu soo qaatay in diidmada bannaabaxyada iyo Shirarka ay ka hor imaaneyso qodobo dastuuri ah sida qodobka 16aad iyo 20aad. Akhriso, Labada qodob uu Wasiirka Dastuurka ka hadlay: Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda. Qodobka 16aad. Xorriyadda Abuuridda iyo Ka-mid-noqoshada Ururrada Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox . Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro ay ka mid yihiin ururro shaqaale ama xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biiro. Goobjoog News Source
  13. Young Somali girl via Shutterstock Ninety-two Somali immigrants are calling out the U.S. Immigration and Customs Enforcement after they claim their deportation was like something off of a “slave ship” in the 1700s. A PRI report even detailed that the United States isn’t disputing that the two immigrants were shackled at the hands and feet aboard a plane for two days. They left Louisiana on Dec. 7 en route to Mogadishu, Somalia, but never arrived. The chartered flight landed in Dakar, Senegal, then returned back to the United States without going to Somalia. It’s not clear why. They were denied food and water and weren’t allowed to use the bathroom. The immigrants are now being held in a detention facility outside of Miami and are meeting with lawyers on what happened. “One of my colleagues characterized them as slave ship conditions,” attorney Kimberly Hunter explained. She represents two of the people on the flight. “ICE disputes accounts about lack of adequate food, water and restrooms — although those inadequacies are consistent with reports that we’ve had from our clients.” ICE claimed that the flight had to be returned because the “relief flight crew was unable to get sufficient rest,” PRI reported. “So they were held on the tarmac to allow the crew to rest and subsequently, due to ‘logistical concerns,’ returned to the U.S.,” Hunter explained. She thinks, however, it was another reason. “Somali media report that, due to protests taking place in Mogadishu pertaining to the Jerusalem decision by [President Donald Trump’s] administration, the security situation just became completely untenable as far as allowing that flight to land,” she continued. She expects ICE to send the 92 Somalis to Mogadishu again soon, despite some who have grounds to appeal the deportation. “I think it’s reflective of the Trump administration’s overall crackdown on immigration as well as reflective of their attitude towards Somalia and towards Muslims,” she told PRI. Abdoulmalik Ibrahim for example, could be allowed to return to the U.S. because his wife is is a U.S. Citizen and can file a petition for him. “But he’s got no way to actually return now or in the near future, with the fact that the Somali travel ban has recently been allowed to continue,” the attorney explained. Rowtory
  14. BERBERA– Police in Berbera, the port city have detained on Monday Mr. Ahmed Said Mohamed, Eryal Television reporter. Berbera Mayor, Hon. Abdishakur Mohamoud Idin has ordered the reporter to be put behind bars. According to reports coming from Berbera, Sahil’s regional capital indicate that the mayor has sued him and opened a file at the court. Berbera regional court issued arrest warrant for the reporter and is now under police custody awaiting to be brought before a court of trail. Details are sketchy on the accusation that the reporter was detained.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in la hakiyey kulan ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan rabeen Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho. Kulankaan oo loo arrinsanayey in dib loo furo kala fadhiga Baarlamaanka oo dhawaan la xiray ayaa loo diiday inay kulan ku yeeshaan Hotel SYL kadib markii ay Maamulka Hotelkaas si cad ugu sheegeen inaysan fasax u heysan kulamo noocaan ah. Arrintaan ayaa imaaneyso kadib markii ay Maanta Wasaaradda Amniga ku dhawaaqday inay Magaalada Muqdisho lagu qaban karin wax kulan ah oo aan fasax looga heysan Wasaaradda Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka oo dhici rabay qadada kadib ayaa la sheegay in la kansalay, waxayna wararka qaar sheegayaan inay Xildhibaanada aadeen Villa Hargeysa si ay halkaas kulankooda ugu qabsadaan. Kulankaan ayaa waxaa qaban qaabadiisa laheyd Beesha Habargidir oo dooneyso inay taageero ugu hesho ololo looga hor imaanayo go’aanada kasoo baxay XeerIlaaliyaha Qaranka. Kulankaas ayaa looga arrinsan rabay sidii aragti mideysan laga soo saari lahaa xaaladii ka dhalatay hadalkii xeer Ilaaliyaha Guud iyo xarigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaanada la doonayo in laga qaado Xasaanadda. Kulankaan ayaa la doonayey in lagu saxiixo codsi ku aadan in dib loo furo kala fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lasoo sheegayaa inay diyaar yihiin ilaa 50 Xildhibaan oo diyaar u ah inay qalinka ku duugaan arrintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaano kulan xasaasi ah ku yeelan rabay Hotel SYL oo loo diiday iyo Xaaladda oo.. appeared first on Caasimada Online.
  16. Ururka ay ku mideysan yihiin Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa burburay, kadib markii uu lumiyay aqoonsigii Wasaaradda Warfaafinta Puntland. Qoraal ay Wasaaradda Warfaafinta Puntland soo saartay 14-kii bishan December ayaal lagu sheegay in Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP uu san ka haysan Wasaaradda wax aqoonsi ah maadaama ayaa la yiri uu ku guuldaraystay ururka in uu cusboonaysiiyo Ruqsadda sanadlaha ee ay bixiso Wasaaradda sida uu qabo xeerka warbaahinta Punland qodobkiisa todobaad farqadiisa 4-aad iyo 8-aad. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururka MAP uu san qaban karin wax la xiriira hawlo warbahineed sida shirar, tabbaro iyo Wacyigelin, maadaama uusan sharciyad u haysan. Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa intii uu jiray ku guul dareystay in uu si dhameystiran u difaaco warfidiyeenka Puntland, sidoo kale ururka ayaa jabiyay xeerka Warbaahinta Puntland kadib markii Gudiga fulinta ay muddo Saddex sano ah yeelan wax Kal-fadhi ah iyadoo dhowr jeerna uu ka dhexdhacay isqab-qabsi. Madaxda ururka MAP ayaa Suxufiyiintu ku eedeeyaan Xulufaysi kooxo, Cadaalad darro, Musuqmaasuq, iyo iska horkeenida ururka iyo Warbaahinta Puntland isago adeegsanaya shaqsiyaad aan sumcad ku lahayn Puntland dhexdeeda. PUNTLAND POST The post Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo burburay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari nuuciisa uu SURF yahay ayaa ku qarxay degmada Dharkeenley gaar ahaan Ajabka. Sida ay Caasimadda u xaqiijiyeen dadka degaanka gaariga qarxay ayaa waxaa watay Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Kulane Cabdi. Gaariga ayaa Qarxay markii uu ka degtay Ninkii watay, waxaana la sheegay in aysan jirin Khasaare ka dhashay. Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in gaariga shidaal lagu shubi rabay, islamarkaana Sarkaalka uu ka degtay uuna aaday meel aan ka fogeyn. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. https://www.youtube.com/watch?v=ALLtUniawic
  19. Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xaaji oo loo yaqaanno “Sheekh Dabcasar” , oo ah shakhisyad aad looga yaqaanno baraha Bulshada. Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Dabcasar laga dhex qabtay hotel uu ka deganaa magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Masallaha oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Dabcasar ayaa muuqaal Live ama Toos ah oo uu ka soo galay shalay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in ay jidh-dil u gaysteen qaar kamid ah ciidamada booliska Somaliland oo kula kulmay Maqaaxi uu ka cunteenaayay isagoo ku jiray tebinta tooska ah ee Facebook. Laamaha ammaanka ee Somaliland weli kama hadlin Hadhiga Sheekh Dabcasar. Sheekh Dabcasar ayaa ah muwaadin Somali-Maraykan ah ayaa ka yimid dalkaasi isagoo magaalada Hargeysa booqasho ugu tagay qaar ka mid ah caruurtiisu oo halkaasi ku nool. Goobjoog News Source
  20. Ugu horreyn waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii soomaaliyeed ee xalay ku dhintay gacan kahadalkii dhexmaray dowladda iyo xubnaha mucaaradka, dhacdadaasi waxay ahayd mid aan farxad galin dadka u dhuun daloola siyaasadda soomaaliya ee usoo joogay hanaanka dheer ee kacaa kufka ah oo ay soo martay dowladnimada iyo dimuqraadiyadda curdinka ah ee aan maanta haysano. Doodu ma aha in Abdirahman Abdishakur Khalad leeyahay iyo in kale laakiin hanaanka ay dowladnimadu u martay soo qabashadiisa oo ah mid dadka soomaaliyeed soo xasuusinaya dowladdii kaligii taliska ahayd waana dhaqan bilow u ah in dalka lagu hogaamiyo burbur iyo sharciga oo gacmaha lagu qaato. Dowladdu Maxay Ku Khaldantay? Sida dastuurka ku xusan qof walba oo muwaadin ah xuquuq ayuu leeyahay xaqna waa lagu leeyahay, xuquuqda uu muwaadinku leeyahay waxaa kamid ah in aan xorriyada laga qaadin iyada oo aan waaran maxkamadeed oo danbiga lagu haystaa ku cadyahay loo soo jarin. Mucaaradnimadu ma aha danbi dastuurka ayaa u ogol qof walba oo muwaadin ah inuu noqon karo muxaafad ama mucaarad isagoo aan dastuurka jabinayn. Dowladdu iyo in badan oo shacabka soomaaliyeed kamid ah waxay ku eedeynayaan siyaasi Abdirahman Abdishakur iyo qaar katirsan xildhibaanada golaha shacabka inay dalkan kusoo qaateen qanadaraas oo lacago laaluush ah oo dowlado kale usoo dhiibeen ay ku bixinayaan sidii dowladda loo dumin lahaa arrinkaasi waa tuhun dowladda waxa laga rabay inay baaritaan ku samayso kadib na marka ay caddaymo ku filan hesho ay uga dacweyso maxakamadda si loo soo xiro Abdirahman Abdishakur looguna qaado danbiga loo haysto marka uu ku cadaado, hadii uu waaranka maxkamadda u hogaansami waayo markaas ayay ahayd in marka u damaysa tallaabo milatary oo maxkamadu amartay la qaado. Tallaabada ay dowladdu maanta qaadday waa bilow hadii ay sii socota waxaa iman doonta maalin qofkii BBC da dhagaysta ee Radio muqdisho dhagaysan waaya la xiro, waa tallaabo horseed u noqonaysaa dhamaadka dimuqraadiyadii yarayd ee aan naaxinaynay. Qormadaan kuma difaacayo mucaaradka kumana mucaaradayo dowladda laakinn waxaan ku difaacayaa cid walbana ay tahay inay difaacdo waa dastuurka iyo xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta, sharciga ayaa ka sarreeya cid walba mana aha in hal dhinac gacanta ku qaato. W/Q: Siyaasi Abdullahi Nur Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Dowladnimadu m aha khalad khalad ku sax appeared first on Caasimada Online.
  21. OSLO–Somaliland diaspora community in Oslo, Norwegian capital held a banquet in honor of expressing congratulatory message to the landslide victory that Kulmiye won in the presidential elections held on 13th Nov. The community have prayed the incumbent president, Col. Musa Bihi Abdi to discharge his constitutional duties easily.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa soo saaray awaamiir ku aadan in cid walba oo qabaneysa shirar laga doonayo inay warqad fasax ah ka heysato Wasaaradda Amniga iyo Gobolka Banaadir. Islow Ducaale ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay u dhega nuglaadaan awaamiirta ay bixiyaan Ciidamada ammaanka. Waxaa uu sheegay in shirar aysan ka warqabin dowladda, islamarkaana aysan fasixin in aan lagu qaban karin Muqdisho. Waxaa uu sheegay ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo Ammaanka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Shacabka ah in ay isdejiyaan. Hadalka Wasaaradda Amniga ayaa kusoo beegmaya xilli Ciidamada dowladda Weerar Khasaare dhaliyay ay xalay ku qaadeen Guriga Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-ISLAAW.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso: Wasiirka Amniga oo si cad u sheegay inaan Muqdisho lagu qaban karin shir aan fasax loo heysan appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ka mid ah mas’uuliyiin maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku raad joogaan shaqsiyaad uu sheegay in ay ku Howlan yihiin Duminta Dowladda Soomaaliya kuwaas oo isugu jira nuucyo kala duwan. Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in ay ku raad joogaan shaqsiyaad isugu jira siyaasiin iyo mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo ku howlan Qiyaano qaran waxa uuna tilmaamay in la soo qaban doono shaqsiyaadkaasi dhawaana loo soo bandhigi doono Shacabka sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Xeer ilaalinta ayaa daba jooga Howlgal ay xalay Ciidamada amaanka ka sameeyeen Guriga Siyaasiga mucaaradka ah ee C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xeer ilaaliyaha Qaranka”waxaan baadi goobeynaa shaqsiyaad ku Howlan Duminta Qaranka” appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Macluumaad xasaasi ah oo soo gaaraya Caasimada.net ayaa sheegaya in dhaawaca gacanta ka soo gaaray Siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur uu ka dhashay kaddib markii uu isku dayey in uu qariyo Cumputer Laptob ah oo u yaalay gurigiisa. Waaxda Tiknaloojiyadda u qaabilsan Ciidamada NISA ayaa ku guuleystay in ay Cumputerkan gudaha u galaan iyagoona ka dhex helay documents xasaasi ah oo suurta galinaya in uu sii balaarto baaritaanka eedaymaha la xiriira Khayaamada Qaran ee lagu soo eedeyey Siyaasi Cabdi Rixmaan Cabdi Shukuur iyo labada Xildhibaan ee kala ah, Cabdi Saabir iyo Xasan Macalin. Inkastoo hay’adda Nabad Sugiddu ay si wayn uga feejigantahay in xogta laga helay Computer-ka Cabdirixmaan Cabdishukuur ay baahdo wakhtigan hadana Caasimada.net waxaa u suurta gashay in ay ogaato in xogta la helay ay ka mid tahay farriimo Email oo lagu tilmaamay kuwo xasaasi ah,sawirro iyo muuqaallo, qorshayaal ka dhan ah xukuumadda oo ku diyaarsan Excel iyo Power Point looguna tala galay in loo soo bandhigo Shakhsiyaad ay ku tiirsanyihiin kooxaha mucaaradka ah. Wararka xasaasiga ah ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Saraakiil Sare oo ka tirsan Nabad-Sugidda ayaa kulan gaar ah la qaatay Xeer Ilaalinta Qaranka kadib markii baaritaanka ay wadaan uu ku soo lug yeeshay Raiisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirishiid. Caasimadda.net ayaa loo xaqiijiyey in uu haatan socdo qorshe ka dhan ah Raiisul Wasaare Cumar cabdirishiid kaas oo dhigaya in si deg deg ah loo xiro hadii uu dalka dib ugu soo laabto iyadoona warqaddan loo gudbinayo dhammaan Maamul Goboleedyada dalka si ay ugala shaqeeyaan arrinkan Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka. Sidoo kale, waxaa la aaminsanyahay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waraaq rasmi ah u gudbin doonto dowladda Imaaraatka Carabta taas oo lagaga codsanayo in ay si deg deg ah ugu soo gacan geliso Laamaha Ammaanka Soomaaliya shakhsiyaadka lagu tuhunsanyahay Khayaamada Qaran ee ku sugan Imaaratka sida ay sheegeyso xogta aan ka heleyno. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Cumputerka C/raxmaan C/shakuur oo laga helay xog xasaasi ah iyo Cumar Cabdirishiid oo Waaran Maxkamadeed loo jarayo appeared first on Caasimada Online.
  25. Dhowaan Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa isagoo koox haween ah u qudbeynaya sheegay in dadka Dowladiisa mucaaradsan iyo Al shabaabku ay isku mid yihiin isku sina loola dagaalami doono, wuxuu ahaa hadal xanafleh. C/raxmaan Cabdi Shakuur oo xili hore hadalkaas ka jawaabay wuxuu ku tilmaamay ayaan daro in Al Shabaab lagu mataalo mucaarad aan hubeysneyn. Markii aad ka tusaale qaadato qaabkii uu xalay u dhacay weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur wuxuu u qaab ekaa sida ay ciidamadda Dowladdu u weeraraan goobaha ay ku tuhmaan Al Shanbaab, gaar ahaan xiliga weerarka uu dhacay iyo tiradda ciidanka goobta weerartay. Markii aad dib u raacdo hadalkii Ra’iisul wasaare Kheyre iyo nuucii uu u dhacay weerarkii xalay lagu qaaday guriga C/raxmaan Cabdishakuur oo lix ruux lagu dilay waxaa kusoo baxeysa sheeko isku xiran oo waliba is fasireysa, waana arin u baahan doonta falcelin xoogan oo dhinacyo badan. Qofkii cadeyn u baahan dib ayuu u daawan karaa muuqaalkii Xasan Cali Kheyre ee habeenkaas, Somalia waxaa ka jirta Dowladd dimuqraadi ah, in la is mucaarado, oo mooshin la iska keeno, oo saxaafadda la iska dhaleeceeyo, oo qaladaadka Dowladda la sheego waa qeyb ka mid ah hufnaanta Dowladnimadda. Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku cusub saaxadda siyaaasadda Somalia wuxuu juhdi galinaya in loo awood sheegto cid walba oo diidan rabitaankiisa taas oo abuuri karta xasilooni daro siyaasadeed. Falkii xalay wuxuu foolxumo iyo dhaawac ku ahaa Dowladnimadda Somalia gaar ahaan kooxdda hadda taladda heysa , lama hubo iney isku wada raacsanayeen falkaan guracaan laakiin hubanti tani waxey lumisay wax badan oo laga filayay iney qabaan karaan inta waqtigooda ka dhiman. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax raafac22@gmail.com The post Hadalkii Ra’iisul wasaare Kheyre iyo weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakur (Sheeko isku xiran) appeared first on Caasimada Online.