-
Content Count
211,074 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada Militariga Mareykanka waxaa ay duqeyn hor-leh ka geysteen Soomaaliya, iyaga oo sheegay in ay dileen dagaal-yahanno Al-shabaab ah. AFRICOM waxaa ay intaasi ku dartay in 28 weerar oo cirka ay sanadka 2017-ka ka fuliyeen gudaha Soomaaliya taas oo ka dhigan in ay saddex jibbaareen weeraradii sanadkii hore. Warbixin ay soo saareen arbacadii waxaa lagu sheegay in weerar cirka oo ay qaadeen habeenka talaadada ay ku dileen dagaal-yahhano Al-shabaab, duqeynta waxaa ay ka dhacday meel 96km ka xiga caasimadda Muqdisho dhanka waqooyi galbeed. Goobjoog News Source
-
Key priorities for the next JSL government: Below are some of the key initiatives summarised, that should be the basis of the next government’s priorities term in the office. Reduction of extreme poverty: The government should assign a committee to determine the level and type of poverty the general population is experiencing. Targets are to be set to reduce the poverty levels on annual basis, and to develop a focused strategy for making progress on reducing child poverty as a matter of urgency.Poverty is not just an issue, is the biggest problem in JSL currently, where most of its population lives in poverty, an average higher than other countries in the region, the government should aim to reduce extreme poverty, to lower than 10 % in the next 5 years. From the time a newly government is elected they should issue a decree, declaring that its main goal will be the reduction of poverty, and looking after the weakest in the country. For its purpose, coordinated work between Ministries and public institutions to develop and implement a (National poverty Reduction program). Since JSL still has a mainly rural economy around (60% of GDP), one of the main aims should be to provide families with an alternative farming methods. Most of the rural population lack any rural farming or agricultural education and equipment, thus the government should propose services to train people in building local infrastructures with the involvement of the public and the private sector. These types of policies and legislations are expected to create a “spill-over” effect which will benefit all sectors of the JSL society, i.e. education, security, health etc. Energy: The Government should commit to reduce the cost of (energy) electricity and gas by 10% by the year 2022. These targets should be met, in part, through the creation of integrating the national power system, where the government should be largest stake holder of any energy provider or the sole share holder, until the infrastructure and the relevant regulations for the energy sector has been established. The government should also invest and fund renewable energy projects, such as wind and solar power, and the modernization of the current power facilities. The Government should also introduce new and robust legislation that would ban or reduce the cutting down of tree for coal, to reduce pollution and climate change. Economic Development: The Government should commit to a seven point economic plan: · Major investment in the health, education, and agriculture; · Lowering taxes for market traders and small business or providing 6 months tax breaks; · Supporting innovative ideas through new funding initiative; · Accelerating infrastructure investments, including road and water expansion project; · Investing in major manufacturing and exporting projects; · Lowering imports of essential goods, paving the road to self sufficiency; · Effective plan with a time table to eradicate the effect of draughts. Government should commit to creating a valuable Manufacturing sector, the key importance is the government to commit to invest 4% of the national GDP on Manufacturing every year. Government should work with the Agricultural sector to deliver a program to assist grain and livestock farmers to expand and to cope with the regular draughts to increase and establish support for the economical development of rural areas by 60%. Health Care and Education: The Government should strive to ensure more of the population meets the basic standard in writing, reading and mathematics. The national literacy level should be at 80% within the next 5 years for rural areas. Government should also improve the current education funding formula by investing an additional 10% annually on education by 2022. A new general hospital should be built, with the latest equipment and technology, to meet the needs of the public health for major surgeries and treating of diseases such as Hepatitis, Diabetes and other major complications, where people currently have to travel overseas to seek medical treatment. A Strategy and legislations should be introduced that will see a roadmap to meeting the targets for improving public health. The program should continue to increase the quality of the public health overtime and hire additional staff, while guaranteeing new graduates jobs. Ahmed miino London
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinta kooxda QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea ee UN Monitoring Group ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda Soomaliya inay ka qeyb galeen dagaal beeleedyo. Warbixinata ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ee beelaha Habar-Gidir ay ka qeyb-galeen dagaal beeleed dhex maray Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, halkaasi oo ay sheegeen in dad badan lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay. Beelaha Biyo-Maal iyo Habar-Gidir ayaa marar badan ku dagaalamay Marka, waxayna warbixintu sheegtay in xitaa mararka qaar ay dhacday in xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ee beesha Habar-gidir ay isku dhinac noqdeen, ayaga ooh al beel ah. Dhinaca kale, warbixinta ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda ee gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha Wacbuudhan Abgaal inay ka qeyb galeen dagaal beeleed ka dhan ah beesha Shiidle ee Jareer Weyne. Waxay warbixintu sheegtay in illaa 5,000 oo qof oo Shiidle ah guryahooda laga bara kiciyey, halka qaarna guryahooda la gubay. Waxay warbixintu xustay in beesha Abgaal oo ku xooggan gobolka Sh/Dhexe ay marar badan dagaal dhex mareen ayaga iyo beelaha Shiidle, oo laga tiro badan yahay. Kooxda QM u qaabilsan kormeerka xayiraadda hubka ee Somalia iyo Eritrea ee UN Monitoring Group, ayaa marar badan lagu eedeeyey inay si aan daacad ahayn QM ugu gudbiso warbixino aan sax ahayn, si gaar ahna warbixinada badankood ay ugu beegsato dadka iyo siyaasiyiinta Hawiye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dr. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee shalay is-casishay, ma aheen wasiir la iska magaacay, ee haddii siyaasadda xulufo, garab iyo maslaxad taqaano haweeneydan ayaa cinwaan u aheyd, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kuma heysto xukuumaddan Xasan Kheyre qof uga dhaw Dr. Maryan. Muddo sanad iyo bar la joogo ayey igu marti-qaaday hoygeeda magaalada Muqdisho, si aan ugala sheekeysto arrimaha siyaasadda, Banii’aadnimada iyo qaar kale oo kolkaas ay ku mashquulsaneed. Marwo Qaasim inta ay ka hadleysay Taariikh Nololeedkeeda, magaca Farmaajo waxaa uu ahaa qofka ugu badan oo ay soo hadal-qaaddo. Gabadhan ku dhalatay Baardheere, kuna soo bar-baartay Marka, in kasta oo horay uga soo shaqeysay jaamacadda Umadda, isbitaallo haweenka iyo dhallaanka ee dalalka Yemen iyo Holland, iyo Ingiriiska oo ay ka aheyd ”Learning Mentor” Laakin waxaa dadka Soomaaliyeed baray mudane Farmaajo isaga oo November 18, 2010 u magacaabay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska, xilligaas uu ahaa ra’isul wasaarahii TFG-da. 2012: Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay guddoomiye ka noqotay Xisbiga Tayo oo ah xisbi uu aasaay mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xitaa markii ay jagada uga degtay, waxaa ay qeyb ka noqtay ololihiisa doorashada 2016. 4-tii sano ee la soo dhaafay Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay wasiir ka noqotay xukuumaddii Shirdoon 2012-kii, waxaa kale oo ka shaqeysay UNICEF iyo WHO illaa ay Xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka aheyd la taliyaha arrimaha bulshada, Marwo Qaasim waxaa ay iigu dhaaratay in aaney waligeed la shaqeyn, lana shaqeyn-doonin qof ka fiican Farmaajo. Dhankiisa, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan xisbiga Tayo kala sheekeystay inta aanu madaxweynaha noqon waxaa uu ii sheegay in Dr. Maryan Qaasim Axmed ay shaqo fiican ka qabatay xisbiga marka ay guddoomiyaha ka noqotay isaga oo intaa raaciyay in ay kaalin fiican ku laheyd in xisbiga ku fido magaalooyinka Oslo, Nairobi, Dhadhaab, Muqdisho, Boosaaso iyo meel kale. Hadaba, Xiriirkaas dheer Farmaajo iyo Maryan Qaasim kadib, Maxaa keenay in shalay ay ka tagto shaqada fulinta iyada oo ka sheeganeysa qas iyo jaho-wareer, sida ay sheegtay. “Hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hey’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo”. Qaraxii Isgoyska Zoobe kadib Dr. Maryan Qaasim, waxaa ay warbaahinta u sheegtay in aaney ku farax-saneen sida loo maareynayo gargaarka la xiriirka dadka waxyeellada soo gaartay, waxaa jira guddiyaal badan oo arrimaha gargaar ah kuwaas oo ka garab shaqeeya wasaaradda. Waxaa shalay ka muuqatay niyad-jab iyo caro, waxaa ay ka gaabsatay in sababta oo faah-faahsan ay ila wadaagto, Laakin su’aasha weli waa taagan tahay? Waa wasiirkii 2aad ee xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre iska casila muddo bil iyo xoogaa ah, isna lama sheegin sababta. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in taariikh cusub ay tahay Madaxweynaha iyo isaga oo wada shaqeeyay wax ka badan sideed Bil in weli howsha ay ku socoto buuq la’aan is qabqabsi la’aan iyo wixii la mid ah. Wuxuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha in dalka rajo aad u wanaagsan leeyahay, islamarkaana muhiim ay tahay in loo wada istaago dib u dhiskiisa iyo ka shaqeynta amniga. Si gaar ah wuxuu ula hadlay Ra’iisul Wasaare Khayre dhallinyarada Soomaaliyeed oo uu sheegay in fursadda kaliya ee dalka uu haysto iyaga yihiin. “Bilawga Madaxweyne iyo Raiisal Wasaare wada shaqeeyay Sideed bilood ka badan iyadoo maalin la idiin sheegin way is dagaalsan yihiin miyaanay taariikh ahayn ka duwan tii ka horreysay, waxa uu leeyahay wadanka rajo weyn, rajada weyn ee uu leeyahay waxay tahay in idinku (Dhallinyarada) aad soo jeedsateen” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeedinaayay kulan xalay ka dhacay Muqdisho, looguna magac daray kacdoonka Nabadda ayaa sheegay in xukuumaddiisa mudadii yareed ee ay jirtay ay wax badan qabatay, haatanna diyaar u yihiin in dalka wax badan u qabtaan. Mudadii ay jirtay dowladda uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Soomaaliya aan loo soo raacan deyn haba yaraatee. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa dalka Somalia kusii kordhaaya weerarada ay maleeshiyaadka al-Shabaab ka geystaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada iyo dadka shacabka ah ee u nugul dowladnimada. Weerarada ugu badan ayaa waxaa geysta falaago ka tirsan argagixisada Somalia kuwaa oo doonaaya inay indhaha tiraan dadka daneeya dowladnimada ee qeybaha ka ah Ciidanka, Shaqaalaha dowlada iyo dadka taageera dowladnimada. Dadka qaar ee ku xeeldheer arrimaha amniga ayaa qaba in fashilka amni ee heysta dowlada Federaalka uu yahay mid ku qotoma ilaa 3 Qodob oo la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay mushkilada ka jirta dalka. Waxa ay khubaradaasi qabaan in dowlada Somalia aysan guul ka gaari karin dhanka amniga, haddii ay dhacdo in laga takhluusin waayo Seddexda qodob ee hortaagan in guul laga gaaro amniga guud ahaan Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Maleeshiyaadka al-Shabaab ee dowlada ku haya qalqalka amni ayaa iyaguna ah kuwo ka faa’iideysanaaya dayacnaanta heysata dowlada waxa ayna kala yihiin: 1-Fashilka koowaad ee dowlada ka heysta dhanka amniga ayaa ah in Saraakiisha Hay’adaha amniga lagu xulo qaab qabiil, taa oo mamnuuc ka ah adduunka. 2-Saraakiisha ciidamada Amaanka oo mas’uuliyada saaran u fahmay inay ku imaaday awooda beesha uu kasoo jeedo, bacdamaa lagu xulay qaabk qabiil. 3-Ciidamada Amaanka oo ku dhisan qaab qabiil, waxaana xusid mudan in xiliga ay marayaan tababarka qabiil waliba laga soo xulo tirro gaara, waxa ayna taa fashilisay amniga. Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka faa’iideysanaaya dayacnaanta Hay’adaha amaanka ee u muuqda inay yihiin kuwo ku dhisan qaab qabiil, taa oo caqabad ku noqotay in guul ka gaarista amniga. Si kastaba ha ahaatee, amniga Somalia ayaa ku xiran in Hay’adaha amniga laga saaro nidaamka awood qeybsiga oo la orankaro inuu yahay mid indhaha riday Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa xal hordhac ah ka gaaray khilaaf siyaasadeedka Xildhibaanada Koonfur Galbeed kala dhexeeya Hogaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kheyre ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Baraawe si hordhac ah u kulmiyay Hogaamiyaha maamulka iyo tirro Xildhibaano ah, waxaana la xaqiijiyay in wadahadalka dhiman uu ku dhameystiri doono magaalada Muqdisho. Kheyre waxa uu Shariif Xasan u sheegay in xiisada kala dhexeysa Xildhibaanada u adeegsado maskax si xal loogu helo khilaafka iminka taagan. Kheyre ayaa sidoo kale Shariif Xasan ku xiray Xildhibaano dhowr ah oo uu sheegay inay qeyb ka noqon doonaan garabka xalka u raadin doona Mooshinka laga gudbiyay Shariif. Sidoo kale, Kheyre waxa uu Shariif Xasan ku amray inuu shuruuda ka daayo mushaarka Xildhibaanada, sida uu xaqiijiyay mid kamid ah Xildhibaanada ku sugnaa kulanka oo isagu markii hore kasoo horjeeday Shariif Xasan. Dhinaca kale, faragalinta ay Xukuumada Somalia ku sameysay khilaaf Siyaasadeedka Shariif Xasan kala dhexeeya Xildhibaanada maamulkiisa ayaa u muuqda mid maslaxad ugu jirta madaxda dowlada Federaalka oo iyagu ku tiirsan maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tafatiraha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane oo todobaadkii horre socdaal ku marey deegaano ka tirsan Gobolladda Mudug iyo Nugaal ayaa u kuurgalay barwaaqadda dayrta iyo nolosha xilligaan ka jirta dhulka baadiyaha oo kasoo doogay Abaartii SIMA ee ka dhacday Soomaaliya. Bahda PUNTLAND POST ayaa kusoo bandhigaysa muuqaalkaan nolosha dadka reer guuraaga iyo xoolahooda, wuxuuna diirada saarayaa jawiga quruxda badan ee ka jira deegaanada roobsadey.
-
Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhimatay,soddon kalena waa ku dhaawacantay qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Maiduguri ee Waqooyi bari Nigeria,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wakaaladda gargaarka deg degga ah ee dalkaasi. Ururka Boko Haram ee xagjirka ah, ayaa dilay in ka badan 20,000(labaatan kun) oo ruux,tan iyo sannadkii 2009,taasoo qayb ka ah isku dayga ay ku raadinayaan in ay dowlad islami ah ka sameeyaan jiinka harada Chad. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan u dambeeyey oo saraakiisha waaxda gurmadka deg degga ah iyo xubnaha dowladdu ay sheegeen in ay fuliyeen afar haween ah oo qaraxyo isku soo xiray,islamarkaana ka dhacay Muna Garage oo ka tirsan Maiduguri. Haweenka is-qarxiya,waa astaan lagu yaqaan weerarada ay qaaddo Boko Haram. “Waxaan ilaa hadda diiwaan-gelinay dhimashada toban ruux iyo dhaawaca soddon kale”,sidaasi waxaa yiri af-hayeenka Wakaaladda gurmadka deg degga h ee dowladda, Bello Dambatta. Maiduguri waa caasimadda gobolka Borno,waana magaalada dhibka ugu xumi ka soo gaaray dagaalka ay wadaan fallaagada jihaadiyiinta. Ugu yaraan 221 qof ayaa ku dhintay qaraxyada iyo weerarada waqooyiga dalka Nigeria,tan iyo bishii June ee sannadkan,sida ay xustay Reuters. Xigasho/Reuters PUNTLANDPOST The post Boko Haram oo dalka Nigeria ku dishay in ka badan labaatan kun oo ruux. appeared first on Puntland Post.
-
Booliiska dalka Giriiga ayaa xuduudka ka xiray ilaa 200 muhaajiriin iyo magangelyo-doon ah,kuwaasoo doonayey in ay u gudbaan dhinaca dalka Macedonia,iyagoo rajaynaya in ayu safraan dalalka kale ee Yurub. Booliiska ayaa gawaari ku hor gooyey muhajiriinta,waxayna u diideen in ay horay ugu socdaan dhinaca xadka Macedonia,laakiin dadkaan oo qaarkood wataa carrruur da’yar,ayaa waddooyinka fariistay,halkii ay dib ugu noqon lahaayeen waddanka Giriiga. Muhaajiriinta oo u badan Soomaali ayaa sheegay in raadinayaan nolol fiican iyo waxbarasho carruurtooda ay geeyaan,taasoo ay ka heli karaan dalalka kale ee Yurub,,sida ay rumaysan yihiin,waxayna xukuumadda Giriiga ku eedeeyeen in ay muddo lix bilood ah ku haysay xeryo,islamarkaana ku fashilantay in ay qorshe fiican u samayso. Tiro kamid ah Muhaajiriinta ayaa ka ka soo jeeda dalalka Suuriya iyo Ciraaq. In ka badan 60,000 oo muhaajiriin ah iyo qaxooti oo markii ugu horeysay tegay dalka Giriiga ayaa weli ku sugan waddanka. Dalalka qaar ayaa xoojiyay xuduudooda si looga hortago in haajiriintu ay si sharci darro ah u yimaadaan, halka qaar kalena ay diideen in ay magangelyo siiyaan kuwii xadka ka soo gudbay. PUNTLAND POST The post Muhaajiriin u badan Soomaali oo lagu xannibay xadka Giriiga iyo Macedonia. appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland Non-State Actors Forum (SONSAF) has deployed a total of 620 local observers on the Somaliland Presidential election held on 13 November 2017, which covers 41% of the national total polling stations of 1,642 across the country. SONSAF engages deepening peace and stability, accountability and good governance, which elections are included. In general, the observation work of the local observers was successfully completed. The domestic observers have reached all assigned polling stations and they reported the process that the E-Day started peacefully and continued calmly, the preliminary feedback from domestic observers stated that 90% of the polling stations opened on time at 7:00Am morning time. The domestic observers of SONSAF have also confirmed:- That all polling stations in the country were closed peacefully and vote counting started on time. That the election materials successfully reached all polling stations. That the representatives of political parties, staff of the NEC, security forces were present for the polling stations observed, and international observers were also observing polling stations. The disabled and elderly voters have received support and assistance at the time of voting. The polling stations were prepared appropriately. There was no obstacle at the commencement of vote counting. The local observers have observed presence of stronger participation of women in voting. It is worth to mention, the participation of youth on the smoothness of the election and that youth has worked as polling stations officials, local observers and as voters. Voter registration has contributed to the process of the administration of the presidential election at this time. Domestic observers have also faced some challenges for the entrance of the some polling stations where some of them dismissed during the polling and counting. Domestic observers have also reported that a senior WADDANI Official was forced to leave polling station #364-2 during the counting stage. Observers have also reported that WADDANI party agent at the polling station of # 365-2 was removed from the polling station by senior NEC Officers. There will be a detailed report, which explains the work of the Domestic Observation Mission and recommendations to be addressed to all concerned parties for the future improvement and development of the area that recommendation is to focus. Conclusions: Based on the feedbacks returned from domestic observers’ on the presidential election held on 13 November 2017, SONSAF is announcing this preliminary press release that the presidential election held on 13 November 2017 was peaceful and smooth administratively, at same time the presidential election was free when it comes to NEC compliance of the laws and regulations laid for the presidential election. SONSAF is calling the political parties and their candidates to respect the choice of the public and therefore, avoid any things that may impair the good credits that the people and the country have received from this presidential election and the previous elections held in Somaliland. SONSAF congratulates the people of Somaliland for the successful result they achieved from their peaceful election on 13 November 2017. SONSAF also appreciates the role of the NEC, security forces, political parties, civil society, media, the international community and whoever contributed the process that made this presidential election happen.
-
Roma (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo arrimaha magaalooyinka Afrika oo ka furmay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka socda Afrika, Maaamulada magaalooyin iyo Duq magaalooyinka wadamo ku yaala Afrika, Ururo, Hey’ado Caalami ah iyo Bulshada Rayidka magaalooyinka. Guddoomiye Taabid ayaa waxaa shirkan ku wehliya Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Rome iyo Mas’uuliyiin kale. Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Angelino Alfano oo ka hadlay kobaca ay sameynayaan magaalooyinka Afrika, horumarada ka jira Qaaradda iyo arrimo kale. Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa Khudbad ka jeediyey shirkan oo uu uga hadlay horumarka iyo is bedelka ka jira magaalada Muqdisho, muddo 27 sanno kaddib bur burkii. Gudoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri: ” Waxaan maanta magaalada Rome – Italy uga qeybgalay shir caalami ah oo lagu casumay dhoor magaalo ee qaaradda Aftica oo ay Wasaaradda Arimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ee Talyaaniga nagu casuntay. Waxaa sharaf weyn ii aheyd anigoo matalaya Magaalada Muqdisho in aan ka hadlo arimaha aminga, nabadgelyada & magaalo-uguurista (Urbanization) oo sii kordheysa. Waxaan u mahadcelinayaa Safiir Cabdiraxman Sh. Ciise & teamka Safaaraddeena oo si diiran inoo soodhaweeyay”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta noqotay wasiirkii ugu horreeyey ee u dulqadan weysa ficillada ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee is-casisha. Maryam Qaasim ayaa sheegtay inay isku casishay isku dhex yaac ka jira dowladda dhexdeeda, inkasta oo aysan shaacin waxa uu yahay. Halkan ka aqri. Si kastaba, Caasimada Online ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in Kheyre uu guddiyo isaga ka amar qaata oo maamula gargaarka u magacaabaty wasaaradda, taasi oo Maryam ka careysiisay una fahamtay inaan shaqadeeda lagu ixtiraamin. Arrintan ayaa ah dhibaato soo socotay tan iyo markii Kheyre la magacaabay, waxaana jiray wasiiro badan oo Kheyre uu ka hoos magacaabay guddiyo iyo qaar ka carrooday inuu sida ciyaal iskuul oo kale shaqadooda uga hubiyo. Saddexdii bishii August, shirkii golaha wasiirada ee xukuumadda ayaa ku dhammaaday buuq, kadib markii ay is-qabsadeen ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa, oo ka carrooday guddiyo uu magacaabay, sida ay Caasimada Online xilligaas shaacisay. Halkan ka aqri. Wasiiro badan ayaa Kheyre u arkay qof isla weyn oo faro-gelin badan, oo shaqadooda aan ku ixtiraamin. Waxaa mararka qaar dhacday in Kheyre si lama filaan ah ku tago wasaaradaha oo uu wasiirada ku amray inay banaanka soo dhigaan dokumentiyada shaqada, taasi oo wasiiro badan ka carreysiisay. In kasta oo isla xisaatanka ay wasiiro badan diyaar u yihiin, haddana ficillada Kheyre ayaa loo arkaa kuwa xeerka dowladeed ka baxsan, oo xitaa mararka qaar wasiirada ay u arkaan inuu ula dhaqmayo sida ilmaha iskuulka oo kale, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Si kastaba, is-casilaadda Maryam Qaasim ayaa dhaawac xooggan gaarsiin karta Kheyre, waxayna horseedi kartaa wasiiro kale oo is-casila ama inuu abuurmo isbaheysi wasiiro ah oo isaga ka dhan ah, kuna sameeya kacdoon. Maryam Qaasim oo ah qof muxtaram ah, islamarkaana shaqadeeda gudata, kana mid ah wasiirada ay sida aadka ah Soomaalida ugu kalsoon yihiin una aaminsan yihiin, ayaa is-casilaaddeeda ay farta ku godi karta Kheyre, loona arki karo nin dhibaato ku ah shaqada dowladda. Haddii wasiiro kale ay raacaan waddada Maryam Qaasim, isna casilaan, sida laga cabsi qabo, waxay tani hoggaamin kartaa burburka xukuumadda iyo in Kheyre xilkiisa ku waayo ficilladiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Harare (PP) ─ Xaaladda magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe ayaa weli kacsan, iyadoo meelaha qaarkood caawa laga maqlayo rasaas aan badnayn oo dhacaysa, inkastoo madaxweynihii waddamadaas Robert Gabriel Mugabe oo muddo 37-sano ah xilka hayay uu ku xayiran gurigiisa. Millateriga Zimbabwe ayaa weli talada gacanta ku haya, kaddib markii saaka ay la wareegeen goobo badan oo ay ku jiraan kuwii dalkaas looga talinayay, balse saraakiisha hoggaaminaya ciidamada ayaa sheegay in hawl-galkoodan uusan ahayn mid ay ku af-gambinayaan xukuumadda. “Waxaan daba soconnaa kooxo dambiilayaal ah oo ku dhaw-dhaw Mugabe, balse hawsheennu ma ahan mid aan xilka kula wareegayno,” ayuu saakay u sheegay warbaahinta taliyaha millateriga Zimbabwe. Balse, Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in tallaabooyinka ay millateriga dalkaasi qaadeen ay tahay mid u muuqata afgabi, iyadoo mas’uuliyiinta ugu sarreysa ururkan ay ku baaqeen in la dhawro dastuurka lagana digtoonaado wax walba oo dastuurka dalkaas wax u dhimaya. Madaxweynaha xilligan ee Midowga Afrika, isla markaana ah madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa sheegay in ururku cambaareynayo falka ay ciidamadu ku doonayaan inay awoodda si xoog ah kula wareegaan. https://av.voanews.com/Videoroot/Pangeavideo/2017/11/5/5f/5f39ff6b-8552-4df9-b998-b8c32d5c3dbc.mp4 “Ururka Midowga Afrika wuxuu ka walaacsan yahay xaaladda Zimbabwe ka taagan iyo in ciidamadu ay isku dayaan inay afgambiyaan dowladdii dalkaas ka jirtay,” ayuu yiri Conde, wuxuuna intaas ku daray inay weli taageerayaan xukuumaddii sharciga ahayd ee dalkaas ka jirtay. Awood-maroorsiga millateriga Zimbabwe ayaa timid kaddib markii uu eryay madaxweynaha dalkaas Mugabe toddobadkii lasoo dhaafay ku xigeenkiisii, Emmerson Mnangagwa isagoo ku eedeeyay in awood aanu lahayn uu lasoo baxay. Sidoo kale, Qaar ka mid ah waddamada caalamka qaarkood ayaa waxay ka digeen in xaaladda Zimbabwe ay lunto, inkastoo sarkaal ka tirsan ciidamada xukunka la wareegay uu sheegay inaysan doonayn in xasilloonida Zimbabwe ka jira ay lunto oo uu dalkooda la mid noqdo Soomaaliya. Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in xisbiga talada dalkaas haya ee ZANU-PF ay sheegeen inay xilkii gudoomiyaha xisbigaas ay ka qaadeen Robert Mugabe, ayna u dhiibeen madaxweyne ku xigeenkii hore Emmerson Mnangagwa oo uu toddobaad ka hor shaqada laga eryay, taasoo u muuqata in laga yaabo in isaga si KMG ah loogu magacaabo xilka madaxweynenimo ee dalkaas. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo Robert Mugabe ay taleefoonka ku hadleen uuna ku sugan yahay gurigiisa isagoo caafimaad qaba. Waxaase shacabka dalkaas ay isweydiiyaan sida ay xaaladu noqon doonto maalmaha soo socda. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Millateriga Zimbabwe oo weli talada gacanta ku haya iyo rasaas dhacaysa appeared first on Puntland Post.
-
Abdirahman Irro är uppstickaren i valet i Somaliland. Han grundade Wadanipartiet 2012 och beskriver sitt parti som inspirerat av europeisk socialdemokrati. Foto: AP/Barkhad Kaariye On Monday, elections were held in the Somaliland Republic. The election results are delaying. But the small country in the Horn of Africa has the world’s most modern system to make sure no-one is voting more than once. This is done by checking the eye’s iris. At the last election in Somaliland there was a lot of strul in the ballrooms. A really dissuasive example is the mess that occurred after the election in Kenya earlier this year – and which ended with the Supreme Court annulling the election. The new technology is used to avoid such. It also happens that Somaliland is one of the world’s leading in terms of mobile payments. While mobile payments have gone through in Sweden in recent years, people in Somaliland have been accustomed to having their mobile wallet for a long time. When the Örebro company Transfer Galaxy transfers contributions from relatives in Sweden to relatives in Somaliland, the recipients receive the money registered in their mobile phone. When they go to the store and shop, they click on their mobile to pay. In this way, people living in remote villages can also enter the globalized economy, using companies such as Transfer Galaxy. The fact that a country is poor does not mean that technology is being held back. But the desire to get out of poverty hurries a technology development that looks different in Somaliland than in Sweden. The transfer of money from the Somalis abroad means a fine word called remittances. But there is also a term called “social remittances”. Somalis living in countries such as Sweden, the United States, Great Britain and Finland are affected by our values. Some also engage politically. And they return their values to their homeland. It is not so difficult to see the benefits of democracy, welfare and the absence of corruption. That Örebro’s good service can thus affect the policies of a country in another part of the world. Just the fight against corruption is one of the most important issues for ordinary people in Somaliland. The feeling of going to Örebro municipality and meeting an official who is actually trying to help you find a place in childcare is different from going to a corrupt official who requires some extra money under the table to solve your problem. That Örebro’s good service can thus affect the policies of a country in another part of the world. Just the fight against corruption is one of the most important issues for ordinary people in Somaliland. One of the two main candidates in the election to Somaliland, Abdirahman Irro, has lived in Finland for several years and speaks excellent Finnish. He is the opponent who formed the new Wadani Party as late as 2012. He describes himself as a party inspired by the European Social Democracy. He has criticized the sitting government for, for example, shortcomings in terms of freedom of the press. Sitting President Ahmed Mohamed Silanyo does not resign for re-election. The ruling Kulmiye party’s candidate for the presidency is Muse Bihi Abdi. The outside world regards Somaliland as part of Somalia, despite the fact that the country has a well functioning government. There must be a conflict about this that has to be handled with care. But Somaliland is the most free country on the Horn of Africa. And every step that Somaliland seeks to be a full-fledged democracy should lead to concrete steps from, for example, Sweden, which facilitates exchange and trade. Na.Se
-
Somali minister for Humanitarian and Disaster Managment, Maryan Qassim has resigned on Wednesday citing incertitude and disorder in the government. In a press conference held Mogadishu, the minister said she could not work in atmosphere associated with confusion and disorder. “I can work in professional way in a department or ministry but you get confused when the work is done in disorderly manner, therefore I am not in a way to oppose the government. I have decided to go back for a private job and stay clear from politics,” said Qasim. Qasim She is the second high profile minister to resign in less than forty days following the resignation of the former Defense minister, Abdirashid A Mohamed on 12th October just two before the deadly truck bombing. Her resignation comes amid the defense position has not been filled yet. Qasim who is one of the prominent ministers in prime minister Kheires cabinet, prevously headed several ministries including Family Affairs, Social Development and Health ministries. She is close ally of the current president, Mohamed Abdullahi Farmajo. Source: HOL
-
Suspected drone targeted Alshabaab base in Lower Shabelle region, killing several militants, authorities and residents said on Wednesday. The local residents of Yaqbariweyne village confirmed the bombardment on Tuesday night saying the explosion caused by the missiles fired at the outpost could be heard all over the village. “We heard big crashes at Idow-Jalaad locality where Alshabaab has a training camp, the area is just few killometers from here,” said Mustaf Raghe in Yaqbariweyne village. Authorities in the region say aerial strike appeared to be a drone attack which targeted the training camp in the area. Yaqbariweyne chief, Olow Mohamed said a drone targeted a camp in Idow-Jalaad where Alshabaab had been amassing its fighters in recent days. “A drone hit the base, though we don’t know the exact casualties but several people killed there,” Islow said. It not yet known who was behind the aerial strike but the United States has in the past targeted al Shabaab fighters. US has been carrying out aerial bombardment on Alshabaab bases in Somalia since the beginning of this month. The president of United States, Donald Trump earlier this year approved expanded military operations against Alshabaab militants including airstrikes. Alshabaab, Al-Qaida Affiliate has not yet commented the aerial strike. The militant group which wants to impose its own radical brand of Islam on the Horn of Africa country has been carrying out deadly attack on Somali capital Mogadishu since the group was pushed out the city by Somali forces backed by continental troops known as AMISOM.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiil ka tirsan mucaaradka Zimbabwe ayaa wargeysyada u sheegay in xaaska Madaxweynihii Zimbabwe Grace Mugabe ay ka baxsatay dalka. Saraakiisha ayaa sheegay in Grace Mugabe ay sacado un ka hor xiliga kacdoonka u dhooftay dalka Namibia oo ay ka heshay magan galyo Siyaasadeed. Waxa ay tilmaameen in Grace Mugabe ay ka daran tahay Madaxweynaha dalkaasi oo isna ku jira Xabsi guri, waxa ayna sabab ka dhigeen inay aheyd shaqsiyada maskaxda u aheyd Mugabe. Ciidamada Militariga ee dalka Zimbabwe ayaa xalay saqdii dhexe iyo arooryadii Saaka oo Arbaca ah la wareegay Telefishinka dowlada ZPC iyo qaar kamid ah Xarumaha dowlada. Warbaahinta Zimbabwe qaarkood ayaa qoraaya in afganbi uu ku socdo dalka Zimbabwe, isla markaana ciidamo mucaarad ah ay isku go’doomiyeen qasriga Zimbabwe. Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Militariga oo kasoo muuqday Telefishinka ayaa sheegay in hawlgalka socda uusan ahayn afgembi balse ay wadaan hawlgal ay kusoo qab qabanayaan burcad ku hareeraysan Madaxweynaha iyo Madaxtooyada, ayuu yiri Gen.Moyo. Hawlgalkan ayaa kusoo beegmay todobaad kadib markii Madaxweyne Robert Mugabe uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa oo la filayey inuu noqon doono ninka xilka kala wareegi doona. Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka xilka laga qaaday Asbuucii hore Mr. Emmerson Mnangagwa ayaa taageero badan ku leh Militariga dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirkii hore ee Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte ayaa xukuumadda Soomaaliya ku tilmaamay sida geed qalllalay oo caleentiisu dhulka ku hoobanayso,kadib markii ay is-casileen labo Wasiir oo muhiim ah. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in xukuumadda Soomaliya ay lamid tah geed bolol ah oo sii dhimanaya,islamarkaana aan nuxur iyo neecaw midna lahayn. “Caleemaha geedku marka ay qallalaan(engagaan) way hoobtaan. Geedkii oo aan nuxur &neecaw toona laheyn ayaa bolola,ka hor intuusan dhiman,kaddibna qambobin. Kolkaas ayaa qashinkiisa la iska xaaqaan #Somalia“, ayuu yiri Cayne. Hadalka Caynte ayaa ku soo beegmay xilli ay maanta is-casishay Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed, iyadoo sheegtay in ay ku adkaatay duruufta shaqado ee Wasaaradda oo ay ku tilmaantay “mid isku-qasan oo is-barbaryaac ah”. Wasiirkii Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxmmed ayaa sidoo kale is-casilay 12 bishii hore ee October, kadib markii uu soo baxay fashil ku aaddan dagaalka xukuumadda Soomaaliya ee dalka looga saarayo Al-shabaab. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey shirkii madaxda Qaranka iyo maamul goboleedyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka adkaan waayeen Al-shabaab,islamarkaana raadinayaan qorshe kale. Cabdiraxmaan Caynte ayaa soo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumaddii Xassan Sheekh Maxamuud. Bishii June ee sannadkaan ayaa madaxweyne farmaajo u magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka UK, inkastoo uu durbadiiba iska casilay. Puntlandpost.com
-
Dr. Maryan Qaasim Axmed, Wasiirkii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Federaalka ee maanta is-casishay, ma aheen wasiir la iska magaacay, ee haddii siyaasadda xulufo, garab iyo maslaxad taqaano haweeneydan ayaa cinwaan u aheyd, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kuma heysto xukuumaddan Xasan Kheyre qof uga dhaw Dr. Maryan. Muddo sanad iyo bar la joogo ayey igu marti-qaaday hoygeeda magaalada Muqdisho, si aan ugala sheekeysto arrimaha siyaasadda, Banii’aadnimada iyo qaar kale oo kolkaas ay ku mashquulsaneed. Marwo Qaasim inta ay ka hadleysay Taariikh Nololeedkeeda, magaca Farmaajo waxaa uu ahaa qofka ugu badan oo ay soo hadal-qaaddo. Gabadhan ku dhalatay Baardheere, kuna soo bar-baartay Marka, in kasta oo horay uga soo shaqeysay jaamacadda Umadda, isbitaallo haweenka iyo dhallaanka ee dalalka Yemen iyo Holland, iyo Ingiriiska oo ay ka aheyd ”Learning Mentor” Laakin waxaa dadka Soomaaliyeed baray mudane Farmaajo isaga oo November 18, 2010 u magacaabay wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska, xilligaas uu ahaa ra’isul wasaarahii TFG-da. 2012: Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay guddoomiye ka noqotay Xisbiga Tayo oo ah xisbi uu aasaay mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xitaa markii ay jagada uga degtay, waxaa ay qeyb ka noqtay ololihiisa doorashada 2016. 4-tii sano ee la soo dhaafay Dr. Maryan Qaasim Axmed waxaa ay wasiir ka noqotay xukuumaddii Shirdoon 2012-kii, waxaa kale oo ka shaqeysay UNICEF iyo WHO illaa ay Xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka aheyd la taliyaha arrimaha bulshada, Marwo Qaasim waxaa ay iigu dhaaratay in aaney waligeed la shaqeyn, lana shaqeyn-doonin qof ka fiican Farmaajo. Dhankiisa, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan xisbiga Tayo kala sheekeystay inta aanu madaxweynaha noqon waxaa uu ii sheegay in Dr. Maryan Qaasim Axmed ay shaqo fiican ka qabatay xisbiga marka ay guddoomiyaha ka noqotay isaga oo intaa raaciyay in ay kaalin fiican ku laheyd in xisbiga ku fido magaalooyinka Oslo, Nairobi, Dhadhaab, Muqdisho, Boosaaso iyo meel kale. Hadaba, Xiriirkaas dheer Farmaajo iyo Maryan Qaasim kadib, Maxaa keenay in maanta ay ka tagto shaqada fulinta iyada oo ka sheeganeysa qas iyo jaho-wareer, sida ay u sheegtay Goobjoog News. “Hadda waxaan uga tagey xilkii aan hayey waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, aniga hey’ad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay is barbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneen madax wareer badan ayaa laga qaadayaa, xukuumadda waxaan ilaahay uga baryayaa iney horumar gaaraan, ma ihi qof mucaarad ah, dowladeeda mucaarad kuma ihi laakiin aniga duruuftaan is barbar yaaca ah wey igu adkaatay inaan ku shaqeeyo, aniga shaqsiyan waxaan doorbiday siyaasad inaan gacmaha kala baxo oo sidii kale aan bulshadeeda ugu shaqeyn jirey aan ugu shaqeeyo”. Qaraxii Isgoyska Zoobe kadib Dr. Maryan Qaasim, waxaa ay warbaahinta u sheegtay in aaney ku farax-saneen sida loo maareynayo gargaarka la xiriirka dadka waxyeellada soo gaartay, waxaa jira guddiyaal badan oo arrimaha gargaar ah kuwaas oo ka garab shaqeeya wasaaradda. Maanta markii aan la hadlayey waxaa ka muuqatay niyad-jab iyo caro, waxaa ay ka gaabsatay in sababta oo faah-faahsan ay ila wadaagto, Laakin su’aasha weli waa taagan tahay? Waa wasiirkii 2aad ee xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre iska casila muddo bil iyo xoogaa ah, isna lama sheegin sababta. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen. “Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre. “Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah.
-
Harare (Caasimada Online) – Milatariga ayaa la wareegay awoodda dalka Zimbabwe, balse madaxweyne Robert Mugabe oo wadooda dalkaasi hayay tan iyo 1980 ayaa la sheegay inuu badqabo. Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay inuu la hadlay Mugabe oo u sheegy in laga dhigay xabsi guri balse uu aad u fiican u yahay. Ciidammo ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee Zimbabwe ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC, iyadoo badhtanka lagaga jiro xiisadda sii koraysa ee dalkaasi ka jirta. Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo ayaa laga maqlay dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay. Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah. Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF Xiisadduna waxay cirka isku sii shareertay Talaadadii markii gawaari qafilan lagu arkay iyaga oo ka boos qaadanaya duleedka wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Harare, inkastoo uusan caddayn ujeedadoodu.Milatari la wareegay telefishinka qaranka Zimbabwe. Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo. Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii. BBC
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u ballaaran. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga. Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga ayaa uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen. “Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre. “Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tilmaamay in degmada ay sii joogi doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidamadda, isla markaana looga baahan yahay shacabku iney ka qeyb qaadaan dagaalka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxaha argagixsada ah, PUNTlAND POST The post Raisilwasaare Kheyre oo Lagu Soo Dhoweeyay Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU– The fragile government stalled in Mogadishu and backed by African Union congratulates on Somaliland for the peaceful presidential polls held on 13th Nov. 2017. The council of ministers meeting chaired by Somalia’s Prime Minister, Hon. Hassan Khaire was briefed about the presidential campaign and the smooth holding of free and fair elections in Somaliland. Despite the ministers having lengthy discussions about the poll in Somaliland, they have not hesitated to send congratulatory message to the people of Somaliland and its government for well done job. Somalia’s council of ministers said that the polls were conducted in peaceful where it was free and fair. They said that the democratic elections were much better in ones hold in the western countries. The ministers called upon that it is necessary that the people must await the final results that NEC set to announce.