-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa dhex dabaalaneysa mowjado Siyaasadeed oo ay ku kicinayaan dowlado dhowr ah kuwaa oo is garabtaagaya dhinacyada Mucaaradka. Mowjadaha ku furan dowlada ayaa waxaa qeyb ka ah dhinacyo mucaarad ah oo ka kooban labada Baarlamaanada ee dalka iyo Siyaasiyiin miisaan leh, waxaana adkaaneysa in la kala dilo. Dhinacyadan ayaa waxaa fangareynaaya dowlado dhowr ah oo dhaqaalaha u marinaaya dowlada Imaaraadka oo iyadu cadeysatay dagaalka ay kula jirto dowlada Somalia. Dowladaha dhaqaalaha ku bixinaaya mucaaradka oo qaarkood daaha gadaashii ka qasaaya Siyaasada Somalia, ayaa waxaa kamid ah: Dowlada Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya oo dhamaantooda dhaqaalaha loo adeegsanaayo dhibaateynta Somalia u marinaaya Imaaraadka Carabta. Dhaqaalaha ay bixiyeen dowladahan ayaa waxaa kamid ah tan la sheegay in laga soo saaray Hooyga CC Shakuur oo dhawaan ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan dowlada. Dowlada Somalia ayaa ka gaashamaneysa faragalin kaga imaada dowlada Imaaraadka iyo Sacuudiga oo iyagu qaska Somalia u sameynaaya Kheyraadka ku jira dhulka aawgii. Dhinaca kale, Dukumiintiyo ay heshay dowlada Somalia ayaa muujinaaya in dowlada Imaaraadka ay shaqsiyaad gaara u ballanqaaday inay gaarsiin doonto heer Madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Liiska dowladaha bixiyay dhaqaalaha ay Mucaaradka ku qasayaan Siyaasada Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii deynta xalay saqdii dhex damiinka lagu sii daayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Waesame ayaa dhalisay farxad aan hore loo arag. Odayaal dhaqameed, siyaasiyiinta labada gole iyo xubno kala duwan oo ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa dadaalkanka dambeeyay sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, waxayse natiijadii noqotay in damiin lagu sii daayo iyadoo dacwadu socon doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sawiro: Farxadii siyaasiyiinta Hawiye ee ka dhalatay sii deynta C/raxmaan C/shakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu xusay in hadda ay heystaan Xildhibaano ku filan mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha. Waxaa uu sheegay in 96 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ay saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayuu sheegay in ay Guddoonka Golaha shacabka ka codsadeen in uu kalfadhiga Baarlamaanka dib u furo si ay howlaha hadda taagan u dhameystiraan. Mahad,ayaa sheegay in Warqadda codsiga in guddonka dib u furo fadhiga Baarlamaanka ay diyaariyeen walina aysan u gudbin Guddoonka,waxaana uu intaas raaciyay in ay gudbin doonaan. Mooshinka ayaa xoogeystay kaddib markii Axaddii Ciidanka amaanka ay weerar ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadajir. C/Raxmaan C/Shakuur ayaa xalay laga siidaayay Xabsiga iyada oo maanta la filayo in Maxkamadda gobolka Banaadir uu mar kale ka soo hormuuqdo. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in ay filayaan in kalfahdiga Baarlamaanka uu dib u furmo mooshinka xilka qaadista Madaxweynahanaha ay fuliyaan. Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmajo ayaa ku soo beegmay, kaddib weerar dhiig uu ku daatay oo ay ciidamada ammaanka ku qaadeen guri uu degen yahay mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ka mid ahaa musharaxiin u tartantay xilka Madaxweynaha, waxayna ciidamadu ku dileen shan ka mid ah ilaalada siyaasiga. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Cabdishakur uu diiday in sharciga uu horyimaado waxana uu horyimid maxkamada shalay balse lama soo bandhigin warqadii lagu amrayay soo xiridiisa,waxaana loo ballansan yahay in Khamiista la horkeeno markale maxkamada. Reuters ayaa daabacday in Warsame uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha waa weyn ee dega Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee taageerayaashiisa iyo dowladaba waxa ay sheegeen in xiritaankiisa uusan sal ku lahayn khilaaf dhinaca beelaha ah. “Xildhibaano badan ayaa ka careysan in dowladda oo sheegata inay sare u qaadeyso dib u habeynta dalka isla markaana xireysa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida Cabdishakur Cabdiraxmaan,”sidaa waxaa u sheegay wakaalada wararka Reuters Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga, ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mahad Salaad: “96 Xildhibaan ayaa saxiixday mooshinka Madaxweyne Farmaajo” appeared first on Caasimada Online.
-
Ugandan lawmakers have voted overwhelmingly to remove presidential age limits, paving the way for President Yoweri Museveni to serve a sixth term in office. The highly controversial bill passed on Wednesday with 315 votes for, 62 against and two abstentions, after three days of chaotic debates in which some opposition MPs were suspended, while others walked out. REACTIONS The bill will pass into law once it is signed by Museveni. Under current laws Museveni, 73, would not be eligible to run for office again in 2021 as candidates over 75 are not allowed. The new bill re-introduces presidential term limits, which were scrapped with the introduction of multi-party politics in 2005, however this will only come into force following the next election — meaning Museveni could serve two more terms. And in a move widely viewed as a quid pro quo for lawmakers backing the unpopular age limit bill, the terms of MPs and local government officials were extended from five to seven years, pushing parliamentary elections to 2023. Human rights lawyer Nicholas Opiyo told AFP the moves were “a reversal of Uganda’s democratic process”. “To remove the age limit — one of the most important safe guards — will entrench a dictatorial and autocratic regime in Uganda, ” Opiyo said. “In a country where — according to international observers — elections do not represent the free will of the people… the age limit was the only safety valve left which will allow the peaceful transfer of power from Museveni.” Opiyo called the move to reintroduce term limits a “facade”. 1986 “It’s not being made in good faith — it’s being made to mask a broader scheme to remove the age limits.” Spokesman for the ruling National Resistance Movement (NRM) party Rogers Mulindwa denied that the law was designed to benefit Museveni personally. “The NRM can choose President Museveni or someone else to stand in the next elections. If he happens to be one of the first beneficiaries then there is no problem. We have also seen that people above 75 are celebrating,” Mulindwa said. “Lifting the age limit opens opportunities to all ages — young, middle aged and old ones so they can contest the presidency. It should not be limited to 35 to 75 year olds — that’s discriminatory.” On the move to extend parliamentary term Mulindwa said that would benefit everyone “even the opposition.” Source: – AFP The post Ugandan MPs vote to scrap presidential age limit appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopian Airlines, the national flag carrier of Ethiopia made history on Saturday when it deployed an all-female crew for a special flight from Bole International Airport in Addis Ababa, Ethiopia to Murtala Mohammed International Airport in Lagos, Nigeria. The historic airlift, which is the airline’s first flight to Nigeria in the hands of an all-female crew, has grabbed headlines across the world, with some people lauding it as a major milestone for the womenfolk. Under the supervision of Captain Amsale Gualu and First Officer Tigist Kibret, the 13-member crew flew 391 passengers to the Nigerian capital on Boeing B777-300 ER, an exciting journey that took approximately four and a half hours. Speaking at the reception party in Lagos, the chairperson of the Nigerian House Committee on Aviation Mrs Nkiru Onyejeocha thanked Captain Gualu and the rest of her crew for the successful flight, saying it was enough proof that women can achieve great things when given the chance. Onyejeocha added that the historic flight is an inspiration to Nigerian women to venture into the aviation sector and have the courage to hold key positions in the lucrative industry. Speaking at the event, Captain Gualu, who called on women to have passion in what they do, said flying aeroplanes was her childhood dream. “Since I was a child, I wanted to be a pilot. After my University education, I joined Ethiopian Airlines as a first officer and flew the Fokker 50 and the Boeing B737 and then became a captain,” Captain Gualu was quoted by Nigerian news portal This Day. Since the momentous flight on Saturday, many people have taken to social media to congratulate Ethiopian Airlines, which is the most profitable airline in Africa, for giving women an opportunity to prove their potential. My girls! thank you for making us all proud and thank you @flyethiopian for being the ambassador of Ethiopian… https://t.co/InsCUZYipH — Tirsit Yetbarek (@tirsity) December 18, 2017 Some are even calling on other airlines, especially in countries and regions with a reputation of clamping down on women’s rights to follow suit. I wish Saudi Arabia would also have all Women airlines. They were pioneers in promoting all women everything but never made all women airlines hospitals etc — s patel (@mathewbigface) December 18, 2017 Lately, the Ethiopian carrier, which commands the biggest share of the pan-African passenger and cargo network, has been making major changes to its processes, including fully digitizing its operations and providing free Wi-Fi to all customers using its main hub. Source: Face Africa The post All-female Ethiopian airline crew breaks gender barriers with historic flight to Nigeria appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda onlne) – Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saaray Xarigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur. GOlaha ayaa ugu horreyn soo dhaweeyey soo deynta Siyaasigaas iyagoo sheegay in arrintaas lagu keenay dadaal dheer oo ay sameeyeen odayaasha, Xildhibaano iyo Wasiiro. Sidoo kale Golaha ayaa ka digay in Khilaafyada siyaasadeed ee ka dhici karo dalka laga dhigo dambi sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale golaha ayaa ka dhigay wadada ay sheegeen in loo marayo xaslinta Khilaafyada siyaasadeed ee ka jiro Soomaaliya. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedkaas oo dhameystiran: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray Xarigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ‘’Xaaf’’, ayaa ka hadlay go’aanka lagu sii daayay C/raxmaan C/Shakuur oo u xirnaa dowlada Somalia. Xaaf oo u waramaayay Idaacada KKN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wakhti badan ay ku bixiyeen deysmada C/raxmaan C/Shakuur, waxa uuna cadeeyay in deysmadiisu tahay damaanad. Xaaf waxa uu sheegay in deysmada C/raxmaan C/Shakuur ay ka qeybqaaten Mas’uuliyiin dhowr ah oo ay wehlinayaan Hogaamiyayaasha qaar ee ka tirsan maamul Goboleedyada dalka. Hogaamiye Xaaf waxa uu intaa ku daray in C/raxmaan C/Shakuur aan lagu sii adkeyn shuruudaha, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in laga mamnuucay shirarka. Sidoo kale, Xaaf ayaa sheegay inay u badan tahay in manta oo khamiis ah C/raxmaan C/Shakuur lasoo taago Maxkamada, isagoo cadeeyay in inta badan howlaha hoose ay sii socon doonaan. Haddalka Xaaf ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Somalia ay ku adkeysaneyso in C/raxmaan C/Shakuur uusan ka safri Karin dalka inta ay kasoo dhamaaneyso dacwadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Hogaamiye Xaaf oo si cajiiba uga hadlay qaabka ay kusoo damiinteen CC Shakuur (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xalay ay dammaanad ku siidaysay dowladda Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah maxkamad la soo taagaya,sidauu xaqiijiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo uu ka tirsanaa. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Kamal Guutaale ayaa u sheegay VOA-da in saaka oo Khamiis ah maxkamad la horgeyn doono Cabdiraxmaan cabdishakuur oo loo haysto dacwad ku saabsan Khiyaano qaran. Dhinaca kale qareenka u doodaya C/raxmaan C/shakuur oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji ayaa sheegay in lagu soo war geliyay in Maanta oo khamiis ah la maxkamadeynayo,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in lagu waayi doono denbiyada loo haysto. PUNTLAND POST The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta mar kale la maxkamadeynayo. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka dalka Uganda ayaa cod aqlabiyad xoog leh ku ansixiyay sharci meesha ka saaraya xaddidaada da’da musharaxiinta doorashada madaxweynaha. Laalida xadidaada ayaa waddada u xaareysa in mid ka mid ah madaxweynayaasha Africa ugu muddada dheer uu Uganda sii xakumo ilaa 2031-ka. Xildhibaanada baarlamaanka Uganda ayaa qodobada dastuurka ka baddalay qof walba oo ka yar da’da 35 sano ama ka weyn 75 aanu u tartami karin doorashada madaxweynaha. Guddoonka iyo Xildhibaanada baarlamaanka ayaa isla gartay in sharcigan uu dhaqangalayo xiligii uu madaxweyne Yoweri Museveni oo 73 jir ah uu qalinka ku duugo. Xildhibaano farabadan oo ka tirsan baarlamanaka ayaa ku amaanay xukinkiisa 30 ka sano, waxa ayna sheegeen inuu isbeddel ku sameeyay dhaqaalaha dalka uuna nabad kusoo dabaalay wadankaan uu mar halakeeyay dagaal sokeeye. Xubnaha baarlamaanka ayaa sidoo kale u codeeyay in la kordhiyo muddada ay mudanayaasha baarlmaanka xilka hayn karaan taasi oo haatan ah 5 sano lagana dhigo ilaa 7 sano. Docda kale, Tallaabadan ayaana looo arkaa mid lagu dalaalay xubnaha baarlamaanka si ay u meel mariyaan sharcigan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada Ugandha oo la imaaday sharci ka yaabsaday Yoweri Museveni (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa lagu wadaa in Maxkamada Gobolka Banaadir ay maanta oo Khamiis ah mar kale furto kiiska Dacwada Siyaasiga CC Shakuur oo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray dadaal lagu duminaayay Qaranimada Somalia. Maxkamadda Gobalka Banaadir oo laga sugaayay in kiiskaas ay furto Arbacada ayaa dib u dhigtay iyadoo iclaamisay in kiiska ay qaadi doonto maanta oo Khamiis ah. Xafiiska Xeer ilaalinta Somalia ayaa lagu wadaa in maanta ay Maxkamada horgeyso cadeymo ku filan kiiska Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame, maadaama eedeyntiisa ay tahay mid culus isla markaana ay dacwadaan dib u dhacday shalay oo Arbaco aheyd. Maanta oo khamiis ah ayaa lagu madalsan yahay maxkamadda Gobolka Banaadir in Xeer ilaalinta ay horgeyso Cadeymaha eedeynta C/raxmaan C/Shakuur Warsame, waxaa isla manta loo guda gali doonaa dacwada, waa haddii ay Xeer ilaalintu soo dhameystirto cadeymaha la doonaayo. Sababaha ay Maxkamada shalay dib ugu dhacday ayaa ah in warqadii amarka Maxkamada ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta Shalay 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna egtahay manta 8-da subaxnimo. Hadal haynta Bulshada ayaa noqotay Kiiska C/raxmaan C/Shakuur, waxaana si wayn indhaha loogu haayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo maanta oo khamiis ah waxa ka soo bixi doona, maadaama xeer ilaalinta laga sugaayo gudbinta cadeymo dhameystiran. Dowlada Somalia ayaa Xalay damaanad kusii deysay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo habeenkii Axada lagu xiray Xabsi ku yaalada Muqdisho. Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho saacadihii ugu danbeeyay ka socday kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanaayo arrimaha CC Shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxkamadeynta CC Shakuur oo maanta dhaceysa & Xeer ilaalinta oo laga sugaayo dhameystirka Cadeymaha appeared first on Caasimada Online.
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay Ciidanka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in Al-Shabaab ay habeenkii Labaad ay weerar ku soo qaadeyn qeyba ka mid ah degmada, weerarkii ugu dambeeyay ee xalay ayaa ka dhacay Buundada degmada Afgooye ee Sh/Hoose. Dagaalka ayaa ku bilaawday Bambooyinka gacanta laga tuuro kadibna waxaa xigay rasaas socotay muddo kooban, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay tiro kalane ay ku dhaawacmeyn. Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Shabeelaha Hoose C/raxmaan Dheere ayaa beeniyay in weerar lagu soo qaaday Saldhig ciidanka Soomaaliya ee ku leeyihiin Afgooye balse ay madaafiic rideyn Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo habeenkii labaad oo xiriir ah weeraray Saldhig ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin Afgooye. appeared first on Caasimada Online.
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa ciidamada dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey iney qaadeen weerarka dagaalkaan, waxaana dagaalka xooggiisa uu ka dhacay Buunadada degmadaasi. Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Waa habeenkii Labaad ee Al-shabaab ay soo weeraraan degmada Afgooye, iyadoo habeen kahor sidan oo kale usoo weerareen degmadaasi. Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaasi ay rideen madaafiic. Maamulka degmada Afgooye iyo kan gobolka Shabellaha Hoose weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Xalay xilli dambe xabsiga laga sii daayay ayaa farriintiisii ugu horeysay soo dhigay baraha bulshada. Farriinka oo afar xaraf ka koobneyd ayuu ku qoray luqada ingiriiska: “Cadaallada ayaa waareysa, Cadaalad darraduna waa fashilneysa. “Justices prevails. Injustices fails.” ayuu soo dhigay bartiisa twiterka. Wararka qaar ayaa sheegaya in damiinka lagu sii daayay ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin: Inuusan saxaafadda la hadli karin, isticmaali karin baraha bulshada, kana dhoofi karin dalka, laakiin waxaa muuqata inuu ugu yaraan dhowr erey ku cabiray xaaladiisa. Sii deynta siyaasiga ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen madaxda maamulka Gobolka Banaadir, Hirshabeelle iyo Galmudug. Ciidanka NISA, ayaa habeenkii Axada weerar qorsheysan ku qaaday hoyga uu C/raxmaan C/shakuur ka degan yahay Magaalada Muqdisho. Weerarkaasi waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga liddi ku ah. Garyaqaan Tahliil Xaaji oo ka mid ah qareenada difaaceysa C/raxmaan C/shakuur, ayaa sheegay Ciidanka NISA inaanay wadan warqad lagu soo xiri karay Siyaasigaasi. C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Farriintii ugu horeysay ee C/raxmaan C/shakuur kadib markii Damiin lagu sii daayay appeared first on Caasimada Online.
-
Dalka Mareykanka ayaa sanadkan waxaa uu kordhigay duqeymaha uu ka sameeyo gudaha Soomaliya kaas oo bar-tilmaameedka yahay xarakada Al-shabaab. Illaa 34 jeer ayey Mareykanka duqeeyaan gudaha Soomaaliya, iyaga oo dilay in ka badan 228 qof. Bishii March ee sanadkan wixii ka dambeeyay, maamulka cusub ee Trump waxaa uu ogolaaday in la bar-tilmaameedsan karo meelaha ay rayidka joogaan. Mareykanka waxaa ay sidoo kale, duqeymo ka sameeyaan gudaha Yemen, taasi oo xoogeysatay sida uu madax u noqday Trump. Sanadkan keliya waxaa lagu qiyaasay duqeymaha Mareykanka in ka badan 127, waa inta u dhaxeysay January illaa December 2017. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo qeyb ka ahaa Mas’uuliyiintii Dadaalka ugu jiray Siideynta Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay siideynta Siyaasiga. Guddoomiye Taabit ayaa u mahad celiayay Dhamaan intii ka qeyb qaatay sii deynta Siyaasin cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Guddoomiye Thaabit ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii damiinta ka noqday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana damiinta kula jiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Guddoomiye Thaabit: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/12/Taabid-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso: Muxuu Guddoomiye Thaabid ka yiri siideynta C/raxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay mooshin xilka looga tuuray ka geeyaan Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay sii kordheyso qalqalka siyaasadeed ee ka jira dalka. Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo labo bilood ah fasax galay ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada waxa ay doonayaan in dib loo furo arrimo deg-deg ah awgeed, sida uu Xildhibaan Mahad Salaad u sheegay wakaalada wararka ee Reuters. “96 xildhibaan ayaa weydiistey guddoomiyaha baarlamaanka inuu dib u furo baarlamaanka si loo bilaabo eedeymo ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo,waxaana lagu eedeynayaa madaxweynaha inuu ku xad gudbay dastuurka,qayaano qaran,burburin dowladii federalka iyo arrimo kale.”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salad. Hase yeeshee qoraalka lagu codsanayo dib u furista baarlamaanka ayaan loo geyn inay gaartay afhayeenka Baarlamaanka. Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 mudane ayaa laga doonayaa in marka saddex loo qeybiyo labo kamid ah ay xilka ka qaadi karaan Madaxweynaha. Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmajo ayaa ku soo beegmay, kaddib weerar dhiig uu ku daatay oo ay ciidamada ammaanka ku qaadeen guri uu degen yahay mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ka mid ahaa musharaxiin u tartantay xilka Madaxweynaha, waxayna ciidamadu ku dileen shan ka mid ah ilaalada siyaasiga. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in Cabdishakur uu diiday in sharciga uu horyimaado waxana uu horyimid maxkamada shalay balse lama soo bandhigin warqadii lagu amrayay soo xiridiisa,waxaana loo ballansan yahay in Khamiista la horkeeno markale maxkamada. Reuters ayaa daabacday in Warsame uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha waa weyn ee dega Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee taageerayaashiisa iyo dowladaba waxa ay sheegeen in xiritaankiisa uusan sal ku lahayn khilaaf dhinaca beelaha ah. “Xildhibaano badan ayaa ka careysan in dowladda oo sheegata inay sare u qaadeyso dib u habeynta dalka isla markaana xireysa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida Cabdishakur Cabdiraxmaan,”sidaa waxaa u sheegay wakaalada wararka Reuters Xildhibaan Cabdirisaq Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga, ah Bishii August ee sanadkan ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan ayaa waxa ay ku dileen illaa toban ruux deegaanka Bariire, weerarkan ayaa muran iyo carro badan dhaliyay. Milatariga Maraykanka ayaa ku tilmaamay dadkaas la dilay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse Xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ahaayeen dad rayid ah. Dowlada cusub ee Soomaaliya ayaa ka heshay amaan diblumaasiyiinta dadaalada ay ka sameysay ka hortagida musuqmaasuqa ka dhex jira ciidamada milatariga iyadoo hay’ada lacagta adduunkana ay ku amaantay dib u habeynta ay dowladu sameysay. Hase yeeshee dhinaca gudaha ayay dowladu ka wajahaysaa mashaakilaad. Dowlada ayaa shaqada ka erisay saraakiil sarsare oo dhinaca amniga ah Alshabaab oo ku xeel dheer ka faa’ideysiga kala qeybsanaanta beelaha ayaa kordhisay weerarada qaraxyada ah waxaana qaraxii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalo madaxda Muqdisho uu galaaftay illaa shan boqol oo ruux. Khilaaf ka dhex jira dowladaha Qadar iyo Imaaraadka oo labaduba taageera xukuumada Soomaaliya ayaa ka dhex dhaliyay khilaaf xukuumada federalka iyo maamul goboleedyada taasoo dhaawacday sidii ay isaga kaashan lahaayeen ammaanka. Bishan December ayay dowlada Maraykanka waxa ay ku dhowaaqday inay joojinayso gargaarkii ay siin jirtey ciidamada Milatariga sababo la xiriira musuqmaasuq. Xigasho: Reuters Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanada Soomaaliya oo isku dayaya inay mooshin ka geeyaan Madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa habeenkii arbacadii xabsiga laga sii daayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur oo muddo 3 maalin ku jiray gacanta hey’adaha ammaanka. Wararka qaar ayaa sheegaya in lagu sii daayey damiin oo ay ka shaqeeyeen wasiirro, Xildhibaanno, Odeyaal iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada. Shuruudaha heshiiska ayaa waxaa ka mid ah inuusan dalka ka bixi karin, inuu saxaafada la hadli karin iyo in uusan shir qaban karin, inta ay socoto kiiska dacwadiisa. Wararkan oo Faa-faahsan, Goor dhaw, Kala Soco, Goobjoog News Source
-
Waxaa habeenkii xalay ahaa lasii daayey siyaasi C/raxmaan Cabadi Shakuur Warsame oo u xirnaa dowladda Federaalka Soomaaliya. Dedaal badan oo ay sameeyeen Xildhibaanno, siyaasiyiin, waxgarad, odoyaal dhaqameed, madaxweynaha Galmudug, kan Hirshabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu guuleystay in qaab damaanad ahaan loo soo daayo C/raxmaan Cabdi Shakuur. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa si kooban wuxuu barta uu ku leeyahay Facebook ugu xaqiijiyey in lasii daayey Siyaasigan. Shakuur waxaa ka muuqdo dhaawac gacanta midig kasoo gaaray, kadib markii ciidanka dowladda ay ku weerareen hoygiisa xilli habeen ah, waxaana halkaasi ku dhimatay Shan askari oo kamid ahaa ilaladiisa. . Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa talaabadii ay dowlada Federaalka ah ee Somalia ku xirtay Siyaasiga CC Shakuur oo kamid ahaa Musharaxiintii doorashada kula tartameysay Madaxweyne Farmaajo. Warar hoose oo aan ka helnay ilo ka tirsan Xarunta Villa Somalia iyo Xafiiska Xeer ilaalnta, ayaa xaqiijiyay in kiiska weerarka CC Shakuur uu soo degdegay ka gadaal markii laga warhelay in Siyaasiga CC Shakuur iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke ay isla qorsheeyen fulinta afganbi ka dhan ahaa Farmaajo iyo Khere. Qorshaha afganbinta ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid maraayay heer gabagabo isla markaana la dhisay hanaanka loo qeybsan lahaa dowlada cusub ee ku imaan laheyd afganbiga. Dowlada Cusub ayaa waxaa lagu soo dhisay shir khaas ahaa oo ka dhacay magaalada Abu Dabai, kaa oo ay ka qeybgaleen ilaa Afar Siyaasiyiin oo uu kamid ahaa CC Shakuur, iyadoo qorshaha uu ahaa mid uu waday Ra’isul wasaarihii Hore ee Somalia CCC Sharmaarke. Waxaa qorshahaan fashiliyay Xildhibaan ka tirsan BFS oo dhawaan dib u celiyay dhaqaale la sheegay in lagu marin habaabin lahaa, waxaana dhaqaalahaasi bixinaayay Dowlada Imaaraadka Carabta. Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in DFS ay gacanta ku dhigtay Dukumiinti cadeynaaya in Dowlada Imaaraadka ay afganbinta ugu talo gashay lacag aad u cusley oo qiyaastii u dhexeysay 20 ilaa 40 Milyan. Xogta aan ka heleyno Villa Somalia ayaa intaa kusii dareysa in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia CCC Sharmaarke uu isku diyaarinaayay inuu noqdo Madaxweynaha Somalia ee loo diyaariyay inuu ku imaado afganbiga, waxaana arrintiisa sheeda kala socday Dowladaha Imaaraadka, Sacuudiga, Ethiopia, Mareykanka iyo Israel oo dhinac ah. Sidoo kale, dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku howlan dadaal ay kusoo bandhigeyso Dukumiintiyo Qoraal iyo mid Muuqaal ah oo ay ka heshay goobaha lagu diyaarinaayay afganbiga iyo qeybo kamid ah dhaqaalaha loo qorsheeyay. Geesta kale, DFS oo kaashaneysa dhinacyo kala duwan ayaa ku daba jirta shaqsiyaad kale oo la sheegay inay si dhow dowlada Imaaraadka kala shaqeynayaan dhaqangalinta talaabo waliba oo lagu carqaladeynaayo Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog cusub: Maxaa ka jira in DFS ay fashilisay afganbi ka dhan ahaa oo qorshihiisa ay dajisay Dowlada Imaaraadka Carabtay! appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu gargaarka ka jari doono dowladaha u codeeya go’aanka ka soo horjeeda Mareykanka kaasi oo maanta oo khamiis ah ay qabaneyso jamciyadda qurumaha ka dhaxeyso loogana hadlayo arrimaha Qudus. Trump ayaa yiri “Waxay helayaan malaayiin doolar,xitaa waxay helayaan milyaaraad doolar, waxayna u codeynayaan wax naga soo horjeeda waan hagaag waan kormeeri doonnaa codeyntaas”. Safiiradda Mareykanka u fadhisa qaramada midoobay ayuu Trump u xilsaaray inay u soo gudbiso magacyada dowladaha u codeeya go’aanka ka soo horjeeda Mareykanka oo ah inay Qudus tahay caasimadda Israel. Jamciyadda qurumaha ka dhaxeyso ayaa ka kooban 193 wadan waxayna maanta qabaneysaa kulan degdeg ah oo lagu cambaareynayo go’aankii madaxweynaha Mareykanka uu ugu aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda Israel. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada. Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay. Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa. Wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inay Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinteen: Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Maxamed Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali. Shuruudaha lagu sii daayey: 1) Inuusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur dalka ka bixi karin inta dacwadiisa socoto 2) Inuusan ka hadli karin Saxaafadda iyo inuusan adeegsan karin Baraha Bulshada 3) Inuusan wax xiriir ah la sameyn karin Marqaatiyaasha iyo baarayaasha gal dacwadeedka Maxkamadda la geeyey 4) Inuu yimaado Maxkamadda xilli walba oo looga yeero. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arag sawirkii ugu horeeyey ee laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay gacanta u duuban tahay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada. Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay. Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa. Wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inay Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinteen: Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Maxamed Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali. Shuruudaha lagu sii daayey: 1) Inuusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur dalka ka bixi karin inta dacwadiisa socoto 2) Inuusan ka hadli karin Saxaafadda iyo inuusan adeegsan karin Baraha Bulshada 3) Inuusan wax xiriir ah la sameyn karin Marqaatiyaasha iyo baarayaasha gal dacwadeedka Maxkamadda la geeyey 4) Inuu yimaado Maxkamadda xilli walba oo looga yeero. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Shuruudaha damaanadda ee lagu sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda ONline) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada. Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay. Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa. Wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inay Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinteen: Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Maxamed Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Yaa Damiintay Cabdiraxmaan Cabdishakuur? (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo uu ku xirnaa tan iyo habeenkii Axada. Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano ayaa oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay. Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa. Xildhibana Axmed Macalin Fiqi ayaa goor dhow qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in la la sii daayay C/raxmaan C/shakuur Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa xaqiijiyay in C/raxmaan C/shakuur uu xoriyadiisii dib u helay. “Ugu dambeen Siyaasi C/raxmaan C/shukuur xabsigii wuu ka soo baxay, haddii uu ku jiri lahaa qaran dumisnimo iyo khiyaano qaran sida ay ku andacoonayeen sharcigu ma ogolaadeen in la damiinto ama la soo daayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Xildhibaan Fiqi oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay sii deynta C/raxmaan C/shakuur, waxa uuna yiri “Dhammaan intii sharciga iyo xaqqa u hiilisay ee garab istaagtay C/raxmaan C/shukuur waa ku mahadsan yihiin, wuxuu ahaa hiil xoriyatul qawlka iyo dimuqraadiyadda loo hiiliyay.” Ciidanka NISA, ayaa habeenkii Axada weerar qorsheysan ku qaaday hoyga uu C/raxmaan C/shakuur ka degan yahay Magaalada Muqdisho. Weerarkaasi waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid sharciga liddi ku ah. Garyaqaan Tahliil Xaaji oo ka mid ah qareenada difaaceysa C/raxmaan C/shakuur, ayaa sheegay Ciidanka NISA inaanay wadan warqad lagu soo xiri karay Siyaasigaasi. C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post C/raxmaan C/shakuur oo xabsiga laga sii daayay appeared first on Caasimada Online.