-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Soomaalidu waxay Tiraahdaa “Hasha Maankey Gadayee Ma Masaar bey liqdey “ Waxaa Murtidaaa loo soo qaataa marka aad wax kaa yaabiya aad aragto marka waxaan arrintaan u soo qaatey markii aan Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu soo jeediyey in Xasaanada laga qaado Laba Xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Xasan Macalin iyo Xildhibaan saabir Nuur Shuuriye si baaritaan loogu sameeyo Dhacdada ka soo yeertey Xeer Ilaaliyaha waxaan dhihi kartaa waa Dhacdo ugub ku ah Ummada Soomaaliyeed waayo waa markii ugu horeysey oo ay shacabka maqlaan in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo la leeyahay Xasaanada ha laga qaado sidoo kale waa Dhacdo iyana ugub ku ah Bahda Warbaahin waayo War noocaan oo kale ah intii aan bahdda Warbaahinta ka tirsanaa weli ma maqal Markii aaan Furtey Idaacada ayaa warka Hordhaciisa ka maqaley War sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo Baaritaan lagu sameynayao waxaan is Iri armaa la soo wadaa kuwii maalmahaan Warbaahinta ku badnaa hase yeeshee warkii aan filayey mid ka duwan ayaa soo yeero ah kaasoo ah in Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye Xasaanada laga qaado Markiiba waxaa Qalbigeyga ku soo dhacay Sheekadii aan yaraanteyda Maqnli jirey oo ahayd “ Aabow Kan yar iga Dhici kan weynaa iska Dhicinayaa” Waxaan ii Muuqda Siyaasadii Soomaaliya oo Caloosha laga rarayo waayo raga uu Xeer Ilaaliyaha uu tilmaamey waa raga aan in badan aan laga maqal Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Xitaa Social Media ay leeyihiin maalin waxba ugama sheegin Dowlada Federaalka, Xaqiiqdii maanta wan u Garaabi lahaa Dowlada hadii Ragaan ogahay ay Xasaanada ka qaadi lahayd po Dacwad ku soo oogi lahayd Bulshadana waxay u qaadan lahayd Dowlada Mucaaradkeeda iska dhiicineyso taasi ma dhiicin Labo Dhacdo o Dalka ka dhacdey ayaa waxaan damcaey in aan ka wareysto Xildhibaan Saabir mid waxay ahayd Dhacadii Bariire waxaana ku iri “ Xildhibaan waxaan doonayaa in naan kaa wareysto Dhacdadii Bariire waxaana uu yiri “Saaxiib ma doonayo in aan arrintaas ka hadlo “ Dhacdii kale ee aan doonayey in naan ka Wareysto Xildhibaanka Waxay ahayd Arrintii Qalbi dhagax waxaana uu yiri “ No Comments “ ma doonayo inn aan arrintaas ka hadlo markaa Saaxiib arrimo kale iga wareyso Sidoo kale waxaan Xildhibaan Saabir goor sii horeysey iigu yeerey shaqo Warbaahineed oo ku saabsan Shirkadda Favori waxaan damcay in Sawiro ka qaado waxaana uu I yiri “ Walaal ma doonayo in Barnaamijkaan aan ka muuqdo marka Shaqaalaha kale ee Shirkada ayaa ku siinaya wixii Warar ah oo ku saabsan qaabka shaqo ee Shirkada ee Garoonka Diyaaradaha oo Xilgaas ay shirkada ka bilaabeysey Dhisme waxaas oo dhan waxay kuu tilmaamayaa sida uusan saabir u dooneyn in uu wax Dumiyo Xasan Macalin inkastoo aan Xiriirin hadana waa uu la mid yahay Xildhibaan Saabir oo Labadooda Galaagal kuma aha arrimaha Warbaahinta waliba Social Media Mucaaradadooda aad bay u yar tahay waxayna isaga mid yihiin in Warkoodu ku bato Warbaahinta marka waa laba Shaqsi oo aad isku ilaaliya islamarkana Qunuyar Socod, waxyaabaha aan aad u la yaabey waxay ahayd markii lagu eedeeyey Labadooda Lacago ka soo qaateen Dowlado Shisheeye balse waxaan la is weydiin Xasan iyo Saabir maanta ma yihiin kuwa u baahan Dhaqaale sidaa Darteed warka Xeer ilaaliyaha waa la dhihi karaa waa mid aan laga fiirsan oo u baahnaa in meelo badan laga eego Waliba waxaa jira Fududeyd dhinaca la talinta sidaa Darteed maalmaha soo socda ayaa la kala ogaan doonaa wixii jira iyo halka uu ku dambeeyo Warka Xeer ilaaliyaha Gabagabadii Dowladda Farmaajo waxay ku timid Rabitaanka Shacabka waxay ahayd in ay wax badan Xeeriso waayo dalkaan waxaa ka dhacay dagaal Sokeeye waxaa idiin ka hor imaanayaa Caqabado badan,waxaana Caqabadahaas uga Gudbi kariaan waa Samir iyo Dulqaad waxaa Xaqiiqo ah in aad ku jirtaan Guri Muraayad marka yaan la bilaabey in aad Dhagaxaan Tuurtaan,sidaa darteed dal baan Hogaaminayaa hadana Dulqaad ma lahi isma qabaneyso W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uK Tel: 00252615532494 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Sheekada Saabir iyo Xasan Sow uma eka “Aabbow Kan yar iga dhici kan weynaa iska dhicinayaa” appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada beesha Isaaq ee Muuse Biixi ayaa maanta magaalada Hargeysa jirdil xoogan ugu geystay Cabdulraxmaan dabcasar, oo halkaas waayahaan ku sugnaa. Dabcasar oo Facebook-giisa live kasoo galay isagoo sariir dul saaran oo sheeganaya in jug xoogan la gaarsiiyay, ayaa cadeeyay in loo xoog sheegtay, wuxuuna sheegay inuu u maleyayay in magaalada Hargaysa ay tahay Meel Cadaalad iyo Maamul Wanaag ay ka jirto. Wuxuu beesha Isaaq ka dalbaday inay kasoo garbaxaan. Puntlandi.com
-
Following the successful transfer of power between the two presidents in Somaliland on December 13th, 2017, it is going to be the first time that Somalilanders hear from their leaders that government officials have to register their assets as well as not be involved in a participation of clan-group of meetings based on special interests. The outcome of the first meeting of the new cabinet with president has attracted the attention of the citizens. The president has sworn his cabinet in keeping the secrets of the government and the nation which is a sign of action where nobody will know the key decisions of the government before being disseminated as this was a course of action for which citizens used to gossip the former Kulmiye government. Holding handover ceremonies to the government ministerial premises, registering all their assets, wealth and not attending the clan interest based ceremonies were the key orders given to the new cabinet in their first introductory meeting with the president. Thus, new action point released yesterday would be instigation for Bihi’s government to act against many challenges including the combat of corruption, droughts, unemployment, and disintegration of the citizens and improving the security of the nation. It is the government’s mandatory to implement the rule of law and registering the movable and non-movable assets for all appointed and elected government heads that shows the huge need for accountability and rule of law implementation in Somaliland. The new orders for the ministers would be an interesting example of how the new government is ready to give priority for the combat of corruption and tribalism in the country. If accountability and the rule of law prevail, Somaliland could be able to attract more foreign direct investment that can lead a job creation and increasing revenue collection that can allow Bihi’s government to deliver better services to the Somaliland people. Somalilanders are praising the president for his nomination of young ministers, removal powerful presidential ministry and not included the nomination of his cabinet with Diaspora personnel who have been a half of the former Silanyo administration that most of the people hated. The expectation is now high and the government should reduce unemployment, especially among young people, who are needed to diminish their attractiveness in committing crimes against the state as many youth are no gangs, robbers and involved in illegal migration in Somaliland. (Muse Jeeh, Freelance writer, Hargeisa Somaliland)
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed. Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faray Hey’addaha sharci fuliyeyaasha, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay waajibaadkooda gutaan. Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo. Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug. Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay. Haddaba muxuu Dastuurka ka qabaa Arrintaas Qodobka 70aad ee dastuurka, waxaa uu ka hadlayaa xasaanadda Xildhibaannada golaha shacabka, kaas oo u qoran sidan: (1) Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa. (2) Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah. (3) Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka. (4) Sharci gaar ah ayaa qeexaya xasaanadda Xilidhibaanada Golaha Shacabka. (5) Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Khasnadda Dhexe ee Xukuumadda Federaalka. Xildhibaanka haddii xasaanadda laga qaado, micnaheeda ma aha in uu xubinnimada lumiyay! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso muxuu dastuurka ka qabaa in Xildhibaan xasaanad laga qaado dambina lagu soo oogo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogay labo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo. Dr. Axmed Daahir ayaa faray Hay’addaha sharci-fuliyeyaasha, sida booliiska iyo hoggaanka baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay gutaan waajibaadkooda. Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo Xeer-ilaaliyaha guud ayaa dalbaday in xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo hor-geeyo sharciga. “Xildhibaannada kala ah; Xasan Macallin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo Qaran-dumis, waa in xasaanadda laga qaadaa, baaris-dheer kaddib waxaa ku cadaatay Dowlad-dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali. Dhakna kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xildhibaanno kale oo dhibaatooyin noocan oo kale ah wada ay jiraan, isla markaana uu amar ku siiyay hay’adaha amniga inay baaritaanno ku sameeyaan si ciddii ay ku cadaato sharciga loo hor-geeyo. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay nooceeda oo uu ku dhawaaqo xeer-ilaaliayaha Qaranka, wuxuuna hadalkaan uu kusoo beegmayo iyadoo dhawaanahan ay jireen hadallo ku aaddan mucaaradnimo. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wariye Maxamed Aweys Muudeey [Boqorka bartamaha] oo muddo afar sano ah ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho, kaddib markii maalin ka hor xabsigii ku xirnaa laga sii daayay. Suxufigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Somalia, suxufiyiin iyo qaar ka mid ah madaxda saxaafadda Soomaaliyeed, isagoo halkaas kula hadlay suxufiyiintii iyo dadkii kale ee soo dhaweeyay. “Waxaan u mahad-celinayaa Dowladda Itoobiya oo aqbashay inay xabsiga iga sii dayso muddo sannado ah kaddib, waxaana sidoo kale u mahad-celinayaa Dowladda Somalia oo codsigeeda la isugu sii dayay,” ayuu yiri Boqorka Bartamaha. Isagoo sii hadalaya ayuu Wariye Muudeeya sheegay inuusan wax dambi ah gelin, balse ay amarka ALLE ku noqotay in la xiro, haatanna laga soo daayo xabsigii lagu xiray ee Itoobiya. “Dowladda Itoobiya, waxaan weydiisanayaa inay xabsiyada dalkeeda kasii dayso tiro muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo muddo sannado ah halkaas ku xirnaa,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay Muudeey. Wariyaha ayaa hadalkiisa ku daray in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu tilmaamayo ay ku xiran yihiin xabsiyo ku yaalla dalalka Jigjiga iyo Addis Ababa oo ah xarunta Itoobiya. Ugu dambeyn, Wariye Boqorka-bartamaha ayaa waxay dowladda itoobiya ku xukuntay 27-sano oo xabsi ah, kaddib markii la sheegay in lagu helay falal argagaxiso, inkastoo wariyuhu uu diiday in eedeyaha loosoo jeediyay ay ahaayeen kuwo sax. PUNTLAND POST The post Wariye muddo ku xirnaa Dalka Itoobiya oo Maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ku soo oogay labo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen fal dambiyeed. Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faray Hey’addaha sharci fuliyeyaasha, sida Booliska iyo hoggaanka Baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay waajibaadkooda gutaan. Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo. Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug. Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay. Maxaa lagu heystaa? Illo wareedyo ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaaliya Qaranka ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay in labadaan xildhibaan lagu hayo falal aad u weyn. Illo wareedyadaas ayaa Xaqiijiyey in labadaan XIldhibaaan lagu hayo inay Xildhibaano lacag kaga saxiixeen Mooshin ka dhan ah madaxweynaha isla markaasna ay dowlado shisheeye u adeegayaan. Waxaa la sheegay in la hayo caddeymo arrintaas ku aadan isla markaasna ay maxkamadda horteeda soo istaagi doonaan xildhibaano ku marqaati furayo marka labadaan Xildhibaan laga qaado Xasaanada. Labadaan Xildhibaan ayaa la sheegay inay lacago kasoo qaateen dowlado ay kamid tahay Imaaraadka Carabta. Waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyey inay dalka ka abuurayaan foodo iyo Xasilooni darro siyaasadeed, waxaana kaloo lagu hayaa qiyaano qaran iyo inay u adeegayaan dano shisheeye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrinta lagu heysto labada Xildhibaan ee lagu eedeeyey qaran dumiska oo la ogaaday iyo xildhibaano diyaar u ah inay …. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, kaasoo ahaa eedeyn isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin Fal dambiyeed Qaran dumis ah. Xildhibaan Saabir oo qadka taleefanka kula hadlay Saxaafadda, isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku tilmaamay eedeyntaas mid aan raad iyo wax loo cuskado aanay laheyn. “Eedeyntaas waa wax aan sal iyo raad midna laheyn, waxa uu leeyahay waa baarnay in aysan jirin, waayo aniga dalka waa ka maqanahay, nin dalka ka maqan in la dhaho waa baaray wax is leh maba lahan, halkaas ayaa caddeyn kugu filan, isagaa u baahan in xilka laga qaado, waayo isagoo magacii garsoorka wata in loo adeegsado sharci bur burin waa wax qaldan, cida u baahan in tallaabada laga qaado waa isaga”ayuu yiri Xildhibaan Saabir. Xildhibaan Saabir ayaa arrintan ku tilmaamay daan daansi ay wadaan Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wsaaaraha oo uu ku eedeeyay in maalmahan ay wadeen isku dayo lagu caburinayo Xildhibaanada, looguna gafayo magacooda. “Waxaa u arkaa arrintan in bilowgeeda ay tahay daan daansi Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay wadaan, waayahan waa la socoteen marna Ruwaayadaha beenta ah ee la waday, marna Culimada, marna Baraha Bulshada lacag fara badan lagu bixinayay oo aheyd hantidii qaranka in Xildhibaanada lagu caayo, tanna waa wax aan sugeyn, wax bilow ah ma ahan” Waxaa uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha hadii uu wax ka hadlayo ay aheyd inuu ka hadlo arrinta Qalbi Dhagax oo uu xusay in aheyd qodob dastuur ah oo la jebiyay. “Xeer Ilaaliyaha Hadii uu wax ka hadlayo waxay aheyd arrinta Qalbi Dhagax inuu ka hadlo, oo runtii si sharci darro ah dal kale loogu dhiibay, taas ayaa aheyd qodob dastuuri ah oo la jebiyay, Baarlamaankana uu sharci darro ku tilmaamay, marka taasaa sax aheyd inuu ka hadlo,”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir. Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Golaha shacabka in aysan aheyn arrintan wax shaqsi ku saabsan, balse ay tahay waxa lagu xadgubayo sharafka Xildhibaanada, isagoo ku baaqay inay u kacaan la xisaabtanka Xukuumadda iyo Madaxweynaha. “Xildhibaanada baaq dheer ayaa u dirayaa, oo ah in aysan aheyn wax shaqsi ama qof ku saabsan ee waxa lagu xadgubayo ay tahay sharafkooda iyo karaamadooda, inay hurdada ka kacaan oo la ixsaabtanka inta garatay Xukuumadda iyo Madaxweynaha ay la xisaabtamaan”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir. Hadalka ka soo yeeray Xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd ku qabtay magaalada Muqdisho Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu ku soo oogay fal dambiyeed ku aadan in isaga iyo Xildhibaan Xasan Macalin ay ku lug leeyihiin dowlad dumis, isla markaana dal shisheeye ay lacag ka soo qaateen. Isha: Jowhar Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaan Saabir “Hadalka Xeer Ilaaliyaha waa daan daansi ay wadaan Xafiiska Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogay labo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo. Dr. Axmed Daahir ayaa faray Hay’addaha sharci-fuliyeyaasha, sida booliiska iyo hoggaanka baarista dambiyaya in wixii maanta ka dambeeya ay gutaan waajibaadkooda. Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Guddoomiyaha baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal cadeynaya labo xildhibaan oo galay fal dambiyeedyo waa weyn, sida abaabul iyo sharci darro qaran dumis, isla markaana cadeymahooda oo dhameystiran la haayo Xeer-ilaaliyaha guud ayaa dalbaday in xildhibaannada kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nuur Dhuuriye laga qaado xasaanada, si loo hor-geeyo sharciga. “Xildhibaannada kala ah; Xasan Macallin Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye waxay galeen dambiyo Qaran-dumis, waa in xasaanadda laga qaadaa, baaris-dheer kaddib waxaa ku cadaatay Dowlad-dumis iyo inay dhaqaale ka soo qaateen dowlado shisheeye,” ayuu yiri Dr. Axmed Cali. Dhakna kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xildhibaanno kale oo dhibaatooyin noocan oo kale ah wada ay jiraan, isla markaana uu amar ku siiyay hay’adaha amniga inay baaritaanno ku sameeyaan si ciddii ay ku cadaato sharciga loo hor-geeyo. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay nooceeda oo uu ku dhawaaqo xeer-ilaaliayaha Qaranka, wuxuuna hadalkaan uu kusoo beegmayo iyadoo dhawaanahan ay jireen hadallo ku aaddan mucaaradnimo. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Baarlaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyo appeared first on Puntland Post.
-
Somalis where ever regions they live are a long time victim of tribalism, a problem that is worse than everything else; – disease-calorie, poverty, drought, corruption, and unemployment, despite for the fact that they are homogenous who shared the same ethnic background, religion, language and culture, its yet to see a change “democratization process” from the political culture of camel to a fully democratic society. Somaliland regained and declared its independence from the rest of Somalia in 1991, but remained unrecognized by the international community. The state has already experienced two decades of major shifts in its security situation, political system and economy with major improvements. These stabilities and progress stemmed from the Borama peace conference in 1993 which had a significant impact on the future of the country in terms of establishing framework for managing security, political structure, foundation of independent state, transfer of a power from militia to a civilian government and establishing multi-political parties which held its sixth rivalry elections on 13th November, 2017, hence, the problem of tribalism currently remained unsolved after 7 years of abuse of power with almost most of the politicians in the government involved in clan based politics-a threat to the nation’s hope and progress. The term Privatization can refer to the act of transferring ownership of specified property or business operations from a government organization to a privately owned entity, as well as the transition of ownership from a publicly traded, or owned, company to a privately owned company, over the past 7 years, Somaliland people saw a similar incidents, a transfer of ownership from the government to a group of psychopathy-psychopaths are without conscience and incapable of empathy, guilt, or loyalty to anyone but themselves who wants to increase their wealth and income, these are said to have a propensity to break rules and tread the extreme boundaries of acceptable behaviors, taking advantage of people who trust whom they serve. This transfer of ownership to an in-group private clan networks (called Jeegaanta) with International NGO’s had a governance framework that was characterized by the systematic abuse of state power, a lack of transparency, accountability, the mismanagement of the public resources, the exclusion of people from participation in the governance process and the lack of public services. However the problem can be traced back to the prior of the European colonialism, Somali society was stateless and were divided in to a sequence of clans and sub-clans, they were pastoralist, who shared land, pastures and water wells who competed and cooperated traditionally over access to these water and other pastoral sources, if one of the members of the clan’s camel was attacked and taken by another, it was and still is like that the whole clan’s camel was attacked, owing to the fact that this kinship system was a function of the environment from which Somalis pastoralist have derived and obtained a livelihood living, and which required cooperation between groups and individuals for survival. Such mentality was correct and right in that environment, land, and have had many benefits in that context since there were no state and police to protect them, that kind of outlook/attitude is imported to the modern Somali politics, and now the government is related and associated with the pastoralist culture which is incompatible to go hand and hand, like the camel culture, clans are claiming their seats in the government and the ministries, if one talks about it, receives criticism from the clan of the minister who though that their camels were taken. The ministries and the president can be any one of the society, as a result of these, what has happened in the past years of Kulmiye administration in Somaliland was a networks of patronage and the creation of clandestine economic channels for personal gain, with this pastoralism culture application in the government, now created the wealthiest criminals (hundred men of millionaires) who got rich the illegal way. Prior to the Kulmiye Government and before the creation of Jeegaanta, the situation were better, but now the revival of these strong behaviors and loyalty has been experienced by the majority of Somaliland people, historically, the aim of HAGBAD was not to enrich another group, but was a simple mechanism since there were no savings and borrowings-financial institutions. The latest presidential election of Somaliland was no different, it has had many challenges and irregularities though the result was accepted, and there are many lessons if not to be drawn on next elections will have a negative consequence on Somaliland democratization process and the peace resolutions. The solution is to bring this pastoralist culture back to the countryside and start understanding the rule of law and the government system said by Gariye in his interview with RDT in Djibouti, I do strongly agree with him, either we should fully employ the pastoral culture or we should rethink and build nation-state based on ethics, good governance and democracy, there is nothing in between the two. Will the current government proceed the same creation of injustice and illicit economic channels? Or will they take different route/direction, the choice is theirs. Mohamed Ilmi, Senior Consultant, Researcher, and Trainer.
-
Guddoomiyaha gobolka Mudug, Xasan Maxamed Khaiif (Abgaalow), ayaa sheegay hadda kadib cidii magaalada Gaalkacyo ka dhex abuurta rabshad in tilaabo wadajir ah laga qaadidoono islamarkaana uu soo dhamaaday xilligii la isaga waji gamban jiray reer reer. Guddoomiyaha yaa hadalkaan ka sheegay madal lagusoo bandhigayay heshiis horudhac ah oo ku saabsan adkaynta nabad gelyada magaalada Gaalkacyo, heshiiskaas oo ay kala saxiixdeen Puntland iyo Galmudug. Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in tilaabo adag laga qaadidoono cida iska hor keenaysa labada maamul ee shidada ka wada gobolka Mudug, kuwaas oo hadda kadib uu sheegay in si toos ah loo bartilmaameesandoono. Halkaan ka dhegays codka guddoomiyaha. Codka guddoomiyaha gobolka Mudug Halkaan hoose ka akhriso heshiiska.
-
Xildhibaanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, waxaa jirta qodob ka hadlaya Xasaanadda ama uu ku weyn karo xubinimadiisa, waa labo qodob oo kala duwan Qodobka 70aad ee dastuurka, waxaa uu ka hadlayaa xasaanadda Xildhibaannada golaha shacabka, kaas oo u qoran sidan: (1) Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa. (2) Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah. (3) Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan Golaha Shacabka. (4) Sharci gaar ah ayaa qeexaya xasaanadda Xilidhibaanada Golaha Shacabka. (5) Gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada Golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Khasnadda Dhexe ee Xukuumadda Federaalka. Dhinaca kale, qodobka 59aad ee dastuurka waxaa ku qoran sababaha uu Xildhibaan ku lumin karo xubinnimada baarlamaanka federaalka ah (1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa: (a) Xubinta oo Geeriyoota (b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah. (c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado. (d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah. (e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn (f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga. (2) Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey. (3) Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka. Goobjoog News Source
-
Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir oo goordhow Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku saabsan Xildhibaano uu ku sheegay in ay yihiin kuwo qaran dumis ah. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Xildhibaanada lagu kala magacaabo Xasan macalin maxamuud Abdi saabir Nuur Shuuriye ay gudoonka Baarlamaanka u gudbiyeen in Xasaanada lagala noqdo. Waxa uu Axmed Cali Daahir ku eedeeyay Xildhibaanadaasi in ay lacago ka soo qaateen wadamo shisheeye islamarkaasina ay ku duminayaan dowlada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Sheegay in Baaritaano lagu wado Xildhibaano Baarlamaanka Katirsan appeared first on Puntland Post.
-
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa golaha shacabka ka codsaday in ay xasaanadda laga qaado labo Xildhibaan uu sheegay in lagu eedeeyay fal-dambiyeeydo. Dr. Axmed Cali Daahir oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa rabaa in aan cadeeyo in ay jiraan mas’uuliyiin, Xildhibaanno maalmahan dambe ku mashquulsanaa duminta dowladnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya dhaqaale ay ka heleen dalal ajnabi, sidaasi darteed ay lagama maarmaan tahay in tilaabada sharci ee ku haboon laga qaato”. Xeer ilaaliyaha oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Innaga oo halkaasi ka duuleyna, waxaan maanta guddoomiyaha golaha shacabka iyo baarlamaankaba aan u gudbinay qoraal cadeynaya labo Xildhibaan oo abaabul iyo sharci-darro iyo qaran dumisnimo lagu eedeynayo, cadeymaheedii, baaritaankeedana uu dhameystiran yahay in ay xasaanadda ka qaadaan, si loo horgeeyo sharciga, baarista dhimanna loo dhameystiro, labadaasi Xildhibaan oo magacyooda ay kala yihiin: Xildhibaan Xasan Macalin Maxamud iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, labadaasi xildhibaan baaris dheer kadib ay xafiiska u muuqatay in ay galeen fal-dambiyeedyo u baahan in baaris lagu sameeyo, si baaristaan loo dhamestiro, haddii u muuqana loo aan horgeeyo maxkamadda awoodda u leh waxaan baarlamaanka iyo guddoomiyaha xasaanadda laga qaado” Xeer-ilaaliyaha qaranka waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aan la iska yeeleyn harcigaas lama socon, sidaasi uma maleynin, sharciga haddii uu faafinta rasmiga ku baxo, ay ka dhigan tahay in la wada og yahay Dhinaca kale, Hey’adaha fuliyaasha sida booliiska, hoggaanka baarista dambiyada iyo xeer ilaalinta waxaa uu faray in ay shaqo ka dhigan-doonaan sareynta sharciga. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday Xukuumadda inay u soo gudbiso tirada ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan. Hadalkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo uu ku dhawaaqo Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, inkastoo ciidamadan shisheeye ee dalka u sugan ay ku joogaan ogolaasha baarlamaanka Soomaaliya. “Waxaa maqalnay in ciidanka AMISOM ay dalka ka baxayaan, sidaa darteed haddii ay baxayaan waa in aan xog ka hayno. Sugidda Amniga anaga dhan ayuu waajib naga saaran yahay Xukuumadda kaliya ma ahan,” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo intaa ku daray inay muhiim tahay in marka ciidamo imaanayaan iyo marka ay baxayaan la ogaado. Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaannada kale lala socodsiiyo marka askar dalkooda la keenayo, isla markaana iyagoo aan ansixin aan askar dalkooda la geyn sida uu hadalka u yiri. “Waa inaan nala socodsiiyo oo aan ogaano ciidamada shisheeye nidaamka iyo shuruudaha ay ku joogaan, waa arrin meel gaar naga taabaneysa, baarlamaanada kale hal askari marka bannaanka laga keenayo xataa waa loo geeyaa, iyagoo aan ansixin dalkooda looma geeyo,” ayuu yiri Jawaari. Dhanka kale, Jawaari ayaa sheegay in gole ahaan ay xaq u leeyihiin, isla markaana tahay arrin lagama maarmaan, waxaana uu faray guddiyada arrimaha gudaha iyo difaaca inay arrintan il gaar ah u yeeshaan. Ugu dambeyn, 22-kun oo Askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa ku sugan Somalia, sidoo kale Ciidammo Mareykan ah oo gaaraya boqollaal askari, ciidamo ka socda dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo dalal kale ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia. PUNTLAND POST The post Xukuumadda FS oo la weydiistay inay soo gudbiso Tirada Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto ku magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland. In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol ayaa xilkaan loo magacaabay, wuxuuna madaxweyne Biixi uu wareegtadiisa ku sheegay in shaqsigan uu kasoo bixi karo waajibka la saaray, leeyahayna aqoonteeda. Halkaan hoose ka akhriso wareegtada: Xafiiska Madaxweynaha Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017. Wareegto Madaxweyne Magacaabid. Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh); Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: Wada-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirweynaha Qaran ee siyaasadda dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana soo qabanqaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkaan waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya dhallinyaro, ururada bulshada rayidka iyomarti sharaf kale. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa furitaanka shirkaan ka qeybgalay, waxaana shirkaan inta uu socdo looga hadlayaa siyaasadda dhallinyarada ee dhowaan ay meelmariyeen golaha wasiirada. Dhallinyarada ayaa dhiiban doona aragtidooda, waxaana ay soo jeedin doonaan talooyin la xiriira siyaasadda dhallinyarada. Waxaa kaloo shirkaan looga hadli doonaa sidii loo mideyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan, maadaama 70% dalka dhallinyaro yahay. Goobjoog News Source
-
Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo Afar Sano ku xirnaa dalka Itoobiya, kuna xukunnaa 27 sano oo xabsi ah ayaa maanta Muqdisho la keenay, kadib dedaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya. Boqorka Bartamaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Suxufiyiin. Mar uu si kooban ula hadlay warbaahinta wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxan yahay inuu dib u helo xorriyaddiisa, islamarkaana dowladda Federaalka ayuu wariye Muudey uga mahadceliyey dedaalka ay kusoo deysay xilli uu quus joogay. Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho la keenay 7 ruux oo kamid ahayd maxaabiis ku xirneyd jasiiradda Seychelles, waxaana maxaabiistaan oo qaarkood sanado badan xirnaa lasoo wareegtay dowladda federaalka Soomaaliya. Mudadii yareed ee ay shaqeyneysay dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo waxay ku guuleystay in dalka dib ugu soo celiso maxaabiis badan oo ku dhibanaa qaar kamid ah dalalka caalamka. Goobjoog News Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris. Xildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya. Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo. Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug. Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay. Labada Xildhibaan ee lasoo eedeeyey ayaa kasoo kala jeedo beelaha: 1) Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo kasoo jeedo Beesha Murusade 2) iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo kasoo jeedo Beesha Saleebaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso Beelaha ay kasoo kala jeedaan labada Xildhibaan ee lagu eedeeyey Qaran dumis appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Fal-naxdin leh ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Soonakey degmada Hodan ee gobalka Banaadir kadib markii koox hubeysan ay saqdii dhexe Gurigiisa ku dhax gowraceyn wiil dhalinyar ah sida ay noo sheegeyn dadka deegaanka. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegtay In la Gowracay Alle ha u naxariistee Axmed C/lle Axmed oo la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyaro maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa Xuska dhalashada NNKH, waxayna arintaasi walaac ku beertay dadka deegaanka. Marxuumka la gowracay ayaa da’diisa lagu qiyaasaa 25 jir ka tirsanaa dhalinyarada ugu fir fircoon xaafadda sidoo kale ka tirsanaa Culumada raacata barashada Cilmiga diiniga lamina oga cidda ka dambeysay falkaan walaaca ku beeray shacabka Muqdisho. Haweeney ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay KNN ayaa Sidoo kale sheegtay in maydka Marxuumka loo qaaday Xarunta dambi baarista ee Booliska Soomaaliya “CID” waxaana ku socda Baaritaano la xariira falkaan dhacay waxay sidoo kale sheegtay hore xaafadooda loogu dilay wiil iyo aabihis ka tirsanaa dadka aad-ka loogu yaqaano Soonakey. Sidaan oo kale ayaa warbaahinta Baraha Bulshada waxay soo bandhigayn muuqaalo muujinaya nin ay sheegeyn in uu xusayay Dhalashada Nabi Muxamed oo lagu gubay gurigiisa oo ku yaala Soomaaliland. Sanad walba ayaa xiligaan oo kale loo dabaal dagaa Xuska Dhalashada Nabdi Muxamed NNKH waana bilaha ugu qiimaha badan ee Muslimiinta, bishaan ayaa si weyn loogu dabaal dagay Soomaaliya gaar ahaan muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wadaad xusayay Dhalashada Nabi Muxamad NNKH oo Muqdisho lagu gowracay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya in lagu sameynaayo Baaris. Xildhibaanadan ayaa wuxuu sheegay in lagu soo eedeeyay, eeda ah Qaran dumis iyo in dowladdo shisheeye ay ka soo qaateen lacag ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda Somaliya. Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay Gudoonka Baarlamaanka Somaliya inay u gudbiyeen warqad ay ku dalbanayaan in xasaanada laga qaado labadan Xildhibaan si baaris dhab ah loogu sameeyo. Labada Xildhibaan ee xeer ilaaliyaha uu eedeeyay, ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo labada laga soo doortay deeganada Maamulka Galmudug. Lama oga eedeyntaan culus ee Xildhibaanada loo jeediyay iyo kiiskaan lagu soo oogay ee ku aadan Qaran dumiska, waxa ka dhabta ah, maadaama Xildhibaanadan aysan weli ka jawaabin eedeyntaan culus ee loo soo jeediyay. Hadalka Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo Xildhibaano ka tirsan dowladda ay jiraan, kuwaasi oo mucaarad ku ah Dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Lama oga sida ay arintaan ku suurta gali doonto, balse arintaan ayaa ku soo beegmeysa xili mas’uuliyiin u badan Xildhibaano lagu xanto ay Laaluush ku soo qaatayn abaabulka mooshin lagu sheegay qaran Dumis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Laba Xildhibaan oo xasaanada laga qaadayo kadib markii lagu eedeeyey arrin yaab badan iyo Xeer Ilaaliyaha oo… appeared first on Caasimada Online.
-
FILE – Somalia’s Prime Minister Hassan ali-Khaire addresses lawmakers during a parliament session in Mogadishu, March 1, 2017. Somalia’s prime minister, Hassan ali-Khaire, said his government had demanded the U.S. briefly suspend aid to much of Somalia’s armed forces in an effort to improve transparency and accountability following corruption concerns. Speaking Saturday to reporters in Mogadishu, Khaire blamed former Somali governments for U.S. concerns about corruption. “In the first month in office, my government stood for the need for Somalia to be governed on transparency principles,” he said. “To ensure such principles, Somalia and the U.S. government have agreed to this aid suspension.” He said that the pause in assistance was part of his government’s effort to fight corruption by tackling misconduct and opening the door to accountability. “We have done a study that made it possible to find out the challenges against rebuilding our national army, including diversion of soldiers’ salaries, lying about the list of the active and alive military personnel, and as a result, we have jointly decided to suspend the U.S. aid to parts of Somalia’s military for a few weeks until we improve and fix the errors,” Khaire said. Mattis ‘sure’ of progress On Friday, U.S. Secretary of Defense Jim Mattis said that he was optimistic about improving Somali accountability concerning the distribution of American aid to Somali armed forces. “I’m sure we can get this thing under control, even if it’s not for the whole, but for parts of it,” Mattis told reporters at the Pentagon. Despite the aid suspension, Khaire said his government was confident that it had gained the trust of both Somali people and its international partners. “In the light of the recent IMF [International Monetary Fund] and World Bank reports on Somalia and the work we have so far done, we are confident that we have gained the trust of the Somali people and our international friends,” he said. For nearly two decades, Somalia has been among the world’s most corrupt countries, topping the list made by the corruption monitoring group Transparency International. Nepotism, favoritism, bribery and aid embezzlement have been commonplace across all sectors, making many citizens believe that corruption is a normal way of life. VOA
-
MOGADISHU– Several senior Al-Shabaab militants were killed in a drone strike on the outskirts of the coastal city of Kismayo in southern Somalia. A military official who prefers not to be named said several strikes hit an Al-Shabaab base in Berhani location, some 60 km south of Kismayo, killing several senior militants. Residents of Berhani location said there were huge explosions early hours of Saturday. “We heard huge explosions and the earth was shaking. We are told Al-Shabaab base was hit by American drones,” a resident said. “The strike hit the base where the militants were meeting leading to several casualties,” the military officer from the Somalia National Army said but did not indicate any figures. There is no official confirmation from the U.S. Africa Command (Africom) yet. Africom, which has been using drones to attack Al-Shabaab and the Islamic State (IS), carried out at least ten strikes in southern and northern Somalia in November. The strike came barely a week after another hit a minivan suspected to be ferrying explosives in Lower Shabelle region. Somalia’s defense minister Mohamed Ali Haga told journalists on Friday the country needed more U.S. drone strikes to counter the militant groups in the country as African Union forces begin to exit the country this month. “The Somali security sector is still disorganized. And we need more drone strikes because a drone can strike the snake in the head.” Xinhua
-
Chairman of the Somaliland Diaspora Agency at the Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation of the Republic of Somaliland Mr. Abdi Abdullahi Hersi (Dayaxweerar), his fellow executive team and the entire staff members of the Diaspora Agency sends their earnest congratulations to the new cabinet of the ministers appointed by the President H.E. Muse Behi Abdi on the Thursday 14th December, 2017. “On behalf of my name and the name of the Somalilanders in the Diaspora worldwide as well as my respected coworkers at the Diaspora Agency, I am earnestly congratulating and praising the new President elected His Excellency Muse Behi Abdi, the Vice President Abdirahman Abdillahi Ismail (Saylici), and the new cabinet of the ministers the President appointed to serve the nation, and speed up the country’s national development processes. I wish them good luck and all the best Insha Allah for the development, and prosperity of the Republic of Somaliland,” said the Chairman speaking to the Communication Staff of Somaliland Diaspora Agency. Chairman Abdi Abdullahi Hersi highly commended the resolutions emerged from the first meeting of the new cabinet presided by the president to be the most remarkable and noteworthy in the history of Somaliland. “In addition to this, I have to pass my good wishes and applaud our new president Muse Behi Abdi, and the new government in general for the momentous decisions the cabinet passed in their first session which is much-admired, and actually reflects faithful characteristics of sovereignty, solidarity, responsive command, and the true goodwill the people of Somaliland are in need of,” said the Chairman. Statement Released by Somaliland Diaspora Agency on the Saturday, 16th Dec, 2017
-
Si loo ogaado, qaabka ay waxbarashadu ugu socoto gobolada kala duwan ee Puntland, horumarka iyo caqabadaha jira waxay Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare ee dawladda Puntland ay xoojisay hannaanka u kuurgalidooda,tallaabadaas oo sidoo kale dhabada u xaaraysa in la ogaado baahida dhabta ah ee ka jirta, deeganada fog fog iyo in la adkeeyo meelaha dabacsan. Agaasimaha guud ee Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliint sare dawladda Puntland oo ay wehliyaan Madaxa Manahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Nuur Ciiro iyo saraakiil ka tirsan Wasaarada ayaa kormeer iyo qiimayn ah ku maray gobolada ,hailand iyo Sanaag waxaana deegaanada iyo degmooyin uu tagay uu kula kulmay bahwada waxbarshada oo ay ugu horeeyaan guddoomiyayaasha Waxbarasahada gobolka, iyo gudoomiyaha Waxbarashad Degmada Badhan , kormeerayaasha, maamulayaasha, macalllimiinta, ardayda iyo waalidiinta Gobolka Sanaag. Waxana halkaa Gobolka Sanaag ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Murwo Xayaad Maxamud Maxame iyadoo ka warbixisay Xaladaha Waxbarashada Gobolka Sanaag. Kormeerka oo maalmo qaatay waxa uu ka bilaabay magaalada Qardho, halkaas oo kulamo kala duwan oo qiimayn ah kula qaatay bahda waxda waxbarshada oo u xog waramay dhammaan baahiyaha jira ee dhanka waxbarashada iyo horumarka la sameeyay, intaasi kadibna waxa uu ugu sii gudbay Degmada Hadaaftimo. Agaaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarshada dawlada Maxamed cabdulaaqir cismaan ayaa waxaa uu u mahad celiyey bulshada reer Sanaag Kana dhagaysatay Warbixino iyo caqabadaha hortagan Waxbarashada dhinaca kale agaasimaha ayaa Booqday Jaamacada Maakhir oo meel fiican maraysa. Gobolka Sanaag ee Puntland waxa uu ka mid yahay gobolada waxbarashadiisa kor u soo kacayso muhiimna u ah waxbarashada Puntland waxaa sandkaan goobaha waxbarasho u dareeray in ka badan kumaan kun oo arday oo iskujra Dugsiyada hoose\dhaxe iyo kuwa sare iyo Jaamacada Maakhir. Waftiga uu hogaaminayo agaasimaha Guud iyo gudoomayaha Waxbarashada Gobolka Sanaag ayaa booqday dugsiyada sare Al Furqaan Badhan,Dugsiga sare Al Nuur Badhan, Hadaftimo secondary iyo Dugsiga Hoose dhaxe Al Raxma ee agoonta dhamaan la kulmay maamulayasha Dugsiyadaas iyo iskuulo kale oo badan oo kuyaal degaanka. Agaasimaha ayaa kala hadlay arimaha waxbarashada iyo lacagtii loo qoondeeyey wadada Ceel Daahir. Kormeerka degaanada fog fog ayaa ah kii ugu balaarna oo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ku tago xiligii ka dib Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax siciid Juxaa kormeerkaa oo ahaa xiligaa 2013kii. Agaasime Maxamed C\Qaadir Cismaan aya noqday shakhsigii labaad oo si rasmi ah u taga degaanada fog fog oo ah Gobolka Sanaag iyo Haylaand si u soo ogaado Baahiyaha Waxbarashada ka jira iyo hormarka laga samayeyey. Hoos ka Daawo sawirada