-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa Galinka Dambe ee maanta lagu wadaa in Muqdisho lagu soo gaba gabeeyo shirkii Amniga qaranka oo ay madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxda dowlada ku leeyihiin Muqdisho. Shirkaan oo ah kii 6-aad oo ay madaxda isugu yimaadaan ayaa waxaa ka soo qeeybgalay Madaxda maamuk Goboleedyada iyo Madaxda dowlada iyo Beesha Caalamka. Shirkaan oo furmay shalay oo Talaado aheyd ayaa waxaa looga hadlay qorshooyinka amniga dalka Soomaaliya . Intuu socday shirka Madaxda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyadda ayaa ka hadlay xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed. ugu dambeeyntii Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro War-mutiyeed ay madaxda kaga hadlayaan waxyaabaha shirkaasi ka soo baxay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shirkii Madasha Amniga oo la soo Gaba Gabeeynayo appeared first on Puntland Post.
-
British officials reacted angrily Monday to President Donald Trump's stark criticism of the U.K. health care system, which he said was breaking down. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay howlgalo ka sameeyay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheeysnaa ayeey ciidamadu ka fuliyeen Waaxda Taleex ee degmadaasi Hodan ee Muqdisho. Ciidamada ayaa guri guri u galayay iyaga oo baaritaanana ku sameeynayay. Howlgalkaan ayaa waxaa Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Mohamed Tuulah iyo Giddoomiyaha Degmadda Hoddan Mohamed Ahmed Cantoobo. Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi isaga oo yiri “Waxaan u Mahadcelinayaa Ciidanka Amniga NISA ee Caawa Howlgalkani sameeyay, waxaan aad ugu riyaaqay runtii sida anshaxa iyo qadarinta badan oo aad ula dhaqanteyn bulshada, waxaana ay nagalisay rajo aad u weyn, howlgalkani waxaa uu ahaa mid lagu ugaarsanayay Cadowga Umaddaan kaas oo markasta shacabka ku dhax-dhuunta, waxaana caawa halkan aan u joogaan Xiligan, waa in aan xaqiijino Ambiga Caasimadda, taas oo ah mid naga go’an hadaanahay Maamulka iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir. ayuu yiri Gudoomiyuhu Dhanka kale Shacabka ayuu ugu baaqay in ay Ha’adaha amaanka iyo Maamulka Gobolka ay gacan ku gacan siiyaan sugida amaanka”Shabacka Caasimadda waxaa ka rabnaa laba arrimood, In ay nagu caawiyaan soo qabasha iyo ugaarsiga Cadowga oo ay noo far-muqaan, iyo in ay noo dulqaataan inta aan ku jirno howlgalada Cadowga lagu baacsanayo” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Banaadir. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Amaanka oo Howlgal ka sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Security officials in the Somali town of Afgoye say they are not aware of the presence of pro-Islamic State militants in the town, despite a series of social media posts by the group claiming responsibility for attacks in the area. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Golaha amniga Qaranka oo maalintii Shalay aheyd ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo xiro manta. Shirka oo inta badan looga hadlay qodobadii la qorsheeyay ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho. Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada ayaa waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku xusan qodobadii lagu heshiiyay mudada uu socdo shirka. Qodobada Shirka looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka, dhismaha Ciidamada, Doorashada Soomaaliya ee 2020, iyo qodobo kale, qodobadaan ayaa soo taagnaa mudadii ay dhisnaayeen Golaha amniga Qaranka oo markii hore loogu yeeri jiray Madasha Qaranka xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka Gaashaanshigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirkan faah faahinayay ayaa sheegay in warbixino laga dhageystay shalay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga. Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Mas’uuliyadda amniga ee dalka, oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso. Geesta kale, Madaxda ka qayb galeysa Shirkaan ayaa lagu wadaa in ay Caawa ka qayb galaan xaflad loogu dabaal dagayo sanad guuradii ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku beegan maalinta biri ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Shirka Golaha amniga Qaranka oo lasoo gaba-gabeynayo & war-murtiyeed laga soo saarayo appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya waxaa dalkaasi laga tarxiilay Siyaasi mucaarad ah oo waayadan ku xirnaa Xabsi ku yaalla magaalada Nairobi. Siyaasigaan oo u dhashay isla dalka Kenya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Miguna Miguna, waxa ayna saxaafadu sheegtay in loo tarxiilay dalka Canada. Miguna Miguna, ayaa heysta dhalasho Canadian ah waxaana uu kamid ahaa Siyaasiyiinta miisaanka Siyaasadeed ku dhex leh mucaaradka Kenya. Miguna Miguna, oo ku jiray Xabsi ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal qiyaano Qaran ah, waxaana sidoo kale loo heystaa inuu qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii ololaha dhaarasho ugu jiray hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga. Dacwada oo ka furneyd Maxkamada ku taala magaalada Nairobi ayey Booliska u wareejiyeen maxkamad ku taala magaalada Kajiado oo 80 km u jirta Nairobi, balse garsoorihii maxkamadda ayaa diiday in uu dhagaysto dacwadda. Ugu danbeyntii, Mr Miguna Miguna ayaa shalay laga musaafuriyay dalka Kenya, waxaana xusid mudan in gabi ahaan laga mamnuucay inuu kasoo dago Garoomada Kenya. The post Sawirro: Kenya oo musaafurisay Siyaasi caana & Garoomada dalkaas oo laga mamnuucay appeared first on Caasimada Online.
-
Bosaso-[Puntland Post]-Qarax Miino oo Ah Nooca Dhulka Lagu Aaso Ayaa Ku Qarxay Meel Udhow Shirkad Bulukeetiga Jarta oo ku Taala Xafada Cariga Bosaso. Ciidanka Booliska Ayaa Gaaray Goobta Waxayna Baritaan ugu Jiraan Qaabka wax Dheceen iyo Cidii ka Damaysay Miinadaan Sidii Ay Usoo Qaban Lahayeen. Ciidanka Booliska ee Bosaso oo warbaahinta Puntland Post ay La xiriiratay Ayaa xaqijiyey In Aanay jirin Wax Khasaare Nafeed ah Lakiin Ay Jiraan Baabuur Wadada Maraysay oo Jajab Yari Soo Gaaray. Hawlgalo culus ayaa ka socda magaalada Ciidamada amaanka ayaa lagu arkayaa xafadaha Bosaso ku waas oo sugaya Amaanka . Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili xalay weerar lagu qaadaya saldhiga bartamaha ee Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari halkaas oo ay ku dhaawac meen askar ka tirsan ciidamada Puntland . Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkii xalaya saldhiga Bartamaha ee Bosaso Bishii la dhaafay ee Janaayo ayey ahayd markii lagu weeraray qarax xarunta Ciidanka ilaalada wadooyinka Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. The post Hawlgalo Culus oo ka socda Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari. appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s minister for post, telecom and technology after meeting with his counterpart in Djibouti said his Ministry is organizing in Mogadishu a conference for the telecom operators of Somalia, Djibouti Telecom/Government in late March to discuss collaboration in the Djibouti African Regional Express (DARE) project. Source: Hiiraan Online
-
Authorities in the self-declared republic of Somaliland have issued a religious fatwa banning the practice of female genital mutilation and vowed to punish violators. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan goobaha lagu shaaho ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka laga hadal hayaa caqabada Siyaasadeed ee lasoo daresay dowlada Somalia tan iyo markii 8 February la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo. Dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee sana jirsatay ayaa caqabadaha ugu badan kala kulantay fal celin ka dhalatay talaabooyinka ay qaaday. Waxaa talaabooyinka ay qaaday mudada ay jirto ka dhashay caqabado aan lasoo koobi Karin, waxaana xusid mudan in caqabadahaasi ay hakat galiyeen shaqooyinka qaar ee dowlada. Dowlada qudheeda waxa ay qaaday talaabooyin cirka ku shareeray caqabadaha jiray kuwaa oo u muuqday inay ku degdegtay iyadoo aan caga dhigan. Caqabadaha qaar ayey dadku saadaalinayeen in Somalia ay dib ugu laaban karto halkii ay labaatan iyo dhowr sano ka hor taagneyd Somalia. Xasuusaha waaweyn ee shacabku dib u milicsankaraan ayaa waxaa kamid ah: 1-Go’aanka ay Dowlada Somalia ka gaartay xiisada ka dhextaagneyd dowladaha Khaliijka ee lagu caburinaayay Qadar. 2-Dhiibista Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax oo ay dowladu u gacan galisay Ethiopia. 3-Khilaafyo hareereeyay dowlada iyo maamul Goboleedyada sida HirShabelle iyo Galmudug oo gaaray heerkii ugu adkaa. 4-Xeer ilaaliyaha Qaranka oo soo jeediyay in xasaanada laga qaado laba Xildhibaan oo kala ah Xasan Macalin iyo Saabir. 5-Weerarkii lagu qaaday Hooyga Siyaasiga mucaaradka ee qunyar socodka ah C/raxmaan C/shakuur. 6-Weerarkii lagu qaaday Hooyga gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal ee baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Madaxweynaha Somalia ayaa goortii la doortay sheegay in dowladiisa ay xooga saari doonto Siyaasada iyo Amniga gudaha, hase ahaatee waxaa muuqaneysa inay ku dhex jiraan shaqsiyaad danqinaaya boogaha Siyaasadeed ee bogsiinada u baahan. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ee sanadka jirsatay ayaa looga fadhiyaa in sanadaha u harsan ay marba marka xigta dib u saxdo khaladaadka ka dhaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: 6 dhacdo oo lagu xasuusan doono sanadka 1-aad oo ay jirsatay dowlada Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexaysa Imaaraadka iyo Qatar ayaa ayaamahan danbe cirka isku shareertay ka dib markii labada dhinac ay isku maandhaafeen duullimaadyo diyaarado Milateri. Arrintan ayaa khatar gelinaysa danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanku ka leeyahay Khaliijka, waxana dhici karta in ay Iran fursaddan ka faa’idaysato. Abu Dhabi waxa ay sheegtay in diyaaradaha ciidanka Cirka ee Qatar ay joojiyeen labo diyaaradood oo rayid ah oo Imaaraadka laga leeyahay, Dooxana waxa ay ku andacoonaysa in diyaarad Milateriga Imaaraadku leeyahay ay ku xadgudubtey hawadeeda. Labada waddan mid kasta waa uu iska fogeeyey eedaymahan. Sare u kaca ku yimi xiisadda u dhexaysa labada waddan ayaa walaac ku beeray Washington, 7 bilood ka dib kolkii Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar ay cunaqabateeyeen Qatar iyaga oo ku eedaynaya inay taageerto isla markaana maalgeliso argagaxisada. Dibloomaasi reer galbeed ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa yiri “ Marka aad aragto diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Qatar oo ka agdhaw diyaarad rayid ah, waxa ay keeni kartaa shil sababi kara dhimasho dad, sidoo kalena horseedi kara xaalad aan hore looga arag waddamada Khalijka dhexdooda.” Xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane James Mattis, waxa uu sheegay in xiriirka xumaaday ee xulafadiisa Khaliijku uu caqabad ku yahay dagaalka uu Maraykanku kula jiro Dawdaladda Islaamiga ah iyo “ka hortagga fididda saamaynta sunta ah ee Iran”. Waddanka Iran waa uu cambaareeyey cunaqabataynta lagu soo rogey Qatar, waxa uuna ku baaqay in xiisadda lagu xalliyo wadahadal. Khaliijku, istaraatijiyad ahaan waa u muhiim Maraykanka maaddaama oo uu saldhigyo Milateri ku leeyahay Baxrayn iyo Qatarba. Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee fariisinka ku leh Qatar ayaa yiri “Maraykanku waxa uu Qatar iyo Imaaraadkaba u arkaa saaxiibbo muhiim ah oo uu gobolka ku leeyahay,” waxa uuna ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo iyada oo xal macquul ah la raadinayo. Saldhigga uu Maraykanku ku leeyahay Qatar waxa uu door muhiim ah ciyaarayaa haddii [Maraykanku] uu dagaal la galo waddanka Iran oo uu ku eedeeyo inuu taageero argagixisada, halisna ku yahay xasiloonida iyo danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe. Iran, had iyo goor, waa ay iska fogaysaa eedaymahan. Xifaaltan Gobolleed Sacuudiga, oo ah waddan u badan Sunni, ayaa sidoo kale Iran u arka waddan halis ku ah deganaanshaha iyo xasiloonida gobolka waxa uuna Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ee Shiicada u badan, u tixgeliyaa dalka ugu muhiimsan ee kula loolamaya gobolka. Imaaraadkuna waxa uu u muuqdaa mid meel adag ka taagan ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo ay Qatar gacan siiso marka waddamada qaar la joogo. Sidaasi awgeed, waxa uu damacsan yahay in uu Qatar ku ciqaabo taageeradeeda Ikhwaanul Muslimiinka iyo inay siyaasaddeedu ka madaxbannaan tahay waddamada kale ee Khaliijka. Halista xiisadda Khaliijka Xiisadda Khaliijku waxa ay halis ganacsi iyo mid amniba ku keeni kartaa reer Galbeedka. Dibloomaasi kale oo reer Galbeed ah ayaa xusay in waddamada Khaliijka iyo Maraykanku ay sannado badan ahaayeen saaxibbo ganacsi iyo amni, kala qaybsanaantooduna—oo sababi karta dagaal toos ah—ay dan u tahay Iran, Maraykankuna aannu ka dheefayn wax aan khasaare ahayn. Masuul Carab ah oo dalbaday inaan magaciisa la xusin ayaa hoosta ka xarriiqay in Imaaraadku, maaddaama oo ay Qatar ku loolamayaan gobolka, uu doonayo in cadaadis badan la saaro Qatar si loogu muujiyo in heshiis aan beryahan la gaarayn, cunaqabatayntuna aanay ciyaar ciyaar ku dhammaanayn. “Sacuudiga iyo xulafadiisa kale cabsi weyn kama qabaan in xiisaddani ay saamayso dhaqaalahooda, Qatar ayaase ku dhibban” ayaa masuulku yiri. Aragtida Trump ee xiisadda Khaliijka Trump waxa uu u muuqdaa in uu wax ka beddeley aragtidiisii ku aaddanayd Qatar. Markii hore waa uu bogaadiyey cunaqabataynta, isaga oo Dooxa ku eedeeyey inay si weyn u maalgeliso argagaxisada. Laakiin bishii September ee sannadkii hore ayaa uu dhexdhexaadin u fideyey labada dhinac, isla bishanna waxa uu teleefan ku wacay Amiirka Qadar, Sheekh Tamiim bin Xaamid Al-taani, si uu ugu mahadceliyo kuna ammaano dedaalladiisa argagaxiso la dirirka ah. Isbeddelkan aragtiyeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu waddanka Qatar beryahan danbe martigelinayey falanqeeyayaal garabka midigta ka tirsan oo ka agdhaw Trump si ay u dheellitirto galaangalka iyo saamaynta Imaaraadka ee Washington. Ugu danbayntii, xiisadda iyo khilaafka ka dhextaagan waddamada khaliijka wax dan ah uguma jirto Maraykanka, inay sii dheeraatana waxa ay fursad dahabi ah siinaysaa waddanka Iran oo uu Maraykanku u arko cadawgiisa. Iran, si degdeg ah ayay u cambaaraysay cunaqabataynta Qatar lala beegsaday, waxayna u soo gurmatey Qatar iyada oo diyaarado cunto sida u soo dirtay caasimadda Qatar. Wakhtigan la joogana, xiriir aan xumayn ayay la leedahay dalka Qatar. Isha ugu muhiimsan ee xogta: Reuters World & Goobjoog News The post Yey maslaxad ugu jirtaa xiisadda ka dhex taagan dowladaha Imaaradka iyo Qatar? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Onlin) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sana jirsaday kadib markii la gaaray xiligii uu hantay Kursiga Qranka ee doorashadeedu dhacday 8 February oo ay ka harsan tahay hal maalin. Madaxweynaha dalka ayaa mudada ay jirto dowladiisa qabtay shaqooyin badan oo uu ballanqaaday ka hor inta aan la dooran, waxaana sidoo kale jira shaqooyin u harsan oo uusan weli qaban. Waxaa jira Siyaasado badan oo ay saxday dowlada Farmaajo ee halka sana jirsatay, halka ay jiraan kuwo dhowr ah, oo ay u fulisay qaabab khaldan, balse la filaayo inay gadaal ka saxaan. Dowladu waxa ay sanadka koowaad ku dhameysatay caqabado Siyaasadeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in caqabadahaasi ay ka dhasheen khalalaaso Siyaasadeed oo hareereeyay dowlada. Hoos ka daawo muqaalka Farmaajo iyo siyaasada gudaha: maamulada, mucaaradka & Khilaafka carabta The post Daawo: Sanad kadib waxyaabaha u qabsoomay Farmaajo iyo waxyaabaha ka khaldamay dowladiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Waa suuragal inaad ku jahwareertay cinwaanka faaladda balse ugulama jeedo caqabado xilka qaadis oo hada heysta Raisulwasaare Xasan Cali kheyre laakiin waa baalki siyaasadeed uu daah qaatay. Xukumadda uu Wasiirka koowaad ka yahay Xasan Cali Kheyre ayaa ambaqaadkeeda waxa uu soo bilowday sanadii 2017-ki. Marxalado kala duwan oo ay soo martay xukumadda waxaa jiray arimo xeelad u baahnaa oo xoog lagu xamaasadeeyay. Kheyre oo markiisi hore soo magacaabay xubno wasiiro uu ku kalsoonaa waxaa muddo kadib wasiiradii ay qaarkood noqdeen kuwa iscasila, kuwa xilka laga qaado iyo kuwa ay cabsi hareysay. Xeendaabka siyaasadeed ee uu ootay kheyre ayaa siyaasiin badan u noqday qaraar kuwana la shaqeyntiisa ayey macaansadeen. Dad badan ayaa u arka ra’isul wasaare kheyre shaqsi hadalo kulul islamarkaana aan jecleen in hirarka siyaasadeed ee uu huwan yahay la hor istaago. Mas’uuliyiin xilal heysay oo ay isqilaafeen ra’isul-wasaare kheyre ayaa aragtidooda ku waayay xilal ay hayeen. Wasiiro gudanayo shaqooyinka loo igmada ayaa xiliyada qaar caqabado dahsoon kala kulma xubno ka socda xafiiska ra’isul wasaaraha waa arintii ay shaqada isaga tagtay Drs Maryan qaasim oo hore u baahisay in ay ka shaqeyn weysay isbarbaryaac shaqo iyo Faragelin. Wargelin la’aan Wasiirki hore arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad iyo wasiirki hore wasaarada arrimaha gudaha C/faarax saciid juxa ayaa xilka qaadistooda kaga war helay meel aan aheyn xafiiska ra’isul-wasaaraha. Maalmihi Yuusuf iyo Juxa xilalka ay wareejinayeen kama uusan soo qeybgelin ra’isulwasaaraha waxaana taasi ay iftiimineysa in wargelin badan aysan ka jirin xaga xafiiska ra’isul wasaaraha. Wasiirada xilalka laga qaaday waxa ay arintooda cabsi badan gelisay madax kala duwan oo xilalka ka haya dowladda gaar ahaan kuwa ay haleeli karto seefta ra’isul wasaaraha. Kuwii Mahadcelinta waayay. Waxaa ku jiray xubnihi uu ra’isul wasaare kheyre xilalka ka qaaday kuwo mahdin mudnaa balse aan loo abaalcelin. Maxaabiista laga soo celiyay wadanka hindiya waxaa marna xukumada kheyre bidhaaminin doorki uu Yuusuf Garaad ku lahaa iyadoona amaan oo dhan ay wasiirka koowaad noqotay. Xalintii khilaafki xadka soomaaliya iyo Kenya ka jiray waxaa doorkoi ugu weynaa qaatay Cabdi Faarax Saacid(juxa) balse wasiirka koowaad ee xukumada ma mahadcelin mas’uulki abaalka lahaa. Tabtii thaabit ku baxay Waxaa mudo ka hor soo shaac baxay khilaaf dahsoonaa oo u dhaxeeyay Ra’isul wasaare kheyre iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday Thaabit Cabdi Maxamed. Kheyre iyo thaabit ayaa isku qabtay maqaamka ay yeelan karto muqdisho iyo in dhaqaalaha gobolka uu helo in laga maamulo xafiiska ra’isul wasaaraha arintaa oo uu thaabit ka soo horjeestay ayaa u gogol xaartay xilka in laga qaado thaabit waxana wadada la soo maray ay aheyd awoodi madaxweynaha. Shaqo ka ceyrin shaqaalo Ra’yid ah Qofba waxa uu leeyahay himilo taageero mana ahan arin xun inaad taageero gaar ah u muujiso hogaamiyaha aad hanashadiisa siyaasadeed la dhacsan tahay. Xafiiska Ra’isul wasaare kheyre waxaa maalmo isxig xigay shaqada laga ceyriyay shaqsiyaad aqoontooda ku yimid balse howsha loo igmaday ku waayay abaal aysan awoodooda gudi Karin oo ay fikirkooda ku muujiyeen. Waxaa maalin cad shaqadi ay hayeen waayay wiilal iyo gabdho ka shaqeynayay xafiiska ra’isulwasaare kheyre kaliyah waxa ay boosaskooda ku waayeen in ay ka xumaayeen Talada lagu ceyriyay Thaabit shaqsiyaadka shaqada wayay waxaa kamid ahaa Nafisa Cali Abiikar oo la dhalatay Ku-xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Abiikar iyo Wiil dhallinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed. Ra’isul wasaare kheyre ayaa dowladihii dalka soo maray duudsiiyay adeegyadii baahsanaa ee ay bulshada u qabteen waxaan halheys uu ra’isulwasaaraha qudbad waliba kaga dhigtaa 27-sano kadib xukuumada hada jirta. Taasi oo u muuqan karta in wixii dowladihii hore soo qabteen ay ahaayeen kuwa aan xulasho laheyn. Dad badan ayaa aaminsan in Ra’isul wasaare kheyre awooda baaxada leh ee uu ka heysto Madaxweyne Farmaajo ay ku dhalineyso in wax walba hada ay yihiin. Waxaan soo gunaanadaa Faalladeeda oo aan ujeed ahaan kalahaa waa markeyga miyeysan habooneen in fikirka iyo talada la wadaago si guusha dowladnimo halkeeda ugu sii socoto. W/Q: Nuur Ismail Sheikh Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Faallo: Ra’isul wasaare Kheyre waa markiisa! appeared first on Caasimada Online.
-
Hobyo waa degmo xeebeed qadiimi ah oo ka tirsan Mudug (Galgaduud), dhanka barina kaga beegan magaalada Gaalkacyo, magaalo, deegaan bulsho iyo dekad ahaanba waxaa saameyn ku yeeshay dagaalladii ka dhacay. Dadka ku nool magaalada noloshooda waxa ay ku tiirsantahay Kalluumaysiga, waxa ayna leedahay xeeb iyo dekad taariikh leh, taasi oo aan hadda qaban shaqadii looga fadhiyey burburka owgiisa. Dekadda Hobyo, February 2016-kii, waxaa dhagax-dhigay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed isaga oo ugu baaqay markaasi in ganacsatada Soomaaliyeed ay maal-gashadaan dekadani isaga oo yiri “Dekadda Hobyo waa ay furantahay,waxaa ayna u furantahay in ay shaqeyso, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed oo aan u soo jeedinayaa in doomahooda iyo shixnadahooda ganacsi ay dekadda Hobyo keeni karaan”. Labo sano kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale dhagax-dhigay dekadda kadib socdaal uu ku tagay gobollada dhexe, waxaana hadda socda dadaallo lagu horumarinayo. Dekadda Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, waxaana nooga waramaya Taariikhda dekadani Cabdi salaam Xaaji Axmed waxa uuna yiri “Dekaddan Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, Talyaani marka uu soo galay dalka Hobyo kaliya ayuu dekad ka dhisay, waxaas oo dhan waa ay burbureen xataa waddadeeda waa ay la burburtay”. Hadaba dhagax dhigga 2aad ee dhismaha dekadda Hobyo maxuu ka badali karaa dhaqaalaha gobollada dhexe waxaa ka jawaabaya Ismaaciil Maxamed Ismaaciil oo ka faalooda dhaqaalaha waxa uuna yiri : “Inay dekad yeeshaan saddexdaas gobol waagii hore dhibaato badan ayey u mari jireen in waxay u baahanyihiin looga keeno Boosaaso ama Muqdisho, dhaqaalo ahaan waxbadan ayey badaleysaa waxaana ka mida in dhaqaalo ahaan ay u baaqdaan qarashkii lagu soo rari jiray badeecadaha laga keeno boosaaso iyo muqdisho”. Isniintii, Dowladda federaalka ah ayaa wafdi wasiirro, xildhibaan iyo ajaanib isugu jira u dirtay dekadda Hobyo ee Galmudug si loo qiimeeyo. Wasiiru dowladaha howlaha guud ee federaalka Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in, ujeedka safarkana uu yahay dhismaha dekadda Hobyo, isaga oo intaasi raaciyay in ay la socdaan shirkado iyo Injineerro shiinees ah oo qiimeyn guud iyo cabir ku sameynaya dekadda Hobyo. Dhismaha dekadda Hobyo waxaa ay ahmiyad gaar ah u leedahay gobollada bartamaha Soomaaliya, waxaana ka faa’ideysan kara bulsho malaayiin ah, oo haddii uu hirgalo dhisamaha dekadda Hobyo waxa ay wax ka badali doontaa dhaqaalaha gobollada dhexe . Daawo: Muuqaal Uu Diyaariyay Cali Aadan Muumin The post Video: Muhiimadda dekadda Hobyo u leedahay bulshada iyo deegaanka appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa caawa weerar khasaaro kala duwan geystay ku qaaday Saldhiga Booliska ee Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wararku waxa ay sheegayaan in weerarka uu ahaa mid la isku adeegsaday qaraxyo iyo rasaas xoogan, waxaa jira dad dhaawac ka soo gaaray weerarka oo la geeyey isbitaalka magaalada Bosaso. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha dhaawac ee ilaa iyo hadda la ogyahay uu soo gaaray Seddex askari oo uu ka mid yahay Taliye ku-xigeenkii saldhiga bartamaha. Maleeshiyaadka soo weeraray saldhiga ayaa isku dayey in ay gudaha u galaan saldhiga , balse waxa ay iska caabin kala kulmeen askartii ku sugnayd saldhiga, sidaa waxaa warbaahinta gudaha u sheegay goob jooge ku sugnaa goobta uu weerarka ka dhacay. Saldhiga bartamaha Bosaso waxaa ku xiran dad ku eedeysan kiisas kale duwan sida ka mid ahaanshaha kooxaha Shabaab iyo Daacish. Masuuliyadda weerarkan, ayaa waxaa sheegtay maleeshiyada Al Shabaab, sida ay baahisayba Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha. Dhinaca kale, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Maamulka Gobolka Bari, ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com The post Weerar Qaraxyo iyo mid fool-ka-fool ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Dhashii Daraawiishta oo Caawa Munaasibad ay ku xusayaan duulaankii Taleex ee sanadkii 1920 kii ku qabtay Magaalada Laascaanood. Taariikhyahano iyo qalinley Tagtadii Taariikhda Daraawiishta oo iyagu sharaxaado kala duwan ka bixinaya ayaa noqonatay mid ay aad u xiiseen ka soo qayb galayaashii ama dhashii daraawiisheed wixii ka danbeeyey 1920 kii. Xafladan Lagu Xusaayay Duub cadkii Mujahitiinta Daraawiishta ayaa la filaya inay ka dhacdo guud ahaan gobolada SSC,Khaatumo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan aabihii Xoriyada Soomaaliyeed.
-
Kooxo hubeysan ayaa caawa weerarey saldhiga dhexe ee magaalada Bosaso , xiriiro kala duwan oo ay warbaahinta PUNTLAND POST la samaysay saraakiisha booliska waxay u sheegeen inay dhaawacmeen labo askari iyo taliye kuxigeenkii saldhiga oo qaba dhaawac cuslus. Dableysan hubaysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa saldhiga ku weerarey hub isugu jira qoryaha la yiraahdo BKM iyo Baasuukayaal sida ay sheegeen dad ka agdhawaa goobta. Ma aha markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado mid ka mid ah saldhigyadda booliska magaalada Bosaso oo mudooyinkii u dambeeyay ka caaganeyd falalka amni daro. Bosaso PUNTLAND POST The post Faahfaahin weerarka koox hubaysan ku qaaden saldhiga dhexe Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada ee xarunteeda ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta yeelatey Madaxweyne cusub. Maxakamadaan oo maamul ahaan hoos timaada Qaraamada Midoobay, ayaa waxaa Madaxweynaheeda cusub loo doortay Garsoore Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiqawi Axmed Yusuf. Garsooraha loo doortay Madaxweynaha ayaa horay u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maxkamada, waxa ayna Garsoorayaasha Maxkamadu u garteen inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Maxkamadu yeelaneyso. Madaxweynaha cusub ee Maxkamada Cabdulqawi ayaa ah garsoore Caalami waxana uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009. Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland, wuxuuna Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska. The post Madaxweynaha Maxkamada Hague oo loo doortay Garsoore Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
-
The International Court of Justice has elected a new President on Tuesday. H.E. Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, the former Vice-President of the ICJ has just been promoted to the court’s top job after a vote decided by a secret ballot. The Somali Ambassador to the EU in Brussels, Ali Said Fiqi, confirmed the selection to HOL in a telephone call. Mr. Yusuf’s bio page on the ICJ website has also been updated to reflect the promotion. The prominent lawyer has been a member of the Court since February 2009, and previously served as the Vice-President of the court since 2015. Yusuf was born in Eyl, a town in Northeastern Somalia in 1948. He graduated in 1973 from the Somali National University with a Dr.Juris in Law. He completed his post-graduate studies at the University of Florence in 1977 in International Law and Relations. He completed his Ph.D. at the University of Geneva in International Law. Since then, Mr. Yusuf has gone on to work for a host of international organizations, first as a legal advisor and eventually as a sitting judge. Yusuf has also authored more than 7 books and over 50 articles. He will succeed Ronny Abraham of France as the 25th President of the ICJ and only the third African to hold the title after Nigeria’s Taslim Elias (1982-1985) and Algeria’s Mohamed Bedjaoui (1994-1997). Ambassador Fiqi congratulated Mr. Yusuf on his appointment on behalf of the President of Somalia. The ICJ is the main judicial organ of the United Nations. It is primarily reserved for settling legal disputes between member states. Somalia and Kenya are due in court in 2018 to settle the maritime delimitation case. The ICJ is made up of 15 judges elected by the General Assembly and the Security Council for nine-year terms. Source: hol The post BREAKING: Abdulqawi Ahmed Yusuf named president of the ICJ appeared first on Caasimada Online.
-
BEKARREDAR, Ethiopia (AP) – The 25-year-old Kedija had her external genitalia removed and her vagina sewn up when she was just seven days old. She has faced a lifetime of pain. “I was unable to hold my urine for long,” she told The Associated Press. “I isolated myself from socializing because of that. Later when my menstruation began, because the opening was too tiny, the pain worsened even more. And after I got married it was painful to have sexual intercourse with my husband.” Three childbirths later, she was diagnosed with near-fatal renal complications. Deep in Ethiopia’s desert region of Afar, about nine in 10 women and girls undergo female genital mutilation, many before their first birthday. Campaigners on Tuesday marked the International Day of Zero Tolerance for FGM as they seek to end the practice. Nearly 200 million around the world live with its effects, the United Nations says. Ethiopia’s government has declared FGM illegal. Addu Abdala Dubba used to perform the circumcisions. She sharpened a small blade against a steel rod to demonstrate how she prepared for the task. “There were even times when I performed consecutive cuttings in one day with this one blade,” she said. “But I carefully sanitized it after each circumcision by heating it in a fire or dipping it in hot water to avoid infection.” She once thought the job gave her a sense of purpose. She thought it helped women preserve their virginity and remain faithful in marriage – seen as essential to a family’s honor. But after attending trainings by the government and religious leaders, “I now understand this practice is wrong and it can destroy a child’s future,” she said. Now she is a midwife and spreads the word about the dangers of FGM. The lone primary hospital in Asaita, the former capital of Afar regional state, struggles to look after the women who have complications from FGM, especially during childbirth. A lack of funds has forced the hospital to operate with reduced staff for most of the past fiscal year. Dr. Saleh Yusuf Imam, the medical director, said the hospital’s counseling service has had some success in raising awareness. After women who face difficulty with penetrative sex receive pain-free incisions in their vagina and post-treatment counseling, “we hear most of them vow to not let a single woman they know endure female genital mutilation ever again,” he said. There is still a long way to go in changing people’s attitudes, he added. Kedija, the 25-year-old, said she is determined to stop another generation of girls from suffering like she did. “Whenever I find a parent that still insists on practicing female genital mutilation, I try to convince them otherwise,” she said. “But when my efforts are not enough to change their minds, then I always report them to local health facilities so that they can intervene.” Source: AP The post Female genital mutilation continues as change comes slowly – AP appeared first on Caasimada Online.
-
Cabdiqawi Axmed Yusuf Qareenka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar ayaa maanta loo doortay Gdoomiyaha Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland. Cabdiqawi oo horey u ahaa Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadaas ayaa noqonaya ninkii labaad oo Afrikaan ah oo Gudoomiye ka noqna Maxkamada Hague oo la asaasay sanadkii 1946. Cabdiqawi Axmed Yusuf waa 70 jir ku dhashay Degmo xeebeedka Qadiimiga ah ee EYL Gobolka Nugaal, wuxuuna bare sharci ka ahaa bari samaadkii Jaamacadii Umada ee Muqdisho. Sidoo kale Cabdiqawi wuxuu la taliye dhanka sharciga ah u noqday hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood sida UNESCO, UNIDO iyo UNCTAD, ka hor intii uusan ku soo biirin Maxkamada sanadkii 2009. Sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo badanayay Soomaali madax sar sare ka noqonaysa aduunka. PUNTLAND POST The post Soomaali Gudoomiye ka noqday Maxkamadda Cadaaladda Aduunka appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,Mohammed Ahmed Othman Al Hammad ayaa la kulmay la-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali,sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ENA. Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xiriirka laba-geesoodka ah iyo habka xoojinta iyo horumarinta danaha labada dal,sida ku xusan qoraalka Wakaaladda. danjire.Al Hammadi ayaa ugu hambalyeeyay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya xilka cusub ee loo dhiibay,wuxuuna u rajeeyey in uu ku guulaysto waajibka loo igmaday. Dhankiisa la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali ayaa taageerada joogtada ah ee dhinacyada badan ee ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale kaalinta ay ku leedahay dhismaha ciidanka Xoogga dalka. Xigasho:-Emirates News Agency PUNTLAND POST The post Safiirka Imaaraadka oo la kulmay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.