-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle shir jaraa’id oo bille ah ku qabtay ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradiisa bishaan Febraayo. Wasiir Bayle ayaa inay saameyn ku yeelatay canshuurta ayu diideen ganacsatada oo wax badan aanay bishan soo xaroon, laakiin ay bixinayaan mushaarka bishan, wuxuuna digniin ka bixiyay in canshuurta haddii la bixin waayo uu dalku xirmayo ayna noqoneyso in lagu kala tago. Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa intaas ku daray in wadahadallo u socdaan ganacsatada kala duwan oo laga doonayo inay bixiyaan canshuurta laga rabo. Halkaan hoose ka dhageyso: http://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2018/02/COD-1-Wasaarada-Maaliyadda.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso: Wasiirka Beyle: “Qof waliba waa inuu Canshuur bixiyaa, haddii kale waa in Wadanka la xiro oo la isaga tago..” appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Digniino ku aadan weeraro Al-Shabaab ku qaado Garoonka diyaaradaha iyo Labo Hotel oo ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama ayaa la soo saaray, iyadoo farriimahan la xiriira digniinahan ay soo saareen sirdoono shisheeye oo ku sugan Xerada Xalane. Goobaha laga digay in weeraraddu ka dhici karaaan waxaa ka mid ah Hotello ku yaalla Magaaladda gaar ahaan Wadadda makaa Al- mukarama iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Weeradda nuuca ay yihiin lama Faaah faahin. Hotellada iyo garoonka Diyaaaradaha ee Muqdisho ayaa bartilmaameedyo u ah Al-shabaab oo horay weerarro uga geeystayn goobahaas, tiro dhowr jeer ah ayey Al-shabaab weerareen Garoonka Diyaaradaha iyo Xerada Xalane. Sidoo kale inta badan Hotellada ku yaalla Waddadada Maka Al-mukarama ayaa marti galiyay weerarro Al-shabaab ay ku qaadeen oo ismiidaamin iyo weeraro toos ah isugu jiray. Dad shacab ah iyo Saraaakiil Doowladeed ayaa ku dhintay weeradddi Al-shabaab ay horay uga geysteen goobha digniintu ku wajahantahay. Digniinta amni ee ay Soo saareen Xafiisyada QM iyo safaaradaha ku yaala Xalane ma ahan mid si guud loo faafiyay laakiin waxaa la siiyay Shaqaalaha Xarumahaas u shaqeeya oo looga digay in aysan tagin Xarumaha qatartu ku wajhantahay. Xogta ayaa sheegeysa in labo baabur qaraxyo loo diyaariyay iyo kuwo ay la socdaan dabley hubeysan ay jiraan oo qeyb ka ah weerarada. Al-Shabaab ayaa jimcihii labo weerar oo qarax iyo mid toos ah ku qaaday agagaarka Madaxtooyada iyo Hotelka Doorbin oo ku yaalla KM-0 oo u dhow Xarunta NISA. Shirkii Khamiista ee Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray digniin amni oo ku aadan baabuur qaraxyo sida, iyadoo maalin kaddib magaalada ay ka dhaceen labo qarax oo dad badan ku dhinteen. Khamiistii lasoo dhafay ayey ahayd markii Golaha Wasirada ay Bixiyeen Digniin amni, Jimcihii ka dambeeyayna ay Magaladda Ruxeen Qaraxyo iyo Weeraro toos ah oo ka dhacay Goobo si aad ah loo laaliyo gaar ahaan Meel u dhow Xarunta Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo waliba Iridda laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya. Weeraradii ugu dambeeyay oo Al-shabaab sheegteen waxaa ku dhintay Dad ka badan 40 ruux,waxaana dhaawacmay ku dhawaad 30 kale. Hay’adaha amaanka ayaa qaatay shirar isdaba joog ah oo amaanka lagu adkeeynayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Digniin laga soo saaray weeraro la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Muqdisho. (Halkee lagu wajahan yahay?) appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegay in la qabtay Gaari waxybaaho qarxa laga buuxiyay iyo rag lagu tuhunsan yahay Alshabaab oo la socday. Saraakiisha ciidamada dowladda SOomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay goor dhoweyd in howlgal ay ka sameeyeen Xaafada Buundoweyn ee magaalada Beledweyne ay ku soo qabteen Gaari ay buuxaan Biraha qaraxyada oo loo diyaarineyay inuu fal qarax ah geysto, hub iyo rag gaaraya 13 qof oo goobta ku sugnaa. Waxaa la soo bandhigay 13-ka qof sida uu sheegay Abaaduulaha Ciidamada Xooga dalka ee Gobolka Hiiraan Isaaq Idiris Cismaan, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey howgalka lagu soo qabtay Gaariga iyo hubka, iyadoo ay baaritaan ku wadaan arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Deg deg: Qaari loo diyaarinayey Qarax iyo xubno lagu tuhunsan yahay Alshabaab oo gacanta lagu dhigay appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka Goordhow Warbaahinta Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Baled-weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay halkaasi ku qabteen gaari siday waxyaabo qarxa iyo ragii siday. Qabashada gaarigaan iyo ragii watay ayaa timid kadib markii ciidamada amaanka ay howlgalo ka sameeyay gudaha magaalada Baledweyne. Ciidamada ayaa ka soo qabtay gaarigaan kadib howlgak ka dhacay XaafadaBuundaweyn ee magaalada Baledweyne. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay qabteen 13 ruux iyo gaarigaan siday waxyaabaha qarxa. Faah Faahinta dib ugala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Dowlada oo qabtay Gaari siday waxyaabaha qarxa iyo ragii watay appeared first on Puntland Post.
-
HARGEISA–A district court in Hargeisa today sentenced Mr. Abdirahman Abdilahi Hasan and Ms. Khadra Abdilahi Mohamed to 2 and half years imprisonment for child theft. The duo have been found guilty of stealing children and selling which is a serious crime in Somaliland. The mother of the children has expressed her dismay over the jail term in regard to the duo hwo have been found stealing children in Somaliland. Last week, Hargeisa district court sentenced to 3 years of imprisonment 5 men who were covicted of selling tortoise in Somaliland.
-
Wasiirka Wasaarada Maaliyada xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wariyaasha xafiiskiisa kula hadlay ayaa ka hadlay arimo kala duwan. Wasiir Beyle ayaa sheegay in saameeyn xoogand Dowlada ay ku yeelatay shaqo joojintii Ganacsatada kadib cabasho ku aadan canshuur kordhin. Wasiir Beyle ayaa sheegay in wasaaradu ay hadda u wajaheeyso qaabab kala duwan xalinta cabashooyinka ganacsatada isaga oo sheegay in ay kulamo iyo wada hadalo ay la qaadanayaan. Wasiir Beyle ayaa qiray in xoogaa hoos u dhac ah oo daqliga dowlada ah laga dareemayo Bishaan sii dhamaaneeysa ee Febuary. Wali wax xal ah lagama gaarin cabashada ganacsatada ee ku aadan canshuur kordhin ay ku sameeysay wasaarada maaliyada. Hoos ka dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Wasiir-Beyle-PP.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dr Beyle” Joojintii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha Saameeyn buu Nagu Yeeshay” appeared first on Puntland Post.
-
By Ahmed Abdi (Somalilandinformer) At least five Oromo protesters were killed Tuesday when State of Emergency Forces (SOEF) and Agazi police raided Nekemete city in Eastern Wallaga, about 242 kilometers (151 miles) west of the capital, Addis Ababa and fired protesters without warning, according to an eyewitness and protesters. “Agazi forces, the loyal Tigrean Peoples Liberation Front (TPLF) forces mostly of Tigre origin, killed Abebe Mekonnen and four other protesters and wounded dozens of people,” said one protester, who asked not to be identified. The Ethiopian Emergency Council ordered the Agazi forces to “take all the necessary measures” to end anti-government protests in Oromia and the Amhara Regional States. The Ruling minority ethnic Tigrayans, who are about 6 percent of the population have been struggling against protesters from Oromo and Amhara together make up more than 60% of Ethiopia. The Defense Minister, Siraj Fergessa, said the martial law was decreed to stop the breakdown of law and order and a growing unrest that is endangering the constitution. Jawar Mohammed, an Oromo activist and Director of Oromo Media Network TV reacted the government’s ordered to use violence against Oromo protesters and called on the members of the MPs from Oromo and Amhara not approve the so-called State of Emergency (SOE). “With the ongoing killings in Western Oromia and today’s open order to the military to shoot and kill our people, the country is sliding into dangerous territory,” Mohammed said of the Orders in a statement to Somaliland Informer last night. “Qeerroo, an Organization of Oromo Youth, is preparing while waiting for the parliament to make a decision on either passing or rejecting the state of emergency.” “We are hearing the regime is threatening MP’s to pass the SOE when it meets on Friday. If in fact, the parliament passes this unnecessary and unconstitutional decree, it will be met and reversed with fierce resistance. Therefore, we strongly advise all to postpone their travels to and within Ethiopia from Friday onward until things clear up,” the activist further said in the statement.
-
Moqokori (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal culus subaxnimadii hore ee saakay uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalkan oo bilowday Aroortii hore ee saakay ayaa socday saacado dhower ah, wuxuuna dagaalka yimid kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay weerarreen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab. Sida ay qortay wakaalada wararka SONNA, guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa saak waabarigii la wareegan deegaanka Moqokori oo qiyaastii 40KM u jira degmada Maxaas, halkaasoo ay maamulayeen Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Moqokori islamarkana kana saareen xoogagga Al-shabaab. Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli aroor ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah. Al-Shabaab ayaa dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2016 dib ula wareegay deegaanka Moqokori, kaddib markii ay isaga baxeen ciidankii dowladda iyo kuwa Itoobiya ee deegaankaas ku sugnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wararkii ugu dambeeyey ciidamada dowladda oo Shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wali xal lagama gaarin, mana muuqato rajo ama calaamado muujinaya in la xaliyo khilaafka Ganacsatada iyo Dowladda, dhinac walba oo arintaan ay khuseysa ayaa ku biiray waxa uuna kaga haray meel dhexe, Guddiyada Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa ka sii daray markii ay arinta guda galayn oo ay Sharci darro ku tilmaamayn. Guul daradii ugu dambaysay ayaa soo ifbaxday shalay kadib markii ay Guddiga Ganacsatada gobalka Banaadir ay shaaciyeen in uu fashilmay wadahadalkii u socday Ganacsatada iyo Wasaaradda maaliyadda, hadalkii ganacsatada waxaa mid ka duwan soo saartay maanta wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Shirkii Jaraa’id ee Ganacsatada ayaa waxa ay ku sheegeyn in uu fashilmay wadahadalkii u dhaxeeyay Guddi ka socda Ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda, walina aan xal loo heyn murankaas iyagoo madaxda Dowladda ka dalbaday in ay ganacsatada ka qaadaan culeeska lagu soo rogay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Baylle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu guuleestay wadahadalkii u socday Ganascatada iyo Wasaaradda Maaliyadda. Wasiirka ayaa sheegay in labada dhinac isku fahmayn qaabka qaadista Canshuurta oo maalmihii la soo dhaafay dood ka taagneed balse xaqiiqda ka fog markii loo eego hadalkii ganacsatada ee shalay ka soo baxay. Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay saameyn balaaran Dowladda ku yeelatay hakadkii ku yimid shaqada Dekadda mudadii muranka jiray sidoo kalane ay saameyn kale ku yeelatay joojintii Ganacsiga Suuqa Bakaaraha walina waxaa muuqda murankii taagnaa oo aan xal loo helin. Lama oga sida loo xalin doono iyo cidda xalin doonta mar hadii dhinacyadii ay arinta khusaysay aysan wali ka natiijo keenin muranka ganacsatada iyo Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya kaas oo soo taagan muddo ku dhaw 35 cesho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ganacsatada G/Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda Maxaa kala heesta ? hadalo kala Duwan ayay soo saareyn. appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heshiis qiyaano ah ku sharciga Canshuurta dalka la galay Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna dhigayaa heshiiskaas in xubnaha Baarlamaanka laga dhigo cansuurta laga qaado 10%. Xil dhibaanada ayaa heshiis la galeen wasiirka maaliyada ayagoo laga dhimay canshuurtii laga qaadi jiray halka iyagana ay wasaaradda culeeska ka qaadeen si dacwad ka dhan ah wasaarada loogu soo oogin madaama ay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada ay dhabarka ka saareen canshuur adag. Sida shacrciga canshuuraadka Soomaaliya uu dhigaayo waxaa ku qoran in dhamaan shaqaalaha ay bixiyaan canshuurta marka laga reebo kuwa mushaarkooda ka yar yahay $200 bishii. Saamiga shacriga canshuurta wuxuu dhigayaa qofkii mushaarkiisa la egyahay $1500 bishii waxaa qasab ku ah %18 daqliga soo galo canshuur ah laga qaado. Laakiin xil dhibaanada oo bishii qaataan $3000 mushaar ahaan iyo $1000 oo guno ahaan loo siiyo si ay amaankooda ugu hagaajistaan waxay bixiyaan 8% canshuur ah daqliga soo galo. Heshiiskan waxaa xaqiijiyay kana shaqeeyay baarlamaanka qaybta ama gudiga dhaqaalaha (Maaliyadda) qaabilsan ayagoo arinkaan ka dhameesteen wasiirka maaliyada intii laga shaqeenayay dajinta miisaaniyad dhexeedkii 2017. Haddaba Heshiiskaan ayaa waxaa ka dhallan karo arrin qatar ku ah qaaditaanka Canshuurta dalka, maadaama Baarlamaankii matalayey shacabka Soomaaliyeed uu bilaabay inuu dantiisa kaliya fiirsado isla markaasna uusan ka shaqeyn danaha dalka iyo Shacabka. Heshiiskaan ayaa keeni karo inay Shacabka Soomaaliyeed ka niyad jabaan bixinta canshuuraadka dalka Maadaama Baarlamaanka Soomaaliya uu diiday bixinta tirada rasmiga ah ee canshuurta laga rabay. Heshiiskaan qiyaanada ku ah Canshuuraadka dalka ayaa si cad u muujinayo in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ay si cad ugu tunteen sharciga Canshuuraadka dalka oo qabo sida hoos ku qoran: Nidaamka Canshuurta Daqliyada Soomaaliya: Mushaar ($) Canshuurta (%) 0-200 wax canshuur ah lagama qaado 201-800 6 801-1500 12 1501 iyo wixii ka sareeyo 18 “Xildhibaanada ma ahan kuwo astaan wanaagsan u taagan waayo kaliya dantooda ayay ka shaqeenayaan, waxaa qasab ahayd inay bixiyaan canshuurta sharciga kusoo rogay lana qeybsadaan shacabka bixinta canshuuraadka” Sidaas waxaa dhahay shaqaale ka tirsan hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn. Wuxuuna sii yiri “Aadban u careesanahay waayo $1800 ayaan bishii mushaar ahaan u qaataa waxaana bixiyaa canshuur ka badan midda ay xil dhibaanada bixiyaan, kuwaas oo iga hodansan iyagana awood badan una shaqeenayaan naftooda laakiin aan shacabka danahooda ka shaqeyneyn”. Cabdulqaadir Nuur Xuseen oo ah waaya arag usoo joogay dowladihii Soomaaliya soo maray ayaa sheegay inay tallaabadaan tahay mid uu la yaabay isla markaasna ay muujineyso in Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay kaliya matalaan calooshooda oo aysan shacabka Soomaaliyeed matalin wuxuuna Yiri: ” Adeerow arrintaan waa mid lala yaabo, waxaa cadaatay in Xubnaha Baarlamaanka ay matalaan calooshooda oo aysan shacabka Soomaaliyeed matalin, waxaana ku tallin lahaa in dhammaantood shaqada laga eryo, waxay iloobeen inay yihiin shaqaale u shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halis weyn oo ka dhallan doonto heshiis qiyaano ku ah Sharciga Canshuurta dalka oo ay wada galeyn Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda ? appeared first on Caasimada Online.
-
Beled Weyne (HOL) - Somali security forces have retaken control of Moqorki town in Central Somalia from Al-Shabaab on Wednesday morning. Driving out the militants who have controlled the town since 2016. Source: Hiiraan Online
-
Soomaaliya ayaa kaalinta ugu hooseysa ka gashay dalalka adduunka marka laga eego dhinaca Musuqmaasuqa iyada oo sanad weliba ay hoos ugu sii dhacaysay liiska dalalka ugu musuqa badan dunidda ilaa ay gashay halka ugu hooseeyo 12kii sano ee la soo dhaafey Hay’adda Transparency International oo ah hay’ad aan dowli ahayn oo cilmi baaris ku samaysa arrimaha la xiriira musuqmaasuqa iyo daahfurnaanta oo fadhigeedu yahay Magaalada Berlin ee Dalka Germany ayaa waxa ay warbixinteeda sanadlaha ah ee ku saabsan sida ay dowladda iyo addeegyadeeduba ugu muuqdaan kuwa musuq ah “Corruption Perceptions Index” Warbixintan ayaa waxa ay soomaaliya ku sheegtay dalka ugu hooseeya 180-ka dal ee ay koobtay Warbixintu. Haddaba Shacabka ayaa aaminsan in aysanu qalmin kaalinta ay galay dalka maadaama ay yihiin dad dhaqan iyo anshax adag leh sidoo kalena ah dad islaam ah oo ay diin iyo caqiido ka hor istaageyso dhaqamada musuqa ah ee aduunka intiisa kale aan calaamad ugu noqoney Sameeynta Musuqa ee Nolosha Muwaadinka Musuqmaasuqa ayaa waxa uu saameyn xun ku leeyahay horumarka dhaqan, dhaqaale, iyo nidaamka cadaaladda dalka, waxa ay curyaamisaa sareynta sharciga iyo dhismaha hay’addaha dowladda Saameynta xun ee musuqmaasuqa waxa ay ku dhacdaa inta badan dadka danyarta ah oo qaada culeyskiisa kana hor istaagaa horumar kasta oo laga samayn lahaa sare u qaadida tayada nolosha muwaadiniinta sida horumarinta waxbarashada, Addeegyada caafimaadka iyo Suggidda Amaanka. Musuqa iyo isdabarinta Mushaaraadka ciidanka, saanadda miletari iyo iibka suuqayada muqdisho ee raashinta ciidanka iyo xitaa labiskooda ayaa waxa ay sabab u noqotaa sanad weliba dhimashada shacab badan oo soomaaliyeed iyo fashilka qorshe kasta oo suggid amni ee la hirgelayo Mususuqa waa in la isku xisaabiyaa Waxaa dhaqan noqotay muqdisho in aan la isku ceebin isla xisaabtan ka sokow dhismayaasha dhaadheer iyo guryaha qurxoon ee ay magaalada iyo gobolada ay ka soo jeedaan ay ka dhisteen masuuliyiin dowladda kuwaas oo si degdeg ah oo sharci daro ah uga xoolaysta kuraasta ay ku fadhiyaaan Is dabaraminta hantida hantida dowlada, si xun uga faa’iideysiga awoodda xafiiska, shaqaaleysiinta iyo bixinta qaandaraasyada ee ku salaysan nin jeclaysiga, u leexinta mashaariicda horumarineed dano gaar ah, dayacaada hantida qaran iyo laaluushka calaamadda u noqdey bixinta adeegyada kooban ee ay bixiso dowlada oo aan weli la isku xisaabinin. Haddaba xukuumadda maka go’antahay Qorshaha lagaalanka Musuqa ? La dagaalanka Musuqmaasuga ayaa waxa uu qeyb ka ahaa “Qorshaha Xukuumadda ee 2017- 2020” ee Mudane Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre u dejiyey Xukuumadiisa balse waxa ay u muuqataa in soomaaliya ay hoos ka sii martey kaalinta ay uga jirtey sanad ka hor Waa In ay madaxda sare ee dalka ka go’naataa qorshaha la dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay hormuud iyo tusaale u noqdaan dhaqanka hufnaanta ah ee ay ka hirgeliyaan xafiisyadooda balse weli waxa aan dhicinin fulinta balanqaadyadii la dagaalanka musuqa maadama aysan weli dhicin:- Ma dhicin sidii laga filanayey in dhamaan masuuliyiinta dowladda ee uu ugu horeeya madaxweynaha dalka ay cadeeyaan hantidooda gaarka ah ka hor inta aysan qabanin xafiisyada dowladeed. Ma dhicin masuul ka tirsan dowlada oo lagu soo maxkamadeeyey danbiyo la xiriira Laaluush, dayacaad, takrifal, si xun u isticmaal awood xafiis iyo lunsasho hanti qaran Weli lama hergelin daahfurnaanta hannaanka maareeynta qandaraasyada ay bixiso dowladda sida uu qabo Sharciga Iibka, qandaraasyada iyo dheef-wadaagga Qaranka ee uu ansxiyey Baarlamanka December 12, 2015 Ma hergelin dhismaha Guddi KMG ee la dagaalanka Musuqmaasuqa ka hor inta aan la ansxin hidise sharciyeedka la-dagaalanka Musuqmaasuqa ee horyaala Golaha Shacabka Ma jiro Qorshe Wacyigelin ee la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo qaadidda talaabooyinka degdegta ah ee lagama maarmaanka u ah ho Talo soo jeedinta hay’adda Samaysay daraasadda 1. Xukuumada waa in ay hirgelisaa qorshayaal la taaban karo oo looga hortagayo musuqmaasuqa oo ah caqabada ugu weyn ee horumarka dalka ee dhinaca dhaqangelinta shuruucdii hore ee la-dagaalanka musuqmaasuqa. 2. Dowladda waa in ay dhiirigelisaa xoriyadda haddalka, madaxbanaanida saxaafadda, ilaalinta mucaaradka siyaasideed sidoo kale ay si furan u hormarisaa kaalinta bulshada Rayidka ah si ay qeyb ugu noqdaan qorshaha la xisaabtanka dowladda. 3. Dowladda waa in ay yareysaa sharciyada xakamaynaya saxaafadda, kulamada, is abaabulka iyo dhiiri gelinta baraha bulshada, si loo hubiyo in saxafiyiinta iyo ururada kale ee bulshada rayidka ah ay u shaqeysan karaan iyaga oo ka cabsanaynin dabgal iyo xadgudub. 4. Ururada Bulshada Rayidka ah iyo dowladaba waa in ay dhiirigeliyaan suggidda xaqa helida xogta, arrintaan oo caawin karta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka sidoo kalena yaren karta fursadaha musuqmaasuqa, waxaa muhiim ah in dowlada aysan kaliya ku mashquulin diyaarinta sharuucda balse ay sidoo kale xooga saarto fulinta shuruucda hore loo hergeliyey 5. Dowladda iyo Ganacsatadaba waa in ay si cadcadaan leh u soo bandhigaan xogta la xariirta howlaha danta qaran ee loo baahanyahay sida isticmaalka miisaaniyadda, milkiilayaasha iyo xubnaha saamiyada shirkadaha qaata qandaraasyada dowlada iyo maalgelinta ololoyaasha siyaasadeed, W/D: Maxamed Sheekh (Abwaanka) abwaanka1967@gmail.com The post Xukuumadda RW Kheyre maka go’antahay La-dagaalanka Musuqmaasuqa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ayaa wacad ku maray inay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka hawl-gasha Soomaaliya. Ergayga Midowga Afrika ee Somaila, Danjire Francisco Madeira iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Wadajir uga sheegay kulan ay Muqdisho u yeesheen inay ka go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Al-shabaab. “Waxaan doonayaa inaan idiin xaqiijiyo in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS oo wakiil ka ah taliska ciidamada dalka ku sugan oo dhan inay u midoobayaan sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen kooxda argagaxisada ha ee Al-shabaab,” ayuu Madeira u sheegay war-fidiyeenka. Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii maalmo ka hor lagu dilay tiro 40-qof ka badan laba qarax oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay barbar-socdeen weerarro toos ah oo ay geysteen kooxo Al-shabaab ka tirsan. “Dhammaanteen waxaan muujinaynaa sida aan uga xunnahay wixii dhacay oo dhan, waxaana naga go’an inaan xoogga saarnlo sidii aan waddanka oo dhan u xasilin lahayn, isla markaana aan uga adkaan lahayn cid walba oo dhibaato wada,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Madeira. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Cabdi Sabriye ayaa isna ku boorriyay dhammaan hay’adaha ammaanka iyo ciidamada qaybahooda kala duwan inay hadaf mideysan ka qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin ba’an ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Wasiirka ayaa soo hadal-qaaday dhacdadii ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ay ku dileen askar ka tisran kuwa Dowladda Somalia ayuu ku tilmaamay fal six khalad ah u dhacay, isagoo sheegay in labada ciidan looga baahan yahay inay wax walba ka hormariyaan sidii cadowga looga adkaan lahaa. “Run ahaantii falkaas wuxuu ahaa mid si khalad ah ku dhacay, waxaanan ku heshiinnay innaga iyo AMISOM in si wadajir ah aan u baarno dhacadadaas, isla markaana aan warbixin wadajir ah kasoo saarno,” ayuu wasiirku intaas ku daray. Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ayaa sheegay inay si aad ah ugu dadaalayaan inaysan soo noqon falalka noocan oo kale ah, laakiinse haddii ay soo laabtaan, waxaan ku heshiinnay inaan ka shaqeynno sidii loo xallin lahaa, si looga fogaado dhibaatooyin dhaca. PUNTLAND POST The post Dowladda iyo AMISOM oo ka Hadlay Dagaalka Al-shabaab iyo Askar lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Justin Brady talks with internally displaced people in Gaalkacyo, Somalia. Thousands of families had been displaced by violence and were forced to live in open spaces in the outskirts of the town. Credit: OCHA Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia – The U.S. military says it has killed two extremists and wounded another in an airstrike against al-Shabab fighters in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed “Maareeye” iyo agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka kulan la qaatay wafti balaaran oo uu hogaaminayey madaxa hay’adda FOA ee Soomaaliya Mr, Daniele Donati iyo saraakiil kale oo ka socotay xafiiska FOA Soomaaliya. Kulankan ayaa intii uu socday xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adda FOA iyo wasaarada Deegaanka islamarkaasna loo balaarin lahaa howlgalka iskaashi ee labada dhinac ay horey ugu jireen, shirka ayaa diirada lagu saaray mashaariicda Puntland ay FOA kawado sidii loogu salayn lahaa qorshaha dawlada Puntland gaar ahaana qaybtooda Deegaanka iyadoo laga duulayo istaraatijiyada wasaarada Deegaanka oo ku salaysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Puntland. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii FOA iyo wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ay uga wada shaqayn lahaayeen fulinta iyo balaarinta Mashruuca cunto lacag ku badalashada ah “Cash for work” ka hortaga abaaraha, hagaajinta iyo hormarinta dhul daaqsimeedka Puntland, hormarinta Daaqa, ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo ilaalinta Duurjoogta Puntland waxaana ay dhinacyadu isla qaateen in si wadajir ah loo bilaabo fulinta dhamaan qorshayaashan oo ku salaysan baahiyaha bulshada reer Puntland oo ay horey wasaarada Deegaanku u samaysay kadib markii ay wadatashiyo kaladuwan la qaateen qaybaha kaladuwan ee bulshada. Wasiirka wasaarada Deegaanka Dr. Cali Cabdullaahi ayaa gabagabadii shirkaas uga mahadceliyey madaxda FOA booqashada ay ku yimaadeen wasaarada deegaanka waxaana uu sheegey inay muhiimtahay bilaabista Qorshe midaysan oo wax looga qabanayo deegaanka Puntland, madaxa hay’adda FOA ee Soomaaliya Mr, Daniele Donati ayaa isna u mahadceliyey madaxda wasaarada Deegaanka wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxayso waxaana uu sheegey in ay sii laba jibaari doonaan howgalkooda Puntland iyagoo ku shaqaynaya siyaasada dawlada Puntland. Puntlandi.com
-
Ciidamada Dowladda Soomalaiya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa saaka waxa ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan. Dadka deegaanka oo lahadlay Warbaahinta Puntlandi ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uuna socday mudo labo saacadood ah, waxayna dadka degaanka inoo sheegeen in uu socda barakac xoogan ,lagana cabi qabo in Al-shabaab markale ay soo rogaal celiyaan. Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay kaga guulaysteen kooxda Al-shabaab oo ay lawareegeen gacan kuhaynta Deegaanka Moqokori oo markii hore gacanta ugu jiray Ururka Al-shabab . ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka soo kala gaaray labada dhinac iyo cid xaqiijisay toona. Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aysan soo saareen dagaalkan ,marka laga reebo sheegashada dowladda ee ah in ay lawareegeen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan. Halkan kala soco wixii ku soo kordha warkan
-
Sirdoonka reer Galbeedka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray digniin ku aaddan weerarro abaabulan oo Al-shabaab la damacsanyihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo laba hotel oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama,sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga Soomaaliya. Farriimaha digniinta ah ayaa sheegaya in laba gaari oo qaraxyo sida iyo kuwa kale oo ay saaran yihiin dableey hubaysan loo diyaariyay weerarada ay Al-shabaab qorshaysay in ay ku qaaddo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo laba hotel oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama. Sirdoonka shisheeye ee ku sugan Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa xogtaan la wadaagay saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,iyadoo wararku sheegayan in haatan ciidamada amniga lagu amray in ay hawlgal ballaaran qaadaan ,si looga hortago khatarta ka soo wajahan Al-shabaab. Khamiistii todobaadkii hore, dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin tan oo kale ah,waxaana xigay qaraxyo waaweyn oo jimcihii lagu qaaday agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia iyo hotel Doorbin oo ku yaalla meel u dhow xarunta hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee(NISA). PUNTLAND POST The post Sirdoonka reer Galbeedka oo digniin ka soo saaray weerarro Al-shabaab u qorshaysay magaalada Muqdisho. appeared first on Puntland Post.
-
Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalyahano ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. War Saxaafadeed kas oo baxay Talis ka Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay illaa iyo labo dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Duqeyntani ayey sheegeen Militariga Mareykanku in ay geyteen maalinimadii Isniinta ahayd ee la soo dhaafay, islamarkaana ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Jilib ee bobolka Jubadda Dhexe. Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ah oo uu la beegsanayo fariisimaha Al Shabaab ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya. Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro Al-Shabaab oo qatar ku ahaya nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya ayaa qoraalka lagu yiri. Madaxweyne Trump ayaa ogolaaday 2016-kii in la dardargaliyo duqeymaha diyaaradaha Daroonis-ka Mareyknaku ay ka fuliyaan Soomaaliya.
-
The Netherlands is set to withdraw from the EU Training Mission in Somalia (EUTM-S) by April. It currently has 15 soldiers serving with the mission, which was set up in 2010 and trains and advises the Somali National Army (SNA) and Ministry of Defence. Source: Hiiraan Online