Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo wafdi xidlhibaano ah oo uu hogaaminayo oo Muqdisho uga qeyb galay furitaanka kalfadhigii saddexaad ee barlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta dib ugusoo laababanaya Garowe. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad ka helay guddoomiye Jawaari oo haatan uu ku furan yahay mooshin la doonayo in xilka lagaga tuuro. Axmed Cali Xaashi ayaa saxaafada kula hadlaya Garowe marka uu soo dago, waxaana la filayaa inuu ka warramo safarkiisa Muqdisho iyo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhex taagan barlamaanka Soomaaliya iyo mowqifka barlamaanka Puntland uga aadan arrintaas. Puntlandi.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Jabhada ONLF ee sida aadka ah uga soo horjeeda maamulka DDSI ayaa shaaca ka qaaday in si fool-xun loola dhaqmo Sarkaalka Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo dhawaan ay dowlada Somalia u gacan galisay Ethiopia. Cabduqaadir Hirmooge, oo ah Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in dowlada Ethiopia aysan waxba u yareysan Qalbi-Dhagax, hase ahaatee ay falalkaasi kula xisaabtami doonaan dowlada Ethiopia iyo inta garabka kusiisay dhiibista Sarkaalka. Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge oo u waramaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in oogada Qalbi-Dhagax ay qarisay calaamadaha jir dilka ay u geysteen ciidamada Ethiopia ee ku dhex haya Xabsiga. Hirmooge, waxa uu sheegay in Sarkaalka lagu amray in uu la hadlayo warbaahinta sheegana in uu ka tanaasulay fikirkii uu horay u qabay. Waxa uu intaa ku daray Hirmooge, in Qalbi-Dhagax lagu amray in mudada uu ku guda jiri doono la hadalka warbaahinta uusan muujinkarin jir dilka loo geystay iyo waxyaabaha uu kala kulmay xabsiga dhexdiisa. ‘’Waxaan aad uga xunahay sida loo jirdilay Qalbi-Dhagax, waxaan naga daadagi doonin waxyaabaha ay qarineyso Ethiopia, waxaana inoo balan ah aargoosiga jir dilka iyo tacadiga Qalbi-Dhagax’’ Hirmooge, waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in weli ay dhibaato culus heysato Qalbi-Dhagax maalin walbana Xabsiga lagu jirdilo sida uu hadalka u dhigay, isagoo lagu khasbaayo inuu sheego waxyaabo dhaawici kara sharafka ONLF. Geesta kale, dowlada Ethiopia ayuu sheegay in Qalbi-Dhagax ay ku cadaadineyso in dib uga laabto fekerka Jabhada ay ku xoreyneyso dhulka DDSI, oo iminka ay hantisay Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa digniin culus u diray Xubnaha Beesha caalamka u jooga Somalia. Xildhibaanada ayaa Xubnaha beesha caalamka uga dugay inay faraha kula sii jiraan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari. Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Beesha caalamka ay kasoo talaabtay xadkii loogu tallo galay, sidaa aawgeed laga doonaayo inay faraha kala baxdo howlaha Mooshinka. Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay faragelin toosa ku hayaan howlaha Mooshinka, waxa ayna ku baaqeen inaysan culeyska kusii kordhin Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia. Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka laga keenay Guddoomiye (Jawaari) kana mid ahaa Xildhibaanada kulanka ka yeeshay faragalinta xubnaha Beesha caalamka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka la siiyo madax banaani ku aadan inay qabsadaan hawlahooda. Jeesow waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay inay fara kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka. Si kastaba ha ahaatee, kulanka Xildhibaanada ku baaqay in Beesha Caalamka ay faraha kala baxdo Mooshinka ayaa kusoo beegmaaya xili labada maalin un ka hor ay wakiilada ku baaqeen in la joojiyo Mooshinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kaga qeybgalay kulan Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagu qabtay Magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda Kulanka gaarka ah ee 18,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayay ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika “African Continental Free Trade Area” si loo aas aaso hal suuq oo Afrika ay leedahay. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka Wasiirada arrima dibadeedka Afrika waxa uu ka sheegay in ay qiimaha weyn ay ugu fadhido Afrika inay ku midoobaan hal aragti oo horumar hiigsanaysa, si saboolnimada iyo colaadda u soo afjaranto, isagoo xusay in Soomaaliya oo ah dal dadkiisu ku firfircoonyihiin ganacsiga ay u tahay fursad weyn abuuridda suuqa Afrika. Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika. Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa intooda badan inay gaaraan Magaalada Kigali March 21, 2018 si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Dhiggiisa wadamada South Africa Ms. Lindiwe Sisulu, Djibouti Mr. Mahmoud Ali Youssouf, Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha Soomaaliya kala dhexeeya wadamadaasi.
  5. Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah. Qaabkan, waxaa ay ka duwan tahay xukuumadda, oo qodobka 69aad, faqrada (d) iyo (e) ayaa qeexaya qaabka loo maro meel-marinta iyo ceyrintaba, tusaale ahaan faqrada(d): Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1, iyo faqrada (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku-xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul-Wasaaraha. Si loo sii adkeeyo nooca codeynta golaha shacabka, qodobka 5-aad ee xeer-hoosaadka waxaa ku xusan, Qaabka loo dooranayo guddoomiyaha golaha iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana la adkeeyay shuruudda ku qoran qodobadka 65aad ee dastuurka, oo ah cod qarsoodi ah. Dhinaca kale, sida aan ku arki-doontaan noocyada cod-bixinta golaha, waxaa jirta mar haddii ay timaado duruuf gaar ah ay xildhibaannadu soo jeedin karaan cod gacan taag ah in loo bedelo qarsoodi, markaas oo loo baahanayo 20 Xildhibaan, qodobkan xeer-hoosaadka laguma darin in cod qarsoodi ah, loo badalo gacan taag. Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Iyo Noocyada Codeynta Cod bixinta waxay u dhaceysaa siyaabaha soo socda: Gacan taag Cod qarsoodi ah Cod-bixin qoraal ah magac u yeerid. Cod bixinta qarsoodiga ah waxaa loo sameynayaa sida soo socota: Guddoomiyaha Golaha waa in uu diyaariyaa sanduuqa cod bixinta Guddoomiyaha Golaha waa in uu sharaxaa habraaca codeeynta. Guddoomiyaha Golaha waa inuu amraa yeerista magacyada xubnaha iyo u qeybinta xubnaha xaashida lagu codeeyo. Guddoomiyaha waa inuu xaqiijiyaa xubnaha codeeyay , kuwa ka aamusay iyo kuwa xumaaday , ka dibna ku dhawaaqaa Natiijada codbixinta. Cod-bixin qoraal ah (magac u yeerid), waxaa la qabanayaa markuu guddoomiyaha ama ugu yaraan 10 xubnood sidaas codsadaan, goluhuna go’aankaa qaato. Marka la qaadayo cod-bixin qoraal ah magac u yeerid, xubin kasta oo codeysa magaceeda hosrtiisa ayaa lagu qorayaa codkeeda haa/ maya ama maqnaashaheeda waana in lagu hor qoraa magaciisa/ magaceeda oo buuxa. Haddii ay timaado duruuf gaar ah, waxey xildhibaannadu soo jeedin karaan cod gacan taag ah in loo bedelo qarsoodi. Soo jeedinta waxaa keeni kara ugu yaraan (20) Xubnood oo golaha shacabka ah. Sharci ahaan haddii codeynta Mooshin la hor keenay Golaha ay barbar dhac noqoto, mooshinkas ma meel marayo. Haddii cod bixinta ay gacan tag tahay, guddoomiyaha ayaa codeynayo si uu u kala saaro labada dhinac markay is barbar dhac noqdaan. Marka laga reebo cod-bixinnada qarsoodiga ah iyo cod bixin magac u yeerid ah oo Goluhu ogolaaday sida ku qeexan Dastuurka ama xeer-hoosaadkan dhammaan cod-bixinnada kale ee caadiga ah waaa gacan tag, loona tiriyaa safba mar. Xubnaha jooga fadhiga balse aan ka qeyb qaadan cod-bixinta waxaa loo xisaabinayaa sida codadka xubnaha aamusay oo kale. Inta looga dhawaaqayo natiijada cod-bixint, xubin golaha ka tirsan looma ogola in ay hadal u jeedisa Golaha. Haddii la ogaado in ay jiraan khalad ku yimid cod-bixinta qarsoodiga ah ama codadka la riday aya ka badan yihiin tirada xubnaha jooga , guddoomiyaha wuxuu burinayaa natiijada cod-bixinta wuxuuna isla markiiba qabanayaa cod-bixin kaloo cusub . natiijada cod-bixin kasta waxaa ku dhawaaqaya guddoomiyaha Golaha isaga oo sheegaya tirada codadka ogolaaday ama diiday iyo codadka hallaabay. Axaddii, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aqbalay in aqalka sida ugu dhaqsaha badan uu ugu qaado codka kalsoonida kadib markii Mooshin laga gudbiyay, arrintan waxaa ay keentay khilaaf iyo xasilooni-darro siyaasadeed oo u dhaxeysa xukuumadda iyo golaha shacabka, qaabkan loogu codeynayo xil ka qaadista guddoomiyaha waxaa ay ka mid tahay hadal-heynta taagan.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Mooshinka ay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia kawadaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari ayaa saacadihii ugu danbeeyay ay sii korortay tiradooda, waxa ayna iminka gaarayaan ilaa 198-Xildhibaan oo saxiixay Mooshinka. Mooshin wadayaasha ayaa waxaa u badan Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Xildhibaano aan xilal ka heyn Xukuumada jirta, waxa ayna ka siman yihiin in meesha laga tuuro Guddoomiye Jawaari. Wasiirada iyo Xildhibaanadaka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa horboodaya Ra’isul wasaare Kheye oo isagu wacad ku maray in Guddoomiye Jawaari uusan lasii shaqeyn doonin dowlada ‘’Nabad iyo Nolol’’. Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu Mooshin wadayaasha ku dhiirigaliyay inay ka takhluusiyaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo la eegaayo isbedel ka dhex curta baarlamaanka Somalia waxa uuna hal hees ka dhigtay ‘’Jawaari uma uusan dhalan xil heynta’’ Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiye Jawaari uu ballanqaadyo u sameeyay Xildhibaanada ugu badan, halka qaarna uu uga ballanqaaday dhaqaale xoogan oo abaalmarin ah, haddii ay xilka ka tuuraan Jawaari. Xildhibaanada qaar ayaa ololo ugu jira in riditaanka Jawaari ay ku gaaran mansabyo kale, waxaana jira qaar badan oo uu wato shaqsiga imaan doona oo lawada ogyahay. Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa waxaa jira qaar iminka ka tirsan garabka taabacsan Jawaari, kuwaa oo saacadaha ugu danbeeya kusoo biiri doona Mooshinka. Si kastaba ha ahaatee, Mooshinka ayaa u muuqanaaya mid ay isugu hanjabayaan Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, wallow aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Mooshin waa kalimad qalaad oo loo fahmay loona adeegsaday si ka duwan ujeedkeeda asalka ah sida uu ku fasiray Gudoomiye Jawaari “Mooshin iyo Xasaanad waa agabka kaliya ee Xildhibaanku leeyahay”. Mooshin waa; soo jeedin, la xisaabtan, dhaliil, canaan iwm, waxaana u baahan dawlad kasta oo dimoqraadi ah. Lkn dadka Somaaliyeed markii ay arkeen dhaqanka Xildhibaanadooda waxey u fahameen Mooshin; dumin, dib-u dhac, dibin-daabyo, khilaaf, loolan, xaalad-abuur, xasilooni-darro iwm. Beryahaan waxaa dood badan ka jirtay sababta iyo waxa uu salka ku hayo Mooshinka GudoomiyeJawaari; Khilaaf Jawaari iyo Khayre miyaa? Jawaari iyo Farmaajo miyaa? Jawaari iyo Muudey miyaa? Jawaari iyo Sharif Xasan miyaa? Qabyo iyo Xukuumadda miyaa? Qatar iyo Emaaraat miyaa? DP World iyo Somaliland miyaa? IGAD iyo Khaliij miyaa? Beesha Xalane iyo dawlada Federaalka miyaa? Su’aalahaas iyo kuwa kale ayey dadka Somaliyeed is weydiiyeen kadib markii ay ku soo kaceen aroortii 14 kii bishaan Mooshin aysan filayn, iyada oo laga hor-tegay laba Mooshin oo ka horeysay, Culimaduna uga digtay Xildhibaanada in ay Mooshin danbe keenaan, Sanadkaana loogu magac daray; “Sanadkii Xasiloonida Siyaasadeed” Mucaarad, Muxaafid iyo dadweyne intuba waxa ay ku wareereen sababta Mooshinka. Lkn waxaa jira Su’aal ama Jawaab aan weli la is weydiin oo ah; Mooshinka Jawaari wuxuu bilawday 6 bil ka hor, mana jirin xilligaas khilaaf u dhaxeeyay Jawaari, ku xigeenkiisa, M/weyaha iyo R/wasaaraha, hadda ayuu banaanka usoo baxay sababta? Xildhibaanadii Mooshinka ka qoray Jawaari 6 bil ka hor qaar ayaa hadda difaacaya Jawaari sababta? kuwii 2 bil ka hor difaacayey M/weynaha iyo R/wasaaraha ayaa hadda difaacaya Jawaari iyaga oo ku xumeynaya Khayre iyo Farmaajo sababta?, xagey Ciyaartu iska qaban la’dahay??? Dadka indha indheeya ama qiimeeya Siyaasada Somaliya waxey Biya dhaca Jawaabta ku tilmaameen hal qodob kaliya: Tartan iyo Loolan u dhaxeeya 40 Xildhibaan oo Wasiirro ah iyo 40 Xildhibaan oo Wariirro rabta! Mushkiladuna waxey ka soo bilaabatay 2004 markii Qabqable-yaashii hore iyo dawladaha IGAD ay ku heshiiyeen in Xildhibaanka iyo Wasiirka hal qof isku qaadan karo, kana dhigeen qodob Dastuuri ah, Odoyaasha iyo Bulshaduna nasasho heli-mayaan inta uu qodobkaasi noolyahay. Hadii aad u fiirsado Diinimada dhaqaajinaysa Mooshinka labada dhinac waa Xildhibaanada Wasiirada ah oo ku difaacaya kuraastooda iyo Xildhibaanada aan ku qanacsaneyn kursiga Xildhibaanka ee u hanqal taagaya kurassta Wasiirada. Waxaana muuqata in ay guul-dareysteen baaqyadii Bulshada iyo dadaaladii M/weynaha, Aqalka Sare, Culimada, MadashaTalo-wadaag, Bulshada Rayidka, Dhaqanka ee lagu doonayey in arinta lagu qaboojiyo lana joojiyo Mooshinka. Gudoomiye Jawaarina waxaa ka muuqata kalsooni uu ku qabo in la wada tago Sanduuqa Codka, lkn waxaa horyaal arrimo badan oo mugdi ku jiro; goorta Sanduuqa la tegayo, goobta la dhigayo Sanduuqa, cCdda leh go’aanka Sanduuqa, Cidda goobjooga ka noqoneysa, Tirada Xildhibaanada ka qeyb-gelaysa, Ciidamada ilaalinaya, cidda maamuleysa iwm. Hadii xalkii siyaasadeed la diiday! Xalkii sharcigana u baahanyahay Tafsiir iyo is faham dhexmara 80 Xildhibaan oo isku haysta, oo wada doonaya 40 Kursi Wasiir, Dastuur iyo xeerar qabyo ah, Maxkamad fasirtana aysan jirin! Armaa loo baahdaa oo fursad kale la siiyaa Kampala Accord iyo Beesha Xalane??? W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
  8. Eritrea says Ethiopia must move to deal with its chronic internal security crisis instead of finding scapegoats from outside. Source: Hiiraan Online
  9. Rwanda and Tanzania have decided to use electric trains for their 1,320km standard gauge railway (SGR) line which will link to the East African regional line which passes through Kenya and Uganda. Source: Hiiraan Online
  10. Dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA oo ay ku midaysan-yihiin qeybaha ugu badan ururada bulshada rayidka ah ee kajira Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa dood adag ka yeeshaay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jra xubnaha baarlamaanka Soomaaliya. Dood dheer kadib, Laba Dalladood waxa ay si wadajir ah usoo saareen War-Murtiyeed ka kooban qoodbada soo socda :- 1. Dalladaha waxa ay aad uga walaacsan yihiin khilaafka siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Hey’adaha Sharci dejinta iyo Fulinta iyadoo ay u arkaan in khilaafka xiligan ku soo beegmay uu yahay mid dhabar jab ku ah geedigga dowladnimo ee Soomaaliya 2. Ururada bulshada rayidka ah waxa ay ugu baaqayaan madaxda dawladda federaalka ah in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo sida ugu haboon ee danta shacabka Somaaliyeed ku jirto, danta gaar ahaaneedna laga hormariyo danta guud. 3. Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan golaha shacabka oo ah wakiilada ummadda Soomaaliyeed in ay waajibaadka saaran u gutaan si wadani- nimo ah, ALLE ka cabsina ku jirto 4. SOSCENSA iyo PUNSAA waxa ay xal u arkaan in si daah-furan loo qabto kulanka codka kalsoonida u qaadidda ee guddoomiyaha baarlamaanka sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya loona dhameeyo khilaafka taagan. 5. Dalladuhu waxa ay baaq u dirayaan Xukuumada iyo Golaha shacabka oo ku aadan tixgelinta iyo u hogaansanaanta Dastuurka Dalka. 6. Dalladuhu waxa ay usoo jeedinayaa in golaha shacabka iyo xukuumaduba ay u ogolaadaan bulshada rayidka in ay goob joog ka noqdaan qaabka hawsha ay u dhaceyso 7. Waxa ay ka digayaan in hantida qaranka lagu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya Golayaasha Dowlada 8. Waxa ay xasuusinayaan madaxda qaranka in khilaafka hadda jira uu niyad- jab ku yahay himmilada ummada Soomaliyeed, sidoo kalena uu dhaawacaya horumarkii la gaaray muddadi lasoo dhaafay. 9. Ugu dambayntii waxa ay ugu baaqayaan mas’uuliyiinta dowlada in ay dhageystaan isla markaana ay qaataan tallooyinka bulshada rayidka Soomaaliyeed si loo xalliyo khilaafka taagan. Wabilaahi Towfiiq HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA OO PDF AH. War-murtiyeed ay soo saareen dalladaha bulshada rayidka ee SOSCENSA iyo PUNSAA.doc
  11. BOSSASO (HOL) Two crew members have been killed and two others sustained injuries after commercial boat caught fire near Bossaso port, 1,388 km northeast of Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  12. BOSSASO (HOL) Two crew members have been killed and two others sustained injuries aft Source: Hiiraan Online
  13. BOSSASO (HOL) Two crew members have been killed and two others sustained injuries after commercial boat caught fire near Bossaso port, Source: Hiiraan Online
  14. Wasiirka Dekadaha Puntland Mudane Saciid Maxamed Raage iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Isutaga Emaaraatka. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa Emaaraatka kalasoo hadlaya Xiriirka labada dhina iyo Hesiisadii labada dhinac kala galeen. Safarka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya safar aan la shaacin ee Madaxweyne Gaas ku aadi doono Emaaraatka laakiin macada in Madaxweyne Gaas uu badalkiisa diray Wasiirka iyo in qorshuhu wali ku jirto Safarka Madaxweynaha ee Emaaraatka. Wasiisirka iyo wafdigiisu waxay Galabta ka duuleen Bosaso. Puntlandi Bosaso
  15. Taliyaha Ciidamada Bada Puntland C/risaaq Diriye Faarax oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Bosaaso ayaa ka Warbixiyay howlgalo maalmahan ay Ciidamadu ka wadeen bada iyo bariga. Taliyaha ayaa marka hore waxa uu kawarbixiyay dowrka ay Ciidamada Bada Puntland ay kuleeyihiin Xaqiijinta Amniga deegaanada Puntland bad iyo bariba waxaana uu sheegay in Qorshihii hore ee ciidamada uu wax badan iska badalay . Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in tan iyo wixii kadambeeyay 2011 kii markii markii la,Aasaasay Ciidamadan ujeedadii laga lahaa ay ahayd oo kaliya in ay la dagaalamaan Burcad badeeda Soomaaliya balse ,haatan Ciidamadan tababaro badan oo lasiiyay iyo xirfadooda oo kor loo qaaday kadib ay bilaabeen in ay ka howlgalaan bada iyo barigaba. Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadan ay ka howlgalaan Afar goobood oo bad waynta Hindiya ah iyo Afar goobood oo kale oo bada cas ah. Dhanka bariga waxa uu sheegay Taliyaha in ay Ciidamadu ay ka howlgalaan Garoowe, Qandala, Iskushuban , Gal gala iyo Sugure. Dhanka Xeebaha Hindiya ayaa waxa uu sheegay in ay Ciidamadu ay ka howlgalaan Garacad, Eyl, Xaafuun iyo Baar gaal. Hadaba halkan kadhagayso .
  16. Bosaso-[Puntland Post]-Taliyaha Ciidamada xeebaha Puntland Admiral C/risaaq Diiriya Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Bosaso ayaa ka hadlay kaalinta dowladda imaraadku ay ku leedahay ciidamada Badda Puntland iyo go’aankii barlamaanka Federaalka ee dalka lagaga mamnuucay Shirkadda DP World. Taliyuhu wuxuu kaloo ka hadlay goobaha ay ciidamada ay ka howlgalaan, isagoo sheegay in ciidamadu ay saldhigyo ku leeyihiin magaalooyin waaweyn oo ku teedsan badweynta Hindiya iyo badda gacanka cadmeed. Wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaraadka Carabta oo uu sheegay inay ciidamada badda Puntland ay ka caawiyaan Tababarada, Dhaqaalaha iyo tasiilaadka kale ay u baahan yihiin, waxaa uu tilmaamay in taageerada Dowladda Imaraadka la’aanteed ayan suurgasheen guulaha ay ciidamadu ay gaareen 7 sanno ee la soo dhaafay. Ciidamada PMPF oo la asaasay 4 October 2011 ayuu sheegay taliyuhu unay saldhigyo ku leeyihiin degmooyinka Garacad, EyL, Xaafuun, Iskushiban, Qandala, iyo xaruntooda oo ugu weyn oo ku taala magaaladda Bosaso. Taliyuhu, wuxuu sheegay in ciidamadu ay guul weyn ka gaareen ahdaaftii markii hore loo asaasay oo ahayd la dagaalanka Burcad-badeeda oo uu tilmaamay in jiridaha loo siibay, waxaa kaloo uu xusay in shaqooyinka ciidamadu ay ka mid tahay la dagaalanka Tahriibka, Hubka sharci darada ah iyo la dagaalanka argagixisada. Wariyaha Puntland Post ee Bosaso ayaa Taliyaha waydiiyay in Saraakiisha ciidamada Imaraadka ee Puntland ku sugan shaqadoodu ku kooban tahay oo kaliya tababarka iyo gacansiinta ciidamada iyo inkale, waxaa uu yiri “ shaqadoodu waxay ku egtahay oo kaliya waxaan annagu u baahan nahay inay caawiyaan, hadduu yahay tababarka, wixii howlgal ah waxaa iska leh dowladda Puntland, anniga iyo ciidamaduna waxaanu fulinaa rabitaanka iyo ujeedooyinka dowladda Puntland, Ma jirto cid ajnebi ah oo amar na siisa” ayuu yiri taliyaha ciidamada Badda Puntland. Mar uu ka hadlyay Go’aankii barlamaank Federaalku uu dalka uga mamnuucay inay ka shaqayso shirkadda DPWorld, wuxuu sheegay inuusan jirin khilaaf u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladda Imaraadka Carabta. Go’aanka barlamaankuna uusan wax saamayn ah ku yeelan taageerada Imaraadku uu siiyo Ciidamada Badda Puntland. Ciidamada Ilaalada xeebaha Puntland oo la asaasay 7 sanno ka hor waxay ka mid yihiin ciidamada ugu qalabka iyo tayada fiican ee dowladda Puntland leedahay, waxay ka howlgalaan buuralayda Cal Miskaat iyo Cal Bari, iyagoo halkaasi kula dagaalama Kooxaha Alshabaab iyo Daacish. sidoo kale waxay sugaan amniga magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Taliska Ciidamada ilaalada Badda Puntland oo ka hadlay taageerada Imaraadka iyo DP World appeared first on Puntland Post.
  17. Xubno kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeen ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Mooshinkii laga gudibyay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Xildhibaanadan ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa waxa ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqeen in uu xilkan iska casilo, waxayna arintan ay muujinaysaa in uu Jawaari lakulmayo Mucaarad xoog leh. Waxa ay ka codsadeen Gudoonka Aqalka hoose in uu tix galiyo soojeedintooda uuna ixtiraamo sharciga dalka uyaala. Xil dhibaanadii Mooshinka ka gudibayay Gudoomiyaha oo xalay ilaa iyo maanta shirar kala duwan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa tiradooda waxa ay kor udhaafaysaa ilaa iyo 200 oo Xildhibaan , waxayna u soo jeediyeen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya in uu is casilo inta uusan Golaha hor iman. Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhankiisa Gudoomiye Jawaari, balse Gudoomiyaha ayaa wali ku adkeesanaya in uu sharcigu sareeyo diyaarna uu uyahay in cod loo qaado Mooshinka.
  18. Magaalada Bosaaso maanta waxaa lagu qabtay kulan lagu iclaaminayay Xiliga ay dhici doonto Caleema saarka Beel daajaha guud ee Beesha Cali saleebaan oo kamid ah Beelaha dagan Gobolka Bari . kulankan ayaa waxa uu daaranaa laba arimood oo kala ahaa iclaaminta Caano shubka Beel daajaha iyo mahad celinta soo dhawayntii diiraneed oo ay u sameeyeeb dadweynaha ku dhaqan Magaalada Bosaaso Beel daaje Maxamed Beel daaje Ismaaciil Beel daaje Cabdilaahi. Munaasibada oo lagu qabtay Hotel karaama ee Magaalada Bosaaso ayaa waxaa ka soo qaybgalay Nabadoonada , Cuqaasha , Waxgaradka Isimada dhaqanka , Gamacsatada , Culimada iyo Haweenka. Gudiga qaban qaabada Caana shubka Beeldaajaha ayaa waxa ay Madasha kaga dhawaaqeen in maalinta Axada kuna beegantahay Tariikhda 15-4-2018 Caleema saarka Beel daajaha lagu qaban doono degmada Carmo ee Gobolka Bari. Gudiga ayaa dhamaan beel weynta Soomaaliyeed iyo qurba joogta ku sugan dalka dibadiisa ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan Caleemo saarka Beel- daaje Maxamed Beel daaje Ismaaciil Beel Daaje Cabdilaahi. Hadaba halkan ka dhagayso kana daalaco sawirrada. Codadka odayaasha
  19. Mumbai (Caasimada Online) — Tani waa sheeko jaceyl oo qalbi taabad leh, nin u dhashay dalka India ayaana doortay inuu nin kale u guuriyo xaaskiisii uu la aqal-galay lix maalmood ka hor. Maxaa yeelay gabadha uu guursaday ninkaani waxay jacleyd wiil kale, waxaase u diiday qoyskeeda, sidaas darteed ninkaan u dhashay India wuxuu doortay inuu gabadhaan u guuriyo jaceylkeedii hore si uusan ugu ciyaarin nolosha seddaxdooda. 4tii bishaan March ayey dhacday qisadaani, 28 sanno jirkaan Basudep Tappo wuxuu kazoo jeedaa xaafadda Palmara ee ka tirsan gobolka Odisha ee dalka India, wuxuuna guursaday gabar 24 sanno jir ah oo kasoo jeeda xaafadda Jharsuguda, guurkoodana labada qoys ee ay kasoo jeedaan ayaa soo qaban-qaabiyey, wuxuuna ahaa aroos dhaqameedka India. Balse lix cisho oo qura ayey ahaayeen nin iyo xaaskiisa, maxaa yeelay maalintii todobaad, seddax nin oo uu ka mid ahaa ninkii ay gabadhu horay u jecleyd ayaa soo booqday guriga Basudep Tappo, halkaasoo looga sheeko bogtay qisadii jaceyl ee isaga ka horreysay. Xitaa gabadhaan ayaa u sheegtay seygeeda Basudep Tappo in qoyskeedu ay u diideen jaceylkeedii hore ka dibna ay isaga u guuriyeen. Marka ay halkaas mareyso, Basudep Tappo ayaa keenay xalka ugu fiican, wuxuuna la xiriiray waalidka gabadhaan isagoo ku qanciyey inay u guuriyaan xaaskiisa ninkii ay horay u jecleyd. Hooyada dhashay Basudep Tappo oo lagu magacaabo Sanibari Tappo lana hadashay majaladda The Times of India ayaa daaha ka qaaday in wiilkeedu uu yahay boqor jaceyl maadaama uu xal caaqil keenay, sidoo kale Tappo qudhiisu wuxuu qirtay inuu u bareeri waayey inuu burburiyo nolosha jaceyl ee seddax ruux. Guddoomiyaaha xaafadda Pamara oo lagu magacaabo Gajendra Bagh ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aankaan Basudep, halka ay dadka degan xaafadduna ugu duceeyeen goobtii uu isugu guuriyey shimbirihii jaceylka ee ku sigtay inay iswaayaan. Caasimada Online Xafiiska Moqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdhso (Caasimdda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kaftan leh uga hadlay shirarka ay magaalada Muqdisho ka wadaan xildhibaannada wada mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari). “Kulahaa “197 Xildhibaan” ayaa maanta iskugu yimid kulankii qadada ahaa ee ay soo agaasimeen Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre!. Waxaan ugu bishaareynaynaa saaxiibadeen in Gudoomiye Jawaari aqbalay in cod loo qaado. Tirada ay u baahanyihiina ay tahay 184 cod oo kaliya..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kaftan ah ku weeray Xildhibaanka ayaa talo kale u jeediyay xildhibaannada ka soo horjeeda Jawaari isagoo yiri: “Saaxiibo yaalow intaad iska dhaaftaan buula-xuuftada qadooyinka, shirarka jaraa’id iyo nambarada beenta ah ee la isku dhufsanayo mooshinkiina miiska soo saarta, noona ogolaada inaan cod ku kala baxno. Maadaama tiradii aad u baahnaydeen mid ka badan aad haysataan sida aad isku sheegteen… HADII KALE SAAXIIBO YAALOW MASAAJIDKA CIYAARTA KA DAAYA! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland C/risaaq Nuur Cumar oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland ee Magaalada Bosaaso ayaa faah faahin ka waxa uu ka bixiyay khasarihii ka dhashay doonidii Maanta ku bas beeshay Meel 5 mail ujirta dekeda Bosaaso. Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in doonidan ay urarnayd Ganacsatada Puntland taas oo katimid dalka isutaga Imaaradka Carabta . Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay in aysan awood ulahayd in ay badbaadiyaan doon taasi, maadaama ay waxbadan ay ka fogayd dekeda Bosaaso . Waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 qof oo kamid ahaa shaqaalihii saarnaa doontaasi, dabkana uu ka kacay Matoorka doonta gudaheeda. lama shaacin ilaa iyo hada cacadka hantidii saarneed doontaasi inta ay gaarayso. Ma aha doonidii ugu horaysay oo sidan oo kale ugu bas beesho dekeda Bosaaso , sanadkii 2017 kii ayay ahayd markii dooni ganacsi oo urarneed qaar kamid ah ganacsatada Puntland ay kudagtay meel aan ka fogayn dekeda Bosaaso . Halkan ka dhagayso codka Wasiirka kana daalaco sawirrada. Wasiir kuxigeenka dekedaha
  22. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kala hadlay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u qaabilsan Afrika Mudane Luciano Pezzotti iyo Safiirka dalkas ee Soomaaliya Danjire Carlo Campanile sidii dalka Talyaaniga ay uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee Gobolka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan soo celinta xiriirka Caasimaddu ay la lahayd magaalooyinka kale ee dunida, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, soo celinta bilicda iyo tayeynta shaqaalaha Dawladda Hoose ee Xamar. “Danjiraha iyo Saraakiisha safaaradda dalka Talyaaniga ee Soomaaliya waxaan isku af garanay muhiimadda ay leedahay in la soo celiyo xiriirkii ka dhaxeeyey magaalooyinka dalka Talyaaniga iyo Magaalada Muqdisho, si aan isu dhaafsanno khibradaha dhanka maamulka, xoojinna ay u noqoto dib u dhiska mashaariicda horumarineed.” Inj. Yariisow ayaa sidoo kale tilmaamay in ay masuuliyiinta dalka Talyaaniga ka wada hadleen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dajinta dadka barakacayaasha ee ku nool gobolka Benaadir, arrinkan oo uu sheegay Guddoomiyehu in ay xal u helistiisa kala kaashanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adaha Qaramada Midoobey, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. “Dad kor u dhaafaya 500,000 oo barakacayaal ah ayaa ku nool Gobolka. Si aan xal ugu helno, dib u dajinna iyo nolol munaasab ahna aan ugu sameeyno waa in aan la kaashannaa cid kasta oo gacan naga siin karta xal u helisteeda, sababtoo ah ma aqbali karno in Caasimaddii ay dad barakac ku yihiin iyadoo Soomaaliya ay ka soo kabaneyso bur burkii,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ku weheliyey Guddomiyaha Ku Xigeenkiisa Arriimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, iyadoona dhinaca Talyaaniga ay ka soo qeyb galeen. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/03/DHAGEYSO_Yariisow_Muqdisho.mp3 PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee dalka Talyaaniga u Qaabilsan Afrika appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) — Dab sababay dhimashada lix ruux oo hal qoys ah ayaa ka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Hooyo Soomaaliyeed iyo lix caruur ah oo ay dhashay ayaa dabkaan ku dhintay. Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobollka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta u sheegay inay u gurmadeen guriga uu dabku ka kacay. Hase yeeshee, nasiib darro ay badbaadin waayeen nolosha qoyskii gurigaan deganaa. Aabaha dhalay caruurta ku geeriyootay guriga uu dabku ka kacay ayaa warbaahinta u sheegay inuu xilli dambe kusoo baraarugay dabkaan guriga qabsaday, markii uu isku deyey inuu guriga qoyska ka saarana isku daygiisii wuu ku guuldarreystay. Hooyada dhashay caruurta ayaa lagu soo waramayaa inay diiday inay kaligeed dabka ka baxsato iyadoo dooneysay inay caruurteeda badbaadsato, balse nasiib xumo iyada iyo shanteedii caruurta ahaa ayaa ku geeriyooday dabkaan oo wixii intaas ka dambeeyey sii xoogeystay. Lama oga sababtii ka dambeysay inuu dabkku ka kaco gurigaan, iyadoo deriskii u gurmaday iyo gaadiidka dab-demiska ah ee maamulka gobolka Banaadir ay badbaadin waayeen qoyskaan. Caasimada Online Xafiiska Mogadishu Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xaqiijiyeen illo ka madax banaan dhinacyada isku hayo Khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ilaa 196 xildhibaan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka SYL . Xildhibaanada kulankaan yeeshay oo dhammaantood ahaa kuwa kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka uu Guddoonka Baarlamaanka ku aqbalay in cod la geliyo mooshinka laga soo gudbiyey. Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa si cad u sheegay inuu Jawaari ku xad gudbay Dastuurka dalka isla markaasna uusan sii ahaan doonin Guddoomiye. Waxay sheegeen inay isku kalsoon yihiin isla markaasna ay ku qanacsan yihiin in codka Kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka. Xildhibanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dhex arkayey wasiiro ka tirsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre sida: 1) Wasiirka Maaliyadda 2) Wasiirka Amniga 3) Wasiirka Dhallinyarada iyo isbooriska 4) Wasiirka Gaashaandhiga 5) Wasiirka Ganacsiga 6) Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta 7) Wasiirka Xanaanada Xoolaha 8) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta 9) iyo dhawr wasiir ku xigeeno Xaaladda Jawaari ayaa u muuqato inay mugdi sii galeyso, waxaana maalinba maalinta ka dambeyso sii kordhaya tirada Xildhibaanada kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Guddoomiye Jawaari ayaa Shalay ku dhawaaqay inuu aqbalay mooshinka laga keenay isla markaasna uu sheegay in loo codeyn doono muddo 10 maalin ah kadib sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.
  25. Bosaso-[Puntland Post]-Labo Ruux oo kamid ah 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Dhaawaca labadaan Ruux ayaa la geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland. Doonta ayaa sidoo kale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd oo isugu jirtay Bagaash,Gawaari,Shidaal,Gaaska cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland. hoos ka Daawo Muuqaalka Doonta Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Daawo”Dooni Ganacsi oo Ku Gubatay Xeebta Magaaladda Boosaso. appeared first on Puntland Post.