Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. At the margins of the 5th AU/EU summit which was held in Abidjan- Ivory Coast on November 29-30, 2017, President Mohamed Abdullahi Farmajo has asked me to work on a plan to evacuate our nationals stranded in Libya following the grim report by the CNN that Source: Hiiraan Online
  2. DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle 21-03-2018. HALKAAN KA DHAGEYSO http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/03/Bar___Qubanaha-Wararka-Shabelle-21-03-2018.mp3 The post DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle 21-03-2018. appeared first on Shabelle. View the full article
  3. In Somalia massive livestock deaths due to drought - 60 per cent of herds in some areas - have severely damaged pastoralists' livelihoods. Source: Hiiraan Online
  4. Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo maanta dhexmaray ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka al-Shabaab. Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa waxa uu gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Gobolka Gedo, gaar ahaan ahaan degaanka Xirsi-guur oo 45-KM ujira Degmada Ceel-Waaq. Dagaalka ayaa si gaara ugu dhexeeyay ciidamada la dagaalanka Argagixisada Kenya iyo al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in dagaalkaasi Shabaab looga dilay 6 Maleeshiyo. Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ciidamada Kenya looga dilay 4 Askari oo Kenyaan ah kuwaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay dagaalka. Sidoo kale, warar madax banaan ayaa sheegaya kahor inta aanu dhicin dagaalka Diyaarad gaar ah oo ay leedahay Dowladda Kenya in howlo Sahmin ah ay ka sameysay degaanka oo la sheegay iney isku uruursanayeen Shabaab, intaasi kadib ayay Ciidanka Kenya qaadeen weerar. Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Kenya ee dagaalka la galay al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ka gaareen guul, isla markaana kusoo furteen Hub. Dhinaca kale, maamulka Gedo ayaan weli ka hadal khasaaraha iyo sida uu u dhacay dagaalka, waxa uuna dagaalkani kusoo aadayaa xili ay maleeshiyada al-Shabaab dhaqdhaqaaqyo kawadaan Gobolka Gedo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  5. Eastern Africa is splitting from the rest of the continent in a geological event that will occur in millions of years, eventually leaving Africa without its horn. The geologic rift running down the eastern side of the continent, which will be replaced with ocean, is widening at a faster rate than expected, geologically speaking. And it may already be causing problems. Kenya’s busy Mai Mahiu road caved in after it developed a volcanic fault-line, the Kenya National Highways Authority told Daily Nation. Geologist David Adede blames the split – where sections of the road sunk, endangering drivers and holding up traffic, according to The Star – on volcanic activity. In an interview with NTV, he said: The Great Rift splits Africa into two plates. With what is happening we have established one plate which is the Somali plate is moving away from the other plate at a rate of 2.5cm. In the near future if this happens we shall have Somali plate separating from the other Nubian plate. He explained that after the road cracked, a big hole opened up and swallowed all the water (there had been recent flooding in the area), resulting in more cracks in the ground. He added: There is a great need for researchers to conduct a comprehensive study on the terrain of this region so that they can advise on where roads and residential buildings can be established. This can play a key role in dealing with such natural disasters should they happen. The two massive chunks of land – the Nubian plate and the Somali plate – are separating by a few millimetres each year due to a ‘superplume’, a giant section of the earth’s mantle that carries heat from near the core up to the crust. Source: – The Star
  6. Ciidamada Amniga ee Gobolka Nugaal ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa Howlgalo ay kasameeyeen Xaafadaha Magaalada waxa ay ku soo qab qabteen dhalinyaro xiliyada habeenkiiya dadka Mobilada ka furta mararka qaarna kudila. Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galangoolli oo Warbaahinta kulahadlay Magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in Howlgalkaasi ay ku soo qab qabteen dhalinyaradasi shacabka dhibaatada ku hayay , waxa uu sheegay in qaarkood markii lawaayay oo ay baxsadeen Ciidamadu ay soo xireen Waalidiintii dhalay si ay ukeenaan dhalinyaradaasi falalka noocaas ah ku kacaysa. Taliyaha ayaa waxa uu kahadlay sidookale Gabar yar oo habeen ka hor kufsi wadareed loogu gaystay Toga wayn ee dhexmara Magaalada garoowe , wuxuuna sheegay Taliyaha in gabadhaasi laga kaxaystay Xafadii ay daganayd , waxa uu sheegay in qaar kamid ah ragii falkaasi sameeyay ay Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen. Taliyaha ayaa Walidiinta dhashay dhalinyaradaasi dhaca , dilka iyo kufsigaba ka gaysanaysa Magaalada Garoowe ugu baaqay in ay ubadkooda ogaadaan . Halkan ka dhagayso shirkiisa Jaraaid. Taliyaha Qaybta Garoowe
  7. Somali Army official Abdirahman Ibrahim Muhamed said the militants ambushed an army base in Budhubo town, in Gedo region, on Monday evening, sparking fighting that lasted several hours. “Somalia National Army killed six terrorists in Burdhubo town and wounded more of them during the fighting,” Muhamed said. “We are safe and there are no casualties on our side.” About 90 militant fighters took part in the attack, he said. Al-Shabab said on its affiliated websites that its fighters staged major attacks against SNA and Ethiopian bases in Burdhubo town overnight with casualties. Independent sources said at least two civilians were killed during the fighting between the two sides. Budhubo was calm after soldiers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) regained control. The al-Qaida-linked militant group has lost control of several small towns in the Horn of Africa nation, including in the restive city of Mogadishu, but still manages to stage assaults on military bases and government facilities, including AU bases. Source: – Xinhua
  8. U.S. airstrike killed two Al-Shabaab militants and injured three others in Lower Shabelle region, Southwest of Somali region. In a statement issued on Wednesday, the U.S. Africa Command (AFRICOM) said the airstrike also destroyed a vehicle. The Mission noted that the attack took place in Mubarak village which lies 67 kilometers southwest of Mogadishu. “US forces conducted airstrikes against Al -Shabab on the morning of March 19 near Mubrak, Somalia, killing two terrorists, wounding three terrorists and destroying one vehicle,” reads the statement. The statement affirmed that U.S military will continue its collaborations with Somali forces and the continental troops in the fight against the militanst. “U.S. forces will continue to use all authorised and appropriate measures to protect U.S. citizens and disable terririt threats. This includes partnering with AMISOM and Somali National Security Forces ( SNSF) in combined counterterrorism operations and tergating terrorists, their training camps and their safe havens throughout Somalia and the region,” the Mission assured. U.S airstrikes against Al-Shabaab militants have been stepped up since early last year when the administration of President Trump approved expansion of military operations in the Horn of Africa nation.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa kasoo jeestay xaalada Mooshin abuurka oo maalmahaani ay ku howlanaayen. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari u adeegsanaayay Hogaamiye Shariif Xasan oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la xaqiijiyay in arrinta Mooshinkaani aawgii uu magaalada Muqdisho uga yeeray Shariif Xasan oo isagu uu ku jiro damac dhanka xilka Guddoomiyenimo, waxaana saacadaha aan ku guda jirno lagu wadaa in Shariif oo ka farxashay Mooshinka uu dib ugu laabto magaalada Baydhabo. Shariif Xasan ayaa magaalada Muqdisho ku sugan muddo ku dhow Shan cisho, waxa ayna Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka xaqiijiyeen in mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu wada kulmiyay Ra’isul wasaare Kheyre iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa ka danbeeyay go’aanka ay Xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay Koonfur Galbeed Guddoomiye Jawaari uga dalbadeen Iscasilaada. Xildhibaanada aan xogtaani la wadaagnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in Shariif Xasan uu magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka isagoo ka dalbaday in garab lagu siiyo Casilaada Guddoomiye Jawaari. Shariif Xasan waxa uu Xildhibaanada la kulmay ilaa Afar jeer, waxaana lasoo sheegayaa inay u ballanqaaden ka dhabeynta casilaada Guddoomiye Jawaari. Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka maqnaado muddo laba cisho oo kaliya, isagoo wixii intaa ka danbeeya dib u dhameystiri doona howlaha Mooshinka Jawaari ee qabyada u ah. Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee uu Shariif Xasan kawado magaalada Muqdisho, ayaa u muuqaneysa mid isaga iyo Ra’isul wasaare Kheyre ay ku doonayaan inay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigaan Guddoomiye Jawaari. Geesta kale, Jawaari ayaa sidaan oo kale horay uga badbaaday Mooshin uu soo abaabulay Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan, waxaana iminka la ogeyn halka uu ku danbeyn doono Mooshinkaan ay isla wadaan Kheyre iyo Shariif Xasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Uguyaraan 11 Caruur ah ayaa ku dhaawacmay halka mid kamid ahna uu geeriyooday kadib markii walax loo malaynayay in ay ahayd Bam gacmeed oo ay Caruurtan ay ku ciyaarayeen ay ku Qaraxday xili ay ku sugnaayeen mid kamid ah kaamamka ku yaala duleedka Magaalada Gaalkacyo oo lagu Magacaabo kaam (Salaama labo). Dadweyne aad ufarabadan ayaa dhiigooda u shubay caruutan ka dib marlii ay dhaqaatiirtu dalbatay in caruurtan lala soo gaaro dhiig ,si aysan dhiigbax ugu dhiman. labo kamid ah Caruutan ayaa la sheegay in dhaawacooda uu aad uculusyahay sida ay dhaqaatiirta Warbaahinta ay u sheegeen. Taliyaha Saldhiga dhex Axmed Maxamed Afrax Taraafiko oo Warbaahinta kulahadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay baaritaan ku samayn doonaan in bamkan uu ahaa mid meesha horay ugu aasnaa iyo inkale,waxa uu ka digay in Caruurta laga ilaaliyo goobaha ay kujiraan haradiga waxyaabaha Qarxa ee dhulka ku aasan. Tan iyo wixii kadam beeyay bur burkii dowladdii dhex ee dalka Soomaaliya ,wadankana uu galay dagaalo sokeeye ayaa waxaa soo badanayay dadka ay waxyeelada ay ka soo gaarto haraadiga wax yaabaha Qarxa ee ku aasan dhulka hoostiisa iyo goobihii lagu dagaalamay taas oo laxaadkood ay ku waayeen Qaraxyada noocan oo kale ah dad badan oo Soomaaliyeed . Halkan ka dhagayso Taliyaha iyo Agaasimaha Isbitalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo Maxamed Xuseen oo faah faahinaya khasaarihii ka dhashay dhacdadan . Taliyaha iyo Agaasimaha isbitaalka Exif_JPEG_420 Exif_JPEG_420 Exif_JPEG_420 Exif_JPEG_420 Exif_JPEG_420
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tababar u soo xiray askar ka mid noqoneysa Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka dalka looga xoreeynayo argagixisada Alshabaab. “Waxaa la idiin tababaray in aad ka mid noqotaan Ciidanka Asluubta, balse taas macnaheedu ma ahan in aad ilaalineysaan maxaabiis oo kaliya ee waxaa idin ku waajib ah, in aad hawlgallada xoreynta dalka aad ka qeyb gashaan, sababtoo ah dalku waxa uu ku jiraa dagaal adag oo loo baahan yahay in aan ka xorreyno argagixisada nagu soo duushay.”ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey askarta ka mid noqotay Ciidanka Asluubta. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay xaaladda dagaal ee dalku uu ku jiro iyo sida looga baahanyahay muwaadin kasta in kaalintiisa uu ka qaato, dowladduna ay xoog iyo dhaqaalaba ku bixineyso sidii Alshabaab looga guuleysan lahaa. “Maanta waxaa u dhaarateen in aad dhiigiina ku bixsaan dalkiinna, una hurtaan naftiinna. Dadaal ka dambeeya arrinkan ma jiro, waana waajib ina wada saaran dhammaanteen in aan dalkeenna difaacanno, markii uu nabad yahay iyo markii uu colaad ku jiro.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in maanta ay u furantahay dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka mid noqday argagixisada Alshabaab iyo horjoogayaashooda in ay dadkooda dib ugu soo laabtan, kana waan toobaan dhibta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabkooda. “Marar badan waan xaqiijinnay in aan cafis u fidinay, balse hadii aysan qaadan cafiskaas waxaa noo ballan ah in aan ka sifeyno dalka, waana aaminsannahay in aan ka adkaaneeyno, sababtoo ah waxaan difaacaneynaa sharafteenna, dalkeenna iyo diinteenaba.” Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadan, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Lataliyeha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisaciid Muse Cali, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyeha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. California (Caasimada Online) – Shirkad uu fadhigeedu yahay magaalada California ee dalka Mareykanka laguna magacaabo Nectome ayaa waxay daaha ka qaaday inay sameyneyso tijaabo qariib ah, taasoo lagu keydinayo xasuusta iyo macluumaadka ku jira maskaxda qofka. Shirkaddaan ayaa soo bandhigtay caddeyn la xiriirta in Maskaxda aadanuhu aysan xusuusta lumin marka ay dadku dhintaan, sidaas darteed waxay diyaar u tahay inay keydiso xasuusta qof walba, ka dibna ay mustaqnalka u bedesho mid computer-ka ku shaqeysa. Maamulka shirkadda Nectome ayaa daaha ka qaaday in aysan haatan diyaarsaneyn tiknoolajiyaddii looga shaqeysiin lahaa keydka maskaxda ee aadanaha, balse mustaqbalka marka la helo tiknoolajiyaddaan sida uu qorshuhu yahay ay suurtogelin doonaan. Yoolkoodu wuxuu yahay inay baaritaan ku sameeyaan xubinta Connectome ee maskaxda aadanaha – taasoo muhiim u ah isku xirka maskaxda, deedna ay dib uga shaqeysiiyaan xasuusta maskaxda shaqsiga muddo dheer ka dib marka uu qofku dhinto. Inkastoo sannado badan loo jiro in la helo tiknoolajiyadda suurtogelineysa, hadana shirkadda Nectome ayaa haatan diyaar u ah inay qaado tallaabada ugu horreysa ee lagu xafidayo xasuusta maskaxda qofka si mustaqbalka looga faa’iideysto. Robert McIntyrehe oo wax ka aasaasay shirkaddaan ayaa aaminsan inuu qorshahaani boqolkiiba 100 muhiim u yahay macaamiishooda, maadaama mustaqbalka laga faa’iideysan karo cilmigii ay xambaarsanaayeen dadkii dhintay iyadoo la isticmaalayo barnaamijyo tiknoolajiyadda salka ku haya oo aan weli diyaar aheyn. Inkastoo shirkadda Nectome ay muran dhaxda ka gashay, hadana macaamiishooda ayaa weli albaabada taagan kuwaasoo diyaar u ah inay bixiyaan qiimo ka badan 10 kun oo dollars si xasuustooda loogu keydiyo. Nectome oo durba qorshaan ku tijaabisay 25 shaqsi, ayaa haatan lagu soo oogay dacwad la xiriirta adeeggooda muranka dhaliyey. Dhanka kale, Ken Hayworth oo ah madaxweynaha hayadda Brain Preservation Foundation ayaa yiri: “Waan taageersanahay qorshaha Nectome, maxaa yeelay marka uu qofku dhinto maskaxdiisu waa ay damaysaa sida computer-ka marka la demiyo oo kale. Laakiin taasi lama micno ahan inaan la heli karin macluumaadka ku jira”. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka xambaarsan sharraxaad dheeri ah. Caasimada Online Xafiiska California Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddigii Aqalka sare ee ku baxay xalinta khilaafka Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray go’aano dhowr qodob ka kooban, kaddib markii ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo iyo Madaxda dowladda. Gudiga ayaa waxa uu sheegeen in ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeya sida gudoomiyaha golaha shacabka iyo goomiye ku xigeenka koowaad Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwenyne Farmaajo. Maxamuud Maxamed Axmed Mashruuc oo ka mid ah xubnaha gudiga ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha shacabka uu ka aqbalay gudiga in uu u hogaansamo Sharci hoosaadka u yaalla golaha Shacabka kana dalbaday gudiga in xaalada amniga ee xarunta golaha shacabka lagu soo celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor. Waxaa uu kaloo Guddiga la kulmay Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo ka dalbaday in Ciidamada la wareegay xarunta laga qaado, laguna soo celiyo ilaaladii joogay xarunta ka hor khilaafka, taasoo ay sheegeen inuu ka aqbalay. Dhanka kale gudiga waxa uu la kulmay gudoomiye ku xigeenka kowaad waxa ayna u soo jeediyeen in uu ka shaqeeyo sidii ilaalada xarunta golaha shacabka loogu soocelin lahaa in uu ka shaqeeyo qabashada gudiga joogtada ah si uu u agaasime habraaca mooshinka yaalla gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Guddiga ayaa ka codsaday dhinacyada khilaafka inay joojiyaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha ay warbaahinta isku weydaarsadeen, inta xalka laga gaarayo. Guddigan Maanta warbixinta siiyay Xildhibaanada Aqalka sare oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa la magacaabay 17 Bishaan Maarso,six al looga gaarao khilaafka ka dhashay mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari. Waxaa kaloo ay soo dhoweeyeen aqbalaada Guddoomiye Jawaari ee sharciyadda Mooshinka, waxaa kaloo ay ugu baaqeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad inuu muddeeyo xilliga la qabanayo shirka Guddiga joogtada, laguna go’aamiyo xilliga la qabanayo dooda mooshinkiisa. Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen Xukuumadda inay ciidamada la wareegay xarunta Golaha Shacabka laga qaado, isla markaana dib loogu soo celiyo ciidamadii horay u joogay. Hadaba, Halkan ka Akhriso, Warbixinta Guddiga: Guddiga isagoo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 61-aad farqaddiisa 1aa, waxaa uu guda galay xilkii loo igmaday, waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaatay dhammaan madaxda qaranka oo ay quseyso xal u raadinta khilaafka soo kala dhex-galay golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya . Mas’uuliyiinta uu guddiga kulanka uu la qaatay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, guddoomiayah golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey iyo Mahad Cawad oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre. Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad: Kulanka oo dhacay Maarso 17, 2018-kii, guddiga waxaa uu la qaatay guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad falan-qeyn ku wajahan sida khilaafka uu ku bilowday iyo sida ugu haboon ee xal looga gaari karo . Guddiga waxaa uu guddoomiyaha ka codsaday in loo hoggaansamo sharuucda u yaalla golaha shacabka sida xeer-hoosaadka golaha shacabka Soomaaliya iyo Dastuurka KMG ah. Guddiga, guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka waxaa ay isla qaateen in muhiim tahay in la qaato mas’uuliyad wadareed ku wajahan in dalka laga badbaadiyo wax kasta oo dhaawici karo deganaashaha siyaasadeed iyo midda amni ee qaranka. Kulanka guddiga iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad: Waxaan ka wadahadalnay nuxurka muranka hareeyay golaha shacabka iyo sidii xal looga gaari lahaa. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa uu sheegay in khilaafku uu salka ku hayo diidmada guddoomiyaha golaha shacabka ee sharciyadda mooshinka, guddiga waxaa uu ku war-geliyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad in ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka uguna baaqeen in ay u hoggaasamo xeer hoosaadka golaha shacabka . Kulanka guddiga iyo Ra’iisulwasaaraha: Maarso 18, 2018, Guddiga ayaa kulan la qaatay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlay khilaafka golaha shacabka iyo inaysan saameyn hannaanka habsami u socodka dowladnimo, guddiga waxaa uu ku talo bixiyey in xarunta golaha shacabka lagu celiyo amnigeeda sidii uu ahaa. Ra’iisulwasaaraha waxaa uu ballan qaaday in uu ka howlgali doono sidii loogu soo celin lahaa ilaaladii horay u joogi jirtay xarunta golaha shacabka arrinkaasna uu kala xiriiri doono taliyaha ciidanka booliska. La Kulanka Guddiga madaxweynaha Jamhuuriyadda : Guddiga waxaa uu warbixin ku saabsan arrinta khilaafka baarlamaanka la wadaagay madaxweynaha, guddiga waxaa uu madaxweynaha uu ka codsaday in uu soo faro-geliyo kalana shaqeeyo guddiga sidii xal looga gaari lahaa khilaafka golaha shacabka. Madaxweynaha waxaa uu ballan qaaday in uu qaadanayo kaalintiisa Dastuuriga ah si loo xalliyo khilaafka golaha shacabka. Talo-soo-jeedinta Guddiga: Guddiga waxaa uu ka codsanayaa dhinacyada khilaafka soo kala dhex-galay ee golaha shacabka in ay joojiyaan dhammaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha warbaahinta la isku weydaarsanayo eek u wajahan khilaafka mooshinka ka dhashay, inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee la xiriira khilaafkan. Guddiga waxaa uu soo dhoweynayaa aqbalaadda guddoomiyaha golaha shacabka uu aqblay Maarso 18, 2018, sharciyadda mooshinka khilaafka dhaliyay. Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka. Guddiga aqalka sare, waxaa uu ballan-qaadayaa inuu diyaar u yahay inuu korjooge ahaan uga qeyb-qaato shirka guddiga joogtada. Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in mooshinka maamulkiisa loo maro I waafaqsan qodobka 65aad, faqradiisa 4aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobka 9aad faqradiisa 4aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka. Guddiga waxaa uu mar 2aad soo jeedinayaan in ciidankii sugayey ammaanka golaha shacabka sugayey lagu celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor. Waxaa uu mahadceliyay madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka, ku-xigeennadiisa, ra’isul wasaaraha iyo shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (PP) ─Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageysteen guddi toddoba xubnood ka kooban oo ay u saareen xallinta khilaafka u dhexeeya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ka dhashay mooshinkii laga keenay Jawaari. Warbixinta oo dhawr qodob ka kooban ayaa waxay u qornayd sidan; Guddiga isagoo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 61-aad farqaddiisa 1aa, waxaa uu guda galay xilkii loo igmaday, waxaa uu kulamo kala duwan uu la qaatay dhammaan madaxda qaranka oo ay quseyso xal u raadinta khilaafka soo kala dhex-galay golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya . Mas’uuliyiinta uu guddiga kulanka uu la qaatay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, guddoomiayah golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey iyo Mahad Cawad oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre. Kulanka guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku xigeenka Labaad: Kulanka oo dhacay Maarso 17, 2018-kii, guddiga waxaa uu la qaatay guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad falan-qeyn ku wajahan sida khilaafka uu ku bilowday iyo sida ugu haboon ee xal looga gaari karo . Guddiga waxaa uu guddoomiyaha ka codsaday in loo hoggaansamo sharuucda u yaalla golaha shacabka sida xeer-hoosaadka golaha shacabka Soomaaliya iyo Dastuurka KMG ah. Guddiga, guddoomiyaha iyo ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka waxaa ay isla qaateen in muhiim tahay in la qaato mas’uuliyad wadareed ku wajahan in dalka laga badbaadiyo wax kasta oo dhaawici karo deganaashaha siyaasadeed iyo midda amni ee qaranka. Kulanka guddiga iyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad: Waxaan ka wadahadalnay nuxurka muranka hareeyay golaha shacabka iyo sidii xal looga gaari lahaa. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad waxaa uu sheegay in khilaafku uu salka ku hayo diidmada guddoomiyaha golaha shacabka ee sharciyadda mooshinka, guddiga waxaa uu ku war-geliyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad in ay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka uguna baaqeen in ay u hoggaasamo xeer hoosaadka golaha shacabka . Kulanka guddiga iyo Ra’iisul Wasaaraha: Maarso 18, 2018, Guddiga ayaa kulan la qaatay ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana looga hadlay khilaafka golaha shacabka iyo inaysan saameyn hannaanka habsami u socodka dowladnimo, guddiga waxaa uu ku talo bixiyey in xarunta golaha shacabka lagu celiyo amnigeeda sidii uu ahaa. Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu ballan qaaday in uu ka howlgali doono sidii loogu soo celin lahaa ilaaladii horay u joogi jirtay xarunta golaha shacabka arrinkaasna uu kala xiriiri doono taliyaha ciidanka booliska. La Kulanka Guddiga madaxweynaha Jamhuuriyadda : Guddiga waxaa uu warbixin ku saabsan arrinta khilaafka baarlamaanka la wadaagay madaxweynaha, guddiga waxaa uu madaxweynaha uu ka codsaday in uu soo faro-geliyo kalana shaqeeyo guddiga sidii xal looga gaari lahaa khilaafka golaha shacabka. Madaxweynaha waxaa uu ballan qaaday in uu qaadanayo kaalintiisa Dastuuriga ah si loo xalliyo khilaafka golaha shacabka. Talo-soo-jeedinta Guddiga: Guddiga waxaa uu ka codsanayaa dhinacyada khilaafka soo kala dhex-galay ee golaha shacabka in ay joojiyaan dhammaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha warbaahinta la isku weydaarsanayo eek u wajahan khilaafka mooshinka ka dhashay, inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee la xiriira khilaafkan. Guddiga waxaa uu soo dhoweynayaa aqbalaadda guddoomiyaha golaha shacabka uu aqblay Maarso 18, 2018, sharciyadda mooshinka khilaafka dhaliyay. Guddiga waxaa ugu baaqayaa guddoonka golaha shacabka shirka guddiga joogtada ah sida ugu dhaqsaha badan si loo agaasimo hab-raaca mooshinka ka yaallo guddoomiyaha golaha shacabka. Guddiga aqalka sare, waxaa uu ballan-qaadayaa inuu diyaar u yahay inuu korjooge ahaan uga qeyb-qaato shirka guddiga joogtada. Guddiga waxaa uu soo jeedinayaa in mooshinka maamulkiisa loo maro I waafaqsan qodobka 65aad, faqradiisa 4aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya iyo qodobka 9aad faqradiisa 4aad ee xeer-hoosaadka golaha shacabka. Guddiga waxaa uu mar 2aad soo jeedinayaan in ciidankii sugayey ammaanka golaha shacabka sugayey lagu celiyo sidii uu ahaa khilaafka ka hor. Ugu dambeyn, Waxaa uu mahadceliyay madaxweynaha, Guddoomiyaha golaha shacabka, ku-xigeennadiisa, ra’isul wasaaraha iyo shacabka. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Warbixin ay soo saareen Guddigii Aqalka Sare ee Xallinta Khilaafka Taagan appeared first on Puntland Post.
  15. Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka labo kale ku dhaawacmeen kadib isku dhac ciidamada nabad sugidda iyo ciidan kale oo ay tababareen Imaaraadka Carabta, dagaalka waxaa uu ahaa Tarabuunka, Hodan ee magaalada Muqdisho. Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cali Xasan Kheyre oo arrintaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in dagaalka ahaa mid foolxun, isaga oo intaasi raaciyay in askar qoryaha loogu dhiibay difaaca dalka, Kheyre oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Mar hore waxaan leenahay in ciidamo kala duwan ay sugayaan ammaanka Muqdisho, iyada lafteedu waa horumar, intaadan amniga sugin waa in aad adkeysaan wada shaqeytiinna, qalabkan iyo qoryahan waxaa la iidiinkugu dhiibay canshuurta shacabka laga uruuriyay si amniga ku sugtaan, waxaan idiinka codsaneynaa adinka iyo taliyeyaashiina in aaney dhicin isku dhac ciidamo kala duwan, qalabkan waxaad u heysataan in aad u difaacdaan umadda iyo cadawga ijaafeeyay ee ma aha in aad isku qaldantaan”. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa uu taliyeyaasha ka codsaday in mar dambe qaladkan aanu soo laaban “taliyeyaasha waa inaad qaadaan tillaabo kasta si aaney isku qatalmin ciidamada”. Arrinta in ay isku dhacaan ciidamo meelo kala duwan ka amar-qaata oo ka wada tirsan dowladda ayaa noqoday kuwa soo noq-noqda, arrintaas oo caadi ka noqotay meelo badan oo dalka ah.
  16. Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo goor dhawayd Shir jaraaid ku qabtay Magaalada Nuqdisho ayaa xildhibanada Baarlamaanka Soomaaliya ee dalka kamaqan ugu yeeray in sida ugu dhaqsaha badan ay ku soo galaan dalka si ay ugutaan waajibaadka saaran . Waxa uu sheegay in Xildhibaan kasta oo Fasax lahaa uu fasixii ka qaadan maadaama uu yahay kusimaha Gudoonka . Waxa uu sheegay Muudeey in Xildhibaanada ay fikirka ku kala duwanaan karaan balse looga baahanyahay in ay ilaaliyaan haybada iyo karaamada Golaha Shacabka, shaqadoodana ay ugutaan sida uu qabo xeer hoosaadka iyo Dastuurkaba dalka. Halkan ka dhagayso . Gudoomiye Muudey Muqdisho
  17. Taliska Qeybta Booliiska gobolka Nugaal ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay hawlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Garoowe ee caasumadda dowladda Puntland. Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal,G/Sare. Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan sugidda amniga caasumadda Puntland,gaar ahaanna dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee habeenkii dhaca geysta iyo sidoo kale muranka ku salaysan bogcadaha la cabbirto ee magaalada daafaheeda. Gaashaaanle Sare.Faarax Galangoolli ayaa sheegay in hawgallo ay Boooliisku ka sameeyeen magaalada Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro badan oo dhibaato ku hayey amniga magaalada,kuwaasoo qaarkood ay kufsi-wadareed u geysteen gabar da’yar,halka qaar kalena ay dhac iyo fowdo ka wadeen xaafadaha. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in la soo xiray waalidiinta dhalay dhalinyarada kufsi -wadareed geystay,isagoo digniin adag u diray waalidiinta kale ee carruurtooda ku garab-siiya dhibaateynta amniga iyo dhaca dadweynaha. Taliye Galangoolli ayaa dhinaca kale shaaciyay in Booliiska Nugaal uu dalbaday ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Birmadka,kuwaasoo ka imaanaya gobolka Bari,islamarkaana lagu caawinayo Booliska gobolka Nugaal,si ay xoog ugu muquuniyaan kooxo caadaysatay in ay dhacaan bogcadaha dhulka ee ku yaalla daafaha magaalada caasumadda ah ee Garoowe.Kooxahan ayuu sheegay in ay u abaabulanyihiin qabaa’il ahaan iyo ururro-diimeedyo. Gaashaaanle Sare.Faarax Galangoolli ayaa ugu dambeyntii ka hadlay bacaha madoow ee lagu dhejiyo muraayadaha gawaarida,wuxuuna sheegay in ganaax-lacageed la saarayo gaadiidkii lagu qabto bacaha madoow,si loo adkeeyo amniga magaalada. Dadweynaha ayaa dhankooda ka ra’yi dhiibtay,sida ugu macquulsan ee lagu sugi karo amniga caasumadda Garoowe,gaar ahaanna wax ka qabashada arrimaha hadda taagan. Halkaan ka daawo shirka jaraa’id iyo dadweynaha. PUNTLAND POST The post Daawo: Booliiska Nugaal oo ciidamo dheeri ah u dalbaday sugidda amniga gobolka. appeared first on Puntland Post.
  18. U.S. airstrike killed two Al-Shabaab militants and injured three others in Lower Shabelle region, Southwest of Somali capital. Source: Hiiraan Online
  19. Moqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal, Guddoomiye Ku-xigeenka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Koonfureed ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay xal u helaan Khilaafka hareeyey Golaha Shacabka. Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal oo la hadlay Raadiyaha Shabeelle ayaa aaminsan in khilaafka labada dhinac u kala jebiyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu rajo xumo ku ridayo Umadda Soomaaliyeed. Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal wuxuu yiri: “Waad ogtihiin dalka badbaado ayuu rabaa, wuxuuna uga baahan yahay Baarlamaanka. Shacbiga Soomaaliyeedna adinka ayey idin eeganayaan. “Marka khilaafka hadda taagan waa mid nasiib darro ah, shacbiguna dowladda ayuu ka wardhowrayey. Maantana waxay ku habbooneyd in bedelkii la isqab-qabsan lahaa dalka la xoreeyo lana midoobo”. Halkaan hoose ka dhegeyso baaqa Alhusunna. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/03/Ahlusunna-Oo-Baaq-u-dirtay-Xildhibaanada-BFS-—-Shabelle.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Mubaarak (Caasimadda Online) – Taliska Ciidamadda Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in uu fuliyay Howlgal uu ku caawinayo Ciidamada Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya kaas oo laga sameeyay Gobalka Shabeelaha Hoose. Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya waxay fuliyeen Duqayn ka dhan ah Al-shabaab Subaxnimadii 19 kii March oo ahayd Isniintii lasoo dhaafay waxayna ka fuliyeen Meel u dhow Deeganka Mubaarak,waxaana halkaas ku dhintay Labo Dagaalame, Sadax kale waa ay ku dhaawacmeen, sida lgu Daabacay Barta uu Internet-ka ku leeyahay Howlgala AFRICOM. War saxaafadeedka ka soo baxday Taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Shabaab, saddex kalena lagu dhaawacay, iyadoo lagu burburiyay gaadiidkii ay wateen. Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Duqayntooda ay ku burburiyeen Gari ay Wateen Dagaalamayaashii ay beegsadeyn. Ciidamadda Mareykanka waa ay sii wadi doonaan tilaabo kasta oo loo ogolyahay kuna haboon ilaalinta Muwaadiniinta Mareykanka iyo burburinta Qatarta Argagixisadda ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Taliska Qaarada Africa uu Mareykanka ku leeyihiin. Dowladda Mareykanka waxay kordhisay Duqaynta ay ka fulineyso Soomaaliya waxayna Duqaymaheeda Badanaa lala beegsadaa Al-shabaaab, waxaa jiray Duqamo Dhif ah oo Mareykanka uu la beegsaday Daacishta ka Dagaalama Soomaaliya. Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo argagixisada, kaasoo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, sida lagu yiri war saxaafadeedka. Deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa noqotay goobaha ugu badan ee duqeymaha laga fuliyo, waxaana bishii hore kaliya dhacay dhowr duqeyn ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo has mourned former Djibouti Prime Minister, Barkat Gourat Hamadou who died on Monday aged 88. Source: Hiiraan Online
  22. Rival Somali government forces on Wednesday morning briefly clashed in the capital, Mogadishu. Local residents near Tarbunka Square confirmed HOL the skermishes and said that they could hear sparodic gunfire around area. It is yet unclear casualties and what has triggered the clashes between the two forces. The movement people and vehicles in the area have been curtailed as the tension is still high. Sources close to initial investigation confirmed HOL that the clashes is between NISA and the forces trained by UAE based in Mogadishu. This is not the first time the government forces fought in the capital. In January this year, two soldiers were killed and several other sustained injuries in similar incident. The security forces and the city's Stabilization forces engaged in brief gun battle following dispute
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u yeeray dhamaan Xildhibaanada ka tirsan Golaha ee ka maqan Dalka in ay si deg deg ah ku soo laabtaan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu fasaxa ka qaaday Xildhibaan walba oo fasax ka heestay guddoonka, waxa uuna sheegay in meel dhaw iyo meel fogba Xildhibaankii jira in uu si deg deg ah ku soo laabto. Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo sii xoogeysanaya abaabulka iyo kala jiidashada Xildhibaanada, wararka qaar ayaa sheegaya in dhinacyada aysan farqi badan u dhaxeyn tirada Xildhibaanada ay kala heestaan. Guddoomiye Muudeey ma sheegin xilliga uu furmayo Baarlamaanka Golaha shacabka ee uu ugu horreeyo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari. Xildhibaannada ayuu ugu baaqay in si waafaqsan xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Dastuurka dalka ay u gutaan shaqada iyo waliba mooshinka,waxaa kale oo uu ugu baaqay in ay meesha ka saaraan nin jecleysiga islamarkaana ay fiiriyaan kaliya sharafta xildhibaanka uu leeyahay. Mooshinka ka dhanka ah Goddoomiyaha Golaha shacabka ayuu waqtigiisu ku egyahay 24ka Bishan,waxaana uu soo billowday 14kii bishan,sidaas darteedna Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayey tahay in ay mooshinkaas qaadaan ka hor taariikhda 24ka Bishan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com