-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (PP) ─ Waxaa maalintii saddexaad galay wadahadallada lagu dhex-dhexaadinayo Jabhadda ONLF ee Itoobiya ka dagalanta iyo Dowladda dalkaas, kuwaasoo ka socda goob qarsoodi ah. Afhayeenka Jabahdda C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa BBC-da u sheega in wadahalladan ay u muuqdaan kuwo miro-dhal noqon kara, iyadoo saddex sano ka hor ay soo billowdeen wadahadalladan. “Ma ahan markii ugu horreysay oo ONLF iyo Itoobiya ay wadahadalladan oo kale isugu yimaadaan, balse waxaan innagu go’aansanay in hab wadahadal ah lagu dhameeyo khilaafka muddada fog soo billowday,” ayuu Hirmooge ku sheegay wareysigiisa. Xukuumadda Addis Ababa iyo Jabahadda ONLF ayaa sannadihii 1989-kii iyo 1990-kii isugu yimid wadahadallo noocan oo kale, inkastoo ay guul-darro ku dhammaadeen. Wadahadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ah xubno Xukuumadda Kenya ka tirsan, kuwaasoo rajo wanaagsan ka muujiyay wadahalladan xilligaan u socda labada dhinac. Mas’uuliyiinta Kenya ee wadahalladan dhex-dhexaadinga ah hoggaaminaya ayaa waxaa ka mid ah; Xildhibaan Yuusuf Xasan, Guddoomiyaha Maamulka Gaarisa, Cali Bunoow Qorane iyo Danjire Maxamed Cabdi Afeey, waxayna dhammaantood muujiyeen rajo-wanaagsan. “Kulammadan socda waxaan rajeynaynaa inay kasoo baxaan natiijo wax ku nool ah, waxaana jiri doona kulammo kale oo heshiisyo lagu kala saxiisan doono,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka Jabahdda Itoobiya dagaalka ka wadda ee ONLF. Ugu dambeyn, Xukuumadda Itoobiya ayaa waxaa wadahadalladan dhankooda u matalaya xubno ka socda wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo muujinaya rajo ka wanaagsan wadahalladii kuwan ka horreeyay. PUNTLAND POST The post Wadahadallada Kenya ku dhexmaraya ONLF iyo Itoobiya oo galay maalintii Saddexaad appeared first on Puntland Post.
-
Awdheegle (Caasimadda Online) – Ciidamadaa Dowladda Soomaaliya ayaa dib uga baxay degaanno ka mid ah Gobolka Shabeellaha hoose oo ay shalay kala wareegeen Xarakada Al-shabaab. Ciidamada ayaa shalay subaxii hore la wareegay Degmada Awdheegle iyo degaannada Mubaarak,Farsooley,Daarusalaam iyo Ugunji,waxaana isla shalayba ay ciidamada dib uga soo baxeen kaddib qabsashadoodii. Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa dib u qabsaday degaannadaas ay banneeyeen Ciidamada dowladda iyaga oo sheegay in Ciidamadii dowladd iyo AMISOM ee shalay subaxii qabsaday ay ka baxeen. Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen Cabdullahi Cali Caanood ayaa sheegay in Saldhig Al-shabaab ay kula haayeen Mubaarak ay ku bur buriyeen saldhig iyo Gaadiid ay ka buuxaan walxaha qarxa oo uu sheegay in Muqdisho loo waday. Ciidamada AMISOM iyo saraakiisha dowladduba wali kama hadlin dib uga bixidda degaannadii ay shalay qabsadeen inkasta oo maamulka Gobolka Shabeellaha hoose uu sheegay in xeelad ciidan ay tahay dib uga gurashada degaannadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta keentay inay Ciidamada dowladda iyo AMISOM isaga soo baxaan deegaanadii ay shalay kala wareegeen Shabaab? appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa maalintii seddexaad galay wadahadaladda magaalada Nairobi uga furmay jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya, kaasoo ay dhexdhexaadineyso Kenya. Wada-xaajoodka oo u socda qarsoodi aan saxaafadda loo ogolaan yaa Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge wuxuu sheegay inay wadahadalada ay si wanaagsan ku socdaan, lagana soo saari doono war-saxaafadeed. Ma ahan markii koowaad oo ay wadahadlaan Itoobiyo iyo ONLF, laakiin waxa ay u egtahay in kuwan ay aad uga miisaan culusyihiin kuwii hore. Afhayeenka ONLF ayaa yiri: “Barnaamijka siyaasiga ah ee ONLF ayuu ku xusan yahay in khilaafka Ogaadeeniya iyo Itoobiya lagu xaliyo hab wadahadal ah, mana ahan markii ugu horeysay, 1989-kii ayaan wadahadalnay, 1990-kiibaan wadahadalnay”. Dhammaan wadahadaladaasi waxa ay ku dhammaadeen guuldarro, balse xaqiiqda ah inay hadda isa soo hor fariisteen madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinta wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya oo dhinac ah iyo waftiga ONLF oo dhinaca kale ah ayaa wadahadalan ka dhigaya kuwa dad badan ay ka filayaan natiijo wanaagsan. Taageerayaasha jabhadda iyo kuwa kale ayaa baraha bulshada kusoo qoray in horumar laga gaaray shirka, isla markaasma ay u muuqato in heshiis kama dambeys ah la’isla fahmi doono. Sida uu sheegay afhayeenka ONLF, waxaa jiri doona shir kan ka weyn oo lagu kala saxiixan doono waxyaabihii lagu heshiiyay. Waxaa jiray guddi hawsha wadahadalka u xilsaarnaa muddo sanooyin ah oo ka tirsan dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo xildhibaan Yuusuf Xaaji oo markii ay wadahadalada bilaabanayeen ahaan jiray wasiirka gaashaandhigga. Waxaa kale oo guddiga dhexdhexaadinta ka mid ah guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunoow Qorane iyo Danjire Maxamed Cabdi Affey, kuwaas oo sida uu sheegay afhayeenka ONLF ay dowladda Kenya markale u xilsaartay hawsha dhexdhexaadinta maadaamaa ay iyaga hawsha horey ugu jireen. “Dowladda Kenya ayaa u xilsaartay, maadaamaa dhinac ka mid ah uu Af Soomaali ku hadlayay, Itoobiya waxaa matalayay wasaaradda gaashaandhigga, dhanka Kenyana wasiirkii gaashaandhiga xiligaas Yuusuf Xaaji, madaxweynaha hadda jirana isla guddigii hore ayuu dib usoo magacaabay”. Labada dhinac ee wadahadlaya iyo dhexdhexaadiyeyaashaba dhammaantood waa Soomaali marka laga reebo dhawr qof oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya. Markii ugu horeysay waxaa miiska dhinaca kale ka fadhiya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo xurgufta ugu badan ay ka dhaxaysay ONLF sanadihii dhawaa kadib dagaalo ay ciidammada Liyuuga ee ismaamulka la galeen dagaalamayaasha jabhadda. Sawirro ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Sheekh Ibraahim Dheere oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya, kaas oo ay xusid mudantahay in uu horey u ahaan jiray guddoomiyihii jabhaddii Soomaali Galbeed ee Itoobiya la dagaalami jirtay, taas oo heshiis ay gashay kadib hubka ku dhigtay, kadibna dowladda ku biirtay. Dhanka jabhadda waxaa waftiga hoggaaminaya guddoomiyaha wadahadalada ee ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey, ahna madaxa arrimaha dibedda jabhadda. Waxaa wehliya saddex xubnood oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso wararkii ugu dambeeyey ONLF & Itoobiya oo qarka u saaran inay kala saxiixdaan Heshiis Taariikhi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliy,Maxammed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Isniintii shalay la kulmay safiirka Imaaraadka carabta u fadhiya magaalada Muqdisho Maxammed Axmed Osmaan. labada mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay horumarinta iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee Imaaraadka carabta iyo Soomaaliya,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay safaaradda UAE ee magaalada Muqdisho. Qoraalka safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada mas’uul isla garteen in albaab cusub loo furo iskaashiga ganacsi iyo kan dhaqaale ee soomaaliya iyo Imaaraadka carabta,gaar ahaanna dhinacyada kaabayasha dhaqaalaha,beeraha, xoolaha nool, iyo tamarta. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliy,Maxammed Cabdi Xayir(Maareeye) ayaa kulankaasi ka sheegay in dalka Imaaraadka Carabta uu yahay isha ganacsi ee ugu muhiimsan dalka Soomaaliya,sida qoraalka ku xusan. PUNTLAND POST The post Wasiir Maareeye oo sheegay in Imaaraadka Carabtu yahay isha ugu muhiimsan Ganacsiga Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
-
Kulan wada-tashi ah oo u dhexeeya Golaha xukuumadda Puntland iyo wefdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa haatan ka socda magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland. Madaxweyne Ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(cameey) ayaa shir guddoominaya kulanka oo looga tashanayo tubta loo marayo dib u-eegista iyo turxaan-bixinta Dastuurka Soomaaliya,waxaana goob joog ah xubno ka tirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka,kuwaasoo la socda wefdiga Wasiirka. Kulanka haatan socda ayaa daba jooga laba kulan oo maalintii shalay ay wefdigaan la qaateen Gudigga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland iyo Bulshada rayidka ah ee PUNSA oo looga wada hadlay isla arrimaha dib u-eegista iyo turxaan-bixinta Dastuurka. Warkaan kala soco:Puntlandpost.net The post Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo kulan la leh Golaha Xukuumadda Puntland. appeared first on Puntland Post.
-
Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareysay xariga uu maamulka Hargeysa ugeystay Naciimo Awbaan Qorane oo ah Gabadh Abwaanad ah oo aaminsan fikirka Soomaaliweyn iyo Maxamed Keyse Maxamuud oo dhawaan qoray buug uu ku ammaanayay M/weyne Farmaajo. Qoraal kasoo baxay safaarada ayaa Soomaaliland ayaa loogu baaqay maamulka Hargeysa inay si degdeg ah xoriyadooda ugusoo celiyaan labadaan muwaadin, waxayna safaaradu ugu yeertay maamulka Somaliland inuu ilaaliyo xaquuqda xoriyada hadalka. Safaaradda Maraykanka ee Somalia Waxay cambaaraynaysa xadhiga Naciima Axmed Ibraahin iyo Maxamed Kayse Maxamuud ee Somaliland ku xidhan. Waxaan ugu baaqayna dhammaan masuuliyiinta in ay ilaaliyaan xuquuqda hadalka ee aan qofka laga qaadi Karin,” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee saaraddu ku leedahay. Abwaan Qorane oo ah Aabaha dhalay Naciimo Qorane, ayaa sheegay gabadhihiisa in loo diiday inuu la kulmo tan iyo markii uu warbaahinta kasii daayay in si sharci darro lagu xiray gabadhiisa ayna ku saxan tahay mowqifka Soomaalinimo ee ay aaminsan tahay. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida uu baahiyey Tv-ga CNN ee kasoo baxay dalka Mareeykanka Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa dhaqaale xoogan sanad waliba ka sameeya gargaarka ay bixiyaan dowladaha saaxiibada la ah Somalia. Tv-ga ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay gargaarkaasi ka macaashan malaayiin dollarka Mareykanka ah, waxaana la xaqiijiyay in dhaqaalahaasi ay ku maareeyan Qaraxyada, Dilalka iyo weerarada Joogta ah. Telefeshinka waxa uu sheegay in dhaqaalahaasi ay ku howlgalaan maleeshiyaadka muddo sanad ah, waxaana la xaqiijiyay in gargaarka ay Shabaabka ka macaashaan uu yahay midka Somalia uga imaada dowladaha reer Galbeedka. Waxaa warbixinta lagu sheegay in macaashka al-Shabaab ee gargaarka lagu ogaaday baaritaan ay sameeyen khubaro ka tirsan Xarunta Tv-ga. Warbixinta ayaa tibaaxeysa in lacago QM ay si toos ah u siiso dadka gudaha ku barakacay ay ku dambeeyan Gacanta al-Shabaab. Sidoo kale, Telefeshinka oo xiganaya mas’uul ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia oo uu sheegay in uu horay uga tirsanaa al-Shabaab ayaa tilmaamay in al-Shabaab kumanaan dollar maalintii ay ka Sameeyan Canshuur ay ka qaadaan gargaarkaasi. Dhinaca kale, warbixin dheer ee uu qoray Tv-ga ayaa lagu sheegay in arintaan ay dhabar jab ku tahay qorshaha lagu ciribtiraayo maleeshiyaadka al-Shabaab. Gargaarka ay shabaab lacagta ku helaan ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay ilaha dhaqaalo ee wanaagsan Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Telefashin caan ah oo kashifay halka ay al-Shabaab ka helaan dhaqaalaha lagu fuliyo Qaraxyada & Weerarada (Akhriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Xoogga dalka qeybahooda ka howlgala Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la xaqiijiyay inay burburiyeen xarumo muhiim ah oo ay maleeshiyaadka Shabaab ka faafinayeen fekerkooda. Xarumahaani oo ku yaala Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa si gaara u burburiyey ciidamada Danab oo sida aadka ah u isticmaala diyaaradaha dagaalka iyo Madaafiicda goobta. Cabdullaahi Cali Caanood, oo ah Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo goordhow la hadlay saxaafada ayaa qiray in goobaha ay ciidamadu burburiyeen ay kamid tahay Xarunta Idaacada weyn ee al-Shabaab taa oo uu sheegay in laga baahin jiray afkaarta Shabaabka. Caanood, waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay burburiyeen labo gaari oo siday Qaraxyo, kuwaasoo ay suurtagal tahay in ay kusoo jeedeen Magaalada Muqdisho. Abaanduule Caanood, ayaa sidoo kale tilmaamay in Idaacada la burburiyey lagu magacaabi jiray ‘’Anduluus’’ taasoo ku taalla degaanka Mubaarak, waxa uuna cadeeyay inay dhibaato ku heysay Qaranimada iyo Horusocodka. Caanood ‘’Go’aankeenu waa inaan Shabaabku marina halka ay martay Idaacada Anduluus oo aan burburinay’’ Caanood, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan howlgalkaasi tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo Shabeelaha Hoose. Haddalka Caanood ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweynaha uu wacad ku maray inay soo afmeeri doonaan maleeshiyaadka al-Shabaab ee hadda ka dagaalanta qeybo kamid ah Gobolada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Caanood ‘’Idaacada Anduluus halka ay ku danbeysay ayey Shabaabkuna ku danbeynayaan’’ appeared first on Caasimada Online.
-
The International Court of Justice has allowed Somalia to file a response to a case in which it has sued Kenya over a maritime border. The move kick-starts a fresh round of arguments, which could determine the final flow of the border. The court Monday announced that Somalia should respond to Kenya’s claim that the current flow of the border should remain intact by June 18, after which Kenya will have another six months to poke holes in the response. “The court issued this decision taking into account the views of the parties and the circumstances of the case. The subsequent procedure has been reserved for further decision,” said a statement from the court’s registry. KENYA’S PLEA On February 2 this year, presiding judge Ronny Abraham accepted Kenya’s plea to file a second round of arguments, which Nairobi said would take longer to prepare. This means the two countries will have another opportunity to argue before the court. Somalia sued Kenya in August 2014, saying the border between the two countries should extend diagonally into the sea, south of Kiunga and not eastwards as it is today. But Kenya has argued that this may also affect its sea border with Tanzania. The current border has existed largely as a result of Presidential Proclamation of 1979. When the case was presented to court last year in February, Kenya’s preliminary objections were dismissed. Kenya had argued that the court lacked jurisdiction and that the two countries had signed a memorandum of understanding to have the matter resolved through the UN Commission on the Limits of the Continental Shelf, something which Nairobi had claimed was not yet exhausted. AREA IN CONTEST The area in contest is about 100,000 square kilometres, forming a triangle east of the Kenyan coast In 2009, Kenya and Somalia had reached an MoU and deposited it at the UN. It proclaimed that the sea border should run eastwards. But the case is also influenced by the suspected oil deposits in the contested area. Somalia had argued that Kenya was prospecting in the area, something that could expose Somali resources to exploitation should it win. In December, Kenya filed an argument before the Court saying the matter can best be handled through the UNCLOS and insisted its continued exploration, fishing and other activity in the disputed area is based on a bilateral decree issued by the countries’ leaders in 1979. Source: – Daily Nation The post Somalia given greenlight to respond in border case appeared first on Caasimada Online.
-
ETHIOPIA: Down a sandy track past a desiccated animal carcass lies a cluster of half-built huts that Ethiopia’s government and aid agencies hope will blunt the worsening toll of repeated droughts. The soon-to-be village of Dabafayed is intended as a new, permanent home for once-nomadic herders made destitute by the country’s back-to-back droughts. The lifestyle change is drastic but necessary, officials say. “We can’t talk about a normal state of affairs anymore when drought has become almost perennial,” said Achim Steiner, head of the UN Development Programme (UNDP), during a recent visit to the resettlement site. If predictions prove correct, Ethiopia will soon face its fourth consecutive year of drought, with the lack of rain hitting pastoralist herders worst. Robust responses by Ethiopia’s government and foreign aid agencies, and the absence of war, have prevented a repeat of the disastrous famines of the 1970s and 1980s that killed hundreds of thousands. Ethiopian officials argue the policy of relocating rural communities to areas closer to roads, clinics and schools — known as “villagisation” — drives development, but rights groups say it is forced displacement designed to better control the population. With competing humanitarian emergency demands the UN and aid agencies are seeking strategies to enable drought-prone areas, such as the southeastern Somali region where Dabafayed is located, to weather the months when water cannot be found. ‘Where will I go?’ Though they have trekked this arid region with their livestock for generations, some ethnic Somali herders say they are ready to settle down rather than face what seems like drought without end. “You can count on the government, and the NGOs are there giving us assistance,” said Halima Hussein, a resident of a displaced persons camp for herders such as herself whose animals have died of thirst. “It will be at least better than staying in the bush and herding animals.” Somali herders can lose everything during drought: from their wealth in the form of animals, to their portable homes, which need pack animals to carry them. Halima experienced all of this. “We lost our animals. Where will I go back to?” she asked, waiting in line with dozens of other women to draw water from a borehole. Ethiopia is drought-prone but the Somali region has been badly affected in recent years, forcing aid agencies to last year seek $1.4 billion (1.1 billion euros) to respond to the water shortage. Donors pledged all but a fifth of the money asked, but Ethiopia’s humanitarian situation worsened when fighting intensified last September between the Somalis and Ethiopia’s largest ethnic group, the Oromos, killing hundreds and leaving a million homeless. The UN believes it will need $895 million to respond to this year’s drought and Ethiopia’s parliament this month chipped in five billion birr ($182.7 million, 148.9 euros) for disaster response, state media reported. These emergency funds pay for food, water and fodder that keeps people and animals alive, but officials say it ultimately does little to alleviate the privation of drought-hit nomads. “The climate is changing, there’s more people in this region, and new ways of making a livelihood are going to be needed if we’re going to find a way through this problem,” said Mark Lowcock, the UN’s top aid official. The Somali region is desperately poor, lacking the economic dynamism of other parts of Ethiopia. The UN says it will assist resettled herders to become farmers. More than four million people are estimated to live across Ethiopia’s Somali region. – Crisis into opportunity – Aid workers are trying not only to get emergency food to hungry people but to come up with ways to prevent them from starving in the first place. Beyond just cushioning people from future droughts, the UN’s Ethiopia head Ahunna Eziakonwa-Onochie said the strategy is to offer services such as schools to nomadic communities that were otherwise hard to reach. “How do we turn a crisis into an opportunity?” Eziakonwa-Onochie said. “Now that they are forced, actually by the circumstances… into sedentary kinds of lives, we start to see that opportunity to provide education in a more consistent way for the kids.” The nomadic herder lifestyle is common across Africa and has long defied government attempts to change it. But Ethiopia spends more time and money exerting control over its people than most, and officials say they believe they can reshape Somali herders. “If we give pastoralists water and they don’t have to go 50, 100 kilometres to find it, is that not good?” said Anwar Ali, humanitarian advisor to the Somali regional state. “We’re not changing the nomadic lifestyle, we are just improving it.” Halima is among those eligible to live permanently in Dabafayed. Despite knowing no other life but the nomad’s before the drought took it all away, she’s ready for the change. “I’m not going anywhere, I don’t have any place to go,” she said. “This will be my permanent arrangement.” Source: AFP The post Worsening drought threatens to end nomadic lifestyle of Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Magufuli said a lot of unmarried women are being forced to commit adultery with other people’s husbands due to ‘lack of men to marry.’ Tanzanian President John Magufuli has urged men in his country to marry two or more women in a bid to curb prostitution among Tanzanian Women. Magufuli said a lot of unmarried women are being forced to commit adultery with other people’s husbands due to ‘lack of men to marry.’ He decried the high number of women in Tanzania which according to him stands at 40 million compared to 30 million men. “I am not forcing you, but just encouraging you to marry two or more wives to reduce on women staying without husbands”, the head-of-state told a conference of about 14,000 men who were receiving training in various life skills in the commercial capital. “Our women are crying every day due to lack of men to marry and support them economically hence they engage in prostitution. So please try to work hard and be productive so that you can help our women by marrying two or more wives provided you are able to provide for their basic needs,” he added. He quipped that men who would heed to his plea would receive ‘small incentives’ from the government provided they don’t mistreat their wives. “As government, we shall be giving some small incentives to such men provided you don’t abuse your wives”, said Magufuli. Tanzania has the highest level of prostitution in East Africa among young girls and women who are not in school or formal employment. Source: – Business Insider The post Marry two or more women to reduce prostitution among ladies – Magufuli to Tanzanian men appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka baxeen degaanno badan oo shalay kala wareegeem Al-shabaab. Degaannada Awdheegle,Daaru-Salaam,Mubaarak,Ugunje,Sabiid, iyo Mareeray oo shalay qabsadeen ciimada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya AMISOM ayaa wararku sheegayan in haatan ay dib uga baxeen,islamarkaana qaar kamid ah degaannadaasi ay ku noqotay Al-shabaab. Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in markii horeba ciidamadu ay halkaas u tageen in ay burburiyaan saldhigyada Al-shabaab,balse aan ujeedkodu ahayn in ay degaannada sii joogaan. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Al-shabab oo la hadlay Warbaahinta iyaga taageerta ayaa sheegay in ay dib ugu noqdeen degaannadii shalay laga qabsaday,waxaana degaanada ay ku laabteen kamid ah Awdheegle,Daaru-Salaam,Mubaarak,sida ay baahisay warbaahinta Al-shabaab. Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.net The post Al-shabaab oo dib u qabsaday qaar kamid ah degaanno shalay laga saaray. appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan soddon khubaro, cilmi-baareyaal, iyo aqoonyahaanno ayaa shalay isugu yimid caasimadda Soomaaliya bilowgii kulan socon doona muddo seddax maalmood oo ku aaddan horumarinta nabadda iyo dib u heshiisiin qaran ee Soomaaliya. Kulanka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Soomaaaliya ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu yagleelo hay’ad gacan ka geysan doonto dadaallada looga hortagayo colaadda iyo dib u heshiisiin, kuwaas oo inta badan loo arko kuwo shuruud u ah in ay Soomaaliya hesho xasillooni waarta. Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. “Khubarrada waxaa ay isugu yimaadeen in ay is weydaarsadaan aqoontooda iyo khibraddooda iyo in ay isla eegaan sida ay si wadajir ah waayo-aragnimadooda ku jiheyn karaan wax ka qabashada caqabadaha waaweyn ay Soomaaliya la tacaaleyso,” ayuu ku faahfaahiyay Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Michael Keating, markii si rasmi ah loo furayay kulanka. Qoraallo ka kooban warbixinnada khubarrada oo ay diyaariyeen hay’adaha ku sugan Soomaaliya iyo kuwa aan ku sugneyn ayaa laga arrinsan doonaa si aad loogu kuurgalo isbeddellada colaadaha ee dalka, iyo in la isla eego siyaabaha loo afjari karo dagaallada. Waxaa socdaa qorshe lagu daabacayo qoraallada, oo laga dhigayo buug dhammaadka sanadkan. Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale eegi doonaa tallaabooyinka dhabta ah ee lagu horumarin karo nabadda iyo dib u heshiisiinta heer qaran iyo heer maamul goboleed. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka ah, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa muujiyay sida ay xukuumaddiisa uga go’an tahay in la helo nabad waarta, waxaa uuna soo dhaweeyay aragtiyada khubarrada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahba ee ku aaddan arrintaasi. “Waxaan dooneynaa in aan ka faa’iideysanno dadaalladiinna aanna dhaqangelinno waxyaabaha aad soo jeedisaan kaddib munaaqashadiinna labada maalmood ee soo socda,” ayuu yiri Wasiir Sabriye. “Khibradihiinna muddada dheer iyo aqoontiinna ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo maareeynta waxtar weyn ayay u leedahay Soomaaliya iyo dadaallada lagu yareynayo ugu dambeyntina lagu soo afjarayo dagaallada.” Madaxa Safaaradda dalka Norway ee Soomaaliya, Vebjørn Heines, ayaa xusay in dadaallada ay dalkiisa Scandinavian-ka ah ku bixiso xallinta colaadaha Soomaaliya iyo horumarinta dib u heshiisiinta in ay socdeen tani iyo sanadkii 1995 xilligaas oo ay dowladda Norway martigelisay kulan looga hadlaayay nabadda dalkan ku yaalla Geeska Afrika. “Intaasi oo sano kaddib, waxaan u maleynayaa in wax badan ay inaga dhiman tahay, si aan u hubinno in go’aammadeenna iyo tallaabooyinkeenna ay yihiin kuwo si fiican looga baarandegay,” ayuu xusay Mudane Heines. “Arrintaan, anaga sida inoo muuqata, waa sida ay ka dhawaajiyeen Wasiirka iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Keating – in loo yeelo Dowladda, bah-waadagta muwaaddiniinta ah iyo kuwa caalamiga ahba, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, hay’ad cilmi-baadhis ah iyo soo jeedimo horumarin kara awoodda loo leeyahay in laga hortago colaadaha,” ayuu yiri dibluumasigan ka socda dalka Norway. Khubarrada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah iyo cilmi-baareyaasha ayaa waxaa loo kala qaaday kooxo ka wada-shaqeyn doono mowduucyo sida al-Shabaab, dib u heshiisiin qaran, iyo ganacsi iyo horumarinta. Xigasho:https://unsom.unmissions.org The post Hay’ad qaabilsan Dib u heshiisiinta Qaranka oo la dhisayo. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho – Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018. Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga. Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan. Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska. “Waa wax aad dhiirigelin u leh in GAQ uu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada iyo qaybsiga kheyraadka iyo dakhliga,” ayuu yiri Md. Keating. “Caqabadda hadda na hortaalla waa hirgelinta, si ay dadka Soomaaliyeed ay heshiisyadan uga fa’iideystaan.” The post Beesha Caalamku maxay ka tiri Shirkii Amniga Qaranka magaalada Muqdisho? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraalo mideysan oo kasoo baxay Saaxiibada adduunka oo ay ugu horeeyan QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey go’aannadii kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Qaranka ee Somalia (NSC) uu ka gaaray kulankii 6-10 Febraayo 2018 ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo asaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga. Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan. Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Sidee ayey saaxiibada caalamka u arkaan go’aanka kasoo baxay shirkii kusoo dhamaaday Muqdisho ee qodobada laga soo saaray? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Markii farta la iga saaray liiska maxaabbiista, warbixin kooban ayaa la iga siiyay dadka qaar nawaaxiga Muqdisho ay heliddoodu adkaatay. Waxaa ka mid ahaa nin cinwaankiisu yahay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, laakiin inkasta oo Wasaaradda dhowr jeer la tegey laga waayay qof magaciisa aqoonsada. Ninkaas waxaan hadda magac ahaan u adeegsanayaa in uu ahaa Cabdi. Waa nin uu walaalkiis oo maxbuus Ethiopia ku xirani uu waraaq u soo diray laakiin si lagu wargeliyo la la’ yahay. Mar iyo laba markii aan tegey Wasaaradda oo dad badan aan wareystay waa la garan waayay. Ninku in uu yahay dhakhtar xoolaha, in uu yahay Agaasime ama xisaabiye, in uu yahay darawal, in uu sheybaar ka shaqeeyo midna kuma cadda waraaqda. Xataa waaxda uu ka tirsan yahay kuma qorna ama in uu Gobol ka shaqeeyo iyo in uu xarunta joogo ma ogin. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ku laabtay Wasaaradda goor duhurkii ku beegan inta aanan qado tegin. Waaxda Shaqaalaha ayaan tegey. Waxaa kale oo aan la kaashaday nin Wasaradda ka shaqeynayay in ka badan 10 sano. Waxaan u sheegay in aan hubo in Cabdi Wasaaradda ka shaqeynayay 1977. Laakiin ka dib aanan ka warqabin. Bal maskaxdaada dib ugu laabo oo feker. Qof magacaa lahaa oo Wasaaradda ka tegey, dhintay ama meel kale loo beddelay haddii aad xusuusan karto. In door ah markii uu fekeray, liiska shaqaalahana la eegay. Cabdi waa la gartay. Waxaa la ii sheegay in uu Cabdi weli ka tirsan yahay Wasaaradda, qeybta xannaada Digaagga, oo uu joogo beer Digaagga lagu xannaaneeyo oo ku taalla Waddada Afgooye Km 13. Dhowr xarun oo digaagga lagu xannaaneeyo oo qaar ay Wasaaraddu leedahay qaarna uu yahay ganacsi ayaa waddada Afgooye ku yaallay. Markaa tilmaan wanaagsan ayaan ka qaatay. Waan u mahadceliyay. Km 13 Wakhti aniga oo aan lumin ayaan ku dhacay waddada Afgooye. Daqiiqado yar ka dib beerta ayaan gaaray.. Iridda hore nin aan kula kulmay ayaa ii tilmaamay oo farta ku fiiqay guriga Cabdi oo markaa ii muuqda. Guriga ayaan tagey oo gabar guriga joogtay ayaan weydiiyay. Markii hore su’aalo yar ayay i weydiisay, sida kummaad ahayd? iyo maxaad ka rabtaa? Waan isu sheegay, shakigana waan ka saaray. Ka dibna, nin beer falaya oo meel dhinaca midig iiga began oo xerada dhexdeeda ah aan ku soo maray oo i soo eegay markii aan soo dhaafayay ayay ii tilmaantay oo ay tiri waa kaas Cabdi. Inkasta oo aan meeshu sidaa iiga fogeyn, haddana qorrax kulul ayaa jirtay. Gaariga ayaan ku laabtay, ka dibna waxaan u tegey Cabdi oo beer falidda joojiyay marka uu arkay baabuurka gurigiisa hor istaagay ee haddana dhankiisa u soo dhaqaaqay. Geed aan u maleynayo in uu garas ahaa ayaan hoostiisa la tagey oo u warramay. Walaalkiis oo dagaalkii 1977 loo qaatay in uu ku dhintay ayaan si tartiib tartiib ah oo qaarba mar ah ugu sheegay in uu nool yahay, waraaqna aan uga sido. Cabdi shucuurtiisa oo dhan ayaa mar keliya is beddeshay, waxayna igu qaadatay wakhti dhan in aan sugo marmarna aan ku tuuro kelmad aan ku dejinayo. Waxoogaa ka dib, markii uu miyirsaday, oo murugada uu warkeygu xusuusiyay uu ka soo yara kabanayo oo ay isu beddeleyso nooc farxad billow ah ayuu ii soo hor kacay dhinaca gurigiisa asaga oo waraaqda walaalkiis gacanta ku sita laakiin aammusan. Guriga markii aan nimid gabadha ayay meel aan iga fogeyn ku wada hadleen. Codkooda ma wada maqleyn laakiin waan hubay in uu warka farxadda leh la wadaagay marka aan eegay luqadda jirkooda. Wuu igu soo laabtay. Aad ayuu iigu mahadceliyay. Biyo ayuu i siiyay. Ka dibna qado ayuu igu martiqaaday inkasta oo aan ka cudur daartay. Wixii markaa ka dambeeyay, Cabdi si joogto ah ayaan ugu imaan jiray ugu yaraan bil kasta hal mar si aan ugu keeno waraaq uu walaalkiis u soo diray, jawaabatana aan uga qaado. W/Q. Yuusuf Garaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halxiraalaha Xannaanada Xoolaha – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Shanaad appeared first on Caasimada Online.
-
BAYAANKA CULIMADA PUNTLAND EE KU WAJAHAN DAWLADDA FEDERALKA QODOBADA BAYAANKU TAABANAYO Annagoo ah culimada Puntland eek u kulantay Garowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysan maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka, madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada, culinmada soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuuliyad ku leh arimaha xajka iyo cumarada. Wuxuu baaqayagu ka kooban yahay arimahan hoos ku qoran: Waxaan taageersanahay baaqii hore ee culimada puntland u gudbisay madaxweynaha dawlada federalka xilligii uu safarka ku yimid Sidoo kale waxaan taageersanahay warsaxaafadeedkii wasiirka cadaalada, arimaha diinta iyo dhaqancelinta puntland uu jeediyey ee uu kaga hadlay arimaha xajka iyo cumrada Waxaan ku baaqaynaa in dawladda federalku si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto dhammaan arimaha xajka iyo cumrada dibad iyo Waa inay Shacabka soomaaliyeed oo abaaro iyo colaado diloodeen helaan sinnaan iyo cadaalad kana baxaan dulmiga iyo musuqmaasuqa, si ay Rukniga islaamiga ah ee Xajka iyo cumrada u Waa in tartan furan oo xor ah ay helaan shirkadaha doonaya inay ka shaqeeyaan arimaha xajka iyo Shacabka soomaaliyeed waa inay la mid noqdaan shucuubka kale ee geeska afrika xagga kharashka iyo dhammaan adeegyada xajka iyo Waa in la suuragaliyaa sidii shacabku fiisaha uga heli lahaayeen gudaha dalka, lagana soo wareejiyaa safaaradaha sacuudigu ku leeyahay Jabuuti iyo Naitobi, si ay u fududaato arimaha xajka iyo Allah baa mahad leh Waa baaqii Culimada Puntland ee ku kulantay Garowe
-
The International Court of Justice has allowed Somalia to file a response to a case in which it has sued Kenya over a maritime border. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union supports the free movement of persons in the continent and will continue working with regional economic blocs to achieve the objective, an official said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Onlie) – Xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, Cayn iyo Sanaag ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, ayaa waxaa saldhig u ah in dadka siyaasada hurmudka u ah ee kasoo jeeda degaanadaan kala qaybsanaantoodu tahay mid shaqsiyadeed balse aysan eegin danaha shucuubta ku nool goboladaas. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo gaaraya 160 Askari oo horay uga goostay Puntland kuna biiray Somaliland ay maalintii 11/2/2018 shaaciyeen inay dib ugu soo noqdeen maamulkoodii hore iyagoo doonaya inay ka qayb qaataan sidii loo ilaalin lahaa dhulkooda. Waxay sheegeen in markii hore ugu wareegeen dhinaca Asad tahay sababo Dayac uga yimid Puntland iyo duruufo soo wajahay, balse aysan marnaba ku raacin Qadiyay. Goobta Ciidamada isku soo dhiibayeen waxaa ku sugnaa siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Cayn oo katirsan Puntland. Ciidamadan oo markii hore ku sugnaa deegaanka Carro-weyne ee gobolka Cayn ayaa la rumaysanyahay inay isku beel yihiin Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toose, oo iminka ku sugan magaalada Hargaysa islamarkaana uusan wanaagsanayn calaaqaadka kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi. Tallaabada ay ciidamada uga soo goosteen maamulka Hargaysa, ayaa loo malynayaa inay tahay qorshe uu Xaglo-toosiye ku raadinayo inuu mar kale kaga soo dhex-muuqdo masraxa siyaasadda Puntland iyo loollanka doorasho ee la filayo inay dhacdo sannadka dambe. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiya ayaa shacabka Puntland barteen 2009-kii markaas oo uu kamid ahaa raggii ku jiray loollanka doorashada hogaanka sare ee maamulkaas isagoo raadinayay Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka. Xaglo-toosiye, ayaa waqtigaas ku fashilmay inuu wax xil ah ka qabto Puntland, wuxuu damaciisii u wareejiyay dhinaca Hargaysa ilaa markii dambe noqdo Wasiir Caafimaad, wuxuuna raadiyay Guddoomiyaha Kulmiye iyo inuu kamid noqdo xukuumadda Cusub balse wuu ku guul darraystay. Warar kale ayaa sheegaya in arrintan ay keentay booqasho uu magaalada Buuhoodle ku tagay wasiirkii lagu badalay Xagla-toosiye, Cabdirashiid Ducaale Qambi, kasoo magaalada Buuhoodle booqday iyadoo ay jirto xiisadda u dhaxaysa labada maamul. Tan iyo markii Somaliland ay la wareegtay qayb kamid ah Sool, waxay sare u qaaday booqashooyinka ay ku tagayso qaybo kamid ah gobollada lagu muransanyahay, kuwaasoo ay horboodayeen xubnaha kasoo jeeda gobolladaas ee ku sugan Hargaysa. Siyaasiyiinta kasoo jeeda goboladaan gaar ahaan Sool iyo Cayn ee ku sugan magalada Garowe ayaa booqasho dowladeed ku bixin karin degaanadaan ay kasoo jeedaan tan iyo intii Laascaano gashey gacanta Somaliland. Maamulka Puntland oo ka koobnaa markii dhidibada loo taagey 5 gobol ayaa awood qaybsiga hay’adaha dowlada lagu saleeyey Gobolada Nugaal, Sool, Sanaag, Mudug iyo Barri. Gobolka Sool iyo Cayn ayaa heshiiskan awood qaybsiga ee la gaarey 1998 waxaa Dowlada Puntland ay ku leeyihin Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Guddoomiye ku xigeenka Barlamanka, 17 xildhibaan, Wasiiro iyo howl-wadeeno kale. Dhinaca kale waxaa jira Siyaasiyiinta marar kala duwan ku biiray Somaliland dibna ugu soo laabtay Puntland oo hadda ku sugan magaalada Garoowe, kuwasoo uu kamid yahay Axmed Cabdi Xaabsade. Xaabsade oo ilaa markii uu talada Puntland qabtay Madaxweyne Gaas ku sugnaa Garoowe, ayaa kamid ah ragga lagu eedeeyo in magaalada Laas-caano u gacanta u galiyeen Somaliland waqtigii uu xukunka hayay AUN General Cadde Muuse Xirsi. Siyaasigan ayaa rajo ka qabay in Madaxweyne Gaas xil u magacaabo. Xaabsade ayaa goob joog ka ahaa aasaaskii Somaliland isagoo gudoomiye Barlaman ka noqdey, Puntland xil Wasiir ka qabtey xiligii AHN Madaxweyne Cabdulahi Yusuf, dib ugu noqdey Somaliland xiligii Madaxweyne Cadde Madaxweynaha ahaa AHN isagoo markaas Wasiir ka noqdey Somaliland. Iminka waxaa jira siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaas, balse xilal ka haya labada maamul gaar ahaan Somaliland oo hormuud ka ah xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Sida la rumeysan yahay weerarkii ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tulada Tukaraq waxaa bilowgiisa iska lahaa saraakiil iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sool. Weerarkaan markii uu dhacey subaxnimadii 8 Jan,2018 ayaa isla-barqanimadii maalintaas waxaa si degdeg ah duulaankaas inuu sharci yahay Barlamanka maamulka Somaliland uga ansaxiyey Gudoomiyaha Barlamanka oo kasoo jeeda gobolka Sool. Arrintan ayaa shacinaysa doorka siyaasiyiinta gobolkan ka cayaaranayaan in Sool, Sanaag iyo Cayn noqon waayaan kuwo dagan islamarkaana la jaan-qaada gobollada kale. Falkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Tuulada Tukaraq isku horfadhiyaan labo ciidan ee ka tirsan labada maamul ee Puntalnd iyo Somaliland kuwasoo dadaal ugu jira sidii mid walba u heli lahaa tageerada dadka daga goboladaan kuwasoo tan iyo intii Dowlada Soomaaliya dhacdey la jahawareersanaa shaqaiyaadka shaqo doonka ee isaga kala gooshaya magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe. Xigasho: Garowe Online The post Xog xasaasi ah: Yaa ka dambeeya ciidanka kasoo goostay Somaliland ee ku biiray Puntland? appeared first on Caasimada Online.
-
Ka dib Shir ay ku yeesheen magaalada Garowe Culimadda Puntland ayaa laga soo saarey bayaan ku wajahan Dowladda Federalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyadda, Baarlamanka Soomaaliya, Gollaha Wasiiradda Dowladda Federalka iyo Culimada Soomaaliyeed ka dib kulan ay kaga xaajoodeen Arrimaha Xajka iyo Cabasho xoog leh oo ka jirta kharashka laga qaado Xaajiyadda Soomaalida xilliyadda ay u dhoofayaan Cumraysiga. Culimadda ayaa sheegay inay taageersan yihiin hanaanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa , waxayna ugu baaqeen Dowladda Federalka Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto arrimaha xajka iyo cumrada dibadda iyo gudaha. Waxay sheegeen dadka ka dhoofaya Soomaaliya xilliyadda xajka inay noqdeen kuwa qiimaha ugu qaalisan ku taga Xajka, Iyagoona ugu baaqay cid kasta oo ay quseyso deg deg inay wax uga qabato madaama colaado iyo abaaro isugu darsameen ummadda Soomaaliyeed islamarkaana aysan xamili karin lacag tiro badan oo ay kusoo xajiyaan si ka duwan dalalka kale ee caalamka. Culimo udiinka ayaa sheegay inay taageersan yihiin Warsaxaafadeedkii Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland uu dhawaan ku dhaliilay qiimaha dadka Soomaaliyeed ku tagaan Xajka oo uu ku eedeeyay mid ka mid ah shirkaddaha duulimaadyadda ee Dalka Soomaaliya “ Halkan ka daawo”. Bayaanka Culimadda ayaa loogu baaqay Dowladda Federalka Soomaaliya inay helaan tartan furan oo xor ah shirkaddaha duulimaadyadda ee ka shaqeeya arrimaha xajka, wuxuuna kusoo beegmayaa bayaankoodu xilli uu iska fogeeyay Maamulka Shirkadda Jubba Airways Eedeyntii uga timid Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland. Hoos ka akhriso bayaanka culimadda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Culimadda Puntland oo baaq u direy Dowladda Federalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.