Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Paris (PP) ─ ABooliis hubeysan ayaa dilay nin looga shakisan yahay inuu saddex qof ku toogtay koofurta Faransiiska. Ninka hubeysan ayaa afduubtay gaari, kaddibna ula dhaqaaqay supermarket ku yaalla magaalada Trèbes. Ninkan, oo lagu sheegay 26-jir lagu magacaabo Redouane Lakdim, ayaa sheegtay inuu ka tirsan yahay kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah. Waxaa la rumeysan yahay inuu saddex meelood ku dilay kuna dhaawacay dad. Waxaa la sheegay inuu aad u hubeysnaa uuna dalbanayay sii deynta Salah Abdeslam, oo ah nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay weerarradii 13-kii November 2015 ka dhacay magaalada Paris, kaas oo ay ku dhinteen 130 qof. Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaya in ninka uu markii hore xabbado ku furay booliis, isagoo mid ka mid ah dhaawacay balse xaaladdiisu aysan khatar ahayn. Dacwad-ooge ayaa sheegay in ninka hubeysan uu sheegtay inuu ka tirsan yahay Kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka. Bishii January sanadkii 2015 nin hubeysan ayaa afar qof ku dilay supermarket ku yaalla Paris. Boqollaal saraakiil booliis ah ayaa goobta la geeyay, iyadoo waddooyinka galena la xiray. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Booliiska France oo toogtay nin dad ku dhex dilay dukaan laga adeegto – Super-market appeared first on Puntland Post.
  2. A drilling rig in the Miran block in Iraqi Kurdistan co-owned by Genel Energy and Heritage Oil. Genel may start drilling in Somaliland next year, it said. Sebastian Meye/Corbis LONDON (Reuters) – Kurdistan-focused Genel Energy (GENL.L) might start drilling in Somaliland next year, Chief Executive Murat Ozgul said on Thursday, as the group reported 2017 results broadly in line with expectations. “For the long term, I really like (our) Somaliland exploration assets. It’s giving me a sense of Kurdistan 15 years ago,” Ozgul said in a phone interview. “In 2019 we may be (starting) the drilling activities.” Chief Financial Officer Esa Ikaheimonen said Genel will focus spending money from its $162 million cash pile on its existing assets in Kurdistan but added: “You might see us finding opportunities… somewhere outside Kurdistan.”
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay dowlada Somalia ku taameyso in sanada 2010 uu dalka ka dhaco doorasho xor ah, ayaa waxaa arrintaas ka hadashay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Somalia. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Xaliimo yareey, ayaa sheegtay inay aad ugu kalsoonyihiin ka Guddi ahaan shaqada ay qabteen. Xaliimo yareey, waxa ay sheegtay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo. Xaliimo yareey, waxa ay tilmaantay inay kalsooni ku qabto qaabka ay u dhicikarto doorashada dalka sanada 2010, waxa ayna cadeysay in laga soo jeestay howlaha ugu badan ee lagu qabankaro doorashada. Xaliimo yareey oo u warramaysay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa intaa ku dartay in dhaqaalo dhan ka badan $129 Million oo doollar ah ay ku bixi doonto qabashada doorashada la qorsheynayo inay ka dhacdo Soomaaliya Sannadka 2020. Xaliimo yareey, waxa ay intaa raacisay in doorashada ay noqon doonto Hal Qof iyo Hal Cod, iyadoo nidaamka doorashada nooca uu yahay lagu qeexi doonaa shirka 28-ka Maarso la filayo inuu ka dhaco Magaalada baydhabo. Dhinaca kale,Guddoomiye Xaliimo ayaa sheegtay inay ka qayb qaadan doonto cid kasta oo Soomaali ah oo buuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto, waxayna intaa raacisay inay haatan ku gudo jiraan diyaarinta qaabka ay noqonaysao doorashada, taasoo ay la wadaagi doonaan Madaxda Dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Almost 28 years ago, Somaliland had declared its independence from Somalia following a brutal civil war and the collapse of the Siad Barre regime in Somalia. Since then, the country went through five elections and five presidents, and every one of them had promised to secure international recognition for the breakaway region. Somalilanders have heard about countless meetings that were conducted with external actors including the government of Somalia. Unfortunately, no tangible outcome materialized from those meetings and no details or reports were released rendering the analysis of the failures near impossible. It is about time that Somaliland attempts a different method and take a play from Israel’s playbook. In November 2012, a resolution was voted upon in the general assembly to recognize Palestine as a state; 193 nations voted in that resolution with only nine states voting against it. Among those nine nations were Micronesia, Marshall Islands, Palau,and Nauru. These tiny pacific islands voted for the state of Israel in United Nations assembly defying the economical threats of the Arab countries despite none of these countries having a jewish population. How did a tiny nation like Israel convince these far away small islands to vote alongside them? This achievement is due to Israel adapting Mashav which is a strategy centered on aiding smaller nations to build good well. It is about time that Somaliland adapts similar strategies to obtain the elusive international recognition. Even though Somaliland is not a rich country, it has a huge strategic geopolitical location as a trade gateway to Ethiopia, Somalia, South Sudan, Uganda, Rwanda and Burundi for a total potential market of 186 million people. Furthermore, Somaliland could offer assistance to these island nations which are facing climate change challenges. The total population of these islands is about 173,202 thus lending assistance would not be very difficult. Somaliland could even go as far as promising dual citizenship to the likes of Nauru with a population of 13,049 as a contingency for the rising seas. Thinking outside the box is becoming an imperative. Therefore, a new think tank comprising Somaliland’s elite need to draw a SMART (Specific, Measurable, Attainable, Relevant and Timely) roadmap to overcome the current stagnation. Maxamed A. X. Dado CIS, MIS, MBA H. Abdi Dado Investments General Director Cell: 615-602-3531
  5. By Ahmed Abdi Gabiley— Somaliland authority laid the foundation stone of six new buildings in Gabiley on Thursday, state media reports. The new buildings will be used as a school, Police station, market and firefighting, said the municipality of Gabiley. The local government, district administration and Police commissioners say these six projects will contribute the development of the region. The municipality thanked the taxpayers for being part of the developmental projects being implemented by the government of President Muse Bihi Abdi. https://www.youtube.com/watch?v=CsAei4et_x0
  6. DOLLOW, Somalia (Reuters) - At the height of Somalia's 2011 famine, Madow Mohamed had to leave her crippled five-year-old son Abdirahman by the side of the road to lead her eight other starving children toward help. Source: Hiiraan Online
  7. Saudi Arabia's Foreign Ministry on Friday condemned the terrorist bomb attack in Somali capital, Mogadishu that claimed the lives of 17 people. Source: Hiiraan Online
  8. Kabul (Caasimada Online) – Markii Sayed Asadullah Poya, oo ah 28 sanno jir ah macalin ah oo degan caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan, uu wiilkiisa u bixiyey magaca Donald Trump, rajadiisu waxay aheyd inuu wiilkaani nasiibkiisa bedeli doono isla markaana uu mustaqbalka tujaar noqon doono. Balse tan iyo markaas, Sayed Asadullah Poya iyo qoyskiisa oo dhan waxay wajahayaan nolol ka adag sidii hore, mustaqbalkiisuna uma muuqdo mid ifaya. Jamila oo ah xaaska Sayed ayaa wiilkaan dhashay bishii August sannadkii 2016kii, waqtigaas bilyaneerka u dhashay Mareykanka Donald Trump wuxuu ku jiray ololihii doorashada madaxweyne ee USA. Xilligaas macalin Sayed Asadullah Poya wuxuu dhammeystiray turjumidda buugga Donald Trump ee loogu magac daray ‘Trump: How to Get Rich’ kaasoo la qoray sannadkii 2004tii, maadaama uu wiilka u dhashay lahaa timo-baloonde ah sida Trump oo kale, Sayed Asadullah Poya wuxuu go’aansaday inuu wiilkiisa u bixiyo Donald Trump si mustaqbalkiisu u ifo. Poya ayaa u sheegay hillinka AFP: “Baaritaan badan oo ku saabsan isaga ayaa sameeyey, ka dibna waxay taasi igu dhiirrigelisay inaan wiilkeyga ku sammiyo. Shaqsiyaddiisa ayaan jeclaaday. Waxaan ku fikiray inuu dhaqaalaha iyo ganacsigaba ku fiican yahay. Sidoo kalena uu yahay nin wanaagsan. “Waxaan kaloo jeclaaday habka uu u go’aansado sameynta wax walba oo uu doonayo, ka dibna u wajaho una helo”. Balse qoyska Sayed waxay ka caroodeen tallaabada uu qaaday iyo inuu wiilkiisa ugu magac daro nin aan Muslim aheyn, ka dibna Ururada Islaamka ah ee Afghanistan ayaa kiiskaan ka hadlay kuna tilmaamay mid aan diinta raad ku laheyn. Sayed ayaa sidoo kale ka guuray halkii ay deganaayeen waalidkiisa isagoo u guuray Kabul, maadaama aabihiis uu caroodo marwalba oo uu maqlo isagoo magaca Trump ugu yeeraya wiilka uu dhalay. Macalin Sayed markii uu tegay caasimadda Kabul illaa haatan waxba uma hagaagin oo jidadka ayaa lagu aflagaadeeyaa, iyadoo loogu baaqo inuu magaca ka bedelo wiilkiisa. Dadka ayaa sidoo kale ku eedeeya inuu doonayo inuu magan-galyo u fidiyo madaxweynaha USA maadaama uu wiilkiisa ugu magac daray, balse Sayed marwalba wuu beeniyaa wararkaan. Caasimada Online Xafiiska Kabul Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo dhibaatada ku dhaceyso Shacabka Soomaaliyeed. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalkiisa oo dhameystiran: Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo. Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la’aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn. Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo. Ugu dambeyntii, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay’addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado. Waxaan ku baaqayaa: 1. In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin. 2. In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay’addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka. 3. Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah. 4. Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan. Ugu dambeyntii, waa in biseylka shacabka marna aanan la beerdareyn, mudanyihiina in loo turo oo aan dushooda dhaanto siyaasadeed lagu dheelin. Mahadbadan Mudane: Thaabit Cabdi Maxamed
  10. Warar hadda soo gaaray WidhWidh Online ayaa waxay sheegayaan in ammar kasoo baxay wasaaradda amniga DFS lagu xiray saraakiil iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho. Xubnahan oo aan magacyadooda helin ayaa lasoo sheegayaa in lagu haysto arrin la xiriirta qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaa hadda lagu xiray xarunta CID ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo su’aallo badan halkaasi lagu weydiinayo. Dhinaca kale waxaa la soo sheegayaa in afar dowladood ay qayb wayn ka yihiin qaska caadimada muqdisho. Waxaa hogaaminaya dowladda sucuudiga, Imaaraadka,Itoobiya,Kenya oo intaba dano gaar ah ka leh dalka Soomaliya. Dowladda dhexe ee Soomaliya ayaa maanta uun ku baraarugtay inaysan lahayn ciidamo sirdoon ah wahaba yaraateen. Halka dowlahadaas ay u joogaan gudaha Somaliya xataa ka ku jireen dowladda dhexe Soomaliya iyaga dhaxal ka dhigtay lacag yar oo la siiyi.
  11. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho ee xilka laga qaaday, Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Mudane Taabit Cabdi ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, sidoo kale dadkii la sumeeyay iyo qoyskii ku dhintay dabkii ka kacay Yaaqshiid. Sidoo kale, Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho aysan mudnayn in lagu dul-cayaaro dhaanto siyaasadeed. Qoraal uu soo saaray ayuu ku billabaay; Allaha u naxariisto dhaman intii ku dhimatay qaraxii shalay ee agagaarka hotel Weheliye iyo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dabkii ka kacay Degmada Yaaqshid iyo shacabkii dawada ku sumoobay, sidoo kale shaqaalihii nadaafadda G/Benaadir ee haweenka u badnaa oo dharaar cad sun lagu buufiyay iyaga oo waajibaad qaran gudanaya wiliba shaqada midda ugu adagiyagana waxaan lee yahay Allaha caafiyo. Dhacdooyinkaas oo dhan waxay gaar u ahaayeen shacabka, oo ay aheyd in ka hortag la sameeyo amaba marka ay dhacaan lala gaaro gurmad iyo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah. Bisha Maarso waxay ka mid tahay billaha ugu kuleylka badan Soomaaliya, bal qiyaas Maarso oo dhib dabiici ah wadatay hadii duruufo gurmad la’aan ah kuugu darsanto laguguna fiirsado. Waxaan aad u dareemayaa xanuunka dadka danyarta ah oo aan cidna u maqneyn. Shacabka ku nool G/Benaadir wuxuu ku dulqaataa duruufo adag oo midba mideeda kale ay ka darantahay, waana shacabka kaliya ee bixiya canshuurta ay Dowladda Federaalka ku shaqeyso. Wax u qabasho iskaba daayee waxaa sidii xili-roobaadka oo kale loo sugaa in dhaanto siyaasadeed lagu dul dheelo. Ugu dambeyn, dowladnimada aynu maanta heysano waxaa aas-aas uu ah Hay’addaha Sharcidejinta sida; Labada Gole ee Baarlamaanka, hadii aas-aasku liico, waa qarannimada oo liicday. Golaha shacabka waxay matalaan shacabka, shacbkuna xaq buu u yeelanayaa in dareenkooda ay muujiyaan hadii xaalku sidan sii ahaado. Waxaan ku baaqayaa: In la ilaaliyo sareynta sharciga, oo aanan dano gaar ah danta guud laga hormarin. In la ilaaliyo xasaanada xarumaha dowladda, hay’addaha amnigana aan laga weecin sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada oo qaraxa iyo sunta la beegsanaya shacabka. Maamulka Gobalka Benaadir waxaan ka codsanaya inuu dhugmo u yeesho dhacdooyinka murugada leh ee ka dhacaya xaafadaha Muqdisho iyo inuu sameeyo gurmad deg deg ah. Muqdishaawiyiinta gaar ahaan dhallinyarada waxaan ugu baaqaya iney hurdada ka toosaan, oo ay iska wareystaan sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen nabad raadinta iyo u gar-gaarida dadka dhiban. Waxaan hubaa inaad wax badan qaban kartaan hadii aad fikirkiina mideysaan oo aad fulinna ku dartaan. PUNTLAND POST The post THAABID: Shacabka Muqdisho waxay mudan yihiin in loo turo oo aan lagu dul-cayaarin appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashada Qaranka ee Somalia, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa ka hadashay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020-ka, iyadoo sheegtay inay aad ugu kalsoon yihiin ka guddi ahaan shaqada ay qabteen. Xaliimo yarey ayaa tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo. Sidoo kale, iyadoo u warramaysay VOA-da ayay tilmaantay in dhaqaalo dhan 129-milyan oo doollar ay ku bixi doonto qabashada doorashada lagu wado in ay dalka ka qabsoonto sannadkan 2020-ka. Dhanka kale, Guddoomiye Xaliimo yarey ayaa xustay inay doorashada dalka ka dhacaysa ay noon doonto Qof iyo Cod, iyadoo intaas ku dartay in habka ay doorashada soo soota u qabsoomayso lagu qeexi doono shirka Baydhabo ka dhici doona 28-ka bishan. “Go’aanka nidaamka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta waxaa isla leh madaxda Qaranka,” ayay hadalkeeda ku dartay Xaliimo Yarey oo xustay inay filayso in doorashada 2020-ka ay noqon doonto mid xalaal ah oo wax muran ah uusan ka imaan. Ugu dambeyn, Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa wareysigeeda ku sheegtay in ay ka qayb-qaadan doonto doorashada cid kasta oo Soomaali ah oo buuxisa sharuudaha loo baahan yahay, xaqna u leh inuu wax doorto. Hadalka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada 2020-ka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahan kulammo wada-tashiyo ah la lahaa Soomaalida Qurbo-joogta ah. PUNTLAND POST The post XALIIMO YAREEY: Nooc doorasho ee dalka ka dhici doonta 2020-ka waxaan go’aan ka… appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ammar degdeg ah wuxuu ku bixiyey in la qoro kumanaan ciidamada dhar cadda ah oo amniga dalka ka qeybqaata. Sarkaal ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha ammarkaan uu bixiyey xalay saq dhexe, kadib markii uu u arkay in ciidamadaasi yihiin kuwa kaliya ee ammaanka sugi kara. Ciidankaan oo shacabka u eg ayaa bulshada dhex galaya, waxaana ay keenayaan macluumaad badan oo amniga quseeya. Ciidamadan ayaa laga kala qori doonan qeybaha kala duwan ee bulshada sida ardayda, ganacsatada, haweenka, dadka muruq maalka ah iyo kuwo kale. Dowlad walbo waxaa ay ku tiirsan tahay ciidamada dharka cad ee amniga suga, mid walbana ma yaqaano midka kale.
  14. A sixteen-year-old boy has rejected an appointed role as the deputy commissioner of a regional state in Somalia because of security fears. Source: Hiiraan Online
  15. Gudiga Doorashooyinka madaxa banaan ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in laga fakarayo qaabka ay noqonayso Doorashada Soomaaliya ka dhici doonta sanadka 2020ka. Gudiga Doorashooyinka ayaa sheegay in nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa lagaga dhawaaqi doono dhawaan shirka ka furmi doona Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka bay. Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banaan ee dalka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in doorashadaasi ay ku bixi doonto sidookale lacag gaaraysa 129 milyan Oo doolarka Maraykanka ah . Waxa ay sheegtay Xaliimo Yare in sanadkan 2018 uu uyahay sanad Gogol xaar badan ay samayn doonaan Gudiga , iyadoo 2019 kana loo gudbi doon in la qabto doorashada. Halkan kam dhagayso . Xaliimo yarey
  16. A total of thirty personnel from the Somali security forces, drawn from across the country, concluded a three-day capacity building workshop on child protection, in the capital Mogadishu, on Thursday. Source: Hiiraan Online
  17. The Minnesota History Center will throw open the doors to “Somalis + Minnesota” in June, the first long-term exhibit about the east African nation’s culture, heritage and diaspora at the state’s premier history museum. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) -Saudi Arabia's Foreign Ministry on Friday condemned the terrorist bomb attack in the Somali capital, Mogadishu that claimed the lives of 17 people. Source: Hiiraan Online
  19. Caasimada ayaa wajaheysa tijaabada dhibaatooyin horleh, kadib dhacdo 9 haween ah ay ku wax yeeloobeen oo Shalay ka dhacday dagmada Cabdicasiis. Sumeys Dhallinyaro sun lagu duray oo walaacsan, qoys daawo ay cabeen ku sumoobay oo intii badneyd ay dhinteen iyo tiro haween ah oo nadiifinaayay caasimada oo sun lagu buufiyay darteed isbitaalo u jiifa ayey noqotay hadal heynta dadka reer Muqdisho. Ilaa hada lama yaqaano meesha ay waxani ka socdaan iyo sababta midna, waase dhibkii hore oo dhib cusub lagu daray. Waa kala shakin bulsho oo horleh iyo inaad iska ilaaliso cid walba oo kusoo dhowaata.Dadka qaar waxey ku tilmaameen iney jiraan cuduro la faafinaayo. Dhaqaatiirta Dhaqaatiirta Muqdisho ilaa hada ma sheegin waxa ay tahay umuurtan soo korartay, dhaqaatiirta Muqdisho waxaa lagu eedeeya iney yihiin kuwa dhiig miirad ah oo aan marnaba daraaseyn cudurada kusoo kordha bulshada kana digin, waxey garanayan uun sida masaakiinta lacagta looga furto. Wasaarada caafimaadka Sidii uu u dilaacay mooshinka Jawaari badi ma shaqeeyaan wasiiradeennu waxana mid walba loo diray inuu raadiyo xildhibaanada beeshiisa, suurta gal ma tahay in wasiirada Caafimaadku aaney ogeyn bulshada Muqdisho ee la sumeynaayo ?, jawaabtu waa 50-50. Duqa magaalada Duqa magaalada Muqdisho ayaa maalmahan lagu xantaa inuu xafiiskiisa usoo raray Hotel SYL isaga iyo kuxigeenkiisa Maaliyada ,waxaa la sheegaya in loo xilsaaray qeybinta lacagaha mooshinka ka dhanka ah gudoomiye Jawaari. Waa suurt gal inuu Eng Yariisow maqlay dhacdooyinka xanuunka leh ee Muqdisho madaama uu aad u isticmaalo baraha bulshada laakiin ilaa hada waxba kama uusan qaban, lacagaha mooshinka loo isticmaalayo dadkii laga qaaday waa sumoobeen mana helin cid xabad kaniini ah u iibisa. Qoys uu gurigooda dab ka kacay oo dad badani ay ka dhinteen, qoys daawo ku sumoobay oo dhowr qof ay ka dhinteen iyo wiilal bajaajley ah oo sun lagu duray isbitaalo u jiifa ama shaqaalihii nadaafada gobalka Banaadir ee Shalay la sumeeyay wax weyn uma arko duqa caasimada. Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax Raafac22@gmail.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarunta irshaad oo kaashanaysa wasaarada arimaha dastuurka xukuumadda federka ee soomaliya ayaa soo agaansintay kulan looga hadlayo dood cilmiyeed ciwaankeedu yahay (kaalinta dasruurka ee nidaaminta nolosha bulshada). Kulankaan waxa ka soo qeyb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, khuburo, culima u diinka, barayaal jaamacadeed, sharci yaqaano Iyo dhalinyaro Kulankaan waxa aad loogu lafa guray falsafada dasruurka , mabaadi’ada ,wacyiga bulshada iyo sida ay tahay in looga dhaadhiciyo dadka aan fahansanayn. Waxa laga dooday fikradaha isdiidan ee la xiriira dawlad dhisida, taariikhda dimuqraadiyada, hidaha$ dhaqanka sooyaalka dasruurka soomaalida iyo sidoo kale xalinta khilaafaadka. Ugu danbayn kulaankaan ayaa ka soo qeyb galayaashu isla meel dhigeen in la xoojiyo wacyigalinta , aqoon iswaydaarsiga ,sibinaarada waxaana aad loo bogaadiyay xarunta irshaad oo soo qaban qaabisay dood cilmiyeedkaan. … ———-Dhamaad——— XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYI GALINTA XARUNTA IRSHAAD. Email: irshaad center@gmail.com CONTACT— 252613103010
  21. Dalladda ururada aan dowladiga ahayn Puntland ee PUNSA iyo Xafiiska Difaacaha xuquuqul aadanaha Puntland ayaa maantay Magaalada Garoowe kusoo gabogabeeyey shir soconayey mudo labo maalmood ah. Shirkaan ayaa mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday waxaa looga doodayey xaalada xuquuqul aadanaha Puntland,iyadoo ka qaybgalayaashii ay iswaydaarsadeen dodo iyo xogo ku saabsan xaalada Xuquul aadanaha Puntlandd. Gabogabadii shirkaan ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka koobnaa dhowr qodob waxaana Saxaafada u akhriyey Siciid Cawad Guuleed oo kamid ah ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland. Halkaan ka dhegeyso Warsaxaafadeedka. 110416_001 - My Recording Daawo Sawirro. Puntlandi.com
  22. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 March 2018 ka qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland garyaqaanka guud ee Dawladda Puntland AUN, Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse. Aaska qaranka ee loo sameeyey maanta garyaqaankii guud ee DPl ayaa waxaa madaxweynaha Dawladda Puntland ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiyeha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada DPL, saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Garoowe. Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey shacabka reer Puntland, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay qaryaqqankii Guud ee Dawladda Puntland Marxuum Maxamed Muuse Ismaaciil Muuse, isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo marxuumka. “Waxaan halkaan isugu nimid aaska (AUN) garyaqaankii guud ee Dawladda Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil illaahey ha’u naxariisto. Illaahay danbigiisa ha dhaafo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tageyna samir iyo imaan Allah ha ka siiyo iyo dhamaan shacab weynaha Puntland oo uu u’ahaa mudo garyaqaanka guud ee dawladda, runtiina ahaa nin wanaagsan oo sharqan yar oo qunyar socoda oo runtii aan isleeyahay nin aad u dhibyar buu ahaa AUN, shaqo wanaagsan buu dalka u hayey intii uu u soo shaqeenayey wuxuuna ahaa nin shaqadiisa ka adag kuna asturan, kuna ceeb yar (AUN) Puntland iyo shacbigeedana waan uga tacsi yadeeynayaa dhammaanteed” ayuu yidhi madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illahay uga baryey inuu u naxariisto denbigiisana dhaafo marxuumka, camalkiisa inta wanaagsana Alle ku abaal mariyo, samir iyo iimaana Alle ka siiyo shacabka Puntland, eheladii, qarabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.
  23. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa laamaha Amniga ee Magaalada Muqdisho waxa uu si deg deg ah ugu Amray in ay jawaab cad ay ka keenaan sidii uu ku dhacay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab shalay ay ka fuliyeen Hotel Weheliye ee Magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad badan oo shacab ah . Ra’iisul Wasaare khayre ayaa Yiri “Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya ayaa Eheladii iyo qaraabii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaa wacmay Qaraxii Muqdisho waxa uu Alle uga baryay in intii dhimatay uu unaxariisto kuwii dhaawacmayna uu Alle ubooga dhayo.
  24. WICHITA, Kansas ― An overwhelmingly white jury will decide the fate of three white militiamen facing federal charges for allegedly plotting a terrorist attack that targeted a community of Somali Muslim refugees. Source: Hiiraan Online