-
Content Count
213,126 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Caawa joojisay Muxaadaro siyaasadeedoo uu qaban lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, taasoo ay soo qabanqaabisay ay Madasha Wadatashi . Madashan oo ka dhici lahayd Hotelka Saxaf ee magaalada Muqdisho kadib maqribka Caawa ayaa waxaa la sheegay in NISA ay maamulka Hotelka amar ku siisay inaan la qaban karin madashaasi oo ahayd mid uu muxaadaro ka jeedin lahaa C/raxmaan c/shakuur, loogana hadli lahaa xaaladda ay wajaheyso siyaasadda Soomaaliya. Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Hotel Sahafi oo diiday in magaciisa la xuso ayaa caasimadda Online u sheegay inay lasoo xiriireen Nabad Sugidda isla markaasna lagu wargeliyey inuusan kulankaas ka dhici karin Hotelka. Sidoo kale waxaa Arrintan goor dhoweyd shaaciyey C/raxmaan C/shakuur oo farriin uu soo diray ku sheegay sida soo socota: Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas. Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas. Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka. The post Hay’adda NISA oo Caawa joojisay Madal Siyaasadeed uu qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sanad kadib doorashadii dadbaneed ee Barlamaanka 10 aad ayaa laga filayey in uu gaaray bisayl iyo qaangaar Siyaasadeed kadib markii uu dhaxlay waaya aragnimo 9 Barlamaan in ka badan 60 sano laga soo bilaabo 1956 ilaa 2018, xilligaas oo gudoomiye Jawaari kasoo bilaabay dawladda Agaasime ilaa Gudoomiye Barlamaan. Abwaan Cadbdi Shire ayaa Barlamaankii 9 aad u tiriyey hees cinwaankeedu ahaa “Xildhibaanow xaal qaado” anigana xaal ayaan ka bixiyey qoraalkii habeen hore aan ku sheegay in Barlamaanka 10-aad ka fiicanyahay kuwii ka horeeyey. Laakin Maah maah Carbeed ayaa aheyd “ilmihii aabihiis u ekaada danbi ma gelin”. Dadka Somaaliyeed ee u riyaaqay furitaanka kalfadhiga 3 aad iyo qorshaha qaran ee la soo bandhigay, Qaraarkii taariikhiga ahaa ee Xukuumada iyo Barlamaanku ka gaaren DP World, heshiiskii dawladda Federaalka iyo dawlad gobaleedyada iyo shirka Baydhabo loo balansanyahay 28 bishaan, qodobadaas oo muujiyey yedidiilo Siyaasadeed iyo Rajo mustaqbal Somaliyeed ayaa nasiib darro shalay lagu waa bariistay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamaanka oo galab-nimadii la sheegay in uu Saqiiray, hadana Subaxaan la sheegay in uu noolyahay, kuwa kalena ku jiraan jeebabka Xildhibaanada, arrintaas oo dilaysa kalsoonidii lagu qabay Barlamaanka iyo rajadii laga qabay dalka iyo dawladu in ay horey u socdaan. Su’aashu waxa ay tahay maxaa xilligaan keenay Mooshinada kala duwan ee Barlamaanka? Maxaase ka maqan Xildhibaanada oo ay ka rabaan Mooshinada Madaxda? 1-Mooshinada iyo is bedelada waxaa laga sameeyaa dhaqaale, waxaana la kala kacsadaa kuraasta. 2-Mooshinada waxaa lagu muujiyaa awooda Barlamaanka iyo joogteynta cabsi gelinta madaxda. 3-Baqdin Barlamaanka in awooda ay ka qaataan golaha amniga qaranka ama madasha madaxda Federaalka iyo Gobalada. 4-Ciyaarta Mooshinka oo u baahan Garoon iyo Cayaartoy sida; garoonka khilaafka madaxda ugu sareysa balse sanadkaan laga quustay khilaaf Madaxweynaha iyo R/wasaaraha. Laakin waxaa muuqata in lagu guuleystay khilaafka Guddoonka Barlamaanka oo u sahlaya ciyaarta Xildhibaanada. Hadii aad wareysato Xildhibaanada iyo Madaxda waxa kala haysta oo ay Mooshin ku muteysteen waxey kuu sheegayaan: Qaabilaad ayaa la ii diiday, Telefon ayaa la iga qaban waayey, Xubin guddi ayaa la iga reebay, Lacag ka baxsan mushaarka ayaa la ii diiday, Kursi aan xaq u lahaa ama aan mudnaa ayaa qof kale la siiyey, Beesheyda ayaa la dulmiyey iwm. Waxaana muuqata in dadka Somaliyeed ay ka hor mareen Xildhibaanadii hoggaaminayey, ayna ka sugayaan arrimo waaweyn oo qaran halka ay ku mashquulsan-yihiin dano yar yar. Hadaba waxaa Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Gudoomiya Aqalka Sare la gudboon in ay deg deg u fidiyaan gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo Goddoonka Golaha Shacabka iyo xubnaha Barlamaanka inta uusan daadka Mooshinadu soo gaarin “Balaayo madax la qabto ayey leedahay ee ma laha majo la qabto”. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xildhibaanoow xaal qaado! ‘’Maxaa la iiga farxaa! Berri ayaan lumiye’’! appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada iyo Xubno ka socda Maaamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku shirsan magaalada Baydhabo iyaga oo isugu yimid ka qaybgalka shirka afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo sedexdii bilba mar qabsooma. Shirka Madasha oo uu maanta furay Ku-Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen ayaa beri soo xirmi doona inta uu socdana waxaa looga hadli doonaa qodobo badan oo ay kamid yihiin horumarka laga sameeyay arrimaha Dastuurka. Wasiir Cabdi Xoosh oo shirka Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka Wasaaradda Dawladda Federaalka ee sedexdii bil ee la soo dhaafay. “Runtii boqolkii maalin ee la soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay waxqabad ballaaran oo ay kamid yihiin inaanu xoojinay wadashaqeynta inagala dhaxeysa Guddiyada heer Federaal ee aan shaqo wadaaganahay, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Hawl adag oo badan ayaa inaga horeysa diyaar ayaana u nahay inaan wajahanno inaga oo isla tashaneyna” ayuu yiri Wasiirka. Dhankooda Wasiirada Arrimaha Dasturka ee Dawlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ka warbixiyeen horumarkii ay sameeyeen sedexdii bilood ee ugu dambeysay. Ugu dambayn, shirkan ayaa beri la soo xiri doonaa waxaana lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed. —–DHAMAAD—–
-
Muqdisho, March, 15, 2018—- Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, Midaynta canshuurta dalka, Qorshaha horumarineed ee qaxootiga soo laabanaya, soo wareejinta astaanta Qaranka ee SO iyo arrimo kale oo muhiim ah. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa goloha u soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo midayn lahaa guud ahaan canshuuraha dalka, isagoona qeexay in ay wadaan qorshe lagu midaynayo canshuuraha dalkeena Soomaaliya. Sidoo kalena waxuu sheegay in ay wasaaradu ku howlan-tahay qaban qaabada shir looga doodi doono habka ugu wanaagsan ee loo midayn karo canshuuraha, taas oo ay ka soo qayb-gali doonaan madax ka kala socota Maamul Goboleedyadda iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya, si loo sameeyo sharci hagi-doona canshuuraha dalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in howl-galada ciidanka Qaranku uu meel fiican marayo, dhawaana ay ciidanku deegaano badan ka saareen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, haatana wali lagu daba jiro haraadigooda si dalka oo dhan looga sifeeyo, waxuu kaloo sheegay wasiirku in amniga dalka uu haatan yahay mid aad u fiican la iskuna halayn karo. Dhanka kale waxuu tilmaamay in Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullah Farmaajo uu wado dar-dargalin iyo dhiirigalin dhinaca Ciidanka ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ka warbixiyay qorshaha horumarineed ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku soo laabanaya dalka kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 3,000,000 oo qof ( Sadex Million), si wax loogu qabto sadexda sano ee soo socota. Wasiir Sabriye ayaa cadeeyay in dawladdu ay ku dadaalayso ilaalinta iyo ka warqabka xaaladda dadka shacabkaah ee ku soo laabanaya dalkooda, taasin ay tahay mas’uuliyad saaran dawladda. Ugu dambayntii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa laga dhagaystay warbxin ku saabsan soo wareejinta astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee SO, oo si buuxda ay dawladda federaalka ula soo wareegtay. Intaas ka dibna Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda iyo mas’uuliyiintii Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay soo celinta mid ka mid ah astaamaha Qaranka Soomaaliyeed. DHAMMAAD
-
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/llaahi Cali Caanood ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka tababar mudo hal sano u socday ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho. Gaadi ciyaar iyo dhoolatus Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay Goobta ku soo bandhigeen Ciidamada, Waxaana Tababarkaas Bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaac dalka. Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sharxaad kooban ka bixiyay mar Xaladihii ay soo Mareen Mudadii Tababrka u socday. “Tababar aad iyo aad u fiican bey qaateen,waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa macallimiintii tababartay iyo sida ay awaamiirta ay u qaateen,waxay ahaayeen 200,inta badan dipishiliin iyo Aqlaalq xumaa meesha looga ceyriyay,waxaan u rajeynayaa ciidanka DANAB iney ku guuleystaan hadafka ay leeyihiin una gutaan waajibkooda, Shabaabna meel walba ay joogaan ugu tagi doonaan,’’ Ayuu Yiri Generaal Maxamed Maxamuud saneey. Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo ka Hadlay Munaasabada ayaa Ku ammaaney macallimiintaTababrkaasi Bixiniyay sida ay u diyaariyaan Ciidamada kuwaaso ka qeyba qaadan doona Howlagalada dalka looga si feynayo maleeshiyaadka Al- Shabab. Wuxuu sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee DANAB iney yihiin cutubkii shanaad,wuxuuna ku ammaanay Ciidamada DANAB sida geesinimada leh ee Al-Shabaab ula dagaalamayaan ugana saareen deegaano badan oo dalka. Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey Cutubyadii qaatey Tababrka ee katirsan DANAB iney u diyaar-garowbaan Difaac Dalka. “Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto Bulshada Soomaaliyeed,waxaad ka mid noqoteen ciidamada DANAB oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan. Waa Dufcadii 5-aad ee Ururka DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Tababar ku qaata Dugsiga Janeraal Dhaga-Badan ee Maqaalada Muqdidho. The post Sawirro: Ciidamo cusub ka tirsan Danab oo tababar loo soo xiray appeared first on Caasimada Online.
-
Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland oo maalmahan ku sugnaa dalka Imaaradka Carabta ayaa waxaa uu lakulmay maanta Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Imaaraadka Carabta ahna Wasiirka Madaxtooyada Sheekh Mansoor Bin Zayed. labada Mas,uul ayaa kawada hadlaya Mashaariicda Imaaradka uu ka fulinayo Soomaaliland , heshiiskii dekeda Ber bera, iyo dhismaha Saldhiga Imaraadka uu ka dhisanayo isla Magaalo Xeebeedka Maamulkaasi ee Ber bera. Imaaradka Carabta ayaa u balan qaaday Muuse biixin in sida ugu dhaqsaha badan ay ku bilaabi doonaan Mashaariic daas oo idil inta aan lagaari dhamaadka Sanadkan 2018 ka. Halkan ka daawo .
-
Magaalada Bosaaso waxaa maanta kulan ku yeesha Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, iyo qaybaha Bushada ee ku dhaqan Magaalo Madaxda Ganacsiga Puntland ee Bosaaso ,waxayna soo dhaweeyeen Go,aankii ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya dalka ay kaga Mamnuuceen Shirkada P World. Waxa ay sheegeen Odayaasha in ay sugayeen go,aano sidan oo kale ah oo ka soo baxa Xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaaliya , waxayna ku baaqeen in lafuliyo Go,aanadan . Hadalka ka soo baxay waxgaradka ku dhaqan Magaalada Bosaaso ayaa ku soo beegmaya xili maanta ay Aqalka Sare iyana ay Ansixiyeen Xeerkii lagu mamnuucay Shirkada P World. Halkan ka dhagayso. shacabka Bosaaso
-
Nairobi (Caasimada Online ): Saraakiil ka tirsan doowladda Itoobiya oo uu hoggaaminaayo Jeneraal Gabre ayaa kulamo gooni gooni ah oo qarsoodi ah toddobaadkan Nairobi kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedyada Soomaaliya. Kulamada ayaa inta badan diiradda lagu saaraayay sidii maamul goboleedyada ay uga hor imaan lahaayeen qorshaha dowladda dhexe ay ku joojisay heshiiskii DP World iyo Itoobiya ee dekadda Barbara. Wararka qarsoodiga ah ee laga helay kulamadan ayaa sheegaya in Gabre iyo Axmed Madoobe ay si gaar ah uga wada hadleen sidii Itoobiya ay u taageeri lahayd maamulkiisa, xilli sanadka dambe doorasho ka dhici doonto Jubbaland. Gabre ayaa la sheegay in uu u ballan qaaday Axmed Madoobe in uu ka caawin doono sidii loo cirib tiri lahaa mucaaradka maamulkiisa oo lala macaamili doono sida ONLF, taa beddelkeedana Jubbaland ay qeyb ka qaadato cadaadiska la saaraayo dowladda dhexe. Dhammaan kulamadan ayaa muujinaya sida ay Itoobiya muhimad u siineyso in dowladda dhexe cadaadis ay ka dareento dhanka maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com The post Itoobiya iyo Axmed Madoobe oo ka shiray arimaha DP WORLD appeared first on Caasimada Online.
-
Shrkii Golaha Wasiirada ee Puntland oo uu maanta Shir Gudoominayay Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin 1- Xaalada Amniga ee dalka. 2- Udiyaar garowga shirka wada- Madasha Xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka soomaaliya. 3- Xalada Abaarta ee dalka . Halkan ka Akhriso nuxurkii shirka .
-
iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo waxa uu bilaabay in uu dhex dhaxaadiyo labada Mas,uul. Madaxweyne Farmaajo ayaa Xarunta Wasaaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya kula kulmay Gudoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre. Waxa uu kulankan uu daaranaa sidii xal waara loogu heli laahaa khilaafka hareeyay Xukuumada iyo Baarlamaanka oo keenay in Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya Mooshin laga keeno. Madaxweyne Farmaajo ayaa labadan Mas,uul waxa uu kula taliyay in ay raadiyaan xal looga baxo xiisada ka dhex taagan labadooda oo saamaysay howlihii loo qaban lahaa Shacabka Soomaaliyeed. Tan iyo maalin nimadii shalay waxaa xarumaha dowladda iyo Golaha shacabkaba ka dhex taagneed hadal haynta khilaafka soo ifbaxay ee u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. lama oga halka uu xaalku ku dambayn doonta arintan, iyadoo uu Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Muudeey uu Saxaafada u sheegay xalay in Mooshinkaasi uu yahay mid shar ci ah.
-
Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha (Capacity Injection Project) ayaa maanta lagu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dawladda Puntland, iyadoona ay kasoo qayb galeen xubno matalayey dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca tayaynta shaqaalaha. Shirkaan oo dhowrkii biloodba mar la qabto ayaa waxaa sannad walba xoogga lagu saaraa qaabkii loosii horumarin lahaa mashruuca isla markaana loo dejin lahaa qorshe hawleedka sannadka xiga iyo sidii wax laysaga weydiin lahaa guulihii la gaarey sannadkii hore iyo caqabadaha lasoo gudboonaadey. Muddadii uu shirku socdey ayaa waxaa looga doodey qodobbo dhowr ah oo la xiriira dar-dargelinta mashruuca kuwaas oo ugu muhimsanaayeen shaqaale qorista hay’adaha dawladda oo dhowaan ay hay’adaha dawladdu qaadanayeen shaqaale cusub kuwaas ooh ab tartan furan ah loo qaadanyey ayaa shirka lagu sheegay in ay si wanaagsan u soconayso. Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay diyaarinta qorshe hawleedka sannadkaan cusub iyo sidii loo dhammaystiri lahaa barnaamijka shaqaalaysiinta dawlad, waxaa kale shirka lagu soo qaaday hannaankii dib u habaynta shaqaalaha dawladda kaas oo mashruuca CIP uu door weyn ku lahaa. Waxaa sidoo kale looga doodey shirka dib u habayntii iyo dib u qaabayntii qaab dhismeedka hay’adaha dawladda Puntland kuwaas oo wax weyn laga beddeley isla markaana qaybtood lasoo koobay halka qayb kalena la ballaariyey iyadoo loo eegayo marwalba baahida shaqo. Geba gebadii shirka waxaa laysla meel dhigay in mashruucu uu noqday mid wax weyn oo la taaban karo ka beddeley hay’adaha dawladda isla markaana loo baahan yahay in lasii dar-dargeliyo maadaama uu noqday mid siweyn wax uga beddeley dardargelinta shaqada hay’adaha dawladda. The post SHIRKII BILLAHA AHAA EE GUDDIGA FULINTA MASHRUUCA CIP OO GAROOWE KA FURMAY MAANTA appeared first on Puntland Post.
-
Maxamad Cusmaan Jawaari, ayaa mooshin laga geeyey, in kasta oo tiro ahaan uu ku baaqday, haddana guux badan ayey dhalisay, oo waxaan arkay dad badan, oo taageero u haya Jawaari, haddaba, waxaan is weydiiyey sidan: – Guddigii u dambeeyey, ee DALTUURKA naqdiimiyey, ka dib, markii uu ku soo falaaday Cabdi Xuush, haddana ah wasiirka dastuurka, ee magaciisu ahaa: GUDDIGA KHUBARADADA IYO DIYAARINTA DASTUURKA QABYO QORAALKA waxaa guddoomiye u ahaa Jawaari, waxaana la leeyahay waxaa ku baxay Soddon Milyan Dallar [30Milyan$], ee Jawaari ha ka jawaabo sida ay ku baxday?. – Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa Muqdisho noogu yimid, socdaalkii labaad ee sooyaalka soomaaliyeed, Turki iyo dunida galay. Wuxuu khudbo qurux badan ka jeediyey fadhi baarlamaanku lahaa, oo sida caadada u eheed ku shiray hool aad mooddo baar JILBAJABSI oo kale. Ordodan, oo ka xumaaday madax xeer dejin, in ay jilbojabsi ku shaqeeyaan, ayaa bulshada Soomaaliyeed u ballanqaaday, in uu dayactir iyo dib u habayn ku samayndoono xarunta baarlamaanka, guga xigana furitaankeeda uu isagu xarigga ka jari doono! Jawaari weydiiya meesha ay ka baxday ballanqaadkii Ordgan? In uusan ka baaqan dhanka Turki ani waan hubaa. – Madasha Qaranka ee dawladdii hore ka marooqsatay go’aan ka gaaridda agaasinka hannaan socodka dawladnimo iyo aayaha dalka, muxuu ka yiri intii ay dhisneed?. – Intii mooshin uu qabtay dawladdii hore, ee labo hirgahsay, laguna riday laba xukuumad, midna uu dhicisoobay, kii Xasan Sheekh Maxamuud laga gudbiyey, muxuu kaga duwan yahay kan isaga maanta laga gudbiyey?. – Inta uusan mar labaad isu sharrixin xildhibaannimada, ayuu isaga oo dhallinyaro la hadlaa ku yiri: “DHALLINYARADA SOOMAALIYEEDEEY NAGA RAALLI AHAADA!” isagoo raaciyey “FACII NAGA HORREYEY, WIXII AY NAGU BARBAARSHEEN, IDIN KU MA BARBAARIN KARNO!” wax yar ka dibna wuxuu ahaa xildhibaan, haddana, guddoomiyaha baarlamaanka. Hadalkan wuxuu ka hormarshay, in uu fariistay, ee uu ka fekeray! Haddii uuusan ka fiirsan, kana fekerin, muxuu dhihi lahaa dhallinyarada? I cafi, ma feker iyo ka fiirsasho ayey u baahan tahay, adoo og, in aad gef gashay, welibana aad ku laabanee, falkii aad gefka ku gashay?. – Sidii ay u billaabatay dawladdan guga iyo labada bil jirta, dalka waxay galisay fawdo iyo fadqalallo, Jawaari ma ka hadlay?. – Ciidan iyo rayid ayey dawladdu dishay, qaarkoodna Shabaab ku sheegtay, Jawaari ma ka hadlay?. – Waxaa la weeraray xarunta militeriga ee Haanta Dheer, ayna ku dhinteen lix askari, oo dawladdu magtooda bixisay, Jawaari ma ka hadlay?. – Waxaa la weeraray seq dhexe iyo habeen madow guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan mucaaradka, Jawaari ma ka hadlay?. – Weerarkaa waxaa lagu dilay shan askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, illaa haddana aan maydkooda la hayn meel lagu xabaalay, Jawaari ma ka hadlay?. – Afduubka loo gaystay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ee uu saddax maalin ku qafaalnaa magaalada Muqdisho xeer iyo xukun la’aan, Jawaari ma ka hadlay?. – Weerarkii har cad iyo maalin cadday guriga senotar Cabdi Cawaale Qaybdiid lagu weeraray, oo ah guddoomiyaha Guddiga labada aqal ee Dastuurka, Jawaari ma ka hadlay?. – Wixii dhibaato ka dhacay dalkan, intii uu xilka hayey Jawaari meel uu mawqif muuqda ku yiri ani waa ii dhimman tahay, marka mooshinkiisu, in kasta oo banjaray, haddana, waxba ii ma ahayn. Giraantu ha wareegto. Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com https://bilediraac.wordpress.com/ The post Inta aadan ka hor imaan Mooshinka Jawaari bal Su’aalahaan hala waydiiyo!! appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaah Shirkadda DP World ayaa Khamiista maanta ah mar kale xaqiijiyay in ay shirkaddiisa ka go’antahay maal-gelinta Somaliland,kadib Baarlamanka Soomaaliya dalka ka mamnuucay shirkaddaas,sida lagu daabacay Wargeeska Gulf News. Wargeeska ayaa ka soo xigtay guddoomiyaha DP World,Sultan Bin Sulayem in Somaliland ay dal madax-bannaan tahay muddo 28 sano ah,islamarkaana ay heshiisyo gaar ah kula jirto shirkado iyo dalal dhowr ah. Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id ayuu sidoo kale sheegay in go’aanka dowladda Djibouti dalkeeda uga mamnucday shirkadda DP World uu yahay”mid nasiib-darro iyo sharci-darro ah“,wuxuuna adkeeyay in shirkaddiisu ay hadda ka shaqeynayso in ay u xukun-dhiibato maxkamad ku taalla magaalada London. Halkan ka akhriso qoraalka Gulf News oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha DP World oo mar kale ku celiyay in Somaliland dal madax-banaantahay. appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso-[Puntland Post]-Kooxo hubaysan ayaa saddex qof ku toogtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ka dib salaadii Duhur ee maanta oo Khamiis ah. Weerarka ayaa ka dhacay Nawaaxiga Shirkaddii hore ee Netko oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Saddexda qof ee la toogtay ayaa mid ka mid ah uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada dawlada hoose ee magaalada Boosaaso, kaasi oo lau magacaabi jiray Kaarshe Hogan-diid, waxaana uu mar kaso noqday taliye ku xigeen Kaantaroolka magaalada Boosaaso. Labada qof ee kale ayaa qaba dhaawac halis ah, halka Askarigu uu goobta ku dhintay, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegen Warbaahinta Puntland Post waxaana labada qof la geeyay Cisbitaalka Boosaaso si loogu dabiibo xaladooda caafimaad. Dilkan ayaa kuso aadaya xilli Boosaaso ay ka nasatay muddooyinkii ugu dambeeyay dilalkii qrshaysnaa ee ka dhici jiray magaalada. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay Mas’uuliyadda falkaan ka dhacay magaalada Boosaaso, walina War kama soo saarin Maamulka gobalka Bari iyo taliska Ciidamada Bosaso. The post Kooxo Hubaysan Oo Sarkaal Ka Tirsan Dawlada Hoose Ku Dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharci waxba kama jiraan ka dhigaya heshiis kasta oo lala galay shirkadda ay leedahay dawladda Imaaraadka Carabta ee DP World. 28 ka mid ah 36 mudane oo kulanka ku sugnaa ayaa ogolaatay go’aankan, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday, halka 2 mudane ay ka aamuseen. Xubnaha Aqalka Sare ayaa si buuxda u taageeray sharcigan oo ka mamnuucaya shrikadda DP World gebi ahaanba dalka Soomaaliya. Sharcigan ayaa waxaa horey u meel mariyay Aqalka Hoose ee baarlamanka 12kii bishan. Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay. https://www.voasomali.com/a/4299823.html
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Dawlad-goboleedyada iyo xubno ka socda Maaamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku shirsan magaalada Baydhabo iyagoo isugu yimid ka qayb-galka shirka afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo seddexdii bilba mar qabsooma. Shirka Madasha oo uu maanta furay Ku-Simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Xuseen ayaa beri soo xirmi doona inta uu socdana waxaa looga hadli doonaa qodobo badan oo ay kamid yihiin horumarka laga sameeyay arrimaha Dastuurka. Wasiir Cabdi Xoosh oo shirka Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka Wasaaradda Dawladda Federaalka ee sedexdii bil ee la soo dhaafay. “Runtii boqolkii maalin ee la soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay waxqabad ballaaran oo ay kamid yihiin inaanu xoojinay wadashaqeynta inagala dhaxeysa Guddiyada heer Federaal ee aan shaqo wadaaganahay, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Hawl adag oo badan ayaa inaga horeysa diyaar ayaana u nahay inaan wajahanno inaga oo isla tashaneyna” ayuu yiri Wasiirka. Dhankooda Wasiirada Arrimaha Dasturka ee Dawlad Goboleedyada iyo Agaasimaha Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay ka warbixiyeen horumarkii ay sameeyeen sedexdii bilood ee ugu dambeysay. Ugu dambayn, shirkan ayaa beri la soo xiri doonaa waxaana lagu wadaa in laga soo saaro War-murtiyeed. PUNTLAND POST The post Shirka Madasha Wasaaradda Dastuurka oo Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka maaliyadda Xukuumaadda Soomaaliya,C/raxmaan Ducaalle Beyl oo maanta ka hadlay shirka Golaha Wasiirada ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay dhowaan sameynayaan sharci hagaya canshuurta dalka. Dhinaca kale Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xasan oo shirkaasi warbixin ka jeediyay ayaa soo bandhigay as-aasidda Golaha Dhaqaalaha Dhaqanka, oo horumarka dalka ka qeyb qaadanaya. Wasiirada kale oo shirkaan warbixinaha looga dhegaystay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,Cabdi Maxamed Sabriye oo isna ka warbixiyay Qorshe dowladda Federaalka ay wax uga qabaneyso dadka ku soo laabanaya dalka oo uu sheegay in ay ilaa iyo haatan gaarayaan Saddex Milyan ruux. PUNTLAND POST The post Sharciga hagidda canshuuraha dalka Soomaaliya oo dhowaan la sameynayo. appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in wejiga labaad ee shirka wada-tashiga maamul goboleedyada ee lagu qabanayo magaalada Garoowe looga hadli doono arrimaha amniga dalka iyo isku-xirka maamulada Federaalka,sida ku cad qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta. Dhinaca kale shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa looga hadlay arrimaha abaaraha,waxaana madaxweyne Gaas oo shirkaan guddoomiyay uu amar ku bixiyay in wasaaradihii iyo guddiyadii ka shaqeyn jiray u-gurmadka dadka ay bilaaban qorshihii looga hortagi lahaa xaaladdan. Qoraalka ka soo baxay shirka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaaaradda Cadaaladda Puntland ay bilaabayso Roob-doon Ilaahay lagu weydiisanayo in raxmaddiisa. Halkaan ka akhriso qoraalka Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo shaacisay qodobada looga hadlayo shirka maamul goboleedyada ee Garoowe lagu qabayo. appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso-[Puntland Post]-Magaaladda Boosaaso waxaa lagu qabtay kulan lagu taageerayo go’aankii Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ay dekedaha Soomaaliya kaga mamnuuceen shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta. Kullankan ayaa waxaa ka soo qayb galay nabadoono, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo waxagard, waxayna fariin ugu direen maamulka iyo baarlamaanka Puntland inay ayaguna aysan ka aamusin go’aanka baarlamaanka Soomaaliya uu ka gaaray shrikadda DP World. Kulankan oo inta badan diirada lagu saarayey go,aanka Barlamaanka ayaa waxa la la isla qiraya in ayasan wax dan ah u wadan shirkada DP World dadka soomaliyeed. Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya. Hoos ka Daawo Hadalada Nabadoonada gobalka Bari Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Daawo”Magaalada Boosaso oo Laga Taageeray Mamnuucista Shirkada DP World appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada aqalka sare ee Soomaaliya ayey maanta ku taageereen go’aankii dhawaan golaha shacabka ay dalka uga mamnuuceen Sharikadda DPWorld. Golaha aqalka sare ee dalka ayaa taageeray xeerkii ay meel mariyeen golaha shacabka ee dalka looga mamnuucay DPWorld. 36; XIldhibaan ayaa xaadirtay fadhiga aqalka sare ee maanta,iyada oo ay 28; Xildhibaan oggolaatay in dalka laga saaro DPWorld, 6; xildhibaan ayaa diiday halka 2; Xildhibaan ay ka aamuseen. Xildhibaannada Golaha aqalka sare ayaa shalay ku kala qeybsamay arrintan hayeeshee kulan ay maanta isugu yimaadeen ayey ku aqbaleen go’aankaas. DPWorld ayaa iyaduna maanta sheegtay in uusan quseyn go’aanka ka soo baxay golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana ay sii wadeyso mashaariicda ay ka fulineyso degaannada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Aqalka sare oo taageeray go’aankii dalka looga saaray DPWorld appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxaha sharkadda DPWorld ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta Suldaan bin Suleymaan ayaa waxaa uu sheegay in sharikaddiisa uusan quseyn go’aanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Suldaan waxaa uu sheegay in uusan garaneyn sababta Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay u qaateen go’aannada uu sheegay in ay qallafsanyihiin. Suldaan Axmed Bin Suleymaan waxaa uu sheegay in mashaariicda Somaliland ay ka fulinayaan aysan u joogsaneyn go’aanka ka soo baxay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya shaqadooduna ka sii wadayaan degaannada Maamulka Somaliland. Waxaa uu sidoo kale sheegay in sanadkan sharikadda ay dhibaatooyin badan kala kulantay Afrika sida in Dekadda Dooraale ee dalka Jabuuti laga ceyriyay halka dowladda Soomaaliyana ay sheegtay in ay ka mamnuucday Soomaaliya. Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Sultan bin Sulayem ayaa shir jaraa’id wuxuu ka sheegay in ay Soomaaliland ka shaqaynayaan kaso koow Go’aankii looga Mamnuucay in ay Soomaaliya ka kashaqeeyaan. Sultan bin Sulayem ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay go’aankii Dowladda Jabuuti ay uga laabatay Hishiiskii Dekedda Doorale ee ay la gashay DP world, wuxuuna sheegay in Go’aanka Dowladda Jabuuti uu Adkeeyn doono in qaaradda Africa ay maalgashiga soo jiidato. Hadalkaan kasoo baxay Madaxa DP world waxaa jiray Hadal ka horreeyay oo shirkaddu ay ku sheegtay in Soomaaliland ay tahay dal Madax banaan sidaasna ay ula gashay hishiis ay san ogeeyn Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya. Hishiiska Dekedda Berbera ayaa waxaa uu dhaliyay Marun iyo hadallo iska soo horjeeda oo dhexmaray Goleyaasha Soomaaliland iyo Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya. Isniintii lasoo dhaaafay Aqalka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa meelmariyay Xeer Dalka looga Mamnuucay shirkadda DP World, Kaa oo wali horyaala Golaha Aqalka Sare. Golaha Wakiiladda Soomaaliland ayaa iyaguna dhankooda ka wabaay Xeerka Dalka looga Mamnuucay DP World waxayna Gaf ku tilmaameen Go’aankii Xillibaanadda Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Madaxweeynaha Soomaaliland Muse Biixi Cabdi ayaa isaguna Safar ku jooga Dalka Isutagga Imaaradka Carabta oo laga leeyahay Shirkadda DP World Sida Hishiiska ku xusan Hishiiska Berbera Xukuumadda Soomaaliland ayaa leh 30% Saamiga Shirkadda Maalgashaneeysa Dekedda, Dowladda Itoobiyana waxay leedahay 19% Halka DP World ay leedahay 51%. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxa shirkadda DPWorld oo sheegay in aysan u hogaasameyn Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya. appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaaliya oo maantay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in dalka laga cayriyo shirkadda DP World ee maamusha Dekeda Magaalada Berbera. Kulankii Shalay ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan dhaliyay in lagu kala dareero kulanka Aqalka Sare kadib markii la isku khilaafay waqtiga ka doodista qodobkan, balse maanta ayay kulmeen. Dood Kulul oo ay maanta yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa saacado badan socotay, waxaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday in xildhibaanada ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan arrinta shirkadda DP World. 28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaatay in dalka laga saaro shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa warbaahinta u sheegay in xeerkan uu ka soo gudbay Golaha Aqalka Sare wixii hada dambeeyana uu u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay dalka. Puntlandi.com