Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Dagmada Bursaalax iyo beesha Wadal Muge oo kamida beelaha degaanka ayaa maantay yeeshay shir xal looga gaaray kjilaaf in muda ah xanibay wada shaqaynta beesha iyo maamulka dagmada, sida bixinta canshuurta iyo ka qaynqaadasha horumarka dagmada. Shirkan oo uu ka qaybgalay Maamulka Gobolka Mudug ayay beesha Wadal Muge iyo maamulka dagmada Bursaalax ku wada qaateen in beesha ay bixiso canshuurta una hogaansamaan nidaamka dowliga ah sida beelaha kale ee dagan dagmada. Gudoomiyaha dagmada Bursaalax ee Gobolka Mudug Maxamed Saleebaan ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay tanaasulka ay sameeyeen beesha Wadal Muge Waxgaradka beesha wadar muge ayaa iyana ka hadlay tabashadoodii hore ee Maamulka Dagmada iyo tanaasulka ay maantay sameeyeen. Ugu dambayn Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif Abgaalow ayaa ka mahadceliyay shaqooyinka ka socda dagmada iyo Tanaasulka Beesha Wadal Muge, isagoo sheegay in loo baahan yahay horumarka degaanka in laga wada qeyb qaato, la iskana ilaawo wax kasta. Puntlandi.com
  2. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,Mukhtaar Mahad Daa’uud,ayaa sheegay in tobankii bilood ee la soo dhaafay xukuumadda Soomaaliya ay maxaabiistii ugu badneyd ka soo daysay xabsiyada caalamka. Isagoo wareysi gaar ah siinayey Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA,ayuu sheegay in la soo daayey dhammaan maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada dalka Hindiya oo tiradoodu gaarayso 117 Maxbuus . Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiis badan laga soo daayey dalalka,Seychelles,Ethiopia iyo Libya,islamarkaana uu socdo dadaal lagu soo daynayo inta ku harsan xabsiyada caalamka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la soo daayey dhammaan maxaabiistii ku xirnaa dalka Hindiya appeared first on Puntland Post.
  3. Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La socodka iyo ka warqabka Xuquuqul Insaanka,gaar ahaanna Hannaanka cadaaladd-marinta dambiilayaasha iyo eeday-sanyaasha ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Garoowe ee caasumadda dowladda Puntland. Mashruuca oo soconaya muddo 2 sano ah(jan 2018 – Jan 2020) ayaa waxaa maal gelisay Midowga Yurub,waxaana fulin doona Kaalo, PSU,iyadoo ay gacan ka geysan doonaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Madaxa Banaan ee Difaacaha Xaquuqda Aadanaha iyo sidoo kale Dalladda Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn ee Puntland (PUNSAA). Mudadaas 24-ta bilood ah waxaa qorshuhu yahay in si dhow loola socdo xabsiyada iyo goobaha dadka lagu xiro ee magaalooyinka waaweyn ee Puntland Garowe, Galkacyo, Qardho & Bosaso. Ilaa 3,000 oo qof ayaa si toos ah iyo si dadban uga faa’ideysan doonta mashruucan sida qorshuhu yahay. Ujeedada Mashruucan ayaa ah; in la xoojiyo dowrka Daneeya-yaasha Aan Dawliga ahyn ee Kormeerka iyo la socodka Xuquuqul Insaanka, si gaar ah; Xuquuqda eedeysana-yaasha, dambiilayaasha iyo sidoo kale maxaabiista iyo si gaar ah hannaanka cadaalad marinta eedeysanyaasha & dambiilayaasha. Waa markii ugu horeysay ee Midowga Yurub uu si toos ah u maalgeliso mashruuc uu fulinayo urur maxalli ah inta la ogyahay Somalia. “Waxaan aaminsanahy 27 sano oo KAALO Jirtay in ay kaashan doonto dhamaan bahwadaagta kala duwan ee mashruucan isla markaana waxqabad dhab ah iyo guulo taariikhi ah lagaari doono” waxaa sidaa yiri Maxamud Sh. Xamid (Gudomiyaha PSU & Kaalo). Dhanka kale Maxamed Yusuf oo ah guddoomiyaha difaacaha xuquuqul insanka Puntlanad oo khudbad dheer jeediyey ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada mashrucan“xaaladda liidata ee xabsiyadeena iyo guud ahaan ba tabashada laga sheeganayo hannaan keena cadaaladda iyo danbiyada ayaa mudan in wax laga qabto. waxaana hortiina ka ballan qaadayaa in KAALO & PSU aan taageero mug iyo miisaan ba leh la garab taagnaan doono isla markaana mashruuc kaliya maaha’e ay naga dhab tahay sidii loo ilaalin lahaa loona difaaci lahaa xuquuqda asaasiga ah ee bulshada”,ayuu yiri Maxamed yuusuf Gudoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame ayaa sidoo kale soo dhoweeyey mashruucan,isagoo ku tilmaamay inuu mudan yahay in la iska kaashado sidi kor loogu qaadi lahaa tayada xabsiyada Puntland. Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale baaq u diray dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan sidii lo ilaalin lahaa xuquuqda insaanka isla markaana aanan lo qaadan mashruuc oo kaliya balse sido kale arrin diinteena iyo dhaqan keenuba nafarayo. Saraakiil Somali iyo ajnabi ah oo kala matalayey UN-ODC & EU CAP ayaa iyagauna madasha ka hadlay iyaga oo ka warbixiiyey shaqooyinka la xiriira ka hortagga danbiyada, amniga iyo ilaalinta xuquuqul insaanka ay ka wadaan Somalia si gaar ah Puntland. Waxayna sidoo kale ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan fulinta iyo mira-dhalka mashruucan. Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Dhaqan celinta Puntland Mudane Salah Xabiib ayaa khudbadiiisa ku aadan daahfruka mashruucan ku muujiyey sida ay uga go’antahay ilaalinta xquuqda bini aadamka ee dhammaan Puntland. Wasiirka oo si wata hadalkiisa waxa uu yiri: “Xaqiiqdii ma jirto waqti kaga haboon xilligan oo loo qareemi lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada xabsiyadiina iyo si guud in loogu doodo sidii oo dhowri lahaa xuquuqda asaasiga ah ee danbiilayaasha iyo eedeysanayaashaba”. Gabagabadii; mashruucan ayaa noqonayaa mid ka taageeraya bulshada rayid ka ah sidi ay si dhow ula socon lahaayeen ilaalinta xuquuqul insaanka. Waxaana la isla qaatay sidii xabsiyada looga dhigi lahaa goobo dadka wax lagu baro oo tayadoodu sarayaso. Wasiirka cadaaladda ayaana gabagabadii si rasmiya u daahfuray mashruuca. Halkaan ka eeg sawirrada daah-furka , The post Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La socodka Xuquuqa Insaanka oo Garoowe lagu daah-furay. appeared first on Puntland Post.
  4. We are all aware that Horn of Africa and Gulf of Aden has become an athletic field of foreign powers. We can describe that the region has become a military garrison. Republic of Djibouti hosted military bases and facilities for France, USA, Germany, Japan, and Saudi Arabia; also China more recently established its first overseas military base in Djibouti. Likewise Israel, Egypt, Saudi Arabia and UAE have military bases in Eritrea. Turkey established military bases in Qatar and Somalia. Recently Somaliland previous government hosted UAE to establish a military base in our dear port –Berbera. Turkey also signed an agreement with Sudan that granted the right to construct a military base and Naval dock in Port Suakin- a ruined Ottoman old Port. Besides the military raises competition of the world superpowers that existed in the Horn; the less than one year-Gulf crisis and competition for influence between Gulf States stretched beyond the Arab peninsula in to the Horn. The Horn region is now becoming a Gulf states battlefield; and a theatre for the fierce rivalry between Saudi Arabia and Iran; a sectarian struggle between Sunni and Shiite Muslims. These together played an increasingly influential role in the Horn’s geopolitics; and are potentially fuelling the region’s internal political unrest; by placing the fragile peace arrangements in the Horn at risk. For example, when recently Sudan granted for Turkey to construct a military base in its port in the red sea; Egypt responded and sent troops to Eretria; and Sudan immediately closed its borders with Eritrea. The war in our next door country-Yemen, with the conflict between the Saudi-led coalition supporting Yemen’s weak government and Houthi-rebels supported by Iran is intensifying. However Somaliland lies in a strategic region that interfaces the southern coast of the Gulf of Aden across the strategic Bab-al-Mandab Strait, the Red sea and Horn of Africa. This strategic region is more important for the trade and security of both Somaliland and the countries that lie in this region. That is why the UAE is projecting itself as a regional military power in the war in Yemen, eager to establish foreign military bases in the region’s ports; and specially to use Berbera port as aircrafts takeoff offensive base for the bombardments on the Houthis. While DP World has been acquiring the management of Berbera port; achieving both an economic and military interrelated strategy gains. The agreement of signing a military base for one of the factions warring in Yemen has inevitable security risks for Somaliland. Deliberately being part of the conflict in the region is a blind and suicidal decision. Already the first political quarrel deepened this week when Somaliland, DP world and Ethiopia signed a tripartite Berbera Port deal that worsened the spat between Somalia and Somaliland. This provides us an incentive example to understand and take a closer look to the unpredictable consequences of mingling with these political and military rivalries in the region. And more political and security risks will be ahead of us if Somaliland hosts a foreign power military base in Berbera. So, the Policy makers of Somaliland should pursue a realistic interest-seeking political strategy; and stop putting the country on fire in exchange for dollars. Bihi’s government must reverse the decision of the previous government of hosting a foreign military base in Berbera. He should prevent this little unrecognized state from the potential risks and complications that a foreign army base comes with. In one way or another, the militarization competition of our geostrategic region (the Horn and the Gulf) has political and economic opportunity implications for Somaliland. Despite these opportunities, to mingle with the conflict, moved among and engaged with one of the warring groups; by providing a military base will have security and political risks for the country. Accordingly, since the advent of competing foreign powers in the Horn of Africa and the Gulf is both an opportunity and risk for Somaliland as an unrecognized country, there is a need for well designed, rational and assertive foreign policy aimed at utilizing the economic, social and political opportunities; while minimizing the many angled risks surrounding these opportunities. This double edged situation (opportunity and risk) will be determined by the accuracy of the diplomatic effort and policy reorientation that president Bihi’s government takes. “Opportunities and risks make a combustible mix; if you don’t get the right formula, it can blow up in your face.” dam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com Source: Qaran News
  5. Muqdisho-(Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa laga gudbiyey mooshin ka ah oo ay saxiixeen illaa 107 Xildhibaan. Haddaba ilo-waredyo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday arrimo dhowr ah oo ay sheegeen in lagu haysto Jawaari. Lacag baad ah: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xukuumadda iyo Madaxda ugu sareyso dalka waydiistay in la siiyo lacag aad u badan oo Malaayiin Dollar ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku hanjabay inuu xukuumadda Mooshin ka keeni doono haddii aan lacagtaas la siin. Madaxda ugu sareyso dalka ayaa Jawaari si cad ugu sheegay inaan la siin doonin lacag baad ah isla markaasna aysan arrintaas aheyn nadaam dowladeed oo ay u muuqato inay tahay xilliyadii hoggaamiye kooxdeedyada. Mooshin ka dhan ah Kheyre: Jawaari ayaa bilaabay markii lacagta loo diiday inuu Mooshin ka diyaariyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana arrintaas ka war helay Ra’isulwasaaraha iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Markii laga war helay mooshinka uu Jawaari wado ayaa waxaa isna laga diyaariyey mooshin aad u adag oo ay saxiixeen ilaa 107 Xildhibaan. Jawaari ayaa markaas kadib dhexda ka galay xaalad wareer ah oo keentay inuu ku tunto qodobo dastuuri ah iyo kuwa kale oo ka tirsan xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya. Jawaari iyo Xukuumaddii hore: Guddoomiye Jawaari ayey waligii caadi u aheyd inuu baad ka qaato madaxda ugu sareyso dalka, wuxuuna lacago waali ah ka qaadan jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Jawaari ayaa Mar kasta dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ugu hanjabi jiray inuu mooshin ka keeni doono haddii aan la siin lacago Malaayiin Dollar ah oo sharci darro. Guddoomiye Jawaari ayaa heshiis dastuurka ka dhan ah la galay Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo dhammaantood ah xubno uu isaga magacaabay, wuxuuna guddiga joogtada ah ka dhigtay meel uu marsiisto Mooshinada uu rabo halka kuwa kalana uu ku hor istaago. Xaaladda Jawaari: Guddoomiye Jawaari oo u bartay baadii uu ka qaadan jiray dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadda ku jiro xaalad halis ah waxayna xildhibaano 100 gaarayo ka codsadeen inuu is casilo maadaama lagu helay falal liddi ku ah Dastuurka Dalka. Waxay u badan tahay in Jawaari meesha uu ka bixiyo doono haddii aysan xaaladda sida ay tahay iska badalin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xog: Maxaa Jawaari lagu haystaa oo mooshinka looga keenay? appeared first on Caasimada Online.
  6. ADDIS ABABA, March 16 (Xinhua) -- The United Nations High Commission for Refugees (UNHCR) in Ethiopia disclosed on Friday it has registered 15,097 new refugees in the first two months of 2018, pushing the number of refugees in Ethiopia to 909,301 by February 28. Source: Hiiraan Online
  7. A young Eritrean man died on Tuesday in Sicily of tuberculosis compounded by severe malnutrition. His name was Segen.* He was 22. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (PP) ─ Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan baarlamaanka iyo xukuumadda federaalka Somalia, ayaa waxaa guddi arrintaan xalliya magacaabay Aqalka Sare ee Baarlamaanka. Guddigan ayaa waxaa lagu magacaabay kulan ay maanta yeesheen xubnaha guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga doonayaa guddigan inay si hoose ku xalliyaan khilaafkan sii kordhaya. Sidoo kale, Guddiga oo ka kooban toddoba xubnood ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Hawsha guddigan ayaa lagu sheegay inay tahay la kulmidda labada dhinac ee xiisadda taagan isku haya, si loo dhageyso dhinac walba tabashadiisa, isla markaana xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan oo qarka u saaran inuu curyaamiyo hawlaha hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda. Haddaba, Xubnaha Guddigan ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Cabdi Xaashi Cabdullaahi – Guddoomiye Mowliid Xuseen Ducaale – Xubin Zamzam Ibraahim Cali – Xubin Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) – Xubin Maxamuud Axmed Mashruuc – Xubin Maxamed Amiin Sh. Cismaan – Xubin Muxyadiin Sh. Cali Jaamac – Xubin Ugu Dambeyn, Magacaabidda Guddigan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka taagan, kaasoo haatan maraya in labada dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyo ay isku adeegsadaan awood ciidan. PUNTLAND POST The post Aqalka Sare ee oo guddi u magacabay xalinta khilaafka ka dhashay Mooshinka Jawaari appeared first on Puntland Post.
  9. Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo qaar kamid aha Golaha wasiirada oo maanta ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqaya Jawaari in uu xilka iska casilo . Xildhibaanadan ayaa waxaa kamid ahayd Xildhibaanad Qadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya. Waxa ay sheegtay in hadii Mooshinka laga keenay Jawaari uu gaari waayo 184 Xildhibaan uu jawaari yahay Gudoomiyaha Aqalka hoose, laakiin hadii tirada Moshinka keentay ay 184 Xildhibaand gaaraan ama ay ka bataan waxa ay sheegtay in ay cadahay in Jawaari lariday Mudo, 15 cisho gudahoodna ay ku soo dooran doonaan Gudoon Cusub. Halkan ka dhagayso. Wasiir-Khadiijo-Maxamed-diiriye
  10. Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta kulan Deg deg ah isugu yimid Magaalada Muqdisho ,ayaa waxa ay sheegeen in ay dhex dhexaadin doonaan khilaafka Xoogan ee ka dhex taagan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xilidhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in hadii Xiisadan ay sii socoto dalku uu gali doono khal khal siyaasadeed oo halis ah , ayna ka faa iidaysan doonaan arimahan Xoogaga Argagixida ah oo dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaanada ayaa waxa ay soo saareen War murtiyeed ka kooban dhowr qodob, iyagoona arintan Gudi usaaray Go,aanadii ka soo baxay maanta Aqalka Sare waxaa Warbaahinta u Akhriyay Xoghayaha Joogtada ee Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac.
  11. COLUMBUS, Ohio (WSYX/WTTE) -- A unity march is planned Sunday, March 18th to show support for residents of Wedgewood Village Apartments in Columbus’ Hilltop neighborhood. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) - The Ministry of Security refuted reports claiming the parliament building was forcibly taken over by forces loyal to the executive. Source: Hiiraan Online
  13. Moskow-(Caasimadda Online)-Khilaafka dhinaca Diplomaasiyadda ee wadamada Britain iyo Ruushka ayaa sii kordhayay maalmihii ugu dambeeyey,kadib markii Dowladda Britain ay ku eedeysay Ruushka in uu sumeeyay nin hore uga tirsanaa Sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa oo ku sugan Dalka Ingiriiska. War ay soo saartay Dowladda Dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Moscow ay si weyn uga soo horjeedo eedeynta wasiirka arrimaha dibadda Britain ee ah in madaxwayne Putin uu amray samaynta nin horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka. Dalalka ku bohoobay gaashaanbuurta NATO iyo qaar ak mid ah madaxda Yurub ayaa dhinacooda waxay sheegeen in ay garab istaagi doonaan Britain oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Ruushka. Arrintaan ayaa u muuqata mid saameyn weyn ku yeelan karta midnimada iyo wada jirka wadamada NATO marka loo fiiriyo ismaandhaafka cusub oo soo kala dhexgalay labada Dowladood ee Ruushka iyo Britain oo labaduba kamid ah wadamada ugu awoodda badan ee Dunida maadaama ay kala taageersan yihiin labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Xiisadda siyaasadeed ee udhexaysa wadamada Ruushka iyo Britain oo sii kordhaysa appeared first on Caasimada Online.
  14. The university's email, seen by The Telegraph, pointed out that: "More than 400 students signed a petition organised by the KCL Somali Society demanding an apology from Perkins, calling his statements ‘shameful bigotry and stigmatisation of minority groups’. Source: Hiiraan Online
  15. Xaflad lagu soo dhawaynayay Arday bilowday Daraasaadka sare ee jaamacada Bariga Afrika qaybat Shareecada ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Amal ee Magaalada Bosaaso. Munaasibada ayaa waxaa ka soo qabgalay Madaxda sare ee Jaamacada Bariga Afrika , Macalimiinta jaamacada Culimada, Waalidiin iyo Ardaydii kulanka Soodhawaynta ah loo sameeyay . Ardaydan ayaa ah Dufcadii Afaraad ee bilowda Daraasaadka sare ee kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika Xarunteeda Magaalada Bosaaso. C/rashiid Sheekh Saalax oo ah Madaxa kuliyada Shareecada iyo Daraasaadka sare ee Jaamacada Bariga Afrika ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan marka laysku daro tirada Ardayda kuliyadan dhigata, kuwii ka qalin jabiyay, iyo kuwa hada ku soo biiray tiradooda guud ay yihiin 70 Arday . Waxa uu gaba gabadii Madaxda Jaamacada uu ka codsaday in Ardayda loo sameeyo Maktabad ay ku diyaariyaan Daraasaadkaasi. Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Bariga Afrika Maxamuud Ciise Awoowe oo Munaasibada kahadlaya ayaa sheegay in Ardayda ay ku soo dhawaynayaan gacmo furan iyagoon heli doona Macalimiin ku taqasusay Daraasaadka sare,waxaana uu ka sheekeeyay Marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacada Bariga Afrika. Sheekh Yuusuf C/casiis oo kamid ah Boorka Jaamacada ayaa Ardayda ubalan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan loogu hirgalin doono Maktabada ay dalbadeen inta aan lagaarin xiliga kuleelaha ee Magaalada Bosaaso. Hadaba halkan ka dhagayso hadalada Mas,uuliyiinta hoosna ka daalaco Sawirrada. codka jaamacada Bariga Afrika
  16. Ethiopia's ruling coalition is due to meet soon to choose its next leader. That person will automatically become the prime minister. They will be taking on the role at a time of bitter internal wrangles and violent protests. Source: Hiiraan Online
  17. Welcome to Invisibilia Season 4! The NPR program and podcast explores the invisible forces that shape human behavior, and we here at Goats and Soda are joining in for the podcast's look at how a reality show in Somalia tried to do far more than crown a winning singer. The ultimate goal: to change human behavior. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Rag hubeysan ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku toogtay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ahaa Nabadoonnada siweyn looga garanayo guud ahaan gobolka Hiiraan. Nabadoonka ayaa waxaa lagu dilay Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan xilli uu ka soo baxay gurigiisa waxaana toogtay rag hubaysan oo Bistoolado sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamada ayaa howlgal ka wada Xaafadda Taleex Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho iyada oo dhallinyarada xaafaddaasi ay ka baqayaan howlgalka Ciidamada dowladda. Muqdisho waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal loo geysto Odayaasha iyo Askarta Dowladda waxaana AL-shabaab ay horay u sheegeen in ay dilayaan Odayaasha iyo dadka ku lugyeeshay doorashooyinkii dalka ka dhacay Sanadkii 2016kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Koox ku hubeysan bastoolado oo Nabaddoon caan ah ku dilay Muqdisho iyo Sababta appeared first on Caasimada Online.
  19. WICHITA, Kan. (AP) - Jurors who will decide the fate of three militia members accused of conspiring to bomb an apartment complex housing Somalis in the Kansas will not hear evidence about alleged child pornography found during searches. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) - Unidentified gunmen on Saturday killed a well known traditional elder in the Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  21. Unidentified gunmen on Saturday killed a well known traditional elder in Somali capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari. Kulanka oo ahaa mid Saxaafada banaanka ka joogtay ayaa waxaa aad loogu lafa guray xiisada dalka ka jirta iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Gudoonka Golaha Shacabka kaas oo sababay in ay kala qeyb samaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdikariin Buux Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka waxa uu Saxaafada uga warbixinayay waxa uu sheegay in la Magacaabay Gudi ka kooban 7 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi si loo xaliyo xiisada taagan. Khilaafka ayaa cirka isku shareeray kaddib markii shalay Ciidamo ay la wareegeen Xarunta Golaha shacabka ciidamadaas uu Guddoomiye Jawaari ku eedeeyay in uu Ra’iisul Wasaaraha soo amray wixii hadda ka dambeeyana uu mas’uuliyadeeda qaadi doono. Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda waxaana ay ku baaqeen in la xaliyo. Sidoo kale Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in xasiloonidii iyo degenaanshaha Golaha shacabka la soo celiyo. Magacaabista Gudiga ka shaqeyn doono xalinta khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa ku soo aadayax ili goordhow ay Muqdisho ku shireyn tiro Xildhibaano ah kuwaas oo Gudoomiye Jawaari ka dalbaday in uu is casilo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Aqalka Sare Oo Guddi U Saaray Xiisada Siyaasadeed Ee u dhexeeyso jawaari iyo kheyre appeared first on Caasimada Online.
  23. Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee (PSF) ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska PSF. Hawlgalkan ka dhanka ah Al-shabaab oo qaatay muddo saddex maalmood ah ayaa ciidanka PSF ka fuliyay degaannada Dhagaxdhaabur,Madarshoon,Karin, Xagarood iyo Diindigle oo dhammaantood ku yaalla buuraleyda Calmadow,sida ku xusan qoraalka PSF. Taliska ciidanka Amiga PSF faahfaahin dheeri ah kama bixin hawlgalka,balse waxay sheegeen in ay sii wadayaan hawlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab,si looga hortago in ay shacabka dhibaato u geystaan. Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net The post Ciidamada dowladda Puntland oo dilay 18 ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.