-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
DJIBOUTI, March 6 (Reuters) – Djibouti’s Doraleh Container Terminal Management Company has signed a deal with Singapore-based Pacific International Lines (PIL) to raise by a third the amount of cargo handled at the port, the country’s Ports and Zones Authority said on Tuesday. The agreement is expected to raise performance at the Doraleh Container Terminal, allowing it to handle an extra 300,000 20-foot equivalent unit containers (TEU) annually, the authority said, without providing any further details. Last month, Djibouti ended its contract with Dubai’s DP World, one of the world’s biggest port operators, to run the Doraleh Container Terminal, citing failure to resolve a dispute that began in 2012. DP World called the move an illegal seizure of the terminal and said it had begun new arbitration proceedings before the London Court of International Arbitration, which last year cleared DP World of all charges of misconduct over the concession to run the terminal. The Doraleh terminal has a capacity of 1.6 million TEUs per year. “This agreement is a first important step towards Doraleh Container Terminal fulfilling its capacity potential,” the ports authority said. PIL is one of Asia’s biggest shipping companies, ranked “11th amongst the top container ship operators in the world,”, it said on its website. ($1 = 101.2000 Kenyan shillings)
-
Authorities in the breakaway republic of Somaliland have formally charged a poet, Naema Qorane, with spreading unpatriotic propaganda. The poet has been outspoken in her calls for a united Somalia, something she champions in her performances and Facebook posts. If found guilty, Qorane could face up to eight years in prison. She was charged yesterday by Somaliland’s Attorney General for “anti-national activity of a citizen and bringing the nation or state in contempt”. It followed her arrest on 27 January upon her return to her native Somaliland after visiting Mogadishu where she has performed at a TEDx event. Guled Ahmed Jama, who heads an independent human rights centre in Hargeisa, called Ms Qorane’s arrest “oppressive”: The main issue we are criticising the authorities for is the arrest of Naema for a rant she wrote on her Facebook – we believe that she has exercised her rights to express her opinion. We believe that this is not in line with local and international laws. We see the charges against Naema as oppressive measure against her rights to express her views.” Somaliland authorities are sensitive about matters related to unification. The self-declared independent state was created in 1991. BBC
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Kulan ay Maanta Kismaayo ku yeesheen xildhibaanada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sibedel ku sameeyeen qodob sheegayay in xildhibaanada Jubbaland ay ku kulmi karaan meel ka baxsan Kismaayo. Xildhibaaanda ayaa intii uu kulankoodu socday waxa ay cod u qaadeen qodobkaas iyaga oo ugu dambeyn ansixiyay waxkj bedeka qodobkaas,iyaga oo ka dhigay in xiligaan wixii ka damebeeya aysan ku kulmi Karin xildhibaanada meel aan aheyn Magaalada Kismaayo. Wax ka bedelka qodobkan oo dib u eegistiisa ay muddooyinka soo socotay ayaa la sheegay inuu ahaa cadaadis ka yimid Madaxtooyada Jubbaland oo u arkayay in qodobkaas halis ku ahaa Madaxweyne Axmed Madoobe, hadii Xildhibaanada Jubbaland ku kulmaan meel ka baxsan Kismaayo. Illaa 38 Xildhibaan ayaa ansixiyay wax ka bedelka qodobkan mamnuucaya in Baarlamaanka Jubbaland ku kulmaan meel ka baxsan magaalada Kismaayo. Xildhibaanada Jubbaland ayaa la sheegaa in aanay laheyn xoriyad ay ku soo bandhigaan aragtidooda siyaasadeed, iyo si toos ah aysan ula xisaabtami karin Golaha Wasiirada iyo Madaxda Jubbaland. Horay ayaa waxaa loo xiray xildhibaano dhowr ah oo dhiibtay aragti Siyaasadeed,qaarkood la musaafuriyay halka qaar xasaanadii xildhibaanimo lagala laabtay. Sidoo kale waxaa horay u jirtay in gebi ahaanba uu meesha ka baxay mooshin ay Madaxweyne Axmed Madoobe ka gudbinayeen tiro xildhibaano ah oo ka tirsan jubbaland kadib cadaadis iyo cagajugleyn uga timid Madaxtooyada,iyada oo xildhibaankii ugu dambeeyay ee la xiray uu ahaa Axmed Taajir oo markii dambe xubintii xildhibaanimo uu iska casilay. Isku day Xildhibaanada ku doonayeen inay mooshin uga keeneen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa la fashiliyay, kaddib cadaadis iyo hanjabaad loo jeediyay, waxaana la xiray Xildhibaankii hormuudka u ahaa ololahan, kaasoo aakhirkii ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay qodob u diidaya inay ku kulmaan meel ka baxsan Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Berbera – IOM, the UN Migration Agency, last week (28/02-01/03) trained 29 Somaliland border control officials on search and rescue (SAR). Facilitated by IOM’s Africa Capacity Building Centre’s (ACBC), the training in Berbera, Somaliland included real life examples and theory relating to the international code for the security of ships and port facilities, international legal obligations, rescue at sea and migrant smuggling by sea. “Somalia’s expansive coastline is a critical shipping route that remains prone to clandestine activity, people trafficking, smuggling, piracy and exploitation by foreign fishers. Poorly effected border control measures, a lax in inter-agency coordination and corruption are amongst the greatest impediments to addressing irregular migration and smuggling occurring in Somalia’s territorial sea,” said Marcellino Ramkishun, ACBC’s Senior Migration Management Specialist, who facilitated the training. According to an IOM-commissioned Trafficking in Persons Assessment in South and Central Somalia (Oct 2016), sea transportation is the most utilized form of transport by traffickers to facilitate the irregular movement of victims. Somaliland is yet to attain international recognition as an independent state which creates a particularly weak spot in terms of international legal frameworks to safeguard Somaliland’s territorial waters. The civil war in Yemen also exposes Somaliland’s shipping line to potential criminal activity hence a much-required balance between security and assistance. The training’s real-life scenarios benefited from the Ramkishun’s experience as a captain, border coast guard patrol unit in South Africa, complemented by his expertise on organized crime. Commenting at the end of the training, one participant said, “This is the first time we have had a training like this where real cases and real examples are discussed. I knew very little about the extent of organized crime and how it can negatively impact Somaliland. It’s the first time I feel I have a chance to become a better officer. I do look forward to a possible simulation in future where we can practically learn some of these things.” This activity falls under a multi-sectoral response project, funded by the Government of Japan, to contribute to increasing human security and stability in Somalia particularly among vulnerable migrants and mobile populations. IOM
-
London (PP) ─ Shir heer caalami ah oo looga hadlayo sidii Somalia looga caawin lahaa macluul laga baqdin qabo inay mar kale ku dhufato, waxaana shirkan wada-guddoominaya Dowladaha Britain iyo Soomaaliya. Kulankan oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK, ayaa waxaa ka qayb-galaya waddamo ka mid ah kuwa deeqaha bixiya, ha’yado ka shaqeeya iyo hay’ado kale oo ay ku jirto Qaramada Midoobay. Intuu kulanku socday ayaa waxaa lasoo saaray qoraan kooban oo lagu xusay in 2.7-milyan oo qof Somali ah ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, haddii aanay helina ay dhici karto inay macluul u dhintaan. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in loo baahan yahay $1.5 bilyan si wax looga qabto khatarta dhanka abaaraha ee laga baqdin qabo in Somalia ay ku dhuftaan sannadkan, iyadoo la xusay inay imaan karo in malaayiin carruur ah ay ku dhacdo nafaqo-darro ba’an. Dalka Britain oo shirkan soo qaban-qaabisay ayaa waxay sheegtay inay ugu deeqeen Soomaaliya lacag gaaraysa 24.6 milyan oo Giniga Ingiriiska ah, isla markaana looga gaarsiiyo Somalia dhammaadka bishan, si wax looga qabto xaaladaha bani’aadamnimo ee Soomaaliya. Lacagta ay ku deeqday Britain ayaa la sheegay in wax looga qaban doono; 54,000 oo caruur ah oo ay nafaqo-darro hayso, 157,480 qof oo u baahan gar-gaar deg-deg ah oo dhanka biyaha ah, 400,000 oo u baahan gar-gaar caafimaad oo dhaqso ah iyo sidoo kale 212,315 carurur ah oo dhibaatooyin kala duwan haystaan iyo 53,300 oo hooyooyin ah oo uur leh, si daryeello caafimaad ay u helaan. Dhanka kale, Dowladda Britain ayaa sheegtay in dhaqaalahan la sii marinayo hay’adaha WFP iyo UNICEF oo Qaramada Midoobay ka tirsan iyo Sidoo kale hay’adda NRC ee dalka Norway laga leeyahay oo shalay ku dhawaaqday inay dhici karto in macluul ay ka dillaacdo Soomaaliya sannadkan, haddii aan wax laga qaban abaaro laga baqdin qabo inay ku dhuftaan Somalia. Ugu dambeyn, Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah ee Britain oo isagana shirk aka hadlay ayaa sheegay in aysan fari ka qodnayn, isagoo ugu baaqay caalamka in wax laga qabto dhibaatooyinka dhanka abaaraha ee soo laalaabtay ee Somalia ka taagan. PUNTLAND POST The post Shirka looga hadlayo Abaaraha Somalia ee London oo dhaqaale ugu yaboohay Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Somalia, ayaa kulan wadtashi ah oo ku saabsanaa Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay talooyin ka dhiibteen hawlaha ay Wasaaradda wado. Wasiir Cabdi Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in wadashaqeyn wanaagsan ay la yelato dhamaan dhinacyada ay hawsha kala dhaxeeyso. “Markii aan xilka Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aan ku gaarnay abuuridda jawi wadashaqeyn oo aan la yeelanno hay’adaha dawladda ee an shaqo wadagga nahay, waxa aan aas-aasnay Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo sedexdii bilba mar shira waxaana kulamo wadastashi ah la qaadanay madaxda sare ee Dawlad Goboleedyada oo aan ku booqanay Goboladooda. Heshiis wadashaqeyn ayaanu la galnay labada Guddi ee hawsho inaga la dhaxeeyso marwalbana heshiishkaas waanu ilaalineynaa dhankeenna; wadashaqeyn iyo iskuduubni ayay marwalba Wasaaradda ku dedaalaysaa si dib-u-eegista Dastuurka loogu soo gabagabeeyo muddo sanad ah waxaana Gobolka Banaadir dhinacooda ka sugeynaa wadashaqeyn wanaagsan,” ayuu yiri Wasiirka. Sidoo kale Avv Xoosh isaga oo ka hadlayay muhiimadda Gobolka Banaadir u leeyahay dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri “Sida aad ogtihiin maqaamka Gobolka Banaadir waxaa lagu cadeeynayaa dib-u-eegista Dastuurka ee aan hadda wadno waana muhiim in Maamulka iyo shacabka Gobolka Banaadir ay talooyinkooda ku biiriyaan Gedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka”. Dhankiisa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisoow) ayaa Wasaaradda uga mahadnaqay hawsha ballaaran ee ay Qaranka u hayso, si gaar ahna kulanka ay maanta la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir waxa uuna ballanqaaday in gobolku uu Wasaaradda ku garab istaagi doono hawsha ay wado. Ugu dambayn, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku-Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxay talooyin u soo gudbiyeen Wasaaradda. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Dastuurka oo Kulan Wada-tashi ah la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post]-Duqa Cusub ee Degmada Bosaso Cabsalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Duqii hore Degmada Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud ka dib munasabad ka dhacday Xarunta guriga gobalka Bari,looga Arimiyo. Munasabada xil wareejinta ah waxa ka soo qeyb galay Xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland Maamulka gobolka Bari, iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. Duqii hore ee Degmada Bosaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay inta uu xilka hayey in uu qabtay wax badan, isla markaana u la shaqeyn doono Maamulka cusub ee la soo Magacaabay. Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa dhankiisa sheegay in ay sharaf u tahay in uu la wareego xilkan, isla markaana howshii halkeedii ka sii wadi doono. ”Magaaladan waa Magaalo Soomaaliweyn ay degan tahay waana muhiim in laga shaqeeyo amnigeeda iyo nafaadeeda ayuu yiri Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo si ku meel-gaar ah xilkan u sii hayn doona. CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST-BOSASO The post GUDOOMIYAHA CUSUB EE BOSASO OO XILKA LA WAREEGAY MAANTA appeared first on Puntland Post.
-
Taliska qaybta Booliska Gobalka Nugaal ayaa ka warbixiyey howlgalo falal amni daro oo habaynadii u danbeeyey ka dhacay Magaalada Garoowe iyo Howlgalo ay ciidanka amaanku sameeyeen. Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Gaashaanle Sare Nugaal Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galangooli oo waraysi siiyey Radio Garoowe ayaa sheegay falalkaas amni daro ay u soo qabteen dhalinyaro ku howlanaa ayna ku daba joogaan kuwo kale. Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka amaanku ay sidookale gacanta kusoo dhigeen nin bilowgii asbuucaan dil ka gaystay gudaha Magaalada Garoowe kaas oo dilay wiil dhalinyaro ahaa. Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal Gaashaane Sare Faarax Galangooli ayaa intaa ku daray inay bilaabeen howlgalo lagula dagaalamayo baabuurta bacaha Madow,isagoo sheegay inay ka fiiqeen qaar kamid ah Masuuliyiinta Puntland. Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa todobaadyadii u danbeeyey waxaa kusoo batay dhalinyaro xiliyadda habaynkii ka gaysanaya falal amni daro iyo gaadiidka bacaha madow. Halkaan ka dhegeyso Warysiga. 140613_005 - My Recording Puntlandi.com
-
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa maantay tababar u furay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Tababarkaan oo ku saabsan hab-raaca xisaabaadka iyo miisaaniyadda dowladda Puntland ayaa loo qabtay shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada xisaabaadka Wasaaradda maaliyadda ee sagaalka gobol ee Puntland. Tababarkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xiriiriyaha mashruuca PFM ee maaliyadda iyo sidoo kale xisaabiyaha guud ee dowladda Puntland,waxaana furay wasiirka wasaaradda maaliyadda Puntland cabdilaahi siciid Carshe dhaqaaje. Tababarkan oo socon doona muddo 8 casho ah ayaa looga golleeyahaha sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha ka hawlgala xafisyada xisaabaadka wasaaradda Maaliyadda Puntland ee sagaalka gobol ee Puntland,waxaana qabanaysa shirkadda UNICOM oo arrimahan si weyn uga shaqeysa,iyadoo dhanka dhaqaalahana uu ka taageerayo bankiga adduunka ee world ban. Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda Puntland cabdirsisaaq maxamed xasan ayaa si weyn ugu mahadceliyay dhamaan inta ka qeyb qaadatay in uu qabsoomo tababarka,isagoona kula dardaarmay shaqaalaha loo qabtay inay ka faa,iidaystaan casharadda ay qaadanayaan. Wasiirka waaradda maaliyadda Puntland cabdulaahi siciid carshe dhaqaaje oo tababarkaan furay ayaa shaqaalaha ku booriyay in ay ka faa’idaysan tababarka waxaana uu sidookale sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go,antahay sare u qaadida aqoonta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda,si bulshadu u hesho adeegyo qanciya. Halkaan ka daawo Muuqaalka. Sawirro. Puntlandi.com
-
(Muqdisho (Puntlandi) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Sh Cusman Jawaari ayaa lugu waydiiyay barnaamij toos ah uga ka baxay telefishinka dowladda su’aal ku saabsaneyd sababta dib loogu dhisi la’yahay Aqalka Baarlamaanka oo ay Xildhibaannada ku shaqeeyaan isagoo burbursan. Guddoomiyaha barlamaanku wuxuu sheegay sababta dhismaha burburka xooggan uu ka muuqdo ay Baarlamaanka ugu shaqeynayaan inay tahay maadaama dadkii burburiyay oo fiiqday loo baahan yahay in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin, Jawaari ayaa xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay,isagoo hadalkiisa wata wuxuu yiri “Biloowga sanadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahanyahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo doolar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa oggolaatay in ay bixiso.” Puntlandi.com
-
Ethiopia, Kenya, Nigeria, Chad and Djibouti are on the itinerary of US Secretary of State Rex Tillerson's week-long trip to the African continent starting on Monday. It is his first official visit and the first where the US is expected to come out with a clearer policy toward Africa, despite two top US officials, Nikki Haley and Donald Yamamoto, having already visited the continent, Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) _ Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa kahadlay muranka dowladda Federaalka ah iyo sharikadda DPWorld u dhaxeeya. C/Raxmaan Qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa ku sheegay in dowladda ay ka gaabisay ka falcelinta arrintan,isaga oo dhinaca kale sheegay in horumarinta degaannada Somaliland heshiis horay loogu gaaray. Waxaa uu dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka ugu baaqay in ay xormeeyaan madaxbanaanida Soomaaliya,isaga oo dowladda Federaalka ahna u sheegay in iyada lagala xisaabtamayo waxa socda. Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu arrintan ka hadlo oo uu mowqifkiisa caddeeyo, waxaa uu shaki geliyay sida ay isugu soo beegmeen maalintii heshiiska Dekeda Berbera la saxiixayay iyo kulankii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la qaatay Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed. Halkan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook:- Heshiiska sedex geesood ka ah ee DP world, Ethiopia iyo Somaliland wuxuu abuuray walwal iyo walaac xoog leh, wuxuuna dhaliyey dood culus. Dhowr qodob ayaa mudan in hoosta laga xariiqo 1- Dawlada Soomaaliyeed ayaa masuul ka ah Madaxbanaanida iyo ilaalinta midnimada dhulka Soomaaliya. Dawladu waa kafiilka xaga damaanadda, (collateral), iyo shakshiga qaanuuniga ah (Legal personality) ee heshiisyada caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay in ay tahay cida beri loo raacanayo gaabiska, fulin la’aanta, ka bixista iyo burinta heshiiska heer caalami, maadaama aan Somaliland dunidu aqoonsanayn. 2- Ma aha in la hor istaago horumarka Somaliland Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa horay ugu heshiiye the Somali Combat oo New Deal kii lagu saxiixay Brussels 2013 in macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda horumarinta Somaliland (The Somaliland Special Arrangement). 3- Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya waa in ay ilaaliyaan xeerarka Caalamiga iyo Axdiga Qaramada Midoobay u yaala ee dhigaya in la ixtiraamo madaxbanaanida Qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhulkiisa, mana jirto cid laga yeelayo ama looga haybaysanayo xadgudubka Qaranimada Soomaaliya. 4- Horay ayaa mashruuc kan la mid ah Gobolka hirgelintiisa looga bilaabay, The Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET). Waxaa shirko ku ahaa Dawladaha Kenya, Suudaanta Koonfureed, Uganda, Iyo Itoobiya. Mashruuca ayaa isugu jiray Dekado, dhuumo shidaal, wadooyin, iyo jidad tareeno. Mashruucan oo balaayiin dollar ku kacaya ayey dawlada Kenya saamiyadiisa u furtay dawladaha ka qayb gelaya iyo shirkada gaarka loo leeyahay ee gudaha Kenya iyo Dibadiisaba. Sidaas daraadeed waa laga maarmaam in saamiga maalgashiga uu ku ekaado maamulka, koontaroolka iyo faa’iidada mashruuca, laakiin la xaqiijiyo milkiyada iyo lahaanshaha dadka Iyo dawlada Soomaaliya. 5- Dekedaha, Saldhigyada Milateri iyo Shidaal Raadinta ee Soomaaliya laga doonayo waxay qayb ka yihiin loolanka Joqraafi Siyaasadeed (Geopolitics) ee Gobolka ka socda. Dawlada Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay ilaaliso madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya, dhowrtana danta shacabka iyo maslaxada dalka, maareysana danaha is diidan ee shisheeyaha dalkeena ka leeyihiin. Waxaan ognahay in Gudoonka Baarlamaanka uu 10 bilood ka hor Madaxweynaha u qoray in uu cadayn ka bixiyo arrimahan iyo kuwo la mid ah, weli kama uu soo jawaabin, waxaa kaloo shaki abuuray isku soo beeganka maalintii uu Raysalwasaaruhu bartiisa Twitter ka soo dhigaygay in uu la kulmay dhaxal sugaha Wadanka Imaaraadka Sheekh Maxamad Bin Zayid oo ahayd 1da Maarso iyo maalinta la sii daayey warsaxaafadeedka saxiixa heshiiska. Hogaanka Dawlada gaar ahaan madaxweynaha waa in uu cadeeyaa mowqifkiisa arrimahan ku aadan. Aamusnaan xal maaha, xalaalna barqo ayaa la qashaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Muxuu C/raxmaan C/shakuur ka yiri heshiiskii saddex geesoodka ee lagu qeybsaday Saamiga Dekeda Berbera ? appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Speaker of the Federal Parliament, Mohamed Osman Jawari has announced plans to rebuild Somalia's Parliament building, a sign of recovery after decades of civil war. Source: Hiiraan Online
-
Around 1,000 drought-hit families in three areas in northern Buhodle are facing water scarcity after water deliveries from aid agencies stopped last month. In Sool-joogto, where the wells have run dry after three years of drought, 600 families are now without water. The rest of the families left without water are in Maygagle and Go’ondale. The areas lie 30 to 50 km from Buhodle, in Somaliland. Water prices have soared with the scarcity and demand. Water trucks take three hours to deliver water from Buhodle. In Go’andale, a barrel of water has risen from 50,000 to 180,000 Somali shillings. The Somali Red Crescent had been delivering water to these area from last November. Officials said the programme had run out of funds for the deliveries. Omar Ahmed Abdullahi, 45, is living in Maygagle. He came to the area because of the water deliveries. He told Radio Ergo he is struggling financially and cannot shift with his family somewhere else to find water. Omar has already borrowed $80 to buy water and is worried that he will not be able to get any more credit or money from his relatives because he has no means to repay what he owes. In the past 24 hours, his family begged a little water from their neighbours, who had bought a container. The family’s entire herd of 280 goats and 15 camels died in the drought. He has seven children. Adan Warsame, 55, and his six children, the youngest aged two, have been using water they bought at the going rate of 180,000 shillings Ahmed and his family live in Go’ondale, 50 km north of Buhodle. He does not know how long he can sustain this. They had 170 goats and 16 camels but none survived the drought. Despite the lack of water, some families in the area received food distributions of rice, flour, sugar and cooking oil from the UN’s World Food Programme. Cooking without water has become a major challenge. RE
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa soo saaray amar ay qeyba ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir uga mamnuucayn Ciyaarsita kubadda Cagta. Milkiiliyaasha garoomada iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xaafadaha waqooyi ee gobalka Banaadir ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in amar kaan lala wadaagay dadka iskaleh Garoomada Salaxa ee lagu Ciyaaro kubadda Cagta kuwaas oo dhaqan geliyay amarkii Al-Shabaab ee soo baxay maalmo ka hor. Dadka aan la hadalnay oo ka gaabsaday in aan adeegsano magacyadooda iyo Codkooda ayaa KNN u sheegay in degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa laga mamnuucay Ciyaarista Kubadda Cagta waxaana fariintaan lala wadaagay oo kaliya milkiiliyaasha Goormada Salaxa ee degmooyinka aan soo sheegnay. Faah faahinta la helayo ayaa sheegaysa in Garoomada Ciyaaraha laga joojiyay ee ku yalaan wixii ka dambeeya wadda 30-ka ee magaalada Muqdisho, waxaana milkiiliyaasha qaar looga yeeray gobalka Shabeelaha Hoose xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin. Al-Shabaab ayaa dadka iskaleh Goormada Kubadda laga joojiyay oo ay qaarkood la kulmayn ku qanciyay in aysan ka hor imaanin go’aanka ka soo baxay Al-Shabaab balse ay raadsadaan badalka oo ganacsi waxayna go’aankooda u cugsadayn in sharci darro tahay Ciyaaraha lagana keenay dhaqamo shi-sheeye. Kulanka Al-Shabaab iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada garoomada ayaa ka dhacay Degmada Toora-toorow ee gobalka Shabeelaha Hoose sida ay sheegayn ilo lagu Kalsoon yahay. Amarka Al-Shabaab ayaa saameeyay wax ka badan ilaa 20 Garoon oo Fuustal ah kuwaas oo ku yaala Yaaqshiid, Kaaraan iyo degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir. Sidoo kale amarka ayaa saameeyay Boqolaal ka mid ah dhalinyarada Kubadda Cagta ee ku nool xaafadaha Garoomada laga mamnuucay waxaana sidoo kale dhalinyarada soo wajahay cabsi dhinaca amniga ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay degmada Heliwaa ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Garoomada la xiray mid ka mid ah uu leeyahay Mas’uuliyiinta degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir gaar ahaan xubnaha dhinaca Sports-ka ee degmadaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugid Soomaaliya oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan amar-ka Al-Shabaab ee la dul-dhigay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho. Dhinaca Kale Xaafado ka mid ah degmada deyniile ee gobalka Banaadir ayaa laga mamnuucay Leerarka ama nalalka lagu dhajiyo banaanka Guryaha iyo waddooyinka mara xaafada ka mid ah degmadaasi. Goob joogayaal ayaa sheegay in dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab ay jebiyeen leerar badan oo ku yaaala degmada Deyniile ee gobalka Banaadir,milkiiliyaasha iyo dadka kireesta qaar ka mid ah Guryaha degmada Deyniile ayaa sheegay in ay lagu amray in ay jebiyaan ama ay furaan leerarka banaanka ee degmadaasi. Magaalada Muqdisho waxaa si buuxda gacanta ugu haayo Dowladda Soomaaliya balse dad badan ayaa aaminsan in Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin Xaafadaha waqooyi ee gobalka Banaadir, Dowladda Soomaaliya ayaa xil weyn iska saarin amaanka Guud ahaan magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa la sheegay in ay kaliya xooga saarto amaanka xaafado gaar ah oo ay dagan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda iyo goobaha ay ka agdhaw-yihiin Xarumaha Hayadaha Dowladda iyo Saldhigyada Ciidamada Soomaaliya kuwaas oo ku yaala degmooyin Kooban. Xigasho: Radio Kulmiye Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al-Shabaab oo la sheegay in qeybo ka mid ah Muqdisho ay ka mamnuucayn Ciyaarista Kubadda Cagta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah barlamaanka Soomaaliya oo duullaan lagu soo qaaday midnimada Soomaaliya ku tilmaamay heshiiska dekadda Berbera ee Itoobiya iyo Imaaraadka kala qeybsadeen. Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay ku soo duushay Madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo ugu yeeray xukuumadda Soomaaliya ficil la timado, inay u yeerto labada safiir ee Itoobiya iyo Imaaraadka oo ay gaarsiiso mowqifkeeda, jawaab degdeg ahna ka bixiso duulaanka qaawan ee lagu hayo. Xildhibaanno dhowr ah ayaa fekerkooda ka muujiyey arrinta soo cusboonaatay ee dekadda Berbera iyadoo si kulul ugu hadlay faragelinta dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka. http://radiokulmiye.net/wp-content/uploads/2018/03/COD-Xildhibaan-Zakariye-Maxamamuud-Xaaji-Cabdi-Golaha-Shacabka-2.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dhageyso: Xildhibaan Zakariye: “Imaaraadku duullaan ayuu ku soo qaaday madax bannaanida Soomaaliya, waana…” appeared first on Caasimada Online.
-
The signing of the tripartite agreement on Berbera Port made to coincide with the visit of the Prime Minister of the Federal Government of Somalia in UAE presents the Mogadishu-based government with the second sovereignty-diminishing problem. The first occurred several months after the inauguration of President Mohamed Abdullahi Farmaajo in February in 2017, when a Somali national was extradited to Ethiopia for allegedly being a member of ONLF. The Berbera Port Agreement will reduce the image of the Federal Government of Somalia as a key negotiator with Somaliland Government on the possibility of giving union a second chance or opting for amicable break up of Somalia into two sovereign states in the Northeast Africa. Controversial though the Port deal is the onus to prevent it from turning into a divisive issue among Somalis and Somalia’s international partners is, one hand, on Somali political leaders in Hargeisa and Mogadishu , and the International Community on the other. If, as Somaliland argues, the agreement was concluded between the Somaliland government and the former Federal Government under President Hassan Sheikh Mohamud, the federal government should share with the public the documentation on the agreement. The bone of contention in Berbera Port agreement pertains not to allowing Somaliland to sign an agreement with the DP World; it revolves around the share a foreign country, Ethiopia in this case, will have in the deal. The Prime Minister of Somalia, Hassan Khayre, stated that the Berbera Port agreement was in violation of the Draft Constitution of Somalia. It is understandable that an agreement signed by a predecessor government will be hard to rescind; it will put in the public sphere the capability and reliability of the federal government up for discussion. Somalilanders counter the federal government’s statement with a response that emphasises inability of the government to operate without reliance on AMISOM. If sovereignty of Somalia does not entitle a national government to the right to challenge external actions affecting territorial or political unity of Somalia, the double standard that is undermining the post-World War II Order will inescapably come to the fore. DP World, which is based in UAE, a county that contributes to the development of Somali security forces and the national army and where DP World is based , and Ethiopia whose troops are part of AMISOM, have now in their hands the powers to undo what the British Government has done to help Somalis to phase out the Transitional Federal Government and pave the way for a permanent federal government whose performance has lifted Somalia out of the failed state status and placed in a fragile state status. Interdependence among African countries is a worthy goal but it should not be realised at the expense of budding political institutions for a country recovering from a prolonged civil war and statelessness. The Federal Government of Somalia and Somaliland Government should explore ways to discuss the legality of the agreement. If there is no clarity on how the Federal Government of Somalia will share revenues to be generated from the Berbera Port deal, Somaliland will face accusations that it is operating outside international norms. If, as Somaliland government argues, the former federal government leaders gave the greenlight to sign the tripartite agreement, it should not push the federal government into corner by making it look like powerless to challenge the Berbera Port agreement. There is short term damage to Somali Federal Government institutions if the incumbent government is not able to put the implementation of the agreement on hold; the longer term damage will affect Somaliland’s quest for statehood. It will have acted like a sovereign state when the question of union or secession remains unsettled. That is not a road to take to become a new sovereign state in Africa. Liban Ahmad libahm@icloud.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) _ Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan liiska argagixisada ku dartay hoggamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgasha Gobolka Bari ee degaanada Puntland. Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu shaaciyey ku xigeenka hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Mahad Macallin lagu daray liiska shaqsiyaadka loo doonayo argagixisnimada ee nolol iyo geeri lagu raadinayo. Ninkan ayaa la sheegay inuu Daacishta Soomaaliya ee Puntland u qaabilsan yahay fududeynta Saanadda iyo Hubka kooxda uga yimaada dalka Yemen, sida lagu sheegay qoraalka ay soo saartay Waaxda Arrimaha debadda Maraykanka. Daacishta Soomaaliya waxaa hoggaamiya Sheekh C/qaadir Muumin oo hore uga mid ahaa hogaamiyeyaasha Al-shabaab, isagoo October 2015 ku dhawaaqay inuu daacad ku biiray Daacish, waxaana Mareykanka uu liiska argagixisada ku daray isla bishi xigtay wadaadka Cabdulqaadir Mu’min. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Guddoomiye ku-xigeenka Daacish ee Puntland ka howlgala appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (PP) ─ Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono Aqalka Golaha Shacabka Soomaaliya. Mudane Jawaari, ayaa sheegay in xarunta golaha shacabka ay tahay madal sharafeed ay ku shaqeeyaan xubnaha Baarlamaanka Somaliya, iyadoo ay ka muuqato bur-bur xooggan. “Xarunta Baarlamaanka Federaalka waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudan yahay inuu yeesho dhisme u dhigma maqaamkiisa oo magaalo-madaxda ka dhex-muuqda, lacag badan ayuu u baahan yahay, waxaa is weydiin leh sababta aan u dhex-fadhinno isaga oo jajaban,” ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale, Jawaari ayaa intaasi ku daray in Xikmaddu tahay in maadaama ay dadka burburiyeen ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan mar kale loo bur-burin, isagoo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in bilowga Sannadka soo socda ee 2019-ka dhisme lagu bilaabi doono xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed. “Billwga Sannadka soo socda dumis ayaa lagu bilaabaa, lacag badan ayuu u baahan yahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo Doollar, todoba dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaar ah leeyahay, oo labada aqalba ay galayaan, shirarka adduunkana lagu qabanayo illaa 100 Milyan oo doollar waa gaarayaa, hadda ma hayno lacag, balse ALLE mahadiis Dowladda Turkiga ayaa ogolaatay in ay bixiso,” ayuu Jawaari hadalkiisa daba dhigay. Ugu dambeyn, Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – ayay horay u sheegtay dowladda Turkiga inay dhisme cusub ka dhigayso, iyadoo aan weli la ogeyn sababta dib u dhigtay dhismiisa. PUNTLAND POST The post Xarunta Baarlamaanka Federaalka Somalia oo lagu dhisayo lacag gaaraysa $100 Milyan appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Puntlandi) Ciidanka milatariga Gobolka Mudug ayaa booqasho ugu tagay Iiman Cabdiraxmaan oo ah dhibbane uu ku dhacay Kansarka raaca dhiiga iyo Dhuuxa, taasoo waayahaan dambe loo sameynayay dhaqaale ururin la doonayo in caafimaad dalka dibadiisa loogu qaado. Saraakiisha iyo ciidanka booqday Iiman Cabdiraxmaan ayaa waxay ugu deeqeen lacag ay Mushaarkooda kasoo jareen, 00 gaaraysa $1,010.00 (kun iyo Toban doolar. taasoo ay ku wareejiyeen guddiga gacanta dhaqaalaha gabadha loo aruurinayo. Gabadhaan Bukaanka ah oo haatan lagu baxnaaninayo isbitaalka Dhagacade halkaas ayaa gurmadkeeda so xoogan uga socda guud ahaan Puntland, waxaana rajo weyn lagu qabaa in maalmaha soo socda loo qaadidoono dalka dibadiisa. Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa kaalim muhiim ah ka qaadatay sidii gabadhaan xaaladeeda caafimaad loogu dabiibi lahaa dalka dibadiisa, maadaama aan dalka waxba looga qaban lahaa waxayna uqortay warqad caafimaad oo wasaaradda ka socota. Dr. Cabdiqaadir Dhagacade, oo ah maamulada iyo mulkilaha isbitaalka GMC , ayaa u mahad celiyay ciidamada milatariga gobolka Mudug, ee isku xilqaamay inay ka qeyb qaataan gurmadka lacageed ee loo sameynayo Iiman C/raxmaan. Puntlandi.com
-
Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo wajahan 13 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo cilinayo dalka Liibaya. Muwaadiniintaan ayaa Goordhow ka soo Amba baxay Magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya iyaga oo soo mari doono Dallka Tunisia iyo Turkey . Muwaadiniintaan ayaa kamid ahaa kuwa Tahriib ahaan ku galay dalkaasi islamarkaasina ay ku xirnaayeen xabsi ku yaala dalkaasi Liibiya. Muwaadiniintaasi ayaa waxaa ay doonayeen in ay tahriib ahaan ku galaan wadamada Reer Yurup kadib Markii ay ka farxadeen dhibaatada Amni daro iyo shaqo la aan ee ka jira Soomaaliya . Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii muwaadiniintaasi dib loogu soo cilin lahaa Dalkooda hooyo ee Soomaaliya. Sida ay sheegtay wasaarada Arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Danjire Dr. Cali Siciid Faqi oo ah Danjiraha Midowga Yurup u qaabilsan Soomaaliya ayaa dadaal ku bixiyay sidii dib Dhalinyaradaan loogu soo cilin lahaa dhulkooda Hooyo. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Soomaali dib looga soo ciliyay Liibiya oo Muqdisho ku soo wajahan appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The joint Parliamentary Constitutional Review Committee (CRC) have said they have no confidence in Somalia's Minister of Constitutional Affairs, Abdi Jibril Hosh, according to a statement released by the group on Monday evening. Source: Hiiraan Online