-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada weerarkii Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. War ay baahisay Warbaahinta Al-Shabaab ee la yiraahdo Andulus ayaa lagu sheegay in iyaga qaraxaasi ay ka dambeeyeen. Al-Shabaab waxaa kale oo ay sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegay in 10-Askari oo katirsan ciidamada dowlada ay qaraxaasi ku dhinteen. Galabta ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax qasaare geeystay qaraxaasi oo ay ku dhinteen Dad ku dhow 20 oo u badan dad shacab ahaa. Al-Shabaab ayaa qaraxyo kala duwan ka geeysta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-Shabaab oo sheegtay Masuuliyada Qaraxii Galabta ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post]- Magaaladda Bosaso Waxaa lagu qabtay kulan looga soo horjeedo eedeemaha lagu soo oogay ganacsatade reer Puntland Ah, waxaana ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo aqoonyahano. Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin sabab muwaadin Soomaaliyeed oo dambi lahayn lagu tilmaamo waxa uusan ahayn,. isla markaana ka maamul ahaan caddenayaan in ganacsatadaasi aysan lahayn dambigaasi. “Markaan wax badan baarnay, waxaan oganaay in ganacsatadaasi aysan lahayn dambi, waana difaaci doonaa ciddii aan dambiga lahayn oo qaab siyaasad kale ah loogu soo oogay dambi aysan lahayn ” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo Siyaasi Khadar Xaaji Mire oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in lagu soo duulay ganacsatadii gobolka Bari, isla markaana aysan u dul qaadan doonin. Sidoo Kale Qaar Kamid ah Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Bari ayaa Wax laga xumaado ku tilmaamay Go’aanka ay Kooxda La socodka Cunaqabateynta ee saaran soomaaliya iyo Eritrea, Ku eedeeyeen Ganacsatadan Soomaaliyeed. Sagaalkii bishii Febraayo ayey ahayd markii waaxda la socodka lacagaha ee dalka Mareykanka ay xayiraad ku soo rogeen ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Puntland, kuwaasi oo dowladda Mareykanka ku sheegeen in ay taageero siiyaan Dhaq-dhaqaaqa Daacish. Ganasatadaasi waxaa ka mid ahaa milkiilaha shirkadda Al-Mutafaq Maxamad Mire oo ku magac dheer Soodareeri, Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Puntland : Ganacsato beenisay Iney Taageero siiyaan Ururka Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa maantay u soo xirtay 60 haween ah oo ka socday gobalada iyo degmooyinka Puntland. Tababarkaan oo soconayey mudo 6 maalmood ah ayaa xiritaankiisa waxaa kasoo qaybgalay Marwada Madaxweynaha Puntland Drs Hodan Siciid Cismaan,Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Maryan Axmed Cali iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland. Tababaradaan oo ah labo qaybood ayaa qaybta koowaad waxaa loo qabtay 30 haweenka oo ka socday 8 degmo iyo magaalada Garowe,halka tababarka labaadna loo qabtay 30 haweenka oo ka socday 11 degmo. Tababarkaan ayaa Haweenku ku baranayeen hogaaminta iyo sidii haweenku ay u noqon lahaayeen kuwo awood u eleh inay wax ka dhaadhiciyaan eheladood iyo Bulshada ay kamid yihiin,islamarkaana ay kasban karaan Bulshada. Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Maryan Axmed Cali ayaa ku kula dardaarantay haweenka inay ka faa,iidaystaan aqoonta ay barteen iyadoo sheegay in wasaaradu ay ku howlan tahay kor u qaadida awooda Haweenka Puntland. Marwada Madaxweynaha Puntland Drs Hodan Siciid Cismaan ayaa ku amaantay Wasaaradda Haweenka Puntland dadaalada ay ugu jirto horumarinta Haweenka Puntland,iyadoo sidookale Haweenka ugu baaqday inay ku dadaalaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda Dastuuriga ah. Daawo Sawirro. Puntlandi.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ug yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax weyn oo galabta ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, gaar ahaan kasoo horjeedka Hotel Wehliye, sida ay sheegeen saraakiisha amniga iyo kuwa caafimadka. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somalia, C/casiis Xildhibaan oo saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in tirada dhimashada ay inta la shaaciyay ka badan karto. “Dadka ku dhintay weerarkan intooda badan waxay ahaayeen dad waddada marayay iyo kuwa ganacsiyada kala duwan ku haysta,” ayuu afhayeenku ku daray hadlakiisa. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa ku eedeeyay weerarkan inay mas’uul ka tahay kooxda Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo, gaar ahaan kuwa Muqdisho. Al-shabaab ayaa weerarrada ay ka geysanayso Muqdisho waxay noqdeen kuwo is-daba-joog ah, iyadoo weerarkii ugu khasaaraha badnaa uu dhacay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500-qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen. Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay weerar qaraxyo ah oo Al-shabaab ay ku dishay 21-qof, kuwaasoo dhacay bilk a hor, waxaana kooxdan ay inta badan beegsataa goobaha ay shacabku ku badan yihiin. Ugu dambeyn, Weerarkan khasaaraha badan geystay ee maanta Muqdisho ka dhacay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo uu jiro khilaaf xoog leh oo salka ku haya awoodda hoggaamineed ee Soomaaliya, kaasoo u dhexeeya hay’adaha sare ee xukuumadda. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax ismiidaamin ah oo Galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay Wadadda Mashquulka badan ee Makka Al-Mukkarama ee Magaalada Muqdisho. Inta ilaa hadda la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday 14- ruux oo ah dad shacab halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa waxaa ay u badnaayeen dad rayid ahaa oo fadhiyay maqaaxi ku taala agagaarka Hoteelka Wehliye ee Muqdisho. Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jiro dad shacab ahaa oo wadada marayay iyo dad saarnaa Gawaarida shacabka iyo Mootooyinka Bajaajta. Qasaaaraha ayaa intaasi ka sii badan karo waxaana wali lagu guda jiraa baadi goobka dadka qasaaraha uu ka soo gaaray. Hoos ka daawo Sawiro hordhac ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post 14 Ruux oo ku dhintay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Uguyaraan 6 qof ayaa ku dhintay Qaraxii ka dhacay goor dhawayd oo galabta ahayd irida hore ee Hotel Weheliye ee magaalada Muqdisho ,waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 14 qof oo shacab iyo Mas,uuliyiin dowladdeedba isugujira. Mas,uuliyiinta goobaha Caafimaadka ee lageeyay dhaawacyada iyo Meedadka ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawaca soo garaya ay intaas ka badan karto . Qaraxan ayaa ahaa Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay wax yaabaha Qarxa kaas oo ku Qarxay irida hore ee Hotel Weheliye. laamaha Amniga ayaa fashiliyay sidookale gaari kale oo rabay in uu Qarax ka fuliyo gaabtii uu gurmadka ka socday . Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xili isala galabta dumarka ka shaqeeya Nadaafada Gobolka Banadir lagu sumeeyay goob ay ka shaqaynayeen . Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa goobta uu Qaraxa ka dhacay soo gaaray , waxaana haatan socda gurmad xoogan oo loo samaynayo dadkii ku wax yeeloobay Qaraxan. Al-shabaab ayaa sheegatay Mas,uuliyada Weerarkan oo goor dhawayd ku soo qoray Warbaahintooda.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxa oo Jugtiisa laga Maqlay qeybo badan oo Kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay Ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdihso, Waxaana jira Khasaare isugu jira dhiamsho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka Shacab ah oo isugu jira Kuwo ka shaaheynayay Maqaaxi ka soo horjeeda Hoteelka, Kuwo wadada ku lugeynayay iyo dad Mootooyin Bajaaj ah watay. Qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari,waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Gariga ay eryanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse markii uu marayay kas oo horjeedka hotelka wehliya uu qarxay. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay,waxana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan kuwa Ganacsi ku leh Goobta uu qaarxa ka dhacay iyo kuwa saarnaa Gawaarida nooxa raaxada iyo kuwa dadweynaha Bii’elka loo yaqaano kuwaas oo Wadada isticmaalayay. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli wadada aheyd mid mashquul ah oo ay gaadiid kala duwan marayeen. Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance ayaa soo sheegaya inay arkeen dhimashada Sideed ruux, halka dhaawaca afar kalena ka qaadeen goobta. Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in khasaaraha intaas ka badna, maadaama xilli hore ay tahay.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxa oo Jugtiisa laga Maqlay qeybo badan oo Kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa si gaar ah uga dhacay Ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdihso, Waxaana jira Khasaare isugu jira dhiamsho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka Shacab ah oo isugu jira Kuwo ka shaaheynayay Maqaaxi ka soo horjeeda Hoteelka, Kuwo wadada ku lugeynayay iyo dad Mootooyin Bajaaj ah watay. Gawaarida Gurmadka degdega ee Ambulanceka ayaa wali ku sii qulqulaya Goobta qaraxa uu ka dhacay, Waxeyna daabulayaan dadka Dhaawacyada qaba iyo kuwa meydka ah ee Qaraxa waxyeeladiisa ay soo gaartay. Warar is Khilaafsan ayaa ka soo baxeysa qaabka qaraxa uu udhacay, Wararka qaar waxa ay Sheegayaan in qof watay gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa uu isku qarxiyay Goobta, Halka warar kalena ay sheegayaan inuu qarxiyay Gaari looga tagay ka soo Horjeedka Hoteelka Wehliye. Ciidamada amaanka ee Dowladda ayaa qaraxa kadib isku gedaamay goobta, Waxeyna dadka udiidayeen iney meesha udhawaadaan, iyadoo mararka qaarna la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamada amniga. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli wadada aheyd mid mashquul ah oo ay gaadiid kala duwan marayeen. Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance ayaa soo sheegaya inay arkeen dhimashada shan ruux, halka dhaawaca afar kalena ka qaadeen goobta. Wararka ayaa intaa ku daraya in laga yaabo in khasaaraha intaas ka badna, maadaama xilli hore ay tahay. Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan, waxaana ku yaalla Hotelada ugu caansan oo ay degaan siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu Qarax xoogan uu ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay irida hore ee Hotel weheliye oo saaran Wadada Maka Al-mukarama. Jugta qaxa ayaa waxaa laga marqlay dhamaan Xaafadaha ay ka koo bantahay Magalaada Muqdisho ,lamana oga ilaa iyo hada khasaarihii ka dhashay Qaraxan , waxaana goobta gaaray Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya. Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa intabadan waxaa sheegta Mas,uuliyadooda kooxda Al-shabaab oo dowladda dagaal kula jirta.
-
Uguyaraan ilaa iyo 11l haween ah oo kamid ah dumarka ka shaqeeya Nadaafada ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu sumeeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Dumarkan oo kuguda jiray shaqo maalmeedkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa lagu soo waramayaa in nin watay gaari nooca raaxada ah ee ay Soomaalida utaqaano NOHA uu sun ku buufiyay dabadeedna uu goobta isaga baxsaday sida ay xaqijiiyee dad goob jooga yaal ah . Haweenkan ayaa xaaladooda Caafimad waxaa lagula tacaalayaa Isbitaalada kuyaala Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku booqdeen eheladooda . Dhaqaatiirta ayaa sheegay in Afar kamid ah haweenkan ay xaaladooda ay aad uliidato. Waa dhacdo ku cusub Soomaaliya in nin inta uu gaari soo qaato uu sun ku buufiyo dumarka ka shaqeeya goobaha nadaafada ee dowladda. Ha,adaha dambi baarista ayaa gaaray goobaha Caafimaadka ee ladhigay Haweenkaasi la sumeeyay si ay u ogaadaan suntay waxa loo isticmaalay .
-
Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Qaraxa Ayaa Jugtiisa si weeyn looga maqlay Guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhacay wadadda Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeeyso Wadda sayidka iyo Isgoosyka Dabka. Qaraxa ayaa geeystay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac hayeeshee si rasmi ah looma xaqiijin karo. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu qarax xooggan halkaas ka dhacay. Qaraxaan oo ahaa mid si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayo warar hordhac ah. Sida ay goobjoogayaal sheegayaan qaraxaan oo ahaa gaari ismiidaamin ah ayaa wuxuu ka dhacay kasoo horjeedka Hotelka Wehliye oo ku yaal inta u dhaxeyso Dabka iyo Sayidka. Lama ogo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas balse waxay wararka hordhaca ah sheegayaan inuu jiro Khasaaro xoggan oo halkaas ka dhashay. Waxay dhibaato xoog leh kasoo gaartay dadweyne ku shaaheenayo agagaarka Hotelk, maadaama ay meeshaas tahay meel aad loo buuxo. Qoraal ayaa ku socdo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Maalmihii ugu dambeeyay ayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadanayay Golahiisa Wasiirada iyo gudiga arrimaha dibada ee Baarlamaanka Puntland si go’aan looga gaaro mowqifkooda ku aadan ka mamnuucida dalka laga Mamnuucay shirkada DP World. Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulamadaas oo aad u dheeraaday ay ugu dambeyn maanta la filayo in puntland Go’aan rasmi ah ka qaadato ka mamnuucida dalka laga mamnuucay shirkada DP World. Lama oga go`aan ay qaadan doonaan mamnuucitaankii dalka laga mamnuucay shirkada laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World, horay ayey aheed markii xubno ka tirsan maamulka Puntland ay u sheegeen in ay soo dhaweynayaan in dalka laga mamnuuco shirkadaasi oo ay ku eedeeyeen in gacan saar ay la leedahay Soomaaliland. Saacadaha soo aadan ayaa la filayaan in uu soo gaba gaboobo kulamada xasaasiga ah ee ka socda madaxtooyada Puntland ee Garowe, iyadoona Puntland ay cadeyb toonto mowqifkeeda ku aadan ka mamnuucida dalka laga Mamnuucay shirkada DP World. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaan wada ognahay Bishii Agoosto 2012-kii in Baarlamaan Faderaalka soomaaliya beesha caalamku aqoon satay markii lagu soo xulay habka qabiilka ee 4.5 cabirka ku dhisan. Waxaa Guddoomiyihii ugu horeeyey noqdey Maxamed cismaan jawaari waxay doorteen Madaxweyne cusub Sebtembar 2012. Bishii Oktoobar 2012 waxaana madaxweynuhu uu soo magacaabay ra’iisul wasaare cusub. Markaa ka dib Baarlamaanka Federaalka ayaa ansaxiyay ra’iisul wasaaraha cusub iyo golaha wasiirrada bishii November 2012-kii. Waxa Golaha barlamaanka Federaalku uu helay aqoonsi caalami ah iyo taageero weyn oo ka timid beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha. Waxaa loo ogolaaday dhaqaale aan xadi lahay oo gacanta ugalay Guddoomiye jawaari. Guddoomiye jawaari waa siyaasigii ugu Fursada wanaagsanaa siyaasiyiinta soomaaliyeed waxaan taas ula jeedaa wuxuu gacanta ku hayey Rajada shacabka soomaaliyeed waa Guddoomiyihii hay’adda sharciga waxaa laga suga yey dib-u-dhiska adeegyada dawladda kadib 22sano bur bur sana in uu tusaale unoqdo bilow wanaagsen. Xaqiiqda jirta waxay tahay 5sano ee Guddoomiye jawaari xilka hayey Golaha baarlamaanka Faderaalka waxaa ka muuqata habacsanaan dhinac kasta ah oo aan xaqiiqda la qarin karin. Maxaa keenay in xarunta Golaha shabacku ahaato meel foolxun oo khilaaf siyaasadeed xarun u noqota.? Xarunta Golaha baarlamaanku malaha adeegyada caadiga ah sida gargaar caafimaad oo deg dega baabuur ugaara xildhibaanada iyo shaqo maalmeedkooda qalab lagu shaqeeyo sida miisas iyo kuraas. 1: Qolka shirarka gaarka ah Maqaayad laga heli karo adeega cuntada bilicsanaan nimaad oo muujinaysa Magaca (GURIGA UMADDA), intaa waa dhibaatada xarunta ka muuqata oo masuuliyadeed uu qaadayo Guddoomiye jawaari lacaga loogu deeqay xarunta ee deeq bixiyaashu bixiyeen way ka badan tahay. 80milyan $ 2012- 2016 mashruucii Hiigsiga. 2: Arinka labaad ee aa Falanqayn tayda aan farta ku fiiqayo waa markii galaha baarlamaanka Faderaalka ee aduunku aqoon san yahay la aasaasay 2012 -2016. Waxa uu awood u waayey la xisaabtanka madaxtooyada iyo xukumada ilaalinta sharciga. Waxaa la dilay 19 xildhibaan oo logu dilay siyaabo kala duwan, Guddoomiye jawaari intooda badan aaskoodii kama qayb galin mana muujin xilweyn oo ah xildhibaanadaa la dilay xuquuqdooda dalka ay ku leeyihiin xarunta Golaha baarlamaanka laguma muujin magac yadooda iyo Taariikhdooda, aduunk aan ku nool yahay dilka xildhibaanku Dhinta isagoo gudanaya Hawl Qaran waa in goor kasta la xasuustaa . Sababtana waa taariikhda oo loogu muujiyo wadada adag ee loo soo maray nabada iyo nolosha Waxaan kaloo tilmaamayaa in Golaha baarlamaanku yahay ilaalinta sharciga markasta Waqtigii 2012 ilaa 2016 waxaa is badal siyaasadeed oo inta badan loo maray wax aan sharciga waafaq saney lagu sameeye in 3 R.iusul wasaare. Xilka laga qaadey 130 wasiir. 4 taliye Nabad sugid. 5 taliye bolice. 3 taliyaha xooga dalk waxaa isbadal ah marna baarlamaanka guddoomiyaha jawaari ka yahay Dood kama furin maxaa keenay in waxaa oo xil ah in lisku bad badalo? Waxeey aheyd in la baaro. Markaan ka hadlo dhanka dagaalka lagula jiro Ururka Al shabaab Gudoomiye Jawaari, waxa uu aad uga gaabsadey in uu dhaleeceeyo xasuuqa alshabaab shacabka ku hayaan waxaad ka raadin kartiin khudbadaha uu jeedin jiray arinkaa wali waxba la iskama waydiin waana siyaasiga kaliya ee ka tirsan madaxda ugu saraysa dawlada Faderaalka oo aaney waligii weerarin al shabaab arinkana waa wax shaki keeni kara. Falanqayn taydu maaha wax ka fog xaqiiqda jirta ee waa mid aan fariin ugu dirayo xildhibaanada diidan mooshinka jawaari maxay ka xasuustasn hogaanka liita ee Guddoomiye jawaari maaha inay xukumada Raysal wasaare khayre khaladka la saaro Madoonayno taariikhdii madoobeed ee sanadihii 2012 ilaa 2016 waa in isbadal muuqda lagu sameeyaa golaha baarlamaanka si wax walba dhinaca sharciga looga saxo. Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabaynayaa waxa uu yahay Guddoomiye jawaari hogaankiisu waxa uu ka muuqdaa gudaha dhismaha baarlamaanka iyo dhaqanka xildhibaanada, xildhibaan si shaacsan u caayaya madaxweynaha wadanka soomaaliya uu bayka jirtaa. Dhaqabka madaxda la caayo iyo bur burinta sharciga intaa Tusaale u qaado. Xasuuso taariikhada 2012 ilaa 2016.khilaafkii jiray. W/Q:Danjire Maxamed Caalim
-
Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa Rwanda ku saxiixay Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan qaaradda dhexdeeda. 44 dal oo ka tirsan 55 dal oo qaaradda Afrika ah ayaa saxiixay heshiiskan la filayo in suuq xor oo badeecooyinka u kala gudbaan la abuuri-doonno sanadaha soo socda. 1.2 Bilyan oo dad oo qaaradda ku nool ayaa ka faa’ideysan doono, waxaana la sheegayaa in dhaqaalaha kor u kici-doono. Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika. Suuqan AfCFTA, waxaa uu shaqo abuur u sameyn-doonaa ilaa 1.2 billion oo Afrikaan ah, waxaa uu GDP-ga kor u qaadi-doonnaa illaa 2.5 trillion U.S.
-
Taliska Ciidamada Booliska ee Gobolka kar kaar ayaa kawarbixiyay Howlagalo Amniga lagu Xaqiijinayo oo ay Ciidamada Booiska ay ka wadaan maalmahan Gudaha Magaalada Qardho Ciidamada ayaa Gaadiidka dadweynaha ee leh bacaha Madow ka fiiqayay ,waxaana looga digay dadweynaha in aysan Bacahaasi kuxiran Gaadiidkooda. Taliyaha Qaybta Booliska ee degmada Qardho Axmed Muuse Jaqanaf oo Warbaahinta kulahadlay Magaalada Qardho ayaa sheegay in waxa ay Ciidamada har iyo habeen ay ka shaqaynayaan ay tahay in lasugo Amaanka shacabka ,waxa uu sheegay in cidii ka dhaga adeegta Amarka Ciidamada laganaaxi doono . Taliyaha Jaqanaf ayaa ugu danbeen ka codsaday shacabka in ay Ciidamada la shaqeeyaan . Halkan ka dhaagayso . Taliyaha qaybta ee degmada Qardho Jaqanaf
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Haween ka shaqeenayay Nadaafada Dagmada Cabdicasiis ayaa lagu buufiyay wax loo maleenayo Sun waxaana ku buufiyay Rag watay Gaari Noha ah oo aan taargo la heen kaasi oo goobta ka baxsaday. Haweenka Sunta lagu buufiyay tiradooda waxa ay gaareysaa 9 waxaana liidata xaaladda Afar kamid ah Haweenkaasi oo jirkooda uu isbadalay kuwaas oo loo qaaday Spitaalka Erdugan ee Ex Digfeer. Maamulka Dagmada C/casiis ayaa KNN u xaqiijiyay dhacdadaasi, iyaga oo dhanka kale sheegay inay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay arintaasi. Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Spitaalka Hubaal oo haweenkaasi qaar kood la geeyay oo ku yaala Xaafada Sanca ayaa Kulmiye u sheegay inaysan ka hordhici Karin waxa lagu buufiyay Haweenkaasi,balse ay dib ka soo sheegi doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladada Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay markasta ka go,antahay in Al-shabaab laga saaro Gobolada ay gacanta kuhayaan. Waxa uu sheegay in Al-shabaab oo laga adkaado ay Aasaas iyo gundhig unoqon karto oo kaliya in la helo Ciidankii Qalabka siday ee Soomaaliya lana soo celiyo haybadii ay Ciidamada lahaayeen. Waxa uu sheegay in ay ku qasban yihiin in dalkan ay dib ugu soo celiyaan gacanta shacabka Soomaaliyeed . Madaxweynaha ayaa sheegay in ay balan ku qaaday Xukuumadiisa in dalkan aysan ka talin doonin Al-shabaab . Halkan ka dhagayso. Madaxweyne Farmaajo
-
AU stresses intelligence sharing to foil attacks in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (Xinhua) -- Intelligence officers from African Union Mission in Somalia (AMISOM) and local security forces wrapped up a three-day meeting in Mogadishu on Wednesday by rooting for stronger intelligence gathering and information sharing. Source: Hiiraan Online