Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. After the collapse of Somalia in the early 1990s, the UAE, like other GCC countries, attracted Somali businesses and trade. Most of the influential business people and political leaders lived in the UAE, Saudi Arabia and Qatar. The UAE’s geopolitical interests in Somalia begun to take shape becoming a foreign policy priority in the wake of the 9/11 attacks where it began to establish links with both formal and informal actors in the pretext of countering the threat of piracy and terrorism. Source: Hiiraan Online
  2. Three Kenyans have sneaked into Somalia to join the al Shabaab, police have said. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu soo hormarinaayo doorasho madaxweynaha iyo tan Barlamaanka Turkiga. Erdogan waxa uu ku dhawaaqay in labada doorasho laga soo hormarin doono wakhtigii loogu tallo galay, si uu usoo degdego isbedelka. Waxa uu tilmaamay in Doorashada Turkiga la qaban doono 24 bisha June ee sanadkan, waxa uuna sheegay in Turkiga ay u baahan tahay Madaxweyne isaga ka fiican. Erdogan ayaa sheegay in dalka si deg deg ah uu ugu baahan yahay madaxweyne awood buuxda leh oo wax ka qabta dhibaatooyiinka haysta dalka. Haddii doorasho la qabto dalkaasi ayaa waxaa madaxwaynaha la doorto uu helayaa awooda uusan imika lahayan madaxwaynaha. Turkiga ayaa u muuqda mid kusii siqaaya xaalado dagaal, waxaana sii kordhaayay dowladaha kasoo horjeeda tan iyo markii la doortay Madaxweyne Erdogan. Lama oga sababta soo dadajineysa doorashada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Ethiopia’s new prime minister, Abiy Ahmed will on Thursday present his new ministerial cabinet, in his first appearance in parliament since he was sworn in. Source: Hiiraan Online
  5. Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo kulankoodii qamiislaha ah maanta ku yeelanay Xafiiska Ra’isilwasaaraha ayaa magacaabayo safiirada qaar kamid ah wadamada caalamka. Safiiradaan ayaa tiradooda lagu sheegay 11 safiir kuwaasi oo badali doono safiiro hore shaqadaasi u baneeyay. 11 Dal oo caalamka ku yaala ayaa hadda aanay joogin safiiro rasmi ah hayeeshee waxaa jooga ku simayaal iyo safiiro ku xigeeno. Dowlada Soomaaliya ayaa iska dayeeysay baryihii ugu dambeeysay in ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamka. Shirka Golaha wasiirada ayaa sidoo kale lagu wadaa in looga hadlo xaalada amniga iyo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xumaaday. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta magacaabayo Safiiro appeared first on Puntland Post.
  6. Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human Rights Watch waxay soo saartay War Dheer oo ay kaga hadashay Tacadiga Qaxootiga iyo Magangelyo-dioonka loogu geysto dalkaasi, waxaana si gaar ah loo xusay in Ciiddanka Yemen ee ay Dowladda Imaaraadka tababartay xadgudub baahsan u geystaan Qaxootiga ku nool magaalladda Cadan. Human Rights Watch (HRW) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Washington ee dalka Maraykanka waxay kaloo sheegtay inay Dowladda Yemen diidan tahay inay muhiimad siiyaan Qaxootiga magangelyo-doonka ah, isla markaana ay si khaasab ah uga masaafuriyaan Dekedda Cadaan. Qaar ka mid ah Qaxootiga ku xirnaa Yeman ayaa u sheegay Hay’adda Human Rights Watch inay Ilaaladda Yemeniyiinta jir-dil iyo Kufsi u geystaan Qaxootiga, kuna hanjabaan inay dili doonaan ama masaafurin doonaan. Agaasimaha Xuquuada Qaxootiga ee Human Rights Watch, Bill Frelick ayaa sheegay in Ilaaladda Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee magaalladda Cadan inay jir-dilaan ragga, kuna xad-gudbaan Haweenka iyo Wiilasha, waa sida uu haadalka u dhigay. Waxa uu intaasi ku daray in Boqolaal Qaxooti la masaafuriyey, iyagoo la saaray doonyo aad loo buux dhaafiyey. Dhinaca kale,Warbixinta Human Right Waech waxaa kaloo lagu sheegay in xarunta lagu fara-xumeeyo Qaxootiga oo ku taallo Deegaanadda ay Dowladda Yemen ka taliso, inkastoo ay Ciiddamo ay tababareen Imaaraadka Carabta gacanta ku hayaan Xaruntaasi. Warbixinta waxaa lagu muujiyey inay Dowladda Yemen iyo Ciiddanka Imaaraadka ka gaabsadeen inay ka hadlaan Tacadiyadda Qaxootigaas loogu geysto Xarunta Qaxootiga lagu hayo ee magaalladda Cadan. PUNTLAND POST The post HRW” Qaxootiga Soomaalida ah ee Yemen ku Sugan Waa la Kufsadaa” appeared first on Puntland Post.
  7. DUBAI AND LONDON - Top oil exporter Saudi Arabia would be happy to see crude rise to $80 or even $100 a barrel, three industry sources said, a sign Riyadh will seek no changes to an OPEC supply-cutting deal even though the agreement’s original target is within sight. Source: Hiiraan Online
  8. WICHITA, Kan. (Reuters) - A federal court jury on Wednesday found three men guilty of plotting to bomb a western Kansas apartment complex that is home to Somali immigrants and their mosque, in a crime prosecutors branded an act of domestic terrorism. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka Somalia uu sii xumaanayay mudooyinkii u dambeeyay ayaa markii ugu horreeyey ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Somalia. Wasiir-u-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Imaaraadka, Anwar Maxamed Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada guud ee Somalia, balse aysan jirin cid ay gaar u aqoonsan yihiin. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska Dekedda Berbera oo la filayo inuu muranka dhaliyay ay kala hadleen Dowladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Somalia ee uu hoggaaminayo Farmaajo. “Arrinta heshiiska dekedda Berbera waxay ku dhacday is-fahan cad oo aan la yeelannay Xukuumaddii hore ee Somalia, waxayna ahaayeen kuwo cad-cad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin, xiriir gaar ahna lama lihin Somaliland. Waxaan kaalin fududeyn ah ku lahayn inaan kulammo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Abu Dhabi iyo Dubai. Kaalinteennu waxay ahayd fududayn. Is-fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsan-nahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan naga reebayn dhinacyada horumarinta, gargaarka aadaminimo iyo kaalmada in aan Somaliland ka sameyno,”. ayuu yiri Anwar. Wasiir u dowlaha u hadlay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban qol xiran. “Haddii ruux ku caawinayay 20 illaa 25 sano ay wax idin dhex-maraan waa inaad kala hadashaa. Ma ahan in aad qabsato 47-askari oo Imaaraadka u dhashay oo ciidamadaada tababaraya oo ku dhawaad 10-malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayay ciidan badan oo Somai ah siday oo go’aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran. Maya… Maya.. Sidaas hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, Xiriirka labada Waddan ayaa sii xumaanayey tan iyo markii Todobaadkii hore ay Dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ku dhaw 10-milyan oo Doollar oo la sheegay in lagu qabatay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho. Ugu dambeyn, Hadal ay soo saartay Dowladda Imaaraadka Carabta ayay ku sheegtay inay joojisay gabi ahaan hawlihii ay ka wadday Somalia, Waxaana billowday dhaqdhaqaaqyo uu alaabbadiisa kaga qaadanayo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Imaaraadka oo ka hadashay cidda ay la gashay Heshiiskii Dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.
  10. An asylum seeker from Norway, who was stripped of citizenship in that country, will be deported from Iceland. Source: Hiiraan Online
  11. Egypt's President Abdel-Fattah El-Sisi received a phone call from his Somali counterpart President Mohamed Abdullahi in which he praised Cairo's support for Mogadishu's efforts to restore order and stability in the country, El-Sisi's office said in a statement. Source: Hiiraan Online
  12. Growing up in Portland, Maine, junior Mohamed Nur said he’d regularly volunteer at his mosque or spend time tutoring kids at the local after-school center, “doing things that would make someone’s day a little easier and happier.” Now thanks to a Truman Scholarship, Nur will have the chance to deepen his interest in public service after graduating from Bowdoin. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU, April 18 (Xinhua) -- Somali forces on Wednesday took control of five villages in Middle Shabelle regions in southern Somalia which had been under al-Shabab rule, military officials have said. Source: Hiiraan Online
  14. Garowe-[Puntland Post]-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliye kuxigeenka ciidamada Daraawiishata ama Difaaca ee Puntland, booskaas oo uu horey iskaga casilay kuxigeenkii hore ee taliska ciidamada Daraawiishta. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Sareeye Guuto Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe) taliye kuxigeenka ciidamada Difaaca ee Puntland, wuxuuna horey uga mid ahaa Saraakiisha Difaaca ee Soomaaliya. Hoos ka eeg wareegtada Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka darawiishta Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu: The Ambassador of Qatar to Somalia Hassan Hamza Asad Hashim handed over the aid from Qatar to the Somali Government. The donation included 30 transport buses and two large cranes and was within the efforts to consolidate joint cooperative relations. Source: Hiiraan Online
  16. Bosaso-[Puntland Post]-Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo soo noqday Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadii Kacaanka Soomaaliya, ahna Jeneraal Milateri ayaa kaga dhawaaqay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka. Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuusi gaar ah uga hadlaya Amaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay. Musharaxu waxa sida oo kale uu ka hadlaya shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyndoono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo laan baahsan. Morgan wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo kunool mandiqada Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah. Hoos ka Daawo Muuqalka Jeneraalkan oo aysan inta badan jecleyn deriska Puntland ee Somaliland ayaa musharaxnimadiisa ku soo beegay waqti ay is horfadhiyaan ciidamo ka kala socda labada maamul, oo cabsi laga qabo in ay ku dagaalamaan gacan kuheynta gobalka Sool. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Jen Morgan ‘’Waxan u Taaganahay Xilka Madaxweynaha Puntland 2019 ‘’ appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiru dowlaha dalka Imaaraadka Carabta ayaa kashifay in heshiiska Imaaradka ee Dekadda Berbera ay ogaaleen, waxna ka ogaayeen heshiiska ay la galeen Somaliland iyo Dekadda Berbera. Wasiiru dowlaha Areimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan Somaliland ku lahayn Qunsuliyad, ujeedkooduna ahaa inay taageeraan horumarka dhaqaale, iyadoo uu caddeyay in heshiiska Dekadda Berbera ay ogaayeen dowladihii hore ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay diyaarad ay lahayd Imaaraadka iyo lacag loo waday ciidamada Soomaaliya oo lagu qabtay, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay sharci darro ahayd oo aan loo baahneyn in qol mugdi ah xal looga qaado. “Wax kasta waa inay noqdaan wax cad oo aan mugdi lahayn, ma aqbali karno in lacag iyo ciidamo wada la xayiro, kadibna lala wareego lacagtii oo la yiraahdo qol ayaan ku xalineynaa..” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash oo wareysi siiyay BBCArabic. Sidoo kale Anwar Maxamed Qar-qaash Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa dhaliilay qaabkii loola dhaqmay Diyaaradii dhawaan lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho taas oo laga lahaa Dalka isu tagga Imaaraadka. “Dal muddo 15 sano ilaa 20 sano Saaxiib kula ahaa ku caawinayay maahan in khilaaf yar oo yimid kula dhaqanto sida Cadowgaaga oo kale , in la qal qal geliyo Saraakiil tababaray Ciidamo Soomaali ah iyo in lala wareego lacag ugu talagalnay in dadkaaga aan ku caawaino”ayuu mar kale yiri Anwar Maxamed. Dhinaca kale Anwar Maxamed Qar-qaasha Wasiiru Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaalin ay ka qaateen dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Soomaaliland dhowr jeerna ay shirar ugu qabteen Magaalooyinka waa weyn dalkaasi waxa ay raadinayaan ay tahay Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya. Sida ay Dowladda Soomaaliya u wado wadahadalka hada Socda ayuu dhaliilay Wasiirka. “In qol mugdi ah lagu xaliyo wixii dhacay oo aan ka fiirsasho lahayn waxaan u arkaa in aysan waxbo ku hagaagayn” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta. Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mudooyinkaan waxaa ka taagnaa khilaaf Culus kaas oo saameeyay gaar gaar badan oo ay Imaaraadka ka wadeen Soomaaliya, sidoo kale Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay faragelin toos ah ku sameeyay Dowladda soo koreysa ee Soomaaliya. Xaaladda siyaasadeed ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa meel xun mareyso, waxayna xogta sheegeysaa inay imaaraadka ku dhawaaqi rabto go’aan ay ku joojineyso sharciyada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliya, waxayna sidoo kale qorsheeneysaa inaysan sharciyada u cusbooneysiin haddii ay muwaadiininta Soomaaliya ka dhacdo inta laga xalinayo xiriirka labada dal ee xumaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. MOGADISHU, April 18 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Tuesday lauded Ugandan soldiers for ensuring a safer and stable Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Beleaguered by famine, terrorism and war, Somalia has the added burden of some of the highest energy costs in the world. But now relief is coming in the form of solar microgrids for refugees and communities thanks to an East African company. Source: Hiiraan Online
  20. Rahma Mohamed, an Edmonton mother of Somali descent, has created a children’s book that features a Black Muslim girl, to provide better representation in literature for her kids Source: Hiiraan Online
  21. Abu Dubai (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan xogta la helayo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqi rabto tallaabo dhibaato weyn ku noqon doonto Kumanaan qof oo Soomaali ah. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheeneyso inay ku dhawaaqdo xayiraad la saari doono dadka u dhashay Soomaaliya ee ku nool dalkaas. Dowladda ayaa joojin rabto inay dadka soomaalida siiso Sharciga Iqaamada u ogolaaneyso inay ku noolaadaan dalkaas isla markaasna ay ka shaqeystaan. Dowladda ayaa joojin rabto soo saarista Iqaamada la siinayo dadka Soomaalida ah, sidoo kale waxay joojin rabtaa inay cusbooneysiiso kuwa hadda heysto iqaamada marka la gaaro waqtiga dhicista. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa arrintaan sabab uga dhigtay xiriirka labada dal oo sii xumaanayo, waxayna tallaabadaan saameyn xoog leh ku yeelan doontaa Kumanaan qof oo Soomaali ah oo ka shaqeysto dalkaas. Dowladda Imaaraadka ayaa tallaabadaan ka noqon doonto haddii uu soo fiicnaado xiriirka ka dhaxeeyo labada dal sida uu qorshu yahay, waxaana muuqato inay Imaaraadka dooneyso inay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saarto inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo celiso xiriirkii ka dhaxeeyey labada dal. Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir aad u weyn iyadoo inta badan Soomaalida ay ganacsigooda ku xirnaa dalkaas, wuxuuna xiriirkaan xumaaday sababi doonaa dhibaato hor leh oo soo wajahdo Soomaalida. Tallaabada sii xumeysay xiriirka labada dal ayaa aheyd kadib markii ay dowladda Soomaaliya qabatay lacag ay Imaaraadka sheegtay inay ugu talagashay ciidamada ay u tababartay Soomaaliya. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hore ugu dhawaaqday inay joojisay howlihii tababara ciidamada ay ka waday Soomaaliya, sidoo kalana waxay xirtay Ibsitaal ay ku laheyd Magaalada Muqdisho. Haddii ay si rasmi ah Imaaraadka ugu dhawaaqdo go’aankaan waxaa hubaal ah inay noqon doonto saameyn aan muddo ku imaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. GENEVA — The U.N. refugee agency reports that Horn of Africa asylum seekers and migrants arriving in Yemen are being detained under horrific conditions by different armed groups and criminals profiting from the situation. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online)- Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Biyaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ahna mudane ka tirsan Golaha Shacbiga ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed (10-aad) ayaa manta 18ka April 2018 isu soo taagay qabashada xilka Gudoonka Baarlamaanka, wuxuuna kaga dhawaaqay xaflad uu ku qabtay Hoteel Golobal ee magaaladda Muqdisho. Xildhbaan Saalim Caliyow Ibrow oo in mudo ah ku soo jiray Siyaasada dalka ku dhawaad 45 sano, ayaa sheegay inuu quud dareynayo hanashada xilka Gudoonka Baarlamanka “Xaqiiqdii waxaa jirta kala qaybsanaan ku soo dhex jirtay hogaanka baralamaanka iyo xildhibaanada qaran mudadii 18 sano ahayd ee la soo dhaafay, mar kastana waxaa jiray is maan dhaaf ku salaysan dhanka sharciga iyo habsami u socodka hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo ragaadisay howlo badan oo horyaalay Baarlamaanka iyo guud ahaan shaqada loo igmaday dowladihii soo maray dalka.” Prof Saalim ayaa sheegay in xiligaan la joogo dalka ay horyaalaan caqabado badan oo dhanka amniga iyo siyaasada, isla markaasna la rabo in la dhamaystiro dastuurka loona gudbo in dalka la gaarisiiyo afti u qaadid Dastuur. “Waxyaala muhiimka ah ee laga gabiyey waxaa ka mid ah samaynta Maxkamadii Dastuuriga ahayd, taas oo hormuud u noqon karta dhex dhexaadinta muranada soo kala dhex gala hay’adaha dowladda. Waxaana ii qorshaysan inaan ka dhigto ajandayaashayda ugu horeeya dhisida Adeega Garsooka, waxaa kale oo dadajin doonaa shuruucda is dul saaran ee horyaala Baarlamaanka si Xukuumada howlaha horyaalo loo dar dar galiyo” ayuu yiri Salim Ibrow Prof Salim Caliyow Ibrow ayaa waxbarashadiisa hoose dhexe ku soo qaatay dalka sanadii lixdameeyadii, wuxuuna waxbarashiida jaamaceed u aaday 1968 dalka Talyaaniga isagoona soo bartay Culuunta Xanaanada iyo Caafimaadka Xoolaaha, wuxuu ka shaqo bilaabay markuu dalka ku soo noqday Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa 1976 uu noqday Bare kaaliye Jaamacdii Ummadda, isagoo 1978 u dalacay Bare Jaamacadeed. Sidoo kale Prof Salim ayaa ka mid noqday Gudiga Sulaxa ee la asaasay dhamaadkii 1990-kii kaas oo qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare laga dhigo Cumar Carte Qaalib, Prof. Salim ayaa qayb weyn ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Jabouti 1991, waxaana u noqday Wasiir Ddowladi Cali Mahdi. Laga soo bilaabo sanadkii 2000 dowladii Carte lagau soo dhisay ilaa hada wuxuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxuuna soo noqday Wasiir ku xigeen, Wasiirka Xanaanada xoolaha, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, sii haye xilka Ra’iisul Wasaaraha xiligii uu is casilay Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Maaliyadda, dowladihii aan KMG ahayn wuxuu soo noqday Wasiirka Xanaada Xoolaha iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo uu hada yahay. Prof. Salim Caliyow ayaa ah aqoon yahan mudo badan ku soo jiray siyaasada lehna aqoon durugsan, wuxuuna ku hadlaa luuqadaha, English, Talyaani, Carabi. Waa nin aan jeclayn khilaafadka siyaasadeed mar walbna jecel inuu danta guud ka shaqeeyo, mudadii uu hayey xilalka kala duwanaan wuxuu ahaa nin ay u siman yihiin Umaada Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka akhriso taariikhda Musharaxa MACLUUMAADKA SHAQSIYADEED Magaca Saalim Caliyow Ibrow Cinwaan Golaha Shacabka Soomaaliya Muqdisho, Soomaaliya Tel +252615502533; +252695502533 Email: salim_ibraw@hotmail.com adanow1944@gmail.com Dhalashada Soomaali / Australia Taariikhda dhalashada 18 ogoosto, 1944, Qoryooleey, Soomaaliya Jinsi Lab Xaaladda guurka Xaasle ilmo leh Xirfad Siyaasi Sare Dhaqar xoolaha nool iyo la-taliyaha Xoolaha Maaraynta Deegaanka Aqoonyahan horumarinta waxbarashada Diblomaasi siyaasadeed iyo mid dhaqameed AQOONTA WAXBARASHO IYO TABABARO Magaca Jaamacadda: Magaca Jaamacadda: 1998 – 2000: Cilmi-baaris iyo aqoon sare Jaamacadda: La Trobe University of Melbourne, Australia Kuliyadda: Faculty of Science Technology & Engineering, Waaxda: Cilmiga Beeraha (Agricultural Department). Shahaadada sare ee Cudurada Faafa, Daawada Xoolaha nool (Post graduate studies in Infectious Diseases, Veterinary Medicine) Shahaadada waxaa lagu bartay qeybaha soo socda: q Infectious and Parasitic diseases q Basic concepts of Applied Epidemiology q Research methodology q Lecturing activities q Planning and coordination of veterinary activities q Zoonotic diseases by infectious and parasitic agents 1993 – 1995 1993 – 1995 Cilmi-baaris iyo aqoon sare Kuliyadda: Faculty of Animal Husbandry and Veterinary Medicine Jaamacadda: University of Turin, Italy. 21st Maarsho – Maanta Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha MASUULIYADAHA SHAQO IYO KUWA SIYAASADEED 2014 – 2015 (Febraayo) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xubin Golihii Wasiirada ee RW C/Weli Sh. Axmed Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud Dowladda Federaalka Soomaaliya 27th Disember 2016 – Maanta Xildhibaan Golada Shacabka Federaalka Janaayo – Disember 2008 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Kusimaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xubin Golihii Wasiirada ee RW NUur Xasan Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Dowladda Federaalka Soomaaliya Nofember 2007 Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Masuuliyad uu ii magacaabay Madaxweyne C/laahi Yuuusf Febraayo – Oktoobar 2007 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Tacliinta Sare Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Dowladda Federaalka Soomaaliya Ogoosto 2006 – Janaayo 2007 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Dowladda Federaalka Soomaaliya Disember 2004 – Luulyo 2006 Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf Dowladda Federaalka Soomaaliya Ogoosto 2004 Xildhibaan Golada Ku-meelgaarka Shacabka Federaalka ee Soomaaliya Oktoobar 2002 – Ogoosto 2004 Ergay Shirka Nabadda Soomaaliya Eldoret – Mbagathi, Kenya Febraayo 2002 – Oktoobar 2002 Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Xasan Abshir Dowladdii Maxadweyne C/qaasim Salaad Xasan Dowladda Ku-meelgaarka ee Soomaaliya Oktoobar 2000 – Janaayo 2002 Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Khaliif Galeyr Dowladdii Maxadweyne C/qaasim Salaad Xasan Dowladda Ku-meelgaarka ee Soomaaliya June 2000 Ergay Shirka Dib-u-heshiisiinta iyo Nabadda Soomaaliya Arta, Djibout Oct 1991 – March1993 Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cumar Carte Khaalib Dowladdii Maxadweyne Cali Mahdi Jamhuuriyadda Soomaaliya Janaayo 1991 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cumar Carte Khaalib Dowladdii Maxadweyne Maxamed Siyaad Barre Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya Disember 1990 Ergay Guddigii Qaran ee Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya 1975 – 1990 Ku-xigeenka Hormuudka iyo Macallin Jaamacadeed Kuliyadda Xanaanada Xoolaha iyo Daawada Xoolaha nool Jaamacadda Ummada SOomaaliyeed, Muqdisho, Soomaaliya URURADA XIRFADLEYDA IYO SHAQAALAHA 1987 – Maanta Xubin Ururka Caalamiga ee Barayaasha Cimliga Xanaanada Xoolaha – World Association of Veterinary Educators Universite De Montreal, Faculte’de Medicine Veterinaire C.P. 500 St-Hyacinth, Quebec- Canada Xubin Machadka Caalamiga ee Cilmi-baarista Xanaanada Xoolaha ILRI (International Livestock Research institute) P. O. BOX 5689. Addis Ababa, Ethiopia. P. O. Box 30709 Nairobi, Kenya 1999 – Maanta Xubin wax ka aasaasay Ururka Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha. Somali Livestock Professionals Forum (SLPF) XIRFADDA IYO KARTIDA BULSHADA Karti sare u leh la dhaqanka dadka iyo la shaqeyntooda XIRFADDA IYO KARTIDA KA SHAQEYNTA HEY’ADAHA · Guddoomiye wacan iyo aqoonsan kara xirfadaha dadka · Awood u leh in uu arko fursadaha jira oo dhan · Karti u leh maamulka mashruucyada gaarka ah isla markaana alifi kara mashruucyo · Isku-duwe fiican oo kooxda dhexdeeda ah iyo abaabule waxtar leh · Karti iyo geesinimo u leh in uu ka gudbo carqaladooyinka · Ku shaqeyn kara degaannada dhib badan iyo xaaladaha amaan ahaan qatarta ah le · Karti u leh in uu ku shaqeeyo xaalad aanan kormeer laheyn XIRFADAHA FARSAMO IYO AQOONTA KOMBIYUUTARKA Adeegsan kara aaladda kombiyuutarka iyo barnaamijyada ku jira sida – Microsoft Window (MS Word, Excel, PowerPoint and Access, statistical packages) XIRFADAHA IYO AQOONTA KALE Xirfadaha maamulka iyo maareynta oo ay ka mid yihiin: Qorista mashruucyada Maamulka shaqaalaha Horumarinta xiriirada dibedda ee ururada caalamiga ah iyo hey’adaha dowliga Qorista warbixinnada Maamulka guud ee xafiisyada Diyaarinta qorshayaasha shaqo iyo miisaaniyadaha LUQADAHA Aqrinta Qoraalka Hadalka Soomaali English Italian Arabic Aad u sareysa Aad u sareysa Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Aad u sareysa Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Heer fiican Aad u sareysa Dhexdhexaadr
  24. In October 2013, two Somali teenage girls named Ayan and Leila shocked their parents by running away to join ISIS in Syria. Their radicalization story is unusual in that it happened in Norway. Source: Hiiraan Online
  25. Asad Hussein is a 22-year-old refugee. Last August, he got onto the back of a truck in Dabaab, Kenya. He sat down with other passengers among food supplies being driven to Mogadishu, Somalia’s capital. Source: Hiiraan Online