Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bujumbura (PP) ─ Halkan hoose ka daawo finalka cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika, taasoo magaalada Bujumbura ku dhex-maraysa Xulalka da’adoodu ka yar tahay 17-sano jirka, waxaana cayaarta oo marii hore loo joojiyay roob dartiis mar kale dib loo billaabay. Cayaarta oo qaybteedii hore ay soo dhammaatay, ayaa waxaa 1-0 ku hoggaaminaya xulka ka socda waddanka Tanzania, iyadoo xulka Somalia aysan wax gool ah dhalin, balse ay soo bandhigeen cayaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay daawadayaasha cayaarta. Labada Xul ayaa waxay soo bandhigeen cayaaro aad u xiiso badan, waxaana la ogaan doonaa cidda qaadi doonta koobka, iyadoo qaybtii labaad ee cayaarta ay hadda dib u billaabatay. Halkan TOOS uga daawo cayaarta dhexmaraysa Somalia iyo Tanzania; The post DAAWO-TOOS: Cayaarta Final-ka ee Burundi ku dhex-maraysa Xulalka Somalia iyo Tanzania appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada siyaasadeed ee dalka Masar ayaa waalac xoogan ka muujiyay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta waxaana xukuumadda Qaahira ay ka dalbadeen in ay dadaal ku bixiso sidii looga gudbi lahaa khatar dhanka amaanka ah oo gobalka soo food saarta. Xeer dheerayaal Masaari ah ayaa sidoo kale sheegay in ay ka warqabaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaana ay carabka ku dhufteen in Qatar iyo Turkiga ay ay lug ku leeyihiin, iyagoo sheegay in Masar aysan xuduud la wadaagin Soomaaliya, laakiin ay ku dherirsantahay Marinka Muhiimka ah ee gacanka Carbeed oo sii maraya Badda cas oo dhanka Yeman looga sii gudbi karo. “ Soomaaliya waxeey muhiim u tahay amaanka dalka Masar iyo wadamada Carabta gaar ahaan Gacanka Carabta” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga Liberka ee dalka Masar Nagui al-Shehabi, waxa uuna intaasi ku daray in Masar aysan ka aamusnaan Karin awoodaha gobalka isku haya si xaaladda loo dejiyo. Qatar Iyo Turkiga ayeey ku eedeeyeen Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka Masar in ay huriyeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Muqdisho iyo Abu Dhabi, waxaana ay sheegeen xasilooni darrada Soomaaliya in khatar gelin karto gacanka Baab Al-manda, kanaalka Suweys ee dalka Masar iyo Badda Cas. “ Amaanka Soomaaliya wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay nabadgalyada Masar, waqooyiga Africa iyo gacanka carbeed” sida uu Nagui al-Shehabi u sheegay Wargeyska Arab Weekly isagoo intaas ku daray in dalkiisu uusa ka baaqsan doonin inuu qeyb ka qaato nabadgalyada ugu jirta gacmaha dalalka kale. “Masar waxeysan ugu maarmi Karin in ay khifaaka Soomaaliya soo farageliso waa ururka Ikhwaanul Muslimiin oo laga mamnuucay Masar waxaana Qaahira ay ka soo horjeedaa in dal kale uu ka dhismo waana danaha ay leedahay dowladda Masar, sidaasi waxaa yiri Masaari falanqeeye siyaasadda. Masar ayaa sidoo kale dareen feejignaan ah kaga jirta Howlgalada Qatar Iyo Turkiga ee geeska Qaaradda Africa iyo koofurta badda cas waxaana ay sheegtay in saameyn ku yeelan karto dhaqdhaqaaqa argagaixsada Gobalka ee Masar wado. Bartamihii bishan April Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo kan Masar Cabdifitax Al-Ssisi ayaa ku wada hadlay Khadka Telefoonka waxaana ay ka wada hadleen xeriirka labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixsada. “ Faragelinta Soomaaliya lagu hayo waa mid lagu wiiqayo dalka, ugu dambeyna waxeey saameyn amaan ku yeelan doontaa dalalka Carbeed” Tarek Fahmi oo ah Professor wax ka dhigo Jaamacada Qaahira ayaa sidan u sheegay Wargeyska Arab Weekly isagoo ugu baaqay dalalka Masar, Baxreyn, Sacuudiga iyo Imaaradka in ay arintan farageliyaan si ay u ilaashadaan Amaankooda. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: The Arab Weekly
  3. Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan Ciidamada amniga Dowladda iyo dad rayid ah. “Weerarkan wuxuu u dhacay sababtoo ah xagjirayaashu waxay dareemayaan inuu khatar ku hayo horumarka laga gaarayo dadaalka dib-u-heshiisiinta ka socda magaalada Gaalkacyo,” ayuu yiri madaxa UNSOM, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Dalku wuxuu soo maray rabshado dhiigbadni ku daatey oo ku filan; hadda waa waqtigii dibuheshiisiinta dadka iyo mas’uuliyiinta maamullada magaalada Gaalkacyo waxay si geesinimo leh u raadinayaan waddo horey loogu socdo; waa inaan lagu wiiqin weerarkan lagu soo qaaday fursadd ay u leeyihiin mustaqbal nabdoon”,ayuu raaciyay Keating. Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta , qof isa soo miidaamiyay ayaa walxaha qarxa ee uu waday ku qarxiyay goob magaalada ku taalla oo loo yaqaano Jiiro Cabdullaahi Yuusuf, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, subaxnimadii Sabtida, isagoo dilay ugu yaraan laba ka mid ah taliyeyaasha sare ee ciidamada ammaanka iyo weliba dad rayid ah. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. PUNTLAND POST The post UNSOM oo si adag u cambaareysay qaraxii shalay ee Gaalkacyo. appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa xulka qaranka ee 17 jirada ugu deeqay lacag. Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xulka Qaranka ee 17 jirada ee Maanta ciyaarayo Finaalka Koobka Bariga iyo bartaha Africa ugu deeqay ilaa 5 Kun oo Dollar. Guddoomiyihii hore ayaa lacagtaas ku wareejiyey guddiga Caawin Qaran oo ay ku dhawaaqeen Wariyayaasha Magaalada Muqdisho si loo garab istaago xulkeena Qaranka Soomaaliya ee soo hooyey guushaan weyn. Taabit ayaa lacagtaas usoo wakiishay Cabdulaahi Cismaan Faarax oo ka tirsan guddiga #CaawinQaran, waxaana lacagtaas lagu wareejiyay guddiga. Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ku sugan dalka Burundi ayaa Maanta waxa uu qado Sharaf u sameeyey Ciyaartoyda xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya. Taabit oo goobjoog ka ah Ciyaarta xulka Qaranka Soomaliya ay la leeyihiin dhigooda dalka Tanzania,isaga oo horay u sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay taageeraan Ciyaartoyda Soomaaliyeed e tartanka uga qeyb galaya Wadanka Burundi. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada Thaabit oo Maanta qado sharaf u sameeyey xiddigaha xulka Qaranka:
  5. In February this year, Somali judge Abdulqawi Ahmed Yusuf was elected the president of the International Court of Justice (ICJ). Source: Hiiraan Online
  6. The reverberating elimination of Kenya and Uganda from the semi-finals of the Cecafa U17 Championship on Wednesday raised the rating of the tournament as one of the best staged in the region and the organisation assisted by Fifa funding and CAF information technology is certainly of efficiency unmatched. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Bujumbura ee dalka Brundi. Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu ahaa inuu ka qeyb galo daawashada ciyaarta kama danbeysta ah ee fiinaalka koobka da’yarta dalalka Bariga iyo bartamaha Afriak ee CECAFA oo Soomaaliya iyo Tanzania ay isugu soo hareen. Socdaalka madaxweynaha oo ku saabsanaa dhiirgelinta xulka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17 sano jirka ayaa ugu danbeyn la kansalay kadib markii ay xaalad kasoo korortay magaalada Beledweyne oo daadad ka dhashay fatahaad ay waxyeelo ka geysteen. Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleeda ayaa u dhoofay halkaasi, iyadoo ay madaxtooayda bixisay kharashaadka weriyeyaal fara badan oo wafdiga sii raacay. Madaxweynaha ayaa maanta telefoon kula hadlay ciyaartoyda xulka Soomaaliya, isagoo ku dhiirigeliyay inay la yimaadaan ciyaar xirfad leh oo ay koobka ku guuleystaan. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Madaxweynaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Mogadishu - The top United Nations official in Somalia today highlighted the challenges and potential of the country's energy sector, while appealing to investors to support its development of renewable energy sources. Source: Hiiraan Online
  9. Munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka dufcaddii labaad (Second wave) ee u tartamaysey imtixaankii ay soo dhejisey dawladda Puntland ee loogu tartamayey kamid noqoshada shaqaalaha cusub ee ay dawladdu qaadanayso ayaa maanta lagu qabtay xarunta hay’adda PDRC ee Garoowe. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, guddigii imtixaanka qaadayey, guddiga xallinta cabashooyinka ka yimaada tartamayaasha, ururada bulshada rayidka ah iyo dhammaan tartamayaashii ka qayb galay imtixaanadii la qaaday. Intii munaasabaddu socotey ayaa khudbado iyo soo jeedino kadib waxaa lasoo bandhigay natiijadii imtixaanka iyadoo shaashad lagu soo bandhigay boos walba iyo inta qof ee u tartantay iyo qof walba natiijadii uu kenay iyadoo ay tartamayaashii iyo kasoo qayb-galayaashiiba goob joog yihiin. Guddiga xallinta cabashooyinka ayaa goobta ka hadlay ka hor intaan natiijada lasoo bandhigin iyagoo ka codsaday tartamayaasha in ay soo gudbistaan ciddii cabasho qabta isla markaana la tusi doono qof walba iyo warqaddii uu imtixaanka ku galay ee uu gacantiisa ku qoray. Ujeeddada ka dambeysey in hannaankaan lasoo bandhigo ayaa ahayd si bulshadu ay ugu qanacdo habka hufnaanta ah ee dawladdu ay u gudaneyso waajibkeeda ka saran sinnaanta muwaadiniinta, isla markaan meesha looga saaro dacaayadaha aan salka lahayn ee lagu eedaynayo hannaanka imtixaanka. Waa markii ugu horraysey ee hannaanka noocaan oo kale ah lagu hirgeliyo guud ahaanba Soomaaliya si loo ilaaliyo bedqabka, hufnaanta iyo kalsoonida muwaadiniinta u tartamaysa shaqada dawladda, maadaama shaqada dawaldda ay tahay mid loo siman yahay. The post Puntland oo soo bandhigtay natiijada imtixaankii loogu tartamayey shaqaalaha dawladda appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ololihii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho oo muharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ay ugu jiraan inay u helaan codadka xildhibannada. Hoteellada Muqdisho ayaa shidan iyadoo labadii habeen ee ugu danbeysay aan laga seexan, waxaana soo baxaya musharixiin rajo ka leh kursiga ugu sareeya guddoonka iyo qaar ujeedkoodu ahaa inay is sharxaan oo kaliya. Musharixiinta ololaha ugu badan wada ayaa waxaa ugu horeeya: 1- Maxamed Sheekh Mursal 2- Ibraahim Yarow Maxamed 3- Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali) 4- C/casiis Lafta-gareen 5- & Maxamuud Macalin Yaxye Xildhibannada ka tirsan Golaha wasiirada ayaa ku kala qeybsamay taageerada xildhibannada Musharixiinta, waxayna doorashadan isu bedeshay mid jahawareer hareeyay oo aan la saadaalin karin cidda xilka ku soo bixi doonta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (PP) ─ Ololayaashii u dambeeyay ee doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka socda Muqdisho, kuwaasoo ay wadaan musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, iyadoo tan iyo xalay ay socdeen kualmmo gaar-gaar ah. Caawa ayaa la filayaa inay Muqdisho marti-geliso ololayaashii ugu badnaa ee ka dhaca muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo ay musharraxiintu kaga dal-banayaan xildhibaannada inay codkooda siiyaan, iyadoo musharrax walba uu u xusul-duubayo sidii uu ku guuleysan lahaa. Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah 11 ayaa kuwooda ugu cad-cad waxay kala yihiin; Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Lafta-gareen, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Shariif Maxamed Cabdalla, Maxamuud Macalin Yaxye iyo Xaaji Cali. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxtooyada Somalia ay doonayso in doorashadan uu kusoo baxo musharraxa ay wataan oo ah; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga DF. Dhanka kale, Musharraxiintii taageersanaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabk Somaila, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa doonaya inuu xilkan ku guuleysto xildhibaanka ay wataan oo ah; Ibraahim Isaaq Yaroow. Ugu dambeyn, Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in Musharax kasta oo Madaxtooyadda iyo Xukuumadda wataan uu la kulmi doono culeys, isla markaana la isugu wada tagi doono ama loo midoobi doono, marka loo eego taariikho horay u dhacay oo Musharaxiin dowladda wadatay. PUNTLAND POST The post Musharaxiinta u Tartamaya Gudoomiyaha BFS oo Muqdisho kawada Ololihii ugu dambeeyay appeared first on Puntland Post.
  12. MOGADISHU (HOL) - Somali Prime minister, Hassan Ali Kheire on Sunday offered his condolences to the Somali people over the death of a member of Lower House Parliament who died on Saturday night in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  13. Ethiopia's new prime minister, Abiy Ahmed, began his first trip outside his country Saturday to Djibouti, a small but strategic country on the Red Sea. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya arrimaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Xilli Olole ballaaran uu ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, Villa Hargaysa iyo Hoteellada Magalaada. Inta aanan gudaha u galin qorshaha Maamul Goboleedyada Iyo Imaaraadka, waxaan sharaxaad kooban ka bixinaynaa halka ay xaajadu ku biyo shubatay xalay iyo wararkii u dambeeyay ee loolanka doorashada Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka. Waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo xaasaasi ah, balanqaadyo siyaasadeed, Iyo kudlado wadahadal xoogani u bilowday, in kastoo natiijada kulamadaasi ay soo shaac bixi doonaan maantay illaa caawa. Hadal haynta Musharaxiinta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Ololaha ayaa had-ba waxay taagnayd heer laga qiyaas qaadan karo nooca natiijada doorashada maalinta Isniinta ah ka dhacaysa Hoolka Baarlamaanka Soomaaliya. 11kii Musharax ee u taagnaa xilka Guddoonka, illaa hadda ma jiro musharax ka tanaasulay xilkaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maantay ay u badan tahay in ay Musharixiin tanaasulaan. Saadaasha musharaxiinta ugu miisaan culus ayaa xalay illaa shalay kusoo biyo shubatay illaa 3 Murashax oo kale ah. 1) Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) Musharaxaan ayaa lagu tilmaamaa in uu ka madax banaan yahay dhinacyada siyaasadda isku haya, waa musharax haddii uu soo baxo aysan Villa Soomaaliya u arag khatar weyn, inkastoo Mucaaradku ay la qaadanayeen kulamo kale duwan, ayna u arkeen in uu yahay musharax u babac dhigi kara Murashaxa Dowladdu taageerayso. 2) Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa ah Musharax ay xilligaan taageero naf iyo maal-ba leg ag dhigeen Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeennada Golaha Shacabka Muudey Iyo Mahad Cawad oo hadda ku midaysan murashaxaan, Iyo Shariif Xassan Shiikh Aadan madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo saaxiib dhow la’ ah. 3) Musharaxa 3aad oo soo xoogaystay xalay illaa shalay ayaa ah Ibraahim Isaaq Yaroow. Musharaxaan ayaa taageero ballaaran oo gacan lixaad leh ka helay Maamul Goboleedyada Dalka oo ay ugu horreeyaan Hoggaamiyaasha Puntland Iyo Jubaland. Murashax Ibraahim ayaa dhawaan iska casilay xilka W/kuxigeenka Boostada Iyo Isgaarsiinta Dowladda Soomaaliya. Waana shaqsiga ay hadda welwelka weyn ka qabto Villa Soomaaliya. Waxaana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in taageerada maamulladu siiyeen Ibraahim Yarow ay ka dambayso Dowladda Imaaraadka Carabta oo maalmahaan ay ku sugnaayeen Madaxwaynayaasha Puntland Iyo Jubbaland. Siyaasadda Soomaaliya ayaa gashay marxalad ka duwan marxaladihii horey loo saadaalin jirey. Waxaana isha lagu hayaa maantay illaa caawa isbadallada dhici doona. Iyadoo la filayo in ay Musharaxiintu isku tanaasulaan, maadaama 3 Musharax oo mid kasta uu jiho salka ku hayo ay saadaashii isugu soo biyo shubatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday inay la dagaalami doonaan Al-Shabaabka ku dhuumaleysanaaya Xadka kala beyra Somalia iyo Kenya. Kenyatta ayaa sheegay inay ku jiraan u tabaabusheysiga sida ay weeraro ugu qaadi lahaayen Keymaha Kenya iyo dhammaan Saldhigyada ay Al-Shabaabka uga sugan yihiin Xadka labada dal. Waxa uu Kenyatta tilmaamay in heer gabagabo ay marayaan diyaarinta ciidamada ka qeybqaadan lahaa dagaalka lala galaayo Al-Shabaab, waxa uuna cadeeyay in dagaalkaani uu ka duwanaan doono kuwii hore. ‘’Cidna ugama cabsan doono inaan baabi’ino Al-Shabaabka ku jira Keymaha iyo Saldhigyada ku yaalla Xadka Somalia iyo Kenya’’ ‘’Waxaa noo diyaarsan ciidamo si khaasa u tababaran oo la doonaayo inay soo afjaraan dagaalka ay Kenya kula jirto Al-Shabaab’’ Waxa uu Kenyaatta sheegay in adduunka ay la socodsiin doonaan in dagaalka ay la galayaan Al-Shabaab uu noqon doono mid furan oo ay ka qeybqaadan karaan dhammaan dalalka kale ee Africa dhaca. Sidoo kale, Kenyaatta ayaa Dowlada Somalia ugu baaqay inay ka feejignaato dhagarta ay maleegayaan Kooxaha argagixisada ee ka dagaalanta Xadka iyo gudaha labada dal. Haddalka Kenyaatta ayaa kusoo beegmaaya xili Talisyada amaanka Kenya ay ka digeen weeraro kaga imaada dhanka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. The UK government has acknowledged that her embassy in Mogadishu, Somalia is powerless and cannot initiate work in Somaliland. This has forced the British government to rethink her strategic interest hence will open a new consular office in Hargeisa. According to reports from reliable sources informed Somaliland News Agency (SOLNA) that a member of parliament from the British House of Commons Hon. Stephen Doughty on Thursday at the House floor asked the state minister of foreign affairs Mrs. Harriet Baldwin when Somaliland consulate will open. “The Foreign and Commonwealth Office has confirmed the British embassy in Mogadishu, Somalia cannot handle the bulk of work in Somaliland in this respect we are planning to review our policy and see if we could open a new consulate in Hargeisa.” Mrs. Baldwin stated. Hon. Steven Doughty was amongst a British parliamentary group that recently toured Somaliland on a fact-finding mission. He also champions for Somaliland recognition by the international community
  17. Muqdisho (PP) ─ Wafdi ka socda Dowladda Somalia ayaa gaaray xarunta dalka Burundi ee Bujumbura, si ay uga qayb-galaan daawashada cayaarta kama-dambeysta ah [FINAL] ee maanta ku dhex-mari doonta Bujumbura xulka Qaranka 17-jirrada Somalia iyo dhiggooda Tanzania. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka u dhoofay Bujumbura, si ay cayaartoyda Qaranka Soomaaliya gu dhiiri-geliyaan inay guulo kasoo hoyaan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu waday inuu u ambabaxo Bujumbura ayaa ka baaqday, sida ay sheegayaan ilo ku dhaw-dhaw madaxtooyada, Waxaana Xukuumaddu ay dirtay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka. Dadweyne Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka dibadiisa ayaa ku qulqulaya magaalada Bujumbura, si ay taageero ugu muujiyaan ciyaartoyda 17-jirrada ee cayaarta kama-dambeysta ah kula ballansan xulka Tanzania. Wufuudda gaartay Magaalada Bujumbura waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed oo iskiis isku xil-qaamay si uu u taageero xulka 17-jirrada Somalia. Ugu dambeyn, Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajeynaya in cayaartoyda 17-jirada ee xulka Qaranka Somalia ay ku guuleystaan koobkan, isla markaana ay Muqdisho keenaan iyagoo wada koobka. PUNTLAND POST The post Wufuud Bujumbura u Tagay ka Qayb-galka Cayaarta Finalka ee Soomaaliya iyo Tanzania appeared first on Puntland Post.
  18. Moqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed ayaa wadda qorshe ay seddax shirkadood oo ugu xireyso inay qaadka keeni karaan magaalada Moqdisho iyo gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe. Qorshahaan ayaa waxaa si gaar ah u wata Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle). Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeye Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa heshiis hoose oo sharci darro ah la galay seddaxdaan shirkadood, si ay u yeeshaan xuquuqda xamuulka iyo soo-dejinta qaadka. Ma ahan markii ugu horreysay ee ay tallaabada nuucaan ah qaadaan, laakiin waxaa la yaab leh, in la isticmaalay awoodda iyo saxiixa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo dalka ka maqan, weliba saxiixiisa waa la qalday, iyadoo aan saxiix ku-simana la isticmaalin. Taasi waxay muujineysaa sida ay labadaan masuul isugu waafaqsan yihiin u awood-sheegashada shirkadaha kale ee yaryar gaarkana loo leeyahay kuwaasoo kalalka xamuulka wax ka lahaa. Warar hoose ayaa sheegaya in seddaxdaan shirkadood Blue Bird Aviation, Skyward iyo Golden Star ay heshiis hoose la galeen Wasiir Maxamed Cabdullaahi iyo Yuusuf Jaalle, si kalalka xamuulka qaadka seddaxdooda loogu qeybiyo isla markaana meesha looga saaro shirkadaha kale, iyadoo loo maray hab ku-takrifal awood ah, oo aan sharci aheyn. Warqad rasmi ah oo laga soo saaray labada xafiis ayaa lagula amray shirkadaha kale, inay u hogaansamaan amarkaan oo dhaqan-gelaya 1da bisha May ee nagu soo foolka leh. Caasimada Online Xafiiska Moqdisho Caasimada@live.com
  19. Hargeisa—Somaliland said that it will invest in 1,500 hectares of land for agriculture in Wajaale town. Minister of Agricultural development Ahmed Mu’umin Seed contributed 21 tractors for the Wajaale people to plant different crops on 1,500 hectares of land, according to a statement received by Somaliland Informer. Minister Seed said that his ministry will dig wells for using farmers to irrigate their farming land. The statement said that Somaliland will likely to reduce Food imports and will do its best to distribute enough for its population.
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la magacaabay booqasho ku tagay dalka Jabuuti. Booqashada Abey Axmed ee dalka Jabuuti ayaa timid kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Geele. Ra’isul wasaare Abey Axmed ayaa waxa uu magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen arrimaha labada dal, Ganacsiga, Siyaasada iyo xaalada Somalia. Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka jabuuti, ayaa waxaa lagu lafaguray dhammaan qodobada aan kor kusoo xusnay, waxa ayna laba mas’uul isla fahmeen in leyska garabsiiyo iskaashiga, Ganacsiga iyo kobaca Siyaasada. Madaxweyne Ismaaciil Geelle, ayaa Abey Axmed u sheegay in Jabuuti ay laba jibaari doonto xiriirka kala dhexeeya Ethiopia, si taa lamid ahna la doonaayo in Ethiopia ay is garabtaagto Jabuuti. Waxa ay isla fahmeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii dowladda Jabuuti xiriir Wanaagsan ula sameyn laheyd Ra’iisul Waasaaraha Cusub Abiy Axmed. Ganacsiga ayey isku fahmeen in kor loo qaado isla markaana leyska caawiyo sida lagu sara qaadi lahaa Ganacsiga labada dal. Sidoo kale, waxa ay isla fahmeen isla markaana kawada hadleen in la garab istaago dowlada Somalia, si loosoo afmeero dhaqdhaqaaqyada argagixiso ee al-Shabaab. Waxa ay isla garteen in si wada jira dowlada Somalia looga caawiyo la dagaalanka al-Shabaab iyo in la taageero dowlada oo ku guda jirta kobac dhan waliba leh. Si kastaba ha ahaatee, Booqashada Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abey Axmed ayaa noqoneysa mid sara qaadi doonta xiriirka labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ka digay musuqa gabaabsiga ah ee weli ka dhex jira xarumaha dowlada qaarkood. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay la socdaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada shaqsiyaadka ka mas’uulka ah Xarumahaasi, waxa uuna ka digay inay ka waantoobi waayan waxa ay gacanta kula jiraan. Waxa uu tilmaamay in xarrun dowladeed uusan kasii shaqeyn doonin mas’uul ama shaqsi jecel inuu ku shaqeeyo musuq. ‘’Cidii jecel inay kusii shaqeyso musuq waxa ay banaanka uga bixi doontaa xarunta lagu aaminay, waayo ma wada shaqeyn doono anaga iyo kuwa saaxiibka u ah musuqa ee wali laga cabanaayo’’ ‘’Waxaa jira shaqsiyaad ka haray kuwa musuqa u saaxiibka ah ee aanu la dagaalanay waxa ay iyaguna marayaan halka ay mareen kuwii hore’’ Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay inay jiraan warar muujinaaya in Xafiisyada qaar ay ka jiraan dhaqanada ‘’nin jecleysiga’’ waxa uuna ka digay in howsha Qaranka loo rogo nin jecleysi iyo wixii lamid ah. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay in dowlada iminka jirta aysan lamid aheyn kuwii hore waxa uuna cadeeyay inay la dagaalami doonaan cid waliba oo ku sifowday musuqa iyo nin jecleysiga. Si kastaba ha ahaatee, digniinaha labadan arrin ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan dalka uu ka socdo ololo lagu ciribtiraayo dhaqanada ceynkaas ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay ku biirayaan Gurmadka loo fidinaayo dadka kasoo jeeda Magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee wabigu kusoo fatahay. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug, ayaa sheegay in Galmudug ay qaadaneyso kaalinteeda gurmad tan ugu wanaagsan. Sheekh Shaakir, waxa uu sheegay in Galmudug ay door ka qaadan doonto Gurmadka loo fidinaayo dadkaasi, waxa uuna ku baaqay inaan la ilaawin dadka ku dhaqan Hiiraan oo idil. Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaa uu ganacsatadda iyo Qeybaha kala duwan ee bulshadda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda ku dhuftay Magaalada Baledweyne. Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dhamamaan Garoomadda Galmudug ay u furi doonaan Gargaarka loo waddo Hiiraan, si ay u isticmaalan diyaaradaha gargaarka sida. Docda kale, Xukuumada Somalia ayaa ku dhawaaqday inay kaalin mug leh ka qaadaneyso barakaca iyo dhibta ka taagan goobaha uu ku fatahay wabiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. In February this year, Somali judge Abdulqawi Ahmed Yusuf was elected the president of the International Court of Justice (ICJ). Source: Hiiraan Online
  24. When I tell people that I am off to Somalia or Somaliland in the morning they usually offer some kind of commiseration. But they needn’t. A trip there is never boring, especially when you know that you will be catching a plane back in a few days’ time. Anyway, I enjoy a little shot of adrenaline now and again. Source: Hiiraan Online
  25. Dowladda Soomaaliya ayaa la kulantay caqabado gudaha iyo dibadda ah Afartii bil ee u dambeesay waxaana ay wadaa olole xoogan oo dalka looga saarayo rabshadihii kala duwanaa ee uu soo maray. Soomaaliya ayaa qorshaheedo yahay in amaanka ay kala wareegto howlgalka AMISOM oo ciidamada dowladda lagu wareejiyo dhamaan goobaha AMISOM baneyso iyadoo laguda galay xiliga kala guurka. Mareykanka ayaa shaqada ka ceyriyay Xoghayayii arimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson oo qorsheynayay in uu booqasho ku tago dalalka bariga Africa. Kala shakiga dowladahan ayaa sii xoogeystay Markii Baarlamanka Soomaaliya uu dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaradka Carabta taa oo heshiis la saxiixatay Maamulka Somaliland. Faragelinta Reer Galbeedka Iyo Danaha Imaaradka Ee Soomaaliya. Dr Abdiwahab Abdi oo ah khabiir dhanka siyaasadda ah isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii soo maray wadamada South Arica iyo Kenya ayaa waxa uu sheegay in reer galbeedku siyaasadoodu aheyd mid Soomaaliya ay kaga warqabayaan kaliya iyagoo tooda fiirsanayana waxaana reer galbeedku Soomaaliya ka howlgeliyeen dalka Imaaradka Carabta oo ay isku haleyn karaan si danahooda ay u gaaraan. “ Imaaradku waxa uu ka shaqeynayaa inuu Soomaaliya labo u kala qeybiyo, una sii qeybiyo dalalka deriska la ah, isagoo taageero ka helaya xulafadiisa reer Galbeedka si loo xaqiijiyo nuuc gumeysiga kamid ah oo gobalka saameeya si danaheeda dhaqaalo u fiirsadaan” sidaasi waxaa Wargeska Daily Nation u sheegay Dr Abdiwahab Abdi oo siyaasadda Africa ka faalooda. Imaaradka carabta ayaa si joogta ah u bixinayay lacagta uu siiyo ciidamada uu tababaray mana jirin teegeero uu siin jiray Ciidamada Militriga Soomaaliyeed. Soomaaliya ayaa si weyn kaga shakisay Dowladda Imaaradka Carabta “ waxaa jira shaki aan ka qabno lacagtii imaaradka aan kala wareegnay waxaan u fahanay in Gudoomiyihii golaha Shacabka lagu badbaadin rabo iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay Mooshin ka gudbiyeen islamarkaana ay ka cabanayaaan” sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya oo la hadlay Daily Nation islamarkaana magaciisa qariyay sababa jira aawadeed. Waxaa sidoo kale sarkaalkan ka tirsan dowladda Soomaaliya uu sheegay in xeriir taariikhi ah ay wadaagaan Imaaradka iyagoo mashaariic kala duwan ka hergeliyay Soomaaliya balse waxa uu hoosta ka xariiqay in khilaafka uu salka ku hayo Heshiiska Imaaradka uu la saxiixday Maamulka Somaliland si uu isticmaalo dekadda Berbera iyadoo laga howlgelinayo shirkadda DP World oo itoobiya saami ay ku yeelatay. Xasaradaha Qatar Iyo Kala Shikiga. Dowladda Soomaaliya ayaa qaatay go’aan dhexdhexaad markii uu soo ifbaxay khilaafka Khalejka Carabta iyadoo iska diiday iney xeriirka u jarto dowladda Qatar, waxaana taasi Soomaaliya ay ku heshay lacag dhan $200 million oo Mahaariic horumarineed dalka ugu hergelineyo Xukuumadda Doxa. Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa taageersan go’doomintii dowladda Qatar isagoo horay ugu dhaga hadlay Qatar mar uu yiri ( waa in meesha laga saaraa dowladaha teegeera argagixsada) intaas kadib xoghayiisii arimaha Dibadda Rex Tillerson ayaa bilaabay olole dhexdhaxaadin ah oo ujeedka Trump ahaa in cadaadis la saaro Qatar si Dowladda Iran ay u jarto xeriirka kala dhexeeyo Doxa. Rex Tillerson ayaa isaga haray dhexdhaxaadinta ,waxaana Imaaradka uu bilaabay olole Teleroson xilka looga tuurayo sida warbaahinta BBC-da ay ku heshay Fariimo qarsoon oo Imaaradku u dirayay sharci yaqaanada, Soomaaliyana waxa ay ku jirtay qeybta dhexe. Dowladda Mareykanka ayaa ka soo horjeesatay in ay qirato doorka ay ku laheyd in la farageliyo arimaha Soomaaliya sida uu sheegay Robyn Mack oo ah afayeenka taliska howlgalka Mareykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) isagoo xusay in ujeedka Mareykanka uu yahay sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa dagaalyahada Al Shabaab. W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Abdiazizh99@gmail.com Xigasho: Daily Nation