-
Content Count
214,911 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Cabdixakiim Daahir Macalin oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa caawa kooxo hubeysan ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Xildhibaan Cabdixakiim ayaa lala dilay mid kamid ah ilaaladiisii, waxaana dilku ka dhacay agagaarka Hotel Clasic ee magaalada Gaalkacyo, sida uu PUNTLAND POST u sheegay qof goob joog ahaa. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobtii falkaasi ka dhacay ka baxsaday, waxaana meydka Xildhibaanka iyo askarigii la socday la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo. Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland ka taliso ayaa marar badan waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo qorsheysan oo inta badan ay sheegtaan Al-shabaab. Wixii warar ah oo ku soo kordha dilka Xildhibaanka kala soco PUNTLAND POST. The post Xildhibaan ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duufaan ka kacday Waqooyiga badda Hindiya, ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illaa muddo saddex ama afar maalmood ah. Duufaanta ayaa halis gelinaysaa maraakiibta isaga-goosha Somalia iyo dalalka gacanka, waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan. Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khaasaraha ka dhalan kara duufaanta la filaayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika. Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka, Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka. Khasarahii dhawaan ka dhashay duufaanta Somaliland; Maamulka Somaliland waxay sheegtay in 31 ruuxx ay ku naf-waayeen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan. Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo. Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal,Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Saylac Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayiranaa halkaasi laga daadgureeyay. Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi. Jabuuti; Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen. Ugu dambeyn, Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata. Xigsho: BBC PUNTLAND POST The post Duufaano kale oo la filayo inay ku dhuftaan Deegaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Duufaan ka kacday waqooyiga badda Hindiya ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illa 3 iyo 4 maalmood, duufaanta ayaa halis gelinaysaa maraakiibta iskaga kala goosho dalka Soomaaliya iyo dalalka gacanka , waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan. Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khaasaraha ka dhalan kara duufaanta la filaayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika. Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka, Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka.
-
"On 15th May 2018, an armed militia attacked Somaliland Forces in Tuko-Raq, a village on the border with Somalia. The Armed Forces of Somaliland dismissed the militia who later entered Somalia through Puntland. Suddenly, Morgan expressed his willingness to lead the attack against Somaliland, and promised to people of the region of Puntland that he will destroy Somaliland by utilizing his experience in killing Somalilanders. Farmajo and Morgan via Puntland planned to attack Somaliland during the celebrations of Somaliland’s National Day, believing that Somaliland Armed Forces will be busy with the celebrations. That was wrong assumption and Somaliland Forces captured large number of militia and armed vehicles. The remaining of the militia seek hostage in Somalia’s Puntland. Now, Farmajo and Morgan are busy of building tribal militia from Cadaado – Kismayo – Dhagax Buur to Garoowe, in order to take part of the planned retaliation attack on Somaliland soil. Farmajo team are using the government soldiers against Somaliland, as the authorities in Somaliland discovered IDs that belong to the government of Somalia from the captured militia, who invaded Somaliland by the name of tribe. The international community must ensure that funding and training to Somalia’s military not to be used against other states other than terrorists like Al-Shabab" Qaran News
-
Amarka ee uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Soomaaliland oo ka kooban 6 Qodob ayaa kala ah:- 1-Marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya, waxaa reeban isticmaalka iyo la dhexmarka hubka magaalada gudaheeda. 2-Waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid an laheyn Taarigada (Plate) gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3-Waxaa la mamnuucay qabashada shirarka iyo shir-saxaafadeedyada aan oggalaansho ka haysan guddiga nabadgalyada gobolka Sool. 4-Cid kasta oo ku talaabsata falal kicin ah oo ku lid ah nabadgelyada gobolka sool waxaa loo qaadanayaa danbiile. 5-Ciddii ku xadgudubta Amarada ku qoran xubnaha 1, 2, 3, & 4 ee wareegtadan waxaa laga qaadaya tallabada sharciga ku haboon. 6-Dhamaan xubnaha gddiga nabadgelyada gobolka sool, xubnaha hay’adaha amniga ee gobolka sool iyo degmada laascaanood waxaa la faraya iney toos ugu howlgalaan fulintan amarkaan. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa sheegay in cidii ka hor imaadaa amarka ay muteysan doonto cawaaqiib looga abaalmarin doono amar diidada.
-
Islamabad, (UrduPoint / Pakistan Point News – 23rd May, 2018) : Pakistani Prime Minister Shahid Khaqan Abbasi witnessed the signing of an agreement between pakistan and Somalia for grant of US$ 10.5 million and provision of technical assistance for development of Somalia’s National Identification System. Held at the Prime Minister Office here on Wednesday, the agreement signing ceremony was attended by Minister for Finance Miftah Ismail, Special Assistant to Prime Minister Dr. Musadiq Malik, Secretaries of Finance and Interior Divisions, Chairman NADRA and senior officials. The Somali side included Minister of State for Interior Abdullahi Farah Wehliye, Dr. Nur Derie Hersi, Head of ID project, Ambassador Khadija Mohamed Almakhzoumi and their senior officials. As part of the initiative, National Database and Registration Authority (NADRA) will develop and supply technology, software and equipment to enable the Government of Somalia to have a state-of-the-art national data and citizen registration system. The ‘knowledge and technology’ transfer will also help Somalia in Border Management and Elections Management system. The Somali State Minister for Interior Abdullahi Farah Wehliye thanked the Government of Pakistan for its assistance in development of National ID System of Somalia. Underscoring Pakistan-Somalia friendly relations, the State Minister said that opening of Pakistan’s Embassy in Mogadishu would further strengthen the friendly relations of the two countries. Minister for Finance Dr. Miftah Ismail reciprocated the warm sentiments of the Somalian Minister and said that Pakistan valued its ties with the Government and people of Somalia. A statement from the PM Office termed the signing of the NADRA contract a great significance and said it would help in further enhancing bilateral relations between the two countries. The project complements the Government’s “Look Africa” policy for enhanced engagement with the African continent, the statement said.
-
Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan, Shahid Khaqan Abbasi ayaa maanta goobjoog ka noqday heshiis ku kacaya 10.5 milyan oo dollar oo ay kala saxiixdeen dalkiisa iyo Somalia, kaasi oo Soomaaliya looga caawinayo dhisidda habka keydka aqoonsiga dadweynaha. Soomaaliya ayaa waxaa heshiiskan goobjoog uga ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Cabdullaahi Faarax Wehliye, madaxa mashruuca kaarka aqoonsiga Dr. Nuur Diiriye Xersi iyo safiirka Soomaaliya ee Pakistan Khadija Maxamed Almakhzumi. Heshiiskan ayaa dhigaya in maamulka diiwaan-gelinta iyo keydka qaranka Pakistan ee NADRA ay Soomaaliya u hormariyaan taknoolajiyad iyo qalab awood u siinaya dowladda inay yeelato xarunta keydka iyo diiwaanka xogta dadweynaha. Barnaamijkan ayaa sidoo kale Soomaaliya ka caawinaya maareynta doorashooyinka. Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa Pakistan uga mahad-celiyey inay Soomaaliya ka caawineyso habka kaarka aqoonsiga. Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in furitaanka safaaradda Pakistan ee Muqdisho ay sii xoojin doonto xiriirka labada dal. Haddii qorshahan si rasmi ah loo dhameystiro, dowladda Soomaaliya ayaa awood u yeelan doonta in dhammaan aqoonsiga dadweynaha ku hayso keyd computer, taasi oo fududeyn karta doorashooyinka qof iyo cod, gacanna ka geysan karta sugidda amniga.
-
Djibouti may not quite be the “Singapore of Africa” yet, but the Horn of Africa’s smallest country still plays an oversized role in global affairs by providing valuable real estate to foreign militaries and positioning itself as a crucial waypoint for maritime trade. A highly strategic location has helped Djiboutian president Ismail Omar Guelleh attract significant investment and bilateral engagement from both the United States and China. Source: Hiiraan Online
-
Kenya is toughening its stance against foreign workers, moving to tighten the issuance of work permits and digitizing the records of thousands of expatriates. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland ayaa amarro adag ku soo rogay shacabka gobolka Sool, gaar ahaanna magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi. Wareegto ka soo baxday guddiga Golayaasha Somaliland oo lagu socod-siiyay laamaha Amniga ee Somaliland ugu magacaaban gobolka Sool ayaa gebi ahaanba lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada Laascaanood,marka laga reebo ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan,sidoo kale shacabka degmadaasi ku dhaqan ayaa lagu wargeliyay in aysan qabsan Karin wax shirar ah oo aan la soo ogaysiin mas’uuliyiinta Somaliland ee gobolka. Awaamiir ka kooban lix qodob ee uu soo saaray guddigaan ayaa dhinaca kale shacabka degmada Laascaanood looga digay in ay sameeyaan wax kacdoon ah oo lagu diiddanyahay maamulka Somaliland,waxaana amar lagu siiyay in ay gawaarida ku xidhan taarikada Somaliland,iyadoo tallaabo adag loogu hanjabay cid kasta oo jebisa qodobada warqaddaan ku xusan. Go’aannada ay soo saartay Somaliland ayaa ku soo beegmay maalmo uun kadib markii qaar kamid ah cuqaasha gobolka Sool ee ku sugan magaaalada Laascaanood ay maamulkaas ugu baaqeen in uu ka baxdo degaannada uu ka joogo gobolka,islamarkaana ay madaxweyne Biixi ku eedeeyeen in uu colaad ka hurinayo magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba gobolka Sool. Dhinaca kale go’aannadan ayaa ku soo aaday xilli maanta dowladda Puntland ay awaamiir adag ka soo saartay mas’uuliyiinta iyo ciidamada u dhashay gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee ka tirsan Somaliland,iyadoo Puntland ay sheegtay in dil-toogasho ah lagu fulinayo,hantidiisana ay dowladdu la wareegayso qofkasta oo lagu helo in uu gacan-siiyay Somaliland. Halkaan ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Somaliland oo amarro adag ku soo rogtay shacabka gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
The UAE is the safest country for women in the Middle East region, which will help in the growth of the country's wealth in the next 10 years, reveals a new report released on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Khilaaf cusub oo ka dhex taagan maamulka Galmudug ayaa soo shaac baxay iyadoo ay magaalada Muqdisho ka sheegeen in midowgii Ahlu suna iyo Galmudug la isku mari la’ yahay. Kulan ay xalay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mida madaxda Galmudug iyo xildhibannada maamulkaasi ayaa lagu caddeeyay inuu taagan yahay khilaaf ka dhex taagan Maamulka Galmudug, sida uu shaaciyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey. Khilaafka cusub ee Galmudug ayaa ka taagan qaabka isku darka Baarlamaanada Ahlu suna iyo Galmudug, waxaana mar kale kala taagan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo dhinac ah iyo Madaxweyne Xaaf iyo madaxda xukuumada Sheekh Axmed Shaakir oo dhinac kale ah. Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku doodaya in ay sharci darro tahay, lana dhinac maray Dastuurka Galmudug markii la isku daray Galmudug iyo Ahlusunna, iyadoo Madaxweyne Xaaf u iskiisa u bedelay Dastuurkii, waqtiga uu kororsaday. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu soo xalinayo khilaafka cusub ee ka taagan ee maamulka Galmudug. Wuxuuna intaas ku daray in Galmudug ay heystaan dhibaatooyin kala duwan. Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo muddo 4 sano ah kororsaday markii la sheegay in baarlamaanka Galmudug uu ansixiyey dastuur cusub ayaan wax hadal ah ka soo saarin arrintan, waxayna xaaladda u muuqataa in Galmudug ay mar kale cagta saartay khilaaf cusub. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Seven years after Kenya invaded Somalia to tame terror attacks in the Coast and Northeastern by al Shabaab, the army is still lodged in the country. The Kenya Defence Forces have had some ups and downs, but any plans to retreat are pegged back by unending volatility. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay in dacwadda badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya aysan waxba iska bedelin, aysanna jirin wax wadahadal ah oo labada dal ay ka leeyihiin arrinta badda. Wasiirka Gaashaadhigga Kenya, Moinca Juma oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay inay socdaan wadahadallo hoose oo Somaia iyo Kenya ay ka leeyihiin dacwadda u dhexeysa ee ku aaddan badda. Iyadoo sheegtay inay doonayaan inay si hoose ku dhameeyaan arrintan. Balse, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay Garsoorayaasha Soomaaliya ku metelaya dacwaddaas ay wadaan diyaarinta warbixin maxkamadda ICJ ay ka sugayso inay 18-ka bisha Juun ee soo socota hor-geeyaan, isla markaana wadahadal arrintan ay ka galayaan aysan jirin. “Dacwada Badda weli waa sideedii, wax iska bedelayna ma jiraan… Waxaana ku hawlahanay diyaarinta qoraal Somalia kaga sugayo, kaasoo maxkamadda aan horgeyn doonno 18-ka bisha soo socota,” ayuu Xeer-ilaaliyuhu ku yiri wareysi uu siiyay VOA-da isagoo ku sugan Gobolka Arizona ee Mareykanka. Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Qaranka ayaa la wedyiiyay go’aanka dacwaddan ee Dowladda hadda jirta, maadaama dacwaddan markii la gubdiyay ay jirtay dowladdii Xasan Sheekh uu hoggaaminayay, wuxuuna ku jawaabay. “Xukuumadda hadda jirta qorshaheeda waa uun midkii dowladdii hore, mana jiro wax isbedel ah oo arrinta badda ka yimid… waayo qareennadu waa kuwii hore, garsoorayaashu waa kuwii hore, wax walbana waa sidii hore, aniguna ma qabo in isbedel uu ka imaan doono dowladda hadda jirta.” Dhanka kale, Dowladda Kenya oo iyaduna dhinac ka ah dacwadda ayaa lagu wadaa inay qoraal horgeyso maxkamadda bisha December ee sannadka aan ku jirno, iyadoo markaas kaddibna maxkamaddu ICJ ay go’aan ka qaadan doonto dacwadda badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku dacwoonaysa in Kenya ay doonayso inay qaadato qayb ka mid ah badda Somalia, iyadoo Kenya ay dhankeeda ku dacwoonayso inay iyadu leedahay badda mar la eego dhanka xuduudda barriga iyo badda; balse waxaa arrintan go’aan kama dambeys ah ka gaari doonta maxkamadda cadaaladda dunida ee xarunteedu tahay dalka Netherlands. PUNTLAND POST The post Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay inaysan waxba iska beddelin Dacwadii Badda appeared first on Puntland Post.
-
Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya haysata ayaa ah halka ay dunida kaga taal, oo ah meel aad iyo aad muhiim ugu ah isu socodka gaadiidka badda. Ka sokow taas, Soomaaliya waxay leedahay xeeb aad u dheer oo kheyraad alle uu ku maneystay. Soomaaliya oo qaran ahaan dib u hana-qaadda, waxay dhibaato ku tahay dalal badan. Kuwa deriska, waxay ka baqayaan inay dib ugu sheegato dhulalka ka maqan, qaarkoodna waxayba hadda hamiyeen baddii. Kuwa kale ee aan xuduudda la lahayn Soomaaliya, sida Imaaraadka Carabta, waxay u arkaan in Soomaaliya ku tahay halis dhaqaale. Maxay ka cabsanayaan Imaaraadka? Inkasta oo Imaaraadka lagu tiriyo dalalka hodanka ku ah saliidda, haddana xaqiiqda ayaa ah in kaliya 5% dakhliga dalkaas uu ku tiirsan yahay saliidda. 95% dhaqaalaha Imaaraadka wuxuu kasoo galaa ganacsiga, gaar ahaan dekadaha, oo xarun ama marin ay kasii gudbaan u ah alaabta la geeyo dalal badan oo Carbeed iyo kuwa Afrikan ah oo u dhow. Haddii Soomaaliya ay noqoto dal dhisan, oo dekadihiisu shaqeynayaan, waxay halis ku tahay Imaaraadka, maadaama Soomaaliya ay ku taal meel ka muhiimsan Imaaraadka Carabta, dhul ahaanna aad ay ugu weyn tahay Imaraaadka. Goorma ayay billaabatay cabsida Imaaraadka? Kuwa sheegta inay caawiyaan Soomaaliya ee reer galbeedka, marna daacad kama ahayn, sidaas darteed Imaaraadku marna kama wel-welin in Soomaaliya ay dib qaran ay u noqoto. Hase yeeshee taasi waxa ay is-beddeshay markii Turkiga uu yimid Soomaaliya. Turkiga wuxuu muujiyey wax qabad dhab ah. Wuxuu dhisay iskuulo, garoomo diyaaradeed, iyo tan ugu walaaca badan Imaaraadka oo ah dekado. Markaas kadib Imaaraadku waxay dareemeen in Soomaaliya ay rajo leedahay, waxayna durba billaabeen faro-gelin. Sidee Imaaraadka ku yimid Soomaaliya? Imaaraadku waxa uu Soomaaliya kasoo galay halka ay ugu baylahan tahay, oo ah inuu ka taageerayo dhanka amniga, tababarka ciidamada iyo mushaharkooda. Intaas kadib wuxuu si tartiib ah ugu milmay siyaasaddii, kadibna ciidankiisa waxay noqdeen calooshood u shaqeystayaal ayaga un ka amar qaata. Waxaa xusid mudan in Turkiga marna uusan faro-gelin arrimaha siyaasadda Soomaaliya, uuna si isku mid ah ula dhaqmo qof kasta oo madax ka noqda dalka, tusaale Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Markii uu Imaaraadka faro-geliyey siyaasadda Soomaaliya, wuxuu isku dayaye inuu fuliyo laba qorshe, oo midka kowoaad yahay in la helo madax maamul goboleed, oo isaga hoos-taga, iyo madaxweyne guud oo magac u yaal un ah. Qorshaha koowaad waa hir-galay, kii labaadse weli waa lagu guuleysan la’yahay. Taas waa tan siyaasadda, balse waxa uu Imaaraadka sidoo kale isku dayay inuu dalka qabsado awood ahaan. Tusaale, wuxuu qorsheeyey inuu 8,000 oo askari oo ka kooban afar guuto ay u joogaan Muqdisho, si haddii siyaasadda shaqeyn weyso awood uu ugu maquuniyo. Ogow, ciidamada waxay wataan magacyo badan, qaarkood waxay ku magacaaban yihiin milatariga Soomaaliya, haddii xal kale la waayana waxaa loo rogi karaa hab qabiil, sababtoo ah odayaal qabaa’il oo badan oo Imaaraadka biil ka qaata ayaa jooga. Wuxuu sidoo kale xarumo ciidan ka sameystay Jubaland iyo Puntland, halkaasi oo uu ciidamo ku tababarayo. Dhinaca Koonfur Galbeed, wuxuu usoo diray nin Mareykan ah oo ayaga xiriir la leh oo lagu magacaabo Eric Prince, oo madax ka ahaa shirkadda Blackwater, kaasi oo ciidamo calooshood u shqeytayaal ahu diyaarinaya Imaaraadka iyo Shariif xasan. Muxuu yahay qorshaha guud? Qorshaha guud ee Imaaradka ayaa ah in marnaba Soomaaliya aysan noqon qaran isku filan, balse ay ka jiraan maamullo ayaga hoos-taga iyo dowlad dhexe oo aan dhaafsiisneyn Xamar, siyaasad iyo ciidan ahaan, inataba, dalkuna ku jiro sidaas muddo fog. Heshiisyada ay la galeen maamullada, waxay sidoo kale ka gacan siineysa inay gacanta ku hayaan dekedaha dalka illaa 30 sano, sida Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, taasi oo meesha ka saaraysa helistii uga iman lahayd dekedaha Soomaaliya. Si dhibaatada dalka usii socoto, waxay sidoo kale dhanka dhaqaalaha si dadban uga taageerayaan Al-Shabaab, ayaga oo iibsanaya dhuxusha, oo ah halka kaliya ee Shabaab dhaqaalaha ka hesho, inkasta oo QM ay mamnuucday dhoofka dhuxusha Soomaaliya. Yaa fulinaya qorshaha Imaaraadka? Qorshaha dhanka maamulo goboleedyada, Imaaraadku wax dhibaato ah kalama kulmin, oo waxay madaxdoodu noqden kuwa ay ku filan tahay lacagta, oo aan wax dan ah ka lahay aayaha dalkooda, iyo mustabalka jiilka soo koraya. Marka ay noqoto dowladda dhexe, Imaaraadka waxay qarash badan ku bixiyeen xilligii doorashada in Cumar Cabdirashiid ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur midkood uu noqdo madaxweyne. Labadan siyaasi, oo horey u iibsaday badda Soomaaliya, ayay ogyihiin inaysan lahayn wax damiir iyo dadnimo ah, oo dollar-ka uu uga weyn yahay wax kasta. Inkasta oo qorshahaas fashilmay, haddana Imaaraadka weli lacag ay ku bixiyaan labadan siyaasi, si gaar ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madax ka ah olole xooggan oo malaayiin dollar lagu bixinayo, oo ka dhan ah dowladda hadda jirta. Maxaa fashiliyey qorshihii Imaaraadka. Guushii doorashada ee madaxweyne Farmaajo, waxay fashilisay qorshihii Imaaraadka qeyb ahaan, waayo marnaba ma aysan fileyn inuu madax noqon doono. Waxay rumeysnaayeen haddii Cumar Cabdirashiid ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur la waayo, inuu soo laaban doono Xasan Sheekh, oo ay la macaamili karaan. Markii taas ay dhici weysay, waxay aamineyn in Farmaajo yahay Soomaali kale, oo lacagta ay ka adag tahay, ayna siyaasad ahaan beddeli karaan. Waa ay ku guul-darreystaan hamigaas, waxaana khilaafka labadada dhinac gaaray inay dalka ka baxaan, oo ciidamadii ay ku haysteen Muqdisho la kala diro, ama lagu daro ciidamada kale ee dowladda. Maxaa hadda yahay xaalka Imaaraadka? Imaaraadku weli kama quusan inay Soomaaliya kusii jirto xaaladda hadda ay ku sugan tahay. Inkasta oo qorshihii weynaa ee ahaa inay gacanta ku dhigaan hoggaanka dalka uu fashilmay, haddana weli waxaa hoos taga dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya. Ayaga oo ka gudbaya xeerarka caalamiga ah, ayay heshiisyo been ah kula wareegeen dhowr dekeadood, iskana dhego tireen dowladda federaalka, inkasta oo dastuurka dalka uu qorayo in dowladda dhexe ay maamusho dekedaha, garoomada diyaaradeed iyo dhammaan xuduudaha dalka. Waxay adeegsanayaan lacag aad u tiro badan, oo ay ku abuureen mucaarad badan, oo isugu jiro xildhibaano iyo siyaasiyiin uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo isna qortay dhallinyaro baraha bulshada ka jahwareeriya shacabka, oo dhowr kun oo dollar bishii loo qoray. Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed? Shacabka Soomaalida, waa inay ogaadaan in sida kaliya ee dalka lagu bad-baadin karo ay tahay isku duubnaan. Waa inay fahmaan in qabiilku yahay wax aan jirin oo ay ku adeegtaan siyaasiyiinta xil doonka ah iyo kuwa u adeega danaha dalalka kale. Waa inay fahmaan in mucaaradnimada dowladda iyo bad-baadinta dalka a kala tahay laba arrrin. Dowlad waa la mucaaradi karaa, balse ma ahan inaad dalkaada mucaaraddo. Waa in dadku ogaadaan in dowladda hadda jirta ay tahay mid joogaysa waqti kooban, balse dalku weligiis jirayo, sidaas darteedna ay dalkooda bad-baadsadaan. Waxaa macquul ah in kuwa badan ay taageersan yihiin Imaaraadka, ayaga oo aan fahamsaneyn waxa socda, ama ay marin habaabiyeen siyaasiyiin lacag la siiyey. Haddaad rabto inaad ogaato in Imaaraadka daacad ka yahay taageeridda Soomaaliya, waxaad la bar-bar dhigtaa Turkiga. Tukriga ma faro-geliyo arrimaha siyaasadda dalka, lama wareegin dekado, ma sameysan ciidan u gaar ah oo aan dowladd hoos iman, lamana macaamilin oo dalkooda uguma yeerin madaxda maamul goboleedyada. Maxaa intaas looga heli waayey Imaaraadka? Faalladii Caasimada Online
-
Garoowe (Caasimadda Onlin) – Duufaan ka kacday waqooyiga badda Hindiya ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illa 3 iyo 4 maalmood, duufaanta ayaa halis gelinaysaa maraakiibta iskaga kala goosho dalka Soomaaliya iyo dalalka gacanka , waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan. Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khaasaraha ka dhalan kara duufaanta la filaayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika. Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka, Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka. Khasarahii dhawaan ka dhashay duufaanta Somaliland Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxay sheegtay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan. Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo. Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal,Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Saylac Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayiranaa halkaasi laga daadgureeyay. Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi. Muqdisho Roobabka mahiigaanka ah oo maalmihii lasoo soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo naawixigeeda ayaa sababay dhimashada inta la xaqiijiyay lix qof iyo burburka boqolaal guri. Roobaabka ayaa dhaliyay faatahado guud ahaan gobolka, magaalada Muqdishu waxay fataahadaha saameeyeen xaafado dhowr ah wuxuuna sababay barakac ballaaran. Jabuuti Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen. Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka sugidda Amaanka Caasimadda ee SAMA ayaa Maanta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku khaarijiyay labo ka mid ah Maleeshiyaadka Kooxda Nabadiidka ee Al-shabaab oo ku hubeysanaa Bistoolado. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in inta Ciidamadda aysan tooganin Maleeshiyaadka ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan, balse Maleeshiyadii oo bastoolada ku habeysanaay ayaa dagaalamay, ugu dambeyntiina la toogtay, kuwaasi oo qorsheynayay in ay waxyeello u geystaan Dadka shacabka ah. Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada SAMA ee Amniga Caasimadda qeybta Suuqa Bakaaraha ay howlgal ku dileen shar-wadayaal nabad-diid ah oo falal amni darro ah faraha kula jiray, wuxuuna aad ugu mahadceliyay Ciidanka howshaasi fuliyay. Ciidamada amniga oo mar walba ku howlan inay ka hortagaaan kooxaha caadeystay inay dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kuwoodii ugu dambeeyay ay ka mid tahay dhacdadii Ciidamada Sugidda Amniga Casimadda SAMA qeybtooda Afgooye ay ku fashiliyeen gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey waxyabaha Qaraxa, kaasi oo Maleeshiyaadka Nabad-diidka Alshabab ay doonayeen in ay ku Gumadaan Shacabka Soomaaliyeed.
-
London (PP) ─ Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u yeelatay tababare cusub, kaddib markii uu ka tagay tababarahoodii hore Arsene Wengar oo soo laylinayay kooxda muddo 22-sano ah. Tababarihii hore ee Kooxda PSG iyo Sevilla oo ka kala dhisan dalalka Spain iyo Faransiiska, Unai Emery ayaa si rasmi loogu magacaabay tababbaraha cusub ee Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal. Twitter-ka Kooxda Arsenal ayaa lagu shaaciyay in Tababare Unai Emery uu yahay macallinka cusub ee Kooxda, isla markaana uu hormar weyn kusoo kordhin doono kooxda oo muddooyinkii dambe uu ku yimid hoos-u-dhac. Macallin Unai Emery ayaa laga dhex-xushay tababarayaashii u sharaxanaa inay layliyaan kooxda Arsenal, waxaana saacadihii u dambeeyay uu ahaa ninka loogu hadal heynta badnaa. Sidoo kale, Mikel Arteta oo horay ugu soo cayaaray Kooxda Arsenal ayaa markii hore loo waday in loo magacaabay, balse khibraddiisa shaqo ayaa waxaa ka hor-yimid maamulka sare ee Kooxda The Gunners. Dhanka kale, Tababare Unai Emery ayaa horay u soo Tababbaray Sevilla, isagoo saddex jeer isku xiga u qaaday koobka Europe League, sidoo kale wuxuu soo tababaray oo uu dhawaan kasoo tagay Kooxda PSG oo uu kula guuleystay Horyaalka League 1 iyo labo Koobka Faransiiska iyo kan Super Copa. Ugu dambeyn, Kooxda Arsenal oo muddooyinkii dambe hoos u dhac dhanka cayaaraha ah uu lasoo darsay, ayaa waxaa la filayaa inuu isbedel weyn ku yimaado xilli cayaareedka soo socda, inkastoo sannadkan aysan ka qayb-geli doonin koobka kooxaha Yurub ay ku hardamaan ee UEFA Champions League oo sidoo kale ay sannadkan aysan ka qayb-gelin. PUNTLAND POST The post Kooxda K/Cagta Arsenal oo Tababare cusub yeelatay kaddib markii uu ka tagay Wenger appeared first on Puntland Post.
-
ve years ago, Yusuf Shegow visited the ruins of the once-grand Al-Uruba hotel overlooking the Indian Ocean on Mogadishu’s waterfront. His grandfather had worked at a nearby hotel in the 1970s, and shared stories with Shegow of the diplomats and dignitaries who stayed there on frequent visits to the country then known as the “Switzerland of Africa”. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Barqanimadii Maanta ayaa gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha Magalada Muqdisho waxaa lagu toogtay laba Nin oo la sheegay in ay bustoolado ku hubeysnaayeen. Dad Goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidanka dharcadka ah ee ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya ay toogteen labo wiil,kuwaas oo markii hore lagu qabtay gudaha Suuqa. Mid ka mid ah Goobjoogayaasha ayaa sheegay in labada wiil laga shakiyay kaddibna ay ka xeeyeen Ciidanka Nabad sugidda ee dhar cadka ah. Intaas kaddib ayey labada wiil la baxeen Baskoolado iyada oo sidaas lagu toogtay labada will,waxaana intaas kaddib goobta gaaray saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya. In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn waxa ay ahaayeen ragga la toogtay ayaa hadana warar ay heshay Dalsan waxa ay sheegayaan in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Shalay ayey ahayd markii suuqa Bakaraaha lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada kaas oo ay dilkiisa sheegatay kooxda Daacish. Waxa sidoo kale Habeen hore la toogtay Askari lagu magacaabi jiray Xasan Sulub oo ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada ee Magaalada Muqdisho. Bishan Ramadaan waxaa Magaalada Muqdisho ku batay dilalka iyada oo Malainkasta Muqdisho ay ka dhacaan dilalka loo geysanayo dad kala duwan. Laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Howl-wadaag weli wax faah faahin ah kama bixin ragga bustooladaha ku hubeysnaa ee Maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha. Laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Howl-wadaag weli wax faah faahin ah kama bixin ragga bustooladaha ku hubeysnaa ee Maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka go’antahay in guud ahaan Gobolka Sool ay dib ugala wareegaan Maamulka Somaliland ee degaannada ugu badan ee Gobolka maamula. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga difaaca Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka go’antahay xoreynta Gobolka Sool. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa guddiga difaaca waxaa ay joojiyeen in shidaal loo gudbiyo dhinaca Soomaaliland, waxaa kale oo ay joojiyeen isku socodka shacabka deegaanka ay colaadu ka taagan tahay ee Tukeraq ee gobalka Sool Deegaankaan ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland. Haddaba halkaan hoose ka akhriso go’aanka culus ee kasoo baxay guddiga amniga ee Puntland
