Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga Ganacsatada xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa ka walaacsan hadal uu dhowaan sheegay madaxweynaha Kenya William Ruto, kaasoo ku saabsanaa dhismaha guryaha dhaadheer ee xaafadda. Maalintii Sabtidii, oo ay ku beegneyd sanadguurada 60-aad ee Ciidamada Cirka Kenya, ayaa munaasabadda dabaaldegga wuxuu Madaxweyne William Ruto ka sheegay inay tahay in sharciga la raaco marka guryo laga dhisamyo meel u dhow saldhigga ciidamada ee xaafadda Eastleigh. Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xerada militariga ee Saldhigga Moi oo ku taalla isla xaafadda. Wuxuu guddigu sheegay in loo baahan yahay in lakala saaro howlaha dhismaha ee sharciga ah iyo kuwa aan sharciga ahayn. Cumar Xuseen oo ah Xoghayaha Guud ee Guddiga Ganacsatada xaafadda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dadka guryaha dhista ay markii horeba soo maraan sharciga iyo maamulka magaalada Nairobi. “Hadalkan uu hadda madaxweynaha ku dhawaaqay iyo kii uu bil kahor jeediyay ee ahaa in dabaqyada guryaha la dhisanayo la gaarsiin karo 30 maaddaama dhulku ciriiri yahay, wuxuu ganacsatada ku keeni karaa walaac iyo in la dhibaateeyo oo la dhoho sharci maaha gurigan ee jooji” ayuu yiri. Cumar ayaa sheegay in ciidamada cirka ay madaxweynaha kala hadleen dhismaha dhaadheer ee laga ag dhisayo xerada militariga, si aan qalqal loo gelin xerada. “Ganacsatada Islii wya u hoggaansan yihiin sharciga, laakiin waxaan diidannahay in dadka la dhibo oo si aan sharciga waafqsaneyn loo soo maro oo wixii ay ku talogaleen qalqal laga geliyo. Waxaan rabnaa inaan madaxweynaha kala hadalno arrintan.” Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Islii Cabdiraxmaan Daahir oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu guddigu qabtay ayaa sheegay in dadka guryaha dhista ay raacaan sharciga, isla markaana ay tahay in hadalkan uusan saameyn iyaga. “Waxaan rajeyneynaa inaan xoojinno sida ay nooga go’an tahay raacidda tallaabooyinkan annagoo ku dhiirrigelineyna dhammaan dadka guryaha dhisa inay raacaan qorshooyinka la meel mariyay ee ay siisay dowladda hoose ee Nairobi” Ayuu yiri. Madaxweyne Ruto ayaa munaasabadda sanad-guurada Ciidamada Cirka Kenya oo ka dhacday Saldhigga Militaraiga ee Eastleigh ka sheegay in kadib la tashiyo ay dowladdiisa sameysay ay go’aansatay in lagu taagnaado in dadka guryaha dhisaya laga xaddido dabaqyada oo aysan ka dheeraan 12 dabaq. Arrintan ayaa loo aaneeyay xaafadda oo u dhow saldhigga ciidamada cirka, si looga fogaado khataraha ammaan ee ka imaan kara dabaqyada dhaadheer amaba inaysan diyaaradaha saameyn dhismaha dhaadheer. Bil kahor, Ruto ayaa booqday xaafadda Eastleigh wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ka qaadday xayiraadaha, isagoo sheegay in dadka guryaha dhisa ay xaq u leeyihiin in dabaqyada dhismaha ay Ruto ayaa sheegay in tallaabada looga gol lahaa in guryo badan loo helo bulshada aadka u koreysa ee magaalada. Balse wuxuu ka laabtay hadalkiisii hore, wuxuuna sheegay in dowladda oo la tashi la sameysay dowladda hoose ee Nairobi ay raaci doonto shuruucda lagu xaddidayo dhismooyinka dabaqyadana lagu soo koobayo 12. Dadka guryaha dhisa ayaa haatan ka walaacsan go’aannadan kala duwan, iyo inuu saameyn karo hadalkan dambe ee madaxweynaha, waxayna doonayaan inay kulan la yeeshaay dowladda hoose ee Nairobi, si ay u helaan xal, gaar ahaanna kuwa goor hore la ansixiyay qorsheyaashooda dhismaha guryaha dhaadheer. Bbcsomali Qaran News
  2. (ERGO) – Saido, 25, (her real name has been concealed for her privacy), is a distressed victim of skin bleaching products that have become widespread in many parts of Somalia, including in Qardho, Puntland, where she lives. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) - A devastating incident off the coast of Yemen has claimed the lives of at least 49 migrants, with 140 more reported missing after their boat sank on Monday, according to the United Nations' International Organization for Migration (IOM). Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu, Somalia – Officials from the Somali government issued an order late Monday permitting the exhumation of graves of individuals buried for decades at the Police School Academy, which people have been using as a cemetery. “The relatives of the deceased should remove the buried individuals from here within 10 days,” stated Mohamed Ahmed Diriye, the Deputy Mayor of Mogadishu. No further conditions for the grave exhumations have been announced by the government. On Tuesday morning, many gathered at the Police School Academy cemetery to retrieve their loved ones. They were instructed to obtain a certificate from the local government, costing $20-25, which posed a financial burden on the victims, already distressed about identifying the burial sites of their relatives. “I work as a construction worker, earning an average of $7 a day. I can’t afford to pay $25 to exhume my father, who was killed seven years ago in Mogadishu; he was a member of the government forces,” lamented one individual, recalling the sorrow of burying his loved one years ago. Another man in his 30s expressed to reporters that he could not afford the costs associated with exhuming the bodies buried there. “My father, who served the nation, my wife, and my younger child are buried here. I am tortured while I try to dig them out. And I am also a member of the government forces,” he said, desperately stating that he would sue the Armed Forces Court. Many people are unable to identify where their loved ones are buried and are confused about the bodies’ identities. They appealed to the government not to mistreat the remains. “I don’t know where he is buried. I am asking the government of Somalia, especially President Hassan Mohamud, not to throw his remains into the sea,” said a middle-aged woman, crying from sadness and anger. The Federal Government of Somalia has previously denied intentions to seize the cemetery at the Police School Academy. A famous comedian’s son, who exhumed his father’s body, claimed he did so voluntarily under government pressure. The government faces criticism for its handling and acquisition of public lands, perceived as creating economic benefits for those close to top officials. Prominent politician and MP of the lower house, Abdirahman Abdishakur Warsame, described the decision as undermining public trust in the government. “Trust is crucial between the people and the government. Without it, the government cannot function. The son of the late Abdi Muridi Dheere (AJAKIS) was coerced into denying that the government ordered the exhumation and wanted the land. Instead, he left on his own,” he stated. Warsame also criticized the clerics supporting the government’s stance. “Knowing they are not trusted, government leaders have enlisted clerics to gain trust. It’s regrettable that clerics become a channel for legalization.” Sheikh Abduqadir Somow, a moderate Sufi religious leader, condemned the government’s decision and criticized other supportive clerics. He likened the act to Al-Shabaab’s removal of Sufi priests’ graves, calling it a misunderstanding of religious fundamentalism. By Abubakar Mohamed Ali The post Grave exhumations spark public outrage in Mogadishu appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Jonas Gahr Støre. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Jonas Gahr Støre ay si gaar ah uga wadahadleen damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya. “Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xadgudubka Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha Norway dhibaatada ka dhalatay xadgudubka Itoobiya iyo dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Kulanka ayaa la sheegay in uu ku soo dhammaaday jawi isfaham iyo is-afgarad ah, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee labada dal. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh iyo Jonas Gahr Støre oo ka wadahadlay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka horyimid tallaabada ay qaaday dowladda federaalka, isla-markaana lagu soo faagayo qaabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa waxa uu ku sheegay inuu aad uga xumaaday in maydadka laga soo saaro qabuurahaasi kadib amarka kasoo baxay dowladda. “Waxaan aad uga xumahay arrinta dib u faagista qubuuraha Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku aasan yihiin dad badan oo shacab ah oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay lagu aasayay” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waxaan la dareen ah bulshada ay ehelkooda ku aasan yihiin qabuurahan ee hadda lagu qasbaayo in lasoo faago”. Shariif ayaa xusay in hadda aysan jirin baahi dhuleed oo ay qabto dowladda Soomaaliya, wuxuuna ayaan darro ku tilmaamay sida loola dhaqmayo maytada. Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ka ahayd ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay si sharci darro ah ku bixisay dhulal dan-guud ah iyo xeryo ciidan, haddana la’isla qaaday dhulkii qabuuraha. “Waxaa taasi kasii xanuun badan in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo bixineysa xeryihii ciidamada, dhulalka danta guud, kuna bixineyso hab aan waafaqsaneyn sharciga ay hadda kasoo yeerto dowladda in ay u baahato dhul ay ku aasan yihiin maydad muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan qaarkood awoodin in ay dib dib u aastaan maydadkooda” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay ka laabtaan go’aankan, isla markaana ay maareeyaan xaaladda ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya. “Waxaan mas’uuliyiinta dowladda usoo jeedinayaa inay hakiyaan fulinta go’aanka faagista qabuuraha, lana yimaadaan xal kale oo lagu maareynayo xaaladda taagan” ayuu ku daray. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta ehellada maydadka ku aasan halkaas ay bilaabeen inay kala baxaan, si ay meel kale ugu aastaan maydadkooda. The post Sheekh SHARIIF oo ka horyimid tallaabada ay qaaday DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka. Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha deg dega ah. Source: goobjoog.com
  8. Dowladda Malawi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay Madaxweyne ku xigeenkii dalka Malawi Saulos Chilima iyo 9 qof oo la socday in ay dhinteen ka dib markii ay la dhacday diyaarad ay shalay kala raceen magaalada caasimadda ah ee Lilongwe. Madaxweynaha dalka Lazarus Chakwera ayaa sidaasi sheegay. Haraaga burburka diyaaradda ayaa laga helay meel u dhow buur “taas oo gebi ahaanba burburtay” iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday, ayuu yiri. Burburka diyaaradda uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi cidina kam badbaadin, sida uu sheegay madaxweyne Lazarus Chakwera. Raadin qaadatay muddo ka badan 20 saacadood ayaa lagu helay diyaaradda oo ku bur burtay buuro ku yaalla Waqooyiga dalkaas. Diyaaraddan oo ahayd nooca ciiddamada waxa socday madaxweyne ku xigeenka, toddoba qof oo rayid ah iyo 3 askari. Cimilada oo xumaatay ayaa loo sababanynaa soo dhicista diyaaraddan. Source: goobjoog.com
  9. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen labada heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maaraynta Maaliyadda iyo Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya. Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hey’ahada dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay Dowlad-Goboleedyada Dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiiro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal. Source: goobjoog.com
  10. Mogadishu (HOL) - The Somali government has given residents a ten-day notice to exhume the bodies of their relatives from the School Policia cemetery in Mogadishu, where a navy camp will be built. Source: Hiiraan Online
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladdu ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee dowladaha shisheeye siiyaan ciidanka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliya ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka kooxaha argagixisada. Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hay’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada ay siiyo ciidanka Sooamaaliya, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay mideynayso tababarrada ciidan ee dowladaha shisheeye bixiyaan appeared first on Puntland Post.
  12. Beledxaawo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax bambaano ah oo xalay lagu qaaday guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab. Bam-gacmeed ayaa lagu dhuftay hoy uu magaaladaasi ka dagan yahay guddoomiyaha oo lagu magacaabo Cal Shire, waxaana ku dhaawacmay 1 askari oo kamid ah ilaaladiisa, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen jugta qaraxa iyo rasaas xigtay oo ay kadib fureen ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in ujeedka uu ahaa in la khaarijiyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada Beledxaawo. Weerarka kadib ciidamada ammaanka ayaa iyaguna sameeyay howlgallo baaritaano ah, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen weerarkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada, kan gobolka iyo saraakiisha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Gedo waxaa horay weeraro kala duwan uga fuliyay Al-Shabaab oo qarax ku dishay taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke iyo mas’uuliyiin kale oo ka howlgalayay gobolkaasi. The post Mas’uul ka tirsan maamulka GEDO oo ka badbaaday qarax lagu dili rabay appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta qabuuraha Iskuul Booliisiya ee magaalada Muqdisho buux dhaafiyey qoysaskii ugu badnaa oo baadi goobaya maydadka dad ehelladooda kamid ah oo sanado kahor lagu aasay dhulkaas oo ay hadda dib u dhisaneyso dowladda Soomaaliya. Arrintan ayaa timid kadib markii uu shalay amar guud kasoo baxay dowladda, kaas oo lagu faray ehellada inay maydadka muddo 10 cisho ah ugala baxaan halkaasi, ayada oo sababta lagu sheegay in dowladdu ay usoo baahatay dhulkaasi. Qaar kamid ah dadweynaha tegay qabuuraha ayaa walaac ka muujiyay amarka dowladda, waxayna sheegeen in uu yahay mid aan laga fiirsan oo ay si wayn uga naxeen. Sidoo kale dadkan ayaa qaarkood tilmaamay inay mar kale la mururgoonayaan xanuunka iyo tiiraanyada dadkii ay jeclaayeen oo ay sanado dheer kahor aaseen, balse haatan mar kale dib loo soo saarayo maydadkooda. Waxa kale oo ay dadkan markii ay tageen goobta la kulmeen arrin kale oo cusub oo ah inay bixiyaan lacago tiradooda lagu sheegay 20 dollar iyo inay warqad ogolaanshaha kasoo qaataan maamulka gobolka, sida ay ku warrameen qaar kamid ah ehellada oo tegay qabuuraha. Dadkan ayaa sidoo kale ku dooday in aysan wada awoodin lacagtan, ayna dalbanayaan in loo ogolaado inay la baxaan maydadka, si ay meel kale ugu aastaan. “Saaka ayaan imaanay waxay na dheheen warqad ka doonta Gobolka Banaadir, dowladda amarkeeda lama diidi karo, laakiin waxaan ka codsaneynaa inay warqaddaas nagadhaafto” ayay tiri gabar kamid ah ehellada tegay qabuuraha. Tan iyo markii uu soo baxay go’aankan waxaa si weyn uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ayada oo badankooda muujiyeen sida ay uga xun yihiin tallaabadda dowladda qaaday, xilli la heli karay dhul kale oo dowladda danaheeda ku fushato. The post Daawo: Qoysaskii tegay qabuuraha Iskuul Booliisiya oo arrin aysan fileyn la kulmay appeared first on Caasimada Online.
  14. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/GacanlibaaxBoolis.mp4 Qaran News
  15. Makkah (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinte XFS Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wasiirka xajka iyo cumrada dowladda Sacuudiga Towfiiq Binu Fowsaan. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya. Wasiirka Mukhtaar Roobow oo uu wehliyo madaxa xafiiska arrimaha xajka wasaaradda awqaafta Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed. Tirada Xujeyda Soomaaliyeed ayaa hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol, taas oo ka dhigan in Sacuudigu u aqoonsan yahay bulshada Soomaaliyeed inay tahay 12 Milyan. “Waxaan u sheegay wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka badan tahay intaas balse aan tira koob lagu sameyn waqti-dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta. Wasiirka Xajka iyo Cumrada dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixisay adeegga xajka, isagoo ballan-qaaday in ay kala shaqeyn doonto sidii loo sii hormarin lahaa. Dalabkan cusub ee wasiirka u gudbiyay Sacuudiga ayaa imanaya xilli ay Xujeyda Soomaalida qaarkood ay cabasho ka muujiyeen adeegga Xajka ee dowladda wakiilka uga tahay wasaaradda awqaafta. Qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cawday adeeg xumo ay sheegeen in mas’uul ka tahay dowladda, kuwaas oo ay kala kulmeen goobihii la dajiyay Xujeyda qaar ayaa sheegay in hoteelo fiican aan la dejin, islamarkaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay. The post Soomaaliya oo dalab cusub u gudbisay Sacuudi Carabiya xilli ay cabasho taagan tahay appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu, Somalia – The Somali Police Force has announced a significant breakthrough in law enforcement, with the capture of an organized bandit network on Monday. Through their official Facebook page, the police shared details and photos of 16 suspects implicated in various crimes, notably including public robbery and murder. Among the accused are individuals reportedly linked to the Somali army and other criminal gangs who have obtained weapons through illicit means. “Banadir Regional Police Command, in collaboration with other key security agencies and the Banadir Regional Administration, conducted a coordinated operation across several districts, including Dharkeynley, Wadajir, Garsbaaley, and Yaqshid. As a result of these efforts, 16 suspects have been apprehended. These individuals are allegedly involved in serious crimes such as homicide, assault, and robbery, operating within organized networks,” the police said. Accompanied by brief descriptions of each suspect’s weapon and identity, the released photos have evoked mixed emotions within the city, which is still recovering from decades of conflict. The community in the capital has commended the recent police efforts for enhancing citizen safety, promoting good conduct, and restoring law and order. One resident, speaking anonymously, expressed satisfaction with the determined approach taken by law enforcement, emphasizing the importance of addressing threats to peace and stability posed by criminal elements. However, there are concerns about the judicial process, with doubts raised regarding the likelihood of the accused being brought to trial. Some residents lament the lack of transparency surrounding legal proceedings, suggesting that many cases are resolved quietly without public scrutiny. As the Somali Police Force commemorates its 81st year next December, it appears committed to revitalizing its core mission. A message posted on Facebook encourages citizens to report any criminal activities or suspicious individuals promptly to ensure the safety and security of all residents. “For the safety and security of citizens, it is urged that any encounters with criminal activities or individuals suspected of such actions be immediately reported to the Emergency Office at 991 or via email at banadir@police.gov.so.” Despite proactive outreach efforts, there are ongoing concerns about the responsiveness of police services to citizen inquiries and requests for assistance. Addressing these concerns will be crucial in fostering greater trust and collaboration between law enforcement agencies and the communities they serve. Abubakar Mohamed Ali The post Somali police capture organized bandit network appeared first on Caasimada Online.
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo baaxad leh oo ciidanka xoogga dalka ay fuliyeen, kaasi oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Howl-galladan ayay ciidanka ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelleda Dhexe, iyaga oo gacanta kusoo dhigay rag la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab oo basaasiin u ahaa. Ciidanka ayaa sidoo kale ku guuleystay in duleedka magaalada iyo waddooyinka soo gala ay ka saaraan miinooyin ay kooxda Al-Shabaab dooneysay in ay ku waxyeelleeyaan dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan. Soo qabashada raggan ayaa timid kadib markii ciidanka xoogga dalka uu helay xogta ah inay jiraan xubno si hoose ula shaqeeya kooxda, iyada oo ciidanka gacanta kusoo dhigay qaar ka mid ah jawaasiista argagixisada ee halkaasi ku dhuumaaleysanayo. Dagaalka Al-Shabaab oo dib boorka uga jaftay dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe lagu laayay maleeshiyaad Shabaab ah, ayada oo laga xoreeyay kooxda deegaano cusub. Shalay ayey aheyd markii ciidanka kumaandooska ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ay kooxda ka xoreeyeen deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Buulo-Xaaji, ayada oo sidoo kale howl-galkaas ay ciidanka ku bur-buriyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab baada uga qaadi jireen dadka shacabka ah. The post Xogta basaasiin Al-Shabaab ah oo ciidanka dowladda usoo gacan galay appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabasho xooggan ayaa ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho kadib markii dowladda Soomaaliya muddo 10 cisho ah u qabatay dadka eheladoodu ku aasan yihiin inay meydadka ugala baxaan. Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in dhulkaan loo adeegsan doono howlaha danaha qaranka, iyagoo cadeeyey in dhulkaas la deji doono ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, midaasi oo fajaciso ku noqotay dad badan, xilli ay horey u beenisay arrinkaan. Tan iyo markii uu soo baxay go’aankan waxaa si weyn uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed, ayada oo badankooda muujiyeen sida ay uga xun yihiin tallaabadda dowladda qaaday, xilli la heli karay dhul kale oo dowladda danaheeda ku fushato. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cabdullaahi Maxamed Aadam: “Dawladda afkeeda iyo dhegaheeda isma maqlan shalay maxay lahaayeen maantana maxay noo sheegoyaan.” Cali Daahir: “Dadkii noolaa idinka baxsan waayay haddane dadkii hoygooda saxda ahaa ku jiraan wallee dowlad majirto.” Daahir Cumar Daadda ayaa waxa uu yiri “Halkaas ayey mareysaa, waxa qarsoon ayaa ka badan.” “Inta isku raacday in la faago kumanaan meyd ah ayagana ha sii ogaadaan in midaas iyo mid ka ihaano badan ay sugeeeyso markay dhintaan,” ayuu yiri Cabdulbaasid Sheekh Abuukar. Xafsa Cabdi Cali ayaa sidoo kale iyadna waxay tiri “Umadan mayna iimaan lahayn bisinkee. Ilaahay ka cabsada oo qalbiyada qaraabada dadka ilaaliya.” “Taariikh xumo iyo foolxumo bay ku dambaysay dowladdii,” ayuu yiri Maxamed Aadan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan. Maxamed Cabdiraxmaan: “Aduun nin joogo maxaa aragti ku laaban baan maqli jiray kawaran kuwa ku nool gobolada Soomaaliya ee eheladoda qubuurahaas ku xabaalan ee Xamar aan daganeyn tolow sidee dareemayaan kuwa Xamar jooga lamid iyagana wallaahi waa xanuun.” “Ceeblooma dhinto meedkii xitaa maka xishoo weysiin,” ayuu yiri Daahir Caruush. Xasan Waddani ayaa isna waxa uu yiri “Subxanallaah ma haddana dadkii dhintay maa loo soo dhigtay bal kawaran dadkii noolaa, aaway dadkii noolaa.” “Ciidamada markii hore ma laheyn miyaa dhul iyo xarun u gaar ah?,” ayuu yiri Maxamed Daahir Faarax. Siciid Ahmed Xirsi: “Dhulka dhan baa banaan ee booba dhul inta dadka dhintay qaburahooda la aadayo.” The post Sidee looga fal-celiyay go’aanka dowladda ee ISKUUL BULUUSIYA? appeared first on Caasimada Online.
  19. Puntland State President Said Abdullahi Deni took seriously the appeal of Puntland State Police Commissioner Brigadier General Mumin Abdi Shire, who brought to the government’s attention the state of the prison service in Puntland. Garowe (PP Comment) — The arrest of senior officers of the Puntland Military Court for releasing men suspected of piracy is unprecedented in the 26-year history of the first multi-regional, pro-union administration in Somalia. There was a concern in Puntland that piracy cells could might be plotting to resume kidnapping ships. The other important aspect of the swift action by Puntland law enforcement agencies against the suspects is that President Said Abdullahi Deni took seriously the appeal of Puntland State Police Commissioner Brigadier General Mumin Abdi Shire, who brought to the government’s attention the state of the prison service in Puntland after men sentenced to jail had been released to commit crimes again. If a convicted person who doesn’t serve a sentence is released without a presidential pardon, it is clear that lawlessness prevails. The crisis in the justice system of Puntland State (both civil and military) has its roots in the contradictions that emerged after the establishment of a hybrid, traditional-modern system of government, where customary law is deemed to complement the constitution of Puntland and the laws enacted by the Puntland State Government. That is partly why decentralisation has yet to take effect in Puntland despite a commitment to advocating and implementing a federal system throughout the Federal Republic of Somalia. The rift between the Puntland State Police and the Puntland Security Force accentuates the challenges the new administration faces. General Shire accused the PSF of targeting the Puntland State Police officers. Since the PSF is a legitimate but semi-independent security apparatus, it is unclear if the work of the police is being usurped by PSF operatives or if the rift pertains to an earlier conflict between the Puntland Presidency and the PSF leadership. In 2021, when the PSF and Puntland State Government forces clashed in Bosaaso, many people lost their lives over what could have been addressed through negotiations. Successive Puntland State Governments have been content with the status of the PSF as a force within and outside the Puntland system. That is how the PSF came into existence in 2002 as the Puntland Intelligence Service (PIS), long before Al-Shabaab and other transnational militant outfits emerged in Somalia. The hybrid political system does not only limit the constitutional powers of the Puntland State President but also undermines good governance and the administration of justice, leading to the decay of Puntland State institutions. It has already outlived its usefulness. © Puntland Post, 2024 The post Puntland State of Somalia Enforces Accountability in the Military Court appeared first on Puntland Post.
  20. Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudiga mudane Towfiiq Binu Fowsaan. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, in xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeeg aad u sarreeya. Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Awqaafta Dr Khadar Xaaji Daahir ayaa wasiirka Xajka Sacuudiga la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in la kordhiyo tirada xujeyda Soomaaliyeed oo hadda ah kaliya 11 kun iyo shan boqol taas oo ka dhigan in sacuudigu u aqoonsan yahay bulshada Soomaaliyeed in ay tahay 12 Malyan. “Waxaan u sheegay Wasiirka in bulshada Soomaaliyeed ay ka Badan tahay intaas balse aan Tira koob lagu sameyn waqt dhow, tusaalena waxaa noogu filan markii ugu dambeysay ee tirakoob lagu sameeyo bulshada Soomaaliyeed qoyska reer Roobow waxaa uu ahaa 12 ruux maantana boqol ayuu kor u dhaafay” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar. Wasiirka Xajka iyo Cumrada dowladda Sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliyeed ku amaanay dadaalka ay ku bixisay hagaajinta xajka isagoo ballan qaaday in ay kala shaqeyn doonto sidii loo sii hor Mari lahaa. Source: goobjoog.com
  21. Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa ka hortimid go’aankii ay shalay soo saartay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, kaas oo lagu amartay shirkadaha isgaarsiinta in ay joojiyaan dhisidda taawarrada inta laga hubinayo waxyeello ay u geysan karaan degaanka iyo bulshada. Warqad ka soo baxday wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa lagu sheegay in shaqada isgaarsiinta ay leedahay wasaarada warfaafinta iyo isgaarsiinta, sidaas darteed khataraha deegaan iyo caafimaad ee ka iman kara qalabka iyo shaqooyinka isgaarsiinta ay kawada xaajoonayaan wasaaradda, shirkadaha isgaarsiinta iyo cidda khatartaas dareemaysa ama ka cabanaysa. PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiirka warfaafinta oo ka horyimid go’aankii wasiirka deegaanka appeared first on Puntland Post.
  22. Afar macalin oo Mareykan ah oo wax ka dhiga jaamacad yar oo ku taal Magaalada jilin ee bariga Shiinaha ayaa tooray lagu weeraray sida ay warinayso warbaahinta dalka maraykanku, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray. Mid kamida ehelada dhibanayaasha ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in walaalkii uu ka mid ahaa dadka waxyeeladu gaartay, kuwaas oo dhamaantood ka tirsanaa Koleejka Cornell. “Walaalkey David Zabner ayaa ka dhaawacmay gacanta intii lagu jiray weerar mindi ah oo lagu soo qaaday isagoo booqanaya macbad ku yaal magaalada Jilin ee Shiinaha,” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray in Kooxdu ay booqanayeen macbad ku yaal Beishan Park markii uu nin mindi ku weeraray. Muuqaal laga soo duubay dad dhulka jiifa oo ku jira beer lagu nasto oo wada dhiigaya ayaa ku wareegayay baraha bulshada gaar ahaan X, inkastoo aysan jirin wax calaamad ah oo sawirada lagu arkay baraha bulshada ee Shiinaha. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Shiinaha ama warbixinnada laga helay warbaahinta Shiinaha, lamana oga sababta weerarkan ka dambaysa. Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre. Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka mahad celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taas oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballanqaadey in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya. Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah. Source: goobjoog.com
  24. Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre. Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida dowladda federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka. Waxaa sidoo kale uu madaxweynuhu ka mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballan-qaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya. Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Norway ku jooga booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah, ayaa sidoo kale waxa uu qasriga boqortooyada Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus. Safarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Norway tan iyo markii dib loo doortay ee 15-kii May 2022, wallow uu safaro kala duwan ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub. The post Xasan oo ballan-qaad muhiim ah ka helay Norway kadib kulan ka dhacay Oslo appeared first on Caasimada Online.