-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho lagu shirinaayo Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka. Shirkaan oo ka duwanaan doona kuwii hore ayaa waxa uu qorshuhu yahay in Hogaamiyayaasha maamulada looga tiro aaminaanshiyaha Imaaraadka Carabta ee uu Khilaafka kala dhexeeyo Somalia. Qorshaha ugu weyn ee shirka ayaa ah sida maamulada ka jira dalka ay u qaadan lahaayen fakirada Dowlada isla markaana ay qeyb uga noqon lahaayen go’aanada Dowlada. Dowlada Somalia ayaa caqabado kala duwan kala kulmeysa Hogaamiyayaasha maamulada oo intooda badan garab u noqday Dowlada Imaaraadka oo si cad uga soo horjeedo hanaqaadka Somalia. Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in Dowlada Federaalka ay Hogaamiyayaasha maamulada gaarsiisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku qabato Shirka walow aan wali loo sameyn cayimaad. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaa aad uga didsan qodobo laga soo saaray shirka Hogaamiyayaasha maamulada ugu soo xirmay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Ma cadda saameynta uu Hogaamiyayaasha iyo maamuladooda ku yeelan doono shirka ay qorsheyneyso Dowlada ee culeyska lagu saarayo Imaaraadka carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir oo ka tirsan BFS la dhigay isbitaal ku yaalla dalka Turkiga. Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir lagu sameeyay qaliin dhanka dhabarka, kadib markii uu kusoo kacay xanuun hore. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Xildhibaan Faarax uu hadda yahay mid ay xaaladiisu wanaagsan tahay, hase ahaatee uu weli ku jiro isbitaalka lagu qalay. Waxa uu intaa ku daray in si gaara qaliinka loogu sameeyay Sinta, balse uu iminka caafimaad ahaan yahay mid aad u wanaagsan, sida uu haddalka u dhigay mudanaha aan xogtaani la wadaagnay. Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir, ayaa waayadaani ku sugnaa dalka Turkiga, gaar ahaan Hooyga uu dalkaasi ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay aad isugu dhow yihiin. Mas’uuliyiinta ka tirsan guud ahaan Dowlada ayaa inta badan howlahooda caafimaad u aada dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Turkiga iyo India oo Siyaasad ahaan ay isku dhow yihiin Somalia. Ma aha markii ugu horeysay oo Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir uu arrimo caafimaad u tago dalka Turkiga, hase ahaatee wareegaani uu galay qaliin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka oo ku shirayay dalka Turkiga ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidammo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta. Shirkan degdega ah ee madaxdaasi yeesheen ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidammada Israa’iil ay dileen ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo maalintii Isniinta ku dibadbaxayay xadka Israa’iil ee Qasa. Bayaan ka soo baxay dhammaadkii shirka ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa lagu eedeeyay Israa’iil inay si arxandarro ah u laysay shacab Falastiiniyiin ah. Ururkan oo ay ku midoobeen 57 dal ayaa waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah waxa ayna ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya. Bayaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qeybqaatay dilalka loo gaystay Falastiiniyiinta iyo inuu dowladda Israa’iil ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus. Israa’iil ayaa ururka Xamaas oo maamula Marinka Qasa ku eedaysay inay soo abaabusho dibadbaxyada iyo dadka rayidka ahna ay u horseedayaan halis.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ka jirto cabsiyo laga qabo in bisha ramadaan ay weeraro geystaan maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in aad loo adkeeyay amniga afar Hoteel oo ku yaala magaalad Muqdisho. Hoteelada amnigooda aadka loo adkeeyay ayaa waxaa kamid ah Jazeera, Makka al-Mukarama, Hayat iyo SYL oo dhamaantooda ay degan yihiin mas’uuliyiinta ugu badan ee xilal sare ka heysa Dowlada. Hoteeladan ayaa waxaa degan Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, Ajaaniib iyo Madax kale, waana Hoteelada ugu khaalisan magaalada Muqdisho, marka la barbar dhigo kuwa kale. Afafka hore iyo Gudaha Hoteelada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo farabadan kuwaa oo bisha Ramadaan aawgii loogu kordhiyay Ilaalada Hoteelada. Qeybaha Sare iyo qeybaha dhexe ee dhismaha Hoteelada aan kor kusoo xusnay ayaa waxaa ka dhex muuqda ciidamo gaafmeer ah. Waxaa xusid mudan in amniga Hoteelada ay ka qeybqaadanayaan Ilaalada Wasiirada iyo Xildhibaanada degan Hoteelada, kuwaa oo aan horay uga qeybqaadan jirin sugida amniga Hoteelada ay degan yihiin. Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa aaminsan in Bisha Ramadaan ay uga ahmiyad badan tahay bilaha kale, waxa ayna qaadan weerarada ugu badan oo ay ku daadiyaan dhiiga dadka sooman. Maleeshiyada ayaa horay u sheegtay in Bisha Ramadaan ay geysan doonaan Weeraro hor leh, kuwaa oo ay ku qaadan Hoteelada, Baararka iyo Goobaha ay ku badan yihiin shacabka Sooman. Si kastaba ha ahaatee, inta badan Hoteelada iyo Xarumaha Dowlada kuwooda muhiimka ah ayaa aad loo adkeeyay amnigood, sababo la xiriira cabsi dhanka amaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tensions between Somalia and the self-proclaimed independent Somaliland have flared up following a new tripartite deal between the United Arab Emirates (UAE), Ethiopia and Somaliland over Berbera Port. This takes place against the backdrop of fragile federal unity and the Somali government’s refusal to side with the UAE in its dispute with Qatar. Source: Hiiraan Online
-
Dubai’s state-owned DP World agreement with Somaliland and Ethiopia to manage the Berbera port for the next 30 years or more ... Source: Hiiraan Online
-
Nairobi - Authorities in Puntland, a semi-autonomous region in Somalia, should immediately release journalist Ibrahim Obo Daud, also known as Suldan Godogodo, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [axmed Madoobe], ayaa ku laabtay Kismaayo ayaa sheegay inuu u arko dowladda Farmaajo inay hayso waddadii dowladdii Xasan Sheekh uu hoggaamain jiray. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka madaxda maamulada dalka uu ku soo dhamaaday guul isgaoo tilmamay inuu ahaa mid laga gaaray ujeedkii laga lahaa shirka. Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in shirkaasi uu lahaa muhiimad gaar ah oo la xiriirta dhamaystirka madasha maamullada dalka ka jira oo ahayd arrin dastuuri ah. Mudane Axmed Madoobe, ayaa tilmaamay in ay ku dhiiri-geliyeen dowladda dhexe ee Somalia inay kasoo baxdo heshiisyadii la xiriiray hanaanka dhismaha Amniga Qaranka oo xoraynta wadanka iyo sugida amnigiisa muhiim u ah. Isagoo sii hadlaya ayuu xusay in Dowladda Soomaaliya laga doonaayo inay go’aan ka gaarto amnigeeda waxa uuna cadeeyay in maalin waliba Somalia loo qabto shirar dhanka amaanka ah, hadana ay dowladu tahay mid aan waxba ka kororsan. “Xukuumadda hadda jirta waxay ku mashquushay dowlad-goboleedyada ka jira dalka, taasina waxay keeni kartaa arbushaad dhanka siyaasadda ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo. Dhanka kale, Axmed Madoobe wuxuu tusaale u soo qaatay Dowladdii Xasan Sheekh oo uu sheegay in labadii sano ee ugu horaysay ay dagaalka Dowlad-goboleedyada kaga qasaartay dowladda maantana ay waddadiaas hayso. Dowlada Federaalka ayuu uga digay in khilaafka Khaliijka oo Somalia loosoo raro ay tahay musiibo aan waligeed laga soo kaban karin loona baahan yahay in Dowladdu ay raacdo hanaan dhexdhexaad ah. Ugu dambeyn, Haddalka Axmed Madoobe ayaa mid loogu goodinayo DFS ee hadda jirta, wuxuuna haddalkiisa imaanayaa xili ay soo baxayaan mucaarad kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe, kaasoo ay taageerayso Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo sheegay in Dowladda hada jirta ay ku socoto Waddadii Dowladdii Hore appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa gacanta ku dhigay ruux weerar Bambaano ku qaaday Maqaaxi ay ka afurayeen dad shacab ah oo ku taala magaalada Baydhabo. Ruuxan gacanta lagu dhigay ayaa waxa uu weerarka Bambaano ka geystay Maqaaxi ku taala xaafada Onodka ee magaalada Baydhabo, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ayaa lagu qabtay. Dadka ku afuraayay Maqaaxida la weeraray ayaa waxaa kamid ahaa askar ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ku dhaawacmay inkabadan Shan ruux. Ruuxa loo qabtay weerarka ayaa kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana iminka la dhigay Xabsiga weyn ee magaalada Baydhabo. Sidoo kale, Ruuxan loo qabtay weerarka ayaa tilmaamay in ujeedkiisa uusan aheyn dhibaateynta askarta balse uu beegsanayay dadka kale ee caadiga oo uu sheegay in ay ka horjoogsadeen kaarka lagu bixiyo raashiinka. Ruuxan oo markii hore looga shakiyay Shabaab ayaa wuxuu sheegay inuusan jirin urur uu ka tirsan yahay balse falkan uu geystay ay ka keentay oo keliya ciil uu isbaday, oo ku wajahan dadka u diiday kaatka. Si kastaba ha ahaatee, Ruuxaani ayaa lagu wadaa in loo dhaadhiciyo Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee magaalada Baydhabo, si looga abaalmariyo falka uu geystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xabsigii mudada dheer la galiyay Nelson Mandela ayaa ahaa dhacdadii ugu weyneyd Afrika qarnigii lasoo dhaafay, iyada oo maalinkii laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Cape Town uu ahaa warkii ugu weynaa ee xilligaas dhacay. Balse qisadaasi waxaa qeyb ka ahaa nin Soomaali ah oo mas’uuliyadiisa ay ahayd in xoriyadiisa uu dib u helo Mandela, islamarkaasna uu waanwaan dhexdhigo dadka madoowga iyo kuwa caddaanka ee dalka Koonfur Afrika. Cabdirixiim Caabbi Faarax, oo dhawaan geeridiisa lasoo xaqiijiyay, ma ahayn nin Soomaalida oo kaliya dhexdooda caan ka ahaa, balse waa dadka tirada yar ee Soomaaliyeed ee magaca weyn ku dhex lahaa beesha caalamka. Muddo dheer ayuu u shaqeeyay Qaramada Midoobay, isaga oo ka gaaray illaa heerka ku xigeenka Xoghayaha Guud. Waxyaabaha aadka loogu xusuusto Danjire Cabdirixiin waxaa ka mid ah markii Qaramada Midoobay u magacoowday guddoomiyaha guddigii la dagaalanka midab kala sooco, kaas oo loo xil saaray arrimihii ka taagnaa dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka jirtay dowlad ku dhisan midab takoor, wuxuuna guddiga markii dambe ku guuleystay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah ee dalkaas. Isagoo ahaa ergeygii joogtada ahaa ee Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobe, Mudane Caabbi waxa uu beesha caalamka ka dhex noqday shaqsi saamayntiisa aad u badantahay. Laga soo bilaabo sanadkii 1979-kii illaa 1990-kii waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuu noqday shir guddoonka golaha ammaanka sanadkii 1972-dii, isaga oo sidoo kale Soomaaliya wakiil uga noqday Jaamacada Carabta, halkaas oo hormuud ka ahaa dadaalo waanwaan Bariga Dhexe oo kala duwan. Danjire Cabdirixiin waxa uu ifka kaga tagay 3 carruur ah. Mudane Caabbi waxa uu dhashay sanadkii 1919-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu aabihiis degey xilligii gumeysigii Ingiriiska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka talinayeen. Isaga oo 98 jir ah ayuu ku dhintay magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaas oo uu degenaa tan iyo intii uu hawlgabka noqday sanado badan ka hor. Cali Cabdi oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa murugo iyo tiiraanyo ka muujiyay geerida Caabbi. “Kaalintii uu ka ciyaaray adduunka, gaar ahaan Koonfur Afrika wuxuu ahaa mid weyn, qof wuxuu ahaa dadka kale la shaqayn kara, carruuraha waa in iskoolka loogu dhigaa taariikhdiisa,” ayuu yiri Cali. Duqa magaalada Vale Of Glamorgan Mr. Leighton Rowland ayaa sheegay in Dr Caabbi uu gaaray guulo aad u waaweyn oo nolosha ah, waxna ka qabtay arrimo badan “Soomaalida waxaa ka baxay hoggaamiye sare” ayuu intaas raaciyay. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Maxaad ka Taqaanaa Soomaaligii Gacanta weyn ka Geystay sii-dayntii Nelson Mandela? appeared first on Puntland Post.
-
LUSAKA, May 18 (Xinhua) -- Ministers of Justice and Attorney-Generals from the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA) on Friday adopted an agreement for accession of Somalia to the regional bloc's treaty. Source: Hiiraan Online
-
On Aug. 30, 2012, a skinny kid walked through a gate at Dulles Airport in Virginia, emerging onto a bustling concourse dotted with ATMs and gaudily-priced restaurants. Mohamed Hussein, known almost exclusively at Amherst as “Mo,” strode out of the airport and boarded a van bound for Western Massachusetts. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Roobab Duufaano wata oo ka da’ay deegaanada maamulka Puntland kuwaa oo geystay khasaaro dhimasho. Roobabka Duufaanada wata ee ku dhuftay Puntland ayaa waxaa ila iyo hadda la xaqiijiyay inay ku naf waayen ilaa 2 ruux oo shacab ahaa. Dadka ku naf waayay Roobabka Duufaanta wata ayaa la sheegay inay la socdeen gaari nuuca raaxada oo ay ku wateen meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Garowe, halkaa oo uu ku helay roob wata Duufaano. Guud ahaan ragga la socday Gaariga oo ahaa 5 Ruux ayaa maalinimadii shalay ka baxay magaalada Garowe, waxa ayna Roobabka ku haleeleen wadada. Seddex kamid ah dadkaasi ayaa lagu la’ yahay nolol iyo Geeri, halka labo kamid ah Meydkooda laga helay, sida uu xaqiijiyay Taliyaha saldhigga booliska degmada Carmo. Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya. Roobabka wata Duufaanada ayaa socon doona muddo Seddex cisho ah, waxaana aad looga digaya inay burburin iyo khasaaro dhimasho u geysato dadka ku nool deegaanada laga digay. Dhinaca kale, inta ugu badan dadka ku noolaa deegaanada looga digay Duufaanta ayaa ka barakacay Hooygooda, waxaana manta u bilowday Duufaan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Xabsigii mudada dheer la galiyay Nelson Mandela ayaa ahaa dhacdadii ugu weyneyd Afrika qarnigii lasoo dhaafay, iyada oo maalinkii laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Cape Town uu ahaa warkii ugu weynaa ee xilligaas dhacay. Balse qisadaasi waxaa qeyb ka ahaa nin Soomaali ah oo mas’uuliyadiisa ay ahayd in xoriyadiisa uu dib u helo Mandela, islamarkaasna uu waanwaan dhexdhigo dadka madoowga iyo kuwa caddaanka ee dalka Koonfur Afrika. Cabdirixiim Caabbi Faarax, oo dhawaan geeridiisa lasoo xaqiijiyay, ma ahayn nin Soomaalida oo kaliya dhexdooda caan ka ahaa, balse waa dadka tirada yar ee Soomaaliyeed ee magaca weyn ku dhex lahaa beesha caalamka. Muddo dheer ayuu u shaqeeyay Qaramada Midoobay, isaga oo ka gaaray illaa heerka ku xigeenka Xoghayaha Guud . Waxyaabaha aadka loogu xusuusto Danjire Cabdirixiin waxaa ka mid ah markii Qaramada Midoobay u magacoowday guddoomiyaha guddigii la dagaalanka midab kala sooco, kaas oo loo xil saaray arrimihii ka taagnaa dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay ka jirtay dowlad ku dhisan midab takoor, wuxuuna guddiga markii dambe ku guuleystay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela oo noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo madoow ah ee dalkaas. Isaga oo ahaa ergeygii joogtada ahaa ee Soomaaliya u qaabilsanaa Qaramada Midoobe, Mudane Caabbi waxa uu beesha caalamka ka dhex noqday shaqsi saamayntiisa aad u badantahay. Laga soo bilaabo sanadkii 1979-kii illaa 1990-kii waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Waxa uu noqday shir guddoonka golaha ammaanka sanadkii 1972-dii, isaga oo sidoo kale Soomaaliya wakiil uga noqday Jaamacada Carabta, halkaas oo hormuud ka ahaa dadaalo waanwaan Bariga Dhexe oo kala duwan. Danjire Cabdirixiin waxa uu ifka kaga tagay 3 carruur ah. Mudane Caabbi waxa uu dhashay sanadkii 1919-kii, wuxuuna ku dhashay dalka Ingiriiska, halkaas oo uu aabihiis degey xilligii gumeysigii Ingiriiska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay ka talinayeen. Isaga oo 98 jir ah ayuu ku dhintay magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaas oo uu degenaa tan iyo intii uu hawlgabka noqday sanado badan ka hor. Cali Cabdi oo ka mid ah jaaliyadda Soomaalida magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska ayaa murugo iyo tiiraanyo ka muujiyay geerida Caabbi. “Kaalintii uu ka ciyaaray adduunka, gaar ahaan Koonfur Afrika wuxuu ahaa mid weyn, qof wuxuu ahaa dadka kale la shaqayn kara, carruuraha waa in iskoolka loogu dhigaa taariikhdiisa” ayuu yiri Cali. Duqa magaalada Vale Of Glamorgan Mr. Leighton Rowland ayaa sheegay in Dr Caabbi uu gaaray guulo aad u waaweyn oo nolosha ah, waxna ka qabtay arrimo badan “Soomaalida waxaa ka baxay hoggaamiye sare” ayuu intaas raaciyay. ISHA BBC
-
This article attempts to answer what seems to be an old age question; How to tame Somalia's political conflicts? By exploring two themes. 1- Establishing constitutional order. 2- Ending the disastrous 4.5 system? But first a brief background on the recent political conflict and small tribute to one of its victims. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool una dhaxeeyo Dowladda Puntland iyo maamulka Somaliland. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka FS ayaa ka hadlay fatahaadaha ay sameeyeen webiyada dalka iyo dar-dar gelinta howlaha kal-fadhiga golaha shacabka Soomaaliya. Maxamed Mursal ayaa magacaabay guddi ka kooban sagaal xubnood kuwaas oo u kuur-galaya fatahaadaha webiyada iyo saameynta ay ka geysteen iyadoo laga sugayo inay warbixin ka keenaan xaaladda shacabka goobahaas ku nool. Xubnaha Guddigan ayaa waxaa guddoomiye ka ah, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somalia, C/wali Sh. Ibraahim Muudey, kuwaasoo laga sugayo in warbixinno ay ka keenaan hawlaha loo xil-saaray. Dhanka kale, Maxamed Mursal ayaa ugu baaqay dhinacyada ku deegaanka Tukaraq ku dagaalamaya in khilaaf walba oo jira wadahadal lagu dhameeyo, loona turo shacabka korkooda lagu dagaalamayo. Haddaba, AKHRISO: Wareegtada Magacaabidda Guddiga Fatahaadaha; PUNTLAND POST The post Guddi loo Magacaabay inay u Kuur-galaan Fatahaadihii ku dhuftay Gobollada Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Prime Minister Hassan Ali Khaire paid a visit to the Mogadishu Port on Friday to assess the operations development. Source: Hiiraan Online
-
Most of my friends roll their eyes these days if I mention the time I was kidnapped while reporting in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Captain (Dr) Robert Tsimba wears a stethoscope, attending to patients seeking treatment at a military camp in Somalia, but still tightly holds an M4 assault rifle. Source: Hiiraan Online
-
Welsh-born Somali diplomat Abdulrahim Abby Farah (R) who has died at home in New York worked to free Nelson Mandela (L) He was once described as the “Barry Boy that helped free Mandela”. Welsh-born Somali diplomat Abdulrahim Abby Farah who has died at home in New York aged 98 worked tirelessly behind the scenes at the United Nations . His death has prompted tributes from around the world. The early 20th century was not the easiest time to be born a Somali Welshman in a terraced street in Barry, but Abdulrahim Abby Farah’s family stood out as high achievers as Wales struggled in the aftermath of World War One. Racism and poverty were issues for many in the community, but from the small local primary he attended Abdulrahim used education to change his destiny and that of others far beyond Wales. Abdulrahim’s father Abby Farah, a Somali seaman, had crossed the world to work in Barry Docks in the late 19th century and set about becoming a community leader as well as encouraging his children’s studies. As a pupil at Gladstone Primary Abdulrahim did well and passed the 11-plus to attend Barry Grammar. From there he went on to study at Exeter College, Oxford before forging a career as diplomat for Somalia in the United Nations. As Permanent Representative of Somalia to the UN he was an influential figure in peace envoys to the middle east and worked to end apartheid. During 25 years with the UN he was Undersecretary General from 1979-1990 and chaired a special committee against apartheid which helped in the release of Nelson Mandela. When Somalia declared independence in 1960 he became ambassador to Ethiopia before moving to the UN as permanent representative of Somalia. He was also Minister of Agriculture for the self declared state of Somaliland and its representative on the Organisation of African Unity. From 1969 to 1972, the Barry-born diplomat was chairman of the UN Special Committee Against Apartheid, presiding over a special session of the United Nations Security Council in 1972. He also served as Somalia’s representative within the League of Arab States From 1979 to 1990 during which time he led several peace envoys, his family said. Abdulrahim’s great nephew Steve Khaireh himself such a successful community worker he was awarded an MBE, remembers him as a warm, unassuming man. “He did come back to visit and was last here in Barry two years ago,” says Steve. “He visited the community. He was very humble and straight forward and was always trying to encourage people. “In his job as a diplomat you do keep a low profile but he went all over the world on peace envoys. He was a big anti apartheid campaigner. “There is a sense of pride in the community for what he did. His funeral is being held in New York but we will be doing something in his memory here as well.” While tributes from around the world poured in on social media, with Cardiff community worker Ali Abdi led local tributes saying: “Very sad day for the Somali community. Abdulrahim Abby Farah was probably the most accomplished and decorated Somali diplomat.” The Vice President of the Republic of Somaliland Abdirahman Saylici paid tribute on Twitter saying: “Ambassador Abdulrahim was an outstanding and distinguished Diplomat from Somaliland. On behalf of Somaliland Government, I extend my deepest condolences to his family and friends. “ While his job as a diplomat meant much of his work was necessarily done behind the scenes his efforts to help free Nelson Mandela were celebrated by the Vale CVS charity as part of Black History Month in 2014 when the charity described him as a “Barry Boy that helped free Mandela”. During decades of service as a diplomat and at the UN he did far more than that, but it is for this that he may be best remembered. He is survived by his five children and at least three siblings including his brother Brian Farah who still lives locally, said his great nephew Steve. And while his achievements on the global stage stand out, Steve points out that two of Abdulrahim’s other brothers also studied at Oxford University while his father also received a MBE. Abby was known as “Father” to colonial seamen who visited Cardiff, Barry and Newport as he was the first point of reference for seamen who sought advice when they arrived in Wales. He founded “Cardiff and Barry Coloured Society” and the Domino Youth Club in Barry. Abby also became the president of the Colonial Club in Barry and went on to manage the Colonial Club in Cardiff. He was awarded the MBE by King George VI for his war time services to seamen. As Steve says, it is a family story that ought to be told and a piece of local history that ought to be taught to children. Source: – Wales Online
-
ANKARA – In the face of ongoing violence directed at Palestinians protesting the relocation of the U.S. Embassy to Jerusalem on Monday, Ankara called on Palestine to take the issue to the International Criminal Court (ICC) to hold Israel accountable. In an interview with state-broadcaster TRT Haber yesterday, Foreign Minister Mevlüt Çavuşoğlu said, “Palestine needs to take the case to the ICC, as third parties cannot,” and he added that Turkey has been examining possible steps that can be taken in line with the law as well. The U.S.’s provocative move – relocating its embassy to Jerusalem – added fuel to the fire in the Palestine conflict. Following the opening of the embassy, Israeli troops shot dead at least 62 Palestinian protesters and injured many on the Gaza border on Monday. Underlining that the International Human Rights Council will gather in Geneva on Friday, Çavuşoğlu said, “An independent commission needs to prepare a report on the violence in Gaza and Israel needs to stand before the law.” He also stressed that Turkey is continuing its efforts; however, they are not sufficient by themselves to resolve the whole conflict. Çavuşoğlu said that concrete steps are expected from the United Nations. “Palestine should be recognized and become a member country of the UN. From now on, the world needs to unremittingly exert efforts for a two-state resolution,” Çavuşoğlu said. Referring to the efforts to pose a united stance against Israeli aggression, the minister highlighted that Turkey is set to hold the summit of the Organisation of Islamic Cooperation (OIC) and added that foreign countries have been called one by one. Çavuşoğlu has held phone talks with foreign ministers of South Africa, Nigeria, Sweden, Bahrain, Lebanon, Djibouti, Eygpt and many more. President Recep Tayyip Erdoğan on Wednesday spoke with leaders of a number of countries, including Germany, Iran, Indonesia, Qatar and Sudan and urged OIC member countries to develop a “common stance” on the Gaza killings. Source: – Daily Sabah