Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,174
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihii dagaalka Puntland iyo Somaliland, shirkii Baydhabo iyo arimo kale. Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa ugu horeyn ka hadlay shirkii Baydhabo ugu soo gabagaboobay madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo uu sheegay in uu ku soo dhamaaday guul, looga hadlay arimo ay kamid ahaayeen siyaasada, amniga iyo arimaha bani’aadantinimada ee dalka. Sidoo kale Madaxweyne Gaas oo ka hadlay colaada Tukoraq ayaa sheegay in Somaliland ay rabto in ay dhul aysan lahayn xoog ku qabsato suurtagal aysan ahayn, Puntlandna ay diyaar u tahay in ay difaacdo dhulkeeda. Shacabka Puntland ayuu Madaxweyne Gaas ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, ayna u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya. Hoos ka dhageyso codka Madaxweyne Gaas http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Madaxweyne-Gaas.mp3 PUNTLAND POST Garowe The post Madaxweyne Gaas:- “Shacabka Puntland waa in ay u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya” appeared first on Puntland Post.
  2. Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta. “Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira. Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha. Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system. Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah. Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda” Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.
  3. Garoowe-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ,asagoo kasoo laabtay shirkii dowlada Goboleedyada ugu soo dhamaaday Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda aysanna aqbalayn in lagu gardaroodo. “Muuse Bixii,waxaa uu ka yimid Hargeysa,waxaana uu doonayaa in uu nabad ugu noolaado Tukarraq taasina dhici meyso shacabka Puntland waxaan u sheegayaa in ay dhulkooda difaacdaan”,ayuu yiri Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe. Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay dagaalka deegaanka Tuka-Raq ku eedeeyay dowladda federaalka in ay qeyb ka tahay isaga oo sheegay in Somaliland diyaar u tahay dhinaceeda in ay is difaacdo. labada maamul ayaa guulo kakala sheegtay dagaalka waxaana muuqata in ay weli jirto saan saan colaadeed oo kataagan goobtii lagu dagaalamay. dowladda federaalka ayaa dhawaan waxa ay ugu baaqday in ay labada maamul xabad joojin sameeyaan wixii qilaaf ahna wada hadal lagu dhameeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Ankara-(Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdagan ayaa qaramada midoobe kutilmaamay mid jileeceedu uu xadka dhaafay marka ay timaado laxisaabtanka yahuuda mar uu hadal ka jeedinayay Caasimadda Turkiga ee Ankara. Madaxweeyne Erdagan ayaa ku tilmaamay in la joogo dhamaadkii Hay’adda ay ku mideeysanyihiin wadamada Caalamka ee Qaramada Midoobay, madaama aysan waxba ka dhihin gabood fallada Yahuuddu ay kula kaceeyso dadka dulman ee ree Falastiin. Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid kadib markii ay in kabadan 60 qof oo Falastiiniyiin ah yahuudda ay ku xasuuqday deegaanka Gaza hal maalin oo Kaliya. Turkiga ayaa u yeeray safiiradiisii Israel iyo Maraykanka kadib markii dad ka badan lixdan ruux oo Falastiiniyiin ah lagu diley banaanbaxyo loogaga soo horjeeday safaarada ay dowlada Maraykanka ka furatay magaalada Barakaysan ee Qudus. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in diblumaasiyiintan oo fadhigoodu kala ahaa Tel Aviv iyo Washington la amray inay dib ugu soo laabtaan Turkiga si wadatashi looga yeesho falalka ay ka kaceen Israel iyo Maraykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Five Somalis have been slapped with two-year suspended jail sentences for being in Kenya illegally. Fatuma Shukri, Nalsa Mohammed, Fhati Mohammed, Kofio Hamed and Hussein Fisal faced Kericho Resident Magistrate Elizabeth Karani. Source: Hiiraan Online
  6. Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka Europa League-ga 2018 Kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan dalk Spain ayaa xalay ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub ee UEFA Europa League, kadib markii ay ciyaartii kama danbeysta (Final-ka) 3-0 ugu awood sheegatay kooxda reer Farnce ee Marseille. Xidiga reer France ee Antoine Griezmann ayaa labo kamid ah goolasha Atletico Madrid u dhaliyay, daqiiqadihii 21-aad iyo 49-aad ee qeybtii hore iyo tii danbe ee ciyaarta. Antoine Griezmann Halka goolka quusiyay Marseille uu dhaliyay Gabi daqiiqadii 89-aad ee dhamaadkii ciyaarta, waxayna ugu danbeyn ciyaartu ku soo dhamaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Atletico Madrid. Waa markii seddaxaad oo ay Atletico Madrid ku guuleysato koobka labaad ee kooxaha Yurub ee Europe League-ga, waxayna qaaday sanadihii 2010, 2012, iyo sanadkan 2018. Ciyaartan kama danbeysta ee tartanka Europa League-ga ayaa ka dhacday garoonka Groupama ee magaalada Lyon ee dalka France. PUNTLAND POST The post Atletico Madrid oo ku guuleysatay koobka labaad ee kooxaha Yurub appeared first on Puntland Post.
  7. Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Jamhuuriya iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO. Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe. Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaanno ah. Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn. Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay. Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay. Ma ahan markii koobaad ee duufan ay ku dhufato dhulka Soomaalida, bishii Nofembar ee 2013kii ayay ahayd markii ay duufaan waxyeelo baaxadleh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen. PUNTLAND POST The post Duufaan halis ah oo ku soo foolleh dhul xeebeedka Soomaalida appeared first on Puntland Post.
  8. somalia-(Caasimadda online)-Hay’adda ReliefWeb ayaa digniin u dirtay dadka ku dhaqan Koofurta Dalka Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya waxa ayna sheegtay in Roob xoog leh oo dabeyl wata ay suuragal tahay in uu ka do’o degaannadaas. Roobkaasi oo la filan karo 24-ka saacadood ee soo socota ayaa laga digay inay roobabkii ugu cuslaa ee ka da’a Bariga Somalia iyo Koonfurta Yemeen. Warbixinta saadaasha hawada ah ee ay Hay’adda soo saartay ayey ku sheegtay in Roobkaas iyo duufaantuba ay saameynta ugu badan ku yeelan doonaan Bariga Soomaaliya iyo Koourta Dalka Yemen waxa ay sidookale saadaasha sheegaysa in qatarta Roobka iyo Duufaanta aysan dhibaato badan ka geysandoonin dalka Jabuuti. Hay’addan Waxaa ay ku wargelisay dadka deggan Koofurta Yemen iyo Waqooyi Bari Soomaaliya in ay u diyaar garoobaan Roobka dabeysha wata. Warbixinta Hay’adda Reliefweb ayaa lagu sheegay in sidoo kale daadka ka dhalanaya roobka uu saameyn ku yeelan karo dadka iyo duunyada degaannada uu Roobka ku hoorayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Kashmiir-(caasimadda online)-War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in iyada oo ixtiraameysa dadka Muslimiinta ah ee Hindida ah ay go’aansatay in ay ku dhawaaqdo hakinta dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaridka Kashmiir. Wasaaradda arrimaha gudaha Dalka Hindiya ayaa shaacisay in ay ku dhawaaqday xabad joojin bil ah oo ka billaabaneysa maalinta 1da Bisha Ramadaan. Waxaa ay sheegtay in haddii Ciidanka Hindiya la soo weeraro ay xaq u leeyihiin in ay is difaacaan hayeeshee aysan horseed ka noqondoonin weerar ama dagaalka dhexmara labada dhina inta lagu jiro Ramadaanka. Madaxa xukuumadda Gobolka Kashmiir qeybta raacsan Hindiya Mehbooba Mufti, ayaa soo dhaweeyay aragtida dowladda Hindiya waxaana uu ku baaqay in Muslimiinta loo oggolaado in ay nabad ku soomaan. Hindiya Gobolka Kashmiir waxaa ka jooga 500,000 oo Askari,kuwaas oo la dagaallamaya Kooxaha gooni isu taagga Gobolka Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Iyada oo Maanta ay ku beegan tahay Maalinta 1aad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay digniin kasoo saartay dadka Maqaayadaha furaya Maalintii iyada oo la sooman yahay. Xog-hayaha Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Maxamed Kheyrow oo la hadlay idaacadda Dalsan ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in Maalintii iyada oo dadku ay sooman yihiin in la furo Maqaayado si dhuumaaleysi ah looga cunteynayo. Waxa uu sehegay in ay codsi u jeediyeen laamaha amniga Soomaaliya,si ay kala Shaqeeyaan in gacan adag lagu qabto dadka maqaayadaha furaya Maalmaha Bisha ramadaan. Waxa uu sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in lagala Shaqeeya kahortegida dadkaas,maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay Wadamada Islaamka. Sikastaba xilliyadaan oo kale marka la gaaro Bisha Ramadaan waxaa lafuraa Goobo maqaayado ah oo si dhuumaaleysi ah looga cunteeyo taas oo keentay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya ay digniintaan soo saarto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Nairobi-(Caasimadda Online)-Taliska Ciidamada Booliiska Dowladda Kenya ayaa xalay Shaaciyay in Ciidamo gaar ah loo diyaariyay amaanka magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya maalmaha Bisha Ramadaan kadib cabsi ay muujiyeen hay’adaha amaanka Kenya. Taliska Booliiska ayaa sheegay in Ciidan gaaraya 2,000 oo Askari ay u xil saareen sugida amniga Nairobi oo ay ku nool-yihiin dadka ka soo jeedo wadamo kale Duwan kadib markii ay Hay’adaha amaanka soo saareen walaac ah iney jiraan qorshayaal Argigixiso oo Bisha ramadaan lala damacsan yahay Kenya. Ciidankaan ayaa la sheegay in ay tagi doonaan Waddooyinka Magaalada,Hoteellada,Suuqyada waaweyn,Goobaha laga raaco gaadiidka,Goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah. Taliyaha Booliska Nairobi,Joseph Ole Tito,ayaa sheegay in Ciidamadan ay isugu jiraan kuwo xiran dharka Booliska iyo kuwo dharcad ah. Waxa uu intaas ku daray in Ciidamadaan loo diyaariyay ka hortagga falalka argagixisada la xiriira inta lagu jiro Bisha Ramadaan,amniga magaaladana ay iyaga mas’uuul ka yihiin. Joseph Ole Tito,ayaa yiri: “dhaqanka argagixisada waxaa ka mid ah marka ay imaadaan waxaa ay raadinayaan marka hore meel ay degaan,waxaa ay tagayaan Hoteel,iyaga oo iska dhigaya dad wanaagsan,sidaas ayeyna qorshahooda ku fulinayaan”. ugu danbayntii Taliyaha Booliska magaaladda Nairobi ayaa ugu baaqay milkiilayaasha Hoteellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah in ay diiwaangeliyeen dadka tagaya islamarkaana kireysanaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Unidentified gunmen killed the manager of a plant owned by Nigeria’s Dangote Industries Limited in Ethiopia on Wednesday after he was attacked in the restive Oromiya region while returning to the capital from the factory, officials said. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay qaraxyo xalay laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho. Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in jugtii iyo dhawaaqii cuslaa ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho aanay aheyn madaafiic hoobiyeyaal ah, balse ay ahaayeen waxyaabo ka dhashay baaruudda qaraxda. Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, hasse ahaatee dowladda waa ay beenisay. Wasiir Ducaale oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay inay dhawaaqa caawa fiidkii laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen bacyo lagu shubay Baaruudda Qaraxda. Wasiir Ducaale ayaa sheegay goobaha laga maqlay dhawaqyadaasi in ay u direen Hay’adaha ammaanka, oo aysan jirin qof wax ku noqotay, wuxuuna tilmaamay in ujeedada ay aheyd in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sare loo qaaday Amiga magaalada Muqdisho inta lagu guda-jiro bisha Ramadaaan oo xalay bilaabatay waxaana heegan buuxa la galiyay ciidamada amaanka si looga hortago weerarada ay kooxda shabaab magaalada gudaheeda ka geystaan bilashaan oo kale . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Somalia on Wednesday announced plans to establish the country's first Internet Exchange Point (IXP) in Mogadishu to help enhance digital services across the country. Source: Hiiraan Online
  15. Nairobi governor Mike Sonko has nominated Miguna Miguna as his deputy. Source: Hiiraan Online
  16. Nyeri Town MP Ngunjiri Wambugu has asked Northeastern politicians to clearly state if they want non-locals to work in the area. He condemned the regular attacks in Northeastern that have left tens of Nyeri people dead and others injured. Source: Hiiraan Online
  17. Hundreds of thousands of residents in Garndersville, a Monrovia suburb, including businesses along the Somalia Drive are breathing relief in the wake of the nearly completion of phase one of rehabilitation works on the route from Freeport to Redlight under the auspices of the Government of Japan. Source: Hiiraan Online
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Laamaha amaanka Jubbaland ee Axmed Madoobe, ayaa Xabsiga u taxaabey Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, kadib markii uu si kulul uga hadlay dil loo geystay Gabar Soomaaliyeed. Dilkan loo geystay gabadhan, oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Maxamed Salaad ayaa ka dhacay todobaadkan magaalada Qabri-Dahar ee Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya, kaasoo ay geysteen Ciidamada maamulka. Caro badan ayuu dilka Taysiir ka dhex-abuur bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii ay Hoygeeda kala baxeen ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo dilay, islamarkaana inkiray inay khaarijiyeen. Laakiin, baaritaano dheer kadib waxaa lasoo ogaaday kuna cadaatay in iyaga ay dileen Gabadha, inkastoo ay ku doodeen inay iyada ay is-dishay, hasa-yeeshee waxaa ugu dambeyn ku cadaatay inay si bareer ah u dileen. Sarkaalka lagu xiray Kismaayo ayaa waxaa lagu maagcabaa Mukhtaar Bedal Goobse, iyadoona xarigiisa uu ka dambeeyay kadib markii uu Muuqaal uu iska soo duubay ku cambeereeyay falka dilka ah ee Taysiir loogu geystay Qabri-Dahar. Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Sarkaalka ay u xireen inuu gudaha Kismaayo ku cambaareeyay, islamarkaana wax uu ka sheegay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo Axmed Madoobe xiriir fiican kala dhaxeeya. Mukhtaar ayaa lagu xiray mid kamid ah Xabsiyadda Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland, mana la oga waxa ay ka yeeli doonaan, iyadoo dadka ehelkiisa ah ay walaac ka muujiyeen xarigiisa. Maamulka Jubbaland ee uu majaraha u hayo Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu cuburiyo dadka dhaliila, gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta madaxa-banaan. Isha: Radio Garowe
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan baarlamaanka 10aad ee federaalka ah, gaar ahaan Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka, ayaa xaqiijiyay in guddigooda ay la shaqeeyaan xubnaha 6da ahaa ee matalayey dowlad goboleedyada. Hadalkan waxaa uu meesha ka saarayaa, qoraal shalay ka soo baxay golaha dowlad goboleedyada oo shirkoodii Baydhabo ku sheegay in aanay shaqeyn xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka. Qoraalka ayaa u qornaa sidan “2.9 Waxaa jira in aan wali la hawl galinin xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka. Sidaas darteed Goluhu waxuu si adag ugu wargalinyaa Wasaarada Dastuurka ee Dowlada federalka in aysan Gudiyada dastuurku bilaabin wax shaqo ah oo aysan kamid ahayn Xubnaha Dowlad Goboleedyadu. Hadadaba waa kuwan liiska iyo magacyada dowlad goboleedyada ugu jira Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Xukuumada Somalia ay bilowday wada-xaajood ay xal ugu raadineyso Khilaaf Siyaasadeedka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka Carabta. Wararku waxa ay sheegayaan in wada-hadalka ay bilowday Wasarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia oo iyadu ku shaqo leh howlaha dibadda ee khuseeya Somalia. Xiriirka lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaaf Siyaasadeedka oo markiisa hore ka imaaday dhanka Dowlada Imaaraadka ayaa waxaa la xaqiijiyay in iminka uu maraayo bilow. Wada-hadalka ayaa si toosa ugu dhexeeya Wasaaradaha arrimaha Dibadda Somalia iyo Imaaraadka, waxaana jira warar hordhac ah oo sheegaya in leysku fahmi la’yahay qodobo dhowr ah oo ku-xeeran madax-banaanida Somalia. Qodobada ay difaacaneyso Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa waxaa kamid ah in Somalia looga danbeeyo wixii khuseeya masiirka dalkeeda iyo in la kala qaado caawinaada iyo faragalinta joogtada ah. Qodobada ay difaacaneyso Somalia ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inaanu Imaaraadka gali Karin Heshiis aan soo marin Dowlada Somalia iyo in Dowlada dib loo hoos keeno dhammaan Heshiisyadii uu Imaaraadka la galay Maamul Goboleedyada ka jira dalka. Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa dhawaan sheegay in Dowlada Somalia ay xal u raadineyso Khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu xirneyn Heshiis. Docda kale, waxa uu sheegay in Imaaraadka laga doonaayo keliya inay u hogaansamaan wixii ku aadan Maslaxada Qaranka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Doxa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha dibada Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani, ayaa ka digay in faragalin Siyaasadeed iyo mid Amni lagu sameeyo Somalia. Wasiirka oo magaalada Dooxa kula hadlay saxaafada maxaliga xili uu dhaweynaayay wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Qadar aysan ka waaban doonin isgarabtaga Somalia. Waxa uu sheegay Wasiirka in Qadar ay diyaar u tahay ilaalinta Madax-banaanida Somalia, sidoo kalane ay difaaceyso Qaranimada Somalia, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Qadar kama raali noqon doonto faragalin lagu sameeyo Somalia waana ka digeynaa in lagu xadgudbo amuuraheeda gaarka ah’’ Wasiir Maxamed Bin Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay inay jiraan wadamo badan oo aan ku raali aheyn horumarada ay tiigsaneyso Somalia, hase ahaatee arrinka noocaasi ah aan la aqbali Karin. Qadar ayuu sheegay inay isgarabtaagi doonto Somalia inta ay ka hiigsato mustaqbalkeeda waxa uuna si gaara mahadcelin ugu jeediyay Dowlada Somalia. Sidoo kale, Maxamed Bin Cabdiraxmaan ayaa carab ***** in Somalia ay ka gudbi doonto xiliga qaraaran oo ay ku jirto, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka saacidi doonaan Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka. Haddalka Wasiir Maxamed Bin Cabdiraxmaan, ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Qadar ay qaab Siyaasadeeysan Somalia ugu adeegsaneyso Imaaraadka oo uu Khilaaf kala dhexeeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. GAROWE, Somalia (Reuters) - Dozens of people have been killed in clashes between troops of Somalia’s breakaway region of Somaliland and its semi-autonomous region of Puntland, medical workers and military officials... Source: Hiiraan Online
  23. National Union of Somali Journalists (NUSOJ is dismayed by the arbitrary arrest and continued detention of a local journalist by the Somaliland police in Las Anod town in Sool region. Source: Hiiraan Online
  24. Somalia’s Minister of Planning, Investment and Economic Development Gamal Mohamed Hassan said the talks between His Highness the Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani and Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo were constructive. The talks were held in a brotherly atmosphere which proves the trust and depth of the relations between Qatar and Somalia, he said. Speaking to Qatar News Agency (QNA), the minister said the Somali president’s visit to Qatar is a reaffirmation of the continuous communication and consultation between the leaderships of both countries. The minister highlighted the willingness of the two countries’ leadership to improve relations between Doha and Mogadishu in all fields. newsinideThe minister said the talks were comprehensive and covered all bilateral, regional and international issues of common interest. This confirms a sincere desire and the political will to move forward for the benefit and interests of both countries and peoples, he added. In addition, the minister praised the vision of His Highness the Amir, stating that under his leadership Qatar is moving in the right direction, steadily and confidently towards development, modernisation and growth. The minister said the Amir is a friend of the Somali leadership and people, thanking him for his interest in Somalia and his support and assistance to its people. The Somali people are aware of this and thank the Amir and the Qatari people for their support, assistance and for standing by them, the minister said. He stressed that Qatar’s support to Somalia is clear and continuous in all fields adding that the future is promising for relations between the two countries. The minister said Somalia is satisfied with Qatar’s support and with the Amir’s interest in the country, its development and the prosperity of its people. With regard to Somalia’s vision of the Gulf crisis, the minister said Somalia is neutral, supports the Kuwaiti mediation and hopes for its success, calling for resolving the situation peacefully through dialogue and diplomatic methods. The minister said the GCC states are brothers and they should sit at the negotiating table to resolve this crisis and any other differences. He called for the establishing peace through negotiation and dialogue. The Somali Minister of Planning, Investment and Economic Development Gamal Mohamed Hassan stressed the need to spare the region from any conflicts, and focus instead on the challenges the area faces, including terrorism represented by “Al Qaeda and the ISIS.” On his views on the so-called Republic of Somaliland and its decisions and agreements, the minister said that “Somaliland” is part of the motherland, and that Mogadishu does not recognise any agreements and steps without the consent of the Somali federal government, in that regard, the Somali parliament rejects any agreements signed with any party. Regarding the Somali government’s stance on the subject of the relocating the US embassy in Jerusalem, the minister said that his country’s stance is the similar to that of the Arab League and the Organisation of Islamic Co-operation. In response to a question on the role of Somalia as a member of the Arab League, he said that the member-states should intensify their efforts to overcome the problems they face. In response to a question on the internal affairs in Somalia, the minister said that things are improving and will be better. He said that President Farmajo met the Somali community in Qatar and heard from the members their praise of and gratitude to Qatar, the leadership of Qatar and the people for their assistance, support and brotherly relations. The minister stressed that the issue of sovereignty and territorial integrity and non-interference in the affairs of others is a priority of Somali politics.
  25. A gang of Somalis allegedly traveled across state lines to terrorize a wedding party in New Hampshire. They are now in custody after being accused of opening fire on a vehicle at a Concord wedding. The New Hampshire Union Leader issued a report on the incident: Witnesses identified Salim Hussein as the man they saw shoot a pistol from a white Chrysler 200, which was rushing out of the parking lot at Bektash Temple when it was broad-sided by another vehicle early Sunday, police said. Five people climbed out of the Chrysler; witnesses told police at least one opened fire on the other vehicle, Lt. Sean Ford said Monday. “We knew people had fled into the woods and we were concerned for a while that we may have somebody injured out in the woods,” Ford said. “We had people coming out of the woodline for several hours after this thing, even at the break of dawn.” A caller first reported shots fired around 1:20 a.m. Sunday at the function hall at 189 Pembroke Road. Ford said officers arrived to a chaotic scene involving about 300 people.” The suspects names are Salim Hussein, Abdi Mohamed, Ali Hussein and Jafar Issak. Hussein allegedly drove from Tennessee through Ohio to pick up the accomplices. A follow-up article released by the New Hampshire Union Leader traced the animus back to Ohio street gangs. Columbus has seen a rise in migrant-related gang violence as it has become an enclave for Somali immigrants. Police have learned the following by studying the foreign criminal gangs: “Police in Columbus said several factors have come into play in the rise of Somalian-dominated street gangs: Somalians don’t forget tribal animosities just because they move to the United States, and at one point Columbus tracked 10 to 15 clans with histories of grudges and shifting alliances, said Khaled Bahgat, the new American diversity/inclusion officer for Columbus police. He added that those animosities seemed to have calmed in recent years. • Refugee families settle in inner-city communities, where youths find role models among street criminals. Recently, some Somalians have been robbing Columbus pharmacies and engaging in drug trafficking, Bahgat said. “Some, unfortunately, follow the path of whatever environment they’re in. Once they take that road, they become very bold. They feel like nobody can touch them,” he said. • When younger family members succumb to the lure of street crime, their strict, fundamentalist parents and older relatives shun them, which pushes them further toward delinquency.” Refugee resettlement watchdog Ann Corcoran says she knows who is to blame for third-world crime wave that is upending American communities: the NGOs soaking up taxpayer cash to resettle migrants here. “If you are looking to thank those responsible, look no further than Catholic Charities, Evangelicals at World Relief, Church World Service, and the Hebrew Immigrant Aid Society and others of the big nine resettlement contractors all of which have promoted the resettlement of over 100,000 Somalis to America in the last 3 decades,” Corcoran said in a blog post. Although President Trump has slowed the transfer of refugees into American communities, it is going to take a lot more than just that to reverse the damage that has already been done.