-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin hambalyo ah oo ku saabsan munaasabadda xoriyadda 1-da Luulyo u soo diray dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay: Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda. Trump ayaa sheegay Mareykanka uu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliya si ay isaga kaashadaan mustaqbal ifaya., wuxuuna intaas ku daray in wadashaqeynta labada dal lagu dhisi karo xasilooni, nabad iyo Soomaali barwaaqo ah oo dan ugu jirto labada dal. Madaxweynaha Soomaaliya ayuu u sheegay Trump inuu heli doono taageerada Mareykanka ee ku aadan nabada iyo xasiloonida Soomaaliya. “Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka. Haddaba halkaan hoose ka akhriso farriinta Trump uu usoo diray Farmaajo Dear Mr. President: On behalf of the United States of America, I wish you and the people of Somalia a joyous 58th anniversary of independence. The United States looks forward to continuing its partnership with the people and government of Somalia to work toward a brighter future. Working together to build a stable, peaceful, prosperous Somalia is in the interest of both of our nations. You will continue to have our support on this path. Sincerely, Donald J. Trump End text. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay colaada u dhexeysa maamulada Somaliland iyo Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in labada maamul laga doonaayo munaasabada 1-da luulyo aawgeed ay u qaatan nabadda, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo dhiiga daadanaaya. Waxa uu sheegay in xilligaan la joogo aysan suurtagal aheyn in dadka Soomaaliyeed ay dagaallamaan oo ay dhiigooda daadiyaan maadaama adduunka uu daraaseynaayo in Somalia ay u bisishahay nabadda iyo in kale. Nuqul kamid ah haddalka Madaxweynaha ayaa ahaa “Waxaan ku baaqaya in si deg deg ah loo joojiyo dhiiga ku daa’danaya Tukaraq, Wiil Soomaaliyeed ayaa Bilaa macne ugu dhimanaya, “hala Joojiyo”. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay in si dhaqsi ah ay ku bilaabayan wadahadalka labada dhinac. Waxa uu madaxweynuhu sheegay in mar labaad ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka. Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili goor sii horeysay maamulka Somaliland ay ku dhawaaqday inuu hakaday wadahadalka maadaama uu sii adkaaday Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The DP World is planning to set up a logistics facility in Ethiopia to facilitate transport of goods to landlocked countries in Africa, revealed Sultan Bin Sulayem, DP World Group Chairman & CEO and Chairman of Ports, Customs and Free Zone Corporation. “We are planning to set up a logistics complex in Ethiopia where goods can be transported from the port to it, and from there it can be transported to different African landlocked countries. We have signed a number of agreements with Ethiopia that will promote our friendly relationships with them. Business groups in Dubai can always benefit from DP World’s presence in different countries including Rwanda and Egypt where re-exporting opportunities are abundant” bin Sulayem remarked during an open dialogue with trade and business groups in Dubai. “The world is witnessing rapid changes and developments in trade. There is now more focus on fair trade on the agenda and external policy of countries like the USA, which means protective measures will be taken to curb the flow of goods from the European Union and China into the American market. There are international efforts to reach for a fair and balanced trade, and these developments and changes have put us face to face with new challenges, but we have learnt from our wise leadership that challenges can be turned into opportunities. ‘’ ‘’We carefully study developments in international trade to always find alternative markets, and this can be sustained through enhancing our strategic partnerships” he added. The Federal Competitiveness and Statistics Authority (FCSA) has recently signed an agreement with DP World in Dubai to build a strategic relationship and support the UN World Data Forum 2018. Gulf Today
-
A meeting to amend the press law of Somaliland was held in Hargeisa. The conference organized by Human Right Center, a local nongovernmental organization in conjunction with Somaliland Journalists Association (SOLJA). Press law no 27/2004 which was pending and needed amendment finally got the eye of the government. This is according to news by Somaliland News Agency (Solna). The Minister of Information, Culture and National Guidance Mr.Abdirahman Abdilahi Farah (Guri-Barwaqo), Director General of Ministry of Information Mr.Ali Mohammed Ali and the Somaliland Journalists Association (SOLJA) chairman Mr.Mohammud Abdi Jama (Huto) attended the conference. The chairman of SOLJA Mr.Huto said that about three years the association of journalists was working to promote the implementation of law no 27/2004 which needed some changes here and there. He called on the new government led by President Musa Bihi Abdi to see through the implementation of this law which seeks to introduce check and balances in the press law of the country. The director general of the ministry of information commended the launching of the press law amendment calling it long overdue. He added that the press law should not be viewed with suspicions as it seeks to bring sanity into the arena of journalism. Minister Guri-Barwaqo said that the law will bring accountability into the spheres of the press. He went on to say that the government welcomes the move. The minister state that the amendment will make journalism a professional career whereby journalist will be trained and protect the reputation of the profession. Solna
-
When an imam in Nigeria saw hundreds of desperate, frightened families running into his village last Saturday, he decided to risk his life to save theirs. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in tirro Hoobiyayaal ah ay ku dhaceen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Hoobiyayaasha ugu badan ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaceen Xaafado kamid ah Degmada Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeyaasha ayaa kusoo dhacay Xaafadaha ka agdhow Xerradda Ciidamada AMISOM ee Xalane. Waxa ay sheegen in tirada ugu badan ay ku dhaceen Obasiibka Xaafada Xalane ee degmada wadajir,isla markaana mid ka mid ah Hoobiyayaasha uu ku dhacay guri ay deganaayeen dad Shacab ah. Hoobiyayaasha ayaa waxyeeleeyey qoyska ku noolaa guriga uu ku dhacay, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in goobaha uu ku dhacay Hoobiyaha uu ku jiray dugsi Qur’aan. Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay Hoobiyeyaashaas ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah isbitaalada ku yaalla muqdisho si loogu daweeyo. Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar. Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 5 ruux ay ku dhaawacantay Hoobiyeyaasha sidoo kalane ay jiraan dad aad u liita oo garaab ahaan lagu gaarsiiyay goobaha caafimaadka. Dhinaca kale, tuurista Hoobiyayaasha ayaa kusoo beegmaaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socto Munaasabadda 1-da Luulyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The rebel Ogaden National Liberation Front repeated its pledge to interrupt oil and gas extraction in Ethiopia’s Somali region after the Government announced plans to test crude deposits. “As long as the Somali region people don’t get autonomy and the long-standing dispute between the Somali people and the Ethiopian government is not resolved, the oil extraction is like exploitation of the people’s resource,” ONLF spokesperson Abdulkadir Hassan Adani told BBC Somali. China’s POLY-GCL Petroleum Group Holdings Ltd was set to start oil tests on June 28 and gas reserves are estimated to be 6 to 8 trillion cubic feet. There is a $4-billion plan to build a pipeline to a liquefaction plant in Djibouti. The Ogaden has been disputed for decades. In 2007, ONLF attacked a Chinese-run oilfield in the area, killing 71 Chinese and Ethiopians workers. ONLF was established in August 1984 with its headquarters in Kuwait. The latest round of talks between Ethiopian officials and ONLF leaders were held as recently as February. ONLF welcomes Prime Minister Abiy Ahmed’s call for inclusive dialogue, the spokesperson said. Rebel commander Abdikarim Muse Qalbi Dhagah, arrested by the Government in August, was freed last week as part of a general amnesty for political prisoners. The Government is preparing a law to end the designation of the OLF and other groups as terrorist organizations, according to Fana Broadcasting Corporation. Source: – Ethiopia Oserver
-
The sugar wars that are threatening to unravel the Jubilee ruling coalition have focused mostly on the product that is imported by scores of licensed traders. Source: Hiiraan Online
-
Custodian of the Two Holy Mosques King Salman bin Abdulaziz Al Saud has sent a cable of congratulations to President Mohamed Abdullahi Farmajo of the Federal Republic of Somalia on the anniversary of his country’s Independence Day. In his own name and on behalf of the people and government of the Kingdom of Saudi Arabia, the Custodian of the Two Holy Mosques wished the President constant good health and happiness and his people steady progress and prosperity. Source: – Saudi Press Agency
-
Somali Residents To Celebrate Their Homeland’s Independence
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali residents from St. Cloud and Central Minnesota will celebrate their independence Sunday. The 58th Somali Independence Day will be held at Lake George from 12:00 p.m. to 8:00 p.m. to celebrate their homeland’s independence and to celebrate their new home in the United States. This year’s theme is Diversity and Inclusion. The day will include performing artists, entertainment, and speeches from area leaders living the American Dream. The event is hosted by Cornerstones Center and is free to the public. Source: Wjon -
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlaayay munaasabadda xuska 1-da luulyo, ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto xili aad u xun oo la doonaayo in la samata bixiyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la joogo xili faragalin adag lagu hayo Somalia, isla markaana laga shaqeynaayo kala ququbka Umadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay inay jiraan wadamo badan oo dhibka ay Somalia soo martay iyo mid ka daranba soo arkay,balse weli ay yihiin kuwo aan lumin qaranimadooda. “Runtii waxaa jira wadamo aad nooga daran haddana ma aysan lumin jiritaanka qaranimadooda wayo waxa ay ogyihiin faa’iidooyinka ay leedahay Qaranimada’’ Farmaajo waxa uu tilmaamay in dalalka noocaas ah aysan ka raali aheyn in hal maalin laga dhex abuuro kala ququb iyo xiisad Siyaasadeed, waxa uuna su’aal ka keenay sabta ay Soomaalida u qaadi la’ yihiin dhabahaasi. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in faragalinta ugu badan Africa ay tahay tan lagu hayo Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay la liiceyso dhibaatooyin ka jira gudaha iyo tan dibada. “Haddii aan u istaagin hagaajinta dalkeena ogaada waxa aan dib ugu laabankarnaa xaaladihii aynu kasoo gudubnay, waayo waxaa loo tashanayaa sida aan ugu laaban laheenay burbur iyo kala ququb” Waxa uu sheegay in dadkeena dalkeena ay yihiin kuwo qeybsan oo laga yaabo in ay laga faa’iideesto. “Walaalayaal waxaan joognaa wadan dadkeena ay kala qeybsan yihiin dalkeena uu kala qeybsan yahay ayna jiri karto faragelin ka faa’iideysanaya kala qeybsanaanteena” Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in Somalia oo ah dal barwaaqeysan loo gacan galiyo dad shisheeye waxa uuna cadeeyay inay jiraan kuwo aan diirnixin oo ku taamaaya ka faa’iideysiga dhibta ay ku jirto Somali. Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid ku foorara dowladaha kale ee afrika, Reer galbeedka iyo dhinacyada Mucaaradka ee la shaqeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Gobolka ay ka taagan tahay xiisad u dhexeysa maamulada Somaliland iyo Puntland. Xiisada ayaa xoogeede ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, waxaana lasoo sheegayaa in dadkii ku harsanaa deegaanka ay goordhow isaga carareen. Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ay ka wadaan gudaha deegaankaasi. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Xiisadan ay timid kadib markii labada maamul ay ciidamo dheeraad ah ku daabuleen jiida hore ee dagaalka. Rasaas goosgoos ah ayaa la soo sheegayaa inay ka dhaceyso jiida hore ee dagaalka, iyadoo rasaastaas ay bilabeen ciidamada Puntland oo saacadihii ugu danbeeyay la kordhiyay. Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, kuwaas oo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsanin. Dhinaca kale, dadka haraadiga ku ahaa deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay isaga baxeen guryahooda waxaana maanta cabsi xoogan ay ka jirtaa deegaanka Tukaraq. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay deegaanadooda si rasmi ah uga mamnuucday isticmaalka bacaha. Maleeshiyada ayaa amarka lagu mamnuucayo isticmaalka bacaha ku soo rogtay qeybo ka mid ah Somalia sida Gobolka Shabeelaha Hoose, qeybo kamid ah G/Sh/Dhexe iyo Jubbooyinka. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sababta mamnuucida bacaha ku sheegay inay halis ku hayso deegaanka iyo xoolaha, iyadoo wixii hadda ka dambeeyana ay mamnuuc tahay. Al-Shabaab inkastoo ay ku doodeyso ilaalinta deegaanka, haddane waxaa in badan lagu eedeeyay jarista geedaha dhuxusha laga sameeyo. Jarista geedaha ayaa saameyn xoogan ku yeelatay bilicda iyo deeganka ay ka arimiyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab taas oo ah dhibaatada ugu badan ee xiligan ka jirta dhulka ay ka taliso Shabaab. Wadamo badan oo adduunka ka mid ah ayaa mamnuucay isticmaalka bacda, waxaana la ogaaday in bacda ay halis weyn ku tahay deegaanka iyo xayawaankaba. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaa ka gaabisay mamnuucida bacaha, waana sababta ay ugu dhiiratay Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cutubyo ka tirsan ciidamada badda Puntland ee(PMPF) oouu hoggaaminayo Admiral. Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa Sabtidii shalay gaaray degmada Caluula ee gobolka Gardafu’u halkaas oo ay ka hirgelinayaan mid kamid ah saldhigyada waaweyn ee ciidamada PMPF. Ciidamada ayaa markii ay shalay halkaasi gaareen waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Caluula,waxayna kulamo xog-isweydaarsi ah la qaateen mas’uuliyiinta dowladda Puntland ee degmada Caluula iyo waxgaradka halkaas ku sugan oo ay saraakiisha PMPF kala hadleen xoojinta xiriirka ciidamada iyo bulshada magaalada iyo sidoo kale horumarinta arrimaha amniga degmadaasi. Taliyaha ciidamada badda dowladda Puntland,Admiral.Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo hoggaaminaya ciidamada degmada Caluula gaaray ayaa sheegay in halkaasi ay ka dhisanayaan mid kamid ah saldhigyada waaweyn ee PMPF ee degaaannada bariga fog,gaar ahaanna gobolka Gardafu’u. Ciidamada badda Puntland ee (PMPF) oo inta badan xarumo waaweyn ku leh degaannada xeebaha ku dherar ee Puntland ayaa sidoo kalena ka hawlgala buuraleeyda Galgala iyo Qandala ee gobolka Bari halkaas oo ay ku kala sugan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish ee degaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidamada PMPF oo saldhig weyn ka dhisanayaa degamada Caluula appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore. “Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen. “Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.” Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida. Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada, Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed.
-
Thousands of demonstrators marched in cities across the United States on Saturday against President Donald Trump's hard line immigration policy and to demand the immediate reunification of families separated at the border with Mexico. Source: Hiiraan Online
-
African countries and its people celebrate annually to mark a day called Independence Day. It is the day that each African country respectively had established its own statehood-conventional governance. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore. “Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen. “Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.” Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida. Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada, Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Bulshada Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabada 1-da Luulyo appeared first on Puntland Post.
-
The rebel Ogaden National Liberation Front repeated its pledge to interrupt oil and gas extraction in Ethiopia’s Somali region after the Government announced plans to test crude deposits. Source: Hiiraan Online
-
The DP World is planning to set up a logistics facility in Ethiopia to facilitate transport of goods to landlocked countries in Africa, revealed Sultan Bin Sulayem, DP World Group Chairman & CEO and Chairman of Ports, Customs and Free Zone Corporation. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia is to lift terror labels from three rebel groups, an Ethiopian official said on Saturday. Source: Hiiraan Online