-
Content Count
211,124 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/Xakiin Cumar Cameey ayaa waxaa soo baxaya khilaaf u dhaxeeya kaas oo sababay in todobaadyadii la soo dhaafay aysan wada shaqeyn labada mas’uul. Khilaafkan waxaa uu soo baxay kaddib markii Bishii March Golaha shacabka ee Soomaaliya ay soo saareen qaraar dalka looga mamnuucay Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta,waxaana go’aanka golaha shacanka diiday C/Wali Gaas halka C/Xakiin Cameey uu taageeray. Kulan ay Golaha wasiirrada Puntland yeesheen kaddib go’aankii Golaha shacabka ayuu C/Wali Gaas ku doonayay in warqad lagu diidayo go’aankaas ay soo saarto Puntland waxaase diidey madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha wasiirrada. C/Wali Gaas ayaa kaddib u safray Imaaraadka Carabta iyada oo markii uu ku soo laabtay Garoowe uusan soo dhaweyntiisa ka qeyb gelin C/Xakiin Cumar Cameey. Waxa kale oo jirta in muddo todobaadyo ah uusan Cameey xaadirin xafiiskiisa shaqada oo uu sare u kacay khilaafka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. C/Xakiin ayaa inta badan waqtigiisa ku bixiyay dagaalka degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool oo uu ka soo jeedo halka Gaas uu ku mashquulay shirkii dowlad Goboleedyada iyo siyaasadda Maamulka Puntland. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu tuhmayaa in ay ka gaabiyeen saameyntooda siyaasadeed ee Gobollada ay ka soo jeedaan oo hadda ay ku dagaallamayaan Puntland iyo Somaliland.
-
Waxaa sii kordhaaya Khilaaf Siyaasadeedka Dowlada Somalia kala dhexeeya maamul Goboleedyada ka jira dalka, kadib markii ay hawada isku mariyeen hadalo kulul. Dowlada Somalia ayaa dooneysa inay dib usoo celiso awoodeeda si loo helo wada shaqeyn Dastuuri ah oo ka dhex curta Dowlada iyo maamul Goboleedyada. Maamulada ayaa dhankooda kasoo horjeeda in lagu xakameeyo Dastuur, iyadoo Hogaamiyayaasha maamuladaasi ay rumeysan yihiin inay meesha ka baxeyso awoodooda. Siyaasad ahaan markii la qiimeeyo waxaa aad isugu dhow awoodaha Dowlada iyo maamulada oo si siman uga wada shaqeeya dalka, waxa ayna taa cuuryaamisay in dalka uu ka dhaqan galo awaamirta dowlda. Haddaba qiimeyn la sameeyay ayaa waxaa arrimahaasi lagu ogaaday inay ka danbeeyen dhow qodob oo aan kasoo qaadan doono 6 qodob oo kala ah: 1-Baarlamaanka oo aan isla xisaabtan la sameyn Hoagaamiyayasha maamul Goboleedyada oo keentay in maamulada ay ku awood noqdaan Dowlada. 2-Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo Siyaasad ahaan ku xiran dalalka Shisheeye oo qaab ahaan ay ugu shaqeeyan ‘’Ka iibsashada macluumaadka dalka’’ 3-Dalalka shisheeye sida Ethiopia iyo Kenya oo dhaqaale lagu arbusho Qaranimada Somalia ku bixiya maamul Goboleedyada. 4-Hogaamiyayaasha iyo maamulkooda oo rumeysan misna aaminsan inay ka awood badan yihiin Dowlada FS, iyagoo ku tashanaaya Xildhibaanada labada aqal ee laga soo kala xulay deegaanadooda. 5-Dowlada Somalia oo qudheeda aaminsan in maamul Goboleedyada ay yihiin awoodo aan la taabankarin, sababo la xiriira dalalka Shisheeye iyo inay adeegsadaan Xildhibaanada ugu jira labada Gole. 6-Baarlamaanka Somalia oo aan maamulada u aqoonsaneen in ka maamul ahaan ay hoostagaan Dowlada, taasina ay meesha ka saartay in maamulada ay ku dhaqmaan awood lamid ah tan dowlada. Maamul Goboleedyada ayaa inta badan u caga jugleeya Dowlada Somalia, waxa ayna taa ku imaadaa kadib markii laga hor istaago ku dhaqanka Heshiisyo qarsoodi ah iyo in awoodaha Dowlada ay isticmaalan, iyadoo aan la wargalin Dowlada Federaalka ah ee Somalia. Sidoo kale, Dowlada Somalia ayaan Siyaasad ahaan aaminsaneyn inay gacan ku dhigi karto awoodaha maamul Goboleedyada, sababo la xiriira iskaashi ka dhexeeya dhammaan maamulada iyo Dowlada oo cadaadis hoosaad kala kulmeysa Xildhibaanada laga soo xulay deegaanada maamulada. Dhammaan arrimahaani isbiirsaday ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dowlada Somalia aysan laheyn itaal ay ku maareynkarto maamulada dalka, maadaama Dastuurka dalka uu yahay mid gacan ku rimis ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay kusoo beegmayaan iyadoo uu jiro khilaaf maamulada kala dhexeeya Dowlada Somalia, kadib markii ay la safteen dowlada Imaaraadka oo ka gudubtay xeendaabka. W/Q: Cabdullaahi Axmed Cusmaan
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame, oo ah siyaasigii dowladda Kenya u saxiixay inay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, ayaa sheegay in lacag laga keenay dalka Qadar loo qeybinayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebook, ayuu ku sheegay CC Shakuur in $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar) la keenay dalka kadib booqashadii Farmaajo ee Doha. “Booqashadii Dooxa ka dib waxaa xildhibaanada loo qaybiyey lacag gaaraysa $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar),” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame. “Waa masuuliyad daro tii ugu wayneed in dalka oo fatahaad iyo colaad ku jira hantida qaranka lagu takrifalo, iyadoo uu ujeedku yahay af wax cunay ka xishoodsii oo yaanan la isla xisaabtamin,” ayuu yiri CC Shakuur. Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdiraxmaan ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan wali bixin Halkii Milyan ee ugu deeqday fatahaadda gobolka Hiiraan, sidoo kalena aysan waxba ka qaban burburkii Muqdisho ay gaarsiiyeen Roobabka ka da’aya. “Weli cabashadii dawlad Goboleedyada ee balanqaadkii dhinaca amniga iyo kaalmo la’aan dhaqaale waa sidiisii, weli colaadda sokeeye ee Puntland iyo Somaliland cidna deminteeda looma dirin,” ayuu yiri CC Shakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa musharaxiintii la tartamay Farmaajo doorashadii madaxtinimada 8-dii Febuary ee 2017, ayaa xiriir wanaagsan la leh, lacagna ka qaata dowladdab Imaaraadka Carabta.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira, ayaa wax ay ka soo horjeesteen Sharciga lagu dhisayo Hey’adda Waddooyinka oo ay wado Wasaaradda Howlaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya. War-Saxaafadeed ay siwadjir ah u soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in shir uu qabtay Wasiirka Wasiirada Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya uu shirkaasi ka qeybgaliyey dad aan matalin Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ay siwadajirka ah u soo saareen Wasiirada Howlaha Guud ee dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed. War-saxaafadeedkan, waxaa si wada jir ah u soo saaray: Wasiirada Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Dawlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle. Sida aan wada ogsoonnahay dalkeenna Soomaaliya, wuxuu doortay ku dhaqanka nidaamka federaaliga ah. Waxaana lagu heshiiyey in si ku meel gaar ah loogu dhaqmo si wada jir ahna loo ixtiraammo dastuurka ku-meelka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dastuurka ku-meel gaarka ahi, wuxuu mudnaantooda siinayaa mabaadi’da wada-shaqeynta iyo is-ixtiraamka heerarka kala duwan ee dawladaha federaalka sida ku xusan dhammaan qodobada Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah, gaar ahaan Qodobada 50aad, 51aad iyo 54aad. Waxaa lama huraan ku ah dhammaan heerarka dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya in laga wada xaajoodo heshiisna laga gaaro arrimaha khuseeya siyaasadda iyo dhaqaalaha sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah. Arrimahan, waxaa ka mid ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sharciyada lagu hagayo maamulkooda iyo maareyntooda sida (Waddooyinka, Gegooyinka dayuuradaha, dekedaha, kalluumaysiga iwm). Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah soona shaac baxday in xunbaha golaha wasiirada ee federaalka qaarkood aanay ilaa hadda gaarin farriinta siyaasadeed, nuxurka, ujeeddooyinka iyo guud ahaan mabaadi’da uu xambaarsan yahay nidaamka federaaliga ahi. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyenta ee Federaalka, wuxuu shir lagu ansixinayo qabyo qoraalka hindise sharciyeed lagu dhisayo hay’adda waddooyinka (Draft Highway Authority Establishment Law) ku qabtay Muqdisho 15kii iyo 16kii bishan May 2018, isagoo ku casuumay inay ka soo qayb-galaan dad aan ka mid ahayn shaqaalaha kana wakiil ahayn wasaaradaha hawlaha guud ee dawlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle. Qabyo qoraalka sharcigan oo aan la marin heer ka mid ah heerarkii iskaashiga, wada-tashiga, go’aan gaarista iyo is-ixtiraamka lama huraanka u ahaa, waxaa wasaaraddu hawlaha guud ee federaalku, iyadoo marin habaabinaysa u soo gudbin doontaa Golaha Wasiirada ee Dawladda Federaalka iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Habraaca loo maray wada-tashiga sharcigan iyo ansixintiisa, waxay lid ku tahay ama khilaafsan tahay guud ahaan mabaadi’da nidaamka federaalka iyo hab-dhaqanka heerarka dawladda federaalka ah iyo sidoo kale qodobka 50aad, qodobka 51aad iyo Qodobka 54aad ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah ee Soomaaliya. Arrintan sida wasiirku u maamulay iyo habraaca uu adeegsaday ama rabo in lagu ansixiyo, waxay nagu beertay walaac, iskaashi la’aan, wada shaqeyn la’aan iyo kalsooni darro aan ka qabno wasiirka iyo hab-raaciisan aan xalaasha ahayn ee gurracan ee uu u marayo go’aan ka gaaridda iyo ansixinta sharciyada khuseeya hawlaha wasaaradaha hawlaha guud ee heerarka dawladda federaalka ah. Waxa kaloo xusid mudan shirkii 23-28 April 2018 ee lagu qabtay Muqdisho kuna saabsanaa mashruuca Tayeynta Wasaradaha Hawlaha Guud ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee uu maalgaliyey Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank); fulintiisa ay u xilsaaran tahay haya’dda UNOPS inuu ku dhammaaday natiijo la’aan sababahan soo socda awgood: Heshiiska saddex geesoodka ah ee mashruucan Tayeynta Hay’adaha Hawlaha Guud – heer Federaal, heer dawlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir (Tripatite Agreement for Strengthening Institutions for Public Works) oo ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Bankiga Horumarinta Africa iyo UNOPS 13kii Jannaayo 2017 – qodobkiisa 4aad, qaybtiisa 4.02 (ii) wuxuu shuruud adag ka dhigayaa in la sameeyo guddi haga mashruucan (Project Steering Committee); wuxuuna cayimay inay xubno ka yihiin hay’adaha hawlaha guud ee kor ku xusan. Guddigan oo magacaaban, waxaan muran ku jirin in shir guddoonka guddigan uu yahay Wasiirka Hawlaha Guud ee Federaalka Soomaaliya. Guddigan, waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay inay go’aammo ka gaaraan arrimaha ay u arkaan inay muhim u yihiin hirgelinta mashruuca. Hase yeeshee, mudadii shirkani socda, waxaa soo if-baxday: in wasiirku shirkan ka hor gaaray go’aammo aan guddigu ka tashan, sida heshiiska lala galay Habitat oo qayb ka mashruucan; wasiirku, wuxuu goobta shirka ka caddeeyey inuu go’aammo gaari karo keligiis isagoo metalaya Guddiga Hagidda Mashruuca (PSC). iii. Wasiirku, wuxuu dhagaha ka furaystay dhammaan talooyinkii laga soo jeediyey shirkaas iyo in shir-qoraal (munites of meeting) laga soo saaro. Sidaa darteed, annagoo kalsooni buuxda ku qabna Golaha Wasiirada ee Federaalka iyo 2da Aqal ee Baarlamaanka Federaalka inay dhowrayaan nidaamka federaalka, xeerinta Dastuurka Ku-meel Gaarka ah iyo maamul wanaagga (Good governance); waxaan go’aan ku gaarnay in aan arrimahan sida ugu sahlan ku gaarsiinno: Hoggaanada Sare ee Dawlad Goboleedyada; Ra’isal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada, Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya: A) Si ay u hubiyaan habraaca loo maray hindise sharciyeedyada ka hor inta aan la hor-keenin golaha wasiirada federaalka iyo 2da Aqal ee sharci dejinta; iyo B) Si looga feejignaadu khaladaadka noocan oo kale ah oo aan markan u aragno khalad ka dhacay xubin ka mid ah Golaha Wasiirada soona noq-noqon kara; Waxaa naga go’an kuna han-weynnahay in heerarka kala duwan ee dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay sii wadaan iskaashigooda, wada-jirkooda, midnimadooda iyo in ay wada-shaqeyntoodu noqoto mid dadkeenna iyo dalkeenna u horseedda guul, horumar, barwaaqo iyo dhaxal ay ku faani karaan carruurteenna iyo jiilasha naga dambeeya. =========Dhammaad
-
Riyadh (Caasimada Online) – Kulan Magaalada Riyadh ee Caasimadda Sacuudiga ay ku yeesheen Wasiirada Caafimaadka Jaamacadda Carabta ayay kaga wada hadleen Xaaladaha Dalal Soomaaliya ay kamid tahay. Ergayga Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya una dhashay Sacuudiga Xamuud Bin Samraan Al-Xawaadi ayaa Milkiilaha Shirkadda Ganacsiga AlWaclaan ka gudoomay Gaadiidka Deg dega oo uu ugu deeqay Soomaaliya. Tiro ahaan waxa ay gaarayaan Afar Gaadiid, iyagoona deeqdaan uu Ganacsadaha Sacuudiga ka shaaciyay Kulan ay lahaayeen Wasiirada Caafimaadka Dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta. Gaadiidka ayaa yaalla Magaalada Riyadh, waxaana loo gudbinayaa Magaalada Jiddeh si kadib loogu soo qaado Soomaaliya, laguna Wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Safiir Xamuud ayaa sanadkii tagay Danjirenimo ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo iyanna ka gudoontay. Maamulaha Guud ee Shirkadda Al-Waclaan oo Deeqdaan bixiyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ugu talagaleen, wixii kale oo ay tari karaana ay ka qeyb qaadanayaan. Saciid Camuudi oo ah Madaxa Iibka Shirkadaan ayaa sheegay in Magaalada Riyadh ay ka qaadi doonaan Gaadiidkaasi afarta ah si ay u geeyaan Magaalada Jiddeh oo ay ugu soo dirayaan Soomaaliya, si gacanta Dowladda Federaalka loogu simo.
-
Mogadishu (HOL) - The shocking Tuesday afternoon killing of a traffic officer caught on video in Somalia’s capital have catapulted fears that ISIS remains a potent threat in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Dubai (HOL) – Jubba Airways, a regional airline that serves East Africa is celebrating two decades in business in 2018. Abdullahi Diria Warsame told HOL that Jubba Airways – described by many as Somalia’s ‘unofficial national carrier’ - was founded in April 1998 and from its inaugural flight, their mission was to connect East Africa to the world. Source: Hiiraan Online
-
Jaaliyadda Puntland ee dalka Mareykanka ayaa kulan afur iyo soo dhaweyn isugu jira magaalada Minneapolis ugu sameeyay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe) oo indhawaale socdaal ku maraya cariga Mareykanka,waxaana kasoo qeybgalay xafladdaas xubno ka tirsan masuuliyiinta Jaaliyadda,Aqoonyahano,Haween iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Minneapolis. Qaar ka mid ah dadka ka hadlay kulanka ayaa ka warbixiyay baahida ay u qabaan akhbaar inay ka helaan xaaladda wadankooda,waxayna sidoo kale uga warameen Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland waxqabadka jaaliyadda iyo dadaalkooda ku saabsan horumarinta dadka iyo dalkii ay ka yimaadeen. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar oo ugu dambeyntii soo xirey kulanka afurka ee uu la qaatey jaaliyadda ku nool Minneapolis ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen intii uu ku guddo jirey safarka uu ku tagey dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay inuu wax badan ka fahmay xog iswareysi kala duwan dhexmarey isaga iyo Jaaliyadda. Daawo xafladda soo dhaweynta. Abshir Dhiirane. PUNTLAND POST. The post Jaaliyadda Puntland ee dalka Mareykanka oo xaflad kusoo dhaweysay Gudoomiye Shuuqe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay La-taliye sare oo u qaabilsan dhinaca siyaasadda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka 19-kii bishan ayaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay taariikh nololeedka iyo khibrada siyaasadeed ee Mudane Xasan Maxamed Jimcaale uu u magacaabay La-taliye sare ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Mudane Jimcaale ayaa hore u soo qabtay xilal kala duwan, isagoo muddo dheer ka mid ahaa Golaha Wasiirada dowladihii dalka soo maray, wuxuuna soo noqday wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowle wasaarado kala duwan oo ay ka mid yihiin: Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federalka iyo Dib u heshiisiinta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska. Sidoo kale Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa soo noqday Guddoomiyihii Guddiga Road Map-ka ee Doorashadii 2012-ka, waana siyaasi la soo shaqeeyay dhammaan dowladihii dalka soo maray 18-kii sano ee ugu danbeeyay. La-taliyaha Sare ee Arrimaha siyaasadda guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Guddoomiyaha cusub ee dhowaan la doortay Maxamed Mursal Sheekh uu xilka hayo muddo Bil ah. HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
-
The United Arab Emirates is taking its most drastic steps yet to stop Saudi Arabia or Qatar from encroaching on its lead in attracting foreign investors. In an unprecedented departure in policy, the U.A.E. will soon allow expatriates to fully own their businesses in Dubai or Abu Dhabi without a local partner. In some cases, professionals will even be entitled to 10-year residency permits. More than anything, the country’s decision shows how the economic interests of the six oil-producing Gulf Cooperation Council are diverging as crude’s dominance wanes. To survive a global shift away from fossil fuels, they’ll not only need money and talent, but they’ll also have to compete with each other to get it. “The U.A.E. needs to keep pace or stay ahead if it doesn’t want to lose its competitive advantage,” said Khatija Haque, the head of Middle East and North Africa research at Emirates NBD PJSC, Dubai’s biggest bank. “When oil was at $100 a barrel for several years there wasn’t that much need to attract foreign investment. Clearly that has changed.” For a long time the U.A.E. resisted giving the foreigners who dominate the workforce too much clout. Restrictive visa rules meant skilled workers could only stay in the country if they were employed. Unless their businesses were in free zones like the Dubai International Financial Centre, they’d need a local partner to hold 51 percent. That strategy has worked because Dubai—with its eight-lane highways, sea-side skyscrapers, giant malls and attractions like an indoor ski slope and water parks—was the Gulf city of choice among expatriates. But with living costs in the emirate climbing, places like Doha, the Qatari capital, and Manama, Bahrain have become more appealing in recent years. Home prices in Dubai, where foreigners outnumber Emiratis about 10 to one, have been falling. Retail space in the city of 3 million people is also set to surge, meaning money from abroad will be needed to ensure they aren’t left vacant. That could get a lot harder. Last August, Qatar—which has plowed billions into infrastructure to prepare for the 2022 FIFA World Cup—said it planned to grant some foreigners the right to remain indefinitely as it seeks to cope with a year-long embargo on the country by its neighbors. Bahrain has allowed full foreign ownership of businesses for two years. Amazon Web Services picked it for its first ever data center in the Middle East. The Fairmont Hotels & Resorts Inc. skyscraper on the Abu Dhabi Breakwater peninsula.Photographer: Christopher Pike/Bloomberg Even Saudi Arabia is upping its game. The biggest Gulf economy has been on the radar of foreigners since Crown Prince Mohammed bin Salman unveiled a transformation plan two years ago that includes selling a stake in state oil giant Aramco. The kingdom has lifted restrictions on foreigners owning stocks and its exchange is likely to soon be part of the MSCI Emerging Markets Index, which could trigger huge inflows. Goldman Sachs Group Inc. plans to deploy its own money in the country for the first time. “More than the money, the Gulf states are competing for human capital, global businesses and industry leaders,” said M.R. Raghu, the head of research at Kuwait Financial Centre SAK, which manages more than $3 billion. “We expect other Gulf economies to introduce such measures in a phased manner.” The World Bank Under the new U.A.E. rules, which take effect by year-end, non-Emiratis can control 100 percent of a company anywhere in the country, forgoing the requirement to have a local partner outside of free zones. Professionals working in medical, scientific, research and technical fields and top students could be eligible for residency permits of up to 10 years. “Explaining the local ownership structure has also always been a nuisance when raising money from international or even regional investors into businesses that had mainland operations in the U.A.E.,” said Khaldoon Tabaza, the founder of investment company iMENA, which invests in several U.A.E. and regional tech startups. The new framework “reduces the cost of doing business in and out of the U.A.E.” While the federation of seven emirates holds the lead in attracting investors in the Gulf, foreign direct investment dropped to almost $9 billion in 2016 from a peak of $14.2 billion in 2007, according to United Nations data. Some 12.9 percent of stocks traded in Dubai are owned by foreign funds, compared with 6.5 percent in Qatar and 5 percent in Saudi Arabia, according to exchange data compiled by the research arm of EFG-Hermes Holding. Yet compare that to Turkey where foreigners own nearly 64 percent shares, or Brazil where they held close to 50 percent, and it’s clear that foreigners are still wary of overinvesting in the Gulf’s absolute monarchies—which adds to the pressure Gulf states are under to stay competitive. Most of them have been funding big budget deficits since oil collapsed in 2014 and economic growth is lagging the average for emerging markets. “This will give the U.A.E. a stronger edge compared with the region,” said Nabil Al Rantisi, managing director at Daman Investments in Dubai. “The neighboring countries still have a long way to go in developing their infrastructure.” Source: – Bloomberg
-
Abu Bakr al-Baghdadi made his first appearance on video when he gave a sermon in Mosul in July 2014 . PHOTO: Al-FURQAAN MEDIA The Islamic State has almost entirely lost control over territory in Iraq and Syria, and rumors claim that the group’s leader Abu Bakr al-Baghdadi is either dead or severely disabled. Several analysts indicate that ISIS, the Islamic militants who pledged to invade the West and establish an Islamic State based on Sharia law across the globe, has now been relegated to online forums and encrypted messaging apps, through which it urges its followers to carry out lone wolf attacks. In April, the Department of Defense declared that the defeat of ISIS was imminent. Nevertheless, top U.S. counterintelligence officials suspect that the group’s leader is still alive and plotting the organization’s comeback, according to reports. An Islamic State official arrested by Turkey early this year claimed that the organization’s leader is helping plan school children’s curriculums in Syria in an effort to spread the group’s ideology. And even if the militant was lying, some experts say the group has shifted behind the scenes in the wake of its military defeats in the Middle East, and has simultaneously spread its tentacles to other parts of the globe. “It’s difficult to say whether or not al-Baghdadi is alive, especially as ISIS has a public relations’ incentive to maintain that he is still alive and directing operations. However, to understand the growing threat of ISIS, it is partially immaterial whether or not he is alive and its continued survival in Syria,” Harrison Akins, a Middle East security expert at the Howard Baker Center, told Newsweek. “Much of the perceived threat of ISIS has been the adoption of the ISIS mantle by affiliate groups in conflicts around the world, much as groups previously adopted the al Qaeda brand.” ISIS also has a small base in Afghanistan, where it has taken credit for several deadly attacks in the country’s capital Kabul. ISIS-affiliated groups are also increasingly operating in Africa. On Monday, the group took credit for an attack on a vehicle carrying Egypt’s security forces in the Sinai Peninsula. And although ISIS does sometimes take credit for attacks it did not carry out, there is ample evidence that groups loosely affiliated with ISIS continue to operate around the world. Most recently, prosecutors in Brazil charged 11 people with trying to operate an ISIS cell in the South American nation. “These ISIS groups, such as the ones in Somalia, Afghanistan, or the Philippines, are factions that have splintered from pre-existing groups such as Al Shabaab, the Taliban, and Abu Sayyaf. As these groups grew out of their own conflict environment, it is difficult to say what control or influence the leadership of ISIS in Syria has over them,” Akins added. One of the most recent reports from Iraqi officials suggested that al-Baghdadi is alive in Syria’s Jazeera desert and was wounded in airstrikes. He is one of the world’s most wanted individuals, and the U.S. is offering a $25 million reward that could lead to his capture. Source: – Newsweek
-
The African Union continues to play an important role in enforcing peace and security on the continent, but the political momentum is shifting toward “coalitions of the willing” and regional economic commissions, according to Africa experts interviewed in Nairobi and Addis Ababa for episode four of Peacebuilders, a nine-part series produced by Carnegie Corporation of New York for its podcast Diffusion. Posting weekly on Tuesday mornings, Peacebuilders features nine episodes from East Africa on everything from the future of the African Union to immigration to media and elections in Kenya. The interviewers are Aaron Stanley, a program assistant with Carnegie Corporation of New York’s international security program, and Scott Malcomson, an author, journalist, and former government official and NGO executive. Malcomson was a Carnegie Corporation media fellow in 2015-18, and is currently a fellow in international security at the New American Foundation and director of special projects at Strategic Insight Group. (Photo credit: Simon Maina/AFP/Getty Images) Source: – CCNY
-
A tropical cyclone has wrecked havoc across the Horn of Africa, leaving at least 15 people dead and tens of thousands displaced. Tropical cyclone Sagar, which means “the sea” in Hindi, formed in the Gulf of Aden between Yemen and northern Somalia late last week. Since landing over the weekend, the cyclone system has caused heavy rains in both the Puntland and Somaliland regions of Somalia, and moved along the coast to strike the tiny nation of Djibouti. With top sustained winds of 60 miles per hour, Sagar made landfall further west than any tropical cyclone in 52 years of record-keeping for the North Indian Basin. The cyclone, which is being called the strongest ever recorded in Somalia, left a trail of destruction including loss of livestock and crops and destruction of homes, as well as massive damage to infrastructure. “This is the biggest storm to hit the region in years,” Nigel Tricks, the regional director for the Norwegian Refugee Council said. The NRC said that at least 30,000 people were affected in Somalia and Djibouti. But the extent of the damage is yet to be confirmed, especially given the current armed conflict between Somaliland and Puntland that had already displaced almost 10,000 people prior to the cyclone’s arrival. Torrential rains also pounded other parts of Somalia, with people and cars slowly moving through waist-deep floodwater after homes were inundated. Officials said the storm killed at least six people in the capital Mogadishu. The United Nations estimates 700,000 people in flood-affected areas will need livelihood support through September. Facebook activated a safety feature following the devastating floods. The flooding in Somalia comes just as countries including Kenya, and Ethiopia are recovering from the devastating drought that swept the Horn and East Africa region in the last two years. In Kenya, more than 170 people have died since heavy rains swept the country starting in March. Source: – Quartz
-
At least five Somali soldiers were injured in a roadside bomb attack in Afgoye, about 30 km west of the capital of Mogadishu, on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa daboolka ka qaaday in dhammaan ciidamada iyo shacabka Puntland ay mas’uuliyad ka saran tahay badbaadinta deegaanka Tukaraq. Cabdiweli Gaas oo arrinta Tukaraq kala hadlay Saraakiisha iyo waxgaradka Puntland ayaa ku amray inay isgarabtaagan dhalinyarada ku jirta jiida dagaaalka ee Tukaraq. Cabdiwali Gaas, ayaa waxgaradka amar uga dhigay inay ka qeybqaatan Dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, waxa uuna u cadeeyay in dagaalkaasi uu yahay mid waajib ku ah maamulka iyo shacabkiisa. Waxa uu tilmaamay in qorshaha ay ka leeyihiin dagaalka Tukaraq uu yahay sida ay Puntland ku maamulan laheyd deegaanada muranka ugu jira, sida Tukaraq. ‘’Cida aan dagaalka Tukaraq u arag mid waajib ah waxaa ku waajibay inay afka qabsadaan hadii aan waxba soo kordhineynin’’ Cabdiweli Gaas waxa uu Saraakiisha iyo waxgaradka u cadeeyay in Mowqifka Puntland uu yahay in dib u xoreyn lagu sameeyo deegaanka Tukaraq oo uu sheegay in dhiig badan oo dhalinyaro reer Puntland ah ku waayen. ‘’Tukaraq waxaa ku daatay dhiiga carruurteena waxaa na gubeysa in dhiigaasi qoyan laga dhigaa mid aan waxba ka jirin, waa inaan isgarabtaagnaa dhalinyaradeena ku jira jiida gadaalka’’ ayuu Gaas ku yiri Saraakiisha iyo waxgaradka ee uu kala hadlaayay arrinta Tukaraq. ‘’Mowqifkeena waa in Tukaraq maamul ahaan ay si toos ah u hoos imaadaa Puntland doonimeyso dhul aan iyada laheyn’’ Gaas, waxa uu cadeeyay inay muhiim tahay in si wada jira loo taageero qadiyada ay Puntland ku hantineyso dhulkeeda Tukaraq ee lagu heysto, waxa uuna ku baaqay in loo midoobo deegaanka Tukaraq. Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa u muuqanaaya mid lagu xoojinaayo go’aan ay Puntland ku iclaamisay dagaal toosa oo ay la galaan Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Ismiidaamin ah oo manta lagu qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray ee Saldhiga ku leh Garoonka Balli-doogle. Weerarka oo loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan iyo burbur soo gaaray gaadiidka qaar. Kolonyada la weeraray ayaa xiligaa maraayey meel u dhow Koontoroolka baar Ismaaciil ee degmada Afgooye, iyadoo Qaraxa kadib ay ciidamadu ooda ka qaaden rasaas xoogan. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Khasaaraha uu kor u dhaafayo dhowr dhimasho iyo Dhaawac, hase ahaatee Dowlada Somalia ayaa mugdi galisay Khasaaraha Qaraxa. Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa sheegay inuu jiro waxyeelo, hase ahaatee aanu gaarsiisneyn heerkii ay ugu tallo galeen al-Shabaabka. Wasiir Ducaale ayaa beeniyay Khasaaro ciidamada kasoo gaaray Qaraxa, waxa uuna cadeeyay in maleeshiyaadka uu alle ku celiyay dhagartooda, sida uu hadalka u dhigay. Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay inuu ku dhintay ninkii waday gaarigaasi siday Walxaha Qarxa. Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarkan sheegtay ayaa ku faanay in ay ku dileen 12 Askari kuwo kalen ku dhaawaceen.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Askari katirsanaa Ciidamada Ilaalada Nabad galyada Wadooyinka oo Maanta lagu dilay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Ninka la dilay waxa ay sheegeen in uu ahaa Sarkaal katirsan Degmada Hodan, waxayna Baahiyeen Sawirro uu ka dhex muuqdo mid kamid ah Kooxdii dilka u geysansatay oo Rasaas ku dhufanaya. Weerarkaas ayaa dadka degaanku sheegeen in lagu dilay xubin ka tirsan ciidamada ilaalada gaadiidka waddooyinka. Dawladda Soomaaliya weli kama hadlin dilkaasi iyo cidda ka dambaysay. Askariga xilliga la dilaayay ayaa wuxuu ku hawlanaa kala hagista gaadiidka wadooyinka marayay nawaaxiga Isgoyska Bakaaraha, qaybta Degmada Hodan. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, kuwaasi oo sameeyay hawlgalo baaritaan ah, mana jirin cid ay gacanta ku soo dhigeen. Dilal ka kala dhacay Muqdisho iyo Afgooye ayay sheegatay Kooxda Daacish, waxaana ugu dambeeyay Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha isla Bishaan May. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa u digay shaqsiyaadka ku howllan sameynta sharciyada Been-Abuurka ah ee lagu xalaalaysanayo dhulalka dadweynaha, iyadoo ciddii lagu helana caddaaladda la horgeyn doonno lagana qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan. Waaxda Maamulka Dhulalka ee Gobolka Banaadir ayaa qabatay labo shaqsi oo dokumenti been-Abuur ah ku raadinayey in dublikaato loogu sameeyo ahaana dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana lagu wareejiyey laamaha amniga iyo Xeer Illaalinta Guud si baaritaan dheer ah loogu sameeyo. Guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay shacabka ku nool Caasimadda in laga feejignaado sharciyada been abuurka ah oo ah fal-danbiyeed qofkii lagu helo uu ku mudan karo ciqaab adag. Maamulka Gobolka Benaadir ayaa horey tallaabo uga qaaday shaqsiyaad ku howllanaa sameynta Warqado been abuur ah, waxana la horgeeyey Caddaaladda, tanna waxay caddayneysaa in maamulku aanu u dulqaadanayn musuq-maasuqa iyo sameynta sharciyada suuqa madow. PUNTLAND POST The post Muqdisho: shaqsiyaad been abuur sameynayey oo loo gudbiyey hay’adaha garsoorka iyo Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Toddoba bilood kadib markii uu dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya, bishii October 14-keedii sannadkii hore, dawladda Soomaaliya weli ma dhaqangelin talooyinkii guddi khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo kuwo madaxbannaan ay usoo jeediyeen oo ahaa in magaalada daafaheeda laga dhiso goobo cayiman oo la dhigo qalab lagu baadho baabuurta iyo weliba in la geeyo eyda urisa qaraxyada. Dawladda Soomaaliya waxay abuurtay baro kontorool oo cusub, waxayna dhigtay ciidamo badan oo hor leh, hase yeeshee baraha kontoroolka ee laga soo gudbo ma yaallaan qalab casri ah oo si fudud ku ogaan kara qaraxyada saaran baabuurta. Taas beddelkeeda ciidamada amnigu waxay ku tiirsan yihiin gacantooda iyo aragtidooda. Khubarada iyo xubno hore uga tirsanaa Al-Shabaab waxay u sheegeen Galka Baarista in inta badan qaraxyada lagu soo sameeyo dibedda magaalada, ayna keenaan baabuur. Waxaa kale oo ay sheegeen in xilligan ay sahlan tahay in baabuurtu meelo kala duwan kasoo geli karaan magaalada, maadaama ciidamadu aysan haysan qalab si dhib yar u sawiri kara qarxa ama walxaha halista ah ee saaran baabuurta. Qaraxyada ugu badan ee Muqdisho laga gaysto waxaa ugu badan kuwa ku rakiban baabuurta, haddii ay dawladda Soomaaliyeed doonayso inay ka hor tagaan waa inay helaan qalabkii iyo farsamadii lagu joojin lahaa baabuurtaas, sida ay sheegeen khubarada. Waxaa kale oo Galka Baadhistu ogaaday in ciidamada dawladdu ay weli baabuurta kusii daynayaan dammiin iyagoo og in qaraxii ka dhacay Zoobe uu sabab u ahaa baabuur lagu soo daayey dammiin. Halkaan hoose ka dhageyso warbixin arrintaan ku saabsan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/f2abf722-d94e-4aec-a145-852bdf9e404f_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Maamulkiisa uu la xisaabtamayo Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada Maamulka Jubbaland. Waxa uu sheegay in asyan muhiim aheyn in ay hay’adahu ay isugu daraan Sahqooyin horay loo qabtay balse ay muuhim tahay in ay qiimeeyaan baahida jirta kadibna ay Bulshada wax u qabtaan. Waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe ku amray hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulka Jubbaland in tallaabo kasto oo ay qaadayaan in ay maamulka ku wargeliyaan. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Hay’adaha Samafalka ku dhaliilay in Warbixino Been abuur ah ay gudbiyaan, halka qaarkoodna aanan toos u bixin Gurmadka ay wadaan. Maamulka Jubbaland ayuu sheegay in uu go’aansaday la Xisaabtanka Warbixinada ay Soo saaraan Hay’adaha, Kaalmada ay Dhiibaan iyo Meelaha ay ku bixinayaan oo ay Goob joog ka noqonayaan. Waa uu sii hadlay waxa uu sheegay in la socodkaan ay sabab u tahay in Hay’adaha Samafalka ay isku kireystaan Guryo iyo Maleeshiyaad ay isku heeb yihiin Milkiilaha ama Mas’uulka Guriga ay kireysanayaan. Waxa uu isweydiiyay Sida ay u sugi karaan Ammaanka Xubnaha Hay’adaha, Maadaama uu sheegay in Qaarkood ay suurta gal tahay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab ama aanan Aqoon habka Ammaanka loo sugo. Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu soo dahweynayo cidkasta oo dooneysa in ay wax u qabato bulshada ku nool deegaanada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaah Hosoe ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Ismiidaamin ah lagu weeraray Kolonyo ay la socden ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka ruux waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa beegsaday Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay Xaafadda Baar Ismaaciil Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 12 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan ayaa dadka Xaafada Baar Ismaaciil ay sheegeen in uu qaraxaasi ka dhashay. .Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com