-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland: Agricultural Damage Assessment by Cyclone Sagar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A team of experts from the Somaliland Ministry of Agriculture and Development, led by Somaliland Minister of Agriculture and Development, Mr. Ahmed Mumin Seed, conducted an assessment to evaluate the loss of life and resources caused by Cyclonic Storm Sagar which was the strongest tropical cyclone to ever make landfall in the recorded history of Somaliland on 18-19 May – 2018, particularly in the area of irrigated farms of Awdal and Selel regions. The main aim of the evaluation was to address the impact of the cyclone Sagar on the agricultural sector, particularly in the areas of irrigated farms of Awdal and Selel regions. Download PDF Full File: Agricultural Damage Assessment by Sagar Storm -
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (inj. Yarisow) ayaa maanta amray in la bur-buriyo dhismaha Piazza Libera ee Ceel-gaabta bacdamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore. Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha goobtan ka dibna u direy baaris rasmi ah. Iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Duqa Muqdisho maanta bixiyey amarkan burburinta. Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, ka dib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, uuna ahaa yahayna weli mid dan guud. Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dawladda la bixin karin iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah.” Inj. Yariisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo. Ugu dambeyn, Inj. Yariisow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si bushada uga wada faa’iideysato. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Burburin ku billaabay Dhismaha Piazza Libera, Ceel-gaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ka qayb-galay shir ay Muqdisho ku yeesheen guddiga madaxa-bannnaan ee doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in shaqada dhabta ah ee guddiga ay xilligaan bilaaw tahay, loogana baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay kusoo gudbiyaan wadooyinka ugu haboon ee loo marayo doorashada dalkaan ka dheceysa 2020-ka maadaama shirkii Beydhabo lagu qabtay dhawaan lagu oggolaaday oo lagu heshiiyay in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo ka dhacdo Soomaaliya. Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Ra’iisul wasaaraha sida uu guddiga ugu dhiirri geliyo in ay fududeeyaan shaqooyinka la xariira arimaha doorashooyinka, waxa ayna uga warbixisay howlaha ilaa hadda uu qabtay guddigu, iyada oo hoosta ka xariiqday in ay u xayirnaayeen heshiiska oo wax badan uga xirnaayeen hase yeeshee markaan ay wax walba cadyihiin loona baahanyahay in ficil iyo wax qabad loo gudbo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay danta kaliya ee laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah dalkaan ay ka dhacdo in ay tahay in awoodda loosoo celiyo Shacabka iyo in qabiilka looga boxo Axsaab siyaasadeed, waxaas oo dhanna ay suuragal noqonayaan hadii Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranku uu guto waajibaadka ka saaran suura gelinta in dadka Soomaaliyeed ay codeeyaan. “Waxaa lagu heshiiyay in 2020-ka in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Shaqada dhabta ah hadda ayey u bilaabatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Cudur daar dambe ma jiro. Waa in shacabka loo soo celiyaa awoodda”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay in la joogo xilligii madaxdu ka cabsan laheyd shacabka oo rabitaanka shacabka la fulin lahaa, waxa uuna ballan qaaday in xukuumaddu ay fududeyn doonto dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howsha muhiimka ah ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinku u hayaan qaranka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Waxaa la joogaa Xilligii Awoodda loosoo Celin Lahaa Shacabka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, ayaa daboolka ka qaaday in Hay’adaha amniga ay la xisaabtami doonaan Askarta caqbada ku ah xasiloonida magaalada Muqdisho. Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay inaan loo dulqaadan Karin in lagu dul dagaalamo dadka shacabka ah,waxa uuna cadeeyay inay ka hortagi doonaan cid waliba oo ay u arkaan inuu caqabad ku yahay xasiloonida Muqdisho. Wasiir Ducaalle, waxa uu ku baaqay in ciidamada Dowlada ay si gaara u hubiyaan gaadiidka ay la socdaan ciidamada ka tirsan isla dowlada, si looga fogaado isku dhac ama muran dhexmara ciidamo isku shaqo ah. Waxa uu tilmaamay inuu aad u wanaagsan yahay amniga magaalada Muqdisho oo xasilinteeda ay ku howlan yihiin dhalinyaro da’ yar oo difaacaya dalkooda. Dilal yar yar ayuu sheegay in mararka qaar ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay wadaan qorshooyin lagu laba jibaarayo ka hortaga falalka amni darro sida dilalka qorsheysan ee kadhaca qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Wasiir Ducaalle ayaa mar kale ku celiyay in meesha ay ka maqan tahay kaalinta shacabka, maadaama dadka geysta falalka amni darro ay yihiin kuwo ku dhex nool shacabka. Haddalka Ducaalle, ayaa kusoo beegmaaya xili Bishii May ay magaalada Muqdisho marti galisay dilalkii ugu badnaa oo loo geystay shacab iyo shaqaale dowladeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Lasanod – On 28 May 2018 a peaceful peace full Village in Sool region Somaliland turned into violence when Puntland and Somalia federal government authorities responded with the use of excessive force and live ammunition against the unarmed civilian demonstrators. Large crowds of villagers in the village of godqabobe in Sool region Somaliland, come to gather to protest against the fighting and the occupation of Sool region by Puntland and Somalia federal government in Tukaraq town which is 15 km away from the village of godqabobe. The demonstration has drawn several hundreds of villagers from local people in Sool region Somaliland who had suffered years of oppression and persecution in the hands of Puntland and Somalia federal government authorities. They were demanding full withdrawal of Puntland and Somalia federal government authorities from Sool region and buuhoodle district. Eye witnesses in village of godqaboobe confirm that at least 11people were killed and 45 others were wounded in the attack. More than 110 people have been detained and transferred to prisons in Bosaso and Garowe in Puntland a region party of Somalia federal government. A large number of detainees were women and children. Some of the people that was killed in the attack their names was Abdi aadan Jama, Hasan Farah Said, Hirsi salah Alow, Guled Dirir Herzi, Bashiir Ahmed Gowdhan, Libah Yare Ali Galaydh. There were well confirmed report that Mohamed abdulaahi farmaajo so called Somalia president and the president of Puntland region of Somalia Abdiweli mohammed ali gaas has ordered the randomly and cold blooded fire attack on the civilian protestors. Eyewitnesses, also confirmed that Puntland and Somalia federal government authorities had used thesuperior PS forces, supported financially and trained by the United States, to carry out this series attacks on the civilians in east Sool region of Somaliland and surrounding areas. This claim raises questions of whether the United States government aware about the use of these forces which, if it is true, could involve the United States in Somalia’s tribal conflict and does not linked their participation in the international community’s efforts to find peaceful solution to Somalia aggression against Somaliland peace and stability. It supposed that the UN Special Envoy to Somaliland and Somalia Michael Keating has not shown strong position in this conflict to settle the dispute fairly and the report that he wrote to the United Nation of the Security Council, has failed to explain the Puntland and Somalia federal government aggression against Somaliland in Southern party of Sool Region (SOMALILAND) was the primary cause of this new armed clashes in the region. Many people who live in this once Peacefull area of Somaliland are deeply concern about the deadly attacks on civilians in Southern party of Sool Region (SOMALILAND). They demand a rapid independent investigation into these barbaric attacks on peaceful civilians in Sool Region Somaliland and unashamedlyviolation of universal human rights of the people who live in Sool Region of SOMALILAND. Writen By Anwar Ahmed Dirir
-
Egyptian President Abdel-Fattah el-Sisi will meet in Cairo on Sunday with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed Ali to discuss regional issues namely Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) which Ethiopia is building and Cairo fears its effects on its share of the Nile waters. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Iran ayaa daboolka ka qaaday in gudaha Somalia ay ka fulisay howlgal lagu soo furtay Kalluumeysato Iiraaniyiin oo afduub loo haystay tan iyo sannadkii 2015-ka. Dowlada ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay fuliyeen ciidamadooda gaarka ah kuwaa oo khasaaro la’aan soo furtay Kaluumeysatada. Mahmoud Alavi oo ah Wasiirka Sirdoonka Iran ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysnaa isla markaana ay ciidamadooda kaashanayeen xogo ay ka hayeen halka ay ku xirnaayen burcada, sida ay qoreen wargeysyada kasoo baha magaalada Dahran. Mahmoud Alavi, waxa uu tilmaamay in ciiddankiisa qaaden hawlgal ay ka fuliyeen gudaha Somalia, kuna soo furteen kalluumeysatada Iran ee taargeedka ahaa. Mahmoud Alavi, oo ah Wasiirka Sirdoonka Iran oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa carrabka ku dhuftay inay ilaalo dhinaac Sirdoonka ah ku haayen Badmaaxiintaasi, tan iyo markii ay Burcad-baddeeda afduubteen sannadkii 2015-kii. Sidoo kale, waxa uu Wasiirku tilmaamay in amarka lagu soo furtay burcada uu bixiyay Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani sidaana uu howlgalka ku fulay. Sidoo kale, muwaadiniinta lagu furtay howlgalka ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mascuud Baluuji, Axmed Baluuji, Aadam Baluuji iyo Shermad Tabax Zeer. Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan lagu soo wargalin howlgalada ay Sirdoonka shisheeye ka dhex fuliyaan Gudaha Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimda@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Mareykanka ay gabi ahaan faarujiyeen fariisimo ay ku lahaayen deegaanka Baar Sanguuni oo ku dhow magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa shalay ilaa saaka baneynaayay fariisimaha oo Jimcihii ina dhaaftay ay weerareen maleeshiyaadka al-Shabaab kaa oo dhaliyay khasaaro kala duwan. Talaabada ay ciidamada ku faarujiyeen deegaanka ayaa waxa ay soo degdegtay wixii ka danbeeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab lagu qaaday xerada. Ciidamada ayaa lagu daad gureynayaa diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, waxa ayna dadka deegaanka sheegayaan in inta badan deegaanka lagu soo daadiyay ciidamo farabadan oo dusha ka ilaalinaya diyaaradaha ciidamada guraaya iyo gaadiidka ciidamada oo qaarkood isticmaalaya dhulka. Ciidamada Soomaalida oo tiradooda ay gaareyso 480 askari ayaa iyaguna intooda badan xalay baneeyay deegaankaasi, waxayna uga soo baxeen safar dhanka dhulka ah. Ciidamadan waxa ay saqdii dhexe ee xalay ku hoydeen meel u dhow Degaanka Yoontooy, oo 20-KM dhanka waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo. Sidoo kale, Ciidamadan ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada al-Shabaab, oo isla xalayba dib ula wareegay gacan ku haynta qeybo kamid ah deegaankaasi. Dhinaca kale, Shabaabka ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay culeys soo saaray Baar Sanguuni, shalay oo ugu dambeysayna waxaa ay ka gaysteen weerar ismiidaamin ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maalinimadii shalay ugu baaqay hay’adaha amniga DFS in shacabka ay u fududeeyaan isku socodka islamarkaasna la furo waddooyinka xiran. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in nabadgelyadu ay ku timaado wadashaqeyn dhexmarta Shacabka iyo ciidamada isaga oo ka dalbaday Shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada. Amarka Madaxweyne Farmaajo ayaan weli si buuxda u dhaqan galin, inkastoo ay furan yihiin qeybo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, hadana waxaa jira waddooyin weli xiran. Waddooyinka amarka Madaxweyne Farmaajo kadib xiran ayaa waxaa kamid ah Danwadaagta, qeybo kamid ah Tarabuunka iyo Isgooska faralonsa oo weli ay ku sugan yihiin ciidamada isla markaana ku adkeynayaan gaadiidka shacabka qaarkood. Amarka Madaxweyne Farmaajo oo qafiifiyay xirnaanshiyada Waddooyinka oo markii hore adkaa ayaa waxaa ka mahadceliyay dadka shacabka ah, wallow ay weli ku baaqayaan in si rasmi ah loo wada furo wadooyinka. Saraakiisha hay, addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay iyadoo la fulinaayo amarka Madaxweynaha in la furay wadooyinka qaar oo ciidamada laga qaaday, halka qaarna ay weli ku sugan yihiin arrimo amni oowgeed. Dhinaca kale, Dadka reer Muqdisho ayaa dhibaato xooggan ku qabay xirnaanshaha wadooyinka oo wado illaa jidcad ay xireen laamaha ammaanka dowladda oo ka cabsi qaba weeraro Shabaab ay gaystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)- Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in askari kooda ah lagu dilay dagaalkii Ciiddanka Maraykanka iyo Alshabaab ku dhex maray duleedka Kismaayo. Qoraal kasoo baxay waaxda Difaaca Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in magaca Askarigii looga dilay dagaalkii al-Shabaab, kaa oo lagu dhaawacay tirro kale. Waaxdu waxa ay magaca askarigaasi ku sheegtay Alexander W. Conrad, oo 26-jir ah, kaasi oo ku dhintay rasaas noolnool oo ay ku dhufteen maleeshiyaadka al-Shabaab oo ay wada galeen dagaal toosa. Waxaa lagu sheegay in darajo ahaan uu ahaa 3-alifle, hase ahaatee uu sababsaday rasaasta al-qaacidada Somalia ee al-Shabaab. Alexander W. Conrad, ayaa ka tirsanaa Guutadda 1-aad, Kooxda 3-aad ee Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo North Carolina, sida ay qortay waaxda. Si kastaba ha ahaatee, waaxdu weli kama aysan hadal dhaawacyada iyo magacyada afarta Askari ee ciiddanka Maraykanka looga dhawaacay dagaalkii ay al-Shabaab kula galeen Deegaanka Sanguuni oo uu maro dhul-baraha Adduunka.
-
CHANDLER, AZ – The Department of Defense announced the death of a U.S Army soldier from Chandler, Arizona on Saturday. Defense officials said 26-year-old Staff Sergeant Alexander W. Conrad died on June 8 after sustaining injuries from indirect enemy fire. Conrad was serving in Somalia supporting Operation Octave Shield. He was a member of the 3rd Special Forces Group based out of Fort Bragg, North Carolina.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia ayaa soo bandhigtay nashqada la doonaayo in lagu soo saaro lacagta cusub oo ay dhawaan isticmaali doonto Somalia. Xukuumada ayaa sheegtay in lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah ay noqon doonto mid ka shaqeysa dhammaan dalka taas oo la filayo in dhawaan dowladdu soo daabacdo. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, oo maalinimadii shalay ka hadlay lacagtaan ayaa sheegay inay tahay nooc Cusub oo la doonayo in lagu badalo lacagta Kunka Shillin ee hadda la isticmaalo. Beyle waxa uu sheegay in lacagtaan sidoo kale ay ka koobnaan doonto 10,00 , 50,000 iyada oo sidoo kale qeybo kale yeelan doonto. ‘’Lacagtaan waxaa ugu tallo galnay inaan warshad kale aysan daabicin, waxa uu qorshuhu yahay inay ka dhaqan gasho dalka oo dhan’’ Waxa uu sheegay in suuqyada dalka oo idil laga saari doono lacagta Sh/So ee hadda la isticmaalo.
-
A suicide car bomb explosion at a military base in Somalia injured seven soldiers late Saturday, a military official said, and Islamist group al Shabaab claimed responsibility for the attack. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa bilowday qorsho lagu doonaayo in lagu adkeeyo dhoofka Soomaalida ku sugan gudaha dalka. Dowlada ayaa sheegtay in dhoofka ay ka adkeyn doonto dhanka Garoomada iyo Dekkada kuwooda ay gacanta ku heyso Dowlada Somalia. Dowlada ayaa waxaa adkeynta dhoofka kala shaqeyn doona hay’adda socdaalka caalamiga ee IOM, taa oo bixineysa qalabka lagu koontarooli lahaa dadka dhoofka ah. Mas’uul u hadlay hay’adad ayaa sheegay inay bilaawen hirgalinta qalabka dijitalka ee akhriya faraha dhoofayaasha. Waxa uu mas’uulkaani sheegay inay hadda wadaan sida ay Garoonka Aadan Cadde ugu rakibi lahaayen qalabka, waxa uuna intaa raaciyay in Garoonka kadib ay ku xirayaan Dekkada Muqdisho. Sidoo kale, waxa uu sheegay in qalabka ay gaarsiin doonaan dhammaan Garoomada iyo Dekadaha ay gacanta ku heyso dowlada Somalia, si loola socdo dhaqdhaqaaqa dadka dhoofka ah. Hay’adda IOM waxay kaloo sheegtay in qalabkaasi muhiim u yahay kontoroolka si looga hortago kiisaska Tahriibka iyo fal kasta oo isku day oo la isticmaali karo. Dhinaca akle, hay’adda IOM ayaa cadeysay inay is garab taagi doonto Dowlada Somalia oo iminka kasoo kabaneysa burburka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shacabkeeda ugu baaqday inay ka feejignaadan weeraro argagixiso oo kaga imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab. Dowlada ayaa sheegtay inay jiraan maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo gudaha u galay deegaano ka tirsan Gobolada Kenya, sidaa aawgeed la doonayo in lala shaqeeyo ciidamada amaanka. Charles Owino, oo ah Afhayeen u hadlay Boliiska Kenya ayaa sheegay in al-Shabaab ay si gaar ah u beegsanayaan xarumaha maamulka iyo Saraakiisha muhiimka ah. Waxa uu afhayeenka sheegay inay ka war hayaan damac al-Shabaab iyaguna ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqyada ay kaga hor tagayaan falalka argagixisada. Sidoo kale, dowladda Kenya ayaa marar badan ka digtay weerarrada al-Shabaab gaar ahaan Bisha barakaysan ee Ramadaan, markaas oo ay kordheen weerarrada iyo dilalka qorsheysan. Dhinaca akle, dhawaan ayay ahayd markii Shan Sarkaal oo ka tirsanayd Ciidanka la dagaallanka argagixisada ee GSU loo yaqaan ay u dhinteen Miino kula qaraxday Gaadiidkii ay wateen degaanka Xaar-xaar oo ka tirsan Libooya Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donold Trump ayaa ku sii jeeda dalka Singapore halkaasi oo lagu wado in uu ka dhaco kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un. Kulanka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta Talaadada ee soo socota. Mr Trump ayaa sheegay in ay tahay hal fursad oo la siinayo heshiis nabadeed oo labada dhinac ay gaaraan. Waxa uu intaa ku daray in muddo daqiiqad gudaheed ah uu ku ogaan doono in natiijo ay ka soo baxayso kulanka iyo in kale. Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda diiday fikirka ku saabsan in ay ka talabaxdo hubkeeda niyukleerka iyo gantaalada. Mr Trump ayaa balanqaaday In uusan doonayn in uu waqtiga iska lumiyo ama uu ka lumiyo Mr Kim balse uu wadaxaajoodka rajo wanaagsan ka qabo. Madaxwayne Trump ayaa marar badan shaki galiyay qabsoomida kulanka isaga iyo hogaamiyaha Kuuryada Waqooyi Kim Jong-un. ISHA BBC
-
GENEVA — The U.N. children's fund warns that heavy rains and flooding in Somalia are putting hundreds of thousands of children at high risk of disease and death. Source: Hiiraan Online
-
Salaadiin ka tirsan Issimadda Gobolladda Waqooyi Galbeed oo galabta shir jaraa,iid ku qabtay magaalada Boorame waxay raali galin u direen shacabka iyo dowladda Puntland, ka dib jawaab culus oo ay ka bixiyeen hadal maalmo ka hor kasoo yeeray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe. Salaadiinta la hadlay warbaahinta waxaa ka mid ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar,Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Cabdi Ibraahim Riiraash waxay si wada jir ah raali galin uga siiyeen Ardeyda iyo Maamulka Jaamacadda Camuud hadalo kasoo yeerey Faysal Cali Waraabe Hogaamiyaha Xisbiga Saaxiibka dhaw la ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Odoyaasha ayaa sheegay inay magan u yihiin ardeyda iyo qof kasta oo jooga magaalada Boorame,waxaana ka mid ahaa hadalkooda” Hargeysa ninka ka hadlay hadalkiisu maaha mid idin quseeya,maaha mid aad dhagta u taagtaan,waa saad u deganaydeen weeye,waa saad u doorateen weeye ama Boorame deganaada ama Hargeysa deganaada,hadalkaas uu ku hadleyna wuxuu ahaa mid ka baxsan nidaamka” Ayuu yiri mid ka mid ah Issimadda saxaafadda kula hadlay magaalada Boorame. Salaadiinta ayaa fariin u direy shacabka iyo dowladda Puntland waxayna u sheegeen inaysan wax dhibaato ah la kulmi doonin cid kasta oo kaga sugan magaalada Boorame iyo Deegaanada kale ee Somaliland. Ugu dambeyntii Odoyaashu waxay hadalo dhaliil iyo cambaareyn isugu jirta u jeediyeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay ku tilmaameen hadalkiisu inuu ahaa mid wax u dhimaya nidaamka guud ee ka jira mandiqada Somaliland. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Issimo Somaliland oo xaal ka siiyay Shacabka Puntland hadalkii Faysal Cali Waraabe appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya Boorame ayaa sheegaya maalinta beri ah inay kusoo wajahan yihiin Caasimadda Puntland ee Garoowe ku dhawaad 20 qoys oo kasoo guuray deegaano ka tirsan Somaliland, ka dib hanjabaad iyo cabsi kasoo wajahdey hadalo ay warbaahinta ka jeediyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland. Guddiga Difaaca Puntland oo maanta Garoowe kula hadlay saxaafadda ayaa uga digey shacabku inay isticmaalaan garoomadda diyaaradaha Somaliland maamusho iyo 824 Ardey oo ay sheegeen inay jaamacaddo ka dhigtaan magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa inay si deg deg ah uga soo baxaan goobahaas, ka dib jawaab ay ka bixiyeen guddigu hadal maalmo ka hor kasoo yeerey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe. Wariye madax banaan oo jooga Degmadda Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST inay maanta halkaas soo gaareen tiradda ilaa 5 qoys oo uu sheegay inay kasoo guureen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Sidoo kale waxaa jira hadalo hanjabaad ah oo ay isdhaafsanayaan in badan oo ka mid ah bulshada labada dhinac iyo taakulo ay la garab taagan yihiin ciidamada weli isku horfadhiya deegaanka Tuko-raq oo dagaaladii ka dhacay ay ku dhinteen tiro ka badan 60 askari oo ka kala tirsan labada dhinac. Colaadda Puntland iyo Somaliland ayaa iminka u muuqaal ekaatay mid saameysay isdhexgalka bulshada labada dhinac sida arrimaha ganacsiga,waxbarashada iyo deegaanka. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Colaada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland oo saameysay bulshada labada dhinac. appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Ismiidaamin ahaa oo galinkii danbe ee maanta ka dhacay Deegaanka Baar Sanguune ee duleedka Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xerada ay halkaa ka degan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska. Weerarkaan oo loo adeegsaday Gaari Caasi ah ayaa waxaa fuliyay ruux isa soo miidaamiyay oo ka tirsanaa al-Shabaab kaa oo ka dhacay meel Qiyaastii 50 Km ujirta Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlaayay rasaas xoogan oo aan la ogeyn hadii ay jirto Khasaare ka dhashay. Gaariga ayaa inta uusan Qarxin ka hor waxaa ka shakiyay ciidamada Kumaandooska ee ilaalada ka ahaa xerada kuwaa oo ooda kaga qaaday rasaas badan, waxaana xigay Qaraxa ismiidaaminta ah. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 Askari uu waxyeelo kasoo gaaray Qaraxa, waxaana suuragal ah in Khasaaraha uu intaa kasii bato, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala Jubbooyinka. Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan,waxana xusid mudan in saldhigaas uu yahay kii shalay lagu dilay askar ka tirsaneyd Ciidamo Mareykan ah o Sldhigaasi ku sugan.
-
MOGADISHU, June 9 — One U. S. special forces soldier was killed and five others, including one partner force member, were injured in an al-Shabab attack in southwest Somalia on Friday, the U.S. military said. The U.S. Africa Command (Africom) said the incident took place during a joint operation in Jubaland in southern Somalia conducted by combined Somali National Security Forces (SNSF), Kenyan Defense Force (KDF) and the U.S. special forces. “One of the wounded U.S. service members received sufficient medical care in the field. Three U.S. service members and the one partner force wounded were medically evacuated to receive additional treatment,” Africom said in a statement issued on Friday night. Africom said a large force comprising of about 800 forces from Somali and allied forces came under mortar and small-arms fire while conducting a multi-day operation on Friday afternoon, about 350 kms southwest of Mogadishu. “The mission’s objectives were to clear al-Shabab from contested areas, liberate villages from al-Shabab control, and establish a permanent combat outpost designed to increase the span of Federal Government of Somalia (FGS) security and governance,” said Africom. The U.S. military said its special forces provided advice, assistance and aerial surveillance during the mission. Washington has stepped up operations in the Horn of African nation in the past one year, killing a number of members of the militant group. Xinhua