Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo u badan dhanka amniga, oo ay ka mid tahay taageerada howlgalka Amisom, oo Kenya ay qeyb ka tahay, iyo sidii gacan looga gaysan lahaa xasiloonida dalka Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay isla soo qaadeen darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo, inkasta oo aan la ogeyn go’aanadii ay ka gaareen. Kenyatta ayaa dhinaca kale usoo bandhigay madaxweyne Farmaajo in Somalia ay taageerto dadaal ay Kenya ku dooneyso inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso in Kenay ay ka mid noqoto golaha ammaanka, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya. Wada-hadallada labada mas’uul ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. Two advocacy groups are seeking to intervene in the judicial review of the case of Abdoul Abdi, a former Somali child refugee fighting to stay in Canada. Source: Hiiraan Online
  3. Many diaspora actors have a desire for stronger inclusion in policy processes that concern the Somali region and diaspora engagement. This offers opportunities for development agencies. Source: Hiiraan Online
  4. Shirka Golloha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Muadane Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka war bixiyay amniga guud ee dalka iyo dar-dar gelintiisa, guulaha laga gaaray iyo qorshayaasha hor-tebinta leh ee khuseeya sare u qaadidda amaanka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad ay isku haleyn karaan. Gollaha Wasiiradda ayaa dood iyo falaqeyn dheer ka dib waxay isla garteen in la ansixiyay Sharciga Dambiyada Kufsiga oo ay golaha hor keentay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Insaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxay meelmariyeen ansixita Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka oo kulankii hore ay soo gudbisay wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, waxayna sheegeen golluhu in sharicahn uu baahi badan dalku haatan u qabo. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed S.G. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ka qeyb galay shirka ayaa mudanayaasha uga warbixiyay Qorshaha Suggidda Amniga Caasimadda, ee (SAMA), isaga oo sheegay in ay meel wanaagsan marsiinayaan, tallaabooyin wanaagsanna ay qaadeen tan iyo markii la bilaabay dar-dar gelinta Sugidda Amniga Caasimadda. Ugu danbeyntii, Wasiirka Qorsheynta XFS Jamal Maxamed Xasan, ayaa ka war bixiyay qorshaha soo ka bashada abaaraha iyo Fatahaadaha. Wuxuuna ku dheeraaday soo bandhigidda dhibaatooyinka laga dhaxli karo abaaraha soo noq-noqda iyo sidoo kale duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalka.
  5. Paris (AFP) – Security forces moved in on the biggest migrant camp in the French capital on Wednesday where some 1,700 people lived in makeshift tents alongside a canal. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU, May 30 (Xinhua) -- Somali military court on Wednesday sentenced three al-Shabab militants to death after they were found guilty of being behind hotel bombing in October last year, officials said. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Ciidamada cirka ee dowlada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay xerada Honington ee dalka Ingiriiska ayaa tababarayaal gaar ah u soo diray dalka Kenya si ay tababar ku saabsan qaababka looga hortago qaraxyada miinooyinka u siiyaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM. Kooxdan gaarka ah ayaa wadanka Kenya timid 16-kii bishan May ee aanu ku gudajirno, hal todobaad uun kadib markii dowladda Kenya ay qiratay in ugu yaraan 12 askari looga dilay qarax xoogan oo ciidamadeeda lagula eegtay duleedka degmada Dhoobeley ee Jubbooyinka. Saraakiisha dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in tababarrada la siinayo ciidamada Military-ga Kenya uu ka jawaabayo qeylla dhaan iyo baaqyo isdaba joog ah oo maalmahan kaga imaanayey madaxda xukuumadda Kenya kuwaas oo dalbanayey in qalab iyo tababarro dheeraad ah oo ay kaga hor tagayaan weerarada iyo qaraxyada ee Shabaab. Tababarkan oo socon doono muddo kooban ayaa la sheegay in ciidamada Kenya lagu bari doono xeelado iyo farsamooyin ka caawinaya ka hortagga weerarada qaraxyada. “Tirada ugu badan ee dhimashada ciidamada Kenya ka soo gaarta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab waxaa sababa qaraxyada miinooyinka” sidaas waxaa yiri Gariim Royistom oo ah madaxa kooxda tababarayaasha ingiriiska ee bixinaya tababarka. Tababarkan wuxuu ka socdaa dugsiga ciidamada Infantry ee ku yaalla Isiyeeloow, halkaas oo lagu soo dhaweeyey saraakiisha tababarayaasha ee ka socday dowlada Ingiriiska. Sawiro lagu baahiyey website-ka ciidamada cirka Ingiriiska ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano R.A.F ayaa muujinaya ciidamada Ingiriiska iyo kuwa Kenyaatiga oo si wadajir ah fulinaya xeelado ay sheegeen in looga hortagi karo qaraxyada . Dowlada Ingiriiska waxay sheegtay in ciidamadaas ay dalka Kenya sii joogi doonaan ilaa inta laga gaarayo bilowga bisha June ee soo socota ka dibna ay ku laaban doonaa xerada Honington ee dalka Ingiriiska oo ah saldhigga ay dagan yihiin ciidamadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo horraantii bishan May 2018 qarax xoogan lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo marayey meel u dhow xad beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 15 askari laguna burburiyey gaari nooca dagaalka ah. Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qiray in qaraxaas looga dilay ugu yaraan sagaal askari, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay la kulmeen weerarka xilli ay roonddo ka sameynayeen xuduudda balse warbixinno ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganaya ehellada askarta lagu laayey weerarka ayaa tirada dhimashada ee weerarkaas gaarsiiyey ilaa 12 askari. Dowlada Kenya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey markii qaraxaas lala beegsaday qeyllo dhaan iyo codsiyo isdaba joog ah u dirsatay waxa loogu yeero Caalamka si ay hesho qalab iyo tababaro xirfadeysan oo looga hortagi weerarada qaraxyada ee uga imaanaya Al Shabaab.
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa war-murtiyeed uu soo saaray ku sheegay in shacabka magaaladda laascaanood ay ku sugan yihiin xaalad aad u qalafsan oo ah tacadi bani’aadannimada ka baxsan. Qoraalkan, oo carro xooggan ay ka muuqato ayaa lagu sheegay in ciidamada laga keenay Hargeysa, sida qoraalki lee yahay, ay shacabka u gaysanayaan dhibaatooyin isugu jira xarig, jirdil, handadaad iyo caburin fikir. Puntland ayaa sheegtay in waxa Laascaanood ka socda ay yihiin xasuuq ay gaysanayaan ciidamo uusoo diray madaxweyne Muuse Biixi.
  9. ERGO - More than 1,000 families in Tukaraq have been forced to flee their homes, following ongoing conflict in this part of the northern Somali region of Sool. Source: Hiiraan Online
  10. Booliiska dalka Turkmenistan ayaa baarayaal u xil saaray in ay waardiye ka hayaan musqulaha shacabka kadib markii sida la sheegay ay shacabka bilaabeen fal dowladda iyo madaxweynaha aad uga caraysiiyay. Dadka oo ka jawaabaya go’aan dowladda ay dadka ugu qasabtay in ay ku iibsadaan wargeysyada dowladda leedahay ee dalkaas kasoo baxa, ayaa waxa ay bilaabeen in ay saxarada isaga bi’iyaan xaanshiyaha wargeysyada oo inta badan uu ku sawiranyahay madaxweynaha dalkaas Gurbanguly Berdimuhanmedov. Ma jiro wargeys kasoo baxa dalkaas oo uusan ku xardhanayn sawirka madaxweynaha maalin kasta, taas oo kaaga darane shacabka lagu qasbay in ay iibsadaan. Booliiska waxa ay sheegeen in qofkii lagu qabta la ciqaabi doono. Waxa kale oo ay booliiska baarayaan goobaha qashinqubka, halkaas oo haddii laga helo wargeys uu ku yaalo sawirka madaxweynaha qofka keenay qashinkaas la qabsan doono. Kaliya ma ahan in dadka ay ka mudaaharaadayaan waregsyada iibsigooda lagu qasbay, ee maadaamaa dalkaas yahay dal faqri ah, ma awoodaan in ay iibsadaan waraaqaha saxarada la’iskaga tirtiryo. Waxaa xitaa jira carruur loo xirxiray in ay garaafeeyeen sawirka madaxweynaha.
  11. Puntland ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in shacabka magaaladda laascaanood ee gobalka Sool ay kusugan yihiin xaalado tacadi oo ay u gaysanayaan ciidanka Somaliland, taasoo isugu jirta xarig, Jirdil, handadaad iyo caburin fikir. Hoos ka Akhri war-murtiyeedka. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Puntland oo War-murtiyeed kasoo saaray caburinta lagu hayo bulshada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  12. The city of Minneapolis won another legal battle against property owner Basim Sabri on Tuesday when the state Court of Appeals denied his expansion plan at the popular Karmel Mall. Source: Hiiraan Online
  13. Maryland (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla Gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa 35 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Nin Mareykan ah oo lagu helay in uu ku biiray Al-shabaab. Xeer Ilaaliyaasha Federaalka ee mareykanka ayaa soo eedeeyey Maalik Alim Jones, oo 33 jir ah waxaana lagu helay in uu u safray Soomaaliya,lana tababartay Al-shabaab. Maalik ku xukuntay 35 Sano oo xabsi ahoo uu ku muteystay safarkiisa Soomaaliya,ku biirista iyo la tababarashada Al-shabaab, waxaana xukunkaas riday maxkamadda Manhattan Ninkaan ayaa lagu eedeeyey inuu al-Shabaab ku qaaday Qori AK-47 ah isla markaasna uu ka dhinac dagaalamay kadib markii uu tabar qaatay. Sanadkii 2011 ayaa lagu eedeeyey inuu tagay dalka Kenya sidaasna uu kusii tagay dalka Soomaaliya oo daris la ah, waxaana la shaaciyey inuu Al-Shabaab la qaatay tababar socday muddo 3 bil iyo Maalmo. Sidoo kale maalik ayaa la sheegay inuu Qur’aanka ku bartay Xero ay Al-Shabaab ku leeyihiin gudaha Soomaaliya taasoo ciidamada lagu tababaro. Sida ay Maxkamadda sheegtay Ninkaan ayaa si toos ah ugu biiray ciidamada Jeysh Al Ayman oo ah ciidan gaar ah oo ay leedahay Xarakada Al-Shabaab. Ciidamada gaarka ah ee uu ninkaan ku biiray ayaa la sheegay inay tahay midda weerarada ku qaado dalka Kenya isla markaasna saldhigyo ku leh Booraha Kenya ku yaal oo ah halka ugu badan ee laga soo qaado weerarada laga dhex fuliyo gudaha dalkaas. Waxaa si toos ah loogu eedeeyey inuu ka qeyb qaatay dagaal ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo isku dhinac ah ay la galeen Xarakada Al-Shabaab kaasoo ka dhacay Degmada Afmadow ee Goolka Jubada hoose. Ugu dambeyntii ninkaan ayaa la sheegay inay qabteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya xilli uu doon ugu safrayey dalka Yemen, waxaana lagu wareejiyey dowladda Mareykanka 7-dii December sanadkii 2015. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Cadaado (Caasimadda Online) – Xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka maamulka Galmudug ayuu mas’uul katirsan maamulkaas jeediyay hadal dad badan ka yaabiyay. Max’med Xaashi Carrabeey oo ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka ‘Galmudug’ ayaa sheegay in Dastuurka u degsan maamulkiisa uu xuquuq siinayo shacab uu ku sheegay in ay gaalo iyo muslimiin leeyihiin. Vide lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Max’med Xaashi oo ku hadaaqaya in shacabka ku nool Mudug iyo Galguduud ay leeyihiin muslimiin iyo Gaalo arrinkaas oo dad badan ka yaabiyay. “Dastuurkaan Ninka gaalka ah iyo Ninka muslimka ah oo qabaa’illada Galmudug kasoo jeedo xaq ayuu ku leeyahay xaqiisa in uu ka helo waaye, waa in saxa loo fiiriyo dastuurka shalay markii la qoraayane sidaas ayuu ahaa” ayuu yiri Max’med Xaashi. Wuxuu ku dheeraaday ka hadalka waxa uu ku saleysanyahay dastuurka maamulka Galmudug oo sheegay in xaq siinayo gaalo iyo muslim, mar uu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab ayuu sheegay in ay ka aaminsanyihiin Urur Argagaxiso.
  15. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdi uu hagaaminyo ayaa maanta u safray magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa saaka hiirtii hore ka ambabaxay magaalada Garowe, waxaana safarkiisa Buuhoodle ku wahelinaya masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Puntland, saraakiil ciidan iyo xubno kale. Magaalada Buuhoodle waxaa ka socota qaban- qaabo xoog leh oo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo oo la filayo in ay gaaraan maanta galinka danbe. Safarka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee Buuhoodle ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay magaaladaas ay isugu yimaadeen ku dhawaad 10 Issim oo kasoo jeeda gobolladda Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo Somaliland ugu baaqay in ay isaga baxaan gobolladaas. Sidoo kale shacabka Buuhoodle ayaa maalmo ka hor dhigay mudaharaad looga soo horjeedo Somaliland, waxaana deegaanadaas muddooyinkii danbe laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) iyo wafdiga uu hagaaminayo ayaa inta ay Buuhoodle u sugan yihiin kulamo la qaadan doona Issimada, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada ee Buuhoodle. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u safray Buuhoodle appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Madaxweyne Farmaajo ayaa si baalaran loogu soo dhoweeyay Garoonka Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta waxaana ay ka wada hadli doonaan arimaha Ciidamada AMISOM iyo Xaaladaha geeska Afrika. Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho hal maalin qaadan doonto ku tagay Nairobi iyada oo aan si rasmi ah loo faah faahin u jeedka socdaalkiisa. Faah Faahinta Dib Kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Nairobi appeared first on Puntland Post.
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Farmaajo ayaa si wanaagsan waxaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Jomma Kenyatta ee dalkaasi Kenya, waxaana la filayaa inuu la kulmo madaxweyne Uhuru Kenyatta. Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Nairobi ayaa xog aan helnay waxa ay sheegeysaa inuu la xiriiro muranka ka taagan xuduudda labada dal oo Kenya ay ka dhiseyso darbi weyn. Farmaajo ayaa la filayaa inuu Kenya kala hadlo joojinta darbigaas ama ugu yaraan inaysan kusoo xadgudbin dhulka Soomaaliya. Farmaajo iyo Uhuru ayaa horay qadka taleefanka uga wada hadlay, isla markaana isku raacay guddi loo saaro arrinta darbiga, isla markaana la hakiyo. Waxaa sidoo kale la filayaa in labada madaxweyne ay ka hadlaan ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, ayada oo ciidamo Kenyan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya. Socdaalka Farmaajo ee Nairobi ayaa imanaya, ayada oo magaalada ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland.
  18. Bosaso[Puntland Post]-Tartankan kubada cagta ee Bisha Ramadaan ayaa loo qabtay toban kooxood oo kakala tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Badda Puntland . Tartankan oo lahaa wareegyo kala duwan ayaa waxa ugu danben iskugu soo haray Ciyaartii ugu danbeysay koox ku ciyaaraysay Magaca Imaaraadka iyo kooxda waaxda Tababarada ee Ciidamada Bada Puntland. Ciyaratan oo ahad mid xiiso badan islamarkaana ayaa waxa ay ahad ciyaartii ugu danbeysay koobka waxana ka soo qeyb galay Gudoomiyaha gobalka Bari,kan Degmada Bosaso ,iyo Saraakiisha Ciidamada Badda ee Puntland. Gudoomiyaha Tartanka Cabdirisaq Xuseen Carcar oo ugu horan ka hadlaya goobta ayaa sharaxay mudadii uu tartanku socday . Tartanka waxa lagu bilaabaya toban kooxod waxa ka soo haray labo kooxood oo ku kala ciyaarayey Magacyada Imaaraadka iyo kooxda waaxda tababarka ee Ciidamada Bada Puntland. Taratankan oo lahaa xiiso gaar aha ma jirin wax dhibaato ah oo ka dhacaya inta uu socday dhamaan kooxihii ciyaarayeyna waxa ay soo bandhigeen Ciyaaro wnaagsan . Ugu danben waxa koobka ku guuleystaya kooxdii ku ciyaaraysaya Magaca Imaaraadka Sidaas waxa yiri Gudoomiyaha Tartanka kubada Cagta ee Ciidamada Bada Puntland Cabdirisaaq Xuseen Carcar. Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceysa [dhado] ayaa sheegay in uu ku Faraxsan yahay in ay soo bandhigaan ciyaar wanagsan kooxahan iskugu soo haraya koobka ugu danbena ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Magaca Imaaraadka. Waxan aad ugu mahad celinayaa Madaxada Sare ee Ciidamada Bada Puntland sida wanagsan aya dhalinyaradan ay koobkan ugu Fureen. Ciidamada Badda Puntland waa garbahaygii waa ciidan aan si dhaw aan u wada shaqeyno waa ciidan ka qeyb qaata Amaanka Magaalada Bosaso. Waxan Ugu danben u hanbalyeynayaa kooxdii ku guuleystay koobka oo ku ciyaarayasay Magaca Imaaraadka, Sidaas waxa goobta ka Sheegaya Yuusuf Maxamed Waceys [Dhado] Gudoomiyaha Gobalka Bari,. Ugu Danben kooxdii koobka Qaadaay ayaa waxa la gudoonsiiyey abaal marino iyo sida oo kale koobkii ay ku guuleysten halka kooxdii kaalinta labad gashayna iyagana la gudoonsiiyey bilado. Cabdiqani Boos Puntland Post -Bosaso The post Tartan Kubada Cagta ah oo in Mudo ah ka socday Xarunta Ciidamada Bada oo la soo gabagabeyey appeared first on Puntland Post.
  19. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in dhawaan uu gaari magaalada Abu-Dubai ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta kadib markii la sheegay iney xariireyn Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka. Arrintan ayaa ka danbeysay xiriir dhex maray Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, wuxuuna noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee maamul Goboleedyada dalka hoggaaminaya oo taga Imaaraadka, kadib khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex oogmay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka. Madaxweyne Waare oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka , isagoo ku sii jeeda magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka, waxaana la sheegay in xubno la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Hirshabeelle iyo laba oo qof kale ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho, kadib markii safarka madaxweynaha uu noqday mid keligiis lagu casuumay. Wararka la helayo ayaa sheegaya In Imaaraadka Madaxweynaha Hirshabeelle ka dalbadeen inuu Yimaado Abu-Dubai iyadoo aan qofna la socon arintaasna uu aqbalay Madaxweyne Waare. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa raaci doono wadadii ay mareen Madaxweynayaashii kale ee Maamul Gobaleedyada ee ku aadan go’aankii laga qaatay Khilaafka Khaliijka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddex Nin oo loo heystay weerarkii 28kii October lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho. Bartamihii Todobaadkan Maxkamadda ciidanka ee darajada 1aad waxaa ay u fariisatay kiiska Raggan,waxaana ay Maxkamadda sheegtay in xukunka dib laga shaacinayo. Saaka ayey Maxkamadda shaacisay in Raggaas uu ku caddaaday kiiska,waxaana Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute. Farxaan Maxamed Samatar, C/Naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buulle,kuwaas oo loo heysto in ay ka dambeeyeen weerarkii Naasahablood Labo halkaas oo ay ku dhinteen 17 Qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya,Maamul Goboleedka Koofur Galbeed iyo Dadk shacab ah. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xukunka Maxkamadda uu leeyahay Racfaan islamarkaana ay Raggaas Racfaan ka qaadan karaan xukunta dil Halkan hoose ka akhriso xukunka lagu riday eedeysanayaashan:- Markey dhageysatay:- Maxkamada qiraalka eedaysanayaal 1: Farxaan Maxamed Samatar oo Magaciisa afgarashada ah loo yaqaan (Suheyb) 2: Cabdi naasir Dhaqane Xasan oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (C/xamiid Qoslaaye) iyo 3: Abshir Maxamed Xaaji Buule oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (yaxye) ay ka hor cadeeyeen Maxkamada horteeda in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al shabaab isla markaana ay ka mid ahaayeen Koox weerar ku qaaday Hotel Naasa hablood Labo Taariikhda markey aheyd 28/10/2017, eedeysanayaasha waxay Maxkamada ka codsadeen in loo naxariisto. Markey dhageysatay: Markhaatiyaasha la horkeenay Maxkamadda mid midna u weydiisay Marag furkooda waxay Maxkamadda ka hor sheegeen in ay ka mid ahaayeen ciidankii usoo gurmaday Hotel Naasa hablood Labo markii uu weerarka dhacay ka dibna sedexda eedaysane oo u adkeysan waayay dagaalka ay ciidanka amniga kula galeen gudaha Hotelka ay usoo baxeen banaanka iyagoo soo aaday dhanka ay maragu waardiyaha ka haayeen sidaasna ay ku dhex martay israsaaseyn sababtay dhaawaca mid ka mida Eedeysanayaasha halka labada kale ay ku carareen guri ka ag dhawaa goobta sidaasna ay kusoo qabteen sedexda eedeysane iyo hubkii ay ku dagaalamayeen oo isugu jiray AK47 iyo Bambooyin. Sidaa darteed Maxkamadda waxaa u cadaatay in eedeysanayaal Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule ay wada yihiin dambiilayaal galay dambiyada lagu soo oogay. Waxayna Maxkamadda ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday weerarka ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Labo Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada waxaa u furan Racfaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Maxkmada Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeysay xukun ciqaabeedkii loo heeystay Dhalinyaro la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Hoteel Naasahablood 2 Ee Muqdisho. Weerarkaan ayaa 28-kii Octobar ee Sanadkii hore 2017 ayaa waxaa weerarkaasi oo ku Dhow Madaxtooyada weerar ku qaaday Al-Shabaab. Ciidamada amaanka ayaa qabtay Dhowr qof oo ay sheegeen in ay ka dambeeyeen weerarkaasi iyaga oo ka soo Muuqday maxkmad. ugu dambeeyntii Maxkamada ayaa saakay ku riday 3 eedeeysane oo kale ah :- Farxaan Maxammed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule dil Toogasho Ah. Waxaa xukunkaasi ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkmada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Col Xassan Cali Nuur Shuute. Hoos ka Daawo Muuqaalka. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/maxkamda-ciidanka-qalabka-sida.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkmada Ciidamada oo Xukuntay Eedeeysanayaal loo Heeysto Qarixii Naasa Hablood 2 appeared first on Puntland Post.
  22. Dowlada Soomaaliya ayaa ku Guuleeystay in ay maanta dalka dib ugu soo ciliso 151 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo dhowrsano ahaa ku xirnaa xabsiyada ku yaala dalka Liibiya. Dhalinyaradaan ayaa ahaa kuwo u tahriibayay dalalka qaarada Yurup ayaa lagu xiray xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya. Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya ayaa soo Dhoweeyayn ugu sameeyay Garoonka Muqdisho dhalinyaradaan. Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo garoonka diyaaradaha kula hadlayay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay dhalinyaradaasi saaka la soo dejiyay. “ Een muddo 15 maalmood ah oo aan wadnay dadaal anaga iyo safaaradda Liibiya,waxaa lagu guuleystay in aan diwaangelino ilaa 300 oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku dhibaataysanaa xabsi kuyaala magaalada Triboli ee dalka Libiya,waxaan ku guuleysanay in 151 oo kamid ah dhalinyaradaasi aan saaka soo dejino, runtii waa guul ay soo haysay dowladda Soomaaliya,waad arkaysaan dhalinyaradana sida farxaddu ay uga muuqato in dalkoodi hooyo ay ku soo laabtaan”. Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixineeysay sidii dalkooda hooyo loogu soo cilin lahaa dhalinyaro badan oo ku dhibaateeysan xabsiyada dalalka caalamka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post in kabadan 150 Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku Xirnaa Liibiya oo Muqdisho lagu soo Ciliyay appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishaani ramadaan marti galineysa Dilal iyo Qaraxyo nooca lagu xiro gaadiidka raaxada. Dilalka ugu badan ee Bishaani Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga kala fuliyay Afar Degmo oo la rumeysan yahay inay ka jirto amni darro weyn. Dilalka iyo Qaraxyada ayaa horseed u ah Dayacnaanta dhanka maamulka iyo ciidamada ka howlgala Degmooyinkaasi, waxaana xusid mudan inaanu jirin xitaa hadalo kasoo baxa maamulka Degmooyinkaasi xiliyada ay dhibtu dhacdo. Degmooyinka ugu halista badan Bishaan ramadaan ayaa waxaa kamid ah Degmada Waabari, Boondheere, Dharkiinleey iyo Degmada Howlwadaag oo qeybteeda xigta bakaaraha ay ka dhacaan dilalka ugu badan. Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maalmo un ka hor ku goodiyay inaanu xilka sii heyn dooni Guddoomiye Degmo oo aan ka adkeyn amniga Degmadiisa. Si kastaba ha ahaatee, amni darada kasoo ifbaxeysa afartaasi Degmo ayaa cudur daar u noqon doonta ka dhabeynta goodinta uu jeediyay Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla Weyn ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka uu ka dhacay qarax miino oo qasaare geeystay. Qaraxa ayaa la la eegtay askar katirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Masuul askartaasi ay la socdeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen 7askari iyo masuulkii maaliyada u qaabilsanaa Degmada Wanla weyn oo magaciisa lagu sheegay Hurdaaye. Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi iyaga oo warbaahinta ku hadla Afkooda ku baahiyay in ay qaraxaasi iyaga ka dambeeyeen. Dhowaan qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Wanla weyn ayaa waxaa ku dhintay askar iyo dad shacab ahaa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post 8 Qof uu mid kamid ah yahay Masuul oo ku dhintay qarax ka dhacay Wanla-Weyn appeared first on Puntland Post.
  25. Wararka Naga soo gaaraya Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada wax ka soo dhisay Baarlamaanka Soomaaliya. Dableey Hubeeysan ayaa Nabadoonka Gurigiisa ugu galay iyaga oo kala baxay kadibna toogtay. Kooxihii dilka Geeystay ayaa isaga baxsaday Goobta ay ku dileen Nabadoonka waxaana durba goobta soo gaaray Ciidamada dowlada Soomaaliya. Dalka waxaa ku soo badanaya Dilalka loo geeysanayo Ergadii wax ka soo dhisay Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Nabadoon Wax ka soo Dhisay Baarlamaanka oo Lagu Dilay Garbahaareey appeared first on Puntland Post.