-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka warbixiyey kulan dhawaan dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi kaas oo uu sheegay inay arimo badan ku faaqideen. Siyaasi Buubaa wuxuu tilmaamay in arimihii ay kawada hadleen Madaxweyne Muuse Biixi ay kamid ahaayeen sidii xal looga gaari lahaa xiisada ka aloosan degaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayna isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Soomaaliland. Siyaasigan ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu ka codsaday inuu la hadlo dadka ay iska garanayaan degaanada Puntland si xal loogu helo xiisada gobalka Sool, wuxuuna tilmaamay inuu madaxweynuhu codsigan usoo gudbiyey maadama ay jiraan dad badan oo reer Puntlandna oo ay soo wada shaqeeyeen marar kala duwan uuna dad badan ka garanaayo degaanadaas. Buubaa ayaa baaq nabadeed u diray ciidamada isku hor fadhiyo gobalka Sool, wuxuuna ka codsaday inay joojiyaan dagaalka ayna iskugu yimadaan miiska wada hadalka si loo baajiyo dhiig daata, isagoo dhanka kalena iftiimiyey inay arintan dadaal nabadeed ka geli karaan Dawadaha Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti. Dhanka kale Siyaasi Buubaa ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu sidoo kale kala hadlay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday degaanka Gacan libaax ee sida aadka loogu cambaareeyey xukuumada Muuse Biixi iyo sidoo kale isbadelka ka dhacay Itoobiya oo uu sheegay inay saamayn weyn ku yeelan doonto Soomaaliland. PUNTLAND POST The post Buuba oo sheegay in Muuse Biixi ka codsaday inuu la hadlo reer Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Warar isa soo taraya oo laga helayo caasimadda dalka Belgium-ka ahna xarunta midowga Yurub ayaa tibaaxaya in waftigii Jubbaland ee uu hoggaaminayey madaxweynaha maamulkaas ee Axmed Madoobe ay isaga bexeen shirka waxyar kahor inta uusan furmin. Wali ma cadda sababaha keentay in ay tallaabadaas qaadaan walow ay jiraan tababshooyin ku saabsan sida ay qabaan wax ka badal lagu sameeyey qodobaddii shirka in lagu gorfeeyo loogu talalagay. Hore waxaa loo ogaa in maamulka Jubbaland ay uu ka caga jiidayey ka qeybgalka shirka Brussels oo la filayey in aysan u safrin Belgium-ka. Hase ahaatee, madaxweyne Axmed Madoobe iyo waftig balllaaran ee uu hoggaaminayo wey u safreen waxaana la filayey in maanta galinka dambe uu madasha ka jeediyo khudbad. Cagajiidka maamulka Jubbaland waxa ay ahayd mid hore loo fahansaaa maadaama khilaafka kala dhexeeya dowladda Federal-ka uu maalinba maalinta ka dambeeysa sii xoogeysanayey. Waxaa u dambeeysay taliyihii ay dhawaan Jubbaland ka soo celisay madaarka Kismaayo kaas oo ay Dowladda dhexe u magacowday guutada 43-daa ee Jubbaland fadhigoodu yahay. Maamulka uu Axmed Madoobe gadh wadeenka ka yahay waxa ay ku andacoodeen in aan la gala tashan, yeelkeede, taliyuhu waxa uu ka dagay magaalada Garbahaareey oo ah xarunta Gobolka Gedo kana tirsan maamulka uu ka arrimiyo Axmed Madoobe! Hadaba sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa in Axmed Madobe ka boxo shirka? Waa laba waxyaabood ayaa muuqan doonta haddii ay Jubbaland shirka ku soo laaban weyso oo aysan ka qeybgalin. 1 – In uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya dowladda Federal-ka iyo Jubballand oo ay arintu gaareyso barako ma leh. 2 – Haddii ay dhacdo, in ka maqnaanshaha shrika ay ku koobnaato Jubbaland oo ay maamulada kale sidooda uga sii qeybgalaan, waxaa wiiqamaya golihii iskaashiga ee maamul Gobolleedyadu sameysteen taas oo iftiimin doontaa in aysan jirin wax badan oo ka dhexeeya sida masaaliixda. Su’aasha ayaa ah, golaha iskashiga Maamul Gobolleedyada ee uu hoggaamiyaha ka yahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ma waxa ay shirka Brussels ka qeybgaleen iyaga oo aan ka sii wada tashan? Caasimada Online Xafiiska Bresels Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen,ayaa goordhow shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku xigeen oo lagu kala magacaabo Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/Qaadir Maxamed Nuur. Warqadda shaqada looga joojiyay labada Taliye ku xigeen oo lagu qeexay sababta shaqo joojinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ay ka dhaceen weerarro ay geysteen Al-shabaab. Shaqo joojinta ayaa la sheegay inay ka dhalatay shaqaaqo dhexmartay Agaasimaha Hay’adda NISA iyo ku-xigeenkiisa koowaad ninka lagu magacaabo C/Qaadir Maxamed Nuur (Jaamac). C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa diiday shaqo joojinta lagu sameeyay, waxaana sidoo kale laga mamnuucay dhamaan Xafiisyada hoostaga Hay’adda NISA. C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa wax kama jiraan ka dhigay wareegtada kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda, waxaana aad looga cabsi qabaa in ciidamada labada mas’uul ay dhexmarto isku dhac. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in mudooyinkan uu khilaaf ka dhexeeyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Ku-xigeenkiisa koowaad, kadib markii uu kala xigsaday Ra’isul wasaare Kheyre. Khilaafka Agaasimaha Hay’adda iyo C/Qaadir Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu sabab u ahaa Ra’isul wasaare Kheyre oo xiriirka u jaray Agaasimaha isagoo kalsooni siiyay Jaamac oo ahaa ku-xigeenka koowaad horayna ula goostay dhaqaale xoogan. RW Kheyre ayaa la xaqiijiyay in howlaha khuseeya Hay’adda NISA uu kala xaajoon jiray ninka la yiraahdo Jaamac, taa oo sabab u noqotay khilaaf raagay oo sababay xil ka qaadista. RW Kheyre ayaa aad uga soo horjeeda Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Xuseen, halka Madaxweyne Farmaajo uu ka aaminsan yahay Agaasimaha oo markii hore ku imaaday rabitaankiisa. Sidoo kale, C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa horay u musuqay lacag la sheegay inay laheyd Hay’adda NISA taa oo lagu qabtay xili uu ka dhoofi lahaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waana qeyb kamid ah sababta loogu sameeyay shaqo joojinta. Sababta ugu weyn ee khilaafyada soo kala dhexgala Madaxda Hay’adaha amaanka ayaa waxaa loo sababeeya Ra’isul wasaare Kheyre oo aan mudnaanta siin mas’uulka ugu sareeya Hay’adda amniga, waxa uuna si gaara u dhaweystaa ku-xigeenada, isagoo waxkama jiraan ka dhiga Madaxda ugu sareysa. Geesta kale, Khilaafka sababay shaqo ka joojinta uu sameeyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda ayaa la rumeysan yahay inay jawaab u tahay faragalinta iyo kala sooca uu Ra’isul wasaare Kheyre ka dhexwado Hay’adaha amniga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bresels (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya magaalada Bresels ee Wadanka Belgium-ka ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigii ka socday dowlad goboleedka Jubbaland ee ku sugnaa halkaasi ay shirkii isaga baxeyn. Xubnaha Wafdiga Jubbaland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa waxaa la sheegay in daqiiqadihii u dambeeyey ee furitaanka shirkaas ay ka baxeyn,iyaga oo ka cabanaya in isbedel lagu sameeyey ajandayaasha shirka. Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Jubbaland ayaa go’aasaday in aysan ka qeyb gelin, iyagoo ku andacoonaya in wax ka bedel lagu sameeyay ajandaha shirka iyo in la jebiyay hab maamuuskii furitaanka shirka. Tallaabadan ayaa dhacday daqiiqadihii u dambeeyay ee diyaar garowga shirka Brussels, waxaana madasha uu shirka ka socdo soo gelin Wafdigii uu hoggaaminayay Axmed Madoobe. Madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo wafuuda wehlisa sida Galmudug, Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa hoolka ku jira oo shirka ka qeyb galaya. Wararkii u dambeeyey ee haatan Bresels naga soo gaaraya ayaa waxa ay ku waramayaan in uu socdo qorsho lagu xalinayo madaxda Jubbaland si ay shirkaasi uga qeyb galaan,waxana arrintaana ay kusoo aadeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo Jubbaland taas oo ka dhalatay Magacaabistii taliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Bresels Caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka ka furmay Shir looga hadlayo arrimaha Somalia oo ay ka qeybgelayaan Madax ka socota Somalia iyo Beesha Caalamka. Shirkan oo soconaya muddo laba cisho ah ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha amaanka,Dhaqaalaha,Siyaaasadda iyo horurmarka ay sameysay Dowladda Federaalka ah. Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka. Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arimaha Soomaaliya. Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale. Madaxweynaha Soomaaliya,Wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Europe ayaa wadajir u shirguddoominaya kulanka maanta.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin isugu jira xildhibaanno iyo Xisbiyada siyaasadeed qaarkood ayaa War-murtiyeed ka kooban 22 Qodob kasoo saaray magaalada Muqdisho. Qodobadaas ayaa lagu eedeynayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaabka ay shaqeyso, waxayna u badan yihiin: cambaareyn, baaq, ugu yeerid, ka cabasho iyo caddeyn, waxaana lagu soo beegay shirka arrimaha Soomaaliya ee magaalada Brussels ee maanta furmaya. Xisbiyada Wadajir, Daljir, Horusocod iyo Kulan ayaa war murtiyeedka ay soo saareen ka koobnaa illaa 22 qodob, waxaana lagu soo beegay ka hor shirka Brussels ee maanta furmaya, iyadoo nuqul ka mid ah loo diray Brussels. War murtiyeedka ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyay weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ku qaaday xarumaha dowladda iyo goobaha shacabka, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo aan waxba galabsan, waxaana ay tilmaameen in weerarkaas ay daciiftinimo muujiyeen. Sidoo kale waxaa war murtiyeedka looga hadlay xirnaanshaha waddooyinka iyo in dowladda Federaalka ay xirtay waddooyin badan, isla markaana la xadiday dhaq dhaqaaqa dadka, waxaana xirnaanshaha waddooyinka saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo ganacsiga oo hoos u dhac laga dareemay. Xisbiyadan ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin in xakameynta xoriyadda hadalka iyo in dowladda Federaalka ay xadiday dhaq dhaqaaqa siyaasiyiinta, isla markaana loo diiday mucaaradka shirarka iyo kulamada, taasoo ay ku tilmaameen inay xadgudub ku tahay qodobada dastuurka. Xisbiyadu waxay sidoo kale muujiyeen walaacooda ku aadan “Khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya maamul goboleedyadda iyo Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya” kaas sida ay sheegeen ka dhashay aragtidda Dowladda Faderalka ah ee maamulka dhexe. War murtiyeedka Xisbiyadda ayaa Dowladda faderalka ah waxaa uu ku eedeeyay “in ay faragalineeyso arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan magacaabistii Taliyaha qaybta 43 aad ee ciidanka Xogga Dalka”. Waxaa ku xusan war murtiyeedka in Dowladda ay taliyaha magacowday iyada oo aan la tashan maamulka Jubbaland taasi oo xad gudub ku ah qodobka 20 aad ee Qorshaha Amniga Qaranka. Xisbiyaddu waxay sheegeen in Khilaafka khaliijku uu saameeyn ku yeeshay Amniga iyo xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in Dowladda faderalka ah ay hesho Malaayiin dollar oo hoos u dhigaya Xasiloonidda. Xisbiyaddu ma aysan sheegeen Wadanka ay Dowladdu lacagtaan ka hesho, iyo Tiradda Lacagta midna. “Waxaan cambaareeyneeynaa cune qabateeynta Horumarka iyo gargaarka ee Dowladda faderalku kusoo rogtay Somaliland, waxaan ku boorineeynaa in Dowladda faderalku soo celiso macaamilka gaarka ah ee Somaliland” ayey Xisbiyaddu ku sheegeen war murtiyeedkooda. Xisbiyaddu waxay Dowladda faderalka ah ku Booriyeen in ay Dooshooyinka 2020 ku dhacaan si sax ah oo aysan ka daba marin waqtigii loogu talogalay. Waxayna ku adkeeyeen Dowladda in aysan ka leexan Nidaamka Qof iyo cod ee Doorashadda. Iyo in ay ogolaato Nidaamka Xisbiyadda badan ee Doorashadda. Haddaba halkaan hoose ka akhriso 22 qodob oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdonka ee NISA ayaa shaqadii ka joojiyey laba ka mida ku xigeenadii Hay’adaasi oo ahaa kuwii ugu awoodda badnaa NISA. Qoraal uu soo saaray maanta Agaasimaha Hay’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey labadii ku xigeen ee NISA, kuwasoo kala ah: Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/qaadir Maxamed Nuur. Shaqo ka joojinta labada sarkaal ee ka mida kuwii ugu sareeyay NISA oo hore hay’adda dhowr bilood u maamulayey si KMG ah ayaa imaaneysa iyadoo khilaaf ba’an uu hareeyay maamulka sare ee NISA, isla markaana ay wada shaqeyn waayeen agaasimaha. Sidoo kale Jen. Cabdalla Cabdalla ayaa muddo ahaa kuxigeenka Agaasimaha NISA illaa xilligii dowladdii Xasan Sheekh, waxaana uu u soo joogay is bedeladii ku dhacayay Taliyeyaashii isaga kala dambeeyay ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Agaasimaha Hey’adda NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa waxaa lagu faray dhamaan qeybaha iyo hoggaanada hey’adda NISA inay u hoggaansamaan amarkan shaqo joojinta.
-
Brussels (PP) ─ Madaxweynaha Somalia iyo kuwa mamaul-gobaleedyada daka, ayaa waxay wada gaareen xarunta dalka Belgium ee Brussels, si ay uga qayb-galaan sirka caalamiga ee maanta ka furmaya magaaladaas. Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galaya hoggaamiyayaal ka kala socda dowladaha taageera Somalia iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga iyo Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Midowga Afrika, AMISOM iyo dublamaasiyiin kala duwan. Inta uu socodo shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalladaha Amniga, horumarka, geeddi-socodka AMISOM iyo doorashadda Somalia ee 2020-ka oo la qorsheynayo inay noqoto mid qof iyo cod ah. Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul-gobaleedyada ayaa lagu wadaa inay si wadajir ah ugu soo bandhigaan shirkaas qorshayaal dhinaca ammaanka Somalia iyo dib-udhiska ciidamada Qaranka la xiriira, waxayna beesha Caalamka ka codsan doonaan malaayiin Doollar oo dib loogu dhisayo ciidanka Qaranka, si ay hawl-galka AMISOM ugala wareegaan sugida amniga iyo deggenaashaha Somalia. Sidoo kale, Shirka Brussels ayaa lagu falan-qeyn doonaa tallaabooyinka lagu taageerayo ammaanka iyo xasiloonida iyo horumarka Somalia, iyadoo lasoo warinayo in dhaqaalaha lagu taageerayo arrimahaan si weyn looga doodi doono inta uu shirku socdo. Dhinaca kale, Bishii May ee la soo dhaafay shirweyne ka dhacay magaalada Brussels waxay dowladaha Midowga Yurub ballan-qaadeen 100-milyan oo Euro oo lagu taageerayo Dowladda Federaalka. Ugu dambeyn, shirkan caalamiga ee maanta ka furmaya Brussels, waxaa lagu lafa-guri doonaa natiijooyinkii kasoo baxay kulankii ugu dambeeyey ee golaha amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen Magaalada Baydhabo. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayo Horumarka iyo Amniga Soomaaliya oo Maanta ka furmaya Brussels appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gobalka Geeska Afrika waxaa si xowli ah uga socda beryaan dhismaha Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale xoogan oo wax looga bedelayo nolosha iyo horumarka Shucuubta Geeska Afrika, kadib markii ay is bedeshay Siyaasada Gudaha iyo Dibadda ee Ethiopia, Jabuutina furtay; Dekedo, Khad Train iyo Xarun Ganacsi Free ah, Eritreyana kusoo biirtay tartanka dhaqaalaha Gobalka, RW Abiy Ahmed na uu soo bandhigay qorshe looga guurayo Taariikhdii Cadaawada iyo Colaadaha Gobalka, laguna yareynayo Hubka iyo Ciidamada Gobalka, laguna dhisayo Siyaasad fur-furan, kaabiyaal Dhaqaale xoogan iyo fursado Shaqa abuur! Dawladda Somaaliya ayaa 18 Sano dadaal dheer ugu jirta soo celinta iyo dib u dhiska Ciidankii Qaranka Somaaliya ee ugu tayada badnaa Geeska Afrika 1960 – 1990, lkn weli laguma guulaysan sababta ugu horreysana waa in uusan jirin Dhaqaale xoog leh oo lagu dhiso! Madax ka tirsaneed dawladihii Madaniga iyo Kacaankii Oktober waxa ay ii sheegeen in Ciidanka lagu dhisay 1960 kii Miisaaniyada dawladda 40% , 1980 kiina la gaarsiiyey ilaa 60% Miisaaniyada dawlad faqiir ah oo ku tiirsaneed Mucaawino iyo Deymo shisheeye, halka kaalmada la siin-jiray na ay ugu badneed Hubka, Tababarka iyo Qalabka Ciidanka, deeqaha waxbarashada dibadana ay ugu badneed tababarka Ciidanka, dib u dhacna uu ku yimid Mashaariicdii horumarineed, kaabayaashii dhaqaalaha iyo fursadihii shaqa abuurka! Intaas waxaa dheeraa reer Galbeedka oo kasoo horjeeday dhismaha Ciidan Xoog leh oo Somaaliya yeelato 1960 kii ilaa maanta oo marti loogu yahay kadib markii uu bur-buray Midawgii Sofeeti oo noo dhisay Ciidankii hore ee aan Magaca uga kasbanay Gobalka! Hadaba dadka iyo dawladda Somaaliya waxaa horyaal laba khiyaar oo adag: 1- In ay dhistaan Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale Xoogle leh oo ay kula tartamaan is-bedelada Gobalka Geeska Afrika, ugana qeybqaataan qorshaha cusub ee dhismaha mustaqbalka Gobalka???. 2- In ay kow ka dhigtaan dhismaha Ciidan Qaran oo leh Awoodii iyo Magacii hore oo kale iyada oo aan marti looga noqonayn London iyo Brussels??? -Ma dhici kartaa in hal mar lawada dhiso Ciidan Xoog leh iyo Dhaqaale Xoog leh??? -Ma dhici kartaa in tartanka iyo isbedelada Gobalku na sugaan inta aan Ciidan iyo Dhaqaale ka dhisanayno??? -Ma dhici kartaa in aan Xoog uga hor tagno Damaca dawladaha Gobalka? Mise waxaan u baahanahay Caqli iyo Cilmi aan uga hor tagno???. -Maxaa la gudboon dadka iyo dawladda Somaaliya oo u leh hor-tebin iyo Istaraatiijiyad lagula tartamo, loogana qeybgalo isbedelada Gobalka Geeska Afrika??? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)
-
Agaasimaha Ha’ada Nabad sudiga iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shaqada ka joojiyay labo sarkaal oo katirsan Ha’ayda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA. Digreeto ka soo baxday xafiiska Agaasimaha NISA ayaa xilka looga qaaday Sareeyo Guuto Cabdala Cabdala Maxamed iyo Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo NISA saraakiishooda ka tirsanaa. Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxyo iyo weeraro is xig xiga oo isbuuc gudihiisa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa jira isla xisaabtan ka dhexbiloowday Ha’adaha amaanka Soomaaliya . Siyaasiin badan ayaa muujinayay layaabka wadooyinka oo xiray darteed sida gawaarida qaraxa sida iyo ciidamada hubeeysan ay u soo gudbeen ciidamada dowlada Soomaaliya. Todobaadkii hore ayeey aheyd markii xabsiga loo taxaabay saraakiil katirsan ciidamada NISA si wax looga weeydiiyo qaababka ay u dhaceen weeraradaasi. Hoos ka Aqriso Digreetada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Saraakiil katirsan Nabad Sugida Soomaaliya oo Shaqada laga Joojiyay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hoggaamiyenimo ee maamulka ay siyaasadooda u adeegsadan muuqaalka ciidamada. Maamulka ayaa sheegay in sharciga la marin doono musharaxii ololihiisa gaarka ah u isticmaalo isla sawirida ciidamada amaanka ee ku sugan gudaha iyo jiida dagaalka. Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ololaha doorashada Hoogaamiyenimo ee Puntland ay mamnuuc ka tahay in leysku sawiro ciidamada. Waxa uu taliyaha sheegay in Musharaxiinta ay ka mamnuuc tahay inay sawiro la galaan ciidamada ku sugan dhufeysyada sida kuwa jooga jiida dagaal ee Tukaraq. “Musharaxiinta waa ka mamnuuc in ololohooda doorasho ay u adeegsadan isla sawirida ciidamada ku howlan sugida amniga, waxaanu musharax waliba ka dooneynaa inuu nala dhooro sharciga, haddii ay dhici weydo waanu xiri doonaa” Waxa uu intaa ku daray in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn in ay Ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in ay wixii ay u qabanayaan Ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan Taliyeyaashooda. Waxa uu sheegay in maalin ka hor uu deegaanka Tukaraq gaaray musharax ciidamada ugu deeqay shidaal isla markaana xili uu shidaalka ciidamada ugu deeqayey uu isku sawiray taas oo keentay go’aanka ka soo baxay Janeraal Siciid Dheere. Sidoo kale, waxa uu sheegay in amarka lagu mamnuucayo isla sawirida ciidamada difaaca uu yahay mid kasoo baxay maamulka sare, waxa uuna ka digay in la khilaafo amarkaasi. Haddalka Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa imaanaya iyadoo musharaxiinta u taagan doorashada 2019 ay ku qulqulayaan furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq Gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Canada’s largest full-line department store chain, the Hudson’s Bay Company, has pulled clothing, shoes and other merchandise bearing Ivanka Trump’s fashion brand from its website and said it would wind down their sale in its stores across the country. Source: Hiiraan Online
-
Mr Mohamed Hassan Mumin, a peace elder from Wajir County who dressed former US President Barack Obama in traditional Somali outfit in 2006, is now seeking to meet him. Source: Hiiraan Online
-
A liberal woman of color with zero name recognition and little funding takes down a powerful, long serving congressman from her own political party. Source: Hiiraan Online
-
National Assembly Majority leader Aden Duale has told elected leaders to stop blackmailing independent institutions mandated to fight graft. Source: Hiiraan Online
-
Xeel-dheere Siyaasadeed oo lagu magacaabo C/llaahi Faarax Mire ayaa shaaciyey inay Wafdi ka socda Hay’adda Sirdoonka Imaaraadka dhawaan booqasho ku yimaadeen Somalia, si ay Kalsooni uga helaan qaar ka mid ah Madax Dhaqameedyadda Beelaha Soomaaliyeed. Khabiirka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Imaaraadka doonayso inay xiriir cusub la yeeshaan Qabaa’illadda, si loo dhiso Maleeshiyo ay Dowladda Imaaraadka bixinayso Kharajkooda iyo Tasiilaadka kale ee ay u bahaan yihiin, wa sida uu hadalka u dhigay. Wareysi uu siiyey Shaabakadda al-sharq.comee laga leeyahay dalka Qatar waxa uu ku sheegay in Wafdiga ka socday Sirdoonka Imaaraadka ay isbuucii hore booqasho ku yimaadeen Somalia, oo ay kula kulmeen Odayaal Dhaqameedyo, iyagoo u geeyey Haddiyado laga dhigay Gargaar Samafal, iyadoo Odayaasha laga dalbaday inay dhisaan waxa loogu yeeray Ciiddan Badbaado oo ay Dowladda Imaaraadka siinayso taageero iyo maalgelin. Sirdoonka Imaaraadka waxay doonayaan inay Khibradii ay ka soo kororsadeen Maleeshiyadda ay ka dhisteen gudaha dalka Yemen oo kale ka abuuraan Somalia maleeshiyo iyaga khaas uga amar-qaata. Sirdoonka Imaaraadka waxay kaloo doonayaan inay Odayaasha Beelaha isbahaysi la noqdaan, si ay iyagana daacadnimo ugu taageeraan Danaha Imaaraadka ee gudaha Somalia. Khabiirka qoray Warbixintan ee C/llaahi Faarax Mire waxa uu tilmaamay inaysan Dowladda Imaaraadka Carabta waxba ka soo qaadin Go’aankii Beesha Caalamka ee ugu baaqay Dowladda Imaaraadka inay xushmeyso Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia. Khabiirka waxa kale oo uu sheegay inaysan Imaaraadka joojinin Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Somalia iyo Dhismaha Saldhigga Milliteri ee Dekedda magaalladda Berbera, inkastoo ay DFS ka mamnuucday Imaaraadka maamulista Dekeddaha ku yaalla dalak Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in Joogitaanka Imaaraadka ee xuduudaha Maamul-gobaleedka Puntland ay xaqiiqdii tahay sidii ay Imaaaraadka u dhisi lahayd Ciiddan Ammaan oo ay maalgeliyaan, si ay u kontoroolaan Dowladda Xeebaha Bariga Somalia. Barlamaanka Europe waxay dhawaan soo saareen Qaraar ku eedeeynayo Dowladda Imaaraadka inay faraha kula jiraan Deganaansho La’aanta Somalia, waxaana looga baaqay inay xushmeeyaan Madax-bannaanida iyo Midnimadda dalka Somalia. Barlamaanka Europe waxay tilmaameen in Dhexdhexaadnimadda Somalia ee Khilaafka Khaliijka sababtay inay Dowladda Imaaaradka jarto Deeqihii ay DFS ku taageeri jireen. Bishii Maarso 27-dii ee sannadkan, Danjiraha Somalia u jooga Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, Abukar Osman oo ka hadlay Kulankii Golaha Ammaanka ee QM waxa u ugu baaqay in la soo-afjaro Xadgudubka ay Dowladda Imaaraadka ku hayaan Qaranimadda iyo Midnimadda dalka Somalia. Danjiruhu waxa uu tilmaamay in Heshiiska Imaaraadka ee Dekedda Berbera uu yahay mid wax kama jiraan ah oo aysan DFS oggolaan doonin. Sidoo kale, DFS waxay ashtako ka dhan ah Imaaraadka u gudbiyeen Ururka Jaamacadda Carabta, iyagoo ku baaqay in la joojiyo faragelin kasta oo lagu hayo Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka DFS iyo Imaaraadka waxa uu meel xun gaaray, kadib, Malaayiin Dollar oo ay Dowladda Imaaraadka soo dhiibtay lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho. Muranka Lacagtaasi oo dhamayd 9.6 million oo Dollar ayaana sababtay inay labada dhinac kala boodaan, iyadoo ay Goobjoogayaashu rumeysan yihiin in Lacagtaasi la doonayey in Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni looga abuuro Somalia. ISHA: Al-sharq.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya weerarada ay maleeshiyada Al-Shabaab ka geystaan wadada Makka Al-Mukarama oo aad u mashquul badan. Wadada Makka Al-Mukarama oo ah halka ugu saxmada badan magaalada Muqdisho ayaa gasha Xarunta Madaxtooyada Somalia iyo xarumo kale oo ay leedahay dowlada. Weerarada ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maalmihii tagay ay dowlada Somalia ka digeysay amni darro ay maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ayna ciidamada amaanka xireen inta badan waddooyinka magaalada. Weerarada ayaa waxaa maleeshiyada u fududeeya milkiilayaasha goobaha ganacsi ku leh hareeraha laamiga Makka Al-Mukarama, kadib markii maleeshiyada ay ku amartay in Kaamiradaha ku xiran wajiga hore ee goobahooda ka nacsi ka fureen. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Shabaab ay jareen Kaamiradaha qarsoon ee ku xiran goobaha Ganacsi ee ku yaalla wadada Makka Al-mukarama ee saaran Xarunta Villa Somalia. Maleeshiyaadka ayaa la xaqiijiyay in Goobaha Ganacsi qaarkood ay ku amreen inay jaraan Kaamiradaha, halka qaarna ay diideen inay jaraan. Inta ugu badan Kaamiradaha ay maleeshiyada Jareen ayaa ku yaalla Wasaarada Arrimaha Gudaha ilaa Isgooska Banaadir, sida laga soo xigtay qaar kamid ah milkiilayaasha Goobaha laga jaray. Kaamiradaha qaar ayaa ku dhagan goobaha hortooda, balse waxaa la xaqiijiyay inaysan aheyn kuwo shaqeeya, sababo la xiriira Hanjabaado loo jeediyay milkiilayaasha Goobaha. Kaamiradaha qarsoon ee iminka shaqeeya ayaa ku yaalla keliya qaar kamid ah Hoteelada waaweyn ee saaran laamiga, waxaana xusid mudan in xitaa Hoteelada yaryar lagu amray inay jaraan, kuwaa oo hadda aan qaarkood shaqeyn. Wadada Makka Al-mukarama ayaa kaalinta koowaad kaga jirta waddooyinka ugu mashquulka badan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay isticmaalan Madaxda dowlada Federaalka. Wakhtiyo kala duwan ayey Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka macluumaad ka heleen Kaamiradaha qarsoon oo iyagu duubay falal amni darro oo ka dhacay waddada Makka Al-mukarama kuwaa oo ugu badan Qaraxyada dhacay. Kaamiradahaasi ayaa horay u duubay macluumaadka Gaadiid dhowr ah oo isku qarxiyay Wadda Makka Al-Mukarama, halka qaarkood ay duubeen muuqaalka maleeshiyaad geystay dilal, waana sababta ugu weyn ee dowlada Somalia ay uga hortagi la’ dahay weerarada. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in wixii ka danbeeyay furitaanka Kaamiradaha ay maleeshiyaadka ku guuleysanayeen weerarada ay ka geystaan wadada Makka Al-mukarama, gaar ahaan Xarumaha dowlada iyo Hoteelada saran laamiga. Geesta kale, waxaan weli arrintaani ku baraarugin dowlada Federaalka oo inta badan mas’uuliyiinteeda ay isticmaalan wadada Makka oo laga jaray Kaamiradaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, uu ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha Somalia. Magaalada Brussels ayaa waxaa jooga wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo. Shirka magaalada Brussels wuxuu daba socdaa shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka. Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale. Madaxda dalka ayaa la filayaa in shirka ay kusoo bandhigan waxyaabaha ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal. Inta uu socdo shirkan maanta ka furmaya magaalada Brussels ayaa waxaa sidoo kale jiri doona saddex shirar kale oo gooni gooni ah oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka. Seddexda shir kale ayaa waxaa ka soo qeyb-gali doona dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka mid ah masuuliyiinta shirkan ka qeyb galeysa oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay shirkan in lagu eegayo horumarka ay ka sameysay Soomaaliya, dhanka amniga iyo dhaqaalaha. “Shirkan waxaan ka rajeyneynaa inay ka soo baxaan qodobo Soomaaliya dan u ah, maya weli ma arkin wafdi ka socda Somaliland oo shirkan ka qeyb galaya, ka dowlad ahaan intii aan jirnay waxaan gaarnay guulo waa weyn oo dhanka amniga la xiriira.” Ayuu yiri Wasiir Cawad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Khudbadiisa furitaanka shirka la filayaa inuu ku faah faahiyo waxyaabaha la taaban karo ee uu dalkan ka qabtay mudadii uu xafiiska fadhiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Onlien) – Xarunta caalamiga ah ee Atlantic Council ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in heshiiska nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya, uu halis gelinayo dalka Djibouti. Warbixintan oo uu diyaariyay Kelsey Lilley oo ah agaasimaha Atlantic Council ee Afrika, wuxuu ku iftiimiyay in Ereteriya la wareegi doonto inta badan ganacsiga Itoobiya u soo dega ama ay dhoofiso, iyadoo Ereteriya uga dhowdahay ugana haboontahay Itoobiya, marka la garab dhigo dekedaha Djibouti, waxaanu heshiiskani sida warbixintu sheegtay oo saamayn toos ah ku yeelanaya Djibouti uu walaac geliyay Madaxweyne Geele oo uu dalkiisu kooto ku haystay badeecadaha kala duwan ee Itoobiya 95%. “Sannado badan Djibouti waxay ahayd cidda ku guulaysatay colaadii Itoobiya iyo Ereteriya. Dalkan yare ee leeg gobalka New Jersey oo dadkiisu ka yaryihiin hal milyan oo ruux wuxuu leeyahay istaraatajiyad juquraafiyadeed oo faa’iido leh. Xeebteedu waxay kulmisaa badda cas iyo gacanka Cadmeed, oo ah goob istaraataji ah oo ay iskaga gooshaan ganacsiga dunidu. Iyadoo ay dekedo ka jiraan Suudaan, Somaliland iyo Ereteriya, haddana adeegyada horumarineed ee Djibouti, degenaanshaha siyaasadeed iyo maalgashiga saaxiibtinimada leh ayaa ka dhigay meel ka soo jiidasho badan gobalka intisia kale. Natiijo ahaan, Djibouti waxay ku naalootay inay kooto ku haysato badeecadaha u socda ama ay dhoofiso dalka bilaa dekedda ah ee Itoobiya.” Sidaas ayay tidhi warbixintu, waxaanay intaas raacisay “Maraykanku, sidoo kale wuxuu ka lahaa dano fog ammaanka Djibouti oo ay ku jiraan saldhiga Milatari ee Maraykanka ee qaaradda oo ah goobta lagula dagaalamo argagixisada bariga Afrika iyo jasiirada Carabta. Ilaa 4000 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan saldhigaas,oo isticmaala madaarka ay wada jirka u isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha drone-ka ah ee weerada ka fuliya Yemen iyo Soomaaliya. Iyadoo hoosta laga xariiqayo ahmiyada istaarajiyadeed ee ay u leedahay Pentagonal, wasiirka difaaca ee Maraykanka Jim Mattis ayaa booqday Djibouti April 2017, wax yar uun ka hor furitaanka saldhiga milatari ee u horeeyay ee China ku leeyahay Djibouti. Waxa iyaguna saldhigo cabiro kala duwan ah ku leh Japan, Faransiiska, Talyaaniga iyo Sucuudiga.” Warbixinta waxa lagu sheegay in ganacsiga Itoobiya 95% uu maro Djibouti, taasina ay ka dhigtay Djibouti mid kooto ku haysata Itoobiya, “Itoobiya iyo Djibouti waxay samaysteen xidhiidh siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka fog danaha guud. Markii dagaalka xuduudku ka dhex qarxay Itoobiya iyo Ereteriya sannadkii 1998, Itoobiya waxay weyday dekedii Ereteriya, waxaanay si weyn isugu halaysay dekedaha Djibouti inay waxna kala soo degto waxna ka dhoofiso. Qiyaastii 95% ganacsiga Itoobiya, wuxuu maraa Djibouti. Djibouti lafteedu waxay isku halaysay jaarkeedan culus oo ay ka keensatay biyo iyio koronto. Faa’iidada ay Djibouti ka hesho dekedahaaeda Itoobiay waxa lagu qiyaastaa sannadkii 1 bilyan oo dollar, waana ahmiyada miisaaniyadda dawladda Madaxweyne Geele. Laakiin Itoobiya waxay u heshay qorshahan si qoto dheer waxaanay danaynaysay inay is balaadhiso oo ay hesho adeegyo dekadeed. Maraykanka sidoo kale, oo aan aad ugu qanacsanayn saaxiibtinimada madaxweyne Geele, gaar ahaan damaciisa inuu kiro ka soo saaro saldhigyo badan oo shisheeye intii suurtoga ah, oo uu ku jiro ogolaanshaha uu China ugu ogolaatay saldhig kilo mitiro u jira kan Maraykanka, wuxuu sababay in Maraykanku meesha ka baxo.” Warbixinta waxa lagu sheegay in xiisada u dhaxaysa Ereteriya iyo Djibouti ee aan weli xalka la oo helin ay soo noqon karto, ka dib markii ay Qatar kala baxday ciidamadeedii kala dhex joogay “Xuduudka galbeed ee Djibouti wuxuu noqday dhul milatari ilaa markii isku dhacu bilaabmay sannadkii 2008. Qatar ayaa isku dayday inay dhexdhexaadiso, waxaanay xataa ku guulaysatay inay fududayso maxaabiistii la is dhaafsaday sannadkii 2016, ka hor intii aanay ciidamadeeda kala bixin xuduudka Djibouti iyo Ereteriya iyadoo ka xumaatay go’aankii ay labada wadanba kula safteen Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta khilaafka wadamada Khaliijka.” Warbixinta machadkan oo ka hadlaysa dhaqaalaha Djibouti ka soo gala saldhigyada, lacagtaas oo sii xoojinaysa in Madaxweyne Geele talada sii hayo, waxaanay tidhi “China waxa la soo weriyay inuu sanandkii saldhigooda ka bixiyo 20 milyan oo dollar oo ah ilaa sannadka 2025, kuna darso oo xisaabta kuma jirto in ka badan 1 bilyan oo dollar oo uu China ammaahiyay. Maraykanku wuxuu bixiyaa sannadkii 70 milyan oo dollar oo ilaa ugu yaraan lix sannadood oo dambe ah, Faransiiskuna wuxuu bixiyaa 30 milyan oo dollar sannadkii oo ay ku jiraan arrimahooda ciidan. Faa’iidooyinkaasi waxay gacan ka gaystaan wax u muuqda dhaqaale barwaaqo ah. Djibouti koritaankeeda dhaqaale waxa la rajaynayaa inuu noqdo 7% mustaqbalka dhow. Laakiin sidaas oo uu yahay dhaqaalaha Djibouti, dadka badankiisu waa foqoro hoose, aan horumarin waxaanay la haystayaal u yihin keli-talisnimada madaxweyne Geele. In ku dhow rubuc dadka waxay ku noolyihin saboolnimo qayral caadi ah, waxaanay Djibouti ku xuntahay xuquuqda siyaasadda iyo xuquuqda shacabka” Sidaas daraadeed, machadku wuxuu warbixintiisa ku sheegay in heshiiska labadan wadan ee Itoobiya iyo Ereteriya aanu war wanaagsan u ahayn Djibouti, waxaanay warbixintu tilmaamaysaa inay Ereteriya u waregi karaan Itoobiya iyo Maraykankuba, “Wada hadallada nabadda ee Itoobiya iyo Ereteriya, war xun bay u yiiin Geelle, oo horumarka dalkiisa ku xidhay in uu dekedda ugu fiican u noqdo dalalka dhaqaalahoodu weynyahay, sida Itoobiya. Iyadoo loo malaynayo inay sii socdaan dedaalada in xaaladu caadi noqoto, Itoobiya waxay sida ugu dhaqsaha badan ikhtiyaar ugu heli doontaa inay isticmaasho dekedaha Ereteriya oo aad ugu dhow, kana haboon kuwa Djibouti. Iyadoo aan la filayn in Itoobiya ay joojiso isticmaalka dekedaha Djibouti dhammaantood, ikhtiyaar ayay haddana leedahay. Ereteriya xataa waxay muujin doontaa inay noqoto saaxiib soo dhaweeya milatariga shisheeye sidii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka Carabta dekedda Casab si uu u fuliyo dagaalada Yemen. Mid ka mid ah caqabadaha Itoobiya soo waajahaya haddii ay ka tagto Djibouti, ayaa ah inay waajib ku tahay inay dib u celiso in ku dhow 3 billion oo dollar oo ah amaahada China ee lagu dhisay jidka tareenka dhawaan la furay ee isku xidhaya Addis Ababa iyo Djibouti.” Warbixintu waxay sheegtay in haddii ay dalalka shisheeye ee Djibouti ku sugani raacaan Itoobiya oo ay u wareegaan Ereteriya in taasi halis gelin doonto il dhaqaale oo muhiim u ah dalka Djibouti. “Sannadahan u dambeeyay” ayaa lagu yidhi qoraalka, “Imaaraadka Carabta oo kordhiyay danahooda gobalka Geeska Afrika waxay sii adkeeyeen xaaladii adkayd ee Djibouti. Imaaraadka Carabtu wuxuu saldhig ka helay Ereteriya, wuxuu saldhig milatari iyo deked ka helay Somaliland iyo dhawr dekeadood oo Puntland ah. Laakiin xidhiidhka Djibouti iyo UAE wuu kacsanaa ilaa February 2018 markii ay Djibouti laashay heshiiskii shirkadda DP world ee gacan ku haynta dekedda ugu muhiimsan Djibouti. Warar hore oo soo baxay ayaa tilmaamay in UAE ay door ka ciyaartay isfahamka Itoobiya iyo Ereteriya. Iskaashiga koraya ee ay Imaaraadka Carabta ee Itoobiya oo dhawaan dekedda Berbera ka siiyay saami dhan 19% oo ay ku wada jiraan DP world iyo Somaliland ayaa sidoo kale ah marag u ah kala duwnaanshahiyaha gobal ee hoosta in laga xariiqo mudan.” Ugu dambayn warbixinta ayaa sheegtay in Madaxweyne Geele heshiiskan u arko inuu khatar ku yahay, waxaana lagu soo gunaanaday in mar kasta oo uu sii xoogaysto xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara ay soo deg degayso inay soo gaabnaato istaraatajiyada iyo ahmiyada Djibouti, iyadoo xalinta colaadani sii xoojin doonta degenaashaha gobalka Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com