Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A former GSU officer has denied the charge of attempting to sneak into Somalia through an illegal point while in Mandera Town for an unknown mission. Source: Hiiraan Online
  2. Inta aanan u gelin nuxurka qormadeyda, Aan marka hore ka hadlo dhowr arimood oo muhiim ah. Kuwaasi oo calaaqa la leh qormadeydan timid waqtigeeda oo aaan ku soo gudbin doono talooyin badan oo muhiim ah oo aan siinayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed, Gaar ahaan jabahdda xoreynta Ogaadeeniya ee loo yaqaanno ONLF. Talooyinkan, Ayaa taaban doono meelo badan oo loo baahan yahay in la ifiyo. Waxaana rajeynayaa [insha alaah] in talooyinkaasi ay horseedi doonaan guul iyo gobonimo. Maadaama aaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda dhulka Jamhuuriyadda. Hadabo, Waxaa igu qasab ah inaan wax ka iraahdo marxaladdan ay marayaan walaalaheenna Soomaaliyeed ee uu dhulkoodu bixiyey gumeystihii Ingiriska ee sirta badnaa. QODOBKA KOOWAAD: Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed iyo waxgaradkooda ku dhaqan dhulkaasi ay taariikhdu u taqaanno Ogaadeeniya Anagana aan mararka qaar ugu yeerno Soomaali Galbeed, Inay ka faa’iideystaan isbadelada ka socda waxan loogu yeero Itoobiya. Kuwaasi oo xanbaarsan fursado badan oo in muddo ah la baadigoobayey. Waxaana ku talinayaa in meel la iska dhigo waxyaabaha yar yar ee lagu kala duwan yahay, Si loo guuleysto. Waxaan kaloo ku talinayaa in lagu dabafeylo jabhadda mucaaradka ee ONLF oo ah midda qura ee maanta ka jirta deegaaanka Soomaalida, Taasi oo muddo dheer halgan kula jirtay taliskii ay Tigreedu horboodeysay ee dhibaatada badan geystay. ONLF, Ayaa qeyb ka ahayd isbahasi ballaaran oo ay ku jiraan taageerayaasha jabhadaha mucaaradka Oromada iyo Amxaarada, Kuwaasi oo ugu danbeyn jilbaha u dhgay taliskii Tigreeda. Maadaama maanta Itoobiya la dhegeysanayo dadka mucaaradka. Hadabo, Waxaa haboon in ONLF loo daayo matalaadda deegaanka iyo wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagno. ONLF, Ayaa leh qab-dhismeed urur iyo waliba ajandayaal cad cad oo dhamaantood u khidmeynayo qadiyadda dhulka Soomaalida ee xoogga lagu haysto. Jabhaddani, Ayaa haysata fursado badan oo aysan haysan dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira sida maamulkii Cabdi Cumar oo kale, Kaasi oo Isaga iyo taageryaashiisuba lagu xaglinayo inay daacad u ahaayeen maamulkii hore ee Tigreeda. Itoobiya, Ayaa caado u ah in marka uu isbedel dhaco in xabsiyada loo diro taageerayaasha maamulkii hore ama ay dibadaha u cararaan sidan marar badanba aragnay. Waxan kaloo ku talinaya inaan dhib loo arag magaca ay jabhaddu wadato ee Ogaadeeniya. Maxaa yeelay, Magacani waxa uu qeyb ka yahay taariikhda dhulkaasi iyo magacyada loo yaqaanoba. Maadaama qaddiyadani ay taallo meel badan oo caalamka ka mid ah. Hadabo, Waa muhiim in la sameeyo wax alaale iyo wixii qadiyadda u khimdeynayo. Laakiin waxaa important ah in la ballaariyo golayaasha Jabhadda, Si loogu soo dara Soomaalida ka maqan. Dhinaca kale, Waxaan ka digayaa in mar kale ay xukuumadda Adis Ababa isticmaasho Soomaali kale, Kuwaasi oo lagu duleynayo dadkooda. Ugu danbeyna xabsiyada loo dirayo. ka dib marka dusha loo saaro gaboodfaladii dhacay sidan marar badanba aragnay. Taana waxaa u daliil ah waxa maanta ku dhacay Cabdi Maxamed Cumar oo aad isu jecleysiiyey taliskii hore. Sow arintu uma eka: Ninkii abeeso koriyoow adigaa u aayi doono ? QODOBKA LABAAD: Waxaan kaloo ku talinayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cayaarto dowrkeeda ku aaddan qadiyaddan muhiimka ah maadaama dadka aannu ka warameyno ay yihiin Soomaali dulman. Sidee loo daawanyaa dad Soomaaliyeed oo u dhiban taariikh dhacday iyo waliba go’aan gumeysi. Mase jirtaa Itoobiya maanta laga baqo oo darteeda loo aamuso ? Sow ma ogidiin in Itoobiya maanta ay la mid tahay sida meyd socda oo kale ? Waxaan kaloo soo jeedinayaa in qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaalidu ay Iyaduna qaadato dowkeeda oo ay qeyb ka noqoto tawjiihinta iyo talo-siinta dadkaasi, Iyadoo waliba laga fogaanayo isticmaalka ereyada xun xun sida ereyga “Soomaalida Itoobiya” oo kale. Sow ma ogidiin in dhulkaasi uu qeyb ka ahaa dhulalkii maqnaa ee soo celintooda loo daadiyey dhiigga badan. Mise waxaa idin han-jibiyey taageerayaasha SNM iyo SSDF oo hadda sita magacyo kale ? Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan kaga waramayo waxa la gudboon Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya oo ay horyaallaan fursado ka dhashay isbedeladii ka dhacay Itoobiya oo xoog ku haysato dhulka ay Jabhaddani u dagaalameyso. Isbedaladaasi oo abuuray rajo cusub oo horseedi karta in si nabadgalyo ah lagu dhameeyo khilaafkii u dhaxeeyey Soomaalida iyo dadyowga kale ee ku mideysan waxan loogu yeero Itoobiya. Ra’isulwasaraha cusub ee Itoobiya, Ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo jabhadda xoreynta Ogaadeeniya sida uu ula hadleyba jabhadaha kale ee mucaardka ee ka jiray Itoobiya iyo waliba dowladda Ereteriya oo ay calaad xuni kala dhexeysey. Abey Axmed, Ayaan la aqoonin sida ay uga go’an tahay dhameynta qadiyaddan isaga ka weyn. Waxaa kaloon la aqoon inay daacad ka tahay furfurnaanta ka muuqata iyo inay ka tahay iibsasho waqti. We will see. Maadaama ONLF tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta ka jirta dhulka Soomaali Galbeed, Taasi oo leh structure maamuleed iyo waliba ahdaaf cad cad oo horseedi karta inay xuroobaan dadkaasi oo dhulkooda si sir ah loo hoos geeyey gumeysiga Itoobiya muddo haatan laga joogo ku dhawaad 70 sano. Kuwaasi oo hadana loo geystay dhibaatooyin badan oo aan laga sheekeyn karin waqti xaadirkan la joogo. Sidan soo sheegeyba, Maadaama ay jiraan furfurnaan ka muuqata taliska cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagnno. Kaasi oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadallo dhab ah oo lala galo Jabhdda ONLF oo ah midda kaliya ee maaanta ka jirta deegaanka Soomaalida, Taasi oo golayaal maamuleed iyo waliba barnaamijo siyaasadeed oo cad cad. Hadabo, Waxaa muhiim ah in lala taliyo Jabhadda si ay u guuleyssato. WAXA KALA GUDBOON SOOMAALIDA: Waxaa la gudboon Jabhadda inay la fadhiisato dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida, Gaar ahaan dadka waxgaradka sida odoyaasha dhaqanka oo kale, Iyadoo waliba u sharxeyso qorshayaasheeda siyaasadeed iyo waliba dariiqooyinka ay dooneyso in loo maro wadahadalada lala galayo maamulka cusub ee ay horboodayaan qowmiyadaha Oramada iyo Amxaarada oo uu aad u caburiyey taliskii Tigreeda ee arxan-laawaha ahaa. Waxaa kaloo Jabhadda la gudboon inay la fadhiisato dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira, Iyadoo waliba ku qancineysa inay ka tanaasulaan daba-orodka talis kasta oo yimaadaba, Si loo xaqiijiyo himilooyinka dadka Soomaalida oo runtii aad loo dhibay. Kuwaasi oo la hoos geeyey dad aysan waxba wadaagin. Waxaa kaloo Jabhadda laga rabaa inay hormuud u noqoto qabashada shirar looga tashanayo aayaha gobolkaasi dulman. Maadaama Jabhaddu leedahay taageerayaal badan oo ku kala daadsan dunida dacaladeeda, Iyagana waxaa la gudboon inay qabtaan shirar badan oo lagu soo bandhigayo halgankii ay soo martay Jabhadda iyo waliba ahdaafta ay u dagaalameyso oo uu ku jiro qodob aad u muhiim ah, Kaasi oo dhigayo in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed, Si loo weydiiyo waxa ay doonayaan iyo halka ay u socdaanba. Qodobkan, Ayaa mixwar u ah halganka jabhadda. Waana halka ay uga duwan tahay dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira. Isla qodobkan, Ayaa ah midka mar walba keenayo inay fashilmaan wadahadalo badan oo dhexmaray Jabhadda iyo Taliskii dumay ee Tigreeda. ONLF, Ayaa dooneysa in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed sida Ereteriyaanka oo kale. Kuwaasi oo ugu danbeyn go’aamiyey masiirkooda. Hadabo, Si looga faa’iideysto fursadaha maanta jira, Waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi ay ku dabofeylaan ONLF maadaama ay tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta jirta dhulkaasi muhiimka ah, Taasi oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo ka duwan kuwii hore ee waqti-dhumiska ahaa, Si xal waara loogu helo qaddiyadan hortaagan nabad ka dhalata Geeska Afrika. Waxaa kaloo muhiim ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee ka jira dhulka Jamhuuriyadda inay soo dhaweeyaan ONLF, Islamarkaana u ogolaadaan inay xafiisyo waa weyn ka furato dhulka Jamhuuriyadda sida Muqdisho iyo Hargeysa oo kale, Maadaama Itoobiya ay u aqoonsatay jabhaddaasi jabhad xornimo-doon ah oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo dhab ah oo ka duwan kuwii hore. WAXA AY MIISKA LA TAGEYSO: Waxaa la gudboon Jabhadda Iyadoo ka faa’iideysaneyso khibraddeeda iyo waliba waxyaabihii la soo maray inay markan miiska wadahadalada la tagto qodobo badan oo aan kala dhicin, Kuwaasi oo dhamaantood u khidmeynayo himilooyinka dadka Soomaaalida ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya ee ay ka dhaceen dhibaatooyinka badan sida ay sheegeen hay’daha u dooda xuquuqda bini’aadamka sida Human Rights oo kale. Sidan soo sheegeyba, Waxaa jabhadda looga baahan yahay inay miiska wadahadalada a tagto qodobo badan oo muhiim ah, Kuwaasi oo ka turjumayo halgankii dheeraa ee ay soo gashay, Islamarkaana ka gadmayo dadka Soomaaliyeed ee ay u dagaalameyso, Kuwaasi oo runtii ay soo gaareen dhibaatooyin badan. Waxaana ka mid ah qodobada ay miiska la tageyso kuwa soo socda: 1- In la saxiixo xabad joojin rasmi ah oo dhowr sano soconeyso. 2- In maxkamad caalami ah la soo taago shaqsiyaadkii dunuubta ka geystay Ogaadeeniya. 3 In magdhow la siiyo dhammaan dadkii waxyeelada loo geystay. 4- Iyo ugu danbeyn in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed si loo weydiiyo waxa ay doonayaan. Haddii la isla fahmo afartaasi qodob in markaasi loo sameeyo deegaanka maamul KMG oo ay hogaaminayaan dad aqoonyahano ah oo ka madaxbanaan dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira. Maamulkan, Ayaa ka shaqeynayo adeegyada caadiga ah ee uu qaban jiray maamulkii hore marka laga reebo dhexboodka siyaasadda. Waxaa kaloo laga raabaa maamulkaasi inuu fuliyo waxyaabaha ay ku heshiiyaan ONLF iyo Itoobiya. Haddii la isla garto qaadista afti dadweyne, In markaas la mudeeyo maalinta la qaadayo aftidaasi xorta ah, Iyadoo waliba lagu casuumayo dowlado waaweyn iyo waliba hay’ado caalami ah, Si looga baaqsado caga-jugleyn iyo waliba wax isdabamarin. Haddii jawaabta ka soo baxda aftidaasi ay noqoto waan madaxbanaanaaneynaa in markaasi la kala baxo, Iyadoo la calaamadeynayo xuduudda u dhaxeyso labada dal (Ogaadeeniya iyo Itoobiya) Laakiin, Haddii jawaabta ay noqoto waan ka sii mid ahaaneynaa Itoobiya inteeda kale, In markaasi laga wadahadlo qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka. Anigu, Markii aan la sheekeystay dad badan oo Soomaaliyeed oo deegaankaasi ka soo jeeda, Waxay ii sheegeen inay doonayaan inay ka madaxbaanaadaan gumeysi iyo inay cid kale hoostagaan. Waxay kaloo ii sheegeen inaysan dhib u arag aragtida Soomaaliweyn ee qiimaha badan. Si ONLF u guuleysato, Waxay u baahan tahay inay daraaseyso qaabkii ay Ereteriya uga go’day Itoobiya inteeda kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay wax ka ogaato qaabkii Koonfurta Suudaan looga jaray Suudaanta kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay kireysato khubaro caalami ah oo ka caawisa qaabka ugu haboon oo lagu heli karo Ogaadeeniya oo ka madaxbanaan Itoobiya inteeda kale oo aan rajeynayo inay dheereyn insha alaah. Haddii maamulka cusub ee ka dhashay Itoobiya uu diido in afti laga qaado dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi oo uu la soo baxo waxyaabihii lagu yaqiinay ee lugooyada ahaa, In markaasi ONLF ay dib ugu noqoto halgankii dheeraa oo aan aaminsanahay in ugu dabeyn uu guuleysan doono. Maadaama uu yahay halgan caadil ah oo aan cidina lagu dulmeyn sida halgankii dadka reer Ereteriya oo kale, Kaasi oo ugu danbeyn guuleystay. Ugu danbeyn, Waxaan kula talinayaa ONLF iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya inay ka faa’ideystaan isbedelada ka socda Itoobiya oo laga yaabo inay keenaan in dulmiga laga daayo dadka Soomaaliyeed oo loo yeelo waxa ay doonayaan sida Ereteriyaanka oo kale. Waxaan kaloo kula talinayaa siyaasiyiinta deegaankaasi inaysan noqon aalado lagu baabi’iyo himilooyinka dadkooda sida marar badanba dhacday. Ogaadana in guushu aysan fogeyn. W/Q: Maxamed Ibrahim Iidka1@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Hundreds of young people have taken part in first of a kind job fairs in Somalia as part of a week of International Youth Day celebrations in the country. The fairs were held in Galmadug, Hirshabelle, South West State, Jubaland and Puntland from 12th to the 16th August, and gave young people the opportunity to showcase their trades and products, with businesses and government officials providing information on internships, job placement, and career guidance in some states. Source: Hiiraan Online
  4. Addis Ababa (HOL) - Residents in Ethiopia’s Somali regional state have said that internet connection has been restored in the area of the federal government cut out mobile and broadband connection for nearly three weeks. Source: Hiiraan Online
  5. OTTAWA — The number of people seeking asylum in Canada is rising “far beyond” what the existing system can handle, according to a recent letter from Immigration Minister Ahmed Hussen obtained by the National Post. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobolka oo hadda safar shaqo ugu maqan dalka Imaaraadka carabta uu dhawaan weyn doono xilka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in lagu cadaadinaayo inuu iska casilo xilka. Qorshaha ka socda madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in xilkaasi loo wado Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaalle. Wasiir Ducaale oo ay aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa isna weyn doona kursiga Xukuumada, inkastoo ay jiraan shaqsiyaad kala oo u tartamaaya kursiga Yariisow. Shaqsiga labaad ee la hadal hayo inuu u tartamaayo xilka Guddoomiyaha Gobolka ayaa la sheegay inuu yahay Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle oo isagu dhawaan laga fadhiisiyay shaqada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa markiisii hore waxaa xilka loogu magacaabay si kedis ah kadib markii ay dowlada Somalia u maara weysay Guddoomiyihii hore Taabit Cabdi oo doorasho iskiisa ah isku magacaabi lahaa. Sidoo kale, qorshahan xil ka qaadista oo hadal heyntiisa uu sii xoogeysanaayo ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ay weli ku guda jirto isbedelo lagu sameynaayo madaxda xilalka heysa. Ma cadda dhaqan galka qorshahaani hase yeeshee waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda hadal heynta xil ka qaadista Yariisow iyo mas’uulka bedeli lahaa oo miiska saran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. ADDIS ABABA, - Internet has been restored to Ethiopia's Somali regional state in the eastern part of the country after a three-week blackout, residents said on Friday. Source: Hiiraan Online
  8. Hargeysa (Caasimada Online)- Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulka Somaliland ay magaalada Hargeysa ku xireen Xoghayaha Xafiiska Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Khadar. Ciidamada amaanka ayaa xili habbeen ah xabsi dhigay Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Cabdiqani Yaasiin Maxamed. Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa maalmihii ciida ka tegay magaalada Muqdisho waxa uuna Haregeyso u adaaya booqashada qoyskiisa, sida aan xogta ku heleyno. Maamulka Somaliland iyo Ciidamada amaanka maamulka ayaan weli ka hadal sababta rasmiga ah ee loo xiray Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Somaliland ayaa inta badan deegaanadeeda ku xirta mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada oo ay ku eedeeyan in idan la’aan ay soo galaan magaalada. Sidoo kale, maamulka ayaa horay u xiray dad isugu jira mas’uuliyiin,Siyaasiyiin Wariyeyaal iyo Fanaaniin kuwaas oo qaarkood xukun lagu riday qaarna lasiidaayeymudo markii ay xirnaayeen. Ma cada waxa Somaliland ku kalifaaya inay xirto dadka ka socdaala magaalada Muqdisho, halka dadka kasoo jeeda deegaanada Somaliland lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, xiliyada ay usoo socdaalan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa wada qorsho looga hortagayo gaadiidka ismiidaaminta iyo kuwa falalka amni daro ka geysta waddooyinka laamiyada Muqdisho. Qorshahaani oo xooga lagu saarayo la socodka gaadiidka ka hor inta aysan ismiidaamin ama aysan geysan falalka amni daro ayaa waxaa loo adeegsan doonaa Kaamirado nooca meelaha fog wax ka duuba oo lagu xiraayo isgoosyada magaalada Muqdisho, halka kuwii hore dib loo bedelaayo. Kaamiradaha la qorsheynaayo in lagu xiro isgoosyada magaalada ayaa aad uga dheereeya kuwii hore, waxaana lasoo warinayaa inay tayo badan yihiin kuwa iminka la isticmaalayo. Gaadiidka ismiidaaminta geysta, kuwa la dhigo hareeraha waddooyinka iyo kuwa falalka amni daro geysta ayaa intuba is ticmaala laamiyada, waxa ayna kaamiradu fududeyneysaa in la helo macluumaadka gaadiidkaasi. Sidoo kale, dowlada ayaa Kaamiradahani ka dalbatay dalka dibadiisa waxaana lagu wadaa inay soo gaaran maalmaha fooda nagu soo heysa sida aan xogta ku heleyno. Geesta kale, dowladii hore ee uu Hoggaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadii ugu danbeysay kaamirado kooban ku xirtay isgoosyada, hase yeeshee waxa ay u muuqaneysaa in laga maarmi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Serena Williams caused a sensation with the black catsuit she wore at this year's French Open tournament. But French tennis officials aren't as fashion-forward. Source: Hiiraan Online
  11. The United Nations said Friday that a Saudi-led airstrike had killed at least 22 children and four women in Yemen as they fled a fighting zone — the second mass killing of Yemeni civilians by Saudi Arabia and its military partners in two weeks. Source: Hiiraan Online
  12. On Friday, Australia got a new prime minister — again. Scott Morrison is the country’s sixth prime minister in the last eight years, and the fourth prime minister to be ousted in the last decade. Source: Hiiraan Online
  13. This Saturday will mark a year since Minnesota experienced its most severe measles outbreak in recent history, and public health officials are still trying to get the word out about measles vaccinations. Source: Hiiraan Online
  14. Kenya Police have impounded a consignment of illegal sugar in Wajir County. Source: Hiiraan Online
  15. Shiburu Kutuyu, a 45-year-old Ethiopian maize and coffee farmer, was jolted awake by gunshots one night in June. He told his wife and seven children to flee. Source: Hiiraan Online
  16. A miraa exporter has sued the state for declaring him a prohibited immigrant. Source: Hiiraan Online
  17. Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay booqasho halkaasi ay ku tageen wafdi wasiirroa ah oo ka socda maamulka Jubbaland. Dibaxbax rabshado watay ayaa ka dhacay magaalada Shalay oo Jimco ahayd, kaasoo dhaawac lagu gaarsiiyay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw Xirsi. Wasiirka ayaa soo gaarey dhawac fudud, oo Dakhar madaxa ah kadib markii dad caraysan ay dhagax ku weerareen isaga iyo xubno la socda oo howlo shaqo iyo kormeer u jooga magaalada Garbahaarey. Aw Xirsi ayaa ku tilmaamay kacdoonka Garbahaarey ee looga soo jorjeeda Jubbaland uu yahay mid lasoo abaabulay, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhuftay cidda gadaal ka riixaysa dibaxbaxyada. Balse, waxay tani kusoo beegmaysaa xilli cilaaqaadka iyo xiriirka wadashaqeyneyd ee Villa Somalia iyo Jubbaland uusan wanaagsaneyn, islamarkaana dhowr jeer Axmed Madoobe eedeymo kul-kulul u jeediyay dowladda Federaalka. Jubbaland ayaa dhawaan kasoo celisay Garoonka Kismaayo diyaarad siday Taliye-yaal ciidan, oo uu ku jiro Taliyaha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka u magacawday qeybta 43aad ee ciidanka xoogga. Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa dowladda Somalia iyo Fahad Yaasiin, Agaasiimihii hore ee Aqalka Madaxtooyadda, oo hadda loo magacaabay Ku xigeenka Taliyaha NISA ku eedeeyey inay si qaraoodi ah uga shaqeynayaan sidii Madaxweyne Axmad Madoobe loo badali lahaa isagoo mucaaradad xoogan kaga kiciyey gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland. Dhowaan ayaa la filayaa in Kismayo lagu qabto kulan ay isugu imaanyaan golaha maamulada Soomaalida kasoo ajendaha ugu koreeya uu yahay faragalinta dowlada Federaalka ku hayso maamulka Jubaland. Isha: Garoowe Online
  18. Abu Dabai (Caasimada Online) – Qoraal ay baahisay dowlada Imaaraadka carabta ayaa waxaa lagu soo bandhigay wadamada ugu badan oo ay maalgashteen sanadkii tagay ee 2017. Dowlada Imaaraadka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay maalgashi weyn ay ku sameysteen wadamada Sacuuduga, Canada iyo dalka India oo lagu kharaj gareeyay dhaqaalaha ugu badan oo ay bixiso Imaaraadka. Qoraalka oo si gaara uga soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in wadanka koowaad ee la maalgashtay uu yahay Sacuudiga, halka wadamada Canada iyo India ay galeen kaalmaha labaad iyo Sadaxaad. Kaalinta afaraad ee maalgashiga ayaa lagu sheegay inay gashay Somaliland oo laga maalgaliyay dhinacyada Dekadda iyo Ganacsiga furan oo ay la leeyihiin Imaaraadka sida dhoofinta Xoolaha nool. Kaalinta Shanaad ayaa la sheegay inay gashay Masar oo laga maalgaliyay dhanka Ganacsiga, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay Wasaarada. Waxaa lagu sheegay qoraalka in maalgashi xaddigiisu gaadhayo $ 0.86 Bilyan ay geliyeen maamulka Somaliland, halka $ 0.36 Bilyan ay geliyeen dalka Masar, inkasta la saadaalinayo in sannadaha soo socda uu kordho maalgashiga Imaaraadka Carabtu gelinayaan Somaliland iyo Masar. Warbixinta wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka laguma sheegin meelaha hantida maalgashigooda Somaliland ku baxday balse waxaa la og soonyahay in maalgashiga ugu badan lagu sameeyay horumarinta dekedaha, dhismahaasha, macdanta, tamarta la cusboonaysiiyey, arrimaha ganacsiga iyo dhinacyo kale. Geesta kale, dowlada Imaaraadka ayaa xustay in sanadka lagu guda jiro ee 2018 ay kordhin dhanka maalgashiga ah ku sameyn doonaan goobo kale oo kamid ah Somalia oo ay ku bixin doonaan hantida ugu badan. Caasimada Online Xafiiska Abu Dabai Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog uu helay wargeyska MEP ayaa sheegeysa in lagaa yaabo inuu isbadal ka dhaco Wasaaradda Arrimaa Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye (Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya) wuxuu wajahayaa cadaadis ka imaanaya Dhuusamareeb. Ilo muhiim ah ayaa u sheegay wargeyska MEP in Ra’isulwasaare Kheyre uu damacsan yahay inuu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha iyadoo booskaas loo wado Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hogaamiyaha Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee gobolada Dhexe. Waxaa jira heshiis hoose oo u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Villa Somalia kaas oo ah in Ahlu-Sunna la siiyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyaguna ay Villa Somalia ka caawiyaan in xildhibaanada ay rabaan ay kusoo baxaan doorashada 2020-ka. Sidoo kale sababaha Sabriye loo badalayo waxaa ka mid ah gaabis ka muuqda shaqada wasaaradda arrimaha gudaha, ilaa haatan waxaa socda wada-tashiyo ku aadan isbadalka la filaayo inuu ka dhaco Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxaa jira dadaalo lagu baajinayo arrintaan oo ay wadaan xildhibaano iyo ganacsato dooneysa in Sabriye uu sii joogo wasaaradda. Xaaf iyo Ahlu-Sunna waxey isku afgarteen in lala shaqeysto Farmaajo iyo Kheyre oo aan laga hor imaan, waxyaabaha go’aankaas fududeeyay waxaa ka mid ah ballan qaadka Ahlu-Sunna loo sameeyay ee ah in la siin doono Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasiirka hadda xilka haya iyo midka loo saadaalinaayo, labaduba waxey kasoo jeedaan beesha Ceyr ee Habargidir, sidaas darteed Farmaajo kama cabsanaayo iney dood badan ka dhalato arrintaan, Sabriye wuxuu xilka hayaa muddo kooban isagoo xafiiska kala wareegay Cabdi Faarax Siciid (Juxa). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed ayaa tan iyo intii uu yimid hogaanka Itoobiya ugaystay deegaanka Soomaalida dhibaato xoog leh oo aan ka dhicin deegaanada Itoobiya. Abiy Axmed wuxuu magaalada Addis Ababa ugu yeedhay 1,000 ruux oo Soomaali ah. Dadkan ayaa isugu jira odayaasha dhaqanka, aqoonyahan, masuuliyiintii dagmooyinka deegaanka Soomaalida, dad shaqaale iyo xubihii xisbiga oo muddo labaatan bari ah tababar iyo dib u habayn uga socotay Addis Ababa. Shirkan waxaa kale oo ka qayb galaya ganacsato, ururo siyaasadeed oo qurbo joog ah iyo dad Soomaaliyeed oo dagan Addis Ababa. Marka laga reebo dadka maamulka ka tirsanaa, dadka kale ee shirka loogu yeedhay si nidaam ah laguma soo xulin, sidaas daraadeed ma matalayaan bulshada deegaanka Soomaalida. Khaladaad badan iyo waayo aragnimo la,aan ayaa ka muuqata shirkan Raysal Wasaaruhu u qabanayo Soomaalida, waxaa kale oo ay dad badni aaminsan yihiin in uu ula kac u samaynayo arintan isaga oo ku baadhay bal heerka uu taagan yahay fahamka iyo tashiga deegaanka Soomaalidu. Khaladaadka uu ku samaynayo Soomaalida R/wasaaraha Itoobiya. Abiy Axmed wuxuu kula dhaqmay deegaanka Soomaalida nidaam ka kuwan kan lagula dhaqmo deegaanada Itoobiya, ee ah dastuurka u yaal dalka; a) waxaa xoog kula wareegay maamulkii deegaanka Soomaalida ciidamada milatariga, taas oo deegaanka u horseeday barakac, bubur dhaqaale iyo dib u dhac xoog leh, b) waxaa laga jaray deegaanka Soomaalida dhamaan adeegyadii halbawlaha u ahaa nolosha bulshada sida Korontada, Biyaha iyo isgaadhsiinta. Waxaa si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii xisbiga dimoqraatiga shacabka Soomaalida, taas oo aan suurto gal ka ahayn deegaanada kale ee Itoobiya; a) xubnaha xisbiga waa la handaday oo la bah-dilay, qaar badan ayaa xisbiga laga caydhiyey, gudoomiye cusub ayaa loo sameeyey, b) waxaa kale oo si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii maamul ee gabalada iyo dagmooyinka, kuwaas oo la filayo in qaar ka mid ah la caydhin doono, c) qaar ka mid ah xubihii xisbiga laga caydhiyey oo damcay in ay safraan waxaa lagu xidhay Hargaysa, amar uu bixiyey Abiy Axmed, d) waxaa si sharci daro ah oo aan wali uga dhicin deegaanka Soomaalida iyo kuwa kale ee Itoobiya madaxwayne looga dhigo qof aan ahayn xubin xisbi iyo xubin baarlamaan midna. Waxaa sumcad xumo iyo ixtiraam daro ugu filan dadwaynaha deegaanka Soomaalida, oo ah deegaanka labaad ee ugu balaadhan Itoobiya in sidii dad aan deegaan lahayn, iyaga oo aan wada tashan, xili fiican la siin oo ay ku tashadaan in sidii ciidan amar lagu siiyo in ay Addis Ababa iska soo xaadiriyaan. Abiy Axmed uma jeedo in uu wax wanaajiyo laakiin wuxuu hubsanayaa bal in Soomaalidu is-difaaci karto iyo in ay ogoshahay wixii loogu taliyo, wuuna helay jawaabtii. Aniga iyo hankayga Soomaaliga ah, ee aan ahayn hanka kuwa Soomaalida ah ee Addis Ababa looga yeedhay; wuxuu ahaa in Abiy Axmed yimaado magaalada Jijiga, kana tacsiyeeyo, wixii ka dhacay dhib deegaanka Soomaalida ee ay masuulka ka ahaayeen isaga Abiy Axmed iyo Cabdi Maxamuud Cumar. In uu sheego in ay u diyaar garoobaan kulan wada tashi ah xili dambe, si ay ugu diyaar garoobaan degmo degmo iyo gabal gabal iyo deegaan Soomaaliyeed ahaan. Meles Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya oo ahaa nin dhibaato badan u gaystay dadwaynaha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana deegaanka. Waligii ma samayn ixtiraam daro tan oo kale ah, xiliyadiisii oo ay nabada deegaanku ka xumayd, dhaqaalaha iyo isgaadhsiintu ka liidatay wuxuu tagi jiray magaalooyinka fog fog ee deegaanka si uu wada tashi ula sameeyo deegaanka Soomaalida, arintaasi waxay ahayd ixtiraam uu u muujinayo shacabka. Maxaa laga filan karaa waxa uu u sheegi doono Abiy Axmed dadkan uu ku amar ku taaglaynayo; a) in uu ka xunyahay wixii ka dhacay deegaanka Soomaalida b) in uu masuul ka ahaa Cabdi Maxamud Cumar wixii ka dhacay deeganka Soomaalida c) iyo in uu saxayo maamulka deegaanka Soomaalida uuna rabo in ay gacan siiyaan maamulka cusub ee dimoqraatiga ah. In kasta oo madaxwaynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Musfate Cagjar shalay bixiyey talooyin fiican oo sida aan filayo fariin u ahaa dadka kulanka ka qayb galaya. Maxaa afkaar, talo iyo su,aalo ah oo laga filan karaa in ay kula xaajoodaan Abiy Axmed Raysal wasaaraha Itoobiya dadka Soomaaliyeed ee uu maanta Addis Ababa Shirka ugu qabanayo; a) waxaan filiyaa in wax wanaag u ah dadka Soomaaliyeed oo Itoobiya ka nixin kara in aan goobta laga odhan doonin. b) Dimoqraatiyada ka hirgashay Itoobiya waanu ku faraxsanahay, waanan la shaqayn doonaa Abiy Axmed iyo dawladiisa, hadalo noocaas ah. c) kala dacwood beelaha Soomaaliyeed dhaxdood ah oo ah mida uu u jecel yahay Abiy Axmed iyo Itoobiyaba. d) waxaa dhici karta in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaan ahaan deegaanada Oromada dhib wayna loo gaystay in ay su,aal waydiiyaan uuna jeclaysan Abiya Axmed. Waynu arki doonaa wax ka soo baxa galabta kulanka kaligii tashade Abiye Axmed, ugu yeedhay dadwayaha Deegaanka Soomaaliyeed. Kaas oo aan aad u falan qayn doono. W/Q: Raas Ahmed
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas baahiyay waxaa lagu wadaa in agaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland 3-da bisha September 2018, uu ka furmo shir khaasa oo u dhexeyn doona Hogaamiyayaasha maamulada iyo xubno muhiima oo laga soo kala xuli doona maamulada. Shirka oo la sheegay inuu leeyahay ahmiyad gaara ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo inta badan maamulada ay wajahayaan doorashooyin is xigxiga, waxaana soo baxaaya warar kala duwan oo ku saabsan shirka ka furmi doona magaalada Kismaayo. Illo ku dhow dhow xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada Cabdi Cali Raage oo diyaarin doona ajandaha shirka ayaa laga soo xigtay in shirka uu xoogiisa khuseyn doono arrimaha doorashooyinka. Waxaa laga soo xigtay inuu jiro shaki muujinaaya in dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso tirro musharaxiin ah oo u kala tartamaaya maamulada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed ee Somalia oo dhamaantooda uu khilaaf hoosaad kala dhexeeyo Dowlada Somalia. Waxa uu Illo wareedka sheegay in xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga uu kasoo xigtay in shirka ka dhacaaya magaalada Kismaayo diirada lagu saari doono sida looga badbaadi lahaa faragalin kaga imaada dhanka dowlada, Heshiiska shirka Brussels, Go’aan ka gaarista heshiisyo ay dowlada Somalia uga baxday maamulada iyo in si wada jira loo soo saaro mowqif mideysan. Shirkan ayaa waxaa si gaara u wata Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo shaqaaqada ugu badan xiligan ay kala dhexeyso dowlada Somalia waxa uuna doonayaa in khudbadiisa uu kusoo qaato dhaliilo uu ka muujinaayo khilaaf shirka Brussels ku dhexmaray dowlada iyo Jubbaland iyo go’aanka ay ku celsheen laba taliye oo dhawaan la sheegay in dowlada Somalia ay u magacawday deegaanada Jubbooyinka kuwaa oo mid kamid ah magacaabidiisa uu been noqday. Waxyaabaha laga filankaro shirka ayaa waxaa kamid ah:- 1-Dib u dhac lagu sameeyo doorashooyinka ay gali doonaan maamulada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Puntland, oo khilaaf uu kala dhexeeyo dowlada. 2-Haddii la qabanaayo doorashooyinka Seddexda maamul in si wada jira looga mamnuuco korjoogtada dowlada ee dhanka doorashooyinka. 3-Ku dhawaaqida inaysan wada shaqeyn danbe la sameyn doonin Madaxtooyada Somalia. 4-Waxaa suuragal ah in si toosa ay ugu dhawaaqan inay xiriirka u jareen dowlada Somalia, maadaama ay jirto baqdin dhanka faragalinta doorashada. Dowlada Somalia ayaa waxa ay ku khasban tahay inay raadiso xalka maamul Goboleedyada maadaama aysan ku filneyn maamulida keliya magaalada Muqdisho, waxaana jira dacwado ka imaanaya maamulada kaa oo ku qotoma in dowlada Somalia ay hakisay qoondadii ay siin jirtay qaar kamid ah maamulada. Sidoo kale, Hogaamiyayaasha maamulada ayaa waxaa ka go’an inay difaacdan kuraastooda iyaga oo taa u maraaya inay tashwiish ku furan xiriirkii kala dhexeeyay dowlada si ay u dhameystaan wakhtiga u harsan. Dhinaca kale, maamulada hadii ay dowlada Somalia u jaraan xiriirka waxa ay taasi ka dhigan tahay in dowladu aysan kormeerayaal u diri Karin doorashooyinka maamulada, kuwaa oo suuragal ah in loo diido ka degista Garoomada maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Qofna uma baahna in loo sharaxo waxa ka dhaxeeya Somalia iyo Jabuuti, laakiin dowlada hada ka jirta Somalia waxa ay bilaawday iney lumiso gacanta koowaad ee Soomaalidda ama si kale markii la yiraahdo walaalihi iyo saaxiibadii ugu dhowaa ee Somalia. Waxaa aad loola yaabay safarkii uu wasiirka arrimaha dibada Eritrea ku yimmid Muqdisho iyadoo la xasuusto caradii ka dhalatay hadalkii madaxweyne Farmaajo ku dalbaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Eritrea. Labada wadan ee Jabuuti iyo Eritrea wax xiriir ah kama dhaxeyaan waxaana ay Asmara xoog ku heysata dhul ay leedahay Jabuuti. Safarkii uu wasiirka arrimaha dibada Eritrea ku yimid Xamar waxaa lo fasiray in lagu xoojinayay xiriirka labada dal iyo heshiisyadii labada madaxweyne. Safarkaan wuxuu imaaday iyadoo aaney Dowlada Somalia weli waxba ka dhihin carada iyo tabashada kasoo yeertay Jabuuti. Dadka aadka u darsaya arrintaan waxey lee yihiin Somalia waxa ay iska indho tireysa qiimaha iyo waxa kala dhaxeeya Jabuuti iyadoo isku sii maqiiqeysa meel aaney aqoonin waxa gudaheeda ku jira. Jabuuti ciidamo ka socda ayaa ku sugan Somalia. Qar iska tuurnimo siyaasadeed ayaa lagu micneyn kara fikirka ay Somalia ku xoojineyso xiriirka Asmara iyadoo aan xitaa u jawaabin Jabuuti oo tabasho muujisay. Eritrea waxaa lagu eedeya iney tageerto xoogaga ka dagaalama Somalia. Xiisada ayaa kor aadi karta hadii sida la filaayo uu dhowaan Muqdisho yimado madaxweynaha Eritrea. Waxaa muuqata in Jabuuti iyo Somalia ay sii kala tagayaan inkastoo shacabka Soomaalida iyo madaxda mucaaradku ay kasoo horjeesteen in Jabuuti la lumiyo iyadoo la raadinaayo xiriirka wadan aan la aqoonin waxa laga keeni doono. Siyaasiyiinta qaar waxa ay qabaan in arrintaan ay reer Galbeedku wax ka ogyihiin madaama ay Jabuuti u weecatay dhanka China. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida la filayo ama ay Puntlad iclaamisay waxaa maalmaha soo socda dhiillo colaadeed ay ka curan doontaa gobolka Sool oo ay in muddo ah isku horfadhiyeen maalisheed ka kala amar qaata lamada maamul ee Puntand iyo Somaliland. Dagaalkan oo bilowday bishii Janaayo ee sanadkan waxa ay Somaliland ku qabsatay kastamka Tukaraq oo dakhli badan uga soo xoraan jiray Puntland alse ujeedkiisu ahaa carqaladeyn safarkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagay Puntland. Hase ahaatee, waxa uu Puntland, gaar ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, u dhaliyey fursad iyo mashruuc ku soo aaday waqtigii ugu haboonnaa. Hadaba, dhawr mar oo ay foodda isku galiyeen jiiddahaas, ma jirin cid guulo la keentay oo aan ka ahayn barakicinta dadka deegaanka iyo dhimasho iyo dhaawac wax dhaafsiisan. Beesha caalamka ayaa isku dayday in ay dhex dhexaadiso balse kuma guuleysan. Maxaa hadda dib u soo celiyey oo aynu ka baran karnaa? Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu hadda u arkaa fursad dahabi ah maadama dhawr bilood ay ka harsan tahay doorashada maamulkiisa, isaga oo taas ka duulaya waxa uu doonayaa in uu ka faa’iideysto oo uu dagaal galiyo maamulka si ay meesha uga baxdo qaban qaabada doorashada sidaasna xilka ku sii dheereysto. Sidoo kale, waxaa soo dedejisay ku dhawaaqisya dagaalka, go’aankii baarlamanka Puntland ee ay ku caddeeyeen in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Cumat ayaa weli ku jira gacanta dowlada Ethiopia, kadib markii dhawaan lagala baxay halka uu ka degnaa magaalada Jigjiga. Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo u waramaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee maamulka uu yahay mid wali ku jira gacanta Ethiopia. Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil waxa uu sheegay in xaalada Cabdi Cumar ay tahay mid wanaagsan, isla markaana aan qabin wax dhibaato ah, sida uu hadalka u dhigay. Mar wax laga weydiiyay waxa uu noqon doono mustaqbalka Madaxweynihii hore Cabdi Cumar ayuu sheegay in mustaqbalkiisa uu yahay mid xiligaan ku jira gacanta maamulka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Waxgaradka. “Cabdi Cumar wax dhiba maqabo waxa uu ku jiraa gacanta dowlada xaaladiisuna aad ayey u wanaagsan tahay” “Mustaqbalka Cabdi Cumar hade waa mid iska muuqda waxa uu ku jiraa gacanta maamulka iyo waxgaradka oo iskaashada mana filaayo inuu la kulmi doono wax dhibaato ah” Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil, waxa uu sheegay inuu isku soo beegmay xarigiisa iyo isbedelada ka dhacay deegaanka maamulka, hase yeeshee waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay dib u helida xoriyadiisa. Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dhankooda ay ka muujin doonaan dadaal lagu dalban doono sii deynta Cabdi Cumar oo loo heysto tacadiyo uu geystay maamulkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ku degdegto xil ka qaadista iyo magacaabida Taliyayaasha ciidamada Xoogga. Dowlada ayaa inta badan tan iyo markii la doortay si isdabajooga xilalka uga xayuubisay Taliyayaal khibrad fog u xilka, halka qaar cusubna ay siisay ahmiyada. Taliyayaasha qaar ee xilka laga qaaday ayaa waxaa ku jiray kuwo lasoo shaqeynaayay dowladii Dhexe ee Somalia kuwaa oo loo aqoonsaday inay leeyihiin khibrado ciidan, hase yeeshee kuma aysan waarin xilka. Taliyayaasha ku wanaagsan xaga ciidanka ayaa waxaa laga hoos magacaaba kuwo aan ehel u aheyn howlaha ciidan, taa oo lagu sheegay sababta koowaad ee fashilka Militery ee heysta dowlada. Muddo laga joogo Sanad iyo bar ayey dowlada hadda jirta ku magacawday Taliyayaal dhowr ah kuwaa oo ay ka dhexmuuqden Taliyayaal lagu taxay darajo ciidan balse aan laheyn khibrad ciidan oo hubaal ah. Taliyayaasha qaar ayaa waxaa saaciday nidaamka ay Somalia qaadatay ee 4.5, taa oo la rumeysan yahay in Somalia ay kusii hogaamineyso boholo mugdi ah. Inta badan Taliyayaasha soo mara Taliska Militeriga Somalia ayaan xilka hayin waxkabadan Sanad, waxa ayna xilkooda kuwaayan arrimo la xiriira musuq. Xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa asbuucii tagay loo magacaabay Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo xilkaasi muddo badan soo qabtay isagoo horay ula soo shaqeeyay dowladihii hore ee dalka soo maray, wallow lagu eedeeyo in dhibaatooyin hore uu u geestay Saraakiil ka tirsanaa Taliska. Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Magacyada iyo taariikhihii ay xilka taliyaha Ciidanka hayeen taliyayaasha soo maray Taliska ciidanka Xoogga dalka waxaana ugu horreeya. 1-Daa’uud Cabdulle Xiris 1960-1965tii 2-Maxamed Siyaad Barre 1995-1969kii 3-Maxamed Cali Samatar 1969kii -1986dii 4-Cumar Xaaji Masaale 1981 -1982dii 5-Aadan Cabudllahi N.Gabyow 1987 -1988 6-Maslax Maxamed Siyaad 1988 -1990kii 7-Maxamed Xirsi Moorgan 1990 -1991dii 8-Ismaciil Qaasin Naaji 2000 -2002dii 9-Cabdi Axmed Guuleed 2002 – 2003dii 10-Cabdullahi Cali Cumar 2003 -2004tii 11-Saalax Xasan Jaamac 2004 – 2005tii 12-Siciid Dheere Maxamed 2007-2008ddii 13-Yuusuf Xuseen Dhuumaal 2008- 2009 14-Maxamed Geelle Kaahiye 2009-2010 15-Axmed Jimcaale Cirfiid 2010-2011 16-C/Qaadir Sh.Cali Diini 2012-2013 17-Daahir Aadan Cilmi 2013 -2015 18-Maxamed Aadan Axmed 2015 19-Axmed Jimcaale Cirfiid 2017 20-C/Wali Jaamac Gorod 2017-2018 Geesta kale,Dowlada Somalia ee hadda jirta ayaa wali xil ka qaadis iyo magacaabis ka dhexwada Taliska ciidamada Xooga xili ay Gobolada dalka kusii xoogeysanayaan Al-Shabaab, halka dowladuna ay ku mashquulsan tahay xilal magacaabis iyo ka qaadis Taliyayaasha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com