Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga socdo qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu Berri kasoo dago garoonka Aadan Cadde. Xasan Shiikh Maxamuud oo muddooyinkii u dambeeyey daganaa Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa Berri imaan doono Magaalada Muqdisho iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku aadan ujeedka safarkiisa. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga qabanqaabada soo dhaweynta, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Muqdisho u imaan doono sidii uu wadatashi ula sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyagoo iska wareysan doono xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku ku jiro. Wararka qaar oo aan la hubin ayaa sheegayo inuu Xasan Shiikh Maxamuud si rasmi ah ugu soo guurayo Magaalada Muqdisho oo u noqon doonto saldhig. Xasan Shiikh ayaa dalka ka tagay markii looga guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 08 February 2017 markaas uu Farmaajo la wareegay xukunka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Shaqaallaha rayidka ah ayaa kasoo horjeestay xilka ka qaadis dhawaan uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda. Muran badan ayaa ka dhashay xilka ka qaadista Cali Maxamed Cali oo ahaa xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda, waxaana ugu dambeyntii soo faragalay Guddiga shaqaallaha rayidka ah. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda Federaalka ayaa waraaq u qoray 5-tii bishan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay habka xil ka qaadistii uu ku sameeyay Xoghayaha Joogtada taariikhda marka ay aheyd 26-kii bishii July uu si cad uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha bishii May ee sanadkan oo lagu joojiyay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda ayaa si rasmi ah uga horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey xogyahaya waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay mid ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dowladda u yaalo. Wuxuu guddiga sheegay in xoghayaha xilka laga qaaday uu markii hore ku imaaday magacaabis Ra’isulwasaare haddana loo baahan yahay inuu Ra’isulwasaaraha xilka ka qaado. Guddiga ayaa ku dooday inaysan ansax aheyn xil ka qaadistii lagu sameeyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Debadda maadaama aan loo marin sida ay sheegeyn wadadii saxneyd isla markaasna aysan jirin sababo kale oo keeni karo inuu xilkiisa ku waayo. Guddiga ayaa ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xilkiisa loogu soo celiyo xoghayihii joogatada ahaa ee Wasaaradaas Cali Maxamed Cali. 26-ka Bishii July ayey aheyd markii xilka laga qaaday Cali Maxamed waxyana wasaaradda xilkaas u magacowday Danjire Saciid Xaaji Maxamuud. Sidoo kale xoghayihii xilka laga qaaday ayaa isna loo magacaabay waqtigaas La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda. Akhriso: Warqaddii xilka looga qaaday Xoghayaha Joogtada ah Waraaqda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda
  3. Laba Maalmood oo rabshado ay ka dhacayeen magaalooyinka ugu waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa isbedel lagu sameeyey hogaanka cusub ee dalkasi. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iska casilay xilka iyodoona loo magaacabaya madaxweyne Cusb dawlad Deegaanka Soomalida itoobiya. Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar. Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida. Isaga oo Warbaahinta la hadlayey Madaxweynaha Cusub ayuu sheegay in isbedel weyn uu la imaan doono,isla markaana uu ku Shaqeyn doono aragtida Shacabka Soomaalida Itoobiya. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Ururka ONLF Oo Si Adag Uga Hadley Madaxweynaha Cusub Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  4. Somalia is rarely described as on the musical vanguard but there was a time, before its turmoil, when the Horn of Africa nation bustled with an electrifying mix of the world's sounds. Source: Hiiraan Online
  5. The August 7 midmorning attack on US embassy in Kenya and Tanzania brought al Qaeda to the limelight. It shaped Kenya’s war on terror and how Kenyans thought about their own security. Source: Hiiraan Online
  6. President Uhuru Kenyatta will hold talks with his US counterpart Donald Trump on August 27 in Washington, the White House confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU, Aug. 6 (Xinhua) -- The UN migration agency and the European Union are this week training over 60 migrants who opted to return to Somaliland from Libya instead of continuing their journeys to Europe, the UN agency said on Monday. Source: Hiiraan Online
  8. Amid a diplomatic spat between Saudi Arabia and Canada, a pro-government Saudi Twitter account shared — and then deleted — a digitally altered image that appeared to show a plane flying toward the skyline of Toronto, Canada’s largest city. Source: Hiiraan Online
  9. The European Council (EC) has decided to extend the mandate of EU NAVFOR Somalia Operation Atalanta to curb piracy until 31 December 2020. Source: Hiiraan Online
  10. Kenya police have announced a new security measure which will see camels join the country’s animal policing unit which already has dogs and horses as part of it. Source: Hiiraan Online
  11. Security forces in Ethiopia’s eastern Somali region on Monday shot dead four people who were protesting against the looting of their shops and homes during unrest at the weekend, a witness said. Source: Hiiraan Online
  12. A military coalition battling Houthi rebels secured secret deals with al-Qaeda in Yemen and recruited hundreds of the group's fighters, a news report said on Monday. Source: Hiiraan Online
  13. Jigjiga (HOL) - Ahmed Abdi Mohamed has emerged as the new President of the Somali Regional State (SRS) in Ethiopia, following the Ethiopian Ministry of Information’s announced that embattled Somali regional President Abdi Mohamoud Omar (Abdi Iley) has agreed to step down from power after a bloody weekend in Jigjiga, the capital of the Somali regional state in eastern Ethiopia, where at least 30 people lost their lives. Source: Hiiraan Online
  14. The Minister for Information for the Somali region of Ethiopia Idris Ismail has confirmed to the BBC Somali Service that regional President Abdi Mohamud Omar has handed over power and has agreed to step down. Source: Hiiraan Online
  15. Ciidanka PSF oo hawgalkii maanta ku jira Ciidanka sida gaarka ah u taba-baran ee Puntland(PSF) ayaa maanta hawlgal qorshaysan ku dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF. Hawgalka oo ciidanku ka fuliyay buuraleeyda Calmadow ee gobolka Bari ayaa mudadii uu socday Al-shabaab looga sifeeyay degaannada; Madarshoon,Karin-xagarood iyo Diindigle oo dhammaantood ka tirsan buuraleeyda Calmadow ,sida lagu xusay warbixinta ciidanka PSF. Qoraalka ka soo baxay ciidanka ee PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhaawacyo badan la gaarsiiyay malayshiyaadkii Al-shabaab ee halkaasi laga saaray,islamarkaana ay hawlgalladu sii soconayan ilaa iyo inta Al-shabaab laga sifaynayo degaannada ay kaga sugan yihiin Puntland. “Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxayna dileen intii hawlgalkani socday 15 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo.Dhanka kale, intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri warbixinta PSF. Warbixintu waxay intaas raacisay”ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ku soo duulay Puntland, si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddanka ka caaggan kooxaha cadowga ah iyo falalkooda argagixisanimo”. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  16. Hargeysa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in deeganada maamulka Somaliland lagu qabtay gaadiid nooca waaweyn oo lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia. Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gawaari ka timid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dhalinyaradii waday. Maamulka ayaa sheegay in Gaadiidkaasi oo dhowr ah ay ku qabteen deegaanada xaduudka ah ee togwajaale kuwaasi oo ay sheegen in lagala soo goostay dhulka Soomaalida. Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku hayaan afar gaari, halka kuwo kale lagu hayo deegan kale oo aan sidaa uga suu fogen togwajaale. Wasiir ku-xigeenka waxa uu sheegay inaanu jirin sabab iyo cadeymo ay ku socdeen wadayaasha gaadiidka, balse ay jireen xogo muujinaayay in gaadiid lagala soo goostay deegaanka Soomaalida ay kusoo fool leeyihiin Somaliland, sidaana ay gacanta ugu dhigeen gaadiidka. Waxa uu sheegay in gaadiidka ay yihiin kuwo maamulka uu leeyahay balse aanu jirin sabab muujineysa inay ku socdaan gaadiidka. Waxa uu sheegay Wasiirku in Somaliland ay adkeysay xaduudkeeda,isla markaana ay baaritaan ku hayaan gawaarida iyo dadkii ay qabteen. Geesta kale, waxa uu sheegay inay jiraan hanta badan oo lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida ay ka hortageen in lasoo galsho Somaliland, iminkana ay wadaan ka hortag. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Jigjiga (PP) ─ Madaxweynaha DDS Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa goor-dhaw is-casilay, iyadoo xilka madaxweynaha maamulkaas oo ay rabshado ka jiraan loo magacaabay wasiirkii maaliyadda maamulkaas, Axmed Cadi Maxamed. Is-casilaadda Madaxweynaha muddada badan soo xukumayay maamulkan ayaa looga jawaabayaa qalalaasaha ka taagan killilka shanaad, waxaana la filayaa in isbedelkan uu sababo xasillooni dhaqso ah. Sidoo kale, Wararka ayaa intaa ku daraya in Cabdi Maxmauud Cumar uu cadaasi xooggan kala kulmay odayaasha dhaqanka deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, isagoo ugu dambeyn go’aansaday inuu xilka isaga dago. Magacaabidda mas’uulka cusub ee bedeli doona madaxweynaha xilka iska casilay ayaa waxay ku timid kulan ay yeesheen guddiga maamulkaas, sidoo kale wararka ayaa intaas ku daray in ciidammo millateri ah ay buuxiyeen magaalada Jigjiga. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay u muuqataa mid horseedi doonta in xaaladda magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas ay caadi kusoo laabato, maadaama kacdoonka uu dhaliyay diidmo la diidan yahay madaxweynaha xilka ka dagay. Magaalooyinka Jigjiga iyo Dirir-dhabe ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan, kuwaasoo intooda badna Soomaali ah, kaddib iska-horimaadyo dhex-maray ciidamada iyo qowmiyadaha ku nool magaalooyinkaas. Ugu dambeyn, Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa muddo la Daalaa-dhacayay dhibaatooyin dhanka maamulka ah, kaddib markii lagu eedeeyay madaxweynaha is-casilay inuu isticmaalay awood xad-dhaaf ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii maamulka DDS Itoobiya oo is-casilay iyo mas’uul kale oo la… appeared first on Puntland Post.
  18. Turkish students are volunteering in Niger and Somalia as part of a Turkish Cooperation and Coordination Agency's (TIKA) 2018 Experience Sharing Program program. Source: Hiiraan Online
  19. Dirir-dhabe (PP) ─ Wararka laga helayo Magaalada Dirir-dhabe ee dhulka Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya, ayaa shegaya in halkaas maanta lagu dilay in ka badan sagaal qof oo Soomaali ah, tiro kalena lagu dhaawacmay. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadii Liyuu Police-ka ahaa eek u sugnaa magaaladaas ay isaga baxeen, sidoo kalena ay gudaha u galeen ciidan ka tirsan Millateriga Federaalka dalka Itoobiya, si xiisadda taagan loo joojiyo. Magaalada Dirir-dhabe oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah eek a tirsan dhulka Soomaalida-Itoobiya, ayaa waxay rabshadaha ka taagani ka billowdeen markii xiiado ay dhaceen magaalada xarunta ah ee Jigjiga. Dadka Soomaaliyeed ee lagu dilay magaalada Dirir-dhabe ayaa la sheegay inay ku jireen hooyo iyo ilmo ay dhashay, waxaana dhammaantood dadka la laayay ay kasoo jeedeen dalka Jabuuti, taasoo keentay in laba qof oo Oromo ah lagu dhaawaco gudaha Jabuuti. Talyiaha booliiska Jabuuti ayaa sheegay inaysan jiri doonin cid dambe oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya lagu dhibaateeyo gudaha dalka Jabuuti, isagoo sheegay inaysan jirin cid lagu qasbayo inay Itoobiya dib ugu laabato, balse qofkii raba uu dib u laaban karo. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Qoysaska Sooaalida ah ee Dirir-dhabe ku nool, gaar ahaan kuwa deggen xaafadaha ay dadka aan ahayn Soomaalidu ku nool yihiin ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda si ay uga nabad-galaan rabshadaha socda. Dhanka kale, Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inay maanta xasiloon tahay magaaladaas, inkastoo dhallinyaro kasoo jeeda dadka kale ee aan Soomaalida ahayn ay isku urursanayaan goobo gaar ah, inkastoo aysan jirin wax isku dhacyo ah oo dhacay. Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa waxay waddaa qorshe ay ku doonayso inay ku xakameyso dhibaatooyinka sii kordhaya ee haatan ka jira Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya. PUNTLAND POST The post Ciidammo aad u hubeysan oo Gudaha u galay Dirir-dhabe iyo Xaaladeeda oo kasii dartay appeared first on Puntland Post.
  20. Jigjiga (Caasimadda Online) – Guddiga fulinta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Goordhow waxa ay Magacaabeen Madaxweyne Cusub dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya,ka dib kulan ay Maanta yeesheen. Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay sababo la xiriira rabshadaha khasaaraha egsytay ee ka dhacay magaalooyinka Waaweyn sida Jigjiga iyo Diridhaba. Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay u Magcaabeen Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase) Dad badan oo siyaasada la socda ayaa waxa ay qabaan in xiisadii ka jirtay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay yareyn karto isbedelka Cusub ee lagu sameeya Hoggaankii ugu sareeyey. Magacaabistan ayaa waxa ay imaaneeysaa iyada oo muddo 3-maalmood ah xaalad cakiran ay ka taagneed Guud ahaan dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato. Sidoo kale magacaabistaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli ciidamada Militariga Itoobiya ay Maanta galeen Magaalada Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  21. Diridhabe (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in ciidamada federaalka Itoobiya ay galeen magaalooyinka Jugjiga iyo Diridhabe oo labadii maalmood ee uu danbeeyay shaqaaqooyin ku dhex marayeen Soomaalida iyo Oromada. Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay gudaha u galeen labada magaalada iyadoo ay wadooyinka dhooban yihiin, waxayna la wareegeen dhismooyinka maamulka iyo goobaha dowladda, kadib markii xaaladda magaalada ay qarka u saarantay inay faraha ka baxdo. Ciidamadii maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyu Police ayaa la sheegay inay isaga baxeen oo ay banneeyeen magaalada Diridhabe waxyar ka hor intii aanay ciidamada Itoobiya gelin halkaasi, waxay kaloo banneeyeen magaalada Jigjiga iyagoo loo sheegay inay xerooyinkooda ku ekaadaan. Soomaalida ku nool magaalada Diridhabe ayaa la sheegay inay ka qaxayaan degaanada ay la degan yihiin Oromada iyo qowmiyadaha kale, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladda magaalada ay kacsan tahay. Faragelinta ciidamada Itoobiya ayaa bilaabatay galabta iyadoo ciidamo badan oo wata diyaarado helikobtar ah iyo qalab culus, waxayna arrintan ka dambeysay wadahadal maamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka ugu dhammaaday magaalada Jigjiga oo la sheegay inuu maamulka DDSI codsaday ciidamo federaal ah. Caasimada Online Xafiiska Diridhabe Caasimada@live.com
  22. Diridhaba (Caasimadda Online) – Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen BBC. Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu BBC-da u talaiyaha booliiska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi. Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday. Caasimada Online Xafiiska Diridhaba Caasimada@live.com
  23. Bardaale (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa tilmaamaya in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah lagu laayey weerar ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee Gobolka Baay . Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa Caasmadda Online u xaqiijiyey in barqanimadii maanta qarax xoogan oo noociisu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso lala eegtay Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo kuna sii wajahnaa degmada Bardaale oo labaduba ka wada tirsan gobolka Baay. Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in qarax lagu burburiyey gaari Uraal ah oo ka mid ahaa kolonyada kaas oo ay saarnaayeen tobanaan ciidamo ah. Waxaa jira khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Itoobiya inkastoo aanan ilaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay jareen isgaarsiintii deegaanka, islamarkaana ay ilaa hadda joogaan halkii uu qaraxu ka dhacay. Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka howlgala Baay iyo Bakool ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ayaa weeraro gaadmo ah ka wadada isku xirta Baydhabo iyo Bardaale oo ah midda kaliya ee u furneed ciidamada Itoobiya, una soo mari jirtay sahayda kaga timaado dhanka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  24. xubnaha wasiirada cusub ee la dhaariyay Xubno ka mid ah wasiiradii shalay uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta xilka loo dhaariyay. Musaasabadda lagu dhaarinayey wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, guddoomiye ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey), xubnaha guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaare ku xigeenka dalka,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) . Wasiirada maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:- 1. Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare. 2. Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha. 3. Cabdulqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya. 4. Sakhar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha. Ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta wasiirada cusub ayaa ku tilmaamay xubnaha la dhaariyay in ay qeyb ka yihiin dardar gelinta barnaamijyada xukuumadda. “ Mudane guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix masuul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye masuuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumada” ayuu yiri Khadar. Guddoomiyaha golaha shacabka,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa wasiirada cusub ee ka dhaariyay kula dardaarmay iney si hufan shaqadooda u gutaan. “ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri Mursal. PUNTLAND POST The post Xubno kamid ah wasiiradii shalay la magacaabay oo maanta la dhaarshay appeared first on Puntland Post.