Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,116
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online): Waxaa manta Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho ka dhacay Shirweynaha Wadatashiga iyo Midnimada Beesha Murusade , waxaana shirkan kasoo qeyb galay dhamaan jufooyinka kala duwan ee ku abtirsada Beel weynta Murusade. Shirkan oo ahaa mid muhiim ah loogana tashanayay Midnimada iyo wadajirka beesha ayaa waxaa kasoo qeyb galay Siyaasiyiin , Saraakiil, Waxgarad, Ganacsato, Aqoonyahano, Dhalinyaro , Qurbo jog iyo Haween, kuwaa oo dhamaan kasoo jeeda beesha Murusade . Shirweynaha ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa daba socday shirar horey loo qabtay, waxaana shirkan lagu cadeeyay in beesha dhaxdeeda ka heshiisay waxyaabo mad madoow ahaa ayna hada beesha noqotay mid usoo jeesatay midnimada iyo wadajirkeeda . Waxgaradkii, Siyaasiyiintii iyo dhamaan dadkii kala duwanaa ee kulankan ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in beesha ka shaqeyso Midnimada, waxa ayna dhamaan dadkii hadlay cadeeyeen in Beeshu tahay mid isku duuban oon dhaxdeeda xiligan wax saluug ah uusan ka jirin. Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo ah Ugaaska Beesha Murusade oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim tahay in beesha wadatashi yeelato sidii kale ay noqoto dad mideesan oo ul iyo deerkeeda oo kala ah. Ugaaska ayaa ugu dambeyn dadkii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay Shirweynaha ugu baaqay in ay is cafiyaan laabtana is galiyaan, waxaana mar qura goobta ka dhacay is marxabeyn iyo in dhamaan dadkii Shirka joogay laabta is galiyaan. Shirweynahan dhamaan dadkii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay waxa ay cadeeyeen in ay taageersan yihiin dowlada Soomaaliya, waxa ayna ku balameen in laga shaqeeyo wadajirka iyo sidoo kale dowladnimada Soomaaliya. Gabo gabadii Shirweynaha Wadatashiga iyo Midnimada Beesha Murusade ayaa kusoo dhamaaday guul aad loogu riyaaqay, waxaana dhamaan dadkii kasoo qeyb galay wajiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsanaayeen in Beesha kulankan weyn isugu timaado kana arinsato aayaheeda. Caasimada Online Muqdisho-Office caasimada@live.com
  2. Former Chief Administrator of Ethiopian Somali regional state, Abdi Mohamed Omer, has been arrested. Source: Hiiraan Online
  3. Maxkamada Sare ee Uganda oo ku taal magaalada Gulu ayaa damaanad kusii daysay mudanaha katirsan baarlamaanka Dalkaas ee lagu magacaabo Robert Kyagulanyi alias oo lagu naanayso Bobi wine. Siyaasigan da’da yar ayaa horay u ahaa fanaan caan ka ah wadanka Uganda, wuxuuna kamid noqday baarlamaanka wadankaas isagoo u xuub siibtay siyaasi saamayn weyn ku leh Uganda. Bobi wine oo xabsiga ku jirey maalmihii u danbeeyey waxaa lala siidaayey 12-qof oo kale, waxaana lagu soo oogey inay galeen khiyaamo qaran, iyadoo mudadii uu xabsiga ku jireyna ay Dalka ka dhaceen mudaharaadyo waaweyn oo lagu dalbanaayo in xoriyadiisa lasiiyo kuwaas oo khatar geliyey amaanka Dalka guud ahaan. Fanaankan hore hadana u xuubsiibtay siyaasiga ayaa aaminsan in Madaxweynaha Dalkaas xukumaayey mudada ka badan 30-ka sano Yoweri Museveni uu xukunka ku joogo sifo sharci daro ah, wuxuuna si adag ugu cel-celiyaa inuusan Museveni wadankaas sii xukumi karin mudo intaan ka badan. Banaanka hore ee xabsiga laga siidaayey waxaa taagnaa labba ambalaas si ay u qaadaan Bobi wine oo ay dhaawacyo soo gaareen markii la qabanaayey lana rumaysan yahay in si aada loogu jirdiley mudadii uu xabsig ku jirey. Daraasiin taageerayaasha siyaasigan ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka markii damaanada lagu siidayey iyagoo u dabaaldegaaya siidaynta Bobi wine oo ay u arkaan halgamaa dagaal ugu jira dumuqraadiyada iyo tala-wadaaga Uganda. Bobi wine iyo raga lala siidaayey ayaa la sheegay inay maxkamada mar kale kasoo muuqan doonaan 30-ka Bishan Agoosto iyo xili kasta oo ay maxkamadu u baahato. Isku soo wada duubo arimahan ayaa kusoo aadaaya xili Madaxweyne Museveni uu doonaayo inuu mar kale u ordo xukunka Uganda isagoo bedelaaya dastuurka Dalka si meesha looga saaro da’da xakamanaysa Madaxweyne Museveni oo ah inuusan Madaxweynuhu ka weynaan 75-sano, halka uu Museveni iminka dhaafay da’daas, Bobi wine waa siyaasiga ugu adag ee kasoo hor jeeda bedelka dastuuka Dalka, iyadoo Madaxweyne Museveni uu ninkan u arko inuu khatar ku yahay xukunkiisa cimriga dheer.. Fanaankan siyaasiga u xuubsiitey ayaa qaaday hees lagu magacaabo waxaan u dagaalamaynaa xoriyadayada. PUNTLAND POST The post Fanaanka siyaasiga noqday Bobi wine ee ruxay xukunka Madaxweynaha Uganda oo xoriyadiisa helay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa wali ku howlan qorshaha la dagaalanka musuq-maasuqa kaa oo loo xiray mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowlada. Dadka ay dowlada u xirtay musuq-maasuqa ayaa waxaa ku jira Saraakiil ciidan oo la sheegay in lagu helay qaadashada lacago laaluush ah. Talaabada ay dowlada Somalia kula dagaalameyso mas’uuliyiinta lagu helo musuqa ayaa waxaa taageeray Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo sheegay inay muhiim tahay in sharciga la horgeeyo cid waliba oo lagu helaa musuq. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah baarlamaanka Somalia qeybna ka ah Xildhibaanada taageeray la dagaalanka musuqa ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan ciqaabida cid lagu helaa musuq. Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in Musuqa uu yahay keliya kan ragaadiyay hormarka Somalia, waxa uuna dowlada Somalia ku dhiirigaliyay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyso mas’uuliyiinta kale ee xilalka u haya dowlada isla markaana la tuhunsan yahay. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa ka dalbaday madaxda dowladda federaalka ah ee Somalia in ay sii wadaan la dagaalanka waxa loogu yeero Musuqa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dhaqaalaha lagu cuni lahaa musuqa ay u baahan yihiin shacabka liita. Waxa uu tilmaamay inay badan yihiin Xildhibaanada aadka u taageersan la dagaalanka musuqa, hase yeeshee ay diyaar u yihiin in DFS ay ku garab istaagan talaabo waliba oo looga hortagaayo musuqa. Geesta kale, Xildhibaan Dalxa ayaa intaa ku daray in ay muhiim tahay in shacab iyo dowlad la’iska kaashado qorshahaasi, si uu dalku u gaaro horumar iyo barwaaqo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. MOGADISHU (Caasimada Online) – At least 2 soldiers have been killed and two others injured in roadside bomb explosion in Somali capital Mogadishu. The explosion targeted luxury vehicle carying security soldiers in the capital, leaving 2 soldiers dead on board. “It was an IED explosion happened at factory venue in the capital of Mogadishu. 2 agents were kilked”, a witness said. There was no immediate claim of responsibility for the bomb explosion. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa maanta u fariistey Mooshin laga keenay shirkadda P&Ports ee mataanta la ah shirkadda weyn ee DPWorld, taas oo lagu wareejiyey sanadkii hore dekadda Boosaaso. Mooshinkan ayaa dhigaayey in shirkadda kirtsyatey dekadda Boosaaso muddo 30 sano ah ay ku fashilantey heshiiiskii lala galey oo aysan waxba ka qaban dekadda Boosaaso muddo sanad kadib ah heshiiskii lala galay. Afhayeenka Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaaXildhibaanada ka hor akhriyey habraaca Mooshinka wuxuu sheegay in Mooshin ay soo gudbin karaan 6 Xildhibaan, waxaana la doonayaa in ay ku raacaan 22 Xildhibaan. In badan oo kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka qorey ayaa fadhiga ka maqnaa, oo aan soo xaadirin isla markaana difaacan mooshinka ay qoreen. Afhayeenka Baarlamaanka ayaa geliyey codeyn in mooshinka laga doodo iyo in kale, waxaa u codeeyey 10 Xildhibaan, waxaana diidey 23 Xildhibaan, taas oo mooshinka ka dhigtey mid aan la furi karin. Horey ayaa shacabka Puntland isu weydiiyeen sababta mooshinkan ay u keeneen Xildhibaanada Golaha wakiilada oo sanadkii la soo dhaafey meel-marinta heshiiskan ku qaatey lacag ku dhaw $2milyan oo dollar, oo ahayd lacagtii shirkaddu u bixiey hormarinta ama xaqul qalin wax loogu yeeray, taas oo keentey in heshiiska aan dood dheerba la gelin.
  7. Washington (Caasimada Online) – President Uhuru Kenyatta has paid on a landmark official visit to Washington after recieving an official invitaion from Donald Trump The President, accompanied by First Lady Margaret Kenyatta was received by a team of senior US and Kenya government officials led by Kenya’s ambassador to the US Robinson Njeru Githae. Mr. Kenyatta held talks with US President Donald Trump, discussing on relations, security, governance, trade and investment, people to people cooperation; and partnership in regional and international matters. Kenya’s Foreign Affairs Cabinet Secretary Amb. Monica Juma says the President’s visit to the US is significant in many aspects. The two leaders also discussed on fighting against Al Shabaab group based in Somalia. Both Kenya and the U.S. have troops in Somalia, and the al-Qaida-linked al-Shabab extremist group has crossed the border to carry out dozens of attacks inside Kenya, calling it retribution for sending troops. Nearly 100 Kenyan police officers have been killed since May 2017 in bombings and ambushes. Caasimada Online Washington News Desk Caasimada@live.com
  8. Former NGO board Chairman Fazul Mahamed has been appointed the director general of Private Security Regulatory Authority. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay ku sugan yihiin wufuud ka kala socta Sirdoonka dalalka Sudan iyo Qadar. Wufuudan ayaa la soo sheegayaa inay ka tirsan yihiin Sirdoonka dowladahaasi waxa ayna kulamo la qaadanayan madaxda Qaranka iyo kuwa Hay’adda Sirdoonka Somalia. Wafdiga Sirdoonka Sudan ayaa la sheegay inuu horboodayo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka dalkaasi Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed (Saleh Gosh), halka Sirdoonka Qadar ay yihiin khubaro ka socda Hay’adda Sirdoonka dalkaas. Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh,waxaa magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Somalia Xuseen Cismaan Xuseen oo ah Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia. Qoraal kooban oo lagu baahiyay Barta Twitter-ka ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Somalia ayaa lagu xaqiijiyay imaanshaha madaxa Sirdoonka Dalka Sudan. Khubarada Sirdoonka Qadar oo kasoo horeeyay kuwa Sudan ayaa iyaguna la xaqiijiyay inay la kulmeen dhigooda Somalia oo ay kala hadleen wada shaqeyn dhexmari doonto labada Sirdoon. Dowlada Somalia ayaa dhawaan isbedel ku sameysay maamulka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia, taa oo ugu wacan qulqulka Sirdoonka Dowladaha Carabta oo iyagu u muuqda kuwo heysta fursado wada shaqeen. Ma cadda qorshaha Sirdoon ee labada dal, waxaase soo baxaaya warar sheegaya in Sirdoonka Qadar ay la wareegi doonaan mushaaraadka Hay’adda NISA ee Somalia, halka Sudan ay caawin doonto Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Women's rights organization Terre des Femmes estimates that 65,000 women affected by female genital mutilation (FGM) are living in Germany. DW's Kate Brady met one Somali woman who is calling for an end to the practice. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan aya waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay agagaarka Warshadii hore ee Caanaha ee Magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaaya in Qaraxa loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah balse waxan la kala ogeyn in Qaraxa uu yahay mid laga soo buuxiyay iyo in lagu soo xiray gaariga. Halka uu ka dhacay Qaraxa ayaa waxaa ku yaala Saldhigyo ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan 14-ka October oo dhawaan lagu wareejiyay qeybo kamid ah xerooyinkaasi oo ay faarujiyeen ciidamada daacada u ahaa Imaaraadka. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu qarxay gaari nooca raaxada ah oo lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Hal ruux ayaa lasoo sheegayaa inuu ku dhintay Qraxa, halka laba ruux uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan, sida ay kusoo waramayaan dad goobjoogayaal ahaa. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hareereeyay goobta uu Qaraxu ka dhacay lama ogga ilaa iyo hadda Khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la sheegayaa in Gaariga Qarxay ay wateen Saraakiil. Geesta kale, Qaraxa kadib ayaa waxa halkaa laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada dowlada kadib markii ay ka shakiyeen Qaraxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Itoobiya XUKUNKII HAILE SALASE IYO DHISMIHII DAWLADDA CASRIGAA Tafare Ras Makonnen waxa uu ahaa wiil uu dhalay Ras Makonnen Wolde Mikael oo ahaa janankii qabsaday magaalada Harar iyo gudoomiyaheedii qabsiga ka bacdi. Reer Makonnen waxay ku abtirsadaan qoyskii talada Xabashida haysan jirey ee Sulaymaaniyiinta. Ras Makonnen oo ah aabaha Haile Salase waxaa dhalay hoggaamiye dhaqameed Oromaa, laakiin dhanka hooyada uga abtirsada qoyska Sulaymaaniyiinta. Waxaana dhashay boqor Menelik eedadiis Tenagnework Sahle Salase. Sahla Saalase ayaa ahaa Nuguskii reer Shawo iyo wiilkii Wason Sagad oo ahaa aasaasihii boqortooyada reer Shawo, oo mar ahaan jirtay dawlad islaama qarnigii13aad. Horay waxaynu usoo sheegnay markii talada laga tuuray Lijj Iyasu ee ay Sawditu oo ahayd gabadhii Menelik xukunka la wareegtay in Ras Taffare (Haile Selasse) loo magacaabay dhaxal sugaha boqortooyada. Sawditu iyo Tafare waxay kala qaybsadeen xukunkii. Waxaa talada arimaha gudaha iska lahaa boqoradda oo ahayd qof macangagad xag-jira ah. Laakiin Taffare oo ahaa nin ka furfuran lahaana aragti siyaasadeed oo ka gadisan teeda ayaa qaabilsanaa arimaha dibadda. Waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa ninkii Itoobiya ku daray wixii la oran jirey League of Nations ( waa hay’addii markii dambe u xuub-siibatay Qarammada Midoobey) Taffare kolkii dambe waxuu usoo jeestay arimihii gudaha kolkii uu awoodiisii kor ugu qaaday cinqilaab aan dhiig ku daadan, boqoraddii oo aan weli dhiman. Wixii Haile Selasse ka horeeyey Itoobiya waxay ahayd dal madax-hoosaadyo fara badan u kala qaybsan. Inkasta oo Menelik uu ahaa ninka ugu awoodda badan raggaan haddana dawlad casriya ma uusan dhisin. Haile Selasse ayuu ahaa ninka dawladdaas dhisay. Kolkii ay dhimatay boqoraddii Zawditu sanadkii 1930kii waxaa loo caleemasaaray Taffare boqorkii boqorada Itoobiya isaga oo qaatay magaca Haile Selasse. Markaas ayuuna bilaabay isbaddaladii dawlad-dhisidda. Waxa uu meesha ka saaray madaxdii uu islahaa midawga ayay caqabad ku yihiin. Waxa uu dhisay hay’adihii dawladda, isaga oo madax baneeyey ciidankii. Wuxuu sameeyey dastuur dalka ka dhaxeeya oo aysan ku xusnayn in masiixiyaddu ay tahay diinta dalka. Waxaa muslimiinta oo cadaadis ba’an lagu hayey loo ogolaaday madax banaani diimeed. Waxaa loo ogolaaday inay madax ka noqon karaan goobaha ay u badan yihiin iyo inay mansab ka qaban karaan dalka intiisa kale. Haile Selasse waxa uu ka talinayey dalka Itoobiye illaa ay ciidamadu talada kala wareegeen sanadkii 1974. DUULAANKII LABAAD EE TALYAANIGA IYO QABSASHADII ITOOBIYA. Kolkii ay dawladdii Kahadifa Isma’il ee Masar ay ka kacday xeebihii badda cas dhamaadkii qarnigii 19aad, xeebaha ay banaysay waxaa ka mid ahaa marsooyinkii Eritrea ee ay gacanta ku haysay. Marsooyinkaas iyo dhulkii kale ee Eritrea ba waxaa markiiba qabsaday dawladdii talyaaniga sanadkii1890kii. Talyaanigu kuma ekaan qabsashadiisii Eritrea oo keliya ee waxa uu dhulbalaarsi ugu gudbay dhulkii Xabashida, kaas oo sababay dagaalkii koobaad ee Talyaaniga iyo Itoobiya. Dagaalkaas ayaa waxa uu dhamaaday kolkii Talyaaniga lagu jabshay goobtii Adwa sanadkii 1896. Waxay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis colaadda lagu joojinayo sanadkii 1897. Laakiin dawladdii Talyaaniga marna maskaxdeeda kama bixin jabkii loogu gaystay Adwa. Markii dawladdii Fashiistadu la wareegtay xukunkii Talyaaniga waxa ay dib usoo celisay damaceedii ay ku qabsanaysay dalka Itoobiya. Saddexdii bishii October sanadkii 1935 ayaa ciidamadii talyaanigu waxa ay Itoobiya uga soo duuleen dhankii Eritrea iyaga oo gudaha usoo galaya gobalka tigray. Wax yar ka bacdina waxay furin labaad ka fureen dhankii bari iyo koonfureed ee dalka Itoobiya, iyaga oo ka soo duulay Soomaaliya oo ay gacanta ku hayeen. Dagaalo kharaar oo socday in muddaa ka bacdi waxaa u suurawday talyaanigii inay gacanta ku dhigaan caasimadii Adis Ababa shantii May sanadkii 1936. Intii aysan caasimaddu gacanta Talyaaniga ku dhicin ayuu boqor Haile Selasse u baxsaday dhankaas iyo Jabuuti, halkaas oo uu ugaga sii gudbay dalka Ingiriiska. Waxaa la sheegaa intii uusan baxsan ka hor Haile Selase inuu amray in xabsiga lagu dilo boqor kii muslimka ahaa ee Lijj Iyasu oo ku xirnaa xudduuda Kenya, si aanay Talyaanigu xukunka ugu soo celin. Dawladdii Talyaanigu waxay dalkii Itoobiya u kala qaybisay dhawr waaxood. Gobolkii Tigray waxay ku dartay Eritrea. Galla iyo Sidamo oo laysku darayna waxay ka dhigtay gobol gooniya. Gobolkii Soomaalida ee uu horay Menelik u qaatay ayay waxay ku soo celisay dhulkii Soomaalida. Amhara iyadana waxay ka dhigtay gobol gooniya. Horay waxa aynu usoo niri haddii aanu Talyaanigu celin lahayn damacii Xabshida dhamaadkii qarnigii 19aad Soomaaliya waxay lahaan lahayd xuduud ka gadisan midda ay maanta leedahay. Sidaas oo kale ayaynu iminkana leenahay haddii aan Talyaaniga lagu jabin lahayn dagaalkii labaad ee aduunka Itoobiya waxay u ekaan lahayd si ka gadisan sida ay maanta u egtahay. SIYAASADDII TALYAANIGA IYO KOR USOO QAADIDDII MUSLIMIINTA Waxaa lagama maarmaana inaynu xusno siyaasaddii Talyaaniga ee ku aadanayd muslimiintii Itoobiya. Talyaanigu waxa uu markiiba bilaabay siyaasad kor loogu soo qaadayo muslimiinta iyo dadkii kale ee la gumaysan jirayba. Waxaa dadkii muslimiinta loo ogolaaday xoriyad taama oo ay diintooda ku haystaan. Waxaa looga dhisay goboladoodii masaajiddo iyo goobo kale oo diinta lagu barto. Waxaa loo sameeyey maxkamado shareecada wax ku xukuma iyo qaadiyadii xukumi lahaaba. Waxaa loo dhisay iskuulo waxbarasho iyo goobo caafimaad. Masaajiddada uu Talyaanigu dhisay ayaa waxaa ka mid ahaa masjidka wayn ee Addis Ababa iyo masaajiddada Harar, Dirirdhabe, Jigjiga, Lake Hayq, Dessye, Mettemma iyo Gonder. Waxa iyana la dayactiray masaajiddada Dese,Socoti,Chelga,Dabarek,Islamye iyo Dangelo. Waxaa afka caribaga laga dhigay luuqad labaad oo la siman tan amxaariga, gaar ahaan gobolada Harar iyo Jimma. Jimma waxaa laga furay mac-had lagu barto fiqiga islaamka oo ay ka soobaxaan qaadiyadu, kaas oo la oran jirey Dar al-culuum al-islaamiya. Waxaan oo dhan Talyaanigu waxa uu usamaynayey inuu ku hanto quluubta muslimiinta si uu xukunkiisa ugu helo teegeerayaal. Hoggaamiyihii Fashiisatada Mussolini mar uu arintaas tilmaamayey isaga oo khudbad ka jeedinayey Libiya oo uu booqasho ku joogay waxa uu yiri: “Talyaanigu waxa uu usoo gudbinayaa shucuubta Libiya iyo Itoobiya nabad,caddaalad ,barwaaqo iyo ixtiraam uu uhayo sharcigii rasuulka” nasiib daro siyaasaddii Talyaaniga ee Itoobiya ma sii raagin maxaayeelay kolkii dagaalkii labaad ee dunida looga adkaaday qolyihii Talyaanigu ka midka ahaa, ayaa laga saaray dalkii Itoobiyana, halkaas oo ay siyaasaddisii ku istaagtay. Waxaa xukunkii dib ugu soo noqday Boqorkii dibad-wareegga ahaa ee Haile Selasse, sidaas ayaana mar labaad loo amaamuday dawladdii Itoobiya. DIB USOO NOQOSHADII XUKUNKII HAILE SELLASE Waxa aynu horay u soo sheegnay kolkii Talyaanigu uu duullaanka ku soo qaaday dalka itoobiya, in boqor Haile Selasse iyo qoyskiisiiba ay u baxsadeen dalka Jabuuti, isaga oo xambaarsan khasnaddii dawladdiisa. Boqorku kuma uusan nagaan Jabuuti ee waxa uu uga sii gudbay dalka Ingiriisha oo uu ku sugnaa muddadii uu Talyaanigu Itoobiya xukumayey. Kolkii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunidu Ingiriiska ayaa ka saaray Talyaanigii dalkii Itoobiya, waxaana dalkii dib ugu soo noqday dawladdii dibad jooga ahayd ee uu boqorku hogaaminayey sanadkii 1941. Boqor Haile Selasse waxa uu u istaagay dib u soo celintii qaranimmada Itoobiya. Marka laga tago isku dubbaridka iyo dhismaha hay’adaha dawladda, waxaa boqorka u yaalay laba hawlood oo waa wayn oo ahaa sidii uu ula wareegi lahaa dhulalkii Ereteriya iyo Soomaali-galbeed. Waxa aynu horay usoo sheegnay in xeebaha Erateriya laga bilaabo qabsahsadii ay Turkidu qabsatay qarnigii 16aad aysan gacanta Xabashida soo gelin. Kolkii dawladdii Cismaaniyiintu taag-daraysay ayay dhulkaan ku wareejisay Masaarida oo iyana dhamaadkii qarnigii 19aad ku wareejiyey Talyaaniga. Kolkii dagaalkii labaad ee adduunka looga gol-roonaaday Talyaaniga waxaa dhulkaan iyo dhulalakii kale ee uu Talyaanugu haystay ba la wareegay dawladdii Ingiriiska. Iminka si uu dalkiisa uga saaro go’doonka, boqor Haile Selasse waxa uu doonayaa inuu la wareego Ereteriya. Isaga oo ay garab taagan yihiin dawladihii dagaalka ku guulaystay gaar ahaan Maraykanka oo lahaa damac ku aadan badda cas ayuu boqorku ku guulaystay inuu Ereteriya kusoo daro dalkiisa sanadkii 1952. Sagaal sano ka bacdi reer Ereteriya waxa ay dagaal hubaysan la galeen boqortooyadii Xabashida kaas oo socday soddon sano illaa aakhirkii ay ka noqdeen dal madax banaan. Haddii aynu usoo noqona gobalkii Soomaalida Itoobiya waa tii aynu soo sheegnay kolkii Talyaanigu uu qabsaday dhulka xabashida in uu Soomaali-galbeed uu ku daray dhulwaynihii Soomaalida ee uu isagu ka talinayey. Kolkii uu jabay Talyaanigu damaan dhulkii Soomaalidu waxa uu gacanta u galay dawladii ingiriiska. Waxaa jirey heshiis ay Xabashidu la gashay Ingiriiska sanadihii 1942 iyo 1944 oo nuxurkiisu ahaa in dhulka Soomaalida lagu soo wareejiyo. 1946 ayaa ingiriisku ka kacay magaalada Dirir dhabe iyo dhulkii ku teedsanaa ee dariiqa xadiidku mari jirey. Sanadkii 1948 waxa uu Itoobiya ku wareejiyey dhulkii Soomaalida marka laga reebo dhulkii hawd iyo Reserve Erea loo bixiyey oo uu iyana kol dambe guddoonsiiyey. Kolkii uu Haile Selasse gudoomay dhulkaan waxa uu usoo jeestay sidii uu uga horjoogsan lahaa inaanay Soomaaliya xoriyadeeda qaadan. Waxaana lagu xasuustaa damaciisii ahaa in gobolada waqooyi ee Soomaaliya aanay la midoobin kuwii koonfureed, ee taas baddalkeeda lagu daro itoobiya. La soco qaybta 7aad Mohamed ahmed Elmi. The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 6aad appeared first on Puntland Post.
  13. Baarlamaanka Dawlada Puntland ayaa maanta buriyey mooshin maalmahan ka oolaa shirkadda la wareegtay maamulka dekadda Bosaaso ee DP World. Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar kamida xildhibaanada baarlamaanka Puntland waxaa gabi ahaanba lagu dalbanaayey in meesha laga saaro heshiiska ay shirkadda DP World ku joogto dekadda magaalada Bosaaso, maadama ay shirkadaasi gabi ahaanba ku guuldaraysatay wax yaabihii heshiiska lagula galay oo ahaa inay ku balaariso mudo labba sano gudahood ah hase ahaatee aysan illaa hada wax shaqo ah ka qaban dekadda. Baarlamaanka ayaa cod ku meel mariyey in mooshinka laga keenay DP World uusan ahayn mid saxa oo loo maray dariiqii mooshinada loo mari jirey. Horay baarlamaanka Puntland ayaa cod aysan u kala harin ku ansixiyey heshiiska DP World iyo Puntland markii la sheegay inay laaluush u qaateen in ka badan labba milyan oo doolar si ay u ansixiyaan heshiiskan. Dadweynaha Puntland intooda badan kuma qanacsana heshiiska ay DP World ku joogto dekadda Bosaaso maadama aysan u muuqan shirkad daacad ka ah dhismaha iyo horumarinta dekadda. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo meesha ka saaray mooshin ka dhan ahaa DP-World appeared first on Puntland Post.
  14. Jigjigo (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) oo la dhaariyay ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaban doono howlo ka duwan maamulkii hore. Mustaf Muxumed, waxa uu sheegay in maamulka DDSI uu ka dhameystiri doono dhinacyo howshooda ay tahay mid qabyo ah, waxa uuna cadeeyay inuu xooga saari doono ilaa Shan arimood. Mustaf Muxumed ayaa baarlamaanka maamulka u aqriyay qodobada ugu muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono mudada uu xilka hayo, wuxuuna sheegay inay jiran arrimo muhiim ah oo u baahan in xooga la saaro. Waxa uu Madaxweyne Mustaf Muxumed sheegay inuu xooga saari doono qodobada kala ah:- 1-Dib usoo celinta xasiloonida deegaanka iyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladooda. 2-Xalinta colaadaha ka dhex jira qabiilada deegaanka iyo qowmiyadaha kala ee deriska la ah Soomaalida. 3-Dib usoo celinta sareynta Sharciga iyo xuquuqaha ay leeyihiin dadweynaha. 4-Dib u eegida awoodaha dheeriga ah oo ay yeelan karaan madaxda dowladda, taasi oo lagu dhibaateyn karo dadka. 5-Soo celinta Soomaalinimada iyo astaamaheeda, taasi oo muujineysa isirka ay kasoo jeedaan shacabka DDSI. Madaxweyne Mustaf Muxumed, ayaa sheegay inuu dalbanaayo in lagala shaqeeyo wax waliba oo u wanaagsan maamulka, isagoo meesha ka saaray inuu leeyahay dano gaara ama mid dhaqaale lagu raadinayo. Dowlada Ethiopia ayaa siyaasad ahaan aad ula dhacsan Mustaf Muxumed, waxaana la filayaa inuu la imaan doono Golo siyaasad ahaan isaga lamid ah. Caasimada Online Xafiiska Jigjigo Caasimada@live.com
  15. Nairobi (Caasimada Online)-Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Daahir Salaad Xasan ayaa kula kulmay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan mas’uuliyiinta sare ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub. Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah.
  16. Booliska dalka Mareykanka waxaa ay shegeen in nin ka qeyb-galayay tartanka ciyaaraha Komputarka ee magaalada Jacksonville ee gobolka Florida uu toogtay labo qof, afar iyo toban kale uu dhaawacay. Ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo la rumeesanyahay isna inuu dhintay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay David Katz. Toogashada ayaa ka dhacday dhismo caan ku ah madadaallada oo ku yaal jiinka webi mara bartamaha magaalada Jacksonville. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ka carooday qaabka ay u socotay ciyaar video ah oo computerka lagu dheelo. Toogashada ayaa dhacday xilli internet-ka toos looga daawanayay daamaashaad meesha ka socday, waxaana la maqlayay rasaasta iyo dad qeylinaya. Duqa magaalada Jacksonville, Lenny Curry, ayaa toogashada ka dib warbaahinta u sheegay in magaalada ay la murugooneyso toogashada dhacday. Weerarro badan o noocaan ah ayaa sanadihii dambe ka dhacay gobolka Florida. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Toogasho Ka Dhacday Florida oo lagu dilay 2 qof tiro kalena lagu dhaawacay appeared first on Puntland Post.
  17. Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Daahir Salaad Xasan ayaa kula kulmay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan mas’uuliyiinta sare ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub. Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah,sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba dal appeared first on Puntland Post.
  18. Growing up, Jama Gaiye Hoday was not a happy kid. He was raised largely away from his parents, who out of concern for his safety sent him from his home in Somalia to live with an aunt in Kenya. Source: Hiiraan Online
  19. Theresa May is preparing to visit Africa for the first time since becoming prime minister in 2016. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ku dhow dhow Hogaamiyayaasha dowlad Goboleedyada Somalia ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in Guddoomiye cusub loo doorto Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada. Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga ayaa waxaa hadda ku magacaaban Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas, waxa uuna qorshuhu yahay in xilkaasi uu qaban doono Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka Golaha. Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa xilkaasi ku wareejin doona shirka la filaayo in maalmaha soo socda uu Golaha uga furmo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Magaalada Kismaayo waxaa Saddexda Bisha September ee soo socota ka furmaya shirka Xubnaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada, iyadoo waxa ugu badan ee looga hadli doono shirka ay tahay walaaca ay Hogaamiyayaasha ka qaban faragelinta dowladda Federaalka ay ku heyso Maamul Goboleedyadooda. Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa dhawaan la filayaa inuu gali doono olole doorasho, waxa uuna sidaa ku wareejin doona xilka Golaha. Sidoo kale, Hogaamiyayaasha maamulada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna la filayaa inay galayaan doorasho. Dhinaca kale, shirka Golaha ee dhawaan qabsoomi doona ayaa socon doona muddo ka yar Seddex cisho waxaana laga soo saari doona qodobo lagu difaacayo doorashooyinka maamulada oo is xigxiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya in dowladiisa ay ciidamada kala baxeyso Somalia. Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay ciidamada jooga Somalia ay ula baxayaan si dhaqsi ah. Kenyatta oo u waramaayay Idaacadda Voa ayaa sheegay in ciidamadiisa ay joogitanka Somalia ku qabaan dhibaatooyin badan, sidaa aawgeed ay gaaren go’aan ay kula soo baxayaan ciidamada. Kenyatta waxa uu sheegay in DFS ay kala shaqeynayaan adkeynta amniga dalkeeda Ciidamada Kenyana ay baxayaan, waxa uuna tilmaamay in wada shaqeynta ay sii soconkarto iyadoo Kenya ay la baxeyso ciidamadeeda. Mar uu Kenyatta ka hadlaayay qarashka uga baxa ciidamada ka jooga Somalia ayaa waxa uu tilmaamay inay uga baxdo dhaqaale xoogan,kaas oo haddii Ciidamada laga saaro Somalia ay dowladda Kenya ku maareyn doonto qeybo kale. Madaxweyne Uhurro Kenyaatta ayaa tilmaamay in booska ay faarujin doonaan ciidamadiisa ay buuxin doonaan ciidamada kale ee AMISOM, hase yeeshee waxa uu ballanqaaday inay garabsiin doonaan Somalia. Sidoo kale, Kenyatta ayaa tilmaamay in ciidamadiisa ay ula bixi doonaan si nidaamsan oo aan dhibaato amni u keeni doonin Somalia, sida uu hadalka u dhigay. Haddalka Kenyatta ayaa muujinaaya in dowladiisa ay culeys kala kulmeyso dhinacyada mucaaradka oo iyagu dalbanaaya in ciidamada laga saaro Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online): Xuseen Cismaan Xuseen oo hadda ah Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa laga yaabaa inuu banneeyo xilkaas si uu isugu sharraxo booska Madaxweynaha Koofur Galbeed. Sida uu qoray wargeyska MEP taliye Xuseen wuxuu hadda ka shaqeynayaa sidii uu walaalkiis u heli lahaa boskii xildhibaanimo ee isaga uu banneeyay markii loo magacaabay taliyaha NISA, si hadii ay ugu suuragali weyso inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed uu ugu soo laabto Baarlamaanka isagoo badali doona walaalkiis. Sayid Cali Cusmaan Xuseen oo la dhashay taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa loo wadaa inuu ku guuleysto kursiga xildhibaanimada uu baneeyay walaalkiis, dhawaan guddiga doorashooyinka qaranka waxey sheegeen in loo tartami doono afar kursi oo uu ku jiro midka uu baneeyay taliye Xuseen. Koofur Galbeed ayaa doorasho aadi doonta bisha November ee sanadkaan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda in siyaasiyiin badan ay ku dhawaaqaan musharaxnimadooda, dadka la filayo iney ku dhawaaqaan waxaa ka mid ah Xuseen Cismaan Xuseen oo ah taliyaha NISA. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo uu wargeyska MEP la xiriiray waxey sheegeen in Taliyaha NISA lagula taliyay inuusan xilligaan isi soo sharraxin maadaama ay adag tahay in laga guuleysto Shariif Xasan, hadey dhacdo inuu Xuseen Cusmaan Xuseen isku sharaxo madaxtinimada Koofur Galbeed wuxuu Madaxweyne farmaajo ku qasbanaan doonaa inuu soo magacaabo taliyaha cusub ee hay’ada NISA taasoo noqon doonta markii saddexaad tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo. Isbadalada badan ee hay’adda NISA waxey keeni doonaa dib u dhac ku yimaada qorshahii nabad sugidda Soomaaliya, sidaas darteed waxaa laga yaabaa in madaxda sare ay isku daydo iney Xuseen ku qanciso inuu sii joogo booskiisa. Caasimada Online Muqdisho-Office caasimada@live.com
  23. The leader of an ISIS affiliate in Afghanistan, who was responsible for a spate of recent bombings that left hundreds of civilians dead, was killed in an American drone strike, U.S. officials told Fox News on Sunday. Source: Hiiraan Online
  24. President Trump’s controversial tweet calling for the State Department to review the supposed persecution of white farmers in South Africa has reportedly prompted a backlash from South African farmers. Source: Hiiraan Online
  25. The Turkish lira traded flat against the dollar on Monday as markets reopened after last week’s holiday, with investor attention set to refocus on a bitter dispute between Ankara and Washington over an American pastor being tried in Turkey. Source: Hiiraan Online