Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,395
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Trump administration has cut funding to the U.N. agency that helps Palestinian refugees, calling the organization “irredeemably flawed.” Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa weli ku howlan qorshaha lagula dagaalamayo musuq-maasuqa ka jira Xafiisyada qaar. Dowlada Somalia ayaa tilmaantay in banaan cidla ah ay soo dhigi doonto cid waliba oo ku taameysa inay dhac hantiyadeed u geysato hantida shacabka. Dadaalada ay dowlada Somalia ku ciribtireysa musuq-maasuqa ayaa durba isbedel ku keenay dhaqaalaha dalka, maadaama ay meesha ka baxday gacan bidixeyntii lagu hayay hantida Qaranka. C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dadaalka lagula dagaalamayo musuqa uu sabab u noqday isbedel heer sare ah oo ku imaaday dhaqaalaha dowlada. Waxa uu Beyle sheegay in dhaqaalihii ku dhici jiray akoonada shaqsiyaad gaara ay iminka usoo wareegayaan qasnada dowlada, waxa uuna taasi ku sheegay isbedel bilow ah oo ka dhashay la dagaalanka musuqa. Wuxuu tilmaamay in musuq-maasuqa laga dhexlay 2 arrin oo kala ah: 1-Koror ku imaaday dhaqaalaha dowlada Somalia, kadib lacagihii la musuqi jiray ay usoo wareegen Qasnada dowlada. 2-Taxadar ka jira dhamaan xarumaha dowlada, gaar ahaan goobaha ilaha dhaqaale, maadaama ay xiray shaqsiyaadkii la tuhunsanaa, sidoo kalane uu socdo baaritaano dheeri ah. Wasiir Beyle, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in mar waliba loo hogaansamo nidaamka dowladnimo, iyadoo laga fogaanayo musuqa lgu hayo hantida Qaranka. Sidoo kale, madaxda ugu sareysa ee ku dhawaaqay barnaamijka la dagaalanka musuqa ayuu ku amaanay iny ka miro dhalinayaan hadafkooda. Haddalkan ayaa imaanaya xili mas’uuliyiin iyo saraakiil badan ay u xiran yihiin musuq-maasuq iyo qaadashada laaluush. Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasiamada@live.com
  3. Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa war ay ku daabaceen Barta Twitter-ka waxay kaga hadleen wareysi dhawaan uu bixiyay agaasime ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla, oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay. Waxaa lagu eedeeyey in Wareysi uu bixiyey uu ku eedeeyey Madaxda NISA,isla markaana uu sheegay Warar ka hor imaanaya hanaanka Shaqo iyo Danaha Qaran,isla markaana guddi baaritaano oo loo sameeyey kadib la isla gartay in uusan kasii mid ahaan NISA. Cabdalla Cabdalla ayaa la qoonsaday wareysi uu dhawaan siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo uu kaga hadlay arrimo badan oo markii hore afka laga duwan jiray ama aanan laga hadli jirin.
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii August ee 2018 marti galisay dilal farabadan oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada. Dilalka bishii August ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay ciidamada dowlada, Daacish iyo maleeshiyada al-Shabaab. Dilalka bishii August ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan dhan 22 Dil, inkastoo ay jiraan dilal kale oo aan xaqiiq loo helin qaabka ay u dhaceen. Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Kaaraan, Howlwadaag,Wada jir iyo Wada jir . HOOS KA AKHRISO DILALKA MUQDISHO KA DHACAY BISHII AUGUST 1-Aug 1, 2018, Waxaa Xaafada Faanoole oo ku taal degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho isku dilay wiil dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Ismaaciilay waxaana la sheegay inuu qabay xanuun ku soo kaca oo dhimirka. 2- Aug 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa meel ku dhow Isgooska Banaadir ku dilay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Madixii Shirkadda Startup Grind. 3- Aug 4, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan Xaafadda Siisii ku dilay ganacsade ku hawlanaa dhismaha guryo uu leeyahay oo laba ah. 4- Aug 4, 2018, Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu dilay degmada Xamar Jajab gaar ahaan gudaha masaajid ku yaalla Agagaarka Biyaaso Liibaro. 5- Aug 4, 2018, Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ku diley nin Oday ah oo Caanka ahaa degmadaasi Yaaqshiid, Ninka Odayga ah ayaa xilliga la dilayey waxa uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Hotelkii hore ee Lafweyn ee ku yaalla xaafada Fagax,waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen dadkii ka dambeeyey dilka ninkaasi. 6- Aug 4, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa qeybo kamid ah Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda, Rag hubneysan ayaa la sheegay in askariga ay ku dhex dileen masaajid uu ku dukanayay. 7- Aug 5, 2018, Ciidamada dowlada ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgoyska Banaadir ku dilay laba ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayen Al-Shabaab xili ay la socdeen Gaari raaxo. 8- Aug 6, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Maxamed Gaaruf oo la sheegay inuu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon. 9-Aug 7, 2018, Kooxo hubaysan ayaa Degmada Waaberi, gaar ahaan xaafadda Buundooyinka ku dilay askari ka tirsan ciidamada Booliska gaar ahaan qeybta xarunta Dambi Baarista ee C.I.D. 10- Aug 8, 2018, Kooxo ku hubaysnaa bastoolado ayaa Degmada Kaaraan, gaar ahaan Suuqweynaha ku dilay askari ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya oo xiliga dilkiisa kasoo baxay hooygiisa. 11- Aug 9, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgoyska Suuqa Bakaaraha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ku dilay mid kamid ah dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka. 12- Aug 12, 2018, Koox ku hubeysneed bastoolado ayaa Xaafada Afarta Darjiin ee degmada Yaaqshid ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsan Ciidanka Dowladda, iyagoo horay usii qaatay hubkiisa. 13- Aug 16, 2018, Rag hubeysan ayaa degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo lagu magacaabi jiray Liibaan. 14-August 20, 2018, Koox ku hubeysnayd bastoolado ayaa xaafada Baar Ha’idhafin qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Barre (Kuusow). 15-August 20, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir ku dileen Cabdi Xooshoow oo kamid ahaa ilaalada guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir Axmed Daaci. 16- Aug 22, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa bartamaha Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dhalinyarada ka shaqeysan jiray bosteejada Suuqa. 17-Aug 22, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay Askari lagu magacaabi jiray Faarax xili uu kusii jeeday hooyga wiil ay wada dhasheen oo ku yaala meel ku dhow Xaafada Xoosh. 18-Aug 22, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa DEgmada Dharkeynley ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Saneey xili uu ku sugnaa meel ku dhow Ex-Control Afgooye. 19-Aug 23, 2018, Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa Bar-kontorool oo ku taalla agagaarka Warshaadda Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku furay mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo siday Meyd, waxaana rasaasta ku dhintay darawalkii waday gaariga ambalaasta oo ay wada murmeen waxaana marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Axmed-nuur Xasan Xuseen. 20- Aug, 25, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaafada Seebiyano qeybta laamiga ku toogtay ruux bajaajle ahaa kaa oo lagu dhuftay Seddex xabadood. 21- Aug 27, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Siinaay ee magaladada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo aan la ogeyn sababta ka danbeysay dilkiisa. 22-Aug 30, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa si barer ah meel ku dhaw isgoyska Sanca ugu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. Dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho oo u muuqda kuwo caado noqday ayaa waxaan jirin cid gaara oo iska xil saarta xal u helidooda, waxa ayna shacabku yihiin kuwo dhexda u galay Ciidamada dowlada, Al-Shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Masuuliyiinta Falastiin ayaa si adag u cambaareeyey go’aanka uu Maraykanku ku joojiyey caawimaadii uu siin jirey Hay’adda qaramada Midoobey ee caawisa qaxootiga reer Falastiin ee Bariga dhexe, waxayna ku tilmaameen cadaawad aad u xun oo loo muujiyey shacabka baahan ee Faslastiiniyiinta. Hadalka masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa yimi kadib markii Dawlada Maraykanku maalinkii shalay ee jimcaha ahayd si rasmiya u shaacisay inay joojinayso dhaqaalihii ay ku bixin jirtey hay’adda Qaramada midoobey ee caawisa qaxootiga Falastiin taas oo magaceeda loo soo gaabiyo-UNRWA- Maamulka Trump oo ah saaxiib weyn oo ay Israiil leedahay ayaa si aada uga carooday sida ay masuuliyiinta reer Falastiin uga falceliyeen go’aankoodii ahaa in safaarada Maraykanka ee Israiil loo raro magaalada barakaysan ee ay Yuhuudu ka haysato Falastiin ee lagu magacaabo Qudus. Arintan ayaa sidoo kale kusoo aadaysa asbuuc kadib markii isla Maraykanku shaaciyey inay jaraayaan 200 oo milyan oo Doolar oo ahaa gar-gaar dhaqaale oo ay ku taageeri lahaayeen Falastiiniyiinta. Hay’adda caawisa Qaxootiga reer Falastiin waxay Qaramada midoobey asaastay 1949, kadib markii 700,000 oo falastiiniyiina si qasaba ay uga barakaceen guryahoodii xiligaas oo u socdey dhismaha Maamulka Israaiil, Waxayna hada caawisaa illaa shan malyan oo Falastiniyiin ah oo ku nool daanta galbeed, marinka Qasa iyo sidoo kale Jordan, Lubnaan iyo Suuriya. Dabayaaqadii Bishii June ayey Qaramada midoobey weydisatay Dawladaha xubnaha ka ah inay buuxiyaan caawimaadii muhiimka ahayd ee uu jaray Maraykanku. PUNTLAND POST The post Markaykan oo joojiyey caawimaadii Hay’adda Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiin appeared first on Puntland Post.
  6. Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey fanaanka noqday siyaasiga saamaynta badan Bobi wine oo ka baxaaya garoonka diyaaradaha ee lagu magacaaboo Entebe Dalka Uganda kadib markii ay shalay Dawladu ka hor istaagtey inuu wadanka ka baxo si uu caafimaad uga raadsado Dalka dibadiisa. Muuqaalkan oo soconaayey 23-ilbiriqsi ayaa muujinaaya Bobi wine oo ku soconaaya gawaarida curyaamada oo u socda halka ay ka ka baxaan dadka garoonka ka dhoofaaya. Ururka udooda xaquuqda aadamaha Uganda ayaa sidoo kale xaqiijey in Bobi wine uu ka baxay Dalka dibadiisa si loogu soo daaweeyo meel ka baxsan Wadanka. Fiidnimadii khamiista ayaa loo diidey Bobi wine inuu ka dhoofo garoonka Entebi iyadoo loo cuskaday inay hor istaageyso damiinka lagu siidaayey. Siyaasigan ayaa si adag loo jirdiley kahor inta aan xabsiga loo taxaabin dhamaadkii bishii hore, Xaaskiisa ayaa sheegtay in shalay mar kale la jirdiley markii laga celiyey garoonka diyaaradaha. Mudaharaadyo waaweyn ayaa mar kale ka bilowday magaalada Kampala, markii la joojiyey socdaalka Bobi wine waxaana arinta xildhibaankan si adag uga hadlay hogaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye. Bobi Wine waa fanaan hore, wuxuu kamid noqday Baarlamaanka Uganda, wuxuuna noqday siyaasi mucaarada oo laf dhuun gashay ku noqday Madaxweynaha mudada dheer Yuweri Museveni. PUNTLAND POST The post Fanaanka siyaasiga ee reer Uganda Bobi wine oo caafimaad u aadey Dalka dibadiisa appeared first on Puntland Post.
  7. Nabaddoon Maxamed Xassan Ismaaciil oo kamid ah nabadoonnada gobolka Nugaal ayaa si adag u dhaliilay,wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo uu ku eedeeyay in ay curyaamisay maamulkii degmada Buurtinle. Nabadoonka oo ka hadlayay,munaasabad jimcii shalay lagu qabtay Buurtinle, ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ay burburisay maamulkii Buurtinle,sidoo kalena ay hor taagantahay qabsoomidda kal-fadhiga Golaha Degaanka degmadaasi. “Degmadu maamul maleh,waa in maamul loo sameeyaa,waa in koonsalka loo furaa,talada annagaa leh,wasaaraddu nama af-duubi karo.Waxaan idin leenahay maamul haloo sameeyo degmada. Run aan isu sheegno niman good-gooddinayan maqlayey”,ayuu yiri nabaddoonku. Dhinaca kale nabaddoonku wuxuu sheegay in curyaaminta ay wasaaraddu ku hayso degmada Buurtinle uu wax ka ogyahay maamulka gobolka Nugaal,maadaama sida uu hadalka u dhigay ay wasaaradda iyo gobolku ka midaysan yihiin in aysan maamul shaqeynaya yeelan degmada Buurtinle. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Nabaddoon si kulul u eedeeyay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqay in isbedel degdeg ah lagu sameyn doono Garsoorka iminka ka shaqeeya dalka. Gudoomiye Baashe, waxa uu sheegay in Garsoorka hadda ka jira dalka uu yahay mid ku shaqeeya nidaamyo ka duwan kan saxda ah. Baashe oo ka hadlaayay isbedelka la doonaayo in lagu sameynaayo Garsoorka ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu sameeyo sixitaan si loogu adeego shacabka. Waxa uu tilmaamay in dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira mid walba uu ku shaqeeyo Garsoor isaga uu sameysatay taasina ay halis ku tahay dalka. Dowladda Somalia ayuu sheegay inay rajo weyn ka qabto in ay la timaado isbedel dhinaca Garsoorka dalka ah, isagoo sheegay in mudada uu heyn doono xilka uu sameyn doono isbedel dhab ah. Sidoo kale, Baashe waxa uu ku dhawaaqay in isbedelka Garsoorka uu noqon doono mid farxad galiya shacabka loogu adeegi doono Garsoorka. Si kastaba ha ahaatee, Baashe ayaa carab ***** in haatan la wado qorsho ah mideynta Garsoorka dalka, iyadoo hal Garsoor uu ka dhaqan gali doono dalka oo idil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Madaxweyne ku xigeenka maamulk goboleedka Galmudug,Maxamed Xaashi Cabdi(Carrabeey) ayaa sheegay in si kama dambays ah loo xallinayo khilaafka ragaadiyay maamulka ee u dhexeeya madaxda sare Galmudug. Mudane. Carrabeey wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal iyo wakhti badan gelisay,xallinta khilaafka madaxda Galmudug,islamarkaana dhowaan si buuxda loo dhamayn doono khilaafkaasi. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho horeyna loogu eedeeyay in ay dabada ka riixayso xukuumadda Soomaaliya,waxa uu hadda xaqiijiyay in khilaafka madaxda Galmudug heshiis rasmi ah looga gudbayo,inkastoo uusan wakhti cayiman sheegin. Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug ayaa sida la sheegay ka dhashay,hannaanka loo maray midaynta Ahlu-sunna iyo Galmudug,taasi oo ay aad ugu kala fogaadeen,madaxweyne Xaaf oo dhinac ah iyo madaxweyn ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo dhinac ah. PUNTLAND POST The post Khilaafka Galmudug oo la sheegay in si buuxda loo xallinayo appeared first on Puntland Post.
  10. Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa markii ugu horeysay soo saaray digniin ka dhan ah Musharaxiinta la tartameysa Hoggaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Digniinta oo kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed Jeneral Mahad C/raxmaan Aadan ayaa waxaa lagu mamnuucay in Musharaxiinta ay sameystan ciidamo u gaar ah. Taliyaha waxa uu sheegay inay mamnuuc tahay in Musharaxiinta tartameysa ay sameystaan ciidan u gaar ah, iyaga oo aan ku soo wargelin Taliska Booliska. Wuxuu sheegay ciidamada Booliska Koonfur Galbeed in ay wadan dadaal ku aadan sidii loo xoojin lahaa amniga, sidaasi darteedna looga baahanyahay musharaxiinta inay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana aanan loo baahneyn in qof walba uu uruursado ciidan u abaabulan hab beeleed. Sidoo kale, Taliyaha Booliska General Mahad ayaa qoraalka kasoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inay diyaar yihiin inay ilaaliyaan musharaxiinta, islamarkaana siiyaan ciidan Boolis ah oo u gaar ah. Wuxuu tilmaamay marba hadii ay dhisan yihiin ciidan dowladeed inaanan loo baahneyn ciidan beeleed, si isku dhac uusan u imaan. Haddalka iyo qoraalka Taliyaha Booliska ayaa imaanaya xili maamulka Koonfur Galbeed la filaayo in 17-ka bisha November ee sanadkan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  11. uicide attempts and horrifying acts of self-harm are drawing fresh attention to the suffering of refugee children on Nauru, in what is being described as a "mental health crisis". Source: Hiiraan Online
  12. Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay saaka hawlgallo culus ka samaynayaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalladan ayaa daba socda dagaallo halkaasi xalay ku dhexmaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya,sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada. Sidoo kale dadka degaanka ayaa soo sheegay in saaka ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ay hawlgallo baaritaan ah ka wadaan xaafadaha kala duwan ee degmadaasi,islamarkaana ay guryaha ka baarayan dad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar saddex jiho ah ku qaaday degmadaasi,waxaana la sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay,inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka ay uga dhinteen laba askari oo keliyah,halka saddex kalena kaga dhaawacantay,balse ay Al-shabaab khasaare xooggan gaarsiiyeen,sida ay hadalka u dhigeen. Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Afgooye laga sifayn doono malayshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee shacabka ku milmay,si aanay mar dambe u dhicin weerarro kale oo ay degmada ku soo qaadan. PUNTLAND POST The post Hawlgallo culus oo Afgooye ka socda appeared first on Puntland Post.
  13. PARIS/BAGHDAD (Reuters) - Iran has given ballistic missiles to Shi’ite proxies in Iraq and is developing the capacity to build more there to deter attacks on its interests in the Middle East and to give it the means to hit regional foes, Iranian, Iraqi and Western sources said. Source: Hiiraan Online
  14. The state-run Yunus Emre Institute is hosting East African-American Muslim students who are mostly Somali-Americans and NGO representatives from Minnesota, in Turkey in a bid to promote Muslim and Turkish culture and cultural diversity in the country Source: Hiiraan Online
  15. A storm erupted in the National Assembly on Thursday evening over how former nominated senator Halima Abdile was shortlisted by Parliamentary Service Commission to represent MPs in SRC. Source: Hiiraan Online
  16. Security has been fully restored in Mandera, the county commissioner Olaka Kutswa has said. Source: Hiiraan Online
  17. The Ontario government is introducing a new charge for careless driving and will stiffen penalties for existing dangerous driving charges starting next month. Source: Hiiraan Online
  18. The United Arab Emirates had asked an Israeli spyware company it had contracted to surveil dissidents to tap the phone calls of the prime minister of Lebanon and other Arab officials, it emerged Friday. Source: Hiiraan Online
  19. Britain has called on the international community to do more to help the African Union mission in Somalia (AMISOM) lead the fight against al-Shabab as Mogadishu takes on greater responsibility for its own security. Source: Hiiraan Online
  20. Senior Communist Party of China (CPC) official Zhao Leji Friday met with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed who will attend the 2018 Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC). Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Abuukar Islow Ducaale hadda waa Wasiirka Amniga ee Dowladda Soomaaliya, shaqsiyan maahan nin amni, waana ganacsade ku fiicnaan lahaa in loo xilsaaro arrimaha ganacsiga iyo hormarinta, sidoo kalana waa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Guuxa siyaasadda wuxuu sheegayaa in Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu doonayo in Maxamed Abuukar Islow laga dhigo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, balse Isloow ayaa la rumeysan yahay inuu ka caga jiidayo xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir. baaritaaan ayaa lagu aaday bababta Wasiir Isloow uu kaga caga-jiidayo booskaas duqa magaalada oo ka muhiimsan midka uu hadda joogo, Islow waa xildhibaan hadii uu doorto xilka duqa magaalada wuxuu weyn doonaa kursigiisa xildhibaanimo mana hubo inuu waqti dheer ku nagaan doono jagada Gudoomiyaha gobolka Banaadir taasoo isha lagu wada hayo, waana sababta loo badinaayo inuu uga caga jiidayo qabashada xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir. Waxaa maalmahii lasoo dhaafay isi soo tarayay wararka sheegaya inuu isbadal ka dhici doono maamulka Gobolka Banaadir oo uu meesha ka bixi doono Eng. Yariisow, Isloow wuxuu ka mid yahay dadka aadka loogu saadaalinaayo iney badali doonaan Yariisow, lamana hubo inuu aqbali doono inuu halmar lumiyo wasiirnimadiisa iyo xildhibanimadiisa si uu u noqdo duqa magaalada. Dadka shaqsiyadiisa yaqaanna waxey sheegaan inuu yahay siyaasi nabadoon ah oo Farmaajo iyo Kheyre ka xigsan kara culeyska beesha Mudullood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, weerar culus ku qaaday wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo uu sidoo kale ugu yeeray naaneys aan horey loo maqal ama loo aqoon oo ah Il-duubte. Hoos ka aqis qoraalka Fiqi. Mid ka mid ah wasiirada shaqo la’aantu heyso ee mid ka mid ah wasaaradaha dalka ugu muhiimsan xilkooda hadda haaya waa Xoosh Jibriil (il-duubte) ayaa si xun u soo xigtey asagoo soo jarjarey hadal ku saabsanaa musuqmaasuqa oo aan horey u iri! Musuqmaasuq waqti uu xalaal yahey marnaba ma jirto, welina ololihii musuqmaasuq la dirirka ee aan ku jirey halkiisii ayaan ka sii wadayaa, musuqmaasuqii aan waagaas ka hadlayey mid ka xun oo ka badan ayaa hadda xukuumadda uu wasiirka ka yahey Xoosh ka dhex socda, balse Xoosh wuxuu ka duubtey indhihii oo umaba jeedo, wuxuu ka doorbidey in uu khubdooyinkeygii jarjaro asaga iyo kooxaha naflacaariga ah ee dacaayaddu hubkooda siyaasadeed uu yahayn ay ku faafiyaan boggiisa iyo bogag kale oo baraha bulshada ah. Xoosh sanadkii 2012-kii dastuurka dalka wareeriyey oo mijaha iyo madaxa dawladnimadii iyo hey’adaheedii isaga xirey waa ninkii ka mas’uulka ahaa ee u gacan geliyey dad ajnabi ah iyo Mahiga oo markaas xafiiska qaramada midoobey joogay, mana jiro musuqmaasuq ka weyn midkaas oo dalkaan ka dhici lahaa, waxaa ayaandarro ah in ninkaasi uu weli mas’uul ka yahay dastuurkii dalka oo lagu abaalmariyey dhibaatadii uu dalka u geystay, asagoo ay wada shaqeyn la’yihiin guddiyadii madaxa banaanaa ee dastuurka iyo dawlad goboleedyadii.. Waxaa xusid mudan in Xoosh oo aqoon sharci loogu xuley wasaaradda dastuurka ay noo sheegeen dadkii yaqaaney in shatigii qareenimada dalka Kanada lagala noqdey, mas’uuliyad-daro xirafadda qareenimada ku saabsan oo uu ku kacey awgeed, welina anshax xumadii ayuu asagoo wasiir sheeganaya ka muuqata, waxaana kula talin lahaa in uu ka waantoobo dacaayadaha raqiiska ah iyo ciyaal iska dhigidda, ilaaliyana mas’uuliyadda iyo xilka uu umadda u haayo.
  23. Janaayo 2012, waxaa carcar Suuriya uga socda kacaankii sannadkii ka horeeyay ka dillaacay magaalada Darca, oo ku baahay gobollo badan. Madaxweyne Bashar Al Assad, oo ay xaaladda ku adag tahay, waxay saxaafadda adduunka sheegaysaa in xaaskiisa iyo qoyskiisa ay London u qaxeen, asagana carar yahay. Warbaahinta adduunka waxay xiriiro la sammeynayaan inta ay is leeyihiin waa indheer garad Suuriyaan ah. Haytham Maalix, waagaas waa 81 jir, ahaa abukaate, garsoore sarre maxkamad soo maray, muddo ka soo horjeeday reer Assad, dagaal uu u galay dhowridda xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, joojinta cabburinta mucaaradka, iyo caddaaladda. Illaa yaraantiisa xabsi buu u galay halgankiisa, asagoo da’ ah xitaa laga ma harin, xabsi ayaa loo taxaabay 2009, asagoo sannado xirnaa. Khabiirkaas dunnida oo dhan ay abaal marino siisay, waxaa waraystay Wargeyska Daily Telegraph ee UK, wuxuu sheegay wax adduunka ka yaabiyay: “ Assad iyo qoyskiisa waa in loo dilaa sidii Qadaafi, qof nabad istaahila ma aha”. Prof. Barbara F Walter, oo madax ka ah kulliyadda daraasaadka sarre ee Jaamacadda California, ahna khabiir ku takhasustay Bariga Dhexe, ayaa ayadoo soo xiganaysa wuxuu Haitham sheegay talo ku siiyay dowladda Maraykanka, “Carab fikirka iska- daba wareega (Cyclical Thinking) ma joojinanayaan waa dhaqankooda, hadduu shaydaan Assad baxo, shaydaan Haitham ayaa imaanaya, aqoon walba ha heeshee xuquuq ku tumasho, diktarooriyad, halkeeda ayay ka socon doontaa, ee shaydaanka aan hadda fahamnay, ayaa dhaamma shaydaan cusub, dhaqanka bulshadeedkaa qof ruxa, bulshada ka weeciya, geesinimo ayay rabtaa si lagu helo ma sahalana”. Sida ay Walter sheegtay si la mid ah, qof ruxa hab dhaqanka Soomaalida guud ahaan waxay ahayd muhiim. Jannaayo 2014, marka la doortay Prof Cabdiweli Gaas, PhD dhaqaale, wax ka bartay jaamacadaha adduunka ugu sarreeya, cilmi ay u dheerey RW-nimo, siyaasadda Xamar ka soo billaabay oo og baahiyaha dalka, dad badan baa ka filayay in uu jebiyo “cyclical thinking” ka dhex jira hoggaanka siyaasadda bulshada Puntland ee mararka qaarkood caqliga, damiirka waddaniyad iyo cilmigaba khilaafsan. Puntland-tidii Faroole, waxay sammeystay dastuur u muuqda in dal Jamhuuriyaddaba ka weyn ay tahay, wararka xanafta ee Faroole ka bixi jiray, ee lagu duri jiray dowladda dhexe, wuxuu sumeyn jiray kummanaan shacab ah, oo afkaaro kale u baahnaa. Joogsi ma lahayn inta jeer ee uu Itoobiya garabsan jiray, kala fogeyn jiray Soomaaliya, inta jeer ee uu xiriirka dowladda dhexe u jari jiray, inte jeer ee na lama tashan uu dhihi jiray. Puntland-tii Faroole ma ahayn maamul ay Soomaaliya ka maqan tahay, oo dhisme uga baahan, waxay ahayd maamul ay Soomaaliya wax uga maqan yihiin, oo soo dhacsasho ay muhiim u tahay ka hor inta aysan dad kale iska dhisan. Prof Gaas, laba waddo ayaa u furneyd: 1) In uu ku hoggaamiyo Puntland siyaasad geesinimo, rogta dhaqan siyaasadeedka ka jiray, sare-na u qaado, gaarsiisana heerkiisa aqoonneed, iyo ilbaxnimo, si dalka intiisa kalena ay Puntland hormuud ugu noqoto, Puntland-na ay qeyb uga noqoto baadi-goobka Soomaaliyada maqan. 2)- In uu raaco aragtida caamada guud ee ah wax soo dhacsasho iyo raaciddii siyaasaddiisa “na lama tashan”. Labadaan waddo wuu ku wareeray muddo. Heer waxay gaartay in aqoonyahankii murtida badnaa, uu markuu hadlayo u ekaado “qof doqon ah, dhoohanae aan waxba garan” sababtu waxay tahay, kuma raaxaysannayo waxa ay duruufta ku kalifeyso inuu ku hadlo iyo u ololeynta gobol ka mid ah Soomaaliya, iyo sammeynta wax dannaha dalka ka soo horjeeda. Wuxuu galay “fikriyeed asaga u gaar ah”, sida Faroole ugu ma raaxaysan karayn waxa hor yaalla ka hadalkooda. Ugu dambeyn wuxuu go’aansaday waddada dambe. Wuxuu keennay afkaar cilmiga iyo caqligaba ka fog, wuxuu ku kacay falal derajadiisa ka hooseya: 1- In degmo maamul (ma aha degmo doorasho) lagu xulo baaralamaankii Farmaajo doortay. 2- In halkii Faroole uu ka ambaqaado xiriirkii dowladaha 3- Qeyb ka noqday dagaal dhiig ku daatay, oo ka dhacay Tukaraq, Gaalkacyo 4- In uu ku diidannaa maamulka Galmudug in uu yahay mid gobol iyo bar ah oo aan dartuuri ahayn, balse aqoonsaday maamulka Bakool Sare. 5- In uu xiriir toos ah la yeesho dowladdo shisheeye sida Imaaraatka ayadoo ay dowladdii dhexe ay go’aan dhexdhexaadnimo qaadatay, “Soomaaliya Muqdisho ma aha”. 6- Unkidda Gole maamul goboleed, oo dowladda dhexe culeys saara asagoo Kismaayo ka sheegay in “dowladda Muqdisho ay ka taliso 10% dalka”. Afkaarta Soomaalida ragaadisay, ama miyi ayay ka timid, ama colaadahaa keennay, ama keli-taliskii. Sidoo kale waxaa keena warbaahin wacyi qaldan dhista, ama abwaan asagoo marqaarsan heeso alifa. Afkaarahaas cilmiga ka soo horjeeda, ee ruxidda iyo suulinta u baahan waxay ka jiraan gobol walba, balse Puntland waa gobolka keliya ee helay qof heerkaas cilmiyeed gaarsiisan. Waa culeys in feker bulshadeed kaa fac weyn lala dagaalo. Dadka afkaaraha bulshada “cyclical thinking” ruxa, ee waddo cusub oo aysan ka fekerin u jeexa, waxay helaan maqaam gaar ah. December 5, 2013 markii uu Nelson Mandela geeriyooday, warbaahinta Africa iyo Carabtaba, waxay aad uga hadlayeen xurriyadda uu u keennay dadkiisa, hase ahaatee warbaahinta reer Galbeedka waxay aad ugu amaanneen geesinimadiisa ku aaddaneyd in uu ka hor tagay in bulshadii la gumeystay ay ka aarsadaan kuwii gumeystay, dalka dagaal sokeeye ka badbaadiyay. Bulshada dembi ma laha oo qaarkood afkaarahaas ayagoo aan ogeyn ayay maxbuus u yihiin. Henry Ford, aasaasihii shirkadda baabuurta ee Ford, ayaa mar la weydiiyay in uu shacabka weydiiyay waxa ay rabaan ka hor inta uusan baabuurkii ugu horeeyay soo saarin, wuxuu ku jawaabay, “haddaad waagaas dadka weydiin lahaa gaadiid noocee rabtaan, waxay I dhihi lahaayeen faras orod badan”. Prof. Gaas, inta ka fileysay in uu ergo qaran ka noqdo Puntland “cyclical thinking”ka jirayna jebiyo, waa ku hungoobeen, inta ka filaysay in uu xaq jir Puntland noqdana, wuu ka soo daahay, in ku filan kama helin. Ma ogi inuu wax beddeli lahaa haddii mar labaad la doorto! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Tel Aviv (Caasimada Online) – Isaga oo dhinaca taagan warshad sameysa atoomika oo qarsoodi ah, ayaa ra’iisul wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu waxa uu ku hanjabay inuu dunida ka masaxi doono dalal uu ku sheegay inay yihiin cadowga Israel. Khudbadda Netnayahu oo dad badan ay u arkeen inay jebisay aamusnaantii Israel ee hubkeeda Nuclear-ka, ayaa hoggaamiyaha Likud waxa uu ku sheegay in dalkiisu haysto awood uu ku burburiyo cadowgiisa. “Kuwa ku hanjabay inay dunida naga masaxi doonaan waxay ayagana wajahayaan khatartaas oo kale, marnaba kuma guuleysan donaan hadafooda” ayuu yiri Netanyahu oo ku sugnaa magaalada saxaraha ah ee Dimona. Magaaladan ayaa waxaa mudd la tuhunsanaa inay tahay halka lagu dhisay hubka nuclear-ka Israel. Iran ayaa ka jawaabatay hanjabadda Netanyahu oo ay ugu yeereen nin dagaalka quuta, waxaana hadalkiisa ay u arkeen hanjabaad ayaga ku socota ay ugu yeereen ceeb. “Iran oo ah dal aan haysan hub nuclear ayaa waxaa inuu hub nuclear ku masaxayo ugu hanjabayt nin dagaal ooge ah, isaga oo ag taagan warshad nuclear” waxaa sidaas twitter soo dhigay wasiirka arrimaha dibedda Iran Javad Zarif. Iran, a country without nuclear weapons, is threatened with atomic annihilation by a warmonger standing next to an actual nuclear weapons factory. Beyond shameless in the gall. pic.twitter.com/MBoFac8Bvv — Javad Zarif (@JZarif) August 29, 2018 Israel ayaa la rumeysan yahay inay tahay dalka kaliya ee ku yaalla Bariga Dhexe ee haysta hub nuclear.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa wada qorsho la sheegay in looga hortagaayo dib u dhac ku imaada doorashada Somalia ee 2021. Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo dhawaan sheegay in madaxda dowlada Somalia ay wadaan dadaal lagu doonayo wakhti kororsi, ayaa wada baadi-goobka Xildhibaano kala shaqeeya in dowlada Somalia ay wakhtigeeda qabato doorashada. Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble, ayaa Xildhibaanada ku guubaabinaaya inay u dhaga taagan qorshooyinka ay dowlada Somalia ku dooneyso muddo kororsi waxa uuna ku baaqayaa in xili hore laga gaashanto. Illo ku dhow dhow Xildhibaanka ayaa sheegay in Cosoble uu wado sameynta Koox Xildhibaano ah oo ka hortaga in laga dib dhaco xiliga doorashada, waxa uuna ololahoodu yahay in doorashada la qabto xiligeeda. Xildhibaano hordhac ah oo arrintaasi uu kala hadlay ayaa soo dhaweeyay kuwaa oo iyaguna dhankooda ka sheegay inay xaaran tahay in madaxda dowlada ay ka baxaan balanta xiliga doorashada. Sidoo kale, Xildhibaanada mucaaradka ayaa iyaguna qaba tuhunka ku aadan in dowlada Somalia aysan u diyaarsaneyn qabashada doorasho nin iyo codkii. Si kastaba ha ahaatee, madaxda dowlada ayaa dhowr jeer ku celcelshay in doorashada Somalia ay qabsoomi doonto xiliga loogu tallo galay isla markaana ay noqon doonto nin iyo codkii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com