Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baarlamaanka Dawlada Puntland ayaa maanta buriyey mooshin maalmahan ka oolaa shirkadda la wareegtay maamulka dekadda Bosaaso ee DP World. Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar kamida xildhibaanada baarlamaanka Puntland waxaa gabi ahaanba lagu dalbanaayey in meesha laga saaro heshiiska ay shirkadda DP World ku joogto dekadda magaalada Bosaaso, maadama ay shirkadaasi gabi ahaanba ku guuldaraysatay wax yaabihii heshiiska lagula galay oo ahaa inay ku balaariso mudo labba sano gudahood ah hase ahaatee aysan illaa hada wax shaqo ah ka qaban dekadda. Baarlamaanka ayaa cod ku meel mariyey in mooshinka laga keenay DP World uusan ahayn mid saxa oo loo maray dariiqii mooshinada loo mari jirey. Horay baarlamaanka Puntland ayaa cod aysan u kala harin ku ansixiyey heshiiska DP World iyo Puntland markii la sheegay inay laaluush u qaateen in ka badan labba milyan oo doolar si ay u ansixiyaan heshiiskan. Dadweynaha Puntland intooda badan kuma qanacsana heshiiska ay DP World ku joogto dekadda Bosaaso maadama aysan u muuqan shirkad daacad ka ah dhismaha iyo horumarinta dekadda. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo meesha ka saaray mooshin ka dhan ahaa DP-World appeared first on Puntland Post.
  2. Jigjigo (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Cagjar) oo la dhaariyay ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaban doono howlo ka duwan maamulkii hore. Mustaf Muxumed, waxa uu sheegay in maamulka DDSI uu ka dhameystiri doono dhinacyo howshooda ay tahay mid qabyo ah, waxa uuna cadeeyay inuu xooga saari doono ilaa Shan arimood. Mustaf Muxumed ayaa baarlamaanka maamulka u aqriyay qodobada ugu muhiimsan ee uu ka shaqeyn doono mudada uu xilka hayo, wuxuuna sheegay inay jiran arrimo muhiim ah oo u baahan in xooga la saaro. Waxa uu Madaxweyne Mustaf Muxumed sheegay inuu xooga saari doono qodobada kala ah:- 1-Dib usoo celinta xasiloonida deegaanka iyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladooda. 2-Xalinta colaadaha ka dhex jira qabiilada deegaanka iyo qowmiyadaha kala ee deriska la ah Soomaalida. 3-Dib usoo celinta sareynta Sharciga iyo xuquuqaha ay leeyihiin dadweynaha. 4-Dib u eegida awoodaha dheeriga ah oo ay yeelan karaan madaxda dowladda, taasi oo lagu dhibaateyn karo dadka. 5-Soo celinta Soomaalinimada iyo astaamaheeda, taasi oo muujineysa isirka ay kasoo jeedaan shacabka DDSI. Madaxweyne Mustaf Muxumed, ayaa sheegay inuu dalbanaayo in lagala shaqeeyo wax waliba oo u wanaagsan maamulka, isagoo meesha ka saaray inuu leeyahay dano gaara ama mid dhaqaale lagu raadinayo. Dowlada Ethiopia ayaa siyaasad ahaan aad ula dhacsan Mustaf Muxumed, waxaana la filayaa inuu la imaan doono Golo siyaasad ahaan isaga lamid ah. Caasimada Online Xafiiska Jigjigo Caasimada@live.com
  3. Nairobi (Caasimada Online)-Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Daahir Salaad Xasan ayaa kula kulmay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan mas’uuliyiinta sare ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub. Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah.
  4. Booliska dalka Mareykanka waxaa ay shegeen in nin ka qeyb-galayay tartanka ciyaaraha Komputarka ee magaalada Jacksonville ee gobolka Florida uu toogtay labo qof, afar iyo toban kale uu dhaawacay. Ninka looga shakiyay inuu weerarka geystay oo la rumeesanyahay isna inuu dhintay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay David Katz. Toogashada ayaa ka dhacday dhismo caan ku ah madadaallada oo ku yaal jiinka webi mara bartamaha magaalada Jacksonville. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ka carooday qaabka ay u socotay ciyaar video ah oo computerka lagu dheelo. Toogashada ayaa dhacday xilli internet-ka toos looga daawanayay daamaashaad meesha ka socday, waxaana la maqlayay rasaasta iyo dad qeylinaya. Duqa magaalada Jacksonville, Lenny Curry, ayaa toogashada ka dib warbaahinta u sheegay in magaalada ay la murugooneyso toogashada dhacday. Weerarro badan o noocaan ah ayaa sanadihii dambe ka dhacay gobolka Florida. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Toogasho Ka Dhacday Florida oo lagu dilay 2 qof tiro kalena lagu dhaawacay appeared first on Puntland Post.
  5. Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Daahir Salaad Xasan ayaa kula kulmay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan mas’uuliyiinta sare ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub. Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah,sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba dal appeared first on Puntland Post.
  6. Growing up, Jama Gaiye Hoday was not a happy kid. He was raised largely away from his parents, who out of concern for his safety sent him from his home in Somalia to live with an aunt in Kenya. Source: Hiiraan Online
  7. Theresa May is preparing to visit Africa for the first time since becoming prime minister in 2016. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ku dhow dhow Hogaamiyayaasha dowlad Goboleedyada Somalia ayaa sheegaya in dhawaan lagu wado in Guddoomiye cusub loo doorto Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada. Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga ayaa waxaa hadda ku magacaaban Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas, waxa uuna qorshuhu yahay in xilkaasi uu qaban doono Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka Golaha. Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa xilkaasi ku wareejin doona shirka la filaayo in maalmaha soo socda uu Golaha uga furmo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Magaalada Kismaayo waxaa Saddexda Bisha September ee soo socota ka furmaya shirka Xubnaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada, iyadoo waxa ugu badan ee looga hadli doono shirka ay tahay walaaca ay Hogaamiyayaasha ka qaban faragelinta dowladda Federaalka ay ku heyso Maamul Goboleedyadooda. Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa dhawaan la filayaa inuu gali doono olole doorasho, waxa uuna sidaa ku wareejin doona xilka Golaha. Sidoo kale, Hogaamiyayaasha maamulada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ayaa iyaguna la filayaa inay galayaan doorasho. Dhinaca kale, shirka Golaha ee dhawaan qabsoomi doona ayaa socon doona muddo ka yar Seddex cisho waxaana laga soo saari doona qodobo lagu difaacayo doorashooyinka maamulada oo is xigxiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya in dowladiisa ay ciidamada kala baxeyso Somalia. Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay ciidamada jooga Somalia ay ula baxayaan si dhaqsi ah. Kenyatta oo u waramaayay Idaacadda Voa ayaa sheegay in ciidamadiisa ay joogitanka Somalia ku qabaan dhibaatooyin badan, sidaa aawgeed ay gaaren go’aan ay kula soo baxayaan ciidamada. Kenyatta waxa uu sheegay in DFS ay kala shaqeynayaan adkeynta amniga dalkeeda Ciidamada Kenyana ay baxayaan, waxa uuna tilmaamay in wada shaqeynta ay sii soconkarto iyadoo Kenya ay la baxeyso ciidamadeeda. Mar uu Kenyatta ka hadlaayay qarashka uga baxa ciidamada ka jooga Somalia ayaa waxa uu tilmaamay inay uga baxdo dhaqaale xoogan,kaas oo haddii Ciidamada laga saaro Somalia ay dowladda Kenya ku maareyn doonto qeybo kale. Madaxweyne Uhurro Kenyaatta ayaa tilmaamay in booska ay faarujin doonaan ciidamadiisa ay buuxin doonaan ciidamada kale ee AMISOM, hase yeeshee waxa uu ballanqaaday inay garabsiin doonaan Somalia. Sidoo kale, Kenyatta ayaa tilmaamay in ciidamadiisa ay ula bixi doonaan si nidaamsan oo aan dhibaato amni u keeni doonin Somalia, sida uu hadalka u dhigay. Haddalka Kenyatta ayaa muujinaaya in dowladiisa ay culeys kala kulmeyso dhinacyada mucaaradka oo iyagu dalbanaaya in ciidamada laga saaro Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online): Xuseen Cismaan Xuseen oo hadda ah Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa laga yaabaa inuu banneeyo xilkaas si uu isugu sharraxo booska Madaxweynaha Koofur Galbeed. Sida uu qoray wargeyska MEP taliye Xuseen wuxuu hadda ka shaqeynayaa sidii uu walaalkiis u heli lahaa boskii xildhibaanimo ee isaga uu banneeyay markii loo magacaabay taliyaha NISA, si hadii ay ugu suuragali weyso inuu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed uu ugu soo laabto Baarlamaanka isagoo badali doona walaalkiis. Sayid Cali Cusmaan Xuseen oo la dhashay taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa loo wadaa inuu ku guuleysto kursiga xildhibaanimada uu baneeyay walaalkiis, dhawaan guddiga doorashooyinka qaranka waxey sheegeen in loo tartami doono afar kursi oo uu ku jiro midka uu baneeyay taliye Xuseen. Koofur Galbeed ayaa doorasho aadi doonta bisha November ee sanadkaan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda in siyaasiyiin badan ay ku dhawaaqaan musharaxnimadooda, dadka la filayo iney ku dhawaaqaan waxaa ka mid ah Xuseen Cismaan Xuseen oo ah taliyaha NISA. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo uu wargeyska MEP la xiriiray waxey sheegeen in Taliyaha NISA lagula taliyay inuusan xilligaan isi soo sharraxin maadaama ay adag tahay in laga guuleysto Shariif Xasan, hadey dhacdo inuu Xuseen Cusmaan Xuseen isku sharaxo madaxtinimada Koofur Galbeed wuxuu Madaxweyne farmaajo ku qasbanaan doonaa inuu soo magacaabo taliyaha cusub ee hay’ada NISA taasoo noqon doonta markii saddexaad tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo. Isbadalada badan ee hay’adda NISA waxey keeni doonaa dib u dhac ku yimaada qorshahii nabad sugidda Soomaaliya, sidaas darteed waxaa laga yaabaa in madaxda sare ay isku daydo iney Xuseen ku qanciso inuu sii joogo booskiisa. Caasimada Online Muqdisho-Office caasimada@live.com
  11. The leader of an ISIS affiliate in Afghanistan, who was responsible for a spate of recent bombings that left hundreds of civilians dead, was killed in an American drone strike, U.S. officials told Fox News on Sunday. Source: Hiiraan Online
  12. President Trump’s controversial tweet calling for the State Department to review the supposed persecution of white farmers in South Africa has reportedly prompted a backlash from South African farmers. Source: Hiiraan Online
  13. The Turkish lira traded flat against the dollar on Monday as markets reopened after last week’s holiday, with investor attention set to refocus on a bitter dispute between Ankara and Washington over an American pastor being tried in Turkey. Source: Hiiraan Online
  14. John McCain requested that former Presidents Barack Obama and George W. Bush deliver eulogies at his funeral, CBS News has confirmed. McCain, who had been suffering from an aggressive form of brain cancer, died Saturday at the age of 81 at home in Arizona. Both Mr. Obama and Mr. Bush will deliver their remarks during a service at the National Cathedral. Source: Hiiraan Online
  15. A gunman has opened fire at an online video game tournament that was being livestreamed from a Florida mall, killing multiple people and sending many others to hospitals, authorities said. Source: Hiiraan Online
  16. President Trump nixed issuing a statement that praised the heroism and life of Sen. John McCain, telling senior aides he preferred to issue a tweet before posting one Saturday night that did not include any kind words for the late Arizona Republican. Source: Hiiraan Online
  17. The government of South Sudan intends to resume oil production from the main oil wells in Unity and Upper Nile states by September 2. Source: Hiiraan Online
  18. Colonel Zakia Hussen Ahmed has been promoted to the rank of a brigadier general in the Somali Police Force. Source: Hiiraan Online
  19. Days after news of appointment of new acting president to Ethiopia Somali region, the regional council passed a decision to lift immunity from prosecution rights of seven members of Somali Regional State Councils, reported Ethiopian State Media – Ethiopian Broadcasting Corporation. Source: Hiiraan Online
  20. Qalabi Dhagax wuxuu qaadey talaabooyin badan oo u muuqda dagaal ku talo gal ah oo uu ku qaadayo reer Puntland, marka loo eego sida uu dhinac ula noqday Somaliland. Talaabooyinka sida qaldan uu u qaadey waxaa ka mid ah:- 1 – Xafladii ugu horeysay oo loogu sameeyey Nairobi, wuxuu muddo aan ka yareyn 15 daqiiqo ka sheegkeynayey oo xayeysiinayey hor u mar uu sheegay inay gaadhey Somaliland, Dimoqraadiyad, doorashooyin iyo cadaalad bulsho oo ay sameeyeen. Wuxuu meesha ka saarey xasuuqa iyo qabsashada Laascaanood, iyo weerarka qaawan ee Tukaraq. 2 – Wuxuu qaabilaad rasmi ah iyo isla sawir u sameeyey Feysal Cali Waraabe oo la ogyahay meesha uu ka taagan yahay gaar ahaan reer Puntland iyo guud ahaan Somalia. 3- Ugu dembeyntii wuxuu qaabilaad rasmi ah iyo isla sawir la sameeyey wafdi ballaaran oo Somaliland darteed u soo dirtey, oo casuumad u wadey isna ka aqbalay inuu Hargeysa ka degayo. Amaanta aanay lahayn Somaliland, Qaabilaada Feysal iyo wufuudii ka dembeeyey weliba waqtigan xasaasiga waxay muujinaysaa daandaansi siyaasadeed iyo inuu taageersan yahey waxa Muuse Biixi ka sameynayo arriamaaha sool, Sanaag iyo Tukaraq. Waxa kale ee ay muujineysaa sida aanu u aaminsanayn midnimada iyo wada jirka Somalia. Mar rag saaxiibo la ah ay arrintaas wax ka weydiiyeen Qalbi dhagax, wuxuu ku jawaabey Puntland-ta aad ka hadleysaan waa dhulkii Cabdillaahi Yusuf iyo Faroole ONLF-ta ka dhiibi jireen oo waxaan u aqaana “xabaalihii ONLF”. Soomaliyada aad sheegeysaana waa tii Farmaajo iga dhiibey. 2 – Axmed Madoobe. Madaxweyanaha Jubaland isagoo ka hadlaaya garoonka Diyaarada ee Kisamaayo isagoo ka soo laabtey Safar uu ugu maqnaa debeda, wuxuu ka hadlaayey Dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, wuxuuna u hadalaayey sidii inuu yahay QM. Wuxuu yiri “Dadka Soomaaliyeed maanta uma baahna dagaal iyo barakcin. Waa in la joojiyaa dagaalka. Tukaraq uma baahna barakicin iyo xabad ee waa in caqligu shaqeeyo”. Waa hadalkii UN-ka. Soo ma arko in Muuse Biixi goor habeen soo weerarey Tukaraq oo dad shacab ah ku xasuuqey isagoo weliba sheeganaya meel 10 KM u jirta Garoowe, maa arrintaasaa dhex-dhexaad laga noqon karaa? Somalidu waxay ku maahmaahdaa meeshaad nin ka qaadatey, nin ayaa uga tegtay. Waxaana muuqata ragaas oo dhan iney la jiraan Muusa Biixi iyo weerarkiisa. Bal aan aragno waxay dhasho. W/Q: Aamina Aadan Xersi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Shirkad saldhiggeedu yahay jasiiradda Qubrus oo horay 2013-kii heshiis kula gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya dhismaha 6 markab oo kuwa roondada xeebaha ah ayaa sheegtay in Soomaaliya ku dacweyn-doonto hey’adda kala saarta dacwadaha oo ku taalo dalka Holland kadib markii ay Muqdisho ixtiraami-weysay heshiiska labada dhinac. Warqad la soo gaarsiiyey Caasimada Online, oo ku taariikheysan August 22, 2018 waxaa loo diray wasiirka gaashaandhigga Xassan Maxamed iyo safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Faqi. Shirkadda Amo Shipping Company (AMOSC), waxaa ay qoraalka ku sheegtay inay dowladda ku wergeliysay inay dacwadda la aadeyso hey’adda ku shaqada leh arrimaha rarka iyo u kala gar-qaadidda arrimaha badda ee loo yaqaano Transport and Maritime Arbitration Rotterdam-Amsterdam (TAMARA) ee Holland , waxaa loo gudbinayaa sidoo kale nuqulka heshiiskii ay AMOSC iyo dowladda Soomaaliya wada galeen July 29, 2013. Maxay Shirkadda AMOSC Rabtaa? Shirkadda AMOSC, waxaa ay dooneysaa inay hesho € 132 million oo lagu daray dul-saar dhan € 24.6 million, lacagtaas oo aheyd in la bixiyo intii u dhaxeysay July 29, 2013 ilaa March 2018, lacagta dollar ahaan waa $183 Milyan. AMOSC waxaa ay rabaa mar hore hey’adda ku qasabto Soomaaliya inay bixiso € 66 million oo ahey lacag aayar loo bixinayey, marka 2baadna inay soo saaro warqad aan dib loo celin oo deyn oo ku qorantahay €132 million ah ama haddii ay lacagtaas €132 million-ka ah ay Soomaaliya toos u bixineyso keliya ku lifaaq €66 million sida ku qorneyd heshiiska ay markii hore 2bada dhinac wada galeen. Sida ku qoran heshiiska, Soomaaliya waxaa ay aheyd in ay qorto warqad ay lacagta uga deynsaneyso Bank of Geneva, Switzerland, laakin weli ma qorin, waa iska aamustay. Heshiikan 6da markab ah, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan laga jawaabin, oo ballantii looga baxay. May 6, 2018 iyo Dalabkii €90.6m: Warqad digniin ah oo ay AMOSC soo gaarsiisay Goobjoog News waxaa ay soo dirtay March 13, 2018, shirkadda waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay xilligaas lacag dhan €66 million iyo lagu daray €24.6 million oo dul-saar ah oo muddo lix sano ah, warqadda oo la soo mariyay safiirkeenna midowga Yurub Dr. Ali Said Faqi waxaa gacanta laga saaray wasiirkii gashaandhigga Maxamed Mursal laakin kama jawaabin. Shirkadda AMOSC, waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah. Dhankooda, wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah oo la hadlay Goobjoog News, waxaa ay qireen inuu jiro heshiiskaas, laakin waxaa ay diideen inay ka hadlaaan.
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu wado qorsho ciidamo cusub lagu geynayo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo. Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada uu qorsheynaayo Axmed Madoobe ay qeyb ka noqon doonaan kuwa Kenya, halka kuwa ugu badan ay noqon doonaan Militeriga maamulka. Ciidamadan oo uruurintooda ay socto ayaa loo diyaarinayaa in la geeyo Baardheere iyo Garbahaarey oo ay ku yaalan xarumaha ugu waaweyn ee maamulka Gobolka. Ciidamada uu Axmed Madoobe doonaayo inuu geeyo Gobolka Gedo ayaa waxaa Garoonka magaalada Kismaayo looga daadgureyn doonaa Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya. Degmada Baardheere iyo Garbahaarey ayaa waxaa kusii kordhaaya kacdoonada ka dhanka ah maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi dhawaan looga dhawaaqay in Axmed Madoobe iyo maamulkiisa aanu ka shaqeyn doonin Gobolka Gedo. Axmed Madoobe, ayaa doonaaya in ciidamadaasi uu u adeegsado hakinta kacdoonka ka socda magaalada Garbahaarey oo ay ku sugan yihiin Siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka. Ciidamada uu Madoobe geyn doono Gobolka ayaa halis ku ah Gobolka Gedo, waxaana suuragal ah in halkaa uu ka dhaco dagaal u dhexeeya dadka deegaanka oo diidan maamulka Jubbaland iyo ciidamada. Dadka kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa diidan gabi ahaan Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa, waxa ayna arrintaasi ka danbeysay kadib markii Hogaamiyaha maamulka uu dhaleeceeyay Dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Jubbaland ayaa u diyaar garoobaya doorasho heer Madaxweyne, waxa uuna Axmed Madoobe baqdin ka muujinayaa in lala gadiyo doorashada. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay wararka sheegaya inuu xanuunsan yahay. Abiy Axmed oo u muuqday mid su’aasha kadis looga dhigay ayaa sheegay inuu maqlay warar muujinaaya in xanuun uu ku qabsaday dalka Mareykanka xili uu halkaa ku joogay booqasho. Waxa uu Abiy Axmed sheegay inuu yahay mid caafimaad qaba isla markaana aan ku xanuunsan dalka Mareykanka, sida uu haddalka u dhigay markii la hadlaayay saxaafada. Waxa uu tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uusan aheyn dadka isticmaala dawooyinka misna ku degdega goobaha caafimaadk, isagoo taa bedelkeeda sheegay inuu aad u jecelyahay jimicsiga. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Aniga maba ihii dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo sporti oo ah aasaaska caafimaadka” Abiy waxa uu sheegay in baraha bulshada lagu soo bandhigo wax waliba oo shaki galinkara xaqiiqda, sidaa aawgeed waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya inuu ku xanuunsaday dalka Mareykanka oo uu dhawaan gaaray. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta qaar ayaa qoray in Ra’isul wasaare Abiy Axmed lagu sumeeyay raashiin ay u leeyihiin Hido iyo dhaqan, hase yeeshee waxa uu hadalkaasi noqonayaa mid beenoobay. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda mooshin la doonayo in xilka looga qaado Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Mooshinka la doonaayo in xilka looga qaado Hogaamiye Waare ayaa waxaa magaalada Muqdisho kawada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka oo ay wehlinayaan tiro Wasiiro ah oo ka tirsan maamulka. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka uu iminka soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana lasoo sheegayaa inuu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta hor boodaya mooshinka. Mooshinka xil ka qaadista Hogaamiye Waare ayaa salka ku haya howlgudasho la’aan iyo inuu ka meermeerayo in lagu shaqeeyo magaalada Jowhar, kadib markii uu saldhigtay magaalada Muqdisho. Mooshinka oo markiisa hore ka socday magaalada Jowhar ayaa iminka loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in la horgeeyo Baarlamaanka oo galay fasax ciidda 19-08-2018, dibna u furmi doono 1-September-2018 Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka ayaa sheegay in xubno badan oo ka mid ah Baarlamaanka ay Mooshinka kusoo saxiixeen magaalada Jowhar, halka kuwa kale ay ku saxiixayaan magaalada Muqdisho. Mooshinkan ayaa la sheegayaa in ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana sidoo kale Magaalada Jowhar ka socda qorshe uu Hogaamiyaha Hirshabelle uga hortagayo Mooshinka isaga ka dhanka ah ee ka socda Muqdisho. Sidoo kale, Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare ayaa la sheegayaa in uu Jowhar ka wado qorshe uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu xildhibaannada qaar u ballanqaaday in uu ka dhigayo Wasiirro sidaas darteedna ka laabtaan mooshinka isaga ka dhanka ah. Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka ay kula xisaabtamayeen Golaha Wasiirrada ku eedeeyay Waare in uu curyaamiyay shaqada Maamulka Hirshabeelle islamarkaana aysan kulmin Golaha Wasiirrada,sidoo kalena uu musuq maasuqay dhaqaalah Hirshabeelle. Si kastaba ha ahaatee, Waare ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doono Xildhibaanada Mooshinka kawada ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana xusid mudan in Mooshinkaan uu ka duwan yahay kuwii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Labadii sano ee lasoo dhaafay waxay dowladu dadaal badan ugu jirtay sidii soomaaliya looga dhigi lahaa dal amaan ah gaar ahaan caasimada muqdishu, waxaa muuqata in aysan dowladu dadaal yaraysan lkn ay wali Meesha ka maqan tahay taladii saxda ahayd wadadii ku haboonaydna aan loo marin. Dadaalo farabadan ayaa la sameeyey malaayin dollar ayaa lagu bixiyay tijaabooyin kala duwan oo ay ugu damaysay fikradii ciidanka xasilinta ee dhowaan lagu hungoobay, sidaa awgeed waxaan maqaalkan u qoray inaan dowladda ugu iftiimiyo talaabooyin hadii ay ku dhaqaaqdo ay guul kama dambays ah ka gaari doonto amniga iyo kalamdambyanta dalka oo dhan, ma aha wax aan maskaxdayda ka keeney waa tijaabooyin horey loogu guuleystay oo laga sameeyey gobolo dalka kmaida iyo dalal horey amni darro uga dhacday. Tallaabooyinkan waa kuwa ka kharash yar kuwii hore kana waxtar badnaan doona hadii lagu dhaqaaqo daacadnimana lagu daro insha’allah, waxaana ugu horeeya talaabooyinkaas:- 1. Awoodsiinta Degmooyinka si ay Sugaan amnigooda. Gadoomiye walba waa inuu mas’uul ka noqdaa amniga degmadiisa, saldhiga degmadu waa inuu keydiyaa xogta degmadiisa, soddon kii guri waa in loo sameeya qof horjooge ah oo u report gareeya saldhigga degmada, qof walba oo xaafadda kusoo biira waa in lala socodsiiyaa qofka horjoogaha ah lana diiwaan galiyaa, qof walba oo degmada dagan hadii uu gurigiisa ka kiraynayo qof cusub waa inuu waydiiyaa damiin, qofka cusub oo guriga kiraysanaya iyo damiinkiisa waa in laga diiwaan galiyaa saldhigga degmada, hadii qofka guriga leh uuna sidaa samayn oo gurigiisa lagu qabtoh qof nabad diid ah gurigiisa waxaa la wareegeysa dowladda isaguna waxa uu noqonayaa dambiile gabaad siiyay sharwade, talaabadaas waxay ku adkaynaysaa nabad diidku inay helaan gabaad iyo meelo ay kasoo abaabulaan howlohooda nabad diidnimo Sidaas waxaa la samayn karaa oo kaliya marka sugidda amniga loo daadajiyo heer degmo. 2. Diiwaan galin ta iyo Keydinta xogta Gawaarida soo dagaysa iyo kuwa yaal dhamaan. Wasaarada howlaha guud iyo Gobolka banaadir waa inay iska kaashadaan uruurinta xogta gawaarida magaalada taal oo dhan, xogta la uruurinayo ma aha taarikada gaariga oo kaliya sida hadda la sameeyo, taarikadu waa wax fudud oo gaariga laga furi karo mana noqon karto tixraac marka gaariga lagu sameeyo fal amni daro, xogta ugu muhiimsan ee gaariga laga diiwaan galinayo waa:- i. VIN (Vehicle identification number) Gaari walba oo dunida yaal wuxuu leeyahay number u gaar ah kaas oo shirkadaha gawaarida sameeya ugu talagaleen, majirto laba gaari oo isku VIN number ah, xitaa hadii uu gaadhigu qarxo ama gubto wali waa la arki karaa numberka waxaana laga dhigan karaa tixraac lagu ogaado asaal ahaan cidii gaarigaan ku qornayd ee dakadda kala soo dagtay kadibna si fudud ayaa lagu heli karaa ciddii falka gaysatay hadii uu isaga yahay ama qofkale oo uu kasii iibiyay. Badanaa numberkaan wuxuu ku qoran yahay marka la furo kabarka hore ee gaadhiga afkiisa hore, ama halka isu xirta daaqada iyo gaadhiga, shirkadaha qaar waxay ku qoraan shaaga korkiisa, marka gaariga dakadda laga soo dajiyo ama marka la canshuurayo waa in macluumaadka la diiwaan galinayo lagu daraa numberkaas iyo numberka taarikada kadib hadii gaadhigaas la qarxiyo isagoo aan taariko lahayn waxaad helaysaa numberkiisa kadibna si fudud ayaad ku ogaan taarikada iyo magaca qofkii lahaa hadii ay xogtu horey kuugu kaydsanayd. ii. Xogta qofka gaariga lasoo dagay, kii uu kasii iibiyay iyo damiinkooda dhamaan. Qof walba oo gaari canshuuranaya saddexdii biloodba mar waa in magiciisa lala keydiyaa macluumaadka kale sida shaqadiisa, VIN ka iwm iyadoo ay keydinayso cida canshuurta ka qaadaysa, sidoo kale na waa in qof walba leeyahay damiin loo raaci karo hadii uu isagu dambi sameeyo, damiin kaasi wuxuu caddaynayaaa in qofkaasi yahay qof bulshada sumcad kuleh oo falalka amni darrada aan lagu aqoon uuna ka mas’uul yahay wixii uu ku geysto gaarigaa, taasi waxay yaraynaysaa in kooxaha nabadiidku ay si fudud gaari ku helaan maadaama aysan xiriir fiican lalahayn odayaasha ama ganacsatada reerkooda aysanna heli kerin cid damiinata hadii ay helaanna uu dambiile noqonayo qofkii damiintay, hadii uu qofku gaadhiga sii iibinayo waa inuu tagaa nootaayo sax ah, nootaayadu waa inay keydisaa magaca laga iibsadaha, iyo iibsadaha cusub magiciisa iyo damiinkiisa iyo halka uu ka shaqeeyo, qofna waa in uu san gaari ka iibin qof uusan hubin, hadii gaarigaas lagu gaysto amni xumo dowladdu waxay la xiriiraysaa qofkii gaariga ku qornaa kadib isna waxa uu dowladda geynayaa nootaayadii kaydisay xogta ninkii ka iibsaday halkaas waxa laga soo helayaa ninkii falka gaystay hadii la waayo waxaa la helayaa ganacsadihii ama nabadoonkii damiintay isagaana mas’uul ka noqonaya wixii uu gaystay (Ma dhacayo qarax dhaca oo aan cidi mas’uul ka noqon loona raacin) iii. Taarikada gaadhiga, Modelkiisa, xilligii la farsameeyey iyo xilliga lagasoo dajiyay dalka, dhamaan xogtaas waa inay haysaa wasaarada ku shaqada leh si gaadhi walba oo amni darro sameeya si fudud loogu helo cidii lahayd. iv. Sawirka qofka iska leh gaadhiga sidoo kale waa in la kaydiyo sababtoo ah hadii xitaa la waayo qofkaas markii fal amni darro gaadhigiisa lagu gaysto ama xitaa damiinkiisii la waayo waxaa si fudud warbaahinta loogu faafin karaa sawirkiisa si dadkoo dhan u arkaan soo qabashadiisana ugu fududaato laamaha sirdoonka 3. Samaynta numberka Police ka 999 Qof walba oo arka nabadiidka ama xog ka hela waa inuu heli karaa number si fudud uu ula xiriiri karo, degmo walba saldhigoodu waa in xilli walba ay jirtaa cutub ciidan ah oo u diyaarsan howlgal, qofku marka uu la xiriiro saldhigga, police ku waxa ay waydiinayaan xaafadiisa iyo qofka horjoogaha ka ah, horjooguhu waa in uu yaqaan soddonkiisa guri dadka dagan si fududna ku garan karaa halka dhibka laga sheegayo, police ka waa inuu ka caawiyaa inay halkaas ku gaaraan si fudud, tani waxay heerka ugu sarreeya ka dhigaysa amniga caasimadda hubaal waxa ay noqonaysaa mid kamida caasimadaha ugu amniga badan lkn waxay u baahan tahay shaqo iyo u adkaysi inta uu ka hirgalayo dadkuna baranayaan. 4. Xoojinta sirdoonka iyo tayayntooda. Waxaa laga yaabaa in qaar police ka kamid ah, ama laamaha sare ee amniga ka tirsan ay la shaqeeyaan nabad diidka, waxaa jira dad si dadban ula shaqeeya nabaddiidka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare, cidda kaliya oo dabagali karta oo kashifi karta siraha cadawga waa sirdoon xoog leh oo il dheer, mar marka qaar waxaa dhacaysa in qof shacab ah oo dowladda kusoo wargaliyay fal nabadiidku wadeen in la dilo, markaas waa in sirdoonku shaqadiisa qabsadaa oo qofkii bixiyay xogta qofkaa shacabka ah aan laga harin ee lasoo qabtaa, waxa badanaa kalsoonida shacabka lumiyay waa in dad badan oo dowladda la wadaagay xogo xasaasiya oo nabadiidka ku saabsan ugu dambayn la dilay, sababtu wax kale maaha ee qof dowladda katirsan ayaa nabad diidka ugudbiyay in qofkaa shacabka ahi xogtooda soo gudbiyay, dowladuna talaabo kama qaadin, mana baarin lkn hadda waa inay noqotaa howl aan la iskaga harin shacabkana loo damaanad qaadaa xogtay soo gudbiyaan inaysan dowladda dhaafayn hadii ay dhaaftana aan la iskaga harayn ee qofkii gudbiyay sirdoonku shaqadooda ka qabsanayaan. Sidoo kale waxaa dhacda in dad badan laga shakiyo lkn aan caddayn sax ah lagu hayn sirdoon keennu waa inuu daba galaa, taleefanadooda dhagaystaa, dhaqdhaqaaqooda lala socdaa cid walba oo laga shakiyo oo ay soo gudbiyaan horjoogaha xaafadda ama shacabku, degmo walba waa inay lahaataa cutub sirdoon ah oo u gaara oo la shaqeeya saldhiga degmada iyo hay’ada NISA, fahad yaasiin iyo taliyaha NISA waxaan ka rajaynayaa inay ku guuleystaan dhisidda sirdoon tayo leh. 5. Diiwaan galinta hubka iyo kantaroolkiisa. Dowladdu waa inay bixisaa shatiga hubka siisaana dad ay hubto inay ilaalinkaraan shuruucdiisa, gabi ahaan ba waa in la xiraa suuqa hubka ee caasimadda, mamnuuc na laga dhigaa in la iibiyo rasaasta iyo hubka labadaba, qof walba oo loo sharciyeeyo qori ama bastoolad waa in uu haystaa in cayyiman oo rasaas ah, lagulana xisaabtamaa hadii laga waayo rasaastaas ama hubkaas, hadii uu ibinayo hubka waa inuu ka iibiyaa qof damiin leh dowladdana ku wargaliyaa iibsadaha cusub, shattigana loo badalaa. 6. Baaritaanka xaafadaha oo loo sameeyo si kadis ah. Saldhigga degmadu waa inuu habeen baa aag u baaraa si kadis ah oo aan horay loo sii shaacin, guri walba waa in laga hubiyaa in uuna joogin qof uusan ogayn horjoogaha xaafaddu, sidoo kalena inuu yaal hub sharci darro ah oo aan dowladda u diiwaan gashanayn, ama sidoo kale gaari aan diiwaan gashanayn oo stickerkii wasaaradu ku dhaganayn, dhamaan wax yaabahaasi waxay hubinayaan in sharciyada dowladda la fuliyay qofkastana yahay mid u hogaansan, qofkii hub sharci darro ah haysta, ama gaarigiisa uusan diiwaan gashanayn ama qof aan la ogayn guriga ku haystay waxaa lagu samaynayaa baaritaan dheeraad ah oo lagu hubinayo, hadii waxba lagu waayo waxaa lagu ganaaxayaa sharciga uu jabiyay. Ugu dambayn waxaan dowladda kula talinayaa dadaalladaas lagu sugayo amniga caasimdda lagu dhinac wado xoreynta dalka oo dhan waayo inta nabad diidku haystaan hal degmo oo dalka katirsan taas macneheedu waxay tahay wali waxay heli karaan meel ay canshuur ka qaadaan askar ka qortaan kuna soo abaabulaan falalkooda amni darro. Gunaanad. Shacabka waxaan ka rajaynayaa inay dowladda u noqdaan, dhego, iyo indho ay wax ku aragto, dowladduna noqoto gacantii shacabka ka qaban lahayd dhibka W/Q: Abdullahi Ciid. Email: Seaman700@gmail.com Mogadishu, Somalia.