Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,136
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho[Puntland Post]-Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta oo khamiis ah kaga doodeen qodobada ay ka mid yihiin qabya-tirka iyo dib-u-eegista dastuurka, amniga, siyaasadda, iyo Hantida Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada. Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in dhammaan dhinacyada wada-shaqaynta la leh wasaaradda arrimaha dastuurka ay fududeeyaan hawlaha ay qaybta uga yihiin qabyo-tirka dastuurka, islamarkaana dalka uu u helo dastuur dhammays-tiran. Hoos ka daawo warmurtiyeedka shirka golaha wasiirada soomaliya Cabdiqani Boos Puntland Post The post Shirkii Golaha Wasiirada Soomaliya oo loga hadlay Qabyo tirka Dastuurka. appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahaana duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa waxa uu ka hadlay dilalka ka dhacaya Muqdisho iyo kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac ka geysanaya Magalada Muqdisho. Isaga oo wareysi siinayey Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayuu sheegay in dhibaatooyinka amni ee ka dhacaya Muqdisho xilligaan ay yihiin kuwo sii kordhaya, isla markaana dhibaato ku tahay Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir. Waxa uu sheegay in dadka dhibaatooyinka Shacabka u geysanayo ay u baahan yihiin in gacan bir ah lagu qabto, cadaaladana la hor-geeyo dadka ka dambeeya falalka ee loo qabtay. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Muqdisho albaabooyin farabadan ay ka furan yihiin, islamarkana ay ku soo kordheen dhibaatooyin aan jirin xilligii uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Ugu dambeyn Hay’adaha aniga ayuu ugu baaqay in mar walba ay ku dadaalaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka dhibaatooyinka geysanaya si dadku ay ugu noolaadaan amni wanaagsan. Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareysi-Yuusuf-Xuseen-Jimcaale-Guddoomiyihii-hore-Ee-G.Banaadir-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. MOGADISHU (Caasimada Online) The African Union Mission in Somalia (AMISOM), sent a congratulatory message to Nigeria on its 58th Independence anniversary, which was marked in the Somali capital of Mogadishu on Monday. The deputy Head of AMISOM, Mr. Simon Mulongo, hailed Nigeria for its contribution to global peace support operations. Mulongo officiated the country’s Independence day celebrations, held last evening. “As a police contributing country, Nigeria is one of those that have made impeccable contributions and have one of the strongest contingents of police, the Formed Police Units, here in Somalia,” said the deputy AU Special Representative for Somalia. The Independence Day celebrations was attended by senior AMISOM and UN officials, among them, the Head of UNSOS Ms. Lisa Filipetto, the AMISOM Force Commander Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, and the AU Mission’s Head Mission Support Maj. Gen. (Rtd) Fidza Dludlu. Nigeria’s contribution to peace support operations in Somalia dates back to 1992 when the country contributed troops to the United Task Force in Somalia (UNITAF). In her remarks, Head of UNSOS Ms. Lisa Filipetto recognized the efforts and achievements of Nigeria, in the furtherance of global peace, and at the same time paid tribute to the Nigerian Armed Forces, the police and other security and law enforcement agencies, who are making supreme sacrifices by “working under such difficult conditions in various parts of the world, including Somalia”, to foster peace. “I would like to pay homage to the Nigerian Formed Police Unit, the Individual Police Officers and the civilians of both AMISOM and UN, for their efforts to find peace in Somalia,” said the Head of UNSOS. Ms. Filipetto assured AMISOM and the Troop Contributing Countries, of the UN’s unwavering support. “We, in the UN, will do our best, to ensure we provide AMISOM and all the TCCs and PCCs, the most effective and efficient logistical support to enable the Mission achieve its mandate. We are really guided by the fact that the success of AMISOM is the success of us all,” she stated. Nigeria has been a major contributor of troops and police to UN peacekeeping operations since 1960. “We solely believe and share a common goal of making Nigeria a great nation,” noted Lt. Col. Ogbonnaya Igwe, the lead organizer of the Independence celebrations. Nigeria maintains police presence in Somalia through the deployment of Individual Police Officers (IPOs) and the Formed Police Units (FPUs), under the African Union banner. PRESS RELEASE
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad lagu daah furayo Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal dad ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho, waxaana ka mida tobanaan xildhibaan oo ka tirsanaa kooxdii Qabyo iyo Xisbiga Daljir, iyadoo hoolka ay ay camireen xubnaha xisbigii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh. Xafladdaan ayaa waxaa Maanta ka qeybgalay ku dhawaad 2 Kun oo qof kuwaas oo isugu jiray XIldhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Durba waxaa dalka Soomaaliya ka bilowday hadal heyn ku aadan Xisbigaan cusub ee Xasan Shiikh Maxamuud hoggamiyaha u yahay. Inta badan dadka Muqdisho ayaa Maanta hadal hayo Xisbiga maanta Xasan Shiikh Maxamuud loogu caleymo saaray inuu hoggaamiye u noqdo. Meelaha lagu Falanqeeyo siyaasadda ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn looga hadal hayey Xisbigaan oo ay dadka qaar ku tilmaameyn inuu yahay mid adag oo tartan culus ka geli doono Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo waqtigeeda uga dhiman yahay muddo laba sano ah. Sidoo kale dadka qaar ayaa aaminsan inuu xisbigaan yeelan doonin wax saameyn ah maadaama uu madax u yahay Madaxwyenihii hore ee Xasan Shiikh kaasoo ku fashilmay tartankii uu Farmaajo la galay. Prof. Cabdiraxmaan Maxamed oo ah aqoon yahay ku takhasusay Cilmiga siyaasadda ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in Xisbigaan cusub uu u baahan yahay siyaasad adag si uu ugu guuleysto doorashada soo socoto maadaama uu sheegay inay jiraan Siyaasiyiin kale oo adag oo xisbiyo sameystay. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka Soomaaliya madaxweyne ka aha Afar sano, wuxuuna waqtiga uu xilka hayey la kulmayey eedeymo badan oo ku aadan inay dhaceyn musuq maasuqyo waaweyn oo aan horey Soomaaliya looga arag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. MOGADISHU (Caasimada Online)–Former Al-Shabaab deputy leader Mukhtar Robow Abu Mansour has announced his candidacy for the leadership of Southwest regional administration. The election is set to take place next month as Abu Mansour will compete against the incumbent Sharif Hassan Sheikh Aden and several others Sheikh Mukhtar Robow was removed from the terror list in June last year and a $5 million bounty on his head was withdrawn. In August last year, he surrendered to Somali government after several days of clashes between his militias and Al-Shabab. He reportedly has support from some regional lawmakers. Robow once freed several Somali MPs after Al-Shabaab captured Baidoa in 2009. Al-Shabaab accused him of having ideological differences with leadership. Human Rights Watch (HRW) has also accused Robow of being had a leadership role in the group when it documented indiscriminate attacks on civilians, forced recruitment of children and other abuses in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  6. Sida uu qorshuhu yahay Somaliland waxaa ka dhacaysa sannadka soo socda ee 2019ka doorashada baarlamaanka iyo degaanka taasi oo ku muddaysan 27ka bisha March. Hase ahaatee qabsoomidda doorashooyinkan oo horay walaac looga muujiyay ayaa waxaa haddana ka taagan muran la xidhiidha guddida doorashooyinka oo xisbiyada mucaaridka ah iyo ka muxaafidka ahi ku kala fog yihiin in ay doorashada soo socota maamulaan. Xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa soo jeediyay in guddida doorashooyinka lagu kordhiyo laba xubnood oo dhinacooda ka socda ama la kala diro, halka muxaafidku ay ku doodayaan in aan la kordhin karin guddida lana kala diri karin. Axmed Cabdi Dheere guddoomiye ku xigeenka xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Doorasho xilligeedii ku dhacda ama haddii la kordhinayo lagu daro bil iyo laba. Labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani oo iyaguna shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dib u dhac ku iman karo doorashada. Axmed Cabdi Abyan, musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID ayaa yidhi; “kollay habsan ayaa imanaya iyo dib u dhac laakiin inay baaqdaan arrintaasi waa arrin musiibo ku ah waddanka iyo dadka” Xarunta daraasaadka siyaasadda CPA ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa horay walaac uga muujisay dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka barlamaanka iyo degaanka ee Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. MOGADISHU (Caasimada Online)–Kenyan fighter jets carried out an airstrike targeting Al Qaeda linked Al Shabaab group in south of Somalia. The strike took place near El-Adde town in Somalia’s Gedo region, after Kenyan warplanes targeted group’s camp, killing at least 10 militants, including a senior commander. Somali military says the strike killed at least ten Al Shabab militants, including a senior commender, whose name has not been released yet. El-Adde is a town where Kenyan troops under the African Union mission in Somalia had a military base before being withdrawn when nearly 100 Kenyans were killed in deadly gun attack by Al Shabaab in 2016. There was no immediate comment from Al Shabaab over the claims. The rebels have since carried out a string of assaults to punish Kenya for its intervention. Kenyan warplanes often carry out such airstrikes on areas believed to be Al Shabaab hideouts. Neither Kenya nor Al Shabaab have commented on the bombing in the south of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta xaflad soo bandhigis ah loogu sameeyey Muqdisho Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee hoggaamiyaha looga dhigay Xasan Shiikh Maxamuud. Xisbigaan cusub oo ay ku midoobeyn Kooxdii Qabty, Daljir iyo Horusocod ayaa walaac weyn ku abuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u aragto XIsbigan inuu caqabad ku yahay qorshahooda ku aadan Doorashada soo socoto. Dowladda Soomaaliya ayaa durba bilowday olole ay uga hortageyso xisbigaas waxaana la sheegay inay dowladda hadda wado diyaarinta Dastuurka Xisbiga ay dowladda Soomaliya ku dhawaaqi doonto dhawaan. Madaxda ugu sareyso dalka ayaa wadatashiyo ka yeeshay sidii xisbigaan looga hortagi lahaa sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online oo arrintaan ka wareystay illo wareedyo ku dhow Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre. Sidoo kale madaxda ugu sareyso dalka ayaa wado olole dhanka Baarlamaanka ah oo looga hortagayo inuu xisbigaan awood ku yeesho xubnaha Baarlamaanka taasoo keeni karto inay culeys badan kala kulmaan sida Mooshino joogto ah. Dhawaan ayaa waxaa madaxda ugu sareyso dalka soo kala dhex galay shaki weyn kadib markii la faafiyey website magaca Kheyre lagu sameystay oo la sheegay in laga abuuray Xafiiska Kheyre balse markii dambe ay dowladda ku bilowday baaritaano iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuusan wax shaqo ah ku laheyn Ra’isulwasaare Kheyre. Soomaaliya ayaa la filayaa inay u gudubto nidaamka axsaabta siyaasadda, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku eg tahay diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, sanadka soo socda 2019 ayaa la ogolaan doonin in xisbi la diiwaan geliyo, sidaas darteed 20-kii Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay Xisbi ka mid noqdaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Bosaso[Puntland Post]-Munaasibadan oo ahayd mid ay ciidanku kusoo bandhigayeen gaado kaciyaar iyo waliba dhoolatus ayaa mudaddii ay socotay waxa halkaasi kahadlay saraakisha ciidanka badda Puntland ee magacooda looyqaano PMPF . Saraakisha ciidanka ayaa iyagu dhamaanba waxa ay hambalyo ku aadan sanad guuradaasi hawada umariyeen Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF,waxana ay ku amaanen howsha adag ee ay uhayaan shacabkooda. Taliyaha Ciidamada Badda Puntland ayaa Cabdirisaq Diiriye Faarax oo ka hadlay goobta ayaa ku dheeraday mihiimada ciidankan loo asaasay iyo waxayabaha ay Puntland ka qabtan. ”Sababtii loo asaasay ciidankani waxa uu ahaa ladagaalanka waxa loogu yeero burcad badeeda Puntland iyo sidokale dib usoo noolaynta sharciga xeebaha,waxana ay ciidankani kamid yihiin ciidamada Puntland ”Sidaasi waxa yiri Taliyaha ciidanka badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Cismaan ”Runtii waxaan leeyahay ciidanka sanadkan sanadkiisa kale ku gaara nabad iyo barwaaqo iyo idinka oo guta waajibaadkiina qaran ee idin saaran,waxana filaya in dadaal dheer oo lataaban karo aad qarankiina usoo gasheen hadana siiwada guulaysta”Ayuu yiri Admiral C/risaaq Diiriye Cismaan Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Ciidamada Badda Puntland oo u dabaal dagay sanad guuradii 8-aad ee aasaaskooda appeared first on Puntland Post.
  10. Kenya is set to acquire six new US-made light attack helicopter gunships in a multi-billion shilling deal that is being closed in the middle of severe austerity, an international arms magazine has said. Source: Hiiraan Online
  11. The recent arrest of Eritrea’s former finance minister is a troubling sign that repressive tactics continue despite changes in Eritrea’s diplomatic engagements. Source: Hiiraan Online
  12. Wareegto ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubaland,Maxamed Sheikh Cusmaan ayaa lagu mamnuucay in Booliiska iyo maamulka degmada Kismaayo ay ka garnaqaan khilaafaadka ku saabsan la’haanshaha dhulka. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Booliiska iyo dowladd hoose degmada Kismaayo aysan awood qaanuuni ah u lahayn,ka go’aan gaarista khilaafaadka dhulka,marka laga reebo in dowladda hoose ay hubiso,soona caddayso ducumintiyada la’ahaanshaha dhulka ee loo yaqaan(sabar logo),halka Booliiskuna mas’uul ka yahay fulinta awaamiirta hay’adaha sharciga. Sidoo kale wareegatada waxaa lagu caddeeyay in hay’adaha dowladdu aysan ka garnaqi Karin dacwadaha salka ku haya muranka dhulka,marka laga reebo hay’adaha garsoorka iyo guddiga xallinta khilaafaadka dhulka. PUNTLAND POST The post Jubaland: Awaamiir laga soo saaray muranka dhulka appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Onlien) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda. Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaa waxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah. Qofkii ugu horreeyey ee madax ka noqda xafiiska Zakawaat waxa uu ahaa Sheekh Fu’aad, kaasi oo dhammaan waxyaabaha loo keeno siin jiray dadka saboolka ah, taasi oo ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayey kadib sanad. Al-Shabaab ayaa qabtay fikrad ka duwan midda Sheekh Fu’aad oo ah in dhammaan xoolaha iyo dalagyada beeraha la iib geeyo laguna maal-geliyo dagaalada kooxda, ayada oo dadka saboolka ah laga siinayo wax aan badneyn. Xafiiska Zakawaat waxaa hadda maamula oo madax ka ah Sheekh Maxamed Mire, oo kasoo jeeda deegaanada Puntland. Xafiiska Maaliyadda ee kooxda Al-Shabaab waxaa markii ugu horreysay la sameeyey sanaddii 2008 kadib markii kooxda ay qabsatay dekedda Baraawe. Waxaa madaxii ugu horreeyey ka noqday nin loo yaqiin Al-Maqdisi oo kasoo jeeday magaalada Boosaaso, kaasi oo iminka geeriyooday. Al-Maqdisi ayaa waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab kasoo qaaday mid isku dhex-yaacsan oo aan dhaqaale badan soo ururin, wuxuuna ka dhigay mid ka mid hay’adaha ugu dakhli soo xareynta badan ee ka jira Soomaaliya. Waxaa hadda waaxdan madax ka ah Xasan Afgooye. Labada waaxood ayaa kooxda Al-Shabaab ka dhigay mid dhaqaale ahana isku filan, hase yeeshee waxaa lacag badan ay uga baxdaa saraakiil sare iyo dadka deegaanka ee sida hoose ugu shaqeeya, kuwaas oo jooga meel aysan kooxdan maamulin. Sidaas oo ay tahay Al-Shabaab marnaba kuma guuldarreysan inay mushaharkooda siiso dagalayahanadeeda iyo madaxdeeda. La soco qeyb kale oo si faahfaahsan u sharxi doonta labadanb xafiis, dakhliga ay soo xareeyaan iyo sida ay qiimaha canshuuraha ugu gooyaan. Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. A drunk police officer shot dead two colleagues in the Ethiopian capital Addis Ababa on Thursday, state-affiliated Fana Broadcasting Corporation reported. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Geneva ee Switzerland Guddoomiyaha hey’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Mudane Filippo Grandi kaas oo looga hadlay Arrimaha Qoxootiga Dalka Liibiya. Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale kala hadlay Filippo Grandi barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya,islmarkaana kaalmo u fidin degdeg ah loo lala gaari lahaa qaxootiga kahor intaanan dalka dib loogu celin iyo kadibba. Kulankan shalay ka dhacay magaalada Geneva waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva, Marwo Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya), Safiirka Soomaaliya ee wadamada la isku yiraahdo “Benelux” iyo Xarunta Midowga Yurub ee Brussels Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha Hey’adda Qaranka ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Cabdikarim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga gaarka ee Soomaaliya ee Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta, Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo UNHCR oo ka wada-hadlay Arrimaha Qaxootiga Soomaalida appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socota Munaasabad lagu daah furayo Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal dad ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho, waxaana ka mida tobanaan xildhibaan oo ka tirsanaa kooxdii Qabyo iyo Xisbiga Daljir, iyadoo hoolka ay ay camireen xubnaha xisbigii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh. “AAN MAR KALE MUDNAANTA SIINNO MAANDEEQ” ayaa halkudheg looga dhigay xaflada waxaana muddo 6 bilood ah hoggaanka xisbiga UPD loo caleemo saarayaa xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud. Soomaaliya ayaa la filayaa inay u gudubto nidaamka axsaabta siyaasadda, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku eg tahay diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, sanadka soo socda 2019 ayaa la ogolaan doonin in xisbi la diiwaan geliyo, sidaas darteed 20-kii Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay Xisbi ka mid noqdaan.
  17. Laba ka tirsan Booliiska dalka Ethiopia ayaa ku dhintay toogasho khamiista maanta ah ka dhacday magaalada Addis Ababa,sid ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga dalkaasi. Taliyaha Booliiska Federaalka Ethiopia, Zeynu Jemal oo la hadlay warbaahinta dowladda ee Fana Broadcasting Corporation(FBC) ayaa sheegay in toogashada lagu dilay labada askari ay ka dhacday degmada Bole oo ku taalla bartamaha Addis Ababa. Sidoo kale taliyuhu wuxuu sheegay in qofka toogashada geystay uu ahaa sarkaal ka tirsan Booliiska oo sarkhaansan,kadib markii uu khamri ka dhergay,waxaana uu intaasi raaciyay in sarkaalkaasna ciidamadu isla goobta ku dileen. Ciidamada Booliiska Federaalka Ethiopia ayaa gebi ahaanba xidhay goobta falku ka dhacay,waxaana haatan socda baaritaano dheeri ah oo ku saabsan dhacdadaas,sida ay Booliisku sheegeen. PUNTLAND POST The post Toogasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaqaalaha Soomaalida ee ka shaqeeya qaybta kala hagista diyaaradaha (Marshaalka) oo shalay shaqo joojin sameeyay ayaa saakay oo Khamiis ah dib ugu laabtay shaqadooda, kadib markii la xaliyay tabashadii ay qabeen oo sababtay inay sameeyaan shaqo joojin kumeel gaar ah. Shaqaalahan ayaa in ay shaqada joojiyaan waxa ay ka dambeysay kadib markii qaab qaldan shaqada looga joojiyay Farxaan Black oo madax u ah, ugu dambeyn kulan ay yeesheen madaxda shirkadda Favori ee maamusha garoonka iyo Farxaan ayaa keentay in la dhameeyo mad madowga jiray. Arrintan ayaa dhameynteeda waxaa kaalin weyn ka qaatay oo soo farageliyay wasaaradda duuliska hawada Soomaaliya iyo taliyaha nabad sugidda garoonka Aadan Cadde. Qaar ka tirsan shaqaalaha Soomaalida ee ka shaqeeya qaybta kala hagista diyaaradaha ayaa waxa aysheegeen in saakay oo Khamiis ah ay shaqada u bilaabeen si caadi ah, islamarkaana uusan jirin culeys shaqada dib u dhigaya. Madaxda Turkiga ee shirkadda Favori oo ah shaqsiyaad siyaasad badan ciyaaraya ayaa suuragal ah inay ka fekerayeen qorshe ay ku kala dilaan shaqaalaha Soomaalida ee isku duubnida muujiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Jigjiga (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha maamulka DDSI Mustafe Cagjar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu is hortaag ku sameeyay dadaal lagu doonaayay in cafis loogu fidiyo Madaxweynihii hore ee maamulka. Illo wareedka aan xogtaani ka helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu hor istaagay qorshaha Cafiska, isagoo taa bedelkeeda soo jeediyay in sharciga loo madax-baneeyo arrinta Cabdi Cumar. Mustafe Cagjar, ayaa dadaalkaasi lagu cafin lahaa ka hor istaagay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, Ganacsato iyo Odayaal ku xiran dowlada. Mustafe Cagjar, oo kulan saacado qaatay la yeeshay dhinacyadaas ayaa sheegay in Cabdi Cumar uu yahay danbiile sidaa aawgeed isaga iyo Cafis ay kala fogyihiin. Waxa ay xogtu intaa kusii dareysaa in Mustafe Cagjar uu dhinacyadaasi uga digay inay faragaliyaan arrimaha Cabdi Cumar oo uu sheegay inay marayaan meelo adag. Sidoo kale, Mustafe Cagjar waxa uu dhinacyadaasi u cadeeyay in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Kiiska Cabdi Cumar uu ku wareejiyay Xeer ilaalinta Ethiopia, sidaa aawgeed uusan diyaar u aheyn in xiligan uu faragaliyo Kiiska maxbuuska. Mustafe Cagjar, ayaa horay u sheegay in Cabdi Cumar uu yahay danbiile u baahan in la mariyo sharciga, isagoo si guud u carab ***** danbiyada lagu tuhmayo isaga iyo Taliyayaal ciidan oo si wada jira loo xiray. Si kastaba ha ahaatee, Mustafe Cagjar ayaa xeer ilaalinta horay ugu wargaliyay in faragalin la’aan lasoo xiro Kiiska Cabdi Cumar oo uu sheegay inuu abuuray cadaalad daro. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  20. Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa sheegay in weli ay socoto faragelinta madaxda DFS ay ku hayaan arrimo hoosaadka maamul goboleedka Galmudug. Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) oo u hadlaayay maamulka ayaa sheegay in DFS ay weli dhibaatooyin ku heyso maamulka. Masagawaa mar uu shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, ayuu sheegay in madaxda dowladda ay adeegsaneyso xubnaha aqalka sare ku matala Galmudug. Golaha aqalka sare ayuu sheegay inay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, islamarkaana ay ku milmeen faragelinta madaxda dowladda ay ku heyso Galmudug. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaa weli nagu socda faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka maamul goboleedkadka Galmudug” “Galmudug waxa ay weli qaati ka taagan tahay faragalinta dowlada oo hadda yeelatay waji cusub, iyaga oo adeegsanaya Senatarada aqalka sare ee Soomaaliya, waxaa cad in aqalka sare ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah” “Waxaanu qireynaa in Sanatorada Aqalka Sare ee na matala ay ku milmeen faragelinta dowladda ay nagu heyso waxa aan kula xisaabtami doonaa gudasho la’aanta matalaadooda” Masagga-waa, ayaa sheegay in la gaaray xilligii Maamulka Galmudug uu la xisaabtami lahaa xildhibaannada aqalka sare ku matala,kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay gabeen shaqadoodii. Waxaa weli muuqata inaan xal waara laga gaarin khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug oo mar marka ka dambeysa waji cusub yeelanaya, waxayna arrintu ka sii dartay markii xildhibaanada ay laba u kala qeybsameen, islamarkaana xilalkii ka kala qaadeen madaxda Galmudug. Dhinaca kale, Galmudug ayaa dowlada Somalia ugu goodisay inay kusii fogaan doonto xiisadaha kala dhexeeya, waa haddii aan faraha lagala bixin amuuraheeda gaarka ah. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  21. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo culus ka geysteen degaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aad u xooganeyd ayaa waxa ay si gaara uga dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo. Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa dhawr jeer ku laalaabtay goobahaasi oo la sheegay inay fariisimo ku lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab. Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay duqeynta taa oo soo gala gaartay maleeshiyaad taabacsanaa Al-Shabaab iyo dad rayid ah. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab iyo afar dagaalyahano oo isaga la soctay. Horjoogaha iyo maleeshiyada la sheegay in lagu dilay duqeynta ayaa kamid ahaa xagjiriinta sida aadka ah loo baadi-goobayay. Ma cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntan, balse waxaa socda baaritaan arrintan la xiriirta. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  22. War-murtiyeed ka soo baxay Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa looga hadlay war-murtiyeedkii labadii bishan ka soo baxay Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Golaha ay lama filaan ku noqotay war murtiyeed Aqalka sare ka soo saareen arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Goluhu ka walaacsan yahay in la dhinac maray war murtiyeedkii ay ka soo saareen shirkii magaalada Kismaayo gaar ahaan qodobkiisa 3.9, kaas oo ka digayay faragelinta arrimaha gudaha ee Galmudug. Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa ugu baaqay Aqalka sare ee Baarlamaanka inay qadariyaan mowqifkooda. Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u sheegay in ay dhexdhexaadinayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, balse sida muuqata kuma guuleysan karaan xal u helida khilaaf labada dhinac. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay kala jebiso Golihii iskaashiga dowlad goboleedyada, kadib markii ay heshiis la gaartay Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Dowlad goboleedyada oo ka hor-yimid warkii Aqalka sare ee Galmudug appeared first on Puntland Post.
  23. Saldhigga magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku xiran saraakiil ka tirsan Nabad sugidda, waxaana ammarka lagu xirey bixiyey guddoomiyaha cusub ee gobolkaasi Yuusuf Dabageed. Saraakiishan xiran ayaa kala ah taliyahii Nabad sugidda Hiiraan iyo sidoo kale kan B/weyne. Sababta ugu weyn ee loo xirey ayaa lagu sheegay in ay diideen xilka iney wareejiyaan kadib markii dhowaan uu xilka ka qaaday madaxweyne Waare. Dhanka kale, xiriir aynu la sameennay mas’uuliyiin sare oo maamulka Hiiraan ah ayaa ka gaabsaday in arrintan a faah faahin dheeraad ah naga siiyaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. When dozens of people died in ethnic clashes last month on the outskirts of Ethiopia’s capital, Addis Ababa, protesters took to the streets. The government, meanwhile, turned off the internet. Source: Hiiraan Online
  25. President Trump’s reintroduction of sanctions on Iran isn’t going over well with the international community. On Wednesday, the United Nations’ highest court ordered the United States to remove any restrictions on the export of humanitarian goods and services to Iran. Source: Hiiraan Online