-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa walaac gaara ka muujiyay faragalin uu sheegay inay ku heyso dowlada Somalia. Shariif Xasan oo kulan la qaatay qaar kamid ah waxgaradka maamulka ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay faragalin toosa ku heyso doorashada maamulka waxa uuna carab ***** inay garab boodeyso musharaxiin dhowr ah. Shariif Xasan waxa uu waxgaradka u sheegay in mowqifka maamulkiisa uu yahay in laga hortago faragalinta dowlada, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan aysan ka raali noqon doonin in doorashada maamulka ay farabadato. Dowlada Somalia oo ka duuleysa cabashada musharaxiinta qaar ayaa Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uga digtay in ololaha iyo dhaqdhaqaaqa doorasho uu isku koobo. Dowladu waxa ay Shariif Xasan uga digtay hal arrin oo ku aadan inuu cuuryaamiyo ololaha musharaxiinta kula tartameysa doorashada. Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa koobay ololaha musharaxiinta la tartameysa waxa uuna si ku talo gala u mamnuucay in munaasabado ololo doorasho lagu dhigto gudaha magaalada. Dhinaca kale, musharaxiinta qaarkood ayaa iminka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho sababo la xiriira amni darro kaga imaada dhanka maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi aqristoow, danjireyaasha/safiirada Soomaaliya dunida ukala fadhiya, waxeey matalaan dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed. Waxaa waajibkoodu yahay, ineey danaha dalkeena Soomaaliyeed waxkasta kahormariyaan. Waxaa muhiim ah in lawada ogaado, in Safiirkastee Soomaaliyeed, uu dalkeena Soomaaliya ku matalikaro dalkale mudo 4-sano ah oo kaliya. Hadiise looga maarmiwaayo, waxaa loogu kordhinkaraa mudo 4-sanoo dheeri ah, taasoo ugu badnaan mudada uu Safiir Soomaaliyeed, hal dal kumatalikaro Soomaaliya kadhigeeysa 8-sano. Sidaa waa sida sharciga dalka uyaalla ah.Waana dhaqan caalamka oo dhami kuwada dhaqmo. SAFIIRADEE AYAA 8-SANO KABADAN HAL DAL WALI ISKASII FADHIYA? Waa xaqiiq in Soomaaliya marka qof safiir loomagacaabayo iyo inuu siijoogaba, loofiiriyo waxyaabo badan. Ha ahaato saaxiibtinimo, isku kooxnimo, qaraabonimo, xigto & xigaalonimo, iyo “Mararka qaarna” isku dheelitirka nidaamka qabyaaladeed ee lamagacbaxay: Afar iyo bar (4.5). Waxaan garanayaa nin safiirnimo lagu abaalmariyey, maadaama uu darawal khaas ah u ahaa, mid kamid ah Janannadii ugu awooda badnaa ee dalkeena soomara! Waxaa sidoo kale jira safiiro mudo aad udheeroo 8-sano kabadan, hal dal iska fadhiya. Qaarbaa hal dal Soomaliya uga ah danjire, lagasoo bilaabo xiligii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo xukunka dalka lawareeyagy 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii illaa iyo maantadan lataagan yahay! Waa mudo laga joogo 49-sano! Hadii xitaa eey xilkaa qabteen 1991-dii, waxeey noqoneeysaa mudo laga joogo 27-sano! Waloow eey aad ubadan yihiin, hadana tusaale ahaan waxaa ka mid ah: Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuweeyt: Danjire Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuweeyt Danjire C/qaadir Amiin Sheekh C/qaadir Amiin Sheekh, iyo danjiraha Soomaaliya ufadhiya dalka Suuriya/Syria: Danjire Maxamuud Muuse taareey.Waxaa usiidheer in Safaarada Suuriya tahay, Safaarada kaliya ee labo wadadhalatay “Kala dumaashay!”, iyadoo labadali kariwaayey, dagaalada Suuriya inta eeysan bilaaban kahor. Waxaa sidoo kale jira qaar safiiro hal dal inooga ah, lagasoo billaabo xilligii madaxweyne C/llahi Yuusuf Axmed, oo madaxweynaha dalka noqday 14-kii bishii Oktoobar 2004-tii, oo ah mudo laga joogo 14-sano. Waloow eey iyagana badanyihiin, hadana tusaale ahaan waxaa ka mid ah: Safiirada Soomaaliya ee dalka India: Marwo Ebyan Maxamed Saalax (Ladane), iyo qaarkaloo badanoo safiiro hal dal inooga ah lagasoo billaabo xilligii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo madaxweynaha dalka noqday 31-kii bishii Janaayo 2009-kii, oo ah mudo laga joofo 9-sano. Dabcan liiska danjirayaashaa oo dhameystiran, waxaa laga helayaa wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.Wax kaqabasho degdeg ah, ayey arintani uga baahan tahay xukuumada maanta jirta. Danjiraha Soomaaliya ee dalka Syria Maxamuud Muuse taareey Dhanka kale; sababaha danjireyaashaa ujoogaan dalalkaa shisheeye mudadaa dheer, weey kala duwan tahay. Qaar iyagaa markastoo madax cusub ladoorto, iskala hadla, iyagoo cidkastoo eey arintaa ula kaashankaraana usiikaxeeysta, kadibna waxeey kudadaalaan, ineeysan warbaahinta kasoo dhexmuuqan, si eeysan unoqon kuwo indhuhu qabtaanoo lasoo xasuusto.Tusaale ahaan waxeey kafogaadaan qabashadaha dabaaldagyada heerka qaran, sida: Koowda Luulyo. Waxeey ka cararaan ka qeybgalka xafladaha Soomalida, gaar ahaan kuwa ardeyda ee lagu sawiri karo…. IWM. Safiirka Soomaaliya ee dalka India Ebyan Maxamed Saalax Ladane Waxaan garanayaa safiir mudo dheer dal shisheeye danjire inooga ahaa, oo dhowr jeer safiiro cusuboo lagu badali lahaa, markeey utageen hoteellada eey dageen usoo dhaafiwaayeen, oo dowladii dalkii uu inoomatalayey inta kudiray, iyagoo baxsad ah, isagasoo cararay. Ugu dambeyn si aan mardambaba cid lagubadaloba loogusoo dirin, ayaa wuxuu go’aansaday inuu wasaarada arimaha dibada Soomaaliya kanoqdo, xog-hayaha joogtada ah, si uu xilkiisa safiirnimo halkaa uga waardiyeeysto, xilkoo rasmi ahoo mushaar rasmi ah uu dowlada uga qaatana kudarsado kiisii safiirnimo, kadib markii uu ugasoo tagay siikala hagida safaarada kuxigeenkiisii. Safaaradii uu safiirka inooga ahaana, wuxuu tagijiray ookaliya, xiliyada uu fasaxa qaato. Bal isweeydii sida arintaa kudhicikarto? Waxaase jira kuwo la isku dayey in labadalo, balse dowladihii kumeel-gaarka ahaa, iyo xitaa qaar ka mid ah dowladihii ina soomaray markii kumeel-gaarnimada lagabaxay, badali kariwaayeen. Danjire Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), oo hore u ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho, dhawaanahanna ahaa lataliye saree xafiiska Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha siyaasadda, ayaa mar uu jaaliyada Puntland ee Minnesota lakulmayey, wuxuu afka kudhuftey, danjireyaasha Soomaaliya ukalafadhiya dalalka Kuweyd iyo Sucuudiga, inkastoo kan Sucuudiga goor dambe lagu badalay danjire: Daahir Maxamuud Geelle, oo hada ah wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya. Danjire Tarzan wuxuu khudbadaa kusheegay, in dalalkaa carbeed ee safiiradaa Soomaliya umatalayeen, eey diideenba in labadalo! Iyagoo ku andacoonaya, ineey iyaga bixiyaan waxkastoo kharashaad ah, oo kubaxa safaaradahaa iyo shaqaalaheedaba, sidaa daraadeedna aan labadali karin, hadii labadalayana, looga baahan yahay dowlada Soomaalida ineey labaxdo, waxkastoo kharashaad ah, oo kubaxaya Safaarada iyo shaqaalaheeda intaba.Wuxuu danjire Tarzan siiraaciyey in safiiradaa, iyo kuwa la midka ahba, eeysan Soomaaliya meesha ujoogine, dalalkaa qarashaadkooda labaxa uyihiin jawaasiis mushaar qaata, dadka eey matalaana kaganacsada, dukumiintiyada dowladana suuqa-madoow kuqata. Wuxuu sidoo kale afka ku dhuftay, in la iskaga magacaabijiray danjirayaal wadamo aan safaarad, guri-safaaradeed, ama gaari toona laheyn, sida dalka Senegal ookale, oo sida uu sheegay, la isaga magacaabay “Nin saaxiibkiis ah”. Safiirkaa ma aheyn mid hal maalinna dalkaa loomagacaabay ee Senagal kashaqeeyey inkastoo ciwaankaa (title-kaa) uu qaatay kufaano meelkasta. Safiirkaa Soomaaliya umagacoowdey dalka Senegal, xiligii MD Sh.Shariif wuxuu ahaa: Maxamed Xuseen Awliyo. Fadlan Video-ga khudbadiisa halkan kadaawo, laga bilaabo daqiiqada 22:58 illaa daqiiqada 24:03. Daqiiqadahaa ayuu arimahaa oo dhan uga wada hadlayaa. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.
-
Waddanka Singapore waa dal ku tilmaaman maamul wanaag iyo musuqmaasuq yari. Waa waddan loo soo qaato tusaale xag waxbarasho fiican iyo caafimaadka oo heersare ah. Waa dal ku jira dalalka ugu haboon in ganacsi laga bilaabo ama lagu asaaso. Waa dal si fiican u dhisan ha ahaado dhanka wadooyinka, dhanka ciidamadda, dhanka garoomadda dayuuradaha, dhanka dekedaha. Waa wadamada ugu horeeya xagga isgaarsiinta internet ka. Waa dal xiriir fiican la leh dhamaan deriskiisa aduunkana ku leh magac weyn iyo maamuus. Lee Kuan Yew waxa uu raysulwasaare (Prime Minister) ka ahaa Singapore mudo afartan (40) sano ah oo aan kalo go ku jirin. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Aabihii dalka Singapore. Mar waraysi lala yeeshay hogaamiyahaas ayaa la weydiiyey: Ma noo sheegi kartaa arinta kuu sahahashay in aad gaarto horumarkaas la taaban karo mudadaas yar adiga oo dalkaagu uusan lahayn wax khayraad ah? Waxaa uu ku jaawabay: Ciribtir musuqmaasuqa dalkaaga waad gaari doontaa miraha Singapore oo kale! Haddaba sidee ayuu Lee Kuan Yew ku ciribtiray musuqmaasuq? Dhexdhexaadkii 1950’s waxa uu gemeysigii Ingiriiska kaga tagay dalka Singapore sharci dejin daciif ah, shacab aan waxbarasho lahayn, shaqaale mushaarkoodu yaryahay, dhaqaale burbursan, musuqmaasuq baahsan iyo weliba mustaqbal aan fiicneyn. Waxaa la yiri maalintii Singapore loo dhiibay Lee Kuan Yew murugo ayuu la ooyay, waa markii uu si fiican u arkay meesha dalkiisa ku suganyahay dhan walba wuxuu ahaa wadan aan rajo fiican lahayn oo quus ku dhow. Lee Kuan Yew iyo xisbigiisii la oran jiray “People’s Action” ayaa doorashidii ku guuleystey ayaga oo halhayskooda doorashadu ahayd “Ma dooneysaa in aad la dagaalanto musuqmaasuq? Hadaba u diyaar garoow in aad xabsiga dhigto saaxiibadaa iyo qaraabadaada” “You want to fight corruption? Then, be ready to send to jail your friends and relatives”. Hadaba waxaa xusid mudan in afar qodob oo muhiim ah ay u sahashay in Dawladii Singapore ay ciribtir waara ku sameyso musuqmaasuqa oo ka suuliso dhamaan dalkaas waxa loo yaqaan musuqmaasuqa. Qodobadaan sahlay ciribtirka musuqa waxaa ay ahaayeen afar (4) qodob: Qodobka 1aad: Aas aaska hay’ad madax-bannaan oo la dagaallanta musuqmaasuqa. Waxaa xusid mudan in dawladii isticmaarka ee Ingiriisku kaga tagtay dalka Singapore xafiis la oran jiray “Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa” ama afka ingiriiska “Bureau of Corruption Investigation (BCI)” laakiin awooddiisa waxay ahayd mid aad u jahwareersan. Shaqaalah xafiiskuna waxaa ay mashquul ku ahaayeen kiisaska yaryar ee qaybaha hoose iyo dhexe ee bilayska, wax kormeer ahna ma aysan lahayn. Lee Kuan Yew ayaa si weyn u xoojiyay xafiiskaas BCI waxaana lagu sameeyey isbedelo waaweyn oo u yeelay miciyo uu wax ku qaban karo iyo madax banaani xalaal ah oo gaarsiisay in xafiiskaas uu baaritaan markii danbe ku sameeyey Lee Kuan Yew laftiisa. 2. Qodobka 2aad: Xasaanadda oo difaaci karin mas’uuliyiinta lagu helo musuqmaasuqa: Dhamaan masuuliyiinta dawlada, saraakiisha iyo qoysaskoodu waxaa loo diiday in ay isku difaacaan xasaanad, waa haddii lagu tuhmo ama lagu helo musuqmaasuq in ay faraha la galeen. Wakiilada Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa (Bureau of Corruption Investigation (BCI) ) waxay xaq u leeyihiin inay baaraan oo koontaroolaan xisaabaadka bangiga ee saraakiisha dawlada iyo weliba hantida kale ee carruurtooda, xaasaskooda, qaraabadooda iyo xitaa saaxiibadooda. Haddii la ogaado in nin dawladda u shaqeeya naftiisa, ama xaaskiisa, ama caruurtiisa, ama qaraabadiisa, ama saaxiibadiisa dhow dhow ay helaan ama haystaan hanti aysan horey u haysan jirin intuusan xilka qaban waxaa si deg deg ah Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa u bilaabi karaa baaritaan toos ah iyada oo aan wax amar hore ah laga soo qaadin maxkamad ama xafiis kale. Waxaa awood aad u badan la saaray in sharciga lala tiigsado dadka meelaha waaweyn ee dawlada fadhiya sida wasiirada, garsooreyaasha maxkamadaha, balayska, iyo dhamaan ilaha dawlada ay dhaqaalaha culus ka soo galo.Waxay kaloo dawladu ka deysey hawlaha yaryar ee shacabka loo qabto in ay noqdaan lacag la’aan si aan laaluushba meesha u imaanin. Waxaa kale oo awood loo siiyay in maxkamadu ay dhamaan xoolaha lagu helay musuqmaasuqa ay gacanta ku dhigi karto dhamaan. Wax haba yaraatee lagu qaatay musuqmaasuq ma dhici karto inuu ku raaxeysto nin dawlada u shaqeyn jiray, xataa haddii muddo dheer ka soo wareegto. Sanadkii 1989 waxaa ganaaxa musuqmaasuqa loo sii kordhiyay boqol kun ee doolaar ka Singapore meeshii uu awal ka ahaan jiray toban kun. Waxaa laga dhigay dembiga ugu weyn ee qof geli karo dalka Singapore inuu been u sheego dembi baarayaasha Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa. Waxaa xusid mudan intii uu xafiiskaan jiray inuu dhowr jeer baaray Ra’iisul wasaaraha dalka qudhiisa iyo reerkiisa ayna baaritaankaas ka soo baxday inuusan Prime Minister ka iyo qoyskiisa midkoodna lunsan hanti dawladeed. Waxaa kaloo xusid mudan in Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa ee dalka Singapore uu xabsiga dhigay dhowr wasiir oo ka tirsan dawladda federaalka, hoggaamiyayaasha ururada shaqaalaha, hogaamiyayaasha bulshada iyo madaxda sare ee shirkadaha dawladda, kuwaas oo Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa ku helay musuqmaasuq ay sameeyeen. Tanaasulkii iyo garab siintii madaxda oo la joojiyay Waxaa tusaale kuugu filan sida loo adkeeyey la dagaalanka musuqmaaqusa dalka Singapore. Wasiirkii cimilada ee la oran jiray Wee Toon Boon ee sanadkii1975, wuxuu safar ku aaday dalka Indonesia asaga iyo qoyskiisa. Waxaa bixiyay safarkaas qarashkiisa shirkad dhisaysay guryo ay u dhiseysey shaqaalaha wasaaradiisa. Waxaa kaloo ay shirkadaasi siisay wasiirkaas guri joogay shan boqon oo kun ee lacagta Singapore. Waxaa kale oo aabihii bangiga ka qaatay laba deymood oo middiiba tahay sadex boqol oo kun oo shirkadaas ay damiin ka noqotay. Markii Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa uu soo ogaaday, wasiirkaas waxaa lagu xumkumay afar sano iyo lix bilood. Waxaa kale oo dawladu ka dhacday dhamaan hantidii lagu siiyay sida xaaraanta ah ee musuqa ku dhisneyd. Dakhliga iyo Nolosha oo la is garab dhigay Waxaa aad loo ilaalshay in shaqsiga shaqaalaha dawladda noloshiisa iyo mushaarkiisa ay is qaban karaan. Taas macneheedu waxaa weeye in nin karaani ka ah xafiis ka mid ah xafiisyada dawladda oo mushaarkiisu yaryahay laakiin ku nool nolol qaali ah oo mushaarkaas uu qaato uusan u saamixi karin, in baaritaan lagu sameeyo. Waxaa kale oo arintaan sii caawiyay in laga badalay in dawladu cadeyso in aad wax xaday oo loo wareejiyay in qofkii tuhun musuqmaasuq galay asagu uu yahay mid laga rabo cadeyn. Haddii nin masuul ka ah qayb ka mid ah dekedda lagu helo asagoo guryo dhaadheer dhisanaya, ninkaas waa dambiile ilaa uu cadeyn sax ah ka keeno inuusan lacagtaas si xaaraan musuqmaasuq ah ku soo gelin. Ma ahan in dawladu soo cadeyso in aad xaday iyo in kale maadaamo aysan dhici karin in mushaarka aad dawlada ka qaadato aad ku dhisto dhulkaas ama guryahaas. Tusaale kale, waxaad tahay nin wasiir ah, oo markii jagada laguu dhiibay wax haba yaraatee lacag ah ama hanti ah oo aad sheegatay ama lagaa tiriyay ma jirin. Markii aad xukunka haysay lix bilood ayaad guri weyn dhisatay ama dalka dibadiisa ka gadatay guryo. Wasiirkaas dawladda Singapore agteeda wuxuu ka yahay nin sameeyey musuqmaasuq oo danbiile ah intii uu ka keenayo cadeynaya in uusan lacagtaas ku helin musuqmaasuq. Kolkii hore, dawlada ayaa laga rabay in ay soo cadeyso in aad lacagtaas xaday iyo in kale. Hadda laakiin waxaa loo bedelay sida kale taas oo shaqadii u dhib yaraysay Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa. Haddii markaas ay dhacdo in uu masuulkaas soo cadeyn waayo sida uu ku keenay hantidaas, waxaa lagu soo rogayaa xoolihii oo dawladu la wareegto, asaga oo ganaax adag oo lacag ah la dul dhigo, iyo weliba asaga oo xabsi dheer lagu xukumo laguna soo bandhigo bogga hore ee joornaaladda madax banaan waxa uu sameeyey oo halkaa ceeb weyn ay ka raacdo. 3. Qodobka 3aad: Mushaarkii oo la badiyay si daacadnimo loo helo: Markii uu qodobada koowaad iyo labaad ee ciribtirka musuqmaasuqa sameeyey, Lee Kuan Yew wuxuu soo saary oo ku dhawaaqay in shaqaalaha dawladda la siiyo mushaaraadka ugu badan sababtoo ah waa ay u qalmaan, waa haddii la rabo in la helo shaqaale matalaya xukuumad hufan oo daacad. Lee Kuan Yew wuxuu ku dooday, haddii mushaar aan ku filneyn la siiyo shaqaalaha dawladda, waxaa ay ku dhacayaan ama ay sameynayaan musuqmaasuq. Kordhinta mushaarka shaqaalaha dawladda waxaa kale oo ka dhashay in dawladdu ay soo jiidato ardada ugu buundada badan jaamacadaha iyo weliba dadka khubaradda ah ee takhasuska gaarka ah leh, isla markaana kala wadi kara hawlaha shaqada dawladda. Dalka Singapore waxaa isla markiiba bilowday inuu dhaqaalihiisu si xawli ah u kobco isla markaana Lee Kuan wuxuu bilaabay inuu sii kordhiyo mushaharkii shaqaalaha asagoo barbardhigaya ama ku jimeynaya lacagta ay qaataan shaqaalaha ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waxaa uu gaarsiiyay mushaarka shaqaalaha rayidka ah iyo garsoorayaasha maxkamaddah, iyo booliiska mushahar u dhigma kuwa ay qaataan madaxda shirkadaha madaxa banaan ee ganacsiga.Laakiin Lee Kuan Yew intaa ugama harine, waa uu sii balaariyey mushaarka wasiirada, garsooreyaasha iyo shaqaalaha rayyidka ah oo wuxuu si toos ah ugu xiray dakhliga ka soo xarooda canshuuraha. Ilaa maantadan aan joogno dalka Singapore shaqaalaha dawladda waxaa lagu qiyaasaa 2/3 dhaqaalaha soo gala dadka u shaqeeya shirkadaha waaweyn ee gaarka loo leeyahay. Taas oo macneheedu yahay ninka u shaqeeya dawladda Singapore iyo ninka u shaqeeya shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay ee dalkaas waa isku mushaar, haddiiba uusan kan dawladdu mushaar badenyn. 4. Qodobka 4aad: Warbaahinta: Waxaa la sameeyey warbaahin madax banaan oo si hufan war sugan oo xalaal ah soo gudbineysa. Waxaa laga doonayaa warbaahintaas in ay dhammaan kiisaska la helay ee musuqmaasuqa ay si hufan oo eex iyo xishood toona ku jirin ay u soo gudbiyaan. Shaqsigii lagu helo musuqmaasuq wuxuu noqonayaa mid laga helo bogga koowaad ee joornaaladda ka soo baxa dalka. Afartaas qodob ee aan kor ku soo xusay ayaa u sahashay in dalkaas yar ee Singapore oo ahaa dal faqiir ah, waxbarasho lahayn, aan lahayn wax khayraad ah isla markaana jiritaankiisa iyo mustaqbalkiisu mid mugdi ku jiray in muddo ka yar afartan sano uu noqday dal uu aduunku ka dhigto tusaale xagga maamulka wanaagsan, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha iyo weliba nabadda. Cali Cusmaan Cilmi ccusmaan@gmail.com
-
Ismaamulka Soomaalida waxaa bil gudaheed soo maray seddex madaxweyne, ka dib rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac salka ku haya kala shaki dhinaca isirka ah. Arrintaas waxay ka dhalatay markii Jigjiga ay ka billowdeen rabshado u xuubsiibtay boob iyo bililiqo baahsan. Maamulka madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu eedda rabshadihii dhacay dusha ka saaray dawladda dhexe ee federaalka Itoobiya. Waxaa isla wakhtigaas iyagana billowday wadahadallo ay magaalada Diri-dhabe ku yeesheen odayaal iyo dhallinyaro ka soo horjeeday nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar. Ugu dambayntiina, wuxuu Cabdi ku dhawaaqay 8 sano oo uu gobolka xukumayey ka dib inuu xilka ka degey, ka dib culays badan oo la soo dersay. Maalmo ka dib waxaa Cabdi laga dhoofiyey Jigjiga, waxaana loo qaaday Addis Ababa, halkaasoo muddo gaaban oo xabsi guri uu ku jiray ka dib maxkamad la soo taagay. Dacdaw oogayaasha ayaa weydiistay maxkamadda in ay siiso 14 maalmood oo ay ku soo dhamaystiraan caddaymaha dacwadda ay ku oogayaan Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix qof oo kale, waxayna dalbadeen in xabsiga lagu sii hayo, maxkamadduna way ka aqbashay codsigaas. Dhinaca kale, waxaa iyaguna socday isku dhacyo meelo kala duwan laga soo sheegay, waxayna u dhaxeeyey Soomaalida iyo Oromada, kuwaasoo aan weli xal laga gaarin. Waxaa si degdeg ah oo KMG ah loogu magacaabay madaxweynenimada gobolka, Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo ah nin dhallinyar oo maamulka ilaa jago wasiirnimo ka soo qabtay, hase yeeshee wax badan xilka ma uusan sii haynin. 22kii bishan Agoosto ayaa xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya wuxuu Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar) oo ahaa sarkaal u shaqaynayey Qaramada Midoobay u xushay madaxtinimada ismaamulka Soomaalida. Sidoo kale Axmed Shide oo ah wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo xisbiga, waxaana durbadiiba laga saaray xubno loo arkayey inay ku feker yihiin madaxweynihii hore. Dikareeto cusub oo uu todobaadkii iminka dhamaaday soo saaray Mustafe cagjar wuxuu xilka kaga qaaday saraakiil muhiim ah oo uu ku jiro taliyihii awoodda badan lahaa e ciidanka Liyu booliska, C/raxmaan laba Go’le. Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in la kala diri doono ciidankaas oo uu abuuray madaxweynihii hore. Tallaabooyinkan oo dhan ayaa loo arkaa in ay salka ku hayaan isbeddellada uu dalka ku soo rogay ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Axmed, oo isaga qudhiisa xukunka qabtay dabayaaqadii bishii Abril ee sannadkan, ka dib markii loo caal waayey mudaaharaadyo rabshado watay oo ka dhacayey deegaannada uu ka soo jeedo ee gobolka Oromada. Rabshadahaas waxay keeneen in ninkii isaga ka horreeyey, Hailemariam Desalegn uu is casilo, waxaana Abiy loo arkayey nin magacaabidiisa ay rabshadahaasi dejin doonaan. Dadka ku fikirka ah Cabdi Maxamuud Cumar waxay qabaan in rabshadahaas iyo cawaaqibkii ka dhashay ay yihiin waxa fidnada ka bilaabay dhulka Soomaalida, halka kuwa ku kacsan Cabdina ay ku doodayaan in Cabdi Maxamuud Cumar uu sababsaday siddeed sano oo dhulka Soomaalida ay ka dhacayeen xadgudbyo iyo cabburin dhan ka ah xuquuqul aadanaha. Madaxda cusub waxay iminka ku beer laxawsadeen dadka in ay soo celinayaan dhamaanba waxyaabihii uu nidaamkii hore mamnuucay sida calankii hore, heesta calanka iyo maalmaha fasaxyada ee todobaadka. Haddaba dadka badankiis waxay aaminsan yihiin in xal uu imaan doono aakhiritaanka, hase yeeshee su’aashu waxay tahay intee buu qaadan doonaa? BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Heshiiskani oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxa uu u dhexeeyay dowladaha Somalia iyo Ethiopia, kaa oo la sheegay in lagu xoojinaayo xiriirka labada dal. Heshiiska oo u dhexeeyay Wasaaradaha arrimaha dibadda Somalia iyo Ethiopia ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaana lagu xusay in leyska kaashanaayo Xiriirka Iskaashiga, Siyaasada, Horumarka, Biyaha iyo qodobo kale. Qoraal Heshiiska looga hadlaayay oo lagu soo daabacay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay muhiimadda heshiiska labo geesoodka ah uu u leeyahay labada dal. QORAALKA WASAARADDA AYAA U QORNAA:- Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, daris wanaag, ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida. Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa’ido ugu jirto labada dal. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa heshiisyo lagu xoojinayo labada dal ku kala saxiixday Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Two soldiers have been killed and two others injured in a roadside explosion in south of Somali capital Mogadishu The explosion hit military vehicle carrying soldiers near Afgoye town, leaving 2 soldiers on board, a witness said. He says a female service member had been among the victims. There was no immediate claim of responsibility for the Friday’s explosion, but such attacks are often carried out by Al Shabaab. The group has been waging insurgency more than 10 years in Somalia. Al-Shabaab, which once controlled Mogadishu capital in 2011, wants to tople the weak-western backed government of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degaanka Buulalow oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi gelinkii dambe ee maanta qarax lagula eegtay ciidan ka tirsan dowladda federaalka. Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Gaariga qaraxa miino lala eegtay ayaa ka yimid degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose balse markii uu halkaasi marayey ay miinada haleeshay. Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa la sheegay inay tahay dhimashada Darawalkii waday Gaariga oo ahaa Askari iyo haweeney la socotay, halka laba Askari oo kale ay ku dhaawacmen Qaraxa. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo gurmad u fidiyey ciidamadii ku waxyeeloobay qaraxaas. Askarta ku dhaawacantay qaraxan ayaa waxaa la keenay isbitaalka magaalada Afgooye, halkaasi oo lagu dabiibayo, sida ay inoo sheegeen saraakiisha caafimaadka. Xaalada deegaanka uu ka dhacay Qaraxa ayaa hadda ah mid degan waxa ayna dadku yihiin kuwo dareemaya cabsi maadaama ay kordheen Qaraxyada iyo weerarada. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Wiil uu dhalay Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur. Marxuumka la dilay oo ahaa Askari ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cumar Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur. Wiilkaani ayaa waxaa lala dilay Askar kale oo ka tirsanaa ciidamada dowlada kuwaa oo lagu soo qaaday weerar Seddex jiho ahaa. Wiilkaani lagu magacaabi jiray Cumar oo uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ahaa Taliyihii la socday ciidamada dowladda ee fariisinta ku lahaa Mukayga degmada Afgooye,isla markaana gurmad ahaan uga soo baxay dagaalka sidaana uu ku dhintay. Marxuumkan ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen rasaas badan xili uu doonaayay in isaga iyo ciidamo uu watay ay u gurmadaan weerar qabsaday ciidamo ka tirsanaa dowlada kuna sugnaa degmada. Sidoo kale, weerarka lagu dilay wiilkan uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaan ka hadal maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia. Dhinaca kale, dowlada Somalia qudheeda kama aysan hadal dagaalka uu ku dhintay wiilka uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya oo isagu gurmad u ahaa ciidamo la weeraray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Four people have been killed and six others injured in ambush attack on army base in south of Somali capital Mogadishu. The attack happened in Afgoye town, some 30km south of the capital after heavily armed Al Shabaab attacked on army base in the town. Four people – 3 soldiers and a civilian man were killed in the attack, according a witness, who asked to be anonymous. He says six other soldiers were also injured in the ambush attack. Former State Minister at Presidentail Palace, Abdulkadir Mo’alim’s son, Omar Abdulkadir Mo’alim, a soldier was among those who were killed in the attack, according to sources. In a statement aired by Radio Andulus, Al Shabaab mouthpeice, said the group’s also took away 5 AK-47s and destroyed military vehiclea. “We carried ou an ambush attack in parts of Afgoye town, we killled soldiers and seized weapons”, the group said. There was no immediate comment from Somali military officials over the claims. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
NAIROBI (Caasimada Online) – UK PM Theresa May has pledged to boost additional funding to support international efforts to build long-term stability in Somalia. May urged The international community to do more to help the African Union lead the fight against al-Shabaab as Somalia takes on greater responsibility for its own security. The UK has a strong track record both in supporting the African Union and helping Somalia rebuild its police and military forces after decades of insecurity. The announcement was made after PM may visited to its troops’ training camp in Nairobi to see British troops helping soldiers from Kenya and the region to be deployed as part of AU Mission in Somalia. British instructors and their Kenyan counterparts are training troops in the tactics and techniques needed to identify and destroy the home-made bombs which are increasingly the weapon of choice for terrorists in the region. May has announced over £7 million of new UK funding to support the AU’s peacekeeping mission in Somalia. She called on international donors to contribute more, setting out that an unstable Somalia has a knock-on effect on stability across the region and further afield. “Somalia is at a critical juncture and sustainable, predictable funding and support for the troops who are building stability in the region is vital to support a transition to Somali-led security, when the conditions for a handover are right”, she said Last year the UK contributed £385 million towards international efforts to help the Somali people build an increasingly secure, stable and prosperous country. UK also hosted the London Somalia Conference in 2017 which agreed the international community’s partnership with Somalia. May says over £60 million is intended to help over a million people affected by conflict and drought. While more than £25 million will go to support Somalia as it works to establish a stable and democratic political system. However, UK has deployed dozens of its forces to train and help Somali National Army forces battling against Al Qaeda linked Al-Shabaab. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Heshiis ay ku kacaysay €132 milyan ayey dawladdii uu madaxwaynaha ka ahaa Xassan Shiikh Maxamuud Bishii July 29, 2013 la gashay Shirkadda AMOSC , si ay u sameyso lix markab oo ah kuwa ciidanka. Heshiiska waxaa lagu xusay in maraakiibtan ay noqonayaan kuwa rondo ka sameeya xeebaha Soomaaliya, xilli aysan Soomaaliya lahay ciidan badeed. Arrinka kale ee la yaabka lahaa ayaa ah in heshiiska ay kamid tahay in Soomaaliya bixiso lacag Lix Milyan oo Yuuro ah isla marka heshiiska la saxiixo, balse dowladdu ma aaney bixin lacagtaa, waxa ayna iminka shirkaddu dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbisay maxkamad. Dukumiintiyo ay shirkadda AMOSC oo saldhiggeedu yahay jasiiradda Qubrus ay si ula kac ah hoosta kaga dusisay warbaahinta ayaa muujinaya warqado ay u direen madaxdii dowladdii hore oo ay ku codsaneen bixinta lacagta hormariska ah, balse cidina aaney ka jawaabin. Caasimadda ayaa ogaatay in mas’uuliyiin kamid ah dowladdii hore ay heshiiskaan ka lahaayeen qorshe ay si gaar ah uga macaashaan, iyaga oo ka warqabay natiijada aan wanaagsaneyn ee ka dhalan karta. Heshiiska Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Taliyihii ciidanka ilaalada badda Faarax Qare. Falanqeeyayaasha ayaa fasiraad u heli waayay sababta mas’uuliyiintii dowladda ku qasabtay in galaan heshiis nuucaan ah iyaga oo ka warqaba miisaaniyadda dowladda oo isu geynteeda sanadkaa ka yareyd qiimaha heshiiska ay shirkaddan la galeen. Lacagtii lagu heshiiyay in ay bixiso Soomaaliya iyo lacago dul-saar ah oo ku kordhay kuwaas oo marka leesu geeyo noqonaya $183 milyan, waxa ayna u muuqataa in ay caqabad kale ku noqoneyso howlgalka xukuumadda ee deyn cafinta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
BEIJING (Caasimada Online)- Somalia’s president has held talks with his China counterpart, Xi Jinping in Beijing, ahead of Forum on China-Africa Cooperation. Mohamed Abdullahi Mohamed, known as Farmajo commended President Xi Jinping on his reform policies that led China towards sustainable progress. The presidents discussed on bilateral relations, multilateral cooperation, trade and investment and new goals towards economic cooperation. In a statement, Mr. Farmajo says China’s historic relations with Somalia which has always been based on mutual objectives and strong friendship. He said: “We recognized China’s invaluable contribution, and encouraged further engagement in development support, investment and trade links between China and Somalia.” For his part, President Xi Jinping welcomed the latest progress, political and economic reform agenda made by Somali president. The leaders also discussed Somalia’s participation in FOCAC and the potential of the Belt and Road Initiative which will enhance connectivity and promote economic development. Somalia had signed an MOU to join the Belt and Road Initiative as well as an agreement on enhancing Economic and Technical Cooperation in Beijing. The agreement was jointly signed by Somali Foreign Minister, Ahmed Isse Awad and Commerce and Industry Minister Mohamed Abdi Hayir, according to the statement. The leaders, however, reaffirmed commitments to build on the existing cooperation, pursue new frontiers in economic connections and other partnerships in development initiatives. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Former Chief Administrator of Ethiopian Somali regional state, Abdi Mohammed Omer, and three other officials, who lost their immunity from prosecution last Sunday, appeared in court today. They appeared at the Federal High Court 19th criminal bench on suspicion of direct involvement in human rights abuses in Jigjiga, the capital of the regional state, and its environs. Abdi Mohammed Omer requested for grant of bail citing health issues. However, police requested the bench for an additional 14 days for investigation. The bench adjourned the hearing until tomorrow to give a decision on the request for grant of bail by Abdi Mohammed Omer Abdi Mohamed Omer was arrested on last Monday at his home located around Atlas Hotel, in Addis Ababa, after he lost his immunity from prosecution. The post Ethiopian Federal court rejects a bail request by Abdi Iley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddiga wadaaga ah oo shiraya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yagleelay markii ugu horreysay taariikhda Guddi wadaag ah oo iskaashi ah si loogu saldhigo xiriir iskaashi oo sal adag, kaasi oo ku qotoma xushmad is dhaafsi, deris wanaag iyo ilaalinta iyo xushmeynta madax banaanida iyo midnimada si siman labada dalba. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira iskaashiga laba geesoodka ee dhinacyada ammaanka, dhaqaallaha, biyaha iyo qodobo kale oo la xiriira xaaladda gobolka iyo dunida,sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya Dhismaha Guddiga Wadaagga ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah si loo dhaqaajiyo xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah si loo horumariyo, loona agaasimo qorshayaal horumarineed oo cusub oo faa’ido ugu jirto labada dal. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay guddiga ay wadaagan Soomaaliya iyo Itoobiya? appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI (Caasimada Online) – The defence chiefs of Troop Contributing Countries of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have held its 26th meeting in Nairobi to forge a way forward on peace and security in Somalia. The military operations coordination committee (MOCC) meeting was attended by representatives from Kenya, Uganda, Somalia, Djibouti and Ethiopia. The AU Commissioner for Peace and Security, Ambassador Smail Chergui has chaired the meeting which was joined by UN, US, UK and EU delegates. Head of AU misson (AMISOM), Francisco Madeira made briefings over the political and security situation in Somalia, while he also presented the progress made on the implementation of the Somalia Transition plan (STP) including the 3 Pilot projects in terms of force generation as well as allocated resources. Madeira also presented the ongoing AMISOM Operational Readiness Assessment (ORA) in Somalia. The Somalia NSA briefed on the progress made by FGS including the inclusive politics in Somalia, the reconciliation efforts and the constitutional review process. In statement, Somalia briefed the meeting on the steps taken by FGS to implement the Pilot Phase 1 of the STP. As part of the joint planning, the meeting instructed AMISOM to work closely with the FGS to ensure that SNA troops generated for phase 1 operations are assembled and their operational readiness assessed. The progress made by AMISOM in Somalia and the steps taken by the SNSF, the MOCC emphasized that the transfer of security responsibility from AMISOM to SNSF is dependent on enhancing SNSF capacity, according to the statement. The meeting called for greater attention to the political risks of the transition and called for collective effort to bring coherence to partner support to the transition, the statement said. For effective implementation of the UNSCR 2431, the MOCC observed the need for enhanced capacities and capabilities for AMISOM and SNSF to allow effective joint operations in support of the Transition plan. The meeting further urged consultation with TCCs/PCCs and looks forward to the final report to be submitted to the AU Peace and Security Council (PSC) for consideration. On the AMISOM drawdown of 1000 troops by 28 February 2019, the meeting considered the modalities and implications of the drawdown pending the outcome of the ORA. In the meantime, the meeting urged AMISOM to have quick wins in support of the STP and to study the implications of the drawdown in terms of reconfiguration of the forces, the collapsing/reduction of the number of Forward Operating Bases (FOBs), handover of FOBs to SNA and related issues. On the reconfiguration of AMISOM, the Meeting affirmed the need for establishment of an AMISOM Mobile Force under the command and control of the FC with increased military ground and air capabilities. The meeting further noted that the AMISOM civilian component is being enhanced to deploy in strategic locations of AMISOM’s Area of Responsibility and to focus its effort in support of the political and stabilization process in Somalia, the Somalia Transition Plan, in coordination with the Federal Government of Somalia, Federal Member States and other stakeholders. On the Re sectorisation of AMISOM AOR, the MOCC agreed to maintain the current sector boundaries and urged AU and TCCs to continue the consultations which outcome will be reflected in the review of the CONOPS. In the meantime, the meeting urged AU in coordination with TCCs and other AU member states to generate qualified and experienced staff officers for the establishment of multinational Sector Headquarters. The MOCC encouraged the AU in coordination with the TCCs/PCCs and other stakeholders to start the CONPOS review process immediately to be completed by 31 October 2018. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Roadside bomb blast has targeted an armored personnel carrier with African Union peacekeeping forces in Somali capital Mogadishu. The blast ripped through African Union forces’ vehicle while traveling through Hiliwa area in the capital, a witness said. He says the forces had opened gunfire to response to the bomb attack, leaving a civilian dead and two others injured. It remains unclear how many soldiers were killed or injured in the blast. There ws no immediate comment from African Union mission in Somalia. No group says it carried out the bomb attack, but such attacks are often carried out by Al Shabaab. The group, which once controlled much of Somalia, wants to topple the western-backed government in Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
BEIJING (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo held bilateral discussions with President Xi Jinping, the President of the People’s Republic of China and General Secretary of the Communist Party of China ahead of the Forum on China-Africa Cooperation. Source: Hiiraan Online
-
President Farmajo holds bilateral talks with H.E Xi Jinping
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
BEIJING (HOL) - President Mohamed Abdullahi Farmajo held bilateral discussions with President Xi Jinping, the President of the People’s Republic of China and General Secretary of the Communist Party of China ahead of the Forum on China-Africa Cooperation. Source: Hiiraan Online -
10-kii September, 2012 ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kadib markii codad gaaraya 190 cod uu helay Wareegii u dambeeyay ee doorashada, isagoo ka guuleystay Sheikh Shariif oo helay 79 cod. Isaga, 8 February 2017 ayaa looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, ee uu kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Markii uu xilka wareejiyay kadib bishii March ee sanadkii hore ayuu ka duulay magaalada Muqdisho, sanad iyo bar kadib waxaa jiro arrimo badan oo is biirsaday oo sababay dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho. Xasan Sheikh, Sababaha uu u yimid Muqdisho, wuxuu ku sheegay inuu wadatashiyo sameyn doono, kaasi oo ku saabsan xaaladaha dalka ka jiro. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in imaanshaha Xasan Sheikh Maxamuud ee Muqdisho ay horboodayaan xildhibaano mucaaradaya dowladda hadda dhisan iyo shaqsiyaad kale oo dhaqaalo ku bixinaya yagleelida xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin ragii lasoo shaqeeyay Xasan Sheikh iyo Xubno kale oo Mucaarad ah. Arrinta kale ee keentay imaanshihiisa ayaa ah iney heleen warbixino la xiriira in madaxda taladda haya ay wadaan qorshe muddo kororsi ah iyo in la xadido tirada xisbiyadda ka qeyb galaya doorashada soo socota, si looga hortago xisbiyo awood badan, sida kan ay qorsheynayaan Xasan Sheih iyo Xulafadiisa. Damaca madaxda taladda haya oo ah sameysashada xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin madaxweyne Farmaajo iyo shaqsiyaad xilal hadda haya, ayaa qeyb ka ah waxyaabaha keenay inuu yimaado Xasan sheekh Maxamuud. Xasan Sheikh, Muddadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017, waxay is qabteen shaqsiyaad badan kuwaasi oo qaarkood ay heshiiyeen intuu ku sugnaa dalka dibadiisa, waxaana ugu horeeya Axmed Macalin Fiqi iyo shaqsiyaad kale oo doonaya inay sameeyaan xisbi siyaasadeed weyn oo ay ku jiraan dad magac weyn leh. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo aad u taageersan xukuumadda Kheyre shalay ayuu Cafis ka dalbaday Xasan sheekh, maadaama la rumeysan yahay inuu ahaa saaxiibka Xasan, balse doorashadii ay kula hareen. Imaanshaha uu Xasan Sheikh Maxamuud ku yimid Muqdisho kuma koobnaan doonto Muqdisho, sida uu sheegay markii uu kasoo dagay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, oo wuxuu tagi doonaa gobolada dadka si saameyn uu ugu doorashooyinka qaar oo ka dhacaya Garowe Iyo Baydhabo. Intii tallada uu hayay Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu doorweyn ku lahaa dhismaha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, laakiin madaxdii loo doortay maamuladaasi hadda xilka ma hayaan oo mooshinno ayaa lagu riday. Dhismaha maamuladaasi oo si sahlan lagu galay ayaa keenay is jiidjiid badan oo beelaha dhexdooda ah, waana tan keentay in xasilooni daro siyaasadeed ay ka dhacdo Galmudug iyo Hirshabeelle. Haddaba maxaa imminka kusoo beegay imaanshaha Xasan Sheikh ee magaalada Muqdisho, waxaan su’aashaasi weydiiyay siyaasi Caydaruus Muxumad Af-Sagaaro, isagoo sheegay in waxba uusan soo kordhineynin safarka. Waxaa aad loogu amaanaa Xasan Sheikh Maxamuud wanaagsanaantii siyaasadiisii arrimaha dibadda, waxaana jira jiro dhaliilo badan oo kaga imaanayay siyaasadiisii arrimaha gudaha. W/D Mohamed Isse Mohamud mcmaxamuud1@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa daboolka ka qaaday inay bilaabi doonaan baaritaano lagu sameyn doon shaqsiyadka sheegtay inay ka shaqeeyan Dastuurka dalka. Guddoomiye Mursal waxa uu sheegay in baaritaankooda uu noqon doono mid xooga lagu saari doono la-xisaabtanka Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista Dastuurka dalka. Sababta baaritaanka ayuu ku sheegay inay tahay si loo kala cadeeyo Shaqadooda, waxa uuna tilmaamay inay jirto shaqo yari. Mursal waxa uu carab ***** in qorshuhu yahay in ay soo diyaariyan liiska Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista dastuurka ha ahaadaan kuwo Caalami ah iyo kuwa Gudaha dalka ka Shaqeeya iyo waxyaabaha ay qabtaan. “Waxa uu saameyn doona dhamman Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha dastuurka gaar ahaan Hay’adaha maxaliga iyo kuwa heerka caalami ah” Sidoo kale, Guddoomiye Mursal waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay ku dadaali doonaan in la soo dhameystiro xubnaha ka maqan Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka oo laga sugayo Dowlad Goboleedyada. Haddalka Mursal ayaa imaanaya xili Hay’adaha ku howlan arrimaha Dastuurka lagu eedeeyay inay daba dheereynayaan dhameystirka Dastuurka isla markaana ay ka dhigeen mashruuc aan dhamaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Xi Jinping. Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar ballaaran. Dhankiisa, Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyada siyaasadda, dibu dhiska dalka iyo dhaqaalaha. Labada Madaxweyne waxa ay lafa gureen qodobo la xiriira iskaashiga labada dhinac, ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya. Labada hoggaamiye waxa ay sidoo kale isla falanqeeyeen ka qaybgalka Soomaaliya ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) iyo muhiimadda uu leeyahay hindisaha lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee loo yaqaan “Belt and Road Initiative”, kaas oo fududeynaya isku xirnaanta dalalka qaybta ka ah, korna u qaadaya horumarkooda dhaqaale. Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray taageerada laxaadka leh ee Shiinaha, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda dhinaca horumarka iyo in la dardargeliyo xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxa ay isla meel dhigeen in la sii kobciyo heshiisyada ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo in la abuuro iskaashiyo hor leh oo ku aaddan horumarka iyo dhaqaalaha. Labada dowladood ayaa kala saxiixday labo isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal oo ay kala saxiixeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Dowladda Shiinaha ayaa ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.