Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumada Somalia amar ku siiyay in gargaar caafimaad ay la gaarto dhaawacyada culus ee dadkii ku waxyeeloobmay Qaraxii ka dhacay magaalada Baydhabo. Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen Al Shabaab. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Al Shabaab. waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.” Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka amni daro ee Al Shabaab ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Shabaab oo uu tilmaamay inay bartilmaameed ka dhigteen shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga si feeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa Koowaad waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey Hotelka Bilan oo dad badan ay ku sugnaayeen. Waxaa halkaasi ku dhintey 7 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan, iyadoo qaraxa Labaadna lala eegtay maqaayadda Beder oo la xaqiijiyey in Saddex qof oo uu ku jiro Nabadoon caan ah ku dhiteen. Saraakiisha caafimaadka ee Baydhabo ayaa sheegay in dhaawaca uu gaarayo 20 qof oo shacab ah. Ciidamada ammaanka Baydhabo ayaa wada howlgallo ballaaran oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, waxaana socda sidoo kale baaritaanka qaraxyadii dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia, ayaa xukun dil ah waxa ay saaka ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo lagu qabtay isaga oo wada gaari NOHA waxyaabaha qarxa ay ka buuxeen sanadkii 2017-kii maalintii uu dhacay qaraxii Zoobe. Xasan Aadan Isaaq Cali, ayaa lagu toogtay Fagaaraha Iskuul Buluuziyo Degmada Xamar Jajab, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Xasan Aadan Isaaq Cali horay ugu xukuntay dil toogasho ah iyadoo maanta oo ku beegan xiliga xasuuqa 14 October lagu fuliyay dilka. Waa xukunkii ugu horeeyay oo dil toogasho ah oo ay fuliso Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliya, tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xilka Madaxtinimada Somaliya loo doortay. Qaraxii masiibada ahaa ee Zoobe ka dhacay ayaa waxaa ku nafwaayay dad kor u dhaafaya 500 ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 ruux. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukuno kala duwan waxa ay ku ridaa ciidamada lagu eedeeyo dilalka iyo xubnaha Shabaab ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Waxaa maanta xiran dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayo ciidamo badan oo aammaanka sugaya, gaadiidkana celinaya. Ciidamo Booliis ah ayaa gaadiidka dadweynaha u sheegaya in waddooyinka aan la ogoleyn maristooda, iyadoo shacabka ay yihiin kuwo lugeynaya. Dadka qaar oo aan la sheekeysannay ayaa inoo sheegay iney filayeen xirnaanshiyaha waddooyinka, maadaama maanta ay ku beegan tahay 14 October oo ah maalin dadka Soomaaliyeed iloobi karin, kadib qarax ay boqolaal qof ku dhinteen oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Madaxda dowladda federaalka ayaa la filayaa iney yimaadaan Taallada 14 October oo laga dhisey halkii qaraxaasi uu ka dhacay sanadkii tagey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa goordhow xukun dil ah ku fulisay mid kamid ahaa dadkii ku eedeeysnaa weerarkii sanad ka hor maanta oo kale 14-kii Octbar sanadkii 2017-ka dhacay Muqdisho . Maxkmada ayaa saaka oo Axad agh dil ku fulusiay Xasan Aadan Cali oo 32 jir ahaa loona heeysto in uu wax ka soo abaabulay weerarkaasi dadka badan ay ku dhinteen. Sida ay sheegtay maxkmada ayaa sidoo kale Xasan Aadan Cali waxa uu masuul ka ahaa gaarigii ku qarxay degmada Wadajir isla maalintii 14-ka Octbar maanta oo kale sanadkii 2017-ka. Goobta toogashada ayaa aheyd iskuul Boloosiyo degmada Xamar Jajab ee Muqdisho waxaa u soo daawasho tagay qaar kamid ah Dadka Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkamada ciidamada oo toogtay nin ku eedeeysanaa qarixii 14 Octobar appeared first on Puntland Post.
  6. Maanta waxa ay ku beegan tahay 14 October 2018, waxaana sanad kahor maanta oo kale qarax xooggan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ahayd xilli Casir ah, wadada Zoobe waxa ay ahayd mid aad iyo aad u mashquul ah, waxaana dhan walbo oo isgoyska iyo meelaha ku dhow ah ku sugnaa boqolaal shacab ah. Gaari weyn oo ka yimid dhanka wadada Afgooye ayaa si lama filaan ah ugu qarxay meel qiyaas ahaan wax ka yar 10 Mitir u jirta isgoyska Zoobe. Qaraxaasi ayaa sababay geerida in ka badan 600 qof oo shacab ah, iyo dhaawac aad u badan, sidoo kalena waxaa halkaasi ku burburay hanti gaareysa malaayiin doolar. Maalintaan waa maalin aysan iloobin shacabka Soomaaliyeed, waxayna ahayd maalin mideysan qalbiyada dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan. Maanta waxaa magaalada Muqdisho iyo meello kale oo dalka ah laga xusayaa maalintan madow, waxaana la filayaa in dad isugu jira shacabiyo mas’uuliyiin isugu yimaadaan bartamaha Isgoyska Zoobe oo laga taagay Taallo loogu talogalay in xilli walbo lagu xusuusto dhacdadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (CNN) — There are few things more liberating than travel -- although some passports offer more freedom than others. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo. Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen argagaxisada Alshabaab. “Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Alshabaab. Waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.” Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee uu cadawgu ku beegsanayo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan bartilmaameedka ka dhigtay gumaadka iyo ciribtirka shacabka Soomaaliyeed, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta ee Madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Xukuumada Amray in gar gaar deg deg ah loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  9. Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qaraxyo mataano oo shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyootay tiro ku dhow boqol ruuxna waa ay ku dhawaacantay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo. Jawiga magaalada Baydhabo ayaa xalay ka duwanaa habeenadii hore dadka magaalada Baydhabo xalay ma ladin hurdo raaxa leh iyaga oo ku jiray gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi. Wali maamulka Koonfur-Galbeed wali faah faahin rasmi ah kama bixin qasaaraha guud ee ka dhashay qaraxyadaasi magaalada Baydhabo. Qaraxyadaasi ka dhacay Baydhabo ayaa ku soo beegmaya xili ay magaaladaasi ka socdaan ololaha doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Faah Faahin Qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  10. Security officers have identified the mastermind of last Wednesday’s Al Shabaab attack at Arabia Boys Secondary School in Mandera that left two non-local teachers dead. Source: Hiiraan Online
  11. French prosecutors have requested the dismissal of a probe into the deadly 1994 attack on former Rwandan president Juvenal Habyarimana, which sparked the country's genocide, according to legal papers seen by AFP Saturday. Source: Hiiraan Online
  12. An Ethiopian airline on Saturday made the first commercial flight between Addis Ababa and Mogadishu in 41 years, in yet another sign of warming ties between neighbouring Horn of Africa nations \Ethiopia and Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. When he hosted last October’s glittering global investment conference in Saudi Arabia, Crown Prince Mohammed bin Salman had the world at his fingertips Source: Hiiraan Online
  14. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyadii mataanaha ahaa ee casar liiqii shalay galab ka dhacay bartamaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolk Baay, halkaasi oo olole doorasho ay ka socdaan. Qaraxyada oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 17 qof, ayada oo 50 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay badankood ayaa ah dad shacab ah, oo ku sugnaa goobihii la qarxiyey. Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in mid ka mid ah qaraxyada oo ka dhacay maqaayadda Badar loola dan lahaa Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Roobow ayaa degan hotelka Guuraaw ama Bayern Munich ee Baydhaba, waxaana hotel uu aad ugu dhow-yahay maqaayadda qaraxa uu ka dhacay. Ammaanka hotelka iyo meelaha ku dhow ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la sheegay in qofka is-qarxiyey ay joojiyeen ciidamo inta uusan gaarin hotelka kadibna is-qarxiyey. Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa markii uu is-sharxay waxa ay Al-Shabaab ku tilmaameen inuu yahay “murtad diinta ka baxay” Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada waxay tiri in hotelka Bilan uu leeyahay wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti, waxaana macquul ah in labada weerar lagu kala beegsanayey Roobow iyo Fargeeti. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  15. Ayaan Daradda siyaasadeed ee dadka bartamaha iyo koofurta soomaalia kunool waxay noqotay dhaxal wadaag ah jiilba jiilka kadanbeeyo ugudbiyo, duruufaha dhaqaale iyo amni darada ka jirta waxaa kusoo wajahan masiibo siyaasadeed oo cawaaqibteeda aysan ka kabsan doonin 50 sanno ee soo socda, waxaana daliil u ah heshiiska nooca doorashooyinka noqonaayo sanadka 2021, ee lagu gaaray magaalada Baydhabo taariikhdu markey ahayd 9-Juun-2018, looguna magac daray (PR-CLOSED LIST SINGLE CONSTITUENCY) heshiiskan oo kamuuqata hagardaamo qote dheere weliba u nidaamsan qaab sharciyeysan, waxaan halka faahfaahin doonnaa ujeedka laga leeyahay weliba u iftiimin doonnaa hab fudud ay dadka fahmi karaan. Sida lawada ogsoon yahay duruufaha dalka ka jira waxaa ugu weyn mida amni oo saamaysay dhamaan nolosha dadka kunool bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, oo ay ugu horeysa dhibaatooyinka kajira goobaha argagaxisada ka taliso oo ah dhul balaaran oo ay kunool yihiin dad fara badan, caqabadaha dadka haysta waxaa kaloo kamid ah isusocodka dadka kunool deegaanada Dowlada Federalka ka taliso iyo Deegaanada argagaxisada haysato, iyo horumar iyo wacyi la,aan guud ee ka jirkan waxaa usii wehliya hogaamadooda siyaasada oon ku baraarugsanayn hanaanka geedi socodka siyaasada dalka. Nidaamka doorashooyinka lagu heshiiyay wuxuu ku dhisan yahay habka qaybinta boqolleyda, iyo deegaan doorashoyin isku xiran, iyadoo tirada cod bixiyaasha oo dhan ayaa loo qaybinayaan tirada kuraasta loo codeeyay, xisbi walbana wuxu saami u heleyaa tirada cood uu helay kuraas u dhiganta, nidaamkan waa nidaam aad looga isticmaalo wadamada horu maray, mabaa,dii,da guud ee habkan waxaad ka fahmi kartaa tusaalahan. Hadii aan tusaale usoo qaadano. Waxaa tartamaya 5 xisbi waxayna u tartamayaan 100 kursi, oo hal deegaan doorasho ah, dadka codka bixiyayna waa 10,000 qof macnaheedu yahay qiimaha 1 kursi wuxuu ku fadhiyaa 100 cod. Xisbiyada codadka ay heleen wuxuu kala noqday. 1, Xisbiga A wuxuu helay 3,000 cod 2, Xisbiga B wuxuu helay 1,000 cod 3, Xisbiga C wuxuu helay 3,000 cod 4, Xisbiga D wuxuu helay 2,000 cod 5, Xisbiga E wuxuu helay 1,000 cod Marka codadka xisbiyada loogu qiimeeyo kuraast ay saamiga u helayaan wuxuu noqonayaa sida. 1, Xisbiga A wuxuu helay 30 kursi 2, Xisbiga B wuxuu helay 10 kursi 3, Xisbiga C wuxuu helay 30 kursi 4, Xisbiga D wuxuu helay 20 kursi 5, Xisbiga E wuxuu helay 10 kursi Doorashooyinka Nidaamkan waxay ka dhaceysaa deegaan doorashooyin kuraas badan lagu tartamaayo, xisbiyada ayaa utartamaaya kuraasta la dhigay dalka oo dhan, nidaamka wuxuu si cad uqeexayaa xisbiga ku guuleysta tirada codadka ugu badan inuu heli doono kuraasta xildhibaanada ugu badan. Marka aad fahamto tusaalaha kor ku xusan waxaa isweydiin mudan, dhowr su,aal oo ah, 1. Dadka kunool goobaha bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya kamidka ah ee Argagaxisa haystso sidee uga qaybgali karaan hanaanka doorashooyinka si ay codkooda ku dhiban doonaan? Waxaa si cad umuuqata in aysan awoodi karin in ay ka qayb galaan hanaanka doorashooyinka waxayn waayi doonaan xuquuqda matalaada siyaasada, maadaama, taas oo macnaheedu tahay in tirada ugu badan Xildhibaanada Baarlamaan Federaalka ka imaan doonaan maamulada shabaabka gacanta ugu jirin sida Puntland iyo goobaha lamidka ah. Heshiis Siyaasadeedka waxaa ka muuqda hab-dhaqinki siyaasadihii Musuq-Maasuqa ee 1960..yadii jiray, waxaa xusid mudan 60 sano kadib in dib loo askumo Baarlamaan ay tusarufaan Beel gaar ah ee beelaha Soomaaliyeed kamid ah, iyadoo loo marayo HESHIIS QIYAANO DOORASHO AH, Waxaa kaloo ayaan daro kasii weyn ah in dhaqan galka heshiiskan ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin kasoo jeeda DEEGAANADA KOONFURTA SOOMALIYA. Gunaanad. Waayaha iyo waqti lajooga waxaa dadka ka mas,uul ah inta damqashada iyo damiirka leh, kuma koobna masuuliyada shaqsiyaadka xilalka siyaasada haya kaliya, ee waxaa WAAJIB ku ah dhamaan inta wax garato in ay ka hortagto, HAGARDAAMADAN SIYAASADEED EE KUSOO FOOL LEH DHAMAAN UMADDA KU NOOL KOONFURTA IYO BARTAMAHA SOOMALIYA. Qore Abdirahim Ahmed dhageey Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Weeraro argagixiso ayaa laga cabsi qabaa in lala beegsado garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay ku digeen qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka safaaradaha ku leh magaalada Muqdisho. Mareykanka iyo QM ayaa labadaba 48-kii saac ee lasoo dhaafay soo saaray digniinno xooggan oo ku saabsan in halis amni ay kusoo fool-leedahay garoonka caalamiga ah, waxayna ku baaqeen taxaddar dheeri ah. Waxa ay shaqaalahooda u direen in marka ay ka baxayaan garoonka ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana fishaan in waqti dheer ah ay garoonka uga baxaan maadaama baaritaan dheer la marayo. Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka war-haya halis kusoo wajahan garoonka, iyo qaraxyo ay qorshaynayaan Shabaabka, waxaana aad loo adkeeyey garoonka. Digniinahan ayaa imanaya ayada maanta la xusayo sanad guuradii koowaad ee qaraxii 14-ka October, 2017, oo ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo Afrika. Waxaa qaraxaas ku naf waayey dad ka badan 600 oo qof. Waxaa maanta wada xiran dhammaan waddooyinka ka ag dhow ama gala garoonka, ayada oo sidoo kale amniga loo adkeeyey xuska maalintan. Isgoyska Zoobe ee qaraxa uu ka dhacay ayaan ka fogeyn garoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Baydhabo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa Koowaad waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey Hotelka Bilan oo dad badan ay ku sugnaayen, halka Qaraxa labaad uu ka dhacay maqaayadda Beder. Idaacada VOA oo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegtay in ku dhowaad 22 qof ay ku dhinteen Qaraxa, dhowr iyo soddon kalena ay ku dhaawacmeen. Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbed Xasan Eelaay ayaa ciidamada ammaanka faray inay galaan feejignaan dheeraad ah, wuxuuna tilmaamay in lagu daba jiro raggii falkan soo qorsheeyay. “Ciidamada ammaanka waxaan fareynaa inay feejignaan dheeraad ah sameeyaan, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan soo maleegay, ummadda magaalada Baydhabo waxaan ka codsaneynaa inay isku gurmadaan, qaraxyadan marna ma hakin doonaan horumarka degaanada Koonfur Galbeed.” Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxey ku faaneen iney beegsadeen saldhig ciidan iyo hoteel uu leeyahay masuul horey uga tirsanaa dowladda Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegeen Fargeeti oo ka mid ah musharixiinta Koonfur Galbeed. Dhinaca kale, Ciidamada ammaanka Baydhabo ayaa wada howlgallo ballaaran oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, waxaana socda sidoo kale baaritaanka qaraxyadii dhacay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad diyaaradeed oo laga helay dalka Ethiopia ayaa shalay duulimaadkii ugu horreeyey muddo 41 sano ah ku tagtey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,taasi oo astaan u ah xiriirka soo xoogeysanaya ee labada dal. Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia National Airways [Ma ahan shirkadda weyn ee Ethiopia Airlines] ayaa cago-dhigatay garoonka Aadan Cadde, waxaana ay hadda kadib magaalada tagi doontaa afar maalmood toddobaadkiiba, sida ay saraakiil sheegeen. “Waa maalin taariikhi ah, innaga oo aan billownay duulimaad toos isugu xiraya Addis-Ababa iyo Muqdisho. Ma ahayn wax fudud, muddo badan ayaan isku dayeynay balse ugu dambeyn waan ku guuleysanay” waxaa sidaas yiri ninka iska leh shirkadda oo lagu magacaabo Abera Lemi. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Duulimaadka cusub ee isku-xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa. Duqa Muqdisho ayaa furitaanka kadib, tilmaamay in duulimaadkani uu yahay kii ugu horreeyey muddo afar sanno ah ee si ganacsi ah iskugu xiraya labada dalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey ganacsatada ka shaqeysay howshan, isagoo xusay in tallaabadani ay wax weyn ka tarayso isku xirka labada dalka iyo horumarka ganacsiga. “Duulimaadkan isku xiraya Addis Ababa iyo Muqdisho waa mid baahi-weyn ay u qabeen shacabka Soomaaliyeed, waxaa ammaan iyo boggadin mudan dadkii ka shaqeeyey howshan, ka maamul ahaana waxaan mar walba garab taagannahay cid walba oo horumarka Caasimadda ka shaqaynaysa”.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha HirShabelle ee ahaa in shir uu isaga ka maqan yahay oo ay yeeshaan madax goboleedyada uusan sharci ahayn. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Waare uusan hadda taagneyn boos uu kaga hadlo arrimaha maamul goboleedyada, maadaama maamulkiisa uu ka baxay golaha. “Waare isaga oo aan cidna ka saarin, ayuu ka baxay golaha iskaashiga, goluhuna waa ay aqbaleen, soona dhoweeyeen go’aankiisa shaqsiyeed, marka umaba banana inuu ka hadlo arrimaha golaha” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan. Hoos ka daawo muuqaalka.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan wali dhameystirin cadadkii loogu tallo galay inay gaarsiiso ciidamada AMISOM kala wareegi lahaa amniga. Ambassador Francisco Madei, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay u muuqato mid culeysyo kala kulmeyso diyaarinta ciidamada AMISOM ay ku wareejin lahaayen amniga waxa uuna cadeeyay in baaritaano ay sameeyen ay ku ogaaden inuu hakat galay barnaamijydii lagu diyaarinaayay ciidamada. Francisco Madei oo ka hadlaayay shir khuseeyay amiga ayaa yiri “Amisom diyar ayey u tahay inay wareejiso amniga Muqdisho balse ma aragno dadaalkii aan fileynay ee ahaa in lala socdo diyaarinta ciidamada aan ku wareejin laheynay amniga” “Waxaa noo muuqda caajis iyo ka gaabin lagu sameynaayo dhameystirka ciidamada Somalia ee aan u gacan galin laheenay amniga waxaanu dooneynaa in lasii wado howsha maadaama uu wakhtiga nahaayo” Ambassador Francisco Madei, waxa uu tilmaamay in Somalia ay yeelatay ciidamo badan oo uu sheegay inay sugi karaan guud ahaan amniga dalka, balse ay u baahan yihiin in lasii xoojiyo tababarada ay heystaan. Sidoo kale, dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay la imaado qorsho ay ku xoojineyso ciidamada u sugi lahaa amniga, waxa uuna hubaal ku sheegay in AMISOM ay ka bixi doonaan Somalia. Haddalka Madei ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Somalia ka gaabineyso qorshaha la wareegida amniga guud ahaan Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa magacaabay Xubnaha Golehiisa Wasiirada Cusub. Golaha Wasiirada Cusub ee maamulka Galmudug ee uu soo magacaabay Madaxweyne Xaaf ayaa ka kooban 25 Wasiir. Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili Madaxda ugu sareeysa Galmudug uu ka dhexjiro Khilaaf xoogan, kuwaasi oo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Hoos ka akhriso magacyada wasiirada Maamulka Galmudug.
  22. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa goordhow ku dhawaaqay golihiisa wasiirada ee maamulkaasi Gal-Mudug. Dhowr jeer oo ay dib u dhacday ayuu ugu dambeeyn madaxweyne Xaaf ku dhawaaqay goordhow golihiisa wasiirada ee maamulka Gal-Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa magacaabay 25 Wasiir. Hoos ka aqriso magacyada wasiirada la magacaabay. 1-Mudane Maxamuud Maxamed Samatar (Duran) Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Dib heshiinta iyo Dowladaha Hoose 2-Mudane Cabdi Maxamed Fiidow :Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Garsoorka . 3-Mudane Saciid Siyaad Shirwac : Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqalaha 4-Mudane Saadaq Sheikh Yuusuf Ibraahim: Wasiir Wasarada Amniga Gudaha 5-Mudane Cabdikaafi Maxamed Maxamuud: Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah 6-Mudane Cabdi Cabdimaciin Amaan Sheikh Cali: Wasiirka Dib u dajinta iyo daryeelka Agoonta iyo Naafada 7-Mudane Sharaf Maxamed Cali: Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda 8-Mudane Mahad Cabdulahi Xuseen: Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo guriyeenta 9-Mudane Ibraahim Xuseen Guurey: Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha 10-Mudane Maxamuud Aadan Cisman :Wasiirka Wasaarada Warfaafinta 11-Mudane-cabdulaahi Cali Maxamed: Wasiirka Wasaarada Gadiidka cirka iyo Dhulka 12-Mudane Maxamed deeq cabdi Falko: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada 13-Mudane Aadan Xasan Gardheere:Wasiirka Wasarada Boostada iyo isgaarsiinta 14-Mudane Axmed Dhiblaawe Casir:Wasiirka Wasarada Beeraha iyo xanaada xoolaha 15-Mudane Maxmed Xuseen Maxamed:Wasiirka Wasaarada biiada dhirta iyo daaqa 16-Naciimo Maxamed Maxmuud :Wasiirada Wasaarada Caafimaadka 17-Dahabo Cabdi Maxamed :Wasiirka Wasaarada Haweynka iyo Xaququl insaanka 18-Bashiir Maxamed aw cali Maxamed:Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha 19-Abshir Cabdi Shiiqow :Wasiirka Wasarada Dastuurka 20-Axmed shire Maxamuud :Wasiirka Wasarada Biyaha iyo korontada 21-Daahir Shidane Cabdi:Wasiirka wasaarada Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha 22-Feysal Abshir Nuur :Wasiirka wasaarada Dakadaha iyo Gadiidka Badda 23-Cabdiraxiim Xaaji Faarax Xirsi :Wasiirka wasaarada Qurba Joogta dalxiiska iyo dhiiragalinta iyo maalgashiga 24-Asad Badal Cilmi Xaashi:Wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka 25-Abdishakuur Macalin Ciise Xashi:Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta DHAMAAD Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweynaha Gal-Mudug oo ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (AKHRISO) appeared first on Puntland Post.
  23. At least 16 people have been killed in Somalia in bombings that targeted a restaurant and a coffee shop, police say. Source: Hiiraan Online
  24. Canada is contributing $50-million to the United Nations Palestinian refugee agency – after the United States decided to stop funding what it called an “irredeemably flawed” organization. Source: Hiiraan Online
  25. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu wali kasoo baxayaa laba Qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Qaraxyada ayaa galaaftay dad isugu jiray shacab iyo shaqaalaha maamulka kuwaa oo xiliga Qaraxa ku kala sugnaa laba goob oo aad u mashquul badnaa. Qaraxa koowaad ayaa lagu weeraray Hoteel la yiraahdo Bilan, halka midka kale uu ahaa nin isku soo xiray walxa qarxa uu isku qarxiyay Goob maqaaxi ah oo lagu magacaabo Beder isla markaana ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo. Afhayeen Maamulka Koonfur galbeed Somalia oo goordhow lahadlay idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in dhimashada ay korortay oo ay tahay 17, isla markaana ay ku dhowdahay labaatan ruux, halka dhaawaca uu gaaray 50 qof. Waxa uu Afhayeenka intaa raaciyay inay jiraan dad goobta looga qaaday garaab ahaan oo markii danbe ku geeriyooday xarumaha Caafimaadka waxa uuna sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in khasaaraha dhimasho uu sii kordho. Waxa uu ka gaabsaday in dadka la beegsaday ay ku jireen mas’uuliyiin ama shaqaale maamul, waxa uuna si dadban u tilmaamay in Qaraxa loo siman yahay. Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.