Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo go’aankii uu Mukhtaar Roobow isugu sharxay madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyo go’aankii ay wasaaradda amniga Soomaaliya ku diiday musharaxnimadiisa. Hoos ka aqriso qoraalkiisa. Koonfur Galbeed waxaa ka sharaxan murashaxiin badan, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay tagayay magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed. Waxaan fahmi waayay, lana yaabay sababta warbaahinta dowladda gaar ahaan Telefishinka Qaranka (SNTV) u buunbuuniyay tagitaankii Hoggaamiyihii hore Al-Shabaab Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) shalay uu tagay magaalada Baydhabo! Kaba soo qaad in la dhaho waa muwaadin Soomaaliyeed oo xaq ayuu u leeyahay adeegsiga warbaahinta dowladda sidoo kalena saaxiib dhow la ah Nabad iyo Nolol, inkastoo fursadaas aan la siinin murashaxiinta kale ee Baydhabo kusii qulqulaya. Laakiin yaa ii fasiri kara waraaqda kasoo baxday Wasaarada Amniga ee leh Roobow isma sharixi karo oo shuruudo ku qoran heshiisyo caalami ah oo dowladu gashay ayuusan soo buuxin?! KADAROO DIBI DHAL!!! Tolow Roobow ma wuxuu u tartmayaa hay’ado caalami ah oo wadamo badan ku bahoobeen sida Qaramada Midoobey (UN-ka), Midowga Yurub (EU), Midowga Africa (AU) iyo Jaamacada Carabta. Mise Soomaaliya ayaa maxmiyad (gumaysi) ku jirta oo dowladaha na heysta ayaa noo yeerinaya cida madax ka noqoneysa Soomaaliya?! SIYAASADA SOOMAALIYA SAL FUDEYD UMA BAAHNA EE SI MIYIR QABTA WAX HALOO MAAMULO! Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. JOHANNESBURG (HOL) – Two Somali businessmen have been shot dead when a gang of armed men attacks them in their business premises in the South African City of Pretoria, witnesses said Friday. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (Caasimada Online)–A roadside bomb explosion has targeted Burundian troops with African Union peacekeeping forces in Somali capital Mogadishu. The explosion ripped through an armored personnel carrier at industrial road in the capital, leaving two people dead, a witness said. He says an African Union forces’ armored carrier was destroyed in Friday’s bomb explosion. The AU forces reportedly opened fire to response to the attack. The peacekeeping troops sealed off at scene of the bomb attack. Friday’s explosion was claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab. In a statement aired by Radio Andulus, an Al Shabaab mouthpiece said, the blast had partially destroyed an African Union forces’ convoy in Mogadishu. The group was ousted from the capital, Mogadishu, in August 2011, but still has a presence in large areas of southern Somalia and often stages attacks across Somalia. Somalia has remained in the grip of on-again, off-again violence since the outbreak of civil war in 1991. Al-Shabaab, which is waging an insurgency against the Somali government, has recently suffered several significant blows, losing most of its strongholds in southern and central to Somalia army and and African Union troops. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan Yaasir Khadar oo Xafiiskiisa kula kulmay Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sudan Cismaan Axmed Maxamed ayaa ka gudoomay Warqad Casumaad ah oo Madaxweyne Farmaajo u diray Dhiggiisa Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Warqadaan uu qoray ugu Casuumay Soomaaliya in uu yimaado Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir. Kulankooda ayaa lagu soo bandhigay Xoojinta Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan, iyo sidii Sudan looga gacan siinaa Howlaha Nabadeenta ee Koofurta Sudan ee Heshiisyada laga gaaray. Danjire Cismaan ayaa Dowladda Sudan ugu mahad celiyay Kaalmada Soomaaliya ay siiso sida Waxbarashada, taageerista Amniga, Dhaqaalaha iyo La dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada Geeska Afrika. Lama sheegin in Madaxweyne Al-Bashiir uu aqbalay Casumaadda ah in uu Soomaaliya yimaado, sidoo kale lama shaacin Waqtiga rasmiga ah ee la marti qaaday. Sudan News Agency (SUNA) oo ah Wakaaladda Wararka u faafisa Dowladda Sudan ayaa laga soo xigtay Kulankaan dhexmaray Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Dalkaasi. Dhanka Dowladda Sudan ayaa waxa ay ballanqaaday in Xoojin Doonto Xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya si sare loogu qaado Hormarka Xukuumadda ay ku tallaabsaneyso. Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u dirto Wadanka Koofurta Sudan oo dhowaan Dowladda iyo Mucaaradka ay kala saxiixdeen Heshiisyo Nabadeed. Xukuumadda Khartuum oo Koofurta Sudan ka go’day 2011-kii ayaa Kor joogto looga dhigay in ay la socoto dhaq-dhaqaaqa dhinacyada heshiiska gaaray ay sameynayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxyo is xigxiga ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayey gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya. Qaraxyadaan oo ahaa miinooyin wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxa uu ka dhacay ka soo horjeedka Warshadii hore Baastada ee Wadada Warshadaha,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Jugta qaraxa ayaa dad ka agdhow waxa ay sheegeen inay si aad ah u maqleen,waxaana weli la garaneyn cida lala eegtay qaraxaas. Xilliyadan oo kale ayaa la sheegay in Wadadaas ay isticmaali jiraan Gawaarida Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaas ku dhintay laba qof oo Shacab ah sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay qaar kale oo Shacab. Illaa hadda si rasmi ah looma ogo Khasaaraha gaaray Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay balse qof shacab ah oo halkaas ku sugnaa ayaa sheegayey in loo maleenayo inuu Khasaaro gaaray Ciidamadaas. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxana hadda xiran Goobtii uu qaraxa ka dhacay oo ah ka soo horjeedka Warshadii hore ee Baastada. ee Wadada Warshadaha. Inta badan aagga Suuqa Xoolaha iyo Warshadda Baastada ayaa Ciidamada lagula eegtaa qaraxyo miino oo dhulka hoostiisa lagu aaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Wuxuu ahaa Shabaab; wuxuu ahaa maxaakiim, weliba hoggaankooda. Maxaakiim iyo Shabaab dagaal iyo qaraxyo ayay geysteen, dood kama taagna, gabood falkaas wax badan buu asaga iyo in badan oo xukun heysa ku leeyihiin! Bishii August 2017, Mukhtaar waxaa laga qaaday xayiraaddii saarneyd, waxaa weeraray kooxdiisa hore ee Shabaab. Asagoo weli tuulada Abal kula dagaalamaya Shabaab ayay dowladda wafdi sare oo wasiirka Gaashaandhiga Cabdirashiid C Maxamed iyo taliska Nabad Sugidda u dirtay. Wuxuu shir jaraa’id ku sheegay isla bishaas in uu heshiis la galayo dowladda, wasiirka warfaafinta Yariisow ayaa xaqiijiyay in wada hadal ay dowladda kula jirto. Kaddib wuxuu ahaa qof safra, taga gobolada, dibadda, xitaa booqday goobaha caafimaadka qaraxii Oct 14, idaacadahana ka hadlay weli SNTV. Wuxuu bil ka hor la kulmay guddoonka baarlamaanka, waxaa shalay asagoo si nabad ah kaga safray Muqdisho, tagay Baydhabo, ay idaacadaha iyo SNTV uu soo daayay musharaxnimadiisa! Hadda isla SNTV ayaa warqaddaan soo saaray: 1- Warqadda saxiix ma leh, qof kuma socoto, marka laga reebo W Amniga KG oo sheegtay in Federaal aanan wax shaqo ah kala dhaxeyn shirkii Kismaayo kaddib. Ma Mukhtaar ayay wada shaqayntu ka billaabmaysaa? 2- Warqadda waxay ka soo baxday wasaarad Amni, oo qaabilsan fulin keliya, ee aan xitaa soo xiri karin muwaaddin ayagoo aan warqad maxkamad, xeer ilaalin wadan. 3- Intuu Mukhtaar Roobow Muqdisho joogay, ma ahayn maxbuus, dembi lagu ma soo oogin, maxkamad ma xukumin, laamaha dowladdana dacwad kama taallo! 4- Warqadda sida u qoran, wasaaradda waxay sheegtay in heshiisyo caalami ah oo ay dowladda gashay uusan ka soo bixin shuruurdahooda! Sida ku qoran Dastuurka Dalka, kan Koonfur Galbeed, qofka buuxiya shuruudaha muwaaddinka laga rabo, oo aan lahayn dembi maxkamad xukuntay, wuu is sharxi karaa. Halkaas kuma qorna heshiis beel caalam -Dalkaan ma dal madax bannaan baa oo Dastuur leh mise waa maxmiyad beel caalam hoos tagta? -Warqadda kuma qorna in uu dembiile, dastuur ahaan tartankiisa reebban uu yahay, muxuu yahay mowqifka dowladda? Waan caddeynayaa Mukhtaar ma taageersani, sidoo kale ma taageersani murashixiinta tartamaysa midna, waxaanse ka soo horjeedaa Shariif Xasan xukunkiisa. 1- Haddii ay dowladda go’aan ka gaartay “dembiilayaal” hore, sharci guud oo dowladeed haka soo saarto, oo dhammaantooda wada qabta, xitaa kuwa imaan doonna, laga bilaabo shaqaale illaa madax. 2- Haddii ay Mukhtaar diidan tahay, ha keensato murashax sifo sharci ah kaga adkaan kara. Murashaxiin culus baa jooga, laga yaabe inuusan codba helin. 3- Haddii ay dowladda u aqoonsan tahay dembiile, waxay ahayd in ay sharci mariyaan. Ma ahayn in August 2017 ay wasiiro Xudur ka soo galbiyaan, ay fasaxdo, waxay ahayd in ay sugto illaa uu iska soo dhiibo, ama la soo qabato, ma ahayn in ay maamuusto. Dadka reer KG 2014 waxaa rabbitaankooda cabburiyay Xasan Sheekh Maxamuud, ma ogi in ay Mukhtaar rabaan, waa hal qof oo 11 kale la tartamaya, guddi doorasho ayaa shuruudaha sheegi doonna, ha sugaan, laakiin waan ka digayaa isku dayga la rabo in lagu cabburiyo, oo ay shacabkaas u juujuubaan Shariif Xasan. Dowlad ahaan u shaqeeya, ama dadka ka hor leexda! Haddii kale Mukhtaar oo musharax caadi ah ayaad shacbiyad u samayn doontaan! W/Q: Hassan Adam Hossow
  7. MOGADISHU (HOL) – Somali government has excluded a former leader for the Al-Qaeda linked al-Shabab group from the list of candidates running for a regional state’s presidency, in a major blow for the Islamist-turned politician who has just declared his bid for the seat on Thursday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho saacado kadib markii Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayay xisbiga uu guddoomiye ka yahay, waxaana u billowday socdaal laba ujeedo leh. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Xisbigaas ayaa sheegay in lagu casuumay munaasabad ka dhaceysa Jaamacadda Oxford Union oo ku taalla dalka Britain, isla markaana uu khudbad ka jeedin doono. Waxa uu sheegay in laba toddobaad dalka ka maqaanaan dooni islamarkaana kadib uu magalada Muqdisho dib ugu soo laaban doono. Ugu dambeyn waxa uu soo hadal qaaday xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay, waxaana uu sheegay in mas’uuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan ay joogaan, islamarkaana ay shaqada sii wadi doonaan. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in safarka Xasan Sheekh uu sidoo kale qeyb ka yahay ololaha xisbigiisa, waxaana uu boqolaal Soomaali ah kula hadli doonaa magaalada London oo la qorsheeyey in xaflad ballaaran ay ugu qabato jaaliyadda. Kulanka Soomaalida ee London ayaa noqon doona kii ugu horreeyey ee ololaha xisbigiisa tan iyo markii looga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Sidoo kale Xasan Shiilkh ayaa halkaas kulamo kula qaadan doono diplomaasiyiin ka socdo dalal shisheeye si uu uga gado fikradda Xisbigiisa oo loolan adag la geli doono Xisbiga ay Dowladda Soomaliya dhawaan sameysan doonto. Xasan Shiikh ayaa muddo asbuuc ah ku maqnaan doono halkaas sida u isaga sheegay, wuxuuna kadib kusoo laaban doonaa Magaalada Muqdisho. Xisbiga Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn looga hadal hayaa guud ahaan dalka Soomaaliya, waxayna durba Dowladda Soomaaliya bilowday olole ay uga hortageyso xisbigaas. Hoos ka dhageyso codka madaxweynihii hore ee Soomaaliya https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/cod-xasan-sheekh.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDS Mustafe Maxamed Cagjar ayaa markii ugu horeysay dowlada Ethiopia ka dalbaday in maamulkiisa laga qayb galsho shirka golaha ee maamulka talada dalkaasi haya ee la magacbaxay EPDRF. Madaxweyne Cagjar, ayaa golaha maamulka talada dalkaasi haya ka dalbaday in loo sahlo kamid noqoshada shirarka waxa uuna tilmaamay in ahmiyad gaara uu u leeyahay shirarkaasi. Cagjar, waxa uu sheegay in maamulkiisa xiligaan uu u baahan yahay inuu ka dhexmuuqdo maamulada kale ee ka jira Ethiopia, isagoo carab ***** in taa lagu gaari karo in Golaha maamulka talada dalkaasi haya laga helo aqbalaad. Mustaf Cagjir waxa uu xusay in arrintasi maamulkiisa ay u horseedi doonto horumar iyo sidoo kale inay helaan isku filnaasho, maadaama ay hadda ka soo kabsanayaan rabshado colaadeed. Waxa uu tilmaamay in maamulkii hore ay ka dhaxleen kacdoono iyo dhibaatooyin sababay kalsooni daro, hase yeeshee ay iminka doonayaan inay u talaaban isbedel iyo wax wada qeybsi. Waxa uu Madaxweyne Mustafe Maxamed cagjar sidoo kale sheegay inuu rajo wayn ka qabo in xubno badan ay ku yeeshan golaha Wasiirada ee ka soo jeeda qowmiyada Soomaalida ah ee degan degaanada ay maamusho Ethiopia. Haddalka Cagjar ayaa muujinaaya in maamulka Soomaalida uu dhibaatooyin kala kulmay ridista Cabdi Cumar, taa oo sababtay kacdoon ku daatay dhiig badan. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan ay Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in lasoo daabacayo lacago cusub ayaa waxaa haddana soo baxaaya culeysyo ku xeeran daabacaada lacagta cusub ee Sh/So. Culeyska ka taagan daabacaada lacagta cusub ayaa la sheegay inay isugu jirto bixinta lacagaha lagu daabacaayo iyo shuruudo kale oo dhowr ah. C/raxmaan Ducaalle Bayle, Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay markii hore dowladda in lagu xiray shuruudo badan oo ku saabsan soo daabicista lacagtan cusub, taasi oo keentay in dowladda xilligan ay caqabad wajahdo. C/raxmaan Bayle ayaa qiray dhammaanba shuruudihii lagu xiray dowladda inay ka gudubtay balse ay harsan yihiin kuwa kale oo ku xayiran soo daabicista lacagta cusub ee la doonaayo in laga dhaqan galiyo dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la kulmeysa caqabado dhowr ah kuwaa oo xalintooda ay tahay mid ku xiran bixinta lacago shuruud ah. Dowlada ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo heli lahaa lacag cusub oo Shillinga Soomaaliga, taasi oo hadii la soo daabaco wax badan ka bedeleysa dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa meesha ka saaray in dowlada Somalia ay ka gaabin doonto wax ka qabashada culeysyada lasoo darisaya, waxa uuna ballanqaaday in xal ay u heli doonaan culeyska ka heysta daabacaada. Haddalka Beyle ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan dowlada Somalia ay ku dhawaaqday soo daabicida lacago cusub oo tayo leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qaraxyo xoogan ay ka dhaceen meel ku dhow Warshada Baastada ee degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir. Qaraxyada ayaa lasoo sheegayaa inay ahaayen laba Qarax oo is xig xiga kuwaa oo Jugtooda inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxyada ayaa la sheegayaa in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka Warshada Baastada ee magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Qaraxa kadib ay ciidamadu rideen rasaas xoogan iyadoo ay ciidamadu isku gadaamen laba gaari oo jugta Qaraxa xoogiisa ay gaartay. Ciidamada AMISOM aya inta badan Qaraxyo lagula eegtaa agagaarka Warshada Baastada ee degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir kuwaa oo ay ka dhashaan khasaaro kala duwan. Ilaa iyo wali ma cadda Khasaaraha ka dhashay qaraxyada, waxaana sida la tilmaamay qaraxyada ay ahaayeen miinada nooca dhulka lagu aaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay wadato kana dambeyso mushraxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur su’aal kaga keenay sababta warbaahinta qaranka ay u tebisay musharaxnimada Roobow, islamarkaana aysan u tebin xisbiga Xasan Sheekh uu shalay Muqdisho ku daah-furay. “TV-ga qaranka Soomaaliya wuxuu baahinayaa warbixinta Mukhtar Robow. TV ga qaranka marna ma baahin muuqaal ku saabsan Xisbiyada Dalka ka jira, gaar ahaan Xisbiga Wadajir. Tani waxay cadayn u tahay in ololaha doorashada Mukhtar Robow laga soo abaabulay Madaxtooyada iyo Hay’adda NISA” ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraalkiisa. Si kastaba, hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa muuqday mid aan sax ahayn kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay xalay si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Halkan ka aqriso warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalo madaxda Puntland ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ay wadaan qaar ka tirsan Xildhibaano waqtigu kasii dhamaanayo kuwaas oo fulinaya qorshe Madaxweyne Gaas damacsan yahay inuu wax kaga badalo Dastuurka maamulkaan. Qorshaha Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali dabada ka riixayo waxaa horgale u ah Maxamad Farax Nuux ( Nuux Dheere) kaasoo lagu doonayo in markale isku day lagu sameeyo sidii kororsiimo loogu sameyn lahaa tirada mudanyaasha aqalka wakiilada Puntland halka tirada Madaxweyne ku xigeenada la rabo in laga dhigo Labo. Tiro Xildhibaano ah oo Nuux Dheere horkacayo kuwaasoo aan beelahooda ka haysan ogolaansho iney markale kamid noqdaan aqalka Wakiilada Puntland ayaa waxay qoreen mooshin ay Gudoomiyaha Barlamanka kaga dalbanayaan in kulan aan caadi aheyn isugu yeero aqalka balse waa uu ku ku gacan-sayrey. Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo aan weli ku dhawaaqin inuu musharax yahay islamarkaana lug jiid kuwada magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka ayaa dad xogogaal ah ee la hadlay warsidahaan waxay u sheegeen inuu ka shaqeynayo sidii carqalad u galin lahaa doorashada soo socota ee Puntland. Xildhibaan Nuux Dheere oo kamid ahaa guddiga maaliyada aqalka Wakiilada ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu qayb ka ahaa 5-tii sano ee lasoo dhaafey dhibaatooyinka maaliyadeed ee ka dhacey Puntland kadib markii uu curyaamiyey mid-kamid ah hay’dahii ilaalin lahaa ku dhaqanka misaaniyada ay maamusho hay’adda fulinta dowlada. Talaabooyinkaan iyo kuwo lamid ah kuwasoo Cabdiweli Gaas damacsan yahay in dib u dhac ku sameeyo doorashada madaxtinmo ee Puntland ayaa waxaan ku baraarugsaneyn inta badan Musharaxiinta damacsan iney u tartamaan xilka Madaxweynaha Puntland sanadka 2019. Wax ka badalida Axdiga maamulkaan ayaa sida qodobka 139 ee Dastuurka Puntland dhigayo waxaa ku xiran shuruudo adag kuwasoo u baahan ugu yaraan labo kalfadhi ee Barlamaan. Barlamanka Puntland ayaa kafadhigiisa ugu dambeeyey ee lagu kala dirayo waxaa uu furmayaa October 25,2018 iyadoo muddo kooban ay xubnaha ku dhameytiri doonaan howlihii ka qabyada ahaa kalfadhigii kan ka horeyeey kadib-na Gudoonka golaha waxaa uu Xildhibnada waqtigu ka dhamaadey u kala fasaxayaa sidii beelahooda uga doonan laheyeen iney dib u soo doortaan. Xigasho: Garoowe Online
  14. Wasaaradda Amniga ee dowladda federaalka Somaaliys ayaa qoraal ay soo saartey ku Sheegtay in Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur aanu weli buuxin Shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd, taasina ay ka reebayso inuu isku soo sharaxo Madaxwayninimadda Koonfur Galbeed Somalia. Rooboow ayaa Shalay ku dhawaaqay inuu u tartamayo Madaxwaynanimadda KGS. Source: goobjoog.com
  15. Paris (Caasimada Online) – Aqoonyahan iyo qoraa Sacuudiyaan ah, oo si aad ah u dhaliila dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay dhismaha dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ka shaqeyn doona dalka dibeddiisa, sida uu qoray website-ka caanka ah ee Arabai21. Marzouk Mashan al-Otaibi ayaa Dhaqdhaaqa Isku-keeniadda Qaranka kaga dhawaaqay gurigisia ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana durba uu soo jiitay taageerada dad badan oo Sacuudiyaan ah oo aan ku qanacsaneyn dowladda hadda maamusha dalkaas. Al-Otaibi waa qoraagii hore ee wargeysyada dalka Sacuudiga ee kala ah Makkah iyo Al-Sharq, wuxuuna sidoo kale macallin ka ahaa qeybta kimisteriga ee Jaamacadda King Saud University. Bayaan uu soo saaray oo loogu talo-galay dadka Sacuudiga ayaa Al-Otaibi wuxuu ku yiri “Maamulka Al-Saud waa uu idin bahdilayaa, waa idin adoonsanayaa, waana idin ciqaabayaa” Isaga oo ka hadlayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ayuu yiri “Wuxuu iska indho-tirayaa dhammaan dhaqamadii Carabta iyo Islaamka, wuxuu xirayaa haweenka, dadka da’da ah iyo caruurta. Xitaa dadka qaar wuxuu jir-dilay illaa ay ka naf baxaan”. Dhaqdhaqaaqan cusub ayaan la ogeyn sida uu saameyn uga sameyn karo gudaha dalka Sacuudiga, maadaama uu yahay dibad joog. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  16. The victims are mostly local politicians, typically rivals of those entrenched in the party’s machinery and its corruption, and killings take place mostly in rural KwaZu-Natal. Source: Hiiraan Online
  17. HAWASSA, Ethiopia (Reuters) - Ethiopia’s government is failing to protect its citizens amid escalating ethnic violence that has displaced nearly a million people in the last six months, the head of a national human rights body that reports to parliament said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. The Garissa government has signed a long-term joint work plan with Unicef Kenya to build MCAs’ capacity to play their oversight role and improve accountability in the area of children rights. Source: Hiiraan Online
  19. ISTANBUL (Reuters) - Turkey will not leave Syria until the Syrian people hold an election, Turkish President Tayyip Erdogan said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  20. Sponsors for Cristiano Ronaldo have said they are "concerned" by rape accusations against the soccer superstar. Italian champions Juventus, however, have supported their player, praising him as a "great champion." Source: Hiiraan Online
  21. Hassan Mohamed Dhabar, 27, was glad to join the team of workers hired to build a new road in Baidoa, southern Somalia, after staying unemployed in one of the IDP camps for several months: Source: Hiiraan Online
  22. ATHENS (Reuters) - Women in Greek migrant camps are too scared to leave their tents at night or use communal showers, and many pregnant women have to sleep on the floor in unsanitary conditions, Amnesty International said on Friday. Source: Hiiraan Online
  23. US First Lady Melania Trump has arrived in Nairobi on the third day of her solo trip to Africa to promote health and education. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba. Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulainaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya cafiska ugu fidiyey dhamaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay. Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha. Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen. Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay Muqdisho lagu daahfuray xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin bulshada caan ka ah, aqoonyahan, indheergarad, haween, dhalinyaro iyo dhammaan qeybalaha kala duwan ee ku nool guud ahaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, waxaa guddoomiye KMG u ah Xasan Sheekh Maxamud, oo ahaa madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya 2012-2017. Haddaba, khudbad uu goobta ka jeediyey waxaa uu xusay inuu yahay nin tanaasul, oo wixii hore uu ka soo tagay, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “umadaha dagaallada sokeeye ka soo baxay, taariikhdii la soo dhaafay, waa lagu kala aragti duwanyahay, geesigii shalay ninbuu burcad u yahay, burcadkii shalayna ninbuu geesi u yahay, laakin aniga waxaan rabaa hal meel in aan ka qaato, taariikhdii la soo dhaafay, wixii wanaagsanaa oo dhacay ayaan rabaa in aan ka qaato”. Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh mar uu ka hadlay Somaliland waxaa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaba in loo tago arrintaas waxaa uu ka yiri “Walaalaha waqooyiga ee sida taarikhda halkan looga dhawaajiyey, soo keenay midnimada iyo walaaltinnimada halkan u yimid, oo la isugu biiray, kuna sameysantan jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960, runtii waxaa ay mudanyihiin in taariikhda lagu xuso, wanaaggaas iyo niyad samida Soomaalinnimada ay maalintaas noola yimaadeen, maanta duruufta waa isbadashay, oo walaalahaas waa maqanyihiin, oo waxbey tabanayaan, magaca dowladnimada ayey wax ku tabanayaan, magaca dowladnimada in lagu dhibay, oo wax looga bi’iyey ayey tabanayaan, waxaa ila haboon marka dadka Soomaaliyeed dowlad iyo shacaba in aan walaalahaas garawshiyo siinno, markeenna aan u geynno, oo aan u tagno, oo aan midnimadii , dowladnimadii iyo walaaltinimadii in aan qaadno, oo aan agtooda geyno, waan hubaa in aaney nagu soo celineynin”. Xasan Sheekh waxaa uu soo jeediyey in Somaliland iyo Puntland looga deydo waxa ay ku fiicanyihiin“Somaliland ayaa kiis ah, oo tijaabo ah, oo doorashooyinka iyo nidaamka ay sameysay iyo baahinta xukunka ilaa heer degmo ay u gaarsiiyeen, waa tarjubo Soomaaliyeed oo la qaadan karo, degenaashiyaha iyo nabadda ka qaadasho ayey leedahay, Puntland oo ku xigta ayaa sidoo kale ah, degenaashiyaha iyo nabadda iyo horumarinta, waayo-aragnimo iyo ka qaadasho ayey leedahay”. Mudane Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in joogo xilligii gorgortanka, wadahadalka ee laga soo tagay kaligii-taliyennimada “In qof ama wiil Soomaaliyeed inta soo baxo aniga ayaa dalka xoog ku qabsaday, anigaana u taliya inta ha laga baxo inuu yiraahdo, oo keligiis oo talada maroorsado, waa laga soo quustay, reer reer qurac la yiraahdo inat isku tagaan, wiilashooda qoryo u dhiibaan, dalkan xoog ku qabsaneynaa ay dhahaan iyadana waa laga yimiday, oo waa laga soo quustay, maxaa soo haray marka? Waxaa soo haray in si nabad ah, oo wadajir ah, oo wadatashi ah, loo tashado, oo talada loo wadaago fursadda hartay waa middaas, waa midda aan waayihii dhowaa ku soo mashquulsaneyn, hadda iyo mustaqbalka soo socdana aan ku soo mashquuli-doonno”. Ugu dambeyntii, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh waxaa uu soo jeediyey in la ixtiraamo xeerarka iyo hey’adaha dastuuriga ee dalka ka jira iyo muddada xil-heynta, isaga oo arrintaas ka hadlayey waxuu yiri “Muddada talada laguu igmaday markay dhammaato, si qaanuuni ah, oo nidaami ah in aad uga tago, oo aadan talada ka sii laalacshoomin, oo aadan raaracsoomin”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com