-
Content Count
211,154 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen dadkii gubay, sidoo kalena dilay Marxuum Axmed Dowlo ayaa la soo qabtay. Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo Booliska degmadaasi oo iskaashaday ayaa suurageliyay inay gacanta ku soo dhigaan Saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen dadkii gubay, sidoo kalena dilay Marxuum Axmed Dowlo. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C.raxmaan Yariisow ayaa bartiisa xiriirka bulshada ee Facebooka ku xaqiijiyay soo qabashada dadkan. “Maamulka Degmada Yaqshiid iyo Booliska waxey ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo, waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada, waqtigii damiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay.” Ayuu yiri Yariisow. Booliska Soomaaliya ayaa horey waxa ay u sheegeen falkaasi in dad loo soo xiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 3-ruux oo gubid iyo dil Muqdisho ugu geeystay Allaha u naxariistee Axmed Dowlo oo aano ka dhalatay heeybsooc guur loogu dilay Muqdisho. Gudoomiyaha ayaa sheegay in 3-daasi ruux ay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa degmada Yaaqshid ee Muqdisho. Waxa uu sheegay in sharciga lal tiigsan doono dadkaasi oo uu sheegay in si arxan daro ah ay u dileeyn Marxuum Axmed Doowlo. Wali waxaa Muqdisho ku xiran hooyada gabadhii aroosada aheyd ee dhashay gabadha ay ka soo bilaabatay heeybsooca guurka taasi oo la sheegay in ay iyana kamid ah dadkii dilay Axmed Dowlo. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dhowaan in sharciga la soo taagi doono dadkii falkaasi arxan darada ah ku gacay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Eng Yariisoow oo sheegay in gacanta lagu dhigay 3 kamid ah dadkii Gubay Axmed Dowlo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war ka duwan kan Mareykanka kasoo saartay weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Xarardheere oo lagu laayey maleeshiyada Al-Shabaab. Milatariga Mareykanka ayaa shalay sheegay in duqeyntaas lagu dilay 60 ka mid ah dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, taasi oo ah duqeyntii ugu dhimashada badneyd ee muddo sanad ah lala beegsado Al-Shabaab. Si kastaba sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in khasaraha gaaray Shabaabka uu intaas aad uga badan yahay, islamarkaana weerarka lagu dilay 117 dagaalyahan oo Shabaab ah Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu ka dhacay deegaanka Jowle oo 20 KM Koonfur Galbeed ka xiga Xarardheere. Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in dadka shacabka aanu wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah kasoo gaarin weerarka. Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Mareykanka ay la beegsadaan Al-Shabaab tan iyo 21-kii November ee sanaddii 2017, markaasi oo 100 Al-Shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Somalia Nicholas Haysom, ayaa daboolka ka qaaday in isbedel dhan waliba ah uu ka hirgalin doono Somalia. Nicholas Haysom, waxa uu sheegay inuu leeyahay qorshooyin gaara oo sanadle ah, waxa uuna meesha ka saaray in khilaaf uu soo kala dhexgali doono isaga iyo dowlada Somalia. Dowlada Somalia ayuu sheegay inuu kala shaqeyn doono dhan waliba, isagoo carab ***** in ahmiyada koowaad ay siin doonaan midnimada Somalia oo uu sheegay inay muqadas tahay. Nicholas Haysom oo ku sugnaa Xarunta dowlada hoose ayaa yiri “Qorshooyinkeenu maaha inaan ka meermeerno xaqiiqda, waxa aan qaadeynaa talaabooyin lagu hormarinaayo midnimada iyo danaha qaranimada Somalia” Nicholas Haysom, waxa uu meesha ka saaray in QM ay ka hor imaan doonto mowqifka dowlada, waxa uuna taa bedelkeeda carab ***** inay ka shaqeyn doonaan danaha DFS. Nicholas Haysom, ayaa xarunta kaga dhawaaqay in xafiiskiisa uu u furan yahay cid waliba oo daneyneysa midnimada Somali, isagoo ku nuux-nuuxsaday inay aad uga fogaan doonaan wixii dhib ku ah Qaranimada Somali. Sidoo kale, Nicholas Haysom, ayaa cadeeyay in Somalia ay ka dhabeyneyso dareenkeedii ahaa Horumar, waxa uuna aad u bogaadiyay isbedelda dhanka amaanka ee ka jira Somalia. Haddalka Nicholas Haysom, ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Somalia ay ku dadaaleyso in dhamaan wixii ku saleysan khilaafkeeda ay uga maarmi laheyd inay xaliyaan wakiilada saaxiibada caalamka u jooga Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay ururka Islaamka adduunka ee OIC ayaa waxaa Golaha Ammaanka QM looga dalbaday in shuruud la’aan ah cunaqabateynta Hubka looga qaado Somalia oo kasii baxeysa dhibaatooyinka amni darro. Kooxdan ayaa qoraalkooda ku muujisay baahida loo qabo in Somalia si buuxda looga qaado Cunaqabateynta Hubka ee sanadaha badan saran. Waxaa lagu sheegay qoaraalka in Kooxda xiriirka ka tirsan ururka OIC ay shir heer Wasiiro ay ku qaban doonaan magaalada Muqdisho 27 October 2018. Shirkan ayaa xoogga lagu saari doonaa Nabadda, Dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Somalia oo xiligani u xuubsiibaneysa wax la qeybsiga adduunka. Shirka ayaa waxaa Madaxtooyada Somalia u matali doono Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo isagu horay uga qeybgalay shirar ceynkaasi ah. Qoraal ay horay ugu sii gudbiyeen QM ayaa waxa ay Kooxdan Golaha ammaanka uga dalbadeen in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya, isla markaana looga adkaado Al-Shabaab. Xafiiska OIC ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay in lagu hormarin doono siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta. Dowlada Somalia ayaa culeys weyn ku qabta cunaqabateynta Hubka ee saran, iyadoo sida looga qaadi lahaa u kaashaneysa wadamada saaxiibada la ah iyo Ururada ku caanbaxay ka doodista arrimahaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu golaha ka dalbaday in Somalia laga qaado cunaqabateynta saran si looga guuleysto Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The EU and Somalia signed on 14 October an agreement to provide €100 million to the Somali budget over the next two and a half years. These funds will support the Federal Government's reforms to build a unified, federal state. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (HOL) - A Somali journalist Abdalle Ahmed Mumin, who has been published in British-owned news website The Guardian and the BBC has said he faces consistent death threats from individuals claiming to have links with the office of the Somali Prime Minister. Source: Hiiraan Online
-
Kooxda xiriirka ee ka tirsan ururka OIC ayaa la werinayaa in kulan heer wasiirro ay ku qaban doonaan Muqdisho 27 October 2018, kulanka oo xoogga lagu saarayo nabadda, dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Soomaaliya ayaa waxaa Villa Somalia u matalaya wasiirka arrimaha. Arriaha Muhiimka Waxaa Ka Mid Ah: Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa looga baaqay inay ixtiraamaan midnimada, xasiloonida iyo bad-qabka dhulka Soomaaliyeed . Waxaa la soo dhweeyey heshiisyada taariikhiga ah ee ay wada gaareen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada gaar ahaan kuwa ku saabsan nooca iyo qaabka doorashada 2020-ka, qeybiga kheyraadka, kuwaas oo qeyb ka ah horumarka nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya. Kooxdan waxaa ay golaha ammaanka ugu baaqeen in ay si buuxda cunaqabateynta hubka uga qaadaan Soomaaliya, si loo dedejiyo dhismaha hey’adaha amniga ee Soomaaliya. Kooxda waxaa cambeereeyeen Al-shabaab iyaga oo intaasi raaciyey in waxyeellada ay wadaan ay ka hor imaaneyso dhambaalka Islaamka ee ka tarjumaya nabadda, dhex-dhexaadnimada iyo xormeynta qiimaha nolosha. Kulanka waxaa dalalka xubnaha ka aha ururka iskaashiga Islaamka(OIC) iyo hey’adaha lacagta loogu baaqay inay kordhiyaan taageerada banii’aadnimo ee la siinayo NGO’ska iyo goobaha tabaaleysan. Kulanka waxaa lagu soo dhweeyey in xafiiska OIC ee Soomaaliya loo badalo mid lagu hormarinayo siyaasadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale, qeybna ka qaato sidoo kale dib u heshiisiinta. Kulanka waxaa loogu hambalyeeyey dalalka xubnaha ka ah OIC ee safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana sidoo kale loogu baaqay dalalka inay soo dedejiyaan sidii ay safaarad uga furan lahaayeen magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii, kulanka waxaa uu ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah ururka, hey’daha maaliyadda, ururrada NGO’ska ee dalalka Islaamka iyo kaalmo degdeg ah gaarsiiyaan qaxootiga iyo barakacayaasha, oo ay ku jiraan dalalka qaxootiga marti-geliya iyo xukuumadda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Jariiradda laga leeyahay dalka Mareykanka ee New York Times ayaa qortay inuu Dhaxal Sugaha dalka Sacuudiga Mohamed Bin Salman doonayo inuu Mas’uuliyadda dilka Qoraaga Jamal Khashoggi dusha kaga tuuro Madaxa Mukhaabaraadka Dalka Sacuudiga. New York Times ayaa sheegtay in Maxamed Bin Salman uu amray in lasoo dilo qoraagaan oo si weyn uga soo horjeeday Siyaasadda Sacuudiga, isla markaasna uu hayey sir badan oo ku saabsan Reerka Maamulo dalkaas. New York Times ayaa qortay in Boqortooyada ay si weyn u difaaci doonto Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman iyadoo kiiskaan dusha looga tuuro doono saaxiibkiis Khalid bin Ali Al Humaidan oo ah Madaxa Sirdoonka dalka Sacuudiga. Sidoo kale Boqortooyada ayaa sheegi doonto in Qoraagaan Safaaradda dhexdeeda lagu dilay labadii Bishaan October ayna aheyd shil dhacay isla markaasna uusan ku talagalka aheyn in la dilo. New York Times oo wareysatay qof xog ogaal u ah warbixinta ay soo saari doonto Dowladda Sacuudiga taasoo lagu qaldi rabo ra’yul caamka ayaa sheegay in warbixintaan lagu sheegi doono inuu dilkaas u dhacay qaab aan ku talagal aheyn xilli lagu guda jiray howgalka uu soo amray madaxa Sirdoonka Sacuudiga. Illo wareedka xogta siiyey New York Times ayaa sheegay inuu Dhaxalsugaha ogolaaday Baaritaanka lagu sameeyey Safaaradda ay Sacuudiga ku leedahay Istanbul isla markaasna ay madaxda ugu sareeyo dalkaas ku heshiiyeen in Kiiskaan laga wareejiyey Maxamed Bin Salman loona wareejiyo Khaalid. Kiiskaan Qoraagaan ayaa gaaray heerkii ugu sareeyey waxayna Mas’uuliyiinta Turkiga sheegeyn inay hayaan cod ka kooban 11 daqiiqo oo muujinaya in suxufiga la la’yahay ee Sacuudiag Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul. Sarkaal la hadlay taleefishinka Al-Jazeera oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in codka ay hayaan aan laga dhex-helin saacadda Apple Watch, sida suuqa ku jirta, balse si kale uu kusoo gaaray. Dhinaca kale sarkaal kale oo Turkish ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in caddeymaha ay hayaan ee dilka Khashoggi ay la wadaageen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Sacuudiga. Taxliilin coded oo ay sameeyeen booliska dalka Turkiga ayaa waxaa lagu ogaaday in dadka ka dhex-hadlaya codka ay ku jiraan saddex nin oo la rumeysan yahay inay yihiin Sacuudiyiin iyo codka suxufi Jamal Khashoggi oo la dilayo. Arrinta shakiga weyn dhalisay ayaa ah Shaqaalaha qunsuliyadda ka shaqeynayey oo maalintii la dilayey Jamal Khashoggi shaqada laga fasaxay 11:30 AM, halka Jamal uu ballansanaa inuu yimaado 1:00 PM. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
-
Addis Ababa (PP) ─ Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay golihii wasirrada ee uu soo magacabay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Ahmed, kuwaasoo 20 xubnood ka kooban. Golahan cusub ee Wasiirrada ayaa 10 ka mid ah waxay yihiin haween halka inta kalena ay yihiin rag, waxaana ku jirta haweeney markii ugu horreysay loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Itoobiya. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay sidii lagu xoojin lahaa amniga iyo dhaqaalaha dalka, kaddib rabshoado ka soday dalkaas muddo sannado ah. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa waxaa ku jira beelo aan horay uga mid noqon jirin golaha wasiirrada, iyadoo shacabka Itoobiya ay intooda badan soo dhaweeyeen, inkastoo ay jiraan dad dhaliilsan haweenka badan ee lagu soo daray wasiirrada. Mar uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka hadlay sababta uu haweenka ugu soo badiyay golihiisa wasiirrada cusub, ayaa sheegay inay qayb ka tahay qorshe uu ku doonayo inuu ku yareeyo musuqmaasuqa. “Haweenku waa ka musuq-maasuq yar yihiin ragga, waana taas sababta aan ugu soo daray golahan cusub ee wasiirrada haweenk tiradoodu ay gaarayaan toban, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo haya xilal culus,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Dhanka kale, Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo ka mid ah jagooyinka sare ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Shidde oo Soomaali ah, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ruux Soomaali ah xilkaan loo dhiibo. AKHRISO: Magacyada 10-ka Wasiir ee Haweenka ah; Mufuriat Kamil, Wasiiradda Nabadda Aisha Mohammed, Wasiiradda Difaaca, Adanech Abeebe, Wasiiradda Dakhliga Fetlework Gebre-Egzihaber, Wasiiradda Ganacsiga iyo Warshadaha Degmawit Moges, Wasiiradda Gaadiidka Hirut Woldemariam, Wasiiradda Tacliinta Sare iyo Sayniska Yalem-Tsegay Asfaw, Wasiiradda Dhallinyarada, Haweenka iyo Carruurta Ergoge Tesfay, Wasiiradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirut Kassaw, Wasiiradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Fitsum Assefa, Wasiiradda Qorsheynta iyo Guddiga Horumarinta AKHRISO: Magacyada 10-ka Wasiir ee Ragga ah ; Workneh Geneyehu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Shidde, Wasiirka Maaliyadda Omar Hussein, Wasiirka Beeraha Getahun Mekuria, Wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknolojiyadda Jantrar Abay, Wasiirka Dhismaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Sileshi Bekele, Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka, Samuel Hurka Tilaye Gete, Wasiirka Waxbarashada Amir Aman, Wasiirka Caafimaadka Xeer-ilaaliyaha Guud, Birhanu Tsegaye – Xil u dhigma Wasiir Ugu dambeyn, Golahan cusub ee xukuumadda Itoobiya ayaa waxay si rasmi ah hawsha ula wareegi doonaan maalinta berri ah, iyadoo tallaabadan si weyn looga hadal hayo waddanka Itoobiya oo dhan. PUNTLAND POST The post Barlamaanka Itoobiya oo cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Wasirrada cusub ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Qunsulka Sacuudiga u fadhiya dalka Turkiga Muhammad al-Otaibi ayaa ka dhoofay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, isagoo dib ugu laabtay magaalada Riyadh ee Sacuudiga. Qunsulka ayaa la sheegay in uu Istanbuul ka dhoofay waxyar un ka hor inta ay ciidamada Booliska iyo danbibaarayaasha galin gurigiisa, waxaana lasoo sheegayaa in safarkiisa uu dhaliyay shaki hor leh. Muhammad al-Otaibi, ayaa diyaaradii ka qaadi laheyd Turkiga saacado badan lagu xanibay Garoonka Ataturk ee magaalada Istanbuul, wallow markii danbe la fasaxay. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga aysan wali gacan ka geysan baaritaanka socda, waxa uuna intaa raaciyay xitaa inaysan ka heyn qirasho rasmi ah. Wasiirku waxa uu tilmaamay in uusan garan micnaha ku jira in Qunsuliyada su’aalo lagu dhexweydiiyo dadka, waxa uuna carab ***** in aysan jirin diblumaasiyiin Sacuudiga kasoo jeeda oo xayirada ay saran tahay. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa suurtagal ka dhigay in dilka Jamal Khashoggi loo isticmaalay qalabka sunta ah ee loo adeegsado dilka. Sidoo kale, Saraakiisha hogaamineysa baaritaanka qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baadi-goobka macluumaadka ujeedkuna wuxuu yahay in la gaaro natiijo muujinaysa waxa dhacay kiiska Jamal Khashoggi. Dowlada Turkiga ayaa xooga saareysa sidii lagu soo afmeeri lahaa kiiska dilka Jamal Khashoggi oo iminka intiisa badan lasoo xiray. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalka ay ugu dhoofiyaan dunida. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta beeralayda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beeralaydu ay hoggaan u ahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka, xilligaanna ay muhiim tahay in ay soo nooleeyaan dawrkooda, qaybna ka qaataan soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed oo ku xiran isku filnaansho dhaqaale. “Dawladdeennu waxa ay ka shaqaysaa soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Soo celinta sharaftu waa in aadan tuugsan, si aadan u tuugsanna waa in aad wax soo saartaa”ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre “Marka aad isku filantahay ayaad gaari kartaa go’aan xor ah oo aad kula dhaqmi karto dunida” ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa soo dhaweeyay heshiis hay’adda cunnada adduunyada (WFP) ay 4,000 metric ton oo Ganley ah uga iibsnayso beeralayda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay tahay bilaaw wanaagsan, hadii beeralaydu ay kordhiyaan tacabka beerahana ay hey’adaha gargaarkuna kordhinayaan iibssiga dalagga gudaha si ay ugu quudinayaan dadka gargaarka u baahan ee ku nool dalalka dunida.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — The U.S. military says it has conducted its deadliest airstrike against Al Qaeda linked Al-Shabaab group in central Somalia. The airstrike was carried out on Friday near Harardhere town, leaving 60 militants dead, according to the U.S. Africa Command. The statement says according to its assessment no civilians were injured or killed. The strike becomes such U.S. deadliest strike since one on Nov. 21, 2017, killed about 100 Al-Shabab fighters. The U.S. military has carried out more than 20 airstrikes, including drone strikes, this year against the al-Qaida-linked al-Shabab, the deadliest Islamic group in sub-Saharan Africa. U.S. military says it killed four al Qaeda linked al-Shabab militants on Oct 14 in drone airstrike in southern Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. The group is fighting to overthrow the internationally backed government of Somalia, but has also carried out attacks in neighboring Kenya. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Somalia’s first and largest ICT exhibition has today kicked off in Somalia`s capital, Mogadishu, showcasing the development Somalia is making in the field of communications and technology. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday Soomaaliya lagu dilay 60 ka mid ah dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, taasi oo ah duqeyntii ugu dhimashada badneyd ee muddo sanad ah lala beegsado Al-Shabaab. Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta ay jimcihii ka dhacday magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn ay sameeyeen lagu ogaaday in dadka shacabka aanu wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah kasoo gaarin weerarka. Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Mareykanka ay la beegsadaan Al-Shabaab tan iyo 21-kii November ee sanaddii 2017, markaasi oo 100 Al-Shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan. Milatariga Mareykanka ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyey in ka badan 20 weerar, oo qaarkood lagu fuliyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, waxaana lala beegsaday dhammaantood kooxda Al-Shabaab. Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa imanaya ayada oo 14-kii bishan ay Soomaaliya xustay qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo Afrika oo 14-ka October 2017 lagu dilay 600 oo shacab ah, markii gaari xamuul ah uu ku qarxay isgoyska KM 5 ama Zoobe ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed named Ahmed Shide his finance minister in sweeping changes to the Horn of Africa nation’s government that included appointing women to half of cabinet posts. Source: Hiiraan Online
-
No matter what your own particular “taste” of politics could be, it’s impossible not to be impressed or enthralled by the bromance of Somalia and Olgan Bekar referred by many as the ‘savior’. It’s a special bond that a country rarely develops with a foreign diplomat. But, the exposure by Olgan Bekar, the Turkish ambassador to Somalia in the local media is something that other diplomats could only envy but it’s quite natural given the phenomenal boosts in bilateral ties between the two nations. The 41-year-old veteran diplomat could not have imagined what was in store when he arrived in the Somali capital four years ago to take up his post as the Turkish ambassador to Somalia. From the beginning, Mr. Bekar’s job as a diplomat meant that he had a ringside view of the situation of Somalia, having taken time out from his preparations to travel to the country — defying all odds…...Read More
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xoghayaha Rugta Ganacsiga iyo Warshedaha Soomaaliya sidoo kalena ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Maamulka Jubaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa maanta lagu xannibay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Xoghaye Shaafi, oo la hadlay Saxaafadda isaga oo ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Muqdisho gaar ahaanna Garoonka Aadan Cadde maanta loogu xiray hadal uu ka jeediyay shir ka dhacay Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga. Waxaa uu sheegay in shirkaasi uu kaga hadlay caqabadaha heysta Ganacsatada Muqdisho oo canshuurta lagu kordhiyo inta badanna waddooyinka laga xiro,taas oo uu sheegay in aysan isqabaneyn. Shaafi Raabi ayaa sheegay in Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar uu ka hadli doono arrintiisa. Shaafi ayaa sidan oo kale Bartamihii sanadkan mar lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho isaga oo ka soo laabtay Dalka Belgium-ka,halka maanta uu ka soo laabtay Dalka Turkiga. Halkaan hoose ka dhageyso codkiisa https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Codka-Gudoomiyaha-Rugta-ganacsatada-Jubbaland.mp3Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia’s chairman of Jubaland chamber of commerce has been detained on Tuesday at airport in the capital of Mogadishu. Shafi Rabbi Kahin says he was held by security forces at the city’s airport over unknown reason. Mr. Kahin flew from Turkey to Somali capital Mogadishu earlier on Tuesday, but he was detained shortly after arriving in Mogadishu. Kahin added his passport and travel documents were taken by the security forces at the airport. “I was held and ordered to have seat, then, the security forces took my passport, documents and cell-phone. I don’t know the motive behind it”, he said. There was no immediate comment from the security officials at the airport over Kahin’s brief detention. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka ayaa maanta ka furantay magaalada Muqdisho, taas oo soo bandhigeysa horumarka ay bulshadeenu ka sameeyeen isgaarsiinta iyo teknoolojiyada. Carwadan waxaa loogu talo galay inay noqoto dhacdada ugu weyn ee ay ku kulmaan dhammaan daneeyeyaasha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka, sida shirkadaha isgaarsiinta, internet-ka, shirkadaha sameeya website-yada iyo barnaamijyada, fikradaha cusub ee dhinaca Teknoolojiyada, jaamacadaha bixiya aqoonta ICT iyo hay’adaha dawladeed ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Waxaa carwadan dhinaca farsamada ka caawinaya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada. Carwadan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 60 shirkad, jaamacad iyo hay’ad dawladeed, waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay iibiyaan, waxayna fursad u helayaan siddii ay isku baran lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen, Carwadan oo dadweynaha u furan 16ka iyo 17ka Oktoobar, subaxii 9ka subax illaa 5ta galabtii, waxay dadweynuhu sidoo kale ka qeybgali karaan aqoon-isweydaarsiyo, iyaddoo sidoo kale lagu guuleysanyo deeqo waxbarasho iyo agab kale sida laptop, talefoonnada gacanta, internet modems, iwm. Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka la taaban karo ee ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ka sameysay dhinacyada ansixinta sharciga, aasaasitaanka Hay’adda Isgaarsiinta, astaanta internetka, isaggoo sheegay in xogta ay ururiyeen ay muujineyso in Soomaaliya horumar muuqda ay ka sameyneyso isgaarsiinta iyo teknoolojiyada. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu taageereyso bandhigyada noocan oo kale ah, maadaama ay u xilsaaran tahay inay jiheyso, oo isku xirto, bahda isgaarsiinta iyo teknoolojiyada. “Dhamaan ka qeyb galayaasha waxa ay fursad u heli doonaan in ay isku bartaan, wada ganacsadaan, la socodaan howlaha dowladda, sidoo kalena ay muuqato cudadda iyo xoogga suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu yiri wasiirka. Ras’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Md Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo carwada si rasmi ah u furay ayaa sheegay in isgaarsiinta iyo teknolojiyadu gaareen meel aanay cidina ka maarmi oo nolosheena ka mid ah, Wuxuu intaas ku daray in carwadan ay soo bandhigi doonto wajiga kale ee Soomaaliya ay leedahay. Source: goobjoog.com
-
Brussels (Caasimada Online) – Sahra Maxamed Khalif oo 21 jir ah ayaa ku guuleystay xubin golaha deegaanka ee magaalada Leuven ee dalka Belgium ka dib markii ay heshay cod gaaraya 772. Sahra oo ka sharaxneyd xisbiga u janjeera garab bidix ee loo yaqaano Belgian Socialist Party (SPA) oo ka mid ah axsaabta ugu waaweyn dalka Belgiumka. Waa markii ugu horeysay taariikhda dalka Beligium oo shaqsi ka soo jeeda dalka Soomaaliya loo doorto xil. Sahra Maxamed Khalif waa gabar da’ yar dhigatana Jaamacadda magalaada Leuven gaar ahaan culuumta adduunka (International Studies) ayaa ah shaqsi mustabla wanaagsan ku leh siyaasadda dalka Belgium. Labada waalid ee dhalay Sahra Maxamed Khalif oo kala aha Jamiila Subeyr (Ramlah) iyo Capt. Cusmaan Maxamed ayaa aad ugu farxay dadaalka iyo hurumarka siyaasadeed ee ay gaartay Sahra. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in gabarteyna Sahra ay ku biirto siyaasadda ayada waliba da’ yar.” Ayeey tiri Jamiila Suber ayada Khadka telefoonka ugu warameysa HOL. Doorashadaan ayaa waxaa ka qayb-galay ilaa iyo todobo (7) xisbi. Ciddii ku guuleysto ayaa jagadaan hayndoonto muddo lix (6) sanno ah. Bishaan Oktoobar bilowgeedii ayaa Leyla Cali Cilmi oo ah gabar Somali-Swedish ku guuleystay xubinnimada baarlamaanka dalka Sweden. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalka ay ugu dhoofiyaan dunida. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta beeralayda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beeralaydu ay hoggaan u ahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka, xilligaanna ay muhiim tahay in ay soo nooleeyaan dawrkooda, qaybna ka qaataan soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed oo ku xiran isku filnaansho dhaqaale. “Dawladdeennu waxa ay ka shaqaysaa soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Soo celinta sharaftu waa in aadan tuugsan, si aadan u tuugsanna waa in aad wax soo saartaa”ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre “Marka aad isku filantahay ayaad gaari kartaa go’aan xor ah oo aad kula dhaqmi karto dunida” ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa soo dhaweeyay heshiis hay’adda cunnada adduunyada (WFP) ay 4,000 metric ton oo Ganley ah uga iibsnayso beeralayda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay tahay bilaaw wanaagsan, hadii beeralaydu ay kordhiyaan tacabka beerahana ay hey’adaha gargaarkuna kordhinayaan iibssiga dalagga gudaha si ay ugu quudinayaan dadka gargaarka u baahan ee ku nool dalalka dunida. –DHAMMAAD—- The post Khayre: Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Xiranyahay Kordhinta Tacabka Iyo Wax Soo Saarka Beeraha appeared first on Puntland Post.