-
Content Count
212,796 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Murrashaxa Madaxweyne Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa qaabilay Xil Cabdirashiid Haybe Faarax Iyo xil Caydaruus Muxumed Sh Cumar oo Golaha Degaanka Degmada Gabiley ka tirsan kuwaas maanta ku soo biiray Xisbiga Waddani. Kulanka Murashax Labada Xildhibaan La Yeesheen Ayaa Wax Goobjoog ka Ahaa qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley Kulankaas ayaa labada Xildhibaan Ka Sheegeen Inay Qayb Ka Noqon doonaan Sidii Murrashax Cirro Kursiga Madaxweynaha Soomaliland loogu dooran lahaa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalada qabiilka ayaa dib usoo cusboonaaday dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay. Inkastoo Soomaalida ay weligeedba qabiil isku dileysay, haddana mardhexe ayay xooga hoos u dhaceen dhibaatooyinka, laakiin sanadahan dambe waxaa muuqata inay xawaare ku dhaqaaqeen. Gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeellaha Hoose iyo Bay ayaa dhamaantood sanadkaan gudahiisa waxaa ka dhacay dagaallo qabiil oo ay dad badan ku dhinteen. Qaarkood weli xal rasmi ah lagama gaarin. Waxaa la yiraahda qabiilada Soomaalida toos uma heshiiyaan ee waan-waantooda xabada labaad ayey daahisay. Macnaheedu ma ahan in aan la xalin karin mushkiladan, laakiin weli ma isweydiisay yaa isku xil-saaray inay 100% soo afjaraan taxanahan. Dalka waxa uu qaatay nidaam federaal ah, taas oo macnaheedu yahay in deegaan walba ka jiro maamul goboleed, waxaa kale oo jirta wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee dowladda federaalka. Dhamaantood waxay ka shaqeynayaan mashaariic afka baarkiisa ah iyo xaflado laga dhaxlo sawiro qurxoon. Wax dhab u heshiisiin ah oo xididada loogu siibayo tixanaha dagaallada qabiilka miiska lama soo saari 24 sano ee lasoo dhaafay. Marwalba waxaa la qaata heshiis kumeel-gaar ah. Waxaa arrimahana si dowli ah ugu milmay dad xoolo doon ah oo beddelay kaaba-qabiiladii. Waxaa aad la iskugu raacsan yahay inay colaadahan u baahan yihiin madax Soomaaliyeed oo xalkooda uu dhab ka yahay. Afarta sano ee la doorto madaxda heer goboleed iyo kuwa heer federaal midkoodna 5% oo waqtiiga kamid ah ma galiyo soo afjarida dagaallada qabiilada. Qaarkoodna wuxuu waqtiga ka dhamaada iyaga oo aan hal maalin daaweynin boogaha keena colaadaha qabiilka. Caksigeeda magaalada Muqdisho ee caasimada oo qy dowladda dhexe fadhiso waxaa xoolihii umadda lagu gubaa xaflado joogto ah oo laga dhaxo hadallo marmarka qaar sii kala fogeeya bulshada iyo sawirro. Gobollada qaar argagixisada ayaa qabiilada isku dirta, si ay iyagu u noqdaan xalka loo baahan yahay ee wax kala dhihi kara labada qabiil, taas mar waxay ku muujinayaan baahida loo qabo inay sii joogaan deegaanka, marna waxay muujinayaan in aysan jirin cid aan iyaga aheyn oo ahmiyad siinaysa nabadda beelaha. Dowladda waa inay halkan baraarug ka qaadataa. Sanadkan dagaalada qabiiladdu maadaama ay bateen madaxda Soomaaliya ee heer federaal iyo kuwa heer maamul goboleed waa inay ugu yaraan 5% oo waqtigooda kamid ah galiyaan dib u heshiisiinta bulshada oo dib loo soo nooleeya dhaqankii idmanaa oo waqti iyo xoolaba la galiyaa is-cafinta iyo dib u walaaleynta umadda Soomaaliyeed, oo ay madaxda joojisa shirarka iyo xafladaha aan waxba soo kordhineynin ee lagu bur-burinayo xoolihii umadda. The post Miyaa la gaarin xilligii lacagaha faraha badan ee xafladaha loo wareejin lahaa dhinaca…? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka. Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada Maraykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada. Dhankiisa, Danjire Richard ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Baqdaad, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Ciraaq, Mudane Muxsin Al-Mandalawi. Ra’iisul Wasaaraha iyo guddoomiyaha ayaa si guud uga wada hadlay xoojinta cilaaqaadka u dhaxeeya labada waddan iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay u cusbooneysiin lahaayeen iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhaxeyn jiray labada dowladood iyo shacab. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyay guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada amniga iyo dagaalka Al-shabaab, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo diblomaasiyadda. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaan uu magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Shirkan oo si gaar ah u dhex-mari doona wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka iyo wasiiradda heer dowlad-goboleed, kaasi oo diirada lagu saari doono wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha. Wasiirka Beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo faah-faahin ka bixiyay safarka wasiirrada labada heer ee qasaaraddaas ay ku tagayaan Galmudug, ayaa sheegay inuu u daaran yahay u kuur-galida tacbashada beeraha ee maamukkaasi. “Socdaalkan aan Galmudug ku tegayno waa mid aanu ugu kuur gelayno xoojinta tacbashada beeraha Dalka, Galmudug Ayaan ka billownay qorshaha Istaraatiijiyadda ee wasaaradaha labada heer,” ayuu yiri wasiir Maareeye. Waxa uu intaas kusii daray wasiirka “Dalka meel weliba Beero ayaa lagu beeray, Galmudug Beeraley ayay noqotay.” Wasaaradaha veeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka & dowlad-goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u socday kulamo kala duwan waxa ay ku ballameen in xarumaha maamul goboleedyada. Horraantii sanadkan ayey aheyd markii Soomaaliya ay heshiis maal-gelin la saxiixatay Snduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD), kaasi oo lagu horumarinayo beeraha dalkeenna. Si kastaba, horumarinta beeraha Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista wax soo saarka dalagyada kasoo go’a beeraha, si looga baaqsado masiibooyinka ay abaartu ka mid tahay, oo dhowr jeer kusoo laab-laabtay dalkeenna. The post Xogta shir u dhaxeeya DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmaya Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
-
449790244_803239045275474_710033736466128099_n Qaran News
-
Eebbe mahaddii waxaan maanta booqasho iyo sagootis ugu tagey gurigiisa Suldaanka Guud ee beelaha Habar-jeclo, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, kaas oo safar caafimaad ugu baxaya waddanka isutaga imaaraadka carabta (UAE). Marka laga tago tawsta iyo tabaalaha gabowga, Suldaan Cabdillaahi wuxuu ahaa kii aan aqaanay oo car iyo bay la’a, waqtigii koobnaa ee aanu suldaanka is waraysanay, waxa boggiisa iyo bishmihiisa kasoo burqanayey talooyin dhaxal-gal ah oo xambaarsan lexjexlo guud iyo dardaaran odaynimo, kaas oo dhaafsiisan arimaha edega ardaaga uu odayga u yahay. Waxaan maqli jiray, weel waliba wixii ku jira ayuu dhididaa. Sidaa darteed, gobanimada, guurtinimada iyo garashadu, waa sed iyo sifooyin ay is dheer yihiin, hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo kuwa siyaasadda, ee laacdanka iyo loolanku ka dhexeeyo. Allahayow, maxaa ka run badan murtida tidhaahda, raganimadu waa inta reerkaaga kasoo hadha. Ugu dambayn, waxaan suldaanka Eebbe uga baryayaa in uu cimriga, caafimaadka iyo caqliga u barakeeyo. Waxa kale, oo aan Eebbe ka baryayaa in uu aniga iyo dhiggaygana uu dhegaha u furo, talooyinka dhaxal-galka ah ee Suldaanka. Ruux lagu jiro Allaa oge, waxaan suldaanka ugu duceynayaa, jidku toobiye, qoraxdu dallaalimo, dadku aabo iyo hooyo. Qaran News
-
Mustafe Omer: “Both Ethiopia and the other entity we signed the deal with will reap benefits once a seaport is built on the leased land.” Jigjiga (PP News Desk) — The President of Somali region in Ethiopia, Mustafa Mohammad Omer, claimed that the maritime Memorandum of Understanding that Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, signed in January 2024 with the President of the Somaliland Administration, Muse Bihi, would enable Ethiopia to acquire a commercial seaport. “120 million people live in Ethiopia. Since we [Ethiopia] spend a lot of money on goods we import through ports in other countries, the Memorandum of Understanding will benefit Ethiopia and the entity we signed with,” said Omer. His statement sent shock waves in Hargeisa, where political elites have accused President Bihi of encouraging Ethiopia to acquire a commercial seaport in parts of Northern Somalia controlled by the Somaliland Administration, a move that will drastically reduce Ethiopia’s dependency on Djibouti Ports, and will totally upend Berbera as an important seaport in the Horn of Africa. Mustafe Omer: “Both Ethiopia and the other entity we signed the deal with will reap benefits once a seaport is built on the leased land.” “We in the Somali region of Ethiopia will benefit hugely from the MoU. Somalis in Ethiopia suffer due to lack of a seaport, and as Abiy Ahmed said, the maritime MoU is not an attack on another country’s sovereignty. The Somali region of Ethiopia had experienced wars in the past, and we must avoid being dragged into a conflict over the MoU,” said Omer, who seems adamant about supporting the Ethiopian government to violate the sovereignty of Somalia. “Both Ethiopia and the other entity we signed the deal with will reap benefits once a seaport is built on the leased land,” Omer said without mentioning the name of the Somaliland Administration. In January 2024 Muse Bihi claimed that the leased coastal territory would be used as a naval base for Ethiopia. The Federal Government of Somalia rejected the maritime MoU which is a violation of the territorial and political unity of the Federal Republic of Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Mostafa Omer: The MoU Deal Will Enable Ethiopia to Acquire a Seaport appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Muuse Biixi ayaa Addis Ababa heshiis ku saxiixay 1-dii Janaayo ee sanadkaan. Waxaa lagu heshiiyay in 30 cisho gudahood heshiiska rasmi loogu beddelo, Itoobiya ay timaado xeebaha Lughaya, Somaliland aqoonsi la siiyo kadibna saami laga siiyo Somaliland diyaaradda Ethiopian Airlines. Maalintii heshiiskaasi la galay waxaa laga jooga 6 bilood iyo 6 cisho. Muuse Biixi waraaqihii laga qaatay dib wax loogama weydiin, howshuna waxay yeelatay albaab kale. Albaabkaas kale waxaa la yiraahda dowladda federaalka Soomaaliya. Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika, Turkiga iyo dhamaan dowladdaha deriska ah ayaa kusoo baxay qadiyadan. Laakiin qofna hal telefoon uma dirin Muuse Biixi, loogamana wicin hal miis oo qadiyadan looga hadlayo. Asbuucii tegay waxaa magaalada Ankara ee waddanka Turkiga wada-hadal loogu qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya. Laakiin nasiib darro mowduuca la isku haysto ninkii saxiixay oo ah Muuse Biixi Cabdi, tallo, tusaalo iyo xitaa wargelin ma haysto. Nimankii uu Muuse Biixi siiyay heshiiska ee Itoobiya waxay leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya ma noo sharciyeyn kartaa saxiixa Muuse Biixi. Arrintii aqoonsiga waa ka gaabsatay Itoobiya, dhawaan hadal uu arrintaasi aqoonsiga ka yiri wasiiru-dowlaha dekeddaha ee dowladda Itoobiya ayaa la tiray. Waxaana Itoobiya kusoo qanacday in aanu jirin maamul goboleed dhul iyo bad bixin kara oo ka jira Soomaaliya. Marka siyaasadda, dowladnimada iyo qabkaba laga hadlo ma ahan farriin fudud in saxiixaagii aan wax tallo ah lagaa weydiinin, oo aan xitaa kor-joogteyn lagaaga ogoleyn wada-hadalka qadiyad aad markii hore aaminsaneyd in aad adigu go’aan ka gaari kartid. Haddaba, waa maxay nuxurka halkan ku jira? Farriinta halkan ku jirta waxay tahay waxaa jira wax la yiraahdo Soomaaliya. Ma jiro maamul kale oo wax ka oran kara, saxiixi kara ama bixin kara bad iyo dhul Soomaaliyeed. Maamullada ka jira gobollada Soomaaliya waxay awooddaan inay ka shaqeeyaan arrimaha hoose ee la xiriira horumarinta bulshada, amniga iyo wacyi-gelinta, laakiin wixii intaas ka badan Waqooyi iyo Koonfurba adduunka midka kale lama hadlayo oo aan aheyn dowladda federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale farriintan niyad-jab ku tahay maamullo kale oo Soomaaliya ku yaalla oo isku dayi lahaa inay iska dhigaan gooni u daaq. In 33 sano kadib Somaliland aan xitaa saxiixeeda waxba laga weydiineyn, waa faham fudud oo la xiriira inuu dalka leeyahay hal dowlad, loona baahan yahay in taas la iimaansado, lagana heshiiyo wixii tabashooyin ah oo Soomaalida dhexdeeda ah. Waxaa kale oo laga baranayaa mowduucan in aanay dunida maanta u bisleyn in Soomaaliya lasii kala jaro, taas oo aan illaa hadda ka tanaasulin dhulalkii horey uga maqnaa ee jiray dhinacyada Itoobiya iyo Kenya. The post Muuse: Ninka saxiixiisa aan wada-hadalkiisa loo ogoleyn iyo arrinta ay muujinayso appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollo badan oo kamid ah dalka, isaga oo shaaciyay cidda ka dambeysa. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalladan soo noqnoqday uu kamid yahay qorshaha ay Al-Shabaab isaga horkeeneyso beelaha Soomaaliyeed, si ay uga dhex faa’iideysato. Ujeedka waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga jeediso dagaalka culus ee looga xoreynayo dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan ciidanka iyo dadka deegaanka “Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka Khawaarijta” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka dowlad goboleedyada ee ku aadan daminta colaaddaasi, wuxuuna xusay in cid kasta looga baahan yahay inay qaadato kaalinteeda. “Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood. Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas. Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha. Waxaa kale oo uu yiri “Dalkeenna waan nabadaynaynaa, Khawaarijtana dalka waan ka saaraynaa”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dagaal ugu dambeeyay uu ka socdo degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana uu sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh. The post Madaxweyne XASAN oo shaaciyay arrin ka dambeysa dagaal beeleedyada dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fasax kadib soo noqoshadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kalfadhigoodii 5-aad wuxuu ku furmay dood, ayada oo xubno kamid ah golaha ay ku dhawaaqeen inay yihiin mucaarad bannaanka taagan. Xildhibaannadaas oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa dhaliil xoogan u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, waxayna ku eedeeyeen wax-qabad la’aan, ayaga oo wacad ku maray inay hadda kadib u istaagayaan isla xisaabtan dhab ah. Cabdiraxmaan Cabdow oo kamid ah xubnahaasi ayaa faah-faahiyay qorshahooda, wuxuuna sheegay in maanta kadib uu dalka ku curtay mucaarad cusub, sida uu hadalka u dhigay. “Xildhibaanada gadaasheyda taagan iyo anigaba mucaarad cadeystay ayaa nahay marka shacabka Soomaaliyeed maanta laga bilaabo mucaarad ayaa idin curtay” ayuu yiri xildhibaan Cabdoow. Sidoo kale waxa uu dood ka keenay shaqada baarlamaanka, isaga oo sheegay in shaki ay ka qabaan, sida ay u socdaan howlaha baarlamaanka, ayna dalbanayaan in la geeyo Sheekh Rusheeye, si buu yiri loo soo celiyo ‘maanka xildhibaannada oo maqan’. “Waxaan kale oo rabaa in guddoomiyaha baarlamaanka aan halkan farriin uga diro guddoomiyow shaki badan ayaa na haayo baarlamaankan waa ka shakisanahay, maxaa yeelay waxyaabaha halkan la mariyay wax macquul ma’ahan maskaxdeyda qaar waa diidan tahay waxaan rabnaa marka baarlamaanka la imaanaayo in Sheekh Rusheeye aan keeno baarlamaanka lana rusheeyo xildhibaanada la rusheeyo say iyaga usoo noqdaan barkey waa maqan yihiin ” ayuu mar kale yiri xildhibaanki. Waxaa kale oo uu yiri “Shacabka Soomaaliyeed khayr iyo barwaaqo ayaa idin rajeyneynaa noo soo duceeya xaqiina ayaan u taaganahay duco kaliya ayaa idinka rabnaa”. Arrimahaan waxa ay kusoo aadayaan, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda, taas oo ay horay ula daala dhaceysay dowladda federaalka, waxaana hadda ugu darsoomay kicinta xildhibaannada. The post Xildhibaanada mucaaradka cusub oo dalbaday in Sheekh Rusheeye la geeyo BF appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adeegyada dowliga ah iyo kaabeyaasha aas-aasigaa ee nolosha bulshada ka hirgelinaysa deegaanada laga saaray kooxda Alshabaab ee gobolka Hiiraan, waxaana hadda tuulooyinka fog fog ee bariga Hiiraan laga heli karaa waxbarasho, caafimaad, biyo iyo adeegyo kale. Wasaaraha caafimaadka iyo biyaha iyo tamarta heer federaal iyo heer dowlad gobolleed ayaa dib u soo celinta adeegyadan ku howlanna, waxaana dib loo furayaa xarumo oo caafimaad oo xirmay xilligii Alshabaab ay dhulkaas gacanta ku hayeen, sidoo kale l dayac tirayaa ceelal horay u duugmay sida ay masuuliyiintu sheegeen. Qorshaha lagu hirgelinayo adeegyada aas-aasiga ah ayaa muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, deegaan walba kooxda laga saarona in adeegyada dowliga ah degdeg loo gaarsiiyo ayay xeeldheereyaashu qabaan. Source: goobjoog.com
-
Sanad walba waxaa dalka kenya laga xusaa 7-da Luulyo oo ah maalin taariikhi u ah dalka, islamarkaana loo yaqaan Saba Saba ama todobada bisha 7aad, taas oo lagu xasuusto Dibad-baxyo lagu dalbanayay dimuqraadiyadda xisbiyada badan oo dhacay sanadkii 1990-kii. Maalintaas waxaa Kenya gilgilay mid kamida isku soo baxyadii ugu ballaarnaa, kaas oo ay ku baaqeen hoggaamiyaal siyaasadeed oo ay kamid ahaayeen Kenneth Matiba iyo Charles Rubia, raggaas oo markii dambe xabsiga loo taxaabay, waxaana dibadbaxayaasha ku dhintay in ka badan 20 qof, halka tiro kaloo badanina ay ku dhaawacmeen. Xukuumaddii xilligaas oo uu hoggaan u ahaa madaxweyne Daniel Moi ayaa lagu qasbay inay oggolaato dalabka dadweynaha, islamarkaana dalka laga hirgeliyo hannaanka dimuqraadiyadda xisbiyada badan oo kenya ku dhaqmi jirin. Dharaartan taariikhiga ah ayaa sanadkan ku soo beegantay xilli ay dalka ruxeen bannaan-baxyo rabshada wata oo todobaadyo socday, islamarkaana dhiig badani ku daatay oo lagu diiddanyahay canshuur kordhin ay dowladdu samaysay, inkastoo markii dambe meesha laga saaray. Source: goobjoog.com
-
Luuq (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dib usii laba qarxay dagaal labadii maalmood lasoo dhaafay ka socday gudaha degmadaas, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed. Dagaalka oo galay maalintiisii saddexaad ayaa haatan ka socda bartamaha magaalada oo ay isku hayaan labada dhinac, waxaana lasoo wariyay in xaaladdu ay faraha kasii baxeyso. Ciidamada dowladda ee ku sugan aaggaas ayaa lasoo wariyay in dagaalka ay ku biireen, taas oo waji cusub u yeeshay xiisadda ka taagan halkaasi. Sidoo kale waxaa guul darreystay dadaallo nabadeed oo la doonayay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo labada dhinac kuwaas oo ay wadeen maamulka iyo waxgaradka degaanka. Labada dhinac ayaa isku weydaarsanayaa gudaha degmada hub culus, waxaa sidoo kale dagaalka barbar socda madaafiic lagu garaacayo aagga lagu dagaalamayo. Khasaaraha dhimashada, dhaawac iyo burburka ka dhashay dagaalkan ayaa sii kordhiyay, ayada oo horay loogu gubay suuqii weynaa ee degmada Luuq. Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhinacyada diriraya ay helayaan gurmadyo iyo ciidamo dheeraad ah, taas oo keentay in dagaalka uu kasii daro. Si kastaba, wuxuu dagaalkan markii hore ka billowday laba askari oo murmay, ayada oo goobta lagu dilay mid kamid ah, waxaana dhacdadaas kasii horeysay xiisad ka dhalatay muran dhul ku yaalla halkaas oo ay isku haystaan beelaha ku dagaalamaya degmada Luuq. The post DAGAL culus oo dib uga qarxay dgemada LUUQ appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleeystay in Ciidamo isku dhaf ah ay kala dhax dhigaan meleeshiyo beeleedkii dhawaan ku dagaallamay galbeedka gobolka Mudug. Kulankaan aya waxaa goobjog ka ahaa wasiiro iyo xildhibanada Puntland, maamulka gobolka ee labada dhinac, maamulka degmada, saraakiisha ciidamada darawishta, madaxtooyada iyo ciidamada isku dhafka iyo mas’uliiyiin kale Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in Maleeshiyo Beeleedkii ku dagaalamay degaanada Galbeedka Gobolka Mudug la kala geeyo Dagmooyinka Goldogob iyo Bandiiradleey. Sidoo kala labada Maamul Madax ka socata ay si wadajir ah kormeer ugu sameeyaan goobaha Maleeshiyaadka laga qaado si loo hubiyo dhaqan galka Kala qaadista Maleeshiyaadka Marka la xaqiijiyo dhaqan-gelinta heshiiskaasi Hordhaca ah ee Xabad joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka kadib in loo gudbo dhameystirka Heshiiska Shir looga wada hadlayo xal gaarista sababaha soo celceliya Colaada iyo Dirirta uu ka furmo Magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo ciidamo isku dhaf ah kala dhex dhigay maleeshiyaad ku dagaallamay galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug Maamulada ayaa ku guuleystay in ciidamo isku dhaf ah ay kala dhex dhigaan beelaha dhowaan ku dagaallamay deegaannada galbeedka Mudug, waxaana sidoo kale lagu heshiiyay maleeshiyaadka la kala durjiyo. Wasiirrada amniga labada maamul ayaa Warbaahinta u sheegay in goobtii ay beelaha dirirtu ku dhex maray la gaynayo ciidamo nabad ilaalin ah oo xaaladda dajiya, islamarkaana ka hortaga inay colaaddu mar kale dib u qaraxdo. Ciidan beeleedyada ayaa la kala geeyay magaalooyinka Galdogob iyo bandiiradlay, waxayna wasiirrada amnigu wacad ku mareen in ciddii dagaalka dib u billowda ay tillaabo adag oo wadajir ah ka qaadi doonaan. Colaadda ka jirta galbeedka gobolka mudug oo muddo soo jiitamaysay ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad I xoogaysatay, ayadoo ay tobanaan ruux ku dhinteen, balse hadda xaaladdu way degantahay oo waxaa socata waan-waan nabadeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa soo xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ashraf Cali Nuur, kaas oo isticmaala baraha bulshada. Booliska oo soo bandhigay ninkan ayaa ku eedeeyay anshax darro liddi ku ah dhaqanka iyo diinteenna Islaamka, waxaana boolisku sheegay in la horgeyn doono sharciga. “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa soo xiray eedeysane Ashraf Cali Nuur Sahal 24 jir kuna eedeysan Anshax-daro. Ciidanaka Boliiska Soomaaliyeed waxa ay u taaganyihiin fal-kasta oo wax u dhibaya dhaqankeena suuban iyo diinteena sharafta leh” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Xarigga wiilkan dhalinyarada ah oo caan ka ah baraha bulshada ayaa waxaa ka dhalatay falcelin xoogan, waxaana kamid ah dadka ka hadlay hooyadiis oo faah-faahisay wiilkeeda iyo wax uu qabto. Hooyada oo wareysi bixisay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ka shaqeeyo goob ganacsi oo ay leedahay walaashiis, isla markaana aanu shaqo ku lahayd eedda culus ee loo soo jeeiyay. “Wiilkaas waa Xaafidul Qur’aan oo 114 kor ka xifdiyay waana nin ahlu diin ah, wuxuu sidoo kale ka baxay Jaamacadda Soomaaliya oo waa aqoonyahan ma’ahan erayada iyo waxa xun-xunka ah ee wiilkeyga lagu eedeynaayo” ayay tiri hooyada dhashay Ashraf Cali Nuur. Sidoo kale waxa ay dalab u diray dowladda “Waxaan dowladda ka codsanayaa inay ii soo dayso waa masaakiin hooyadiis anaa ah, bari ayuu ka yahay waxa lagu eedeynaayo”. Dhinaca kale waxaa ariinta wiilkan oo 24 sano jir si aad ah looga hadal baraha bulshada, ayada oo si weyn loogu falanqeeyay xaaladda wiilkan iyo falka lagu soo eedeeyay. Bashiir Salaad “Booliska Soomaaliya sheeg sheega dadka miyey wax ku fahmaan?. Cid walba oo bulshada qatar ku ah ka hor inta aysan bulshadu soo bandhigin ayaa laga rabaa Boolisku inay ka howl galaan ee maahan kii baraha bulshada la keenaba in ay dib ka raadiyaan”. Ramlo Maxamed “Qofka haddii aadan caddeyn ku heynin sharafkiisa iyo cirdigiisa ha u gefina”. Cabdikariin Xuseen “Dowlada shaqo aad u fiican bey heysaa waana ku bogaadinaa shaqada aadka u fiican ee bilooyinkii ugu dambeeyy ay ku dhiiratay”. Xayaat Cabdulle ” War bal suga maxaa qaldan wiilka ha u gafina, ninka mustaqbalka ha uga ciyaarina ma faankiisa run uga dhigteen?”. Isaaq Sheekh Aadan ayaa isuguna yiri “Shaqo wacan baad haysaan, waana idinkaaga mahadcelinaynaa”. The post Falcelin ka dhalatay soo qabashada ASHRAF Cali Nuur oo loo haysto dambi culus appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyayaasha militariga ee afgembiyay maamulladii Mali, Burkina Faso iyo Niger , ayaa shirkoodii u horreyay oo wadajir ah ku yeeshay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Halkaasi oo ay kaga dhawaaqeen in ay sameynayaan urur ay ku mideysanyihiin oo ilaalinaya madax bannaanidooda, amniga iyo iskaashiga guud, sida uu ku dhawaaqay Ibrahim Traore, hoggaamiyaha Burkina Faso. Shir madaxeedkan ayaa u muuqda mid ay ku muujinayaan ka bixitaankooda ururka ECOWAS oo ay saddexda hoggaamiye sheegeen in ay ka baxeen horraantii sannadkan, inkasta oo ay jiraan dadaalo badan oo dib u heshiisiineed. Mali, Burkina Faso iyo Niger, oo ay ka dhaceen afgembiyo is xigay oo militariga ay xukunka kula wareegeen , ayaa isbeddelo weyn ku sameeyay jihada siyaasadeed ee galbeedka Afrika , iyagoo dalalkooda ka saaray Faransiiska iyo Mareykanka. PUNTLAND POST The post Saraakiishi Militariga ee af-gembiyay Mali, Burkina Faso iyo Niger oo ku dhawaaqay is-baheysi cusub appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saaka halkaasi uu ka socdo dagaal qaraar oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed, dagaalkaan ayaa daba socday dagaal shalay ka dhacay gudaha magaalada. Dagaalka ka socda magaalada waxaa la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo dagaalka uu kusii fiday duleedka magaaladaasi. Qaar ka mid ah dadka magaalada ayaa bilaabay in ay ka barakacaan magaalada sababo la xariira dagaalka ka socda. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkan, kaasi oo soo kala gaaray labadda dhinac ee dagaalamaya iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi. Maleeshiyaadka dagaallama ayaa la sheegay in ay taageero ka helayaan ciidankii ku sugnaa magaalada oo dhinacyada ku kala biiray. Dagaalkaan ayaa ka dhashay dilal la xariiray anooyin qabiil oo ka dhacay degmada Luuq iyo isku heysashada ilo dhaqaalle sida Jidgooyooyin. Source: goobjoog.com
-
Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo Maanta Warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Xafiiska Hantidhowrka guud ee Puntland. Guddiga oo gacanta ku haya akhriska iyo falanqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedkii 2023, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha iyo xubnaha kale Xafiiska Hantidhowrka guud ee Dawladda Puntland. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa xog-waraysi iyo su’aal waydiin la xiriirta Xisaab-xirka 2023 ee Golaha horyaala, waxaana mas’uuliyiinta Hantidhowrku ay Guddiga xog ka siiyeen Xisaab-xirka 2023, iyagoona uga jawaabay su’aalaha Xildhibaannadu waydiiyeen. PUNTLAND POST The post Hanti-dhawrka Puntland oo warbixin siiyay Guddiga Dhaqaalaha Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale si adag uga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa dowladda Itoobiya, wuxuuna bidhaamiyey heerka uu gaarsiisan yahay damaca ku jira Itoobiya. Ugu horeyn madaxweynaha oo ka hor-hadlayey labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadiisa oo cuskaneysa qaraarkii baarlamaanka JFS ay fagaare kasta oo caalami ah geysay damaca waalan ee Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya. “Aniga, xukuumadda iyo cid kasta oo naga mid ah waxay gole kasta iyo goob kasta u tagtay sidii aan u muuji laheyn qadiyadeena, dowladda Itoobiya ayadaa caalamka wareegeysa, iyadoo ka carareysa qaladkii ay gashay ee diblomaasoyadeed oo xad-gudub ku ah xeerarka caalamiga ah ee maanta dunida looga dhaqmo,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay caalamka ku wareegeyso iyadoo aan wax xal ah ogoleyn, isagoo tusaale u soo qaatay wadahadlkii ugu dambeeyey ee fashilmay markii la isugu tegay Ankara. “Toddobaadkii lasoo dhaafay Turkiga ay noogu yeeray inaan aqbalno gogol, ay Itoobiya codsatay, nasiib darro mowqifkii Itoobiya waxaba iskama bedelin, taasi waxay sababtay in gogosha mar kale dib loo dhigo, iyadoo aan la is horfariisan, gogoshaan Itoobiya ayaa codsatay in dib loo dhigo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay sidaan oo kale ugu fashilantay gogol ay dhigtay Kenya, “Gogol bilow aheyd oo Nairobi ka furantay ayay Itoobiya dib u dhigtay, kadibna waa ku guul-dareysatay, “waxaan rajeynayaa tana in aysan lamid noqon gogoshii hore, oo aysan ka bixin balantii aan lasoo galnay walaalaheena Turkiga,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan wax colaad ama naceyb ah u qabin shacabka Itoobiyaanka ah, balse madaxda dalkaas ayuu ugu baaqayo inay u hoggaansamaan sharciga iyo deris wanaagga, “Shacabka Itoobiya waxaan u rajeynayaa in ilaahey ka saaro dhibaatooyinka heysta,” ayuu yiri. Madaxweynaha Soomaaliya oo hortaagan baarlamaanka dalka ayaa si cad u sheegay in Itoobiya ay diiday inay ku dhaqanto sharciga, “Inta si derisnimo ah noogu timid wali nagalama hadlin arrimaha maanta taagan, hadana nasiib darro meel kasta ayey wareegayaan, iyagoo dhahaya Soomaaliya nala heshiisiiya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya u diray baaq culus oo la xiriira shirka Ankara appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka Xamaas ayaa Sabtidi shalay aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee wadahadallada xabad-joojinta Gaza, ee dhigayay in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan iyo la heystayaal iyo qodobbo kale. Ilo Maryam ka tirsan Xamaas ayaa wararka ee Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore ay Isra’il ogolaato xabad-joojin buuxda. Wajiga sawirada ayaa muujinaya xabad-joojin ka hirgasha Gaza ee uu u soo jeediyay maamulka madaxweyne Biden, Xamaas loo diiday hadda laga joogo 16 maalmood. Sida ay sheegeen laba sarkaal oo magacyadoodu qariyeen, isla kulmi ka keentay wadahadallada hadda socda ayaa sheegay, in wajiga hore ee xabad-joojinta uu si buuxda sharraxan kuna dhamaystirmi doono lix bilood ah. Muddadaas ayaa lagu wadaa in lasii daayo qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta ay Xamaas ku heyso Gaza, gaar ahaan, kuwa xanuunaya iyo dumarka, halka Israa’iil ay Xabsiyadeeda ka fasaxa boqollaal Falastiiniyiin ah. Source
-
Magaalada madaxda dalku sanadba sanadka ka dambeeya way sii koraysaa, baaxad ahaan iyo bulsho ahaanba, waxaana koritaankaas qeyb ka ah kororka jaadadka kala duwan ee gaadiidka sida maalin laha ah u dhex mushaaxaya. Gawaari xamuul ah, kuwa dadweynaha qaada, qaar tamashle loogu tala-galay, iyo kollanyooyin ay masuuliyiin dowladda ka tirsani wataan ayaa sidii faraha siman u yaacaya laamiyada waaweyn ee caasimadda. Waa run oo baabuurtu bilicda iyo hormarka kaalin weyn ayay ku leeyihiin, sidoo kale isku socodka dadweynaha iyo daabulidda adeegyada muhiimka ah ayay qeyb libaax ka qaataan, balse hannaankooda adeegsiga jidadka waxaa ka taagan culays aan layska indha tiri karin. Isgoyska iyo hilimada faras magaalaha ku yaalla ayaa mararka qaar jiq isku noqda oo gaadiidku food isla galaan, kala furfuriddooduna ay ammin dheer oo saacado ah ku qaadataa ciidanka taraafikada iyo is xilqaameyaasha damiirkoodu hagayo ee wax kala fududaynta ku foogan. Dadka xanuunsan ee isbitaallada loola cararayo, hooyada foosha ah, ardayda waxbarashada ka daahaysa, shaqaalaha u ordaya howl maalmeedkooda, iyo dadka socdaalka ah oo laga rabo inay si degdeg ah garoonka diyaaradaha ku tagaan ayaa dhammaantood dhibane u noqda markay jidadku isku xirmaan. Inkastoo ay dowladdu dadaashay oo mootooyinka maalinba koox u qoondaysay, haddana dhibaatada weli fari kama qodna, cabashada la xariirta cariiriga dhabbeyaashuna waa mid ay wada qabaan wadayaasha gaadiidka, dadweynaha, madaxda, iyo ciidamada nabad-galyada waddooyinka oo qudhoodu kala hagidda gaadiidka dhibaatooyinka Kala kulma. Haddaba haddii ay culaysyada wadda maristu kamid yihiin caqabad dadka caasimadda wadar ahaanta u haysta, muxuu yahay xalku, yaa’se u egman furdaaminta arrintan, ma madaxda oo keliya, mise bulshada iyo dowladda oo iskaashanaya. Warcelinta dambe waa quman oo si wadajir ah in arrintan looga howlgalo ayaa habboon sida ay xeeldheereyaashu qabaan, waana in gaadiidka waaweyn ee xamuulka xilli go’an ama gees cayiman oo ay jidadka ka adeegsadaan loo qoondeeyo, askarta baraha hubinta joogaahina ay dadaal iyo gacan fududayd muujiyaan. Sidoo kale wadayaasha mootooyinka iyo kexeeyaasha baabuurta qafilan ee dowladdu waa inay xeerarka wadda marista ku dhaqmaan oo aanay meelaan munaasabad ahayn, ama doc aanay jidka ka lahayn isku cariirin. Tillaabooyinkan ayay xal dhiig joojin ah u arkaan xeeldheereyaashu, balse dhaqan-gelintooda ayaa ah mid dhammaan ina wada sugaysa oo aan cid gaar ah marti looga ahayn, maadama dhibka ka yimaado uu nawada saameynayo. Source: goobjoog.com