-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta dowlad-goboleedka HirShabelle laga daah-furay mashruuca Biyo xireenka Sabuun, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona nolosha in ka badan 300-kun oo beeraley Soomaaliyeed ah. Mashruucan ayaa waxaa si wada-jir ah u daah-furay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac. Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo saraakiil ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay. Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu waxtar u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka, islamarkaana uu xal u noqon doona waraabka beeraha iyo dhibaatooyinka kale ee ay sababaan fatahaadda iyo daadadka uu sameeyo wabigu. “Mashruuca Sabuun oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah, waxaan hubbaa in uu kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.” ayuu yiri ku-simaha ra’iisul wasaaraha Saalax Axmed Jaamac. Mudane Saalax ayaa uga mahad-celiyey dowladihii iyo hey’adihii gacanta ka geystay hirgelinta mashruuca Sabuun, isaga oo xusay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii kor loogu qaadi lahaa tabaca iyo wax-soosaarka beeraleyda Soomaaliyeed. The post Sawirro: Soomaaliya oo maanta laga daah-furay biyo xireen aad u ballaaran appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa xukuumadda Muuse Biixi uga digay fara-gelin sharci darro ah oo ay ku hayaan shaqooyinka Komishanka doorashooyinka Somaliland. Digniintan oo sidoo kale si toos ah ugu socotay xisbiga tallada haya ee Kulmiye ayaa waxaa masuuliyiinta xukuumadda iyo siyaasiyiinta xisbiga looga digay inay arrimaha doorashooyinka uga hadlaan si siyaasadaysan. Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee guddiga ayaa digniinta u diray xukuumadda Muuse Biixi, wuxuuna yiri “Komishanka waxa uu digniin u dirayaa xukuumada iyo xisbiga Kulmiye oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka si siyaasadaysan oo baal-marsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka.” Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay xad-gudub u geysatay howlaha iyo masuuliyadda komishanka doorashooyinka Somalilnad, “Wax ay shaqo ku laheyn ayay ka dhigteen wax ay ku ololeeyaan,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf. Guddiga ayaa waxa kale oo uu si cad ugu digay wasiiro ka tirsan xukuumadda, “Waxa aanu si gaar ah digniin ugu direyna wasiirrada iyo madaxda xisbiga Kulmiye oo maalmihii dambe olole siyaasadeed ka dhigtay howlaha komishanka qaranka uu gacanta ku hayo.” Sidoo kale waxa uu dhamaan daneeyayaasha dooraahooyinka faray inay u hoggaansamaan shuruucda doorashooyinka, isaga oo ku goodiyay in ay talaabo sharci ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xad-gudubta madax-banaanida komishanka. “Maadaama la galay waqti doorasho oo xasaasi ah waxaanu dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka ku wargelinayna in loo hoggaansamo shuruucda doorashooyinka, lana dhowro madax-banaanida komishanka doorashooyinka.” “Cid kasta oo ku kacda arrimo baal-marsan xeerarka doorashooyinka waxa uu komishanka ka qaadi doona tallaabo sharci oo ku haboon,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka. Si kastaba, digniinta kasoo baxday guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa imaneysa xilli mucaaradka uu xukuumadda ku eedeeyay inay rabto in ay keento qalab casri ah oo doorashada lagu galayo, taasi oo ku ololeeyay xisbiga Kulmiye xilli billo kooban ka harsan yihiin doorashooyinka. The post Guddiga doorashooyinka Somaliland oo u digay xukuumadda – Maxay ku kacday? appeared first on Caasimada Online.
-
Hamabalyo dhamaan Haweenka dalkeena ee Xisbiga Waddani. Runtii haweenku waa laf dhabarta nolosheena. Waxaana xisbiga waddani dhisaya bulshadeena horumarkeedda iyadoo isku duuban. Sidaasa haweeenku uga dhex muuqdaan hogaanka Xisbiga Waddani. Guusha Qaranku Waa Haweenka oo ka dhex muuqda Hogaanka Siyaasadda dalkeena. Isbedelka Xisbiga waddani bulshadeena la raba wuu muuqda. Waxuna ka dhex muuqdda siyaasadda uu ku hogaaminayo dhamaan bulshadeena oo isu dheeli tiran. Hogaanka Haweenka Xisbiga Waddani Guuleysta Hogaanka Dhalinyaradda waxi ka qabyo ah waa la dhisaya. Raga waaweyni wey idin barbartagan yihiin. Inagoo gacmaha is heynaya ayay ka shaqeyneyna isbedelka badbaado qaran ee uu hogaaminayo Musharax Cabdiraxmaan Cirro Guusha Qarankeenu Waa Isbedel kheyr qaba. Xisbiga Waddani Guul Somaliland Guul. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada-hadallo cusub magaalada Muqdisho la yeelatay Ururka Midowga Yurub, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinteeda. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Talaadadii qaabishay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, danjire Karin Johansson, ayaa kala hadashay arrimo ku aadan xoojinta iskaashiga dhinaca duulista oo uu ballan qaaday Midowga Yurub. Kulanka kadib danjiraha Midowga Yurub ayaa booqasho ku tegtay xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa danjiraha Midowga Yurub warbixin ka siiyay howlaha shaqo ee Hay’adda oo horumarradii u dambeeyay ay gacan ka gaysteen xaqiijinta bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya iyo gobolka. “Horumaradii u dambeeyay ee qalabka iyo khibrada howlwadeennada waxay sare u qaaday kobaca dhaqaalaha dalka iyo bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya.” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaa ku daray xoojinta iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada duulista rayidka ay gacan ka gaysanayso sare u kac ku yimaada horumarka adeegga Duulista Soomaaliya. Adeegga Duulista Rayidka Soomaaliya oo ku jira hannaan horumarin ah ayaa ka faa’iideysanaya khibrada iyo aqoon iswaydaarsiga uu la yeelanayo ururrada caalamiga ah iyo dalalka horumarka ka sameeyay adeegga duulista. Iskaashigan uu Midowga Yurub la yeelanayo Soomaaliya ayaa ah mid quseeya khibrad wadaag iyo horumarinta xirfadaha howlwadeennada hay’adda duulista rayidka. The post Midowga Yurub oo ballan qaad cusub u sameeyay Soomaaliya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka Somaliland, ayaa Magaalada Burco ku qabatay Madaxa Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Sida Hay’addu baahisay Ninkan oo magaciisu yahay Deeq Cilmi Rooble, ayaa Burco u joogay kala furfurka dhalinyarada Somaliland iyo fidinta Warar borobagaando ah. Deeq Cilmi Rooble oo aan la ogayn sida uu ku soo galay gudaha Somaliland, ayaa waxa gacanta ku dhigay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland ee NIA. NIA ma bixin faahfaahin intaa ka badan, balse maaha qofkii ugu horreeyay ee ka mid ah shaqaalaha Dawladda Somalia ee ay qabato Hay’adda Sirdoonka Somaliland Geeska Qaran News
-
Munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa si rasmi ah maanta looga daah-furay mashruuca biyo xireenka Sabuun-FAO oo waxtar u leh in ka badan 300-kun oo beeraleey ah. Mashruucan waxaa si wadajir ah u daah-furay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeen Mudane Saalax Axmed Jaamac. Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobe Soomaaliya. Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa gacan ka geysanayo hirgelinta dhismaha. “Mashruuca Sabuun-FAO oo guulleysto waa Soomaaliya oo barwaaqo ah waxaan hubbaa in kordhin doonno wax-soo-saarka Beeraleyda.” Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminayay ku-simaha Ra’iisulwasaaraha. Source: goobjoog.com
-
Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare ayaa Maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Mudane Sameh Shoukry. Ugu horeeyn Danjire Ali Abdi Awaare ayaa uga Mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay. Waxaa u gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo sidoo kale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne Cabdel Fataax Al-Sisi. Kulanka kadib ayuu safiirka Soomaaliya ee Masar sheegay inu sii xoojin doono xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka iyo Labadda dal gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha. Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa sheegaya in illaa qof oo midi uu shacab yahay ay ku dhaawacmeen iska hor imaad dhex maray ciidanka Booliska iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee PSF. Shaqaaqadan oo ka dhacday saldhigga bartamaha ee magaalada ayaa salka ku haysa rag ka tirsan PSF oo ay boolisku xireen, sida laga soo xigtay ilaha xog ogaal ah oo ku sugan gobolka Bari. magaalada Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka dhacayay falal nabad-galyada lid ku ah, ayadoo ay kooxo sida ciyaal weerada u abaabulani xilliyada habeenka xaafadaha qaarkood dhibaato ka gaystaan, balse isku dhaca laamaha ammaanka dhexdooda ah ayaan ku badnayn. https://fb.watch/sw4ixzLJEz Source: goobjoog.com
-
Beirut (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa Arbacada maanta ah rasaas ku furay safaaradda Mareykanka ee Lubnaan, waxaana uu ku dhaawacmay rasaas ay is-weydaarsadeen ciidamada ammaanka, sida ay sheegeen ciidamada Lubnaan. Ciidamada ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo u dhashay dalka Suuriya la xiray lana dhigay isbitaal si loogu dabiibo, islamarkaana ciidamada ay goobta ka baadi goobayeen rag kale oo hubeysan. Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in subaxnimadii meel u dhow albaabka laga soo galo safaaradda laga soo sheegay rasaas. Waxay intaas ku dartay in xarunta iyo shaqaaluhuba ay bad-qabaan. Safiirka Maraykanka Lisa Johnson ayaa hadda safar ugu maqan meel ka baxsan Lubnaan, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed. Ilo dhanka ammaanka ah oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada Lubnaan ay ninka hubeysan ka dhaawaceen caloosha. Ilaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in xubin ka tirsan kooxda ilaalada safaaradda uu soo gaaray dhaawac fudud. Afhayeen u hadlay safaaradda ayaan ka jawaabin su’aal ay weydiisay Reuters oo ku saabsan in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ilaalada safaaradda. Reuters ayaa xaqiijisay sawirada ninka looga shakisan yahay in uu weerarka gaystay oo la wareejinayey baraha bulshada, kuwaas oo lagu qaaday meel u dhow safaaradda. Waxay sidoo kale xaqiijiyey qeyb ka mid ah qoraal carabi ah oo ku qornaa jaakad uu xirnaa oo ahaaa “Islaam”. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ciidamada Lubnaan ayaa baro kontorool ka sameystay aagga safaaradda, waxaana la arkayey diyaaradaha qumaatiga u kacay oo dul heehaabaya safaaradda. Ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan Najib Mikati ayaa sheegay in uu la socdo xaaladda, isaga oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhigga iyo ciidamada ammaanka. Safaaradda Mareykanka waxay ku taal waqooyiga Beirut oo ah aag aad loo ilaaliyo oo leh jidgooyo badan oo laga soo galo. Waxay ka soo guurtay Beirut ka dib weerar is-miidaamin ah oo dhacay 1983-kii kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof. Bishii September, rasaas ayaa lagu furay meel u dhow safaaradda, balse cidna wax kuma noqon. Bartamihii Oktoobar, maalmihii hore ee dagaalka Gaza, dad badan oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda si ay banaanbax uga dhigaan. Ciidamada amaanka ee Lubnaan ayaa u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo si ay u kala eryaan. Xuduudda Lubnaan ayaa tan iyo bishii Oktoobar waxaa ka socday iska hor imaadyo u dhexeeyay Xizbullah oo ay Iran taageerto iyo Israa’iil taasi oo barbar socota dagaalka Gaza. Tobanaan kun oo qof oo ku nool labada dhinac ee xuduudda Israa’iil iyo Lubnaan ayaa barakacy iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii xoogeysto. Mareykanka ayaa waday dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu qaboojinayo rabshadaha ka taagan xadka. Reuters + VOA The post Safaaradda Mareykanka ee Lubnaan oo la weeraray appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad hubaysan oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Iska hor-imaadkaasi khasaaraha sababay ayaa saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaso ku dhexmaray ciidamada Booliska iyo ciidan ka tirsan PSF sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca labada ciidan uu salka ku hayo muran ka dhashay rag ka tirsan PSF oo lagu soo xiray saldhiga bartamaha ee Boosaaso. Faahfaahin intaasi dheer lagama hayo wararka ku saabsan iska hor-imaadka labada dhinac islamarkaana Booliska iyo ciidanka PSF midna weli kama hadlin dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaad Boosaaso ku dhexmaray Ciidanka PSF iyo Booliska Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Raysal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa markii saddexaad u muuqda inuu ku guuleystay doorashada baarlamaanka ee dalkaas, balse isbaheysiga tallada haya ayaa u muuqda mid ku guuldareystay inuu helo aqlabiyad weyn sida la saadaaliyay. Waxa uu u mahadceliyey codbixiyaasha oo uu sheegay in uu sii wadi doono “shaqada wanaagsan” ee tobankii sanno ee la soo dhaafay. Isbahaysiga uu hoggaamiyo Mr Modi ee BJP ayaa ku hogaaminaya in ka badan 290 ka mid ah 543 kursi ee loo tartamayo, kuwaas oo aad uga yar bartilmaameedkoodii ahaa 400. Congress-ka iyo xisbiyada kale ee mucaaradka ah ayaa la yaabay goobjoogayaasha, waxaana hadda la filayaa inay ku guuleystaan in ka badan 230. Natiijooyinka ayaa beeninaya tiro badan oo ka mid ah codbixintii dhamaadka usbuuca, taas oo muujisay isbahaysiga NDA inuu hoggaamiyo aqlabiyadda saddex-meelood laba meelood ee baarlamaanka, taas oo u oggolaan lahayd inay isbedel ku sameyso dastuurka. Source
-
Wasiirka gaadiidka iyo saadka ee dowladda Itoobiya, Alemu Sime, ayaa shalay baarlamaanka dalkiisa horgeeyay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland, heshiiskaas oo ku saabsan, in Itoobiya ay deked iyo saldhig militari ka hesho badda cas. Alemu Sime, ayaa xildhibaanada u sheegay in heshiiskii is-afgaradka ahaa (MoU) ee Itoobiya iyo Somaliland ee January 01 uu ka dhigan yahay heshiis dhab ah oo Itoobiya ka caawinayo helitaanka marin-badeedka. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee dawladda Federaalka Itoobiya H.E Alemu Sime, ayaa sheegay in Heshiiska dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddankiisu ahmiyad weyn u leeyahay isku-xidhanka iyo horumarka geeska Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Reysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa saxeexay is-faham Taariikhi ah oo dhex maray labada dal bishii Janaury ee sanadkan, kaas oo ku taxaluqa inay heshiis rasmi ah ku gaadhaan is-dhaafsi danneed oo uu dhinac waliba fursad muhiima ka raadinayo. H.E Alemu Sime, khudbad u jeedinayey Baarlamanka dalkiisa maalintii shalay ayaa heshiiska is-faham ku tilmaamay mid bog cusub u furaya geeska Afrika. “Heshiiska Is-fahamka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya waxa uu furi doonaa bog cusub oo iskaashi oo muhiimad weyn u leh isku xidhka Geeska Afrika” ayuu yidhi Alemu Sime. Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa guddiyo farsamo u saaray dhamaystirka heshiis rasmi ah oo laga gaadho iskaashiga labada dal iyo xudunta isfahamka oo ah inay Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud (Karaama) oo lagu helay kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lagcagaha baadda ah ee magaalada Muqdisho, waxayna ku xkuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah. Hoose ka akhriso xukunka iyo maraxadaha uu soo maray. Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan inuu Qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah ee Khawaarijta ay ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho. Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Khawaarijta ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-ka, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo Khawaarijta ka tirsanaa, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya. Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baad ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago baad ah. Sidoo kale waxa uu Khawaarijta u gudbin jiray Qiyaaasta qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogteeda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, waxaana arrimahaan uu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloowdba mar ay Khawaarijtu siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar, Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bisha Koowaad ee Sanadkaan 2024. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bisha Shanaad ee Sanadkaan 2024. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah. Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida. The post Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag maanta ku ridday Maxamuud Karaama appeared first on Caasimada Online.
-
Janaale (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay Ururada 66-aad iyo 83-aad ee Guutada 14-ka October ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo cagta mariyay xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyin hoostaga magaalada Janaale, sida ay innoo sheegeen saraakiisha horkaceysay howlgalka. Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalladan ku gaaran tuulooyinka Sarcad, Buulo-arundi, beeraha baay iyo Siigaale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xooggga. Inta uu howlgalka uu socday waxaa sidoo kale lagu gubay doonyo ay lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo ay u isticmaali jireen gudbinta qaraxyada iyo maleeshiyaadjooda. “Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay tuulooyinka Sarcad, Buulo-arundi, beeraha baay iyo Siigaale ayay sidoo kale geesiyaasha qaranka ku gubeen doomo ay Khawaarijta Arxanka daran u isticmaali jireen gudbinta Qaraxyada iyo daabulista Maleeshiyaadkooda ee Wabiga labadiisa dhinac” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Saraakiisha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana qorshaha uu yahay in Al-Shabaab aga ciribtiro aagga deegaanka Janaale. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca weeraro kala duwan oo ay soo maleegaan maleeshiyaadka kooxda. The post Doonyo ay lahaayeen Al-Shabaab oo la gubay kadib markii.. appeared first on Caasimada Online.
-
Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Magaalada Jowhar, Waxaana garoonka diyaradaha Jowhar ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo boqolaal dadweyne ah. Ujeedka wafdigaan u gareen Jowhar ayaa ah daahfurka Mashruuca biyo xireenka Sabuun kaas oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370Kun oo beeraleey ah taas oo yareen doonta barakaca isla markaana kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraleeyda gobalka, yareeynta khataraha fatahaadaha gobolka oo saameeya ilaa 1.5 Millyan oo muwaadin. Sidoo kale mushruucan ayaa yareyn doona saamaynta abaaraha iyo keydinta biyaha xilli roobaadka si looga faa’iidaysto xilliyada kale Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka gebi ahaanba isaga baxay degaanka Xawaadleey oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe. Ciidamada dowladda Federaalka oo ay weheliyaan maleeshiyaad u dhashay degaanka ayaa sida wararku sheegayaan saaka isaga baxay degaanka Xawaadley oo sannadkii hore laga saaray kooxda Al-shabaab. Ilo wareedyo ku sugan degaanka Xawaadley ayaa laga soo xigtay in ciidamada dowladda iyo maleeshiya-beeleedyada la socday ay guud ahaan banneeyeen degaankaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab soo buux dhaafiyeen tuulooyinka hoos yimaada degaanka Xawaadley oo dhaca jiinka webiga Shabeelle islamarkaana ku yaalla dhul istiraatiiji ah. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isaga baxay degaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.