-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada Deegaanka ee Macawisleyda ayaa dilay Horjooge ka tirsanaa Al Shabaab kaasoo lagu magacaab jiray Farey Macalin Xasan waxaana lagu dilay inta u dhaxeysa deeganada Gal goof iyo Ceel-bacad sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Ciidanka ayaa sheegay in sidoo kale ay kasoo ka soo furteen qori AK-47 oo uu watay. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ninkaan Howlgalka lagu dilay uu qaabilsanaa kicinta dadka iyo qorista Caruurta yar yar ee Dugsiyada Quraanka dhigata. Ninkaan ayaa ku howlanaa maalmihii lasoo dhaafay qorista dhalinyarada ku biiraysa Al Shabaab ee deegaanka iyo sidoo kale kala furfurka ciidanka deegaanka ee halkaasi ku sugan kuwaasoo doonaya in ay Shabaab ka saaraan deegaanada ay uga hareen Galcad Sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka deegaanka. Ciidanka Macawisleyda oo taageero ka helaya ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa haatan gacanta kusoo dhigay qaar kamid ah shaqsiyaadkii ka dambeeyay dil sanad kahor ganacsato loogu gaystay bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulkaasi. Ganacsatada la dilay oo labo ahaa ayaa kasoo jeeday magaalada Cadaado, waxaana lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed, ayada oo loo dilay aano qabiil darteed. Laamaha amniga ayaa sheegay in dad ku eedeysan dilka labada marxuum ay soo galeen gacantooda laguna xiray saldhigga booliiska Dhuusamareeb, isla markaana si deg dega ah loo horgeyn doono cadaaladda Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen inay ku raad joogaan shaqsiyaad kale oo baxsad ah oo iyana ku dhuumaaleysanayo deegaano hoostaga magaaladaasi. Soo qabashada eedeysanayaasha soo galay gacanta Galmudug ayaa waxaa ku farxay ehellada marxuumiinta oo sanad sugayay cadaalad iyo in lasoo qabto dambiilayaasha. Dhacdadan ayaa si wayn looga dareemay Galmudug, waxaana ka dhashay cabsi xoogan, maadaama caasimadii Galmudug dhexdeeda aano qabiil loogu dilay ganacsato aan waxba galabsan. Labada ganacsatada ah ee la dilay ayaa kamid ahaa dadka ugu magaca dheer ee magaalada, iyada oo dilkooda uu abuuray cabsi dhinaca amniga magaalada ah. Si kastaba, dilalka la xiriira aanada qabiil ayaa ah mid soo jireen ah marka loo eego guud ahaan Soomaaliya. The post Sanad kadib oo dad loo soo qabtay dilkii Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa war qoraal ah kasoo saaray afduub lagu sameeyey afhayeenka ciidanka PSF, Maxamuud Jamaal iyo eedaymo uu ciidankaasi u jeediyey Taliyaha Booliska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire. Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin eedeynta uu taliyaha ciidanka booliska usoo jeediyay, islamarkaana ay qeyb yihiin dagaalka Al Shabaab iyo Daacish ee ka socda gobolka Bari iyo sugitaanka Amniga magaalada Boosaaso. “Ciidanka Amniga Puntland ee PSF waxay u taagan yihiin sugidda amniga, la-dagaalanka kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish iyo helida xoggaha lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland.Haddaba, waxaa ayaan darro ah in Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire in uu eedeyn aan sal iyo raad lahayn u jeediyo ciidamada PSF” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska. Taliska PSF ayaa ku eedeeyay Ciidanka booliska in ay afduubteen afhayeenkii ciidanka PSF oo ku sugnaa magaalada Garowe. Waxa ay sheegeen in ay diyaar u tihiin xoojinta amniga Boosaaso. “PSF waa laan ka mid ah laamaha amniga Puntland, ma jirto xasarad ka dhaxayn karta iyaga iyo Bool- iska Puntland, waxaana u taaganahay la dagaalanka argagsixisada iyo sugidda amniga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Mar kale. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Ciraaq, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Sheekh Cabdul Hadi Al-Hazanawi. Guddoomiye Sheekh Aadan madoobe iyo wafdiga ka socda Ciraaq ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan iskaashiga baarlamaanada. Sidoo kale waxay labada masuul kulankooda diiradda ku saareen sidii loo dardar gelin lahaa howsha guddiyada wada-shaqeynta iyo saaxiibtinimada ka dhexaysa baarlamaanada labada dal. Wefdigan sare oo ka socda dalka Ciraaq ayaa dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inay kulamo kala duwan la yeelan doonaan madaxda ugu sareysa dalka. Source: goobjoog.com
-
Taliska Ciidanka Amniga ee PSF ayaa jawaab ka bixiyay eedayn loo jeediyay oo ku saabsan in ay mas’uul ka yihiin dhacdooyin amni-darro oo ka dhacay Boosaaso islamarkaana is-hor taag ku sameeyeen shaqadii Booliska Puntland. Taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo ka warbixinayay iska hor-imaad shalay ka dhacay Boosaaso ayaa ciidanka PSF ku eedeeyay in ay weerar ku qaadeen saldhiga bartamaha Boosaaso kalana baxeen laba eedaysane halka ay ku dhaawaceen laba askari oo boolis ah. Taliye Muumin ayaa sidoo kale Ciidanka PSF ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhacdooyin amni-darro oo marar kala duwan ka dhacay Boosaaso islamarkaana is-hor taag ku sameeyeen shaqadii Booliska. Haddaba Taliska Ciidanka PSF oo war-saxaafadeed ka soo saaray iska hor imaadkii Boosaaso ayaa hadal aan aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay eedaynta uga timid Taliyaha Booliska Puntland waxaana ay sheegeen in aysan waxba ka jirin dhammaan eedaha uu u jeediyay Gen. Muumin. Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka PSF PUNTLAND POST The post Taliska Ciidanka PSF oo beeniyay eedayn uga timid Taliyaha Booliska Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Maka (Caasimada Online) – Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ka cabanaya adeeg xumo ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka mid ah xujeyda oo nala hadlay. Xaajigan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyin ku heysta goobihii ay dejisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya oo mas’uuliyadooda qaaday, inta ay joogaan Xajka. Xujeyda nala hadashay waxay sheegeen in hoteelo fiican aan la dejin, isla markaana kuleyl daran ay ku wajahayaan magaalada Maka oo cimiladeeda ay aad u kulushahay. “Adeega aan ka helnay dowladda iyo lacagta ay naga qaaday wax isku dhow maaha, sanadkaan waxaa Soomaalida la dejiyey goobo aan lagu noolaa karin, markii hore waxaa la ii sheegay in markii aan tago magaalada Mako Hoteel la i deji doono, laakiin taas ma dhicin, magaalada oo aad u kulul ayaa nala dejiyey qolal aan wax qaboojiye ah laheyn,” ayuu yiri mid ka mid ah Xujeyda sanadkaan oo la hadlay Caasimada Online. Rajo weyn ayaa laga qabay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka bedesho dhibaatooyinkii haystay xujeyda Soomaaliyeed, balse taasi ma dhicin oo cabashada ayaa cirka isku sii shareertay, waxayna xujeydu sheegeen in balan-qaadkii loo sameeyey iyo adeegyada ay heleen aysan ay aheyn wax isku dhow. “Is bedel weyn ayaa nool balan qaaday sanadkaan, lacag 50 dollar ah oo kaliya ayaa u dhaxeysa qiimaha sanadkaan iyo sanadkii hore xajka lagu tegayo, sanadkii hore waxaa dadka laga qaaday (afar kun, afar boqol, sideetan iyo dhowr doolar), sanadkaana waxaa laga qaaday $4,434 iyo sintiyaal, duulimaadyadana waxaa loo xiray hal shirkad oo adeegyo gaar ah aan soo kordhin,” ayuu yiri Xaaji kale oo la hadlay Caasimada Online. Xujayda Soomaalida ayaa sidoo kale la dejiyey goobo aad uga fog xaramka, sida ka muuqata khariidadda hoose, taasi oo dhibaato badan ay kala kulmaan. Mid ka mid ah xujeyda oo xog ogaal ah, dhowrkii sano ee lasoo dhaafayna ku noqnoqday xajka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii uu dunida ka dilaacay cudurkii Coronavirus ay dowladda Soomaaliya toos ula wareegtay maamulka adeegyada xajka, sida ka duwan sanadihii hore, taasi oo sii cakirtay xaaladii xujeyda Soomaalida oo markii horaba dhibane u ahaa dowlad la’aanta iyo duruufaha ku xeeran ee dunida kale ay uga duwan yihiin. “Waxaa meesha la baxay tartankii shirkadaha, wax kasta waxaa la wareegtay dowladda markii laga reebo duulimaadka oo hal shirkad loo xiray, waan u dacwoonay shirkadaha, laakiin waxaba kama dhihi karaan oo anaga ayey nala mid yihiin, guryaha, hoteelada iyo teendhooyinka dowladda ayaa toos u soo faro-gelisay, waxaas oo dhan oo eed ahna waxay dusha uga dhaceysaa xafiiska arrimaha Xajka ee Soomaaliya,” ayuu yiri Xaaji la hadlay Caasimada Online. Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ayaa gaareysa 11,500 oo xaaji, waana tiro ka ag dhow tirada xujeydii sanadihii lasoo dhaafay u soo xajisay Soomaalida, maadaama dal kasta xajka looga qoondeeyey tiro go’an oo la isla ogyahay, Soomaalida ayaa safka hore uga jirta xujeyda qiimaha ugu badan ku tagta Xajka. Sidoo kale, dowladda ayaa sameysay shaqaale gaaraya 415 qof oo loo sameeyey IDs oo mid walba jago ku magacaaban yahay, kuna qoran yahay xafiiska Xujeyda ama Bicthada Soomaaliya. Waxaan halkan idin kula wadaageynaa liiska hoteellada ay dowladda Soomaaliya sheegtay in la dejin doono xujayda, kuwaas oo aan la dejin. Waxaan sidoo kale idin soo gudbineynaa sawirro muujinaya halka la dejiyey iyo sida ay u liidato. The post Xog: Xujayda Soomaaliya oo mar kale la dayacay – Sawirro muujinaya halka la dejiyey appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa Maanta oo Khamiis ah u codaynaya in Soomaaliya xubin aan joogta ahayn ka noqoto Golaha Ammaanka. Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York waxaa ku sugan wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi, si ay uga qayb galaan Fadhiga Goluhu ugu codayno Soomaaliya. Soomaaliya ayaa kursigan ku fadhiisan doonta muddo labo sano ah oo ka bilaabaneysa Janaayo 2025. Soomaaliya waxaa ku biiraya afar xubnood oo kale oo kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama. Dhammaantood waxay hore uga soo mid noqdeen Golaha, iyada oo ay Soomaaliya ugu dambeysay muddo laga joogo 53 sano. Dalalkan ayaa bedelaya Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo Maanta u codaynaya xubinimada Soomaaliya ee Golahaasi appeared first on Puntland Post.
-
Operating in a highly unregulated higher education market: The logos of some of the universities based in Puntland State of Somalia. Garowe (PP News Desk) — At a cafeteria in Garowe town centre, Ali (not his real name) worries about his job prospects upon graduation. He faces the dilemma of trying his luck in the Garowe job market or going to another region of Somalia. In Puntland State of Somalia, the number of unemployed graduates is increasing. There is an unaddressed mismatch between the courses taught in lo universities and the jobs available after graduation. The absence of government policy to tackle unemployment complicates the situation. The centralised government structure in Puntland State concentrates power in the presidency, although a federal system remains the foundation of governance in Somalia. No resources have been allocated for higher education institutions in Puntland State, a policy that promotes the emergence of private universities in a highly unregulated environment. The rector of one university in Garowe, who spoke to Puntland Post on the condition of anonymity, claimed that some universities in Puntland rip students off by offering courses taught by under-qualified lecturers. “Some universities offer courses that impose serious economic pressures on families burdened by university fees,” said the rector. A labour economist in Boosaaso City has faulted universities in Puntland for not being proactive in keeping records of the employment statistics of their graduates, even in the first year after graduation. Nepotism and the scarce public and private sector markets tend to dash the hopes of university graduates, some of whom opt for illegal immigration (tahriib). The dearth of vocational training courses in Puntland affects the choices students make, leading them to sign up for degree courses for which they do not have aptitude. Foreigners take up technical jobs that Somalis are unable to do. “It is every family’s aspiration to see children going to university after secondary school. More students apply for degree courses out of filial obligation to please parents,” said Mohamud Hassan, a retired university lecturer in Galka’yo. According to a higher education researcher associated with a think tank in Puntland, veterinary and agricultural science courses are in demand. “Many livestock owners and farmers in Puntland realise that the lack of veterinarians and agricultural extension professionals limits the potential of these two industries to contribute meaningfully to the economy of Puntland State of Somalia,” said the researcher. © Puntland Post, 2024 The post Puntland State of Somalia’s University Graduates Endure Prolonged Unemployment appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Minister of Information Daud Aweis concluded a two-day forum on Wednesday, addressing the critical issues of misinformation and incitement to violence. The event brought together experts, policymakers, and community leaders, focusing on strategies to combat these challenges and their impact on peace and stability. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi iyo doodo badan ayaa ka jira xaaladda amniga ee Soomaaliya, xilli dawladdu mar kale ku celisay inay fulanayso qorshaha ay dalka uga baxayaan ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo lasoo af-jarayo dhamaadka sannadkan 2024. Taliyiyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo wareysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay arrintaas, isagoo sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ka maarmaan ciidanka ATMIS hadii ay isku kalsoonaadaan oo kartidii lagu yaqiinay ay adeegsadaan. “Hadda 5 bilood ayaa ka dhiman waqtiga ay baxayaan ciidanka ATMIS, waa ku filan tahay madaxweynayaasha gobollada ee dhahaya waxaa dhacaya firaaq amni, waxaa mudadaas ku abaabuli kartaa ciidan deegaanka ah iyo maleeyo beeleedyo u diyaarsan inay dalkooda xoreystaan,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe. Masuuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah kuwa ATMIS, oo ka kala socda Uganda, Kenya, Burundi iyo Jabuuti, ay kasii mid ahaan doonaan hawlgal kale oo beddeli doona ATMIS muddo hal sano ah, balse ciidamada Itoobiya ka socda ay bixi doonaan dhamaantood bisha Disambar ee sanadkaan 2024-ka. Arrintaan ayaa imanaysa iyadoo su’aalo la iska weydiinayo diyaar garowga ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Indhaqarshe oo horay sanado badan u soo xukumay militeriga Soomaaliya ayaa qaba in ciidanka hadii laga ilaaliyo siyaasadda ay ku filan yihiin amniga dalka. Wuxuu sheegay markii uu ahaa Taliyaha xoogga in 80% dalka laga xoreeyey argagixisada Al-Shabaab, magaalooyin kooban oo Jilib, Bu’aale, Xarardheere iyo Ceelbuur ay ku jiraan ayuu sheegay inay ku harsanaayeen gacanta cadowga. Dib u dhac weyn ayuu sheegay inuu jiro markii la eego qorshaha amniga qaranka oo mar hore ay ku habooneyd in dalka laga xoreeyo argagisada, isagoo ku baaqay in gaabiska Meesha laga saaro oo ciidanka lagu hago waajibaadkooda, isagoo kalsooni badan ka muujiyey in ciidanka xoogga Soomaaliya ay nabad ku soo dabaali karaan dalka. Jananka ayaa ciidamada deegaanka ee macawiisley ku amaanay sida ay ugu guuleysteen xoreynta dhulkooda, wuxuu ku taliyey in ciidankaas tababar iyo taakuleyn la siiyo oo kala dambeyn loo sameeyo, si cadowga ay uga guuleystaan garabna ugu noqdaan ciidanka qaranka. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/06/01000000-0aff-0242-a964-08dc85642eb9_16k.mp3The post Jeneraal Indhaqarshe oo hal arrin ku taliyey inta aysan dalka ka bixin ATMIS (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.
-
21-year old captain Hafsa Omer bounces the basketball between her legs, dribbles, lays it up off the backboard, and watches it clatter into the hoop. Her dream is to one day play for her nation, but there is a catch – Somaliland is not a country. The breakaway territory has struggled to gain international recognition from any foreign government, despite governing itself and enjoying comparative peace and stability since declaring independence in 1991. Omer and her two sisters, who also play for Hargeisa Girls Basketball, the first all-girls team in the incipient country, are determined to put Somaliland on the map, by mobilising their more than 10,000 followers on social media. “Somaliland is looking for their recognition and we believe that we could be part of bringing the recognition… by wearing the flags, by talking about our country, by promoting it through the short video TikToks or Instagram pictures,” she said. Questions about Somaliland’s sovereignty came into sharp focus in January when local authorities said they would grant landlocked Ethiopia access to the Red Sea in return for recognition as an independent country, sparking a diplomatic row with Somalia’s federal government. Somalia, which considers Somaliland part of its territory, rejected the deal allowing landlocked Ethiopia to lease 20km (12 miles) around the port of Berbera, with access to the Red Sea for 50 years for its navy and commercial tankers. Somaliland officials say they have a strong case to become Africa’s 55th nation. The former British protectorate has its own coast guard – run by a female admiral – police force, passports, currency and a functioning democratic political system and government institutions. That record stands in contrast to large portions of the rest of Somalia where government forces have been fighting a bloody counterinsurgency against al Qaeda-linked militants from al Shabaab. Advertisement · Scroll to continue Omer sees her devotion to Somaliland’s independence as an extension of her father and uncles’ armed struggle in the 1980s against the dictator Siad Barre. “My dad talks about it every day, what he and his friends had been through, while he watched his cousins dying in front of him,” she said. While the territory of around 3.5 million people remains some way from attaining diplomatic approval abroad, Omer has made significant gains in pushing women’s rights Reuters Qaran News
-
MOGADISHU (Xinhua) -- Somalia and the UN agencies wrapped up a three-day meeting on Wednesday in Mogadishu, the capital of Somalia, committing to building resilient livelihoods and transforming agrifood systems. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sababta kaliftay in diyaaradda Kenya Airways ay ka degi weyso garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo warar ay tebisay warbaahinta Kenya ay sheegayaan in dhowr duulimaad oo shirkadda Kenya Airways ay leedahay ay maalmihii lasoo dhaafay dib uga laabteen safarkoodii, kadib markii ay ka degi waayeen Muqdisho. Maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in warkaasi uu jiro, isagoo sababta ku sheegay in baaqashada diyaaradaha shirkadda Kenya Airways ay salka ku heyso ‘sabab cimillo.’ Ugu yaraan labo diyaaradood ayaa la sheegay inay ka baaqdeen garoonka Aadan Cadde maalmihii lasoo dhaafay, labadaas diyaaradood mid waxay siday rakaab, midna xamuul, waxayna ka laabteen hawada magaalada Muqdisho. “Diyaaradahaan ayay ku adkaatay in ay cago dhigtaan garoonka Muqdisho, sababo la xiriira dabaysha xagga danbe kaga dhacaysa ee dhanka badda ka imanaysa, waana diideen in ay ka soo degaan dhanka magaalada, marka dabayshu jirto. Marka hawshani waa wax la xiriira cimillada,” ayuu Maareeye Axmed Macalin Xasan. Sidoo kale Maareeyaha ayaa sheegay in diyaaradaha kale ay ka degayeen garoonka maalmaha ay hawada Muqdisho ka laabteen labadaas diyaaradood, maadaama shirkadahoodu ay muddo dheer ka shaqaynayeen Muqdisho, isla marmarkaana ay la qabsadeen is beddelka cimillada, “waana wax ay soo wada mareen cabsida qabsatay kuwaas.” “Diyaaradaha kale way ku dhacday, tusaale diyaaradda Turkish Airline way ku dhacday tan oo kale, madaxdoodaa noo timid, waanu ka wada hadalnay, waxaana u sharaxnay sida dabaysha Muqdisho sannadkii isku beddesho, waxayna oggolaadeen in diyaaradoodu aanay dhanka badda ka soo degin ee dhanka magaalada ay ka soo degaan” ayuu hadalkiisa ku sii daray maareeye Axmed Macalin. Diyaaradda Kenya Airways ayaa dhowaan dib u danbeeyey bilowday duulimaadyadii Muqdisho, balse hadda waxaa soo baxday in maalmahaan ay ka degi la’dahay garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay ka cabsadeen cimillada Muqdisho. Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qaba in caqabadda heysata diyaaradaha shirkadda Kenya Airways la xali karo, hadii ay raacaan tilmaamaha la siinayo, maadaama diyaradahaas ay dalka ku cusub yihiin. The post DF oo shaacisay sabab ay Muqdisho uga degi weysay diyaaradda Kenya Airways appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta soo xiray Koobka kubadda cagta Naadiyada heerka koowaad ee Gobollada Puntland, isagoo daawaday Ciyaarta kama danbeysta ah Final-ka Koobka oo ay isugu soo hareen Kooxaha Homboboro FC iyo Comsed FC, wuxuuna Koobka guddoonsiisay Kooxda Homboboro FC oo ku guuleysatay Gool-Ku-Laad. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Ciyaaraha, taageerayaasha iyo dhammaan dhinacyadii kala shaqeeyay sidii wanaagsaneyd ee Koobka u qabsoomay. “Waxaan u hambalyeeynayaa Kooxda kubadda cagta ee Homboboro FC oo ku guuleysatay Koobka Horyaalka Naadiyada Heerka koowaad ee Puntland, sidoo kale waxaan boggaadinaya Kooxda Comsed oo iyana dadaalay oo galay kaalinta labaad ee tartanka. Sharaf ayeey ii ahayd inaan ka qeybgalay oo daawaday ciyaartii kama danbeysta aheyd, waana ku faraxsanahay horumarka dhinaca Ciyaaraha ee socda, Ciyaaruhu waa is dhexgal bulsho waxayna ka qeyb qaataan nabadgelyada iyo horumarka bulshooyinka. Dowladdu muhiimad gaar ah ayeey siisay dhallinyarada , waxaanuna u sameynay Wasaarad gaar u ah arrimaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha , waan boggaadinaya Wasaaradda, Xiriirka Ciyaaraha, Kooxaha ka qeybgalay tartanka, taageerayaasha , garsoorka iyo dhammaan dhinacyada ka wada qeyb qaatay Koobka. Hambalyo“ Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Munaasabadda xiritaanka Koobka naadiyada horyaalka Gobolada Puntland, waxaa kala qeybgalay Madaxweynaha , Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hodan Saciid, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Duqa Caasimadda Garoowe , Xiriirka Ciyaaraha, Lataliyeyaal iyo martı sharaf kale . Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Puntland Muumin Cabdi Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixiyey weerarro uu sheegay inay kala kulmaan ciidanka PSF-ta Puntland, isagoo soo tiriyey xad-gudubyo badan oo si bareer ah ay ugu kaceen ciidankaas, sida uu sheegay. Taliyaha ayaa sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan ciidanka PSF oo cadow u arka booliska maamulka, sida uu hadalka u dhigay, isagoo ugu horeyn ka warbixiyey weerar ay maanta ka geysteen saldhigga booliska magaalada Boosaaso. “Ciidanka PSF maanta waxay soo weerareen saldhigga booliska degmada Boosaaso, waxayna dhaawaceen labo askari, iyagoo xabsiga kala baxay labo eedeysano oo horay falal amni darro magaalada uga geystay,” ayuu yiri Taliye Muumin. Taliyaha booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka PSF in aysan laheyn cadow aan booliska Puntland aheyn oo ay beegsadaan, “Waxaan aad uga xunahay in ciidan Puntland ka tirsan ay maalin kasta booliska beegsadaan, weerar iyo beegsi joogto ah ayey ciidankaas nagu hayaan,” ayuu yiri Taliyaha booliska PL oo warbaahinta kula hadlay Boosaaso. Wuxuu sheegay in beegsiga ay ciidanka PSF ku hayaan booliska uu soo bilowday 2022-kii, isla markaana uu ka bilowday weerar ay ciidankaasi ku qaadeen gaari ay ku buufsan tahay calaamadda booliska oo mararyey gudaha Boosaaso, iyagoo halkaas ku dilay hal askari toddobo kalena ku dhaawacay, sida uu sheegay Taliye Muumin. “Mar kale ayey isla 2022-kii soo weerareen booliska, iyagoo saldhigga hortiisa ku dhaawacay askari boolis ah, 2024 sarkaal boolis ah ayey ku dhaawaceen koontrolka Boosaaso, bishii lasoo dhaafay ee May waxay ciidanka PSF ka qeyb qaateen hub si sharci darro ah looga soo dejinayey Boosaaso, iyagoo halkaas ku dhaawacay sarkaal kale,” ayuu yiri Taliye Muumin. Ciidanka PSF-ta Puntland ayaan ka amar qaadan xukuumadda Saciid Deni, markii laga soo tego in sida Dana boo kale ay Mareykanku taakuleeyaan, hadana waxaa xukuma sarkaal uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Puntland. Ugu dambeyntii taliyaha booliska Puntland ayaa farriin u diray madaxweyne Deni, isagoo sheegay in sidaan aysan ku sii shaqey karin, “Waxaan cabasho buuxda qabnaa xaaladda ka jirta Boosaaso, is hortaag shaqo ayey nagu hayaan ciidanka PSF, shalay nin si qaldan uga baxsaday laamaha amaanka ayey shalay ku difaaceen gudaha Garowe,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Taliska Booliska Puntland oo ka cabanaya PSF – Maxaa ka socda Boosaaso? appeared first on Caasimada Online.
-
Ayadoo sanad walba dunida laga xuso maalinta caalamigaa ee deegaanka oo ku beegan 5-ta bisha juun ayaa munaasabado arrintaa la xariira waxaa magaalooyinka muqdisho, Garoowe, Baydhabo, Cadaado, Caabudwaaq iyo meela kale oo dalka kamid ah. Masuuliyiin ka tirsan dowladda, madaxda Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo xubno Kale oo munaasabadahaas ka qeyb-galay ayaa si qoto dheer uga hadlay ahmiyadda ay maalintaani leedahay, ayagoo tilmaamay sida ay laga maarmaan u tahay in la ilaaliyo deegaanka. Agaasimaha wasaaradda deegaanka iyo isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in deegaanku uu haya waxa ugu muhiimsan nolosha, sidaa awgeedna loo baahanyahay in laga hortago waxyaabaha keena nabaad guur iyo abaaraha oo ah jaridda dhirta, isagoo xusay in hal ku dhegga sanadkan ee dowladdu uu yahay “dib u soo noolaynta dhulkii burburay”. Dhammaan magaalooyinka ay munaasabadani ka dhacday ayaa laga sameeyay olole dhir beeris iyo nadaafadayn ah, ayadoo lagu baaqay in bulshada lagu wacyi-geliyo ilaalinta deegaanka. Maalinta caalamiga ah ee deegaanka ayaa la asteeyay sanadkii 1973-dii, waxaana sanad kasta munaasabadaha xuska ah diiradda lagu saaraa dhibaatooyinka haysta deegaanada dunida sida abaaraha, nabaad guurka, isbadelka cimilada, iyo wasakhowga hawada. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Kenya Airways has explained the recent week-long diversions of its flights to Mogadishu, citing adverse weather conditions over Somalia as the primary cause. Since May 24, 2024, flights have faced stronger-than-usual tailwinds, making it unsafe to land at Aden Adde International Airport. Source: Hiiraan Online
-
Ku dhawaad 50 heshiis ayaa la kala saxiixday intii uu socday shirkii ugu horreeyay ee South Korea oo ay la yeelatay hoggaamiyeyaal ka socda 48 dal oo Afrikaan ah. Shirkan ayaa daaranaa sidii Africa iyo South Korea ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada sida macdanta, tamarta iyo wax soo saarka. Sida ay sheegtay wasaaradda warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed Arbacada maanta ah, Shirkadda Hyosung Corp oo ah shirkad laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixday qandaraas ay ku siinayso qalab koronto oo ku kacaya $30 milyan dalka Mozambique. Wasaaradda warshadaha ee kooriyada Koonfureed ayaa sidoo kale heshiisyo iskaashi ah oo ku saabsan macdanta muhiimka ah la saxiixatay Madagascar iyo Tanzania si loo sugo saadka warshadaha sameeya baytariyada. Sida lagu sheegay bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Warshadaha ee Kuuriyada Koonfureed, 47-ka heshiis ee lala galay 23 dal oo Afrikaan ah ayaa la saxiixay intii uu socday shir-madaxeedka. Kuuriyada Koonfureed oo ah dalka afaraad ee ugu dhaqaalaha badan Aasiya ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysto macdanta iyo suuqa weyn ee wax dhoofinta Afrika. PUNTLAND POST The post Kuuriyada Koonfureed iyo Madaxda Afrika oo kala saxiixday ilaa 50 heshiis appeared first on Puntland Post.