-
Content Count
215,307 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka K/galbeed ayaa fariin nabadeed u direy shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo aad uga gadooday xariggii dowladda dhexe ee Mukhtaar Roobow. Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulkaasi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo in nabadooda ay ka shaqeeyaan. Wuxuu sheegay in aysan u baahneyn dhibaato kale oo magaalada ka dhacda, islamarkaana wixii rabitaankooda ah ay si nabad ah ku muujiyaan. Dhanka kale, Afhayeenka oo aanu wax ka weydiinnay arrimaha doorashada iyo go’aankii waxgaradka K/galbeed ayuu sheegay in doorashada go’aankeeda leeyihiin oo kaliya guddiga doorashooyinka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/AFHAYEENKA-KONFUR-GALBEED-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Senetor Ilyaas Cali Xasan, oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka kana careysan dhibaatooyinka ka socdo magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay xaaladda Koofur Galbeed. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga uuna cinwaan uga dhigay Musharax Lawato! ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay in musharax la wato uu ka qeyb qaato doorashada Koofur Galbeed. Wuxuu Su’aal ka keenay Musharaxa la wato, Waxaana uu qoraalkiisa ahaa sidan:- “Musharax Lawato! :- Iyadoo lajoogo 2018 dhamaadkiisa dalkuna Federal yahay, waa nasiib daro in sanka laga gelinaayo musharax ay Dowlada u arkeyso inuu danteeda kashaqeynaayo”. “Waxaa amaan Mudan iney iska diideen dadka reer Koonfur Galbeed, waxaana leenahay Musharaxu lawato dadkaaga iyo deegaankaaga ku kalsoonow”. #SUAAL “Hadii aad ahaan laheyd musharax lawato maxaad sameyn laheyd? Aniga Musharaxnimadeyda waan katanaasuli lahaa! DoorashadaKG”. Qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ayaa si adag u dhaliilsan hanaanka dowladda Soomaaliya u mareyso doorashada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Ambassador Michael Keating oo Wareysi gaar ah siinayay Televisionka DW ee fadhigiisu yahay dalka Germalka ayaa sheegay in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu yahay mid aan samayn doonin geedi socodka nabadeynta Soomaaliya. Mr Keating ayaa xusay in nasiib darada haysata Soomaaliya haatan ay tahay nidaamka Qabiilka iyo raadinta xilalka, kuwaasi oo loo marayo hab musuq ah. Sidoo kale Dastuurka qabyada ah ayuu sheegay in uu yahay caqabad weyn oo haysata Soomaaliya, kaas oo u baahan waqti dheer oo lagu dhameystiro. Hadalka Ergaygii hore ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli uu taagan yahay khilaaf xoog leh oo ka dhshay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo. The post Keating Oo ka hadlay Mooshinka Madaxweyne Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan dalka Qadar ayaa ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya iyo mooshinkii laga soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha aanay aqbaleynin in la cabsiiyo, islamarkaasina loogu hanjabo in xilalka laga tuurayo. “Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah, in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna, inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno Qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre. Hadalkan ka soo yeeray Ra’iiuil wasaare Kheyre ayaa ku soo beegmaya xili Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka gudbiyeen madaxweyne Farmaajo. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-Kheyre.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kheyre “Ma aqbaleyno in nala yiraahdo nala shaqeysta ama waan idin rideynaa” appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Ahmiyadda Islaamku siiyey Akhlaaqda Wanaagsan iyo Wada-tashiga. Sheekh Aadan-Siiro wuxuu khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay labada Sifo ee kala ah ‘Akhlaaqda wanaagsan iyo Wada-tashiga’ kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwii uu ku guulaystay Rasuulkeena Muxamed (CSW), Hoggaamiye kasta oo Muslim ah oo labadaa Sifo yeeshaana uu guulaysanayo. Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ka hadlayaa laba Sifo oo ay tahay inay la yimaaddaan Dadka Ummadda hoggaamiyaa, kuwaas oo kala ah ‘Xusnul khuluq iyo Wada-tashiga’ taas oo guul badan gaadhsiinaysa (Dadka Dadka Hoggaamiya). In Ninka Amiirka ahi yahay Nin Dhibirsan oo Dadka Ururriya oo dulqaad badan oo Dadkiisa hadalladooda aan Tix-raacin, laakiin muhiimadda hoggaankiisa ilaashada iyo mid la tashada Dadkiisa wanaagsan ee Aqoonta iyo Kartida leh ee u ilo-bixiya wuxuu markaa doonayo. Labadan sifo waxaan doonayaa inaan u diro Hoggaanka Dalka oo aan dardaaran uga dhigo Naftayda iyo kuwa meesha hoggaaminaya..” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu tilmaamay in Hoggaamiyaha doonaya inuu guulaystaa tahay inuu ku daydo Rasuullulaahi Muxamed CSW “Haddii Hoggaamiye la doonayo Qofku waa inuu Rasuulka CSW ku daydo, si uu u guulaysto if iyo Aakhiro. Innagu Guusha waxaynu u aragnaa Guusha uu Qur’aanku tilmaamay, waxaynu u aragnaa guusha uu Sunaha Rasuulku lagu tilmaamay, waxaynu guusha u aragnaa kuwa Illaahay leeyahay darajadii Sidiiqiinta ayay gaadheen, kuwa illaahay Qur’aanka ku tilmaamayo ee uu leeyahay Illaahay baa ka raalli noqday oo Adduun iyo Aakhiraba way guuleysteen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Guushu waxay ku xidhan tahay, Qofku markuu hoggaamiye yahay inuu raaco Dariiqii Rasuulka CSW, Rasuulku wuu guulaystay isagoo Agoon ah, isagoon Hanti badan haysan, wuu guulaystay isagoon Inamo lahayn, wuxuu ku guulaystay inuu sameeyo Bulsho Dunida hoggaamisa, 25 sannadood ayuu oodda ugu rogay boqortooyooyinkii shan kun oo sannadood soo taxnaa. Rasuulku wuxuu ku guulaystay Akhlaaq wanaag iyo Wada-tashi, guusha Rasuulka waxa ka mid ahayd Akhlaaq wanaag, Rasuulku wuxuu ahaa Mid Saxaabadiisu ku dul socdaan (oo u dul-qaata). Salaaddii oo la gelayo ayuu Nin Reer Miyi ahi Rasuulka Gu’iisa soo qabtay, markaasuu ku yidhi ‘Nebi Alloow waan baahanahay ee ha gelin Salaadda illaa aad wax ii dhiibto’, markaas ayuu Rasuulku Saxaabi ku yidhi ‘u dhiib’, markaas ayuu Ninkii yidhi ‘Nebi Alloow Alle hakaa abaal-mariyo Adigoo Salaadda gelaya ayaan ku idhi ha gelin, markaas ayaad ii dhiibtay..’ waa sifaadkii Rasuulka CSW, Illaahayna wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi ‘Rasuulkii Alloow dhaqan wanaagsan baad leedahay’ Ilaahay wuxuu yidhi ‘Muuminiintu waa kuwa Cadhada Qarsada marka lagu gefo, waa kuwa Dadka Cafiya marka lagu gefo’ taasina waa sifada Rasuullulaahi Muxamed CSW.” Sheekhu waxa kale oo uu tilmaamay “Rasuulku weligii kama aar-goosan wax isaga gaar loogu sameeyay, laakiin marka dulmi yimaaddo wuu ka dhiidhiyi jiray oo xaqa wuu u gargaari jiray..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Rasuulku wuxuu ahaa mid aan Saxaabadiisa laga dhex garan oo is dhul-dhiga, halka Maanta Innaga oo Cidlo fadhina lagu odhanayo kuwii la shaqaynayey ayaa Madaxweynihii raadinaya 15 cisho, hadda waa kuwii uu dirtay.” Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddiisa sii wada ayaa yidhi “Waxyaabihii uu Rasuulku wuu Saxaabadiisa ku ururriyey waxa ka mid ahaa Akhlaaq wanaag iyo Wada-tashi. 124 Kun oo Saxaabi ayuu Rasuulku la hadlay, Saxaabi walba markii la waydiiyey ka warran xidhiidhkiina ? Saxaabi walba wuxuu yidhi ‘Aniga ayuu Rasuulku CSW iigu jecel yahay’..” Sheekhu waxa kale oo uu sheegay “Faadumo Bintu Rasuullulaahi ayaa Masaajidka ugu timid Rasuulka, waxay ku tidhi ‘Cali-na waxba ma hayo, Anigana waad ogeyd wixii aad i raacisay, markaa Farihii baa i baxay ee waxaan u baahanahay inaad Qof shaqaale ah ii dabbarto’, Nebigu wuxuu ku yidhi ‘Halkan waxa ii jooga 83 Saxaabi, illaa kuwaa aan meel dhigayo Faadumooy Samir, ducaan ku raaciyey Illaahayna dambi-dhaaf waydiiso, waxaan kaa horreysiinayaa Saxaabadaa Masaajidka jooga, waxaan doonayaa intaan kuwaa meel dhigayo inaynu Innagu dambayno, bal Tusaalahaa ag dhiga kuwa Maanta u taliya Dadka Muslimiinta ah ee soo wada ootay ee Salladdooda gaadiidka lagu doono.” Sheekhu waxa uu ka hadlay Wada-tashiga “Waxyaabaha uu Rasuulku CSW ku guulaystay waxa ka mid ahaa inuu la tashado Saxaabadiisa waaweyn. Waddamada Muslimiinta ah Maanta halkaa maxaa dhigay, Nin isagu wax is mooday, Taladii isku ururriyey, markaa Xukuumadda waxaynu kula talinaynaa laba Arrimood, Madaxweynaha waxaannu leenahay Dadkaaga la tasho, waxa la leeyahay kuwii Aqoonta badnaa, Kartida badnaa ee lacagta kugu bixiyey waxba ma waydiinaysid, Albaabka kama furaysid, waar Dadkaaga la tasho, Xukuumadda waxaanu leenahay wax badan baa innagu xeeran ee Dadkaaga ururri, Dadkaaga wanaagsan la tashada oo Talada badsada…”ayuu yidhi. Source
-
Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howlgalka Amisom francisco Madeira ayaa iska fogeeyay in Amisom ay ku lug leedahay xariga Muqtaar Roobow iyo [...] Source
-
(SLT-Berlin)-Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Keating oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee DW, ayaa sheegay in mooshin cod kalsooni oo Farmaajo laga keenay aanu macnaheedu ahayn xasilooni darro siyaasadeed, oo dalal badan oo caalamka ah ay taas oo kale ay ka dhacdo, sidii dalka Britain oo kale oo toddobaadkan ay ka dhacday markii xisbiga muxaafadka ay cod u qaadeen ra’iisul wasaare Theresa May. “Si kastaba, marka aad eegto Soomaaliya, nasiib darro waa astaan muujineysa suuq siyaasadeed oo caan ku ah gacmo badan oo la isku dhaafsado lacag aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen” ayuu yidhi Keating. Keating waxa uu sheegay in mooshinka Farmaajo uu astaan u yahay walaac ku saleysan qabyaalad iyo loolan loogu jiro kuraasta xukunka iyo sidii awoodda gacanta loogu dhigi lahaa. “Waxaan rumeysanahy in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka bad-baadi doono mooshinkan” ayuu yidhi “Saddexdii sano ee aan joogay Soomaaliya waxaan marar badan arkay mooshino noocan oo kale ah oo laga keenay ra’iisul wasaareyaal iyo madaxweyne, marka la-yaab maaha” ayuu yidhi Michael Keating oo xafiiska QM ee Soomaaliya ka tegay bishii October. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda India ayaa markale sheegtay in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu gacanta ku dhigay doon kaluumeysi oo hub badan uu saarnaa, sida qoraal kasoo baxay lagu sheegay. Markabka dagaal ee India oo lagu magacaabo Sunayna ayaa la sheegay in markale uu meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ku qabtay doon Kaluumeysi oo hub lagu qariyay, taasi oo noqoneyso doontii Labaad oo ay qabtaan. Qoraal kasoo baxay dowladda India ayaa lagu sheegay in markabkooda Doonta uu ku qabtay shan qori oo ay ka midyihiin AK47 iyo Rasaas gaadheysa 471 Xabo, waxaana ay sheegeen inay sii daayeen kooxda Hubka wadatay markii ay hubka ka reebeen. Markabka INS Sunayna ayaa bishii October ee sanadkan howlgal ka billaabay biyaha Soomaaliya, waana markii labaad oo uu Hub ku qabto Xeebaha Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay. Xeebaha Soomaaliya oo hadda ay ku yaraadeen weerarada kooxaha burcad badeeda waxaa ku sugan maraakiib badan oo dagaal kuwaasi oo dalal kala duwan, lana dagaalamaya Burcad badeeda. Sidaasi oo ay tahay xeebaha Soomaaliya waxaa ka socdo kaluumeysi sharci daro ah oo dhaqaalo badan laga sameeyo sanad walbaa, mana jiro cid wax iska weydiiso. Source
-
Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada magaaladaasi ay saakay dagantahay. Dad ku sugan Baydhabo oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in saaka jawiga uu ka badalanyahay sidii uu ahaa labadii maalin ee la soo dhaafay. Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa si caadi ah saaka u shaqeeynaya gudaha magaalada Baydhabo. Ganacsigii ayaa saaka dib loo furay oo dadku si caadi ah u ganacsanaya suuqyada magaalada Baydhabo. Rabshado dad badan ay ku dhinteen ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo oo hadda xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalo iyo dibad baxyo rabshado watay oo ka dhashay xarigii Muqtaar Rooboow ayaa ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo oo ay dad badan ku dhinteen. Muqtaar Rooboow ayaa hadda ku xiran magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Beesha Caalamka ayaa war saxaafadeed wadajir ah ka soo saartay Xaalada magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay inay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, gaar ahaan rabshadaha magaalada Baydhabo. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan qalalaasaha iyo gacan ka hadal kasta oo xaalada sii xumeyn kara, gaar ahaan mida bani’aadanimo. Beesha Caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay Xildhibaankii ku geeriyooday magaalada Baydhabo iyo dadkii kale ee qalalaasaha ku dhintay Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in wadajir loo taageero habka lagu heshiiyay ee guddiga doorashada, sidoo kale ay xusheeyaam dhinacyada kala duwan daacadnimada iyo dadaalka howlaha doorashada. Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. War saxaafadeedka wadajirka ah ayaa waxaa soo saaray dalalka Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations. Source
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobalka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay uu banaan bax rabshado wato uuka bilowday magaaladaasi. Banaanbaxa ayaa [...] Source
-
Doha (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay waqtiga dowladda Qatar ay bilaabeyso fulinta Mashaariicda qaar oo la fulinayo Soomaaliya. Xasan Cali Kheyre oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayaa shaaciyay in dhamaadka sanadkaan 2018 oo Maalmo ay ka harsan yihiin la bilaabi doono dhismaha waddooyinka Jowhar iyo Afgooye ku xera magaalada Muqdisho. Mashruucaasi oo dowladda Qatar ay maalgelineyso ayuu sheegay in qorshaha uu yahay in lasoo gabo gabeeyo dhamaadka sanadka 2019, taasi oo qeyb ka noqon doonto horumarada dowladda ay sameyneyso. Wuxuu sheegay in dhismaha waddooyinkaasi dhaqaalaha ku baxaya ay bixin doonto dowladda Qatar, islamarkaana dowladda Soomaaliya wax dhaqaalo ah ku bixin doonaa in Amaanka ay xaqiijiso Mooyee. Mashaariicda kale ee Qatar dhisi doonto waxaa kamid ah Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo Xaruntii Xisbiga, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ugu Dambeyn Kheyre, ayaa sheegay in heshiisyada Cusub ee ay la galeen dowladda Qatar inay ku jiraan isku xirka Bangiyada Soomaaliya iyo Qadar, isku xiranka Ganacsiga, Ammaanka, iskaashiga dhaqaalaha, Maalgashiga iyo kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska DOHA Caasimada@live.com
-
(SLT-Nigeria)-Militariga dalka Nigeria ayaa xayiraaddii ka qaaday dhaq dhaqaaqyada hay’adda UNICEF ee woqooyigga bari ee dalkaasi saacado ka dib markii ay hakisay howlaha hay’adda oo ay ku eedeeyeen inay u basaaseyso falaalada islaamiyiinta ah ee ku sugan gobolka aan dagganayn. Goor hore oo Jimcihii ahayd, ayuu militariga Nigeria ayssegay in ay hayaan “xog xaqiiqo ah’ oo ku saabsan in qaar ka tirsan wakiilada hay’adda Qaramada Midoobay ee carruurta ay tababarayaan oo ay shaqaaleynaynayaan basaasiin kuwaasoo taageera falaagada Boko Haram iyo teegeerayaashooda. Waxa ay sheegtay in ay joojinayaan howlaha UNICEF muddo saddex bilood ah Xilli dambe oo Jimichii ahayd ayay saraakiil ka tirsan militariga la kulmeen wakiilo ka socda hay’adda muddo yar ka dibna waxa ay ku dhawaaqeen in xayiraaddii laga qaaday. Afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in saraakiisha militriga ay u sheegeen UNICEF in ay joojiso dhaq dhaqaaqyada wax u dhimaya “aminga qaranka” ee wiiqaya dagaalka lagaga soo horjeedo argagixisonimada. Milatariga ayaa sheegay in ay ku boorriyeen “wakiilada UNICEF in ay hubiyaan in ay macluumaadka la wadaagaan hay’adaha ku habboon mar kasta oo wax qabad ama tababbarro shaqaale cusub la fulinayo.” Woqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa ahayd xarunta falaagada islaamiyiinta ah ee Boko Haram, halkaas oo ay ku dhinteen qiyaastii dad gaaraya 30,000 qof, halka tobanaan kun oo kalena lagu khasbay inay guryahooda ka cararaan. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa ka hadlay xaalada ka jirta magaalada Baydhabo, isagoo ku baaqay in la xakameeyo xiisada siyaasadeed ee ku soo korodhay Koofur Galbeed. Amb. Franscisco Madiera ayaa sheegay inuu si dhow ula socday dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, kaddib xariggii Mr Mukhtaar Roobow. Waxaa uu sheegay in aanay AMISOM qeyb ka aheyn xariggiisa iyo sidoo kale tallaabadii loogu soo duuliyay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin dadkii ku dhintay rabshadaha, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoysaskii ay ka baxeen, sidoo kale waxaa uu soo bogasho degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in AMISOM ay waajibaadkeeda u gudan doonto si daacadnimo ah, isla markaana si dhow ula shaqeyneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo ixtiraameysa sharcigooda, dhaqanka iyo qiimahooda. War saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Xildhibaano la baxay Badbaado Qaran ay dacwad ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya u gudbiyeen Madaxda Midowga Afrika, iyagoo ku eedeeynaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howl galka AMISOM ay faragelin ku hayaan arrimaha Soomaaliya, kana qeyb qaateen xariggii Mukhtaar Roobow. Source
-
Saakay oo Sabti ah waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka soconaya dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayaan dadweyne aad u badan. Dadkan ayaa waxa ay waddooyinka magaaladaasi ku jareen dhagxaan waaweyn, kuna gubayaan taayero. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Booliiska iyo sidoo kale kuwii Nabad sugidda ay ku jiraan xerooyinkooda, iyaga oo ka baqaya in shacabka iyo iyaga iska horyimaadaan. Waxaa xiran dhammaan xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi, waxaana laga baqayaa in mar kale rabshado ay dhacaan. Shacabka dibadbaxyada ka dhigaya magaalada Baydhabo waxay sheegeen in sidan ay usii socon doonaan dibabadxyadooda inta laga soo deynayo Sheekh Mukhtaar Roobow. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARKA-CABDULQAADIR-WARCADDE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dalalka iyo hey’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay arrimaha ka taagan koonfur galbeed ee Soomaaliya, iyaga oo ka tacsiyeeyey xildhibaankii ku dhintay Baydhabo, waxaa ay dhaleeceeyey fal kasta oo uga soo daraya arrimaha banii’aadnimada. Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in wadajir loo taageero habka lagu heshiiyay ee doorashada, in la xushmeeyo habsami u socodka hannaanka doorashada iyo in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal si looga gudbo caqabadaha ku hor gudban horumar laga gaaro arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha. War saxaafadeedka wadajirka ah ayaa waxaa soo saaray dalalka Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dooxa ( Sh. M. Network )-Isagoo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar ayuu sheegay Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qadar looga baahanyahay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka ka socda dalka, waxaana uu warbixin ka siiyey xaaladda Dalka iyo Horumarada Dowladdu ay ka sameysay dhinacyada Amniga, la dagaalanka Musuqa, Koboca dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah. Ra’iisal wasaaraha xukuumada FS ayaa sheegay in dawladda Qatar ay wada gaareen heshiisyo waawayn oo kor loogu qaadayo horumarka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in la bilaabayo inta aanu sanbadkan dhamaan dhagax-dhigga dhismaha wadooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jawhar, ayna ku xigi doonaan dhismaayasha wasaaradda Qorshaynta, xarunta Xisbiga iyo mashaariic kale. Waxa uu intaa ku daray in Qatar iyo Soomaaliya si dhaw isaga kaashanayaan dhinacyada gaadiidka cirka iyo dhulka, taas oo wax wayn ku soo kordhinaysa dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la hadlaayay Jaaliyadda Somaliyed ee dalka Qatar ayaa yiri. “Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah.in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridayna, “Inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha JFS waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno qab qablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soomoaliyeed”.ayuu raaciyay Mudane Xasan Cali Khare. The post R/wasaare Khayre Oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Qatar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Badda Hindiya ee ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa qabtay Markab uu saarnaa Hub sharci darro ah, kaas oo ka Kaluumaysanayay Xeebaha dalka. Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska howlgalka Ciidamada Badda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in Ciidankooda ay gacanta ku dhigeen Markab ay saarnayeen illaa iyo 5 Qoray oo nuuca AK47ah iyo rasas gaaraysa 471 wareeg. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegaya in Markabksani si sharci darro ah uga Kaluumeysanayay Xeebaha Soomaaliya. Taliska howlgalka India ee xeebaha Soomaliya ma shaacin dalka laga leeyahay Markabkaasi ay sheegeen in ay gacata kudhigeen. Waa markii labaad oo muddo 2 todobaad gudahood ah ay Ciidamada India Xeebaha Soomaaliya ka qabanayaan Markab hubeysan oo kal Kaluumeysanayay xeebaha dalka. The post Ciidamada India Oo qabtay Markab ka Kaluumeysanayay Xeebaha dalka Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ergayga gaarka ah ee ururka midowga afrika ee arrimaha Somalia, Ambassador Francesco Madeira ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in AMISOM aaney shaqo ku laheyn soo qabashada Mukhtaar Roobow iyo keenistiisa magaalada Muqdisho. Ambassador Francesco Madeira waxaa uu sheegay in AMISOM ay xushmeyneyso qarannimada Soomaaliya iyada oo mar kale ku celisay inay masaafo isku mid ah u jirto kooxaha iska soo horjeeda sida uu dhigayo Mandate-ka ay Soomaaliya ku joogto. “Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada iney aad isu xadidaan xalinta khilaafka ka taagan dalka iyo doorashada koonfur galbeed. AMISOM waxaa ay sii wadeysaa shaqadeeda, iyada oo si dhow ula shaqeyneysa dadka iyo dowladda, xushmeyneysana sharciyada, dhaqanka” sidaasi waxaa yiri Ambassador Francesco Madeira Ugu dambeyntii, waxaa uu ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Baydhabo, isaga dhaawaca u rajeeyey caafimaad degdeg ah. December 13, 2018, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Baydhabo ayaa xiray murshaxii koonfur galbeed Mukhtaar Roobow, waxaana magaalada ka socda qalalaasao. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa war Saxaafadeed ka soo saartay xaaladda amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Warka ka soo baxay Wasaaradda amniga gudaha ayaa loogu baaqay Dhammaan shacabka K/ Galbeed in ay ka shaqeeyaan xasiloonida amniga ee magaaladaasi. Tan iyo markii Khamiistii la soo dhaafay laga soo xiray Baydhabo Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa magaaladaasi ka taagnaa rabshado ka dhashay xariga Musharraxaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-XFS Oo war ka soo saartay Amniga Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa maalintii seddexaad banaanbaxy rabshado wata ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, banaanbaxyaasha ayaa kasoo horjeeda xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Waxay dadka banaanbaxa dhigaya gubeen taayaro badan, iyadoo magaalada ay roqotay Uuro madow, Dhagxaan badan iyo nadaafad daro, sida ka muuqata muuqaalada magaalada Baydhabo. Abaabulka dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa wada dhalinyaro kasoo horjeeda qaabka loola dhaqmay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxyada inta laga sii deynayo Abuu Mansuur. Boorar ay ku xardhan yihiin sawirada Roobow oo lagu dul qoray “xoriyad siiya Mukhtaar” ayaa lagu dhajiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo, waxaana la ogeyn sida xaalka isku badali doono. Maalintii seddexaad magaalada Baydhabo waxay ku jirtaa marxalad ka duwan siday aheyd Todobaadkii hore, ilaa iyo haddana ma muuqato xal lagu qancin karo dadka banaanbaxyada dhigaya. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed ayaa baaq Afka aan dhaafsiisneyn kasoo saaray xaalada Baydhabo, iyaga oo dalbaday in dadka ay dajiyaan xaalada magaalada Baydhabo. La soco daqiiqad walbaa waxii kasoo kordhaa Xaalada Baydhabo Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-La taliyaha sare ee gudoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa laga dhigay hubkii ay wateen ilaaladiisa iyo Gaari Babdi Bile ahaa oo isaga lagu ilaalin jiray. Jaamac ayaa soo noqday taliye ku xigeenkii hay’adda NISA, balse khilaaf iyo isku dhac kadib xilkaasi laga qaaday, iyadoona guddoomiye Mursal uu u magacaabay Lataliye sare oo ka tirsan xafiiskiisa. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ciidankiisa looga yeeray xarunta xisbiga Wadajir oo talis Ciidan, halkaasi oo loo sheegay in lagu siin doono Mushaar, balse markii ay tageen lagu wargaliyay in ay Hubka iyo Gaadiidka dhigaan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli uu jiro khilaaf adag oo u dhgexeeya guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxda dowladda, kaas oo ka dhashay Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo. The post Lataliyaha guddoomiyaha BFS Oo lagala wareegay Hubkii iyo Ciidankii ilaalada u ahaa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-151218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki, oo kulamo kulahaa Muqdisho (13-kii ilaa 14-kii bisha Diseembar, 2018) ayaa la sheegayaa iney isku afgarteen arrimo ka dhan ah mucaaradka. Qodobbada War-murtiyeedka ayaa u qornaa: Labada Madaxweyne waxay wadahadallo ku yeesheen Villa Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen inay xoojiyaan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyada oo si dhaw la isaga kaashanayo dhammaan dhinacyada danta u ah labada dal sida ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab. Madaxweyneyaashu waxay ka dhawaajiyeen sida ay uga go’an tahay in la dardargeliyo iskaashiga Geeska Afrika iyada oo xoogga la saarayo iskaashiga heer gobol ee dhinacyada horumarka, horusocodka iyo barwaaqada. Madaxweyne Isaias waxa uu bogaadinayaa, soona dhaweynayaa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguma tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan. Iyaga oo si buuxda u garawsan baahida loo qabo in la helo hannaan lagula tacaalo halista casriga ah ee argagaxisada iyo saboolnimada. Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan abuuridda iskaashi xooggan oo dan u ah labada waddan iyo guud ahaan gobolka. Labada Madaxweyne waxay isla qireen inay jiraan caqabado badan oo ay tahay inay si wadajir ah xal ugu raadiyaan. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in ay mideeyaan taageeradooda iyo dadaalkooda wadajirka ah si loo xalliyo caqabadaha ay labada waddan si gaar ah iyo guudba u waajahayaan. Madaxdu waxay isla garteen in iskaashi heer gobol oo waxtar leh uu muhiim u yahay ka gudubka dhibaatooyinka nabad la’aanta, argagaxisada, saboolnimada iyo xaalufka deegaanka ee gobolku wajahayo. Labada Madaxweyne waxaa ay garawsanyihiin in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed iyo gobolka guud ahaan, iskudey kasta oo lagu carqaladeynayo dardarta ka socota gobolka waxaa ay shaki la’aan curyaamineysaa horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada nabadda iyo dib u heshiisiinta. Madaxdu waxaa ay mideysan yihiin ka hortagga faafinta xog kasta oo halis ah, raad aan laheyn, siyaasadina dabada ka riixeyso, waxaa ay dhammaan ugu baaqayaan nabadda iyo xasloonida Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
