-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu eedeeyay in gabood fallo aad uxun ay ugeysanayso maxaabiista ay ku gurtay Xabsiyada wadankaasi iyadoo ku eedeynayso in ay mucaaradsanyihiin dhaxal suge Max’med Bin Salmaan. Warbixin ay qortay hey’adda Amnesty ee hoos tagta Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in gudaha xabsiyada wadanka Sucuudiga ay ka jirto Nolol aad u xun, dadka maxaabiista ahna ay la kulmaan Tacdiib joogta, halka mararka qaarna ay loo geysto Kufsi, si ay u qirtayaan danbiyo aysan galin. Warbixintan oo ay si wadajir ah kagasoo shaqeeyeen Hey’adaha kala ah Amnesty iyo HRW ayaa la faafiyey isbuucii lasoo dhaafay waxaana lagu wareystay qaar kamid ah dadkii kasoo baxay xabsiyada wadanka Sucudiga ee la xiray bishii May ee aan soo dhaafnay, xilligaas oo xukumada Sucuudiga ay qaadday Xamlo ballaaran oo ka dhan ah dadka kasoo horjeestay siyaasadeeda, oo isugu jira saxafiyiin, dad u dooda xuquuql insaanka, Barayaal Jaamacadeed iyo Wadaado ku sugna gudaha wadankaasi. Xabsiga Thahban ee ku yaal xeebaha Badda Cas ee marta galbeedka wadanka Sucuudiga ayaa lasheegaya inuu kamid yahay xabsiyada ugu daran ee dadku Tacdiibka kula kulmaan, halkaas oo saraakiisha Sacuudiyanka ah ay ku isticmaalaan Koronto qofka looga dhajiyo Madaxa, Gacmaha iyo Lugaha iyo garaacis caadi ah oo Baarayaashu ay adeegsanayaan Karbaash, waxana laguso warramayaa in qaar kamid ah maxabista halkaas ku jira ay ka quusteen Socod, halka qaarkoodna aysan xitaa istaagi Karin. Ilaalada xabsiga ayaa maxaabiista qaar ku xira oogada sare ee xabsiga oo ah goob Shamiinto ah oo banaan, oo aan laheyn gabbaad laga galo qorraxda kadibna halkaas ayay dhambacaad u jiifayaan oo maalinkii ay qorraxdu kula dhacdo, arrinkaas oo sababay in qaar kamid ah maxaabiista uu jirkoodu gubto maqaarkana uu ka dhoco. Haweeney muslimad ah oo ku jirta Xabsiga Thahban ayaa warbixinta lagu sheegay in ay la kulantay Kufsi ay u geysteen Baarayaal Sucuudiyaan ah oo wajiga soo xirtay, arrinka noocaas ahna waxa uu noqday mid waayadan dambe kusoo badanayay dhagaha dadka musliminta ah ee kudhaqan gudaha wadanka Sucuudiga ee eheladooda ay ku xiran yihiin xabsiyada wadankaasi. Sababaha dadka loo tacdiibayo ayaa lagu sheegay in hey’adaha sirdoonka iyo kuwa maamula xabsiyada ay ka doonayaan qofka maxbuuska ah inuu qirto dambi uusan galin, ama uu ballan qaado in uusan mar dambe mucaaradi doonin go’aan kasta oo kasoo baxa dowladda, mararka qaarna waxa ay tacdiibiyaan dad ay sheegeen in ay dhaqan celinayaan oo ay diideen towbadi ay dowladu usoo bandhigtay. Waxaa jiro maxaabiis badan oo ku jira xabsiyada wadanka Sucuudiga, kuwaas oo aan loo ogolaan inay qabsadaan abuu kaate u dooda xuquuqdooda, sidoo kalena aan loosoo jeedin wax Tuhmo ah, loona diiday in ay la kulmaan ehaladooda arrinkaas oo isna ah dhibaatoyinka kajiro wadanka Sucudiga. Xamlada lagu xirxiray dadkan ayaa soo bilaabatay Bishi May ee sanadkan 2018ka, waxa ayna saameysay In badan oo kamid ah culumada wadankaas, barayaal jaamacadeed, Saxafiyiin iyo dad badan oo kazoo horjeestay siyaasadaha uu la yimid dhaxal sugaha wadanka Sucuudiga maxamed bin salman. Warbixintan ayaa kusoo aadeysa xilli dowlada Sucudiga ay wajaheyso cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dowladaha caalamka, kaas oo salka ku haya dilkii Wariye Jamal Khashogji, kaas oo ka dhacay gudaha Qunsiliyada sucuudiga ee magaalada Istanbul, dilkaas oo la sheegay inuu ka danbeeyey Maxamed Bin Salman. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xubnaha guddiga joogtada ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday qodobo ka mid ah shaqooyinka hor yaalla Golahaasi. Kulankan ayey xubnuhu uga doodeen ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada waxaana la go’aamiyay in guddoonka iyo guddiga xeer hoosaadka ay dib ugu laabtaan arrintaas, si ay uga soo tala bixiyaan. Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay ajandaha kulanka todobaad ee Golaha, waxaana uu ku saabsan yahay kulankaasi oo dhici doona Isniinta soo socota akhrinta labaad ee Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa. Xoghayaha Golaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa Saxaafadda u sharraxay kulanka kadib waxyaabihii diirada lagu saaray kulankaasi. Maalinta Isniinta ah ee todoobaadkan ayey akhrinta labaad marin doonaan Golaha Aqalka Sare Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa. Haddii uu dhaqan galo Sharcigan waxaa dalka ku yaraanaya falalka wax isdaba marinta iyo xatooyada ah, kuwaas oo ragaadiyay dadka Soomaaliyeed. The post Guddiga joogtada Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Falanqeeyayaal dhanka siyaasadda ah ayaa ka hadlay isbedalka xilligan ka socda geeska Afrika iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland. Qaarkood waxa ay sheegeen in saameyn uu ku yeelan karo Somaliland, halka kuwo kalena ay tilmaameen inaanu wax saameyn ah ku yeelan karin Somaliland. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa magaalada Cape Town ee dalka K/afrika waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo halkaasi ganacsi ku lahaa. Sida ay sheegeen dad ku dhowaa halka dilkan uu ka dhacay, burcaddan ayaa gudaha u galay xarun ganacsi oo uu ku sugnaa muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Hilaal Xirsi Jaamac, kadibna ay halkaasi ku toogteen. Raggii dilka ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada Booliiska ee dalkaasi. Waxaa kordhay dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka K/afrika, iyadoo aanay jirin wax ay arrintaasi ka qabatay dowladda dalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay gobolka Mudug, kadib markii uu rogmaday gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidamo la socdeen. Gaarigan ayaa ka yimid dhanka degmada Cadaado, wuxuuna kusii socday magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku rogmaday deegaanka Saddex Xiglo. Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhintey Labo qof, waxaana dhaawac uu kusoo gaaray 12 sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah. Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo si xaaladooda caafimaad wax looga qabto. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Musharax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah u tartamayaasha u tartamaya Doorashada Madaxweynaha Puntland ee 2919 ayaa waraysi uu xiyay wuxuu ka hadlay Heshiiskii dhexmaray Emaaraatka iyo Puntland ee lagu balaarinayay Dekada Bosaso, Cali Xaaji wuxuu shaki galiyey Heshiisku inuu yahay mid Bulshada wax loogu qabanayo isagoo sheegey inuu ahaa mid dano gaara laga lahaa. Wuxuu kaloo ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Xukuumada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Hoos ka dhagayso waraysiga https://www.puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/11/Musharax-Cali-Xaaji-Warsame-oo-lagu-waraystay-.mp3 Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab sababay khasaaro Hantiyadeed oo barqanimadii maanta ka kacay Guri ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la damiyo Dabkaasi. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka degmada Kaxda C/naasir Cali Xasan oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay Dabkaasi. Waxaana uu sheegay in uusan geysan wax khasaare Nafeed ah, marka laga reebo mid Hantiyadeed. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/db.mp3 The post Dab geystay Khasaaro Oo ka kacay degmada Kaxda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle oo iska difaacaya eedeyntii Musuqmaasuq ee Gudiga Dhaqaalaha Baarlamaanka ay ku eedeeyeen ayaa jawaabo kala duwan kasoo yeereen, shalay Wasiirku wuxuu yiri” Waxaa la igu haystaa Mashaariic la iyiri si hoose noogu fududee”. Wasiirka Maaliyada Xukuumada Feederaalka ayaa Xildhibaanadu waxay ka codsadeen inuu usoo gudbiyo Documentska saxda ah ee lacagaha maqan meesha ay mareen, iyo Sababta lacagaha loogu isticmaalay dano gaara oo ay kamid yihiin, lacago malaayiin ah Dollar ah oo kontada ay Dad shaqsiyaada kala baxeen, lacago lagu seexday Hotelo, iyo lacago wali dad gaara looga bixiyo Hotelo ay degan yihiin. Iyadoo Xildhibaanadu ay sugayeen Jawaab ayaa Wasiirka waxaa kasoo yeereay hadalo uu ku weerarayo Xildhibaanada oo ay kamid yihiin, in loogu xanaaqsan yahay mashaariic uu ka diiday Xildhibaanada qaarkood, isagoo hadalka raaciyey, taas ka yeeli mayo. Baarlamaanku wuxuu Wasaarada Maaliyada ku eedeyey Musuqmaasuq baaxad weyn iyo in la lunsadey malaayiin Dollar. Ilaa hadana Wax jawaab ah kama aysan bixin Xukuumada Federaalku eedeynta ay Baarlamaanku soo jeediyeen laamaha Dowlada. Puntlandi.com Muqdisho Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Militariga dalka Uganda David Mahuuzi oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidamada Uganda ee Soomaaliya iyo sidoo kale hoggaanka guud ee AMISOM. Taliye Mahuuzi ayaa sheegay in uu Soomaaliya u yimid sidii uu qiimeyn ugu sameyn lahaa sida Ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha dalka ay u wajahayaan howlgalladooda ku aadan qorshaha QM ay u dajisay in ay ku howlgalaan Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale waxa uu xusay in Cidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya in ay haatan u gudanayaan waajibaadkooda si waafaqsan Nidaamka ay u dajisay Qaramada Midooobay, islamarkaana ay xooga saarayaan, sidii ay u soocelin Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo ka socda Midowga Africa u soo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007-kii, iyadoona haatan in ka badan 6000 oo Askari ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. The post Taliyaha Milatariga Uganda Oo la kulmay hoggaanka AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beled-Xaawo ( Sh. M. Network )-Ciidamada Mailatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda nawaaxiga degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay sidii loo furi lahaa Waddooyinka soo gala degmadaasi oo ay ay go’doomiyeen Al Shabaab. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyoka waday degmada Beled-Xaawo, iyagoona laba maalin ka hor Nabaoon caan ahaa ku dilay gudaha degmadaasi. The post Howlgallo waddo furis ah Oo ka bilowday gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-24112018-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida danjire Nicholas Haysom, ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayo sidii ay kulan fool-ka-fool ah u yeelan lahaayeen Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ma jiro wax war ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan, laakiin sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergaygan oo dhawaan xilka kala wareegay ergaygii hore ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Biixi iyo Farmaajo, waxa la sheegay inuu u soo bandhigay doonistiisa ah inay yeeshaan kulan toos ah si dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka ku yimid. Laakiin lama garan karo inuu weli labada madaxweyne ku qanciyay qorshihiisa ah inay kulmaan. Sida ay xogahani sheegeen danjire Nicholas Haysom, oo ah diblomaasi khabiir ah, wuxuu doonayaa inta aanu sannadka dhammaanin inuu kulansiiyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay wararkani intaas ku darayaan inay suurtogal tahay in kulanka labada madaxweyne ka dhaco dalka Koonfur Afrika oo uu danjire Nicholas Haysom dhalasho ahaan ka soo jeedo, waase haddii ay Somaliland iyo Soomaaliya isla gartaan inay wada hadalo bilaabaan. Kulankan ayaa lagu sheegay inuu noqon doono mid loogu gogol xaadhi doono inay dib u bilaabmaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay bishii March ee sannadkan oo la filayay inay Biixi iyo Farmaajo ku kulmaan dalka Djibouti. Kulankaas Djibouti waxa hakiyay mawqifkii ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay maalgashiga DP world ee dekedda Berbera. Lama saadaalin karo in kulanka uu ergayga Qaramada Midoobay dhexda u xidhay qabsoomi doono iyo inuu fashilmi doono sidii kulankii hore u qorshaysnaa. Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkan khudbad uu ka jeediyay magaalada Burco wuxuu meel adag iska taagay wada hadal u bilaabma Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid go’aanka Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inaanu Madaxweyne keligii xaq u lahayn inuu joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Cabdalla Cawad ayaa soo xiray kulankii Golaha ee maanta oo looga hadlayay lacagta Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay sheegeen in la musuq maasuqay. Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka uu dul duleel ka muuqdo, sidoo kalena warbixinta iyaga oo aan soo marsiin Guddiyada joogtada ah iyo Guddoonka Golaha ay Baarlamaanka hor keeneen. Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “waana in uu isla xisaabtamaa dhexdiisa” ayuu yiri. “Waxaan raali-galin ka bixinaynaa in Golaha la keeno xeer ama howl aan lala wadaagin Guddiga Joogtada ah iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana raali-galin ka bixinaynaa hadii qalad naga dhacay. Guddiga Maaliyadda, oo ah guddi aad u shaqa badan, waxaa ka yimid duleel, waxayna guddigu sheegeen in ay ku wada hadleen whatsapp-ka” ayuu yiri Cawad. “Baarlamaanku masheegin in la lunsaday $40 milyan. Waxaan ka siinaynaa raali-galin shacabka iyo Wasaaradda Maaliyada, war-bixintaanna hab-raac sax ah lama soo marsiin. Xeerkaan halkaas ayaa looga gudbayaa, dib dambana looma keeni karo Golaha” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad, oo sidoo kale sheegay inuu Kulanka Golaha Shacabku xiran yahay, kadib markii ay Xildhibaano ka tirsan Golaha ka cawdeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warbaahinta Buntlandi.com waxaa ka banaan shaqadaan hoose oo deg deg loogu baahan yahay. Wariye ka howlgala Gaalkacyo Wariyahaan waxaa loogu baahannyahay si deg deg ah, wixii faahfaahin ah lasoo xiriir Puntlandi.com. Noogusoo dir CV-gaaga post@puntlandi.com, xasuuso tlf.kaaga si sharuudaha laagaga bahan yahay laguugu sharoxo. Wariye si guud uga soo warama Doorashada Wixii faahfaahin ah lasoo xiriir post@puntlandi.com emailka aadsoo dirayso ciwaan uga dhig Doorasho22019 Post@puntlandi.com Source
-
Masuuliyiinta ugu Saraysaa Somaliland oo Liiska Shaqaalaha Sirdoonka Ethiopia kaga jiraan iyo xilalka ay soo qabteen Somaliland. Sirdoonka Ethiopia ayaa soo gudbiyay faylasha rag Soomaliland ah oo Sirdoonka maamulkii Tigray-da u ahaa jaajuusiin mushaar iyo darajooyin kala duwan ku qornaa. Ceebta ugu weyni waa in dadka liiska ku jira qaar badan ay xilal sare ka hayaan dowladda haatan jirta iyo dowladii ka horeyey. Liiska oo aad u dheer iyo xogtan oo qarsoodi ah aawadeed, waxaan idinla wadaagi doonaa shaqsiyaadka ugu darajada sareeya xagga darajoojinka ay sirdoonka Ethiopia. 1. Maxamuud xaashi cabdi wasiirkii hore madaxtooyada soomaliland. 2. Cali maxamed warancade wasiirkii hore ee arimaha gudaha soomaliland. 3. Maxamed kaahin axmed wasiirka hada ee arimaha gudaha soomaliland. 4. taliye ciidanka soomaliland nuux ismaaciil taani. 5. Ismaaciil aadan cismaan ,ismaaciil yare oo ah wasiirka arimaha gudaha hore. 6. Amb cawil cali ducaale wasiirka arimaha maaliyada. 7. Ahmed dahir Gudoomiyaha jaamacada admas 8. Xildhbaan cali mareexaan ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guri geynta. 9. Faysal cali waraabe gudoomiyaha xisbiga ucid. 10. Xuseen kiniyaati ahaa madaxa sirdoonka soomaliland. 11. Axmed xaaji cali cadami wasiirkii hore gaashindhiga soomaliland. 12. Xildhibaan saleebaan cali koore wasiirka biyaha soomaliland . 13. Cabdilaahi habene cabdilaahi dheere ,xoghayihii golaha guurtida ,soomaliland ahaana wasiirka wax barashada. 13. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, wasiirkii hore ee arimaha dibada Waxaa jira liis kale oo aan weli la shaacin oo la soo wado Qaran News
-
Dawlada Mareykanka ayaa iska fogeysay oo been abuur ku tilmaantay warka sheegay in Safaarada Mareykanka loo soo rari doono Caasimada Somaaliya ee Muqdish bisha December, warkaas oo ay sii deysay Idaacad VOA-laanteeda afka somaaliga. ka soo baxay Xafiiska Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa lagu sheegay, in aanu jirin, oo aanu sax aheyn oo uu yahay been abuur, isla markaana anu ku jirin wareysigii uu bixiyey Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somaaliya Mr. Yamamto, oo lagu sheegay in safaarada Mareykanka loo soo raraayo Gudaha Somalia bisha December 2018, warkaasina uu gaar ku yahay wareyihii Voa-laanta Somaaliga ee wareysiga qaaday Sahra Cabdi Axmed. Qoraalka Been abuurka ah Qoraalka Twitterka la soo dhigay oo ka soo baxay Safaarada Mareykanka ayaa lagu xusay, in Dawlada Mareykanka ay ka go’an tahay xoojint cilaaqadka ka dhexeeya labda dal, kaas oo kor loogu qaadayo degaanshaha iyo nabdgalyada Somaliya. Qoraalka ka soo baxay Safaarada Mareykanka Qoraalka ayaa intaa ku daray in safarda Dibulomaasiinta Mareykanku ku gaala bixinayaan Somaaliya ay qeyb ka tahay dadaalada Mareykanku ku doonayo inuu joogitaan ku yeesho Somaalia. Fadeexadan ay lugaha la gashay Idaacada VOA-laanteeda Afka Somaaliga ah ayaa dhabar jab weyn ku ah sumcada iyo kalsoonida shacbiga Somaaliyeed iyo midka Caalamkuba ku qabi karaan wararka iyo warbixinaha ah ay sii deyso Idaacadu. Shacbiga Puntland iyo guud ahaan midka Somaaliyeed ayaa yaqiinsanaa,oo mudo dheer ka cabanaayey in laanta Afka Somaaliga ee Idaacada VOA Mareykanku ay ku sifowday mid aan dhexdhexaad ka aheyn mushukiladaha Siyaasadeed ee ka jira Somaaliya, marksatana ay ka faafiso warbixino iyo warar been abuur ah oo lid ku ah degenaansha ah iyo nabadgalyada Shacbiga iyo Dawlada Puntland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay xildhibaanada baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa ahaa mid ka duwan kulamadii caadiga ahaa ee ay ku yeelan jireen magaalada Muqdisho. Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa hortagay golaha baarlamaanka, waxaana wax laga weydiiyay eedeynta guddiga maaliyadda Baarlamaanka ee la xiriirta musuq maasuqa dhaqaalo badan. Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in marnaba uusan aqbali dooni ku takri falka hantida qaranka, taa badalkeedana uu ilaalin doono. Wasiirka wuxuu sheegay in isaga lagu heysto fulinta mashruuc uu sheegay in loola yimid, sidaasi daraadeedna uusan aqbaleyn fulinta mashruucaasi, walow uusan sheegin waxa mashruuca uu yahay. Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Warbixintii ay soo saareen isku khilaafsan waxaana xubno ka mid ah guddiga ay sheegeen in aysan waxba kala socon Warbixinta oo dood badan ka dhex abuurtay baarlamaanka. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta su’aalo adag weydiiyay wasiirka waxaana kulanka maanta uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, maadaama xildhibaanada ay labada dhinac ay u kala safnaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Tuka-raq)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka gaadhay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo intii uu joogay magaalada Laascaanood khudbad u jeediyay qaar kamid ah dadweynaha magaaladaasi. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa usii gudbay dhinaca magaalada Tukaraq iyadoo wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in uu goordhaweyd halkaasi gaadhay. Tukaraq ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidammada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Source
-
Source
-
Uganda’s Chief of the Defence Forces (CDF), General David Muhoozi is in Somalia on a routine visit to Ugandan troops deployed in the country, under the African Union Mission in Somalia (AMISOM). Gen. Muhoozi met with the AU Special Representative for Somalia and Head of AMISOM, Ambassador Francisco Caetano Madeira on Friday, where the two discussed the progress made in the transitioning of national security responsibilities to the Somali National Security Forces. “A lot has been done, a lot more remains and I can only say that the resilience of the enemy is matched by the resilience of the troops in AMISOM and all the TCCs (Troop Contributing Countries),” said Gen Muhoozi, after a meeting with Ambassador Madeira. He added, “Uganda happens to be one of them and we are proud to contribute to the peace and security of Somalia.” The Uganda CDF commended troops from all the Troop Contributing Countries to AMISOM, for their efforts in the degradation of Al-Shabaab extremists and lauded AMISOM for extending the “frontiers of peace and liberation, and fostering development”, in the Horn of Africa country. On his part, Ambassador Madeira said the visit by Gen. Muhoozi offers reassurance to the Mission leadership and troops. “We talked about how we can move ahead in the coming times. How we can, together, implement the transition, (and) Resolution 2431 of the UN Security Council, which gives us the mandate up to May next year,” remarked Ambassador Madeira. The leaders discussed planned joint military operations with the Somali security forces. “We both agreed that we need to continue to move together, we need to ensure that Somali troops are ready to take over from us. We need also, to make sure that Al-Shabaab is further degraded,” he said. The Head of AMISOM stated that the troops would soon embark on operations to free new areas, which are currently occupied by extremists. “Most importantly, we need to create space for the Government to occupy and be present in much wider areas than it is currently and make sure that the checkpoints and tax collection points by Al-Shabaab are dismantled.” “Leego, sooner than later, will be back into the hands of the Government,” he noted. Al-Shabaab took over control of Leego in Lower Shabelle region in August 2017, after AMISOM troops withdrew from a Forward Operating Base, situated in the area. The town lies about 120 km southwest of Mogadishu and is of strategic importance to Somalia, because it links Mogadishu to the western regions of Bay and Bakool. Gen. Muhoozi who is on a two-day working visit to Somalia also held discussions with the AMISOM Deputy Force Commander in-charge of Operations and Plans, Major General Charles Tai Gituai and AMISOM staff officers, at the Force Headquarters. “We have just finished working on the Concept of Operations (CONOPs) and some of the issues that are in the CONOPs are very specific, because they are dealing with the UN Security Council Resolution 2431 and of course the Somali Transition Plan and the issues that have been raised there, are that, we should be able to focus on the priority areas,” explained Maj. Gen. Gituai after their meeting, adding that AMISOM was already working on those priority areas. “So we have briefed the CDF on all those issues so that he is able to understand exactly where we are, and where we are going,” he stated. Gen. Muhoozi’s visit to Somalia comes at a time when Ugandan troops under Battle Group XXIII (UGABAG XXIII) are wounding up their one-year tour of duty and preparing to hand over to a new Battle Group. The post UPDF plans joint military operations with Somali army appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa la filayey in sannadka soo socda bixishiisa seddexaad in la qabto doorashooyinkii Barlamaanka iyo kuwii dawlada hoose. Lakiin, sida la isla dhexmarayo, waxaad moodaa in uu Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland damacsanyahay in dib loo dhigo. Arrintani ma aha mid qancinasa ummada Somaliland iyo asxaabta caalamkaba. Arrinta ka dhex muuqata sababaha dib u dhaci ku sameyn karta doorashooyinka waxaa ugu horeysa, saami qaybsiga kuraasta Barlamaanka. Dastuurka Somaliland wuxuu go’aamiyey in 82 kursi uu ka koobnaado Barlamaanku. Haddii ay noqoto in al kordhiyo kuraasta, ma aha arrin u taala Barlaamanka xilligan fadhiya. Adduunka lagama maqal Barlamaan fadhiyey in 13 sannadood! Waa arrin cajiib ah. Haddii uu Barlamaankani awoodi kari waayey in uu sameeyo saami qaybsi cusub, waa in la doorto xildhibaano cusub oo sameeya sharciyo cusub. Barlamaanka fadhiyey in ka badan 13 sannadood, ma aha mid dalka iyo dadka wax u kordhinaya, waa siyaasiyiin mushahar uun guranaya, oo ka dhigtay shuqul. Waxaa loo baahanyahay in aan doorashooyinka dib loo dhigin. Waa in la doorto Barlamaan cusub iyo dowladdo hoose oo cusub. Marka dooroshoyinka la qabto, waa in loo soo jeesto Aqalka Guurtida, oo isaguna ilaa iyo 20 sannadood fadhiyey. Sida la wada ogyahay Guurtida lama doorto, oo dastuurku wuxuu ugu talo galay in uu noqdo aqal ah, la taliye iyo aqbalaad, “Advise and consent”. Lakiinse, wakhtigan la joogo, Guurtidii, waxay noqotay meel la iska dhaxlo, waxay u baahantahay dib uu eegid iyo horumarin. Ma filayo in ay ummada Somaliland kasoo horjeedo in ay Guurtida noqoto aqal ka kooban bulshooyinka dalka oo dhan, lakiinse wuxuu u baahanyahay xilidhibaano cusub iyo xirfado cusub. Somaliland waa dal qaan gaadhiyey oo leh dad waxbartay oo khibrado kala duwan leh, waa la soo dhaafay wakhtigii lagu shaqeyn jiray siyaamo bulsho ama qabiil. Waddanku dastuur buu leeyahay, sharci buu leeyahay, la iskuma wadi karo arrin sharci iyo arrin qabiil. Markaa waa lama huraan in la qabto doorashooyinka Barlamaanka iyo dawlada hoose. Kadibna waan in laga shaqeeyo Golaha Guurtida. Dastuurku waa sida buug had iyo jeer la qoraya, marna wax lagu darayo, marna wax laga bedelayo, lakiin ma shaqeyn karo haddii golayaashii maamulihaa ay iyaguba fadhiisteen. Allaa Mahad Leh Ahmed Kheyre ruraledcomm@yahoo.co.uk Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixinno lagu faafiyay qaar kamid ah website-yada Soomaalida ayaa xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ku eedeysay shaqaaleysiin qabiil ku saleysan, ayada oo aan lasoo bandhigay wax caddeymo ah oo arrintaas taageeraya. Warbixinnada ayaa si gaar ah u bar-tilmaameedanayay xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Axmed-Nuur Maxamed oo muddo kooban xilka ku magacaaban, balse dib-u-habeyn ballaaran ka billaabay nidaamka shaqo ee xafiiska. Si kastaba liis 24 magac ka kooban oo ku caddaa warqadaha codsiga kaararka shaqaalaha xafiiska ayaa lagu ogaaday in laba qof oo kaliya ay ku heyb yihiin Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’isulwasaaraha. Sidoo kale waxaan ogaannay in aysan jirin shaqaale cusub ee la qoray balse warqadaha la faafiyay ay yihiin kuwa loogu dalbayay shaqaalaha cusbooneysiinta kaararka aqoonsiga. Halkan hoose waxa aan ku soo bandhigeynaa magacyada iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan shaqaalaha ay magacyadoodu ku caddaayeen warqadaha codsiga kaararka aqoonisiga ee la baahiyay: Magaca Qabiilka Umukhayr Fu’ad Ali Dir/Isaaq Xuseen ibraahin Cali Isaaq/Dir Hodan Nuur cabdi Dir/Daqoodi Abdi Barud Dir/Isaaq Abdifitah Abdinur Dir/Isaaq Mustaf Abdi Ali Dir/Isaaq Naima Yusuf Salad Mohamed Husein Mohamed Daarood/Majeerteen Zakariye Mohamed Ibraahin Mogadishu Clan/Sheekhaal Suuban Hesien Jama Majeerteen Cabdiracman Maxamed Guutaale Dir/Isaaq Mohamed Moalim Said Daarood/Ogaadeen Sagal Naasir Shiddo Mogadishu Clan/Habargidir/Sacad Mahdi Husein Abdulle Isaaq/Dir Omar Mohamed Osman Mogadishu Clan/Habargidir Abdirashid Hajinur Mogadishu Clan/Duduble Ciise Aadan Cabdiraxmaan Dir/Isaaq Faadumo Ali Nuradin Mogadishu Clan/Abgaal Abdul Mohamed Makaraan Mogadishu Clan/Xawaadle Ahmed Mohamed Sa’id Dir/Isaaq Abdi Ali Rage Daarood/Ogaden Ali Ibrahin Cali Digil iyo Milifle Abdirahman Warsame Abdi Daarood/Majeerteen Hana Ahmed Igal Dir/Awdal Clan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com