-
Content Count
212,155 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay laba Biriish oo waaweyn oo ay yeelan doonto magaalada Burco, kuwaas oo fududayn doona, wax weynna ka tari doona isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Burco. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaannada golaha deegaanka iyo madaxda dhaqanka ee gobolka Togdheer, ayaa dhagax dhigay Biriishka Aagga Ceel-goonni iyo mid kale oo laga dhisi doono togga u dhexeeya degmooyinka Aadan Saleebaan iyo Sheekh Bashiir, waxana ay mashaariicdani kamid yihiin dedaallada ay xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso deegaannada kala duwan ee dalka, kuna daboosho baahiyaha ay bulshadu qabaan. Xubno kamid ah madaxda dhaqanka iyo maamulka gobolka Togdheer oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay taageeri doonaan dhammaystirka mashaariicda cusub ee uu madaxweynuhu dhagax-dhigay, isla markaana ay xukuumadda ku taageeri doonaan sidii ay kaalinteeda uga soo bixi lahayd. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban ka jeediyey dhagax-dhigga mashaariicdan, ayaa hoosta ka xarriiqay in is kaashiga shacabka iyo xukuumaddu hiigsi u yihiin xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhagaxaas maanta aynnu dhigaynaa waxa uu kamid yahay laba qodob oo inoo mabda’ ah oo kala ah shaqo qaran oo qaranku u dhan yahay iyo taakulayn qaran oo ah wixii aynnu qabsanayno qaran ahaan inaynnu isugu tagno ah.” Madaxweynahaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa maalmahan dambe socdaal shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka, waxana uu madaxweynuhu deegaannada uu soo maray iyo kuwa uu ku sugan yahayba ka dhagax-dhigay mashaariic tiro badan, isaga oo kuwo hore ay xukuumaddu u dhammaystirtayna xadhigga ka jaray. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa si weyn ammaanay hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe. Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in uu abaal-marin qaali ah guddoonsiin doono guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Camey iyo Gaas oo is dhinac-fadhiya shirka Golaha wasiirada Dowladda Puntland ayaa war ka soo saartay safarka madaxweynaha Somaliland ee ku wajahan gobolada ay ku muransan yihiin labada dhinac,gaar ahaanna gobolka Sool oo ay ka jirto xiisad colaadeed. War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland ee Khamiista maanta ah ayaa lagu sheegay in safarka Muuse Biixi uu hadafkiisu yahay in dagaal laga rido gobolka Sool,islamarkaana la laayo shacabka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi. Dhinaca kale war-murtiyeedka ka soo baxay shirka ayaa looga hadlay xeerarka ay diyaariyan wasaaradaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee laga ansixiyo Baarlamanka,waxaana Puntland sheegtay in xeerarkaasi aysan khusayn maadaama aan lagala tashan,sida qoraalka lagu xusay. PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay safarka Muuse Biixi ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Byadhabo ( Sh. M. Network )-Guddiga qaban qaabada doorashada Koonfur Galbeed ayaa goor dhow shaaciyay in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha maamulkaasi. Doorashada ayaa la filayay in ay dhacdo 28 bishan, hayeeshee guddiga ayaa iclaamiyay in 5 bisha soo socoto ee December la qaban doono doorashadaasi. Waa markii labaad oo ay dib u dhacayso doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay u taagan yihiin Musharraxiin dhowr ah. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Doorashada maamulka K/ Galbeed Oo markale dib loo dhigay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa weerar dhabagal ah la beegsasay ciidamo ka tirsan Millatariga dowladda kuwaasi oo xalay saqdii dhexe ku socdaalayay wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn. Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa waxaa dhexmaray dagaal culus oo socday saacad iyo wax ka badan, iyada oo dhinacydan ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen inta uu dagaalka socday inay maqleen qaraxyo xoogan oo lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka dowladda. Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al Shabaab ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay 12 askari oo uu ka mid ahaa sarkaalkii ciidankaasi hoggaaminayay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo lala helay Saddex gaari Cabdi Bile ah oo galbinayay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Bancroft. illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin taliska ciidamada Millatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weeraradii xalay ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Afgooye iyo Wanlaweyn. Caasimada Online Xafiiska Wanlweyn Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq maasuqa uu baarlamanka Soomaaliya ku helay xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu warramayaa inuu ka ballaaran yahay inta illaa iyo hadda la shaaciyey, islamaarkaana uu socdo baaritaan dheeri ah. Guddiga Maaliyadda Baarlamanka ayaa toddobaadkan ku eedeeyey xukuumadda musuq-maasuq xooggan oo lagu sameeyey miisaaniyaddii xukuumadda ee 2018, oo maalaayiin dollar lagu lunsaday. Lacagta la la’yahay ayaa waxaa ugu badan 20 milyan oo ka mid ah 50-kii milyan ee Sacuudiga laga keenay. Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ee Yariisow ee waxaa isna ku maqan sideed milyan oo dollar. Si kastaba xisaabaadkaas ayaa qeyb ka ah kaliya kiis ballaaran, waxaan xaaladda lagu qeexay inay tahay “faanoole fari kama qodna” Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay in xubno ka mid ah guddiga maaliyadda ay u sheegeen in tani ay tahay billow oo kaliya, oo ay ka daran yihiin waxa soo socda. “Heerka xatooyada kheyraadka dadweyne iyo musuq-maasuqa waa ka qoto dheer yahay inta la shaaciyey. Waxay guddiga xaqiijinayaan caddeymo cusub oo ay ku taageeraan warbixintooda” ayuu yiri xildhibaanka, oo soo xiganaya xubnaha guddiga ee u warramay. Members of Parliamentary oversight committee on finance told me the level of corruption revealed by their report is just the tip of the iceberg, the level of theft of public resource& corruption is deeper than what is reported.They have corroborating evidence 2 support the report — Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) November 21, 2018 Kiiska musuq-maasuqa ayaa waxaa horey u beeniyey wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Duceyle Beyle, oo warbaahinta la hadlay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xarardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay Warqado digniin ah ku daadiyeen Koonfurta Gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in diyaarado ku socda Jawi hoose ay Warqadahaasi ay ku daadiyeen Tuulooyin hoosyimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Sida la sheegay waxaa Warqadahaasi ku qornaa digniin la xariirta in dadka Rayidka ah ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa diyaarado dagaal oo aan la garaneyn halka laga leeyahay ay duqeymo ka fulinayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. The post Diyaarado dagaal Oo warqado Digniin ah ku daadiyay Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo-[Puntland Post]-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee golaha Wasiirada. Ugu horayn waxaa golahu uu ka tacsiyeeyay geerida ku timid Nabadoon Dhaqane Qaasim Aamin oo lagu dilay Degmada Beledxaawo iyadoo Hay’adaha amaanka la faray in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan sida uu dilku u dhacay lana soo qabto kuwii ka danbeeyay. Wasaarada qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa soo bandhigtay shirar kala duwan oo ay ku qabatay Magaalada Kismaayo iyo kulamo ay la yeelatay masuuliyiin kasocday hay’ado kala duwan oo caalami ah. Wasaarada Caafimaadkuna waxaa ay soo bandhigtay in faafida xanuunka qaaxada uu dhibaato ku hayo meelaha qaar isla markana daawooyinka laga bixiyo xarumaha gaarka loo leeyahay aysan ahayn kuwo tayo ahaan wanaagsan iyadoo soo bandhigtay hanaan wax lagaga qabanayo dhibaatadaas. Wasaarada howlaha guudna waxay ka warbixisay hanaanka dhul bixinta oo si dardar leh ku socda iyadoo sharciyaynta dhulalka iyo soo afjarista muranada dhulku ay meel wanaagsan marayaan. DHAMAAD Cabdiqani Boos Puntland Post The post Jubbaland oo ka hadashay Nabadoon lagu dilay Degmada Baledxaawo appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso[Puntland Post]-Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan Xilka Madaxweyne-nimada Puntland Doorashada 2019 ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso, waxana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Siyaasiyiin,Ganacsato, Aqoonyahano, Isimadda Dhaqanka, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo Taageerayaasha Musharax Deni oo aan u kala harin soo dhaweyntiisa. Musharaxa ayaa ugu horeyn ka hadlay arrimaha Ammaanka ee magaalada Boosaaso iyo waxyaabaha ka taagan, wuxuuna ku eedeeyey Xukuumadda waqtigeedu dhamaaday in ay ku guuldareystay maareynta howlaha Ammaanka. Musharaxa ayaa sheegay in Xukuumadda hadda jirtaa ay gabi ahaanba ku fashilantay u shaqeynta Shacabka iyo ka shaqeynta in ay Amni ku seexdaan. “Amniga Airporka Bosaso in la sugo maaheyne, Amniga magaalada in la sugo ayay ahayd, In maanta la yiraahdo amnigii ayaa xumaaday maahan wax ay sugayeen Reer Puntland, magaalada Boosaaso wax ka dhacayana sax maahan, waxaan rabaa Amniga in laga wada qeyb qaato, Maamulkuna uu hormuud ugu noqdo Xiliyada doorashada iyo madaxda doorashada u socota kaliya maahane, Dadka Muwaadinka ah amnigooda in laga shaqeeyo weeye’’ ayuu yiri. Musharaxa wuxuu bogaadiyay shacabka reer Puntland dadaalkii ay ku bixiyeen Dowladnimada Soomaaliya, wuxuu ballan qaaday in uu Hormuud u noqon doono Puntland cusub taas oo aysan koox gaar ahi laheyn ee Shacabku wada leeyahay. “Xariirka ka dhaxeeya Dawladda Faderaalka iyo dawladda hadda jirtaa oo ayaamahan la leeyahay dib baa loo fiirinayaa waa riwaayad dadka loo dhigayo, Faderaalka Puntland ayaa dhistay cidna marti ugama ah, ilaalintiisa waajib ayaa ka saaran Madaxweynaha Puntland ee hadda jooga Raysalwasaare ayuu kasoo noqday Faderaalka dhibta jirtana wuu la socdaa’’ayuu yiri musharaxu. Mudane Siciid Deni wuxuu sheegay, in aan la aqbali karin in kaabayaasha dhaqaale ee magaaladii isha dhaqaalaha Puntland, ee Bosaso oo ay kamid yihiin Dekedda iyo waddooyinka, aan waxba lagu celin, wuxuuna ballan qaaday haddii la doorto in xukuumaddiisu ay canshuurta shacabka laga qaado dib ugu celin doonto magaalada Bosaso. “Waxaa wax lays weydiinayo ah xaggee ku baxay dhaqaalihii Puntland,hadii uusan ku bixin ciidamadii, Dibu heshiisiintii, Amnigii iyo maamulkii, waa su’aal lays weydiinayo, waxaan u baahnahay in la xisaabtamo, waxaa xaqiiqo ah in dakhligii soo xaroonayay in shirkado gaar ah jeebkooda ay galeen, waxaad ka war qabtaan in Dakhliga kasoo xarooda Dekeda Boosaaso ay 3% qaataan niman shirkado ah, wax sax ahna maahan, Waxaad og tihiin dhaqaalihii shirkaddii dekeda la wareegaysa soo gudbisay ee ahayd 20 Malyan in aan waxba laga siinin magaalada Boosaaso, dhaqaalihii meesha uu aaday waa lays kala xisaabtamayaa, dalkaan intuu aamusnaan karay wuu aamusnaaday, codka Shacabka ayaan rabnaa in uu kor u kaco, magaaladan waa magaaladii Soomaali oo dhan soo dhaweysay, waana meesha kaliya ee Qaxooti Ajnabi ah joogaan, Dhaqaalaha Puntland iyo Soomaaliyaba halkan ayuu ka bilowday, haddana waad arkaysaa in laga guurayo magaalada Boosaaso” ayuu yiri Musharax Siciid Cabdullaahi Deni. Musharraxu wuxuu ku dheeraaday Musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira Xukuumadda hadda talisa, wuxuu ballan qaaday in isla xisaabtan dhab ah uu iman doono. “Waxaad og tihiin in dalkaan dhaqaalihiisii in la lunsaday oo uu galay jeebabka dad gaar ah, waxaan ogahay in dhaqaalihii dadka laga qaaday uu camiray magaalooyin kale oo ka baxsan Soomaaliya oo lagu maalgaliyey saxna maahan” ayuu yiri. Musharax Siciid Deni ayaa Duullaan qaawan ku tilmaamay daan-daansiga ay Somaliland ka waddo Gobalka Sool, wuxuu sheegay inay tahay arrin Dastuuri ah oo aan wada xaajood laga geli karin, wuxuuna qiray in Dowladda hadda jirta ku guuldarreysatay Howl galinta Ciidamada Tukarraq ee isaga yimid daafaha Puntland.. “Waxaad markhaati ka tihiin markii Tukaraq la qabsaday hadda oo gardaradda duulaanka qaawan lagu soo qaaday, dadkii min Raascaseyr, Saaxo ilaa Towfiiq dadku iyagoo aan la xisaabtamin dawladooda ayay ciidamado iyo calaf iskugu geeyeen, dawladda hadda joogtaa waxay ku guuldareystay in ay howlgaliso ciidamadaas, Sharaftii Puntland soo celiso, xaduudihii Puntland ay sugto, arrintaas waa arrin Dastuuri ah, maahan arrin ku aadan rabitaanka qofka madaxda ah, Waa arrin la rabo in qof walba oo Puntland ah u istaago” ayuu yiri. Siciid Deni wuxuu ka hadlay arrimaha doorashada iyo guddiyada khilaafaadka wuxuuna ka digay inaan qabaa’ilka iyo Isimada lagu mashquulin khilaaf sidoo kale aysan xukuumadda hadda jirta soo faragalin guddiyadaas. Ugu dambeyn Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ballan qaaday haddii la doorto in xukuumaddiisu la imaan doonto Dowladnimo hufan, dowladnimo loo dhan yahay oo aysan koox yar talada la wareegin, codka shacabkana ku shaqeysa. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Musharax Siciid Deni oo Bosaso lagu soo dhaweeyey, appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay hadal uu horey u yiri Muuse Bixii iyo arrimo kale. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi uusan joojin karin wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, balse uu iska cadiifad hadlay, isagoo ugu janjabay in hadii uusan dadka la tashan laga tashan doono. “Wadanka lagu wadimaayo caadifad ,haddaad dadka la tashan weydo waa lagaa tashanayaa Madaxweyne, wada hadaladuna go’aan qaran ayuu ahaaye mu ahayn mid qofeed, wuxuuna ku bilaabmay talo qaran oo golayaasha sharci dajintu ay ogolaadeen” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmo ka hor magaalada Burco ka sheegay in uusan hor fariisanayn madaxda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Faysal Cali Waraabe: Muuse ma joojin karo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Marka ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku leeyihiin nawaaxiga deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay in halkaasi ku dhacay dagaal foolka fool ah o u dhexeeyay labada dhinac. Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in halkaasi lagu dilay 19 ka tirsanaa Al Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/nuuradiin-.mp3 The post Ku dhawaad 20 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga hadlayey ammaanka guud ee gobolka Mudug. Waxaa kulankaan ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotey maamullada Puntland, Galmudug, saraakiil ciidan, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Dhinacyadii kulankaasi ka hadlay waxay ku dheeraadeen ahmiyadda ay leedahay nabadda iyo sidoo kale waajibaadka arrintaasi ka saaran shacabka gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/War-Gaalkacyo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaramada Midoobay ayaa abaal marinta sanadlaha ah ee dhanka Haweenka Booliska oo ay bixiso guddoonsiisay Phyllis Ama Tebuah Osei oo ka tirsan xafiiska QM Soomaaliya ee UNSOM. Haweeneydan oo ka soo jeeda dalka Ghana, kana howlgaleysay Soomaaliya muddo sanad ah ayaa ku guuleysatay abaal marinta 2018-ka. Ms Osei ayaa lagu bogaadiyay howlaha tababarada dhanka Haweenka oo ay ka soo qabatay maamulka Jubbaland ee Soomaaliya, iyadoona la sheegay intii ay ka howlgaleysay maamulkaasi tababar dhanka Booliska ah ay siisay ku dhawaad 50 Haween ah, kuwaasi oo ka tirsan Booliska Jubbaland. Sidoo kale waxa ay Haweenka Booliska ah ka taageertay arrimaha ilaalinta Xuquuqul Insaanka iyo Cadaaladda. Howlgalka QM ee Soomaaliya ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee Ciidamada AMISOM, kuwaas oo tababara Ciidamada DFS a iyo kuwa maamul lada dalka. The post QM Oo abaal marisay sarkaal ka tirsan howlgalka UNSOM appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dib u dhac ayaa mar kale ku yimid doorashada madaxweynaha maamulka K/galbeed, iyadoo ay doorashadu ka baaqatay 28-ka bishan. Guddiga doorashada madaxweynaha K/galbeed ayaa sheegay in 5-ta bisha December ay doorashada dhici doonto. Waxaa qoraalka guddiga doorashada K/galbeed soo saaray ku cad in howlaha doorashada si rasmi ah u bilaaban doonaan wixii ka dambeeya maalinta Sabtida ah. Halkaan hoose ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ceel-afweyn)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in weerarkii xalay magaalada Ceel-Afweyn ay ku soo qaadeen Jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Siciid Cawil Caarre, aanu sababin wax khasaare ah. Boos Mire Maxamed, wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Ceel-Afweyn ugu warramay Wariye Maxamuud Mas’uul ayaa sheegay in weerarkaasi socday 10 daqiiqo islamarkaana ujeedka Caarre ahaa Carqaladaynta Nabadda Beelaha halkaasi wada dega. Wasiirku waxa uu sheegay in Kornayl Caarre, ay maalgelinayaan dalal shisheeye oo nabadda Somaliland Carqaladaynaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa waxay ka socdaan deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in dagaalladan ay bilowdeen kadib markii ay ciidanka xoogga dalka weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada Gandershe iyo Jilib Marka. Ciidamada weerarkan qaaday ayaa ka baxay dhanka magaalada Marka iyadoo weli lasoo sheegayo in dagaalka yahay mid socdo. Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalladan, balse lama hayo inta khasaarahan uu la egyahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baladweyne ( Sh. M. Network )-Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan ayaa barqanimadii maanta isku geedaamay nawaaxiga Buundada Liiqliiqato oo ku taalla xaafadda Howlwadaag magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadani oo aad u fara badan ay ka Gadoodsan yihyiin Mushaar la’aan heysata muddo dhowr bilood ah. Ciidamada ayaa hakad galiyay dhaq dhaqaaqa Buundada Liiqliiqato oo isku xirta xaafadaha Howlwadaag iyo Kooshin ee magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo aan la xariirnay ayaa sheegay in markii dambe la xaliyay tabashada Ciidamadaasi, islamarkaana qeyb ka mid ah ay dib ugu laabteen Xeryahooda. Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ay ku dareen in ay socdaan dadaallo lagu doonayo, sidii ay xaquuqdooda u heli lahaayeen Ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Indhawaanahan ayaa waxaa taagnaa cabashooyin la xariira dhinaca Mushaaraadka oo ay ka cabanayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya e, gaar ahaan kuwa ku sugan furumaha dagaalka. The post Ciidamo Gadoodsan Oo xiray isku socodka Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa barqanimadii maanta dil ka geystay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay qeybta Bakaashka ee Suuqaasi, iyadoona la sheegay in loo geystay Ganacsade ku sugnaa halkaasi. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Goobjoogayaal Ganacsadaha ayaa laga dhex toogtay goobtiisa Ganacsiga. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in dilka kadib ay gaareen halkaasi, kana sameeyeen baaritaano kooban. Welina ma jiro wax hadal oo ay saraakiisha laamaha amnigu ay ka soo saareen dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha Suuqa Bakaraaha ka dhacayAY dilal qorsheysan oo qaarkood loo geystay Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya. The post Dabley hubeysan Oo dil ka geystay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
By Prof. Hassan Keynan One of the most prominent and most visible members of Prime Minister Khaire’s cabinet is the Minister of Finance. The webpage of the Federal Ministry of Finance (MOF) and the Minister’s Twitter account are filled with the images and stories of a man in a hurry. High-level partnerships, conferences, workshops, expert meetings, consultations, technical missions, steering committees, specialized working groups, briefing sessions, press conferences, and interviews abound. The narrative pushed, in unison and with singular determination, by the entire FGS, celebrates remarkable milestones already reached; and confidently predicts the imminent breaking of a new promise-laden dawn. In fact, The Finance Minister’s ubiquitous presence, abundant promises, and enchanting projections seem to have acquired magical qualities. The top leadership of the Federal Government, including the President, Prime Minister, and senior ministers, routinely repeat the Finance Minister’s statements ad infinitum like mantra; and at times top them up with their own spin. Many Somalis, out of desperation, seem to imbibe his optimism wholesale, even at times coming close to believing that the promised future is already here. The unveiling of the National Economic Council (NEC) on 11 August 2018 is the latest episode of this captivating drama. So, what is Somalia’s finance guru up to? Are the prospects of solid and sustainable fiscal reforms and rapid economic turnaround predicted and promised by the Finance Minister and company real, credible, and realistically deliverable? Is the project informed by and reconcilable with the country- and context-specific realities on the ground? What exactly has been achieved to date vis-à-vis stated goals, expected outcomes, and target areas and beneficiaries? Is something big, unprecedented, and transformative in the works for Somalia? Or is the good Doctor a juju medicine man selling snake oil? The good news The Ministry of Finance’s project is not completely devoid of positive elements. For starters, the Finance Minister himself is its biggest asset and attraction. The principal task of the Finance Ministry, maintaining both micro and macro-economic stability in the country, is more like a distant dream than a realistic prospect. However, the Minister seems remarkably at ease and undeterred in his self-contained and hermetically sealed enclave in Mogadishu. At times, he appears quite candid in a cabinet steeped in regimentation, secrecy, and strict pecking orders. The Finance Minister has a modicum of support from his bosses in the Capital, and more importantly, the ringing endorsement of his international backers. Regarding demonstrable progress and tangible results achieved to date, it is too early to make a definitive assessment. Nevertheless, there is evidence that some improvements have been recorded. There has been a slow but steady progress in the implementation of agreed fiscal and policy reforms. Domestic revenue mobilization has registered modest increase, partially contributing to the 24% increase in the 2019 budget reported by the Ministry of Finance. In addition, a positive economic outlook has been projected in 2018, including 3.1% growth and 1.8% reduction in inflation. This has, according to Dr Beileh, enabled the Federal Government to pay the salaries of public sector employees and members of armed forces and security agencies regularly and predictably. The FGS has also singled out the completion of the Staff-Monitored Program (SMP) as a great achievement, although the target date for the completion of the 3rd 12-month SMP is April 2019. The FGS has also claimed that the $80 million pre-arrears financing grant provided by the World Bank and the 100 million Euros contributed by the European Union (EU) are not only an irrefutable evidence of its successful fiscal and economic reform, but also a clear indication that the international community has confidence in the FGS’s ability and commitment to stay on course. Furthermore, Dr Beileh and company point to the relentless campaign and critical preparatory work by the Federal Government towards efforts aimed obtaining debt relief under the Heavily Indebted Poor Country (HIPC). Finally, the FGS underscores the time and resources it has devoted to launch a new national currency. Challenges Sovereign void Federal Government of Somalia (FGS) claims to have complete juridical sovereignty over a territory it cannot defend, strategic assets it cannot control, citizens it cannot serve and protect, and laws it cannot enforce. It is not even capable of securing the streets of the Capital, Mogadishu. Its economic project is neither informed by nor reconcilable with the country- and context-specific political, economic, demographic, and governance realities on the ground. As a state, Somalia has no coherent basis in reality, politically, territorially, and in terms of governance, legitimate authority, and rule of law. There is a multiplicity of mini-states and political groupings that are steeped in a protracted and seemingly endless squabbling and conflict. The Somalia-Somaliland divide is the clearest and most persistent factor that debunks the monumental deception peddled by the Mogadishu-based FGS with the help of the international community. Somaliland has been granted a separate agreement in both the 2013 Compact Deal and its successor, the New Deal. It has its own Central Bank and currency. The Mogadishu-based FGS and its Finance Minister have no authority and institutional leverage over the territory and economy of Somaliland. In fact, Somaliland does not feature in the business of the FGS except when Somaliland authorities seek or secure promising investment deals and development opportunities. A similar disconnect is evident in the relations between Mogadishu and the Federal Member States (FMS). In fact, the relationship between the FGS and FMS has become increasingly rambunctious, at times even toxic. In their 4th conference held in Garowe 20– 24th October 2018, the Presidents of the Federal Member States issued a blistering communiqué, accusing the FGS of a litany of serious offenses and gross transgressions ranging from deliberate, even treasonous, acts to undermine the constitution and rollback the infant federal system of government, to efforts aimed at tampering with the legislative and judiciary branches, to massive and unbridled corruption, including use of donated funds for political and personal gains. The FMS have basically declared the Federal Government a rogue entity. The FGS ‘cannot be trusted with the security of the country’ the Communiqué stated. The FMS halted all contacts and cooperation with the authorities and institutions of the FGS. The picture that clearly emerges is that the economy that the Finance Minister talks about is for all intent and purpose the economy of Mogadishu. The figures the FGS peddles from its enclave in Villa Somalia relate more to a Mogadishu Income Account (MIA) than to a National Income Account (NIA). Mogadishu port and airport and the estimated 1.6 million inhabitants in the Capital form the core of the Finance Minister’s economic strategy. The rest of the country, accounting for 87% of the population and about 80% of the national economy, remains beyond the FGS’s authority and far beyond the reach and institutional control of the Ministry of Finance. Debilitating data gaps: ‘for so it is, oh Lord my God, I measure it; but what it is that I measure I do not know.’ The Finance Minister has some of the best experts in the field at his disposal made available through a variety of technical missions and consultancies paid for by the World Bank, IMF, African Development Bank, UN and myriad bilateral donors. However, none of these could fix the perennial conundrum that has bedeviled efforts aimed at getting Somalia’s macroeconomic foundations and fiscal planning right: huge and debilitating data-gaps. This is particularly evident in the livestock sector, the biggest sector in the economy. According to the National Development Plan 2017 – 2019, the Livestock sector accounts for an estimated 67% of the population, 60% of GDP and at least 60% of foreign exchange earnings. Although the dominance of the livestock sector in the national economic is well known, establishing an accurate statistical database has eluded successive Somali governments, even at the best of times. This has made the conceptualisation and measurement of the Somali economy an immensely difficult task. The ILO expert, V. Jamal, provided unique insights on this conundrum in the Economics for an Unconventional Economy (1987). No one could quite figure out the exact number of the country’s population. About half a dozen conflicting estimates, ranging from four to eight million existed at that time. Accurate assessment of the economy and its performance had also been very difficult, because experts did not agree on the country’s GDP and the details of its growth or decline. In 1978, for example, there were five different GNP per capita estimates ranging from USD110 to USD342. During the same year three conflicting negative growth rates were recorded: Somali government (‑10%), World Bank (‑13%), and IMF (‑1%). The confusion was so great that Somalia was, in one dramatic statistical stroke, transformed from the eighth poorest country in the world with a per capita income as low as U$110 to a middle-income country with an average per capita of U$406. The problem with aggregate indicators is that ‘arbitrary changes {were} made to important magnitudes in the GDP without any explanation,’ resulting in the production of a series of conflicting and bizarre estimates with no practical link to the realities of the economy they were intended to measure. The measurement of the Somali economy has become a mathematical enigma comprehensible only to those exceptionally skilled in ‘figure fetishism’ as I would like to describe it. The unique nature of Somalia’s economy calls for an unconventional means and tools for analyzing its manifestations and measuring its performance. In the absence of relevant and reliable data, a straightforward application of conventional techniques can only operate on the strength of a prayer like this: ‘for so it is, oh Lord my God, I measure it; but what it is that I measure I do not know.’ The FGS and its finance guru seem to be engaged in ‘figure fetishism’, cooking and peddling numbers completely divorced from the real economy of the country. Deception, corruption, fraud and incompetence The Federal Parliament’s Committee on Budget, Finance and Planning has just released a scathing report, accusing the Ministry of Finance and the FGS of a raft of serious allegations including gross negligence, deception, corruption, and fraudulent practices. In fact, from its very beginning the FGS led by President Mohamed Abdullahi Farmaajo and Prime Minister Hassan Khaire has been dogged by such allegations. However, the report by the parliamentary committee constitutes the first time a statutory body presented credible evidence concerning high levels of mismanagement and embezzlement of public resources at the federal level. The report, among other things, documents in minute details: a)Millions of dollars that are missing or unaccounted for including $20 million received from Saudi Arabia, b)Millions of dollars withdrawn from the Central Bank in a manner inconsistent with existing rules and procedures, c)Large-scale financial corruption and mismanagement regarding the budget allocated to the Banadir Regional Administration, including $6 million withdrawn from the account of the Banadir Administration at the Central Bank, d)Considerable amounts of funds collected on the orders of the Minister of Finance from money transfer agencies and private banks and deposited in a account controlled by the Ministry of Finance in clear violation of established financial rules, e)Contracts awarded in violation of existing procurement rules. The powerful Minister of Finance himself has not been immune to the perennial afflictions of human fallibility. The magnetic temptations of power, ambition, habit, partisanship, and arrogance occasionally surface and get in the way. These reveal themselves in a variety of manifestations, including a flair for exaggeration, even overkill; and a tendency to ignore, gloss over, or omit core and heavily consequential matters in his portfolio or in the broader affairs of the FGS and the nation at large. For example, The Finance Minister has never talked about the issue of Somaliland with its own Central Bank and currency and the deepening conflict between the FGS and FMS. These issues have serious and far-reaching economic implications that cannot be simply and routinely dismissed. The Finance Minister’s habit to dwell on the Mogadishu Income Account and ignore or dismiss the rest of the country amounts to a deliberate and duplicitous attempt to mislead both Somalis and the international community. Data pertaining to 13% of the Somali population and an estimated 20% of the national economy cannot be peddled as an accurate assessment of the wealth of the entire nation. In addition, the Finance Minister often finds himself in the awkward position of seeing his efforts and work frustrated, undermined, and even sabotaged by prominent and powerful officials in the FGS, including some of his colleagues in the Council of Ministers. Take the case of the dubious contract between the Federal Ministry of Defence and the UAE-based SKA international. This was a secret deal brokered by the former Federal Minister of Defence, Mohamed Mursal, in clear violation of the national procurement rules and procedures, according to a detailed and well-researched report by the Voice of America’s Investigative Dossier aired on Voice of American Somali Service on 24 April 2018. This shocking news broke while Minister Beileh was in Washington for a high-level meeting with key international donors and lenders led by the IMF and World Bank. What followed was even more perplexing. The Senior Minister who was behind the SKA scandal was in a matter of days elected as the Speaker of the Federal Parliament and country’s chief legislator. What is more, the Finance Minister, who is also a Member of Parliament, was actively involved in this dubious scheme. Other senior officials of the FGS have also assumed the role of brokers hell-bent on engaging in shady deals aimed at liquidating the country’s strategic assets or colluding with foreign vultures with total impunity. Some have been implicated in several dubious, even illegal, deals either as brokers, lobbyists, shareholders, or facilitators. Concerns have also been expressed regarding attempts by powerful forces in the FGS to bend, pervert, or flaunt existing laws or tamper with new legislative endeavors in the service of greed and corruption. Conclusion: A cabal on the throne in Mogadishu In April 2018 J. Peter Pham from the Atlantic Council wrote a piece on Somalia in which he mentioned the existence of ‘a cabal’ within President Farmaajo’s ‘fragile regime.’ Three months later, the reputable Foreign Policy Magazine published, on 7 August 2018, a blistering commentary, accusing the FGS’s international patrons of financing ‘a criminal patronage network.’ More and more evidence seem to be piling up, pointing to a secretive inner circle that captured the fragile Somali state and its weak institutions in the service of power, which is then ruthlessly deployed to draw more people into the patronage network. A cabal with extensive international connections seems to be on the throne in Mogadishu. And the Minister of Finance is its most lethal weapon. Prof. Hassan Keynan is a former Professor at the Somali National University and a retired Senior UN Official DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-22112018-ok.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
United Nations Police Officer Phyllis Osei has been awarded the 2018 UN Female Police Officer Award, in recognition for her outstanding work with the UN Mission in Somalia (UNSOM), at a ceremony in New York on Monday. Since joining UNSOM in February, Ms. Osei – who holds the rank of Superintendent with the Ghanaian police force – has swiftly made a direct and positive impact on the community and host state police in Jubaland. Superintendent Osei has played an important role in enhancing the protection of women and girls, sparking initiatives to promote women’s rights in the Jubaland state police force, and successfully initiating adult literacy training for 49 female police officers: Ms. Osei also formed a Female Peacekeeper Network to support female peacekeepers working with the UNSOM and the African Union Mission in Somalia (AMISOM). UN Police Adviser, Commissioner Luis Carrilho, praised Superintendent Osei for her exemplary conduct. “Ms. Osei was deployed to Somalia earlier this year in February 2018”, he said. “By April, she had already identified and trained two [staff to tackle gender issues] in AMISOM who went on to mentor and advise police officers in the host state police. Soon after, Ms. Osei established four gender desks in the host state police, facilitated a training on sexual and gender-based violence (SGBV), and initiated a proposal that called for the establishment of a police post near the community thus ensuring access for SGBV survivors”. Nominations for the Award are requested annually from all peacekeeping and special political missions where UN police are deployed. Based on criteria for high performance, a selection committee, comprising policing and peacekeeping experts, evaluate the conduct and achievements of the nominees with an emphasis on impact of policing service delivery. The Award aims to establish a role model for women police peacekeepers and to promote the UN Secretary General’s Gender Parity Strategy and DPKO’s Uniformed Gender Parity Strategy, through encouraging Member States to deploy more female police officers to peacekeeping and special political missions. The post UN police officer recognized for protecting vulnerable Somali women from abuse appeared first on Shabelle. View the full article