Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Xubnaha Guddiga qaban-qaabadda doorashadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay is-casileen. War qoraal ah oo ay soo saareen, taasi oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Guddiga Shaacir Cumar Bayle ayay ku fahfaahiyeen sababta. Guddiga ayaa sababta is-casilaadooda waxay ku tilmaameen inay salka ku hayso xariga ay dowladdu ugeysatay Mukhtaar Roobow Cali iyo faragelin iyo hadaad ay tibaaxeen inay kala kulmeen dowladda dhexe. Hoos ka akhriso qoraalka The post DEG DEG: Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo is-casilay appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka magaalada Baydhabo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koofur Galbeed islamarkaana ahaa guddoomiyihii guddiga amniga Koofur Galbeed. Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya cidda rasmi ahaan kaga dambeysay dilka xildhibaanka oo lagu magacaabayay C/Shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa guddoomiya Amniga ee Baarlamaanka Koofur Galbeed. Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu kamid ahaa xubno u istaagay saaka sidii xiisadda loo qaboojin lahaa, balse rasaas kaga dhacday oogada sare ee jirkiisa ayuu u dhintay, sida goobjoogayaal ay xaqiijiyeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanka ay toogteen ciidamada booliska Koofur Galbeed ee ka hortagayay rabshadaha ka socdo magaalada, halka wararka kale ay sheegayaan in ciidamada ilaalada u ahaa Mukhtaar Roobow ay toogteen. Dilka Xildhibaanka, ayaa ka dhacay Nawaaxiga Saldhiga Boooliska baydhabo, kaasoo ku dhow Madaxtooyada Koofur Galbeed, waana ta keentay shakiga ugu badan ee ah in ciidamada booliska ay toogteen. Xaalada magaalada ayaa wali kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ka dhaceysa xaafadda Horseed iyo agagaarka Garaash ku dhow guriga uu deganaa Mukhtaar Roobow. Ma jiro wax war ah oo wali dowladda Soomaaliya ay kasoo saartay qalalaasaha kasoo kordhay magaalada Baydhabo oo galay maalintii Labaad. Haddii Xasaradahan ay sii socdaan waxaa halis ku jirta doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed oo shan maalin kadib la filaayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo sida guddiga doorashada ay sheegeen. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  3. Federal Republic of Somalia Federal Ministry of Internal Security Office of the Minister REF: WAG/XW/632/18 Date: 13th December 2018 The Federal Ministry of Internal Security refers to its previously released press statements issued on October 4th 2018 and December 12 2018, which had asserted that the citizen, Mukhtar Robow (Abu Mansur) was yet to meet requirements of agreements with the government in order to remove all the restrictions on him. The requirements included: • That Mukhtar Robow abandons his extremist beliefs, explicitly and unambiguously denounces the extremist ideology, and expresses support for the Federal government • That he should not engage in any activity that can harm the governance system and undermine the Federal Government and the Federal Member States. Executing its constitutional duties, the Security Ministry has undertaken enermous efforts to convince Robow to reconsider his actions that acted as violations against all the arrangements reached with him with regards to stability, rule of law and the governance system. Regrettably, Robow started to smuggle arms and fighters into Baidoa and assembled militias with the intent to undermine and threaten the national security, especially stability in Baidoa. That has attested that Mukhtar Robow has never renounced his extremist ideology and is willing to terrorize the Somali people once again. Consequently, the Security Ministry, which earlier issued warnings against Robow’s criminal engagements, has today, December 13, 2018, detained citizen, Mukhtar Robow. End
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Xiisadda ayaa ka dhalatay markii ay dowladdu soo xirtay Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo lagu eedeeyay inuu jabiyay qodobo uu kula heshiiyay xukuumadda markii uu isku soo dhiibay sanadkii hore. Gudoomiye Mursal oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka digay inay sii socoto shaqaaqadda oo khasaaro naf iyo maal geysatay. “Waxaan ka digeynaa inuu sii socdaan dagaaladda….Dadka aad ayay utabar-daran yihiin, waxaana haystay dagaalo iyo go’doon..Marka waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo wixii sii socon lahaa,” ayuu hadalkiisa udhigay. Sikastaba, wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ahna xarun goboledka Bay, ayaa sheegaya in xaaladda ay haatan tahay mid degan. Hoos ka dhegeyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod.mp3 The post Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo ka digay xiisada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Guddoomiyihii guddiga barlamaanka koonfur galbeed, Xildhibaan Abdishakuur Yacquub, ayaa lagu dilay Baydhabo, waxaana uu ku dhintay israsaasayn goor dhowayd Baydhabo ka dhacday. Xildhibaanka ayay isko [...] Source
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Cabdullaahi Maxamed Aadan, oo kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Mooshinka ay Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ka gudbiyeen Madaxwaynaha dalka. Aadan oo wareysi siiyay idaacadda Shabelle ayaa ku baaqay in xal laga gaaro Hindisa xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo, kaasi oo uu carabka ku adkeeyay inuu yimid waqti aanan munaasab ahayn. Gudoomiyaha Aqalka Hoose ayuu ku tartarsiiyay in looga baahan yahay inuu ka laabto Mooshinka uu qabtay, kaasi oo uu ku nuux-nuux saday in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay walaac xoogan ka muujinayaan. 9-kii bishaan ayay ahayd markii Mudanayaal ka tirsan Gollaha Shacabka ay tibaaxeen inay gudbiyeen Mooshinkaasi, kaasi oo xiisad siyaasadeed iyo kala qayb-sanaan Gudoonka dhexdiisa ah abuurtay. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Tak.mp3 The post Qurbajoogta oo ku baaqday xalinta Mooshinka Madaxwaynaha appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inay sii xoogeysteen rabshadaha ka socdo magaalada Baydhabo ee bilowday gelinkii dambe ee shalay. Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka koofur Galbeed uu ku geeriyooday rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdishakuur Buule oo ka mid ahaa Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa toogasho lagu dilay intii ay socdeen Banaanbaxyadda ka dhanka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya. Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid kacsan, waxaana jirin cid ilaa iyo hadda isku dayeysa inay xal ka gaarto xaalada cakiran iyo rabshadaha ka socda Magalada Baydhabo. Ciidamada booliska ee magaalada Baydhabo ku sugan ayaa heegan buuxa ku jira, iyadoo ay doonayaan inay ka hor tagaan waxyeelo kale oo ka dhalata xiisada ka taagan magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  8. Waxaa saaka magaalada Baydhabo lagu dilay xildhibaan Cabdishakuur Buulle, oo ahaa guddoomiyaha guddiga amniga ee baarlamaanka koonfur galbeed ee Soomaaliya. Amni ahaan, waxaa Baydhabo lagu daadiyey ciidamo booliis ah oo la doonayey iney furaan jidadka laakin waxaa ka hor istaagay ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow. Dhinaca kale, weriyaha Goobjoog News ee Baydhabo waxaa uu soo sheegayaa in dibad-baxyo socdaan kuwaas ilaa shalay socday. Qalalaasaha Baydhabo aya imaanaya kadib markii Khamiistii ay dowladda federeaalka ah soo xirtay murashaxii madaxtinnimada koonfur galbeed Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow. Mansuur hadda waxaa uu ku xiranyahay Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Garbahaarey (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay xarig dhowaan loo geystay Gudoomiyihii degmada Ceel-waaq iyo sarkaal ka tirsan degmadaasi. Cusmaan Nuur Xaaji, Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay xariga masuuliyiintaas oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Kenya, madaxda dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in Gudoomiyaha Ceel-waaq iyo sarkaalka lagu haysto dibad-bax dhowaan halkaasi ka dhacay oo looga soo horjeeday maamulka Axmed Madoobe. Hoos ka dhageyso warka oo codka ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Mahad.mp3 The post Maamulka G/Gedo oo fahfaahiyay masuuliyiin la xiray appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Ciidamada booliska Somaliland ayaa waxaa ay xalay xabsiga u taxaabeen weriyihii Goobjoog Media Group ee magaalada Burco Xasan Xandulle. Xasan ayaa maalin ka hor intii aan la xidhin waxaa uu xafiiskeenna Hargeisa u sheegay in la raadinayo laguna haysto war aanu baahin hase ahaatee uu bartiisa Facebook ku sheegay in uu baahin doono. ilaa hadda kama hadlin hey’adda booliiska ama guud ahaan Somaliland sababta loo xiray iyo haddii ay tahay qoraal bartiisa Facebooga ah. Warbaahinta Goobjoog waxaa ay ka wal-walsantahay nolosha iyo xaaladda weriye Xasan, iyada oo xarigaas u aragto caburin xuriyadda hadalka ah, dalbaneysana in si degdeg loo sii daayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Baydhab (Caasimada Online)-Rabshado iyo banaanbaxyo ayaa dib kaga bilowday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo shalay ay banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen. Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa gubaya lugaha “Taayarada” baabuurta, waxaana ay dhagxaan la dhacayaan goobaha ganacsi ee furan ee ku yaala magaalada Baydhabo, sida uu ku waramayo Warimaha Caasimadda Online ee Baydhabo. Xaaladda wali wey kacsan tahay, waxaana sidoo kale la arkayaa dadka oo ku banaanbaxaya gurigii uu deganaa Sheikh Mukhtaar Roobow ilaa madaxtooyada Koofur Galbeed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas laga maqlayo xaafadaha magaalada Baydahbo, waxaana ridaya ciidamada amaanka oo la sheegay inay doonayan inay banaanbaxyada ka hor tagaan. Leyrarkii ku shaqeynayay cad cadeeda ayay dhulka dhigeen qaar kamid ah dadka banaanbaxyada dhigaya oo careysan, waxaana jirin saaka wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka taagan. Waxaa laga baqayaa inay xaaladda is badasho, haddii aan wax laga qaban, maadaama dadka careysan ay taageersan yihiin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) –Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa xalay Muqdisho ugu sameeyay dhigiisa Eritrea kulan casho ah. Isaias Afwerki, madaxwaynaha dalka Eritrea, ayaa Khamiistii wuxuu yimid magaalada caasimada ah, isaga oo ay wehliyaan wafuud heer sarre ah. Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulankani casho sharafta ahaa. Qaar kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda wadanka ayaa munaasabadda ka qaaday Heeso ka turjumaya nabada. Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxwaynaha Eritrea safar uu ku yimaado Muqdisho xili uu socdaalkiisa qayb ka yahay is-dhexgal siyaasada Geeska Afrika ka curtay. The post MD Farmaajo oo Casho sharaf u sameeyay dhigiisa Eritrea appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada Mucaaradsan dowladda Soomaliya islamarkaana gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka walaacsan safarka madaxweynaha Eritrea uu ku joogo magaalada Muqdisho. War saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanadan ayna warbaahinta u aqriyeen xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano kale ayaa waxay si cad ugu sheegeen inaysan taageersaneeyn safarka Madaxweynaha Eritrea ee Muqdisho. Waxay sheegeen in safarkiisa uu ku yimid Muqdisho, iyada oo uu Mooshin ka yaala madaxweyne Farmaajo inay ka dhigan tahay siyaasadda guracan ee ay heshiiska ku yihiin, sida ay hadalka u dhigeen. Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay inay ka warhayaan madaxweynaha Eritrea inuusan aheyn ruux dalkiisa ka ogol dastuurka iyo Dimuqraadiyadda, sidaasi daraadeedna ay walaac ka muujinayaan safarkiisa. Waxay ugu dambeyn qoraalkooda ku sheegeen in saraakiil Eritrean ah uu keenay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hogaamin doono ciidamo ka socda dalkaasi oo Muqdisho imaanaya. Dowladda Soomaaliya wali ma aysan shaacin wax heshiis rasmi ah oo ay la gashay dowladaha Ethiopia iyo Eritrea marka laga yimaado isfahamka dhex marayay seddexda dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  14. Baydhabo (Sh.M.Network) – Xaaladda magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa degan kadib rabshado ka dhacay shalay. Shaqaaqadda ayaa ka dhalatay markii dowladda Soomaaliya ay caasimadda KMG maamulka Koonfur Galbeed ay kasoo xirtay Mukhtaar Roobow. Wararkii ugu dambeeyay oo ay idaacadda Shabelle halkaasi ka helayso waxay sheegayaan in saaka jawiga uu yahay mid xasiloon. Xariga Roobow oo ay wasaaradda Amniga war kasoo saartay waxay sababta ku sheegtay inuu jabiyay heshiisyo kala galay. Wasaaradda ayaa tilmaamtay inuu magaalada lasoo galay ciidamo iyo inuu sameeyo kacdoon milatari oo dowladdu uga soo horjeedo. Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa murashaxiinta doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa laga soo dejiyay Muqdisho, wuxuuna hadda ku jiraa gacanta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Baydhabo (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan wali rabshado looga soo horjeedo xariga musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xaafadaha magaalada Baydhabo ay wali kala xiran yihiin, iyadoo xalay la gubay goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in cabsida darteed wali ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga. Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa dalbanaya in lasoo daayo Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo kaxeysay magaalada Baydhabo isagoo lagu xiray Muqdisho. Iyadoo rabshadahaasi ay ka jiraan magaalada Baydhabo ayaa kulamo looga hadlayo xaaladda kasoo korortay Koofur Galbeed waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay siyaasiyiin kasoo jeeda Koofur Galbeed. Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amaanka ee magaalada Baydhabo ay doonayaan inay ka hor tagaan dadka abaabulaya rabshada kasoo cusboonaaday magaalada Baydhabo. Maalintii shalay dad ayaa ku dhintay kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay israsaaseeyeen ciidamada ilaalada u ah Mukhtaar Roobow iyo kuwa sugaya amaanka magaalada Baydhabo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-14122018.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Dooxa ku kala saxiixday shan heshiis iyo Sedex is-afgarad oo khuseeya arrimha maalgashiga, ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha. Guddi farsamo oo ka socda Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu heshiiyay in ay ka shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada la kala saxiixday si fulintooda loo boobsiiyo, dadka Soomaaliyeedna dhawaan u helaan faa’iidooyinka kasoo baxa. Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo ka warbixiyay heshiisyada ayaa sheegay in dhammaan heshiisyada ay dawladda iyo dadka Soomaaliyeed ay dani ugu jirto. Wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo wasiir ku-xigeenka maaliaydda oo qayb ka ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka Soomaaliya heshiiska u saxiixay. Heshiisyada waxaa sidoo kale kamid in diyaaradda Qatar Airways ay billaawdo bartamaha sannadka 2019 duullimaado toos ah oo ay ku imaanayso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. The post XFS oo fahfaahisay heshiisyo ay la gashay Qadar appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka Cabdi Weli Muudey ayaa eed kulul kala kulmaya xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanada ayaa sida ay xogo hoose ku warramayaan ku dhaliilaya Muudey in uu mas’uul ka yahay hab-dhaqanka uu la soo baxay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan maadama uu isaga uu markii hore sabab u ahaa in dowladda ku taageerto qabashada xilka gudoomiyaha baarkamaanka markii uu is-casilay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Xilligii lagu jiray ol’olihii doorashada gudoomiyaha golaha shacabka waxaa jiray xubno dhawr ah oo ay xukumadda gadaal ka riixeysay sida Cabdicasiis Lagtagareen iyo kuwo kale, hase ahaatee, waxaa la xaqiijinayaa in uu Muudey ku qanciyey in Mursal yahay shaqsiga ugu mudan ee la shaqeyn kara. Si kastaba, taas ayaa hadda ku noqotay Muudey iyo Xukumadda waji gabax kaddib markii uu Mursal uu kasoo horjeestay dowladda kuna biiray xubnaha mucaaradka ah. Xogta ay Caasimadda Online heleyso ayaa ku warramaysa in habeenkii Salaasada ay xubno ka mid ah baarlamaanka taageersan Xukumadda ay ku canaanteen Muudey soo xulistii Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Arbacadii ayuu gudoomiyaha Baarlamaanka ka guuray gurigiisa ku yaal Villa Somalia kaddib markii la sheegay in ay Xukumadda ku cunaqabateysay muddo laba maalmood ahaa. Lama oga halka uu ka dambeyn doono khilaafka xooggan ee ruxay siyaasadda Soomaaliya wallow la sheegayo in gudoomiyaha Baarlamaanka laga keeni doono Mooshin maadama Xukumadda ay haysato xildhibaano badan oo taageeraya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Go’aankii ay dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya ay ku soo xirtay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa ahaa mid aan lama filaan ku noqon bulshada Soomaaliyeed maadama hore loo sii saadaalinayey. Roboow oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab kana soo qabtay xilal waa weyn ayaa isu soo dhiibay dowladda 2017-dii kahor inta uusan isu taagin xilka Madaxweynimo ee maamulka Koonfur Galbeed. Hase ahaatee, dowladda ayaa bishii tobnaad ee sanadkan go’aan ay uga soo horjeeddo musharaxnimadiisa haacisay balse dhag jalaq uma uusan siin. Qoraal kasoo baxay wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Roobow la xiray kadib markii uu jebiyey laba qodob oo horey lagula heshiiyey, kuwaas oo kala ahaa:- In Mukhtaar Roobow uu ka tanaasulo fikirki xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi lahayn u cambaareeyo fikirka xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka Soomaliyeed. In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo Dowlad Goboleedyadaba xubnaha ka ah. Warbixintan kooban waxaan diiradda ku saari doonnaa laba qodob oo lagu tilmaami karo in dowladda u qaadato go’aanka ceynkaas ah, oo aan ahayn kuwa la sheegay. 1 – Dowladda oo hubtay in haddii uu doorashada galo ku guuleysan doono Taageerada Mukhtaar Rooboow ee uu ka haysto shacabka Koonfur Galbeed ayaa aad u korotay tan iyo markii ay soo ifbaxday in dowladda gadaal ka riixeyso Cabdicasiis Laftagareen oo isaguna naceyb badan ku kasbaday arrintaas. Waxaa la baajiyey doorashada Koonfur Galbeed tiro saddex jeer ah iyada oo laga baqay guusha Roobow taas waxa ay dhabbaha uxaartay in dowladda ay qaadato go’aanka ah in ay soo xirto oo uusan tartanka galin. 2 – U Quus goynta gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Toddobaadkan waxaa hareeyey siyaasadda Soomaaliya xassilooni darro ka dhalatay mooshin laga keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu qabtay gudoomiyaha baarlamaanka Mursal. Arrintaas waxa ay aad u kala qeybisay labada gole iyada oo ay qaar dheheen in uu mooshinka buray halka kuwa kalena ay ku adkeysanayaan in uu sidiisii yahay. Arrimahaas waxaa barbar socday waan waan laga dhex waday gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada mooshinka diidan balse lagu guuleysan waayey xilli uu gudoomiyaha shalay ka guuray Villa Somalia. Waxyaabaha la’isku mari waayey waxaa ka mid ahaa in gudoomiyaha baarlamaanka uu doonayey in isaga looga dambeeyo arrimaha Koonfur Galbeed ayna helaan badaxbaanni taas oo ka dhigan in Rooboow uu si sahlan ugu soo boxo xilka Madaxweyne. Iyada oo taas ka duuleysa dowladda waxa ay gaartay go’aankan si ay gebi’ahaanba ugu quus goyso gudoomiyaha baarlamaanka si uu u waayo wax uu ku mar marsiiyoodo haddii la’isgu yimaado miiska wadahadalka. W/Q: Xasan Aadan Muumin Baydhaba, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa dulmi iyo bah-dilaad lagula kacay Koonfur Galbeed ku tilmaamay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Isaga oo ka hadlaya dhibaatooyinka deegaanada Koofur Galbeed ayuu sheegay in siyaasiyiinta Reer Koofur Galbeed ay sanad gudahiis dhibaatooyin dhowr ah kala kulmeen dowladda Soomaaliya. “Waxa maanta Baydhabo ka dhacay waxay ahayd dulmi lagula kacay Shacabka reer Koonfur Galbeed. Inkastoo deegaanada oo idil la dulmiyey, haddana reer Koonfur Galbeed dulmi iyo duulaan dheeraad ah ayaa ku socda. Afar hogaamiye ayaa sanadkaan gudihiise mid xiray, mid xilka laga tuuray iyo mid la xanibay laga dhigay. Jawaari, Sharif Xasan, Roobow iyo Mursa”. “Dhinaca Galmudug Xaaf ayaa la isku deyey In xilka laga tuuro, Hoyga Qaybdiid ayaa loo dhacay, anigana waa tii weerar la igu soo qaaday. Somaliland mucaawinada in laga jaro, mashaariicda horumarintana laga hor istaago ayaa la isku dayey” “Jabuuti geeskaa la geliyey, Puntland waa la fadqalaleeyey oo muran ayaa Madaxweynihii iyo ku xigeenkiisii laga dhex aloosiyey. Jubaland na maleeshiyaad ayaa lagu hubeeyey. Shacabku waa in uu baraarugaa oo Dawladan xasilooni darida caadada ka dhigatay waa in meel looga soo wada jeestaa” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xariga shalay magaalada Baydhaba loogu gaystay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in xariga Roobow “uu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea” ee xildhibaanada baarlamanka ay mooshinka ka keeneen. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi ee facebook oo dhameystiran. Waxaa Baydhabo dad joogaa ii xaqiijiyeen in ciidamada Abiy Axmed ee Itoobiya ay xoog ku qafaasheen musharaxii madaxweynaha Koonfur Galbeed Mukhtaar Roobow oo guddiga doorashadu u diiwaan galiyeen ka qeybgalka tartanka doorashada madaxweynenimada K/G. Waa ayaandarro in ciidamo ajnabi ah loo adeegsado ku xadgudubka muwaadiniin Soomaaliyeed iyo u xoog sheegshadooda. Falkani wuxuu qeyb ka yahay heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee lala galay Ethiopia iyo Eritrea, waa midkii ay xildhibaanada qaranku ay ka sii digeen, maalinba maalinta ka danbaysa waxaa soo cadaanaya wajiga dhabta ah ee madaxda dalkeena. Dalkaan Itoobiyaan iyo Eritreeyaan laguma qabsan karo! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Senatarada Aqalka Saree e Soomaaliya ee laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xarigii ay shalay dowladda Soomaaliya kusoo qabatay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka. War-Murtiyeed: 13 December 2018 Senatarada Dowlada Federalka ku-matalaayo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayagoo kaduulaayo dhibaatooyinkii ay horey uga digeen ee xaladaha Amni, Siyaasadeed, waxaa ay soo saareen qodobada soo socda: Tacsi: Senatarada waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan ehelada dadkii ku geeriyoodey dhibaatadii maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo waxayna u rajeynayaan inta ku dhaawacantay inuu Alle u boogo dhayo Insha Allah. Afduub: Waxaa wax laga xumaado ah Afduubkii maanta magaalada Baydhabo loogu geystey Sheikh Mukhtar Robow oo kamid ahaa musharaxiintii sida sharciga ah ubuuxisey shuruudaha musharaxnimo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana DFS kadalbaneynaa in ay xuriyadiisu dib ugu soo celiso si uu Doorashada lafilaayo uga qeyb galo Doorashada: Kusimaha Madaxweynaha, Gudoonka, Gudiga Doorashada, xildhibaanada KG iyo Dhamaan daneeya-yaasha Doorahada KG waxaan usoo jeedineynaa in dib loo dhigo Doorashada ilaa iyo inta laga helaayo jawi Xasiloon oo suurta gelin kara doorasho Xur iyo xalaal ah. Ciidanka AMISOM: waxaa wax laga xumaado ah in ciidanka AMISOM ee Ethiopia ay kudhex milmaan siyaasada Soomaaliya gaar ahaan tan Koonfur Galbeed, loona adeegsado faragelinta iyo dhibaatada ay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ku hayso arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed. Gaba-gabadii: waxay Senatarada ugu baaqayaan shacabka Koonfur Galbeed in ay is dejiyaan, ilaashadaana midnimadooda, iyo xasiloonidooda iskana ilaaliyaan in iyaga loo adeegsado burburinta Maamulkooda. Mahadsanidiin Wabillahi Towfiiq Dhamaad:
  23. Mas’uul ma jiro, iyo muwaaddin kale toona, ka sarreeya sharciga dalka. Waddanka adduunka ugu muruqa weyn jeebkiisuna ugu gun dheer yahay waxaa hadda ka socda baaritaan laga doonayo in uu ka jawaabo in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay si sharci darro ah ku heleen kursiga iyo in kale. Qareenkii Madaxweynahana xabsiga ayaa loo taxaabay. Markaa ma qabo, marnabana kuma talinayo in Madaxweyne ama mas’uul kale uu isku dayo in uu ka sare maro sharciga dalka u yaalla. Aniga oo afeeftaas hor marsaday ayaan jecelahay in ra’yi shakhsi ah aan ka dhiibto mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaheenna. Waxaan inta badan maqlaa Siyaasiyiin xukuumad kasta oo ay ka maqan yihiin, muddada ay ka maqan yihiin, si ba’an u mucaarada sidii oo ay tahay middii ugu xumeyd ee abid na soo marta, haddii aan la ridinna uu dalku dib u noqon doono. Waxaa kuwaas u jawaaba qaar xukuumad kasta oo ay ka tirsan yihiin, muddada ay ku jiraan, afka ugu ekeysiiya middii la sugayay ee dalka ka saari lahayd dhibka. Labada dhinacba waxaan ku arkaa mas’uuliyiin aan qaarkood uga haya sababo ku xeeran oo ka yeersiinaya waxa ay ku hadlayaan. Uma gelayo waxa ku qoran mooshinka oo ma baarin, cid kale oo aan ku qanco oo baartayna ma arko. Sidoo kale uma gelayo sharciyadda ama la’aanteed uu ku saleysan yahay mooshinku. Uma gelayo qiimeynta waxqabadka Dowladda oo aan dhaliil la’ayn laakiin tallaaboyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsatay. Umana gelayo in hanjabaadda la meelmar karo iyo in kale. Waxaan rabaa hal dhinac oo yara xasaasi iigu muuqda in aan iftiimiyo si talada loogu darsado. Xilalka siyaasadda ee dalka marka laga reebo Aqalka Sare, waxaa lagu qeybsaday hab qabiil ayada oo Soomaalida loo kala saarayo shan qabiil. Shanta qabiil midkiis aad ayaa loo duudsiyay oo xataa lama qeyb aha afarta kale. Taas waxaa lagu saleyay mala’awaal ah in ay inta kale mid mid uga tiro yar yihiin. Caddaalad darrada koowaad uguna weyni, malahayga, waa middaas. Dhanka kale afarta qabiil waxaa jira xeer aan u qorneyn ase ay ku dhaqmaan. Inkasta oo aan hibo iyo xataa qabiil la isu siin, laga soo billaabo maalintii aan xornimada qaadannay, laba qabiil oo keliya ayaa Madaxweyne ka noqday dalka. Marka ay doorasho joogto iyo xataa halkii mar ee ay afgembi militeri ahayd waxaa shabaqa u dhigtay siyaasiyiin labadaa reer ah. Tan militerigu inkasta oo ay hal mar ahayd, haddana waa ay daba dheeraatay oo waa middii ugu wakhtiga dheereyd. Labadaas qabiil oo siman ayaad haddana mooddaa in ay sii kala mudan yihiin. Labada qabiil midkood, Madaxweyne kasta oo la doortay waxaa uu fursad u helay in marka uu xilligiisu dhammaado sidii ballanku ahaa uu kursiga dib ugu tartamo, marka uu waayana uu xilka si nabad ah ku wareejiyo. Madaxweynayaasha ka soo baxay qabiilka kale, midkoodna weligii fursad looma siin in uu xilligiisa dhammaysto, oo uu doorasho galo, xilkana nabad ku wareejiyo maaddaama aan Soomaaliya weli mas’uul Madaxweyne soo noqday aan mar labaad la dooran. Waxa keliya oo taa weydaaran waa Madaxweynihii Militeriga ahaa oo wakhtigiisu aad u dheeraaday aakhirkiina dagaallo jabhadeed oo lagu hoobtay iyo kacdoon shacab oo is kaashaday ay meesha ka saareen. Maanta oo Madaxweynaha xilka haya muddadii loo doortay aanay kala bar gaarin ilama qummana isku dayga ah in Madaxweynaha maanta lagu daro liiska Madaxweynayaasha aan rabitaankooda uga tegin xafiiska. Dooddeydu ma ahan in ay dhan walba ka eegtay dacwadda oo ay soo gunaanadday, ama ay tahay fikirka keliya ee laga qabi karo. Ma aha wax qurxoon oo dood lagu saleeyo, laakiin xaqiiqada aan qorneyn ee siyaasadda Soomaaliya ee 2018 ayaa sidan qoreysa. Waanan ogahaya aragti dooddeyda lid ku ah in la keeni karo, oo sannadkan nuskiisii hore nin aan arrinkaan ka sheekeysannay wuxuu igu yiri, ‘kala daa waa Madaxweyne iyo waa loo turayaa’. Laakiin muhiim ayay iila muuqataa in taariikhdan lagu darsado sawirka guud. Xagga sharciyaddana marka hore ayaan ka afeeftay sababta oo ah ma haysto awood aan uga daba tago eedeymaha duulaya ee weerarka iyo rogaal celiska ah guntoodu waxa ay tahay. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Dadka Soomaalida waxaa lagu yaqaan in ay ku farxaaan marka ay maqlaan in beelo dagaalamay la dhex dhigo Heshiis iyo afgarad. Marka ay sidoo kale maqlaan dagaal ka qarxay qabiilada dhexdooda, waxaa hadal hays u ah “Ilaahow Kala Qabooji.” Arrintaa caksigeed waxaa la soo shir tegay nin Soomaalidu ay ku baratay in afka la gaaro Dir iyo daaroodba, taasoo ay Soomaalidu ka hal qabsato marka ay rabaan inay muujiyaan arrin dabooshay dad iyo degaano badan oo Soomaalida degto. Ninkaasi Waa Faysal cali waraabe oo magaalda Hargaysa magacyo badan looga yaqaan. Magacii ugu danbeeyana ahaa Faysal 4%, ka dib markii doorashadii kal hore oo ahayd tiisii afaraad u helay boqoliiba afar, ayaa ka soo dhex muuqday Tv Ereyal oo u muuqday mid heshiis kula ahaa Faysal aflagaadada iyo Cayda afkiisa ka soo burqanaysay. Faysal ayaa ku eedeeyey Boqor Burhan,oo ahaa Isimkii hogaaaminayay heshiiskii la dhex dhigay beelo mudddo todobo sano ku daalamaya magaalada Taleeex, inuu wado ababul qabyaaladeed. Waxaana la yaab noqotay in werihii warka ka qaadaya aanu weydiin inuu hayo wax cadaynayaa eedda uu usoo jeeediyay Isimka. AkhristowFaysal heshiiskii Ceel-Afweyn isagoo qiiraysan ayuu si niyad ah usoo dhaweeyey oo ku amaanay cid walba oo qayb ka qaadatay. Dadka Faysal taariikhdiisa hayaa waxay isla qireen in Faysal ka muraala dilaacay in Boqor Burhan ku guulaystay in isagoo aan Maamulna kaashan uu soo afjaro colaaddii ragaadisay magaalo taariikheedka Taleex, oo muddo ka badan toddobo sano isku horfadhiyeen beelo Jufi hoose isku ah oo deggan magaaladaa. Faysal waxaa uu inta badan sheegaa inuu isagu mar walba u taagan yahy cadaalada iyo daryeel, laakiin sida muuqata waxa wax walba kala weyn qabyaaladda iyo in la yiraahdaa Faysal baa sidaa yiri. Marar badan waxaa uu si aan dhaqanka qofka Muislimka ku haboonayn u caayaay madax, culimo, madax dhaqameed, dumar iyo dad sharaf leh oo aan luu quurin cay iyo xag xagasho. Mar haddi faysal ka maagay inuu dadka Muslimka ah afkiisa ka ilaaliyo, waxaa la gudboon saxaafadda Hargaysa in aanay cod baahiye u noqon ninka noocaas ah. Waxaa saxaafadda xorta laga rabaaa in ay ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqda suuban ee laga filayo warbaahintooda. Haddii kale wax ay la qaybsanayaan waxii danbi ah ee ka dhasha warka ay fidinayaan. Ugu danbayntii waxaan raali gelin u diraynaa Boqor Burhaan oo aan geyin in been abuur iyo cay lagula duldhaco. Waxaan leenahay isaga iyo Isimadii kale ee hawsha la qabtay Jazakumullahu Khayran. Kuna Sabra in Cibaadooyinka la amaanay ay xaga sare kaga jirto heshiisiinta dad Muslim ah oo dagaalamay. Soomaali meel ay joogtaba waxaan leenahay Tolow Colka Jooja! Qore: Yuusuf A. Geele Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  25. “I believe the future of Africa is female” Nobel Peace Prize co-laureate Leymah Gbowee tells conference Abidjan, Cote d’Ivoire, 12th December, 2018 – “Don’t buy into the myth that African women are weak. If you sit and engage them and let them be part of the process, we will have sustainable peace,” 2011 Nobel Peace Prize co-laureate, Leymah Gbowee told attendees at the Kofi Annan Eminent Speakers’ Lecture on Tuesday, convened by the African Development Institute in Abidjan. Speaking at the African Development Bank Group headquarters, on the theme “Grassroots Women Activists: The Underrated Power,” Gbowee made a strong and passionate speech urging women and young girls not to “undervalue themselves.” “In Africa there is this myth that women are just doing simple grassroots work. What you fail to realize is that this is powerful work that is keeping the fabric of communities together. “There is no sustainable development in the absence of peace. Africa must ensure that conflict and post conflict interventions are part of development,” Gbowee said. The Nobel co-laureate recounted how her journey towards women activism started with a group of likeminded women, US$10 dollars, commitment, and tenacity. Her initiative led to the launch the Women of Liberia Mass Action for Peace. “The impact of conflict on women is the reflection of the interaction during peace time,” Gbowee said, insisting on the need for greater involvement of women in peace building. Gbowee told the audience, “it’s high time that Africa stops looking with one eye covered. If each of you cover one eye now. You will never be able to see the full picture. This is how Africa is functioning, we focus on men, we focus on boys, we focus on every other thing but the empowerment of women”. The President of the African Development Bank, Dr. Akinwumi A Adesina, lauded her achievements. “No one understands grassroots better than Ms. Gbowee, who led the Liberian women’s peace movement and help bring a desired end to the Liberian war. After 14 years of war she helped unite and mobilize thousands of Liberian women”. Adesina highlighted the importance of gender to Africa’s economic progress and the fact that over 56% of the Bank’s projects have a gender bias that includes women and civil society. According to the Bank’s President, “we believe very strongly in the power of women, the power to be creative, the power to support young people and the power to build resilient societies. When Africa gets the issue of women right, Africa will finally get everything right”. The African Development Bank is working with a number of commercial banks in Kenya, Nigeria, Sierra Leone, and the Democratic Republic of Congo to support 200,000 women-owned businesses through financing coaching and mentoring programs. The Bank plans to raise a US$300-million guarantee fund for Affirmative Finance Action for Women in Africa (AFAWA). The initiative is expected to leverage close to US $3 billion over 10 years to empower female entrepreneurs through capacity-building development, access to funding, and policy, legal and regulatory reforms to support enterprises led by women. In her concluding remarks, Gbowee said “unleashing the power of ‘underrated’ women will ultimately help transform the continent.” The Kofi A. Annan Eminent Speakers Lecture series is a forum for policy dialogue to achieve inclusive development in Africa. Its goal is to accelerate the delivery of the Bank’s High 5 strategy and achieve the Sustainable Development Goals and African Union’s Agenda 2063, through dialogues and policy engagement. Qaran News