Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Prime Minister Abiy Ahmed met Djibouti President Ismaïl Omar Guelleh on the sidelines of the 11th African Union Extraordinary Summit in Addis Ababa. The two horn of Africa leaders discussed bilateral and regional issues. According to ENA report, the President of Djibouti praised Prime Minister Abiy Ahmed for the changes he brought both at the national level and regional level. He also welcomed regional integration of the Horn of Africa and vowed to be part of it. Following the discussions between Abiy Ahmed and Ismaïl Omar Guelleh, Ethiopian Minister of Foreign Affairs, Workneh Gebeyehu, told journalist that the two leaders discussed ways to strengthen bilateral ties and the integration of the region. Touching upon the still unresolved issues between Djibouti and Eritrea, the Ethiopian Prime Minister Abiy is said to have assured the Djibouti President that Ethiopia will continue to work for a smoother relations between the two countries. Djibouti Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf thanked the Ethiopian Prime Minister for “all he has done” to smooth relations with Eritrea. He added he believed “all other pending issues with Eritrea will be resolved with the help of Prime Minister Abiy.” Djibouti was absent in the recently concluded summit between the leaders of Ethiopia, Eritrea and Somalia in Amhara regional state of Ethiopia. Some commentators questioned the significance of Djibouti’s absence at the time, and that of another neighbor, Sudan. Over the last two decades, Ethiopia has relied on Djibouti for much of its import-export business, earning the small horn of African country millions of dollars in revenue every year and making it a key player in regional affairs. Since the peace agreement between Ethiopia and Eritrea, and the rapidly growing relations, however, it is unknown how much of that trade will remain with Djibouti. Perhaps in view of that competition, Djibouti has been diversifying its port business to include Free International port with the help of the China, which has also a military base in the country. On July 11, 2017, China officially opened a military base in Djibouti, the only base the country has outside its borders. The post Djibouti Vows to be Part of Regional Integration appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Wasiirka Warfaafintu Alle Doori Afkana Waa Yaqaan Waana Ka Agnaan. Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Somaliland kula soo galgalato Murankii khilaaf ee qayb Ciidanka Qaranka kamid ahayd ay debadda ugu baxeen. Ma’ aha shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato waxay iyadu rabto iyo masuuliyada ay ka soo bixiwayday inay awdaan oo daaha saaran taasi suurto gal maha mana aha Shaqada Warbaahinta. Arrinta Caarre, Xukuumadda ayay u taalay wax ka qabashadeedo xaq uguma laha Warbaahinta inay ku qabsato warbaad ka soo tabiseen. Masuuliyada Warbaahintu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba. Waxaa la yaab leh in Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo aan waayo’aragnimo badan u lahayn dhinaca dhaqanka iyo sida loo nool yahay Somaliland uu adeegsado hanjabaada hay’adaha Sirdoonka iyo wixii xilka laha ee shacabka Somaliland hore u soo diideen, halkii uu ka gudan laha waajibaadkiisa, halka hay’adaha ammaanka ee shaqadoodu ahayd sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen ay u dardar galin la hayeen hawlaha ay Qaranka u hayaan, halkay ahayd in Madaxweynuhu xilka saaran guto oo wixii Dalka ka jira carqalado aanu dafirin ee uu damiyo kuwo adag oo horeba waynu ka soo gudubnee. Waa nasiib darro in ayku meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin xalka iyo midnimada aynu u baahanahay. Labada Telefeeshin ee STAR-TV iyo SAAB-TV waxaan soo jeedinaya inuu Wasiirku la noqdo Dacwada iyo yeedhmada looga yeedhay hay’adda Danbi baadhista oo aan sharci u soo marin, Mr. Guribarwaaqana gartiisa dib haw akhristo.. Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
  3. Former President of the Federal Republic of Somalia has on Monday started his tour to the regional administration headquarters. Hassan Sheikh Mohamud arrived in Kismayo, the interim capital of Jubbaland where he was received by state leader Ahmed Madobe and other top regional officials. Already some members of the federal assembly who share political spectrum with former President have reached the port city to organize his welcome party. A political analyst believes Hassan Sheikh Mohamud tour is linked to his political ambitions to lead the country again come 2020 Presidential elections. Sheikh Mohamud was crowned on August this year after his return into the country as the chair of a new political party named Union for Peace and Democracy that brings together main opposition political parties. The party is set to challenge President Abdullahi Farmajo government in upcoming Presidential elections in the country. The post Former Somali president arrives in Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD) Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhoweeyey madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha isbaheysiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud. Mudane Xasan Sheekh waxaa la socdo Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto. Sida uu ku warammayo weriyaha Goobjoog News ee Kismaayo, Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa hadda ku sugan guriga martida Kismaayo, oo ku yaallo koonfur galbeed ee magaalada. Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 2 maalin. Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Guriceel (Caasimadda Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka maamulka Galmudug iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Dhagaxyaale oo 50 KM u jira Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. Dagaalka ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay Saakay soo galeen, degaankaasi,islamarkaana ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug. Al-Shabaab ayaa Saacaddo kooban gacanta ku haayay degaankaasi, waxaana la sheegay in dib uga baxeen Markii ciidanka Galmudug ay soo qaadeen Weerar labo Geesood ah. Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay lama xaqiijin karo, maadaama uu wali soconaayo,laakiin wali waxaa socda Gurmadyo kala duwan oo soo kala gaaray Labadda dhinac. Ciidanka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay degaano hoos yimaada degmada Guriceel ka waday dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Guriceel Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo wafti la socda, ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland. Wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey madaxweynaha Jubaland, madaxweyne ku xigeenka, iyo dadweyne fara badan. Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Madoobe ayaa erayadii soo dhowayntiisa waxaa ka mid ahaa “ku Soo dhowow Mudane mirihii aad beertay iyo maamulkii aad dhistay, Sharaf ayey inoo tahay adigoo asaasihii (founder) maamulkaan ah inaad noo nasoo booqato annaguna aan ku soo dhoweyno” Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ee Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira. Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana maamulka jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii madaxweyne uu dalka ka ahaa Xasan Sheekh. Sida aan xogta ku heleyno safarka Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololihiisa dib u doorasho, waxaana uu raadinayaa taageerada madax maamul goboleedyada, oo qaarkood kaalin ku lahaan doona soo xulista xildhibaanada cusub, haddii ay xukunka sii hayaan. Xassan Sheekh iyo dhammaan xubnaha mucaardka ah waxa ay wal wal ka qabaan saameynta xoogeysaneysa ee ay Nabad iyo Nolol ku yeelaneyso maamulada taas oo caqabad ku ah hankooda siyaasadeed. Haddii madax maamul goboleedyada badankood la beddelo, oo ay yimaadaan kuwa raacsan dowladda, sida HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxay taas saameyn kartaa doorashada 2021, waayo waxaa xildhibaanada soo baxaya ay noqon karaan kuwa raacsan dowladda hadda. Haddii ay taas ay dhacdo, waxaad aad u yaraaneysa rajada uu Xasan Sheekh dib ugu soo laaban karo hogaanka dalka, waana taas sababta uu safaradan ugu bixinayo maamul goboleedyada, si uu uga hortago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Wararka Somaliland Today:(Burco) Maamulka Gobolka Togdheer Oo Fashilmay + Xaaladii Ugu Danbaysay Ee Soodhawaynta Madxwayne Biixi Iyo Bulshada Oo Lasoo Baxday Astaanta Xisbiga Wadani . Source
  8. Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Somaliland kula soo galgalato Murankii khilaaf ee qayb Ciidanka Qaranka kamid ahayd ay debadda ugu baxeen. Ma’ aha shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato waxay iyadu rabto iyo masuuliyada ay ka soo bixiwayday inay awdaan oo daaha saaran taasi suurto gal maha mana aha Shaqada Warbaahinta. Arrinta Caarre, Xukuumadda ayay u taalay wax ka qabashadeedu xaq uguma laha Warbaahinta inay ku qabsato warbaad ka soo tabiseen. Masuuliyada Warbaahintu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba. Waxaa la yaab leh in Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo aan waayo’aragnimo badan u lahayn dhinaca dhaqanka iyo sida loo nool yahay Somaliland uu adeegsado hanjabaada hay’adaha Sirdoonka iyo wixii xilka laha ee shacabka Somaliland hore u soo diideen, halkii uu ka gudan laha waajibaadkiisa, halka hay’adaha ammaanka ee shaqadoodu ahayd sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen ay u dardar galin la hayeen hawlaha ay Qaranka u hayaan, halkay ahayd in Madaxweynuhu xilka saaran guto oo wixii Dalka ka jira carqalado aanu dafirin ee uu damiyo kuwo adag oo horeba waynu ka soo gudubnee. Waa nasiib darro in ayku meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin xalka iyo midnimada aynu u baahanahay. Labada Telefeeshin ee STAR-TV iyo SAAB-TV waxaan soo jeedinaya inuu Wasiirku la noqdo Dacwada iyo yeedhmada looga yeedhay hay’adda Danbi baadhista oo aan sharci u soo marin, Mr. Guribarwaaqana gartiisa dib haw akhristo.. Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
  9. Burco-[Puntland Post] Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal ku maraya gobolada Bari ee Somaliland, waxaana xalay uu ku hoyday magalada Berbera, iyada oo lagu wado in uu tago magalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shacabka magaalada Burco ayaa waxa ay sheegeen inaysan u diyaar garoobin soo dhaweynta Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana aysan diyaar u aheyn inay soo dhaweeyaan. Qaar kamid ah dadka Burco oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi ay ku dhaliilayaan in uu howlo kale kaga mashquulay, isla markaana howlo badan ay u baahnaayeen shacabka gobolka Togdheer uu diiday. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Shacabka Burco oo ka horyimid socdaalka Muuse Biixi Cabdi appeared first on Puntland Post.
  10. Magaaladda Jig-jiga ee Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si habsami leh uga socda shir balaaran oo ay isugu yimaadeen beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan ku dagaalamay deegaanka Dhumay ee Gobalka Sool oo ay isaga dhinteen in ku dhow boqol qof oo isugu jira rayid iyo maleyshiyaadkii dagaalamay. Shirka Jig-jiga ayaa yimi kadib markii deegaanadii lagu dagaalamay ee Dhumay gaareen wafti balaaran oo ku dhow 30-qof oo isugu jira cuqaal, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Indheergarad kale oo uu hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo kamida isimada soojireenka ah ee Soomaaliyeed kadibna ay kusoo biireen indheer garad kale oo ka yimi deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminaayey Garaad Maxamed Garaad Kulmiye Garaad Dool. Waftigii balaarnaa ee uu Islaanku hogaaminaayey markii ay gaareen deegaanka Dhumay waxay durbadiiba bilaabeen inay u kala dab qaadaan beelaha walaalaha ee ay collaadu dhex martay si loo baajiyo dhiig mar kale daata, iyada oo ay markii danbe arintan la xoojiyeen wax-garadkii ka yimi magaalada Jig-jiga ugu danbayntiina waxaa la isla gaaray in la sameeyo xabad joojin lana baajiyo inuu mar kale dagaal qarxo, waxaana gogashii shirkaas loo raray xarunta deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jig-iga maadaama halkaas loo arkay goob ka madax banaanaan karta faragelin iyo dano siyaasadeed oo kaga yimaada dhinacyo kale, waxaana fududaynta hawlahan iyo gogoshaba fidiyey Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo isaguna door taariikhda galay ka qaatay nabadaynta iyo caawinta beelihii ku dagaalamay degaanka Dhumay. Dadka Soomaaliyeed ayaa taariikh u leh inay isu gurmadaan, is caawiyaan, is-dhex galaan xiliyadda adag ee collaadaha Beelaha, collaada Dhumay ayaa noqotay wax damqisay qof kasta oo Soomaaliyeed oo uu ku jiro damiir Soomaalinimo, waxay umadda Soomaaliyeed aaminsan yihiin in la joogo xiligii laga gudbi lahaa colladan nasiib darada ah uuna beelaha walaalaha dhex mari lahaa heshiis iyo is-cafin walaalnimo. Runtii amaan iyo sharaf ayey mudan yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Maxamed Garaad Kulmiye iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ah sadexda shaqsi ee udub dhexaadka u ah daminta colladan, waana mid ay taariikhdu xusi doonto. Waxayna guteen arin waajib ku ahayd. PUNTLAND POST The post Islaan Ciise, Garaad Maxamed iyo Madaxweyne Cagjar taariikhdaa xusi doonta doorkooda daminta collaada Dhumay appeared first on Puntland Post.
  11. Al Shabaab still remains a real security threat to Kenyan and East African security agencies, according to the latest report by the UN Monitoring Group. It warns of pitfalls that cloud concerned states’ commitment to rid not only Somalia but also its neighbors of threats by the group. Al Shabaab remains a threat to the peace, security, and stability of Somalia and its effect is felt across the hinterland’s borders, calling for the need for extra vigilance. The report sent to the UN Security Council casts a pale shadow on the way forward in dealing with the militants. The report sent to the UN Security Council casts a pale shadow on the way forward in dealing with the militants. It cites a worrying presence of the Islamic State in Iraq and the Levant (ISIL) faction in Somalia. The Monitoring Group says the conflict between Somaliland and Puntland, misappropriation of financial resources, and maritime piracy remains a major hurdle. The experts also cite loopholes in the handling of arms seized from Al Shabaab as well as those donated by supporting missions like Amisom and the US. The team also said its investigations exposed cases of violations of international humanitarian law, including obstruction of humanitarian assistance on the side of al Shabaab. The Monitoring Group led by James Smith also warns of violations of the ban on charcoal trade, being the main source of al Shabaab funding. Other members of the group include Mohamed Babiker (Humanitarian), Jay Bahadur (Armed groups), Charles Carter (Natural resources), Nazanine Moshiri (Arms), Brian O’Sullivan (Maritime/Armed groups) and Richard Zabot (Arms). They reveal in the November 7 report that Al Shabaab is moving loads of charcoal to Oman. “The charcoal is transported by road from the interior of Middle Juba and Lower Juba to the stockpiles and ports at Buur Gaabo and Kismayo. While en route, as with other commodities charcoal is subject to checkpoint taxation by al Shabaab,” the report says in part. The Monitoring Group had estimated the rate of taxation at Sh257 per bag, generating Al Shabaab over Sh1 billion from four million bags of charcoal per year. The report adds that the stockpiles located in Kismayu and Buur Gaabo may continue to be the source of illicit charcoal exports. More worrying in the findings is that several rounds of ammunition seized from al Shabaab had markings of the Federal Government of Somalia. Despite being denied the chance to take photos of seized weapons, Smiths team says it obtained information that most of the military equipment seized by Amisom and other forces fighting al Shabaab, originated from Yemen. An (FFV) 651 projectile for Carl Gustav recoilless rifles, which was manufactured in India and supplied to Kenya in June 2008, was also found. “Tracing requests to member states that manufactured various other seized items, however, failed to result into conclusive information,” Smith’s team says. “Puntland remains the primary entry point for illicit arms into Somalia, principally originating in Yemen.” On their dealings, it says financial records show that Laboballe, Dhofaye, and Barre transferred more than Sh16.5 million to Yemen-based arms dealers between September 2017 and March 2018. “Despite an escalation of airstrikes targeting the militants and leaders since June 2017, there has been no significant degradation of the group’s capability to carry out asymmetric attacks in Somalia,” the UN team says, pointing to the long road ahead for security agencies to wipe out the militants. Since September 2017, Al Shabaab has killed at least 700 people in eight major IED attacks. Worse still, the study revealed that the group remains capable of carrying out attacks against both Somali and Amisom forces. The team also cites that the terror group’s improvised explosive devices are advancing by the day. It cites a vehicle-borne IED which went off in Mogadishu in October 2017, killing 582 people. A similar one was intercepted by Kenya Police while en route to Nairobi. The police on a routine patrol in Merti, Isiolo county, arrested two Al-Shabaab operatives, Abdimajit Hasan Adan and Mohammed Nanne Osman. They were traveling with a vehicle-borne IED for an attack in Nairobi. They were also found with several assorted weapons. “Had the operation succeeded, it would have been the most significant Al-Shabaab attack outside Somalia since the Garissa University College massacre of April 2015,” the UN report says. It says that an analysis determined that at least four of the five rifles had been imported by the Federal Government of Somalia in 2013. “This is the first known instance of weapons imported by the Federal Government being used for an attack outside Somalia,” the team says. The UN team says the primary material for the manufacture of IEDs remains 2,4,6-trinitrotoluene (TNT), which is harvested from explosive remnants of ammunitions retrieved after an attack on AMISOM bases. Supporting this is a group manufacturing home-made explosives with improvised detonators, the UN report reveals. The FBI and the Terrorist Explosive Device Analytical Center is said to be probing this. But the Monitoring Group says laboratory analyses show that the group combines TNT and other military grade explosives with chemicals like potassium nitrate and potassium chlorate. It adds that lifting of the arms embargo against Somalia is to blame for the high inflow of weapons. The plot, the UN report reveals, was orchestrated from within Somalia by an Amniyat operative known only as “Dere”, who organized hawala money transfers of about Sh3 million to Abdimajit Adan. The investigators further reveal that bribery exposes the nexus between corruption and insecurity. “Police statements from the arrested al Shabaab operatives show that they were able to pass with little interference back and forth across the porous Kenya-Somalia border, facilitated by bribes to various security forces officials on both sides.” It is for this reason that several members of the February attack plot escaped arrest and are feared to be hiding in Kenya, probably planning another attack. The UN team advises that member states should choke al Shabaab’s revenue streams, primarily taxation on vehicles and goods, business and agricultural produce, and forced alms. The illicit trade in charcoal from Somalia continues to be dominated by criminal networks linking Kismayo in Somalia and Dubai. The post Al Shabaab still a threat to Kenya, new UN report says appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Waxa a hubaaala somaliland madaxtooyada dadka jooga hadey tahey madaxweyne, iyo shaqalaaba iney ku tashadaan, sidii beelo somaliland ah ay iskaga eegi lahaayeen. Guudan ahaan waad la soctaan dalka somaliland inuu galley marxaladu aad xun, dowlada hada jooga iyo hayadaheeduba ay yihiin kuwa ugu liita ee na soo marey intey somaliland jirtey, si kastaba ha ahaatee, waxaan halkan caawa ka cadeenayaa inuu dalku galley marxalado dhaqaale oo aad u liita, iyo qabyaaladii oo cirka isku shareertey. Mogtiihiin in 360 tukaan aay xidhan yihiin isla markaana u xidhmeeen , markii ay wax ay iibiyaan waayeen , saboobtoo ah, dadkii waxaa gacanta u gashey hufti ay ka midhey carab iyo dad carab kunoola oo aan dan muraad ka laheen dalkooda. Waad la soctaan siyaasda dibadu meeshey mareeyso, in shirar aay wadaan dalalka jaarka sida ethopia iyo elitrea, iyo somalia aay wadaad shirar lagu mideenaayo sedexda dal, shirarkaasna aay masuul ka tahey dalka ethopia, oo aay wadaan in dalkaasba la midooyo, waxaas oodhan baa ka jira siayasada east afrika. Waxaas aan soo sheegey madaxtooayada somaliland maha mid ay muuqdaan, waayo halkii aay siyaasadaas iyo mideenta somaliland ku dadaali lahaayeen ayaay ku fikiriyaan siidiii aay iskaga eegi lahaayeen beelo ka midda dalka somaliland. MUUSE biixi iyo inta la talisa wali iyagoo bariga somaliland tagaya oo week joogaya ma aragteen, isla markaasna dhageey sanaaya dhamaan beelahaas ka cabanaya, taasi waa waa maya, waayo waxaa ku jira muse bixxi, waa xin iyo xaasnimo uu ku dhashey, iyo jaahinimo, waayo hadii uu dacad yahey , dadkaas ka cabaya ayuu dhagsan lahaa. ilaaahey waxuu yidhi ; sedex qyiamaha lama hadlo. 1 nin leadera ama madaxweynaa oo dadkisii been u sheegey. 2 iyo ama qaf oo weyn sineestey. Anigu garan maayo, musue biixi sidii u fikarayo, walahi waxaan uu wadaa waa qabyaaladii oo qawan, madaxtooayadii reerkisiii u geyeey , waa si aan loogu qabsan ama aan loo ogaan waxii ka socda iyo waxiii soogalayaba habeen iyo maalinba. ilaahey baa mahad leh waxaa qorey fuaad maxamed qawdhan arimaha bulshada london mr_qawdhan@hotmail.co.uk facebook fuaad qawdhan Source
  13. (SLT-Hargaysa) Goobaha waxbarasho ee Dawladda ayaa gabi ahaanba qarka u saaran inay meesha ka baxaan, kadib markii Dadwaynihii u qaybsameen qaar ka wareegay oo caruurtoodi gaystay Iskuulada Gaarka loo leeyahay iyo kuwo ay ku dul xidhmeen. Badi Iskuulada Gobolada Dalka ee Dawliga aha ayaa ku sugan xaalad aan la eegan karin oo aanay hore u gaadhin intii Somaliland soo kaca kufaysay. Arrintan naxdin leh ayaa ku soo beegmaysa xilli Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo sannad u dhammaday ay sheegatay inay macalimiin cusub shaqalaysiyeen bugaagna siiyeen ardayda Iskuulada dhexe, sheegashadaas oo runta ka fog marka Loo eego xaqiiqada ay Sawiradani xanbaarsan yihiin. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  14. Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa soo gaadhey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo fulinaya heshiiska u dhaxeeya Somaliland iyo Beesha Cismaan Maxamuud,sooyaalka heshiiska beeshaan iyo Xukuumadda Somaliland ayaa soo bilaamay 2002-dii ka dib markey Somaliland saldhig siisay jahmadii uu hogaaminayay Jeneral Cadde Muuse Boqor. Jamhadaas ayaa xilligaas sida la xasuusto saldhiga ugu wayn madaxda Somaliland waxay ka siisay degmadda Ceel Afweyn ee Gobolka Sool,waxaana dhexmaray heshiis laga xusi karo labo qodob oo rukni u ahaa heshiiskaas. In Somaliland ku taageerto tartanka doorashada Madaxtinimada Puntland Alle ha u naxariistee Jeneral Cadde Muuse Boqor . In haddii uu ku guulaysto xilkaas Madaxweynaha uu Somaliland u gacan galiyo Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo xarun u ah Gobolkaas. 08 January 2005-tii waxaa xilka Madaxweynaha Puntland ku guulaystey Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde) wuxuuna si mug iyo miisaan leh ugu hawlgalay heshiiskii uu la gaadhey Somaliland,wuxuuna si dhaw u bilaamay hirgalinta hindisahaas islamarkaana sababtey 15 October 2007-dii uu maamulka Somaliland si fudud ku hantiyo magaalada Laascaanood oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu waaweyn oo uu ka talinayay maamulka Puntland. Intaas ka dib waxaa sii xoogeystay is aaminaada iyo kalsoonida u dhaxaysa maamulka Somaliland iyo Saldanada Boqortooyadda fadhigeedu yahay magaalada Qardho. Qabashada magaalada Laascaanood waxay uga dhignayd maamulkeena Somaliland talaabo weyn oo horey loo qaadey kana mid ahayd ahdaaftii loo asaasay Somaliland madaama loo sii dhawaadey xadka aynu la leenahay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Boqor wuxuu intaas ka dib u xilsaarey adkeynta iyo sii amba qaadida heshiiskaas Boqor Burhaan Boqor Muuse kaasoo iminka u wada heshiiskii waagaas si maamuus iyo milga-ba leh islamarkaana mudan tahay in Shacabkeena Somaliland xusuusnaadaan ayna abaal ugu hayaan. Arrimaha cadeynaya hirgalinta heshiiskan waxaa ka mid ah qabsashadii deegaanka Tukaraq ee ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxay aloostey xiisad dagaal iyo guux dadweyne oo ay qeyb weyn ka ahaayeen madax dhaqmeed-yadda kale ee kasoo jeeda Puntland oo isu taagey inay ku cadaadiyaan maamulka iminka ka jira Puntland iyo shacabkooda sidii Somaliland looga saari lahaa guud ahaan Gobolka Sool,waxaa taas bedelkeeda si toosa iyo si dadban uga horyimid Boqor Burhaan Boqor Muuse. Bartamihii sanadkaan 2018 degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari waxaa lagu qabtey caleemo saar kulmiyay badi Issimadda iyo madax dhaqmeedka bulshada af-soomaaliga ku hadasha,waxaana halkaas laga soo jeediyay hadalo kicin ah oo ay soo jeediyeen dhaqmeed maamulka Puntland ka tirsan iyo Issimo u dhashay Gobolka Sool oo kasoo horjeeda dowladnimada Somaliland kuwaas oo dhamaantood ugu baaqayay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas inuu qaado duulaan ku wajahan Somaliland,waxaa aad uga carooday oo ka horyimid hadalka goobtaas laga soo jeediyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo yiri “ Cabdiweliyoow waxaan kusoo jeedinayaa haraati ha nooga tegin,waqti yar ayaa ku haraye, dagaal-na looma baahna”. Hadalka Boqorka ayaa micnihiisu ahaa inaan weerar lagu soo qaadin Gobolka Sool, wuxuuna ka abuurey isla goobtaas sawaxan iyo buuq soo wajahay madashaas. Ugu dambeyn hawlaha ugu muhiimsan oo uu maalin ka hor u yimid magaalada Laascaanood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxay la xidhiidhaa sidii uu heshiis miro dhal ah u dhex dhigi lahaa saraakiil ka goostey ciimada qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Jeneral Caare iyo Xukuumada Somaliland,waxaana si weyn Boqor Burhaan Laascaanood ugu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Kaahin. Source
  15. Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal uu haatan ka socdo deegaanka Dhagaxyaale Oo 50.Km u Jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaalkaasi ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay deegaankaasi soo gaareen. Ciidamada Galmudug ayaa dagaal kala hortagay ciidamada Al-shabaab ee halkaasi gaaray. Illa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu geeystay . Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dagaal ka socdo duleedka Guriceel appeared first on Puntland Post.
  16. Wasaaradda Shaqada &Shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland,ayaa shaacisay, in talaada berri ah oo ku beegan 20 bishan November 2018, ay fasax yihiin dhammaan shaqaalaha dowladda Puntland,maadaama la xusayo dhalashadii Nebi Muxamed(NNKH) oo loo yaqaanno “Mowliidka”. Warqad ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada &shaqaalaha,dhalinyarada iyo ciyaaraha,Axmed Cabdalle Tigaana, oo tixraacaysa xeerka shaqalaha Puntland ee ku saabsan fasaxyada Ciidaha iyo maalmaha Qaranka(26 June&1July), ayaa lagu wargeliyay dhammaan shaqaalaha dowladda, in ay fasax yihiin talaadada berri ah ee la xusayo Mowliidka. Sidoo kale warqadda ayaa looga codsaday, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah, in ay tix-geliyaan xuska dhalashada Nebiga(NNKH) oo ay fasaxan shaqaalahooda,si ay uga qeyb-qaatan xuska. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Shaqaalaha dowladda oo loo fasaxay xuska Mowliidka appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Isbadalka badan ee lagu sameeyo saraakiisha ciidamada iyo laamaha amaanka dowladda ayaa la sheegaa inuu xiriir la leeyahay xaaladaha amaanka ee magaalada Muqdisho. Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa isbadal badan ku sameysay saraakiisha ciidamada iyo wasaaradda gaashaandhiga, waxaana taasi ay khubarada dhanka amaanka ku sheegeen inay dhibaato ku tahay amaanka Muqdisho. Korneyl Cabdi Aadan Barre, oo ah khabiir dhanka amaanka aha ayaa sheegay in isbadalka badan ee saraakiisha ciidamada iyo isla xisaabtan la’aanta hay’adaha amaanka ay qeyb ka tahay amaan xumada Muqdisho. Wuxuu sheegay inay adkaaneyso, marka isbadalka isdaba-joog uu noqdo inay isfahmaan ciidamada amaanka iyo saraakiisha ciidanka ee ku cusub xilalka loo dhiibay, taasina ay keeni karto inaysan si wanaagsan u wada shaqeyn. “Inkastoo aysan wanaagsaneyn isbadalka, haddana waxaan dareemayaa ciidamada degmooyinka ka shaqeeya iyo kuwa guud ahaan amaanka ka shaqeeya haddi aysan isfaham saneyn oo aan lala xisaabtameyn waa dhibaato kale, sidoo kale isbadalka badan ee saraakiisha ayaa qeyb ka ah amaan darida Muqdisho”ayuu yiri Korneyl Barre. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan la isku haleyn karin, waxaana ka dhaca toogashada ay sameeyaan kooxaha Daacish iyo Al Shabaab oo dhexdooda is khilaafsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka cusub ee wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay aqoontiisa xilka cusub ee loo magacaabay, waxaanu uu sheegay in cashuurtu saldhig u tahay dawladnimada Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay in qaab qabyaaladeed loo magacaabay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Qaban qaabo iyo diyaar garow loogu jiro soo dhaweynta Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Ujeedka socdaalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay ballaarin ku aadan xisbi uu dhawaan uga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulan gaar ah uu la qaadan doono Madaxda sare ee Jubbaland, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Madoobe. Safarka Xasan Sh. Maxamuud uu ku tagayo Jubbaland ayaa ku soo aadayo, xilli weli u taagan yahay khilaaf u dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee dalka. The post Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Oo ku wajahan Kismaayo appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Laascaanood)-Magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxaa soo gaadhey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo fulinaya heshiiska u dhaxeeya Somaliland iyo Beesha Cismaan Maxamuud,sooyaalka heshiiska beeshaan iyo Xukuumadda Somaliland ayaa soo bilaamay 2002-dii ka dib markey Somaliland saldhig siisay jahmadii uu hogaaminayay Jeneral Cadde Muuse Boqor. Jamhadaas ayaa xilligaas sida la xasuusto saldhiga ugu wayn madaxda Somaliland waxay ka siisay degmadda Ceel Afweyn ee Gobolka Sool,waxaana dhexmaray heshiis laga xusi karo labo qodob oo rukni u ahaa heshiiskaas. In Somaliland ku taageerto tartanka doorashada Madaxtinimada Puntland Alle ha u naxariistee Jeneral Cadde Muuse Boqor . In haddii uu ku guulaysto xilkaas Madaxweynaha uu Somaliland u gacan galiyo Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood oo xarun u ah Gobolkaas. 08 January 2005-tii waxaa xilka Madaxweynaha Puntland ku guulaystey Jeneral Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde) wuxuuna si mug iyo miisaan leh ugu hawlgalay heshiiskii uu la gaadhey Somaliland,wuxuuna si dhaw u bilaamay hirgalinta hindisahaas islamarkaana sababtey 15 October 2007-dii uu maamulka Somaliland si fudud ku hantiyo magaalada Laascaanood oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu waaweyn oo uu ka talinayay maamulka Puntland. Intaas ka dib waxaa sii xoogeystay is aaminaada iyo kalsoonida u dhaxaysa maamulka Somaliland iyo Saldanada Boqortooyadda fadhigeedu yahay magaalada Qardho. Qabashada magaalada Laascaanood waxay uga dhignayd maamulkeena Somaliland talaabo weyn oo horey loo qaadey kana mid ahayd ahdaaftii loo asaasay Somaliland madaama loo sii dhawaadey xadka aynu la leenahay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Boqor wuxuu intaas ka dib u xilsaarey adkeynta iyo sii amba qaadida heshiiskaas Boqor Burhaan Boqor Muuse kaasoo iminka u wada heshiiskii waagaas si maamuus iyo milga-ba leh islamarkaana mudan tahay in Shacabkeena Somaliland xusuusnaadaan ayna abaal ugu hayaan. Arrimaha cadeynaya hirgalinta heshiiskan waxaa ka mid ah qabsashadii deegaanka Tukaraq ee ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxay aloostey xiisad dagaal iyo guux dadweyne oo ay qeyb weyn ka ahaayeen madax dhaqmeed-yadda kale ee kasoo jeeda Puntland oo isu taagey inay ku cadaadiyaan maamulka iminka ka jira Puntland iyo shacabkooda sidii Somaliland looga saari lahaa guud ahaan Gobolka Sool,waxaa taas bedelkeeda si toosa iyo si dadban uga horyimid Boqor Burhaan Boqor Muuse. Bartamihii sanadkaan 2018 degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari waxaa lagu qabtey caleemo saar kulmiyay badi Issimadda iyo madax dhaqmeedka bulshada af-soomaaliga ku hadasha,waxaana halkaas laga soo jeediyay hadalo kicin ah oo ay soo jeediyeen dhaqmeed maamulka Puntland ka tirsan iyo Issimo u dhashay Gobolka Sool oo kasoo horjeeda dowladnimada Somaliland kuwaas oo dhamaantood ugu baaqayay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas inuu qaado duulaan ku wajahan Somaliland,waxaa aad uga carooday oo ka horyimid hadalka goobtaas laga soo jeediyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo yiri “ Cabdiweliyoow waxaan kusoo jeedinayaa haraati ha nooga tegin,waqti yar ayaa ku haraye, dagaal-na looma baahna”. Hadalka Boqorka ayaa micnihiisu ahaa inaan weerar lagu soo qaadin Gobolka Sool, wuxuuna ka abuurey isla goobtaas sawaxan iyo buuq soo wajahay madashaas. Ugu dambeyn hawlaha ugu muhiimsan oo uu maalin ka hor u yimid magaalada Laascaanood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxay la xidhiidhaa sidii uu heshiis miro dhal ah u dhex dhigi lahaa saraakiil ka goostey ciimada qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Jeneral Caare iyo Xukuumada Somaliland,waxaana si weyn Boqor Burhaan Laascaanood ugu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Kaahin. Source
  21. Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay inuu u soo gaba-gaboobay shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay kaga qeyb galeen magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirka oo socday mudo labo cisho ah ay ku wehlinayeen Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaraada Soomaaliya ee Ethiopia,wuxuuna cadeeyay inta uu shirka socday diirada lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada. “Waxyaabaha lagaga hadlay shirka waxay ahayd guud ahaan dib u-habeynta Midowga Afrika iyo sidii Ururka Midowga Afrika u noqon lahaa mid adag oo ku filan arrimaha quseeya Afrika sida dib u habeynta dhaqaalaha,amniga,arrimaha Bulshada,deegaanka iyo isbedelka Cimilada aduunka,ganacsiga iyo isdhex-galka Afrika iyo waajibaadka saaran wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika,”ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Sidoo kale, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay inuu kullan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka socotay Midowga Afrika,kuwaasi oo ay ka wada hadleen isdhex-galka gobolka iyo iskaashiga wadamada Soomaaliya,Itoobiya iyo Eriteriya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo isdhex-galka shacuubta saddexda dalka. Shirka oo gelinkii danbe ee shalay la soo gabagabeeyay ayaa Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka wuxuu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday,islamarkaana Soomaaliya qeybtii iyo kaalintii ku lahayd Midowga Afrika,caalamka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dibada dib u soo noqotay horayna u socon doonto. The post Maxaa ka soo baxay shirkii Midowga Africa Ee Ethiopia? appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay 22 bil kadib maamulkiisa waxaa uu booqanayaa dal reer galbeed ah isaga oo u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga. Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa. “Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas. Talyaaniga waa dal gumeystay Soomaaliya, labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah. Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga. Madaxweynaha iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa. “Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas. Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah. Booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah, waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, kadib markii uu dhawaan tagay magaalada Kismaayo. Cali Geeddi, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay xaliso tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka. Cali Maxamed Geeddi, ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo kula kulmayay madaxda Jubbaland, isaga oo kala hadlayay sidii loo heshiisiin lahaa dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka. “Madaxda dowladda Federaalka, iyagaa laga rabaa wixii dhib inay xaliyaan, dowlad goboleedyada waa muhiim waa madax shacab deegaan soo doortay, dastuur u gaar ay ku doortaan oo qoraya qodobo cad cad, dalka waxaa ugu sareeya dastuurka Federaalka oo ah sharciga dalka lagu maamulayo” “Dowlad Goboleedyada Waajibaad cad ayuu dastuurka siinayaa dowladda Federaalkana Waajibaad ayaa saaran, Dowladda waxay lamid tahay Waalid, haddii caruur iyo waalid is qabtana, Waalidkaa xalka laga rabaa, waxaan rajeynayaa inay gartaan xalinta waxii khilaafaad oo dalka ka jiro”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaliso khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, si loo gaaro horumar wanaagsan oo isku meel u wada socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu rasaaseeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Koox hubeysan ayaa la sheegay in weerar jidgal ah ay ku qaadeen Gaarigaasi, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan. Ugu yaraan illaa 2 Qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, sida uu Shabelle u xaqiijiyay, Dr Amiin Samakaal oo ka howlgala isbitaal ku yaalla gudaha deegaankaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxa ay ahaayeen dableyda rasaaseeyay Gaarigaasi, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Muddooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay amniga Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah ammaanka Waddadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Soofa-1.mp3 The post Gaari Rakaab ah Oo lagu rasaaseeyay Ceelasha Biyaha appeared first on Shabelle. View the full article